Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014
Transcription
Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 5naad Janaayo 2014
CODKA SOScEnSA Resource Newsletter Waa Bille Madaxbannaan Jimce 31-ka January 2014 Cadadka 5-aad Sanadka 1-aad, Qiimaha 10,000 Sh.So Tel: +252699777017 /+252616002296 E-Mail adminofficer@soscensa.org Web www.soscensa.org Somalia South-Central Non State Actors FAALlADA WARGEYSKA NIN XIL QAADAY EED QAAD! Shacabka Soomaliyeed dhegahooda kuma cusba weeraha ah “Golihii Wasiirrada” ayaa la magacaabay, “Ku xigeenanadii iyo Wasiiru Dowlayaashiina” waa lagu dhawaaqay. Sidoo kale waxaan qabatinnay oo aan iyaguna nagu cusbayn wararka joogtada noqday ee ku saabsan baarlamaanka sida “Waa la ansixiyay” “Mooshin cusub ayaa la keenay” “Dood ayaa socota” iwm. waxaan kaloo maalmahan aad u baranay maqalka ah “Miisaaniyadda Dowladda” waa la ansixiyay. Waxaase marnaba dhageheenu maqal is la xisaabtan dhab ah iyo hantidii la ansixiyay oo mar kale laga doodayo in qorshihii loogu talo galay lagu bixiyay iyo in kale. Waxaa kaloo weli sugaynaa maqalka masuul hantidii qaranka ku tagri falay oo maxkamad la soo taagayo. Tan iyo xorriyaddii kaddib, dowladihii dalka soo maray marnaba kuma guuleysan in ay yagleelaan xukuumad ku dhisan maamul wanaag, oo caddaaladda iyo hufnaanta awoodda saarta.,Dalku inkastuu burbur iyo dagaalo sokeeyo oo daba dheeraaday ku soo jiray, haddana horey baa loo sii tallaabsanayaa oo isbedel wayn ayaa jira, dadku nabad iyo nidaam hagaagsan bay u hanqaltaagayaan, dowladnimada macnaheeda ayaa dadka ka dhaadhacaysa, sidaas darteed aad bay u yaraan doontaa aqbalaadda bulshada ee ay aqbasho dowlad aan hufnaan iyo caddaalad ku shaqaynayn. Golihii Wasiirrada waa la magacaabay, maxaanse ka oranaynaa, ma waxaan ku gaabsanaa inaan niraahno “Nin xil qaaday eed qaad”,mise waxaan u sheegaynaa inaan doonayno madax ILAAH ka cabsata, madax aaminsan inay qowsaaro u yihiin shacabka, madax caddaaladda iyo hufnaanta ku shaqaysa, madax in la xisaabiyo iyaguna is xisaabisa ogol, madax dulqaad iyo dareen dheeraad ah leh, madax danta guud ka hormarisa tan gaarka ah. Eed waadba qaaddeene, kuwo xilkooda ka soo baxa EEBBE ha idinka dhigo. . BANDHIGGA WARGEYSKA Xaliimo Yareey oo Faafaafin ka bixisey Doorashadii Maamul Goboleedka Puntland 3aad Xaliimo Yareey Bogga Wararka Sannad-guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaatooyinka Gobolka Banaadir oo la xusey Jilayaasha SOSCENSA . Cismaan Shaatax Maxaad ka Taqaan Dalladda Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN? 4aad Bogga Madadaaladda Sheekadii: Aqoondarro waa u Nacab Jaceyl 6-aad Bogga Haweenka 5aad Nolosha Islaamka Doorka siyaasadda ee haweenka Soomaaliyeed shalay iyo maanta 5aad . TAARIIKH CIBRO Leh 8aad Dhaqanka iyo aariikh Suugaanta Cibro leh . Aw Jaamac Cumar Ciise: qoraa Ku weyn 11-aad quluubta qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed Guuxa Dadweynaha Baarlamaanka iyo Guuxa 7-AAD Dadweynaha Faaqidaadda Ciyaaraha Wiilal iyo Gabdho Orod ku Tartamay oo Koobab lagu gudoonsiiyay magaalada Muqdisho 12 aad .. 10-aad PRINTED AT: CAALAMI PRINTING HOUSE KM-4 MOGADISHU Jimce 31-ka Janaury 2014 Codka SOSCENSA Bogga 2-aad Bogga Wararka Sannad-guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo la xusey Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey munaasabad lagu xusayey Sannad-guurada 41-aad ee aas-aaska Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo ku beehneed 8-da Janaayo ,waxaana ka qayb galey masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka ,xildhibaano , urarada Bulshada rayidka , qaybaha ka duwan ee iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo marti Daahir Maxamuud Dirir sharaf kale LIiibaan Bile Xiireey Ugu horeyntii halkaa waxaa ka hadley Guddoomiyaha iskaashatooyinka Gobolka Banaadir Mudane Daahir Maxamuud Dirir oo ku dheeraadey qaabkii ay ku abuurmeen qaybaha kala duwan ee iskaashatooyinka wuxuuna dagaaladu saameyn wayn ku yeesheen dhaq-dhaqaadii iyo waxqabadkii iskaashatooyinka, waxaa kale uu sheegey in maanta wixi ka dambeeya iskaashatooyinka ay yihiin kuwa doonaya in ay ka qayb qaataan horumarka dalka ayna muujiyaan awooda wax soo saarkooda. Xubnihii sidoo kale halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka waxaana uu sheegey in dhinacooda ay gacan siin doonaa iskaashatooyinka si kor loogu qaado aqoontooda sidoo kale waxaa uu u rajeeyey iskaashatooyinka Gobolka Banaadir in ay ku dadaalaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen heer qaran. Waxaa sidoo kale munaasbadaas ka hadley gudoomiyey ku xigeenka Dallada SOSCENSA Liibaan Bile Xiireey oo sheegey in Dalladda ay soo dhaweyneyso in marka kale ay soo muuqdaan ururadii iskaashatooyinka , waxaana uu balan qaadey in Dallada ay la shaqeyn doonto ururka iskaashatooyinka Gobolka Banaadir. Ugu damabeyntii waxaa munaasabadaas ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuuna ugu horeeyntii u Mahadceliyey sidii iskaashatooyinka Gobolka Banaadiri uga gacansiiyeen nadaafadda Gobolka Banaadir sidoo kala waxaa uu uga Mahadceliyey Doorkii muuqday oo ay ka qaateen sidii dadkii abaaraha dib u dejin loogu sameyn lahaa oo uu sheegey in la’aantood aysan suurtagali lahayn in dadkaas dib u dejin lagu sameyeeyo . Mudane Tarsan waxaa uu intaa raaciyey “ aduunyada iskaashatooyin ma qabaan laakiin waxay qabaan wax la yiraahdaa Trade Union oo la mid iskaashatooyin iyaga ayaa ah ururo awood badan oo wax kasta lagala tashado marka waxaan dooneynaa in iskaashatooyinkeenna ay la mid noqdaan kuwa Adduunka” Kulan wadatashi ah oo ku saabsan horumarinta Magaalada Muqdishu. Waaxda qorsheynta Magaalada Muqdishu ee Gobolka Banaadir oo kaashaneysa hay’adda UNHABITAT oo dhaqaale ka heshay xaafiiska horumarinta caalamiga ah ee Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya, waxay soo qaban-qaabiyeen kulan labo maalmood ah oo looga doodayey dhib-u-dhiska Magaalada Muqdishu iyo caqabadaha hor-taagan horumarinta caasimadda dalka. Kulankaas waxaa lagu casuumay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’addo kala duwan sida; Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Bulshada Rayidka ah, Xirfadleyda, Aqoonyahanno, qeybo kala duwan oo ka mid ah Ha’addaha UN-ta sida UNSOM iyo UN-HABITAT iyo ururo kale oo caalami ah. Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana hadalo qiiro, qaayo weyn iyo wacyi-galinba leh ka jeediyey xubno badan oo ka kala socday qeybihii kasoo qeyb-galay kulanka, gaar ahaan waxaa kulanka hadal wanaagsan oo balan-qaadyo iyo bogaadin isugu jiray kasoo jeediyey ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nichols Kay, wuxuuna sheegay in Muqdishu ay tahay gurigiisa maanta ayna dhammaan hay’adaha UN-tu maanta usoo wada guurayaan Muqdishu, sidaas darteedna ay waajib tahay dhammaan in laga shaqeeyo horumarka iyo amniga Magaalada Muqdisho. Ujeedooyinka kulanka;sida ay goobta ka sheegeen qabanqaabiyayaashii kulankaas, ujaadadiisu waxay ahayd; 1-in lasoo bandhigo natiijada kasoo baxday daraasad lagu sameeyey labada degmo ee Shangaani iyo Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, taas oo ku saabsan qaab nololeedka degmooyinkaas, daraasadaas oo ay sameysay Waaxda Qorsheynta Magaalada Muqdishu. 2-In dadka lagu wacyi-galiyo dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta Magaalada Muqdisho ee lidka ku ah horumarinka mustaqbal dhow iyo midka fogba. 3-In si waxtar leh looga doodo xalalka suurto-galka ah, maareynta mashaakilka dhulka iyo dib-u-dhiska caasimadda. 