Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af
Transcription
ILAYS ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:-isse80@gmail.com Ilays designer Omar Said moh’ed Axad, 24 May, 2009, Caddadkii 33aad , Tell:-712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh OUR SERVICE OUR SERVICE GSM INTERNET SMS MASSAGE E-ADEEG Faallo Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af-Hayeenimadii Al-Shabaab? Hay’ada HORNPEACE Oo Markii U Horraysay gacan ka gaysanaysa in Bulshada rayidka ah laga qayb Geliyo Talada ammaanka EEG BOGGA 2AAD M a ahayn arrin lama filaan ah kolkii Duhurnimadii Khamiista 21 May, 2009 uu Sheikh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur qalinka ku duugay inuu aqblay in xilkii Afhayeenimadda dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab uu ku wareejiyey Cali……, durba waxaa soo baxay su’aalo la is weyndiin karo oo ku saabsan sababta uu xilkaas uga tegey Abuu Mansuur. Mukhtaar Roobow Cali, waxaa uu ahaa mid ka mid ah ragga ugu caansan dhaqdhaqaaqa Alshabaab, waxaa uu ahaa geesi , af tahan iyo weliba hoggaamiye si dhab ah u dabakha mabda’a uu aaminsan yahay, waxaa la oran karay waa hoggaamiyihii ugu hal adkaa ee taariikhda ka soo baxa dadka ku abtirsadda goboladda Bay iyo Bakool, ma ahan nin qa- EEG BOGGA 3AAD Shiekh Xasan Daahir oo ($25,000) ku bixiyay safarkii uu Mogadishu ku tagay EEG BOGGA 7AAD KHASAARIHII DAGAALKII MUQDISHO EE JIMCIHII EEG BOGGA 2AAD Xukuumada P/Land Oo Hay’ad Daryeesha u Dhistay Dulmanayaasha EEG BOGGA 2AAD Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden EEG BOGGA 2AAD FEDERAALKU WAA QAAB XUKUN ISLAMI AH!! QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA : P:- 5 BARNAAMIJKA DOWLADA P/L:- P 4 EEG BOGGA 5AADD 2 Xukuumada P/Land Oo Hay’ad Daryeesha u Dhistay Dulmanayaasha ILAYS NEWSPAPER/WARARKA WARBIXIN /SOMALITALK KHASAARIHII DAGAALKII MUQDISHO EE JIMCIHII Garowe, 22 May, 2009 Puntlandgov AXAD 24 MAY 2009 Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden M adaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa todobaadkan Xariga ka jaray xafiis ay yeelan doonto Hay’ada Bulshada Rayidka ah ee DGPL.xafladan oo ka dhacday Xarunta Hay’ada PDRC ee Garowe, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPL Md. C/raxmaan Sh.Maxamed Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada DGPL Md C/rashiid Sh. Maxamed Xirsi, Gollaha Wasiirada, Xubno Ka tirsan Gollaha Wakiilada, Aqoonyahano, Hay’adaha Caalamiga ah, Ngo’yada Maxaliga iyo Marti sharaf kale. Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo Hadal kooban ka jeediyay Xafladaas waxaa uu yiri” Waxaan aad ugu faraxsan yahay dhismaha Hay’adan u adeegaysa Bulshada dhibaataysan,wax weyna ka tari doonto baahiyahooda, waxaanuna dhowaana ay miisaaniyada ku darnay lacag gaaraysa 900,000,000/ Sh/S.,waxaana u magacawnay Agaasime Cabdishakuur Maxamuud Cilmi ahna nin firfircoon kana soo bixi kara hawshan,waxaana dusha ka maamuli doono guddi,oo ay ka mid noqon doonaa Culimada,gana csatada,Aqoonyahanada iyo dadka ku hawlan” Madaxweyne Faroole oo Hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “Waxaan rabnaa ka dawlad ahaan in aan dadka reer Puntland gaarsiino horumar,waxayna ku jirtay Barnaamijka Dawladda ay ansixiyeen golaha wakiilada in dadka dhinac walba laga horumariyo” Masuuliyiintii kale ee ka hadashay Xaflada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee puntland C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Wasiirku waxaa uu ka codsaday in la caawiyo dadka laxaadka waxba ka qaba iyo dadka dhimirka ka dhiman Hay’adan oo Xeer madaxweyne lagu dhisay ayaa toddoobadkii hore la horgeeyay Gollaha wakiilada ee puntland islamarkaana waxaa uu golluhu ansixiyay, waxaana ay Hay’adani shaqadeedu noqondoonta ka warhaynta, Xannaanaynta, iyo Qareemida dadka Dimirka ka jiran ( Maskaxda ka Xannuunsan) Naafada, Indhoolayaasha, Agoonta iyo dadka tabarta darram ee aan waxba haysan ee reer puntland. .Abuurida Hay’ad noocan kale waxay muujinaysaa sida maamulka cusub ee C/raxmaan Faroole uu xil gaar ah isaga saarayo dadka la ilaaway ee bulshadeena ka mid ah, sida dadka waaweyn ee aan naftooda caawin karin, Haweenka Carmalka iyo Caruurta ogoonta. Maydka Askarta Dowlada Somaliyeed oo Yaala Wadooyinka Muqdisho D ad Somaliyeed oo 40 qof oo u badan koodu yihiin dad shacab ah ayaa ku geriyooday dagaal qaraar oo Jimcadii labadii galinba ka soconayey gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dagaalkaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada KMG somaliya iyo xooggaga Islaamiga ah ee dagaalka hubeysan kala soo horjeeda. Dhanka Xoogaga ka soo horjeeda oo horray us heegay in aanay Dowladda FKMG wax wada hadal ah la geleyn isla markaana aysanba aqoosaneyn wax dowlad ah ayaa Afhayeenka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Caraale waxaa uu sheegay in ay dib isaga waabiyeen ciidamada Dowladda FKMG oo uu sheegay in ay soo weerareen. Dadka rayidka ah ee dagaalka uu galaaftay waxaa ku jira 12 qof oo Bas ay saarnaayeen Madfac ku habsaday agagaarka Baar ubax ee Magaalada Muqdisho iyo wariye C/risaaq Warsame Maxamed (Gaadaco) oo ka tirsan Idacaadda Shabeele oo xabadwiifto ah madax kaga dhacaday isaga oo marayay dagmada wardhiigley gobolka banadir. Sidoo kale afhayeenka cusub ee xarakada alshabaab Sh Cali Maxamuud Raage ayaa isna ka hadlay dagaalkii Jimcadii muqdisho ka dhacay wuxuuna sheegay in ay ciidamada DFKMG soo weerareen suuqa bakaaraha ayna dooanyeen in ay dhacaan hantida shacabka iyaguna ay ka celiyeen waa sida hadalka uu u dhigaye . Dhinacyada dagaalayamay waxa kala gaaray qasaare balaaran waxaana wadooyinka qaarkood yaal meydadka qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo ku labisan dareskii ciidanka laba ka mid ah wuxuu mayadkood lagu arkayey deegaanka geed jacayl oo ka mid aheyd goobihii ay Dagaalkii Jimcadii ayaa xoogiisu cidanka dowladu Jimcadii waabarigii ka dhacay deegaano ay ka mid yi- soo buuxiyeen ee iska horimaadku ka hiin Saldhiga Degmada Hodon, Howl dhacay. wadaag, Geedjaceyl, Xararyaale ,Suuq bacaad, iyo Yaaqshiid waxaa Sidoo kale suuqa Ariga waxaa yaal weerar xoogan soo qaaday aroortii laba meyd oo ka tirsanaa ciidanka hore ee Jimacadii Ciidamada Dow- dowlada FKMG waxaana jira qaar la ladda FKMG Soomaaliya oo maalma- aqoonsaday oo ay reerahoodii qaahaan diyaar garow ugu jiray sidii ay teen halka kuwa aan dareska ciidandib ula soo noqon lahaayeen goobhii ka wadan isla markiiba la aasturayey. lagala wareegay . Asbuuc ka hor dagaalka muqdisho ka Dhawaqa hubka noocyadiisa kala du- dhacay ayaa geystay geerida 15 ruux wan ayaa Jimcadii