ilays - SomaliTalk.com
Transcription
ilays - SomaliTalk.com
ILAYS WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN OO LAGU DAABACAY MADBACADDA HORYAAL BOSASO FEBRUARY 18 2009- Caddadkii 7aad, Tell:-761613 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaaso Madaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009, ilays AMINARTS:SHAYDAAN SAWIRE EEG BOGGA 4AAD S hir Jaraa’id ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole waxaa uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarunta Madaxtooyada ee Magaaladda Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii Saxaafada u sheegay inuu aad u soo dhoweynayo hadaladii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmarke Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul Wasaaraha cusub xilka loo doortay. Waxaa kaloo uu Madaxweynaha DGPL intaas ku daray Iin Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo jeedo qoys tariikh ku leh Soomaaliya. Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2aad FAALLO Shariifka & Sharma’arke: Xal Ma U Helayaan Soomaaliya? H ayaan aad u dheer ayuu Shiikh Shariif u soo galay hanashada Kursiga hogaaminta Soomaliya. Waa la hubaa inaan saldhigashada Kursigaas mudo ku dhow Labaatan sano Raisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Somaliya: Sun Ma lagu Aasay? ‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’ EEG BOGGA 7AAD EEG BOGGA 3aad Madaxweynihii Hore C/rashiid Cali Sharma’ Madaxweynah Somalia Sheekh Shariif Sh. Ahmed GOLIS TELECOM SOMALIA Marketing Dept. LANDLINE FEATURES Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 2aad & 3aad ARBACA 18 FEBRUARY 2009 Ilays Newspaper founder. Abdi Shakuur Mire Aadan Managing Editor Omar said Mohe’d 712246 Editor Omar said Mohe’d Design and Layout Omar Said Moh’ed Reporter Bashiir M.M 711613 KU SOO HAGAAJIYA FIKARADIHIINA ilaysnewspaper1@gmail.com 2 ILAYS NEWSPAPER Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaaso Bosaso, 16,feb,2009, ilays Shir Jaraa’id ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarunta Madaxtooyada ee Magaaladda Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii Saxaafada u sheegay inuu aad u soo dhoweynayo hadaladii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmarke Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul Wasaaraha cusub xilka loo doortay. Waxaa kaloo uu Madaxweynaha DGPL intaas ku daray in Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo jeedo qoys tariikh ku leh Soomaaliya. xillgii uu Raisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ka ahaa Lixdamaadkii. Waxaa Madaxweynaha DGPL carabka ku adkeeyey in mashaariicdii horumarineed ee Aabihii Soomaaliya u qabtay weli raadkoodii ka muuqdaan Berbera ilaa Kismaayo. Waxaa kaloo uu intaas ku daray inuu wax weyn ka qaban doono Dr.Cumar Cabdirashiid arrimaha Soomaaliya. Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu meesha ka saaray mugdi la filayey inuu siyaasad ahaan soo kala dhexgalo Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawladda Midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, horay ayey DGPL uga biya diiday sida loo soo xulay xubnaha Barlamaanka Midnimada Qaran ka mid noqonaya.iyagoo Puntland ku adacootay inaan laga talo gelin xulida xubnaahaas ku fariisanay kuraasta Puntland. Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha Puntland ayaa amaan u soo jeediyaey Dawladda Jabuuti isagoo sheegay inay door weyn ka ciyaartay sidii la isugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed isagoo ka dhawaajiyey inuu booqasho ku tegi doon dhowaan wadanka Jabuuti. Waqtiga uu booqashada ku joogay Madaxweynuhu Magaaladda Xarunta u ah Ganacsiga Puntland ayaa waxaa uu kulamo kala gooni gooni ah uu la qaatay bulshada noocyadeeda kala duwan. Ururada Bulshada , ganacsatada , odayaasha, saxaafadda iyo weliba aqoon yahanada iyo indheergaratada. Kulamadaas ayaa waxaa aad loogu gorfeeyey xaalada wadanku marayo iyo sida loogu baahan yahay in laga dhabeeyo isbedelkii uu maamulka cusubi ku yimid. Madaxweynuhu waxaa kaloo uu socdaalkiisa ku soo maray goobaha kaabayaasha dhaqaalaha sida dekeda Bosaaso iyo Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, waxaa uu booqday Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Jaamacadda Bariga Africa, xarumaha Gobolka iyo kan degmadda, Isbataalka Boosaaso iyo weliba isagoo dhagax dhigay ceel Cusub oo biyaha Boosaso siin doona. Waxyaabaha ka dhashay booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa ugu mudnaa balanqaadka DGPL iyo ganacsatadu kaalinta ay ku yeelanayaa dib u dhiska Isbataalka Magaaladda Boosaaso. Waxaa kaloo aad loogu riyaaqay dayactirka wada qur ah ee laamiga ah,isla markaana dhexmarta Boosaaso oo runtii ah mid aad u dayacnayd xilligan. Mudada kor u dhaaftay labada todobaad ee Madaxweynaha DPL Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ku sugnaa Boosaaso ayaa la oran karaa waxaa uu ku soo afjarmay safarkiisu mid lagu guulaystay iyadoo safarkaasi uu ahaa midkii ugu horeeyey ee Madaxweynaha iyo ku xigeenkisu ku gaalaabixiyaan Boosaaso. Iyadoo Madaxweynaha DGPL iyo waftigiisii ayaa dib ugu noqday Garowe duhurnimadii Maalintii Iniinta eek u beegnayd 17 Feb2009 isagoo u kiciimay Garowe Caasimada DGPL. Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif Shir jaraa’id oo uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zanaawi ayaa waxaa uu ku xaqiijiyey inuu maamulkiisu si wanaagsan oo aan ka dhici maamulkii ka horeeyey ula dhaqmi doono maamulka ay hogaaminayaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’isul Wasaare cumar C/rashiid Cali Zanawi ayaa Laba Sano ka hor waxaa uu u arkayey inay khatar xoog leh kaga soo fafayso wadankiisa Ethiopia xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee ka adkaaday Qaqablayaashii Muqdisha. Waxaa uu ahaa ninka u diray Ciidamadiisa inay galaan gudaha Somalia, isla markaana soo burburiyaan dagaalyahanadii Maxakamadaha Islaamiga ahaa ee uu hogaamiyaha u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Intuu socday shirkaas Jaraa’id ayaa saxaadadu waxay ka qod qodeen Ra’iisul Wasaare Meles Zanaawi inuu sheego khasaaraha naf iyo maalba leh ee dalkiisa uga baxay faragelintii uu ku sameeyey Somalia. Waa ka warwareegay isagoo diiday inuu ka faaloodo jabkiisa nafeed iyo dhaqaale ee dalkiisa soo gaaray. Zanaawi waxaa uu daaha ka qaaday inuu dhamaaday faragelintii ciidan ee uu ku sameeyey Gudaha Soomaaliya. .isagoo intaas ku laray inaan ciidamadiisu dib ugu laaban doonin Somalia. Waxaase uu si hoose u sheegay isagoo bidhaaminaya danaha gaarka ah ee Ethiopia ka leedahay Somalia. inaanay ka horjoogsanayn Ethiopia inay ciidamadeedu ka talaabaan xuduuda iyagoo soo fulinaya hawlgalo lama huraan u ah Ethiopia.. Zanaawi waxaa uu daboolka ka qaaday in dawladiisu taageerto qabiilooyin Somalida ah, kuwaas oo ka soo horjeeda Kooxda Al-shabaab. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in beeshii kolkii hore bud-dhigaha u ahayd Al-Shabaab ay iminka ka soo horjeedo. Si darana ula dagaalamayso. Beeshaas (Cayr) waxay u baahnaan doontaa Taageero. Etiopia diyaar ayey ula tahay. Mar wax laga weydiiyey Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo uu waqti u arkayey inuu hogaamiyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee sida weyn dawladda Ethiopia uga soo horjeeda waxaa uu yiri Meles Zanaawi:Intii muda ahba Ethiopia waxa ay la lahayd xiriir Shiikh Shariif.intaas ka dib waxaa uu daba dhigay inaanay Ethiopia haynin wax ogaansha ah oo muujinaya in Shiikh Shariif ka tirsanaa ururo argagixiso ah. Balse uu ahaa Islaamiiste keliya, taasna Ethiopia wax dhib ah uma aragto. IshaWararka:-Wakaaladaha Wararka GOLIS LANDLINE FEATURES Call forwarding Si aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan: �Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57# Callwaiting Si aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58# Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Ogaansha waqtiga Fadlan garaac: #*32 Callback on busy Wakeup time Sidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul Sidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad kaa noqday markale adiga: balanta leedahay: Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac ku soo wacayaa : Tusaale: 1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55# ARBACA 18 FEBRUARY 2009 FAALLO Shariifka & Sharmarke: Xal Ma U Helayaan Soomaaliya? Hayaan aad u dheer ayuu Shiikh Shariif u soo galay hanashada Kursiga hogaaminta Soomaliya. Waa la hubaa inaan saldhigashada Kursigaas mudo ku dhow Labaatan sano ay Soomaalidu hardan dheer ugu jirtay siday maruun u heli lahaayeen hogaamiya mideeyo oo mar qur ah dib u soo cesha karaamadii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka Madaxweynaha Midnimada Qaran ee lagu doortay Jabuuti waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Gudoomiyihii Maxkamdaha Islaamiga ahaa, macalin wax ka dhigi jiray dugsiyada Muqdisho, mid ka mid ah. Gudoomiye Maxkamd Shareecada wax ku xukunta ee Jawhar ku ooli jiraty, hogaamiyihii duurka galay ee ka dibna isu dhiibay Kenya. Horseedihii Mucaaradkii Dib U Xoraynta Soomaaliya. Hogaamiyihii heshiiska la galay Dawladii Federaalka, kolkii Isbahaysigii laba u kala dhanbalmay. Siyaasi Islaami ah, isla markaana reer galbeedku soo yara dhoweystaan,.ninkii Itoobiya la diriray; balse maanta aan sidii hore ugu cadcadeyn dagaalkeeda,.nin ay inta badan ka biya diideen siyaasadiisa kooxaha Jihaad doonka Soomaaliya oo uu beri madax u ahaan jiray xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah. Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waa u col dawladiisa Midnimo Qaran. Waxaa kaloo ka soo horjeeda kooxaha wadaniyadu madax martay iyo weliba hogaamiyayaasha qabiilka oo ay ku daaban yihiin qabqablayaashii hore. Shiikh Shariif inkastoo loo tiriyo nin dadka Soomaalida ah badankoodu la dhacsan yihiin ,haddana waxaa jira dhimbilo dab ah oo hoos ka nool. kuwaas oo gubi kara isu ururinta xaabada lagu midaynayo Somalia Si loo dhayo damqashooyinka boogihii hore ee Soomaalida kala geeyey, waa in la helaa dhaymo caafimaad qabta oo lagu dabiibi karo dhaawaca bukuunka ah. Haduu Barlamaanku doortay Shiikh Shariif ,waxaa uu isaguna Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke 13 Feb 2009 3 ILAYS NEWSPAPER Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku sheegay “Ujeedada aan halkaan isugu nimid waxay tahay magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii aan aragney qodobka 44-aad ee Axdiga KMG ah, ee awooda siiniya magacaabista wasiirka Koowaad, markii aan tixraacey heshiiskii Jabuuti oo ahaa in Xukuumad Midnimo Qaran la soo dhiso, markii aan la tashadey Xildhibaanada, siyaasiinta, odeyaasha wax-garadka, Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan u magacaabey Wasiirka Koowaad ee Dowlada Midnimada Qaran Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, maanta oo ay taariikhdu tahay 13/ 02/2009-ka, wasiirka 1-aad waxaa laga rajeynayaa inuu ku shaqeeyo daacadnimo, hufnaan, firfircooni iyo karti, kuna wajaho dhameystirka dibu-heshiisiinta soona dhiso Xukuumada tayo leh oo u adeegta dadka, dalka iyo Diinta Shacabka Soomaaliyeed”. Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo kadib magacaabistiisa hadal gaaban ka jeediyey islamarkaana aqbaley magacaabista xilka loo dhiibey ayaa wuxuu yiri “waxaan dareensanahay xilka la ii magacaabey culeyka uu leeyahay iyo marxalada uu dalka marayo, waxaana na horyaala hawlo fara badan, waxaase jira fursado abuuraya yididiilo, waxaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha jira”. 