2 - Dalkajournal.com
Transcription
2 - Dalkajournal.com
“qasadKEYNNu waa qaNCINtaada ” Caddadka 2-aad 15 December 2015 GEERIDU WAA XAQ HASE AHAAATEE GACAN KA GARDARAN AYAA DISHAY MARXUUMAD HINDIYA XAAJI MAXAMED daLKa maGaZINE: CONtaCt us: INfO@daLKa.GOv.sO: vIsIt: www.daLKaJOurNaL.COm 2 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad tusmada 3 4 5 7 9 11 12 14 15 16 17 19 Hiniyo Xaaji iyo Liibaan Cali Nuur: Lamaane loo dilay qarankooda dartiis NABADEYNTII GAALKACYO: MID LAGU CAANO MAALAY Wasaaradda Warfaafinta & Xiriirka Dibadda.. Socdaallo Guuleed Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka SHIRKii QARAN EE WARBAAHINTA SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAY SanadkA DHAMMAANAYA & Sanadka cusub! Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 12 December 2015 INDHAHAYGA HORTOODA!!! DHALIISHA DHAQANKA : KALA SARREYSIINTA WIILASHA & GABDHAHA Alshabaab oo u kala Jabay Daacish iyo Al-caaqidda HEEGAN OO SOO TIIGSATAY FIINAALKA KOOBKA JENERAAL DAA’UUD Cidina ma mooga kaalintooda 2 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine Hiniyo Xaaji iyo Liibaan Cali Nuur: Lamaane loo dilay qarankooda dartiis • 3 Argagixisadu ma lahan damiir naxa, mana xushmeeyaan diin iyo dhaqan. Haddii ay akhlaaq leeyihin haba yaraatee ama ay insaaniyad yari ku jirto, waxay ka fikiri lahaayeen carruurta agoonta ah ee ay aabahood horay u dileen argagixisadu, markaas ayay u turi lahaayeen. Hindiyo shahiidday, oo ilaahey ayaa naga doortay, Intaas ayay ajasheedu ku ekeyd mana jirin cid muddo kordhin u sameyn kartay, laakiin waxaa dambi iyo culeys adduun iyo mid aakhiroba dusha u ritay kuwii dilay ee u arkayay in ay guul ku gaarayaan dilkeeda. Hindiyo waa Shahiidday, waayo waxaa dishay gacan ka xaq daran oo dhagar badan, sidaas oo kale ayuu u shahiiday odaygeedii oo sidan oo kale ay argagixiso nolosha diiddani u gaadday. Geerida Hindiyo waxay nagu beertay naxdin weyn, si ka duwan dadkii hore ee la dili jiray iyagoo qarankooda u shaqeynaya, sababtuna waa in ay hooyo iyo aabbe u ahayd carruur yar yar oo agoon ah iyo in ay ahayd qof dumar ah. Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa khamiistii 3-dii December 2015 lagu dilay qarax ka dhashay walxo qarxa oo loogu xiray gaarigeeda. Hindiya ayaa qaraxu haleelay xilli ay ka soo baxday Jaamacadda Soomaaliya oo ay dhiganeysay, waxa ayna dhaawac culus oo soo gaaray ugu geeriyootay Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed waxa ay ka mid ahayd wariyeyaasha ugu firfircoon Warbaahinta Qaranka. Hindiyo waxa ay ku soo biirtay Radio Muqdisho sanadkii 2009, waxa ayna ahayd tabiye aad ugu wanaagsan soo gudbinta wararka iyo barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishankaba. Hindiyo waxa ay kaloo soo noqotay xoghayaha Guddiga Goob shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta. Hindiyo waxa ay ahayd hooyada shan carruur ah oo 2 ka mid ah ay u dhashay Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka Telefishanka Qaranka oo 20-kii September 2012, kooxda Alshabaab qarax ku dileen isaga , wariyeyaal kale iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dilkii seygeedii Liibaan Cali Nuur, Hindiya kama reebin in ay joojiso shaqadii ay u heysay qarankeeda, waxa ayna nafteeda u nadartay in ay u adeegto dalkeeda iyadoo dhabarka u xiratay korinta carruurteeda ay qaarkood agoonta yihiin. Allaha u naxariistee Hindiya waxa ay heli jirtay hanjabaado dil oo kaga imaanayay Alshabaab, kuwaas oo ugu gooddinayay in ay dili doonaan, balse waxay fagaareyaal badan ka sheegtay in aysan u dheg dhigi doonin caga jugleynta kuwii carruurteeda agoonteeyay. Laakiin dhagar qabeyaasha naxariista darani kama daalin in ay hagar daamo u maleegaan Hindiya oo ay u gagsan waayeen kartideeda iyo u adkeysigeeda dhibtii gaartay, waxayn iyada iyo carruurtii ay aabbe la’aanta dhigeen u quuri waayeen in ay noolaadaan, sidaas darteed ayay dadaal badan ku bixiyeen in ay iyadana nolosha dhaafiyaan, si ay carruurtii agoonta ahaa rajo uga dhigaan. Arxan laaweyaashu waxay ku guuleysteen ujeedkoodii xumaa, waxa ayna 3-dii December qarax ku dileen Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ay argagixisadu dileen, dambina uga dhigeen in ay carruurteeda agoonta ah korsatay. Argagixisadu waxay dileen qof dumar ah, waxay sidaas uga boodeen diinta Islaamka oo meel adag iska taagtay , isla markaana mamnuucday dilka haweenka iyo dadka jilicsan. Sidoo kale waxay arxan laaweyaasha Hindiyo dilay xushmeyn waayeen dhaqammada dagaalka ee dunida oo dhami isla taqaanno oo ah in aan dumarka la dilin. Innagu waan ka naxnay kana murugoonnay geerida Hindiya, sidaas ayay uga murgeen dadka damiirka lihi dal iyo dibadba. Laakiin Ilaahii oofsaday ee argagixisada ku sababay isaga tiisu meel ayay u taal mana dayacayo carruurtii ay ka tagtay. Agoonta iyo Rajada ay ka tageen Hindiyo iyo Liibaan , waxaa u maqan allahii abuuray ee qof walba u damaanad qaaday wax uu ku noolaado, ka sokowna waxaa garab u ah ummadda Soomaaliyeed ee ay waalidkood dartii u dhinteen. Waa qoys naftooda u huray dalkooda iyo difaaca dadkooda, kana dhiidhiyay dulmiga argagixisada iyo amar ku taagleyntooda. Waa Halyeeyo Qaran ( National Heros) waxay muda yihiin in sidaas loo aqoonsado. Dowladda Soomaaliya waxay ballan ku qaadday in ay daryeelka ay u baahan yihiin siin doonto caruurta rajada ah ee ay ka tageen Allaha u naxariistee Hindiya iyo Liibaan, rajadeennu waa in ballan qaadkaas laga dhabeeyo. Allaha u naxariisto qabtrigeedana allaha u waasiciyo Hindiyo Xaaji Maxamed iyo intii kale ee dulmi lagu dilay , ilaaheyna ha garab galo carruurtii iyo ehelkii ay ka tageen, isagaa daryeel ugu filane. AAMIIN. Dalka Dalka Magazine Magazine •• 33 4 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad NABADEYNTII GAALKACYO: MID LAGU CAANO MAALAY Horta yaa ka dambeeyay in dagaalkaasi uu ka dhex dhaco labadaasi Maamul? in su’aashaasi la is waydiiyo ma aha wax sahlan, hase ahaatee dagaalkii Gaalkcyo waa uu qarxay waxa uuna sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, hase ahaatee doorkii ay ka cayaartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sababtay in labada dhinac is hor fadhiisitaan ayna wada hadlaan, isla markaasna arrintaasi ay noqotay mid la isugu tago oo ay ka qeyb qaataan heeshiisiinta labada maamul ee Puntiland iyo Galmudug, iyadoo madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland iyo Koonfur galbeed iyo beesha caalamka ay door muhiim ah ka qaateen sidii loo demin lahaa dabkii ka holcay labada maamul Goboleed ee deriska ah. Mudane Cumar C/rashiid Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhexda u xirtay, isagoo ay garbihiisa buuxinayaan qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanno, ma sahlaneen markaasi in si deg deg ah inta laga wada hadlo haddana dib loo heshiisiiyo, inkastoo isku daygii koowaad uu ka dhashay dagaal kale oo labaad, haddana arrintaasi waxay keentay daan daansi cusub oo aad looga xumaaday, waxaase xoogga saaray sidii loo demin lahaa dabkaasi Mudane Cumar C/rashiid ilaa uu guul ka soo hooyo, waana uu ku guulaystay, waxa uuna mar kale walaaleeyay dadkii isdilayay, waxaana la kala saxiixday heshiis kama dambeys ahaa, iyadoo labada Hogaamiye ee maamula labada Maamul Goboleed ay dadaaleen, kaddib markii ay isla garteen xaaladda dhabta ah, 4 • Dalka Magazine taasoo sababtay haddana in ay ka muuqatay farxad iyo reyn reynd, iyadoo mid walbana uu ballan qaaday in dagaal dambe uu dhici doonin. Heshiiskaasi, waa lagu caano maalay, waxaana furmay baal cusub iyo waa cusub, taariikhda waa marka la leeyahay dib ha loo raaco, waayo shalay gobolkaan Gaalkacyo, waxaa loo heestay gobol aan dagaal ka nasan, laakiin taasi waxay noqotay wax laga badbadiyay oo been abuur ah, waayo Affartii qodob ee lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo, waxaa ka mid ahaa in xabadda la joojiyo shuruud la’aan, waana la joojiyay, in la kala raro ciidamada is horfadhiya, waana la kala raray , in la magacaabo guddi ka kooban labada dhinac si markaasi ay ula socdaan hadba is beddellada wanaagsan iyo kuwa sharta wata. Mudane Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in isaga iyo walaalkii C/kariin ay dejin doonaan qorshe qota dheer oo hagaajiya nolosha labada dhinac ee walaalaha ah, wuxuuna intaa ku daray in ay ka faa’idaysanayaan isaga iyo Madaxweynaha Galmudug qibraddii ay ka heleen wixii dhacay oo ay ahayd in aysan dhicin, taasoo wixii dhacay aysan ahayn wax wanaagsan. Hadda iyo wixii ka dambeeyaba waxa ay sheegeen oo ay balan qaadeen labada Madaxweyne in ay horumarin doonaan labada maamulba, taasoo la filaayo in maamullada kale ay ka hormaraan. Dad badan