oo dhan Magaala- halka dhawacuna uu garayey boqodu marti u aheyd waxaana la arkayay laal oo intooda badan ahaa dad rayid dad caruur iyo haween u badan oo ah dagaalkaas ayaa u dhaxeeyey isla kala cararaya si ay dagaalka uga dhinacyada hadda dirirtu ka dhaxaybaxsadaan kuwaas oo guryahoodii so. isaga barakacay . Goobaha ay dagaaladu ka dhaWasiirka Gashaan Dhigga ee Dow- cayeen ayaa ahaa kuwo lagu dagaalladda FKMG Maxamed Cabdi Gaandi amo muddo ka badan 19 sano waxoo shir Jaraa’id Jimcadii Muqdisho ku aana dagaal kasta halkaa difaac ka qabtay ayaa saxaafada u sheegay galayey ciidamo taabacsan qolo hebin ay Dowladdu weerarka qaaday si laayo kii ku dhinta ama ku dhaawacloo badbaadiya buu yiri shacabka mana cidiisa oo kaliye ayaa tabeysay Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku intaas oo dagaal ma jirto cid ku faani karto halkaa anaa xoreeyey oo waqtidaray in dowladu fursad kale aysan gaas dagaal ka galay. heysan xiligaan . Isbitaalada Madiina, Dayniile, iyo Keysalay ayaa la geeyay dhaawacyo boqol ruux gaaraya.waxaana wax yeelo ka soo garatay dagaalka xafadahooda ku dhemaray DFKMG iyo kooxaha Islaamiga ah. Xigasho:- Somalitalk L aanta socdaalka dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay Baasaboorkii Kenyaatiga ahaa kala laabatay Raysalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan Sheikh Aaden. “Baasaboorka Kenya oo la siiyey Mr Hassan Sheikh Aden Issak ayaa lagala laabtay,” sidaas waxaa yiri Otieno Kajwang oo ah wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha socdaalka, sida ay werisay jariidadda Daily Nation caddadkii May 20, 2009. Waxaana warku intaas ku daray in markii Baasaboorka la siiyey uu noqday muwaadin Kenyaan ah. Laakiin, Sheikh Aaden waxa laga dhigay dublomaasi markii la sameeyey Dawladda Soomaaliya, “Waxaa ogaanay in haysto baasaboor Kenyaati ah markii uu kusoo laabtay Kenya oo magaciisa computer-ka la geliyay, markaas ayaa lagala noqday baasaboorka. Xitaa kama uusan laaban dhalashadii Kenyaatiga,” ayuu yiri Kajwang. Waxana uu intaas ku daray maadaama Kenya aysan ogolayn labada dhalasho, sidaas daraadeed ayaa looga qaaday Baasaboorka Kenya. March 18, 2009 ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay kala saxiixdeen heshiis Is-Afgarad ee Memorandum of Understanding (MoU) oo ku saabsan in Kenya ay cashuurta u qaado DFKMG, gaar ahaan waxyaabaha Kenya laga dhoofiyo ee u socda Soomaaliya. KU SOO HAGAAJIYA FIKARADIHIINA ilaysnewspaper1@gmail.com AXAD 24 MAY 2009 Faallo Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af-Hayeenimadii Al-Shabaab? M a ahayn arrin lama filaan ah kolkii Duhurnimadii Khamiista 21 May, 2009 uu Sheikh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur qalinka ku duugay inuu aqblay in xilkii Afhayeenimadda dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab uu ku wareejiyey Cali……, durba waxaa soo baxay su’aalo la is weyndiin karo oo ku saabsan sababta uu xilkaas uga tegey Abuu Mansuur. Mukhtaar Roobow Cali, waxaa uu ahaa mid ka mid ah ragga ugu caansan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, waxaa uu ahaa geesi , af tahan iyo weliba hoggaamiye si dhab ah u dabakha mabda’a uu aaminsan yahay, waxaa la oran karay waa hoggaamiyihii ugu hal adkaa ee taariikhda ka soo baxa dadka ku abtirsadda goboladda Bay iyo Bakool, ma ahan nin qarsadda waxaa uu qabo. Xilligii Maxkamaddaha waxaa uu si bareer ah u sheegi jiray in waxa ka jira Shabeeladda Hoose aanay ahayn Cadaalad , isaga iyo Yuusuf Indhacad oo waqtigaas ahaa Madaxa Amniga Maxkamaddaha uuna ku xigeen u ahaa ayaa isku seegay waxyaabo badan oo uu arkayey inay khalad u socdaan, Soomaalida ayaa ah qabiil qabiil xataa haddii ay yihiin ururo diin aaminsan, mar walbana waxaa jira dareen qabiil oo ka xoog badan hawsha markaas socota. Kolkii ciiidamada Ethoipia dhabarka ka jebiyeen xoogaggii Maxkamaddaha Islaamiga ahaa, ayaa waxaa bilowday dagaalkii dhabta ahaa ee Islaamiyiinta Soomaaliya kaga hortagayeen Ethiopian-ka, Mukhtaar Roobow waxaa uu bilaabay inuu noqdo hoggaamiye caan ah oo hoggaamiya dagaalka ka dhanka ahaa Ethiopian-ka, waxaa uu ku guulaystay in beelaha dega Bay iyo Bakool uu ka dumo ciidamo xoog leh oo dagaalkaas gal, xoogaggaas uu siku duba riday ayaa ka dagaal galay Muqdisho iyo dhamaan goobihii lagula dagaalamay Ethiopiaan-ka, goboladda Bay iyo Bakool ayaa ahaa meel ay baqdin ku joogaan Ethiopianka iyo eliba dawladdii uu madaxda ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf. Abuu Mansuur ayaa loo magacaabay af hayeenka Al-Shabaab, halka Adam Xaashi Cayroow uu ahaa mufakarka Al-Shabaab, 01 May, 2008 ayaa gantaal Maraykanku soo ganay waxaa uu ku dilay Cayroow magaaladda Dhuusa Mareeb, mid ka mid ahaa lugihii Al-Shabaab ku taagnayd ayaa go’dayd. Laakiin Abuu Mansuur waa sii kordhiyey 3 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA hawlaha uu kaga soo horjeeday Ethiopiaanka, kolkay ciidamadda Ethiopianku ka baxayeen Baydhabo Sarkaalkii ugu sareyey waxaa uu u sheegay dadka Baydhabo in Kursiga Madaxtooyada ee uu Cabdulaahi Yuusuf ku fadhiisan jiray uu ku fariisan doono Abuu Marsuur , markay ka baxaan Baydhabo wax yar ka dib. Abuu Mansuur ayaa ka suuliyey Bay iyo Bakool dhamaan kooxihii ka soo horjeeday isaga, waxaa uu u muuqday ninka ugu awooda badan siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba Bay iyo Bakool, laakiin waxaa jiray khilaaf xoogan oo la sheego inuu ku kala dhex jiro hoggaanka AlShabaab, Sheikh Mukhtaar Abuu Subayr oo ah Amiirka Al-Shabaab, magaciisa dhabta ahina yahay Axmed Godane ayaa mar hore waxaa ku canantay Abuu Mansuur hor istaag uu hor istaagay magacaabis Al-Shabaab u magacawday Bay amiir aan u dhalan goboladaas, hase ahaate uu Abuu Mansuur ku gacan sayray , isla markaana gobolka Bay uu u xulay nin u dhashay gobolkaas, Abu Mansuur waxaa uu ku andacooday in ninkaas la imtixaamay oo uu ku dhacay imtixaankii sidaa darteed aanu bedelay. Khilaafka Abuu Mansuur iyo hoggaanka Al-Shabaab waxaa uu ahaa mid xoogaysanayey tan iyo intuu qabtay oo sii daayey Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa qabqablayaashii Bay iyo Bakool,dhowaan ayaa dhacdadaas waxaa saxaafadda war uu siiyey ku dhaliilay Sheikh Fu’ad Shongale oo ka mid ah hoggaanka Al-Shabaab, sidaas darteed ayaa xilka qaadis lagu sameeyey uu sababy inuu Abuu Mansuur iska wareejiyo Afhayeenimadda Al-Shabaab, uuna aqbalo inuu noqdo mujaadid caadi ah oo ka mid ah dagaalyahanadda Al-Shabaab, ujeedada sida loo yeelay ayaa xubin ka mid ah AlShabaab uu ku macneeyey in ay tahay mid caadi ah, qofkana meeshii loo bedelo uu yahay mid qabanaya. Ugu dambayntii Abuu Mansuur waxaa uu ahaan doona nin daacad u ah Al-Shabaab, kama maaranto Al-Shabaab hoggamiyahan oo taageero xoog leh ku dhex leh dagaalyahanadda Al-Shabaab, shaqa ka qaadista Abuu Mansuur waxay sababtay in dagaal kedis ah ay dawladda uu hogaamiyaa Shikh Shariif ku qaadan fariisimadii Al-Shabaab ee dagaalka Muqdisho. Sidaas darted Abuu Mansuur iskiis ugama tegin Afhayeenimadii Al-Shabaab ee waxaa bedelay hoggaanka Al-Shabaab. Hay’adda HORNPEACE oo markii ugu horraysay gacan ka gaysanaysa in Bulshada rayidka ah laga qayb Geliyo Talada ammaanka S iminaar lagu baranayay ka wadashaqaynta ammaanka iyo nabadgelyada isla markaana ay ka wada qayb galeen Booliska, gudiyada xaafadaha magaalada Boosaaso, nabad doonnada, dhalinyarada iyo haweenka, ayaa wali wali waxa uu u socdaa 16ka xaafadood ee magaalada Boosaaso. Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay isla markaana qabatay hay’adda wadaniga ah ee HORNPEACE ayaa daba socdaa aqoon iswaydaarsi noocan oo kale ahaa oo sanadkii tagay ee 2008da loo qabtay lix xaafadood oo ka tirsan xaafadaha magaalada Boosaaso. Aqoon iswaydaarsigan imika ka socda magaalada Boosaaso oo socon doona tan iyo dabayaaqada bishan May ayaa waxa sidoo kale lagu meel marinayaa in markii ugu horraysay bulshada rayidka ah laga qayb galiyo talooyinka ku aaddan go’aannada tallaabooyinka dhinaca ammaanka aaddan. Furitaankii kulankan ayaa waxaa ammaan iyo bogaadinba u jeediyay qabanqaabiyeyaasha iyo ka qayb galayaashaba madaxda gobolka Bari, sida guddoomiyaha gobolka Bari Musa Geelle Yuusuf, iyo duqa magaalada Boosaaso C/rsaaq Xareed Ismaaciil iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo sidoo kale ka hadlay muhimadda ay leedahay dhawridda xuquuqda dadka dalka dhexdiisa ku baro kacay sida dadyowga ka soo hayaamay colaadaha ka aloosan koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo iyana ka qayb galayaasha siminaarkan xubno ku lahaa. H Marka ay soo gabagaboobaan Seminaarada ama tabaradan Hay’adda HORNPEACE ee waddaniga ah waxay furidoontaa xafiisyo Qalabaysan oo ay kuwada shaqeeyaan booliska iyo bulshadu, sida ay wargeysa ILAYS u sheegeen guddoomiyaha HORNPEACE Bashiir Cabdi Xariir iyo madaxa mashaariicda ee hay’addaas Maxamed Cali Maxamed. Taageerada dhaqaale ee siminaaradan waxaa iska kaashaday hay’adaha DRC, UNHCR, iyo SIDA, waxaana fulinaya hay’adda HORNPEACE. Hay’adda waddaniga ah ee Hornpeace waxa ay ka shaqaysaa degaanno ballaadhan oo ka tirsan Soomaaliya sida dhulalka maamulada Somaliland iyo Puntland, waxana ay qabataa hawlaha dhinaca nabadda iyo xuquuqda dadka dhibbanayaasha ah. Sheikh Aweys: Eratariya Waa Na Taageertaa. oggaamiye diineedka Sheikh Xasan Dahir Aweys ayaa isagu si bareer ah waxaa uu u cadeeyey in Dawladda Erateriya ay taageero ka helaan, waxaa kaloo uu carabaabay inay dagaalyahanadda mucaradka ku ah dawladda Shariifka ay ka barbardagaalamayaan islaamiyiin ajaanib ah, hadlkan ayuu Sheikh Aweys u sheegay wakaaladda wararka ee Ruaters. Sheikh Xasan Dahir ayaa horay waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanadda Islaamiyiinta inay dagaal la galaan dawladda uu hogaamiyo Sheikh Shariif, mar uu ka hadlayey dagaalkii Jimcihii 22 May,2009, waxaa uu sheegay in iyaga la soo, weeraray waxaana uu qeexay in dagaalkaas uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaa uu Sheikh Xasan Dahir tibaaxay in kooxaha mucaaradka ku ah dawladda Shariifka ay ka guulaysan doonaan. Sheikh Xasan Dahir waxaa uu xilliyadan u muuqada maskaxda hoggaaminaysa olalaha ka dhanka ah dawladda lagu soo yagleelay Jabuuti, waxaana cad inuu wacad ku maray inuu awoodda ka tuuro dawladaas , hade ahaate su’aasha la is weydiin karo ayaa ah, haddii awoodda laga tuuro kooxada Jabuuti , Muqdisho ma ku heshiin doonaa Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dagaalka kula wada jira Dawladda Shariif balse aan isku ujeedo ahayn? 4 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA AXAD 24 MAY 2009 QAYBTII 3AAD 100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay Xafiiska Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland D awladda kaalinta koowaad in uu ugu jiro dib u habaynta nidaamka caddaalada waxaa asaas u ah hagaajinta kartida waxqabad ee ciidanka ilaalada xabsiyada Puntland. Ciidankaas xubnaha hadda ka tirsan waxaa la siiyay tababar dheeraad ah, waxaana waxyar loo kordhiyay mushaharka. Maamulka Cusub waxa kale oo uu bilaabay dibu habaynta Xabsiga Dhexe ee Boosaaso si loo kordhiyo inta uu qaado, islamarkaasna loo hagaajiyo ammaankiisa. Waxaa intaas dheer, in Maamulka Cusub uu magaalooyinka waaweyn ee Puntland u magacaabay garyaqaano iyo qareeno cusub kaddib markii laga qaaday imtixaan loo galay tartan adag, taas oo ujeedadu ahayd in la yareeyo culayska saarnaa nidaamka caddaaladda. Dawladdu waxay kordhisay mushaharka qaybta caddaaladda ee miisaaniyadda caadiga ah ee 2009, taas oo loo gudbinayo Baarlamaanka Puntland dabayaaqada April. Waxaa maxaabiista oo dhan tusaale u ah, in bishii Febraayo 2009 uu Madaxweynuhu cafis u fidiyay 66 maxbuus oo ku jiray Xabsiga Dhexe ee Boosaaso. Labo maxaabiis hore ahaa ayaa si gaar ah loo xushay oo ay Dawladdu shaqaalaysiisay si uu uga shaqeeyaan gudaha nidaamka xabsiga, islamarkaasna maxaabiista u baraan dhaqan-iyo-dabeecad wanaagga iyo sidii loogu samayn lahaa dhaqan celin bulsho, waxaana barnaamij-kaas ka soo ifbaxaya natiijo wanaagsan. Yoolka mudada dheer waxaa ka mid ah in la dhamaystiro xabsiga weyn ee Qardho, caasimada Karkaar. Xabsigaasi waxa uu leeyahay qaad weyn, marka la dhamaystirana waxan uu noqon doonaa xabsiga ugu weyn Puntland. Ujeedadu waa in la dhimo culaska xabsiyada Puntland, iyo in la asaaso nimaad caddaalad oo suurta galinaya in si dhaqso ah dacwad maxkamad loo hor geeyomaxaabiista. XIRIIRKA CAALAMIGA AH Dawladda Puntland waxay u heelan tahay midnimada Soomaaliya oo hal qaran ah, oo leh hal calan oo Muqdisho u tahay caasimad. Maamulka Cusub waxa uu sidaas oo kale ugu heelan yahay xaqiijinta danaha dadka Puntland in lagu gaari karo dhismaha Dawlad Federaal ah ee Soomaaliya oo shaqaynaysa oo la maarayn karo. Taas oo jirta, Dawladdu waxay ogtahay in koonfurta-gobolada dhexe ee Soomaaliya ay yihiin meel siyaasad ahaan aan daganayn, sidaas daraadeed Dawladdu waxay ansixisay siyaasadii hore loo askumay si loo ilaaliyo danaha Puntland ilaa mustaqbalka Soomaaliya laga dhisayo Dawlad Federaal ah oo ku salaysan nidaam loo dhan yahay iyo nidaam dib-uheshiisiin taas oo ku hawlgasha Dastuur Federaal ah oo marka la samaynayo ay si buuxda uga qayb qaataan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada (sida Puntland) si looga feejignaado in ay meesha soo