Somali information and survey leaflet
Transcription
Somali information and survey leaflet
FREEPOST NHS Liverpool CCG DIB-U-EEGISTA ADEEGYADA WAXAA SAMEEYEY ISBITAALKA HAWEENKA EE LIVERPOOL Wax badan ogow oo fikradahaaga dadka la wadaag 29 Juun ilaa 15 Agost 2016 Kooxda Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka Qaranka ee NHS Liverrpool (CCG), CCG-ga Koofurta Sefton,CCG-ta Southport iyo Formby, CCG-ga Knowsley iyo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool oo wada shaqeynaya. Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool Maxaa dhacaya? Adeega Caafimaadka Qaranka ee NHS ta ah waxa uu eegayaa sida adeegyada uu bixiyo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool mustaqbalka loo sii hagaajin karo. Adeegyada uu Isbitaalka Haweenka ee Liverpool bixiyo waxaa ka mid ah: Niyonatoloji (oo loogu tallogalay ilmaha dhiciska ah iyo kuwa dhashey ee liita/xanuunsan) H ooyonimada (oo loogu tallogalay haweenka uurka leh iyo hooyooyinka dhawaan ilmo dhaley) Geyniokoloji (oo loogu tallogalay haweenka ay heystaan dhibatooyin hubnaha tarankooda la xiriira) Suuxinta,qolalka qaliinka iyo Unugga kuwa daryeelka dheeriga ah u baahan (oo loogu tallogalay haweenka inta uu qaliinka u socdo iyo ka dibba) Daawada Dhalmada/Taranka (oo dadka ku caawinta in ay uur yeeshaan – daaweynta bacriminta) Jeneetikis (oo dadka ku caawinta fahamka taariikhda caafimaadka qoyskooda oo ay ku ogaanayaan raad-raaca jiiniskooda (genes)iyo sida ay tan wax u yeeli karto natiijada baaritaakooda caafimaad/ daaweyntooda). 3 Sabab? Umulisooyinka,kalkaaliyeyaasha iyo Takhaatiirta waxa ay aaminsan yihiin inay dadka heli karaan daryeel kan ka sii fiican haddii si sidan ka duwan wax loo sameyn lahaa. Tan waxaa u sabab ah in: Baahida bukaanada baa wax iska bedeleen Waxaa jira siyaabo cusub oo bukaanada loo daryeelo iyo heerar heer qaran ah oo kuwa jira ka sareeya Sida daryeelka hadda loo bixiyo ma aha mid la sii awoodi karo. Sidee baan arrinta uga qeybqaadan karaa? Inta u dhexeysa 29 Juun iyo 15 Agost 2016 baan rabnaa in aan maqalno fikradaha aad ka qabto sababaha wax loo bedelaayo,iyo waxa mudnaanta kuu leh, si ay noogu suurtogasho in aan fikradaha na soo gaara u adeegsano dejinta qorsheyaal mustaqbalka loogu tallogalay. Buug-yarahan waxaa ku qoran macluumaad arrimahan ku saabsan iyo faahfaahinta sida aad fikradahaada noola wadaagi kartid. Magacyada bukaanada waxyaabo faahfaahinta qofka lagu garto ah waa la bedeley si waxa shakhsiga u gaarka ah loogu xafido, laakiin tusaallooyinka la soo qaatey waa wax ku saabsan waayoarragnimo dhab ah oo lala kulmey. 4 Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool Maxay tahay sababta loogu baahan yahay in ay adeegyada wax iska bedelaan? Bukaanadii baa isbedeley laga bilaabo goortii isbitaalka la furey oo 20 sano ka badan aheyd: aween qaba dhibaatooyin caafimaad H oo daran oo aan awoodi jirin in ay ilmo dhalaan baa hadda ilmo dhali kara. Haweenkan waxa ay u baahan karaan daryeel dhinacyo badan inta ay uurka leeytihiin, kaas oo ay ka helaan kooxo uusan saldhigooda aheyn Isbitaalka Haweenka ee Liverpool. Waxaa dhaceysa in bukaanada la sii gudbiyo, mararka qaar ambalans lagu sii qaado. Sidan ma waafaqsana heerarka daryeelka caafimaad ee qaranka mana ah wax ay haweenka waayo-arragnimo wacan kala kulmayaan. Goobta loo baahan yahay ee lagu daryeelayo ilmaha liita waxa ay u baahan tahay in la ballaariyo si loo gaaro heerarka daryeel loona dhimo halista lahaan-kaca (infekshinka) lagu qaadi karo. Tirro sii kordheysa oo aan horey noolaan karin baa hadda noolaata, waxaana jira ilmo ay tirradooda sii kordheysa oo ah u baahan daryeel takhasusaad leh. Ilmaha qaliinka u baahan waxaa hadda ambalans looga sii qaadaa Isbitaalka Haweenka ee Liverpool waxaana la geeyaa Isbitaalka Carruurta ee Alder Hey si qaliin loogu