Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas

Transcription

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas
ILAYS
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
Ilaysnews Editor
Omar Siciid Moh’ed
E:-isse80@gmail.com
Ilays designer
Omar Said moh’ed
AXAD 31 MAAJO, 2009, Caddadkii 35aad , Tell:-712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh
OUR SERVICE
OUR SERVICE
GSM
INTERNET
SMS MASSAGE
E-ADEEG
Faallo
Midnimadda Puntland Waa Muqadas
Ifrax Oo Ku Guuldaraysatay
Rafacaankii Ay Qaadatay
Tifaftiraha Ilays
EEG BOGGA 3AAD
I
frax Cali Aadan oo ayaa ku guuldaraysatay rafcaan ay ka qaadatay Dil
ay Maxkamada Derajada Kowaad ee
Gobolka Bari 27 April, 2009 ku xukuntay.
Ifrax ayaa shalay oo Sabti, 30 Maajo,
2009 la horkeenay Maxkamada, waxaana mar labaad lagu xukumay dil
toogasho ah, iyadoo maxkamaddu ay
dhammaanba waxyaabihii ay ku doodaysay Gacan-kup-dhiiglay Ifrax Cali
Aadan la diiday.
Garaad Cusub Oo
La Caleemo Saaray
Dhammaan Ummada Somaliyeed Waan
Cafiyay, waxaana ka codsanayaa in ay
Cafiyeen” Garaad Maxamed Aadan
Ifrax Cali Aadan ayaa maxkamada u
sheegtay in ay ka xuntahay, falkii ay
ku dishay Alle ha u naxariitee Sucaad
Maxamed Cabdi awaare oo 26 April
ay mindi ku dishay, waxayna codsatay
in la cafiyo, maadaama Maskaxdeedu
aysan koogin markii ay falkaas samaynaysay oo uu masary hayay.
Wax Yaalaha Naftu
Jeceshahay Oo lagu
Galo Naarta.
EEG BOGGA 5AAD
WARAYSI SULDAAN
C/SALAAN SULDAAN
MAXAMUUD AW-AXMED
EEG BOGGA 2AAD
EEG BOGGA 2AAD
Hase yeeshee Maxkamada ayaa u
sheegtay, ifrax , in arrinta cafiska la
xiriirta ay xaq u leeyihiin Qoyska Marxuumaddii ay Dishay.
Maxamed Cabdi Awaare, Guddoomiyaha Maxmkamada derjada kowaad
oo ah Aabaha dhalay Marxuumaddii la
dilay, ayaa ku adkaystay in la qisaaso
Farxiyo, waxaana uu u sheegay Ifrax
iyo qoyskeedaba in Kheyr iyo Wannaagba uu ku jiro in la Qisaaso ifrax,
sida uu ilaahayba ku sheegay Quraanka.
Md, Maxamed Cabdi awaare, waxaa
uu intaa ku daray in Qisaasta Ifrax ay
dad badan kala badbaadin doonto.
GUDAHA;- QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA IYO WARAR KALE
Gacan-ku-dhiiglay Ifrax ayaa dib loogu
celiyay xabsiga, hase yeeshee lama
oga Waqti la qisaasi doono, iyo inay
Weli jiraan fursaddo u bannaan oo
lagu cafin karo Ifrax, .
2
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
WARAYSI SULDAAN C/SALAAN
SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED
H
ay’ada DRC oo laga leeyahay
Wadanka DENMARK waxay
ka howlgashaa Gobolo badan oo
ku Yaala Puntland iyo Somaliland,
waxayna gacan siisa dadka Qaxootiga ee Dalalkooda dib-ugu soo
Noqonaya,
Sanadihii u danbeeyay waxay DRC
bilowday kulamo iyo shirar ay u
qabato Nabadoonada Somaliyeed,
iyadoo Degaamo fog fog ka Martiqaada Nabadoonada, Haddaba
waa maxay Hadafka ay ka leedahay DRC, waxaan waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay
Suldaan C/salaan Suldaan Mu’d
Aw-Axmed Nuur oo Hay’ada DRC
u qaabilsan Dhowrista Xuquuqda
Aadana Iyo Xalinta Khilaafaadka.
Waa maxay Hadafka Hay’ada
DRC ka leedahay Kulamada ay
u qabato Nabadoonada Reer P/
land,Yaase Fikradan iska lahaa
Markii Hore??
Xaqiiqdii, Hay’ada DRC asal ahaan
ma lahayn bilowga Barnaamijkan
la isugu keenayo Nabadoonada,
wuxuu ka yimid
Nabadoonada
iyo
Odoyaasha
Somaliyeed
Gudahooda, waxay arkeen Hay’ado
farabadan oo kala hadlaya xuquuqda
Bani’aadamka dhalinyaro yar yar iyo
Gabdho.
Marka Nabadoono ayaa soo
jeediyay, Haddii laga Hadlayo
xuquuq Bani’aadam waxaa ugu
weyn Nafta Maaraynteeda sida
Dilka, Magta iyo Nabadgelyada,
waxayna Yiraahdeen dhaqanka
somaliga ayaa qaba xuquuqda
Bani’aadmiga, Ka dibna DRC
ayey ula yimaadeen, DRC way ka
aqbashay, Barnaamijkiina wuxuu
noqday mid taabagal ah oo Qiimo
leh, wax farabadan oo Qiimo leh
ayaana ka soo baxay .
Waa iska caadi, Hay’daha UNka ama kuwa kale ee Caalamiga
ah waxay mid walba u joogtaa
ujeedo ay iyadu leedahay oo ay
garanayso, Markaa DRC ujeedad
ay Barnaamijkan ay ka leedahay
waxa weeyaan Xalinta Khilaafaadka
(conflict Resolution) iyo Horumarinta
Nabadgelyada, Ilaalinta degaanka
IWM.Si ay u hesho
Bay’ad
wanaagsan ooy ku shaqayso oo ay
kula shaqayso Nabadoonada.
Sidee Ayaad u soo xushaan
Nabadoonada?
Waxay ku xiran tahay meesha lagu
qabanayo Shirka Bosaso oo Kale
Tiro 3 jeer ka badan ayaanu ku
qabanay Marka laga reebo shirarka
farsamo oo Midkan ugu danbeeyay
ay
Nabadoonadu
Qashinka
Magaalada ay Tusmeeyeen Dadku
Gacmahooda isaga Fogeeyaan.
Ajendyaasha aad Hor dhigtaan
oo ay ka doodaan,kuwee ugu
Muhiimsan??
Marka aanu soo hor dhigno
Ajendayaasha
laga
Doodayo,
waxaanu
siinaa
fursad
ah
Maxaad ku daraysaa maxaase ka
dhimaysaan,Qodobkii ay ka saaraan
waanu ka saarnaa, kii ay ku soo
kordhiyaan waanu ku kordhinaa,
laakiin Xuduud ayaanu u samaynaa
oo aysan waqtiga iskaga qaadin
Qodobo badan, Ajendayaal Qiimo
lehna way keenaan, waxaanad
arkaysaa marka aad la shaqayso in
Meeshan ay ku jirto Hanti Xoog leh
ay ku jirto, waxaad garanaysaa in
ay yihiin Dadkii Umadu ku fadhiday,
Waayo aragnimo Badan, Taariikho
iyo Caqli badan uu ku jiro waxayna
u baahanyihiin in la xanaaneeyo
oo dib loo eego.Ajendayaasha inta
badan ay ka doodaan waxaa ka mid
ah Dilka ula kaca ah iyo Waxyaalaha
dhaliya , Sida loo Daawaynaaa,
waxayna aad uga doodaan Aanada
iyo Dekenooyinka Qabaa’ilku isku
raacaan,
Maxaa
ka
soo
baxay
Shirarkaas Faraha badan,
Maxayse
ka
faa’iideen
Nabadoonadu
Laf
ahaantooda?
Nabadoonadu Markii Hore Beelo
Garaad Cusub Oo
La Caleemo Saaray
Ilays/Yalho
M
unaasibad Garaad cusub loogu
caleemo-saaray Beelaha ReerXaaji ee Axmed Harti, ayaa Doraad,
29 Maajo, 2009 lagu qabtay Tuulada Yalho ee Gobolkan Bari .
Isku-Shuban, Mid ayaanu ku qabanay,
Garoowe,Galkacayo,Buuhoodle Iyo
Laascaanood dhamaantood shirar
iyo Kulamo ayaanu Nabadoonada
ugu qabanay
Sidee loo soo Xulaa Nabadoonada,
waa arrinta ugu dhib badan, waynu
garaynayaa, markii ay Burburtay
Dowladii dhexe,Nin walba isaga
ayaa
cilaaman,
isaga
ayaa
Cimaamad soo gadanaya,Xiranaya
isku duubaya, reerkii aad labo
Nabadoon ku taqiinay 10 Nabadoon
ayaad ugu Imaanaysaa, waxaa
laga yaabaa in Labo Nabadoon
oo dambe ay soo kordheen oo
duruufi keentay, Isimada, mar oron
karo Barnaamijkan kuma jiraan,
laakiin weli nagama codsan in
aan u qabano shirar iyo Kulamo
la mid ah kuwa Nabadoonada,
Mida kale Nabadoonadu waxay
ku jiraan Howlaha Maalinla ah ee
Bulshada, halka Isimada arrintu ay
