Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay
Transcription
Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay
ILAYS ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- isse80@hotmail.com AXAD 26 APRIL 2009 Caddadka 25aad, 25aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh OUR SERVICE OUR SERVICE GSM INTERNET SMS MASSAGE E-ADEEG M.waynaha PL “Waxaa Nala ku yiri Maamulkiina Ayaa qayb ka ah burcad-badeeda” Puntland Oo Laga Xusay Maalinta Duumada Adddunka Wasiirka Maaliyada Puntland Waa kuma? Miisaaniyada 2009, Maxay kaga duwanaan Doonta Tii 2008? EEG BOGGA 7AAD Toddobaadkan, xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxay gollaha Wakiilada ee puntland u gudbin doontaa Miisaaniyad sannaadeedka 2009 oo muddo saddex billood ah ay xukuumadu ku soo diyaarisay. Lacag Loo Balanqaaday somalia iyo Qaabka Loo Qaybsanayo Dakhligii 2008 Ee DGPL EEG BOGGA 3AAD Taariikh nololeedkii S/Guud Ismaaciil Cali Obokor EEG BOGGA 7AAD Aways Oo Hadlay Iyo Shariif Oo U Jawaabay EEG BOGGA 2AAD Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada:Qaanuunka . EEG BOGGA 5AAD Sannadka 2008, qiyaasta dakhli ee la sameeyey waxay ka badnayd tii Sannadkii 2007,waxaana ku kordhay Dakhliga Dowlada, Shso.4.736B una dhiganta 18.6%, taas oo ku dhisan qiyaas laga qaatay saansaanta socodka dakhliga dhabta ahi u soo xerooday sannadkii 2008. Waxaa kale oo jirtay in Wasaaradda Kallumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda sadaal dakhli oo dhan shso. 5 B bishiiba oo ka imaanaysay Ruqsada Gaadiidka Kalluumaysiga, iyagoo ku adkaysanaayay in ay dakhligaas soo xerayn doonaan dhamaantiis. Hase yeeshee, qiyaastaas waxaa laga qaatay oo miisaaniyadda lagu daray Sh.so. 1.592B oo u dhiganta 30% oo ka mid ah dakhligii ay keeneen. Sidoo kale waxaa jirtay wareejin dakhli oo aan badnayn oo ka imaanaysa Curaaraha Hay’adaha Dawladda loo qabto, sida ku cad Xeer Madaxweyne Lr. 135 ee August 23, 2007. Iyadoo aynu ognahay in dowladu weli ku dhaqanto Misaaniyadii la dejiyay 2008,Haddaba Maxay Noqon doontaa Misaaniyada Cusub, Waa kuma Wasiirka cusub ee Maaliyada EEG BOGGA 2AAD AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER Faarax Cali Jama, Wasiirka Maaliyada Puntland waa kuma? Madaxweyne Shariif Oo Jawaabay Xasan Daahir Sabti,25,April, Somaliweyn Mogadishu Sabti, 25 April 2009 TAARIIKHDA WASIIRKA Madaxweynaha Dowladda FKMG W/D Omar M. Farah (dhollawaa). Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed oo ku sugan magaalda Buaksalis Shakhsi ahaan Faarax waa nin deee dalka Belguim ayaa sheegay gan, leh aqoon diimeed, mid cilmaani in uu soo dhaweynaayo imaatinka ah iyo mid dhaqanba. Intaan ka aqamagaalda muqdisho sh.Xasan an waa nin ka fiirsada ficilkiisa aadna isaga ilaaliya eeda dadka. Waa Daahir Aweysa. Dhinaca kale wuxuu sh. Shariif ku nin Soomaalinimadu ku weyn tahay booriyey dham maan kooxaha aadna u dareensan dhibta ummada mucaaradka ee dowladiisa in ay haysata iyo meeshay salka ku haynoqda an mucaarad wax dhisaya, so, aadna u odorosa sidii looga bixi isla markan aan loo bahneyn in ay lahaa. Faarax wuxuu ka mid ahaa noqdaan kuwa horseeda dagaalo odayaasha reer Puntland ee aadka iyo burbur in dal ka dib loogu celiyo, ugu ololayn jiray sidii Puntland horubacdamaa shacabka Soomaaliyeed mar heer walba ah loo gaarsiin lahaa aanay ka soo bogsanin dhaawacyadii loona ilaalin lahaa nabadeeda oo loo 18ka sano ka soo gaaray dagaaladii arko inay asal u tahay horumarka. dalka ka dhacay. “Waxaan filayaa Sheekh Xasan Dhinaca aqoonta, Faarax wuxuu xirDaahir inuu ku baraarugsan yahay fadiisa ka bilaabay ciidamadii xooga marxaladan adag sidii dadka iyo looga dalka Soomaaliyeed wuxuuna qayb saari lahaa” ayuu yiri Madaxweyne weyn ka soo qaatay dagaaladii 77da Sheekh Shariif oo dhinaca kale oo Soomaaliya la gashay Ethiopia, tilmaamay in mucaaradka dowladiisa ka dibna waxaa loo xiray sabab la ay ka qeyb qaataan nabadgelyada, xiriira haybtiisa oo xilligaas qof ugu sharciga iyo kala dambeynta in dalka filayd in la xiro haddaanba la dilin. Burburkii dalka ku habsaday ka dib lagu soo celiyo. wuxuu u dhoofay ugu horrayn dalka Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh Yemen, halkaas oo uu uga sii hayShariif ayaa tacsi u diray dhammaan aamay dalka Newzealand oo uu saraakiishii Maxkamadaha Islaamiga muddo ku noola kagana qalin jebiyah ee lagu dilay Muqdisho, wuxuuna ey Jaamacada kuna bartay aqoonta ugu baaqay kooxaha dilalka kawada xisaabaadka. Muddo ka dib wuxuu u gudaha dalka, in marnaba aanay soo degel rogtay Australia. Wuxuuna gaareynin hadafkooda mar haddii ay shaqa ka bilaabay hay’ad caalami banneysanayaan daadinta dhiigga ah oo la yiraahdo International Plan, halkaas oo uu haystay qaybta xisaashacabka. baadka-soo-gala-hay’da. Muddo ka Jocob Zuma & Xisbigiisa dib Faarax waa iskaga tegay shaqaANC Oo Ku Guulaysatay daas Doorashadii Dalka Koonfur Africa Sabti,25,April, Somaliweyn Xisbiga talada haya ee ANC, ayaa si weyn ugu guulaystay Doorashada Madaxtinimada ee dalka Koonfur Afrika ka dhacday arbacadii, sida uu ku dhawaaqay gudiga Doorashada. Ka dib tirintii codadka ilaa 23-Milyan oo ruux, ayaa sida in badan la saadaalinayey waxaa si rasmi ah ugu guulaystay doorashada guud ee dalka Koonfur Africa Hogaamiyaha Xisbiga African National Congress (ANC) Jocob Zuma, sida uu kusoo waramayo wariyaheena Koonfur Africa C/risaaq C/laahi Maxamed Indhajaceyl. ANC, oo saddex-meelood laba meel heshay taageerada shacabka, ayaa hanatay 65.9% codadka la tiriyey, xisbiga DA oo loolanka doorashada si aad ah uga muuqday ayaa isna heley ilaa 16.66%, halka xisbiga COPE uu heley 7.42%. Hase ahaatee gudiga Doorashada ayaa ka dhawaajiyey in Xisbiga ANC, uu waayey awoodii hanashada dejinta dastuurka dalka, oo uu ku seegay hal cod oo qura. 2 wuxuuna dib u galay mid ka mid ah Jaamacadaha Australia kuwa ugu sarreeya oo la