My Social Care Support - Somali version
Transcription
My Social Care Support - Somali version
Taageeradayda Daryeelka Bulsho (My Social Care Support) Hagaha Macaamiishaaling Daryeelka Bulshadadda Dadka waa wayn gudaha Ealing Madax banaani, caafimaad iyo fayo qab Adeegyada Dadka waa wayn Tusmadda Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9 Ku saabsan Daryeelka Bulshadadda Dadka waa wayn 4 Macluumaad iyo Waano 5 Ka hortaga, yaraynta iyo daahinta baahida daryeelka iyo taageero 10 Qiimaynta Bahiyaha Daryeelka Bulshadda 13 U qalmida 16 Bixinta lacagta daryeelkayga iyo taageero 21 Daryeelkayga iyo Qorshaha Taageerada 25 Dib u eegidayda 29 Waa maay xadka miisaaniyada kharashka daryeelku? 31 Xidhiidhada Faa’iidada leh 32 Haddii luqadda Ingiriiigu aanay ahayn luqaddaada koowaad 34 Cutubka 1 Daryeelka Bulshadadda Dadka waa wayn Ujeedadayada ugu muhiimsan waa in aanu kaa caawino in aad ku joogto madax banaani, badbaado iyo samaan ilaa inta dheer ee suuragalka ah. Adeegyadadu waxay xoogaa saaraan ka hortaga, yaraynta iyo daahinta baahida daryeelka aad ka rasmiga u ah iyo taageero. Waxaanu aqoonanahay in qof kastaaba ay leeyihiin baahiyahooda iyo duruufaha, oo waanu la shaqayn doonaa si loogu qaabeeyo nooca adeegyada ay u baahanyihiin. Waxaanu rumaysanahay in habkan uu caawiyo dadka in ay ku noolaadaan guriyahooda iyagoo ay ku xeeranyihiin saaxiibo, qoys iyo bulshadda maxaliga ah, oo daahinaya baahida daryeel dheeraad ah oo rasmi ah. Waanu ku caawin karnaa haddii aad u qalanto daryeelka bulshadda ama haddii kaleba. Adeegyadayada waxay beegsadaan in ay dadka ka taageeraan nolol maalmeedkooda labbadaba in ay hourmariyaan fayo qabka jidhka, maskaxda iyo caadifada. Haddii aad u qalanto taageero, waxaanu kaa caawin doonaa in aad dhisto qorshahaaga daryeelka, aanu sharaxno waxa aanu kaa maalgelin karno, iyo waxa aad bixin doonto iyaddoo ku salaysan duruufaha. Haddii aad rabto waxa aad waydiin kartaa xubinta qoyska ee la aaminsanyahay ama saaxiibku in uu ku caawiyo. Xaaladaha qaar, waxaan habbayn karnaa Qareen Madax banaan in uu ku caawiyo. Haddii aanad u qalmin taageero ama aad si fudud ugu baahantahay macluumaad iyo waano, waxaanu kula xidhiidhsiin karnaa adeeg bixiyayaasha adeegyo taageero oo kala duwan ku leh dhammaan Ealing. Sidoo kale waxaanu ku siin karnaa waano ku saaban oo ku gaynaysa qorshahaaga oo helnaa hawlo maxali ah. Mar marka qaar, tani waxay noqon kartaa qayb yar oo qalab ah oo yaal guriga ama waanu ku saabsan helitaanka dheefaha saxda ah. Waxaanu u dejinaynaa heerar sare tayada iyo doorashada taageerada iyo adeegyada daryeelka la heli karo. Waxaanu la shaqaynaa shuraakadayada si aanu u hubino in loo gudbiyay meesha saxa ah, wakhtiga saxda ah, shaqaale tababaran oo ku habboon. Kuwa aan iskaashiga la samayno waxaa ka mid ah: NHS, adeeg bixiyayaasha daryeelka bulshada gudaha iyo qaran, iyo Guddida Tayada Daryeelka. Waxaanu tixgelin doonaa sharaftaada, iyo waxaanu hormood ka noqon adeegyada loo gudbiyo si badbaado leh Hagahan waxa uu ku dhex marinayaa tallabooyinka muhiimka ah ee helidaada daryeelka saxda ah iyo taagerada. Cutubka 2 Macluumaadka iyo Waanada Tallaabada koowaad ee dhanka ogaanshaha adeegyadaydada iyo waxay yihiin nooyada taageerada aad uqalanto waa in aad la xidhiidho Xaruntayada Xidhiidhka Daryeelka Bulsho. Waxay kaa caawin karaa jawaabaha su’aalaha guud, ku siiyaan waanada daryeelka iyo taageerada oo waxay kuu sheegaan meesha laga helo macluumaadka ku saaban ururada maxaliga iyo adeegyada gudaha Ealing. Waxaad kula soo xidhiidhi kartaa telefoon ama iimayl. Haddii aad u baahan tahay mid aad u dhammaystiran ama macluumaadka mid takhasus leh ama waano, waxaanu ku siin karnaa faahfaahinta xidhiidhka qofka saxda ah si uu kaaga caawiyo codsigaaga. Xarunta Xidhiidhka Daryeelka Bulsho waxaa lagala soo xidhiidhi karaa: Telefoon ahaan: 020 8825 8000 Email ahaan: sscallcentre@ealing.gov.uk Qoraal ahaan: Social Care Contact Centre Ealing Council Perceval House 14-16 Uxbridge Road Ealing W5 2HL Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad badan oo faa’iido leh iyo hagitaanka barta internatka ee gollaha bartan: www.ealing.gov.uk. Tan waxaa ku jira linkiyo faa’iido leh ee bogga la aaminsanyahay, sida: NHS, waxbarashadda qaran iyo maxaliga ah iyo baraha internatka wax laga barto, iyo ilaha kale ee ay dowladdu kafaalo qaado Gollaha Ealing waxa uu sidoo kale la shaqaynayaa degmooyinka sidii qayb ah West London Alliance si la isugu geeyi macluumaad onlayn ah oo gaar ah iyo taageerada liiska magacyada oo loogu yeedho CarePlace. On www.CarePlace.org.uk, waxaad ka heli kartaa adeeg bixiyayaal adeegyo badan oo kala duwan qabta, hawlo gudaha ku salaysan iyo barnaamijyada bulshada. Adeegyada aan khasabka ahayn ee bulshadda ku salayn ee Ealing sidoo kale waxay ku siin karaan macluumaad iyo waano. Waxaanu sidoo kale ku darnay liis ka mid ah ururadan qaybta ‘Xidhiidhka Faa’iidada leh’ ee dhammaadka buug yarahan. Su’aalaha inta Badan la Iswaydiiyo Noocee macliimaad ah iyo waano ayaa la heli karaa? Waxaanu la shaqaynaa tiro iskaashatooyin kuwaas oo bixiya macluumaad iyo adeegyada waanada Ealing oo dhan. Qaabkani waxa uu ku tusayaa isda aan dhammaan u wada shaqayno iyo waxa ay yihiin liiska magacyada iyo ilaha la heli karaa. Adeegyada