Nuurka Quluubta
Transcription
1 Nuurka Quluubta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Iyo Qayskiisa Kariimiinta ah Juzka koowaad/waana lix juz Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM 2 Nuurka Quluubta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Iyo Qayskiisa Kariimiinta ah Juzka koowaad/waana lix juz Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM 3 Waalidiinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM 4 Tusmada Juzka Koowaad Tusmada Bogga 1.Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim 5 2. Haashim bin Cabdu Manaaf 80 3. Qusayy bin Kilaab 138 4. Quraysh bin Maalik 222 5. Siduu Ilaahay u sharfay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 260 6. Tusmada guud ee lixda juz 360 5 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Laba) Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam awoowihiis Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطاب بن هاشم Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xussen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 6 Tusmada Kitaabka Mawduuca Tusmada kitaabka 1. Araarta dhigaha kitaabka 2. Shaybatu bin Haashim 3. Cabdu Al Mudhalib iyo adeerkiis Al Mudhalib 4. Cabdul Mudhalib oo uu Al Mudhalib Makkah Al Mukarramah keenay 5. Al Multazam 6. Alabaabka Kacbada 7. Furaha albaabka Kacbada 8. Qufulka albaabka Kacbada 9. Cabdu Al Mudhalib 10. Asxaabu al Ukhduudi 11. Asalka Diinta yuhuudda ee Yaman 12. Gumaysiga Xabashada ee Yaman 13. Amarka maroodiga 14. Sababta uu Abraha Kacbada ugu duulay 15. Thuu Nafri iyo Nufayl 16. Thaqiif iyo Abraha 17. Abuu Righaal iyo qabrigiisa la dhagaxyeeyo 18. Tilmaamidda qabriga Abuu Righaal ee Al Balaadii 19. Al Sharaa’ic\Xunayn 20. Noolaynta Sunnada 21. R’asu Judcaan 22. Waan rajmiyay qabriga Abuu Righaal Allaha lacnadee 23. Cabirrada masaafada u dhexeysa R’asu Judcaan iyo Al Sharaa’ic/Xunayn 24. Masaafada u dhexeysa Kacbada Sharfan iyo R’asu Judcaan 25. Sugidda R’asu Judcaan 26. Cabdul Mudhalib geela laga soo dhacay 27. Cabdu Al Mudhalib iyo ergayga Abraha 28. Ragga Cabdu Al Mudhalib Abraha uga shafeeco qaaday 29. Kulanka Cabdu Al Mudhalib iyo Abraha 30. Cabdu Al Mudhalib oo Ilaahay gargaar waydiisanaya 31, Nufayl iyo Maxmuud 32. Abraha iyo maroodiga, Waadii Muxassir iyo Makkah Al Mukarramah 33. Dhagaxda 34. Amxaaro waa la halaagay 35. Bakhtiga amxaarada 36. Cadaabta Abraha 37. Amxaaro waxay Makkah keentay cudurrada furuqa iyo jadeecada 38. Amxaaro waxay Makkah keentay geedo aan waxtar lahayn 39. Quraanka kuwa maroodiga watay kasoo degay 40. Siday Carabi Quraysh u waynaysey maroodiga kaddib 41. Waadii Muxassir 42. Buurta Jabalu Abii Qubays Bogga 6 8 10 13 14 15 23 23 25 26 26 27 28 28 30 30 31 30 32 32 33 34 35 36 37 37 39 39 40 41 42 43 44 45 45 46 46 47 47 47 47 48 50 7 43. Cabdul Mudhalib oo wiil magan geliyay 52 44. Carafaat 54 45. Jabalu Al Raxmah 56 46. Masjidu Al Ssakhraati 58 47. Masjidu Namirah 59 48. Kitaabka “Al Shajarah Al Nabawiyyah fii Nasabi Khayri Al Bariyyah” 60 49. Cabdul Mudhalib Walaalihiis 60 50. Ilmaha Cabdul Mudhalib 61 51. Al Cabbaasu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 61 52. Ilmaha Al Cabbaasu, ilma adeerrada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 63 53. Abuu Dhaalib, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis` 65 54. Ilmaha Abuu Dhaalib, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 66 55. Diraaru, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 67 56. Abuu Lahab, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiisa 67 57. Ilamha Abuu Lahab, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 67 58. Al Muqawwamu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 68 59. Ilmaha Al Muqawwamu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 68 60. Cabdu Al Kacbah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 68 61. Xamzah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 68 62. Ilamaha Xamzah, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 70 63. Al Zzubayru, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 70 64. Ilmaha Al Zzubayru, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 70 65. Al Xaarithu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 71 66. Ilmaha Al Xaarithu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 71 67. Qutham, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 72 68. Xajlu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 72 69. Ilmaha Xajlu, ilma adeerrada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 72 70. Al Ghaydaaqu, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam adeerkiis 72 71. Eedooyinka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 73 72. Caatikah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis 73 73. Ilmaha Caatikah, ilma eedada eedad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 73 74. Umaymah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda 73 75. Barrah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis 74 76. Ilamaha Barrah, ilma eedada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 75 77. Safiyyah, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda 75 78. Ummu Xakiim, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis iyo ilmeheeda 76 79. Arwaa, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam eedadiis 76 80. Dhimashada Cabdul Mudhalib 77 8 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini. وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره.بإحسان إلى يوم الدين .الغافلون Kitaabkaan Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبoo sideetan qaybood ka kooban, waa kii labaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiirta Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشورiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo tobanka sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf \الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan Hijriga), Al Dhabarii\( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijrig), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii القاضي اإلمام حسين بن \( محمد بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol iyo lixdan Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\( اإلمام علي بن برهان الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan Hijriga), Al Qadii Ciyaad\( القاضي عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, oo dhowaan dhintay, iyo Muxammad Ridaa \ محمد رضاiyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam \سيرة إبن هشام, Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفiyo Muxammadun Rasuulullaahi\محمد رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, oo midkaan dambe uu yahay kitaabka laga sameeyey taxanaha televisionka laga sii daayo oo isla magacaas leh. Waxaan u arkay inaan taxane ka dhigo, intuu noqon lahaa hal kitaab oo wayn, ayna noqdaan kutubbo yaryar oo si sahal ah loo akhrisan karo. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Kitaabkaani aan hadda gacanta ku haynno oo cinwaankiisu yahay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد \ المطلبwaa kii labaad ee taxanahaas. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, 9 waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba noogu kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Jimce, 29 ka Jamaadul Uulaa\ جماد األولى1423/9 ka Agoosto 2002 10 Shaybatu bin Haashim\شيبة بن هاشم Haashim bin Cabdi Manaaf\ هاشم بن عبد منافwuxuu ahaa sayyidka Quraysh\ قريشiyo hoggaamiyaha Makkah\مكة, isaagana jideeyey labada Rixlo\ رحلةama Safar ee Quraysh\قريش oo uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa \ هللا سبحانه وتعالىxusay Suuratu Quraysh\سورة قريش. Haashim\ هاشمoo Safarka Jiilaalka xagga waqooyi u hoggaaminaya ayaa, siday caadadoodu ahayd, wuxuu ku hakaday Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةoo dariiqooda ku tiillay. Markaasuu wuxuu suuqa daraftiisa ku arkay haweeney qurxoon, oo halkaas badeecado ay ayadu lahayd ka ganacsanaysa. Markaasuu Haashim هاشمusoo dhowaaday oo uu raggii meeshaas joogay wuxuu waydiiyay: "Waa tuma haweentu?", waxayna ku yiraahdeen: "Waxaa la yiraahdaa Salmaa bintu Camr\سلمى بنت عمرو." Wuxuu yiri: "Yay u dhalatay?", waxayna yiraahdeen "Reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar\بني عدي بن النجار." Intaas kaddib Haashim هاشمwarka haweentaas ayuu goobay, wuxuuna ogaaday inay u dhixi jirtay ninka la yiraahdo Uxayxatu bin Al Julaax\أحيحة بن الجالح, ayna u dhashay laba wiil oo la kala yiraahdo Camr bin Uxayxata\ عمرو بن أحيحةiyo Macbad bin Uxayxata\معبد بن أحيحة, uuna isagoo qabah ka dhintay. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay inay Salmaa\ سلمىUxayxata\ أحيحةguursatay kaddib markuu Haashim هاشمka dhintay, oo ay markaas labadaas wiil u dhashay. Wuxuu kaloo ogaaday inay dadkeeda dhexdiisa sharaf iyo madaxtinnimaba ku leedahay, oo sidaas daraadeed ayan ninna guursanayn jeer uu oggolaado inuu xariggeedu ayada gacanteeda ku jiro, oo markaas hadday ninka kahato ay iska furayso. Haweentaas magaceeda oo buuxa waxaa weeye Salmaa bintu Camr bin Zayd bin Labiid bin Khidaash bin Caamir bin Ghanm bin Cadiyyi bin Al Najjaar سلمى بنت عمرو بن زيد بن لبيد بن خداش \بن عامر بن غنم بن عدي بن النجار. Salmaa hooyadeed waa Cumayrata bintu Dahr (waa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku xigah) bin Xabiib bin Al Xaarith bin Thaclabah bin Maazin bin Al Najjaar عميرة بنت ضهر بن حبيب \بن الحارث بن ثعلبة بن مازن بن النجار. Cumayrata\ عميرةhooyadeedna waa Salmaa bintu Cabdul Ash-hal Al Najjaariyyata سلمى بنت عبد \األشهل. 11 Haashim هاشمhaweentaas ayuu guursaday waxayna u dhashay wiil ay foodda timaha madaxiisu cirro cad leeyihiin. Markaasey waxay wiilkaas u bixisay Shaybah\شيبة, oo macneheedu yahay Cirro. Haashim هاشمwuxuu kusoo laabtay Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, wiilkiina ayaduu uga soo tegey, isagoo uu sidaas Haashim هاشمisku xiray, markuu haweentaas reer Banii Cadiyyi bin Al Najjaar\ بني عدي بن النجارguursaday, madaxdii Cadnaan\عدنان, oo ay Qurayshi\ قريشku abtirsato, iyo madaxdii Qaxdhaan\قحطان, oo ah Carabta Yaman\يمن, oo ay Aws\ األوسiyo Khazraj\ الخزرجku abtirsadaan. Sidoo kale, wuxuu Haashim هاشمisku xiray Makkah Al Mukarramah مكة المكرمةoo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhashay lagana soo saaray oo Rasuul ahaan insiga iyo jinnigaba loo diray, iyo Al Madiinah Al Munawwarah \ المدينة المنورةoo uu usoo haajaray si uu Risaalada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, dadka ugu gudbiyo, ayagoo ay Ansaarta\ األنصارAl Madiinah\ المدينةcawn iyo cudud u yihiin. Haashim هاشمisagoo Safarka Quraysh\ قريشhoggaaminaya ayuu Ghazzah\ غزةee arliga Falasdhiin\ فلسطينku dhintay oo lagu duugay, isagoo wali nin dhallinyaro ah ah. Ibnu Kathiir\ إبن كثيرwuxuu kitaabkiisa taariikhda ee Al Bidaayatu wa Al Nihaayatu البداية \ والنهايةjuzka labaad, bogga laba boqol shan iyo soddon ku wariyay inuu: "Haashim هاشمisagoo Safarka Quraysh\ قريشwada uu Al Madiinah Al Munawwarah المدينة \ المنورةmaray, uuna ku degay guriga ninka la yiraahdo Camr bin Zayd bin Labiid bin Xizaam bin Khidaash bin Khandaf bin Cadiyyi bin Al Najjaar Al Khazrajiyyi Al Najjaariyyi عمرو بن زيد \بن لبيد بن حزام بن خداش بن خندف بن عدي بن النجار الخزرجي النجاري, oo tolkiisa madax u ahaa. Markaasuu wuxuu u bogay gabadha uu ninkaasi dhalay, magaceeduna ahaa Salmaa \سلمى. Markaasuu ka doonay, aabeheedna, intuu siiyay u guuriyay. Gabadha aabeheed wuxuu guurkaas ku xiray hal shardhi oo ah inay gabadhiisu agtiisa degganaato. Waxaa kaloo la yiri wuxuu shardigu ahaa inayan ku dhalin meel kale oo aan isaga agtiisa ahayn ee magaalada Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Markuu Haashim هاشمgabadhaas guursaday wuxuu u watay oo ay u raacday Safarkiisii Quraysh\ قريشoo uu Shaam\ الشامu waday. Markuu Shaam\ الشامkasoo noqday wuxuu gabadhaas usii watay Makkah Al Mukarramah\مكة المدرمة. Markii xigtay oo uu Safarka Shaam\ الشامusoo baxay, ayuu Haashim هاشمSalmaa\ سلمىsoo waday ayadoo uur leh wuxuuna uga tegey Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة, isaguna wuxuu aaday Shaam\ الشامiyo xagga Waqooyi. Markuu Shaam\ الشامtegey ayuu Haashim هاشمdegmada Ghazzah\ غزةku dhintay, oo lagu duugay. 