Waxa ka dhaca ilmahaaga xannaanadooda
Transcription
Waxa ka dhaca ilmahaaga xannaanadooda
Waxa ka dhaca ilmahaaga xannaanadooda 2 Tusmo Waxa ka dhaca xannaanada ilmahaaga . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 1 Xannaano waa maxay? . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 3 Sababahaan ayay muhiim utahay aadista xannaanadu . . . . . . . 3 Waxa lagu sameeyo xannaanada inta la joogo . . . . . . . . . . . . . . . . 4 Ilmaahu markuu bilaabo xannaanada . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 6 Shaqaalaha iyo ilmuhu waxay wada sameeyaan . . . . . . . . . . . . . . 7 Wadashaqaynta waalidiinta . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 8 Cunnada (Raashinka) . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 10 Hurdada . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 11 Dharka . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 12 Dhalashooyinka . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 16 Fasaxa . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 16 Jirada . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 17 Wadashaqaynta dadka kale . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . 18 3 Xannaano waa maxay? Xannaano waa meel lagu hayo maalintii ilmaha da`doodu aysan gaarin xiligii iskoolka. Xanaanada waxaa loo kala qaadaa qaybaha hoos ku xusan; • Qayb lagu hayo ilmaha da`doodu u dhaxayso 0-3 sano • Qayb lagu hayo ilmaha da`doodu u dhaxayso 3-6 sano • Iyo Qayb lagu hayo labada qayboodba da`duna waa 0-6 sano Xannaanadu waxay furantahay arootii ilaa iyo galabtii, adiga ayaana goànka leh waqtiga aad keenaysid iyo waqtiga aad wadaysid ilmaha. Laakiin waxaa muhiim ah in aad shaqaalaha kula balantid waqtiyada aad keenaysid iyo kuwa aad soo doonaysid. Shaqaalaha intooda badani, waxay haystaan waxabarasho ah 3 ½ sano, oo ah sida ilmaha loo xanaaneeyo. Shaqaaluhu waxay isugu jiraan rag iyo dumar Sababahan dartood ayay muhiim utahay tagida xannaanudu Inkasta oo aysa xannaanadu ahayn iskool, ilmahaagu waxay ka baranayaan waxyaalo badan oo mustaqbalkooda anfacaya. Ilmahaagu waxay baranayaan sida loola dhaqmo ilmaha kale iyo dadka waaweynba. Wuxuu baranayaa sida loola cayaaro ilmaha kale, iyo sida loo tixgaliyo ilmaha kale. Wuxuu baranayaa sida la iskugu filnaado, si uu dharkiisa u gashado, cunada u cuno, suuliga u galo iyo wixii la mid ah Xannaanada ilmahaagu luqada deenishka wuxuu ku baranayaa, markuu dhagaysto, iyo markuu ku hadlo. Wuxuu luqada ku baranayaa, markuu la hadlayo shaqaalaha, iyo markuu la cayaarayo ilmaha kale. Ilmahaagu dedeg ayuu ku baranayaan lugada, markuu yimaado xanaanada maalin kasta. Sidaas ayuuna dhaqanka deenishkana ku baranayaa. Ilmahaaga waxaa la barayaa wax baden oo muhiim u ah, oo anfacaya markuu bilaabo iskoolka. 