Somali Translation - Gifford Primary School
Transcription
Somali Translation - Gifford Primary School
Warqad sharaxeyso skoolka hoose ee xaafada Ealing Ilmaha iyo dadka qaangaarka ciidaminkooda Hordhac Warqadaan waxaa loo suubiyay waalidka iyo dadka ilmaha ilaaliyo oo ilmahooda skoolka xaafada Ealing digta mise bilaabi rabo. Waxeey kuu cadeyneysaa skoolka hoose gosidahiisa nooca eey kala yihiin iyo sidii aad ooga faideysan kartiin fursadaha oo dhan eey inku caawin karaan. Skoolada Ingriiska ku yaalo si aad u weyn beey isku badaleen tobanki sano oo la soo daafay gudahood. Hadii aad ku cusubtahay gosada skoolka mise aad mar dhow ka imaatay wadan kale, markaas warqadaan waxeey ku siini warran aad u fiican. Mahadnoqosho aad u weyn waxaan u celineynaa dadka oo dhan oo caawiyay in warqadaan la soo bixiyo ayagoo wax ku xayeysiistay. Arintaas waxeey ku caawisay lacagtii oo loo isticmaalay daabacda iyo tii lagu soo saaray warqada. Waxaan ku soo darnay macluumad ku saabsan manhajka skoolka iyo sidii loo imtixaani lahaa cunugaada (qiimeyn waxbarasho). Waxaan ku fasireynaa waxaa oo eey skoolka inka rabaan adiga iyo cunugaada bo iyo wixii oo xaga caawimaadka aad ka sugi kartaan skoolka. Waxaa ku qoran xataa arimo fiican oo kugu sheegaayo sidii aad si fiican oogu caawin kartid cunugaada xaga wax barashada. Waxaan aaminsanahay waalidka iyo dadka ilmaha ilaaliyo hadii eey ka war qabaan wax barashada cunugooda, waxeey la shaqeyn karaan skoolka si eey u suubiyaan cunugooda wax barashadiisa eey kor u aado. Arimaha can ka eh waxbarashada xaafada Ealing Sharciga wadankaan waxeey shaeegeysaa in ilmaha dhan oo 5 ilaa 16 jir ah in eey skool ku jiraan. Waalidka inta oogu badaan waxeey doortaan in eey ilmahooda skool u dirtaan laakinse sharciga waxeey cadeyneysaa in waalidka loo ogolyahay ilmahooda eey guriga wax ku baraan ayagoo manhajka wadanka raacayaan. Ingriiska daxdeeda, skoolka oo qasabka eh waxeey damataa Jimcadaa oogu dambeyso ee bisha June sanadka uu cunuga lix iyo toban jir eey u buuxsanto. Arin kale oo lagu daray tii hore waxeey tahay in sharcigi la badalay ee 2015 laga bilaabo ilmaha waxeey ku qasban yihiin in eey wax barasho ku jiraan ilaa intii eey 18 sano u buux santo. Skoolada inta oogu badan ilmaha waxaa la fadiisiyaa galaasaka ayakoo la fiirinaayo dadooda oo aan la fiirineynin awoodooda meesha eey mareyso. Sanadka marka eey damaato waxa loo gudbini galaaska ka koreyso, ayagoo la fiirineynin in eey gareen meeshi laga rabay. Skoolada oo gosada wadanka waxeey raacsan yihiin Manhajka Wadanka laakinse skoolda iyo macalimiinta goonidooda baa doorankaraan wixi eey bari rabaan iyo xataa sidii eey u qabqaabin rabaan waxa la baraayo ilmaha. Skoolka baa keeno inta oogu badan oo ah buugaagta waxbarashada iyo kuwa lagu qoro. Kubaas skoolka baa lagu xareeyaa ilmaha na waxeey guriga u qataan bugaagta eey oogu baahanyihiin in eey ka soo shaqeeyan guriga. Qado oo kulul baa skoolka laga siiyaa ilmaha waxaa na laga rabaa in uu waalidka mise qofka cunuga haayo in eey bixiyaan lacagtiisa wig kasto. Ilmaha qaarkood waxaa loo ogolyahay cunto oo bilaa lacag eh (FSM) hadii eey waalidka mise qofka haayo cunuga eey dowlada ceyr siiso. Skoolada inta oogu badan waxeey heystaan dar gooni ah oo la gishto oo eey ku qasbanyihiin ilmmaha eey u xirtaan skoolka. Waxaa loo diibi waalid kasto mise qofka oo ilmaha haayo liis eey ku qorontahay darka oo dhan oo looga baahan yahay in eey u soo gadaan cunuga. Qeybaha Skoolka Dada eey jiraan Augusto 31 deeda Sanadka 3-4 Xanaano 4-5 Xanaano 5-6 Heerka Manhajka Heerka Tiirmudka Meesha waxa lagu baro Qasab miyaa? Bilaa lacag miyaa? Skoolka Xanaanada Maya Maalinta haaf keed Haa Haa Haa Haa Haa Haa Haa laga bilaabo 2015 Haa Skoolka ciyaalka yar Sanadka1 Heerka1 6-7 Sanadka2 7-8 Sanadka3 8-9 Sanadka4 9-10 Sanadka5 10-11 Sanadka6 11-12 Sanadka7 12-13 Sanadka8 13-14 Sanadka9 14-15 Sanadka10 15-16 Sanadka11 16-17 Sanadka12 Skoolka hoose Heerka2 Skoolka ciyaalka daxe Heerka3 Skoolka daxe Heerka4 Heerka5 17-18 