sameeyo. axaa sii badanaya haweenka ilmaha W dhalaya goor dambe oo cimrigooda ah. Inta ay haweenka sii gaboobayaanba uur qaadistooda / imo uur ku sidkooda waa ay sii adkaaneysaa, taasna waxa ay la micno ahaan kartaa in ay haweenka daryeel uga baahdaan kuwo takhasusaad leh oo ay isbitaalo kale u saldhig yihiin. Guud ahaan haweenka cimrigooda waa uu sii kordhayaa tirro tii hore ka badan oo haween ah baa u adeegyada geyniokolojiga u baahan. Tan micnaheedu waa kororsiimada baahidda adeegyada loo qabo iyo kororka bukaano baahiyo caafimaad oo daran qaba una bahan kara inay daryeel ka helaan takhaatiir takhasusaad leh oo isbitaalo kale jooga. W axaa sii kordhaya kansarada ku dhaca xubnaha taranka haweenka oo takhaatiirta waxa ay ku sameeyaan qaliino adag. Mararka qaar qaliinadan waxaa ka qeybqaata tirro takhaatiir takhasusaad leh oo isbitaalo kala duwan ka yimaada, taas oo la micno ahaan karta in haweenka ay xaaladooda daran tahay loo sii gudbiyo inta u dhexeysa Isbitaalka Haweenka ee Liverpool iyo isbitaalo kale inta ay daaweyntaa u socoto. 5 6 MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN? Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool 7 Waxaa jira siyaabo cusub oo bukaanada loo daryeelo waana in daryeelkan lagu bixiyo heerar kuwii hore ka sareeya. Waxaa jira tirro waxyaabo adag oo na horyaala oo aan sida ay hadda wax u diyaarsan yihiin lagu xalin karin. Xaalada qaar, adeegyada ma gaarsiisana heerarka qaranka ama tilmaan bixinta wax qabadka ugu wacan loogu tallo galay. Tan micnaheedu waa in aysan daryeelka ay bukaanada helaan iyo waayo-arragnimada ay la kulmaan aheyn kuwa ugu wanaagsan ee ay heli kari lahaayeen. Tirro sii kordheysa oo bukaanada ka mid ah ayaa u baajhan adeegyo ay isbitaalo kale ka helaan oo waxa ay u baahan yihiin in inta ay daaweynta u socoto loo sii gudbiyo. Sanadkii 2014/15, waxaa jirtey in ka badan 800 oo haween iyo ilmo markaa dhashey ah ambalans Isbitaalka Haweenka ee Liverpool lagu keeney ama looga sii qaadey intii la daryeelayey, oo badankooda la geeyey ama laga keeney isbitaal Royal Liverpool iyo isbitaalka Alder Hey. DHIBAATOOYINKA WAAWEYN EE AY UMULISOOYINKA, KALKAALIYEYAASHA IYO TAKHAATIIRTA IFTIIMIYEEN WAA: D aryeelka kuwa aadka u liita – Isbitaalka Haweenka ee Liverpool waxa uu leeyahay unugga daryeelka kuwa aadka u liita, oo lagu xanaaneeyo bukaanada sida daran u jiran. Si loo gaaro heerarka qaranka, unugga kuwa u baahan in daryeel joogto ah loo fidiyo ee ku yaal gudaha Isbitaalka Haweenka ee Liverpool waa in uu ku yaal meel ku xigta unugga daryeelka kuwa aadka u liita. Sababta waa in haweenyda si degdeg ah looga soo rari karo unugga kuwa u baahan in daryeel joogto ah loo fidiyo haddii ay xaaladeeda ka sii darto. Hadda, waxaa dhacda in bukaanada aadka u jiran ambalans lagu qaado oo la geeyo Isbitaal Royal Liverpool ama Isbitaalka Aintree University. H aweenka iyo ilmaha markaa dhashey ee ay xaaladooda caafimaad daran tahay - waxaa sii kordhaya haweenka iyo ilmaha markaa dhashey ee xaalado caafimaad oo daran qaba oo Isbitaalka Haweeka ee Liverpool uga baahan in uu daryeelka takhasusaad leh u fidiyo. Mararka qaar, daryeelka takhasusaadda leh lagama helo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool, taasna micnaheedu waa in haweenka iyo ilmaha malkaas dhashey ee liita ambalans lagu qaado oo isbitaalo kale la geeyo. Tusaale ahaan, ilmaha qaliinka u baahan marka ay dhashaan waxaa loo sii gudbiyaa Isbitaalka Caruurta ee Alder Hey, ka hor inta aan loo soo celinUunugga Daryeelka Kuwa Aadka U Liita ee ku yaal gudaha Isbitaalka Haweenka ee Liverpool, ama lagu daaweeyo Unugga Daryeelka Ilmaha Sida Aadka u Liita ee ku dhex yaal Isbitaalka Alder Hey – labadan wado midkoodna looma heysto inuu yahay wax qabadka ugu wanaagsan. A deegyada Dhiiga (hiimatoloji / batholoji) – Baaritaanada dhiiga waxa