yiraahdo Monash University halkaas oo uu ka qaatay Shahaadada loo yaqaan Master oo uu ku bartay Culuumta sarre ee xisaabaadka iyo maaraynta. Muddo ka dib Faarax wuxuu shaqo u bilaabay shirkad weyn oo ka taal Gobolka Fiktooriya una jirta Melbourne 120 Kilometer, wuxuuna ka shaqeeyey qaybta maaraynta xisaabaadka. Wuxuuna halkaas ka shaqaynayey ilaa dhamaadkii 2008da. Faarax intaan kala socdo, Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Puntland ee hadda saaxiib gaara maahayn, laakiin waxa keliya oo ka dhexeeyey wuxuu ahaa iyaga oo siyaasada guud oo dalka aragti siman ka lahaa, wuxuuna Cabdiraxmaan ogaa aqoonta iyo kartida Faarax, oo ay weliba u wehelisay aqoonta dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo muhiima marka loo adeegayo dad Soomaaliyeed. Labadoodu waxay ka midaysnaayeen wax ka bedelida hanaanka iyo beekhaaminta dhaqaalaha iyo u dib-ugu-jihaynta dhaqaalaha dadka xaqa u leh. Mana jirin xiriir shaqo oo ka dhexeeyey Faarax iyo Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaana kuma lahayn kumana yeellan meherad ganacsi wadanka Australia wuxuuna markuu soo dhoofayey u shaqaynayey Hay’ada Kor-u qaadida Shaxda Dakhliga sannadkii 2008:Madax M/Xige WARARKA Nolosha Soogalootiga iyo Qoondaynta barnaamijyadooda oo ku taalla Melboure, Australia. Gunnaanadka/Ilays Md, Faarax Cali Jaamac, Taariikhdii nololeedkiisu waxay noo iftiiminaysaa in uu aqoon durugsan u leeyahay dhaqaalaha iyo Maaliyada, taasina waxay suurtagelinaysaa in puntland yeelato dhaqaale sugan oo la isku halayn karo.waxaa kaloo la filayaa wasiirka Maaliyada in uu sees adag u dhigo Wasaarada Maaliyada oo lagu tilmaamo Wadanaha Dowlada kasta oo Adduunka ka jirta. Xukuumadii Hore ee puntland, oo wasiirka Maaliyada uu u ahaa Dr Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo soo diyaarisay Misaaniyadii 2008, waxay ku guuldaraysatay in bixiso Mushaharka shaqaalaha Muddo 8 billood ah, waxay kaloo ku fashilantay in ku socoto Miisaaniyadii ay degsatay. Qiyaas Tilmaan Sanadeed 2007 Sanadeed 2008 Bileed 2008 219,948,000,000 264,135,300,000 22,011,275,000 1.1.0 Cashuurta Kharashka 2.1.0 Cashuurta Dadban 29,580,000,000 35,916,000,000 2,993,000,000 3.1.0 Cashuurta wax soo saarka 4,824,000,000 24,000,000 2,000,000 4.1.0 Cashuurta Dakhliga 6,918,000,000 7,980,000,000 5.1.0 Dakh. Hantida Dawladda 7,878,000,000 6.1.0 Dakh. Adeega Dawladda 27,180,000,000 28,970,700,000 2,414,225,000 7.1.0 Wareejinta iyo Qaaraanka 9,480,000,000 6,240,000,000 520,000,000 Wadar 305,808,000,000 362,646,000,000 30,220,500,000 19,380,000,000 665,000,000 1,615,000,000 Shaxda kharashka sannadkii 2008:Qiyaas Sanadeed 2008 Bileed 2008 Lr. Tilmaan Sanadeed 2007 1 Mushahar/Gunno 208,845,324,000 228,894,486,000 19,074,540,500 2 Hawl socod siinta Dawladda 41,636,676,000 52,305,456,000 4,358,788,000 3 Kharashka Guud 16,012,740,000 24,246,654,000 2,020,554,500 4 Bixinta Deym/Magaha & Khid/ha 29,973,780,000 34,653,564,000 2,887,797,000 5 Hantigelinta Mashaariicda 5,172,000,000 8,040,000,000 670,000,000 6 Deeqaha iyo Kaydka 4,167,480,000 14,505,840,000 1,208,820,000 Wadar 305,808,000,000 362,646,000,000 30,220,500,000 AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 300 oo Qof Oo Indhaha Loo Fiiqay M.waynaha PL “Waxaa Nala ku yiri Maamulkiina Ayaa qayb ka ah burcad-badeeda” W/DXuseen Xasan Xuseen (obama) H 24 APRIL/GAROWE/ILAYSNEWSPAPER ay’ada Al-Basar ee saldhigeedu yahay dalka sucuudiga ayaa 300 qof oo somalia indhaha ugu fiiqday si lacag la’aan ah magaalada Bosaso. M adaxwaynaha Puntland Dr.C/ raxmaan Sheekh Maxamed oo maalintii Jimcaha ee 24 April, 2009, Masaajid dhexdiis khudbad ka jeediyay ayuu kaga warbixiyay Kullamo uu kula soo yeeshay Nairobi Wadamada Midowga Urub iyo Maraykanka, maamulka Puntland iyo dadka reer puntland-ba lagu shaabadeeyay burcad-badeed oo lagu eedeeyay in qayb ka mid ah maamulka ay xiriir la leeyihiin burcad-badeeda. “Waxaa nala ku yiri Maamulkiinu xiriir dhow buu la leeyahay burcadbadeeda, waxaan ku jawaabnay wax xiriir ah oo aan ognahay lama laha burcadb-badeeda maamulkayagu, baaritaana waanu samaynay, waxaa nala ku yiri hadaba maamulkii hore baa burcad-badeeda xiriir la lahaa, waxaan ku niri anaga kuma aanan maqal mana aamisanin in uu maamulkii hore uu xiriir la lahaa burcad-badeeda”. M.waynaha ayaa khamiistii soo guryo noqday, waxaana Niarobi ka soo qaaday Diyaarada ay leedahay UN-ku,markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Garoowe wuxuu si weyn uga ka hadlay burcad-badeeda iyo in caalamka oo dhan ay boog kaga dhigeen Puntland burcad-badeeda, wuxuuna xusay in ay suuragal tahay in puntland (Bosaso,Garowe iyo Magalloyin kale)la soo weeraro. haddii aynaan iska qaban burcada . Madaxweynaha puntland ayaa wacad ku maray in uu xiddiidada u 3 Koox 19 qof ka koobnayd oo isugu jiray dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin ayaa 17-22 April, 2009, ka bilaabay howlo isugu jira daawayn iyo qaliin cusbitaalka Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Bariga Afrika, waxayna qaabileen dad ku dhow 3000 kun oo qof oo isugu jira Waayeel, Dhalinyaro iyo Haween. Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo uu dhinac socdo Madaxwey k/xigeenka puntland oo ka soo degan Diyaaradii Nairobi ka soo qaaday 23,April,09 siibi doon burcad Baddeeda ka qowlaysatada Badda puntland iyo Gacanka Cadmeed. Intii uu ku sugnaa madaxweynaha puntland Nairobi waxaa uu ka dalbaday beesha caalamka in ay bixiyaan Lacag gaaraysa 20 million oo dollar. Md, Faroole waxaa uu sheegay Beesha Caalamka, in xukuumadiisu ay dhisaysi ciidamo gaaraya 25 oo askari, 500 askari oo ka mid ah ciidamadaasi waxay ka howlgali doonaan xeebaha puntland, 2000 kun ee askari ee kale waxay ka howlgali doonaa dhulka bariga puntland Waxaana laga samayn doonaa saldhigyo iyo Radaro magaalooyinka ku teedsan xeebaha puntland .Madaxweyne Faroole waxaa uu si aan gabasho lahayn u caddeeyay sida uu uga soo horjeedo in cirka laga duqeeyo magaalooyinka iyo dhulka puntland, waxaana uu sheegay in duqaymahaasi ay keeni doonaa in la laayo dad aan waxba galabsan.waxaana uu intaa ku daray sida kaliya ee loo joojin karo Burcad-Badeedu tahay in gacan la siiyo puntland, lagana taageero dhismaha ciidamo amni oo tayo leh. Burcad-Badeeda somalida ayaa boqolaal maraakib ah ka afduubata marin biyoodka ugu mashquulsan Addunka waxayn sanadkan oo keliya madax furasho u qaateen 38 million, lacagtaas oo ka badan Miisaaniyada Sanadeedka puntland oo lagu qiyaaso 30 iyo dhowr milyan . OUR SERVICE Dr.Yuusuf C/Casiis oo hay’adan khayriyada suurtageliyay imaatinkoodii puntland ayaa u sheegay wagayska ilays, in dhibaato badan ay kala kulmeen keenida dhakhaatiirta iyo Hay’adan “ waxaa loo sheegay dhakhaatiirta in Nabadi ka jirin puntland, oo burcad-badeed iyo burcad-berriba ay ka jiraan, waxaa lagu yiri kafantiina sii qaata, hase yeeshee markii ay idhahooda ku arkeen Nabad iyo xasiloonida ka jirta puntland waxay ballan qaadeen in ay markale oo aan dheerayn ay ku soo laaban doonaan puntland, oo qaliimo noocan oo kale ah samayn doonaan” sidaas waxaa yiri, Dr. yuusuf. Dr. yuusuf C/casiis waxaa uu noo sheegay in Barnaaijka indho fiiqida ee Hay’adani ka samaysay Bosaso uu ahaa midkii ugu kharajka yaaraa Barnaamijyadii midkan ka horreeyay ee ay ka soo sameeyeen gobolo kala duwan, “Waxaa la shaqeenayaya ardayda Jaamacada Bariga afrika, waxayna isticmaalayeen Qalabka Jaamacada sida Baabuurta oo kale” OUR SERVICE GSM INTERNET SMS MASSAGE E-ADEEG GOLIS LANDLINE FEATURES Sidee E-mail Gacanta looga dirsan karaa Mobile-kaaga �Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale qurux@hotmail.com geele@gmail.com �dabadeed dir fariinta. NB: dal iyo Dibadba waa isku mid CALLCONFERENCE XARUNTA SHIRKADA ISGAARSIINTA EE GOLIS BOSASO (ISGAARSIINI WAA GOLIS Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference �hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009 4 CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009 Qaybta Afraad S ida aan kor kusoo xusnay, waxaa jira dalal aan weli saxiixin xeerka Badaha Adduunka oo tiradoodu gaarayso ilaa 17 dal. Waxa kale oo jira dalal kor u dhaafaya 20 oo xeerka saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaana ka mid ah Maraykanka. Dalka Maraykanku in kasta oo uu ka mid yahay dalalka saxiixay, haddana heshiiskaas weli ma dhaqan gelin, sababtoo ah waxa uu diidey qodobka Part XI ee xeerka Badaha.[9] Qodobka Part XI waxa uu ku saabsan yahay xad u samaynta badda wixii ka baxsan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ). Waxaana qodobkaasi sheegayaa in aaggaas wixii ka baxsan ay noqoneyso Bad Caalami ah oo ay maamulaan Beesha Caalamka, gaar ahaan hay’ad Qarammada Midoobey samaysay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), hay’addaas oo qaabilsan macdanta ku jirta ubucda badda hoosteeda. Waxay hay’addaasi bixin kartaa ogolaanshada iyo shatiyada sahaminta iyo baarista macdanta ee badda ka baxsan aagga EEZ, iyada oo macaash ka qaadanaysa. Haya’dda ISA in la asaaso waxaa la soo jeediyey 1982, kulankii Qarammada Midoobey ee lagu qabtay Jamaica. Waxaase la ansixiyey 16kii November 1994, laakiin waxay ISA si rasmi ah u hawl gashay June 1996. Xarunteeduna waa magaalada Kingston ee dalka Jamaica.[10] Dalalka Bariga Afrika ee aan weli saxiixin heshiiska Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka waxaa ka mid ah Eritrea. Dalka Eritrea xilligii la qabtay shirkii lagu saxiixay Xeerka Badaha waxa uu ku hoos jirey gumaysi, waayo Itoobiya ayaa dalkaas qabsatay 1962. Waxayna Eritrea xornimadeeda si rasmi ah u ugu dabaal degtay May 24, 1993. Dalalka kale ee Afrikada Bari ee Heshiiska Badaha saxiixay, laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaa ka mid ah Ethiopia. Dalka Ethiopia xilligii uu saxiixay heshiiskaas oo ahayd 10kii December 1982 waxa gacanta ugu jirey dekedda Casmara iyo qayb ka mid ah Badda Cas oo ah dhulka Eritrea. Laakiin maadaama dadkii lahaa xeebta ay dagaal kula jireen, markii dambana laga xoreeyey badda cas, waxaa xukuumadda Ethiopia ku adkaaday in ay dhaqan geliso Xeerka Badaha. Soomaaliya, sidii aan kor kusoo aragnay, waxay ka mid ahayd dalalka Afrikada Bari ee saxiixay, oo haddana dhaqan geliyey Xeerka Badaha inkasta oo markii xeerkaasi sida rasmiga ah dhaqan galay 1994 aysan Soomaaliya ka jirin Dawlad Dhexe - oo dagaal sokeeye ka bilowday December 1990. Dagaalkaas oo sababay burbur ku dhacay dhammaan hannaankii dawladeed. Khasaaraha naf iyo maal ka sokow, waxaa burburay wixii xog, macluumaad, dukumiinti iyo tixraac ahaa ee Soomaalida ugu kaydsanaan jirey madxafyada iyo diiwaanka dawladda. Waxaa burburay dhaqaalihii dalka, waxaana dalka ka baxay in badan oo ka mid ah dadkii wax u bartay. Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka. 10kii June 1996 ayey ahayd markii ugu horeysey ee Qarammada Midoobey si rasmi ah looga hadlay in la sameeyo Guddi ka soo baaraan dega sidii loo kordhin lahaa badda ay xuquuqda u leeyihiin dalalka leh xeebaha, taas oo fogaantii ahayd 200 nmi looga dhigo ilaa 350 nmi (648 km), ayadoo la cuskanayey xeerka Qarammada Midoobey ee Sharciyada Badaha ee dhaqan galay 16kii November 1994. Arrintaas si loo dhaqan geliyana waxaa loo baahday guddi hawshaas u xilsaaran. 13kii March 1997 ayaa markii ugu horeysey waxaa la doortay Guddiga Xadaynta Badaha oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaas oo loo soo gaabiyo CLCS (Commission on the Limits of the Continental Shelf ) waxaa la soo doortaa shantii sanoba mar. Sidaas daraadeed guddigii koowaad oo hawshiisa bilaabay 16kii June 1997 waxaa la bedeley 16kii June 2002, waxaana guddigaas sii bedeley guddiga hawsha hadda gacanta ku haya oo shaqadiisa bilaabay 16kii June 2007 (ee shanta sano 2007-2012). Guddigaasi waa kan u xil saaran in ay falanqeeyaan oo go’aamiyaan xogta iyo macluumaadka badaha ee ay dalalku ku soo wareejiyaan ee la xiriirta xadaynta aagga ganacsiga badaha.