galaan dano cid u gaar ah, oo la xaqiijiyo xuquuqda dawlad goboleedyadu ku leeyihiin nidaamka federaalka. Bishii Febraayo 2009, Maamulka Cusub waxa uu casumaad u fidiyay hay’adaha Qarammada Midoobay, Hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah (NGO) iyo qaybaha kale ee danaynaya in ay yimaadaan caasimada Puntland ee Garoowe si ay uga qayb galaan shirweyne ujeedadiisu ahay “Dardar galinta xiriirka Beesha Caalamka.” Dawladdu waxay soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan xiriirka hay’adaha deeq bixiyaasha caalamiga ah ee ku saabsan adeegga gargaarka bini’aadamino ee hore loo joojiyay arrimo dhawr ah oo jiray sanadihii hore awgeed, oo ay ka mid ahayd amni darro iyo isfaham la’aan u dhaxaysay dawladda iyo deeq bixiyaasha. Sida ku cadayd warqad ku taariikhaysnayd 4-tii Maarso 2009, Xafiiska Xiriirka Gargaarka Bini’aadamino ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in: “Madaxweynaha Puntland iyo Golahiisa Wasiiradu ay soo bandhigeen aragti dheer oo ku saabsan horumarinta Puntland oo ay ka mid tahay u heelanaanta Dib-u-hayanta Qaybaha Amniga, samaynta bay’ad ammaan ah… waxa kale oo ka mid ah agaasimidda Miisaaniyad dheeli-tiran oo ay qayb ka tahay sida ay uga go’an tahay in dawladdu kordhiso kharashka ku baxaya qaybaha caafimaadka iyo waxbarashada, hagaajinta heerka dhaqaalaha oo si waadax ah loola soconayo, iyo sida ay uga go’an tahay bixinta mushaharka qaybaha adeegyada bulshada.” Maamulka Cusub waxa uu sii wadi doonaa xoojinta xiriirka ganacsi iyo amni ee uu la leeyahay dalalka deriska ah, sida Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Yemen. Bishii Maarso, wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne Faroole ayaa booqday Ethiopia iyo Djibouti, waftigaas oo uu ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga iyo Wasiiru Dowlaha Dimoqraadiyaynta iyo xiriirka Federaalka. Waftigii Dawladda Puntland waxaa lagu soo dhaweeyay Addis Ababa iyo magaalada Jabuuti, waxaana Madaxweyne Faroole uu kulan rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, hoggaamiyaasha Ethiopia iyo Jabuuti sida ay u kala horeeyaan. Maamulka Puntland waxa ay isla fahamsan yihiin dawladaha Ethiopa iyo Jabuuti arrimo ay ka mid yihiin danaha labada dhinac ka dhaxeeya sida ganacsiga iyo amniga. Waftigu waxay kulamo heerwasiir ah la yeesheen wasiiro kala duwan, sidoo kale waxay kulamo la yeesheen safaarado kuyaal Addib Ababa iyo magaalada Jabuuti. Booqashada Madaxweynuhu ku tagay dalalkaas waxay ahayd kulan hordhac ah ee dalalka gobolka iyo ergo dalalka dibadda ka ah Afrika. Intii ay socdeen kulamadaasi, waftigu waxa ay ku celceliyeen sida ay Dawladda Puntland meesha adag uga taagan tahay nidaamka dawladda federaalka ee la jaanqaada beesha caalamka qorshahooda dib u heshiisiin ee Soomaaliya. Waftiga Madaxweynuhu waxa uu magaalada Jabuuti kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay, Mudane Axmed OuldCabdallah,waxayna Dawladdu si aad u qoto dheer ugu sharaxday halka ay ka taagan tahay nidaamka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya. Bartamahii bishii April, Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxa uu booqday Nairobi, Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay safiirrada dalalka Galbeedka, oo uu ka mid yahay Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya Mr.Michael Renneberger. Dawladda Puntland waxay beesha caalamka u bandhigtay qorshe lagula dagaalamayo burcadbadeedda,kaas oo ku baaqay wada shaqayn iyo xiriir arrintaas ku saabsan oo dhex mara maraakiibta shisheeye ee dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo maamulka maxalliga; oo ah Dawladda Puntland. Waftiga Puntland waxay la kulmeen xubno ka socday Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Safiiro dalal badan oo ay ka mid yihiin Italy, France, Canada, Germany, Sweden iyo saraakiil ka socotay Kenya, sida Ku-xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka iyo Wasiirka Difaaca. Qorshaha Madaxweynaha ee la dagaalanka Burcad badeeedda aad ayay u soo dhaweeyeen xubnahii ka socday beesha caalamka, waxaana Madaxweynuhu dhammaan qaybaha kala duwan ee beesha caalamka ku casumay in ay soo booqdaan Puntland. Dawladdu waxay sii wadi doontaa dadaalka ay ugu jirto agaasimidda xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah, dawladaha adduunka iyo ururada caalamiga ah, sida Qarammada Midoobay. Siyaasadda Dawladda ee ku wajahan xiriirka caalamiga ah waa raadinta taageero si loo wanaajiyo laamaha dawladda, adeegga bulshada, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, si beesha caalamka ee adduunka loogu muujiyo in dadka Soomaaliyeed ay karti u leeyihiin in ay dib u asaasaan dawlad goboleed xejinaysa xornimda iyo jiritaanka Soomaaliya oo ku hoos jirta qaabka federaalka. KHAYRAADKA DABIICIGA AH Soomaaliya waa dal hodan ku ah khayraad dabiici ah oo farabadan ee dhulka iyo badda ku dhereran xeebta. Puntland waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo ah cirifka Geeska Afrika, halkaas oo ah marinbadeed albaab u ah Yurub iyo Aasiya. Taariikh ahaan, gobolkan waxaa loo yaqaan “Dhulkii Punt” halkaas oo hoggaamiyaashii Masaaridii Hore booqdeen, oo ganacsi gaar ah ugu yimaadeen sida fooxa. Sanadahii 1980-naadkii, shirkado waaweyn ee shidaalka sahamiya ee reer galbeedka ayaa qandaraasyo la saxiixday madaxweynihii Soomaalia ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre LA SOCO CADADKA XIGA AXAD 24 MAY 2009 5 ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA FEDERAALKU WAA QAAB Akhiraan Ku Haystaa XUKUN ISLAMI AH!! W/Q: C/qaadir M.Wacays Q. 4AAD Qiso Jacayl Wuxuu indhaha ku dhuftay gabadh dhinaca axmed ka xigtay maahee dhinaca kale fadhiday.. waxay ahayd muxibbo.. dhulka iyo cirka ayaa xidigo yar yar la noqday.. wuxuu rumeysan kari waayey aragtida dhaayihiisa.. wuxuu ku qararmay badweyn xambaarsan mowjado farxad ah.. Intuu is celin kari waayay buu ku yiri: weey muxibbo waa la inkirayaa miyaa?.. Muxibbo waxay la noqotay in cirka looga soo degtay , waayo si kadis ah buu hadalka uga boobay.. alla nasiib badanaa.. sowtan gabadhii uu muddada baadi doonka ugu jiray ka saxeen waayey, caawa garab fadhida. Intay xaggiisa soo eegtay bay ku tiri: jaaw… mursal iska waran. Axmed oo markii hore la yaabay isbedelka mursal ku dhacay markuu ogaaday sheekada labada dhinac ka godlatay.dhegba jalaq uma uusan siinine gabadhisii kale buu ku jeestay. Habeenkaas wuxuu Mursal u ahaa haleen qaali ah oo buuggiisa taariikhdu xusi doonto. Muxibbo oo kaligeed ah baa dhiniciisa ka dhakooshay , wallee arrin uu caawa dhameysan waayey habeen kale ma dhameysto. Wuxuu filimku ku