ay takhaatiirta ku kaalmeeyaan fahamka waxa aad qabto iyo hubsiimada in aad daryeelka saxa ah hesho. Adeegan ma aha mid isbitaalka Haweenka ee Liverpool laga heli karo 24 ka saac ee maalinta, toddobada beri ee toddobaadka. Tan micnaheedu in uu isbitaalka ku tiirsan yahay adeegyada dhiig ku shubka iyo sheybaarada laga helo Isbitaalka Royal Liverpool. Tan waxa ay dhib ka sii yeeleysaa maareynta xaaladaha degdegta ah. U nugga daryeelka ilmaha markaas dhashey oo aan boos ka baaneyn – Unugga daryeelka ilmaha markaas dhashey ee isbitaalka Haweenka ee Liverpool waxa uu daryeelaa ilama dhicisnimada ku dhashey, miisaankooduna hooseeyo ama qaba xaalad caafimaad oo daaweyn takhasusaad ah u baahan. Unugga weynin ahaan kuma filna tirrada ilmaha daryeelka uga baahan, ama kuwa ay dhici karto inay mustaqbalka daryeel uga baahdaan. Ilmaha unuggan jooga si qaas ah bay infekshinka ugu nugul yihiin, oo halista ay infekshinka ugu jiraana waa ay sii kordheysa marka uusan jirin kala fogaansho ku filan oo sariirada ilmaha iyo agagaarahooda u dhexeeya. Meelaha waalidiinta hoyga u noqda ee Isbitaalka Haweenka ee Liverpool ku yaal waa ay xadidan yihiin, taasna micnaheedu waa in aysan dhamaan waalidiinta raba in ay inmalhooda la joogaan goorta uu isbitaalka daryelayo awoodin in ay sidaas yeelaan. 8 MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN? SHEEKADA BUKAANKA: ANITA Anita waxaa Isbitaalka Haweenka ee Liverpool loogu sameeyey qaliinka Geyniokolojiga. Intii uu qaliinka u socdey bay xaaladda adkaatey waxaana loo baahdey in taageero degdeg ah laga helo takhtar ku takhasusey qaliinka mindhicirka weyn qeybtiisa futada ku dhamaata iyo futadaba ee jooga Isbitaalka Royal Liverpool. Anita waxa ay aheyd in la sii suuxiyo muddo dheer inta ay kooxda (qaliinka) ay sugayeen helitaanka takhtarka takhasusaada leh io inta uu u soo safrayey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool si uu qaliinka ugu kaalmeeyo. Ka dibna, Anita waxa ay u baahatey in loo fidiyo daryeelka kuwa aadka u liita, oo aan isna laga helin Isbitaalka Haweenka ee Liverpool. Tan micnaheedu waxa uu ahaa in Ambalans loogu sii gudbiyo Isbitaalka Royal muddo labo maalin ah ka hor inta aan loo soo celin waaxda Geyniokolojiga ee Isbitaalka Haweenka ee Liverpool. Haddii kooxaha sameynaya qaliinada sidan u adag uu saldhigoodu ahaan lahaa meel ku barbar taala meelaha ay kooxaha kale ee qaliinka joogaan, waxaa dhici laheyd in wax raagista sidan ka sii yaraan laheyd marka kuwo kale oo qaliin ku takhasusey loo baahdo. Adeegyadan oo meel lala dejiyo adeegga daryeelka kuwa sida aadka ah u liita waxa ay meesha ka saari laheyd baahidda loo qabo in bukaanada aadka u jiran ambalans lagu qaad-qaado oo meelo magaalada ku baahsan loo sii gud-gudbiyo. Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool 9 Sida hadda adeegyada loo bixiyo ma aha wax la sii awoodi karo Sababta ugu weyn ee adeegyada dib-u-eegista loogu sameynayo waa in la sii hagaajiyo daryeelka ay bukaanada helaan, laakiin iskama dhega tiri karno sida ay u darnan yihiin ayna u sii kordhayaan arrimaha maaliyadeed ee isbitaalka horyaal. Sababaha muhiimka ah ee ka dambeeya xaaladda maaliyadeed ee isbitaalka Haweenka ee Liverpool horyaal waa: owlada lacag cayiman bay isbitaalada D ku siisaa adeeg walba oo ay bixiyaan/ qabtaan. Cadadka lacagta her qaran ayaa lagu go’aamiyaa. Lacagta uu Isbitaalka Haweenks ee Liverpool ku helo adeegyada Hooyonimada kuma filna in ay daboosho kharashka bixinta adeegyada ku baxa. Sanakii 20014/15 farqigan waxa uu ahaa £5.8 milyan. Isbitaalada ka sii waaweyn ee kuwa guud ah farqiqan waxaa lagu gudaa lacago ay adeegyo kale ku helaan. Maadaama uu Isbitaalka Haweenka Liverpool yahay mid yar oo isbitaal wax ku takhasusey ah – oo ay adeegyada hooyonimada ay yihiin shaqada ugu badan ee uu qabto – ma jiro dakhli adeegyo