14 Feb 2009 ayaa Barlamaanka Soomaaliya waxaa uu aqlabiyad ku ansixiyey magacaabistii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Intaas ka dib ayaa waxaa la odoasi karaa hawsha culus ee hortaal labadan hogaamiye ee ka midka ah dhalanyaradii dhalatay xoriyadii Soomaaliya ka dib. Ma shalana arrimaha dhicanyada badan ee xalintooda laga sugayo. Waxaa soo baxaya su’aalo dhowr ah oo ku wajahan sida loo furdaamin karo is diidanaanta siyaasadeed ee kooxaha kala aragtida ah ee ka jira gudaha Soomaaliya. Isku dayo badan ayaa la sameeyey xilligii burburka qaranimadii Soomaaliya, marwalbana waa lagu guul daraystay sidii loo soo celin lahaa dawlad Soomaaliyeed oo isu keenta qarankaas kala tegay. Hadaba xal ma u helayaan Madaxweyne Shiikh Shariif oo ka soo jeeda kooxaha Islaamiyiinta oo iyaga qudhooda qaybo ka mid ahi siyaasad ahaan diidan yihiin Shariifka iyo Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo siyaasad ahaan u janjeera dhinaca reer galbeedka, ahna siyaasi cilmaani ah (scholar). Marka la isku dardaro niyad samid hogaanka cusub ee Soomaaliya yeelatay, waxaa la qabaa yiidiilo ka wanaagsan sanadihii la soo dhaafay ee Soomaaliya ku soo dhexjirtay dhibaatooyinka dhinacyadda badan lahaa. TAARIIKH NOLOLEEDKII RA’ISUL WASAARE CUMAR Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali sharma’arke Da’diisu waa 49 jir, waxaana dhalay Alle Ha u Naxariistee Madaxweynihii Hore ee somalia C/rashiid Cali sharma’arke. Mr sharma’arke waa Aqoonyahan ku takhakhusay Culuumta siyaasada iyo dhaqaalaha, waxaana uu ka qalin jebiyay Jaamacada Carlton University ee Magaalada Ottawa ee dalka Canada. Sanadkii 1984 ayuu ka qalan jebiyay Jaamacadii Umada ee Muqdisho, waxaana uu ka qaatay Shahaado cilmiga dhaqaalaha. Sharma’arke waxaa uu ka soo shaqeeyay Wadamada Suudan iyo Sierra-leone isagoo u shaqeeynayay Qaramada Midoobay, Sanadihii 2000 ilaa 2007, ka dib intuusan Hakad gelin markii ay soo weerareen Kooxaha kacdoonka ka wada Darfur oo dhaawac u gaystay. Ra’isul Wasaare Sharma’arke waxaa kaloo uu ka soo shaqeeeyay Bangigii Horumarinta ee somalia iyo shirkadii coca-cola oo uu ka ahaa xubin iyo la taliye, Mr Sharma’arke:- Waan La Hadlayaa Ururka Al-Shabaab Ra’isalwasaaraha dawlada KMG ah ee Somaliya Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharma’arke ayaa wareysi uu wadajir ugu siiyey wakaalada wararka Reuters wuxuu kaga hadley arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin qaabka ay noqon doonto dalwada cusub ee lagu wado in uu soo dhiso, in dawlada ay ka qayb noqon doonaan xoogaga ka soo horjeeda ee Al-Shabaab, hanjabaadii ka soo yeertey kooxda Al-Qaacida, falalka burcad badeeda, dadka ka qaxay deegaanadoodii, isbadalka dastuurka iyo nidaamka asxaabta badan, arinta Somaliland iyo arimo kale. Ra’isalwasaare Cumar, waxaa uu sheegay in xukumadiisu ay Mudnaanta Kowaad siin doonto Amaanka, Arimaha siyaasada iyo dib-uHeshiisiinta Dalka Mar la waydiiyay Ra’isalwasaare Cumar Qaabka uu wajahayo Ururka Al-shabaab, waxaa uu yiri “Ma doonayno colaad, waxaana kuwa kale ugu baaqaynaa xaqiiqdii inay bilaabaan wadahadal, waxaan ku dhameyn karnaa waxa inaga dhaxeeya wadahadal, waxaan u baahanahay inaan ogaano muxuu yahay khilaafka iyo muranka AL-Shabaab ay maanta ku dagaalamayaan, khilaaf caynkee ah ayay u adeegsan karaan inay ku diidaan Madaxweynaha ama aniga, sidaasi darteed waxaan filayaa inaanay jirin wax ku keeni kara inay dagaalamaan maanta, waxaana ugu baaqaynaa xaqiiqdii iyaga, inay eegaan halka uu ku dambeeyey wadanka 18-kii sano ee ugu dambeeyey, xaqiiqdii waxaan isku dayaynaa inaan la fariisano oo aan la hadalno iyaga (Al-Shabaab), ka dawlad ahaan ma doonayo inaan abaabulno ama ka fakarno dagaal, waxaan isku dayaynaa inaan u yeerno oo aan casuuno cid kasta, koox kasta oo siyaasadeed, qof kasta oo banaanka ka jooga qorshahan, ee rajeynaya in la wadahadlo, rajeynaya in loo dhaqaaqo dariiq kasta, waxaana isku dayi doonaa inaan abuuro oo aan ka dhigo dawladan mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan” Isha Waraysiga:-SBC/Reaters GOLIS LANDLINE FEATURES CALLCONFERENCE Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference �hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobilekaaga Gacanta � Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale qurux@hotmail.com geele@gmail.com � dabadeed dir fariinta. NB: dal iyo Dibadba waa isku mid ARBACA 18 FEBRUARY 2009 4 ILAYS NEWSPAPER Soomaaliyeey: Ha Quusan ! Ha Quuran!. W.Q.Cabdiraxman M.Cabdullahi (Baadiyow Waxaan muddo dheer ku soo jirnay sheekooyin khiyaali ah iyo mashariic laga leeyahay meelo Soomaaliya ka baxsan oo wada hoorsaday fashil iyo qarab-jab, hadana dadkeyni welli wax badan oo waayo aragnimo ah kama baran oo fikirkii iyo ficilkii welli halkisi. Waxaan noqonay goobtii lagu fuliyay dagaalkii qaboobaa (cold war) aya oo qarankeynu curdanka yahay, waxaan noqonay goobtii dagaalka sokeeye ee dawladnimadeynna lagu dumiyay, waxaan noqonay goobtii dagaalka loogu magic daray “ la dagaalnka argagixisada”, waxaan noqonay goobtii dagaalka goboleedka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eriteriya. In kasta oo eedda inteeda badan la saari karo hogaanka siyaasadeed ee qaranka, hadana, waxaa la dhihi karaa waa cudur Somaali caam noqday, waa balaayo oodda laga qaaday oo fiday, waa fitno meelo badan ku luga fidsatay oo ku neefsatay. Waxaa aan ka dambi yareen madaxda siyaasadeed aqoonyahaanada la shaqeynayay maxadda oo runta u sheegi waayay, u fasiri waayay dhibaatadooda, la kala saftay reerahooda, ka qeybgalay dagaaladooda, kuwa ka qaxay oo afka xirtay, kuwa niyad-jabka la jiifa guryahooda. Waxaa nasiib daro noqotay in mar kasta la arko aqoonyahaan hoos ordaya jabhadaha iyo kuwa dagaalada hurinaya,kuna mashquulsan danyar oo gaar ah, tii qaranka iyo tii uu wax u-bartayna iska iloobaya oo caqligiisu noqday sida ruux aan weligii dugsiba la geyn oo qaran iyo qabiilkiisa aan kala garaneyn. Haddi ummadu qaran-jabto sida Somaaliya oo kale, oo xaalkeydu gaaro iney noqoto hilib meel banan ah waran oo haadka iyo habaar-dugaag micidda iyo cidiyaha ku qaadayaan, waxaa loo baahanyahay, aqoonyahaano aan niyad-jebin, wax-garad guuldarada diidda, dhallinyaro fir-fircoon, naado cusub oo maarada uhaatiya oo hogaan leh, mabd’a leh, qorsho leh, mashruuc qaran ah. Waxaa loo baahanyahay fikir qaran-dhis ah iyo ficil abaabulan oo baraarujin iyo hawl tusaalayn hor keeni kara ummada quusatiinada joogta, si rajadu usoo noqoto. Waxaa loo baahanyahay waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid bulsho oo isku xiran oo aan saldhig iyo asaas ka dhigan reernimada, dagaal lagu guuldarestana aan la gelin jiritaaka reeraha. Waxaa loo baahanyahay in niyad-jabka laga xuroobo, oo loo arako dhib kasta inuu yahay imtixaan xagga Ilaahey, fursad AMINARTS:- SHAYDAAN SAWIRE Amin Camir Oo ay Cabsi Weyni Soo Foodsaartay Bosaso, 14 feb, 2009, Somalitalk.com Madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id oo uu Boosaaso ku qabtay Feb 14, 2009 waxa uu si kulul uga hadlay sawir gacmeed uu dhawaan sameeyey Amiin Caamir. Sawir Gacmeedkaas oo uu Amiin Caamir ku muujiyey wax u eg warshad lacag soo qufeysa oo uu si muuqata ugu dul qoray “Warshada lacagta ee Faroole”. Waxaana ku sawiran sawir qof gashan ama xiran dhar madduul leh oo dhahaya, sida qoraalku muujinayo, “Puntland Dhaqaale Xumo ayaa ka jirta ee Lacag la’aani kama jirto” Dr. Faroole oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Hawshii naloo xilsaaray (markii aqlabiyad nalaku doortay) iyo ballaan qaadkii aannu samaynay, barnaamijkii dawladda waxaa ka mid ahaa inayan dhici karin marna waxaan dadka maslaxadiisa ahayn in aan laga shaqayn, waxaan xagga dhaqaalaha wax weyn ka sheegnay, inaannu la diri doono sicir bararka, lacago aan la daabaci doonin, cid soo daabacdana aanaan ogolaan dooni in ay dalka ku daabacaan ama dibadda ay ka keenaan.” Waxana uu intaas ku daray “Dacaayado raqiis ah oo dad hadba qof inta dhawr doolar u tuuro jaraa’id wax ku qorqora ama websiteyo wax ku qorqora, ama sawiro ayaa dacaayad (borobagaando) raqiis ah meelahaas furaya ay ka mid tahay ninkan Amiin Caamir la yiraahdo oo halkaan aad hadda sawirkiisa ku arkeysaan.” Dr. Faroole oo hadalkisii sii watey waxa uu yiri “idinka ama cid kale ha ahaatee waa ogolahay in wixii jira oo aduunka ka jira la baahiyo oo dadka la gaarsiiyo, laakiin been abuur u dul qaadan meyno ama dibad halaga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee. Waa dacweyneynaa, Garyaqaanno ayaanu qabsaneynaa, kana hari mayno waxyaabaha dacaayadda ah ee lagu burburinayo horumarka dalka iyo nabad galyada iyo siyaasadda, ama Soomaaliya oo dhan ha ahaato ama dawlad Goboleedka Puntland.” C/raxamaan Faroole waxa uu markaas weriyaasha u sheegay in wasiir ku xigeenka Warfaafinta DGPL ay weriyaashu arrintaas si wanaagsan uga waraystaan. wax laga baran karo, waxna lagu bedelli karo. Waa in la ogaadoin ummaduhu dhib iyo dagaalo soo wada mareen, laakiin ay ka gudbeen. Sidaas taariikhda aadamiga ayaa na bareysa, cumriga ummadahana laguma qiyaaso sanado yar, lagamana waayo waqtiyo dagaallo iyo dhibaato dhabar-jebis ah. Laakiin waxaa la rabaa inaan la niyad–jebin, inaan la rajo beellin, inaan la quusan oo la xassusto ayadaha Qur’aanka kariimka ah ee timlaamaya in maalmaha dadka loo kala bedelayo (wa tilkal ayaama nudaawiluha beyna al-naas”, in culeys iyo dhibaato kasta uu ka dambeeyo fudeed iyo dhibyaro “innna bacdal cusri yusran” iyo inaan laga quusan naxariista Ilaahey “laa taqniduu min raxmati Laah”. Gunaadkii, xalka dhibatada Somaaliyeed hal mar lama gaarayo oo muddo dheer wixii la duminayay, muddo dheer oo dhismo ah ayuu u baahanyahay. Waa dib-ushis ummadeed waa fac cusub oo hana qaada, waa fikirkii wax-burburinta oo bedelma, waa tawfiiq xagga Ilaahey oo timaada. Waddada sax aha waxey ka bilaabata in loo jeesto dhanka qiblada dawladnimada, niyad saafi ah lala yimaado, Somaali ka tashato da Wasiir ku xigeenka warfaafinta, C/ shakuur Mire Aaden ayaa u shegay warbaahinta in dacwadda ay Puntland la tiigsaneyso Amiin Caamir ay bilaabanayso Waqti dhow. C/shakuur Mire Aadan waxaa uu shirka Jaraa’id ku bayaamiyay khaladaad iyo been-abuur ay saxaafadda qaarkeed samayso. Waad u jeedaan farshaxanka Amiin Caamir waxa uu qoray taas oo uu ku muujinayo in Puntland ay taal wershed lacageed, weliba uu ku sii caddaynayo wershedda in uu leeyahay madaxweynuhu. C/shakuur Waxaa Yiri”Taasi waxay ka mid tahay been abuurka lid ku ah sharaafta jiritaanka Puntland. Halkan waxaad ku arkeysaan wargeysa jamhuuriya la yiraahdo in uu isagu kaba sii af-dheeraaday oo uu ku sheegay in golaha wasiirada Puntland ay go’aamiyeen wershed lacag ah oo lagu sameeyo Puntland gudaheeda. Waxaa yaab ah, bini’aadamku been wuu sheegaa, beena waa la sheegaa oo bini’aamigu been wuu sheegaa, laakiin waxaa la yaab leh been aan sal iyo raad lahayn in la sheego. Waxaa jira website-yo caadaystay in ay sameeyaan been abuur lid ku ah is-bedelka dhawaan ka dhacay Puntland. naheedasi isqancis iyo isku grawsho leh. Ballankeynu ka ahaado inaan calaacalka iyo oohinta joojino oo aan nabadda ka shaqeyno, dagaaladdana diidno. Balankeyno ha ahaado inaan xarigga diintenna wada qabsanno oo aanan ukala qeybsamin isna collaadin. Balakeynu ha ahaado inaan la niyad-jabin oo adkeysi iyo dulqaad badan loo yeesho dhibaatooyinka. Balakeynu ha ahaado inaan toosnaan mabd’a iyo ficil amaabulan la nimaado. Balankeenu ha ahaado meel kasta oo aad joognaba, hawl qabad, niyad sami, rajo iyo hanuunsanaan. Ugu dambeyntii, balakeynu ha ahaado inaan nafteynna eedeyno (self criticism) oo inta ficil sax ah la nimaado, Ilaaheyna si buuxda u tala saarano, asiga oo kaliyah ayaa yuwaada inuu xaalkeyna wax ka bedelo, wixii kheyr ahna na waafajiyo. Ilaahow na waafaji toobta toosan, baarkeynana burcad isku mari. Ilaahow waxaan nahay addooman tooba keen ah ee colaadaha nabad noogu bedel, dawlad cadaalad sameysa, dadkeynna isku keenta oo diintaada koryeeshana noo sahal. Aamiin Dhamaad Amiin Caamir waxa uu joogaa waddan sharcigu shaqeeyo dalka Canada. Waxaannu ballaan qaadeynaa, “already” aannu la xiriirnay Garyaqaan. Waa la yaqaanna website kasta meesha laga marti geliyo (host-gareeyo) oo laga daabaco (post-gareeyo), waa la yaqaannaa cidda damiinatay ee iska leh. Amiin Caamir waxaannu ku dacwaan doonaa sharciga caalamiga ah waayo waddanka uu joogo waa waddan sharciga la ilaaliyo, guud ahaana waanu qabsanay qareenkii u doodayey Puntland. Waxaa laga rabaa xaqiijinta iyo caddaynta qoraalka uu gacantiisa ku sawiray. Ma aha (waxa aan sheegeyno) wax been abuur ah oo isaga ayaa ku saxiixan Amiin Caamir, website kiisana waa laga heli karaa. Amin Caamir oo Ka soo jeeda Beesha Camuudi ee degta Degmada shangaani ee gobolka Banadir ayaa soo wajahay Cabsi weyn ka dib markii Booliska Canada ay Tageen Gurigiisa, ayna ka waayeen. Shaydaan Sawire amin arts waa nin aad u Caqli badan oo si xirfadaysana u sawira Bani’aadamka, Hase yeeshe Culimada somaliyeed waxay ku sheegeen shaydaan ku Cayaaraya Sawirka Dadka. ARBACA 18 FEBRUARY 2009 Kobaca Waxbarashada Sare ee Puntland. Abdifitah Mohamed Sugulle cabdisugulle@hotmail.com Boosaaso- Soomaliya Horumarka umadaha waxaa lagu qiyaasaa heerka ay hadba taagantahay waxbarashada sare, dowladaha kobcay oo dhan waxay galiyaa maalgashi xoogleh waxbarashada sare si ay u kobciyaan tayadeeda iyo cilmigeeda. Waxbarashada sare ee Soomaaliya waxay soo martay maraaxli kala gadisan; -1954, waxaa la asaasay macahad labo sano ah oo ka kooban kuliyada Dhaqaalaha iyo Sharciga. -1967, waxaa la asaasay Macahdka Tababarka Macalimiinta ee Lafoole. -1970, waxaa la sameeyay jaamacada Ummadda Soomaaliyeed. 5 ILAYS NEWSPAPER Muqdisho University oo la’asaasay sanadka 1997. Waxbarashada sare Puntland waxay asaasantay waxii ka danbeeyay 2000 markaas oo la’asaasay jaamcadii ugu horeysay ee ku taala deegaanada Puntland oo ah Jaamacada Bariga Afrika. Waxaa sidoo kale asaasamay jaamcado kale oo ku kala yaal gobolada Puntland Sida Puntland State University, Sool University, Muqdisho University( Faraca Puntland) iyo kuwa kale oo aanan halkaan ku soo kuubi karin. Waxaa jira caqabado hortaagan waxbarashada sare ee Puntland waxaana kamid ah: Waxbarashada sare Puntland waa jaamacdo si gaar ah loo leeyahay oo aan dowlada hoostagin mana helaan dareel dowladeed, kharashaadka howlaha lagu wadona waxaa qaar laga aruuriyaa radayda dhigta inta kalena waxaa kaba aqoonyanahada Soomaliyeed ee hawsha jaamcada isku xilqaamay. Waxbarashada sare ee soomaalya waxay ku tiirsaneed dhaqaala ahaan iyo cilmi ahaanba dalalka shisheeye gaar ahaan dalka talyaaniga oo luuqadiisu lagu dhigan jiray waxbarashda waxaana Jaamcada Ummada Soomaliyeed wax ka dhigi jiray Sidoo kale waxbarashada sare Puntmacalimiin Talyaani ah. land mahaysto profosooro taye leh, taasna waxaa sabab u ah dhaqaMarkii lasameeyay jaamcada Umalaha jaamcadaha soo gala oo yar mada Soomaliyeed waxbarashada, iyo dowlad kabta oo aan jirin. deegaanka iyo caafimaakdu waxay ahayd lacag la’aan waliba ardayda Waxaa dhib wayn ku ah aradayda ka waxaa la siin jiray lacag bilah. qalin jabisay qaarkamid ah jaamacaWaxii ka danbeeyay burburkii soomalidaha Puntland in ay helaan shahaaya waxaa asaasmay jaamacado fara do laga aqoonsanyahay caalamka badan oo gaar loo leeyahay, waxaasi ay u sii wataanwaxbarashada na kamid ahaa jaamcada sumacada sare ama ay shaqooyin uga helaan wayn ku leh Soomaliya ee caalamka Manhajka laga dhigo jaamacadaha Puntland waa mid ay samaysato jaamacadu mana jirto wasaarada waxbarashada sare oo koontaroosha manaahijta iyo nidaamka jaamacadaha. Jaamcadahada aduunka ka jira waxaa luu fududeeyaa ardaydooda in ay sameeyaan cilmi baarisyo kala duwan oo lagu horumarinayo bulshada ay jaamcadu ku dhextaal, jaamacadaha Puntland ku yaalana lagama helo adeegdaan oo kale, waana loo cududaari karaa maadama aysan jirin dowlad kabta oo ka caawisa arimahaan oo kale. Wali lagama bilaabin deegaanada Puntland waxbarashada sare ee Master degree iyo PhD Degree waana howl looga fadhiyo jaamcadaha in ay soo kordhiyaan. Sidoo kale Waxbarashada Sare ee Puntland waxay haysataa fursado kala duwan: Waxaa sii kordhayay sanooyinkii u danbe Ardayda ka qalan jabinaysa dugsiyada sare ee Puntland, cilmi baaris la sameeyay sanadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in ardayda kaqalin jabinaysa dugsiyada sare ay gaarayaan 1000 Arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, taas waxay fursada siinaysaa jaamacadaha ka jira Puntland in ay helaan arday fara badan oo waxka dhigata kana fududeeya culayska dhaqaale ee jaamacadaha saaran Waxaa sii kordhayay mudooyinkii danbe dareenka bulshada ee ahamiyada waxbarashada sare taasna waxay keenin in waalidiintu ku dhiirigaliyaa ilmahooda in ay sii wataan waxbarashada sare. Tartan xoogleh ayaa waxay ka dhex bilowdeen jaamcadaha ka jira Puntland taasna waxay keenaysaa halabuur iyo in ay kor u kacdo tayada jaamcadaha sidoo kale in ay ardaydou hesho aqoon tayo leh. Waxaa laga rajaqabaa sidoo kale in soomaliya ay u dhalato dowlad xoogleh oo dareel buuxda siisa waxbarashada sare. Aqoonyahnada Soomaliyeed ee waxkasoobarta dalalka shisheeye oo sii kordhaya kana qayb qaadanaya kobcinta jaamcadaha dalka. Dadka Soomaaliyeed waxay dhaqan u leeyihiin in ay iscaawiyaan waxna istaraan, siiba waxay iskala qayb qaataan waxbarashada, taasna waxay fursad u tahay ardayda danyarta ah oo ka qalin jabisa dugsiyada sare in ay helayaan cid ka bixisa jaamacada. Maadama waxbarashada sare tahay hormuudka bulshada waxaa lagama maar maan ah in aqoonyahanada horjooga ay muujiyaan iskaashi iyo isku duubni dhexdooda ah ayna ka soo baxaan shaqada hormuudnimo ee looga fadhiyo, waxbarashada sare ee Puntland waxay u baahantahay daryeel joogta ah iyo iskaashi dhexmara jaamacadaha dhexdooda si kor loogu qaado tayada aqoonta ay ardaydu helayso Xusuustii Qalinka. Gen.Daa’uud Cabdulle Xirsi. Allaha u naxariiste Gen, Daa’uud Cabdulle Xirsi waxaa uu ku dhashay tuuladda Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud Sanadkii 1924-kii. Agagaarka degaanka Mareeg ayuu ku dhamaystirtay barashada quraanka Kariim isagoo aad u dayar. Shaqo ayuu ka bilaabay Magaaladda BuuloBarde xafiis uu halkaas ku lahaa Talyaanigu, waqti yar ka dib ayuu u wareegay dhinaca Muqdisho ka hore dagaalkii Labaad ee Aduunka. Sanadkii 1943-dii ayuu ku biiray Ciidamadii Ingriiska xilli Soomaaliya oo dhan uu gacanta ku hayey. Shaqadii uu ka ahyey Ciidamadii ayaa ahayd inuu noqday Tababare xeradii ciidamada Booliska eek u taalay Xamar Jajab.. Kolkuu mar labaad dib ugu soo noqday Talyaanigu Soomaaliya qaybteedii Koonfurees Sanadkii 1950-kii. Waxaa uu Gan.Daa’uud ka mid noqday horaankii Kontomaadkii rag ka tirsanaa ciidamadii Talyaaniga oo ku guulaystay imtixaan loo qaaday layli Sarkaalnimo. Isagoo ka mid noqday koox loogu qaady tababar Sarkaalnimo inay ku soo qaataan Wadanka Talyaaniga. Sanadkii 1954-tii ayuu Janaraal Daa’uud dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo sarkaal ah waqtigaas ka tirsanaa Ciidanka Booliska, mudo ka dib waxaa uu ka qayb qaatay diyaarinta iyo dhismihii ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,kolkay soo dhowaatay xornimo gaar siinta Soomaaliya. 