hadlayey afka talyaaniga, wuxuuna ka sheekeynayey qiso dhex martay wiil iyo gabadh is caashaqsanaa, hase yeeshee dhibaatooyin fara badani ay kala dhex taagnaayeen; gabadhu waxay ka dhalatay qoys maaqlqabeen ah: wiilkuna wuxuu kasoo jeeday qoys sabool ah. Gabadhu iyadaa jacaylka ku beertay, isaguna kumuusan gacan saydhin ee wuxuu guntiga u xidhay siduu u waraabin lahaa geedka jacaylka ee ay iniintiisa beertay. Waxaa jacaylkooda ka war helaya gabadha qoyskooda, waxayna hadimooyin u horseedayaan wiilkii miskiinka ahaa ee isagoo iska xamaalanaya ay gabadhoodu ku dirqisay inuu jacayl la koriyo. Markey reerkiisu ogaadeen sababta dhibatooyinkaas loo dhaxalsiiyey guud ahaan iyaga gaar ahaanna wiilkooda, waxay go’aansadeen in ay wiilkooda gabadhaas ka reebaan inta ayan dhibaatadu intaas ka badan. Mataanihii is doortay ee ay waayaha iyo waalidku kala wareejeen waxay arinni la dhaafi weyday in ay isla dhuuntaan, waxay hadba umuurtii lasoo deristaba si wada jir ah gaashaanka ugu daruuraanba, wuxuu guurkoodu ku soo gabagaboobay guur lagu nasto oo raandhiis leh. Wuxuu jacaylkoodu noqday mid dhidibada aastay. Waxay tusaale u noqdeen mucaashaqiinta intay jacaylka isla barbaariyaan haddaban markey mushkiladi la soo gudboonaato kala booda oo kala dida. Filimkan jacaylka ah meel weyn buu mursal ugu soo baxay.. wuxuu u sahlayaa inuu ujeedadiisa daaha ka qaado… oo waan ku jecelahay miyuu yiraahdaa.. maya… oo haddaasna muxuu filimkan jacaylka ahi ku soo kordhiyay. Mursal isagoo ka faa’iideyssanaya dhacdooyinka uu jacaylku ka da’ayo ee uu filimku soo bandhigay uguna soo hadal qaaday jacaylka iyo sida ay iyadu u aragto. “Aboowe anigu jiritaanka jacaylka waan rumaysanahay, midkase dhallinyarada maantu is ku beer dulucsadaan waxaan u arkaa dhallanteed bushimaha uun ku siman oo hadba qofkii loo danleeyahay dabin looga dhigo” bay tiri iyadoo u hadlaysa sidii garyaqaan qaddiyad difaacaya. Mursal intuu hoosta eebe kaga mahad naqay markey qiratay jiritaanka jacaylka buu haddana weydiiyey: oo macalinkii jacaylka ayaadba tahay adigu weli jacayl ma dhadhamisay. Muxibbo iyadoo la yaaban aragtida gaaban ee uu mursal jacaylka ka qabo bay ku tiri: haddii jacaylka la isku ridi karo mar horaanba macaankiisa dhadhamin lahaa, laakiin adigu maxaad su’aalaha caynkaas ah ii weydiineysaa”. “ wax kale maahee micnaha jacaylka dhabta ah iyo sida aad adigu u aragto uun baan doonayey in aan ogaado”. Muxibbo dareen baa galay, waxayna niyadda iska tiri: armuu ku ogaaday in aad adiguba isaga jeceshahay oo aad baadiboog dheer ugu jirtay tan iyo maalintii aad baabuurka ku wada kulanteen… ooo haddii aad u sheegato maxaa ku jaban waa wiil ilbax ahe.. intay xaggiisa soo qooraansatay bay ku tiri: gacaliye adigu sideen buu jacaylka kuula muuqdaaa. Mursal dhulka iyo cirkaa la wareegay.. naxdin iyo farxad baa jirkiisa mar qura ku wada kulmay.. waa markii ugu horreesay oo ay gacaliye tiraahdo. Mursal way la adkaatay inuu muxibbo jacaylka u qeexo, wuxuuse nasiib wanaag jeebjiisa fag ka soo siiyey maqaal arintaas ka waramayay oo uu maalintas wargayska xiddigta Octoobar qoray LA SOCO CADADKA XIGA Qore: Idiris Shire Xussain e-mail: idrisshire@gmail.com T ariikhda hab dhaqan-dhaqaalaha Federaalka & sida uu assalahaan uga soo jeedo Dawladdii Islaamka (Qaybta 1aad) : Aragtiyaha kala duwan ee Soomaalidu ka qabto & danaha siyasadeed ee ku dheehan aragtiyaha qaarkood: Hordhac Sidii udubbada loogu taagay Dawladda Ku-Meel Gaarka Federaalka Soomaaliyeed (TFG) oo lagu yagleelay shirkii dib-u-hishisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay xarunta Embegaati ee dalka Kenya ilaa laga doortay Madaxweyne bishii Oktoobar 2004. Ilaa wakhtigaas, goobaha fadhi-ku-dirirka Soomaalida, waxaa aad ugu batay hadalhaynta erayga (Federal) & faallayntiisaba. Goobo fara badan oo aan goobjoog ka ahaa, oo laga doodayo saamaynta siyasadeed ee qaab xukunka Federaalku ku soo kordhinayo masraxa siyaasadda soomaaliyeed, waxaa iiga soo ifbaxay inay dadku ka qabaan aragtiyo aad & aad u kala fog! Tusaale ahaan, kooxi waxay qabtaa in maamullada ay samayndoonto dawladda (TFG), siday ugu qeexantahay (Axdi Qarameedka Ku-Meel Gaarka), inay midnimada & qaranimada soomaaliyeed lagu weeqayo oo Soomaaliya loo jarjari doono maamullo yaryar oo aan itaal badan lahayn, sida ay badanaaba ku hadaaqi jireen madaxda sare ee Dawladdii hore (TFG) ee lagu dhisay magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayna odhan jireen fikradda (Federaalku) waxaa ka dambeeya dawlado cadow u ah midnimada & qaranimada Soomaaliya! Iyaga oo ulajeedadooda dhabta ahi ay tahay inay Ummadda Soomaaliyeed ku sanddulleeyaan inay mar kale, ka amar qaadato magaala madaxda qaranka ee Muqdisho sida uu xaalku ahaan jirey 1960 illa xilligii burburka ee Jan. 1991 Koox kale, waxaa iska dhex galay laba qaab xukun oo kala ah (Federal) & (Confederal). Qaabka (Federal) wuxuu khuseeya hal ummadd oo leh hal shakhsiyadeed oo dastuuri ah, hal calan, midaysan, marnaba & sinaba u kala tegi karin sida (The United States of America), marka laga reebo (Texas) oo gadaal ku soo biirtay (The Act of Union – Axdiga Midnimada) shardina ku darsatay inay kabixi karto Dawladda Maraykank haddii shacabka reer (Texas) badankiisu, marka afti laga qaado, ay taladiisu sidaas u badato. Ka labaad (Confederal) wuxuu khuseeyaa laba ummadood/ qurumood amba ka badan oo markoodii horena kala lahaa shakhsiyado dastuuri ah, affaf & calammo kala duwan, sidaasna iyagoo u kala madax bannaan ku heshiiyey inay wada samaystaan qaab maamul ay wadagaan. Isbahaysigaas waxaa ka abuurma maamul kale oo hor leh oo (Confederal) ah oo hal calan leh (The Russian Confederation) oo kale. Dalka Switzerland, isna waa tussale kale. Sidaas awgeed, dal kasta ama ummadd kasta oo isbahaysigaas ka mid ah xaq bay u leeyihiin inay dib ugu laabtaan ka qaybgalkiisa kuna noqdaan madax banaanidodii hore, intaanay isbahaysiga (Confederalka) ka mid noqon. Isku-dhexyaacintaas labada qaab, Soomaalida dhexdooda, waxaa dhiirgelinaya siyaasiinta Soomaalida qarkood iyagoo garanaya faraqa labada qaab xukun u dhaxeeya, waxayna ka tahay inay aburaan jaahwareer siyaasadeed oo horseedi kara in Soomaalida loo arko inay yihiin ummado kala duwan, taasina xiliyo dambe fududaynaysa in Ummadda Soomaaliyeed dhowr dawladood oo yaryar loo jarjaro. Koox 3aad, waxay iyaguna qabaan in maamullada la samayndoono, amaba kuwa haddaba jiraa, inay lahaanayaan xoriyaad kaamil ah oo sida qolo kastaba doonayso u maarayn karto arrimaheeda maamul gudo & debedba, sida loollanka ka dhex taagan maamulada jira qarkood & Dawladda (TFG), gaar ahaana shuruucda la xidhiidha dakhliga cashuurta ka soo xeroota & soo saaridda khayraadka dabiciiga ah! Aragtiyadaas kor ku xussan & kuwa kale oo ka duwan, oo aan qormadan lagu wada xusi karin, lakiin kuwan aan sheegnay ugu muhiimsan yihiin, waxay hordhac u yihiin falooyin kale oo la xidhiidha oo aan idiin soo bandhigi doono, dhamamaantoodna waxay ka mid yihiin baadhitaan kooban oo lagu qaada-dhigayo halka uu assalahaan ka soo jeedo (Qaab Xukunka Federaalka).