kale ka soo gala oo uu waxa ka dhiman ku kabto. Isbitaalka Haweenka ee Liverpool waa mid ka mid ah labada isbitaal ee keligood taagan ee wadanka ku yaal. Dacwado magdhow caafimaad ahaa oo la xiriirey takhtar aan hadda isbitaalkaba ka shaqeyn ayaa sababay in uu si badan aad ugu kordho ceymiska sanadlaha ah ee uu isbitaalka ku jiro. Dhibaatooyinka maaliyadeed ma aha kuwo sii dhiirigelinaya baahida wax bedelaada loo qabo. Xitaa haddii aysan lacagta dhibaato ka taagnaan laheyn waxa ay umulisooyinka, kalkaaliyeyaasha iyo takhaatiirta weli waxa ay rabi lahaayeen inay eegaan si sidan ka duwan wax u sameynta, in ay daryeelka ka yeelaan mid sidan ka wanaagsan oo uga amaan badan haweenka iyo ilmaha. Hase ahaatee, xaaladda maaliyadeed waa in la xaliyaa si adeegyada mustaqbalka loo difaaco. 10 MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN? Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool 11 SHEEKADA BUKAANKA: LISA IYO EMILY Markii uu uurka Lisa gaarey 20 toddobaad buu iskanka muujiyey in uu ilmaha ay uurka ku sido dhibaato kala kulmayoderbniga ubucda. Ilmaha yar ee Emily ah waxa ay ku dhalatey habka dhinac-jeexa hooyada ah ka dib markii foosha dhib kala kulantay, markaas ka dib bay ayey xaaladeeda caafimaad darteed Emily ugu baahatay in qaliin isbitaalka Alder Hey loogu qaado. Lisa waqti yar oo gaaban uunbay Emily arragtey ka hor inta aan la wadin. Qaliinka Emily waa lagu guuleystey, markaa labo beri ka dib ayaa Lisa laga soo saarey isbitaalka Haweenka ee Liverpool si ilmaheeda iyo iyada loo kulansiiyo. SHEEKADA BUKAANKA: JANE Jane waxaa isbitaalka Royal Liverpool loogu sameeyey qaliin weyn oo ahaa ilmo-galeenka oo laga saaro, qaliinka mindhicirka weyn iyo saarista laba qanjir ee ukumaha ilmo dhalista haweenka soo saara. Qaliinka habkan ah oo ay wada sameeyaan takhtar qaliin guud iyo takhtar ku takhasusey qaliinka kansarka ku dhaca xubnaha hab-nidaamedka taranka haweenka. Inkasta uu daryeelka kalkaalinta ay Jane qaliinka ka dib heshay wanaagsanaa, ma aysan joogin waard ay shaqaalaha jooga lahaayeen khibrad geyniokolji ahaaneed. Qaliinka waxa uu Jane ka dhigey mid ay caadada haweenka ka joogsato, laakiin shaqaalaha isbitaalka ma aysan awoodin in ay siiyaan la tallinta ama taageerada qaaska ah ee ay u baahneyd. Jane waxaa lagula talliyey in ay tallo ka doonato isbitaalka Haweenka ee Liverpool marka isbitaalka laga saaro ka dib oo ay u socdaan ballamada raad-raaca ee amustaqbalka loo dhigi doono. Haddii ay kooxaha daryeela bukaanada qaba xaalado adag oo uu hab-nidaameedka la xiriira geyniokolojiyada uu saldhig u ahaan lahaa meel ku barbar taala kooxaha kale ee qaliinka, haweeneyda sida Jane ah waxa ay daryeel ku heli laheyd deegaan kan jira ka takhasusaad badan, oo si sida jirta ka wanaagsan baahidooda tallo iyo taageero uga siin lahaa. Haddii qaliinka ilmaha markaas dhashey lagu sameyn lahaa qol qaliin oo ku barbar yaala unuga daryeelka ilmaha dhashey, markaas ilmaha dhashey uma baahdeen in amblans lagu qaado oo isbitaalka Aslder Hey loo sii gudbiyo oo hooyadooda laga qaado inta la daryeelayo dhalashadooda ka dib. Sanadkii 2014/15 waxaa isbitaalka Haweenka ee Liverpool laga qaadey 182 oo ilmo markaas dhashey ah oo waxaa loo sii gudbiyey isbitaalka Alder Hey. 12 MAXAY TAHAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AY ADEEGYADA WAX ISKA BEDELAAN? Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool SHEEKADA BUKAANKA: CARLA IYO DANIEL Carla oo Bootle ka timid, waxa ay dhashey ilmaha Daniel ah oo 28 toddobaad uurka ku jirey sababo la xiriira dhibaatooyin dhacey intii ay uurka laheyd dartood. Markii uu dhashey ka dib, waxa ay noqotey in uu Daniel toddobo toddbaad ku jiro unugga daryeelka kuwa aadka u liita. Halka waalidka la dejiyo ee Isbitaalka Haweenka ee Liverpool ku dhex taal waxaa isticmaalayiyey qoysas meelo halka ay ka timid ka sii fog ka yimid oo waxa ay noqotey inay Carla maalin wal;ba soo raac gaadiidka dadweynaha si ay isbitaalka u timaado. Waxa ay unugga dhex joogeysey waqtiga ugu badan ee suurtagalka u aheyd laakiin waxa ay ku qasbaneyd inay baxdo oo baska ugu dambeeya raacdo oo ay gurigeeda aado. Sababao la xiriira waqtiyada safarka dartood bay Carla ku adkaatey in ay si joogto ah caano (ilmaha) ku filan naaskeeda uga soo godladaan oo waa ay caano yareysey, taas oo la micno noqotey inaysan naas-nuujinta sii wadi karin. Helitaanka Unug lagu daryeelo kuwa aadka u liita oo weyn oo leh meel ay waalidiinta degi karaan waxa ay la micno ahaan doontaa in hooyooyinka sida Carla ah u baahan doonin in iyaga iyo ilmahooda markaas dhashey meelo aan isku meel aheyn la kala geeyo. 13 14 Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool 15 Sidee loo gaari doonaa go’aan mustaqbalka ku saabsan? Kooxda Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka Qaranka ee NHS Liverrpool ayaa bishii Maarj 2016 ku dhawaaqey dib-u-eegista adeegyada oo uu sameeyo Isbitaalka Haweenka ee Liverpool. Laga soo bilaabo waqtigaas waxa ay adeegyada NHS-ta goobta eegista waxyaabaha adeegyadan horyaal iyo ka fikirka sida ay dhici karto in adeeyadan mustaqbalka loo bixiyo. Tan waxaa ka mid ah sahminta dhamaan wadooyinka furan ee la kala dooran karo, iyadoo ka dibna inta la xulan karo la soo koobayo iyada oo mid walba lagu qiyaasayo tirro waxyaabo muhiim ah oo looga baahan yahay. SHEEKADA BUKAANKA: MARY IYO MAX Markii Mary, oo 46 jir ah, ay Isbitaalka Haweenka ee Liverpool timid si loogu sameeyo dhalmada dhinac-jeexa ah ee la qorsheeyey, waxaa la ogaaldey in uu garaaca wadnaheeda gaabiyo wadnaheeda oo ay wax ka qaldanaayey darteed. Waxaa Mary ambalans loogu sii gudbiyey Isbitaalka Royal Liverpool oo wax lagu rakibey aalada sida wadnaha u shaqeynayaan lagu maamulo. Qaliinkii lagu sameeyey ka dib amaan u ma aheyn in Mary Isbitaalka Haweenka ee Liverppool loo soo gudbiyo, markaa bay kooxda hooyonimada u safreen isbitaalka Royal si ay ugu sameeyaan dhalmadii dhinac-jeexa aheyd. Ilmaha Max ah si amaan ah buu u dhashey, laakiin waxa ay noqotey in isagii dib looga soo gudbiyo isbtiaalka Haweenka ee Liverpool oo uu waqti gaaban ku sugnaa gudaha unugga daryeelka ilmaha markaas dhashey ka hor inta uusan aabihiisa guriga u wadin. Haddii adeegyada hooyonimada ee loogu tallogalay bukaanada xaaladda halista ay ku jiraan sareyso ay ku barbar yaali lahaayeen isbitaal xaaladaha daran ee dadka waaweyn , sida isbitaalka Royal Liverpool, markaa looma baahnaan laheyn adeegsiga ambalans si degdeg ah (bukaanada) u sii qaada. Waxaa kale oo hooyinka daaweynta u socoto u sahlanaan laheyd in ay ilmahooda markaas dhashey arkaan, maadaama ay isku goob ku wada sugnaan lahaayeen. Kuwana waa: T ayada: Wadooyinka la kala dooran karo waxa ay u baahan doonaan inay ahaadaan kuwo haweenka iyo ilmaha markaas dhashey u fidin karadaryeelka ugu heerka sareeya; tusaale ahaan, iyaga oo wada kartida lagu fulin karo hanashada tilmaan bixinta qaranka iyo waxqabadka ugu wanaagsan. S uurtogalnimada: Wadooyinka la kala dooran karo waxa ay u baahan doonaan inay ahaadaan kuwo lagu dhaqaaqi karo marka la eegayo saameynta ay ku yeelayaan shaqaalaha bixinaya adeegyada haweenka iyo ilmaha markaas dhashey, iyo in ay ahaan doonaan sida ugu wacan ee dhismooyinka NHS-ta loo adeegsanayo. M aaliyadda: Wadooyinka la kala dooran karo waxa in ay ahaadaan kuwo la yimaada si adeegyada loogu bixiyo si amaan ah oo tayo sareysa ahna mid hadda iyo mustaqbalkaba la awoodi karo. W axyaabaha heer degaan iyo mid qaranba mudnaan ku leh: Dib-u-eegista adeegyada haweenka iyo ilmahaha markaas dhashey waa qeyb Liverpool Caafimaad Leh ka mid ah, taas oo ah qorshe shan sano ah oo caafimaadka magaalada lagu horemarinayo. Wadooyinka la kala dooran