4-In kulanku curiyo hab looga wada hadlo arrimaha horumarinta Magaalada Muqdisho ayna kasoo baxaan talooyinka loo baahan yahay in la qaado mustaqbalka ee horumarinta caasimadda Soomaaliya. Jimce 31-ka Janaury 2014 Codka SOSCENSA Bogga 3aad BoggaWararka Ururka Somali Independent Media House Association (SIMHA) oo ay ku soo BiIreen Warbaahino kale Waxaa Hotelka MakaMukarama ee magaalada Muqdisho lagu qabtey munaasbad lagu soo dhaweynayey warbaahino kale oo ku soo biirey Ururka Somali Independent Media House Association ( SIMHA) oo 26-ka bishii December 2013 looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho , waxaana munaasabadaas ka soo qayb galey madax ka tirsan Dowladda Federaalka , afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir , Ururrada saxaafadda , qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo martii sharaf kale .Waxaa ugu horeyntii halkaa ka hadley gudoomiye ku xigeenka Ururka Somali Independent Media House Association ( SIMHA) Ismaaciil Khaliifa oo sheegey in ururka uu yahay mid doonaya in uu isku keeno dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta , waxaana uu u mahadceliyey waraabhinta ku soo biirtey Ururka Xubnihiii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Maxamed Sheegow oo ka socdey Dalladda SOSCENSA wuxuuna si aad ugu dheeraadey qaabkii loo aas-aasey Dallada SOSCENA , isagoo sheegey in ay ku mideysan yiihiin ururo fara badan oo gaaraya ilaa lixdan Urur, wuxuuna sheegey in Dalladooda ay soo dhaweynayaa Ururka SIMHA islamarkaana ay wax la qaban doonaan , wuxuuna kula dardaarmey bahda warbaahinta in ay u hiiliyaan afkooda hooyo isla markaana bulshada ku dhiira geliyaan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen afkooda hooyo iyo dhaqankooda. Waxaa kaloo halkaa ka hadley afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka NUSOJ Maxamed Ibrahim (Baakistaan) iyagoo halkaa ka muujiyey taageeradooda ku aadan Ururka Somali Independent Media House Association (SIMHA) waxay kula dardaarmeen in Ururka in ay sii balaariyaan si loo helo urur si weyn ugu dooda dhamaan qaybaha kala duwan ee ee warbaahinta. Waxaa sidoo kale halkaa ka hadley Gudoomiyaha Ururka Somali Independent Media House Association (SIMHA) Xasan Cali Geesey ayaa yiri “fikirka SIMHA waxaa lahaa dhalinyaro soomaliyeed oo saxafiyiin ah kuwaa oo doonaya in fikirkooda uu noqda mid taaba gal noqda oo la helo warbaahin isku duuba “ waxaa uu si raaciyey “ in Ururka SIMHA uu diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo cid kasta oo dooneysa in ay ka mid noqoto” Sidoo kale waxaa munaasbadaas ka hadley Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan Cabdulle Guure ayaa si aad ah ugu dheeraadey in waraabhinta ay tahay middi laba af leh oo hadii si fiican loo adeegsado uu sheegey in ay wax dhisto , hadii si xun loo adeegsadana in ay wax dumiso waxaana uu u soo jeediyey qaybaha waraahinta in ay ka shaqeeyaan sidii wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa, bulshadana horumar u horseedo. Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadley Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda warfaafinta boostada Isgaariisnta iyo gaadiidka Mudane Cabdishakuur Cali Mire oo sheegey in dowladda faederaalka ay soo dhaweyneyso in ay midoobaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxaana uu uga digey in ururka uu la mid noqdo Ururadii inta la dhisey ka dibna iska baa’abay ama is qabqabsi ku dhamaadey . Haweenka Soomaaliyeed oo saluugay saamiga la siiyey Kulan aad u balaaran oo ka dhacay Xarunta Somali Women Sahro Axmed iyo Xaliimo Yareey Developments Center (SWDC),waxaana kulankaasi isugu yimid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo uga hadlay qaabkii loo dhisey xukuumada cusub iyo sida Haweeka Soomaaliyeed aysan uga helin xukuumadaas qaybtii ay ku lahaayeen. “Golahii Wasiirada ee dowladii hore ee Saacid oo ka koobnayd 10 Wasiir waxaan ka helney laba wasiir oo wasaarado muhiim ah loo dhiibey , waxaan haatan fileyney in intaas ka badan aan ka helo golaha wasiirada cusub ugu yaraan 18 Wasiir maadaama ay yihiin 55 wasiir taasi ma dhicin” ayey tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey) oo intaas sii raacisey “Haween dadaal u galey in xubno ka noqdaan golaha Wasiirada ayaan dheg jalaq loo siin codsigooda, marka waxaan ka codsaneynaa madaxda sare ee dowladda in ay ka dhabeeyaan Balan qaadkoodii hore ee ahaa in ay Xubno badan ay hogaanka dalka ku yeelan doonaan Haweenka Soomaaliyed”. Sahro Axmed Maxamed oo iyana ka hadashey kulankaas ayaa sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed aysan xaquuqdii ay doonayeen ka helin dhamaan dowladihii Soo marey dalka waxayna Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha ka codsatey in guddiyadda heer qaran ee la dhisayo ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeeshaan xubno badan maadaama laga qadiyey baarlamaankii la dhisey iyo golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabey Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Jimce 31-ka Janaury 2014 Codka SOSCENSA Bogga 4aad Jilayaasha SOSCENSA Maxaad ka taqaan Dalladda Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN? Si akhristeyaasha ku taxan Wargeyska Codka SOSCENSA, ay wax badan uga ogaadaan taariikhda iyo waxqabadka Dalladda SOYDEN, oo xubin firfircoon ka ah SOSCENSA, ayaa Wargeysku, xafiiskiisa wareysiga soo socda, kula yeeshay 13ka Janaayo 2014, Guddoomiyaha Dalladda Horumarinta Dhallinyarada Somaliyeed ee SOYDEN, Cisman Muxyadiin Macalin. SOYDEN waxay ka mid ahayd shan dalladood,oo ay SOSCENSA dhowaan guddoonsiisay shahaadooyin hawlkarnimo. Taas oo lagu ogaaday cilmi-baarisay SOSCENSA sameysay, si ay u kala ogaato kartida waxqabad ee xubnaheeda 60-ka ah. Cisman Muxyadiin hadalkiisa wuxuu ku bilaabay, marka ugu horaysa, Wargeyska Codka SOSCENSA, waa ku mahadsan yihiin fursaddaan ay na siiyeen SOYDEN ahaan. Dalladda SOYDEN waxaa Xamar ku asaasay 17-kii Oktoobar ee sannadkii 2002-dii, 11 urur oo dhallinyaro ah markaas xamar ka hawlgelayey. Sababaha Dalladda SOYDEN loo asaasay,waxaa ugu weynaa in xoogga dhallinyarad la uruuriyo, lana mideeyo, si ay dadkooda iyo dalkooda horumarkiisa uga qaybqaataan, meeshii ay qayb ka ahaan lahaayeen dadka dhibka wada. Waagaas xilli adag ayaa lagu jiray.dhibaatooyinka dalka ka socday, inta badan waxaa loo adeegsan jiray dhallinyaro.Taas oo dhallinyarada sawir xun ka bixinaysay markaas. Dalladda SOYDEN, waxay xoogga saartay,sidii ay dhallinyarada sawirkaas xun uga beddeli lahayd, waxayna abaabushay kulamo ay ku wacyigelinayso sidii ay dadkooda iyo dalkooda wax fiican ugu qaban lahaayeen.Waxaan u bilawnay xirad-barid. Markii dambena waxaa noo soo baxday, haddii aan la midayn qaybaha kala duwan oo bulshada, in aan dhallinyarada keligeed waxba qaban karin. Laba sababoodba, tan kowaad, annaga oo ah hay'ad yar oo aan lahayn awood badan , oo ay ku daboosho baahida faraha badan ee haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka oo dhan joogta. tan labaadna waxay ahayd, waagaas oo maamuladii dalka ka jiray iyo hay'adaha caalamiga midkoodna, uusan diyaar u ahayn, una soo jeedin in ay dhibaatooyinka dhallinyarada haysta hoos u eegaan. Labadaas sababood oo markaa jiray awgood, ayeyna suurtogal u ahayn in ay dhallinyarada keligood, inta gooni u baxaan isbedel leh saameyn muuqata u sameeyaan. Waxaa markaa noo soo baxday, in loo baahan yahay, in aan meel isugu keeno, qaybaha bulshadu ka kooban tahay sida odoyaasha, culumaa’u diinka, Haweenka, ganacsatada iyo dhalinyaradaba. Sannadkii 2007-dii ayaan ku dhaqaaqnay sidii loo sameyn lahaa guddiyo nabadda ka shaqeeya, oo ay kuwada jiraan: Culumada Diinta, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo odeyaasha dhaqanku. Ujeedaduna waxay ahayd si dhibaatooyinka dalka haysta wax looga bedelo, in xoogagga bulshada oo dhammi iska kaashadaan meelmarinta ujeedadaas. Aasaasidii Hay’ada ka Digista iyo ka Jawaabista Colaadaha. Dhisida gudiyada nabadeed waxey ka bilaabatey khibrad aan ka dhexalney hay’ada CEWARN/IGAD, hay’adaas oo aan kala shaqeyney sidii loo aasaasi lahaa gudiyada nabada ee heer degmo kuwaas oo qayb ka ah hay’ada ka digista iyo ka jawaabista colaadaha kuwaas oo ka dhaca xuduudaha. Muddo sedex sano ah ka dib sanadkii 2010, hay’ada SOYDEN waxaa u suurtogashey in ay dhisto hay’adaas ka digista iyo ka jawaabista colaadaha, waxaana inoo suurto gashey in aan ka dhisno 7 degmo oo xuduudka ku yaal gudiyo nabadeed. Dhisidda gudiyo nabadda ka shaqeeya. Waxyaabihii aan ka baraney intii aan ku jirney sameynta gudiyada nabadda ee degmooyinka xuduudaha ayaa waxa inoo soo baxdey in loo baahan yahay in laga hirgeliyo gudiyadaas degmooyinka wadanka oo dhan. Waxaa kaloo inoo soo baxday, in wadajirka qaybaha bulshada meel kuwada nool, wax badan lagu qaban karo.. Kala qaybgal UNDP mashruuca amniga iyo badbaadinta bulshada eeloo yaqaan (Community safety). Annaga oo kaashanayna hay'ada UNDP, waxaa hay’ada SOYDEN u suurtogashey in ayaan 12 degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobol Banaadir, ka dhisto guddiyo nabadda ka shaqeeya.Guddiyadaaas, ayaan markaas u bilawnay barnaamijyo ku saabsan awood-dhisid iyo wacygelin fara badan. Waxaa mar kale noo suurtogashay, annaga oo kaashanayna gudiyada nabasda iyo maamulada degmooyinka in aan 250 dhallinyaro ah u furno tababar xirfadeed anagoo magaalada Muqdisho ka dhisney labo xurumood oo dhalinyaradaas lagu tababaro. La Soco Qaybta kale . Talaado 31-ka December 2013 Codka SOSCENSA Bogga 5aad Bandhigga Wargeyska Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan Dood Wadaag ah oo ku saabsan Dib u Habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka. Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey dood ku saabsan dib u habaynta nidaamka garsoorka dalka waxaa dooddii ka Cismaan Muxyadiin Shaatax qayb galey gudoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka waxayna bulshada rayidka ay weydiiyeen Su’aalo ku saabsan xadgudubyada kufsiga ,is qabsiga dhulalka, dilalka iyo xadgdubyo kale Mudane Xaashi wuxuu Su’aalahaas u uga jawaabey sidoo loogu talagaely sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey waxa ka qabsoomey qodobadii ka soo baxay shirkii dib u habaynta Nidaamka Garsoorka dalka ee dhacay Bishii April ee Sanadkii tagay . Shirkaan oo uu qaban qaabadiisa ay lahaayeen Kooxda dib u dhiska nabadgelyada iyo dowlad wanaaga ee Dallada SOSCENSA oo uu guddoomiye u yahay Csimaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka qayb galayaasha waxay sid aad ah uga doodeen qaabka ugu haboon ee loo heli karo garsoor cadaalad ku dhisan waxaana ka qayb galayaasha loo qaybiyey dhowr Kooxood si ay u so saaraan baaq ku aadan dib u habaynta nidaamka garsoorka dalka Sidoo kale waxaa halkaa ka hadley Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo sheegey in sababaha ay u qabanayaan doodaha noocaan oo kale ay tahay sidoo loo heli lahaa garsoor cadaalad ku dhisan iyadoo uu sheegey in ay taasi ku imaan karo iyadoo laga tala geliyo bulshada rayidka waxaana gabagabadii dooddaas dib u habaynta nidaamka garsoorka dalka laga soo saarey qodobada hoos ku qoran 1- In Dowladu Faderaalku soo bandhigto rabitaan Siyaasadeed oo ku aadan fulinta talooyinkii shirwaynihii Qaran ee dib-u-Habeynta Garsoorka dalka. 2-In bulshada rayidka kula xisaabtanto dowladda fulinta balan qaadyadii ka soo baxay shirwaynihii qaran ee April 2013 ee dib u habeynta garsoorka dalka. 3-In Dowladdu la timaado rabitaan siyaasadeed oo ku aadan tayeynta hay'adaha garsoorka dalka maxkamadaha iyo booliskuba si sare loogu qaado Amaanka iyo nabadgelyada shacabka 4-In bulshada rayidka qayb ka qaadato tayeynta hayadaha garsoorka iyo sare u qaadida kalsoonida shacabka ugu dambeytii ka qayb galyaasha waxay u mahadceliyeen Dalladda SOSCENSA oo markasta ku Howlan fududeynta wadatashiyada qaybha muhiimka u ah bulshada Xaliimo Yareey oo Faafaafin ka bixisey Doorashadii Maamul Goboleedka Puntland Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) Shir Jaraaid ku qabtey qaar ka mid ah Haween lagu martiqaadey ka qayb galka doorashadii 8 Janaayo ka dhacdey Magaala Madaxda Puntlanad ee Garoowe oo uu ku soo baxay Raiisuul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Gaas kuwaas oo dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho oo markii hore ka ambabaxeen. Haweenka oo horey martiqaad uga hely ururka Haweenka ee Talo wadaag oo ka dhisan Maamulka Puntland ayaa waxaa hogaaminayey Xaliimo Ismaacil(Xaliimo yareey) waxayna booqdeen Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe oo ay kaga qayb galeen doorashadii xildhibaanada Maamulka Puntland ku doorteen hogaan cusub oo bedela kii hore ee uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole Ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadley Haweeneydii hogaamineysey wafdigii ka qayb galey doorashadii Puntland Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) waxay sheegtey in ay la kulmeen Haweenka Ururka Talo Wadaag , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland , ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay dhaamaantood isla soo qaadeen xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka , caruurta iyo dhalinyarada oo ka mid ah bulshada ku dulman Siyaasadda Soomaaliya waxayna ka codsadeen sidii bulshadaas u heli lahaayeen xaquuqdooda Sidoo kala Xaliimo Yareey waxay ka dalbatey madaxda dare ee Dowladda Federaalka oo ay ugu horeeyaan baarlamaanka Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf , waxayna si gaar ah ula hadashey xildhibaanada baarlamaanka oo ay ka codsatay in ay xilka umadda u hayaan u gutaan sida ugu haboon. Talaado 31-ka December 2013 Codka SOSCENSA Bogga 6aad BoggaMadaaladda Aqoon-darro Waa u Nacab Jaceyl Wax yar kadib markii la qoray Af Somaliga ayaa, waxaa durbadiiba soo soo burqaday, maskax badan oo muddo dheer gaaxsanayd, oo u oomanaa cid maasha. Waxaana soo shaac baxay, halbuureyaal, sawirmaskaxeed, ku curiyey sheekooyin bulshada dhexdeeda caan ka noqday, oo si Faarax .M. Jaamac (Ca\wl) dadban u taabanayey nolsha dhabta ah ee bulshada ka dhex jirtay. Waxaana ka mid ahaa: Sheekada Adeegto, oo uu qoray M.X. Cisman. Sheekadii Maana Faay oo uu qoray Maxamded Dahir Afrax, Sheekadii Ayaan daran oo uu qoray Cabdullahi Sheekh Xuseen " Hantiwadaag." iyo Sheekada Aqoondarro, waa u nacab jacayl, oo uu qoray Faarax Maxamed Jamac (Cawl.) oo ah sheekada aan ku bilaabayno qormadaan. Sheekooyinkaas afarta ahiba, inta badan, waxay ku saabsan yihiin oo shiishka saarayaan dhibaatooyinka, gabdhaha Soomaaliyeed, ka haysta nolosha shalay iyo maanta' welina sidii iyo si ka sii daran uga haysta nolosha. Wargeyska Codka SOSCENSA wuxuu akhristeyaashiisa, u soo bandhigayaa qormooyin ku saabsan sheekooyinkaas qaarkood. Waxaanna ku bilaabaynaa , Sheekada Aqoon-darro, waa u nacab jacayl, oo uu qoray, 1974tii Faarax Maxamed Jamac (Cawl.) Wuxuu kale oo qoray buug la yiraahdo, Garbbaduubkii Gumaysiga, oo uu qoray 1978. Faarax wuxuu ku dhashay 1937, degaankaa Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Waxbarshada dugsiga hoose, wuxuu ku bartay magaalada Cadan ee dalka Yemen. Dabadeed, 1952dii ayuu ka soo dhoofay Cadan, wuxuuba yimid magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ka galay Dugsiga Farsamada Gacanta. Kadib, markuu dugsigaas farsamada ka baxay, ayuu dalka Ingiriisa u aaday waxbarasho sare, halkaas oo uu sanadihii 1959-1961, ka soo qaatay shahaado Injineernimo xagga farsamada baabuurta ah. Waa sheeko jacayl ah oo run ah, sida qoruhu ku sheegay buugiisa. Waxayna dhexmartay gabar la oran jiray Cawrala iyo Cali maax. waxayna ka dhacday degaanka Xiis,oo ku yaala Gobolka Sanaag. Xiis waa dhul buuraley ah, oo hodon ah. Jacaylka haleelay Cawrala iyo Cali maax, wuxuu dugsanayey dhirta udugga iyo carafta badan, oo ay ka mid yihiin: Maydiga iyo faleenka carfoon oo degaankaasi caanka ku yahay Cawrala yaraanteedii waxay ku barbaartay, dhulkaas buuraha, qurux loo dhammeeyey, midabkeedu maariin yahay, leh timo dhaadheer oo garabaha laba taako ka sii rogan. Korkeedu ma lahayn meel laga saluugo. Cawralka marka ay qoslayso inta badan, dhoolaha ayey ka qosli jirtay. markii dambe magaalada Cadna ayey aadday, halkaas oo ay ugu tagtay dad ay qaraabo ahaayeen. Shan sano ayeyna Cadan joogtay. Intii ay Cadan joogtay Cawrala waxbarasho ayey bilawday. Waxayna heer fiican ka gaartay barashada Quraanka iyo afka carabiga. Cawrala waxaa la dhashay wiil Dalmar la oran jiray iyo laba gabdhood, oo ay midna ka yarayd midina ka weynayd Hooyadeed iyo aabbaheedna waxay ku noolaayeen magaalada Xiis iyo migeeda buuraha ku yaal. Aabbaheed Barre wuxuu had iyo goor ku faanin jirey uguna ducayn jiray mudeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kasta oo mararka qaarkood, waxay damacado ma ahee, ayan Cawrala , wax kale yeeli jirin. Cawrala iyo Cali Maax ayaa waxay dooni ka soo [wada raaceen magaalada Cadan. Doonidaas oo la oran jiray SUBXAAN, ayaa waxay ka soo shiraacaday makhribkii marsada Cadmeed. Waxayna sidday 15 rakaab ah oo 12 rag yihiin, saddexna haween Cawrala ay ka mid tahay, iyo 20 badmaax oo ka shaqeynayey doonida. Sida caadadu tahay saddexdii haweenka ahaa , waxaa loo gogley huuriga dushiisa, halka ragga rakaabka ahina, ay fadhiyeen meel saddex tilaabo u jirtay. Habeenkaas hore, waxaa jiray dayax, dhalaal weyn, oo shan iyo tobnaad ahaa, cirkuna waa cusbaa oo waxaa ka muuqanayey, daruur leh saansaan roob ma hiigaan ah.Markay abbaara fiidkii ahayd, oo ay shaqaalihii doonidu dadkii rakaabka ahaa siinayeen cashada, ayaa waxaa sheeko dhexmartay Cali Maax iyo Nuur Ciise, oo labaduba ka mid ahaa rakaabka doonta saaran. Cali maax ayaa wuxuu Nuur ku yiri, " Nuurow waa adigaan wareeree, maxaa baddaan baas ku soo mariyey? maad reerkaagii iska joogtid oo iska maashid xoolahaagii boqolaalka ahaa? Haddii aan adiga ahay, weynaan , badahaan jaan kuma soo galeen, oo hadba inta aan doonida jenbigeeda qabsado, aa! aa! aa! ma iraahdeen. Kulase yaabi mayo, waxaa dhibkaan ku soo mariyey waa arrad iyo gaajo, ee maxaad Cadan sooryo ka soo heshay?imisa Mohoradood iyo isku joog, baad reerkii u sidaa, waa adigii wiilkii aad habarwadaagta ahaydeen, wiilkii uu sii dhalay u tegeye.? Qore Faarax Maxamed Jaamac (Ca\wl) Qaybta 2aad la soco Cadadka xiga Jimce 31-ka Jan 2014 Codka SOSCENSA Bogga 7aad Guuxa Dadweynaha Baarlamaanka iyo Guuxa Dadweynaha Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa dhowaan bilaabay dhegeysiga guuxa dadweynaha, dabadeedna ku xijiyey dhegeygsiga guuxa dhallinyarada. Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cisman Jawaari,ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa: Barlamaanka yaa la xisaabtamaya? Dadweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shikh Ciismaan Soomaaliyeed ayaa la xisaabtamaya xildhibaanada, aniga laga bilaabo. Dawladnimada Soomaaliyeed waxaa iska leh dadweynaha. Madaxdu daraja kasta oo ay joogto, waa adeegeyaasha dadweynaha.Iyaga ayey u shaqeeyaan. Haddii ay garan waayaan, idinku garansiiya, oo u sheega, mushaarka ay qaataan in magaca ummadda Soomaaliyeed darteed lagu keeno. Waajibaadka Golaha Shacabka waxaa ka mid ah. in uu marka hore dhegeysto guuxa dadweynaha, dabadeedna falanqeeyo, una beddelo sharci. Xukuumadana ku dabagalo fulintooda. 1. Suldaano Axmed Maxamed oo ka socotay Degmada Kaaraan, ayaa tiri, '"Guuxa dadweynuhu waa badan yahay. Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaan uga mahad celinaynaa fursaddaan qaaliga ah oo uu na siiyey, si aan u soo bandhigno dareenka ku aaddan xaaladda dalkeennu ku sugan yahay. Waxaan leeyahay, xildhibaanow, fadhiga ka kaca, oo ka soo baxa hoteelada aad ku oodan tihiin, oo dadkiina soo dhexgala oo nolosha la wadaaga. Tan labaad, xildhibaan kastaa waa in uu aadaa gobolkii uu ka soo galay barlamaanka,oo dadka kala shaqeeyaan sugidda amniga, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshadu u baahan tahay. Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cisman Jawaari,oo u jawaabayey Suldaano ayaa yiri, " Suldaano, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay, waxaad taabatay, arrin muhiim ah oo aan aad u ayidsa nahay. Waa run, oo xildhibaan walba waxaa xil ka saaran yahay,in uu si gaara ula socdo xaaladda degaankiisa". 2. Muwaaddan Axmed Maxamed, wuxuu weydiiyey laba su'aalood. Tan -1aad, Maxaa Dawladdu xoogga u saaraysaa Gobolka Banaadir keliya, aaway goboladii kale ee dalku? Tan 2-aad, Maqaamka magaalada Muqadishow muxuu noqon doonaa? Jawaab. Su'aasha ku saabsan xagga gobolada, maamuladii degmooyinka iyo gobolada, intoodii badnaa weli ma dhisna,sida aan ku soo arkay mar aan booqasho ku tegay. Degmooyinkaas aan maamulka lahayna, waxaa ka socda fawdo. Tusaale ahaan, waxaan arkay, degmo lacagta canshuurta ah oo subaxdii, dadweynaha laga soo uruuriyo, galabtiina, rag hubaysni hortooda ku qaybsadaa, iyaga oo indhahoodu shanta yihiin. Su'aasha ku saabsan maqaamka Muqadishow muxuu noqon doonaa. Waa arrin dadweynaha loo soo bandhigi doono, marka laga doodayo, qabyo-trika dastuurka iyo nadaamka federaalaynta dalka. Dunida, marka laga hadlayo arrintaan oo kale, waxaa la kala doortaa saddex nadaam midkood. a. Magaalo-madax ku dhextaal dawlad-goboleed. b.Magaalo-madax dawlad-goboleed ah c. ama magaalo-madax federaalka toos ugu xiran. Dadweynaha Somaliyeed ayeyse arrintaasi u taal,wixii ay ka yeeli lahaayeen. 3. Cabdulqadir Cali Caddow, ayaa Guddoomiyaha weydiiyey laba su'aalood. Tan 1-aad. Maxaa xubnaha xukuumadda mar walba dibadda looga keenaa? Tan 2aad. Goormaan ka baxaynaa xildhibaano ay odeyaashu soo magacaabeen? Jawaata 1-aad. Wasiirka dibadda looga yeerayo iyo kan dalka joogaba, labaduba waa muwaadiniin leh xuquuq siman. Tan labaad ,raisul-wasaaruhu marka uu xulanayo xubnaha xukuumadiisa, wuxuu ku xulanayaa tayadawaxqabad iyo kartida qof waliba leeyahay. su'aashada 2-aad, oo ku saabsan, goormaa laga baxayaa xildhibaan odey soo magacaabay. Waxaa laga baxayaa arrintaas, dalku markii uu yeesho xisbiyo siyaasadeed oo si nabad ah ugu loolama hoggaanka dalka. Xisbigii codadka ugu badan helana guushu ku raacdo, sidii ay ahaan jirtay 40 sano ka hor. Tani waa xaq dastuuri ah, oo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed leeyahay. Taas , oo ah in uu ka mid noqdo ama uu abaabulo xisbi siyaasadeed,si uu wax u doorto ama loo soo doorto.Waxaan jecelnahay, baarlamaan ahaan,in aan dhammayno sameynta shuruucda xisbiyada badan sannadkaan 2014-ka inta lagu jiro. Dadka doonayaa in ay xisbiyo siyaasadeed samaystaan, waxay helayaan fursado ay si fiican isugu abaabulaan inta lagu jiro 2014-2015-ka, si ay 2016-ka iyaga oo diyaar ah doorashada guud uga wada qaybgalaan. La soco Cadadka xiga Jimce 31-ka Jan 2014 Codka SOSCENSA Bogga 8aad NOLOSHA ISLAAMKA Taariikh Cibro leh Qeybtii 4-aad waa qeybtii ugu danbeysay qormadii koobneyd ee aan ka bixineynay burburkii ku dhacay Dowladdii Islaamka ee ka talin jirtay dhulkii loo yaqaanay ANDOLOS muddada aadka u dheer. Waxaan qormadaan maanta uga hadleynaa; maxay tahay cibrada ama darsiga lama ilaawaanka ah ee laga faa’iidayo burburka dowladii Islaamka ee ANDOLOS iyo baaba’a dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa dhulkaas? Culumada Islaamka ee qora Taariikhda iyaga oo tixgalinaaya nusuusta sharciga ee kusoo aroortay khilaafka iyo marka ummada Islaamku gacan-saar iyo xiriir hoose la yeelato caddowgeeda isuna adeegsato si kooxi koox kale uga guuleysato ama dad gaar ahi u gaaraan dan iyo ujeedo ay leeyihiin waxay sheegeen arrimo badan oo darsi ahaan laga faa’iideysan karo burburkii ku yimid dowladdii Islaamka ee ANDOLOS, kaas oo salka ku hayey sababna ay u ahaayeen labada arrimood ee aan kor kusoo sheegnay (khilaaf aragtiyeed ama mid dagaal iyo isu adeegsi shisheeye). Duruustaas oo aad u badan waxaan kusoo koobeynaa saddex (3) qodob oo kala ah; 1. Dal ama dad deegaan wadaaga oo isku meel ku nool, isku danna ah, aysana marna suuro-gal ahayn in ay kala faaruqaan oo qoloba dhinaceeda aado, marka ay qabsadaan arrimahaas aan soo sheegnay, waxaa looga gudbi karaa oo dowladii ANDOLOS weysay, in la helo dad isku dareen ah aaminsanna hal wado oo dhibka taagan looga bixi karo kuna mideysan wadadaas, tasaale ahaan waxay kutubta Taariikhda Islaamku soo qaataan, Nabigeena Maxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha-ahaatee) markii waxyigu kusoo degay oo qabiilkii iyo deegaankii uu ku dhashay kana dhashay cayriyeen kana saareen magaaladda Makka, wuxuu u hijrooday oo dowladdii uu dhulkii oo dhan ku qabsaday ka aasaasay Magaalada Madiina. Magaaladaas waxaa degi jiray labo qabiil oo carab ah oo la kala oran jiray Ows iyo Khazraj, waxay dagaalamaayeen oo naf iyo maal isku beeleen muddo boqolaal sano ah, waxaana la sheegaa in aysan waligood ku fakarin in heshiis dhexmaro meesha arrintu ka gaartay. Laakiin markii rag dhalinyaro u badan oo inta Nabigeena Maxamed (NNKH) ugu tagay magaalada Makka soo qaatay Diinta Islaamka iyaga oo mideysan kana kooban labadii qabiil ee Ows iyo Khazraj kusoo laabteen magaaladii Madiina ugu yeereen labadii qabiil ee dagaalka iyo khilaafku baabi’iyey in ay qaataan Diinta kuna midoowbaan ayna ka qaateen waxaa halkaas looga gudbay khilaafkii boqolaalka sano soo-jireenka ahaa. Taasina waa tusaale cad oo marka dagaal iyo khilaaf dal ku-dabo-dheeraado si looga baxo waxay u 2. baahan tahay in la helo dad ku mideysan hadaf ay leeyihiin oo dadka iyo dalka nabadgelyo iyo heshiis u horseeda. Inta badan dadka waxaa khilaafka iyo dagaalka u keena oo ay isaga hor-yimaadaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin; khilaaf ka jira kheyraadka dhulka, raadin madaxtinimo, aargoosi iyo aano qabiil IWM. Arrintaasna waxaa sababa inta badan dhulka khilaafka iyo dagaalku ka jiro oo aan lahayn sharci kala saara dadka ama sharcigii waa jiraa ee waxaan jirin cid tixgalineysay oo dhowraysay qof-walbana wuxuu wax ku raadinaayaa sida ay isaga la tahay isaga oo si cad u garab maraaya sharcigii dhulka u yaalay. Dowladdii Islaamka ee ANDOLOS waxay haysatay Shareecada Islaamka oo ay muddo aad u dheer ku dhaqmaayeen ahna sharci uu Alle (WS) soo dejiyey ciddii isku maamushana aysan wax dhib iyo khilaaf ah arkeynin, waxaa dhacday in madaxdii ka talineysay dhulkii ANDOLOS iyaga oo fiirinaaya danahooda gaarka ah ay si toos ah oo aan qarsoodi ahayn u garab mareen Shareecadii Islaamka, isuna adeegsadeen gacmo shisheeye abuureenna khilaaf aad u badan, labadaas arrimood oo Shareecada Islaamku mowqif cad ka taagan tahay Alle iyo Nabigiisuna si cad u caddeeyeen xaaraantinimadooda. Markii Shareecadii Islaamka ee dhulka ANDOLOS sharciga u ahayd la garabmarayna waxaa lagu waayey gabi ahaanba dhulkii ANDOLOS. Taasina waa tusaale cad oo hadii la rabo in khilaaf iyo dagaal ragaaday laga gudbo sida ka jirta dalkeena Soomaaliya oo kale ay lagama maarmaan tahay in sharciga dhulka Diin iyo mid lagu heshiiyeyba la texgaliyo, hadii kale waayo badan la dhexfadhindoono khilaaf iyo dagaal aan dhammaad lahayn. 