Sanadka13 Skoolka daxe mise Koleege Horumarka sidii loo cabiro Heerka kobaad ilaa midka labaad waayo kasto wuxuu heystaa lix qeybood. Kubaas lagu fiiriyaa cunugaada horumarkiisa asagoo la fiirinaayo ilmaha kale oo dadiisa oo wadanka ku nool. Ilmaha waxeey ku koraan si oo kala mid eh laakinse qeybahaas waxeey ku tusi karaan cunugaasa horumarkiisa markii loo fiiriyo dadiisa waxa laga rabo. Mathalan Heerka kobaad markii eey damaato, ilmaha inta oogu badan waxeey gareen qeybta labaad, iyo markii eey Heerka labaad dameyaan, inta oogu badan waxeey gareen qeybta afaraad. Qeybaha xataa wili weey u kala baxaan qeybo kale, markaas waxaad maqli karta mar mar macalimaha oo dahayaan qeybta 1c,2b mise 4a. Markaan ‘c’ waxaa laga wadaa meesha oogu hooseyso uu cunuga gaari karo qeyb kasto, ‘b’ waxaa waaye daxdaxda iyo ‘a’ waa miska oogu koreyso. Markaas cunuga eey shaqadiisa mareyso qeybta 2b wuxuu ku jiraa daxdaxda qeybtaas, asagoo ka koreeyo 2c oona uu usocdo 2a. Waxaan waxeey u ekaan kartaa adeyg laakinse waxeey caawineysaa macalimiinta in eey arkaan cunugu horumarkiisa sanadka daxdiisa. Mathalan cunug oo ka gudbo qeybta 3c oo aado qeybta 3a sanadka gudihiis wuxuu hormaray asagoo qeybtii sadaxaad wili joogo.Cunug oo ka gudbo 3c oo aado qeybta 4a horumar weyn ma gaarin asagoo wili qeybti afaraad u gudbay. Qeybtee cunugeyga loogu talagalay in uu ka shaqeeyo? Heer kasto markeey damaato, cunug kasto waxaa laga rabaa in uu gaaro tacliin nooc kale eh maado kasto. Miiska hoose wuxuu ku tusaayaa tacliinta laga rabo cunugi in uu gaaro qeyb kasto damaadkeed iyo ilmo qaarkeed oo aad u fiican meesha eey gaari karaan. Mathalsn ilmaha inta oogu badan markeey sanadka labaad dameyaan waxeey ku shaqeynayaan qeybta 2b, iyo qaar kale oo aad u dadaalaayo waxeey ka shaeyn karaan qeybta 2a mise 3c. Waxeey ku shaqeynayaan waxbarashada hore Waan og nahay cunug kasto in uu si gooni wax u barto; laakinse skoolka waxeey arki rabaan ilmaha in eey kor u gudbaan, ayagoo la fiirinin mesha eey ka bilaabeen. Meeshi loogu talagalay Aad u dadalaayaan Xanaanada Xanaanada 1c 1b Sanadka 1 1a 2c 2b 2a 3c 3b 3a 4c 4b 4a Sanadka1 Sanadka 2 Sanadka 3 Sanadka2 Sanadka 4 Sanadka3 Sanadka 5 Sanadka4 Sanadka 6 Sanadka5 5c 5b 5a 6c 6b 6a Sanadka 6 Cunugeyga side baa loo imtixaani donaa (qiimeyn waxbarasho)? Sanadka kobaad markuu damaado, ilmaha oo dhan waxeey fadiisanayaan imtixaan oo fiirineyso sidii eey xarfaha iskugu aadinayaan oo eey ka digaayan erayo. Cunugaada wuxuu la fadiisani macalin oo waxaa lagu dihi in uu aqriyo 40 erayo. Waxaa weeyan wax oo daqso badan oo lagu fiirin karo cunugaada awoodiisa in uu xarfaha isku aadiyo oo erayo ka digo iyo waxeey qaadaneysa daqiiqado yar. Jawaabta waxaa ku siini skoolka. Ilmaha waxaa si toos eh loo imtixaana markeey dameeyaan Heerka 1 iyo Heerka 2 damaadkood. Imtixaanadaan waxaa la dahaa SATS- Imtixaanada waxbarashada qiimeynaayay. Heerka 1 markeey damaato ( Sanadka 2, da’da 6 iyo 7) macalimiinta baa imtixaano ilmaha ayagoo isticmalayaan imtixaano oo aad u cusleyn oo maadooyinka Ingriiska, Xisaabta iyo Siniska. Markii eey dameeyaan Heerka 2 (Sanadka 6, da’da 10 iyo 11) ilmaha waxeey fadiistaan imticxaano oo wadanka oo dan eey fadiistaan oo aah maadooyinka Xisaabta (oo ku jirto sidii eey ooga shaqeynayaan xisaabta maskaxdooda) iyo Ingriiska: 1) Aqriska 2) Xarfaha sideey u kala gartaan iyo in eey sax u qoraan. Qorista waxaa u saxo macalinkooda. Waana laguu soo diri waxeey keeneen. Waxaad heli warbixin oo hal mar sanadkiibo oo ka socdo cunugaada skoolkiisa ayagoo kuu sheegayaan sidii uu cunuga skoolka ku suubinaayo. Waxaa jiro habeeno oo waalidka loogu talagalay adigoo lagaa casuumay in aad la fadiisatid cunugaada macalinkiisa oo aad kawada hadashiin horumarka cunugaada. Ka soo qeybka iyo imaanshada waqtigi loogu talagalay- Maalin kasto waa muhiim iyo cunug kasto waa muhiim Waxaan og nahay markii eey ilmaha maalin kasto skoolka imadaan in eey wax fiican keeni donaan wax barashadooda. Iyo meesha kale na waa run- ilmaha