karo waxa laga eegayaa sida ay u waafaqsan yihiin ujeedooyinka Liverpool Caafimaad leh, sida halkii looga baahdo oo ay isbitaal wax ku takhasusaad leh meel dhexe u sameeyaan, iyo iyaga oo halkii ay ka suurtogasho adeegyo sidan ka badan bulshada goobaheeda ku siiya. Waxaa kale oo la tixgelin doonaa sida ay u waafaqsan yihiin Dib-u-eegista Hooyonimada Qaranka oo tallooyinkii ka soo baxey la faafiyey bishii Feberweri ee 2016. Hab-nidaameedkan wax qiimeynta ah waxa uu soo bandhigi doonaa tirro wadooyinka la kala dooran karo ee adeegyada lagu bixin karo, kuwaas oo si rasmi ah dadweynaha loogu soo bandhigi doono si loogala tashado. Tani waa goorta aan dadka weydiin doono fikradaha ay ka qabaan wadooyin la kala doran karo oo horyaala ee mustaqbalka loogu tallogalay. Waxa aan fileynaa in tan la meel-marin doono dabayaaqada 2016 ama horaanta 2017. 16 Dib-u-eegista adeegyada waxaa sameeyey Isbitaalka Haweenka ee Liverpool Ma waxa ay noqon doontaa in adeegyada qaar laga raro isbitaalka Haweenka ee Liverpool ee goobta Crown Street? Si loo hubsado in ay adeegyada haweenka iyo ilmaha markaas dhashey ee Liverpool u waafaqsanaadaan heerarka qaranka, waxa ay u badan tahay in waxyaabaha la soo jeedinayo ku jiri doonto in ugu yaraan qaar daryeelada hadda Crown Street laga bixiyo loo raro goob ama goobo kale. Ilaa aan ka dhameyno qiimeynta wadooyinka la kala dooran karo ee kala duwan – oo aan soo uruurino fikradah ay dadka ka qabaan oo ah qeyb hab-nidaameedkan ka mid ah – waa goor aad u horeysa oo lama bixin karo faahfaahin intan ka badan oo ku saabsan kuwa ay yihiin tallo soo jeedinmaha ay dhici karto inay ugu dambeyn noqdaan kuwa dadweynaha loo soo bandhigaya ee lagala tashanayo. 17 Dib-u-eegista micnaheedu ma ahaan karaa in ay goobta Crown Street xiranto? Ma jiro qorshe goobta lagu xirayo oo haddii qaar ka mid ah adeegyada isbitaalka Haweenka ee Liverpool la raro waxaa la filayaa in uu Crown Street sii wadi doono daryeelka NHS-ta oo uu mustaqbalka sii bixiyo. Ma waxbaa adeegyada laga dhimi doonaa? Ma jiraan wax qatar ah oo adeegyada naf ahaantooda ku soo fool leh. Hab-nidaameedkan waa wax ku saabsan ii fiicneynta waxa aan hadda heyno iyo difaacidda adeegyada mustaqbalka. Yaa shaqadan ku howlan? Dib-u-eegista waxaa hogaaminaya Kooxda Qandaraas Bixinta Adeegyada Caafimaadka Qaranka ee NHS Liverrpool (CCG), oo iskaashi la leh Isbitaalka Haweenka ee Liverpool. Kooxda Qandaraas Bixinta Liverpool (CCG) ayaa ka mas’uul ah qorsheynta iyo igadashada adeegyada isbitaalka iyo kuwa caafimaadka bulshada ee dadweynaha Liverpool loogu tallogalay. Waxa ay ka kooban tahay wakiilo ka kala socdamid kasta oo ka mid ah 93 rugaha caafimaadka ee GP-yada Liverpool ku yaal ah. Daryeelka uu bukaanada Liverpool siiyo ku saa’id ah in uu isbitaalka Haweenka ee Liverppol daryeelo dadweynaha ku nool Sefton iyo Knowsley, markaa Kooxda Qandaraas Bixinta koofurta Sefton, Southport iyo Fromby iyo Kooxda Qadaraas Bixinta Knowsley ayaa iyagana dib-ueegistan ka qeybqaadanaya. Waxaa jira tirro ururo iyo hey’ado ah oo dib-u-eegista ka qeybqaadanaya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Aitree University, Isbitaalka Royal Liverpool iyo Broadgreen, Isbitaalka Caruurta ee Alder Hey, NHS-ta England, iyo Iskaashatada Adeegyada Haweenka iyo Caruurta Cheshire iyo Merseyside. 18 Sidee baan fikradaheyda idinla wadaagaa? Inta lagu jiro bilaha Juulay iyo Agost waxa aan qabaneynaa tirro dhacdooyin ah oo aad wax badan ka sii maqli kartid dad dib-u-eegista ku hawlan, oo aad adigana fikradahaaga dadka la wadaagtid. 