3. Waxay culumada Islaamku si aad ah ugu sheegaan taariikhda ANDOLOS marka ay qorayaan farqigii u dhaxeeyey xag horumar iyo dhul ballaarisba labadii waqti ee ay soo martay dowladdii Islaamka ee ANDOLOS; waqtigii hore ee xoreynta iyo galistii Diinta islaamka ay gaartay dhulkaas iyo waqtigii danbe ee khilaafku hareeyey dhulkaas. Hadaba marka aad si dhiifoon u dhuuxdo qoraalada culumada waxaa kuu soo baxaysa in markasta oo dadka iyo dowladuhu midoobaan uu kordho horumarkooda iyo dhul ballaarsiga ay sameynayaan La Soco Qayb galey .W/D Saciid Birmad , Dhalashada Nabigeenka Maxamed (NNKH) Waxaa maalmahaan lagu gudo jiraa Bishii Mowliid ee uu dhashay Nabigeena Maxamed (NNKH), waxaana daafaha aduunka aad looga xusay oo dabaaldegyo aad u ballaaran muslimiinta aduunku u sameeyeen Dhalashadiisa oo ku aaddan (12-ka Bisha Mowliid ee sanadka Hijriga ah) sida ay qabaan culumada Islaamka qaarkood. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa si la mid ah Muslimiinta kale ee Aduunka sameeyey dabaadegyo iyo isu soo baxyo waaweyn oo lagu weynaynaayo Dhalashada Nabigeena Suuban (NNKH). . Jimce 31-ka Jan 2014 Codka SOSCENSA Bogga 9aad Arrimaha Dhalinyaradda Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortagga Burcad-Badeednimada ee SAPIC oo kulan Wacyi-gelin ah ku qabatey Baydhabo Xarunta ka-Hortagga Brcadbadeedda Soomaaliya ee(SAPIC) ayaa kulan looga hadlayay dhibaatooyinka burcadBadeednimada ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo kulankan ay hadallo u badan wacyigelin ay ka jeediyeen waxgarad iyo mas’uuliyiinta xarunta SAPIC. Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay, Sheekh Carmiye C/qaadir oo ka mid ahaa xubnihii kulanka lagu casuumay, iyadoo intaas kaddibna ay billowdeen hadallo ay xubnaha kulanka ka soo qayb galay jeediyeen. “Reer Baydhabo waa inay dhallinyaradooda ka wacyigeliyaan burcadnimada iyo dhibaatooyinkeeda. haddii Gobollada xeebaha ay ka jiraan bucad-badeed annagu waxaan qabnaa burcad dhuleed, waana in xoogga la wada saaro sidii dhallinyarada ay uga fogaan lahaayeen wax walba oo murcadnimo ah,” ayuu yiri Madaxa Hay’adda SAPIC ee Baydhabo, Cali Macallin Isaaq oo hadalkiisa ku da ray in xarunta SAPIC ay u taagan tahay sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa dhibaatooyinka burcadnimada nooca ay doonto ha ahaadaane. Sidoo kale, Sheekh Miiris Maxamed oo ka hadlay waxay Diinta Islaamku ka qabto dhibaatoyinka burcadnimada ayaa sheegay inuu islaamku reebay gebi ahaan nooc kasta oo burcadnimo ah, wuxuu soo qaatay dhowr Aayadood oo kuwaasoo qaarkood tilmaamayay in ruuxii burcadnimo ku sifooba ay banaan tahay in la dilo ama lug iyo gacan isdhaaf ah laga jaro ama la masaafurinayo iyadoo loo eegayo hadba xaddiga dambiga uu geystay. Sheekhu wuxuu sheegay in Gobolka Baay aysan ka jirin burcad-badeed balse ay ka jiraan burcad-dhuleed, nooc kasta oo ay tahayna ay isku dambi yihiin iskuna ciqaab yihiin. Wuxuu ku boorriyay bulshada inay u kacdo sidii looga waanin lahaa dhallinyarada burcadnimada iyo Isbaarada oo ah kuwo aan Adduun iyo Aakhiroba lagu liibaanayn, kulankan wacyigelinta waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ay ka md ahayd Luul Isxaaq oo ahayd Wakiilka Dalladda SOSCENSA ee Gobolka Baay Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay aqoon isweydaarsi loogu magacdarey Aaeegsiga afka Soomaaliga iyo kaalinta warbaahinta Maxamed Daahir Afrax waxaana soo qaban qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana ka soo qeyb galey ku dhowaad boqol xubnood oo ka kala socday qeybaha warbaahinta ee ka howlgala Muqdisho iyo Gobolada dalka. Kulankaan aqoon isweydaarsiga oo ay wada yeesheen warbaahinta iyo Madaxda Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga ayaa looga hadlay sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen soo nooleynta Afka Soomaaliga iyo sidii arrimahaasi ay door muuqda uga qaadan lahaayeen Warbaahinta Guddoomiyaha Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga Maxamed Daahir Afrax oo kulankaan ka hadlay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga iyo Baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed luqadooda kor ugu qaadi lahaayeen islamarkaana looga baahan yahay in Warbaahintu qeyb ka qaadan karto Fahamsiinta Luqadda Afka Soomaaliga Bulshadooda "Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo kaalinta Saxaafadda ay ka qaadan karto inay bulshada gaarsiiso luqadooda saxda ah ayay tahay ujeedada kulankaan" ayuu yiri Guddoomiyaha Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga waxaa uu sii raaciyey Maxamed Daahir Afrax “waxaa loo baahan yahay sidii Akadeemiyada iyo qeybaha warbaahinta ay u ururin lahaayeen isticmaalka ereyada Afka Soomaaliga oo uu qaarkood maanta ay sii lumayaan. "Dadka Soomaalida waxa kaliya ee maanta ka dhaxeeya ama ay ku Mideysan yihiin waa luqadda" ayuu yiri guddoomiye Maxamed Daahir Afrax oo sheegay in Luqadda Afka Soomaaliga horumarintiisa uu dib u dhaca u keeney dagaaladii Dalka ka dhacay kadib markii ay burbureen goobihii Keydka u ahaa taariikhdooda iyo dhaqankooda . C/Naasir Yuusuf Macallim Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen oo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in Naadiga uu soo maray heerar kala duwan, isagoo sheegay in howlihii ugu ballaarnaa ee uu Naadigiisu qabtay ay ka mid tahay qabashada Sanadguurada 40-aad ee Afka Soomaaliga Qoristiisa oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynayaasha Gobolka Dhinaca kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ustaad Cabdi Xaaji Goobdoon oo sharaxaad dheer ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray hirgelinta Afka Soomaaliga gaar ahaan Qorista Afka Soomaaliga , isagoo sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay Macallimiin u noqdaan Bulshadooda si luqadda Afka Soomaaliga u Hormarto Jimce 31-ka Jan 2014 Codka SOSCENSA Bogga 10-aad ARRIMA HAWEENKA Doorka Siyaasadda ee Haweenka, Shalay iyo Maanta. Haweenka Soomaalidu halgankii Gobanimadoonka qayb weyn oo taariikhda Qarank gashay ayey ka soo qaateen. Gabdho badan ayaa dahabkoodii inta ay korkooda ka soo fureen u iibiyey gobanimada darteed. qaar baa aragtidooda siyaadeed darteed, loo xiray oo Xabsiyada ugu Umulay. Qaar baa naftoodii ku waayey iyaga oo taagan goob halgan qaraari ka socday, sida, Xawo Cisman XAAWO TAAKO, oo 11-Kii Janaayo 1949-kii lagu dilay halka ay ka taagneyn hada Taalada lagu xusuusto ee Muqdisho, Taalada Xawo Taako waxay astaan u tahay halganka siyaasiga ah ee Haweenka Soomaaliyeed, ee shalay iyo maantaba. Qaababka Halganka iyo xilliyada ayaa kala duwan, mar kastase, halgankii waa halkiisii. Shalay hadday ku jireen dagaalka hubaysan, oo ay kala soo horjeedeen cawad dibadda uga yimid,maanta waxay ku jiraan halgan siyaasadeed oo gudaha ka dhashay. Gabdho badan oo Somaliyeed, ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka wada baraarug siyaasadeed, oo ay ku doonayaan, in ay kaalin muuqata ku yeeshaan talada dadka iyo dalka. Qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah xildhibaanada kala ah: Seynab Maxamed Caamir iyo Waxaan rabnaa ayey yiraadeen in Dastuurka qabyada ah in lagu soo daro qoondada %30 oo haweenka u gaar ah. Barlmaanka Federaalka ah ku ley 39 xubnood oo u dhiganta %14. Haween ahaan waxaan dood badan ka qabnaa tirada gabdhaha ku jira Golaha wakiilada Puntland, oo markii hore lagu bilaabay 5 xubnood, in ay haataan hoos ugu soo dhacday 2 keliya !. Sidaa waxaa tiri Xalima Maxamed Jacfar Guddoomiyaha Dalladda Haweenka Gobolka Nugaal, oo waraysi siisay barnaamijka Haweenka iyo Nolosha ee Radio Mustaqbil ee Mogadisu. Waxaa jiray, gabdho badan oo xildhibaanimo soo doontay. Dhibaatada oo dhammi waxay nooga imaanaysaa, waa Nabadoonnada