14 Aprile 1960-kii ayaa Janaraal Daa’uud waxaa la siiyey darajadda Janaraalnimada isagoo noqday taliyihii ugu horeeyey ee uu yeesho Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ,dadka aadka u yaqaanay waxay ku tilmaamaan inuu ahaa nin Soomaalinimadu ku dheertahay, caadil ahaa sla markaana ay aad u jeclaaayeen ciidamada uu madaxda u ahaa. Waxaa uu ahaa Gen.Daa’uud Cabdulle nin diinta aad ugu dhaqma isla markaana ku guubaabiya ciidamada inay diintooda ku dheganaadaan. Nin kasta oo la jecelyahay maalin ayey geeridu haleeshaa. Allha u Naxariiste Gen.Daa’uud waxaa tii Ilaahay u timid isagoo weli gacanta ku haya dhisida ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee difaaca u ahaa qaran curdin ah . waxaa uu Weli waxaa lagu xusuustaa Gen. Daa’uud sidii sharafta lahayd ee uu u hogaaminayey ciidankaas u madaxda u ahaa. Waxaa uu ahaa nin dhamaan askarta uu xukumaa wada jecel yihiin ,nin qabiilaysiga ka fog. Waxyaabahaas oo waarsiiyey taariikhdiisa wanaagsan ee ilaa iyo manta jiilba jiilka kale u tebiyo. La soco cadadka xiga Gen. Daa’uud Cabdulle Xirsi Taliyihii Xooga Dalka Somaaliyed Qormada Xusuusta Qalinka waxaan ku soo qaadana Halgamayaashii iyo Madaxdii somaliyeed ee Caanka ahayd. Qormadeena Xigta, waxaan ku soo qaadanaynaa Gen. Maxamed Abshir Muuse ARBACA 18 FEBRUARY 2009 Koboca Islaamiyiinta Somalia ( Siraha Qarsoon ) Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta. Qormadii 7aad Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii XHKS waxay si baaxad leh dagaal bareer ah ugu qaadeen Islaamiyiinta. Iyagoo xeel ahaan u adeegsanaya ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha xaafadaha oo si fudud loogu la socon karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka jiray dalka. Waxaa laga warhayey guri kasta iyo qofkasta ee ku nool tabeelaha ama unug xaafaddaas wax uu qabto iyo waxa uu aaminsan yahay iyo weliba kacaanimadiisa inta lagu kalsoonaan karo. Iyadoo intaas u sii dheereyd Xisbiyiinta iyo Ururadda Bulshada, haweenka,.Dhalinyaradda iyo Kuwa Shaqaalaha. Ciidankii Guulwadayaasha ayaa 24 saacadood oo kasta xogta xaafadda u soo gudbin jiray Madaxtooyadda. Hayadda sir doonka NSS-ta. Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta iyo siyaasiyiinta loo arkayey inay ka soo horjeedaan hanaan u socodka Kacaanka Hantiwadaaga ah ee Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa ahaa mid nooc kasta leh oo la doonayey in lagu caburiyo garashada ka duwan tan kacaanku qabay. Dadka noocaas ah waxaa lagu hayey xabsiyada kala ahaa Mandheera. Laanta Buur. Ka gadaalase waxaa loo wareejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay, looguna tala galay siyaasiyiinta ka soo horjeeda Kacaanka Oktoobar. Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof. Yuusuf Xirsi Axmed oo isagu Buugiisa Xabsigaygii ku soo gudbinayaa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii Kacaankii galeyey uu kala kulmay ’’ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa habeenimadii kol ay saacadu ku beegnayd 11:00 ama shantii habeenimo ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuusuf Cismaan Samantar(Bardacad), Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole (Aswad), Cali Canbe iyo Maxamed Xareed. waxaa naloo dareershay dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku jiray ee Laanta Buur..’’ Waa sii waday sheekadiisii Xabsiga ’’ Waxaa nala keenay daarada qaybta Qamta ee Xabsiga Laanta Buur. Meel muuqaal wanaagsan oo dhirta geed hindiga loo yaqaani haraysay. Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax ah oo lagu xardhay mar-mar. Mudo laba saacadood ah markaan 6 ILAYS NEWSPAPER fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qamta waxaa laga soo saaray rag ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal, Shiikh Cabdiqani Axmed, iyo Janaraal Cabdulaahi Hoolif. Janaraal Maxamed Abshir waa la soo saaray laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey ma arag.’’ Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay 2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii lagu amray inay baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin Xasan iyo Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhinaca ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn oo nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad, iyo nin kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha waxaa looga qoofalay silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee baaburta aan saarayn korka ka ilaalinaysay. . Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac baxay. Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la oran jiray oo isaga markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn taas oo ay ku jaah-wareereen NSS-tii,waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo gudbeen adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi ahayn. Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah hanashada hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17 Sano aan helin dawlad hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa . Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga faa’iidaysteen waqtigaas inay afkaartay rabeen ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la oran karay inuu fikirkoodaasi mira dhalay ka dib markay dadku bilaabeen inay diintooda u soo noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fahmaan. Waxaa kaloo dacwada baraaruga Islaamku gudbutay waqtigaas masaafo aad u balaaran oo taariikhda gashay. Xubnihii13ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1978-dii xilligaas oo siyaasadii XHKS caga dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex cisho lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga. Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan Cabdisalaan iyo rag kale oo badan, waxayna u kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay jaamacado islaami ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa. Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta, waxaana kala daatay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa. Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii lala galay Itoobiya iyo weliba xarig kala furashadii Midowgii Sofiyat-ka iyo Soomaaliya. Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta, waxaana kala daatay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa. Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii lala galay Itoobiya iyo weliba xarig kala furashadii Midowgii Sofiyat-ka iyo Soomaaliya. Khilaafkii Gama’sanaa ee Islaamiyiinta Dhexdooda Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaa meesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynayey Sanadkii 1973 ilaa 1977-dii. Khilaafka ku soo kordhay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud oo ahaa Gudoomiyihii Al-Ahli uu markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Muslimiin dadka badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir. Wararka jiray waxaa ka mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen fikirka Jamaacatul Muslimiin (Takfiirka). Marka laga reebo xubnihii ku jiray Xabsiyadda. Hase ahaate markiiba xubno badan ayaa ka noqoday qaadashada afkaarta takfiirnimadda. Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga Islaamka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyey waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud mar ah iigu jawaabay:’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar’’ Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay? ’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday. Maadaama kacaanku xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda xabsiyadda laga soo daayey ayaa si weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii degdegaysay.” LA SOCO CADADKA XIGA W.Q. cabdishakuur Mire Aadam ARBACA 18 FEBRUARY 2009 7 ILAYS NEWSPAPER Soomaaliya: Sun Ma lagu Aasay? ‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’ Qaybta 4aad Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009 Qareenka Xaashi waxa uu yiri: “Ka hor intii uusan u soo dhoofin Talyaaniga, waxaa Xaashi u yimid Jeelle oo u ballan qaaday lacag si uu qirto dilkii (weriyaasha).” Warqaddaas dukumiintiga ah waxaa qaaday Boolisku si ay diiwaanka u geliyaan. Laakiin Dembi Baare Maxkamadeed oo loo xilsaaray kiiska Alpi ayaa warbixin uu qoray sannadkii 2005 waxa uu ku sheegay in Warqaddii laga xaday Diiwaanka Booliska. Xilligan Booliska Talyaanigu waxay sheegeen in aysan wax fikrad ah ka hayn meel uu jaan-iyo-cirib dhigay ama ay ku ogyihiin Giorgio Comerio. Kuwa kale ee Sunta Halista ah geeya Afrika, sida Giampiero Sebri, waxay adeegsadaan nimaad xarfadaysan oo si caadi ah u muuqda, ayey tiri warbixintu. Giampiero Sebri waxaa uu yir:“Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah waxa uu la mid yahay eber” “Waxaa dhici karta in aan u muuqdo danayste” sidaas waxaa yiri Giampiero Sebri oo ka mid ahaa kuwii Sunta Halista ah geyn-jirey Soomaaliya... Waxana uu intaas ku daray “Halkaas uma tegin in aan jokolaato iyo nacnac u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas u tagey in aan geeyo Haraadiga Sunta Halista ah iyo Sunta nooca loo yaqaan Radioactive....” Giampiero Sebri waxa uu isku dubaritey nidaam uu ku samaysanayo hay’ad ama shirkad maxalli ah oo Qashinka/Haraadiga Suntan Halista ah keenta dunida soo koreysa (Afrika) isagoo Suntaas ka soo qaadaya Warshadaha reer Galbeedka Giampiero Sebri oo sharraxaad ka bixinayey sida ay ugu sahlan tahay in uu shirkad maxalli ah ka furto degaanka uu doonayo inuu ku duugo Sunta Halista ah waxa uu yiri: “Shirkadaha leh Warshadaha iyo xitaa shirkadaha Dawladda, marka ay isugu ururaan kayd gaaraya kumaan iyo kumanaan tan (kiintaallo) oo ah Qashin Haraadi ah (ama Sunta Halista ah) oo ay tahay in la duugo, waxaan markaas shirkad maxalli ah ka sameeyaa degaanka dal soo koraya (Afrika), waxaan markaas agaasimaa dhammaan hawlaha la xiriira sidii loo qaadi lahaa, sida Markabka iyo konteerada. Intaas wixii ka dambeeya waa in aan soo raro (Sunta), kaddibna ka dejiyo (markabka).. waa intaas oo keliya...” Giampiero Sebri waxa uu qayb ka ahaa mashruucii loogu magac daray “URANO” oo asalkiisii hore ahaa qorshe loogu talo galaay sidii Sunta Halista ah ee nooca Radioactive loogu duugi lahaa Saxaraha Galbeed ee Afrika Haamo sunta Warshadaha ay Ku Jiraan Oo ka soo Caariyay Xeebaha Somalia Mashruucii URANO ee Sun ku aasidda Qaaradda Afrika.. “Waxaa dhacday arrin cajaa’ib ah xilli aan dejineyney Haraadiga Sunta aan ku aaseyney (Saxaraha Galbeed), waxaa naloo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aanaan halkaas ku aasi karin. Taas macnaheedu waxa uu ahaa in qaar xamuulkii Sunta ah uu weli saarnaa markabka. Sidoo kale waxaa jirey markab jidka ku soo jirey afar ilaa shan beri oo soo wadey Haraadiga Sunta. Markaas labadii markab mid si ula kac ah ayaa loogu dhex dejiyey badda. Markabkii kale waxaa loo leexiyey oo la geeyey Soomaaliya,” ayuu yiri Giampiero Sebri oo muujinayey sidii ay ku bilaabeen inay Sunta Halista ah ku duugaan badda iyo xeebaha Soomaaliya. Waxaana TV-gu muujiyey foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo markab lagu rarayo. Qoraallo ay heleen Booliska dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku cad in markii kooxdii sunta duugeysey ay ku guul daraysteen in uu sii socdo mashruucii URANO-1 ee SaxarahaGalbeed, waxaa la agaasimey