[11] Guddiga Xadaynta Badaha waxaa xarun u ah Qarammada Midoobey Xarunteeda magaalada New York. Kulankii 13aad ee ay yeeshaan Guddiga Xadaynta Badaha oo dhacay 26kii April 2004 ayey ku xadideen waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo baaxadda badda laa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo qabtay iwaa 13ka May 2009. Waxaana shardi ah in macluumaadka la soo gudbinayo ay waafaqaan sida uu dhigayo Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha Sida ku cad Xeerka Badaha Adduunka ee UNCLOS, dalalka doonaya in ay calaamadiyaan xadka badda dhulkooda inta ka baxsan 200 nautical miles (nmi), waxaa laga doonayaa in ay Guddiga loo Xilsaaray Xadaynta Badaha u keenaan ama ku soo wareejiyaan akhbaar cilmiyeedka ku saabsan Juquraafiga iyo xadka badda dalkaas (oo Email ugu diraan: doalos@un.org ama toos ugu geeyaan xafiiska UN-ta ee New York) . Waana in guddiga (CLCS) xogtaas lagu wareejiyo inta ka horeysa May 13, 2009. Guddigaas ayaana go’aan ka gaaraya xogta.[12] Kulan ay yeesheen Qarammada Midoobey 19kii June 2007 ayaa looga hadlay baaxadda ay leedahay hawsha ku soo fool leh Qarammada Midoobey, gaar ahaan qaybta u qaabilsan farsamada cilmiga Juquraafiga. Guddiga Xadaynta Badaha waxa ay muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin kharash aad u farabadan, farsamo iyo aaladda computerka/Software lagu socodsiiyo hawsha xadaynta badaha. Dalalkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika oo aad ugu dooday in dalalka soo koraya ay ku adag tahay arrintaasi oo aysan waqtiga loo qabtay ku keeni karin macluumaadka looga baahan yahay.[13] Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah, xogtaas oo muujineysa Juquraafi ahaan in Qalfoofka Qaaraddu ay hore u sii gashan tahay badweynta. Waa arrin u baahan cilmi, lacag, waqti iyo farsamo casri ah iyo dad aqoon u leh oo wax ka dhaadhicin kara Guddiga Qarammada Midoobey arrintaas u xilsaartay.[14] Qodobka Article 76 waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida loo samaynayo khariidadda lagu xadaynayo biyaha dalalka leh xeebaha, ayadoo laga cabbir qaadano wixii ka baxsan meel xeebta u jirta 200nmi. Waxaana qodobkaas ka mid ah: •Waxaa shardi ah in xadka baddu uusan ka badan meel xeebta u jirta 350nmi, •ama aan ka durugsanaan karin 100 nmi meesha uu maro cabbirka 2,500 metre isobath oo ah xarriiq isku xireysa meel badda hoos u gashan ilaa 2,500 mitir. (Halkaas weeye meeshii ay dawladdii Soomaaliya maanka ku haysay markii ay qoraysey Xeerka #37/1972 qodobkiisa 2aad oo dhigaya “Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya” -- xeerkaas markaa la waafajiyo xeerka cusub ee badaha macnaheedu waxa weeye: si loo xadeeyo badda Soomaaliya waxaa laga qiyaas qaadanayaa barta ugu hoosaysa dhammaanta xeebaha Soomaaliya oo markaas hoos looga sii socon karo 2.5km (2,500 mitir). •Waxaana shardi ah in meesha laga cabbir qaadanayo ay xadidayaan loolka iyo dhigaha adduunka. •Muhiimaddu waa in la caddeeyo in Qalfoofka Qaaraddu uu hore usii gashan yahay badda hoosteeda. Waxaa shardi ah dalalku in ay raacaan arrimaha ku qeexan qodobkaas si loo aqbalo xogta ay u gudbinayaan Guddiga Xadaynta Badaha. Arrintani waa caqabadda ugu weyn ee soo food saareysa dalalka soo koraya, waayo farsamada ku qeexan qodobkaas oo ah mid u baahan cilmi dheeri ah iyo aalad farsamo oo aysan haysan inta badan wadamada soo koraya. Marka laga hadlayo Soomaaliyana waxaa laga soo bilaabayaa (gal galin, gubad). Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha. Waxaa hadda dunida ka socda dadaal xoog leh oo ay dalalku ku doonayaan in waqtiga loo qabtay ay xogta iyo cabbirka badahooda ugu gudbiyaan Qarammada Midoobey si loogu kordhiyo baaxadda badda. Waxayna Qarammada Midoobey daabacdaa liiska dalalka ee xogta soo gudbiyey.[15] Ruushka ayaa ahaa dalkii ugu horeeyey ee macluumaadka u gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha, waxana dalkaasi uu xogta la xiriirta cabbirka badihiisa Qarammada Midoobey gaarsiiyey 20kii December 2001. LA SOCO CADADKA XIGA AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada: Qaanuunka dalka W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) Q.2aad Sidaas darteed, xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri ah iyo qawaaniin faahfaahisan ee lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa dastuurka in qawaaniintisu ayan khilaafi karin mabaadi’da Islaamka. Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee lagu sameeyay dalka Jabuuti 2000 oo qoraaga maqaalkaan ku jiray dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa “Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa laga tuuray Axdiga hadda lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed, ansixinta ku dhaqanka shareecada waxaa ku filan in qodobkaan baarlamaanku dib ugu daro Axdiga, dabadedna hoos loogu dejiyo qawaaniinta iyo habdhaqanka xukumadda iyo bulshada. Waxaa kale oo in la fahmo ubaahan, dastuurada dawladaha Muslimka ah intooda badan waxaa ku qoran in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dawlada, hadana Islaamka lagama dhigto marjaca qawaaniinta iyo dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm. Turaale, Axdiga KMG ee Somaaliya wuxuu qorayaa “ Shareecada Islaamku waa iney noqotaa saldhiga asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2). Bal isbarbar dhig sida qodobkaan uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay iska horimadka ka jira dalalkaas oo ka dhexeeya dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu waxey ku dheganyihiin qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka Islaamkuna waxey rabaan in dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada Islaamka. Markii la ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo doorashooyin. Tusaale, dalka Algeeriya waxaa xoog lagu maquuniyay xarakadii Islaamka markii ay doorashadii ku adkaatay sanadkii 1991. XAMAS waa la caburiyay markii ay doorashada ku guuleysatay. Dhanka Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975 dawladda Somaaliya soo saartay wuxuu ka soo horjeeday Islaamka, waxaana lagu dilay 10 Sheikh oo arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis laga kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka, waxaa sameymay kooxo Islaamiyiin ah oo xanaqsan oo qoragooda garabka saartay, go’aansadayna iney xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay, dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo gaalada tageerta waa in lala jihaado “ qaniinyo qaniinjo ayaa kaa fujisa”. Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey qaateen wadda kale oo ku dhisan ka shaqeynta isbedelka bulshada oo waqti dheer u baahan iyo sabar iyo dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo ka qabtaa in si nabad ah isbedelka lagu sameeyo. Labadaas aragti ayaa maanta ka jira Somaaliya iyo caalamka oo dhan. Si looga gudbo ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu waa Muslim, kamana jirinaan kooxo abaabulan oo cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya waxaa sabab u ah sedex arin: (1) Aqoon la’anta in Islaamku yahay diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo xukunka). Dadka aan diinta aqoon waxaa iskaga khaldama ficilka dadka sheeganaya diinta qaarkood iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu waxey arkeen dad leh magac wadaad oo aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu dad badan ayey shaki ka gelisay ku dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee hubeysan oo magaca diinta la huwiyay. Waxaa la arkay kooxo umuuqda iney dadka ka xigsanayaan Islaamka, una haystaan in Islaamku yahay sida ayagu wax u arakaan. Sidaas darteed, Islamka hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan. (3) Dawladaha Ajnabiga ah oo faraha kula jira Somaliya waxey cabsi ka qabaan ku dhaqanka Islaamka. Dawladahaas waxey si joogto ah ucadaadinayaan xukumadda oo uga baahan kaalmo nooc kasta, haddii lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay xikmad weyn iyo farsamo qotodheer. Si looga tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah in lagu dhaqaaqo tilaabooyin khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan khubarada qawaaniinta iyo Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney isku aqriyaan shareecada iyo qawaaniinta, iney ka faa’ideystaan cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka mid ah caalamka Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney kala taliyaan dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney shirar u qabataan aqoonyahaannada, wacyigeliyaan dadweynaha, kuna qanciyaan aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha kale. Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya, qaanuunkana u hogaansama. SHEEKOOYIN 5 Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!! Malaayiin Lacag Oo Loo Balanqaaday Dowlada somalia iyo Qaabka Loo Qaybsanayo dhaafay intii ay filayeen dadkii soo qaban-qaabiyay. D eeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ku yaboohay in ay bixinayaan in ka badan 213 milyan oo doollar si Somaaliya gacan looga siiyo in ay dib-u-dhisto ciidamadeeda ammaanka, la dirirto burcadda isla markaana soo celiso kala dambayntii. Wadarta lacagtaas lagu yaboohay ayaa loogaga dhawaaqay maalintii Khamiistii shir ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brusseles, halkaasoo oo madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu caalamka uga codsaday in ay ku caawiyaan dhaqaale lagu xasiliyo dalkiisa. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ergooyinka ka soo qayb-galay shirka u sheegay in burcad-badeeddu ay kaliya yihiin calaamad ama astaan muujinaysa fowdada ka taagan Soomaaliya, sidaa darteedna wax ka qabashada xaaladda ammaanka ee gudaha taalla ay yarayn doonto howl-gallada burcadda ee badaha. Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan arimaha horumarinta Luis Micheal ayaa ku dhawaaqay in shirku guulaystay, isaga oo intaa ku daray in dhaqaalaha lagu yaboohay uu Madaxweyne Shariif, Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, Havier Solana iyo madax kale oo uu ka mid yahay Ergayga Gaarka Axmadou Walad Cabdalla ayaa shirkaasi markuu dhamaaday halkaasi ku qabtay shir jaraaid oo wadajir ah oo ay uga hadleen qiimaha shirkan uu u leeyahay dalka Soomaaliya, kaasoo ay dhamaantood isku raaceen inuu yahay kii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya loo qabto si deeq loogu uruuriyo. QAABKA LOO QAYBIYAY. Sida lagu xusay Warbixin kooban oo ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada somalia (UNPOS), Ujeedada shirkan loogu qaaraamaya somalia waxay ahayd in loo helo dhaqaale lagu taageero Hay’adaha ammaanka somalia iyo ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM). 12 billood ee soo socda waxaa la siin doona Xukuumada somalia 31 million oo dollar, lacagtaas oo loogu talagalay 16kun oo ciidamada Ammaanka. 