Gaarto Marka ay Gudoon gaarto
ama tuko Cad la Arko.waxayna la
Tacaamulaan Arrin guud, Anaguna
waxaan inta badan la shaqaynaa
Nabadoonada.
AXAD 31 MAAJO 2009 Munaasibaddan oo ay ka qayb
galeen Masuuliyiinta Dawladda,
Madax-dhaqameedka
Gobollada
Puntland, , Aqoonyahanno, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo gaaraysay Ilaa 2000kun oo qof, ayaa Garaaad loogu Caleemo-saaray Garaad
Maxamed Aadan Finniin oo ka mid
noqday Isimada Beelaha Harti.
ayey ku kale jireen, In Mushkilo
dhacdo mooyee markale isuma
imaan jirin, Markii dhibaato dhacdo
Labada Nabadoon ee labada
beelood ooy weheliyaan Nabadoono
kale ayaa isku imaan jiray.Laakiin 60
Nabadoon oo Ardaa wada fariista
oo Saxan Gacanta wada geliya,
Masaaliix Guud oo aysan weli
hore u gelin ama uga Hadlin ay ka
doodaan, Faa’iida labaad ee ka soo
baxday shirarkaas
, Nabadoonkii
Goldogob( Mudug) Kii Laas qoray
Kii Oorboogays,jiideel ama Baargaal
Joogay ayaa is bartay, waxay kaloo
Tab iyo Maar u heleen Go’aamada
ay gaaraan xilliyada Kulamada ay
yeeshaan.waxay kaloo Fuliyeen
Heshiisyo farabadan, Aanooyin
farabadan ayey Xaliyeen, Dad badan
oo wax fakin jiray ayey ka hortageen,
Runtii Documenti farabadan ayaanu
haynaa, waxaa kaloo soo baxday
in ay is-xilqaamaan oo lacag iska
ururiyaan ooy duulaan oo Meel
aadaan oo wax soo qabtaan, waxaan
is leyahay Weli Jidkii bay darafka ka
taagan yihiin.Jid dheer baa u dhiman
oo ay wax ku qaban karaan.
Hay’ada Kale ayaa Jira oo Ka
shaqeeya Xuquuqda Bani’aadmiga
Iyo Xalinta Khilaafaadka Xiriir ma
Leedihiin Oo iskaashi Ma idiinka
dhexeeyaa??
Runtii,Xiriir qoto dheer baa ka
dhexeeya
Hay’ada
DRC
Iyo
Hay’adaha kale ee ku Howlahan
Barnaamijyadan,
Sida
Hay’ada
Mercycorps, aasi waxay keentay
inaad
Taxadart,
Haddaba
si
aanu u Ogaano in Ninkan yahay
Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee
Beesha Waxaan Marnaa Hab ama
Dhabooyin,waxaa ka mid ah, In
waydiino Rag fara badan oo Qabiilka
ka mid ah Nabadoonadooda,Beelaha
la dega , Isimka Beesha Iyo Maamlka
Degaanka,
EEG BOGGA 7AAD
Maxamed Siciid Yuusuf (Boqor)
oo wakiil ka ahaa boqorka Daarood ayaa Caleemo Saaray Garaad
Maxamed Aadan finniin,waxaana
Munaasabadaasi ka hadlay Nabadoona, Isimo, Aqoonyahano iyo
Wakiilo Isimo, dhammaantoodna waxay Garaadka ilaahay uga
beryeen in u fududeeyo xilka la saaray. iyaga oo kula dardaarmay in uu
ahaado mid ku tiirsan talada madaxdhaqameedyada kasoo horreyey
iyo Dowladaba. Waxayna sidoo kale
bulshada soo dooratay Garaadkan
usoo jeediyeen in ay la shaqeeyaan oo ay maqlaan islamarkaasna
go’aannadiisa qaataan.
Garaad Maxamed Aadan Finniin
oo Munaasaba ka hadlay ayaa ka
codsaday Ummada somaliyeed
meelkastooy joogaan in ay Cafiyaan, islamarkaan Garaadku waxaa
uu cafiyay Ummada Soomaliyeed.
waxaana uu uga mahadceliyay Marti sharaftii ka soo qayb gashay Munaasabada Caleemo-saarkiisa, Isagoo Ilaahay Hortiisa iyo Ummadaba
ka ballanqaaday in uu ka shaqayn
doono danta ummadda somaliyeed,
isagoon ku shaqayn doonin Qabyaalada iyo Eex.
Garaad Maxamed Aadan finniin
waa shaqsi si weyn looga yaqaano
Somalia, waana nin ganacsade ah,
waxaana uu noqday Isimkii labaad
ee yeeshaan Beesha Axmed Harti,
waxaana Beeshu dhaqan ahaan ay
lahayd Ugaas.waxaana ugu caansanaa Alle Naxariistiisa Janno ha ka
waraabiyee Ugaas Yaasin.
Guud ahaan munaasibaddan oo
ahayd mid si habsami ah u qabsoontay, ayaa gabagabadii waxaa yimid
Maayarka Bosaso
C/risaaq Xareed iyo k/xigeenkiisa , waxayna la
kulmeed Garaad iyo Madaxdhaqameeyadii Kale.
AXAD 31 MAAJO 2009 Faallo
Midnimadda Puntland Waa Muqadas
Tifaftiraha Ilays
W
ax shaki ahi kuma jiraan
in Puntland la yagleelay
01 Agosto 1998-dii, hase
ahaate waxaa bud dhigaideedaas
ka horeeyey kulmo loogu googol
xaarayey . muran kama taagna in
goboladda Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug , Sool, Sanaag iyo Degmadda Buuhoodle iyagoo wada jira
dhidibadda u taageen Puntland.
Sidaa darted ayaan maanta dib loo
noqon Karin.
Talaadaddii,26 May, 2009, ayaa waxaa Gollaha Wakiiladda la hor geeyey
Dastuurka Cusub ee DGPL,kaas oo
ay horay u soo ansixiyeen Gollaha
Xukuumadda Puntland, waxaase
Muran dhaliyey Hordhaca qoraalka
Dastuurka:
‫بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم‬
Hordhac
Dadweynaha Gobollada Waqooyi
Bari, waxa ay ku guuleysteen
in ay sameystaan maamul uu
u dhameystiran yihiin Qaybaha
Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada
Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu
yimaadeen magaalada Garowe
15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto
1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka
mid noqda Dawlad Soomaaliyeed
oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo
yaqaan habka Federaalka. Puntland
waxay rumeysantahay in nidaamka
Federaalka uuu yahay kan qura oo
Soomaali isku raaci karto.
Dawlad-Goboleedkaas cusub waxaa loo bixiyay Puntland, magacaas
oo cuskan taariikh gaamurtay, macnihiisuna yahay “Dhulkii Udugga”.
Haddaba Qoraalkani waa miraha
dib-u-eegista Golaha Xukuumadda
ee Dastuurka, taas oo soo martay
marxalado kala duwan iyo la tashiyo wax ku ool ah, si loo helo Dastuur taabagal ah ee warcelin waafi
ah ka bixinaya halka ay Puntland
higsaneyso, ayaga oo isku duuban
dawlad iyo dadweynaba.
Dastuurkan oo ay Xukuumadda
Puntland ku meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan (unanimous),
taariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009kii, ayaa ah nuqulka kama
dambeysta ee la horgeynayo Golaha Wakiillada, si ay ayaguna uga
baaraandagaan, una ansaxiyaan,
dabadeedna loogu qaado afti dadweyne.
Dastuurkani waxa uu noqonayaa
mid si ku meel gaar ah u
3
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
ilaa markii la unkay mashruucan,
walina qayb muhiim ka ah socodka looga jiba keenayo hawshan
baaxadda weyn, taas oo dhaqaale
iyo farsamaba la garab taagan.
Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee
Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha
Federaalka
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale
dhaqangala, mar allaale iyo marka
uu Golaha Wakiiladda Puntland
ansaxiyo.
Dastuurkani waxa uu ka koobanyahay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu
magacdaray “Marxaladda Kala
Guurka”, loolana jeedo isbadalka
labada guddi doorasho, wuxuuna si
gaar ah ugu saabsanyahay Guddiga
Doorashada ee ku meelgaarka ah.
Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu
xiranyihiin mowduuc-mowduuc ayaa
waxa saldhig u ah arrimaha soo
socda:
1.Shareecada Islaamka.
2.Nabadgalyada iyo Xasilloonida.
3.Xuquuqda Aasaasiga ah ee muwaadinka.
4.Baahinta Xukunka.
5.Maamulka Wanaagga.
6.Habka Wadatashiga.
7.Isu dheelitiridda awoodaha Dawladda:
b. Golaha Xeer-Dejinta (Golaha
Wakiillada).
t. Golaha Fulinta (Xukuumadda).
j. Golaha Garsoorka.
8.Habka Xisbiyada badan.
9.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo
Suuqa Xorta ah.
Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan
halakan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo sida
dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka
Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa
iyo guud ahaan turxaan bixintiisa
iyo wax ku soo kordhintiisa, soona
gaarsiiyay halka uu maanta marayo,
asaga oo aan qabyo ahayn, balse
dhammeystiran. Waxaan si gaar ah
aan halakan uga mahadcelinayaa
Guddigii Dastuurka, dadweynihii
qaybta ka qaatay, Golaha Fulinta
(Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada
(Baarlamaanka).
Waxaan mahad ballaaran halakan
u marinayaa Hay’adda “Interpeace”
oo ayadu fududeeye ka ahayd
Hordhaca qoraalkan ayaan sidiisaba ka mid ahayn Dastuurka ee
waa iftiiman oo keliya. Weli lama
fahmin sawaxan iyo qaylo dhaanta
xubnaha qaarkood ee ku wajahan
diidmada Waqooyi Bari, mraka la
eego Waqooyi Bari deegaanka la
yiraahdo xataa waxaa soo geli kara
Gobolka Togdheer. Hase ahaatee
Dastuurka Qodobka Lixaad ayaa si
cad u qeexay dhul ahaansha Puntland oo u qoran sidan :
Qodobka 6aad
1)DHULKA IYO SOHDIMAHA.
1.Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal,
Sool, Cayn, karkaar, Gobolka
Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo
Gobolka Bariga Sanaag.
2.Sohdimaha Puntland waa kuwii
Gobollada iyo Degmooyinka ay ka
kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo
1991kii ka hor, hase yeeshee wixii
khilaafaad ee hore u jiray (1991kii
ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa
marka Dawlada-Goboleedyada kale
ay dhismaan.
3.Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo
iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku
soo biiro Dawladda Puntland.
4.Dhulka Puntland waxaa ku dhan
hawada sare, berriga iyo dhulka
hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo
ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana
mas’uul ka ah Dawladda.
Qodobka 45aad.
XISBIYADA SIYAASADEED
1.Dawladda Puntland waxaa lagaga
dhaqmayaa nidaamka xisbiyada
badan.
2.Ugu badnaan toddobo (7) xisbi
ayaa doorashada ugu horreysa ka
qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa waxay noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada
waqtigeeda xeer gaar lagu soo saari
doono.
3.Saddexda xisbi siyaasadeed ee
ugu codadka badan doorashada ugu
horreysa ee Golayaasha Deegaanka
ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan
xisbiyada siyaasadeed ee sharciga
ah, waana in uu xisbi kasta ka furan
yahay ugu yaraan afar gobol.
4.Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil.
5.Qofkii magac xisbi doorasho ku
gala kuna guuleysta kursi, kadibna
ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa
kursigii xisbiga ee uu ku guuleystey.
Sidoo kale Dastuurkan waxaa kaloo
door ku leh hogaamiyayaasha
Dhaqanka Qoddobka 110aad ayaa
Aqoonsiga Xeer –Dhaqameedka oo
ahaa kuwii dhidby Puntland,
Qodobka 110aad
AQOONSIGA
MEEDKA
•
•
•
•
•
5.Midnimada dhulka Puntland waa
muqaddas, lama kala qaybin karo,
lagumana xadgudbi karo.
Qoddobka Lixaad,Farqadiisa Shanaad ayaa qeexaysa in Dhulka
Puntland Muqadas yahay , cid
awood u lehna aysan jirin in la kala
qaybiyo. Teeda kale Xildhibaanadda
ka cabanaya hordhaca iyaga ayaa
Dastuurku gacanta ugu jiraa, iyaga
ayaa loo igmaday wax ka bedelistiisa iyo wax ku daristiisa, waxayna
xaq u leeyihiin waxyaabihii khalad
ah inay ka saaraan Dastuurka bal
aan eegno Qodobka 45aad ee ka
hadlaya Axsaabta
•
XEER-DHAQA-
Dastuurku wuxuu Aqoonsanyahay Xeer-Dhaqameedka aan ka
hor imaanayn Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka
kale ee dalka.
Isimada la aqoonsan yahay waa
heerka ugu sarreeya hoggaamiye dhaqameedka.
Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhexdhexaadnimada
hogaamiye
dhaqameedyada, waxaa reebban in ay ka qayb qaataan ururo
iyo xisbiyo siyaasadeed.
Wixii muran iyo ismaandhaaf
ah oo ka dhex dhaca beelaha,
khatarna galin kara nabadgalyada beelaha, hogaamiye dhaqameedyada waxaa loogu yeerayaa in ay talo ka soo jeediyaan
ama ay u helaan xal nabadeed.
Go’aannada dib-u-heshiisiinta,
dhexdhexaadinta, iyo heshiisyada xallinta khilaafaadka ay
guddoomiyaan
hoggaamiye
dhaqameedyadu,
iyaga
oo
adeegsanaya xeerarka habdhaqameedka,
dhamman
hay’adaha Dawladda waa inay
aqoonsadaan gacanna ku siiyaan fulinta go’aannada ay
gaaraan.
Marka hoggaamiye dhaqameedyadu gaaraan go’aan ku
saabsan xallinta khilaafaadka
beelaha dhexdooda, waa in laga
diiwaan geliyaa maxkamadda
derejada koowaad ee degmada
dhibaatadu ka dhacday, maxkamadduna waa inay la socotaa
fulinta go’aankaas.
LA SOCO CADADKA XIGA
4
QAYBTII 6AAD
ILAYS NEWSPAPER/WARARKA
AXAD 31 MAAJO 2009 Qiso Jacayl Oo la qoray 1989, Muqdisho, Somalia
Akhiraan Ku Haystaa
100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay Xafiiska
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
D
awladdu waxay ku baraarugsan tahay in ay jiraan
weriyaal daabacay waxyaabo magac-iyo-sumac ridid ku
ah saraakiil dawladda ah, oo uu
ka mid yahay Madaxweynaha qudhiisa. Dawladdu waxay
rumaysan tahay in ololaha warbaahinta ee si-xun-wax-u-sheegga ah
ay hurinayaan, islamarkaasna ay
kharash ku bixinayaan xubno siyaasadeed oo ka soo horjeeda
is-badalka uu Maamulka Cusub
keenay Puntland. Mid kamid isbadalada waaweyn ayaa ah in si
aad ugu dhow badalaad buuxda
lagu sameeyo Golaha Wasiirada
kuwaas oo aan wax is badal ah
lagu samayn ilaa markii la asaasay dawlad goboleedka 1998; afar
wasiir oo keliya ayaa laga reebay
wasiiradii Maamulkii hore.
Dawladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin ay ku asaasayso xiriir wanaagsan oo rasmi ah ee
warbaahinta madaxa bannaan
si loo horumariyo xirfadda wanaagsan ee qaybaha warbaahinta.
Maamulka Cusub waxaa ka go’an
xoojinta Wasaaradda Warfaafinta
si loo xaqiijiyo in ay Dawladdu yeelato aalad warbaahineed oo shaqaynaysa, oo la socota warbaahinta