21 JUULAY Bridge Chapel Centre (Booth Hall), Heath Road, L19 4XR Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo 1.30 galab, dhacdada 2 galab – 4 galab 2 AGOST Blackburne House, Blackburne Place, L8 7PE Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo 5.30 galab, dhacdada 6 galab – 8 galab 4 AGOST PAL Multicultural Centre, 68a Mulgrave St, L8 2TF Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo 1.30 galab, dhacdada 2 galab – 4 galab 10 AGOST Oakmere Community College, Cherry Lane, L4 6UG Diiwaangelinta iyo Qaxwaha laga bilaabo 2.30 galab, dhacdada 3 galab – 5 galab Si aad u hubsato in aad dhacdada boos ka hesho waa in aad marka hore iska diiwaangelisid healthyliverpool.nhs.uk ama soo wacdid (0151) 296 7537. Si aad fikradahaaga dadka ula wadaagtid, ama soo buuxi oo soo celi foom-su’aaleedka gaaban ee buugyarahan ku lifaaqan amase soo booqo healthyliverpool.nhs.uk si aad foomsu’aaleedka si online ah ugu buuxiso.. Waxa aan macluumaad saa’id ah iyo wax waqtiga la socda la socodsiintooda ku bixin doonaa bogayaga Facebook ah: facebook.com/healthylvpool twitter.com/healthylvpool Si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho, ama aad u codsato buug-yarahan oo qaab kale ah, wax (0151) 296 7537. FOOM-SU‘AALEEDKA Fadlan foom-su’aaleedkan soo celi ugu dambeystii 15 Agost 2016. Waan ka xun nahay laakiin xisaabta ku darsan karno haddii uu taariikhdan ka dib na soo gaaro. Uma baahnid isticmaalka bakhshad gooni ah – warqadda kore ee buugyarahan uun isku laab oo sajil si aad bakhshad uga dhigato. Cinwaanka xagga hore ku yaal waa freepost markaa uma baahnid inaad tikidka boosta ku dhejiso. Macluumaadka aad bixisaa si sugan oo qaab elektroonik ah oo waafaqsan Xeerka Badbaadinta Daataha bay Kooxda Qandaraas Bixinta NHS-ta Liverpool u keydin doonaan. Waxa aan isticmaali doonnaa goorta aan hawshayada iyo hab-nidaameedka caafimaadka Liverpool kaala soo xiriireyno. Faahfaahinta dano kale dartood luuguma iibin doono loogumana gudbin doono. Waxaa dhici karta inaan macluumaadkan u dirno hey’adaha/ururada ay dhici karto inuu naga dhexeeyo qandaraas qaanuuni ah sida shirkad ku hawlan habnidaameedkayaga isgaarsiinta ah. Haddii loo baahdo macluumaadka si sugan oo heshiis qaanuuni ah ku xadidan baa loo wadagi karaa iyada oo ujeedooyin qaas ah laga leeyahay. Daataha aad halkan nagu siiso kuma dareyno mid kale oo ilo kale laga soo xigtey. Qoy halkan 1 Waa maxay boost koodhkaaga? 4 Ma kula tahay in arrimaha caafimaad ee ay adeegyada haweenka iyo ilmaha… Waan isticmaaley/waan isticmaalayaa Haddii ay saa tahay, fadlan sax inta aad isticmaashey oo dhan A. Hooyonimada B. Geyniokolojiy C. Qaliinka D. Daaweynta bacriminta E. Ilmaha sida daran u jiran F. Jineetikiska Qof igu dhow baa isticmaala/isticmaaley Haddii ay saa tahay, fadlan sax inta aad waayo-arrag u tahay oo dhan A. Hooyonimada B. Geyniokolojiy C. Qaliinka D. Daaweynta bacriminta E. Ilmaha sida daran u jiran F. Jineetikiska Waxa aan ahay qof degaanka degan oo aan adeegyadan soo isticmaalin Waxa aan la shaqeeya dad adeegyada isticmaala Wax kale – fadlan sheeg… 3 Haddii aad adiga ama qof kuu dhow adeegyadan isticmaasheen, fadlan sharax waayoarragnimada aad kala kulantay adiga oo saxay a mid kuwa hoose ka mid ah: Mid aad waxtar uleh Mid waxtar leh Mid meel dhexe ah Mid wax dhimis leh Mid aad wax u dhimis leh Fadlan haddii aad doonto sharax sababta/midka uu adeegga yahay… 5 Ma kula tahay in baahida bukaanada oo sanadahan dhaw isbedeleysay ay tahay sabab fiican oo adeegyadan wax looga bedelo? Haa kuwan waa sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo Ma hubi in ay kuwan yihiin sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo Maya, ila ma aha in ay kuwan yihiin sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo 6 Fikrad ahaan sideed u arragtaa muhiimada ay waxyaabaha soo socda u leeyihiin sii hagaajinta adeegyada haweenka iyo ilmaha? (Fadlan sax LABADA ujeedo ee kuwa soo socda ugu muhiimsan yihiin) Sax LABO keliyah Amaanka bukaanka & daryeel tayo sareeya Adeegyada oo maaliyad ahaan sugan Daryeel waayo-arragnimo fiican laga helo Daryeelka caadiga ah oo meel guriga u dhow lagu helo Adeegyada oo hal goob la isugu geeyo Waqtiyada safarka Wax fikrad dhiibasho ah…. 