Isimada. Odeyaashiibeelaha ay ka dhasheen iyo kuwa u dhaxaan, ayaa gabdhaha isku-tuurtuura. Markaas ayey meel cidla' ah ku soo dhacaan. Rajada keiya oo aan leenahay, waa marka xisbiyo siyaasad dalku yeesho, oo la gaaro, hal qof iyo hal cod. Waxaan hubnaa, maadaama aan tiro ahaan ugu badanahay dadka Somaliyeed, markii hal qof, hal cod ay noqoto,in aan codadka ugu badan heli doono. Halkaasna, waxaa ku dhammaanaya, nadaam, odey-beeleedyadu qofkii ay doonaan ay soo qoran jireen. Xisbiiyo sameynta waxaa ka horeeya, in marka hore qofku fahmo xisbi waxa uu yahay. Qofku xuquuqdiisa dimoqaradiga garto, tiro koob dadweyne oo saxa la sameeyo, qof waliba oo qaan gaar ahi, leeyahay warqad aqoonsig, Maxkamada dastuuri ahna ay jirto . Maalintaas ayaa WAA CUSUBI noo beryey! Xildhibaanada Seynab Maxamed Caamir, oo ka mid ahayd haweenkii siyaasiinta ahaa barnaamijkaas lagu waraystay, ayaa iyada oo ka hadlaysay arrimahaas ayaa iyana codkeeda ku biirsay, oo tiri, Annagu haween haddaan nahay raggu waxba nooma oggola. Marka, ragga waxaan u sheegayaa, war boqolkiiba waxaan nahay %70 ne, haweenku xaqii ay lahaayeen siiya. Haddaad, diiddaan, xisbiyada siyaasadda marka la furo, ayaan si cad ula gorgortami doonaa. Waxaan leenahay haddii aad Gudddoomiyaha qaadataan, waa in aan qaadanayaa Guddoomiye ku xigeenka xisbiga, ragga maanta iswaalaya. Waa dhammaatay, sheekadii ahayd, ina-adeerkay weeye, iyo odeygagii weeye iyo waa walaalkay. Waxaan dadk Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa, kan ku qaba, iyo kan walaalkaa ahi. midna waxba kuuma oggola, ee haweenow xuquuqdeenna aan doonanno. 11ka Janaayo Dhacdo lama ilaawaan ah. Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa go'aansaday, in ay wefdi xaqiiqo-raadis ah u soo diraan, ,Soomaaliya, qaybteedii Talyaanigu gumaysan jiray, sannadkii 1947dii dhammaadkiisii, si ay xog-ogaal ugu noqdaan rabitaanka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed. Waxyna ka koobnaayeen afartaan dawladood, oo kala ahaa: Ingiriiska,Fransiiska, Ruushka iyo Maraykanka, oo loo yiqiin "Four Powers Commission." Weftigu waxay Xamar yimaadeen horaantii bishii Janaayo 1948dii. Waxayna dalbadeen in urur walba oo siyaasadeed, oo markaas dalka ka jira, , uu abaabulo dibad-bax uu ku muujinayo tiradooda iyo rabitaankooda siyaasadeed. Dibad-bixii Xisbiga SYL ayaa lagu dilay Xaawo CismanXaawo Taako, 11-kii Janaayo 1949kii.Maalintaasi waa maalin baal dahab ah kaga jirta, halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u gashay xornimadeeda. Waxayna ka mid tahay maalmaha la baxay magaca, "Soomaaliya Ha Noolaato", halgankaas dartiis. Dilkeedii kadib, Xawo Cisman, Xaawo Taako, waxay noqotay, astaan lagu xusuusto kaalintii gabdhaha Soomaaliyeed ka soo qaateen , halgankii kharaaraa ee Gobanimadoonka laga soo maray. 1972dii ayaa Dawladdii Soomaaliyeed ee wakhtigaas jirtay, waxay isla goobtii lagu dilay Xaawo Taako, ka dhistay Taallo lagu xusuusto. Weli waxaa nool oo ku dhex jira gabdhaha Soomaaliyeed, boqolaal Xaawo Taako, oo weli halganka, siyaabo kala duwan halkiisii uga sii wada. Talaado 31-ka December r 2013 Codka SOSCENSA Bogga 11aad Dhaqanka iyo Suugaanta Aw Jaamac Cumar Ciise: Qoraa Ku Weyn Quluubta Qalinleyda Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise oo kulansaday tilmaamo badan oo ay yar tahay inta leh waxaa uu ummadda Soomaaliyeed kaga tegay kaydad dhaxal gal ah, kuwaas oo isugu jira Taariikh , Suugaan iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Aw Jaamac Aw Jaamac Cumar Ciise Cumar Ciise Allaha u naxriistee in kasta oo aan la kulmin shaqsi ahaan haddana wuxuu ahaa Macallinkayga, waayo waxaan aqriyey buugag badan oo uu qoray aqoonna ka kororsaday, waana xaq inaan u murugoodo geerida Aw Jaamac Cumar Ciise xusana abaalka uu ku leeyahay aniga iyo qof kasta oo aqriyey qoraalladiisa, waxa uuna ahaa Allaha u naxariistee udub dhexaadka raad raac ee buugaag aan hore u qoray. In kasta oo Soomaalida lagu sheego dad wax weriya balse aan inta badan wax qorin ayeysan oraahdaasu Aw Jaamac tilmaamayn maadaama uu ku soo kordhiyey buugaag fara badan Maktabadda Soomaaliyeed iyo tan Carbeedba. Qoraallada Allaha u naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah kuwo saamayn leh si wanaagsanna loo tafatiray waxaa dhab ah in qofka aqrinayo uusan marna ka daalayn, taasi waxaa sabab u ah iyada oo qoraalku ka soo maaxday qalbi qof Soomaalinnimadu ku weyn tahay aqoon durugsanna u leh diinta iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, waana kuwo dhammaantood raad raac u ah Taariikhda, Suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeedba. Tilmaamaha uu lahaa Allaha u naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise kagana soocnaa qorayaasha kale waxaa ka mid ah: 1- Xeel dheeri Shareecada Islaamka: Sheekh Jaamac Cumar Ciise aqoonta gunta dheer ee uu u leeyahay diinta islaamka waxay dhaxalsiisay inuu ugu adeego bulshadiisa isaga oo gudanaya waajibaadka saaran ee wanaag faridda iyo xumaan reebidda. 2- Cilmi Baare Kaydiyey qoraallo badan: Allaha u Naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise isaga ayaaba la oran karaa inuu ahaa Maktabad socota maadaama uu kaydiyey qoraallo badan oo lumi lahaa haddii uusan isagu isu xil saarin hawshaas baaxadda leh. Waxa uu xusay Aw Jaamac allaha u naxariistee in uu billaabay ururinta qoraalladda sanadkii 1955 oo ah xilli aad u fog, waxaa uu ku safray dhul dheer oo bah gooyo ah si uu u helo xog ku aaddan qoraallada uu danaynayey, isagoo ka qorayey afka dadka uu xogta ku tuhmayey, sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku kaydsanayey oo uu adeegsanayey farta carabiga maadaama far soomaaligu qornayn xilligaas. 3- Aqoontiisa Luuqadeed: Aqoonta ballaaran ee uu u lahaa Aw Jaamac Allaha u naxariistee luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga waxa ay u ahayd dhiirrigelin in uu ku soo bandhigo kaydadkiisa aqooneed, waxaana ka faa’iidaystay buugta tirada badan ee uu Aw Jaamac ku qoray labadaas luuqadood dadka aqriya luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga. 4- Hibada Eebbe u siiyey aqoonta Suugaanta. Dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed: Aqoonta uu Aw Jaamac Cumar Ciise Allaha u naxariistee u laha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxa ay ka muuqanaysaa qoraallada baaxadda leh ee uu ku soo bandhigay labadiisa buug ee Diiwaanka Sayid Max’ed Cabdulle ah ee Hilimada Maansadii hore ee uu daabacay 2005tii. Qofka aqriya labadaas buug waxaa ku soo duxaya hodontinimada Suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed. 5- Aqoonta uu u lahaa Taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed: Waxaa si fudud loo oran karaa in Sh. Jaamaca Cumar Ciise Allaha u naxariistee uu ahaa taariikhyahan sugay taariikhda Soomaaliya Dhul iyo Dadba laga soo billaabo xilliyadii dhexe, waxaa u dheer Aw Jaamac allaha u naxariistee aqoontiisa taariikheed in uu si ammaano leh u gutay soo bandhigidda buugtiisa taariikheed, isaga oo si dhab ah u sugay dhacdooyinka ku xusan qoraalladiisa, maadaama taariikhaha iyo dhacdooyinku yihiin kuwo la isku khilaafi karo. 6- Hufnaan iyo Soomaalinimada oo ku weynayd: Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ahaa allaha u naxariistee mid si hufan u gutay qoraalladii faraha badnaa ee uu kaga tegay bulshada soomaaliyeed, waxa ay maanta qoraalladiisu ka mid yihiin kuwa ugu kalsoonida badan oo aysan jirin cid xasaasiyo ka qabto, iyada oo aan ognahay in ay liidato kalsoonida bulshadu heerka ay gaarsiisan tahay dagaalladaii sokeeye ka dib. 7Shakhsiyada dhanka san u Debecsan: Shakhsiyadda Sh. Jaamaca Cumar Ciise oo ahayd mid debecsan oo waxa ay ka marnayd han dhaqaale, taas oo aan ula jeedo in buugtiisa uu qoray ula jeeday dar alle iyo danaha dadkiisa iyo dalkiisa, iyada oo aan ognahay in qorayaashu ku xisaabtamaan in waxa ay qoraan ka sameeyaan dhaqaale. Waxaa daliil cad innoogu filan in Aw Jaamac sida uu xusay qoraalladiisii burburka ka dib u qaxiyey Nairobi isaga oo aan hayn shilin uu ku daabaco ayna dhacdo in qoraalladii uu muddadada fog kaydinayey saddex meelood meel ku luntay dagaalladii sokeeye halka labada kale ay u badbaaday, intaas ka dibna waxaa gacan weyn ka siiyey daabacaadda buugtaas mahadi ha ka gaartee madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.,Waxaan ka rajaynayaa in inta gacanta ku haysa qoraalladii daabacnaa iyo kuwa aan daabacnaynba ee Aw Jaamac Cumar Ciise la baahiyo loogana