madax bannaan si loo xaqiijyo
xirfad wanaagga, xushmada iyo
anshaxa warbaahinta. Dawladdu
waxay soo jeedisay in la xoojiyo
warbaahintii jirtay ee dawladdu
maamusho, waxaaana u qorshaysan samaynta warbaahin gaari
karta dadweynaha Puntland, si
shacabka loola socodsiiyo waxyaabaha ku saabsan siyaasadda
dawladda iyo dhacdooyinka kale.
Dastuurka Puntland waxa uu xaqiijinayaa xornimada saxaafada,
waxaana Maamulka Cusub uu
xaqiijin doonaa in dastuurka, oo
hadda dib-u-eegid sharciyeed lagu
samaynayo, in ay ku jirto qayb
xaqiijinaysa xornimada warbaahinta. Warbaahinta madax bannaan waxay u adeegtaa ayadoo
ah xiriirka u dhaxeeya shacabka
iyo dawladda, waxaana Maamulka
Cusub uu sii wadi doonaa xoojinta xiriirka warbaahinta madax
bannaan si loo asaaso bay’ad ku
dhisan si xornimo u hadal, isla
markaasna la dhawrayo sharciyada maxalliga, xuquuqul insaanka
iyo dawlad wanaagga.
NIDAAMKA DIMOQRAADIYAYNTA
Maamulka Cusub waxaa ka go’an
dib ueegida Dastuurka Puntland,
oo ay ku xigto in dadweynuhu
codkooda ka dhiibtaan. Labadaas
tallaabo oo muhiimka ah waxay
saldhig u noqonayaan asaasida
nidaamka xisbiyada badan ka hor
doorashada 2013, taas oo Puntland u ogolaan doonta in laga
gudbo dhibaatada siyaasada ku
dhisan qabiilka ee dawladda ka
dhigay mid ku salaysan hab qabiil.
Arrintaas ayadoo laga duulayo,
Dawladdu waxay magacawday
Wasiiru Dawlaha Nidaamka Dimoqraadiyaynta iyo Xiriirka Federaalka kaas oo si gaar ah loogu
xilsaaray in uu hoggaanka u qabto
nidaamka socda ee dimoqraadiyaynta. Tani waxay tusaale fiican
u tahay Maamulka Cusub sida
xaqiiqada ah ee ay uga go’aan
tahay dhamaystirka nidaamka dimoqraadiyaynta, taas oo dadka
reer Puntland ay muddo sanooyin
dheer sugayeen.
Doorashadii 2009 ee Puntland
waxay ahayd mid taariikhi ah
sababtoo ah waxay ahayd mid ka
timid dadka degaanka, taas oo
ahayd hab siyaasadeed is-badal
dhab ah oo ku dhisan nidaam iyo
kala dambayn. Sida nabad galyada ah ee xukunka ay ula kala wareegeen madaxweynihii xilka ka
degayay
mudane
Maxamuud
Muuse Xirsi (Cadde) oo ku wareejiyay madaxweynaha cusub
mudane Cabdiraxmaan Maxamed
Maxamuud (Faroole) waxay noqotay mid si wanaagsan looga soo
dhaweeyay degaanka maxalliga
iyo heer beesha caalamka. Nidaamkaas sida nabadgalyada ah
ee xukunka lagu wareejiyay waxa
sidoo kale uu noqonayaa taariikhi
iyo mucjiso marka la eego xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya,
maadaama shacabka Puntland u
dabaal degeen in si dimoqraadiyad
ah xukunka lagula kala wareegay,
waxaana madaxweynaha cusub
ee Puntland lagu soo dhaweeyay
si qiimo iyo xushmad leh.
Dawladda cusub ee Puntland
waxay garawsan tahay in xoojinta
nidaamka dimoqraadiyayntu uu
yahay habka keliya ee horseedaya
siyaasad deggan mudada dheer
iyo dhaqaale xasilloon.
LA SOCO CADADKA XIGA
W/Q: C/qaadir M.Wacays
Q. 5AAD
M
aalintii uu xaajigu ka yimid
sacuudiga, wuxuu isagoo aan
dhowr daqiiqo jooginba dareen
uu sacuudiga kala yimid uga tibix
siiyey xaajiyaddii uu qabay, waxayna qolka kasoo baxday iyadoo
ku qaylinaysa: gabadhaydu waxay
xaq u leedahay in ninkii ay rabto
lagu daro.... waa gartaa oo adigu
sagaal bilood iyo sugood caloosha kuma aadan soo sidin... anigu
adiguba faqri baad ahayd markii
aan ku guursanayey... sacuudi
aa...
Xaajigu islaanta warkeeda dhegba
jalaq uma uusan siinine, wuxuu
haddana u yeedhay Muxibbo oo
markaas guriga soo gashay, wuxuuna ku yiri; horta aabe guurku
wa xalaal, gabdhuhuna guur bay
u joogaan, sannadkanna gabadhii
la guursadaaba ayaan leh, waxba
yaan hadalka kugu badinine, waxaan kaasoo ballan qaaday wiilkii
adeerkaa dhalay ee tobonka sano
sucuudiga ka shaqaysaneyey.
waa tan fiisadii uu kuu soo dhiibay, laba maalmood kadibna
waad baxasaa ee Aabe ducaan ku
raacshay....
Muxibbo markuu adoyga intaas
yiri bay mursal soo xusuusatay..
oo miyey ballanta kaga bixi.. waan
u sheegayaa.... maya... maya.. u
sheegi maayo ee isagoon ogeyn
baan iska baxayaa... horta kaalay markuu lahaa aan isasa soo
mehersanno maxaan u diidayey..
dhowristii odayga ma balaayadan
baa iila socotay.
Muxibbo waa taaa nin ayan
waligeed arag qoorta loo sudhay...
oo maxay haatan ka gaartaa... Hadal waalid ma diidi karo habaar
adag buu dhalaa,Haydaarta ma
yeeli karo, jacaylkuna way hayaa,
sow umuurtoodu kuma soo hiran...
Muxibbi iyadii ayan farxadii ka
muuqan, indhaheeduna ay ilmadu
ka da’ayaan bay adeerkeed cumar
oo qolka fadhiga ku qadeynaya u
gashay, kolkaasey iyadoo aan la
hadlin kursi dhiniciisa yaalay isku
tuurtay.
Oday cumar inta naxay buu fadhigii qaabeystay isagoo la yaaban
falka yaabka leh ee uusan horay
ugu arkin gabadha yar ee uu
adeerka u yahay, waxaana durba
dareen wadayaasha jirkiisu soo
gudbiyeen waxyaabo farabadan
oo wada naxdin leh. wuxuu ugu
danbayn niyadda iska yiri: malaha
gabadhu waxay sidaa Qabar tacsi
iwm.
Isagoo ay arrintaas dareenkiisu
ku noqnoqneyso, muxibbana
sidey qolka usoo gashay weli u
aamusan buu su’aal afka ula kala
qaaday, isagoo leh: adeer maxaa
darnaa maanta?....waxay ugu
jawaabtay waxba... su’aal kaluu
haddana weydiiyay, markayse
dhowr jeer ka aamustay intay hadalka iksu celin weyday bay afka
furatay iyadoo leh:- aabaa isoo
eryey.
“ Oo Maxaad ka bi’isay”
“ Ma Aqaanno”
“ii sheeg Adeer Anigaa wax walboo jira daaweynayee”
Muxibbo iyadoo uu hadalkaasi ku
soo celiyey rajadeedii dhimatay
bay adeerkeed oodda uga qaaday dhammaan wixii uurkeeda ka
guuxayey.
“adeerow waad iska ogtahay
waqtigan waxaa jira wax dooq
la yiraahdo, anigana waxaa is
jeclayn illaa sannaadki.. will
jaamacadda dhigta, isagaanan ku
heshiiney in aan is guursanno..”
“ Haddaasna maxaa soo kordhay...?..
Iyadoo indhaeedu ilmadu ka
daadanayaan bay la soo beeday:
wuxuu aabe iila yimid, hooyana
inkastoo ay markii hoire diidanayd, haddana markii dambe ku
raacday nin ay iyagu wataan oo la
yiri dalka sucuudiguu deggan yahay; wuuna inaga kaasoo doontay”
“ Adigu ma u sheegtay in aad
la socoto wiil kaloo ku guursan
raba”
“ Markaan hadalkaas afka la kala
qaaday bay hooyo igu aamusisay
iyadoo leh kaan rabno mooye mid
kale niyadda ka saar”
LA SOCO CADADKA XIGA
AXAD 31 MAAJO 2009
FEDERAALKU WAA QAAB
XUKUN ISLAMI AH!!
Qore: Idiris Shire Xussain
e-mail: idrisshire@gmail.com
Qaab Xukunka Aadanuhu Dhaqangeliyey
illa Wakhtigan Xaadirka:
K
utubta ku takhassustay Cilmiga Siyaasadda (Political Science), waxaa ku qeexan halka uu