Dadka waa wayn Shaqada Waanada guriyaynta CarePlace Daryeel onlayn ah iyo liiska magacyada Taageerada Bulsho, Lacag bixinta tooska ah iyo Kooxaha Maaliyadeed Barta internaka Gollaha& Warqadda ha macluuma adka Dad waynaha Caawiyaha Daryeelka La taiyayaasha Maaliyadeed ee Madaxa banaan Macluumaadk a Daryeelka Bulshadda & Isha Liiska magacyada Adeegyada Macluumaa dka Qaybta Iskaa wax u qabso Adeega la Talinta ee Ealing Sideen ku heloi karaa macluumaadka aan u baahanahay? Waxaad caawimo naga heli kartaa anaga ama kuwa aan iskaashiga la samayno: • Kulan Fool ka Fool ah • Telefoonka lagu wada hadlayo • Iimayl ahaan • Onlayn ah • Qaab warqaddo aha ama buug yare Ilaha macluumaadka iyo hagitaanada sidoo kale waxaa lagu sheegay dhexda buugyarahan. Xaaladaha badankooda, waxaad heli kartaa oo ka soo dejisan kartaa onlayn ahaan. Haddii aanad geli karin internatka, waxaad waydiin kartaa xogtaada iyo waano adeeg bixiyaha si uu kuugu soo diro nuqul daabacan. Xog noocee ah ayaa la heli karaa? Gollaha iyo kuwa aan iskaashiga la leenahay waxay ku siin karaan macluumaad ku saabsan: • Daryeelka iyo taageerada adeegyada iyo uqalmida • Guriyaynta iyo waanada la xidhiihda guriyaynta ee dadka baahida qaba. • Daawaynta iyo taageerada xaalado caafimaad oo gaar ah iyo meesha laga helo adeegyada caafimaadka • Adeegyada aad ku joogayso madax banaani – sida farsamayaqaanka maxaliga ah iyo caawimada ag agaarka guriga • La saaxiibka iyo barnaamijyada kale ee ka hortagaga gooni jooga • Sida loo habbeeyo qalabka oo loola qabsado gudaha gurigaaga • Dheefaha taakulada iyo maaraynta lacagta (ay ka mid tahay waanada daynka) • Tallada shaqaalaynta iyo jiha tilmaanka dadka waa wayn ee naafada ah • Taageerada carruurta naafada ah iyo qoysaskooda markay qaan qaadh noqdaan • Macluumaadka adeegyada caalamiga ah ee la heli karo • Ilaha kale ee macluumaadka madaxa banaan, waano iyo u doodis Ka waran haddii aan daryeele ahay? Daryeelayaashi waxay heli karaan macluumaad iyo waano baahidooda ah, oo ay ka mid tahay: • Caawimada nasasho qaadashada • Caafimaadka iyo fayo qabka • Daryeelida iyo xidhiidhka qoyska oo ka balaadhan • Arrimaha maaliyada • Daryeelida iy shaqaalaynta, waxbarasho iyo waxbarashadda 7 Dadka Baahiyaha Gaarka aha leh? Macluumaadka gaarka ah waxaa heli kara dadka leh: • Liidasho dareenka ah • Ka go’doonsanaan bulsho • Naafanimo xadida dhaqaaqooda jidheed • Nafaanimo barasahda ah • Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda Bal kawaran Waano lacageed oo Madax banaan? Gollaha ma bixiyo waano lacageed, laakiin waxaanu ku siin karnaa ururada ku caawin kara, tusaale ahaan: • Adeega Waanada Lacagta (Money Advice Service) waxaa dejisay dowladda si ay u bixiso mid lacag la’aan ah iyo waano lacag aan eex ahayn. Waxay kaa caawin karaan horumarinta maaliyadaada. Waxay ku siin karaan agabka iyo qalabka xisaabiyaha si loo raad raaco lacagtaada oo waxa soo socda loo qorsheeyo. Waxay kuu taageeri karaan qof ahaan, telefoonka ama onlayn ahaan. Telefoonka: 0300 500 5000 Barta internetka: www.moneyadviceservice.org.uk Wakhtiyada furintaannka: Isniinta ilaa Jimcaha (8subaxnimo to 8fiidnimo) iyo Sabtida (9 subaxnimo to 1duhurnimo) • Society of Later Life Advisors (SOLLA) maaha urur macaash waxaa la aasaasay 2008 si uu u buuxiyo baahiyaha macaamiisha, la taliyayaasha iyo dadka bixiya adeegyada maaliyadeed ilaa nolosha suuqa ee dambe- ay ka mid tahay adeegyada daryeelka. Bogga internatku waxa uu bixiyaa xurunta baadhida si loo helo la taliyayaal si buuxda loo aqoonsanyahay oo gudaha konton mayl oo khad toosan ah u jirta summada boostaada. Barta internetka: www.societyoflaterlifeadvisers.co.uk Cutubka 3 Ka hortaga, yaraynta iyo daahinta baahida daryeelka iyo taageerada Waxaanu rumaysanahay in doorkayaga kor u qaadida fayo qabkaaga aanu ahayn keliya muddooyinka wakhtiyada ama marka aad ka bogsanayso xanuunka. Waxaanu doonaynaa in aad ku joogto caafimaad wanaagsan iyo dhaqaaq, siiba aad dareento oo ku xidhnaato bulshadaada gudaha ah. Waxaan rajaynaynaa in aad daahino ama dib u dhigno daryeel rasmi ah awgeed ama taageerada baahiyaha xiliga dheer, oo aan kaa caawino in aad si madax banaan u noolaato ilaa inta dheer ee suuragalka ah. Noocan caawimada ah waxaa loogu yeedhaa “taageero ka hortag ah.” Waxaanu halkan u joognaa in aanu ka hadalno haddii aad ka faa’iidi lahayd taageerada ka hortaga ah oo haddii ay sidaas tahay, waxa hadda laguu heli karo. Taageero noocee ah iyo hawlahee la heli karaa? Tani waxay ku xidhantahay baahiyaha gaarka ah. Waxaa jira barnaamijyo badan oo aad u kala duwan oo laga heli karo gollaha iyo kuwa iskaashiga nala sameeya, sida: • Macluumaadka iyo waanada loogu talo galay in aad caafimaad ka hesho, badbaado iyo wanaag. • Gudbinta hawlaha bulshadaada maxaliga ah sida la saaxiibada mashaariicda ama naadiga bulsheed ama si kaaga mamnuucdo in aad gooni joog noqoto ama qof go’doonsan. • Guriyaynta iyo taageerada la xidhiidha si lagaaga caawiyo in aad kalsooni ka hesho: maaraynta lacagtaada, biilasha iyo miisaaniyada, ka warbixiso dacay tirka, kala soocdo arrimaha kirada/kiraysashada, aad buuxiso foomamka iyo warqaddaha qoraalka. • Helitaanka qalabka iyo la qabsashada gurigaaga. Waxaad u qalmi doon taa qalab gaar ah, oo ay ka mid tahay: looxa xamaamka si awood laguugu siiyo in aad si madax banaan u maydhato, qacan qabsiga jaranjarada si ay kaaga caawiso in aad u korto jaranjarada si ammaan ah ama qalab kale qalab digniin bixiya si ay kaaga dhigto inaad dareento badbaado gudaha gurigaaga. • Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn si ay kaaga caawiso in aad dib u hesho madax bananaanidaada ka dib joogida cusbitaalka, ama kaa ilaalisa gelitaanka cusbitaalka. Tan waxaa ka mid ah kalsoonidaada aad ku samayso hawlaha guriga oo ay ka mid tahay habka caadiga ah ee maalilanaha, sida wax karinta, wax dhiqista iyo dhar xidhashada. Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn caadi ahaan waxa uu ku dhammaadaa ilaa lix wiig laakiin waxa uu dhammaan karaa goor ka horaysa iyaddoo ku xidhan horumarkaaga iyo baahiyaha. Halka ay suuragalka tahay, waxaanu isku deyi in aanu bixino adeegyada iyo ulaha xaafadaada oo waxaanu hubsan in ay jiraan adeeg bixiyayaal kala duwan ama ikhtiyaaro laga dooranayaa. Yaa ku siin doona taageeradan? Tani waxay ku xidhantahay baahiyaha gaarka ah. Taageerada waxaa laga bixintayaa xirfad yaqaano kala duwan oo badan kuwaas oo ka shaqeeya dhammaan adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda. Lacag ma bixin doonaa? Gollahu waxa uu ku waydiin doonaa kharashka noocyada qaar adeegyada taageerada ka hortaga ah. Waxaad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan tan Xeerka Kharashka. Waxaa sidoo kale dhici karta in laguu gudbiyo ururada ama ilaha ka baxsan Gollaha kuwaas oo kharash kaa qaadi doona adeegyadooda. Marka noocyada gudbinaha ah la sameeyo, waxaanu ku ogaysiin doonaa qiimayaasha suuragalka ah iyo kharashaadka Maxaa dhacaya dhammaadka taageeradan? Taageerada ka hortaga ah waxay u dhexayn kartaa macluumaad iyo waano ilaa adeegyo gaar ah oo leh hadafyo si cad loo dejiyaya iyo natiijooyin. Waxaanu kaala hadli doonaa waxa ku saabsan wixii ikhtiyaaro ah ee aad yeelan karto marka noocan taageerada ahi uu dhammaado. Haddii aad leedahay baahiyo xili dheer, waxaad u baahan kartaa qiimayn si aad u aragto nooca taageerada aad u qalanto, iyo waxa adeegyada adiga kugu fiicnaada. Haddii aad uqalnto taageero, waxaanu ku siin doonaa macluumaad iyo waano ku saabsan adeegyada hadda iyo hawlaha laga heli karo gollaha iyo kuwa iskaashiga nala leh. Cutubka 4 Qiimaynta Baahiyaha Daryeelka Bulsho Haddii adiga ama qof aad taqaanaa uu leeyahay baahiyo daryeel iyo taageero, waxaanu kaa caawin karnaa in aad aqoonsato waxa ay yihiin noocyada adeegyada kuu wanaagsanaan lahaa adiga. Habkan waxaa loogu yeedhaa qiimayn. Qiimaynta waxaa la siin karaa: dadka waa wayn ee leh baahiyaha, daryeelaha leh baahiyo ka soo baxaya daryeelida qof wayn oo kale, dad dhalin yaro ah oo leh baahiyo daryeel, iyo daryeelayaal dhalin yar kuwaas oo hadda qaan qaadh noqonaya. Sida habka qiimayntu u shaqeeyo: Kala xidhiidh Ealing Adeegyada Xidhiidhka Macmiilka Bulsho 020 8825 8000 ama iimayl sscallcentre@ealing.gov.uk si toos loola hadlo xubin kooxdayada ah ama si loo dhammaystiro gudbin onlayn ah. Waxaa lagu waydiin doonaa wax ku saabsan xaalada hadda iyo waxa arrimahaagu yihiin in la arko si laguu taageero. Haddii aad si fududd ugu baahantahay talo ama macluumaad, waxaanu ku siin doonaa tan adiga - oo kuu tilmaama jihada halka aad u baahantahay in aad tagto. Haddii ay xaaladaadu aad u murugsantahay, waxaa lagu siin doonaa qiimayn rasmi ah. Waxaad waydiin kartaa in aad bilowdo habkan addoo codsanaaya qiimayn istaageerid leh. • Qiimayntan buuxdaa waa wakhtiga halka aanu ka hadalno noocyada taageerada aad u baahan karto si aad u sii wado hawlaha maalinlaha ah ama aad u gaadho hadafyadaada dejisan- kuwan waxaanu ugu yeedhnaa ‘natiijooyinka’. • Waxaa lagu waydiin doonaa habkaaga caadiga ah ee maalin kasta, hawlaha bulsheed. Caafimaad, iyo masuuliyada daryeelida, nolosha qoyska, ka qayb qaadashada bulsho, badbaadada, deegaanka gurigaaga iyo maaliyadaada. • Waxaad waydiisan kartaa xubin qoyska ah ama qof aad aaminsantahay in uu ku taageero dhexda habka qiimaynta. Xaaladaha qaarkood, Gollahu waxa uu habbayn doonaa Qareen madax banaan si uu kuu caawiyo adiga. • Iyaddo leh ogolaanshahaaga, waxaanu sidoo kale la hadli doonaa dadka muhiimka ku ah noloshaada, sida: dakhtarkaaga, daryeelahaaga. Xubin qoyska ah/saaxiibada. Tani waa in la helo aragtiyahooda, waxaanu sidoo kale la hadli doonaa dadka muhiimka ah si looga hadlo doorkooda in ay ku taageeraan adiga. Ka dib marka qiimayntaadu dhammaato, shaqaalahaagu bulshaddu waxa uu: • Ka hadli doonaa daryeelkaaga iyo baahiyaha taageera oo waxa uu kuu sheegi doonaa waxay tahay taageerada laga heli karo Gollaha.