12 Salmaa\ سلمىwaxay Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورةku dhashay wiil, waxayna u bixisay Shaybah\شيبة, kaasoo la joogay oo la noolaa reer abtigiis reer Banii Cadiyyi bin Al Nnajjaar\ بني عدي بن النجارilaa uu ka toddoba jirsado. Markaasuu adeerkiis Al Mudh-dhalib\ المطلبu yimid, oo uu hooyadiis oo aan ka war qabin wiilka Makkaah Al Mukarramah\ مكة المكرمةla aaday oo u watay. Markaasuu Makkah\ مكةlasoo galay isagoo ratigiisa xagga dambe ka saaran. Markay dadku sidaas u arkeen ayay waxay Al Mudh-dhalib\ المطلبku yiraahdeen: "Midkaan kula socdana yuu yahay?" Markaasuu wuxuu yiri: "."عبدي Oo macnihiisu yahay: "Waa addoon aan leeyahay." Markaasey ugu hambalyeeyeen, ayna sidaas daraadeed wiilka magaciisu Shaybah \ شيبةahaa ugu yeereen Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, oo macneheedu yahay addoonka Al Mudhdhalib المطلب, oo Cabdi wacnihiisu waa addoon. Markaasaa Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبoo ay sidaas ugu yeereen waxay ka xoog badatay magaciisii runta ahaa ee Shaybah\شيبة. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu noqday hoggaamiyaha ugu wayn ee Quraysh \قريش, wuxuuna qaatay madaxtinnimadooda iyo sharaftoodaba." Shaybah\ شيبةayaa caruurta Haashim\ هاشمugu da' waynaa, markuu aabihiis dhintayna wuxuu ahaa kuray yar, hooyadiisna iyo reer abtigiisna kula nool Al Madiinah Al Munawwarah المدينة \المنورة. Salmaa\ سلمىwaxay wiilkeeda Shaybah\ شيبةuga warrami jirtay aabihiis Haashim هاشمiyo inuu ahaa Madaxa Quraysh\ قريشiyo Hoggaamiyaha Makkah\مكة, waxayna uga warrami jirtay wanaagga iyo fiicnaanta iyo gobannimada Quraysh\قريش. Markaasuu wuxuu koray isagoo ku faanaya inuu Quraysh\ قريشu dashay, markuu saaxiibbadiisa ay wada cayaaraan ka adkaadana adkaantiisaas wuxuu u nisbeeyaa oo uu sabab uga dhigaa oo uu ku tiriyaa inuu Quraysh\ قريشu dhashay. Sidaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبcaruurnimadiisa iyo kuraynimadiisaba wuxuu la joogay reer abtigiis Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةdeggan, halkaasoo uu yuhuudda magaaladaas deggan ka maqli jiray ayagoo ka hadlaya Ilaahay iyo akhbaarta ku dhignayd Kitaabka Tawraadda\ التوراةah, kama uusanse maqli jirin Bacthiga iyo isi soo saaridda ah dhimasho dabadeed iyo maalinta aakhiro iyo xisaabtanka maalintaas, ayadoo ay yuhuuddu 13 aamin sanyihiin in qofka camalkiisa adduunkaan looga abaal mariyo, ayna ayaga keligood yihiin kuwa jannada gelaya. Caqiidadaas beenta ah waxay yuhuuddu Kitaabka Tawraadda\ التوراةah ay ayaga laftoodu gacnohooda ugu dhigeen markay arliga Baabil\ بابلee dalka Ciraaq\ عراقaddoommada ku ahaayeen, isagoo Boqorkii dalkaasi oo ahaa Bukhtunassar \ بختمصرDawladdoodii arliga Falasdhiin\ فلسطينka dhisnayd dagaal uga adkaaday oo uu burburiyay, Baytul Maqdisna\ بيت المقدسgubay oo uu dab qabadsiiyay, dadkiina uu addoonnimo arligiisa Baabil\ بابلugu kaxaystay. Yuhuuddu waxay caqiidadoodaas xun kasoo guuriyeen Baabiliyiinta oo sidaas aaminsanaa. Cabdu Al Mudh-dhali\ عبد المطلبiyo adeerkiis Al Mudh-dhalibالمطلب Maalin Maalmaha ka mid ayuu Shaybah\ شيبةwuxuu soo raacay wiilashii saaxibbadiis ahaa, markaasey waxay ku tartameen nishaabka fallaaraha, isagoo uu midkoodba qaansadiisa iyo fallaarihiisaba watay. Markaasey wiilashii kale nishaabkii wada seegeen, oo ay la waayeen bartii la nishaabayey oo sacab le'ekeyd. Waa cayaarta Xamar kabdhood laga yiraahdo oo kab la nishaabo. Shaybah شيبةbartii la ganayey ayuu laba goor oo isku xigtah la helay, markaasuu wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina Haashim\هاشم, wiilka hoggaamiyaha Makkah\مكة." Waxaa intaas caruurtaas cayaareysa korka ka fiirsanaya nin u dhashay reer Banii Al Xaarib bin Cabdi Manaat\بني الحارب بن عبد مناة, kaasoo wiilka si fiican ugu kuur galay, oo wajigiisa ku arkay nuur ka kaahaya, sida uu wajiga Haashim هاشمnuur uga iftiimi jiray oo kale. Ninkaani, intaas kaddib, wuxuu yimid Makkaah Al Mukarramah\مكة الكرمة, wuxuuna Haashimهاشم walaalkiis Al Mudh-dhalib المطلبu sheegay inuu soo arkay wiilka walaalkiis oo ka kor maray saaxiibbadiisa reer Banii Al Nnajjaar\بني النجار, wuxuuna ku yiri: "Haddaad Shaybah\ شيبةarki lahayd, walaalkaa wiilkiisa oo agteenna ku sugan, waxaad arki lahayd qurux iyo haybad iyo sharaf iyo madaxtinnimo. Waxaan arkay isagoo wiilasheenna nishaabka fallaaraha kula tartamaya, markuu la helana oranaya: "Anigu waxaan ahay ina Haashimهاشم, wiilka hoggaamiyaha Makkah\مكة." Markaasu Al Mudh-dhalib المطلبwuxuu yiri: "Caawa intuusan habeenku dumin ayaan dhaqaaqayaa oo aan raadinayaa oo aan Makkah \مكة keenayaa." Ninkii wuxuu yiri: "Kuma wado inay hooyadiis Salmaa\ سلمىiyo abtiyaalkiis kaa yeelayaan inaad soo wadatid." Al Mudh-dhalib المطلبwuxuu ku yiri: "Halkaas u dayn mayo, isagoo ka maqan oo seegan raadka iyo saameynta tolkiis iyo makaanka uu isagu ku leeyahay iyo nasabkiisa iyo madaxtinnimadiisa." Sidaas ayuu Al Mudh-dhalib المطلبintuusan habeenku si fiican u dumin Makkah\ مكةkasoo baxay oo uu Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةsoo aaday. 14 Markuu Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةyimid ayuu goobay, kaddibna uu Shaybah \ شيبةhelay, wuxuuna ku yiri: "Maandhow anigu waxaan ahay adeerkaa Al Mudh-dhalib المطلب, waxaanna u imid inaan tolkaa kuu celiyo." Shaybah\ شيبةwuxuu adeerkiis ku yiri: "Tegi mayo jeer ay hooyaday ii oggolaato." Markaasey is raaceen oo ay Salmaa\ سلمىu wada tageen, taasoo uu Al Mudh-dhalib المطلبku yiri: "Waxaan u imid inaan wiilka walaalkay beledkiisa iyo tolkiis u celiyo." Salmaa\ سلمىwaxay ku tiri: "Kugu dari mayo, oo anigaa dhalay." Al Mudh-dhalib المطلبwuu ku adkaystay, wuxuuna yiri: "Noqon mayo isagoo ila socda mooyee, oo waa wiilka walaalkay, annaguna waxaan nahay Guriga Madaxtooyada tolkeenna, isagana inuu beledkiisa ku nool yahay ayaa uga khayr badan inuu halkaan degganaado. Meel kastoo uu joogana waa adiga wiilkaaga". Salmaa\ سلمىwaxay tiri: "I daa waxaan kasoo fakarayaa saddex maalmoode." Salmaa\ سلمىwaxay goosatay inay yeesho waxa ay dan iyo maslaxad wiilkeeda ugu sugantahay, taasoo ay ugu jirto inuu ehelkiisa iyo tolkiisa la noolaado, halkaasoo uu ka helayo sharaf iyo cudud iyo mustaqbalba. Markaasey Salmaa\ سلمىmarkuu Al Mudh-dhalib المطلبu yimid waxay ku tiri: "Waan kuu oggolaaday inaad qaadatid." Markaasu Al Mudhalib المطلبwuxuu wiilkii saaray ratigiisa, oo uu xagga isaga gadaashiisa ka fariisiyay, isaguna uu xagga hore ka fariistay. Maalintaas ayaa ugu horreysay inuu Shaybah \ شيبةagoon run ah oo kale noqday, isagoo aabihiisna uu hore u dhintay, hooyadiisna kasoo tegey. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبoo Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةla keenay Shaybah\ شيبةiyo adeerkiis Al Mudh-dhalib المطلبwaxay soo mareen Qudayd\ قديدmeesha la yiraahdo, oo ku taalla xeebta Badda Cas, halkaasoo uu yiillay sanamka la oran jiray Manaat\مناة, oo ay Quraysh\قريش, Aws\األوس, Khazraj\ الخزرجiyo Carab kaleba ay caabudi jireen. Mar duhurkii ah ayuu Al Mudh-dhalib المطلبMakkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةsoo galay isagoo ratigiisa fuushan, xagga dambena uu Shaybah\ شيبةka fadhiyo, isagoo uu wajigiisa nuur ka kaahayo. Dadku markuu arkay ayay waxay u maleeyeen inuu Shaybah \ شيبةyahay addoon uu Al Mudh-dhalib المطلبsoo gatay, ayadoo waagaas addoommada looga ganacsan jiray sida badeecadaha kale oo kale. Markaasey waxay Shaybah شيبةku yiraahdeen: "Cabdu Al Mudhdhalib\"عبد المطلب, oo ah Al Mudh-dhalib المطلبaddoonkiisa. 15 Markaasuu Shaybah شيبةarrinkaas madaxa ka ruxay, isagoo diidan oo warkoodaas beeninaya. Al Mudh-dhalib المطلبmarkuu ratiga fariisiyay oo uu kasoo degeyna wuxuu yiri: "War maxaad leedihiin! Kani waa wiilka uu dhalay walaalkay Haashim\ هاشمoo aan Al Madiinah\ المدينةka keenay." Al Mudh-dhalib المطلبwuxuu wiilka geeyey gurigiisa, wuxuuna haweentiisa u sheegay inuu yahay wiilka walaalkiis Haashim, wuxuuna kula dardaarmay inay u roonaato oo ay wanaajiso. Kaddib Al Mudh-dhalib المطلبwuxuu waday Shaybahشيبة, wuxuuna geeyey Suuqa, halkaasoo uu dhar cusub uga gaday, kaddibna intuu dadka hor keenay ayuu wuxuu yiri: "Dadow, kani waa Shaybahشيبة, wiilka walaalkay Haashim هاشم, oo aan Al Madiinah\المدينة kasoo celiyay." Markaasuu Shaybah شيبةdadka fiiriyay, waxayna arkeen quruxdiisa iyo haybaddiisa iyo inuu wajigiisa nuur ka kaahayo, siduu uga kaahi jiray wajiga aabihiis Haashim هاشمoo kale. Magaca Shaybah شيبةuma uusan kicin, oo waxay dadku u barteen oo ay ugu yeeri jireen, uuna ku caan baxay Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu fariisan jiray Al Multazam\الملتزم, oo ah inta udhexeysa albaabka Kacbada iyo Xajarul Aswadka\الحجر األسود, halkaasoo uu wax kula baran jiray sida wax loo dhigo iyo xisaabtaba wiilasha Quraysheed\قريش. Markuu Al Multazam\ الملتزمkasoo tagana wuxuu tegi jiray Daaru Al Nadwah\دار الندوة, ahaydna daarta ay Qurayshi\ قريشtalooyinkeeda ku goosan jirtay, umuurteedana ay ku maarayn jirtay. Halkaas ayuu adeerkiis Al Mudh-dhalib المطلبag fariisan jiray, isagoo dhegeysanaya odayada Quraysheed\ قريشoo halkaas ku tashanaya, kana tashanaya umuuraha diintooda iyo adduunkoodaba, mararka qaarkoodna ku doodaya oo ku murmaya, kaddibna inta badan ka heshiinaya. Al Multazamu\الملتزم Al Multazam\ الملتزمwaxaa la yiraahdaa inta u dhexeysa Xajarul Aswadka\ الحجر األسودiyo albaabka Kacbda, waana in laba mitir le'eg. Cabdu Al Rrazzaaq\ عبد الرزاقwuxuu Musnadkiisa (Xadiithka 9047) Ibnu Cabbaas\إبن عباس, Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri: "."هذا الملتزم بين الركن والباب Oo macnihiisu yahay: "Al Multazamkaan الملتزمwaa inta u dhexeysa Rukniga\ الركنiyo Albaabka". Isanaadka Xadiithkaanna waa Saxiix\صحيح. Al Multazam الملتزمwaxaa loogu bixiyay ayadoo uu dadku bartaas laazimo, oo uu in badan joogo, kuna ducaysto, oo uu ku Alle Baryo. 16 Al Multazam الملتزمwaxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo, waxaana loogu ducaystaa sidatan: Sunnadu waa in labada dhaban iyo laabta iyo labada dhudhun iyo labada calaacalood meeshaas darbiga Kacbada ka mid ah lagu dhejiyo oo ayadoo sidaas la yahay la Alle baryo. Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\عبد هللا بن عمرو بن العاص, Allaha raalli ka wada noqdee, ayaa Kacbada ku dhawaafay, kaddibna labada Rakco oo dhawaafka tukaday, kaddibna Xajarul Aswadka\ حجر األسودdhunkaday, markaas kaddibna wuxuu istaagay inta u dhexeysa Xajarul Aswadka\ حجر األسودiyo Albaabka isagoo laabtiisa iyo labadiisa gacnood iyo dhabankiisa ku dhejiyay darbiga Kacbada, kaddibna wuxuu yiri: "Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaas yeelaya." Waxaa Xadiithkaan wariyay Ibnu Maajah\إبن ماجة, kuna wariyay Sunankiisa, Baabka Al Manaasik\باب المنسك, Xadiithka (2962). Waana Xadiith Xasan\ حديث حسنah. Abuu Al Zubayr\ أبوالزبيرwuxuu yiri: "Waxaan arkay Cabdu Allaahu bin Cumar\ عبد هللا بن عمرiyo Ibnu Cabbaas\ إبن عباسiyo Cabdu Allaahi bin Al Zzubayr\عبد هللا بن الزبير, Allaah Raalli ka wada noqdee, oo halkaas laazimaya." Xadiithkaanna waxaa lagu wariyay kitaabka Akhbaaru Makkah ee Al Faakihii\أخبار مكة للفاكهي, tiradiisuna waa (233). Isanaadka Xadiithkuna waa Xasan\حسن. Ibnu Cabbaasإبن عباس, Ilaahay isaga iyo aabihiisba raalli ka ka noqdee, wuxuu yiri: بشيئ إال ؤأى في حاجته بعض الذي-"إن ما بين الحجر والباب ال يقوم فيه إنسان فيدعو هللا –تعالى ".