ka soo unkamay qaab xukun kasta
& dhaqan-dhaqaalihiisa siyaasadeed ee aadanuhu isku xukumay
ilaa maanta, intuu ka gartay baahida
uu qabo inuu abuuro qaab xukun uu
noloshiisa ku maamulo hormarna ku
gaadho.
Si aan ugu kuurgalno yoolkaan ka
leenahay baadhitaankan kooban,
waa inaynu gadaal ugu jaleecno
qaab xukunadii xadaaradihii qadiimiga ahaa ee caanbaxay oo raadkoodi
wax laga hayo, sida Xadaaradii Faraaciinta Masar, Greega (Athens),
Baabil (Ciraaq), Shiinaha, Yemen,
Hindya, Embradooriyaddii Faaris,
Embradooriyaddii Rome (Roman
Empire), waxayna dhamaantood
ahayeen boqortooyooyin soo jireen
ah, qaab maamulkooduna uu ahaa
qaabka loo yaqaan (Dawlad Dhexe
- Central Government), goobta uu
xaakinku ama boqorku joogo bay
taladu & go’aankuba oollaan jireen.
Xadaaradda Greega (Athens) iyaduna qaab xukunkeedu wuxuu isna
ahaa (Dawlad Dhexe), laakiin waxay
xadaaradaha dhigeeda ah kaga duwaneyd, waxay lahaan jireen (Barlamaan – Congress) xubnihiisana
waxaa laga soo xuli jirey maalqabeenka & waxgaradka magaalada
(Athens), qofka reer (Athens) waxaa
la odhanjirey (Muwaadin - Citizen)
wuxuuna lahaa xuquuq madani ah
oo aanay lahaan jirin ummadaha ay
xukumijireen xadaaradaha kale oo
dadkooda loo yiqiin (Raciyad – Subjects) mana lahaan jirin wax xuquuq
madani ah oo sharciyaysan haba
yaraate!
Haddaan u soo gudubno xadaradihi
ka dambaayey, kuwa aan kore ku
xusnay, sida Xadaaradii Dawladdii
Islaamka, Xadaaradda Yurub, Maraykanka, Kanada ama guud ahaanba Xadaaradda Reer Galbeedka
(The Western Civilizatiion). Tariikh
qorayaasha Yurub caanka ka ah,
sida (Arnold Twinby) oo ah mufakkir & tariikhyahan kuna takhassusay
cilmibaadhista la xidhiidha Xadaaradaha & Diimaha Bariga, issaga &
kuwa kaleba, waxay qirayaan in ilbaxnimada maanta ka jirta Qaaradda
Yurub, illa haddana soconaysa ku
dhowaad 500 oo sano laga bilaabo
Qarnigii 1700, inay assalahaan ka
soo jeeddo ilbaxnimadii, aqoontii &
cilmigii ay ka dhaxashay
5
Wax Yaalaha Naftu Jeceshahay
Oo lagu Galo Naarta.
ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA
Xadaaraddii Dawladdii Islaamku u
soo gudbisay Yurub xiligii Dawladii
Islaamku ka talinjirtey (Andalus – The
Iberian Penninsula), muddo u dhow
400 oo sano, Yurubna xilligaas, wixii
ka horeeyey qarnigii 1700, waxay ku
jirtey marxalad loo yaqaan (The Dark
Ages - Qarniyada Gudcurka)!
Tariikhda Qaanuunka Faransiiska
Tusaale ahaan, qaanuunka hadda
adduunka looga yaqaan (Qaanuunka
Faransiiska) loona aqoonsanyahay
inuu yahay (Aabbaha Qawaniinta
Casriga), waxaa intiisa badan sal u
ah Fiqhiga Mad-habka Sunniga ah
ee Imaam Abu Xaniifa Al-Nucmaan
ahna Imaamka 1aad ee affarta madhab ee Sunniga ah. Imaamku Dalka
Faransiiska ma tegin, lakiin kutubtiisa
waxa Dalka Faransiiska geeyey Emperor Napleon Bonapert markuu ku
duuley Dalka Masar xoogna ku qabsaday 1798 uuna haystey illa 1881,
xiligaas buu kutubtii Imaamka ka XADAY xarunta Al-Azhar Al-Shariif una
raray dalkiisa si Af-Faransiis loogu
turgumo kadibna waxaa lagu saleeyey 70% waxa hadda adduunka aad
looga xushmeeyo loona yaqaan aabbaha qawaniinta! Wakhtigan xaadirka ah ee aynnu joogno, hishiis kasta
oo caalami ah marka maxkamadaha
la horkeeno waxa mudnaanta 1aad
iska leh nuskhadda amba koobiga
Af-Faransiiska ku dhigan, sidoo kalena Go’aamada Qaramada Midoobay,
waxaa mudnaanta 1aad iska leh
nuskhadda Af-Faransiiska ku qoran
hadii turjumadda afafka kale ku
qoran laysku maandhaafo! Emperor
Napleon Bonapert, qoraalka qanuunkaas, magac & maamuus weyn
buu tariikhda u diwaan geliyey. Lakiin
Imaamkii uu kutubtiisa soo xaday
adduunka aad loogama yaqaan! Adduunkaba iska dhaafoo, Ummadda
Islaamka, ee xuquuqda kutubtaas
iska leh, dad yar baa ka warqaba fadliga uu Imaamku ku leeyahay shuruucda maanta adduunka lagu xukumo
dalal badan oo aan Islaam ahayn!
Haddaba waxaanay dood badani
ka taagnayn, in dhamman qawaaniinta ka hirgashay dalalka loo yaqaan
Ummadaha Ilbaxa ah (The Civilized
Nations in the Western Hemispher),
goobkasta adduunka ha kaga nooladeen & kuwa iyaga higgsanaya oo
ay tussalaha u yihiin, qawaaniinta ay
isku xukumaan waxaa iyana sal u ah
(Qanuunka Faransiiska)!
LA SOCO AXADE DAMBE
W/Q Sh. C/qani M. calixagaa Qardhaawi
Qardhaawi@yahoo.com
Minneapolis, MN USA
Q
ofka muslimka ahi wuxuu
had iyo goor dagaal kula jiraa
waxyaalaha naftu jecelshahay oo loo yaqaan “shahawaad” ,
waxyaalahaas oo nafta u keena in
ay ku mutaysato ciqaabka allaah,
dagaalkaa ay naftu kul jirto shahawaadka in badan oo dadka ka mid
ah waa looga adkaadaa in yar ayaa
ku guulaysata dagaalka ay kula jirto
shahawaadkeeda. Nabigu (scw)
wuxuu yiri
{Naarta waxaa laga heeraaray
waxyaalaha naftu jeceshahay,
Janadana waxaa lagu heeraaray
waxyaalaha
naftu
dhibsato}
xadiithkan macnihiisu waa haddii
ay naftu raacdo wax kasta oo
ay jeceshahay waxay qofka u
gaynaysaa in ay cadaabka gasho,
haddiise naftu ay qabato waxyaalaha
ay necebtahay sida (habeenkii aad
toosto xilliga ay hurdadu u fiican
tahay, salaadda subax oo aad
toosto waliba aad masaajidka soo
aado, xoolaha aad jeceshahay oo
aad zako ka bixiso, iwm) waxay
naftu u gaysaa in ay janno gasho.
Shaydaanka ayaa had iyo goor
nafta u qurxiya waxyaalaha lagu
muto cadaabka, naftana jecliisiiya.
Dadkii salafkii waxay nooga digeen
in la raaco shahwaadka ay naftu
jeceshahay, waxaa laga hayaa nin
ka mid culumadii hore Yaxye ibnu
Mucaad in uu yiri - qofkii xubnihiisa
uga raali noqda inay ku raaxaystaan
waxkasta ay jecelyihiin ha ogaado
qofkaasi wuxuu beertay geed uu
hadhow ka qoomameeyo. Allaah
(sw) isagoo dhaleecaynay waxyaalo
badan oo ay naftu jeceshahay
wuxuu yiri
{Dadka waxaa loo qurxiyay
in ay jeclaadaan wax kasta
oo
naftu
jeceshahay
sida
Haweenka, Caruurta, Lacagta,
Dahabka,qalinka,
Fardaha
la
carbiyey, iyo Beeraha arintkaasi
waa dhaldhalaal aduun, ilaahay
agtiisa ayaa waxaa ah meel la
joogo oo wanaagsan---alcimran}.
Nabigu wuxuu xadiith ku yiri
(Kama tagin gadaashayda fidno
ragga uga daran haweenka),
wuxuu nabigu isagoo la hadlaya
ragga yiri (ka dhowrsada dumarka
wixii u horeeyey ee reer baniiisraa’iil lagu fidneeyey waxay
ahayd haweenka).
Ciqaabta ay leedahay nooc ka
mid shahwada sida zinada wuxuu
nabigu ka waramay in mar ay wada
socdeen Jibriil ay soo mareen dad
lagu dhex cadaabayo weel sida
tiinaarka muufada lagu dubo oo
kale ama
Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid
shahwada sida zinada wuxuu nabigu