markii ay maqleen in Gaalkacyo in uu dagaal ka qarxay, waxaa u soo sawirantay in aanu istaagi doonin, nabaduna ay ku adkaan doonto, hase ahaatee malahaasi ma noqon mid u dhacay sidii loo qiyaasay, laakiin booskeedii waxaa buuxiyay nabada iyo horumar lagu daah rogay dib u heshiisiin aan mid kale ka daba imaan doonin. Soomaaliya waa soo martay dagaallo sokeeye oo qaab daran, kuwaasoo sababay in ay ku dhintaan kumanaan iyo kumanaan, iyadoo tiro intaas ka sii badanna ay tahriibtay iyadoo aan ogeyn halka ay u socdaan, taas darteed haddii la maqlo dagaal dadkoo dhan waxaa maskaxdooda ku soo dhacaya dagaalladii affar biloodka ee amaan darrida iyo quursiga saldhigga u ahaa, taas darteed dagaalka Gaalkacyo haddii uu dhacay ma aha micneheedu in Gaalkacyo ay Muqdisho tahay, caasimaddii foodada ka bilaabatay, dowlad la’aantana sababtay, haddana ay ka dhasheen dowladdo KMG ah iyo dowlad rasmi ah, ee hadda umadda indhaha u kala qaaaday, kuna toosisay dhabaha dhabta ah, haddana waxay tiigsanaysaa sidii loo wanaajin lahaa hiigsiga cusub iyo doorashada cusub ee 2016-ka, inkastoo aysan ahayn heestii oranaysay Fuliyoow guuli kuu dhaweedaaa.? W/Q: Ciise Faarax Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine WASAARADDA WARFAAFINTA & • 5 Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh alcadaala, agaasimaha radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow, agaasimaha Hobollada Waaberi Maxamed Xasan barrow, eng fu’aad Muxyidiin khaliif oo ka tirsan mas’uuliyiinta qeybta farsamada ee SntV iyo la taliyaha Wasiirka Cabdiraxmaan nadiif. agaasimeyaasha wasiirka ku wehliyay safarkiisa ayaa iyaguna kulammo la qaatay dhiggooda kuwait oo ay kala hadleen iskaashi dhex mara hay’adaha ay madadxa ka yihiin iyo dhiggooda kuwait. agaasimaha telefishanka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan alcadadala, ayaa booqday xarunta telefishanka iyo raadiyaha kuwait, halkaas oo uu kula soo kulmay mas’uuliyiinta warbaahinta kuwait oo ay wada gaareen is afgarad iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan. 13-kii october Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka kuwait, ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka ahna wasiiru-dowlaha dhallinyarada iyo cayaaraha kuwait mudane Saalim …. … . Sidoo kale agaasimaha radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow, ayaa xafiiskiisa ku booqday agaasimaha guud ee wakaaladda Wararka kuwait … oo ay ka wada hadleen Wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa dalka kuwait, oo uu kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo kuwait. Waxay sidoo kale labada wasiir is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan iskaashiga dhex mari kara labada wasaaradood ee warfaafinta labada dal. Wasiirka Warfaafinta,kuwait …. ayaa ballan qaaday in dowladda kuwait ay Soomaaliya ka caawin doonto dhanka horumarinta warbaahinta, haddii ay noqoto tan dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba, ayna siin doonto taageero dhinacyada qalabka iyo tababarrada ah. labada wasiir ayaa isla gartay in warbaahinta dowladaha ee Soomaaliya iyo kuwait uu dhex maro is dhaafsi dhanka barnaamijyada ah. Wasiirka Waxaa Safarkiisa kuwait ku wehliyay agaasimaha telefishanka Qaranka xiriirka labada wakaaladood. Wakaaladaha wararka ee Sonna iyo kuna waxay lahaan jireen xiriir dhow, kaas oo dib u soo nooleyntiisu tahay horumar ay labada wakaaladood gaareen. dowladda kuwait, ayaa ah dalkii dhisay xaruntii hore ee telefishanka Qaranka , kaas oo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay, waxaana ay labada wasiir isla soo qaadeen sidii dib loogu dhisi lahaa xaruntii telefishanka Qaranka Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa socdaalkii isaga iyo wafdigiisu ku tageen kuwait ku tilmaamay mid guuleed oo wax badan ugu fadhiya warbaahinta Soomaaliya. shirka midowga saxafiyiinta Carabta. 27 november, agaasimaha Waaxda Wax soo saarka & Qoraallada liiibaan Cabdi Cali , ayaa magaalada khartoum ee xarunta dalka Sudan uga qeyb galay shirka Midowga Saxafiyiinta Carabta kaas oo ay Sudan marti gelisay. agaasime Caddow, isagoo ka wakiil ah agaasimaha wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna, warqad is faham ah la soo saxiixday agaasimaha wakaaladda Wararka kuwait, taas oo ah in labada wakaaladood is dhaafsadaan wararka, sawirrada iyo filimmada ayna yeeshaan xiriir dhow. Shirka oo qabsoomay 29 iyo 30 november, ayaa looga hadlayay xaaladda saxaafadda iyo saxafiyiinta Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dalalka colaaduhu ka jiraan sida Yemen, Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, liibiya,Sudan iyo kuwo kale. Waxaa shirka lagu soo qaaday in dalalka qaar sida Yemen, Suuriya iyo liibiya ay jiraan saxafiyiin badan oo ay kooxo hubeysani afduub Dalka Dalka Magazine Magazine •• 55 6 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Shirka ayaa soo saaray bayaan ugu baaqaya kooxaha hubeysan ee afduubka u heysta saxafiyiinta inay deg deg u sii daayaan. Sidoo kale dowladaha ayaa loogu baaqay inay joojiyaan xakameynta xorriyadda saxafiyiinta. Ugu dambeyntii waxaa loo ballamay in la isugu yimaado shir aan caadi ahayn oo bisha May ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Tunis, si looga arrinsado dar dar gelinta howlaha Midowga Saxafiyiinta Carabta iyo doorashada hoggaan cusub oo ururku yeesho. 8 December, Agaaasimaha Radio Muqdisho Cabdirarxiim Ciise Caddow ayaa magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia uga qeyb galay shirka Midowga Idaacadaha Dalalka Carabta. u heystaan, sidoo kalena dalalka Carabta qaarkood ay cadaadis ku hayaan xorriyadda saxaafadda iyo shaqada saxafiyiinta. Waxa uu intaas ku daray in ay shirka hor dhigeen warbixin ku saabsan xaaladda Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka idaacadaha, iyo taageerada ay Soomaaliya uga baahan tahay dhinacaas. Arrimaha ugu waaweyn ee uu agaasimuhu codsaday waxaa ka mid Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay ka qeyb gasho shirka Midowga Idaacadaha Carabta tan iyo 1991-kii. Agaasime Cabdiraxiim ayaa sheegay in ay guul tahay in Soomaaliya ay dib u buuxiso kursigii ay ku lahayd midowga Idaacadaha Carabta oo ay ka maqnayd muddo 25 sano ah. Waxaa kale oo Soomaaliya codsatay in dalalka in Telefishanka Qaranka lagu soo daro dayax gacmeedka Carabta ee Arab Sat. 04 December 2015 Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser Hassan Hussein oo socdaal shaqo ku tagay dalka Koofur Afrika ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika. Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guura. December 8,2015, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, ayaa magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti uga qeyb galay shir ku saabsanaa xuquuqda haweenka iyo tacaddiyada lagula kaco. Shirka oo socday muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday 19 wasaaradood oo ka mid ah xukuumadda Soomaaliya iyo 7 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. ah in Radio Muqdisho laga caawiyo sidii uu heli lahaa mowjadaha SW iyo MW , taas oo suurto gal ka dhigeysa in uu maqalka raadiyuhu gaaro guud ahaan dalka iyo gobolka geeska Afrika. Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo noociisa ah oo sanadkan dhammaanaya lagu qabto dalka Djibouti, waxaana wajigiisa saddexaad lagu qaban doonaa magaalada Muqdisho. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa loo doortay in ay la guddoomiye Co-chair ka noqoto shirka xiga ee Muqdisho ka dhici doona sanadka soo socda. Agaasimaha Telefishanka Qaranak Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala, ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, waxa uuna kulan la yeeshay mas’uulyiinta Hay’adda Raadiyaha & Telefishanka ee daka Soutn Africa. Waxa ay ka wada hadleen iskaashi dhex mara hay’adaha warbaahinta Soomaaliya iyo Koofur Afrika . Sidoo kale waxa uu agaasimuhu la kulmay mas’uuliyiinta Radio Africa oo ah idaacad ku hadasha afaf badan oo qaaradda looga hadlo, waxa ayna ka wada hadleen sidii Afka Soomaaliga loogu soo dari lahaa idaacadaas, maadaama Koofur Afrika ay ku dhaqan yihiin Soomaali fara badan. Sanadkii 2002 ayuu Radio Africa soo kordhiyay qeyb Af Soomaali ku hadasha, hase yeeshee adeeggaasi muddo gaaban ka dib ayuu joogsday, waxaana hadda la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo nooleyn lahaa. visit: www.dalkajournal.com 6 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine Saaxiibkey Cawke, • 7 Saaxiibkii Mikrofoonka Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Axmed Siciid Cige, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo Zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya. Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin. Waxaa kale oo ay isbarteen Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax. Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo. Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah. Fikir iyo Falanqeyn: By: Yusuf Garaad Raadiye iyo Telefishin Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay. Aad ayay ii dhibiyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli beysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa… inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo Xaqiiqadu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo jirin sida haddii ay dhacdo in waxa barbaariyay, nin saaxiibbo badan kaslagu talo galay ay waxba ka qabsoomi baday nin dad badani ay aqoon guud ka waayaan iyo waxa gudboon, suurta kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda galna noqon kara in laga yeelo. ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan Telefishin waa howlwadareed oo qof u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la ku dayasho xagga horumarka shakhsigu wada karinayo oo ah barnaamijka la ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid looga mahadnaqo in uu Soomaali ka bulsho midka uu ahaadaba. dhaliyay. Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr Axmed waxaan isku barannay goob maalmood ama ka badan ay koox shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo kara ama nooleyn kara waa tebiyaha sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa oo ah qofka farriinta qaadaya ee dheay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa geystaha ugu gelaya gurigiisa, xafijeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo iskiisa, makhaayadda, ama la raacaya qormooyin ku saabsan dhacdooyika baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo. markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa Haddii aad koox kubbadda cagta ka Marxuum Axmed Xasan Cawke sida aan Raadiyaha ku soo galay. soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo Maalin ay ii diyaarsanayd qormo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedawanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu hay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha. aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magctebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u eyga aqoon. ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan. Dalka Dalka Magazine Magazine •• 77 8 • Dalka Magazine Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan. Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka. Hibo Allah Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo. Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray. Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus Caddadka 2-aad Sannad 1-aad marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaannada gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC. Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada. Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaalida. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida. Dabeecad-wanaag Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-kuqaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah. Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm). Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm. Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa. Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa. Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo. Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan. Muqdisho Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan Cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri. Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke. Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794 waxaana share gareeyay 432. Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan. W/Q: Yuusuf Garaad URURRADA SIYAASADEED IYO KUWA DIIMEED MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN Ururrada siyaasadeed iyo kuwa diimeed waxay ku kala duwan yihiin mabda’a iyo ujeeddooyinka loo dhiso,balse dadka intooda badan way isku qaldaan labadaan urur. A)-Haddaan ku horreyno ururrada siyaasadda waa ku mabda’ iyo ujeeddo, balse waxay ku kala duwan yihiin tababaha iyo siyaasadda lagu gaarayo yoolka ay hiigsanayaan. Sidoo kale, waxaa jira xisbiyo siyaasadeed ee u tartamayo hoggaanka siyaasadeed ee dalkooda sida doorasho baarlamaan iyo madaxtooyo sida caalanka maanta ku badan. B)-Ururrada diimeed, iyagu way ka duwan yihiin kuwa siyaasadeed ee aan soo xusnay Ururrada diimeed, waxaa loo dhisaa fidinta caqiiddo diimeed mid islaam iyo mid gaalo middeey ahaataba. -Qaar lagu magacaabo Jabhado way hubeysan yihiin waxayna udagaallamaan inay dalkooda ka xorreeyaan gumeysi heysta ama waxay doonayaan inay ridaan xukun dowladeed ee keligii taliye noqday. Ururrada diimeed ee muslimka ah waxaa loo dhisaa, inay fuliyaan oo aly gaarsiiyaan diinta dadka caalamka jooga oo dhan, waa howshii nebiyada iyo rususha, waxaana dhaxlay culimada ilaah diinta baray. -qaar kale, waxaa lagu magacaabaa xisbiyo siyaasadeed oo si nabad ah dadkooda xornimo ugu doonaya, isagoo sameynayo isu soo bax nabadeed oo joogto usoo bandhiga dareenkooda iyo rabitaankooda sidii Ururkii SYL. Dacwada fidinta diinta islaamka iyo bariddeeda, dadka waa waajib saran, gaar ahaanna culimada,waana howl joogto ah inay diinta dadkoo dhan gaarsiiyaan, islaamkana baraan sidii diinta loogu dhaqmi lahaa. Dacwada iyo fidinteeda, diinta 8 • Dalka Magazine islaamka dadka ujuuro kagama qaataan kumana dirqiyaan qofka inuu diinta ilaah rumeeyo iyo inkale,howshoodu waa gaarsiin oo keliya sidii nebiyada iyo rusushaba ahaayeen. Culimada islaamku,si loo xoojiyo dacwada diinta islaamka, waxay sameeyaan ururro diimeed oo mutadhawaciin ah, oo ka qeyb qaata dacwada diinta islaamka, xilli kastana way jireen, haddana way jiraan intooda badan, xurimahooda waa masaajidda oo ah xarumaha xirta cilmiga diinta islaamka lagu baro, culimada howshani ku howlan way soo jireen tan iyo asxaabihii. Xilligii Nebigeenna Maxamed (NNK) waxaa jiray koox lagu magacaabi jiray asxaabu sufa oo iyagu u go’naa inay dadka diinta qaatay ee soo islaamay diinta baraan, loona diri jiray. Waxaa soo baxay culimo damac siyaasadeed iyo mid adduun yeeshay oo doonaya inay mansab siyaasadeed ku gaaran magac urur diimeed uu isaga sameystay, oo qofkii ururkiisa ka soo horjeeda ku sheega in uu islaamkii ka baxay, waa yaabee ma islaamnimadu ayuu ku xukuma oo cidduu doono ka saaraa qof culima ahi waa yeelan karaa damac siyaasadeed, balse ma haboona inuu sheegtaa urur diimeed la siyaasadeeyay, taasi waxay fool-xumeyneysaa diintii islaamka oo khalqiga oo dhan ka dhaxeysay, waxay horjoogsaneysaa dacwadii diinta islaamka iyo dadkii soo islaami lahaa maalinba maalinta ka dambeysa si ikhtiyaari ah. Haddaba, sidaa haa kuugu kala caddaado ururrada siyaasadeed iyo kuwa diimeedd iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin xag mabda’ iyo ujeeddo intaba. W/Q: Dr. Mursal. Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine • 9 SHIRKii QARAN EE WARBAAHINTA SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAY Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 24-25kii November, 2015 magaallada Muqdisho ku qabatay Shir Qaran oo looga hadlay horumarinta warbaahinta Soomaaliya. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Puntland iyo KoofurGalbeed, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir. Wakiilo ka socday ururrada saxaafadeed ee dalka ka jirta iyo masuuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale shirkaan ka soo qeyb galay. Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee, ayaa furay shirkan, isagoo tilmaamay in ujeeddada shirkaani ay tahay: In ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.. In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen iyo In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed. “ Natiijada shirka laga sugayaa waa in isbaddel weyn dhaco marka uu dhammaado, oo saddexda qeybood ay sameystaan qorshe mideysan oo daweynaya baahida warbaahineed bulshada” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Saraakiisha wasaaradda ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta warfaafinta ee heer gobol, ayadoo lagu heshiiyay in iskaashi guud uu dhex maro labada heer ee dowladeed si loogu gudbiyo shacabka fariin saxan oo ka qeyb qaadanaysa dib-u-dhiska dalka. Warbaahinta Gaarka ah Qeybaha warbaahinta ayaa yeeshay doodo gaar gaar ah oo ku saabsan xaaladaha ay ku sugan yihiin warbaahintu iyo talooyinka ay qabaan ee ku saabsan in lagu horumariyo saxaafadda Soomaaliyeed Madaxda iyo wakiillada ka socda hay’adaha warbaahineed ee gaarka loo leyahay ayaa dood ay yeesheen ku gorfeeyay caqaba- daha oo ku tilmaameen. wariyaha. Baaahi dhinaca tababarka ah Wariyeyaasha oo aan la siinin xogta ay u baahan yihiin. Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir, ayaa tilmaamay in qodobbada ay soo jeediyeen warbaahinta gaarka loo leeyahay ayay yihiin kuwo in wax laga qabto ay tahay. Sharciga saxaafadda ayaa daaweynaya sida uu wasiirku sheegay caqabadaha saxaafadda haysta sida Mushaar la’aanta ay ku shaqeeyaan wariyeyaashu, Xogaha ay helaan, Tababarro in la siiyo iyo in la ogaado qofka wariyeha ah. Ayadoo ilaalinta ammaanka wariyeyaasha ay tahay xuquuq lagu leeyahay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in qorshe cad oo faahfaahasan loo sameyn doono warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo horseedi doonta in si wanaagsan looga faa’iideysto taageerada ay hay’adaha caalamiga ahi siinayaan warbaahinta. Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale loo bahan yahay in saxaafadda Soomaaliyeed ay ka shaqeyso nabadda, waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada, ayadoo la sameynayo siyaasad qaran oo lagu wajahayo arrimahaas. Baahi Qalab Baahi Dhaqaale ama mushaar la’aan iyo Tababarro soo noqnoda oo aan baahida warbaahinta waafaqsanayn Wakiillada saxaafadda ayaa soo sidoo kale soo jeediyay Qodobbo ay isla garteen oo ay dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo hay’adaha taageera warbaahinta u jeediyeen, qodobbadaas ayaa ahaa; 1In la helo istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta baahida warbaahnta dalka, si taageerayasha caalamiga ah iyo kuwa ka faa’iideysanaya ay isu fahmaan. 2In la ixtiraamo xoriyadda saxaafadda isla markaana ammaanka saxafiga ay ilaaliyaan dowladuhu. 3In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wadashaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta. 4In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda War-Murtiyeedkii Shirka. Waxaa shirka taageeray xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (UNSOM) oo Dalka Dalka Magazine Magazine •• 99 10 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, Nicholas Kay ayaa ka soo qeybgalay furitaanka shirka. Go’aamada Shirka kasoo baxay ▪ Wasiirradu waxey soo dhoweeyeen, una mahadceliyeen doorka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey u mahadceliyeen doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah kadib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta ka hawl gasha dawlad goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa. 5 Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta. 3 Waxay isku waafaqeen wasiirradu muhimadda ay leedahay in Wasaaradaha Warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku yeeshaan qorshe iyo istraatejiyad cad oo lagu taageerayo nabadda iyo xasiloonida dalka, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda. 4 . Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. 5 Wasiiradu waxey isla garteen in Xeerka Saxaafada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee hada horyaala golaha shacabka Soomaaliyeed dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 cisho ah si dawlad goboleedyadu fursad ugu helaan in ay soo dersaan sharciga. 6 Wasiiradu waxey isla garteen in marka la ansixiyo xeerka Saxaafadda laga wada shaqeeyo dhaqangelintiisa iyadoo golaha Warbaahinta Qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan Dawlad Goboleedyadu si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta. 7 Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna amaaneen horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah. 8 Wasiirradu waxa ay isla meel dhigeen in si hawlgallada ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan yahay in dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo is kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda oo la dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada ee wax kala tirsanaya. 9 Waxay hoosta ka xarriiqeen in bahda warbaahinta oo is kaas10 • Dalka Magazine hanaysa ay sameyn karto wacyigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday. 10 Wax ay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga aheyn iyo hanjabaadaha ah ay kooxaha argagixisada ah iyo sharwadayaal kaleba ay ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo ay sharciga hor keenaan. 11 Wasiirradu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed ay gelayso marxaladda cusub. 12 Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha saxaafadda taageera ee caalamiga ah ee magaca warbaahinta Soomaaliya deeq bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamijyadooda u soo gudbiyaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed si looga hortago in barnaamijyo isku mid ah ay wada saameeyaan oo aan ka tarjumeynin baahida warbaahinta. 13 Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dawlad goboleedyada ay ka hawlgalaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran. 14 Waxay wasiirradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay wacyigelin la xiriirta barashada dhinacyada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka, loona baahan yahay in Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo ay ku wacyigelinayaan bulshada Soomaaliyeed. 15 Waxay Wasiiradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyo wacyigelineed oo la xiirira amniga, wadaniyada, midnimadda iyo is aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, degaamadda iyo beelaha Soomaaliyeed. 16 Wasiiradu waxay bogaadiyeen hawlgaladda amni iyo guulaha ay ka soo hoynayaan dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna ugu baaqaan in ay soo afjaraan ciribtirka UGUS iyo kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya. 17 Wasiiradu waxay isku afgartaan in ay shir dambe isugu soo noqdaan bisha December 2015 si ay u meel mariyaan qorshaha iyo istraatejiyada horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socoto oo hada gacanta lagu hayo. Wasiiradu waxay ugu baaqeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan isla markaana joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay Wasaaraduhu wadaan oo si simman dalka oo dhan looga hirgelin doono. W/Q: Yusuf Sh- Ciise Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine • 11 SanadkA DHAMMAANAYA & Sanadka cusub! Laga soo billaabo, 1991-kii ilaa laga soo gaaro dagaalkii u dambeeyay ee Gaaalkacyo ka dhacay, shacbiga Soomaaliyeed wuxuu intaasi ku jiray halgan adag, kaasoo laga dhaxlay is beddelo cusub ee gudaha ah iyo kuwo qiimo leh oo la filayo in ay dibadda kaga yimaadaan, waxaa sii dhamaanaya 12 bilood, ma aha wax sahlan waayo, waxaa laga hadlayaa maxaanu ka kororsanay sanadkaasi sii socda? maxaa is beddel ah oo aanu kala hortegaynaa sannadka cusub ee 2016ka?. Sadaal ahaan dadku waxbay sheeg sheegaan, taasoo loo arko rajo, inkastoo dowladda Soomaaliyeed ay howlo badan ay horyaalaan, haddana waxaa laga doonayaa in ay qabato 2016-ka, doorasho ka duwan tii socon waysay ee qof iyo codkiisa, kaddib markii ay dowladdu ay rog rogtay in sannadka soo socda aanu qabsoomi karin doorashada qof iyo codkiis ah, taasi beddelkeeda, waxa ay dowladdu xoogga saartay in ay la tashato shacbigeeda, iyadoo Maamul goboleedyada oo dhan lagu soo qabtay shirar lagu lafa gurayo hiigsiga cusub iyo sida loo wajihi doono doorashada 2016-ka. Waxaa mar walba horteena ah, sidii Soomaaliya ay u horumari la hayd, waxaa tiigsigeena ah sidii shacbiga Soomaaliyeed uu u gaari lahaa horumar, waxaa qadarin ah sidii uu Shacbiga Soomaaliyeed uu isku qadarin lahaa, waxaa laga xumaaday dagaalkii Gaalkacyo, iyadoo sannad gabo gabo lagu jiro, hase ahaatee, sannadyahow cusub shacbiga Soomaaliyeed waa uu ku soo dhaweynayaa, dhab ahaantii waxa uu noqon doonaa sannad cusub oo lagu guulaysto, haddii uu shacbiga Soomaaliyeed uu noqdo shacbi gacmaha is haysta oo aanu ka dhexaynin waxa ay Soomaalidu ku faanto ee Reer hebel, taas waaye waxa inta badan sabab u noqda dib u dhacyada dalka iyo dadka. Sannadyahow cusub, aan isla sabootino sannadkii hore,waxaan eegaynaa sannadkaan cusub waxa ay Soomaali noqon doonto, waayo sannadkaan ma aha sannad sahlan, maxaa yeelay waxa uu leeyahay astaamo lagaga daydo dhinacyada horumarka iyo guulaysiga hiigsiga cusub ee 2016-ka. Dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ka amba qaadaysa sida ay u dabooli lahayd rajadii laga qabay in ay qabsoomto doorasho qof iyo cod ah, taasoo hadda loo bedelay iyadoo lagala tashanayo shacbiga Soomaaliyeed, beesha caalamka, waxay