134 Million oo dollar oo lacagta somalia loogu deeqay waxaa la siin doonaa ciidamada AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 4,300 oo askari. “31 million ee dollar ee la siinayo somalia, iyo 134 Million ee la siinayo ciidamada AMISOM, ma aha oo kaliya in Ihaano iyo Quursi ku tahay somalida, balse waa arrin aan Caqli gal ahayn” sidaas waxaa yiri Cawad Axmed Casharo oo ka mid Barlamaanka somalia. Lacagta somalida la siinayo waxaa la soo marinayaa Hay’ada UNDP, AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER Dagaalkii Ogaadeenya Qormadda 9-aad W.Q. Dr.Sadiq Enow T allaabadii uu qaaday ra´iisulwasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha, waxay rajo weyn ku abuurtay dowladdii Mareekanka. Waxay arintaasi kaga jawaabtay in ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne ku xigeenkoodii Hubert Humphrey, kaas oo Xamar yimid bishii janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka martida ah siiyay tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliyeed qaaday ayaa dhalisay in ra´iisul-wasaarihii Soomaaliya uu bishii maarso ee sanadkaas u kicitimo magaalada Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii kama uusan soo helin kaalmadii dhaqaale oo uu rajeynayay. Sababtuna waxay ahayd, dowladdii madaxweyne Lyndon B. Jhonson oo ku mashquulsanayd howlaha samafalka ah welfarism oo dalka gudihiisa laga hirgelinayay iyo qorshayaasha dagaalka warfarism ee Fiyetnaam. Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan kamid ah meelaha istraateejiga ah oo Mareekanka uu ahmiyadda siinaysay. Waxaa taas wehelisa caadifadda u janjeerta Itoobiya ayaa dowladda weyn waxay u diidaysay in ay Soomaaliya u fidiso kaalmo ay ku caga-dhigato. Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii iyada oo uu soo food saaray xilli uu dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii qabiilkuna uu cirka isku shareeray. Odey Soomaaliyeed oo ka quustay hanaankii ay siyaasiyiintu wax ku wadeen ayaa doorashadii ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay. Odeygaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Aadan Ciye ayaa diiday in uu dhameystiro gabeygaas. Wuxuuse ballan qaaday in haddiiba uu gaaro doorashada danbe, uu markaas dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa dhacay afgembigii ay ciidanku talada kula wareegeen. Dowladdii Soomaaliyeed ee rayidka ahayd waxay arimaha qaranka ku maamulaysay tab siyaasadeed ee hannaan dimoqraadi ah, isla markaasna ku sidkan dowladaha reer galbeedka oo ay xilligaas ka helaysay taakuleyn xagga dhaqaalaha. Soofyeetiga oo damac xoog leh kaga jiray in uu reer galbeedka kala wareego degaankan, ayaa ka codsaday madaxweyne Cabdirashiid Cali in uu Berbera ka siiyo fariisimo ciidameed. Madaxweynaha Soomaaliyeed waa uu ka diiday, isaga oo degaanka ka ilaalinayay in uu kamid noqdo fagaaraha ay xoogagga waaweyni kula gal-galanayaan hardankoodii ahaa Dagaalkii Qaboobaa. TAARIIKHDA 6 soo dhoweeyeen aragtida hantiwadaaga ah oo ay saraakiishu ka dhigteen manhajkii siyaasadda dalka lagu hogaamin lahaa. Abwaan Cali Cilmi Af-yare ayaa tix uu lahaa inoo ku tilmaamaya soo dhoweyntii ay saraakiishu heleen markii ay talada la wareegeen. Kolkaad Gole Sare inoo dhisteen goysay taladiiye Go´aanadi ka soo baxay annana garab kutaageernay Galshadii biyo leh geelu waw galab caraabaaye Hantiwadaagu geestuu jiraa loo gudoonsadaye. Fadhi ka mida fadhiyadii ugu horeeyay ee golihii kacaanka ka gadaal cinqilaabkii ay xukunka kula wareegeen. Mareekanka ayaa isna dhankiisa aanan ku qanacsanayn xiriirka ciidan oo xoogoobaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Arimahaasi waxay dhaliyeen in dowladaha xooga leh, mid waliba ay dhankeeda kaga dadaasho sidii ay siyaasadda Soomaaliya uga dhigi lahayd mid si buuxda ula meereysata hanaanka caalamiga ah oo midba ay leedahay. (Waxaan ka soo xiganay gar-yaqaan Cabdi Faarax Baashane, xeer ilaaliyihii qaranka dowladdii Cigaal, Qardho, 2/ 12-2000). Maaratoonkii mashruucaasi waxaa ku guuleystay dowladdii Soofyeetiga oo abuurkeedii uu u mira dhalay markii koox saraakiil ah ay afgembi kula wareegeen taladii Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ragga gudaha kala shaqeynayay howlaha loogu gogol-xaarayay afgembigaasi ay qorsheeyeen in madaxweynaha lagu dilo socdaal uu ku kormeerayo gobollo ay ka jirtay abaar ba´an oo dhaawac u geysatay dadkii iyo duunyadiiba. Madaxweynaha waxaa loo diyaariyay in saddex meelood midkood lagu dilo (Laas-caanood, Burco iyo Dhuusa-mareeb). Waxaa dhacday in goobtii ugu horeysay ay qadartii Eebe ugu timid, halkaas oo dable ka tirsanaa ciidamadii soo dhoweynayay uu madaxweynihii ku toogtay goor ay galab tahay markay taariikhdu ahayd 16/ 10- 1969-kii. 21/ 10- 1969-kii, habeen talaada ah ayaa waxaa taladii dalka la wareegay saraakiil isugu jira ciidamadii xooga dalka iyo biliiska. Muddo saddex cisho ah ayaanan la ogayn ragga ka dambeeyay afgembiga. Dabadeed waxaa idaacadda ka hadlay taliyihii xooga dalka Sareeye/Gaas Maxamad Siyaad Barre. Jeneraalku wuxuu ka waramay xaaladda uu dalku ku sugnaa, taas oo uu ku tilmaamay midda kaliftay in ay talada la wareegaan. Wuxuu xusay qodobo ay saraakiishu ku magacaabeen Axdigii Kacaanka. Waxaa kamid ahaa in ay baadi-goobayaan dhulalka Soomaaliya ka maqan ee ku haray gacanta dowladaha shisheeye. Af-agembigaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa wuxuu ahaa mid cad oo aanan wax dhiig ah ku daadan. Wuxuu ka koobnaa 25 sarkaal oo isugu jira 7 Dhamme, 7 Gaashaanle 7 Gaashaanle/Dhexe iyo 4 Jeneraal. Saraakiishaas ayaa waxay u muuqdeen kuwo lagu ilaaliyay dheeli-tir goboleed iyo mid beeleed. Naqshad laga akhrisan karo farsamada ka danbeysay magacaabidda afarta jeneraal baa waxay tahay mid leh muuqaal ku filan ogaanshaha jaan-gooyada lagu beegay xulashadii raggaas. Laba kamid ah afarta jeneraal waxay ahaayeen biliis (Qoorsheel & Kulmiye), labada kalena waxay ahaayeen milleteri (Siyaad & Ceynaanshe). Laba kamid ah darajadooda waxay ahayd Sareeye/ Gaas (Siyaad & Qoorsheel), labada kalena Sareeye/Guuto (Ceynaanshe & Kulmiye). Laba kamid ah waxay ahaayeen reer waqooyi (Qoorsheel & Ceynaanshe), labada kalena reer koonfur (Siyaad & Kulmiye). Laba kamid ah waxay u dhasheen Harti iyo Mareexaan oo ah beelaha ugu ballaaran Daaroodka ku nool jamhuuriyadda xorta ah, labada kalena Hawiye iyo Isaaq oo ah beelaha ugu ballaaran ee aanan Daarood ahayn. Dad-weynihii