& markiisa horeba halka uu ka soo unkamay & duruufaha ay fikradiisu ku dhalatay & dawladdii ugu horraysay oo hirgelisay. Si yolkaas loo gaadho waxaa inoo muuqda inaanay ka fursanayn in gogolxaadh ku habboon loo sameeyo & dulmar lagu baadigoobo dhammaan hababka qaab xukun & dhaqan-dhaqaalhooda siyaasadeed (Qaab Xukunka Guud) ee aadanuhu lahaan jirey & kuwa uu leeyahay illa wakhtigan xaadirka ah. LA SOCO CADADKA XIGA 6 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA DAGAALKII OGAADEENYA W/Q:- Dr. Saadiq Eenow G aashaanle Mengistu Xayle Mariam oo madaxweyne noqon doona, wuxuu ahaa ku xigeenka guddoomiyaha golaha ciidamada. Gaashaanle Berhanu Bayeh wuxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyay oo ka hor yimid nadaamkii Mengistu. Gaashaanle Kiros Alemayehu oo wakhti dambe inta la xiray xabsiga isku dilay. Gaashaanle Daniel Asfaw oo aanan golaha kamid ahayn, lase shaqeeyay, waa la toogtey. Gaashaanle Sisay Habte aqoonyahan sarkaal ciidanka cirka ka tirsan, waa la toogtey. Laba Xiddigle Sileshi Beyene waxaa lagu diley amar uu bixiyey Mingistu. Laba Xiddigle Bewketu Kassa waxaa isna lagu diley amar uu Mingistu bixiyey. Damme Miikail Gebrenegus oo markii dambe intuu baxsaday ku biiray urukii ka dagaallamyey Eriteeriya sanadkii 1975-kii. Guud ahaan, saraakiisha Itoobiya ee dhaqdhaqaaqa waday, waxaa ku dhex jirey khilaafaad ku saleysan meelihii kala duwanaa oo ay ku soo qaateen aqoonta iyo tababarrada ciidameed. Ragga wax ku soo bartay kulliyadaha reer galbeedka waxay ahaayeen rag akaadeemik ah oo ay tacliintooda ciidameed ay sarreeyso. Qolo kale waxay ka soo qalin-jebiyeen kulliyadihii dalka gudihiisa ahaa. Kuwaas oo lagu xaman jiray in aqoontooda ay hooseeso, waana ay dareensanaayeen in laga tayo wanaagsan yahay. Qolo kale ayaa jirtay oo ahaa ciidamada cirka iyo kuwa badda oo iyagu aamin sanaa in ay yihiin kuwa ugu aqoon wanaagsan ciidamada Itoobiya. Sida la´ogsoon yahayna Itoobiya waa dal laga aaminsan yahay kala sarreynta maaddiga ah. Bishii agosto, guddi-hoosaadkii iyo koox kale oo dibadda laga keenay ayaa waxay bilaabeen in ay u howlgalaan sidii ay boqorka u fogeyn lahaayeen. Waxay sameeyeen tijaabooyin ay dadweynaha ku eegayaan heerka uu gaarsiisan yahay niyadda ay boqorka u hayaan. 25-kii bisha, qasrigii boqorka oo la oran jiray Jubilee Palace, ayay magacii ka bedeleen oo ay u bixiyeen National Palace. 27-kii bisha gaadiidkii ka shaqeynayay magaalo-madaxda oo la malaynayo in ay ahaayeen hanti uu boqorku leeyahay ayaa la qarameeyay. Waxaa xigay Hayle Selassie Trust iyo St. George Brewery oo ahaa laba shirkadood oo waaweyn ayaa lala wareegay 5-tii sebtember. eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun qalin ka sameysan. Xilligaas magaalooyinka Itoobiya waxaa telefishan ka lahaa Adis-ababa oo keliya. Dad-weynihii ku noolaa magaalo-madaxda oo filinkaas daawaday waxaa u kordhay caro iyo nacayb ay u qabaan boqorka iyo maamulkiisa. Waxay diyaar u noqdeen in ay soo dhoweeyaan aragti walba oo lid ku ah nadaamka Embraadoor Xayle. Mengistu Xayle Mariam 7-dii iyo 8-dii bishii sebtember sanadkii 1974-kii, fadhi ay guddihoosaadkii qaateen, ayaa waxay isku tusiyeen in wax ka hor-imaad ah uusan jireynin haddii uu goluhu boqorka kala wareego talada dalka. 10-kii sebtember guddigu wuxuu guddoonsaday in ay talada dalka la wareegaan. Guddi-hoosaadkii, iyaga oo doonaya in ay sii kororto colaadda dadweynaha Itoobiya ay u qabaan boqorka iyo nadaamkiisa, baa waxay adeegsadeen filin dokumenteer ah oo uu duubay nin la yiraahdo Jonathan Dimbelby´s oo ku saabsan abaarihii xilligaas Itoobiya ka jirey iyo rafaadkii ka muuqday nolosha dadkii reer miyiga ahaa. Abaartaasi oo ahayd mid degaanka ku habsatay, ayaa Soomaalidu ay ku magacaabeen Daba Dheer. Guddigu wuxuu adeegsaday telefishinkii dalka oo uu ka sii daayay barnaamijkaas oo horay inta loo duubay la qarinayay Waxaa kale oo ayaamahaa telefishanka dalka laga sii daayay filin ku saabsan noloshii raaxada badnayd ee uu boqorka iyo dadkiisa ay ku jireen. Waxaa kamid ahaa waxyaabihii dadweynaha loo soo bandhigay, boqorka oo eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun qalin ka sameysan. Xilligaas magaalooyinka Itoobiya waxaa telefishan ka lahaa Adis-ababa oo keliya. Dad-weynihii ku noolaa magaalo-madaxda oo filinkaas daawaday waxaa u kordhay caro iyo nacayb ay u qabaan boqorka iyo maamulkiisa. Waxay diyaar u noqdeen in ay soo dhoweeyaan aragti walba oo lid ku ah nadaamka Embraadoor Xayle. Waxaa kale oo ayaamahaa telefishanka dalka laga sii daayay filin ku saabsan noloshii raaxada badnayd ee uu boqorka iyo dadkiisa ay ku jireen. Waxaa kamid ahaa waxyaabihii dadweynaha loo soo bandhigay, boqorka oo 12/ 9- 1974-kii guddi-hoosaadkii waxay xireen boqorkii iyo wasiiradiisii. Isla maalintaas ayaa golihii waxay u fariisteen in ay iska doortaan nin hoggaamiye ah. Waxaa la soo bandhigay in guddoomiye loo doorto Gaashaanle Atnafu Abate. Golihii waa ay ku qeybsameen, waayo qolo kale ayaa waxay wateen in goluhu uu odey ka noqdo Gaashaanle Mengistu Xayle Mariam. Labada sarkaal waxaa xiiso loo qabay kan danbe, waayo wuxuu ka yimid qoys sabool ah, mana u dhalan qowmiyadda Amxaarada ah oo xilligaas ahayd kuwa talada hayay. Saraakiil badan baa qabay in shakhsiyadda Mengistu uu sawir qurxoon u noqon karo kacdoonkan xambaarsan aragtida hantiwadaaga ah. Ragga aragtidaas qabay waxay doonayeen in ay jebiyaan dhaqankii gacan-sareynta ahaa oo ay Amxaaradu ku heysatay qowmiyadaha ay isku degaanka yihiin. Si khilaafka u yaraado ayaa golihii waxay guddoonsadeen in ay labadii sarkaal ka leexdaan oo ay doortaan Jeneraal Ammaan Maikal Andom taliyihii qeybta saddexaad ee ciidamada Itoobiya. Waa jeneraalkii ku soo duulay Soomaaliya 1964-kii. Saraakiisha Itoobiya ee ka soo howl-galay gobolka Ogaadeenya, ayaa mudnaan gaar ah ku dhex lahaa ciidamada. Taasina waxaa u sabab ah qalafsanaanta cimilada gobolka iyo dadkiisa oo ahayd mid askariga jilicsan aanan u saamaxeyn in uu ku noolaado. Culayska ay Soomaalidu xilligaas ku hayeen ciidamada Itoobiya waxaa la oran karay waa mid la muuqaal ah culayska ay ciidamada Masar ku hayeen ciidamada Israa´iil, inteeyan heshiin. Sidaa darteed Jeneraal Ammaan oo muddo