ka waramay in mar ay wada so deen
Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex
cadaabayo weel sida tiinaarka muufada lagu dubo oo kale ama qaabka
ashuunka oo kale leh, nabigu wuxuu
yiri waxaan maqalnay qaylo iyo buuq
waxaan fiirinay tiinaarkii mise waxaa
ku jira rag iyo dumar qaaqaawan, olol
ayaa xagga hoose kaga ka soo qaadaya ilaa uu keeno halka u saraysa,
Jibriil ayaan waydiiyey kuwani maxay
yihiin?, Jibriil wuxuu kujawaabay waa
ragga iyo dumarka sinaysta waxaa
lagu cadaabayaa qabriga saas ayay
ahaanayaan ilaa laga soo bixiyo qabriga maalinta qiyaame). Mar kasta
oo naftu raacdo waxay ay jeceshahay, u sii dhiibaysaa mid kale ilaa ay
qofkii halaagto, shaydaankuna waa
ku dhaartay in uu ummadda baadiyaynayo meel kastan uu u marayo
sidii uu xaqa uga leexin lahaa. Allaah
(sw) isagoo ka waramaya wuxuu yiri
(shaydaanka(ibliis) ayaa wuxuu yiri
{ilaahaw sida aad ii baadiyaysay
ayaan aniguna adoomadaada ayaan u qurxinayaa aduunka waana
baadiyaynayaa dhamaan}in taa
kuma harine wuxuu noo sheegay
in uu sii wadaayo baadiyaynta
wuxuuna yiri:
{dabadeedna
waxaan
uga
imaanayaa hore, gadaal, midig iyo
bidix intooda badana ma helaysid
inay kugu shugriyaan- Acraaf).
Shahwada ama balwadda oo ay
naftu raacdaa waxay keentaa in
ay khaatumadiisu xumaato nabigu
wuxuu yiri (qofku sida uu camal
ugu jiro ayaa waxaa ka hor mara
kitaab loo qoray markaas ayuu
naarta gala).Habeen ayaa waxaa
tukanayay Sufyaan athowri wuxuu
bilaabay inuu ooyo ilaa uu waagii ka
baryay, waxaa u yimi dadkii dariska
ahaa waxay waydiiyeen ma waxaad
la ooyday dambigaaga oo aad ka
baqaysid mise wax kale? Wuxuu ku
jawaabay dambiga kama ooyin ee
waxaan ka ooayay in ay khaatumadaydu xumaato. Qofku had iyo goor
inuu ku xirnaado waxa ay naftu jeceshahay isuna dhiibo balwadiisa waxay keenta in qofka camalkiisu buro
oo uu khaatumo xumo ku dhinto.
LA SOCO CADADKA XIGA
AXAD 31 MAAJO 2009
DAGAALKII OGAADEENYA
W/Q:- Dr. Saadiq Eenow
M
engistu wuxuu isku deyayay
in uu ka faa´iideysto xaaladda
cakiran oo uu marin duwo howlaha
golaha, si uu isaga u dhaxlo miraha
kacaanka. Markastana wuxuu ku
andacoonayay, waxa uu ku kacayo
in ay tahay mid uu shacabku raali ka
yahay. Wuxuu tilmaamayay in geedisocodka kacaanka uu noqonayo mid
dhicis ah haddii guddi-hoosaadku
uusan caynkan u shaqeyn.
Mengistu Xayle iyo kooxdiisii, waxay
bilaabeen in ay xabsiyada kala baxaan dad maxaabiis ah oo ay mid-mid
u toogtaan, iyada oo uusan goluhu
ogeyn sababta ay dadkaasi ku
muteysteen in la laayo. Dad boqol ka
badan oo ay laayeen, ayaa 59 kamid
ah waxay ahaayeen eheladii boqorka, xubnihii barlamaankiisa iyo saraakiishii yar-yaraa. Xasuuqaas waxaa
goob-joog ka ahaa Dhamme Mikael
Gebrenegus, kaas oo ahaa qareen
ka tirsanaa ciidamada biliiska. Markii
Goluhu uu Mengistu su´aalay sababta uu dadkaasi u hor keeni waayay
maxkamad, wuxuu ku jawaabay
in ay lagama maarmaan tahay in
marka hore qaar laga laayo dadka la
maleynayo in ay ka hor imanayaan
kacaanka.
Waxaa la xiray nin kasta oo magac
ku lahaa maamulkii boqortooyada.
Dalkiina waxaa u bilaabatay taariikh
cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas
oo ka miisaan culus dulmigii iyo argagixiskii yiil xilligii maamulkii boqorka. Kacaankii ku bilowday hal ku
dhegyadii ahaa (dhiig la´aan dhiig
la´aan) wuxuu isu beddelay kacaan
dooxato ah. Sidaas baa waxaa
ku dhalan rogmay dabiicaddii ay
ku dhismeen golihii ciidamada oo
ujeeddadoodu ahayd in ay dalka ka
badbaadiyaan dhibaatooyinka uu
ku sugnaa, si nabadeyn ahna ay xal
ugu raadiyaan.
20/ 12- 1974-kii ayuu golihii wuxuu
guddoonsaday in uu ku baaqo bayaankii ahaa in ay dalka ku dhaqayaan nadaamka Hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada-Liininiyada ah.
Jeneraal Tafari Banti oo ahaa guddoomiyihii golaha ee ka dambeeyey
Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka
dad-weynaha uga magac weynaa
Mengistu, waayo Mengistu wuxuu
ahaa nin firfircoon oo geesi ah. Kartidiisa iyo dadaalka uu halgankan u
galay baa wexey keentay in uu noqdo nin calaamad u´ah halgankii
ardeyda. Mengistu iyo kooxdiisa si
naxariis darro ah u laynayeen haraagii nadaamkii boqorka iyo saraakiisha ay tuhmayeen in ay caqabad ku
noqonayaan howlahaada. Xilligaas
waxaa socday bannaan-baxyo ballaaran, kaas oo ardadu ay ku taageerayeen go´aanka ay ciidamadu
6
ILAYS NEWSPAPER/XAYAYSIIN
Mengistu Xayle Mariam
kula wareegeen talada dalka. Ardeydaasi waxaa halhees u ahaa oo ay
ku dhawaaqayeen (Viva Mengistu).
Mengistu wuxuu xilligaas golaha
ka´ahaa kuxigeen.
3/ 2- 1976-kii ayaa fadhi uu taliskii
goluhu ku lahaa aqalka la yiraahdo
Menilik, ayaa Mengistu iyo intii raacsanayd si kedis ah fadhigii uga kaceen
dabadeedna ay dibadda u baxeen.
Waxaa xigay ciidamadii Mengistu
ilaalada u ahaa oo hubkoodii la soo
galay qolkii ay saraakiishu fadhiyeen,
dabadeed halkaas ayaa lagu laayay
dhammaan saraakiishii xubnaha
ka´ahaa golahii badbaadada Itoobiya. Ciidamada wax laayay waxaa
hoggaaminayay sarkaal dhallinyar
oo la yiraahdo Daniel Asfaw. Saraakiisha halkaas ku dhintay waxaa
kamid ahaa guddoomiyihii golaha
badbaadad Itoobiya Jeneraal Tafari
Banti. Maalintaas maantii xigtay ayaa
Daniel Asfaw waxaa weeraray ciidan
raacsanaa Jeneraal Tafari. Markuu
arkay in uusan baxsanayn ayuu qorigiisii isku dilay. Sidaas buu Mengistu
ku noqday guddoomiyihii u soo haray
madaxtinimada golihii saraakiisha ee
badbaadinayay Itoobiya.
4/ 2- 1976-kii, golihii wuxuu ku dhawaaqay in Gaashaanle/Dhexe Mengistu Xayle Mariam uu yahay madaxa
siyaasadda Itoobiya. Andrei Ivanov
oo ah nin Ruusha, diraasaadna ku
sameeyay dagaalkii 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu xusay in boqor Xayle Salaisse oo
nool ay dowladda Ruushka u sheegtay madaxweynihii Soomaaliya, in ay
Mengistu la rabaan in uu madaxweyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei
Ivanov wuxuu yiri :
“ Waxaa isweydiin leh, Maxamad Siyaad hadduu sidaas u ogaa, muxuu
Mengistu ugu qaaday dagaalka ?
“. (Waxaan ka soo xiganay Proff.
Cabdullaahi Jaamac oo macallin ka
ah Lamumba University Moscow. 2/
7- 2000)
Saraakiishii hoggaaminayay kacaankii Itoobiya, xilliga ay dadkooda
Isku Dayga Talyaaniga Ee
Dib U Heshiinta Somalida
ILAYS/NAIROBI
xasuuqayeen, kacaanka Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid uga agab iyo
arxan roonaa dadkiisa. Waxaa jiray
arimo kacaanka Soomaalida gacan