(Kuwan waxaa loogu yeedhaa baahiyaha loo qalmo iyo kuwa aan loo qalmin). • Waxa uu kaala hadli doonaa hababka kala duwan kuwaas oo baahiyahaaga loo qalmo lagu buuxiyo. • Waxa uu kaa siin doonaa macluumaad iyo waano ku saabsan sida aad ku buuxin karto baahiyahaaga aan loo qalmin. • Kaala hadli doonaa tallaabooyinka xiga. • Kuu soo diri doonaa nuqul qoran oo qiimayntaada ah. Cutubka 5 U qalmida Waa maxay bar Qiyaaseedka Ugu yar U qalmida ee Qaran (National Minimum Eligibility Threshold)? Bar Qiyaaseedka Ugu yar U qalmida ee Qaran si loogu shaqeeyo haddii qofku u qalmo taageerada Gollaha. Waa haykalka qaran, oo isticmaala qaab isku mid ah iyo xeerar dejisan (heerka qiimaynta) ee qof kasta oo leh baahiyo daryeel iyo taageero wadankoo dhan. Sidoo kale waxay caawisaa in ay hubiso in dhammaan codsiyada wax logooga qabto si xaq ah. Waa maxay heerka qiimaynta ee dadku uga helaan caawimo baahiyaha daryeelka iyo taageerada? Waxaa jira saddex hab oo lagu qiimeeyo oo dadku in ay buuxiyaan u qalmida caawimo, kuwaas waa: Baahidu ma waxay ka soo baxday liidasho jidheed ama maskaxeed ama bukaan? Baahiyaha miyay macnahoodu yihiin in qofka wayn aanu awood u lahayn in uu buuxiyo labba ama in ka badan ee natiijooyinka qoran? Ma jirtaa cawaaqib ahaan saamayn wayn oo ah fayo qabka qofka wayni? Natiijooyinka ama daryeel gaar ah iyo taageerada baahiyaha: • Maaraynta iyo joogtaynta nafaqada • Sii wadista nafaqada shakhsiyeed • Maaraynta baahiyaha musqusha • Aan si sax ah dharka u xidhnayn • Awood u leh in uu ugu noolaado guriga si badbaado leh • Joogtaynta deegaanka guriga oo la degi karo • Horumarinta iyo sii wadista qoyska ama xidhiidhada kale ee shakhsiyeed • Helitaanka iyo u saxeexida shaqada, tababarka, waxbarashadda ama iskaa wax u qabsada • Isticmaalka xarumaha gudaha iyo adeegyada xaafadaada, ay ka mid tahay gaadiidka dad wanaha iyo adeegyada raaxaysiga iyo firaaqada • Haddii aad caruur daryeelayso, aad fulinayso masuuliyadaada sidii waalid ama masuul Daryeelayaasha leh baahiyaha taageero Haddii aad tahay Daryeele, saddex hab ee qiimaynood ee soo socdaa waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado haddii aad u qalananto: Baahidu ma soo baxdaa iyaddoo ay sababtu tahay in ay bixinayaan daryeel lama huraan ah iyo taageero? Miyuu caafimaadka jidhka iyo maskaxda ee daryeelaha ay saamaysay ama halis ugu jiraa in uu sii xumaado ama daryeelahu myaanu awood u lahayn in uu guul ka gaadhi wax ka mid ahnatiijooyinka qoran? Ma jiraa natiijo ahaan saamayn muhiim ah oo fayoqabka daryeelaha ah? Natiijooyinka ama daryeelka gaarka ah iyo taageerada baahiyaha: • Fulinta masuuliyadaha daryeelka ee ilmaha • Siinta daryeelka kuwa kale • Joogtaynta deegaan la degi karo oo gurigooda ah • Maaraynta iyo joogtaynta nafaqada • Horumarinta iyo sii wadista qoyska ama xidhiidhada kale ee shakhsiyeed • Ka qayb qaadashada shaqo, tababar, waxbarasho ama iskaa wax u qabso • Ka faa’iidaysiga xarumaha ama adeegyada bulshadda maxaliga ah, ay ka mid tahay ka qayb qaadashada hawlaha raaxaysiga ah U qalmida Codsigaaga daryeelka iyo taageerada waxaa dib loogu eegi doonaa iyaddoo la isticmaalayo heerka qiimaynta ku qoran kor. Marka la sameeyo ka dib, waxaanu kuu sheegi doonaa haddii aad u qalanto taageero: • Haddii aad u qalanto, oo aad jeclaan lahayd in aan ku caawimo, waanu kula shaqayn doonaa si aanu u hubsano in daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha la buuxiyay. • Haddii aad tahay mid u qalma taageero, waxaanu ku siin doonaa macluumaad iyo waano ku saabsan meesha laga helo taageero. Waxaanu tan u samayn karnaa baahiyahaaga hadda, siiba samayn tala bixinta mustaqbalka. Waa maxay Qoondaynta Isha Qadinka ahi? Haddii aad taageero u qalanto, xogta ka timid Qiimayntaada Baahiyaha Daryeelka Bulsho waxaa loo isticmaalaa si looga shaqeeyo Qoondaynta Isha Qadinka ah. Tani waa qiyaasta qadarka lacagta ee laguu heli karo adiga isticmaalka dhanka kharashaadka taageeradaada. Qoondayntaada Isha Qadinka ahi waa hagaha keliya waxaad adigu heli doonto. Qadarka dhabta ah ee lacagta waxay ku xidhantahay labbadaba xaaladaada maaliyeed ee gaarka ah iyo kharashka maxaliga ah iyo helitaanka nooca adeegyada la isku raacay daryeelkaaga iyo qorshaha taageero.. Sidee baa looga shaqaynayaa Qoondayntayda Isha Qadinka ah? Qaacidadu waxay ahayd macluumaad sax ah. Urur cilmi baadhideed oo madax banaan ayaa horumariyay qaacidada isticmaasha macluumaad la soo ururiyay muddadii habka qiimaynta si loo soo saaro qiimayn macquul ah ee kharashaadka kullanka baahiyahaaga daryeelka loo qalmo. Qaacidada waxaa loo baadhay maxali ahaan si loo hubsado in ay bixinayso macluumaad macquul ah oo sax ah. Miisaaniyadaada Shakhsiyeed Miisaaniyadaada Shakhsiyeed waa kharashka adeegyada badankooda looga baahanyahay si uu u buuxiyo daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha. Waxaa ka mid ah qadarka, haddii ay jiraan wax, aad kaga qayb qaadanayso kharashka buuxinta baahiyaha iyo qadarka Gollahu bixin doono. Waxaad u qorshaysaa Miisaaniyadaada Shakhsiyeed habab kala duwan, tusaale ahaan: • Sidii lacag bixin toos ah, markaad hubsato, halkaas oo aad ku samayso daryeelkaaga iyo qaban qaabada taageerada naftaada, • Gollahu waxa uu ku samayn karaa habbaynaha isagoo ku metalaaya adiga ama • isku dar labbadaba ah 17 Cutubka 6 Bixinta lacagta daryeelkayga iyo taageerada Daryeelka bulsheed, si aan la mid ahayn daryeelka caafimaad, bilaash uma aha cid kasta. Habka qiimayntu waxa uu anaga naga caawiyaa in aanu soo saarno inta uu gollahu uu ka bixin karo dhanka daryeelkaaga iyo taageerada baahiyaha, iyo waxa kharashku aad ka masuul noqon doontaa uu yahay. Haddii aad tahay qof wayn oo leh baahiyo u qalma oo aad leedahay hanti ka saraysa catabada raasamaalka £23,250, waxaad masuul ka noqon doontaa buuxinta kharashaka buuxa ee daryeelkaaga iyo taageerada. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad u baahantahay caawinta habbaynta adeegyada, tan waanu kuu qaban karnaa. Haddii adigu aanad haysan hanti ka saraysa xadka raasamaalka, weli waxaad u baahan kartaa in aad bixiso daryeelkaaga iyo taageerada iyaddoo ku xidhan duruuftaada maaliyadeed. Daryeelayaashu laguma soo dalaci dono karashka adeegyada buuxinta baahiyaha taageerada u qalmidooda. Siyaasadani waa ay isbeddeli kartaa msutaqbalka. Haddii qofka la daryeelayaa uu aqbalo helitaanka adeegyada daryeelka si uu u buuxiyo baahiyaha Daryeelaha, waxaa dhici karta in nay u baahdaan buuxinta qiimaynta maaliyadeed si loo go’aamiyo inta ay tahay, haddii uu jiro shay kasta, waxay ka qayb qaadan doonan dhanka adeegyadan. Sida aanu ku soo saarno waxa aad bixinayso daryeelkaaga iyo taageerada Adigoo ah Dayeelaha mooyee, waxaad u baahan doontaa in aad buuxiso Foomka Duruufaha Maaliyadeed. Tani waxay noo sheegi doontaa waxa ku saabsan xaaladaada maaliyadeed sidaasna waxaanu ku garan karnaa haddii aad u baahan doonto – oo haddii ay sidaas tahayna, imisa—ayaa lagu bixinyaa daryeelkaaga iyo adeegyada taageerada. Waxaanu ku waydiin doonaa in aad na siiso faahfaahinta dheefahaaga, kaydsiga, maalgelinta wixii hanti ah ee aad leedahay. Haddii ay caddahay in aad leedahay ilo maaliyadeed oo muhiim ah oo aad u isticmaasho si aad ugu bixiso daryeelkaaga iyo taageerada, oo aanad jeclayn in aad gudato qiimayn maaliyadeed oo buuxda, waxaad bixin kartaa ‘taabasho fudud’ qiimaynta maaliyadeed. Haddii aanad ku raacin qiimaynta taabashada fudud, waxaad waydiin kartaa qiimayn maaliyadeed oo fudud. Inta aad bixin doontaa waa la isku xisaabiyaa iyaddoo laga fekeraayo: haddii aad helayso daryeelka gudaha daryeelka guri, gurigaaga, ama goob kale. Qiimaha gurigaaga laguma xisaabtami diino haddii lamaanahaga ama xubin qoyskaaga ah oo ka yar 18 ama ka wayn 60 ama leh daryeel iyo taagerada baahiya noloshooda oo ku jirta hantida. Haddii aad haysato lacag kayd ah oo u dhexaysa £23,250 iyo £14,250 waxaa lagu waydiin doonaa in aad bixiso £1 wiigii oo ah daryeelkaaga £250 kasta oo aad hayso. Waxaa sidoo kale lagu waydiin doonoo in aad ka bixiso lacagtaad hesho sidii dakhli caadi ah sidii xaalad ama bisil gaar ah iyo dheefaha. Wixii lacag ah ee aad ka shaqaysato shaqada laguma xisaabtamo. Haddii aad ku nooshahay guri daryeel waxaad had iyo jeer yeelan doontaa ugu yaraan least £24.90 wiigii wixii kharashaad gaar ah ka dib qadarka aad ku bixiso ee lagu xisaabtamay. Haddii aad ku nooshahay gurigaaga waa in lagaaga tagaa ugu yaraan inta ugu yar ee damaanada dakhliga ee da’daada lagu daray xadka 25%. Si aad u hesho wax badan oo ku saabsan qiimayntaada lacageed fadlan tixraac buug yaraha “Go’aansanaya Ka Qayb galkaaga Maaliyadeed.” (Determining My Financial Contribution) Catabadaha raasamaalku, kharashaadka gaarka ah ee gunooyinka iyo heerarka dakhliga ugu yar waa ay isbeddeli karaan iyagoo ku salaynsan dib u eegid sanadle ah iyo siyaasada Dowladda. Waxaanu ku siin doonaa nuqul qiimayntaada maaliyadeed marka la dhammeeyo. Adeegyada Kharashaadka laga saaray Kaama qaadi karno kharashka noocyo gaar ah oo daryeelka iyo taageerada. Kuwani waa: • Daryeelka caafimaadka dadka waa wayn, oo ay ka mid tahay dib u awood siinta ama dib kuugu celinta cagahaaga ka dib joogitaanka cusbitaalka, (tan waa in adiga lagugu siiyaa kharash lacag la’aan ilaa lix wiig). • Qalabka bulshadda, tusaale ahaan caawimada iyo la qabsiyada yar yar. Tan waa in lagu bixiyaa kharash la’aan haddii shuruudu tahay in ay buuxiso ama ka hortagto/baahiyaha daahida. Tani waxay noqon doontaa la qabsiga yar oo kharashkeedu tageyo £1,000 ama ka yar. • Daryeelka iyo taageerada dadka qaba cudurka Creutzfeldt-Jacob. • Adeegyada daryeelka ka dib/ taageerada lagu bixiyo hoosta 117 ee Xeerka Caafimaadka Maskaxda1983. • Wixii adeegyo ah ama qayb adeega ah kaas oo NHS waa waajib in la bixiyo. Tan waxaa ka mid ah sii wadista daryeelka caafimaad iyo wax ku biirsiga NHS ee daryeelka kalkaaliska diiwaanka gashan. • Qiimaynta baahiyaha iyo qorshaynta daryeelka. Kharashaadka Kale Marka lagu daro maaliyad ahaan qiimaynta dhanka wax ku biirsigaaga qorshaha taageeradaada, waxaa jiri kara kharashaad kale oo macquul ah oo aanu samayno tusaale ahaan: xanaanaynta xawayaanka rabaayada marka aad kujirto cusbitaalka taas macnaheedu waa kharashka qolka eyga, kharashaadka qofka daryeelka qufuladda haddii aanu geli karno gurigaaga xaalada gurmadka ah. Sideen u bixin doonaa daryeelkayga? Lacag bixinta Tooska ah - Haddii aad doorato in aad hesho Lacag bixin Tooska ah, qadarka Gollahu ku biiriyo Miisaaniyadaada Shakhsiyeed waxaa toos loogu bixin doonaa kootada bangigaaga afar wiig oo kasta. Waa in aad bixisaa qaban qaabada aad ku bixinayso wax ku biirsigaaga (haddii ay jiraan wax) kootada bangi la mid ah oo aad bixisaa kharashaadka daryeelkaaga iyo taageerada aad u dooratay adeeg bixiyayaasha. Gollahu-maareeyo- Haddii aad doorato in aad hesho miisaaniyad gollahu-maareeyo, Gollaha Ealing waxa uu habbayn doonaa daryeelkaaga iyo taageerada. Waxaa lagaaga baahan doonaa in aad na siiso kharashka wax ku biirsigaaga. Waxaanu kuu soo diri doontaa foojar afar wiig gudaheed, ama waxaad dooran kartaa in aad ku bixiso lacag bixin kootada ah oo toos ah. Miisaaniyada Isku jirta - Haddii aad helayso Miisaaniyada Shakhsiga ah sidii Lacag bixin Toos ah iyo qaar sidii miisaaniyad