dhowr iyo toban sano ah ka soo khidmeeyay ciidamadii fadhiyay Ogaadeenya ayaa helay doorashadii golaha. Markii la doortey Jeneraal Ammaan, waxaa fariisan waayay AXAD 24 MAY 2009 Mengistu oo ku dadaalay in uu dibin-daabyo hoose ku maja-xaabiyo jananka, si uu u curyaamiyo howlaha golaha. Mengistu waxaa ku weynaa damac ah in uu isaga odey ka noqdo dalka. Cimilo uu kaashadona waa ay u muuqatay oo dad badan ayaa u jidbeysnaa. Jeneraal Ammaan wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah, dad-weynaha reer Itoobiyana sumcad wanaagsan ku leh. Waxaa u weheliyay wuxuu ahaa sarkaal daacad u ah howlihiisa. Haddii uusan Mengistu jiri lahayn wuxuu noqon lahaa nin Itoobiya ka badbaadiya xasuuq badan oo ay martay. Jananku wuxuu markiiba golihii soo dhex-dhigay talo ah in uu doonayo in uu arrinta Eriteeriya ku xalliyo si nabad ah. Wuxuu ahaa nin hal-abuur leh. Wuxuu isku deyay in uu dhiso mu´asasad dowladeed oo si toos ah ula wareegta talada dalka, isagana uu madax ka yahay. Dhalashadiisa oo Ereteriyaan ahayd ayaa waxay noqotay duleel loo adeegsado in lagu jebiyo isaga iyo aragtiyaalkiisii siyaasadeed. Bartamihii bishii nefember, Jeneraal Ammaan waa uu is casilay. Wuxuu sheegay in xilka uu hayay uusan ku soo laabanayn illaa goluhu u aqoonsado in uu dalka madaxweyne ka yahay. Mengistu, oo ka socda guddi-hoosaadkii ayaa aroornimadii ay taariikhdu ahayd 23/ 11- 1974-kii ku kallahay aqalkii uu ku noolaa Jeneraal Ammaan, isaga oo kala doodaya aragtiyaal ay kamid ahayd taladii jananka uu ka dhiibtay Ereteriya. Isla maalintaas ayuu Mengistu wuxuu amray in jeneraalka lagu xabbiso gurigiisa. Waxaa kale oo uu xabsiyada u taxaabay 22 kamid ahaa saraakiishii dalka oo uu ku dareensanaa in eeyan raalli uga noqoneynin in uu xukunka maroorsado. Isla galabtaas, koox ciidamo ah oo uu hor kacayo Gaashaanle Daniel Asfaw, ayaa waxay hareereeyeen aqalkii Jeneraal Ammaan. Kooxdaasi oo ku baxay amar uu bixiyay Mengistu Xayle Mariam ayaa waxay xabado is-dhaafsadeen ilaaladii jananka. Waxaa halkaa lagu laayay saraakiil dhalinyaro ahayd oo jeneraalka taageersanayd. Dabadeed Jeneraal Ammaan, waa uu is-dilay, isaga oo qaba lebiskii ciidamada Itoobiya. Habeenkaas, fadhi ay goluhu qaateen ayaa Mengistu lagu wareystay in uu war-bixin ka dhiibo falka uu ku kacay.Dhiiga gacmihiisa ka qoyan, ma noqon mid uu la xishoodo, bal wuxuu ku adkaystay in uu jid u leeyahay falkaas.Halka uu goluhu doonayay in uu xasiliyo siyaasadda dalka, LA SOCO CADADKA AXADA AXAD 24 MAY 2009 Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay weyn ku leh dhaqaalaha adduunka. kale oo muhiim ah in lagu Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego . Waxaa baaraarugsanaado in dalka YeYemen oo Qoraal Qabyo ah u Gudbisay Qarammada Midoobay CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009 “20kii March 2009 ayaa Jamhuuriyadda Yemen waxay Guddiga xadaynta badaha Adduunka ee UN-ta u gudbisay cabbirada xadaynaya dhul-badeedka ka baxsan fogaanta 200nmi ee qalfoofka qaaradda, ayada oo raacaysa qodobka Article 76, qaybtiisa 8, ee xeerka badaha Qarammada Midoobay ee 10kii December 1982,” sidaas waxaa ku bilowday qoraal ay 20kii Maarso 2009 faafisay shabakada UN-ta.[32] - Waxaana shabakadda UN-ta ku xusan in qoraalka ay soo tebisay Yemen lagu dari doono qorshaha ay ka wada hadli doonaan Guddiga Qaraammada Midoobay shirkooda 24aad oo New York lagu qaban doono inta u dhaxaysa 10ka August ilaa 11ka September 2009. Qoraalka ay gudbisay Yemen waxaa la socda khariidad kooban oo muujinaysa cabbirada (looka iyo dhigaha) qayb ka mid ah aagga dhanka Koonfur Bari ka xiga jasiiradda Suqadara, sida ka muuqata sawirka hoose. Laakiin weli shabakaddu ma soo bandhigin dhammaan cabbirka badda Gacanka Cadmeed ee xadaysa Yemen iyo dhulka Soomaalida: Laga soo bilaabo aagga ku beegan jasiiradaha Saacadadiin iyo Ceebaab oo qiyaastii 10km u jira Saylac ilaa laga gaarayo cirifka Caluula. Sida aan hore usoo aragnay, jasiiradda Suqadara waxay caqabad ku tahay baaxadda badda Soomaaliya. Islamarkaas marka la fiiriyo loolka iyo dhigaha ay Yemen ku muujisay cabbirka cusub waxa ay toos ugu beegan yihiin aagga Xaafuun yihiin dhulka hoos imanayay Talyaaniga, sidaas daraadeed jasiiradahaas waxaa hadda leh Soomaaliya. Xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waa xeeb siman, marka xeebtaas laga socdo xarriiq labada dal isku in u jirta oo dhanka badda loo socdo 200nmi ee aagga Ganacsiga (EEZ), barta xadaysnaysa waxay dhacdaa loolka iyo dhigta 3°30’S iyo 44°19’E. Maadaama xeebta labada dal xadaynaysa ay ku dherersan tahay jihada KoonfurGalbeed-WaqooyiBari, markaas xarriiqda xadaynaysa badda labadaas dal waxay u soconaysaa jihada Koonfur-Bari Maadaama Kenya iyo Tanzania ku heshiiyeen xadka xeebtooda, iskuna raaceen in xarriiqda xadaaynaysa ay la barbarro tahay loolka dhanka Waqooyi ka mara jasiiradda Pemba, taas waxay sababtay in badda Kenya ay ka soo yaraato dhanka xiga Tanzania marka loo sii durko badweynta. Waxa aan suurto gal ahayn in Kenya oo adeegsanaysa caqabadaas kaga timid dhanka Tanzaniya ay Soomaalida ku qanciyaan in xariiqda kala qaybisa (Soomaaliya-Kenya) ay tahay xariiq taas looga cabbir qaabana karo oo barbarro la ah loolka oo u socota jihada bari, sida tan Tanzania. Waxaa xusid mudan in dhanka Waqooyi ee Soomaalida ay xannibayso jasiiradda Suqadara. (Prescott & Schofield 2005, 466). In qodobbadaas lagu adkeeyo qoraalka waa dulucda warbixinta. Gabagabo: Inkasta oo cabbirada ay Kenya iyo Yemen u gudbiyeen Qarammada Midoobay ay qabyo yihiin (oo la arki doono cabbiradooda kama dambaysta ah iyo warbixintooda oo faahfaahsan), haddana marka si qoto dheer loo eego xogta ay ilaa hadda u gudbiyeen Guddiga Xadaynta Badaha (oo ay u adeegsan karaan tixraac buugaagta ku qormaya), waxaa si cad uga muuqda isku day in dhul-badeedka Soomaaliya si xarfadaysan looga dhaxal wareejiyo Soomaalida. Gabagabadii, arrimaha muhiimka ah oo u baahan in lala socdo waxaa ka mid ah: qaabka ay Dowladaha badda la wadaaga Soomaaliya ay badahooda xadayn cusub ugu sameeyaan. Waxaana dalalkaas ka mid ah Seychelles, Maldives, Hindiya iyo dabcan Yemen iyo Kenya oo aan dhammaantood bad wadaagno. (FG: Jasiiradaha Seychelles waxay xogta cusub ee xadaynta baddooda ku wareejiyeen Qarammada Midoobey December 2008)[33] Markale aan naqtiin aahaan ku dib u jalleecno waxay arrimahaas ka xuseen buugaagtii hore loo qoray: Waxaa aad muhiim u ah in si weyn isha loogu hayo xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, maadaama gacanka cadmeed uu u kala baran yahay labada dal, waa in la hubiyo in aan Yemen soo ruuqaansan ama xadkeeda u soo durkin dhanka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas[34] tahay meel muhiim Xadka xeebta ee Kenya iyo Soomaaliya wxaa ku dhow jasiirado yaryar oo xiriirsan oo loo yaqaan Lama Shaaqa. Axdigii “1924 Anglo-Italian Treaty” waxa uu si Qeexan u sheegayaa in jasiiradahaasi ay raacsan 7 ILAYS NEWSPAPER/CAYAARAHA men loo malaynayo in ay shidaal ka sahamiyeen aag aad ugu dhaw cirirfka waqooyi ee Soomaaliya ee la ollogga ah Suqadara. (Arrintaas waxaan December 2007 ka qornay qoraal cinwaankiisu ahaa “Dalka Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda Soomaaliya?”