يحب Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Qofka Xajarul Aswadka\ الحجر األسودiyo Albaabka inta u dhexeysa istaagah oo Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىshay ka barya waa kan illaa muraadkiisii wuxuu jecelyahay ka arka." Al Faakihii\ الفاكهيayaa Xadiithkaan ku wariyay kitaabkiisa Akhbaaru Makkah \أخبار مكة, Isnaadiisuna waa Xasan\حسن, tiradiisuna waa (230). Mujaahid\ مجاهدwuxuu yiri: "Inta Rukniga\ الركنiyo Albaabka u dhexeysa waxaa la yiraahdaa Al Multazam\الملتزم, waana yartahay qof halkaas Ilaahay wax ku waydiistay ama wax uga magan galay ee waa Kii siiyah." Waa Xadiithka tiradiisu tahay (238), isnaadkiisuna yahay Saxiix\صحيح, Al Faakihina\ الفاكهيuu ku wariyay kitaabkiisa Akhbaaru Makkah\أخبار مكة. Macluumaadkaan Al Mulktazam\ الملتزمku saabsan waxaan kasoo qaadannay kitaabka Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا, uuna dhigay Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\د\محمد إلياس عبد الغني, oo xubin ka ah Guddiga Kormeerka iyo Hubinta iyo Daabacaadda Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo lagu daabaco Madbacada Boqor Fahd ee Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. 17 Sunnadu waa in shan iyo toban meelood marka la xajjinayo lagu ducaysto, oo ducada lagu aqbalo, waxayna kala yihiin: (1) Marka la dhawaafayo, (2) Al Multazamu,\الملتزم (3) Al Miizaabu\ الميزابhoostiisa, oo ah dhuunta Kacbada saqafkeeda biyaha roobka kasoo qaadda oo dhulka kusoo shubta (dhuuntaas waxaa markii ugu horreysey dhistay Quraysh \قريش markay Kacbada dhistay, waxaana la cusbooneysiiyay, markii u dambeysey kun afar boqol toddoba iyo toban Hijriga, macdanta ay ka samaysantahayna dahab lagu dheehay. Dhererkeedu waa laba mitir iyo saddex iyo konton sentiimitir. Inta darbiga Kacbada ku dhex jirta waa sideed iyo konton sentiimitir. Inta darbiga kasoo baxsanna waa hal mitir iyo shan iyo sagaashan sentiimitir. Dhuunta taaggeedu waa saddex iyo labaatan sentiimitir, ballaceeduna waa lix iyo labaatan sentiimitir. Waxaa korkeeda ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi Yaa Allaahu\.) بسم هللا الرحمن الرحيم – يا هللا (4) Kacbada dhexdeeda, (5) Ceelka Zamzam\زمزم, (6) Buurta Al Saffaa\ الصفاdusheeda, (7) Buurta Al Marwata\ المروةdusheeda, (8) Inta Sacyiga\ السعيlagu jiro oo labadaas buurood loo kala socdo, (9) Maqaamu Ibraahiimu\ مقام إبراهمgadaashiisa, (10) Banka Carafaat\عرفة, (11) Al Muzdalifatu\المزدلفة, (12) Minaa\منى, (13) Marka Jamratul Uulaa\ الجمرة الآلولىla dhagaxyeynayo, (14) Marka Jamratul Wusdhaa\ الجمرة الوسطىla dhagaxyeynayo, (15) Marka Jamratul Caqabah\ جمرة العقبةla dhagaxyeynayo. Sidaas waxaan kasoo guurinnay labada Kitaab ee Imaam Al Nawawii\ النوويee Manaasiku Al Xajji\ مناسك الحجiyo Al Majmuuc\المجموع, Allaha u naxariistee. Waa intaas warka Al Multazam\الملتزم. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبsidaas ayuu isagoo kuray ah wuxuu ku bartay sida wax loo maamulo iyo fananka kala duwan ee siyaasadda iyo agaasinkeeda. Xilliyada ganacsigana suuqyada ayuu dhex socon jiray, oo uu daawan jiray badeecadaha laga kala keenay dalalka Furus\فرس, oo ahayd Iiran, iyo Shaam\ الشامiyo Masar\ مصرiyo arliga Roomaanka iyo Yaman\ يمنiyo Soomaaliya iyo arliga Xabashada\الحبشة, oo sidaasaa garadkiisu u ballaaran jiray oo uu waasac u noqonayay. Wuxuu u fiirsan jiray sida wax loo beego iyo sida wax loo miizaamo, iyo sida wax loo qiyaaso iyo sida wax loo kala gato, oo sidaasuu wuxuu ku baranayey xisaabta iyo ganacsiga. Wuxuu dhaagi jiray wararka dalalka kale ka yimid, oo sidaasuu shucuubta kala duwan ku baranyay iyo dhaqankooda iyo taariikhdooda iyo xiriirka ay Dawladahaasi dhexdooda ka leeyihiin. Xilliga Xajka Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu la shaqayn jiray adeerkiis Al Mudh-dhalib\المطلب, kaasoo ay Haashim\ هاشمdabadiis usoo wareegeen Al Siqaayatu\السقاية iyo Al Rifaadatu\الرفادة. 18 Sidaasuu adeerkiis ka caawini jiray cunno siinta xujayda iyo u gayntooda biyaha ayaga iyo gaadiidkoodaba iyo xoolohoodaba intay Mina\ منىjoogaan iyo ilaa ay Makkah\ مكةka dhoofaan. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu ogaaday inay sharaftaasu u sugnaan jirtay oo uu lahaa aabihiis Haashim\هاشم, ayna isaga usoo wareegi doonto, maadaama uu isagu leeyahay dhaxalka aabhiis. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwaxay saaxiibtinnimo iyo jeceyl dhex maray wiilashii kale ee Quraysh\قريش, wuxuuna gaar ahaan saaxiib ahaan u doortay wiilka la yiraahdo Xarb bin Umayyah bin Cabdu Shams\حرب بن أمية بن عبد شمس, kaasoo ayan kala tegi jirin, oo ay meel walba isku raaci jireen, ayna Kacbada agteeda ku wada cawayn jireen, meelaha gabayada lagu tirinayana isla tegi jireen oo ay dhegeysan jireen, suuqyada wax lagu kala ganacsadana wada dhex gooshi jireen. Xarb\ حربwaa Abuu Sufyaan\ أبوسفيانaabihiis, oo waa awoowaha Amiiru Al Mu'miniina Mucaawiyah\أمير المؤمنين معاوية. Sidaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبqiimaha lacagaha Roomaanka iyo kuwa Iiraan ku kala bartay iyo sida la isugu sarrifo, iyo lacagaha Xabashada iyo midda Masr\مصر, iyo lacagaha Boqorrada Al Xiirata\( الحيرةwaana gobol maanta ka mid ah Ciraaq\ )عراقiyo kuwa Al Ghassaasinata\ الغساسنةee Shaam\ الشامiyo lacagaha Yaman\يمن. Wuxuu kaloo bartay sida loo sameeyo heshiisyada ganacsiga, iyo faa'iidada ganacsiga iyo ribadaba. Sidaas ayuuna ganacsiga si fiican ugu bartay. Sidaas ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبku koray, oo uu ku barbaaray, kuna noqday nin toosan oo aan ku dhex dabaalan balwooyinka ay asaaggiisu ku dhex dabaalan jireen, sida cabidda khamrada, haweenka aan suubanayn, iyo wixii la mid ahba. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu goostay inuu guursado, wuxuuna go'aansaday inuu qabiilka wayn oo Hawaazin\ هوازنla yiraahdo oo miyiga degah ka guursado. Markaasuu Makkah\ مكةka baxay oo uu u tegey ninka la yiraahdo Jundub bin Xujayr جندب بن \ حجيرoo uu gabadhiisa Al Samraa'\ السمراءka doonay, kaasoo ku farxay oo u guuriyay. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu Makkaah Al Mukarramah\ مكة المكرمةkusoo noqday isagoo haweentiisa wata, taasoo uu gurigiisa dejiyay, waxayna u dhashay wiilkiisa Al Xaarithu \الحارث. Kaddib waxaa yimid xilliga Safarka Koofureed ee Yaman\يمن, waxaana hoggaamiyay Al Mudh-dhalib\المطلب, kaasoo koofaartisu ahayd Al Fayd\( الفيضwaa daadka korka dhibicda ku leh oo saadka ku xigah), macneheeduna yahay deeqsiga. Safarkii wuxuu Yaman\ يمنkasoo noqday isagoo uusan Al Mudh-dhalib\ المطلبla socon, kaasoo arliga Yaman\ يمنkusoo dhintay, isagoo qariib ku ah, laguna aasay, siduu walaalkiis 19 Haashim\ هاشمGhazzah\ غزةee arliga Falasdhiin\ فلسطينugu dhintay isagoo qariib ku ah, oo halkaas lagu duugay. Markuu Al Mudh-dhalib\ المطلبdhintay ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu doonay inuu la wareego xilalkiisii uu hayay, aabihiisna uu hore u lahaa una hayn jiray, kalana ahaa Al Rifaadata\ الرفادةiyo Al Siqaayata\السقاية, waxaase ka hor istaagay adeerkiis Nawfal\نوفل, aabihiis Haashim\ هاشمwalaalkiis, oo isaga ka da' wayn, kana madaxsan, damcayna inuu wiilka uu adeerka u yahay xilalkaas ka qaato. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبtolkiisa waydiistay inay adeerkiis uga hiilliyaan, waxayse ku yiraahdeen: "Adiga iyo adeerkaa idin soo dhex geli maynno." Markaasuu abtiyaalkiis warqad u dhigay uu gabay ku tiriyay, uuna ku leeyahay: يا طول ليلي ألحزاني وأشغالي \\ هل من رسول إلى النجاري أخوالي.1 يبني عديا و دينارا و مازنها \\ و مالكا عصمة الجيراني عن حالي.2 عزيزا منيعا ناعم البال،قد كنت فيكم و ال أخشى ظلمة ذي \ \ظالم.3 حتى ارتحلت إلى قومي و أزعجني \\ عن ذاك مطالب عمي بترحال.4 وكنت ما كان حيا ناعما جذيال \\ أمشي العرضنة سحابا ألذيالي.5 فغاب مطلب في قعر مظلمة \\ وقام نوفل كي يعدو على مالي.6 إن أرى رجال غابت عمومته \\ وغاب أخواله عنه بال وال.7 أنحى عليه ولم يحفظ له رحما \\ ما أمنع المرء بين العم والخال.8 فاستنفروا وامنعوا ضيم ابن أختكم \\ ال تخذلوه و ما أنتم بخذال.9 مامثلكم في بني قحطان قاطبة \\ حي لجار و إنعام األبلح الغالي.11 أنتم ليان لمن النت عريكته \\ سلم و سمام األبلح الغالي.11 "1. Yaa Dhawla laylii li axzaanii wa ashghaalii/Hal min Rasuulin ilaa Al Nnajjaarii akhwaalii. 2. Yabnii Cadiyyan wa Diinaaran waa Maazinahaa/Wa Maalikan cismatul jiiraanii can xaalii. 3. Qad kuntu fiikum wa laa akhshaa thalamata thii/Thulmin, caziizan muniican naacimal baalii. 4. Xattaa irtaxaltu ilaa qawmii wa azcajanii/Can thaaka Mudhalibun cammii bi tirxaalin. 5. Wa kuntu maa kaana xayyan naaciman jathiilan/Amshii al ciradnata saxxaabaa li athyaalii. 6. Fa ghaaba Mudhalibu fii qacrin muthlimatin/Wa qaama Nawfal kay yacduu calaa maalii. 7. A'in ra'aa rajulan ghaabat camuumatuhu/Wa ghaaba akhwaaluhu canhu bilaa waalin. 8. Anxaa calayhi wa lam yaxfath lahu raximan/Maa amnacal mar'i baynal cammi wal khaali. 9. Fa istanfiruu wa amnacuu diima ibna ukhtikum/laa takhthaluuhu wa maa antum bi khaththal. 10. Maa mithlukum fii Banii Qaxdhaan qadhiibatu/Xayyun li jaarin wa incaamin wa ifdaali. 11. Antum liyaanun liman laanat cariikatuhu/Silmun wa simaamul ablaxi al ghaalii. Gabayga macnihiisu waxaa weeye: 1. Tiiraanyada i haysa daraadeed iyo sidaan u mashquulay ayaa habeenkii ilaa dheeraaday/ Ee ma jiraa ergay warqaddaan abtiyaalkay reer Al Najjaar aan ugu dhiibo. 20 2. Reer Banii Cadiyyi\بني عدي, iyo reer Banii Diinaar\بني دينار, iyo reer Banii Maazin بني \مازن/Iyo reer Banii Maalik\ بني مالكkuwaasoo aan ahaa jiiraankooda ay ilaaliyaan. 3. Adinkaan idinla noolaa anigoo aan thulmiga ka baqayn/Mid wax thulmiya, cududna leh aan laga adkaan karin, la ilaaliyay farxadna ku nool. 4. Tan iyo intaan tolkey usoo bixitimay/Uuna isoo waday adeerkey Al Mudhalib\المطلب. 5. Kaasoo intuu noolaa aan si firfircoon u socon jiray/Yididiiladeyduna ay sarreeysay. 6. Markaasaa Al Mudhalib\ المطلبgod gudcur ah lagu libriyay oo lagu duugay/Markaasaa waxaa kacay Nawfal\ نوفلoo maalkeyga soo colaadiyay. 7. Aniguna waxaan u arkaa in nin adeerradiisna dhinteen/Abtiyaalkiisna ay ka fogyihiin inuusan gargaare lahayn. 8. Markaasuu kusoo jeestay, riximkiina ma dhawrin/Yaa ka ilaalsan nin adeer iyo abti ku dhex jirah. 9. Marka soo kaca oo ka daafaca ninka thulmiyay wiilka walaashiin oo la gardarreystay oo/Xaqqiisa laga qaaday ee garabkiisa ha ka bixina, ma ihidin kuwa garabkiisa ka bexee. 10. Qaxdhaan\ قحطانintuu dhalay kuma jiro/ cid la magangalo oo adinka idinka nicmayn badan oo idinka deeq badan. 11. Adinku waxaad u jilicsantihiin kuwa ayagu dabeecad jilicsan leh/ Waxaad tihiin nabaddoon iyo fiidda timirta qaaliga ah ugu fiican. Tarjumidda nuska dambe ee baytka kow iyo tobnaad shaki ayaa iiga jirah. Reer abtigiis markay warqaddiisa heleen, ayaa waxaa Al Madiinah Al Munawwarah المدينة \ المنورةkasoo baxay sideetan nin oo dabado fuushan, uuna hoggaaminayo ninka la yiraahdo Sacad bin Cadiyyi Al Najjaariyyi \سعد بن عدي النجاري, waxayna yimaadeen Makka Al Mukarramah\مكة المكرمة. Markuu khabarka imaatinkoodu Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبgaaray, ayuu soo kacay oo uu u yimid, kuna yiri: "."المنزل يا خال Oo macnihiisu yahay: "Abti gurigeyga kusoo dega." Markaasuu Sacad\ سعدwuxuu ku yiri: "Degi mayo jeer aan Nawfal\ نوفلla kulmo." Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu ku yiri: "."تركته جالسا في الحجر في مشايخ قريش Oo macnihiisu yahay: "Waxaan ka soo tegey isago Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلodayo Quraysh\ قريشah la fadhiya." Markaasuu Sacad\سعد, oo ay la socdaan raggiisii reer Al Khazraj \الخزرج, soo kacay oo uu 21 Nawfal\ نوفلsoo dul istaagay. Nawfal\ نوفلmarkuu Sacad\ سعدarkay ayuu wuxuu ku yiri: "Waabarigiinnu ha suubanaado." Waxay ku yiraahdeen: "Waabarigaagu yuusan suubanaan ninyahow. Wiilka walaasheen oo aad dulmisay xaqqiisa sii." Nawfal\ نوفلwuxuu yiri: "Waan yeelayaa jecayl iyo karaamo aan idiin qabo daraadeed." Sidaas ayuu Nawfal\ نوفلCabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبxaqqiisa u siiyay, oo uu Al Siqaayata\ السقايةiyo Al Rifaadata\ الرفادةugu soo celiyay. Kaddibna abtiyaalkiis reer Banii Al Najjaar\ بني النجارway gaddoomeen oo ay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةku noqdeen. Nawfal\ نوفلmarkuu arkay inuu Cabdu Al Mudhalib عبد المطلبreer abtigiis isku ilaaliyay oo ay cudud u noqdeen, ayuu wuxuu isaguna xilfi iyo axdi reer Banii Haashim \ بني هاشمka dhan ah la galay reer Banii Cabdu Shams\بني عبد شمس. Taasi waxay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبu geysay inuu isaguna xilfi iyo axdi la galo qabiilka carbeed ee la yiraahdo Khuzaacah\خزاعة, oo ay rag ka mid ah intay Kacbada wada galeen ay ku kala dhigteen warqad ay ku heshiinayaan inay isaga uga hiilliyaan ciddii soo colaadisa. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khuzaacah \ خزاعةaxdigaas iyo xilfigaas waa la lahaa, sidaan ugu arki doonno markaan ka warbixinaynno Duullaanka iyo Heshiiska Nabadeed ee Al Xudaybiyyah\ غزوة الحديبيةin shaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Sidaas ayaa waxaa Makkah\ مكةdhexdeeda ku sugnaaday laba xilfi, ama kooxood, oo kala ah Xilfiga reer Banii Cabdu Shams\ بني عبد شمسiyo Xilfiga reer Banii Haashim\بني هاشم. Kaddib waxaa yimid xilliga Safarka Quraysh\ قريشee waqooyiga, oo markaan u safray arliga Ciraaq\عراق. Waxaa Safarka hoggaamiyay Nawfal bin Cabdi Manaaf\نوفل بن عبد مناف, Cabdu Al Mudhdhalib عبد المطلبadeerkiis aabihiis la dhashay, ahaana ninka raggii uu Cabdi Manaaf \عبد مناف dhalay ka harayba. Markuu Safarku gaaray beesha la yiraahdo Salmaan\ سلمانee arliga Ciraaq\عراق, ayuu Nawfal \ نوفلhalkaas ku dhintay, isagoo halkaas qariib ku ah, siday walaalihiis arli ay qariib ku yihiin ugu dhinteen, isagoo uu Haashim\ هاشمGhazzah\ غزةee arliga Falasdhiin\ فلسطينku dhintay, walaalkiis Al Mudhalibna\ المطلبuu beesha Radmaan\ ردمانee arliga Yaman\ يمنugu dhintay. Walaalkiisa saddexaadna, oo ahaa Cabdu Shams\ عبد شمسHaashim\ هاشمdabadiis ayuu Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةku dhintay oo lagu aasay. Cabu Allaahi bin Al Zibcaraa\ عبد هللا بن الزبعرىmarkuu Haashim\ هاشمdhintay, ayuu isagoo u ooyaya wuxuu yiri: 22 .كانت قريش بيضة فتفقأت \\ فالمح خالصه لعبد مناف.1 .الخالطين فقيرهم بغنيهم \\ والظاعنين لرحلة األضياف.2 . هلم لألضياف:والرائشين و ليس يوجد رائش \\ و القائلين.3 .عمرو العال هشم الثريد لقومه \\ قوم بمكة مسنة عجاف.4 1. Kaanat Qurayshun baydatan fa tafaqqa'at/Fa al muxxu khaalisuhu li Cabdi Manaafi. 2. Al khaalidhiina faqiirahum bi ghaniyyihim/Wa al thaaciniina li rixlati al adyaafi. 3. Wa al raa'ishiina wa laysa yuujadu raa'ishun/Wa al qaa'iliina: Halumma li al adyaafi. 4. Camr Al Culaa hashama al thariida li qawmihi/Qawmin bi Makkata musnitiina cijaafin. Gabayda macnihhisu waxaa weeye: "1. Qurayshi\ قريشwaxaa weeye ukun, markaasey dillacday/Shaharkeeduna (waa inta hurdiga ah oo ugu fiican) waa reer Cabdi Manaaf\عبد مناف. 2. Waana kuwa saboolkooda ku dhex dara hodankooda oo wax u wada qaybiya/Waana kuwa u dhoofa labada Safar ee martida. 3. Waana kuwa dadka biyaha waraabiya, hadana ma jiro waraabiye/Waana kuwa yiraahda: Kaalaya aan martida u tagnee oo aan marti soornee. 4. Camr Al Culaa\( عمروالعالwaa Haashim\ )هاشمwuxuu qawmkiisa u googooyey muufo/Qawmkiisoo Makkah\ مكةabaar adag ku heshay oo caatoobey. Ninka la yiraahdo Madhruud Al Khuzaaciyyi\ مطرود الخزاعيoo geerida Al Mudh-dhalib\المطلب u ooyayana wuxuu yiri (waana tixo gabay dheer ka mid ah): .أربعة كلهم سيبد \\ أبناء سادة لسادة.1 .\\ مان و ميت بين غزاة-ميت بردمان وميت بسل.2 .\\ محجوب شرقي البنية-وميت أسكن لحدا لدي ال.3 "1. Arbacatun kulluhum sayyidun/Abnaa'u saadaatin li saadaatin. 2. Maytun bi Radmaan wa maytun bi Sal-/Maani wa maytun bayna Ghazzati. 3. Wa maytun uskina laxdan laday al/ Maxjuubi sharqiyyi Al Bunayyati." Gabayga macnihiisu waxaa weeye: "1. Waa afar kulligood hoggaamiyayaal ah, ahna ilmaha/uu dhalay hoggaamiye ay hoggaamiyayaal dhaleen. 2. Midkood wuxuu ku dhintay Radmaan\( ردمانoo Yaman\ يمنku taalla, waana Al Mudh-dhalib )المطلب/Midna wuxuu mayd ku yahay Salamaan\( سلمانkuna taalla Ciraaq\عراق, waana Nawfal\)نوفل, Midna wuxuu mayd ku yahay Ghazzah\( غزةoo ku taal arliga Falasdhiin\فلسطين, waana Haashim\)هاشم 3. Iyo mayd la dejiyay luxud (waa qabri) dahsoon oo Kacbada Bari ka xigtah/ (waana qubuuraha Al Xajuun\ الحجونee Maakah\مكة, waana Cabdi Shams\)عبد شمس. 23 Albaabka Kacbada Albaabka uu Kacbada u yeelay Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبayaa ahaa albaabka ugu horreeya oo bir ah iyo dahab ah oo Kacbada la saaro, sidaan ku arki doonno markaan ceelka Zamzam\ زمزمka warbixinaynno inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Markuu Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhissalaamu, Kacbada dhisay, laba albaad ayuu u yeelay oo iska soo horjeeda, dhulkana ku dheggan, oo midna qorrax kasoo bax ku yaallo, oo ah dhinaca uu albaabkeedu hadda ku yaallo, midna galbeed ku yaallo, oo inta midka hore laga soo galo midka dambe laga baxo. Labadaas irdoodba albaabbo ma saarnayn, oo way iska bannaanaayeen, oo inta mid laga galo ayaa kan kale laga bixi jiray. Kaddib Boqorka Yaman\ يمنoo la yiraahdo Ascad Tubbaca/ أسعد تبعSaddexaad ayaa u yeelay albaab hal qalbac ah oo Kacbada lagu xiro, lana furi karo. Kaddib, zaman dheer kaddib, markay Qurayshi\ قريشKacbada dib u dhistay, isagoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas shan iyo soddon sano jiro, waqti Nabinnimada shan sano ka horreysey, ayay albaabkii galbeed awdeen, midka barina ay albaab labo qalbac ah u yeeleen, dhulkana ka kacsan, si uusan u gelin qof ay ayagu u oggolaadeen mooyee, maadaama ay jaranjarada lagu gaaro albaabka iyo furaha irridda lagu furo ay ayagu hayaan. Hadda albaabka Kacbadu dhererkiisu wa saddex mitir iyo toban sentiimitir, ballaciisuna waa hal mitir iyo sagaashan sentiimitir, cumuqdiisuna oo ah jirmigiisa waa konton sentiimitir. Albaabku wuxuu dhulka ka kacsanyahay labo mitir iyo shan iyo labaatan sentiimitir. Kacbada gudeheedana waxaa ku yaalla albaab kale oo laga baxo marka saqafka Kacbada la fuulayo. Albaabkaas waxa la yiraahdaa Baabu Al Ttawbah/باب التوبة, dhererkiisuna waa laba mitir iyo soddon sentiimitir, ballaciisuna waa toddobaatan sentiimitir. Hadda labadaas albaabba ee Kacbadu waxay ka sameysan yihiin dahab saafi ah oo culayskoodu yahay laba boqol iyo sideetan kiilogram. Furaha Albaabka Kacbada Furaha albaabka Kacbada lagu furo, laguna xiro, dhererkiisu waa afartan sentiimitir, waxaana lagu kaydiyaa kolay xariir ah oo dahab saafi ah lagu dheehay. Koleygaas sanad walba waa la cusbooneysiiyaa. Koleyga korkiisa waxaa ku dhigan Aayadda sideed iyo konton ee Suuratu Al Nisaa'i سورة \النساء, uuna Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوحل, ku yiri: ِ إِ َّن اللَّه يأْمرُكم أَن تُؤُّدوا ْاْلَم َان ِ الن َّ َهلِهَا َوِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل إِ َّن اللَّهَ نِ ِع َّما َي ِعظُ ُك ْم ْ ات إِلَى أ ْ اس أ َ ْ ْ ُُ َ َ َ ِ بِ ِه إِ َّن اللَّه َكان س ِميعا ب )85( ير ص ًا َ ً َ َ َ 24 "Inna Allaaha ya'murukum an tu'adduu al amaanaati ilaa ahlihaa wa ithaa xakamtum bayna al nnaasi an taxkumuu bi al cadli nicimmaa yacithukum bihi inaa Allaaha Kaana Samiican Basiiran(58)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu idin amrayaa inaad siisaan amaanada ehelkeeda iska leh, haddaad dadka kala xukumaysaanna inaad caddaalad ku kala xukuntaan, oo Ilaahay wuxuu idinku waaninayaa waxa wanaagsan, Ilaahayna waa Midka wax walbana maqla, wax walbana u jeeda(58)." Maamulidda iyo u adeegidda Guriga waxaa gacanta ku hayay Nabi Ismaaciil \ إسماعيل, Calayhissalaamu. Dabadiisn wiilkiisa Naabit\نابت. Naabit\ نابتkaddib waxaa xilkaas qabtay reer abtigiis Jurham\جرهم, ayaga dabadoodna qabiilka Khuzaacah\خزاعة, kuwaasoo hayay ilaa uu xilkaasi kasoo galo gacanta Qusayyi bin Kilaabi\قصي بن كالب, awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maalinta Makkah\ مكةla furta ee sanadka sideedaad ee Hijriga, ayuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, furaha albaabka Kacbada ka dalbaday ninkii hayey oo magaciisu ahaa Cuthmaan bin Dhalxata\عثمان بن طلحة. Markii loo keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada ayaa lagu furay, intuuna dhexdeeda galay ayuu ku tukaday, kaddibna kasoo baxay. Markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada kasoo baxay dadkuu la hadlay, ayagoo Masjidka buuxiyxy, wuxuuna yiri: "أال إن كل دم أو مال أو مأثرة كانت في الجاهلية فهي تحت قدمي هاتين إال سقاية الحاج وسدانة الكعبة فإني قد أمضيتهما ألهلهما على ما كانتا عليه في الجاهلية فهي تحت قدمي هاتان إال سقاية الحاج وسدانة َّ ِ ْم ُرُك ْم ُ " إ َّن اللهَ َيأ: وتال قول هللا عز وجل،" فإني قد أمضيتها ألهلها على ما كانتا عليه في الجاهلية،الكعبة ِ ِ ِ ِ َّ ِ أَن تُؤُّدوا ْاْلَم َان َّ ِ الن َّ َهلِهَا َوِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن ان ْ ات إِلَى أ ْ اس أ َ َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل إِ َّن اللهَ نع َّما َيعظُ ُك ْم بِه إِ َّن اللهَ َك َ ْ َ ِ س ِميعا ب ")85( ير ص ًا َ ً َ "Alaa inna kulla damin aw maalin aw ma'tharatin (tha saddex dhibcood kor ke leh) fii al jaahiliyyati fa hiya taxta qadameyya haataani illaa al Siqaayata al Xajji wa Sadaanata Al Kacbati, fa innii qad amdaytuhaa (waa daad dhibic kor ke leh oo saadka ku xiga) li ahlihaa calaa maa kaanataa calayhi fii al jaahiliyyati", kaddibna wuxuu akhriyay "Inna Allaaha ya'murukum an tu'adduu al amaanaati ilaa ahlihaa wa ithaa xakamtum bayna al naasi an taxkumuu bi al cadli nicimmaa yacithukum bihi inaa Allaaha Kaana Samiican Basiiran(58).". Xadiithka macnihhisu waxaa weeye: "Hooy, dhiig la kala galay kulligiis, iyo maal la kala qabay kulligiis iyo wax la is dheeraa oo gooni loo lahaa kulligood, oo la isku lahaan jiray zamankii jaahiliyada (oo Islaamka ka horreysey) labadeydaan cagood hoostooda ayaan geliyay oo waa waxba kama jiraan intaan ahayn xilalka Al Siqaayata (oo ah waraabinta xujayda biyaha Zamzam laga waraabiyo) iyo Al Sadaanata (oo ah u adeegidda Kacbada, sida dayac tirkeeda, nadiifinteeda, furiddeeda, xiriddeeda, iwm.), labadaasoo aan u qiray oo ay lahaanayaan kuwii lahaan jiray zamanka jaahiliyada". Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi 25 َّ ِ ِ ِ ِ ََّهلِهَا وِا َذا َح َك ْمتُ ْم َب ْي َن الن ُّ ْ ْم ُرُك ْم أ َن تَ ْح ُك ُموا بِاْل َع ْد ِل ْ اس أ ُ إ َّن اللهَ َيأWasallam akhriyay َ ْ َن تُ َؤدوا ْاْل ََم َانات إلَى أ ِ إِ َّن اللَّه نِ ِع َّما ي ِعظُ ُكم بِ ِه إِ َّن اللَّه َكان س ِميعا ب ".)85( ير ص ًا َ ً َ َ َ َ ْ َ Kaddibna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yeeray Cuthmaan bin Dhalxatu \عثمان بن طلحة, oo uu furaha albaabka Kacbada siiyay, wuxuuna yiri: ""خذوها يا بني طلحة خالدة تالدة ال ينزعها منكم إال ظالم "Khuthuuhaa (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah) yaa banii Dhalxatu khaalidatan, taalidatan, laa yanzicuhaa minkum illaa thaalimun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Qaata ubadka Dhalxow\طلحة, adinkaa waligiin haynayee, ayadoo uusan gacantiinna kala baxayn mid thaalim ah oo gardaran mooyee." Waxaana xadiithka wariyay Majmacu Al Zawaa'idi\ مجمع الزوائد3/285 iyo Tafsiirka Ibnu Kathiir\تفسير إبن كثير, markuu Aayaddaas fasirayo. Warkaas Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ubadka Dhalxatu\ طلحةu ahaa bishaaro, oo wuxuu caddeynayaa inay jiri doonaan oo raggoodu jiri doonaan ilaa yawmul qiyaamaha, uuna xilkaas sharafta badan uu siiyay Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل. Markuu Cuthmaan bin Dhalxatu\ عثمان بن طلحةdhintay, waxaa xilkaas qabtay adeerkiis Shaybatu\شيبة, isaga gadaashiisna wiilashiisa oo kala dhaxlah, loona yaqaanno Al Shaybiyyiina\الشيبيين, kuwaasoo furaha albaabka Kacbada wali ilaa maanta haya, siduu Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\ د\محمد إلياس عبد الغنيugu wariyay kitaabkiisa Taariikhu Makkata Al Mukarramati qadiiman wa xadiithan\تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا, bogga sideed iyo konton. Qufulka albaabka Kacbada Qufulka lagu xiro albaabka Kacbada dhererkiisu waa afar iyo soddon sentiimitir, dhinac walbana ballaciisu waa lix sentiimitir. Dhinac walba waxaa ku jirta nuxaasta hurdiga ah oo dhererkeedu sideed sentiimitir yahay, ballaceeduna laba sentiimitir yahay. Qufulka hadda saaran waxaa la sameeyey kun saddex boqol sagaal iyo sagaashan Hijriga, loona sameeyey siduu u samaysnaa midkii ka horeeyey ee la sameeyey cahdiga Suldhaankii Cabdu Al Xamiid Al Cuthmaanii\ عبد الحميد العثمانيmarkuu sanadku ahaa kun saddex boqol iyo sagaal. Waxaa hadda qufulka dhinac uga dhigan: "Waxaa la sameeyey cahdiga Khaalid bin Cabdul Caziiz aali Sucuud\ خالد بن عبد العزيز آل سعودsanadka kun saddex boqol sagaal iyo sagaashan Hijriga." 