oo skoolka imaanin mar kasto waxeey kenaan wax xun. Waxaa loo fiirsaday Ilmaha oo eey ka tagto boqolkiba 50 oo skoolka maalimihiisa, boqolkibo 3 baa helo shan A* ilaa C xaga GCSEs gooda, maadooyinka eey ku jiraan Ingriiska iyo Xisaabta Ilmaha eey ka tagto maalimooyin ah boqolki ba 10 ilaa 20, boqolki bo 35 baa helo shan A* ilaa C, maadooyinka eey ku jiraan Ingriiska iyo Xisaabta Ilmaha eey ka tagto boqolki bo 5 maalimooyin, boqolki bo 73 baa helo shan A* ilaa C, maadooyinka eey ku jiraan Ingriiska iyo Xisaabta Waxaad ogataan: GCSE( Warqada eey helaan ilmaha markeey dameeyaan skoolka kore) waxaa waaye skoolka warqada eey siyaan ilmaha ayagoo imtixaan u fadiistay maado gooni ah, inta oogu badan na maadooyin badan isku jiraan eey qataan ilmaha 16 sanogaaray oo skoolka kore wadanka Ingriiska ka baxay. Hadii uu cunuga ogeen oo uu fasax kuu 5 daqiiqo maalin kasto la soo daaho Cunugaada waxaa ka tagi 25 daqiiqo oo skool wiigi Taas waxeey u digmataa shan saacadood iyo 20 dagiiqo terem ki Waxeey u digmataa sadax maalin oo wax barasho sanadki “Cunugaada wax barashadiisa waa muhiim- skoolka geey waqtigi loogu talagalay” Hadii eey ilmaha si fiican skoolka hoose u tagan waxaa laga wadaa markii eey ilmahaas garaan skoolka kore sifiican beey oola qabsani. Waxaan og nahay xataa ilmaha oo wax yar/ aad u qooya skoolka in eey si fiican oola daqmi Karin markii eey dibaato qabsato iyo ma u fududa in eey saaxiibo yeeshaan. Waalidka waxeey ku caawin karaan: Cunugaada/ ilmahaada in eey guriga jogaan markii eey jiran yihiin bas Skoolka in aad soo wacdid subaxa eey ilmaha skoolka ka baaqanayaan In aad soo daqsatiin- ilmaha soo daaho waxaa ku adag wax barahsada iyo weey daafi wax badan oo la bartay Cunugaada in aad fasax u wadin skoolka oo wili lagu jiro In aad ogtahay skoolka maalimaha oogu horeyso sidii uu cunugaada ooga tagin wax barasho. In aad cunugaado hesho si uu skoolka u imaan lahaa hadii aad adiga oo waalidka eh jiran tahay. In aad la hadasho qof oo skoolka ka shaqeeyo hadii adiga oo waalidka eh eey kugu adagtahay in aad cunuga skoolka keento. Akhlaaqda Skoolka umaadiisa waxeey tahay meel oo laisku xushmeeyo. Ilmaha, waalidka iyo dadka ka shaqeeyo bo waxaa laga sugaa in eey si fiican oogu daqmadaan skoolka daxdiis, ayagoo iska war qabo, oo daka si fiican oo xushmad leh oo la daqmadaan dadka oo dan mar kasta bo. Dadka oo brofesionaalada ah oo ilmaha wax maro mar kasto weey ku farax sanyohiin in eey warka dageysanitaano laakinse war oo colaad eh meehsa ma laga rabo. Maxalimiinta waxeey amaanaan iyo eey ubaal mariyaan si laka nooc eh ilmaha markii eey ku arkaan akhlaaq fiican camal: Afka ka amanaan hadii eey shaqo fiican/ akhlaaq fiican ku arkaan Stiikaro iyo eey koox dooda wax siyaan Warqado la siiyo Meesha skoolka dan eey iskugu imaadaan shaqada cunuga lagu tuso mise macalinka oogu weyn shaqada la tuso Waalidka in warqad loo soo qoro In ilmaha la garaaco waa mamnuuc skoolka daxdiisa. Ilmaha oo si fiican u daqmi weyaan waxaa lagu cigabaa camal: Meel in la fadiisiyo/ in laga reebo ciyaarta Ilmaha kale in laga kaxeeyo oo meel gooni la fadiisiyo Warqad oo raali noqosho eh in eey qoraan Waalidka in loo yeero oo lagala wada hadli karo akhlaaqda cunuga Xoog u sheega shada In xoog laisku sheegto skoolka daxdiisa waa mamnuuc iyo si aad u muhiimsan baa loo fiiriyaa. Xoog u sheegashada waxaa waaye in la isticmaalo colaad oo qofka kale maskaxda mise jirka aad ka dishid. Ardayda oo xooga loo sheegtay waa isla marki bo in eey qof ween u shegaan. Daska skoolka ka shaqeyaan meel beey ku qori arintaas oo xoog u sheegashada iyo waalidka waa loo wici karaa. Akhlaaqda oo xoog usheegashada hadii la arko mar walbo waa la fiirini. Ciqaab oo la yaqaano baa la digay iyo si oo banana baa loola daqmadaa in oo la caawiyo ilmaha eey iska badalaan akhlaaqdaas. Ingriiska oo Af Siyaadan ah (EAL) Skoolka wuxuu heysta barnaamij oo hardhac eh oo loogu tala galay ardayda hada wadanka imaatay. Cunugaada hadii uu Ingriiska si fiican u qori Karin mise u