4 Wuxuu baranayaa in uu fariimaha dhagaysto, in uu hadalka markiisa sugto iyo wixii la mid ah. Waxyaalaha ka dhaca xannaanada maalin walba Sida caadiyanta ah jadwalka xanaanadu waa sidan hoos ku xusan: • Saacadu 6.30 -8.00 cunno ayaa la siiyaa ilmaha arootii yimaada • Saacadu 8.00-9.00 waxa lagu cayaaraa oo lagu madadaashaa xannaanada iyo Hareeraheeda • Saacadu 9.00-9.30 quraac iyo kulan • Saacadu 9.30 -11.00 waxaa la isku diyaariyaa wixii la samayn lahaa (kooxo) • Saacadu 11.00-12.00 waa la qadeeyaa • Saacadu 12.00 -14.00 bannaanka ayaa lagu cayaaraa • Saacadu 14.00 -14.30 waa la casiriyeeyaa • Saacadu 14.30 -16.45 waxaa lugu cayaaraa oo lagu madadaashaa xannaanada Iyo agagaarkeeda, ilaa ay ilmuhu guryaha ka aadayaan. Kulanku muxuu yahay? Kalanku waa mid ay meel isku yimadaan, shaqaalaha iyo caruurtu, kadibna ay wada sheekaysanayaan oo ay is dhagaysanayaan. Waxyaalo badan ayaa laga sheekaystaa tusaale; maanta maxaan samaynaa? Hawado Waa sidee? Ilmaha yaa maqan maanta? Waa la heesaa, waxaa laga hadlaa wixii dhawaan lala kulmay iyo wixii la mid ah. Kulanka ilmaha wayaabaha lagu tababaro waxaa ka mid ah: in ay fadhiga ku xasilaan, in ay dhagaystaan sheekoonyinka looga sheekaynayo. Waxaa kale oo lagu tababaraa in ay u sheekeeyaan koox ilmo ah, iyo in ay fariimaha dhageystaan ayna fahmaan. Xannaanooyinka oo dhan waxaa ku waajib ah in ay dajiyaan qaab waxbarasho. Halkan ayaa ka aqrisan kartaa, waxyaalaha kala duwan oo ilmaha la barayo iyo qaabka ay shaqaaluhu wax u barayaan. Shaqaaluhu qaabka ay wax u baraan ilmaha waa mid xirfadaysan, oo waxaa wax barshada loo dhex galinayaa madadaalada. 5 Waxbarashada waxaa loo kala qaadaa 6 qaybood oo kala ah: • • • • • • Ilmaha koriinadiisa qafnimo oo dhinac walba ah la macaamiilka dadka kale luqada(afka) jirka iyo dhaq dhaqaaqa bayàda iyo khatarraheeda dabeeciga ah dhaqanka iyo qaabka loo hadlo Waa maxay wax barashada madaaladu ku dheehani? Wax barashada iyo madadaalada isku lifaaqani, waa mid ilmaha loo qaybinayo kooxo yar yar, kadibna waxay ka shaqynayaan mawduucyo kala duwan. Mawduucu wuxuu noqon karaa: ”Xiliyada sanadka”, ”heesaha iyo Musigga”. ”Beeraha”, ”Kaymaha iyo Xayawaanka” iyo waxii la mid ah. Ilmuhu waxay aad uga faaidaysanayaan qaab barida cilmiyaysan markii ay: Banaaka ku soo lugeeyaan, wax masawiraan, farshan sameeyaan, heesaan, cayaaraan wax akhriyaan iyo wixii la mid ah. Xannaanadu maàha sida iskoolkii, meel miis inta la` fadhiisto duruusta lugu qaadanayo. Xannaanada waxaa ilmaha wax la baranayaa iyaga oo cayaaraya. Taas macnaheedu waa shaqaalaha ayaa waxay samaynayaan madadaalo wax lagu baranayo. Gabdho iyo wiillal, yar iyo weynba wey wada madadaalanayaan waxana wada baranayaan, dibadda iyo gudahaba wey ka dhacaysaa arrintaasi. Waxaa muhiimad weyn la siiyaa in ay, ilmaha oo dhan banaanka ay u baxaan maaalin walba, haba ahaado xilli uu jiro; qabaw, qorax, roob ama baraf. Inta baden ilmaha waxaa la geeyaa meelaha soo socda oo kala ah; kaymaha, waraha, maktabada, tiyaatarka, mixafka iyo wixii la mid ah. 6 Ilmahaagu markay bilaabayaan xannaanada Intaysan bilaabin ilmahaagu xannaanada, waxaa muhiim ah in aad noogu timaadid xanaanada. Markaas waxaa la lagu kala tusayaa xanaanada, shaqaala qaar ka mid ahna waad isbaranaysaan. Waxaa idin casuumi doonaa kulan soo dhaweyn ah, kulankaas ilmahahu kama qayb qaadan karaan. Kulanka soo dhawaynta wuxuu dhexmarayaa walidiinta, qof shaqaale ah oo lagala xiriirayo ilmama madaxa xanaanada iyo tarjubaan. Shaqaaluhu wuxuu ka warbixinayaa xanaanada, waalidiintuna iyagaa iska warbixinaya ilmahoodana wey ka warbixinayaan. Waa muhiim in aad la jootid maalmaha horre ee xanaada uu ku cusub yahay ilmuhu. Waxaa kaloo muhiim ah, in ilmuhu ay joogaan waqti gaaban, taas oo macnaheedu yahay 2-4 saacadood, si uu ula qabsado si tartiib tartiib ah waxyaabaha baden ee ku cusub. Waalidka iyo shaqaalaha ayaa ka tashanaya, sida ugu haboon ee xannaanada uu ula qabsan lahaa. 