ku siiyay xasilloonidii wanaagsanayd
ee uu dalku ku sugnaa bilowgii
maamulkiisa. Arimahaas kuwooda
ugu milga cuslaa waxay ahaayeen
mashaariic dalka laga fuliyay oo
isugu jirey kuwo lagu hor marinayo
dhaqaalaha iyo kuwo dhisme-hoosaad ah oo dowladaha deeqda bixiya ay horay ugu deeqeen dowladdii
rayidka ahayd. Waxaa arinkaa weheliyay dhallinyaro boqollaal ah, oo
bilowgii sanadihii 1970-aadkii, dalka
ku soo laabtay kadib markii ay waxbarasho ku soo dhameysteen dalal
shisheeye. Dhallinyaradaas oo ahaa
kuwo hanaqaaday xilligii gobanimodoonka ayaa badankoodu waxay
ahaayeen kuwo ku ababisnaa waddaniyad aanan barax lahayn. Markii
ay gacanta ku dhigeen mashaariicdii
dalka ka socday, waxaa u suurogashay in badankoodu ay si hufan u
fuliyaan howlihii loo xil saaray ee la
xiriiray hor u marinta dalka.
Arrimahaasi waxay sababeen in
saraakiishii kacaanka Soomaaliyeed ay ka badbaadaan mucaarado
ku soo deg-degta dowladdii ay dhiseen. Inkasta oo badankood eeyan
xabsiyada ku daahin, misana odeyaashii siyaasiyiinta ahaa ee xilka ka
soo qabtay dowladihii rayidka ahaa,
dhamaantood xabsiga ayaa ladhigay. Qaar kamid ah raggaas, markii
la soo daayay, dalka dibaddiisa ayay
u baxsadeen. Waxaa kale oo jiray
odeyaal uu hoggaamiyihii kacaanka
si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka
dhoofaan si aanan loo dhibaatayn.
Waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo
Cali Barre Jaamac (Ciddi Libaax).
Waxaa shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo xilal ka hayay
mu´asasaadka dowladda, dabadeed
waxaa halkoodii lagu buuxiyay dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin
lagu xushay kacaannimo. Ciidamada qudhooda kama eeyan badbaadin siyaasaddii fara-gelinta ee lagu
shaandheynayay masuuliintii wax
ka hoggaaminayay mu’asasaddii ciidanka.
Baraarug la’aanta shacabka ayaa
waxay abuurtay jawi xasillooni iyo
nabad buuxda oo aysan wax fadqalalo ah wehelin. Shacbiga Soomaaliyeed intiisa badan wuxuu ku qancay siyaasaddii kacaanka. Wax
dowladda mucaarad ku ah oo la
tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa
sumcadda dowladda kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo
ay ka mid ahaayeen in lala wareego
oo dhamaan ilihii dhaqaalaha oo ay
dadka shisheeyaha ah lahaayeen,
W
arar xoogan oo diblamaasiyadeed, kana soo baxaya Safaradda Talyaaniga ee Nairobi ayaa
waxay sheegayaan in Dawlada Talyaanigu isku dayayso inay casumaad
u fidiso dhinacyadda Soomaalida ee
ku dagaalamaya Muqdisho iyo Konfurta Soomaaliya , wararkan ayaa ah
kuwa lagu kalsoonaan karo marka
la eego sida Dawladda Talyaanigu
ugu lug leedahay arrimaha Soomaaliya waqtiyadan dambe. Talyaaniga
ayaa ahaa Wadankii gumaysanayey
Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu
ad ugu lug lahaa siyaadda Soomaaliya tan iyo waqtigii xornimadda ay
heshay 1960-kii.
Kooxaha la casumay waxaa ka mid
noqonaya garabka uu hogaamiyo
Sheikh Xasan Dahir Aweys oo dhowaan loo doortay inuu hogaamiya Xisbul Islaam, ma cada in lagu casumay
Xaraka Diimeedka Al-Shabab kulanka Roma ka dhici doona bartamaha
June, 2009.
Warar hoose waxay sheegayaan
inuu Sheikh Xasan Dahir aqbalay ka
qaybgalka Shirkaas Roma, balse uu
u diri doono ka qaybgalka shirkaas
xubno uu ku kalsoon yahay waxaa
sidoo kale iyana dhinaceeda ka soo
dhoweysay Dawladda uu hogaamiyo Sheikh Shariif , saansaanta wada
hadaladan ayaa waxay u egtahay
dib u heshiisiin Talyaanigu u samynayo labadii garab ee Dib u Xoraynta Soomaaliya oo ku kala qaybsamay heshiiskii Jabuuti.
Safiirka Talyaaniga ee Nairobi ayaa
la sheegayaa inuu kulamo kala duwan kula qaatay Nairobi siyaasiyiin
badan oo Soomali ah, gaar ahaan
kuwa u dhashay goboladda Bay iyo
Bakool, isagoo kala hadlay sida loo
xoojin lahaa Nidaamka Federaalka
Soomaaliyana nabad looga aslaaxin
lahaa. Talyaaniga ayaa qaba inaan
Soomaaliya kooxina koox kale kaga
adkaan kari dagaalka, sidaa darteed
wax walba lagu dhameeyo wada hadalo.
Dawladda Talyaaniga ayaa ka soo
horjeeda in Soomaalida la isku
hubeeyo, gaar ahan wadamadda
deriska ee danaha gaarka ah ka
leh Soomaaliya, kuwaas dal walbi
tageero dhinac walba ah siinayo
kooxaha la xulafada ah. Waxayna
dabada ka riixaysaa in Liiska Argagixisadda laga saaro xubno uu ku
jiro Xasan Dahir Aweys, Xasan Cabdulaahi Turki, Mukhtaar Roobow. Iyo
gebi ahaanba Al-Shabaab.
Lama hubo inuu guulays doono
shirka dawladda Talyaanigu dabada
ka riixayso ee la doonayo in lagu so
oaf jaro colaada waqtigan ka aloosan Soomaaliya.
7
ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA
FALLANQAYNTA CAYAARAHA
Mohamed Farah oo
rikoor cusub dhigay
Xigasho: Cayaaraha
M
ohamed Farah ayaa jabiyay
rikoorkii oradka 10 Km ee lagu
qabtey maalinimadii Isniinta taariikhduna ahayd 25 May 2009 magaalada
London ,markii uu ku orday xawaare
aad u sareeya oo uu kaga gudbay
Line xariga 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi.
Mohemed Farah waa 26 jir u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana degan Galbeedka magaalada
London kana tirsan ciyaaryahanada
u orda xulka dalka Britain, ciyaaryahankaan ayaa lasoo baxay wixii ka
dambeeyay ciyaarihii Olympicada
firfircooni dheeri ah guulo cusub, kuwaasoo uu ku dhigay rikooro cusub.
Oradka 3000M ee European indoorka waxay u dhigay rikoor cusub
bishii Maaro 2009, hadana oradka
Marathonka 10KM waxa u dhigay
rikoor kale oo cusub, Mo Farah ayaa
ku jabiyay rikoorkii oradkan Marathonka London oo uu hore u haystey
ciyaaryahan u dhashay dalka Britain
Mark Scruton wax ka yar 5 second.
Run ahaantii waan ogaa in dhismaha jirkaygu uu ahaa mid
diyaarsan,waxaana rabay inaa ku
guulaysto,isla markaana ku soo xiro
28 daqiiqo jabiyana British rikoorka si
aan guno ugu qaato guusha rikoorka
cusub’’ ayuu Mohamed Farah yiri
isagoo ku faraxsan guusha oradka
10.000m London Road race.
Mohamed Farah oo ku orday 27
daqiiqo iyo 50 ilbiriq kuna guulaystey
oradka London kana galay kaalinta
1aad halka kaalinta 2aad u galay
ciyaaryahan u dhashay dalka Kenya lana yiraahdo Samuel Kosgei,
kaalinta 3aad waxaa galay isna ciyaaryahan u dhashay dalka Ukrain
lana yiraahdo Sergiy Lebid.
Guusha Mo Farah ee London iyo
Rikoorkiisa cusub ayaa lagu soo
bandhigay Jaraa’idka ka soo baxa
dalka Ingiriiska guud ahaan, nasiib
xumo dadka Soomaaliyeed ee ku
nool magaalada London oo lagu qiyaasay wax ka badan 100.000 oo