mashruuca URANO-2. Kaas oo sannadkii 1992 diiradda lagu saaray Soomaaliya sidii Sunta Halista ah loogu duugi lahaa. Soomaaliya xilligaas waxaa ka socdey dagaalkii ahliga ahaa. Dukumiinti ku saabsan mashruuca URANO oo diirada lagu saaray Soomaaliya Afar sano kaddib markii mashruucii URANO-2 jaaha lagu saray Soomaaliya, ayaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu mid ka mid ah dadkii xiriirka la lahaa Mashruuca URANO oo ah Ezio Scaglione waxa uu u saxiixay warqadda aad hoos ku arki doontid, isagoo - sida warqadda ku cad - u ansixiyey in Soomaaliya laga hirgeliyo Goob lagu Duugo Sunta Halista ah. Soo bandhigidda warqadda uu ku saxiixan yahay Cali Mahdi waxaa TV-gu ku xejiyey Giampiero Sebri oo dhehaya erayadan: “Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah waxa uu la mid yahay eber, waxa keliya ee ay qiimeeyaan waa lacag iyo weliba lacag siyaado ah, ma jiro wax ay kala jecel yihiin”. Kaddib waxaa durbadiiba shaashadda laga soo muujiyey foostooyin ay ku qoran tahay “Haraadiga Qashinka Sunta ah” (RIFIUTI TOSSICI = Toxic Waste). Waxaa markaas TV-gu warbixinta soo dhex geliyey Xaashi Cumar Xasan oo ilaa muddo 10 sano ah ku jira Xabsi ku yaal Waqooyi Talyaaniga, isagoo ah qofka keliya ee loo xiray in uu qayb ka ahaa weriyaashii Talyaaniga ahaa ee lagu dilay Muqdisho 1994. Qareenka Xaashi waxa uu yiri:“Xaashi Cumar waxa uu ka mid yahay dhibanayaasha ay sida xun ula dhaqmeen ciidamadii Talyaaniga ee ku sugnaa Soomaaliya. Markii uu yimid Rooma waxa uu ogaadey in lagu oogey dacwadda dilka (weriyaashii).” Xaashi Cumar waxaa dembigaas lagu xukumay kaddib markii ay ku markhaanti fureen laba qof oo sheegay in uu ka mid ahaa kuwii dilka geystey. Labadaas qof waxay ahaayeen Cali Maxamed Cabdi oo ahaa dareewalkii Alpi (weriyihii la diley) iyo ninka lagu magacaabo Axmed Cali Raagge, oo loo yaqaan “Jeelle” oo ku andacoodey in uu goobta dilku ka dhacay joogey Sannadkii 1997 waxaa Soomaaliya loo diray Ergey Khaas ah oo ka socdey Dawladda Talyaaniga, kaas oo watey lacag si uu u soo ururiyo xog iyo akhbaar ku saabsan dilkii weriyaasha. Waxa uu ergeyga Talyaanigu la xiriiray Jeelle. Waxaa markaas Jeelle la sheegay in uu la sii xiriiray Xaashi, waxana uu u soo bandhigay qaar kamid ah lacagta si uu Xaashi u qirto dilka. Xaashi markii uu diidey lacagta uu Jeelle u soo bandhigay, waxaa Xaashi si xeeladaysan looga gacan haadiyey Talyaaniga. Waxaa lagu casumey in uu ku markhaanti fure ciidamadii Talyaaniga ee ka tirsanaa Qaramada Midoobey ee lagu eedeeyey in ay isaga (Xaashi) si xun ula dhaqmeen. Markii uu tegey Talyaaniga, daqiiqadii uu diyaaradda ka soo degey ayaa la dhigay xabsiga isagoo loo xiray dilkii weriyaashii. Jeelle ayaa ku mudacay in Xaashi uu ka mid ahaa dadkii dilka u geystey weriye Alpi iyo sawir-qaadaheedii. Waxaa sidoo kale Xaashi ku mudacay Cali Maxamed Cabdi (dareewalkii) oo la diley markii uu ku laabtay Muqdisho. Waxaa markaas su’aali ka timid in Jeelle yahay qof la rumaysan karo. Jeelle waxa uu yiri waxaan joogey goobta dilku ka dhacay markii rasaasta la furay. Waxana uu ku andacoodey in uu yahay qofka ka muuqday laga qaaday goobtii dilku ka dhacay. Laakiin, Qareenka Xaashi ayaa yiri: “Sawiro la qaaday waxay caddeeyeen in qofka goob-joogga ahaa (sawirkii xilligaas la qaaday ka muuqda) uu ahaa ninka lagu magacaabo Cali Xasan Cosoble, ee sawirkaasi uusan ahayn Jeelle.” Haddii sawirkaasi uusan ahayn Axmed Cali Raagge “Jeelle”, arrintu waxay noqoneysaa in xukunka lagu ridey Xaashi Cumar Xasan uu ku dhacay si khaldan oo ah hal markhaanti oo keliya, kaas oo ahaa Cali Maxamed Cabdi oo isagiina la diley kaddib markii uu ku mudacay Xaashi, ayey tiri warbixintu. “Xaashi ma joogin Muqdisho maalintii dilku dhacay, kamana uusan mid ahayn kuwii weerarka geystey, waxa uu joogey magaalo lagu magacaabo Xaaji Cali oo qiyaastii 350 km Waqooyi ka xigta Muqdisho. Waxaan helnay 7 qof oo xaqiijiyey in uu halkaas joogey,” ayuu yiri Qareenka Xaashi. LA SOCO CADDADKA XIGA ARBACA 18 FEBRUARY 2009 Telcom Puntland Bosaso, Somalia 8 ILAYS NEWSPAPER Tel: +2524500069 HORYAAL PRINTING CENTER Fax:002524500001 ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga) Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9 qof oo aad joogto ula xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto Call Conversance Waa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION) Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu xirnaa ama dabku ka dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid fadlan qaraac 144 Balance sharing ( lacag waaag) Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta adiga u qoondeenaya hadba inta aad doonto Additional benefit Hadii Hadii Hadii Hadii Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah. Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ah Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah QAABKA LACAG KU SHUBASHADA Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed raac tilmaamahan. Ama ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok) Buugta Akhriska Buugta Iibka & Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards OGAASHAHA HARAAGAAGA Hadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221 dabadeed dhagayso tilmaamaha QAABKA XAWILASHADA call Forwarding Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#), sidoo kale waxaad xawilaada kaga bixi kartaa (#21#) Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAIL Waxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad setting Number 2522660111 Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin ah:Tell: #252-5-500069 ama Fax # 252-4500001 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO & QIIME KURAALI GALIYA Wixii faahfaahin ah kala xiriir Tell :- 824299/796169/726169 BOSASO SOMALIA
Similar documents
Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo Islaamiyiinta
si ay u hakiyaan gulufka dagaalka ee la doonayo in awooda looga tuuro Dowladda Shariifka. Ma ahan in loo fekero in Maraykanku u danaynayo shacabka Soomaaliyeed
More information