7 D a’daadu waa intee? 18 ka yar 18-25 26-44 45-64 65-75 76+ In aanan shegin baan door-bidayaa 8 Jinsi ahaan kee tahay? Dhedig Lab Labeed Wax kale In aanan shegin baan door-bidayaa 9 Ma waxa aad isku tilmaantaa in aad tahay... (waxa aad sixi kartaa wax hal ka badan) Dhedig Lab In aanan shegin baan door-bidayaa Waxa aan door-bidayaa in aan is tilmaamo (fadlan cadey haddaad doonto) Si si kale ah 10 Ma isku mid baa jinsiga aad hadda tahay iyo kii aad ku dhalatay ee laguu qorey?? Haa Maya In aanan shegin baan door-bidayaa Ma hubi waxa uu micnaha su’aashan yahay DHAQANKA GALMO AHAANEED 11 Ma waxa aad isku heysataa in aad tahay: Mid lab iyo dhedigba la galmooda (Labeyste) Mid lab ama dhedig midka uusan aheyn la galmooda (Toosane) Qaniis/Qaniisad Wax kale Ma hubi In aanan shegin baan door-bidayaa 12 Ma kula tahay in aad laxaad la‘dahay? Haa Maya In aanan shegin baan doorbidayaa (fadlan qor haddii aad rabto) DIINTA/CAQIIDADA 13 F adlan sax mid kuwa hoose midkood... Buddhist Masiixi (Kirishtiyaan) Hindu Jewish Muslim Sikh Diin laawe In aanan shegin baan door-bidayaa Wax kale (fadlan sheeg haddaad doonto) ISIR AHAANTA 14 M a waxa aad isku tilmaantaa in aad tahays... Eeshiyaan ama Eeshiyaan Biriitaani ah: Bangaladeeshi Indian Bakistaani Eeshiyaan kale(fadlan qor haddaad doonto) Shiinees ama Shiinees Biriitaani ah: Shinees Shiinees kale (fadlan qor haddaad doonto) Mid Isku Qas/dhal ah: Eeshiyaan iyo Caddaan Afrikaan & Cadaan Madow Karibiyaan & Cadaan Isku Qas/Iska Dhal kale (fadlan qor haddaad doonto) Koox Isir Kale ah: Carab Laatiin Ameerikaan Wax kale (fadlan qor haddaad doonto) Cadaan: Biriitaani Ingiriis Ayrish Iskootish Welish Boolish Latfiyaan Jibsi/Safraa Cadaan kale (fadlan qor haddaad doonto) In aanan shegin baan door-bidayaa Ma rabtaa in uu wada xiriirha noo sii socdo? Inkasta oo sahankan yahay mid aan lagugu aqoonsan karin, haddii aad rabi laheyd in lagugu daro liiska dadka aan boostaha ugu dirno si ay u maqlaan waxa xgga ee dhacaya iyo wararka kale ee caafimaadka Liverpool ku saabsan, fadlan halka hoose ku dhaaf macluumaadka ugu badan ee aad reebistooda ku faraxsan tahay. MAGACA: MAGACA: LAMBARKA TELEEFOONKA: CINWAANKA: Madow ama Madow Biriitaani ah: Afrkaan Karibiyaan Madow kale (fadlan qor haddaad doonto) BOOST KODHKA: Waad ku mahadsan tahay foom su’aaleedkan aad soo buuxisey Qoy halkan JEEX OO KA JAR LEENKA DHIBCAHA LEH 2 Fadlan noo sheeg danta aan kuugu jirta Takhaatiirta isbitaalka Haweenka ee liverpool ka soo warbixiyeen iyo baahida loo qabo sii hagaajinta amaanka yihiin wax sababo fiican u noqon kara in adeegyada daryeelka caafimaadka wax laga bedelo? Haa kuwan waa sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo Ma hubi in ay kuwan yihiin sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo Maya, ila ma aha in ay kuwan yihiin sababo wanaagsan oo wax bedelaad loo sameeyo Su’aalaha soo socda waa kuwo xoogaa shakhsi ahaan kugu saabsan waxa aadna dooran kartaa in aad halkan ku joogsato haddii aad doonto, hase ahaatee, runtii waa ay na kaalmeyn laheyd haddii aad wada dhameystiri kartid. Qoy halkan DIB-U-EEGISTA ADEEGYADA WAXAA SAMEEYEY ISBITAALKA HAWEENKA EE LIVERPOOL. 2
Similar documents
KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?
danbaysa ayaynu xaqiiqsanaa inaynu illawnay qofkii aynu ahayn mar. Hase ahaatee waxwalba maad lumin! aad bay u fududahay in dib aad ugu xidhanto gudaha naftaada, ogaatto awoodahaaga daahsoon kedibn...
More informationMAXAY TAHAY SABABTA AY SANBABO
Tababareyaasha Caafimaadka waa xubno ka tirsan bulshada degaanka waxaana loo tababarey in ay taageeraan qof kasta oo raba go’aansado inuu sameeyo wax uu hab-nololeed si wax u soo kordhin leh wax ug...
More information