7 Shaqaalaha iyo xannaanada Xannaanada waxaa ka shaqeeya rag iyo dumar. Shaqada ay qabanayaana uma kal du`na ragga iyo dumarka. Kulligeen waan is wada caawinaa, hadii alaabta la aruurinaayo, hadii ilmaha la seexinaayo, hadii bambalka laga badalaayo, hadii kubad lala cayaaraayo, hadii dhar loo galinaayo, hadii alwaax la jarjaraayo wixii lamid ah. Rag iyo dumarna looma kala sooco shaqada. Ilmaha shaqaaluhu marwalba waxay tanka saaraan qaybta dhiiragalinta. Taas macnaheedu waa in la eegayo waxa uu ku feecanyahay iyo uu yaqaano, lama fiirinayo waxaa uusan aqoon. Shaqaaluhu waxay muhiidda siiyaan la sheekaysiga ilmaha, in ladhagaysto oo uu cod yeesho, in laga tala galiyo waxa uu samaynayo maalintaas. Ilmuhu in uu aktif noqdo, oo waaya arag noqdo. Shaqaaluhu ilmaha wey haynayaan, laakiin jaanis waxaa loo siinayaa in uu ilmuhu xal u raadiyo caqabdaha uu la kulmayo, intaysan shaqaaluhu saacidin. Sidaas darted ayuu ilmuhu isku filnaasho ku gaarayaa. Kadibna waxaad arki doontaa ilmahaagii oo; Geedaha fuulaya, ciid iyo biyo ku cayaaraya, dabka wax ka shidaya, geedaha ku dhex dhuumanaya, aad u ordaya iyo wixii la mid ah. Waxaan arki doontaa asaga oo: • • • • quyan, dhididsan oo wasaqaysan kuffay, oo faashad lagu dhajiyay oo la aamunaayo. Saaxiibo yeeshay, mararna la diriray. Faraxsan oo isku kalsoon, mararna xanaaqsan oo niyad jabsan. 8 Wada shaqeynta waalidinta iyo xannaanada Waa muhiim in shaqaaluhu ay helaan xogta ilmaha. Hadii ay gurriga wax ka dhacaan saamayn ku yeelan kara ilmahu dabeecadiisa, waa in nalo sheego si aan uga caawino uguna tixgaliyo arintaas. Tusaale warbinnada muhiimka u noqon kara in shaaqaalaha lala socodsiiyo • Ilmahayhu xalay waxay seexdeen 4 saacadood oo kaliya, marka wuu daalanyahay. • Aabe safar ayuu aadey, wuxuuna soo noqonayaa 14 bari kadib. • saaka waan isku xanaaqney intaanan imaan halkan, sidaas darteed ayuusan u faraxsanayn. • Faysto ayaa jirnay sabti iyo axadii oo dhan • Ayeeyadeen ayaa aad u xanuusan, sidaas darteed ayaa familka oo dhani uga murugaysanyhiin. Xannaanadu kulamo ayay ugu yeertaa waalidiinta, xiliga ay ilmuhu diganayaan xannaanada. Kulamada waxaa lagaaga warbinayaa heerka ilmahaagu uu ka marayo, waxbarasha iyo in uu ku faraxsanyahay meesha. Hadii aad u baahantahay kulan dheeraad ah waad dalban kartaa. Waa arrin muhiim ah in aad la socoto waxa ka dhaca xannaanada, sidaas darteed waa in aad xusuusatid aqrinta warqadaha meelaha lugu soo dhajiyo, ama aad suàlshaa shaqaalha xannaanada in ay jiraan warbixino muhiim ah. Maxay muhiim u tahay, in aad la socotid waxa ka dhacaya xannaanada ilmahaaga? • Si aad ugala hadashid, wixii xannaanada ay manta kala kulantay • Si aad ula socotid waxa ay barri samayn doonaan • laga yaabee waqti cayiman in laga rabo xannaanada barri, si ay u raacaan bas ay magaalada ku soo wareegi lahaayeen, marka hadii aadan la socon waad ka daahi kartaan baska. 