aqrin Karin waxaa la siini caawimaad eey ku bartaan Ingriiska skoolka daxdiisa. Cunugaada waa la imtixaani in la arko meesha eey marayaan xaga Ingriiska. Tan waxeey qaadan kartaa wiigag yar ilaa intii uu cunuga skoolka la qabsanaayo. Waxaa kale oo la suubini cunuga in loo qoro khariidad oo hadana si fiican loo fiiriyo oo la ogaado in uu cunuga wax kasto oo galaaska laga digo uu ka qeyb galo. Waxbarashada oo Gaarka Eh (SEN) Ilmo qaar waxeey u bahnaan karaan Waxbarasho oo Gaar ah (SEN) markaas waxaa la siyaa caawimaad caga wax barashadooda iyo akhlaaqdooda. Ilmaha oogu badan oo SEN heystaan waxeey tagaan skoolo oo caadi ah. Caawimaadka skoolka oo oogu hoseeyso waxaa la dahaa Skoolka Kabadkiisa, waxey na noqon kartaa: Si nooc kale in waxa loo baro Gof weyn in uu cunuga caawiyo Alaab gaar eh camal qalin gaar eh mise kombiyuutar. Cunugaada wuxuu u baahnaani karaa cawimaad kaan oo lagu qoray kor waqti yaraan badan mise Balan oo la leeyahay macalinka mise macalinka oogu weyn Hadii aad rabtid in aad balan la yeeshato Macalinka Oogu Weyn mise qof kale oo skoolka ka shaqeeyo, waxaa waaye in aad macalinka galaaska weydiisatio mise aad skoolka wacdid.Suaalada oo aad u weyneyn xaafiska baa inta oogu badan ka jawaabi karo. Tafadal waxaad iska ilaalisaa in aad macalinka la hadashid maalinta bilaabkeeda sababtoo ah in eey wax barashada daahdo.Laakinse macalimiinta weey ku farax sanyihiin in eey waalidka la hadlaan maalinta damaadkeed oo eey ilmaha galaaska ka baxeen. Hadi uu cunugaada ka eed sheegto arday kale, tafadal la hadal dadka skoolka ka shaqeyaan, adigoo u tagin arday kaas kale waalidkiisa mise qofka haayo. sanadyo badan. Waalidka mar kasto bo waa lala hadlaa iyo waxaa loo sheega cunuga horumarkiisa. Hadii uu cunugaada SEN aad u badan heysto skoolka wuxuu la tahsni dadka wax barahsda ku taqluusan iyo waxeey siini cunugaada cawimaad oo eey wax ku bartaan. Arintaan waxaa lagu qoray buuga Waxbarashada oo Garrka Eh si loola daqmado. Skoolka baa kula soo xiriiri hadii eey siyaan cunugaada cawimaad saayid ah mise cawimaad nooc kale eh oo ku saabsan SEN. Ardayda oo SEN heystaan ma ku shaqeynkaraan Manhajka Wadanka loogu tala galay. Hadii eey saas tahay horumarka waxaa lagu fiiriya wax kale oo P la daho. Cilmiga Galmo iyo Cilaaqaadka (SRE) Skoolada oo dhan oo ku yaalo UK waxaa laga rabaa in ey heystaan siyaasad oo sheegeyso Cilmiga Galmo iyo Cilaaqaadka (SRE). SRE oo laga digo skoolka hoose waxeey ku saabsantahay cilmiga iyo fahanka ilmaha eey ka qabaan jirkooda, koristooda iyo si eey dad fiican oola cilaaqadi karaan. Baryahaan ilmaha cilmi badan beey ka helaan internetka, tiifiiga iyo joornaalka oo ka sheekeyneyso jirkooda iyo cilaaqadoyinka. Tan waxeey sii adkinkartaa ayaantaan oo ilmaha eey wili baranayaan jirkooda. Waxaa waaye fuhiim in eey skoolada iyo waalidka eey ilmaha baraan hadalka oo fiican eey ku hadli karan iyo cilaaqooyinka oo fiican. Skoolada waxeey isku fiiriyaan in eey ilmaha wax baraan laakinse xataa in eey ilmaha u koraan dad oo aad u fiican umadda daxdeeda oo talo fiican gaari karaan. Ilmaha ilaalintooda Skoolada waxeey kor geyaan cunuga caafimadkiisa iyo sideey u nool yihiin. Hadii eey macalimiinta arkaan wax oo tuseeyso in uu cunuga la dili karo mise jurxo lagu haaayo, waxaa waaye in eey sharciga Guddi xaafada Ealing Ilmaha Ilaalinteeda. Hadii eey arinta saas noqoto waalidka waxaa la weydiini in eey soshalka, caafimaadka iyo skoolka dad ka socdo eey la fadiistaan sidii loo fiirin karo waxa dacay iyo sidii oo loo amaan galin lahaa cunuga iyo waalidnimada lagu caawiyo. Sharciyaal gooni ah baa jiro oo sheegayaan sidii cunuga loola daqmi karo dadka skoolka ka shaqeeyo baa kuu sheegi karo. Waxeey xataa ku sheegi karaan sidii cawimaad loo raadsan karo hadii aad aqoonin cunuga sidii loola daqmi karo. Skoolka guddikiisa oo ilmaha ilaalinteeda hadii aad rabtid waa lagu siin kara in aad weydiisatid un weeyaan. Waxaan waalidka waxaan oola talin karno Cunugaada waqti u suubi aad oola hadli karto adigo ka sii