gollahu-maareeyo, waxaanu kugula talin doonaa sida sida aad u bixin doonto lacagtaada wax ku biirsiga ah (haddii ay jiraan wax). Helitaanka macluumaad badan oo ku saabsan kharashyadan Daryeelkaaga iyo qorshaha taageerada waxay muujin doontaa adeegyada la bixinayo si ay u buuxiso baahiyaha (Miisaaniyadaada Shakhsiyeed –Personal Budget). Waxaad codsan kartaa in la kala qaybiyo kharashaadka Gollahu uu ku biirin doono Miisaaniyadaada Shakhsiyeed marka taageeradaada iyo qorshaha daryeelka iyo qiimaynta maaliyadeed la dhammaystiro. Waydii shaqaalahaaga bulsho in uu bixiyo tan. Waxaad heli doontaa xaqiijinta gaarka ah ee qadarka, haddii ay jiraan wax, waxaa lagaaga baahan doonaa in aad wax ku biirsato dhanka Miisaaniyadaada Shakhsiyeed ee raacsan qiimaynta maaliyadeed. Heshiisyada Lacag bixinta Dib loo dhigay Kharashku waxa uu tagaa Daryeelka Degenaanshaha oo waa uu yara sarayn karaa. Haddii aad leedahay gurigaaga oo aad iskaa u nooshahay waxaa lagaa fili karaa in aad tan naftaada ka bixiso. Si lagaaga caawiyo bixinta kharashkaaga, Gollahu waxa uu bixiyaa alaabta loogu yeedho Heshiishka Lacag bixinta Dib loo dhigay. Tani waxay awood kuu siisaa in lacag laga amaahdo Gollahu helayo ee ka soo horjeeda ah qiimaha hantidaada. Waxay la mid tahay daynsiga guryaha, oo qanadaraas ayaa laga samaynayaa dhexdayada oo kharashka sharci waxaa la dhigi doonaa hantidaada. Haddii aad doorato jidkan, waxaa jiri doona kharashyo iyo dulsaar uu dul dhigayo gollahu si uu bixiyo. Wixii xog dheeraada ah ee ku saabsan alaabtayada waxaa laga heli karaa buug yaraha Heshiiska Lacag bixinta Dib loo dhigo. Waxaanu awood u leenahay keliya in aanu ka talo bixino qaban qaabooyinka lacag bixintayada dib loo dhigay. Waxaa dhici karta in aad ogaato in ay jiraan alaabooyin badan maalgelin ku habboon oo aad heli karto. Waa in aad ka raadsataa waano maaliyadeed oo madax banaan il takhasus leh marka aad ka fikirayso Heshiiska Lacag bixinta Dib loo dhigay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qiimaynta Maaliyadeed Haddii aad jeclaan lahayd in aad ogaato wax badan oo ku saabsan noocyada dakhliga, kaydinta iyo kharashka la isticmaalo muddada habkan, fadlan tixraac warqadayada “Go’aan gaadhista Wax ku biirsigaaga Maaliyadeed” ee sharaxda sida wax ku biirsigaaga loo xisaabiyo. Tan waxaa laga heli karaa www.ealing.gov.uk 21 Cutubka 7 Daryeelkayga iyo Qorshaha Taageerada Waa maxay Daryeelka iyo Qorshaha Taageerada? Haddii uu gollahu masuul ka yahay buuxinta baahidaada, waxaanu kaala shaqayn doonaa adiga in aanu isku gayno taageerada iyo Qorshaha Taageerada. Tani waa mid qoran, warqad shakhiyeed oo ay isku raaceen dhexda adiga iyo gollaha oo faahfaahinaysa sida loo buuxin doono. Haddii aad tahay Daryeel bixiye, waxaad heli doontaa qorshe dejinaaya teegeerada lagugu caawinaayo doorkaaga daryeelida. Maxaan u baahan doonaa in aan ka fekero waxa ku saabsan ka hor inta aanan dhammaystirin qorshahayga? Go’aanka ugu muhiimsan ee aad u baahantahay in aad samayso ka hor inta aanad bilaabin qorshahaaga waa sida aad u rabto daryeelkaaga iyo taageerada la qaban qaabinayo. Waxaad ka dooran kartaa ta soo socota: 1. Lacag bixinta tooska ah – tan macnaheedu waa in aad heshay miisaaniyadaada shakhsiyeed gudaha foomka ee lacag bixinta 4 wiig naqadkooda oo uu habbeeyo in uu ku siiyo daryeelkaaga iyo adeegyada taageerada laftaada ama caawimada musharax. Musharaxu waa qofka (tusaale ahaan, lamaane, xaaska, saaxiib ama xubin qoyska ah) kaas oo aad adigu magacowday si uu kaaga caawiyo maaraynta lacag bixinta tooska ah. Ikhtiyaarkan kuma habboona daryeelka qaban qaabada guriga. 2. Sidii kooto la maareeyo ay qabato kooxda saddexaad(inta badan loogu yeedho Maalka Adeega Shakhsiyeed ama ISF). 3. Ikhtiyaarka gollahu maareeyo. Waxaad go’aansan kartaa in aanad maarayn maaliyadaada iyo codsiga kaas oo Gollahu uu tan kuu sameeyo adiga. Waxaanu maarayn lahayn miisaaniyadaada iyo adeeggyada anagoo ku metalayna. Waxaanu habbayn lahayn adeegyadaada taageerada ee la safka qorshahaaga shakhsiyeed, oo hubsan lahayn in ay diyaar u yihiin sida la isku raacay oo loo bixiyay. 4. Miisaaniyada Isku jirka ah – qaban qaabada ay ka midka tahay walxaha qaar ikhtiyaarada kor ku qoran. Xusuuso, waxaad beddeli kartaa sida aad u hesho daryeelkaaga iyo taageerada wakhti kasta. Haddii aad doorato lacag bixin toos ah ama miisaaniyad isku jirta, waxaanu si xoog leh kuugula talinaynaa in aad akhrido hagaha gollaha lacag bixinta tooska ah—waxaad waydiisan kartaa shaqaalaha bulshada nuqul. Yaa iga caawin kara in aan dhammeeyo Daryeelkayga iyo Qorshaha Taageerada? • Haddii aad doorato lacag bixin toos ah markaas waxaad kari kartaa: • Dhammaystir qorshahaaga ama waydii saaxiib aad aaminsantahay ama xubin qoyska ah in uu ku caawiyo. • Sidoo kale waxaad waydiin kartaa Ealing Direct (lacag bixinta tooska ee taageerada adeegyada ah ee gollaha ama mid ka mid ah shuraakadooda lacag bixinta tooska ah si uu kuu caawiyo. • Haddii aad doorbidayso, waxaad waydiisan kartaa qaban qaabiye taageero oo madax banaan si uu kuucaawiyo. Fadlan iska jir in noocyada waanada ah ay inta badan yihiin kuwa lacag ahoo ay dhici karto in kharash ku lug lahaado. • Haddii aad doorato ikhitiyaarka uu maareeyo gollahu, shaqaale bulsho ayaa ku caawin doona in aan dhammaystirto qorshahaaga oo markaa waxa uu dejin doonaa oo maarayn doontaa daryeelka iyo taageerada daryeelkaaga isagooku metelaaya. Fadlan ogow: haddii aad u qalanto baahiyaha daryeelka bulshadda ay buuxinayaan daryeelaha aan rasmiga ahayn sida xubin qoyska ah ama saaxiib, waa in lagu daraa habka qorshaynta. Sidoo kale waxaan u baahan doonaa in aad diiwan ku qorno heshiiskooda si aanu daryeelkan iyo taageerada adiga kuu siino. Sidoo kae waxay xaq u leeyihiin in ay su’aalaan qiimaynta daryeelayaashooda. Doorka qareenada madaxa banaan Qaybta u badan, dadka waxay dhex qaadaan daryeelka iyo qiimaynta taageerada iyo habka qorshaynta iyaga laftoodu ama in caawimo ah oo ka timid xubin qoyska ah iyo saaxiib. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ognahay xaaladaha qaarkood, dadka waxay haysan karaan ‘dhibaato muuqata’ in ay ku maraan habkan. Duruufahan, haddii aanu jirin cid diyaar u ah ama awood u leh in ay ku caawiso, waxaanu habbayn karnaa Qareen Madax banaan si loo hubsado in aragtidoodu iyo rabitaanadooda si buuxda ay u muujiyaan qiimayntoodoo dhan. Muxuu u eekaan doonaa Qorshahayga Taageeradu? Haddii aad doorato lacag bixin toos ah ama miisaaniyad isku jir ah markaa qorshahaaga daryeelka waxaa loo soo bandhigi karaa sida adiga aadka kuugu habboon. Waxay noqon kartaa mid qalin lagu qoray, la teeb gareeyay ama xataa lagu dhammaystiray sawiro iyo calaamado. Haddii aad doorato ikhtiyaarka gollahu maareeyo, waxaanu ku siin doonaa warqada qaab qoraalla buuxinayo. Qorsha kastaa waa ku duwanyahay, laakiin xog gaar ah waa in had iyo jeer lagu daraa, sida: • Faahfaahinta daryeelka bulshada lagu caddeeyay qiimayntaada.. • Sida baahiyahaagu u buuxiyaan heerka qiimaynta u qalmida ee Gollaha. • Baahiyaha gollahu buuxinayo iyo sida loo qprsheeyo in sidaa loo sameeyo. • Haddii aad tahay qof u baahan adeegyada daryeelka, waa maxay natiijooyinka la rabaa? • Macluumaadka iyo waanada ku saabsan sida loo yareeyo oo looga hortago baahiyaha taageerada ee mustaqbalka. • Sida loo codsado faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Miisaaniyadaada Shakhsiyeed. Haddii aad doorato lacag bixin toos ah, qorshahaaga waa in ay ku jirtaa baahiya in lagu buuxiyo ikhtiyaarkan, ay ka mid tahay qiimahooda. Sidoo kale waxaa ku jiri doona qadarka lacag bixintaada ee ka yimid gollaha iyo goorta la bixin doono. Qorshaha Taageerada Daryeelayaasha Daryeelayaasha u qalma taageero ka dib dhammaystirka Qiimaynta Daryeelaha sidoo kale waxay xaq u leeyihiin qorshahooda Taageerada. Tani waxay faahfaahin doontaa wixii hadafyo ah ama natiijooyin ah ee ay rabaan in ay ka guul gaadhaan: ee xaga daryeel bixinta, shaqada, waxbarashada iyo/ama raaxaysiga/ Sidoo kale waxay muujin doontaa haddii wax daryeel ah iyo taageero la siinayo qofka la daryeelayo. Qorshahayga ama waxaa aqbalaya Gollaha? Haa – Gollaha Ealing Council waxaa u diyaarsan hablagu aqbalayo Daryeelka Shakhsiga iyo Qorshayaasha Taageerada iyo Qorshayaasha Taageerada Daryeelayaasha. Waxaanu u baahanahay in aanu hubino in qorshahaagu uu buuxiyo baahiyahaaga loo qalmo ee daryeelka bulsho, taageerada fayo qabka oo oo ku badbaadiyo iyo siiba diiwaaniyo kharashadka la buuxinayo, Waxaad heli doontaa nuqul qorshahaaga u dambeeya ah ee diiwanadaada iyo gudbinta. Qorshahayga ma beddeli karaa? Marka qorshahaaga la aqbalay oo la fuliyo waxaa loo beddeli karaa duruufaha soo socda: • Waxaad samayn kartaa isbeddelo yar la’aanta baahida ee dib u eegida rasmiga aha ama dib u qiimaynta. Tusaale ahaan: beddelka wakhtiga ee adeega, beddelkaagu ma kordhiyo halista oo waxa uu ku jiraa miisaaniyadaada shakhsiyeed ee la aqbalay. • Isbeddelada muhiimka ah, waxaad u baahan doontaa in aad la xidhiidho shaqaalahaaga bulshada oo waxaad u baahan doontaa in aad dhammaystirto dib u eegid badan oo daryeel oo rasmi ah. Fadlan ogow in aad ku wargeliso daryeelahaaga bulsho haddii daryeelahaaga iyo baahiyaha taageerada ay si wayn isku beddelaan wakhti kasta. Dib u eegida daryeelkayga iyo qorshaha taageerada Shaqaalahaaga bulshada waxa uu kula hubin doonaa adiga waxa ku saabsan baahiyaga daryeelka 6-8 wiig ka dib marka qorshahaagu bilaabmo si loo hubiyo in dhammaan wax kastaa ay fiicanyihiin. Intaa ka dib, waxaanu kula soo xidhiidh doonaa hab sanadle ah( ama si ka dhakhso badan haddii taageeradaadu isbeddel u baahantahay ka hor taariikhda dib u eegidaada la qorsheeyay). Cutubka 8 Dib u eegidayda Marka Daryeelkaaga iyo Qorshaha taageerada la diyaariyo, waxaanu dib kuula eegi doonaa qabanqaabada si loo hubsado in wax kastaa ay u socdaa si debecsan. Dib u eegid kastaa waxay xooga saari doontaa afar su’aalood oo waa wayn oo ku saabsan qorshahaaga. Waa fursadaada in aad sheegto waxa si wanaagsan u shaqaynaa, oo aad caddayso dhinacyada horumarka, tan waxaa ka mid ah: 1. Waxa shaqaynaya, waxa aan shaqaynayn – iyo wixii isbeddel ah ee looga 2. 3. 