faa’iideeyo bulshada Soomaaliyeed iyada oo ay qoraaga u noqonayso sadaqo Jaariyah eebbe idinkiis. Qore: C/qaadir Max’ed Xasan Email: Himilo124@hotmail.com Talaado 31-ka December 2013 Codka SOSCENSA Bogga 12-aad Faaqidaada Ciyaaraha Wiilal iyo Gabdho Orod ku Tartamay oo Koobab lagu Gudoonsiiyay Magaalada Muqdisho Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey garoonka banaadir koobkii 18-aad ee Jen daa’uud ee ciyaaraha fudud kaasi oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad 150 ciyaaryahano kooxo ka socda oo isugu jira wiilal iyo gabdho,iyadoo xaflad gabo gabo ah lagu qabtay gudaha garoonka banaadir oo tartanku ka socdey. Tartanka 18-aad ee Jen daa’uud ciyaaraha fudud oo kala guuleysteen: Dhinaca wiilasha HEEGAN ayaa koobaad gashay iyagoo Urursadey 59 dhibic,kaalinta 2-aad waxaa galay HORSEED 42 dhibic,halka 3-aad ay galeen kooxda JUBBA oo urursatay 23 dhibic,dhinaca gabdhaha IIMAAN Hospital ayaa koobaad galay iyagoo keensadey 26 dhibic,halka gabdhaha Heegan ay galeen labaad 23 dhibic. Garsoore Hore Shuuriye oo Dhanka Macalinimada u Wareegsanaya Khadiijo Aaden Daahir oo Koob Bixineysa ay soo agaasimeen XSCF ayaa waxaa lagu tartamay qeybaha kala duwan ee Orordka 100m,200m,400m,800m,1500m,3000m,iyo boodada hoose iyadoo kooxo gaaraya 8 kooxood ay u ordayeen ciyaaryahanada. Xafladii Gabagabada Tartankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS,madax G/banaadir u qaabilsan Sportiga,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, k.koleyga,K/laliska,K/miiska,ciyaaraha fudud iyo tababarayaasha ciyaaraha fudud iyadoo ka hore la daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m.800m.iyo 3000m oo ah orod dheer oo 3 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka banaadir. Waxaa halkaasi Khudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo Aaden Daahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda. Abuukar Isloow Maxamed oo katirsan Gudiga Fulinta GOS ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay muhiim tahay in la qabto tartamada noocaan oo kale ah si dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun xun sida muqaadaraadka. Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada kale ee jira, isagoo kula dardaarmay inay soo celiyaan magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd. Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo koobab isugu jira waxayna kooxaha kaalimaha ugu Garsoore hore oo heer Caalami Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) ayaa maanta oo khamiis ah shaaca ka qaaday in uu qorsheynayo in uu isu badalo macalin dhanka garsoorka ah si uu gacan uga geysto wax barida dhalinyarada Soomaaliyeed Garsoore Shuuriye ee jecel inay shaqda garsoorka kusoo biiraan, maadama uu haatan ka weynaaday shaqadii garsoorenimada. “Garsoorka kubada cagtu waa hiwaayadeyda 1-aad sidaa daraadeed maadaama aan iminka howl-gab ka noqday garsoorenimada, gudaha iyo tan caalamiga ah intaba waxaan jeclahay in aan wali kusii dhex jiro shaqada garsoorka, laakin markan kumasii lug lahaan doono muumulida cayaarta gudaha garoonka balse taa badalkeeda, waxaan rajeynayaa in aan u shaqeeyo dalkeyga iyo dadkeyga anigoo ah macalin dhanka garsoorka ah”ayuu yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) oo maanta qoraal soo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta. “Waxaan idin sheegayaa kaddib muddo sanado ah (1996- 2013) oo aan kasoo shaqeynayay howsha garsoorka heer qaran ilaa iyo heer caalami, mudadaasoo aan qibrad weyn kusoo qaatay waayeheygii quruxda badnaa ee aan soo maray, garsoorku waxaa uu ahaa shaqo aan aad u jeclaa ilaa iyo caruurnimadeydii, sidaa daraadeed wali aad ayaan u jeclahay in aan kusii dhex jiro, laakin markan aan isu badalo dhanka macalinimada garsoorka”ayuu qoraalkiisa ku yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye). Waxaa uu sidoo kale garsoorahan hore ku sheegay qoraalkiisa in wixii ka dambeeya maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16 Janaayo 2014 uu go’aan ku gaaray shaqadii garsoorka ee gudaha dalka in uu iyadana joojiyo tasoo macneheedu yahay in uusan cayaar dambe dalka gudihiisa garsoore ka noqon doonin maadaama uu waayihiisii soo qaatay hadana ka gaboobay uuna jecelkyahay dhanka macalinimada in uu u wareego si uu gacan u siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel inay Garsoorka kusoo biiraan. Jimce 31-ka Jan 2013 Codka SOSCENSA Bogga 13-aad Bogga Qubanaha Baarlamaanka Oo ansixiyay Xukuumadda Cusub Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa 17- Bishii Janaayo 2014 waqti Saqdii Dhexe ah waxa uu soo Magacaabey Golahiis Wasiirada oo ka Kooban 55 xubnood oo u kala baxaya 25 Wasiir 25 Wasiir Ku xigeen iyo 5 Wasiiru Dowlayaal waxayna kala yihiin Wasiirada sidan: 1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Good ax Bare 2.-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed 3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow 4. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan 5. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow 6- Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed 7-.Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar 8-. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane 9-. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase ( 10-. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulsta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel 11-. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow 12-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud 13- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin 14-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali 15-Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed 16-.Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed 17-.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale 18-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed Oday 19-.Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan 20-Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed 21-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed 22.-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil 23-Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye 24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud 25. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar Wasiiru Dowlayaal 1.Maxamed Macalin Yaxye wasiiru dowlaha arimaha gudaha iyo Fedaraalka 2.C/laahi Maxamed Nuur Wasiiru Dowlaha Maaliyadda 3.Burci Maxamed Xamza wasiiru Dowlaha arimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga 4.Maxamed Cali Xagaa wasiiru dowlaha Gaashaandhiga 5.Daa’uud C/karim Cumar Wasiiru dowlaha amniga qaranka Liiska Wasiira ku xigeenada 1.C/raxman Maxamed Saalax (Bankax) Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka. 2.Fahma Axmed Nuur wasiir ku Xigeenka Maaliyadda 3.Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga 4.Mahad Maxamed Salaad wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga 5.Ibraahim Yarow Isaaq Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka 6. Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada ( 7.Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 8.C/laahi Sheikh Cali Qaloocow Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta 9.C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo Dastuurka 10.Yuusuf Xayle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Owqaafta 11.C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka Warfaafinta 12.Xirsi Aaden Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada 13.Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada 14.Axmed Ali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta 15.Cusmaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka Beeraha 16.Maxamud Axmed Nuur Tarsan wasiir ku Xigeenka Sportiga iyo Dhalinyarada 17.Cabdi Kaafi Macalin Xasan wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha 18.C/raxman Cabdi Cusmaan wasiir ku xigeenka Canacsiga iyo Warshadaha 19.Maxamed Ismaaciil Shuuriye wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo Dib u Dhiska 20.Muna Ibraahim Abiikar wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha 21.C/casiis Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga Kheyraad ka Badda 22.Maxamed Cali Geedi wasiir ku xigeenka Macdanta 23.Axmed Aaden Axmed wasiir ku xigeenka Caafimaadka 24.Maxamed Axmed Kulan wasiir ku xigeenka hidaha iyo Tacliinta sare 25- Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa Jimce 31-ka Jan 2013 Codka SOSCENSA Bogga 14-aad Bogga Waxbarashadda U Hiili Afka Hooyo Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) xubin ka mida guddigii qorista farta Soomaaliga Go'aanka qorida afku waxay ahayd guul weyn oo la wada leeyahy una soo hoyatay dhammaan shacbiga Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, waayo waa markii ugu horreysay ee la helo lana qoro afkii hadalka oo qura uun ku koobnaa, kadibna noqday afkii aqoonta iyo ilbaxnimada ummadda lagu kaydinayey. Xuseen Shiikh Axmed Kadare waxa uu ka mid ahaa guddigii qorista af soomaaliga. 