joosanin Waxaan suubisiin wax barasho guriga, buugag isla aqriya, xisaabta isla fiiriya Cunugaada ilaali in uu shaqada guriga loo soo qaato in uu dameeyay Teefee mise combiyuutar cunuga qolkiisa ha digin. Ilmaha waxeey u baahan yihiin nasasho eey ku seexan karaaan sidii eey waxa u baran karaan. Cunugaada sidii aad u ilaalin kartin internetka markii eey galaan Skoolada waxeey isticmalaan combiyuutaro iyo interneetka in eey ilmaha wax kubartan. Laakinse ilmaha waa in loo sheego qatarta ka jirto interneetka iyo waalidka waa in eey ka warqabaan cunuga wuxuu internetka u isticmalaayo. Ilmaha waxeey ka gali karaan interneetka combiyuutarada, iyo talefoonada gacanta qarkood, iyo ciyaaraha eey isticmalaan. Waxaan oola talin laheyn waalidka: Waxaa jiro wax la daho waalidka kontoroolkooda oo aad ka heli karto combiyuutarka oo ilaalineyso ilmaha in eey galaan meelaha loogu talagalin xaga interneetkaiyo cunugaada talefoonka ganatiisa hadii uu heysto. Ogow meelaha eey ilmaha galaan internetka in loo ogolyahay dadooda. Meelo badan camal Facebook waxaa loo ogolyahay ilmaha markeey garaan 13 sano kaliya eh. Ogow ilmahaada waxeey interneetka u isticmalaayaan Combiyuutarka dig meel oo xaafada dan eey isla isticmaali karaan si aad u ilaalin kartid cunuga meelaha uu interneetka ka galo iyo inta saacadood uu isticmaaalo. Waligaa ha u ogolaanin ilmaha in eey heystaan kaamarada combiyuutarka qolkooda daxdiisa. Ogow xataa taleefono qaar kood waxeey leeyihiin kamaradooyin oo internetka lagu isticmaali karo. Isticmaal email oo familka dan isla ogyihiin in eey ilmaha wax oogu soo dacdo. In aad ka daadacsiisid ilmaha waligood in eey waxooda dadka eey interneetka ku barteen eey u sheegaan. Arimaha eey sheegi karaaan waxaa ka mid eh: Waxa eey interneetka ku galaan Adreeska gurigooda Adreeska oo emailkooda Taleefonka gacantooda nambarkiisa Sawiradooda Hadii uu cunugaada helo email yaal oo qashin eh mise loo soo qoro talefoonkooda waxaad ka daadac siisaa in uu aaminin oo uu u jawaabin mise uu isticmaalin. Waxaad cunugaada fahansiisaa in eey dad jiraan oo internetka ku jiro oo aheyn waxa eey soo qoraan iyo markaas eey u fiican tahay in eey saxiibahas online bas eey ku dayaan. Waligood eey u tagin dad eey san aqoonin ayagoo la soconin qof weyn. Waxaad ka daadac siisaa cunugaada in eey kuu imaan karaan hadii eey wax cun ku arkaan interneetks. Waxaad suubisaa qanuunyaal oo familka dan eey ku daqmi donaan iyo wixi dici doono hadii uu qof raaci dooni waayo. Waxaad ka heli kartaa wacaal kale meesha: www.thinkukow.co.uk Si caafimaad eh in loo cunteeyo- Jir caafimaad ehMaskax caafimaad eh Saxanka cuntada fiican la cuno (The eatwell plate) Quraac In aad badsatid qudaarta iyo fruutka ( waxaa fiican in aad cuntid shan wax oo qudaar iyo fruut maalinti daxdeda) In aad badsatid bardo, rooti, bariis, baasto iyo cuntooyin sas oo kale eh Caano iyo wax la mid eh Hilib, malaay, ukun, digir iyo broteen kale oo noocaas eh In aad yareysatid cuntooyinka oo sokorta iyo baruur badan Quraacda aad beey muhiim oogu tahay cuntooyin cafimaad leh. Waxaa la soo ogaaday in eey quraacda markii la cuno la arko: Waxa si fiican baad u dageysani kartaa Madax anuunka iyo calool xanuunka laga sheegto beey yareeysaa Xooga beey badisaa Waxeey kordisaa waxaa si loo fiiriyo Quraac oo cafimaad leh waxeey noqon kartaa: Cereal oo sokorta ku yartahay Boorash mise wax la mid eh Ciir iyo fruut lagu jarjaray Rootiga madow sidiisa eh mise la kululeeyay. Cunugaada si aad uugo doori kartid cunto caafimaad leh Biyaha oo aashitada leh waxaa ku badan sokorta iyo calorieska. Waxeey suubin karaan cunuga in uu heysto: Ilkaha in eey ka bololaan In uu buurto In uu fadiisankari waayo oo manta oo dhan rabo in uu is daqaajiyo. Waxaa muhiim eh cunugaada in uu cabo cabitaan oo cafimaad leh maalinti (6-8 koob) camal: Biyo Biyaha fruutka mise qudaarta Ciir oo waxna lagu darin Caanaha fatka ku yartahay markeey ilmaha shan dafaan Skoolka Qadadiisa Cuntada Skoolka: Waxaa meel ku qoran cunuga cuntada la