9 Waxaa muhiim ah in aad mar walba ku tiraadid qof shaqaalaha mid ah subax wanaagsen marka aad keentid iyo galab wanaagsen markaad wadanaysid ilmaha, si ay shaqaaluhu ula socdaan in ilmuhu ay yimaadeen iyo in ay baxeen. Waa inaad xusuusataa balamaha aad lagashay shaqaalaha, Matalan hadii aad kula balantay waqti cayiman in aad keenaysid ilmaha Shaqaalu ilmaha waxay ku tababaraan, in ay isku filnaadaan. Sidaas darted Ayaan idinkula talinaynaa in aad gurigana ku soo tababartaan, si uu ilmuhu iskugu filnaado. Maxaan ilmahayga guriga ku soo bari kara? • • • • • • Dharka iyo kabahiisaba in uu gashado iskana siibi karro. Alaabtiisa in uu kala aruusan karo. Gacnaha in uu iska dhaqi karo Musqusha in uu gali karo Middida fargeetada iyo qaadad in uu wax ku cuni karo Weelasha in uu kala aruuri karo Mar walaba waad suàli kartaa shaqaalaha wixii shaki kaa galo. Shaqaaluhu diyaar ayay kuula yihiin in ay kaaga jawaabaan suàalahaaga kuna caawiyaan. Maxaan suàali karaa shaqaalaha? • Ma`fahmin warqada sabuuradda lagu soo dhajiyay, ee ma`ii sharrixi kartaa wax ku qoran? • Waxaan ka walwalsanahay in uu qabaw galo ilmahayga, markay banaanka u baxdo winterka, ee ma dareentaan hadii uu dhaxamoodo? • Yaa caawiya ilmahayga markuu musqusha galayo? • Dharka iyo kaba noocee ayuu baahanyahay ilmahaygu oo aan u soo iibshaa? • Ilmahaygu wuxuu ii sheegay in la caayo, ee sax miyaa? • Ilmahaygu wey diideen xannaanada, ee maxaan sameeyaa? • Ilmahaygu maanta see ahaayeen. 10 Raashin (cunno) Xannaanooyinka qaarkood raashin ayaa la siiyaa ilmaha, sidaas darteed raashin guriga lagama soo qaato. Xannaanooyinka kalena waa in ay ilmuhu guriga raashin ka soo qaataan. Raashinka ama guriga ha laga soo qaato ama meesha ha laga siiyee, shaqaalaha iyo caruurtu isku meel ayay wax ku cunayaan. Qaabka wax loo cunaa waa in miis la wada fariisto. Markii ay caruuru wada fariistaan ayaa layiraahdaa hala cunno ama hees ayaa lagu bilaabaa kabdibna waxaa la cunaa raashinka. Caruurta kii dhamaystaa raashinka, wuu sii fadhiyaa inta ay kuwa kale ka dhamaysanayaan. Ilmahagu haduu soo kalaho oo uu yaado ka hor 7.30 waxaa laga siinayaa raashin arrotii xanaanada. Intaas ka dib 3 goor ayaa wax la cunayaa: 9: ka subaxnimo quraac waa: xabad qudrad ah, xabad rooti ah iyo wax lamid ah 11: ka barqanimo waa la qadaynayaa waana cunada ugu badan oo la cuno.rootiga madow (rugbrød) sanwij iyo qudrad ama furut. Hadii xanaanada cuno laga bixiyo raashin kulul ayaa lagu qadeeyaa. C14: da galabnimo casiriye waa: xabad qudrad ah, xabad rooti ah iyo wax lamid ah Xannaanada hadii cunna laga kariyo, waxaad ilmahaaga u dalbi kartaa cunno Xalaal ah. Hadii ay ilmuhu cunada guriga ka soo qaadanayaan, adigaa u madax banaan nooca cunada, laakiin cunadu waa in ay noqotaa mid caafimaad leh, mid cunideedu u sahlan tahay ilmaha, kuna filan. Xannaanooyinka qaar shuruuc ayaa ka yaal, waxa ilmuhu u soo qaadan karaan cuno ahaan, tusaale ahaan nacnaca iyo waxyaaba aan caafimaad u roonayn aan la soo qaadan karrin. Hadii xanaanadaada ay xeerar raashinka quseeya ay leedahay, shaqaalaha ayaa kula socodsiin doona ama waxaad ka aqrisan kartaa bogga internet-ka ee xannaanada. 