4. baahanyahay Daryeelkaaga iyo Qorshaha Taageerada. Miyaa wax hadafyadaada ama natiijooyinkaaga ayaa la gaadhay ama ay ku dhow dahay in la gaadho? Ma leedahay wax ahdaaf ama ujeedooyin aad doonayso in aad gaadho? Haddii aad doorato lacag Bixinta Tooska ah, sideed ku maaraysa lacagtaada? Waa in aanad dhex marin dib u eegida keligaa. Waxaad waydiin kartaa xubinta qoyska, saaxiib, Daryeele ama Gollaha waxa uu habbayn karaa Qareen madax banaan in uu joogo dib u eegidaada haddii loo baahdo. Dib u eegidan waxaa ku jiri doonta Daryeelahaaga, iyo qof kale oo ay khusayso caawinta daryeelkaaga iyo taageero. Ta ugu muhiimsan, dib u eegidan waa wakhtigaaga aad ka hadasho sida aad ka dareento waxa ku saabsan Daryeelka yo Qorshaha Taageerada, oo ay ku talo bixiso wax isbeddelo dhankeeda ah. Waxaa jira saddex nooc oo waa wayn oo dib u eegid ah kuwaas oo la fulinayo, kuwaas waxay yihiin: 1. Dib u eegid lix ilaa sideed wiig ah. Tan caadi ahaan waa telefoonka guudkiisa. Waxaanu hubin doonaa in dhammaan taageeradaada la caddeeyay ay bilaabantay oo ay si wanaagsan u socoto. Haddii loo baahdo, waxaanu ku samayn karnaa isbeddelo yar yar taageerada aad helayso. 2. Dib u eegida sanad laha ah ee la qorsheeyay.Hal mar sanadkii, shaqaaaha bulshadda ayaa ku soo booqan doona si uu uga hadlo sida Daryeelka iyo Qorshaha Taageeradu uu kuugu shaqeeyay adiga dhanka buuxinta natiijadaadii la aqbalay. Muddadii dib u eegistaadii sanadlaha ahayn, waxaad sidoo kale dhammaystir kartaa qiimayn cusub si aad u hubsato in taageerada aad helaysaa ay weli habboontahay. 3. Dib u eegid aad la qorshayn. Tan waxaa lagu samayn karaa wakhti kasta haddii ay jiraan isbeddel wayn oo druufahaaga ah, heerarkaaga baahiyaha ama xaalad dhibaato ah. Nooca dib u eegida waad codsan katraa, Daryeelahaagu, Gollaha ama qofka adiga ku metelaata. Waxaad heli doontaa nuqul Daryeelkaaga ah iyo Qorshaha Taageerada haddii aad samayso wax isbeddelo ah muddada dib u eegidahan. Isbeddelo waa wayn oo kale oo heerka taageerada ah ee aad u baahantahay waxa uu macnahoodu noqon doonaa in aad u baahan doonto qiimayn cusub. Waa in aad la xidhiidhaa shaqaalaha bulshadda ama Xarunta Xidhiidhka Adeega Bulshadda sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah haddii duruufahaagu ama baahiyahu isbeddelaan taariikhda dib u eegidaada xigta ee la qosheeyay. Cutubka 9 Waa maay xadka miisaaniyada kharashka daryeelku? Abriil 2016, qayb kale oo isbeddelo Xeerka Daryeelka ayaa la dhaqan gelin doonaa. Sanadka soo socda, xadka miisaaniyada kharashka iyo dib u habbayno dheeraada oo adeegyada kharashka ah ayaa la samayn doonaa. Ta lagu talo bixiyay ‘xadka kharashka miisaaniyada’ micnaheed waa in aanu qofna bixinayn in ka badan £72,000 dhanka kharashka daryeelkooda loo qalmo iyo baahiyaha taageerada. Qadarka la tiriyay ee dhanka xad kharashka waxa uu gaadhaa £72,000, Gollaha ayaa soo fara gelin oo bixin doona kharashka si loo buuxiyo baahiyaha loo qalmo. Tan waxaa lagu dabaqayaa dadka si buuxda u maalgelinaaya daryeelkooda iyo taageerada siiba kuwa hela maalgelinta Gollaha. Xataa haddii aad habbayso oo bixiso dhammaan kharashka daryeelkaaga iyo taageerada adiga laftaadu, waxaad awood u yeelan doontaa in aad la xidhiidho oo iska diiwaangeliso Gollaha wixii baahiyaha qiimaynta ah. Muddada habkan socdo, waxaanu ka hadli doontaa baahidaada hadda iyo ta xiliga dheer oo waxaanu ku ogaysiin doonaa haddii aad u qalanto daryeel iyo taageero. Waxaanu ku ogaysiin doonaa kharashka kullanka baahiyahaaga loo qalmo, tani waa qadarka loo tirin doono dhanka xadka kharashka. Laga bilaabo Abriil 2016, tan waxaa laga diiwangelin doonaa Miisaaniyada Shakhsiyeed ee Madaxa banaan iyo Kootada Daryeelka. Xadka miisaaniyada kuma habboona kharashka daryeelkaaga ka hor 1 Abriil 2016. Wixii faahfaahin dheerada waxaa laga heli doonaa isbeddeladan muhiimka ah muddada 2015, iyo xubin kooxadayada Xidhiidhka Adeega Bulshadda waxa uu kaa caawin karaa in aad ka jawaabto wixii su’aalo ah ee aad hayso ee ku saabsan arrintan, ama wax kasta oo xeerarka daryeelka iyo taageerada cusub ah ee lagu sheegay buug yarahan. Waxaad kala xidhiidh kartaa iyaga: 020 8825 8000. Xidhiidhada Faa’iidada leh Ealing Council Social Services Contact Centre Telefoonka: 020 8825 8000 Iimayl: sscallcentre@ealing.gov.uk Community Benefits Team Telefoonka: 020 8825 8555 Iimayl: cbt@ealing.gov.uk Financial Assessment Team Telefoonka: 020 8825 5998 Iimayl: financialcontributions@ealing.gov.uk www.ealing.gov.uk Ealing Community Network Telefoonka: 020 8280 2289 Iimayl: info@ealingnetwork.org.uk www.ealingnetwork.org.uk CarePlace www.careplace.org.uk National Brokerage Network Telefoonka: 01279 504735 www.nationalbrokeragenetwork.org.uk Ealing Direct Telefoonka: 020 8825 8475 Iimayl: ealingdirect@ealing.gov.uk Money Advice Service Telefoonka: 0300 500 5000 www.moneyadviceservice.org.uk Wakhtiyada furintaannka: Isniinta ilaa Jimcaha (8subaxnimo to 8fiidnimo) iyo Sabtida (9 subaxnimo to 1duhurnimo) Society of Later Life Advisors (SOLLA) www.societyoflaterlifeadvisers.co.uk Care Quality Commission (CQC) Telefoonka: 03000 616161 www.cqc.org.uk NHS Choices Macluumaadka ku saabsan xaaladaha caafimaad ee gaarka ah, waano caafimaad oo hab nololeedka ah iyo heltaanka adeegyada NHS ee maxaliga ah. www.nhs.uk 29 Haddii Af Ingiriisigu yahay luqaddaada koowaad Warqaddan waxay ka koobantahay xogta ku saabsan adeegyada gollaha. Haddii aana dawood u lahayn in aad akhrido oo aanad garanayn cid kuu akhriyi karta adiga, fadlan kala xidhiidh xarunta adeega macmiilkayaga cinwaanka hoose. Xarunta Xidhiidhka Adeega Bulshadda, Ealing Council, Perceval House 14-16 Uxbridge Road, London W5 2HL or telephone 020 8825 8000 Fiirooyin