.[35 Sidoo kale waxaa taxadar weyn u baahan in isha lagu hayo xadka badda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. Waxaana xusid mudan in lagu tuhmayo Kenya in ay hore baaritaan sahamin shidaal ugu samaysay Lamu meel u dhow oo loo malaynayo xadka xiga badda Soomaalida Gabagabada warbixintan waxaa lagama maarmaan ah in markale la xuso sababaha loo sameeyey xeerka badaha in ay salka ku hayso arrimo la xiriira dhaqaale iyo ganacsi iyo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira cidda yeelaneysa (Kalluunka iyo Batroolka). Dhamaad Shiekh Xasan Daahir oo ($25,000) ku bixiyay safarkii uu Mogadishu ku tagay iyo Shiekh Umal oo eedeemo loo soo jeediyay: Daily Nation/Tarjumadii Somalitalk Wargeeska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Khamiis May 21, 2009 bogiisa hore ku soo daacabay warbixin uu kaga hadlayo qaabkii uu Shiekh Hassan Dahir Aweys ugu laabtay magaaladda Mogadishu warbixintan oo uu cinwaan ooga dhigay wargeeska (Wanted al Qaeda man flew in Kenyan plane). Sheikh Aweys iyo lix nin oo kalle oo lagu sheegay in ay Somalia yihiin ayaa bishii April 22, 2009 mar ay u socdeen magaaladda Mogadishu ku hagaday garoonka Wilson airport ee magaaladda Nairobi. Balse sidee arrintaas ku dhacday.? Wargeeska Daily Nation oo arrintan baaritaan dheer ku sameeyay ayaa sheegay in Hassan Dahir Aweyn iyo Lixda Qof ee la socotayba ay ku baxday lacag gaareeysa $25,000 oo u dhiganta (Sh 1.9 m). Dhan kalle wargeeska Daily Nation ayaa sheegay in ay la xariireen Maamulka iyo Shaqaalaha Wilson Airport. Balse wargeeska ayaa sheegay in qof magaciisa aan la soo sheegin uu tikidka u jaray kooxdan oo Hassan Daahir Hogaaminayay, ninkan ayaa la sheegay in uu yiri waan u shaqeeyaa shirkada Farah Transport oo aan faah-faahin dheeraad ah aan laga bixin. Lixda nin ee ku wehlisay safarka Hassan Daahir ayaa magacyadooda lagu sheegay in ay kala yihiin Osman A. Hassan, Aden W. Diriye, Ali O. Mohamed, Kheyre A. Ali, Mohamed S. Ali and Idris J. Abdi. Dhmaan ragan ayaa la sheegay in ay yihiin Somali. Dhanka kale wargayska oo soo xiganayey ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in lacag aruurin waxa ay ugu yeereen kooxaha xagjira oo soomaali ah oo sida wargeysku sheegay lacagta ku ururiya hoteel ku yaal xaafada islii ee Nairobi. Waxaa wargaysku yiri mid kamid ah dadka lacagta uruririya waa Sheikh Umal. Waxaa wargaysku sheegay in lacagta islii laga ururiyo ay qayb ka tahay shabakad isku xiral ilaa Yurub oo lacag loogu ururirano waxa ay ugu yeereen dagaalyahanada xagjira ee Muqdisho. Dhan kalle dowladda Somalia ayaa cabasho u gudbisay dowladda Kenya, safiirka DFKMG ee Somalia ee dalka Kenya u fadhiya Mohamed Ali Nuur “Americo” oo waraysi siinayay TV-ga Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa cadeeyay In dowlada Kenya gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada ay arrintan u gudbiyeen. “Dowladda Kenya waxay balan qaaday in ay arrintan dib u fiirin doonto” ayuu yiri Cali Americo. Arrinta ayaa imaneeysa kadib markii kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda FKMG ah ee Somalia la sheegay in ay isku dayeen in ay ridaan dowladda Somalia ee uu hogaamiyo Madaxwayne Shiekh Shariif. Dhan kalle kullankii dowladaha IGAD ay ku yeesheen dalka Ethiopia ayay ku sheegeen in ay dhibaatooyinka Somalia ka socday ay qeeb ka tahay dowladda Eritrea LANDLINE Adeeg-yada ay bixiso shirkada Telcom Puntland waxaa ka mid ah Landline ,landline-ka ay bixiso shirkadda Telcom puntland macaamiishu waxa ay isku wici karaan lacag la’aan gudaha Puntland oo dhan waana landline casri ah oo wata feature-skii ugu danbeeyay ee dunida maanta laga isticmaalo Landline Features Abbreviated Dialing (Nambar garacasho fudud ama garaacis aad soo gabsanayso.) Si aad u dalbatid fadlan garaac *51*12*Lambarka doonayso in aad wacdo# Si aad isaga xirtid fadlan garaac #51*12# HORYAAL PRINTING CENTER Absent subscriber ( marka aad ka maqantahay Landline-kaaga waxad ku xirankartaa fariin ) Activation *50# Deactivation #50# Do not Disturb. Waa adeeg loogu talogalay inaad ku xirto telefoonkaaga wakhtiga aad seexanayso si aan laguu soo wicin ilaa inta aad kakacayso Si aad u dalbatid *56*HHMM# Si aad isaga xirtid #56# .Call Waiting Haddi aad rabto in usan telefoonkaga mashquul kaa nooqon inta aad ku hadlayso laguna soo wici karo. Activation *58# Deactivation #58# Wake up Alarm Hadii aad donayso inaad telefoonkaga ku buuxiso waqtiyo farabadan aad balan leedahay si uu ku xusuusiyo balamaha Si aad u dalbatid fadlan garaac *55*HHMM# Si aad isaga xirtid fadlan garaac #55# Hot Line Ku buuxi telkaaga 5 ilbiriqsi kadib in uu kuu waco telefonka aad gashatay markii aad gacanka telefoonka kor u qaado. Si aad u dalbatid *52* Lambarka doonayso in uu ku waco# Si aad isaga xirtid #52# MCID service Oganshaha telefoonka kusoo wacay hadii aad haysato telefoon aan shaanshad leheyn. Activation *33# Tusaale: dhagayso lambarka qofka kusoo wacay oo maqal ah. Tusaale: dhagayso lambarka qofka kusoo wacay oo maqal ah. Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com JOWLE ENTERPRISES Office Stationery jowle2003@hotmail.com Electronics and Satellite Digiitals Office furnitures Renting Cars % For Selling ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY Buugta Akhriska Buugta Iibka & Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO & QIIME KURAALI GALIYA Wixii faahfaahin ah kala xiriir For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724 Tell :- 824299/796169/726169 BOSASO SOMALIA
Similar documents
ilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
More informationFaallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:-isse80@gmail.com Ilays designer Omar Said moh’ed
More informationxog-doon.3
jebisay heshiiskay la gashay dadka Somaliland.(1884-188 9, waxay kanna saar…." Waxaa xafladda ka soo qayb galay wafti ka yimi dawladda Ingriisku beelaha Waqooyi la gashay heshiis odhanayay Muqdishu...
More informationAways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- isse80@hotmail.com
More information