Soomaaliyeed si farxad leh ayay u soo dhoweeyeen saraakiishii la wareegtay talada. Iyaga oo han-weyn ku eegaya hoggaanka cusub ayaa waxaa ay ka rajeynayeen sida ballan-qaadkii axdigu ahaa in ay ku gaaraan dhamaan yididiilooyinka ummaddu sugaysay, oo ay kamid yihiin xoreynta dhulalka inaga maqan. Waxaa kale oo dadweynuhu ay soo Bilowgii sanadihii 1970-aadkii, maamulkii kacaanka wuxuu xooga saaray mashaariicda hor u marinta dhaqaalaha iyo barnaamijyada baraarujinta siyaasadeed ee dad-weynaha. Kacaanku wuxuu rabay in uu bulshada ka helo saldhig xoog leh oo taageerta hanaanka ay doonayeen in ay dalka ku maamulaan, kaas oo ah manhajka siyaasadeed ee ku saleysan keligi-taliska midka dan-yarta u adeegta (Proletariat Dictatore). Isla markaas madaxdii kacaanku dib uma eeyan dhigan howlaha ku saabsan baadigoobka madax-bannaanida dalalka inaga maqan. Bartamihii 1970-kii, dowladdu waxay mideysay jabhadihii saddexda ahaa (NFD, Ogaadeenya iyo Jabuuti), waxayna u sameysay maamul mid ah oo uu hoggaamiye u yahay Maxamad Diiriye Uurdoox. islamarkaasna waxaa la hoos keenay wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliyeed. Uurdoox wuxuu qabay aragti ah in uu howlaha dhaqdhaqaaqa ay ka madax-bannaanaato maamulka ciidamada, waase lagu diiday. Waxaa jiray dadyow aanan Soomaali ahayn oo qadiyadda inala wadaaga, kuwaas oo dhankooda ka tirsanayay waxyeelo. Dadkaas oo ay xubno kamid ah ay joogeen Xamar, ayaa waxay isugu jireen beelaha Oromada ee ku dhaqan bariga iyo koonfurta Itoobiya sida Qotida, Caruushada iyo Booranta. Waxaa kamid ahaa Shiikh Maxamad Surra oo markii uu af-gembigu dhacayay dibadda ugu maqnaa socdaal. Shiikhu wuxuu ku sugnaa dalka Suuriya oo ahaa dalka keliya oo jabhaddu ay xiriir la lahayd, markii amar lagu siiyay in uu soo galona waa uu diiday. Xilligaas waxaa Suuriya ku sugnaa toban nin oo wax ka baranayay kulliyadaha ciidamada. Raggaasi oo u dhashay gobolka Ogaadeenya ayaa shan kamid ah waxay kamid ahaayeen ardaydii Soomaaliyeed ee ka soo qalin jebisay dugsiyadii sare ee Soomaaliya. Waxaa ardaydaas kamid ahaa Axmad Shiikh Cabdi-daadi ee hoggaaminayay ciidankii ugu horeeyay ee ka tallaabay xuduudda, LA SOCO AXADA DAMBE AXAD 26 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER Maxaad Ka Taqaanaa Shantii Xubnood Ee Guddigii Siyaasada X.H.K.Soomaaliyeed? Taariikh nololeedkii S/Guud Ismaaciil Cali Obokor Xigasho:- Xildhibanpublication.com S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii. Ismaaciil Cali Obokor sanadkii 1947dii ayuu tacliinta ka galay magaalada Burco , wuxuuna waxbarashadii dugsiga hoose ku dhammeystay magaalada Sheikh sanadkii 1954tii. Sanadihii 1954tii1956dii waxbarashadii dugsiga ku dhammeystay magaalooyinka Sheikh & Camuud. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dadaali jiray sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen gumeysteyaashii qeybiyay & xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Ingiriiska, wuxuuna sanadkii 1958dii waxbarasho dhinaca ciidamada ah ku qaatay akademiyada ciidamada ee “Sand Dhurst”. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu dalka dib ugu soo noqday sanadkii 1960kii isaga oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo soo tababaro waqooyiga dalka Soomaaliya. 1961dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu taliye ku xigeen ka noqday dugsigii tababarka saraakiisha isaga oo 2 xiddigle ah. 1962dii wuxuu in muddo ah madax ka ahaa xafiiska isku duwidda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, 1963dii-na wuxuu taliye ku xigeen urur ka ahaa ciidamadii fadhigoodu ahaa gobolka J/Hoose ee magaalada Kismaayo. Sanadkii 1965tii wuxuu tababar ka galay magaalada Muqdisho, waxaana tababarkaas ka dib loo magacaabay taliye urur in uu ka noqdo magaalada Kismaayo, waxaana loo dallacsiiyay darajeda 3 xiddigle ama dhamme. 1967dii waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka dugsiga tababarka ee Xalane oo waqtigaas la oran jiray “Bootiko” laguna carbin jiray leyliska xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana lagu qaadan jiray tababarrada & dallacaadaha & mideynta saraakiisha dibedda ka timaadda. Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa wufuud ka kala socota dalalka Ismaaciil Cali Obokor wuxuu madaxka soo noqday guddiyo ay ka mid ahaayeen;1. Guddigii Olaha Shaqaalahaa; 2. Guddigii Ololaha Hantiwadaagga; hirgelinta 3. Guddigii Kacaanka Dhaqanka ee hirgelinta Afka; Ismaaciil Cali Obokor waxaa wafuuddaas ku wehliyay Mondolano oo madaxka ahaa ururkii Federlimo, Samoro Micheel & Marsellino Do Santos oo ay socod dhinaca lugta ah ku galeen dalka Mozambique 520 KM, doorkii Soomaaliyana aad loogu ammaanay. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee hoggaaminayay Kacaankii aan dhiggu ku daadan ee 21kii bishii Oktoobar ay ciidamada qalabka sida kula wareegeen talada dalka Soomaaliya. Curashadii Kacaanka ka dib wuxuu muddo 6 bilood ah madax ka ahaa guddigii la oran jiray Xisaabi-xilmaleh, oo la sheegay in ay baarayeen tagrifal la sheegay in lacago lagu lunsaday intii ay jireen xukuumadihii rayidka ahaa. Sanadkii 1970kii Ismaaciil Cali Obokor waxaa loo magacaabay wasiirkii warfaafinta & hanuuninta dadweynaha, wuxuuna isla sanadkaas u dallacay darejooyinka G/Dhexe & G/Sare. Ismaaciil Cali Obokor muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaas waxay noqotay tiirarka ugu waa weyn ee Kacaankii 21kii Oktoobar. Wasaaraddan oo loo arkayay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isbedelka xagga maskaxda ah, dhaqanka & nolosha bulshada cusub ee u halgameysa hirgelinta macda’a Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan. Ismaaciil Cali Obokor waxa uu aad ugu dadaalay sidii loo kordhin lahaa shaqaalaha wasaaraddaas & dhaqaalahoodaba, waxaa dib u soo noolaatay kalsoonidii falsafadda Kacaanka horseedka ka ahaa. 1971dii, ka dib isbadel lagu sameeyay xubnihii hoggaamiyay Golihii sare ee Kacaanka waxaa loo magabaacay in uu noqdo madaxweyne ku xigeenkii 3aad ee Golihii Sare ee Kacaanka. 