siin karo sidii eey cuntooyinkaan ilmaha nashaddo fiican u siin karto. Waxaa ku jiro fruut iyo qudaar maalin kasto. Ilmaha qaar waxaa loo ogolyahay cuntada skoolka oo bilaa lacag eh (FSM) hadii uu waalidka mise qofka oo cunuga ilaaliyo eey qataan ceyr. Boos kasto oo FSM oo eey dowlada skoolka siiso, cunto bas skoolka cunuga ma ku siiyo lacagta qaar xataa skoolka meel buu cunuga u digaa in meelo kalo lagu caawiyo. Hadii aad rabtid in aad sii fahantid xafiiska skoolka la xiriir. Cunto oo caafimaad leh oo ilmaha loo soo qaado: Hadii adiga mise cunugaada aad rabtiin in aad cunto skoolka u soo qaadiin, waxaad qadada ooga digi kartaa : Cuntada shidaal cunuga siiyo (camal rooi, kibis,baasto, bariis) Broteenka(camal hilib, malay, digir iyo soorta oo kale) Cannaha waxa laga suubiyay( camal farmaajo,ciir, caano) Fruut/Qudaar( camal fruutka/qudaarta oo si yar yar loo soo jarjaray, fruutka oo qaleyl eh, qudaarta biyahiisa) Cabitaan(camal fruutka/qudaarta biyahooda, caano, biyo) Biyaha aashitada leh iyo nanac ma lagu soo dari karo qadada skoolka loo soo qaato. Canasha habeenki guriga lagu cuno Hadii oo famiilka dan isla fadiistaan oo casho cafimaad badan eey isla cunaan habeen kasto famiilka wuu isku soo dawaani iyo ilmaha waxeey baran karan sidii loo daqmado markii dad kale lala cunteeyo iyo waad isla wada sheekey sankartiin. Tiifiiga iska dami sidii aad cuntada kaliya eh aad ku mashquushiin. Ilmaha waxa eey cuntada ku sugi karaan Jibiska, chokolaatada iyo farmaajka la goosan karo aad beey oogu badantahay cusbada, baruurta iyo sokorta iyo waxeey u keeni kartaa xanuunka wadnaha iyo sokoroow markii uu cunuga koro. Liiska oo lagu soo adeego oo hoos ku sawiran waxaad ka heli kartaa wax lagu badali karo: Fruut Lowska cusbo laheyn Bariiska doorhsada laga suubiyay Fruutka qalalsan Qudaarta gooni eh iyo kuwa la jarjaray camal karooto, barbarooni iyo qajaar Cunuga in uu helo saacadooyin loogu talagay oo hurdo si uu waxbarashada oogu dadaalo Waxaa la sheegay in: 3-5 shar in eey heystaan 11-13 saacadood oo hurdo habeenkii 5-12 shar in eey heystaan 10-11 saacadood oo hurdo habeenkii Ilmaha waxeey u baahan yihiin hurdo oo maalin kasto isku saacad eh sidii eey waxbarashada oogu dadaali karaan. Ciyaarta ee wax lagu baran karo Ciyaarta waa wax fiican oo uu cunuga wax ku baran karo. Waa muhiim in eey ilmaha faamilkooda, kaligod markii eey yihiin iyo saaxibahooda maka eey la jogaan in eey ciyaar fiican ciyaari karaan Ilmaha waxeey rabi lahayeen in eey la ciyaaraan waalidkooda mise dadka haayo intii eey tifiiga fiirsani lahayee. Waxaad waqti siisaa in aad ilmahaada isla fadiisatiin oo ciyaaro isla ciyaartiin camal in aad dad kale iska digtiin, sbortis aad ciyaartiin. Hadii aad waqti u heynin waxaad suubin kartaa in aad cunuga waxaad adiga suubineysid uu kula suubiyo camal guriga hadaajistiisa. Ilmaha waxeey ka bartaan wax kasto eey arkaan eey ku dax jiraan iyo waalidkooda waxa eey ka arkaan. Ilmahaada in aad la ciyaartid banaanka Ilmaha yar yar waxeey u baahan yihiin in eey wax oo ka daaliso eey suubiyaan 60 daqiiqo shan sheer wiigi. Qaar ka mid eh waxa hoos loogu soo qoray skoolka beey ilmaha ka suubini, laakinse waalidka waxeey suubin karaan in eey tusaan ilmaha eksersayska in uu fiican yahay ayagoo tusayaan ilmaha. Waxaad waqti siisaa in aad cunugaada banaanka aad wax ku suubisiin. Waxaad suubin kartiin: Bayskiil baad isla wadi kartiin Meesha lagu ciyaaro baad iskula socon kartiin Bahasha oo kowaaban baan iskula ciyaari kartiin Waad soo dabaalan kartiin Waxaad fiirin kartiin qofkii xariga inta oogu badan ku boodi karo Skoolada inta oogu badan waxeey heystaan kooxooyin iyo wax la mid eh eey ilmaha galabtii markii uu skoolka damaado eey ku ciyaari karaan Waxaa kale oo ku yaalo Xaafada Ealing meelo badan oo la aadi karo oo lagu soo ciyaari koro camal sbortis la ciyaaro. Waxaad ka heli kartaa meesha adi kuu dow www.ealing.gov.uk Ilmaha waxeey ka bartaan wixii eey ku arkaan waalidkooda. Waxaad tustaa cunugaada in aad adiga xataa