26 Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuxuu ahaa nin dheer oo cad oo dadka ugu qurxoon, uguna waji qurxoon, uguna haybad wayn, oo qofkii arkaba uu ka haybaysto oo uu wayneeyo. Waxaa la yiri inuu Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبahaa ninka carbeed oo ugu horreeyey oo timaha madaxiisa madoobeeya. Runtana Rabbi ayaa ogsoon. Cumrigiisa inta u dambaysay Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuxuu ka haray caabudidda asnaamta, oo ma uusan caabudi jirin, sanad walbana bisha Ramadaan\ رمضانwuxuu geli jiray oo uu dhexdeeda ku sugnaan jiray oo uu ku keliyeysan jiray godka la yiraahdo Ghaaru Xiraa' \ غار حراءoo ku yaalla dusha buurta la yiraahdo Jabalu Al Nuur\جبل النور, oo saddex kiilomitir Kacbada xagga Waqooyi Bari ka xigtah. Hoggaan kitaabkaan ayaan uga warbixin doonnaa inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Asxaabu al Ukhduudiأصحاب األخدود Reer Yaman\ يمنwaxay ahaan jireen gaalo asnaam iyo dabka caabudda. Markaasaa waxaa Gobolka Najraan\ نجرانla yiraahdo ee Dalka Yaman\يمن Diinta Nabi Ciise\عيسى, Calayissalaamu, oo ah Diinta Islaamka, keenay nin la yiraahdo Faymiyuun\فيميون. Al Dhabarii\ الطبريwuxuu ninkaas ku magacaabay Qaymi'uun\قيمئؤون. Al Qutaybiyyu\ القتيبيwuxuu yiri: "Waa nin aali Jafnata\ جفنةah ee reer Ghassaan\( غسانBoqorrada Shaam\ )الشامoo Shaam\ الشامka yimid, markaasuu (reer Yaman\ )يمنDiinta Ciise عيسىku xambaaray." Al Naqaash\ النقاشwuxuu yiri: "Magaciisu waa Yaxyaa\يحيى, aabihiisna Boqor ayuu ahaan jiray, markaasuu dhintay. Markaasey dadkiisu dooneen inay isaga Boqornimo u caleemo saaraan aabihiis kaddib. Markaasuu diiday oo boqornimadaas kasoo cararay, oo uu dalba dal kale uga gudbi jiray, isagoo aan arlina ku nagaadin (meeshuu tagana Diinta Islaamka geynaya). Markaasuu kaddib Yaman\ يمنyimid, dadkiina ay karaamooyin badan ka arkeen, sida bogsiinta bukaanka oo uu u Alle baryi jiray. Markaasey reer Najraan\ نجرانDiinta Islaamka galeen, waxaana Muslimiintaas Imaam iyo Madax u noqday nin la yiraahdo Cabdu Allaahi bin Al Thaamir\( عبد هللا بن الثامرwaa tha saddex dhibcood kor ku leh). Gobolka Najraan\ نجرانwaxay magaceeda ka qaadatay ninka la yiraahdo Najraan bin Zayd bin Yashjub bin Yacrub bin Qaxdhaan\نجران بن زيد بن يشجب بن يعرب بن قحطان, oo ahaa qofka ugu horeeyey oo halkaas degah. 27 Asalka diinta yuhuudda ee Yaman\يمن Markaasaa waxaa Yaman\ يمنBoqor u noqday ninka la yiraahdo Zurcata bin Tubbaan Ascad Abii Karib ibnu Kulkii (oo Karib\ كربafka Ximyar\ حميرwaa beeraaley) Karib bin Zayd زرعة بن \تبان أسعد أبي كرب إبن كلكي كرب بن زيد, koofaartiisuna tahay Thuu Nawaas\( ذونواسwaa thaal kor dhibic ku leh oo deelka ku xigah). Ninkaas waxaa Thuu Nawaas \ ذونواسloogu bixiyay isagoo lahaa laba saymood ama raamood oo ah timaha madixiisa oo intuu isku tidcay, hadana uu laba qaybood u qaybiyay oo ay madixiisa kasoo laadlaadaan, ayna garbihiisa taabanayaan oo markuu isagu dhaqaaqo ay ayaguna dhaqaaqayaan, oo al nawsu\ النوسwaa dhaqdhaqaaqa ay ruxdaan wax soo laadlaada. Markaasuu Boqorkaasu Diinta Yuhuudda galay, uuna Yuusuf\ يوسفla baxay. Markaasuu Muslimiintii Najraan\ نجرانdegganayd kusoo duulay, ayagoo ayan yuhuuddu Nabinnimada Nabi Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, aqoonsanayn, wuxuuna usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan, ayna Diintiisa yuhuudiyadda ah soo galaan. Markaasey ka diideen. Markaasuu la dagaallamay, kana dhigay in uu seef ku dilo iyo inuu dab ku gubo. Wuxuu qoday godad sida dhufaysyada u dheer, una fidsan, markaasuu qoryo inta ka buuxiyay uu dab ku shiday, oo intuu Muslimiintii halkaas isugu keenay wuxuu ku yiri: "Qofkii dambigiisa kasoo noqdah waan iska daynayaa, qofkaan kasoo noqonna dabkaan ayaan ku tuuraynnaa." Markaasey ayaguna diideen inay Diintooda Islaamka ka baxaan, isaguna u dabkaas ku dhex daadiyay, oo ay sidaas Diintooda ugu dhinteen. Waxaa Muslimiintaas ka mid ahayd haweeney wiil ay dhashay oo toddoba bilood jir ah siduu Saxiix Muslim\ مسلمu wariyay, nuujineysa. Markaasey markay godkii iyo dabkii aragtay, ayay walwashay oo ay cunuggeeda u kurbootay. Markaasuu wiilkeedaasi wuxuu ku yiri: "Hooyoy ha walwalin, maxaa yeelay adigu xaqqa ayaad ku taagan tahay." Markaasey dabkii ku booday, Ilaahayna, Midka Naxariista Badani, intayan dabkaba gaarin oo ay hawada kusii jireen, waa Muslimiintoo idile, ayuu naftaba ka qabtay, oo uusan dabkuba gubin. Allow u naxariiso Asxaabu al Ukhduudi\ أصحاب األخدودiyo Muslimiinta oo idilba. Khabarkoodaasna waxaa nooga warrantay Suuratu Al Buruuji \سورة البروج, uuna Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ku yiri: ِ ِ ِ ِ والس.بسم اهلل الرحمن الرحيم ٍ اهٍد وم ْشه ِ اب ُ َص َح ْ ) قُت َل أ3( ود ُ َ َ ) َو َش2( ) َواْل َي ْوِم اْل َم ْو ُعود1( َّماء َذات اْلُب ُرو ِج َ َ ِ ِ الن ِار َذ ِ ُات اْلوق ِ ُخ ُد َّ )4( ود ) َو َما7( ود ٌ ُين ُشه ٌ ) إِ ْذ ُه ْم َعلَ ْيهَا قُ ُع8( ود ْ ْاْل َ ون بِاْل ُم ْؤ ِمن َ ُ) َو ُه ْم َعلَى َما َي ْف َعل6( ود َ ِ ك الس ِ ِ ات و ْاْل َْر ِ َن ُي ْؤ ِمُنوا بِاللَّ ِه اْل َع ِز ض َواللَّهُ َعلَى ُك ِّل َش ْي ٍء ُ ) الَِّذي لَهُ ُمْل5( يز اْل َح ِم ِيد ْ َنقَ ُموا م ْنهُ ْم إِ ََّّل أ َ َ َّم َاو ِ ِ َِّ ِ اب اْل َح ِري ) إِ َّن11( ق ٌ َش ِه ُ اب َجهََّن َم َولَهُ ْم َع َذ ُ وبوا َفلَهُ ْم َع َذ ُ ُين َواْل ُم ْؤ ِم َنات ثَُّم لَ ْم َيت َ ين فَتَُنوا اْل ُم ْؤ ِمن َ ) إِ َّن الذ9( يد ِ الَِّذين آَمُنوا وع ِملُوا الصَّالِح )11( ات تَ ْج ِري ِم ْن تَ ْحتِهَا ْاْل َْنهَ ُار َذلِ َك اْلفَ ْوُز اْل َكبِ ُير ٌ ات لَهُ ْم َجَّن َ ََ َ َ 28 "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Wa al Ssamaa'i thaati al buruuji(1)Wa al yawmi al mawcuudi(2)Wa shaahidin wa mash-huudin(3)Qutila asxaabu al ukhduudi(4)Al Nnaari thaati al waquudi(5)Ith hum calayhaa qucuudun(6) Wa hum calaa maa yafcaluuna bi al mu'miniina shuhuudun(7)Wa maa naqamuu minhum illaa an yu'minuu bi Allaahi Al Caziizi Al Xamiidi(8)Al Lathii lahu mulku al Ssamaawaati wa al ardi wa Allaahu calaa kulli sha'in Shahiidun(9)Inna al lathiina fatanuu al mu'miniina wa al mu'minaati thumma lam yatuubuu fa lahum cathaabu jahannama wa lahum cathaabu al xariiqi(10)Inna al lathiina aamanuu wa camiluu al ssaalixaati lahum jannaatun tajrii min taxtihaa al anhaaru thaalika al fawzu al kabiiru(11)." Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi بسم اهلل الرحمن الرحيم. Ilaahay wuxuu ku dhartay Samada xiddigaha leh(1)Iyo maalinta la isu yaboohay (oo ah maalinta qiyaamaha)(2)Iyo dadka Maalintaas halkaas soo istaagaya iyo waxyaalaha maalintaas la arki doono(3)Ee lacnadi ku dhacdo kuwii godka lahaa (mu'miniinta lagu cathaabayay)(4)Ee ahaa naar waa dabee olol leh (iyo shidaal)(5)Gaaladiina ay kor fadhiyeen godka(6)Aayagoo daawanaya waxa lagu falayo mu'miniinta (oo imtixaan ah)(7)Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oo aan ahayn inay rumeeyeen Ilaaha Adkaadah ee la mahdiyo(8)Oo leh Samada iyo Dhulka xukunkooda. Ilaahayna wax walba wuu u jeedaa oo arkaa(9)Kuwa mu'miniinta rag iyo haweenba jirraba (oo Diintooda ku imtixaana) hadana aan tawbad keenin, waxay mudan in lagu cathaabo jahannamo iyo cathaabid gubtah(10)Kuwa xaqqa rumeeyey, camal suubanna falay, waxay mudan jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, taasina waa liibaan wayn(11)." Waxaa muslimiinta sidaas looga dilay labaatan kun oo qof. Gumaysiga Xabashada ee Yaman\يمن Markuu Thuu Nawaas\ ذونواسMuslimiinta sidaas u laayey, ayay Muslimiin badani waxay u qaxeen arliga xabashada, ayna wafdi u direen boqorka Rooma, ayna ku waydiisanayaa taageero ay Thuu Nawaas\ ذونواسkula dagaallamaan oo ay diintooda ku dafaacaan, ayadoo ay Boqorka Rooma iyo Boqorka xabshada Al Najaashiyyu \ النجاشيku andacoon jireen inay raacsan yihiin diinta Nabi Ciise\عيسى, Calayhissalaamu, ayanse Muslimiin ahayn ayse krishtaan yihiin. Ninka Muslinka ah oo labadaas Boqorba u tegey wuxuu ahaa Daws Thuu Thaclabaan دوس ذو \( ثعلبانwaa tha saddex dhibcood kor ku leh) oo reer Saba'\ سبأu dhashay, uuna dhalay Boqorkii Yaman\ يمنoo magaciisu ahaa Xasaan bin Tubbaan Ascad Abii Karib\حسان بن تبان أسعد أبي كرب, uuna dilay walaalkiis Camr\ عمرoo dabadiis la boqray, ayadoo ay sidaas dadkiisu kula taliyeen. Markaasu Boqorka xabashaduna wuxuu keenay raggii ciidanka ahaa, boqorka Roomana wuxuu keenay maraakiibtii raggaas lagu qaadi lahaa oo Badda Cas ka tillaabin lahayd oo Yaman \يمن ku dejin lahayd, wuxuuna ku amray inuu maraakiibtaas keeno boqorka Masar\مصر. Ciidankaas ayaa Thuu Nawaas\ ذونواسla dagaalay oo jebiyay, isaga laftiisiina dilay. Sidaas ayay xabashadu xukunka Yaman\ يمنgacanta ugu dhigtay, Yamanna\ يمنay mustacmarad xabashiyeed u noqotay, ayna sidaas labo iyo toddobaatan sano ahayd. Waa warbixin dheer oo aan intaas kusoo koobnay. 29 Amarka maroodiga Kaddib Abraha\( أبرهةAbraha afka xabashada waxaa weeye midka wajigiisu cad yahay), boqorka xabashada ee Yaman\ يمنxukumay, wuxuu Sanca\ صنعاءka dhisay kaniisad wayn oo zamankeeda ayadoo kale aan la arag, magaceedana Al Qullays\ القليسla yiraahdo. Al Qullays\ القليسwaxaa loogu bixiyay dhererkeeda ay kor u dheertahay, oo qullays \ قليسwaa waxa kor u dheer. Dhisidda kaniisaddaas dadka yamaneed ayuu ku dullaystay, kharajkeedana ayagaa bixiyay, dhisayna. Wuxuu ka dhisay dhagaxba intuu dhagax ka qurxoon yahay, sida marmarka, iyo dhagax dahab iyo qalin lagu naqshay, oo laga soo qaaday qasriga Boqorraddii hore ee Bilqiis\ بلقيسoo noolayd zamanka Nabi Sulaymaan\سليمان, Calayhissalaamu, hortiisa ayayna ku islaantay, siday noo sheegtay Aayadda afar iyo afartanaad ee Suuratu Al Namli سورة \النمل, nooleydna qiyaas kun sano markaas horteed. Qasrigaas cabbaar ayuu u jiray meesha kaniisaddaas laga dhisay, oo soo daldalidda dhagaxdaas waa lagu dhibtooday. Kaniisadda wuxuu ku suray krishtooyin dahab iyo qalin laga sameeyey, wuxuuna doonayey inuu kor u dheereeyo ilaa dusheeda magaalada Cadan\ عدنlaga arko. Shaqaalaha kasniisaddaas dhisayay wuxuu kusoo rogay xukun fool xun oo ahaa in hadduusan qofku shaqadiisa joogin oo uusan bilaabin intayan qorraxdu soo bixin ka hor gacanta ayuu ka goyn jiray. Markaasaa nin shaqaalihi ka mid ah maalin hurdo la tagtay oo ay qorraxdo kusoo baxday isagoo wali hurda. Markaasey hooyadiis oo da' wayn soo raacday oo ay Abraha\ أبرهةqalbi jilayc ka raadisay oo ay wiilkeeda u shefeeco qaaday inuusan gacanta ka goyn. Abraha\ أبرهةwuu ka diiday waxaan ahayn inuu gacanta ka gooyo mooyee. Markaasey habartii waxay ku tiri: "Maanta faaskaaga ku dhufo, maxaa yeelay maanta adigaa leh, berrina ghayrkaa ayaa yeelanaya." Markaasuu wuxuu yiri: "Is jir! Maxaad leedahay oo aad tiri?" Waxay tiri: "Haa, siday boqortooyadaanu adiga cid kaloo lahayd kaaga soo wareegatay oo aad ku yeelatay, ayay adigana kaa tegeysaa oo ay ghayrkaa u wareegeysaa." Markaasuu hadalkeedaas ku waantoobay oo dadkii gacan gooynta ka daaya oo uu xukunkaas joojiyay. Markuu kasniisaddaas dhammaystiray ayuu Abraha\ أبرهةBoqorka xabashada warqad u dhiray uu ku dhigay: "Boqorow waxaan kuu dhisay kaniisad aan ayadoo kale Boqor kale hortaa loo dhisin, kani hari mayo arrinkaan jeer aan ayada usoo duwo Xajka Carabta, oo ay ayada usoo xajiyaan." Markay Carabi warka warqaddaas ku dhigan maqashay, ayaa nin Al Nasaa'ata\ النساءةka mid ah, magaciisuna yahay Xuthayfata