4. Guddigii Dacwooyinka shaqaalaha; 5. Guddigii Ololihii qabyaaladda. Sanadkii 1974tii wuxuu Ismaaciil Cali Obokor guddoomiye ka noqday Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa siyaasadda & arrimaha bulshada. 1976dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu gaaray derajada S/Guuto, wuxuuna isla markaana noqday guddoomiyihii guddiga qabanqaabada howlaha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor dhismihii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed noqday kaaliyaha Xoghayaha Guud ee xisbigaas. S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golihii Shabciga Qaranka ee la dhisay sanadkii 1979kii. Ismaaciil Cali Obokor xabsiga loo taxaabay sanadkii 1982dii ka dib markii lagu soo eedeeyay qiyaano qaran & in uu wax ka maleegayay afgambi lagu rido madaxweynhii Golihii Sare ee Kacaanka,waxaana xabsi uu ku jiray illaa laga soo gaaro sanadkii 1988dii. Xubnaha lala xiray waxaa ka mid ahaa;1. Cumar Carte Qaalib 2. S/Gaas Cumar Xaaji Masalle 3. G/Sare Cusmaan Max’ed Jeelle 4. Warsame Juguf oo intii uu xirnaa ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku nool yahay dalka UAE wixii ka dambeeyay ridistii dowladdii militeriga aheyd. (Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh Xildhibanpublication.com) 7 Maalinta Duumadda Aduunka oo la xusay Maalinta duumada aduunka ayaa shalay laga xusay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe waxaana xuskan ka soo qaybgalay M.waynaha iyo M. kuxigeenka iyo masuuliyiin ka socday Golayaasha dawlada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr.Bashiir Cali Biixi waxaana halkaasi si wayn looga hadlay dhibaatada duumada iyo sida loo dawaynkaro. Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa sheegay in duumadu sidii hore ay ka yartahay islamarkaasna loo baaro hab cusub duumada oo sahlaya in si degdeg ah loo helo jawaabta in qofku uu qabo duumo iyo in kale. Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiilada Xusseen Yaasiin wuxuu sheegay in uu 15 sano ka shaqaynayay ciribtirka duumada wuxuuna sharaxaad ka baxshay sida loo daweeyo iyo noocyada ay ka kooban tahay. M.waynaha Puntand Dr.C/ raxmaan Sheekh Maxamed ayaa wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay iminka masuuliyiintoodu ay yihiin dhaqaatiir taa soo fursad u ah in ay waxbadan ka qabato caafimaadka wuxuuna mahadnaq ballaaran u jeediyay hawlwadeenada Wasaaradda. Hoos u dhac ku yimid cudurka duumada UNICEF ayaa kor u qaadaysa qaybintii Marokaneecada La Daweeyey ee Cimriga Dheer ay ka qaybisneysay Soomaaliya waxaana la xaqiiqsaday in taasi ay qayb ka qaadatay hoos u dhaca ku yimid cudurka duumada, Wakiilka UNICEF Christian Balslev-Olesen ayaa sidaa yiri isaga oo ka hadlaya dabaaldegga Maalinta Duumada Adduunka. Iyada oo la qiyaasey in ay duumadu ku dhacday 608,831 qof oo lagu soo waramey in 3,491 qof ay u dhinteen, ayaa weli Soomaaliya ay duumadu ka tahay dhibaato weyn oo caafimaadka dadweynaha haysata taas oo u baahan dadaal wadajir ah si loogu xakameeyo si taabogal ah. Culaysku waxa uu ku badan yahay hareeraha webiyada iyo degsiimooyinka leh berkadaha biyaha lagu kaydiyo halkaas oo sanadka oo dhan cudurka la is qaadsiiyo, goobahaa ayaa u badan Bartamaha/Koonfurta Soomaaliya. Carruurta ka yar shan sano jirka iyo haweenka uurka leh ayaa si gaar ah cudurka ugu nugul.iyaga ayaana u badan xaaladaha iyo dhimashada la soo sheegey. Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga) Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9 qof oo aad joogto ula xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto Call Conversance Waa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof HORYAAL PRINTING CENTER OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION) Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu xirnaa ama dabku ka dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid fadlan qaraac 144 Balance sharing ( lacag waaag) Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta adiga u qoondeenaya hadba inta aad doonto additional benefit Hadii Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah. Hadii Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ah Hadii Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah Hadii aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah QAABKA LACAG KU SHUBASHADA Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed raac tilmaamahan. Ama ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok) OGAASHAHA HARAAGAAGA Hadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221 dabadeed dhagayso tilmaamaha QAABKA XAWILASHADA call Forwarding Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#), sidoo kale waxaad xawilaada kaga bixi kartaa (#21#) Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAIL Waxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad setting Number 2522660111 Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom dep @hotmail.com JOWLE ENTERPRISES Office Stationery jowle2003@hotmail.com Electronics and Satellite Digiitals Office furnitures Renting Cars % For Selling ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY Buugta Akhriska Buugta Iibka & Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO & QIIME KURAALI GALIYA Wixii faahfaahin ah kala xiriir For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724 Tell :- 824299/796169/726169 BOSASO SOMALIA
Similar documents
Abuu Mansuur: Ma Iskiis Ayuu Uga Tegey Af
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:-isse80@gmail.com Ilays designer Omar Said moh’ed
More informationilays newspaper/wargelin axad 17 may 2009
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
More information