jeceshahay waxaas in aad suubisid adigoo tuseysid. Wax yar yar camal in aad socotid intii aad isticmaali laheyd gaariga xataa waxeey tusi wax bada Cunugaada caafimaadka maskaxdiisa in aad horumariso Waalidka waa dadka oogu koobaad eey ilmaha wax ka fiirsadan iyo ilmaha waxasidii loo la daqmado waxeey ka fiirini waalidka camal markii eey imtiaan galayaan. Hadii aad markii eey wax kuu suurta gali wayaan aad arintaas si fiican oola daqmato oo aad xanaaqin, cunugi wuxuu barani wax fiican. Ka war qab cunugaada in uu heysto waqti uu ku reaags gareyn karo camal qolkooda baaad u diri kartaa. Ciyaarta iyo wax aqriska xataa waxeey suubini cunuga in uu waqti uu ku nasto heli karo. Waxaad suubisa guriga daxdiisa meelo oo tartiib oo qeyli badneen camal telefishanka bad damin kartaa iyo heesaha aad u deer baad damin kartaa. Talaalka oo ilmaha jirada ka ilaaliyo Talaalka waa si oo looga ilaalin karo cunuga jirooyin aad u Qatar badan. UKda daxdiisa ilmaha talaalooyinka oo lagu dufto waxaa waaye: Cimriga Talaalka(midka lasiiyo) 2 bilood DTaP/IPV(polio)/Hib (diphtheria, tetanus, pertussis (whooping cough), polio, and Haemophilus influenzae type b) – hal-mar-baa cirbada lagu mudi, iyo: PCV (pneumococcal conjugate vaccine) – cirbad kale baa la isticmaali 3billod DTaP/IPV(polio)/Hib (2nd dose), plus: MenC (Meningitis C) - cirbad kale baa la isticmaali 4 bilood DTaP/IPV(polio)/Hib (3rd dose), iyo: MenC (midka 2) - cirbad kale baa la isticmaali, iyo: PCV (midka 2) - cirbad kale baa la isticmaali 12 ilaa iyo 13 bilood daxdood Hib/MenC (hal cirbaad beey ku daxjiraan – midka afaraad of Hib iyo midka sadaxaad ooMenC). MMR (measles, mumps and rubella – kuli-hal-cirbad), iyo: PCV (3rd dose) – cirbad kale baa la isticmaali Skoolka intii eey bilaabin cirbadihi ahaa: DTaP/IPV(polio) (diphtheria, tetanus, pertussis (whooping cough) and polio), iyo: MMR (second dose) – cirbad kale baa lagu isticmaali 3 sano iyo 4 bilood agteed Wax kale hadii aad ogaani rabtid Daqtarkaada la xiriir. Ilko iyo cirid caafimaad qabo Waa muhiim adinkoo famiil eh in aad isku xamiltiin ilkaha-cadigiisa si fiican in aad u suubisiin iyo in aad waqti gooni eh siisiin sidii aad u heysatiin a foo caafimaad qabo. Markii aad ku aragtid cunugaada in eey ilkaha hore u soo baxeen in aad isticmaashiin daawo cadi oo bahasha ilkaha wasaqda ka daqdo eey ku jirto sidii aad ilkaha bolokiisa aad iska ilaalisiin. Ilmaha hadii eey 3 sano ka yar yihiin waxaad isticmahsaan daawo cadi yar oo cadigi boqolki bo todobaatan iyo shank or taalo. Ilmaha sadax ilaa iyo lix sano waxaa waaye in eey isticmalaan daawo cadi oo digirta cagaarka oo kale la eg. Ilmahaada waa maalinti oogu yaraan labo jeer in eey cadistaa. Hal mar habeenki inti eey seexanin iyo mar kale maalina daxdeeda. Waxaad ku dahdaa cunugaada in uu iska tufu daawada ku hartay afkiisa laakinse uu biyo kadaba geynin oo afka uusan iska daqin. Ilkaha bololka waxaa u keeno cuntada iyo biyaha oo sokorta badan oo qofka maalinta cuno. Mathalsn: Cunugaada waxaad geysa daqtarka ilkaha 6 bilood gudeheed marka aad ku aragtid cunugaada iliga oogu horeyso in uu usoo baxay mise hal jeer intii eey ka gaarin labo sano. Tan waxeey keeni in eey ilmaha daqtarka meeshiisa bartaan sidii eey hadow ooga baqanin in eey adaan. NHSka waxeey sheegeysaa in uu cunug kasto hal mar sanadkii daqtarka ilkaha aado. Nadaafada Nadaafada oo goonida ah waxeey ilaalineyaa jirooyin kaan oo eey dadka isku dibaan iyo cunugana wuxuu baranayaa sidii eey nadaafadooda eey u ilaalil lahayeen. Nadaafada goonida eh waxaa ka mid eh: Jidka in canduufo lagu tufin Gacmaha in mar kasto la iska daqo siibo markii musqusha laga soo baxo Mar kasto in la qubeysto oo jirka la daqo Timaha mar kasto in la daqo Ilkaha labo jeer maalinti in la cadisto Dar nadiif eh in la xirto Ilmaha caaradooda iyo daawadooda Biyaha aashitada leh Buskutka Nacnaca Shokolaatada Waxaa muhiim eh in aad ka ilaalisid inta jeer iyo inta oo cuntada iyo biyaha sokorta leh eey ilmahada maalinti cunaan. Waxaa waaye in