hadda maraysaa heer gabo gabo, rajaduna ma xuma oo waxaa cagaha la saari doonaa waddadii ay Soomaalidu mari lahayd, ayna ku gaari lahayd horumar iyo tusaale lagaga daydo, taas waxaa ka horaysa Sannadyahow tegay, inkastoo uu ka shiddo yaraa sannadkii ka horeeyay ee 2014-ka, waxa ay hadda diiraddu saaran tahay oo yididiilo badan laga qabaa waxa laga dhaxli doono sannadkaan cusub ee 2016-ka, kaasoo geedigiisa loo wada xir xirtay, si markaasi uu shacbiga Soomaalieyeed uu Alle ka baryo in uu ka badbaado haraantida sannadka sii socda, iyadoo sannadka soo socdana uu noqon doono mid lagu baratamo laguna barwaaqoobo. Sannadayahow sii socda waxaad nagu salaantaa sannadihii kaa horeeyay ee tegay, waxaan soo dhaweynaynaa sannadka cusub iyo hiigsiga Cusub, iyadoo shacbiga Soomaaliyeed uu maanta u hirgaleen Maamul Goboleedyo, taasoo micneheedu ay tahay in la baahiyay taladii dalka, cid walbana laga qeyb gelinaayo geedi socodka nabadda, haddana taas micneheedu ma aha in la cabbiraayo firkado lagu kala tegaayo, laakiin waxa uu noqon doonaa shacibiga Soomaaliyeed, inta lagu guda jiro howlahaan shacbiga Soomaaliyeed mid wada tashta oo aan is khilaafaynin iyo dowlad wada shaqeynaysa oo aanu khilaaf ka dhex dilaacaynin. Waxaan oo dhan waxaa ka horraysa in aanu dib u eegno taariikhda, wixii la soo maray sidii loo soo maray waa muhiim, wixii lagu fashilay iyo sababta loo fashilmay waa muhiim, heerka aanu maanta marayno waa mid ku dayasho mudan, inkastoo aanu nahay bini aadam haddana waxaa nagula tilmaamay in aanu nahay dalka ugu musuq maasuqa badan, sababtoo ah taas ayaanu iskula dar-daaranay, oo waxaa la leeyahay, muxuu ka qabsaday, muxuu u qabtay beeshiisa? taas ayaa keenaysa in nagula sheego dalka ugu musuq maasuqa badan. Hase ahaatee Sannadyahow cusub, waxaa nagala qeyb qaadataa sidii aanu u bur burin lahayn musuq maasuqa, kaasoo hareeyay min hoos iyo kor, taas darteed sannadyahow cusub, waxaa hortaada ah wax badan, anagana waxaa horteeda ah dadaal badan iyo wax qabad sanka isku hayo, anagoo ka gudbayna buun buunintii qabyaaladda iyo ku salayntii dowladnimo, halkaas waaye halka ay musuq maasuqyadu ka soo faruurmaan, inta ay qabyaalad jirto daan daansi ma istaagi doono, can cantuubsi aan xaq ahayn ma istaagi doono, sharci ku tumasho ma is taagi doono, deris ma badbaadi doono. Si arrimahaasi loo saxo, waxaa muhiim ah iyadoo waliba 9-kii December laga dhigay maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa, sannadyahow cusub sidee baad nagala qeyb qaadan kartaa la dagaalanka Musuqa, waayo waxaa la yiri: “Waa Soomaali mehradeed” taasoo micneheedu ay tahay xaraan xalaalaysi, taasna Soomaaliya way ka soo horjeesatay hadda iyo wixii ka dambeeya waxaana loo gudbi doonaa Soomaali oo sharci ku nool ah iyo sharci ilaaliye, taas ayaa muhiim ah haddii kale waxaa lagu dhici doonaa maah maahdii oranaysay: “Ceel ku dumay ninkii lahaa”. Waa ayaan darro, in sannadyahow cusub nala garan wayso dagaalka aan ku hayno Musuq maasuqa, waxaad nagala shaqaysaa sannadyahow cusub sidii ay Soomaali isku bogsiin lahayd, ayna u noqon lahayd dad ka horeeya dadka oo dhan, isagoo ka caafimaaday cudurradii qabyaaladda iyo musuqa. Sidee haddaba, sannadyahow cusub isku kaa halayn karnaa? ma waydiisay su’aalo badan sannaka sii socda, ma waydiisay waxa uu Soomaaliya kala kulmay iyo caalamka intiisa kale, haddaan waydiin oo aadan xuraansan taariikhda labadeenaba way nagu adkaan doontaa in aanu ka mira dhalino waayaha adduunka......... W/Q: Ciise Faarax Maxamed Dalka Dalka Magazine Magazine •• 11 11 12 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 12 December 2015 qeeb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo Soma Oil & Gas. Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta sokeye ee ka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.” Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xarunta Wasaaradda Batroolka oo la daahfuray, isla markaana Soma Oil & Gas lagala wareegay Xogta baarista Shidaal, Dowladda oo cusbooneysiisay Heshiiska WFP, Wasaaradda Boosta & Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Bankiga Horumarinta Afrika, Shirka Madasha Heerka Sare oo Muqdisho lagu qabtay, Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la dhaariyey, Horjooge Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Dowladda, Xarunta Keyda Dhexe ee Shidaalka oo la daahfuray, Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis bilaash ah, Wasaaradda Caafimaadka oo Puntland ku wareejisey Deeq Daawo ah, Ciidanka oo Afgooye ka sameeyey Howlgalo iyo Dowladda oo Xoojineysa Waxqabadka Hay’adaha iyo Hufnaanta Maaliyadeed. Xarunta Wasaaradda Batroolka oo la daahfuray, isla markaana Soma Oil & Gas lagala wareegay Xogta baarista Shidaal Waxaa 9kii December 2015 la qabtay xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta, isla markaana Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha. Isla munaasabaddaas, shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay 12 • Dalka Magazine Dowladda oo cusbooneysiisay Heshiiska WFP Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii December 2015 si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka WFP Somalia Mr. Laurent Bukera ayaa heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho, halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Cismsan Cilmi Guuleed, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha beni’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya Wasaaradda Boosta & Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Bankiga Horumarinta Afrika Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi iyo saraakiil ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa magaalada Nairobi heshiis kula saxiixdey Bankiga Hormarinta Afrika. Heshiiskan ay wasaaraddu la gashay Bankiga Hormarinta Afrika ayaa kusaabsan sidii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiinta guud ahaan dalka oo dhan. Heshiiskan oo uu dhanka wasaaradda u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ayaa ku kacaya $139 Milyan oo ah caawimaad uu Bankiga Hormarinta Afrika ku tala jiro in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga gaari lahayd dhanka isgaarsiinta. Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta ee bangiga Hormarinta Afrika Mr. Nicholos Williams oo u saxiixay heshiiska dhanka Bankiga ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu bankigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ka soo Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine • 13 yarada ay marin habaabiyeen in ay isaga baxaan fikirka qaldan ee ay dadka ku marin habaabinayaan. Xarunta Keyda Dhexe ee Shidaalka oo la daahfuray kabanaya dhibaatooyinka. Shirka Madasha Heerka Sare oo Muqdisho lagu qabtay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 8dii December 2015 Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirka Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka. Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira. Waxaa madasha looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Hiigsiga Cusub (New Deal). Waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda. Shirka waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka. Horjooge Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Dowladda Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Abdimalik John kana tirsanaa Horjoogayaasha argagixisada Al-Shabaab uu 6dii December 2015 isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka ee badbaadiyay ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi karaan. Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaabku ay ku kala qeybsadeen fikirka xagjirka ah ee ay ku doonayeen inay ku marin habaabiyaan bulshada, ayna iminka kala sheegtaan inay u kala qeyb sameen ISIS iyo Al-qaacidda, waxaana uu baaq u diray dhallin- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 7dii December 2015 si rasmi ah Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna ayaa fulisay baaqii Madaxweynaha ee ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaaraan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company. Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis bilaash ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka Soomaaliyed ee aragga la’ indhaha loogu fiiqiyo. Wasiiradda ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay dhaqaatiir si bilaash ah dadka indhaha ugu fiiqaya, taas oo ay dadku ka wada faa’iideysan karaan. “Qof walba oo u baahan indhaha in loo fiiqo ha yimaado wasaaradda caafimaadka, waxaan siinayaa warqad waxaana u direynaa meeshii loogu fiiqi lahaa” ayay tiri Wasiiradu. Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu sii socon doono, oo looga faa’iideyn doono dadka Soomaaliyeed ee aragga la’, si gaar ah waxaa mahsruucaan uga faa’iideysan kara dadka waayeelka ah. “Haddii qof aan noo imaan Karin uu jiro, noo soo sheega waxaan ugu tagaynaa goobtiisa oo aan ugu fiiqeynaa indhaha” ayay sii raacisay. Dowladda oo Xoojineysa Waxqabadka Hay’adaha iyo Hufnaanta Maaliyadeed Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9kii December 2015 furay shir laba maalmood ah oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha sheegay inay muhimad gaar ah leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Soomaaliya.Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inay jiraan caqabado isku wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo, isagoo tusaale u soo qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka. Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga. Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Wakiilka Bnkiga Adduunka ee Soomaaliya, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan. W/Q: Liibaan Cabdi Cali Dalka Dalka Magazine Magazine •• 13 13 14 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad INDHAHAYGA HORTOODA!!! aan ee aan iska daayo wax u sheegiddooda, maxaa yeelay haddii aad sidaas u fekerto waxaad jabisay mid ka mid ah qawaaaniinta horumarka bulshada aadanaha oo ah ha quusan xitaa haddii aad saaran tahay gogosha geerida. Ogoowna ku celcelinta waxa wanaagsan iyo waxa xunba waa horumarkooda waxa kasta oo xunna waxay ku biloowdaan xawaare sare wax kasta oo fiicanna waxay ku biloowdaan xawaare taag daran,macnaha waxaan ula jeedaa cudurka waxa uu ugu soo boodaa jirka Aadanaha uguna baahaa hal mar, meesha caafimaadka jirka uu ugu yimaado si tartiib tartiib ah. Dad baa ku qayliya Soomaaliya wanaag kama soo socdo waayo? Haddii lagu yiraahdana waxay la soo boodayaan qas aan dhamaaaneyn baa lagu jiraa isdil baa jira, waxaa jira ismaqal la’aan waaxaa taagan weerar aan dhamaad lahayn maalin kasta, lama maqlayo mas’uuliyiinta sarsare iwm. Waa run inta ay dadkaasi sheegayaan laakiin inta ay sheegeen ma shacbiga Soomaaliyeed oo kaliya ayaa sidaas ah mise waa wax aduunka oo dhan ka jira? Shaki kama noola haddii aad tagtid caasimadaha ay ka mid yihiin New Yourk, New Delhi, Amisdardam Baaris, Room,Atena, Bon iyo Baarliinba aad ku arkayso ismaqal la’aan,is dil, iyo ismoora duug ka badan midka aad uga jeeddo Soomaaliya, marka walaalka soomaaliyeedoow hano qon indha ku garaadle ku qanca ama u jeeda canaaha hortiisa lagu barxayo isla markaana aan dareemayn caanaha meelaha kale lagu soo barxay. C/risaaq Axmed Absuge Wixii muuqda uun bay dadka qaar yiraahdaan: waa wax jira, laakiin waxaa jira wax badan oo aan kuu muuqan oo haddana jira, lana inkiri Karin jiritaankooda. Tusaale: dabaysha sanka laga qaato Ogsijiin waa wax jira,haddana indhaha laguma arki karo laakiin waxaa lagu dareemaa xawaasta kale sida sanka iyo jirka intiisa kale. Sidoo kale korontada ama maayadda waa wax jira oo weliba goyn karta nafta insaanka iyo naafaha kale haddana laguma arki karo indhaha insaanka, sidoo kale Ilaaheey, Malaa’igtiisa, Naarta Janada, Nolosha dambe, Carshiga Kursiga, 7da Sammo, 7da dhul, intaba waa jiraan laakiin waxaa laga qariyey sida kuwa kale ee aan kor ku soo sheegnay indhaha Banii Aadamka.iyo indho kasta oo uu noole leeyahay. Haddaba waxaa ayaan darro ah wixii ay indhahaaagu arki waayaan in aad tiraahdid ma aha wax jira wixii ay indhahaagu arkaana aad dhahdo waa wax jira, si kasta arintu ha ahaatee hadalka waxaa loo yiraahdaa halagaa maqlo, ee looma yiraahdo halagaa yeelo,waxaa laga yaabaa in aad u careeysan tahay balwadaha Jaan ee ay ku maman yihiin dadka soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta soo koreeysa,way dhici kartaa in aad kor u tiraahdid war iska daaya balwadahaan shaydaan ee adduun iyo Aakhiro idin seejiyay,waa hubaal in lagaa wada maqlo hadalkaas qiima galka ah,laakiin ma dhici karto in hadalkaas lagaa wada qaato oo la iska daayo balwadihii, aad la kahatay umaddaada. Mana habboona in aad niyad jabtid ka dib markii lagaa qaadan waayo wixii aad ka digeysay oo xumaan iyo balwado ah, oo aad is dhahdid kuwaan dhago Daanyeer bay leeyihiin waxna ma maqlay- Bal fiiri dhismaha ka socda dalkaaga, mar kale fiiri sida looga shaqeeyey nabadgelyada guud, bal Eeg sida ay isugu xirmeen shacabka iyo hay’adaha sirdoonka Qaranka iyo guud ahaan dawladda uguna wada shaqeeynayaan Amaanka, Eeg wacyi gelinta ka socota idaacadaha madaxa bannaan iyo tan dawladda soomaaliya, bal Eeg sida ay isu beddeleen wax kasta 3 sano ka hor sidii ay ahaayeen. Bal eeg indhahaaga hortooda waxa ka muuqda oo dhan ma been iyo riyo baa mise waa wada dhab iyo sax. Ma doonayo in aan kuu sheego wax ku shubasho ah, mana doonayo in aan kugu qasbo falsafad aan jirin kaliya waxaan doonaya in aad ii sheegto anna aan kuu sheego wixii ay arkaan indhaheenna oo run wada ah, laakiin ha inkirin wixii quman oo aad aragto una sheeg sida aad u aragto iyo qumanaantooda. Hana ka tagin sheegidda wixii xun adiga oo aan ku sii dardareeynin macnaha aan ka badbadinaynin kaliya ku ekoow xuduudda hadalkaaga quman iyo aragtida indhahaaga hortooda. Waa taas ciddii doonaysa horumarka bulshadeeda waana taas sida wax loo gudbiyo amaba loo sheego markii la doonayo wanaagga umaddaada. Haddaba mar kasta ku feker sheegidda wixii fiican oo kaliya iskana iloow sheegidda ceebaha iyo wixii aan wanaagsanayn oo dhan sidoo kale iska diid in laguugu shubto wax aan jirin ama laguu yeeriyo isla markaana sii shegidooda aad ka kasbanayso danbi kuu hoggaamiya naarta nolosha aduunyada ka dib ugu dambayn ogoow in xisaabi ay jirto markii la dhinto ka gadaal W/Q: C/risaaq Axmed Absuge SOMALI NATIONAL TELEVITION TELEFISHINKA QARQNKQ SOOMAALIYEED Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed waa mid ka shaqeeya danaha Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna tabinayaa warbixinno isugu jira, Wacyi gelin, Dhiira gelin, Nabad gelyo iyo warar sugan oo la xiriira Nidaamka dowladnimo ee dalka. HA MOOGAAN EE DAAWO WAQTI WALBA 14 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine DHALIISHA DHAQANKA : • 15 KALA SARREYSIINTA WIILASHA & GABDHAHA Guurtida Soomaaliyeed, waxaa jira dhaqan u baahan in wax laga weydiiyo kaasoo ku saabsan guurka wiilasha iyo gabdhaha marka ay hana qaadaan. Waxaan ognahay in soomaalida marka laga reebo dad yar in wiilasha marka ay guursanayaan aad loo taakuleeyo qoyskiisuna waxba uusan kala harin awoodda uu leeyahay iyadoo ay hadda ku soo cusboonaadeen in meelo aan loo baahneyn qarash lagu bixiyo aroosyadana lagu tumo , taasoo culeys iyo dhib ku keeneysa taranka iyo guurka danyarta soomaaliyeed raadna aan ku lahayn diinta islaamka in meelahaas wax lagu tumo ama arooska lagu ciyaaro meel aan loo baahneyn, waxaa kaloo jirta inaan gabdhaha iyo wiilkasha isku aabbo uu dhalay inaan gabadha si aan loo raali gelin wiilka loo raaligeliyay, taasina waxay cuqdad iyo oof wareen ku reebtay gabdhaha soomaaliyeed iyadoo lagu yiraahdo maad guursatid nin wax haysta, haddii ay guursato nin dan yar ah ama qoys sabool ah ka dhashay lagu canaanto loona caga jugleeyo maxaa kuu geeyay meel uu waalidkaa raalli ka ahayn, taasina waxay keentaa in ay gabdhaha qaar guur seegaan . Waxaa kaloo jira kala sarreysiin ay isticmaalaan waalidiinta qaarkood taasoo ah marka ay timaado waxbaarashada ama shaqada waxay yiraahdaan waalidiinta qaar (wiilka shaqada ii geeya gabari kugu tol maahee!!) sida badan taasina waxay gabdha ku beertaa murugo iyo xanuun badan Kala sarreynsiinta caruurta ay dhalaan waalidiinta gabaar iyo wiilba, waa in ay u sinnaadaan xaquuqda guriga, iyadoo aan ognahay gabadhu inay ka howl badan tahay wiilka ayeey haddana kaga dhow yihiin waalidka wiilka. Haddaba akhristeyaal, iyadoo ay tahay arrintaani mid fogaatay salkana ku haysa dhaqanka , waxaa wax ka weydiineynaa dhaqanka soomaaliyeed iyo abwaaniinta isla markaana inay wax ka beddelaan iyadoo aan halkaan lagu soo koobi Karin xaquuqaha gabadhahu leeyihiin , ayaaba arkeysaa in arrintana ayba ka soo billaabato guriga. Qoysaska qaarkood waxba ma baraan gabdhaha iyagoo aaminsan in ay waxba soo kordhinaynin kuna yiraahda naa wiilasha dharka iigu meyr raashinkana iigu kari adiga gabadh baa tahaye, halkaas bayna kaga habsaantaa waxbarashada xilligii ay u baahneyd . haddey noqoto xagga waalidka iyo qaraabada iyo deriskaba intaba. Waxaa kaloo jira arrin dhabar jab ku ah lamaanayaasha is doortay ee sharciga isku guursaday ka dibna gabadhii ay dhashay dhowr gabdhood oo isku xig xiga isla markaa odeygii reerka wuxuu ka qaadaa naxdin iyo anfariir gabdhaa loo dhalay sidii inay