qof ayaanan ka qayb galin ama u soo
daawasho tagin halyeey Mohamed
Farah guushiisa,inkastoo ay iskugu
hambalyaynayeen guusha Mo Farah markii ay jaraaidka ka aqristeen
maalinimadii Talaadada.
Mohamed Farah oo jaraa’idka Metro
la hadlayay markii uu soo afjarey
guushii oradka 10KM London ee uu
ku jabiyay British Rikoorka ayaa yiri
sidatan ‘’
Mohamed Farah ayaa ka qayb galaya bisha soo socoto ciyaaraha oradada lagu qaban doono dalka Germany gaar ahaan magaalada Berlin
hadii Eebe idmo.
Bidix :-Maryal Mursal Oo Jeeni Qarana Calanka Maamulka Somaliland
iyo Saado Cali Warsame oo Ku Labisan Calanka Ummadda Somaliyeed
AXAD 31 MAAJO 2009 KA YIMID BOGGA 2AAD
WARAYSI SULDAAN C/SALAAN
SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED
TMarkaa, Ilaa Xad waxaa helnaa
Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee
Beesha.Waxaad
helaysaa
Qof
la’isku waafaqsan yahay ama qof
aan la’isku waafaqsanayn,Sidaas
ooy tahay ayaanu Haddana iska
ilaalinaa, Bal intii aad Wax isku
dhowdhownaa, Marka qaarkood
Shirarka aanu qabanayno waxaan u
baahanaa 50 Nabadoon, waxaana
gobolka Jooga 100 nabadoon oo
run, Jifooyinka Hoose qaarkood 4
Nabadoon ayey leeyihiin, waxaan
ka soo qaadanaa Labada Nabadoon
ee ugu waaweyn, oo markaas ku
qancino kuwa kale in ay u daayaan.
Rag farabadan oo Macquul ah ayaa
jira oo ku oranaya Hebel ayaan
u daayey. Dariiqooyinkaas ama
Nidaamyadaas ayaanu raacnaa
marka aanu soo xulayno ama soo
Mookhalayno.
Yoolkiinu
Ma
Nabadoonadoo
Keliya
Mise
Isimaduna
Iyo
Cuqaashuna way ku jiraan???
Barnaamijkeenu waqtigan Yoolkiisu
waa nabadoonada oo aanan weli ka
soo bixin oo aanu gaari laanahay,
Gobolada oo dhan ayaanu soo
Marnay, Mudug, Nugaal, Bari,Sool,
Sanaag Iyo Cayn.waxaana noo
dhiman gobolka Karkaar oo dhawaan
aanu ka qaban doono, waxaanu
doonaynaa in aanu ka soo Xulno
Nabadoono Gobol kasta,Kuwaasoo
metalaya Nabadoonadii kale, Ka
dibna aanu u qabano shirweyne
Guud, Markaasna meel ayay soo
gaarayaan.
waxay kaloo ka hadlaan Fakinta,
Qarinta iyo Garab siinta Qofka
dhagar qabaha ah oo Dadka kibirka
ku dila, Runtiina Qaraaraad ayay
dhamaan Nabadoona Goboladu
ka gaareen, Fulin uun bay u
baahnaayeen, oo Baaqyadaas la
ururiyo Ka Dibna Barlamaanka la
Horgeeyo oo sharci qaanuuniya laga
soo saaro. Waxay kaloo ka doodaan
Ilaalinta Degaanka (Dhirta la
Gubayo, Ugaarta, jariifka Badaha iyo
sumaynta), Ilaalinta Danta Caamka
(Isbitaalada,dugsiyada,
Hantida
Dowlada, Wadooyinka, Dekadaha
iyo Gegooyinka diyaaradaha IWM)
Iyo Sidii Dowlada Iyo Nabadoonadu
u wada shaqayn lahaayeen, waxay
kaloo ka hadlaan Dumaasha Ama
Xigsiisinka oo ah xuquuqda Insaanka
oo somalidu Taqaano oo aan ahayn
tii Reer Galbeedka, Agoonta Iyo
Haweenka in la daryeelo oo wax
la baro ayey ka hadlaan, Runtiina
Mowduuc kasta oo ay ka doodaan
waxay ka gaaraan Go’aan
.Waxaad sheegtay Hanti badan
iyo Caqli badan ay Ceegaagan
Maskaxda Nabadoonada Sidee
bay kula tahay In Jiilka Dambe
Loogu Gudbin karo?
Marka hore waxaan u baahan
nahay,Bulshada
Reer
P/land,
Hoos markaan ka soo bilaabo
,Ardayga
Dugisga
Sare
Iyo
Jaamacada dhigtaa waa in uu
bartaa
dhaqankiisa
,dhaqanka
Somaliga, Xigmadoodii,Gabayadii,
Murtidii Iyo wax kasta oo Somalidu
ay ahayd Raga Xanbaarsan waa
Nabadoonada , waxaan kaloo soo
jeedin lahaa in Dowlada P/land u
samayso Nidaam iyo Barnaamijyo
looga Faa’iidaysto oo Talooyinka
looga qaato, Door Muuqda ayey ku
leeyihiin Bulshada, Mana dareemayo
in ay Ajnebi ka yihiin Noloshayada.
Balse wax kaabaya Noloshayada,
Siyaasadii,Amaankii , dhaqaalihii
Iyo guud ahaan Arrimihii Bulshada.
waxay iska kaalmaynaa Wadaagida
Xogta, Haddii loo baahdo Wixii
talooyin ah way iswaydaarsadaan.
Mercycorps waxay ka shaqaysaa
Xalinta
khilaafaadka
(conflict
Resolotion) oo Meelo gaar ah ayey
ka shaqeeyaan oo ay Xadideen
ooy aadeen.laakiin guud ahaan
Nabadoonada in la kulmiyo oo la ay
xeerarkii Somalida u soo bandhigaan
oo ay yiraadaan waar Xeerarkii Hore
ee Somalida Maxaa ka Saxnaa ,
Maxaa ka khaldanaa , Maxaa Hadda
Xeer cusub noqon kara oo lagu
dhaqmi karaa, Badanaa dhinacaas
ka Aadaan. Waxaa kaloo jira Hay’ad
Wadani ah oo la yiraahdo PDRC oo
door fiican ku leh, oo Dad badan
ayey shirisay laakiin waxay xooga
saartay dhanka Daraasaadka iyo
Baaritaanka.
Goorma
ayaad
soo
gababeenaysaan
shirarkan
Isdabasocda aad Nabadoonada u
qabtaan?
Diyaar ayaan u nahay , Inta ay
Nabadoonadu Doonayaan
in
qabsadaan shirar Noocaan oo kale
ah, Hadda Bosaso, Garoowe Iyo
Magaalooyin kale guryihii ay shirarka
ku qabsan lahaayeen DRC ahaan
waa naga Diyaar. Gaalkacayo
Nabadoonadu inta ay is kaashadeen
ayey Ilaa Bandiiradley Qaadeen
Isbaarooyinkii Iyo Jidgooyooyinkii
yaalay, Haddii ay isfahmaan,
Insha’alaah Sanadka soo socda
ayaan u dhisidoonaa Guri
HORYAAL
PRINTING
CENTER
ADEEGYADA
DAABACADEED EE
HORYAAL DIYAARKA
KUULA TAHAY
JOWLE ENTERPRISES
Office Stationery
jowle2003@hotmail.com
Electronics and Satellite Digiitals
Office furnitures
Renting Cars % For Selling
Buugta Akhriska

Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada

Receipt
Vouchers

Payment
Vouchers

Invoices

Cash Sales

Daily Sheets

Business Cards

Envelops
Stickers
Prescription

Register Books

Text Books

I.D Cards

Certifications

Flyers
Invitations Cards
KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA
DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U
RABTO
& QIIME KURAALI
GALIYA
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
Tell :- 824299/796169/726169
BOSASO SOMALIA
For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724

Similar documents

Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af

Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:-isse80@gmail.com Ilays designer Omar Said moh’ed

More information

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009

ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009 ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

More information

UBS PACE Alternative Strategies Investments Class

UBS PACE Alternative Strategies Investments Class PACE International Equity Investments Class P UBS U.S. Allocation Fund Class A UBS U.S. Allocation Fund Class C UBS U.S. Allocation Fund Class P PACE International Emerging Markets Equity Investmen...

More information

2 - Dalkajournal.com

2 - Dalkajournal.com Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo isla qorshey...

More information