21kii Bishii Oktobar ee sannadkii 1972dii , ayaa Labadii Gole oo kala ahaa :Golaha Sare ee Kacaanka iyo Golaha Xoghayeyaasha , oo wadajiraa, waxay go'aan ku gaareen in Af Soomaaliga la qoro; uuna noqdo Afka Rasmiga ah ee dalka lagu maamulayo. Xuruufta Af Soomaaliga lagu qori lahaa, ayaa muddo dheer muran ka taagnaa. Si markaan loo soo afjaro, labada Gole waxay doorteen in xuruufta latiinka ah lagu qoro Afka Hooyo. Sababihii ay xuruuftaas u doorteen waxay ku sheegeen, in ay ka mid ahaayen : 1. In dugsiyada dalka, intooda badan, wax lagu barto xuruuftaas. 2. In dadku durbadiiba wax ku baran karaan xuruuftaas, horay dad badani u yiqiin. 3. Xuruuf cusubi waxay u baahanysaa, wakhti dheer iyo kharaj fara badan, oo miisaaniyadda dalka culays badan saari lahayd. 4. Muddada lagu diyaarinayo qalabka xuruuf cusub oo noo gaar ah lagu sameeyo oo dheeraanaya. 5. Baahida dadkeenna iyo dalkeennu u qabay waxbarashada oo aan sugi karin wakhti sidaas u dheer. 6. In ay adkaato qaabka aan duniyada, inteeda kale ula xiriiri lahayn, haddii aan xuruuf noo gaar ah qaadan lahayn..Hababkii loo dhaqangeliyey qorista Afka, go'aankaas kadib waxaa ka mid ahaa : 1. Wejiga Kowaad ee farbarashada, waxaa laga bilaabay shaqaalaha Dawladda oo dhan.Waxaana lagu amray in ay mudo 3 bilood gudahood ah ku bartaan qorista iyo akhrinta Far Soomaaliga. Mudadaas markii dambe waa la dheereeyay oo 6 bilood ayaa laga dhigay. (Ogoow, arintu waa qoris oo kaliya; dadku way yaqaaneen ku hadalka afka). Wuxuu wejigaan ku soo af jarmay lix bilood gudahood. Ka dib markii Qorista Af Soomaaliga lagu dhawaaqay 1972dii oo ku beegnayd Sanad Guuradii 3aad ee Dowladdii Kacaanka. 2. Wejiga labaad waxaa laga hirgaliyay dhamaan magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka, intii u dhexeysay, 1973-1974. 3. Wejiga Sadexaad ee ololaha waxbarashada, waxaase markii dambe loo bixiyay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga. Waxaana ololaha wax barashada la gaarsiiyay ilaa deegaan walba iyo tuulo kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah. Ololaha Waxbarashadu wuxuu si rasmi ah u bilowday bishii Maarso 7dii, 1974 . Waxaana lagu daahfuray dibadbax weyn oo dadweynaha ku nool Gobolka Banaadir isugu soo baxeen Garoonka Cayaaraha ee Istaadiyoo Banaadir,Waxaana ka faaiideystay dad reer Miyi ah oo tiradoodu gaarayso, ugu yaraan 125,000 qof, oo aan horay u aqoon wax Qorista iyo Akhriska. Go'aanka qorida afku waxay ahayd guul weyn oo la wada leeyahy una soo hoyatay dhammaan shacbiga Soomaaliyeed guddo iyo dibadba, waayo waa markii ugu horreysay ee la helo lana qoro afkii hadalka oo qura uun ku koobnaa, kadibna noqday afkii aqoonta iyo ilbaxnimada, ummadda lagu kaydinayey. Dugsiyadii afafka qalaad duruusta lagu baran jiray ayaa isla markiiba waxay u xuub siibteen kuwo u baratama taabbo gelinta iyo hirgelinta farta soomaaliga iyo barashadeedaba. Dhammaan culuuntii kala duwanayd ee ku qornayd afafka qalaad, ayaa la turjumay oo laga dhigay af-Soomaali. Dugsiyadii dalka ka jiray laga bilaabo dugsi hoose, dugsi dhexe, ayaa lagu bilaabay in ay ardaydu afkooda hooyo, wax ku bartaan. Soomaaliyi meel ay joogtaba, waxay isku raacsan tahay, go'aankii qoridda Af Soomaaligu, in uu ahaa go'aan sax ah oo la gaaray wakhtigii ku habboonaa. Mar haduu sidaas nolosheenna muhiim ugu yahay afku, waxaa nala habboon, in aan dhammaanteen, u wada guntanno u hiilinta, kobcinta iyo fidinta Afka Hooyo,oo ah dunta isku keen haysa. 21 Janaayo 1973 waa maalin Xasuus ma Hadho ah ku leh Bulshada Soomaaliyeed waayo waa Maalinkii ugu horeysey ee uu soo baxo Wargeys Af Soomaali ku qoran oo la oran jirey Xiddigta Oktoobar taasi waxay keentey in Dadka badan Soomaaliyeed ay xiiseeyaan af soomaaliga. 21 Janaayo 1973 sidoo kale waxay Astaan u tahay Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed, hase yeeshee maalinkaa waxaa la soo bandhigi jirin Waxqabadkii Wasaarada warfaafinta iyo Waaxda Qoraalka. hase yeeshee maalinkaa Qiimaha ku leh Bahda warfaainta waxaad moodaa inay hada la dhimatay dhaawaca af soomaaliga gaaray Jimce 31-ka Jan 2013 Codka SOSCENSA Bogga 15-aad A R R I M A H A C A A F I M A A DKA Cudurka Sonkorowga (Diabetes) Cudurka Sonkorowga ayay dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig ahba (80-110mg/dl). Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor ah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa ah xagee ayay aaday sonkortii badneyd ee aan isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga dambena tirada Soomaalida Sonkorta qabta ayaa sii kordheysa Sanadba Sanadka ka dambeeya. Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu yahay cudurka Sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka Sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan u soo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo. Cudurka Sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic Disorder) taas oo ugu dambeyntii sababta in xadiga sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco Hhyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan. Sonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah balse mida ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca (pancreas cells) kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca. Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal (tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan (glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka. Hadaba khalal ku yimaada soo deynta Hormoonka Insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa Sonkorta dhiiga oo kor u kacda (Hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan Cudurka Sonkorowga (Diabetes Mellitus). Mar hadii ay shaqada Insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada Hormoonka Kuluukagon (Glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo Sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca Sonkorta Dhiiga, marka si Sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa Unugyada Ganaca ee loo yaqaan Alpha Cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan Hormoonka Kuulukagon, islamarkiiba Hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan. 1)- Sonkortii keydsaneyd (Glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee ganacu waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon). Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo. W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com Master of Clinical Microbiology, University of Karachi Jimce 31-ka Jan 2013 Codka SOSCENSA Bogga 16-aad Soo saaridda Wargeyska Codka SOSCENSA waxaa iska Kaashadey Hay’adaha SOSCENSA , MIDOWGA YURUB,SAFERWORLD iyo UKAID Bulshada Rayidka Waa Awood Urursan Oo Waxtar Leh Kulankii Dib Dhiska Magaala Madaxda Muqdisho Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan ) G/ Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay Bulshada Rayidka oo ka qayb gashey Shirkii Dib u Dhiska Magaalada muqdisho Wargeyska Soscensa Ma heshaa? Maxaa ku Xiisa Geliyay? Maxaa lagu Kordhiyaa? Lasoo Xiriir Xarunta: +252-615524592 / +252616002296 Printed at: Caalami Printing House Km-4 Wargeyska Soscensa Ma heshaa? Maxaa ku Xiisa Geliyay? Maxaa lagu Kordhiyaa? Lasoo Xiriir Xarunta: +252-615524592 / +252616002296 Printed at: Caalami Printing House Km-4
Similar documents
Wargeyska SOSCENSA Cadadkii 2aad 30
Dhiirro-gelinaynaa una soo dhoweynaynaa Wargeyska CODKA SOSCENSA in uu soo baxo. Waayo, waxaan filaynaa in uu wax badan ka qaban doono hawlaha ay Dalladda SOSCENSA waddo. Bulshada akhrisataa Wargey...
More informationXaniinyo Taabasho - All idamaale News
meel walba ku arki dadka oo ku sii qul qulaya dukaamada dharka iyo maqaayadaha raashinka mac-macaanka lagu iibiyo. Hase yeeshee, Xamar waxaa u dheer iyada oo mar kale u diyaar garobeysa cayaarta “X...
More information