ayadu sameyso ilmaha oo kale ama ay iyada dooratay gabdhaha keliya sababteedana ku yimaadeen waxaana gabadhaas loo bixiyaa magacyo badan sida gabdho dhashooy, is badiso, hoos madoow iyo kuwo kale taasoo ah magacyo aysan galabsan gabadhu sinna aysan ku keensan taasoo qoyska wiilka ka dhashay ay bixiyaan magacyadaas uguna yeeraan markaas iyagoo weliba ay ka muuqaneyso naceyb iyo weji dadab halkaa ayeey ku bahdilaan gabadhii sharafta lahayd. owlaaddaas oo ilaaheey siiyay koriskiisa gabadhuna u noqotay tii qoyska dib u bisha, waalidiinta waxaa laga doonayaa in ay si caddaalad ah wax u wada baraan carruurtooda iyagoo aan u kala socon lab iyo dheddig midk ah yihiin, lama oga midka u wax tar badnaan doonee. Marar badan ayaa la arkay reero wiilkii ay u arkayeen halyeeyga reerka, uu ka noqday wax matare lagu qasaaray oo ay gabdhuhu ka fiican yihiin ma maqashay mise booqatay: DIYAASBARO MENTAL HOSBITAAL wuxu malaysan waayay in aan anigu ahay, Markii aan maqlay, ciwaanka kor ku qoran, waxaa markiiba maskaxdayda ku soo dhacday in arrintaan cusub in aanu cid kale abuuri karin, aan ka ahayn Dr. Xabeeb oo isagu si gaar ah ugu taqasusay cudurrada dadka dhimirka la, waxaan ogaa isagoo la daalaa dhacaya dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed iyo gabdhaba, kuwaasoo aan arki jiray marka aan tago xaruntiisa, isagoo la doodaya waliba qaar ka mid ah kuwa maskaxda laga galay, hase ahaatee, waxaan anigu aan rumaysan waayay in dadkeenii dibadda u barakacay in kamid ah ay kusugan yihiin xarunta daawaynta dadka dhimirka qaba ee Dr. Xabeeb. Waxaan tegay Xarunta Dr. Xabeeb ee 21-ka October, isbedel badan bedan in uu jiro ayaan dareemay, hase ahaatee markii la iisheegay in uu Xaifiiskiisa ku jiro, ayaan dul istaagay, kaddibna markuu isoo eegay saaxiibkiisii hore, laakiin markii aan isqaabilnay kaddib oo aan sheekeysanay ayaan waxaan weydiiyay: “maxaad ula jeedaa W/Q: Abwaan Gabeyre. ayaa isbedalay waana dhab su’aasha aad i waydiisay, waayo dhallinyaradaasi waxaa laga kala keenay dalallka Denmark, Sweden iyo USA” waxaan ku iri: “taas suurta gal maaha, waayo haddii ay run tahay in dhallinyaro Soomaaliyeed gabar iyo wiilba oo dibadaha jira haddii cudurka noocaas ah ee aad ku taqasustay uu ku dhacay dalalkaasi horumaray ma awoodi waynin in ay daaweeyaan, laakiin anigu ma garan karo, sababta Muqdihso loo keenay oo adiga laguu keenay”. Taas waa dhab hase ahaatee, Xabeeb waa nin dadaal badan oo aan daalaynin, xitaa darmoolay waxa uu ka furay Xarun cusub oo dadka lagu daaweeyo, waxaa kaloo layaab leh in uu iisheegay in uu marayo in Takhaatiirta dibadda qaarkood ee isoo waydiiyaan mararka qaar cudurrada Qaarkood, waxa aan ku daweeyo, sannadkaan waxaan hirgeliyay seddax mashruuc oo waaweyn, 35 arday ayaan degmada Caabudwaaq tababar dheer uga furnay, hase ahaatee, maanta iyaga ayaa gacanta ku haya, Isbitaalka lagu daaweeyo dadka dhimirka la, sababtoo ah anagu waxaan xoogga saarnaa in aan soo saarno dad cusub, oo waxaan fulinaa hadba DIYAASBARO MENTAL HOSPITAAL” baahida shacabka inta ay la egtahay. intuu muusooday ayuu yiri: “wax badan Dr. Xabeeb Dalka Dalka Magazine Magazine •• 15 15 16 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Alshabaab oo u kala Jabay Daacish iyo Al-caaqidda Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayuu ka dhex taagan yahay khilaafkii ugu ba’naa intii ay jirtay, ka dib markii ay u kala jabtay koox taabacsan ururka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya iyo koox u daacad Alqaacidda. Waa khilaaf masiiri ah oo khatar ku ah jiritaanka kooxdan argagixisada ah ee Soomaaliya dhibaatada ka wadda. Horjoogeyaal horay kooxda uga tirsanaa una qaabilsanaa marin habaabinta da’ yarta, ayaa hadda isaga baxay, oo sheegay in ay ku biireen kooxda Daacish ee Suuriya. Waxaa horjoogeyaashaas ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo isaga iyo maleeshiyo uu hoggaamiyo oo ka goostay Shabaab ay galeen buuraha Galgala ayna iclaamiyeen in ay wax ay ugu yeereen Beyco la galeen Abuu Bakar Albaqdaadi, hoggaamiyaha kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa inay nin lagu magacaabo Dul Yadeyn oo horay uga tirsanaa Alshabaab, uu isna la goostay maleeshiyaad badan, uuna ku biiray Daacish. Horjoogeyaasha ugu sar sarreeya kooxda ayaa la sheegayaa inay laftoodu ku kala qeybsan yihiin arrintan, waxaana jira rag hoggaanka kooxda ku jira oo u guuxaya ku biirista Daacish oo ay ugu xilanayaan xoolo iyo xaasidnimada ay bulshooyinka kula kacdo. Kooxda Shabaab waxay isku dayday inay qariso khilaafka ka dhex jira ee la xiriira ku biirista Daacish iyo ka sii mid ahaanshaha Alqaacidda, balse taas way ku hungowday oo si weyn ayuu khilaafku bannaanka ugu soo baxay, markii ay sii kordheen dadka doonaya in ay Alshabaab iyo Alqaaciddaba isaga baxaan una naq raacaan dhanka Daacish. Hoggaanka kooxda ayaa ku khasbanaaday in uu awood ku muquuniyo kuwa doonaya in ay Alshabaab isaga baxaan, waxayna toogteen maleeshiyaad badan oo Daacish doon ahaa, laakiin waxaa bilowday iska caabbin ka timid kuwa Daacish doonka ah, waxaana dhacay dagaallo dhiig ku daatay oo ay labada argagixiso isaga hor yimaadeen meelo kala duwan sida Shabeellaha Hoose, Xudur iyo Jilib oo ah Xarunta gobolka Jubbada Dhexe. 16 • Dalka Magazine Dhowr toddobaad ka hor nin Mareykanka u dhashay oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa isu soo dhiibay ciidammada dowladda Soomaaliya ee sugan Baraawe, ka dib markii uu ka soo cararay Alshabaab Alqaacidda taageersan. Ninkan oo lagu macaabi Abdimaalik Jones, waxa uu ka mid yahay kuwa u jidbeysan argagixisada kale ee Daacish. Dadka Daacish ku biiray ku jira Waaligii Alshabaab ee magaalada Bu’aale iyo tobaneeyo sarkaal oo la sheegay in ay dhanka “Dacwada” Marin habaabinta u qaabilsanaayeen kooxda. Hoggaamiyeyaasha Alshabaab ayaa aad uga carooday tallaabooyinka Daacish doonka ah ee kooxda ka dhex bilowday, waxayna goobaha ay gacanta ku hayaan ka bilaabeen howl gallo ay ku xir xirayaan maleeshiyaadka loo maleynayo ay Daacish la dhacsan yihiin. Laakiin dadka wax falanqeeya waxay leeyihiin uma muuqato in ay taas ku guuleysanayaan, waayo Alshabaab hadda magac ahaan unbey u jirtaa ee ma lahan awood ay wax ku muquunin karto iyo dhaqaale ay ku xajisato maleeshiyaadkii ay markii hore soo khaldeen oo hadda bilaabay in ay ka dal doorsadaan markii ay kooxda baahi iyo dac darro ugu adkeysan waayeen. Alshabaab, waxaa soo gaaray jab aad u weyn iyo dhaqaale xumo baahsan, markii ay waayeen gacan ku haynta magaalooyin badan oo ay dhaqaale ka heli jireen sida magaalooyinka dekadaha leh ee Baraawe iyo Kismaayo, halkaas oo ay dhuxul sharci darro ah ka dhoofin jireen, dadkana ka qaadin jireen lacago baad ah oo xad dhaaf ah. Alshabaab waxaa horay u ragaadiyay khilaafaad dhexdooda ah oo keenay in ay iyagu is laayaan. Hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane, ayaa horay u laayay saraakiil sar sare oo kooxda ka tirsanaa kana mid ahaa aas aaseyaashii kooxda sida ninkii la oran jiray Ibraahim Afghaan iyo Colhaye oo lagu dilay Baraawe markii ay Godane ka hor yimaadeen. Sidoo kale waxay kooxdu laysay rag badan oo ajaanib ahaa oo hoggaanka kula murmay Soomaalida, taas oo keentay in ajaanibtii kooxda ka tirsanaa ay keymaha galaan, qaarkoodna ay isaba cararaan dalka iyagoo ka baqaya in la dilo. Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine • 17 Sababta ugu weyn ee ay ajaanibta Shabaab ka tirsani ugu biirayaan daacish waa iyaga oo rumeysan in aysan Soomaalida dhexdooda ku badbaadi karin, iyagoo wax ka bartay tijaabadii axmed Godane. labada sarkaalba waxay shirar jaraa’id iyo munaasabado ka sheegeen in kooxdu banneysatay dhiigga muslimiinta ayna ka been sheegeyso diinta islaamka. Horjoogayaal horay uga tirsanaa alshabaab sida Xasan daahir aways, ayaa kooxda ka soo cararay markii lafahooda loo soo dhigtay. boqollaal maleeshiyadii alshabaab u dagaallami jiray ah ayaa u dhega nuglaaday baaqyada nabadda iyo cafiskii dowladda Soomaaliya u fidisay. Horjoogihii hore ee kooxda axmed Cabdi Godane waxaa duqeyn lagu dilay 1-dii September 2014, waxaana la rumeysan yahay in geerida Godane ay ahayd bilowga dhammaadka kooxda alshabaab, maadaama uu ahaa milkiilaha kooxda argagixisada ah, uuna isagu kooxda ku amar ku taagleyn jiray. dikii Godane ka dib, waxaa duqeymo lagu dilay saraakiil sar sare oo amniyaadka kooxda hoggaaminayay, kuwaas oo uugu ug dambeeyay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sandheere oo toddobaadkii hore lagu dilay duqeyn diyaaradeed. duqeymaha cirka ah iyo dagaallada dhexdooda ah ka sokow, waxaa alshabaab dhabar jab ku noqday saraakiil badan oo muhiim u ahaa oo ka soo goostay markii ay garowsadeen in kooxdu ka fog tahay diin iyo dhaqan suubban toona. Saraakiisha ka soo goosatay waxaa ka mid ah Sakariye ismaaciil oo ka tirsanaa saraakiisha ugu sarreysa kooxda oo lagu baadi goobayay lacag dhan 3 milyan oo dollar. Sidoo kale waxaa horay kooxda uga soo goostay Maxamed Saciid atam oo ahaa wakiilkoodii gobollada woqooyi bari Soomaaliya. Waxaa is weydiintu tahay maxay maleeshiyaadka kooxdu ugu biirayaan daacish? Jawaabtu waxay tahay: kooxda waxaa soo food saaray dhaqaale xumo baahsan , awood yari ciidan iyo khilaafaad daba dheeraaday. intaas oo is biirsaday ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ku dhaliyay iyo horjoogeyaal danley ah ku dhaliyay in ay raadsadaan koox kale oo dhaqaale haysata, kana arxan daran alshabaab. arrintu diin xiriir lama laha ee waxa dhaqaale raadis iyo aag baddelesho. daacish oo ay nuqul alqaacidda ka tirsan balse ka sii xag jirsan waxay ka talisaa dhul ballaaran oo Ciraaq iy Suuriya ah, waxayna boobtay bangiyo ay qaadatay malaayiin dollar, marka horjoogeyaasha Shabaab qaarkood ayaa u arkaya inay dhaqaale heli karaan haddii ay daacish u galaan. ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in daacish iyo Shabaab ay yihiin dameer iyo labadiisa dhegood , ayna ka mideysan yihiin dilka muslimiinta iyo gaaleysiinta dadka ahlu towxiidka, waxa kaliya ee ay ku kal duwan yihiin waa labadooda magaca iyo daacish cusub tahay alqaaciddana duq tahay. Waa ku waa CIIDAMADA XOOGGA DALKA WAXAY KU HOWLAN YIHIIN SIDII AY sii baacsanaya KU CIRIB TIRI LAHAAYEEN har iyo habeen kooxaha KOOXAHA NABADIIDKA nabad diidka ee harsiga u diiday bulshada Soomaaliyeed Dalka Dalka Magazine Magazine •• 17 17 18 • Dalka Magazine Caddadka 2-aad Sannad 1-aad HEEGAN OO SOO TIIGSATAY FIINAALKA KOOBKA JENERAAL DAA’UUD KADIB MARKII AY KA ADKAATAY JEENYO Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa usoo gudubtay kama dambeysta koobka Jeneraal Daa’uud kadib ciyaar adag oo ay la qaadatay kooxda Jeenyo oo ay ku kulmeen garoonka Banaadir ee degmada c/casiis. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa usoo daawasho tagay taageerayaashii ugu badnaa ee soo xaadira koobka Jeneraal Daa’uud. kulan ciyaareedka dhexmaray Heegan iyo Jeenyo ayaa ku biloowday dardar xoogan oo ay labada dhinaca garoonka lasoo galeyn iyadoo bilowgii hore ciyaarta ay hogaanka la wareegtay kooxda Heegan markii daqiiqadii 15-aad uu gool qurux badan shabaqa la helay Kabtan Jabriil Xasan fariid oo baas wanaagsan ka helay xiddiga reer Nigeria ee No 19-aad u xirta Heegan Onuudi Chebuse waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Heegan ciyaarta ku hogaamineysay. Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayeey Jeenyo iska soo guday goolkii lagu lahaa waxaana daqiiqadii 63-aad goolka barbardhaca u ansixiyey ciyaaryahan Xasan Cabdi 18 • Dalka Magazine nuur Geeseey (Xasaasi) kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 . daqiiqadii 65-aad ee qeybihii dhexe ee ciyaarta ayaa Heegan waxaa soo wajahay caqabad weyn markii uu kaarka Cas ka qaatay kabtan Jabriil Xasan fariid oo qalad ku galay Daafaca Jeenyo Duufaan balse ciyaartoyda Heegan ayaa muujiyey isku duubni iyo adkeysi waxeyna taasi kaliftay ineey markale la wareegaan hogaanka ciyaarta waxaana goolka labaad daqiiqadii 79-aad shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Mahad Muxudiin Xaaji oo ciyarta ka dhigay 2-1. Jeenyo ayaa markale soo laba kacleysay waxaana usuuro gashay iney markale hesho goolka barbardhaca waxaana daqiiqadii 89-aad gool kulaad udhaliyey Xasan Cabdi nuur (Xasaasi) waxeyna ciyaartu noqotay 2-2. ugu dabmbeyn ciyaarta ayaa waqtigii loogu talo galay kusoo gabagaboowday 2-2 sida uu sharcigu qabo labada dhinac ayaa lagu kala saaray gool kulaad kooxda Heegan ayaana ku adkaatay 7-6 dhanka Heegan waxaa gool kulaadka ka qasaariyay Axmed Cabduqaadir Dhayib halka Jeenyo ay ka qasaariyeen Cabdicasiis Catoosh iyo Kabtan Axmed tahliil. Heegan ayaa ciyaarta kama dambeysta ah Jimacada la ciyaari doonta kooxda Horseed waxaana kulankan loogu yeeraa kulanka Ciidanka qalabka sida. W/Q: Xabiib Axmed Caddadka 2-aad Sannad 1-aad Dalka Magazine • 19 Cidina ma mooga kaalintooda I Waxay heegan u yihiin daafaca Dalka iyo Dadka, Waxayna har iyo habeen Baacsanayaan Kooxaha Nabad diidka ah naad maqashaa kooxaha nabad diidka ah ayaa laga xoreeyay degmo heblo, howlgalkii Badweynta Indiya, waa lagu guulaystay iyo kuwo kale oo badan ma aha wax sahlan, maxaa yeelay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa naf iyo waqtiba ku bixiyay guulahaasi aad maqlayso oo ay dhegahaaga saacad walba ku dhibcinayaan Warbaahinta gudaha iyo dibaddaba. Guul walba oo laga soo hooyay kooxaha nabad diidka ah, waxaa ku naf waaya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliyeed, kuwaasi oo naftooda u huraya daafaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. U fiirso taatikada Ciidammada sanadba sannadka ka dambeeya waa ay sii koraysaa oo waxa ay hadda ku dhiiradeen in ay dib uga xoreeyaan degmooyin aan markii horaba lagu fikirin in ay tagi doonaan Ciidamada Soomaaliyeed, degmooyinkaasi oo ay ku xoogganaayeen Kooxdaas, waxayna arrintaasi beenisay wararkii ahaa in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed aanu awood u lahayn in uu gaaro dhulalka ay ku xoogan yihiin Kooxaha nabad diidka ah. 2011-kii Kooxaha nabaddiidka ah waxa ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Waddada Maka Al mukarama iyo xitaa qeybo ka mid ah degmada Boondheere, halkaasi oo ay ka soo ridi jireen madaafiic ay la soo beegsanayeen Guriga looga arrimiyo Masiirka ummadda Soomaaliyeed, Nasiib wanaag waxaa arrintaasi ay ka caraysiisay Madaxdii Ciidamada Qalabka sida iyo dowladdii KMG ahayd, waxaana durbadiiba la qaaday howlgal Milleteri oo garba siman ah, oo aakhirkii laga dhaxlay in 6-dii August ee 2011 Kooxdaasi dib looga xoreeyo dhammaan degmooyinkii iyo goobihii ay ka arrimin jireen ee ku yaalay Muqdisho. Waxa uu ahaa howl gal mira dhalay, Mudqisho dadkii ka bara kacay sanooyin ka hor ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii, waxa ayna boorka ka jafeen Muqdisho cusub oo leh Ciidan suga Ammaankeeda oo har iyo habeen ku howlan baaritaanno lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Caasimadda. Shir ay yeesheen Madaxda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxay mark kale lagu dejiyay howl galkii ay ugu yeereen badweynta Hindiya ee lagaga sifeynayay kooxda Shabaab meel kasta oo ay ka joogaan dalka, arrintaasi ma sahlanayn, hase ahaatee, dareenka iyo dulqaadka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo ka turjumaya masuuliyadda ay qaadeen oo ah difaaca dalka iyo dadka, dhab ahaantii waa ay ka dhabeeyeen go’aankii ay qaateen, waxaana durbadiiba bilowday howlgalkii lagaga xoraynayay kooxda Shabaab ee la magac baxay Howlgalkii Badweynta Hindiya, isagiina waa lagu guulaystay oo waxa ay ciidamadu gaareen talisyadii ugu waaweynaa kooxda Shabaab. Dhamaan howlgalladii looga talagalay dib u xoreynta degmooyinkii ay ku sugnaayeen Shabaab waa kuwo mira dhalay oo lagu guulaystay, Ciidamada waxay goob kasta oo ay gaareen lagu soo dhawaynayay caleemo qoyan, waxaana dadka laga dulqaaday koox qaab gumaysi ah dadka ku maamulaysay muddo badan. Howlgallada Ciidanka weli fari kama qodna, kaalintoodiina waa ay ka soo dhalaaleen degmooyin iyo tuulooyin badan ayaa hadda ka nabad qaba cabburintii Shabaab mahaddaasna waxaa leh Ciidanka Xooggga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM, sidaa darteed cidina ma mooga ama ma dafiri karto kaalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. W/Q: Cabdirashid Macalin Dalka Dalka Magazine Magazine •• 19 19 KIheyraadka Dalka waa mid badan oo aan looga faa’idaysan sidii loogu tala galay, Kaluunka ayaa ka mid ah Kheyradka uu Alle noogu deeqay
Similar documents
Shirka Golaha Dhaqanka Caalamak Islaamka oo ka Socda Indonesia
(OIC) iyo hay’ado horumarineed oo heer caalami ah. Golahan oo taabanaya baahida dadyowga Caalamka, gaar ahaan kuwa Muslimka ah, ayaa waxaa Soomaaliya uga soo qeybgalay wafdi uu hogaaminayay Danjira...
More informationFaallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas
ka ballanqaaday in uu ka shaqayn doono danta ummadda somaliyeed, isagoon ku shaqayn doonin Qabyaalada iyo Eex. Garaad Maxamed Aadan finniin waa shaqsi si weyn looga yaqaano Somalia, waana nin ganac...
More informationCaleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma
Illaa iyo 182 dacwadood ayaa laga galin kala badnaanshaha lacagta uu ajaaniibta Afrikaanka ah. Rabshadaha noqdey sababo la xariira Police-ka oo shaqaalenimada ku helayo iyo tan uu waxaa ku dhintey ...
More information