bin Cabdi bin Fuqaym bin Cadiyyi bin Caamir bin 30 Thaclabah bin Al Xaarith bin Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah حذيفة بن عبد بن فقيم بن عدي بن \ عامر بن ثعلبة بن الحارث بن مالك بن كنانة بن خزيمةka carooday. Ninkaas koofaartiisu waa Al Qalammasu\القلمس, looguna bixiyay deeqsinnimadiisa, oo al qalammasu القلمسwaa magac ka mid ah magacda badda oo ka yimid Al qamsu\ األقمسoo ah biyaha badan, oo sido kale halkaas ayuu ka yimid erayga Al Qaamuusu\ القاموسkitaabka erayada macnohooda laga baaro, oo lagu shabbahay badnida biyaha badda. Al Qalamuusu القلمسwaa ninka ugu horreeyey oo bilaabah in bilaha xurmada leh la xalaaleeyo ( hadday doonaan inay dagaallamaan ama ay wax dilaan) oo bil kaloo aan xurmo lahayn meesheedii la xaaraantimeeyo, amarkaaso Al Nas'atu \ النسأةla yiraahdo, ayna nooga warrantahay Aayadda toddoba iyo soddon ee Suuratu Baraa'ah\سورة براءة. Sababta uu Abraha\ أبرهةKacbada ugu duulay Ninkaas Xuthayfata\ حذيفةah ee reer Banii Kinaanah\( بني كنانةKinaanah waa awoowaha toddobaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) markuu warkaas ka carooday wuu soo kacay oo uu Sanca\ صنعاءyimid, uuna kaniisaddaas Al Qullays\القليس dhexdeeda galay, xaajadiisana ku gutay oo uu musqal ahaan u isticmaalay, kaddibna uu arligiisa dib ugu laabtay. Abraha\ أبرهةwaxaa loo sheegay waxa kaniisadddiisa dhexdeeda lagu suubiyay, markaasuu wuxuu yiri: "Qofkeebaa waxaan sameeyey?" Waxaa lagu yiri: "Waxaa sameeyey nin Carab ah oo ka dhashay dadka Guriga ay Carabtu u Xajjidu oo Makkah \ مكةku yaalla degah, kaddib markuu warkaagii maqlay ahaa "Kaniisaddaan ayaan xajka Carabta usoo duwayaa oo ay usoo xajinayaan." Markaasuu Xthayfah\ حذيفةcarooday, oo intuu yimid uu dhexdeeda fariistay, isagoo waxaas uu sameeyey ka wada "ma istaahisho oo ehel uma aha kaniisaddaani inay Carabi usoo xajjido". Markaasuu Abraha\ أبرهةcarooday, wuxuuna ku dhaartay inuu Gurigaas u kicitimi doono si uu u dumiyo. Markaasuu ciidanka xabashada wuxuu ku amray inay is diyaariyaan ayna qalab aruursadaan. Kaddibna wuu ambabaxay isagoo ay maroodina la socdaan. Markay Carabi warkaas maqashay, arrinkaasi wuu la waynaaday oo la xumaaday, waxayna u arkeen markay maqleen inuu doonayo duminta Kacbada, Baytullaahi Al Xaraami\بيت هللا الحرام, Guriga Ilaahay oo Xurmada leh inuu jihaad ku waajibay. Thuu Nafri iyo Nufayl\ذونفر و نفيل Markaasaa Abraha\ أبرهةwaxaa usoo baxay nin madaxda iyo Boqorrada Yaman\ يمنka mid ah oo la yiraahdo Thuu Nafr\ذونفر, kaasoo tolkiis iyo Carab oo idil ugu yeeray la dagaallanka Abraha\ أبرهةiyo in Guriga Ilaahay oo Xurmada leh daraadiis loo jihaado, isagoo uu Abraha \ أبرهةdoonayo dumintiisa iyo kharaabintiisa. 31 Markaasuu isagoo inta Carab baaqiisaas yeeshay hoggaaminaya, ayuu Abraha \ أبرهةla dagaallamay. Markaasaa Thuu Nafr\ ذونفرiyo asxaabtiisa la jebiyay isaga laftiisana qafaal lagu qabsaday. Markaasaa isagoo qafaal ah Abraha\ أبرهةloo keenay, kaasna markuu damcay inuu dilo, ayuu wuxuu ku yiri: "Boqoro ha i dilin, oo waxaa dhici karta inay noolaanteydu kaaga khayr badantahay dilkeygee." Markaasuu ka yeelay oo intuu xargo ku xiray agtiisa ku xabbisay. Abraha \ أبرهةwuu dul qaad badnaa. Markaasuu Abraha\ أبرهةsafarkiisii Makkah\ مكةku sii socday sii watay. Markuu yimid arliga qabiilka Khathcam\( خثعمwaa tha saddexda dhibcood korka ku leh oo ba ka dambeysa), ayaa waxaa ka hor yimid Nufayl bin Xabiib Al Khathmaciyyi \ نفيل بن حبيب الخثعميoo ah Nufayl bin Cabdu Allaahi bin Juz' bin Caamir bin Maalik bin Waahib bin Jaliixah bin Ukulub bin Rabiicah bin Cifris bin Jalaf bin Aftal (oo ah ninka Khatcam\ خثعمloo yaqaan oo qabiilka magaca siiyay) نفيل بنن عبد هللا بن جزء بن عامر بن مالك بن واهب بن جليحة بن أكلب بن ربيعة بن عفرس بن \ جلف بن أفتلoo hoggaaminaya labada qabiil ee Khathcam\ خثعمoo kala ah Shahraan\ شهرانiyo Naahis\ ناهسiyo intii kaloo ka raacday qabaailka kale ee Carbeed. Markasuu Abraha\ أبرهةla dagaallamay. Abraha\ أبرهةayaa ka adkaaday oo jebiyay, Nufaylna \ نفيلqafaal ayaa lagu qabtay oo loo keenay. Markuu damcay inuu dilo ayuu Nufayl \ نفيلwuxuu ku yiri: "Boqorow ha i dilin, oo anigu waxaan si fiican u aqaanna arliga Carabta, labadaas qabiil ee Khathcam\ خثعمoo kala ah Shahraan\ شهرانiyo Naahisna\ ناهسadigay kuu hogaansamayaan." Markaasuu iska sii daayey. Thaqiif iyo Abraha\أبرهة Markaasuu Nufayl\ نفيلAbraha\ أبرهةsoo raacay isagoo dariiqa tusaya. Markuu Dhaa'if\الطائف yimid, Abraha\ أبرهةwaxaa u yimid Mascuud bin Mucattib bin Maalik bin Kacb bin Camr Sacd bin Cawf bin Thaqiif مسعود بن معتب بن مالك بن كعب بن عمرو بن سعد بن عوف بن ثقيفoo rag Thaqiif\ ثقيفu dhashay hoggaaminaya, waxayna ku yiraahdeen: "Boqorow, annagu waxaan nahay addoommadaada adiga ku adheecaya oo kuu hoggaansan, adigana aan waxba kugu diidayn oo kugu khilaafeyn. Gurigeennaan ma aha guriga aad dooneysid (waxayna ka wadaan gurigooda: guri ay u dhiseen sanam ay caabudi jireen oo magaciisu ahaa Al Laata\الالت, ayna ku dhawaafi jireen sida Kacbada loogu dhawaafo oo kale), ee waxaad dooneysaa Guriga Makkah\ مكةku yaalla, annaguna waxaan kugu dareynnaa qof gurigaas ku geeya." Markaasuu iska daayey oo uu ka tegey, isagoo aan la dagaallamin. Abuu Righaal\ أبورغالiyo qabrigiisa la dhagaxyeeyo Markaasey waxay ku dareen ninka la yiraahdo Abuu Righaal\ أبورغالsi uu dariiqa Makkah\مكة u tusiyo oo uu u geeyo, isagoo uusan Abraha\ إبرهةaqoonin meeshay Makkah Al Mukarramah \ مكة المكرمةarliga uga taallo. 32 Markaasuu Abraha\ أبرهةsoo kacay isagoo uu Aboo Righaal\ أبورغال\ أبورغالla socdo, wuxuuna ku degay meesha la yiraahdo Al Mughammis\ المغمسoo macneheedu yahay: meesha ay ka baxdo dhirta la yiraahdo Al Ghamiisu\ الغميسoo ah dhir cagaaran oo xilliga khariifka kasoo baxda dhulka yaabiska ah, oo Makkah\ مكةagteeda ah. Markay halkaas degeen ayuu Abuu Righaal\ أبورغالhalkaas ku dhintay oo lagu xabaalay. Markaasey Carabi qabrigiisa dhagaxyeeysay, waana qabriga uu dadku Al Mughammis\المغمس ku dhagaxyeeyo." Waa intaas warka ibnu Isxaaq/ibnu Hishaam. Tilmaamidda qabriga ee Al Balaadii\البالدي Caatiq bin Ghayth Al Balaadii\ عاتق بن غيث البالديoo reer Makkah\ مكةahaa wuxuu kitaabkiisa Macaalimu Makkah Al Ttaariikhiyyah wa Al Athariyyah معالم مكة التاريخية \ واألثريةayna daabacday Daaru Makkah lil Nashriwa al Tawziici\دار مكة للنشر والتوزيع sanadka kun iyo afar boqol iyo saddex Hijriga, una dhigantah kun iyo sagaal boqol saddex iyo sideetanka miilaadiga ku yiri markuu maadada Al Mughammis\ المغمسka hadlayo wuxuu yiri waxaa ka mid ah: “hadalka ah inuu qabriga Abuu Righaal\ أبورغالku yaallo Al Mughammas\ المغمسwaa xad gudub, ayadoo uu qabrigiisu ku yaallo barta la yiraahdo “Ra’su Yadcaan\ ”رأس يدعانuna dhexeysa Al Sh-sharaa’ic\ الشرائعiyo Al Zzaymah\الزيمة, kana fog Al Mughammas\المغمس una jirta u dowaan sideed ilaa sagaal kiiloomitir. Qabrigiisana waa la rajmiyaa ” Al Balaadii\ البالديwuxuu ku masawiray bogga laba boqol iyo sideetan khariidho tusinaysa bartuu ku yaallo qabrigaasu. Sidoo kale wuxuu qabrigaas uga hadlayaa isla kitaabkaas markuu sharxayo maadada “Righaal\”رغال, uuna sheegayaa inuu qabriga Abuu Righaal\ أبورغالku yaallo “Ra’su Yadcaan\ رأس يدعانoo u dhexeya Al Sh-sharaa’ic\ الشرائعiyo Al Zzaymah\الزيمة. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam qabrigiisa maray intuu ku jiray Duullaanka Al Dh-dhaa’if\ غزوة الطائفayuu rajmiyay oo dhagax la dhacay, markaasay rajminta qabrigaasu Sunno noqotay. Waxaana maanta ku yaalla “R’asu Yadcaan\ ”رأس يدعانtuur dhagax ah oo qaarkood dariiqa kusoo daateen qaar kalena ayba hadda usoo liicaan.” Waa intaas warka Al Balaadii\البالدي. Al Sh-sharaa’ic\الشرائع/Xunayn\حنين Al Sh-sharaa’ic الشرائعwaa magaalada la oran jiray Xunayn\ حنينoo Quraanka Kariimka ah ku xusan ayadoo nooga warramaysa Maalinta Duullaanka Xunayn\ غزوة حنينoo ku xigay Duullaanka Furashada Makkah\ غزوة فتح مكةee sanadka sideedaad ee Hijrada, waxayna Kacbada u jirtaa sideed iyo labaatan kiiloomitir, waxaana dega Quraysh\قريش. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Maalinta Xunayn\ يوم حنينwuxuu Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عزوجلkasoo dejiyay Aayadaha shan iyo lix iyo labaatan ee Suuratu Tawbahسورة توبة: 33 ت َعلَْي ُك ُم ْ َضاق َ َفلَ ْم تُ ْغ ِن َع ْن ُك ْم َش ْيًئا َو ِ ِ ين َوأ َْن َز َل َ َعلَى َر ُسولِه َو َعلَى اْل ُم ْؤ ِمن ِ لَقَ ْد َنصرُكم اللَّه ِفي مو ٍ ِاط َن َكث َع َج َبتْ ُك ْم َكثَْرتُ ُك ْم ْ يرة َوَي ْوَم ُح َن ْي ٍن إِ ْذ أ ُ ُ ََ َ ََ ِ َّ َّ ْ ض بِ َما َرُح َب ُ) ثَُّم أ َْن َز َل اللهُ َسك َينتَه52( ين ُ ْاْل َْر َ ت ثَُّم َول ْيتُ ْم ُم ْدبِ ِر ِ ِ َِّ ودا لَم تَروها وع َّذ )52( ين َ َ َ َ ْ َ ْ ً ُجُن َ اء اْل َكاف ِر َ ب الذ ُ ين َكفَُروا َوَذل َك َج َز "La qad nasarakumu Allaahu fii mawaadhina kathiiratin wa Yawma Xunaynin ith acjabatkum kthratukum falam tughni cankum shay'an wa daaqat calaykum al ardu bimaa raxubat thumma wallaytum mmudbiriina(25)Thumma anzala Allaahu sakiinataHu calaa RasuuliHi wa calaa al mu'miniina wa anzala junuudan llam tarawhaa wa cath-thaba allathiina kafaruu wa thaalika jazaa'u al kaafiriina(26)." Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye: "Wuu idiinku gargaaray Ilaahy goobo dagaal oo badan iyo Maalinta Xunayn \حنين, markay idin cajab gelisay tira badnidiinnu, ayanse waxba idin tarin, oo uu arliguna ciriiri idinku noqday in kastoo ay waasac tahay, kaddibna aad gaddoonteen oo aad dabada jeediseen oo cararteen(25)Kaddibna wuxuu xasillooni kusoo dejiyay Ilaahay Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, korkiisa iyo muslimiintaba. Wuxuuna soo dejiyay askar aydnaan adinku u jeedin, oo ah malaa'igta. Kuwa gaaloobayna wuu cathaabay, oo waa la laayay oo la qafaashay, caruurtooda iyo maalkoodana la qaatay. Waana taas abaal marinta gaaladu(26)." Noolaynta Sunnada Markaan intii macluumaad ahayd oo aan heli karay uruursaday ayaan waxaan u kacay inaan sunnada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam nooleeyo oo raaco oo aan qabriga gaalkaas dhagax lasoo dhaco. Markaasaan subax jimce ah taariikhduna ay tahay saddexda bisha Jumaadu Al Aakhir\ جماد اآلخرee sanadka kun afar boqol laba iyo soddon una dhiganta lixda bisha Maajo laba kun kow iyo toban waxaan aniga iyo wiilkayga Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali ka baxnay gurigiisa ku yaalla xaafadda Al Cawaalii\ العواليee Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةaanna aadnay xagga Al Sharaa’ic\الشرائع. Waxay ila noqotay inaan jumcaha degmadaas ku tukanno oo aan markaas imaamka ama mu’athinka waydiiyo meeshay ku taallo barta “Ra’su Yadcaan\”رأس يدعان. Salaada ka hor ayaan mu’athinka la hadlay wuxuuna ii sheegay inuusan bartana aqoon iyo Abuu Righaal \ أبورغالtoona, uuse ila xiriirin doono nin agagaarkaas aan u sheegay oo ah inta u dhexeysa Al Sharaa’ic\ الشرائعiyo Al Zzaymah\ الزيمةdeggan salaadda dabadeed. Salaadda dabadeed ayaan u tegay: intuu hareeraha fiiriyay ayuu ninkuu rabay waayay. Markaasuu oday agtiisa fadhiyay la hadlay, kaddibna uu aniga ii yeeray oo aan u tegay. Markaasaan odaga u sheegay waxaan doonayay kitaabka Al Balaadii\ البالديoo aan watayna ka tusay labadoodaba. Markaasay odaga iyo isaguba agteyda ka dhaqaaqeen oo ay laba oday oo kale oo dhowr tillaabo noo jira u tageen oo ay wada hadleen, kaddibna uu odagu aniga ii yeeray. Markaasaan afartoodaas iyo wiil yar oo kuray ah oo uu odagu dhalay, oo markaan 34 weydiiyay ii sheegay inuu magaciisu Muxammad\ محمدyahay u tegey. Markaasuu odagu wuxuu yiri: “Waxaad qaaddaa dariiqu Al Ssiyaali\طريق السيال: waxaad arki doontaa malcab\( ملعبoo ah stadiumka dhexdiisa banooniga lagu cayaaro): ka gudub. Waxaad arki doonta maxadhooyin baanziinka laga qaato oo ayaguna midigta kaa qabanaya: dhaaf. Horadaada u soco ilaa aad ka gaartid buundo dariiqa kor maraysa. Markaad xoogaa buundadaas dhaaftid waxaad xagga bidixdaada ka arkaysa xoogaa guryo ah oo masjid dheer ku yaallo: dhaaf. Kaddib waxaad arkaysaa