aad ku ekeysiisid marka sadaxda jeer maalinta cuntada la cuno bas. Tfadal waxaad ugeysiisaa macalimada galaaska cunugaada waxa uu ku caaroodo camal fruutka, lowska, qudaarta mise cabitaanka. Macalinka galaaska xataa waa in aad ogeysiisid cunugaada daawooyinka uu qaato. Daqtarka ilkaha in loo tago Waa muhiim in aad ka qorantihiin GP(daqtarka ku taqluusan wax kasto) sidii aad daqtar u aadi kartiin markii uu wax in ku daco. Waxaad la hadashaa xafiiska skoolka ayakaa kuu sheegi karo midka kuu dow. Daqtarada ilkaha oo NHSka waa bilaa lacag in ilmaha ilkahooda in laga shaqeeyo. Daqtar Tafadal waxaad ka fiirisaa meesha oo doorashada NHS oo aad ka heli karto www.nhs.uk hadii aad rabtid in aad wax kale ka ogaatid waxa kor lagu qoray. Meelaha lagugu caawin karo Meelaha caafimaadka Meelahaan waxeey yihiin meelooyin oo clinicyaal iyo waxa yar yar lagu qali karo iyo ilmaha yar yar lagu fiirin karo Meesha caafimaadka Acton 35-61 Church Road Acton W3 8QE T: 020 8991 5303 Meesha caafimaadka Mattock Lane 77-78 Mattock Lane Ealing W13 9NZ T: 020 8383 5757 Meesha caafimaadka The Broadway 71-73 The Broadway Southall UB1 1LA T: 020 8383 6006 Meesha caafimaadka Grand Union Village Taywood Road Northolt UB5 6WL T: 020 3313 7570 Meesha SAFE (0-18 years)( Faamilada xaafada Ealing ku nool sidii loo caawiyo) Meeshaan waxaa lala shaqeeyaa ilmaha, dadka yar yar iyo faamilada oo u baahan caawimad markii eey wax ku dacdo Acton, Ealing, Hanwell T: 020 8825 7819 Northolt, Greenford, Perivale T: 020 8842 0220 Southall T: 020 8825 9800 Faamilka dadka waxa u sheego (0-19 years) Faamilada dadka waxa u sheego oo Ealing (FIS) ku yaalo waxeey ku caawiyaan dadka in eey ogeysiyaan meelaha ilmaha lagu haayo iyo skoolka sanadyada oogu horeyso wax barashadiisa iyo arimo kale. Faamilka dadka waxa u sheego Perceval House 14-16 Uxbridge Road W5 2HL T: 020 8825 5588 Jobsenter Blaska Jobsenterka wuxuu heystaacaawimaad, wax oo la siin karo iyo lacag oo lagu caawiyo dadka shaqo bilaabi rabaan mise ku noqon rabaan shaqo. Dadka meesha ka shaqeeyo baa kuu sheegi karaan waxa kuu banana oo xaga caawimaadka eh. Jobsenter Blas ka Acton Armstrong Road Acton W3 7JL T: 020 8811 8200 Jobsenter Blas ka Ealing 86-92 Uxbridge Road Ealing W13 8RA T: 020 8258 3000 Jobsenter Blask ka Southall 68 The Broadway Southall UB1 1QE T: 020 8258 3200 Caawimaadka xaga guriyada Kooxda ka shaqeyaan meesha guriyada waxeey kugu caawin karaan wax kasto oo ku saabsan guriyada. Caawimaadka xaga guriyada Dabaqa 4, Perceval House 14-16 Uxbridge Road, Ealing W5 2HL T: 020 8825 8888 Email kooda: housadv@ealing.gov.uk Ilmaha dadka ka warqabo oo xaafada Ealing ku yaalo (ECIRS) Hadii aad ka walwal santahay cunug mise qof yar meehsa eey ku nool yihiin mise in eey qatar ku jiraan waxaad soo wacdaa ecirs. Dadka meesha ka shaqeeyo baa hadalka kaa maqli sidii eey u fahmaan waxa dacaayo, markaas ayaga baa kuu sheegi waxa aad suubineysid. Ayaga baa la xiriiri dadka loo baahto oo cunuga mise qofka yar caawimaad siini karaan. T:0208 8825 8000 Warqadaan waxaa soo kowaabiyay Ian Wingfield ( Arimaha goaansan), Lubna Khan (Driktor, Berrymede Junior School), Rachel Martin (Driktor, West Twyford Primary School) iyo Sonita Pobi (Caafimaadka hormumarkiisa qofka qaabilsan) ayakoo u suubinayaan Acton Arimahooda Goaansan iyo Shurugta Meelaha Isku Dhow, Koox ka saabsan skoolo hoose iyo meelaha ilmaha loogu talagalay oo xaafada Ealing ku yalaan. Waxaa la qoray Febraayo 2013
Similar documents
6th SS (HYSH)
macalinka, waxay dib kuugu dhigi karaan waqti wanaagsan oo laguula kulmo. Cunugaada waa in uu kuu keeno shaqada guriga, shaqada lagu siiyay buundo, iyo warbixinta horumarka. Haddii aadan arkin kuwa...
More informationShirka Golaha Dhaqanka Caalamak Islaamka oo ka Socda Indonesia
KA DHACAYA INDONESIA Maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 2da Maarso 2009, waxaaa si rasmi ah magaalada Jakarta uga furmay Gole Sanadeedka Dhaqaalaha Caalamka Islaamka (World Islamic Economic Forum)...
More information