11 Hurdada ( jiifka) Waa muhiim in aad ilmaha keentid isagoo soo hurdada ka soo bogay, si uu u cayaaro waxna ugu barto inta uu xannaanada joogo. Hadii ay ilmahagu hurdo u baahanyahay maalintii, waa laguu seexin karaa. Xannaanada ilmaha waxaa la seexin karaa, markay qadeeyaan, waxayna ku seexdaan gudaha joodariyaal yaala. Ilmaha ka yar sedex sanno waxaa la seexin karaa subaxdii iyo galabtiiba. Ilmaha yaryar sida caadada ah waxaa la seexiyaa banaanka. Waxana lagu seexiyaa gaariga ilmaha lagu riixo. Danmark waxaa caado u ah in ilmaha yaryar banaanka la seexiyo, inta dhar ku haboon loo xiro, si ay hawa faraysh ah u helaan. 12 Dhar Waxaa muhiim in ah in uu ilmahaagu wato dhar iyo kabbo ku haboon xanaanada. Macnaheedu waa dhar iyo kabbo, ay ilmuhu ku cayaari karaan, aan cariiri ku ahayn, wasaq noqon karra, dhar uu iska bixin karo gashana karo. Wadanka Danmark cimiladiisu aad ayay isku badashaa hiliga qabowga iyo Kan kulayllaha. Sidaas darted waa inaad ilmaha u galisaan dhar ku haboon jawiga, dharkaas waa in uusa noqan mid ku kulul ama ku qabow. Xannaanada ilmahaagu waxay ku leeyihiin qaanad yar, qaanadaas oo dharkiisa loogu gurayo. Booskiisa waa inloogu rido dhar deeraad ah, kaas oo looga baddalo markuu soo qoyo. Dharkaasi waa in uu noqdaa dhar waqtiga la joogo ku haboon. Maxay ilmahayu ugu baahanyihiin dhar dheeraad ah? • Laga yaabe in uu dharku haduu ka qoyo, asagoo gacnaha dhaqanaya. • Laga yaabe in uu caano isku daadiyo, asagoo koob ku shubanayo • Laga yaabe in ay hawado is badasho maalintaas, sidaas darteed uu u baahdo funaad dheeraad ah ama surweel qaaban oo loogu badalo luunge dheeraha • Laga yaabe in uu dharkii ka qoyay, intuu ku cayaarayay banaanka. 13 Dharka noocee ayaa mar walaba looga baahanyahay qaanada ilmahayga. Ilmahaagu waxay u baahan karaan marar badan in laga badalo maalintii, sidaas darteed waa in uu diyaar ugu yahay dhar badan meeshiisa. • • • • • 2-4 joog oo dharka hoos laga xirto ah 2-4 joog oo kastuumoomin (nigisyo) ah 2-4 joog oo sigisaan (sharabaado) ah 2 joog oo saraawiil ah 2-3 joog oo funaanado culus ah Armaajada (kabadhka) qaybtiisa waa in uu surtaa jaakaddihiisa kala ah: jakadda qabowga tan roobka iyo tan dheer ee la dhex galo (flyverdragt) Ilma badan ayaa dhigta xannaanada dharka yaalaana waa baaen yahay, sidaas darteed ayay muhiim u tahay in aad magac ku qortid dharka ilmahaaga.si loo kala garto dharka qofka iska leh. Hadii ilmahaagu uu isticmaalo xafaayayd, waa in aad u diyaarisid. U soo diyaari dhowrkii todobaadba mar. 14 Maxay u baahanyihiin ilmahaygu sanadka horaantiisa iyo dhaamaadkiisa? • Dharka kulul • Dharka roobka • Kabaha roobka Xiliga qabowga maxaa looga baahanyahay? • • • • • • Jaakada iyo surweelka is wata (Flyverdragt) Koofiyada qabowga Gacnaha qabowga Kabo kulul ee winterka Funaanad culus oo laga hoos gashado jaakadda Kabaha guriga Ilmaha looma ogola in ay u soo qaataan xannaanada marada qoorta lagu xirto (halstørklæde) sababto ah amaanka daraadiis ah. Xiliga kulayka maxay u baahanyihiin ilmahaygu? • koofiyada samarka ama koofiyay fooda dheer leh • kabbo sandal ah • dhar khafiif ah hawadana laga qaadan karo 15 16 Dhalashooyinka Xannaanooyinka dhalasho ayay ilmuhu digtaan. Laga yaabee in aadna gurigiina saas looga weynayn dhalashada, laakiin xannaanadu aad ayay u wayneeyaan maalintaas, ay ilmuhu dhalashada leeyihiin. Xannaanadu waxay ugu dabaaldagtaa dhalashada qaabkan, waxaa loogu heesaa heesta dhalashada kadibna waxaa loo shidaa shumac luguna yiraah hambalyo(Hurra). Xanaanooyinka qaakood ilmaha dhalasha leh ayaa guriga ka keena wax uu u qaybiyo ilmaha kale, tusaale: keeg, rooti ama qudrad Fasaxa Xilliga kulaylaha ah (sommeren) xannaaadu waxay xirantahay muddo sadex todobaad ah, sababtoo ah waa xilli fasax. Xannaanadu markay xirantahay, xannaano kale oo ku taal meel u dhow ayaa gaysan kartaa ilmahaaga. Waase muhiim in uu ilmahaagu galo fasax ugu yaraan sanadkii 5 todobaad. Ilmuhu waa in ay ka galaan xannaanada fasax si ay waqti ula qaataan familkooda. 17 Jirada Hadii ilmahahu ay xanuusadaan, xannaanada lama keeni karo, laakiin waa inaad telefoon u soo dirtid xannaanada una sheegtid in uusan ilmahaagu imaanayn. Mararka qaar ilmuhu xannaanada ayay ku jiradaan, marka shaqaalaha ayaa ku soo wacaya si aad u soo doonatid ilmaha. Jirada ilmaha wey adkaan kartaa in la ogaado inta ay dhantahay, tusaale ilmuhu hadey hargabsanyihiin oo aysan xumadi hayn waa la keeni karaan xannaanada, laakiin haday xumadi hayso waa guriga lagu hayo. Ilmuhu waxay caafimaadeen markay, markay ka qayb qaadan karaan, waxyaaba xannaanada laga samaynaayo, sida banaanka la tagayo iyo cayaaraha. Jirro mise caafimaad? Ilmuhu haduu hargabsayahay; diif ka daadanayo, hindhisayo, qufacayo. Laakiin ilmuhu uusa daalanayn, kuna cayaari karo dibadda iyo banaanka. Ilmaha noocaas ah waa la keeni karaa xanaanada. Ilmihii xummad(qandho) ayaa haysa, aad ayuuna u daalanyahay. Mana doonaysid in banaanka la geeyo, si uu uga soo cayaaro. Ilmaha noocaas ah lama keeni karo xannaanada. 18 Wada shaqeyn dad kale lala yeelanaayo Shaqaalaha xannaanudu ayaa si joogta ah uga shaqeeya xannaanada, Laakiin waxaa dhacda in ay dad kale banaanka nooga yimaadaan, dadkaas oo aan wada shaqayn leenahay. Dadkaasi waxay noqoqon karaan, kuwa kuwa cilmi nafsiga, kuwa hadalka ka caawiya ilmaha, shooshal, fiisatarabiya, ama kalkaaliso. Dadkani waxay yimadaan markii ay shaqaalu uga baahdaan talooyin. Mararka qaarkood waxay la hadlaan ilmaha ama waalidiinta. Shaqaalu wey kula soo socdsiinayaan hadii ilmahaagu ay u baahanyihiin dadkan, intaysan hawsha bilaabin. Shaqaalaha dhamaantood kuwa xannaanad iyo kuwa banaanka ka imaanaayaba waxaa waajib ku ah sir qarin (tavshedspligt). Taas macnaheedu waa in aysan u gudbin karin warbixinta ilmahaaga da ka baxsan dadka ku shuqul leh. Wax aan ka ahayn shaqaalaha xannaanada iyo kuwa banaanka ka imanaaya oo ku shaqa leh. Dadka noo imanayaa waxay naga saacidi karaan. • • • • Ilmaha hadalkooda iyo luqadooda Ilmaha jir dhiskooda Ilmuhu siduu ula dhsqmi lahaa dadka kale yar iyo weynba Ilmaha farxadooda Tarjubaan Tarjubaanku waa u bilaash waalidiinta, markuu u baahanyahay in loogga tarjumo xanaanada. Degmada Viborg ayaa bixinaysa qarashka ku baxaya tarjumaadda. 19 Udgivet i samarbejde med Dalens Daginstitutioner og Sprogkonsulenterne på Vævervej. Børn & Unge www.viborg.dk