qubuuro uu masjid yar ku yaallo: kaas weeye “Ra’su Judcaan\ ”رأس جدعانoo magaciisu waa Judcaan\ جدعانoo ma aha Yadcaan\يدعان (ama Yudcaan).” Markaan qabriga waydiiyayna iima jawaabin. Labadii oday oo kale way naga tageen markaasaan waxaan odayga wiilka dhalay iyo mu’athinka waxaan iri: “su’aalka labaad ayaan qabaa ee ma idin weydiin karaa?” Waxay yiraahdeen: “haa.” Waxaan iri: “Al Balaadii\ البالديwuxuu dhigayaa inay dadka deggan Al Sharaa’ic\ الشرائعyihiin Haashimiyiin\ هاشميينQuraysh\ قريشah ee ma sidaasaa?” Mu’athinka ayaa ii jawaabay wuxuuna yiri: “Haa oo Quraysh\ قريشayaa deggan waxayna is dhex galeen qabiil kale oo la yiraahdo (ma aanan garan). Odagaan ayaaba Quraysh\ قريشah.” Odaguna nin midabkiisu cad yahay ma ahayn oo waxaa ku jiray madow, waana waji qurxoonaa, wiilkiisuna sidaasoo kale ayuu u qurxoonaa. Ra’su Judcaan\رأس جدعان Markaasaan intaas kaddib aniga iyo Cabdu Al Rraxmaan dhaqaaqnay oo aan Dhariiqu Al Ssayaali\طريق السيال, ahna dariiqa wayn oo Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo Al Dh-dhaa’if\ الطائفisku xira cagta saarnay. Waana dariiq wayn oo marka Al Dh-dhaa’if\ الطائفloo socdana ay saddex baabuur is dhinac socon karto midafaraadna la dhinac dhigi karo, marka Makkah\ مكةloo socdana sidoo kale, waxaana kala qaybiya darbi gaaban oo shamiinto ah: labada dhinac baabuur la isagama gudbi karo! Waxaan dhaafnay malcabka iyo laba kaltan oo baansiinka laga qaato. Waxaan soconnay ilaa sagaal iyo labaatan kiiloomitir: markaasaan buundadii naloo sheegay oo ah mid weyn oo ah dariiq midkaan ku soconno kor mara. Kaddibna waxaan aragnay guryo yar iyo masjid minaarad dheer leh oo dariiqa xagga bidix ka qabatay, waana dhaafnay. Kaddib waxaan aragnay qubuuro badan oo masjid yar ku yaallo oo ayaguna xagga bidix naga qabtay: bartaas ayay odayadu noo sheegeen inay “R’asu Judcaan \ ”رأس جدعانtahay. Markaasaan waxaan waynnay meel aan kasoo kala leexanno si aan bartaas oo sida naloogu tilmaamay “Ra’su Judcaan ”رأس جدعانah u tagno. 35 Dariiquba meel laga baxo oo laga soo leexdo ma laha. Waxaan sidaas ku soconnay ilaa dhowr iyo toban kiiloomitir oo kale ilaa aan ka aragno meel baansiinka laga qaato baabuurtana laga samaysto. Waan ku leexannay oo aan wediinnay bartaan u soconnay si aan u xaqiiqsanno iyo meesha laga soo leexan karo. Barta waxay noogu tilmaameen sidaan u ogayn waxayna nagula taliyeen inaan ka hoos baxno buundo meesha ku tiillay si aan dib ugu laabanno, markaan aragno xafiisyada booliska Al Zaymaha\ الزيمةoo dariiqa ku yaalla inaan ayagana weydiinno “waryaa” ayaa iigu daray isagoo qoslaya, wuxuuna ahaa nin reer Yaman \يمن ah. Booliska markaan u nimidna maba ayan maqlin waxaan kaba hadlaynno oo waxayba yiraahdeen shaydaanka la dhagaxyeeyo wuxuu ku yaalla Mina\منى. Kaddib waxaan istaagnay qubuuro afar darbi oo dheerdheer ku wareegsan yihiin, mase ahayn kuwaan rabnay. Kaddib waxaan dhaafnay bar aan kaddib u maleeyey inay tahay meeshaan rabnay, dibse looma noqon karin. Markaasaan intaan labadeennu isku maqnayn ayaan bartaan rabnay dhaafnay: meel laga soo noqdana ma laha. Sidaasaa markaan xukmanayd wa al xamdu li Allaahi Rabbi Al Caalamiina, wa ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa RasuuluHu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Sidaasaan markaan u seegnay dhagaxyeynta Abuu Righaal \أبورغال, Allaha lacnadee, waanse u laab an doonnaa inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Waa rajminnay qabriga Abuu Righaal\ أبورغالAllaha lacnadee Maalin khaamis ah oo ah khamiista jimcahaas ku xigtay oo taariikhdu tahay lix iyo toban bisha Jamaadu Al Aakhir\ جماد اآلخرee sanadka kun afar boqol laba iyo soddon, una dhiganta sagaal iyo toban bisha Maajo ee labakun kow iyo toban ayaan aniga iyo Cabdu Al Rraxmaan gurigiisa ka dhaqaaqnay annago u soconna inaan qabriga Abuu Righaal \ أبورغالsoo rajminno. Markaan bartuu ku qabrigu ku yaallo ee “R’asu Judcaan\ ”رأس جدعانsi fiican ayaan u naqiinnay oo saan u soconnay ayaan dul istaagnay. Markaasaa midkeenba mar dhagaxyeeyey aanna lacnadnay oo habaarnay, Ilaahayna aan ka barinnay inuu Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dusheeda nagu nooleeyo ayadana nagu dilo. Masawirradaan kasoo qaadnay waa kuwaanaa. Mahaddana Ilaahay keli ah ayaa iska leh wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidina Muxammadin wa Calaa Aalihi Wa Sallam tasliiman kathiiran. Intaan Bismi Allaahi\ بسم هللاiri ayaan toddoba dhagax la dhacay sida shaydaanka Mina\ منىloo rajmiyo oo kale, midna masawirkaan ugu tala galay. 36 Waxaan aad ula yaabay oo u bogay fiicnaanta uu Caatiq bin Ghayth Al Balaadii عاتق بن \ غيث البالديqabrigaas u tilmaamay, waxanna arkay inuu siduu u tilmaamay yahay. Qabrigu wuxuu ku yaalla masjidka yar dhiniciisa. Al Balaadii\ البالديwuxuu yiri: “waxaana maanta ku yaalla “R’asu Yadcaan\ ”رأس يدعانtuur dhagax ah oo qaarkood dariiqa kusoo daateen qaar kalena ayba hadda usoo liicaan.” Waa intaas warka Al Balaadii\البالدي. Wa Allaahi\ وهللاmaantana waa siduu u tilmaamay! Si lagu tago waa dariiqa wayn in laga baxo oo mid hoos mara la qaadaa: bar ku beegan ayaa waxay leedahay dariiq cadde ah oo laga daadegi karo, annaguse taas ma ogayn oo waxaan ka baxnay dariiqa wayn qiyaas laba ama saddex kiiloomitir ka hor waxaanna helnay dariiq laami ah oo bartaas taga. Ilaahay dambiga Caatiq bin Ghayth Al Balaadii\ عاتق بن غيث البالديha dhaafo. Masjidka yar laba rakco ayaan ku tukannay, waxaana dhexdiisa jiifay saddex nin. Intaan salaannay ayaan weydiiyay bartaas magaceeda. Nin Carab u dhashay ayaa ii jawaabay oo yiri: “Zaymah\”زيمة. Waxaan iri “magaalada Zaymahna\ زيمةmeedey?” (oo qubuuraha iyo bartaas aan joogno waxay ku yaalliin meed cidlo ah oo guri kale iyo magaalo toona uma dhowa). Wuxuu yiri: “horay kaa jirtaa.” Waxaan iri: “adigu ma sucuudi ayaad tahay?” wuxuu yiri: “waxaan ahay suudaani”, wuxuuna ahaa dhallinyaro. Waxaan ku iri: “meeyey qabriga Abuu Righaal\ أبورغالoo la rajmiyo?” Wuxuu yiri: “Abuu Righaal\ أبورغالwaa kee?” waxaan iri: “waa shaydaanka gaalada dooneysay inay Kacbada dumiyaan keenay.” Wuxuu yiri: “shaydaanka waxaa lagu rajmiyaa Mina\منى.” Waxaan ku iri: “adiga suudaan ayaa lagaa wareysanayaa iyo Khardhuum\ الخرطومoo halkaan waxba kama ogid!” Intuu qoslay ayuu wuxuu la hadlay nin pakistaani ah oo agtiisa isaguna jiifay, kaasna waxba ma ogayn. Ninka saddexaad hurdadaba kama kicin, wajigiisana maro ayaa saarnayd oo ma arag. Qisada Abuu Righaal\ أبورغالwaaba la halmaamay! Cabirrada masaafada u dhexeysa “R’asu Judcaan\ ”رأس جدعانiyo Al Shshaa’ic\الشرائع/Xunayn\حنين Markaan maraynno “Dariiqu Al Sayaali\ ”طريق السيالoo Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة iyo Al Dh-dhaa’if\ الطائفisku xira oo aan gaarnay Al Sh-sharaa’ic\ الشرائعaanna la simannahay bartay ku taallo calaamadda sheegeysa inay bartaasu tahay xuduudda Xaramka Makkah\ حرم مكةoo haddii la dhaafo Xarama\ الحرمlaga baxay ayaan makiinadda 37 xisaabisa kiiloomitirrada waxaan geynay 0/Eber. Waxaan dhaafnay malcabka iyo kaltannada baansiinnada buundada yar waan dhaafnay midda waynna waxaan tagnay sagaal iyo labaatan kiiloomitir laga bilaabo markaan eber ka dhignay. Kaddib waxaan mar kale kiilomitirka xisaabtiisa ka dhignay 0/eber: waxaan qubuuraha iyo masjidka yar aragnay saddex kiiloomotir iyo bar kaddib. Marka wadarta masaafada uu “R’asu Judcaan ”رأس جدعانu jiro Al Sh-sharaa’ic\الشرائع/Xunayn\ حنينwaa soddon iyo laba kiiloomitir iyo nus. Masaafada u dhexeya Kacbada Sharfan iyo R’asu Judcaanرأس جدعان R’asu Judcaan رأس جدعانwaxay Kacbada Makkah\ مكةu jirtaa lixdan kiiloomitir iyo nus qiyaas. Halkaasaa Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\ سبحانه وتعالىku dilay gaalkii Thaqiif\ ثقيفu dhashay oo tusayay amxaarada gaalada ahaa Makkah Al Mukarramah مكة \ المكرمةoo dooneysay inay Kacbada, Guriga Ilaahay dumiyaan, inuu usoo dhowaadana loomaba oggolaan. Amxaaradiina waxa Ilaahay ku falay waxaa nooga warrantay Suuratu Al Fiili\سورة الفيل. Sugidda R’asu Judcaan\رأس جدعان Gabayaaga iyo odayga reer Banii Sacad bin Bakar\ بني سعد بن بكرMuxammad Saciid Al Thuwaybii\ محمد سعيد الذويبيwuxuu ahaan jiray siduu ii sheegay: “Guddoomiyaha Mashaacirta Xajka: Guddoomiyaha Degmada Minaa\منى, Guddoomiyaha degmada Al Sharaa’ic\ الشرائعiyo kuwa kale shan iyo toban sano. Anigaana isaga tegay shaqada.” Markuu arkay masawirkayga iyo kan Cabdu Al Rraxmaan oo dhagax la dhacaynna qabriga Abuu Rughaal\ أبو رغالwuxuu yiri: “ayada weeye R’asu Judcaan\”!رأس جدعان Intaasaan uga baxaynnaa safarkeenna iyo dhgaxyeynteenna qabriga \ أبورغالAllaha lacnadee. 38 39 Qabriga Abuu Righaal\ أبورغالoo ku yaalla “Ra’su Judcaan\”رأس جدعان, una dhexeysa Al Sharaa’ic\ الشرائعiyo Zaymah\زيمة. Sunnadu waa in la rajmiyaa. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبgeela laga soo dhacay Abraha أبرهةsi uu dadka aagga Makkah\ مكةdegah xooggooda, feejignaantooda iyo heegannimadooda u arko, wuxuu gobolkaas u diray ciidan uu wato nin xabasho ahaa oo la oran jiray Al Aswad bin Maqsuudاألسود بن مقصود, oo ah Al Aswad bin Maqsuud bin Al Xaarith bin Munabbih bin Maalik bin Kacbi bin Al Xaarith bin Kacb bin Camr bin Cillata bin Khaalid bin Mathjaj األسود بن مقصود بن الحارث بن منبه بن مالك بن كعب بن الحارث بن كعب بن عمرو بن علة بن خالد بن \مذجج, kuna amray inay xoolohooda wax ka soo dhacaan. Markaasey xoolihii gobolkaas wax kasoo dheceen. Xoolahaas waxaa ku jiray laba boqol oo halaad oo geel ah oo uu leeyahay Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب, kaasoo markaas ah hoggaamiyaha iyo Madaxa Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة. Markaasey qabaa'ilkii gobolkaas degganaa, waana gobolka la yiraahdo Tihaamata \ تهامةoo ay Qurayshi\ قريشka mid tahay iyo Kinaanah\ كنانةiyo Huthayl\ هذيلintay is gaashaan buursadeen ayay waxay go'aansadeen inay la dagaallamaan ciidankaas xurmadii Makkah\ مكةiyo Kacbada jebiyay oo burcadnimadaas ku kacay. Markayse arkeen tirada iyo cududda ciidanka Abraha\أبرهة, fikraddoodii ahayd inay la dagaallamaan way ka hareen, waxayna go'aansadeen inay iska ishaa falateeyaan oo ay dhawraan waxay xaaladuu noqon doonto. Al Qasdhlaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: “Markuu Abraha\أبرهة, boqorka Yaman\يمن, oo uga wakiilka ah Al Najaashiyyu Asmaxah\ أصمحة النجاشيu yimid inuu dumiyo Guriga Ilaahay oo Xurmada leh\بيت هللا الحرام, ayuu warkaasna uu Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبgaaray. Markaasuu wuxuu yiri: ". ألن لهذا البيت ربا يحميه ويحفظه، ال يصل إلى هدم البيت،"يا معشر قريش Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ragga Qurayshow\قريش, ninkaanu aooma gaari garo Gurigaan inuu dumiyo, maxaa yeelay Gurigaanu wuxuu leeyahay Rabbi Difaaca oo ilaaliya.” Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo Ergayga Abraha\أبرهة Markaasaa waxaa Makkah مكةyimid nin la oran jiray Xunaadhah al Ximyarii حنيطة الحميريoo uu Abraha\ أبرهةsoo diray, wuxuuna reer Makkah\ مكةku yiri: "Yaa ah hoggaamiyaha Makkah\"?مكة Dadkii wuxuu u tilmaamay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبoo Kacbada harkeeda fadhiya. Markaasuu intuu u yimid wuxuu ku yiri: "Boqorku wuxuu ku leeyahay: 40 "Uma aanan imaan dagaalkiinna, waxaanse u imid inaan Gurigaan dumiyo. Haddaydnaan naga horiman adinkoo Gurigaan daafacaya dhiiggiinna xaajo kama lihin." Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu ugu jawaabay: أو- وبيت خليله إبراهيم عليه السالم، هذا بيت هللا الحرام، وما لنا بذلك من طاقة،"وهللا ما نريد حربه ". فوهللا ما عندنا دفع عنه، وإن يخل بينه وبينه، فهو بيته وحرمه،كما قال – فإن يمنعه منه Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi annagu dagaalkiisa dooni maynno, itaal aan isaga celinnana ma lihin. Midkaani waa Baytu Allaahi Al Xaraami بيت هللا الحرام, Guriga Ilaahay oo Xurmada leh, iyo Guriga Khaliikiisii Ibraahiim\ خليله إبراهيمCalayhissalaamu - ama siduu yiri - Marka hadduu ka ceshado waa Gurigiisa iyo Xaramkiisa, hadduu isaga dhex baxana wa Allaahi annagu kama celin karno." Markaasuu Xunaadhah\ حناطةwuxuu ku yiri: "Hadaba na keen oo isoo raac aan u tagnee, maxaa yeelay wuxuu isoo amray inaan kuu geeyo." Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب, oo ay la socdaan qaar wiilashiisa ka mid ihi, soo raaceen waxayna yimaadeen Xaruntii ciidanka Abraha. Ragga Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبAbraha\ أبرهةuga shafeecay Markuu saldhiggi yimid ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu la hadlay ninka la yiraahdo Thuu Nafri\ذونفر, oo meeshuu ku xabbisnaa ku jirah wuxuuna ku yiri: "Thuu Nafrow\ذونفر, waxaan nagu soo degay wax ma naga tari kartaa?" Markaasuu Thuu Nafr\ ذونفرwuxuu ku yiri: "Muxuu tari karaa nin qafaal ugu jira Boqor uu sugayo inuu dilo waabarigii ama galabtii? Waxa kugu soo degay wax kaama tari karo, waxaan ahayn inuu Unays\ أنيسninka la yiraahdo oo maroodiga agaasima uu saaxiibkay yahay. Marka isagaas ayaan u yeerayaa, aanna kaala dardaarmayaa, xaqqaagana aan u wayneynayaa, waxaanna waydiisanayaa inuu Boqorka kaaga soo idan qaado inaad la kulantid, oo aad markaas waxaad doonto aad kala hadashid, uuna khayr kaaga shafeeco qaado, hadduu taas awoodo." Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu yiri: "."حسبي Oo ah: "Igu filan." Markaasuu Thuu Nafri\ ذونفرwuxuu u ciddiray Unays\أنيس, markuu u yimidna wuxuu ku yiri: "Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwaa hoggaamiyaha Quraysh\قريش, waana hoggaamiyaha Safarka Quraysheed, dadkana dooxada (Makkah\ )مكةku quudiya, dugaagana buuraha dushooda, Boqorkuna wuxuu kasoo qaatay laba boqol oo halaad oo gel ah, marka inuu la kulmo ithan uga soo qaad, agtiisana ka tar inta kuu suurtowda." 41 Unays\ أنيسwuxuu yiri: "Waa yeelayaa." Markaasuu Unays\ أنيسAbraha\ أبرهةla hadlay, wuxuuna ku yiri: "Boqorow, waxaa albaabkaaga joogah hoggaamiyaha Quraysh\قريش, oo kaa ithan qaadanayaa inuu ku arko, waana hoggaamiyaha Safarka Quraysh\قريش, dooxadana dadkuu ku quudiyaa, dugaaggana buuraha dushooda, marka u oggolow inuu kuu soo galo oo uu xaajadiisa kaala hadlo." Markaasuu Abraha\ أبرهةu oggolaaday inuu usoo galo. Kulanka Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo Abraha\أبرهة Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu ahaa ninka dadka ugu qurxoon, uguna waji quruxsan, uguna wayn. Markaasuu markuu Abraha arkay ayuu la waynaaday oo uu wayneeyey uuna ka karaameeyey inuu hoostiisa fariisiyo isaguna uu carshigiisa ku fadhiyo, wuxuuna kahday, haduu carshigiisa kusoo fariisan lahaa, inay xabashadu aragto isagoo carshigiisa kula fadhiya. Markaasuu Abraha\ أبرهةcarshigiisa kasoo degay oo uu kadiifad dhulka fidsan ku fariistay, isagiina uu dhiniciisa kadiifada korkeeda soo fariisiyay. Kaddibna wuxuu turjumaankiisa ku yiri: "Waxaad ku tiraahdaa: maxay tahay xaajadaadu?" Markaasuu turjumaankii sidaas ugu sheegay. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب wuxuu yiri: "."حاجتي أن يرد علي الملك مئتي بعير أصابها لي Oo macnihiisu yahay: "Xaajadeydu waxaa weeye inuu Boqorku ii soo celiyo laba boqol oo halaad oo geel ah oo uu iga soo dhacay." Markuu sidaas ku yiri ayuu Abraha\ أبرهةwuxuu turjumaankiisa ku yiri: "Waxaad ku tiraahdaa: "waa i cajab gelisay markaan ku arkay, markaad hadashayse waan kaa kaaftoomay. Ma waxaad igala hadleysaa laba boqol oo halaad oo geel ah oo aan kaa soo dhacay, kamana aad hadleysid Guri Diintaada ah iyo Diinta aabayaalkaa oo aan u imid inaan dumiyo?" Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu ku yiri: ". وإن للبيت ربا سيمنعه،"إني أنا رب اإلبل Oo macnihiisu yahay: "Anigu waxaan leeyahay geela, Guriguna wuxuu leeyahay Rabbi kaa ceshanaya." Abraha\ أبرهةwuxuu yiri: 42 "Igama celin karo." Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu yiri: "."أنت وذاك Oo macnihiisu yahay: "Waxaad ka heshaad leedahay, waanna arki doonnaa oo loo joogaa." Waxaa la sheegay inay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبla socdeen ragga kala ah: Yacmaru bin Nufaathah bin Cadiyyi bin al Dy'li bin Bakar bin Manaat bin Kinaanah يعمر بن نفاثة بن عدي بن \الدئل بن بكر بن مناة بن كنانة, oo markaas ah hoggaamiyaha Banii Bakar\بني بكر, iyo Khuwaylidu bin Waathilah Al Huthalii\خويلد بن واثلة الهذلي, oo markaas ah hoggaamiyaha Huthayl\هذيل, oo ay markaas Abraha\ أبرهةusoo jeediyeen inuu qaato dalool xoolaha Tihaamata\ تهامةoo ka noqdo, Baytkana uusan dumin. Markaasuu ka diiday. Runtana Rabbi ayaa og inay sidaas ahayd iyo in kale. Abraha\ أبرهةwuxuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبusoo celiyay geelii uu kasoo dhacay. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبoo Ilaahay gargaar waydiisanaya Markay kasoo gaddoomeen, Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu u yimid Quraysh\قريش, warkii ayuuna u sheegay, wuxuuna ku amray inay Makkah\ مكةka baxaan ayna buuraha dushooda tagaan oo ay isku ilaaliyaan cabsi uu uga qabo inay xabashadu sharaf darreeyaan. Dadka buurahaas Makkah Al Mukarramah\ مكة المكىمةmaalintaas tafay waxaa ka mid ahayd Aminatu bintu Wahab\آمنة بنت وهب, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis oo isaga uurkiisa leh, dhali doontana konton maalmood kaddib. Markay Qurayshi\ قريشMakkah\ مكةka baxday ayuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبinta Kacbada tegey wuxuu ku dhegay dugaagadda birta ah oo albaabka Kacbada ku yaalla oo lagu garaaco, isagoo ay la joogaan rag Quraysh\ قريشah. Markaasey Ilaahay baryeen, inuu Abraha\ أبرهةiyo askartiis uga gargaaro inuu libta kasiiyana weydiisteen. Markaasuu Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبisagoo dugaagaddii albaabka ku dheggan wuxuu yiri: \\ نع رحله فامنع حاللك-الهم إن العبد يم.1 اليغلبن صليبهم \\ ومحالهم غدوا محالك.2 "1. Laahumma inna al cabda yamnacu raxlahu fa amnac xalaalaka. (2) Laa yaghlibanna saliibuhum wa maxaaluhum ghadwaa maxaalika." Oo ducadaas gabayga ah macneheedu waxaa weeye: 43 "Ilaahayow addoommadu guryohhoda way ilaashadeen oo daafaceen, marka Adiguna Guryahaaga ilaasho oo daafac. (2) Ha oggolaanin inay krishtadooda iyo hubkoodu ay berrito hubkaaga ka xoog bataan." Al Zarqaani\ الزرقانيwuxuu isaguna wariyay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib Al Zarqaani wuxuu isaguna wariyay inuu Cabdu Al Mudh-dhalib yiri: \\ نع رحله فامنع رحالك- للهم أن المرء يم.1 جروا جميع بالدهم \\ والفيل كي يسب عيالك.2 \\ ب وعابديه اليوم آلك- وانصر على آل الصلي.3 ال يغلبن صليبهم \\ ومحالهم أبدا محالك.4 عمدوا حماك بكيدهم \\ جهال وما رقبوا جاللك.5 1. Laahumma anna al mar’a yam/nacu raxlahu fa amnac rixaalaka 2. Jaruu jamiica bilaadihim/wa al fiila kay yasubbu ciyaalaka 3. Wa ansur calaa aali al ssalii/bi wa caabidayhi al yawma aalaKa 4. Laa yaghlibanna saliibuhum/wa maxaaluhum abadan maxaalika 5. Camaduu ximaaka bi kaydihim/jahlan wa maa raqabuu JalaalaKa. Shantaas tixood macnohoodu waxaa weeye: 1. "Ilaahayow addoommadu guryohhoda way ilaashadeen oo daafaceen, marka Adiguna Guryahaaga ilaasho oo daafac. 2. Waxay soo wateen oo na dul keeneen beledkooda o idil/iyo maroodigaba inay caruurtaada caayaan. 3. Una gargaar oo libta ka sii kuwa krishtada leh/krishtadana caabuda Adiga ehelkaaga. 4. Ha oggolaanin inay krishtadooda iyo hubkoodu ay berrito hubkaaga ka xoog bataan." 5. Waxay khayaano kula soo duuleen Xaramkaad oodday/jaahilnimo daraadeed oo waynaantada ma ayan dhaagin. Markuu intaas yirina, Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبdugaagaddii albaabka ayuu sii daayey, markaasey isaga iyo raggii Quraysh\ قريشoo la jiray dhaqaaqeen oo ay buuraha dushooda aadeen, halkaasoo ay isku ilaaliyeen, aygoo dhawraya wuxuu Abraha\ أبرهةMakkah\ مكةku fali doono hadduu soo galo. Nufayl\ نفيلiyo Maxmuud\محمود Abraha\ أبرهةmarkuu waabariistay ayuu isku diyaariyay inuu Makkah \ مكةgalo oo uu Kacbada dumiyo, wuxuuna diyaariyay maroodigiisa, ciidankiisana heegan ayuu geliyay. Waxaa la sheegay inay maroodigu ahaayeen saddex iyo toban maroodi, uuna madax u ahaa maroodi magaciisu Maxmuud محمودahaa. Abraha\ أبرهةqorshihiisu wuxuu ahaa in markuu Kacbada dumiyo uu Yaman\ يمنdib ugu laabto. 44 Markaasey dhaqaaqeen, oo markay waadiga la yiraahdo Waadi Al Muxassir\وادي المحسر yimaadeen, ayay markay maroodiga xagga Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةu jeediyeen ayaa waxaa maroodiga Maxmuud\ محمودla yiraahdo oo hormuudka u ah soo dhinac istaagay Nufayl bin Xabiib\نفيل بن حبيب, oo intuu dhegta maroodiga gacantiisa ku qabtay ayuu wuxuu ku yiri: "Maxmuudow\محمود, tuh (waa fariiso), ama adigoo hanuunsan meeshaad ka timid ku noqo, maxaa yeelay waxaad ku sugan tahay Beledka Ilaahay oo Xurmada lehبلد هللا الحرام." Kaddibna, markuu intaas ku yiri ayuu dhegtiisa sii daayey. Markaasuu maroodigu dhulka fariistay, Nufayl bin Xabiibna نفيل بن حبيبintuu orday ayuu buurta tafay oo fuulay. Markaasey askartii maroodiga garaaceen si uu u kaco, wuuna diiday. Markaasey madaxa faas kala dheceen si uu u kaco, isaguna wuu diiday. Abraha\ أبرهةiyo maroodiga iyo Waadii Al Muxassir\ وادي المحسرiyo Makkah\مكة Markaasey waxay caloosha ka geliyeen ul dheer oo madaxa sida bakooradda ka godan oo ay dhiiga uga keeneen si uu u kaco, wuuse diiday. Maxmuud\ محمودwaxaa lahaa Boqorka xabashada ee Al Najaashiyyi\النجاشي, maalintaasna laba iyo tobankii kale oo maroodi way dhinteen, isagase Ilaahay maalintaas ma dilin, sababtuna ay tahay inuu diiday inuu xagga Kacbada u dhaqaaqo, si loo dumiyo. Runtana Rabbi ayaa og. Markaasey waxay u jeediyeen xagga Yaman\يمن, markaasuu istaagay oo intuu socday rucleeyey oo socod dheereyey. Markaasey waxay u jeediyeen xagga Shaam \الشام, markaasuu istaagay oo intuu socday rucleeyey oo socod dheereyey. Markaasey waxay u jeediyeen xagga qorrax kasoo bax, markaasuu istaagay oo intuu socday rucleeyey oo socod dheereyey. Markaasey waxay u jeediyeen xagga Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, markaasuu fariistay. Markay xaaladdoodu sidaas tahay, ayuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى wuxuu kusoo diray Abraha\ أبرهةiyo askartiisii shimbiroh xagga Badda Cas uga yimid oo u eg kuwa la yiraahdo Al Khadhaadhiifu\ الخطاطيفiyo Al Balasaanu\البلسان, ahna shimbiro yaryar oo markay dhulka fariistaan isla markiiba hadana ka kaca oo duula. Shinbir walba wuxuu siday saddex dhagax, mid uu gafuurkiisa ku sido iyo labo uu labadiisa addin ku kala sido. Dhagaxdaasi waxay le'ekaayeen miraha la cuno oo la yiraahdo Al Ximmas \ الحمصiyo Al Cadas\ عدسoo xabbadohoodu ay xabbadaha bariiska ka yaryar y ihiin. Qofkuu dhagaxaasi ku dhaco hore ayuu ka dhimanayaa. Kulligoodse kuma wada dhicin, oo ma ayan wada dhimane, intii hartayna way carareen oo dariiqay ku yimaadeen ku carareen, ayagoo isla markasna raadinaya Nufayl bin Xabiib\ نفيل بن حبيبsi uu dariiqa Yaman\ يمنloo aado u tusiyo. Nufayl\ نفيلmarkuu arkay waxa uu Ilaahay kusoo dejiyay oo cathaab iyo aargoosi ah, wuxuu yiri: أين المفر واإلله الطالب \\ واألشرم المغلوب ليس الغالب 45 "Ayna al mafarru wa al Ilaahu al Dhaalibu, Wa al Ashramu al maghluubu laysa al ghaalibu". Oo tixda macneheedu waxaa weeye: "Meel loo cararo miyaa jirta haduu Ilaahay yahay Midka wax eryoonaya \\ Al Ashramna\األشرم (waa Abraha )أبرهةwaa laga adkaaday, oo isagu ma uusan guulaysan." Dhagaxda Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: “dhagax walba waxaa ku dhignaa ninkuu ku dhacayo magaciisa iyo magaca aabihiis, siday Ummu Haani’ أم هانيئu sheegtay, wuxuuna le’ekaa xabbad cadas\ عدسah oo kale…Axaadiithta intooda badanna waxay wariyeen inay cadas \ عدسka weynaayeen al ximissah-na\ الحمصةka yaraayeen, qaarkoodna waxay yiraahdeen: intaas way ka weynaayeen, oo waxaad mooddaa inay kuwa yaryar iyo kuwa weynba ku jireen oo uu markaas qof walba wuxuu arkay ka warramay ama wuxuu maqlay. Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu arkay dhagaxdaas qaar ka mid ah oo uu ku arkay guriga Ummu Haani’( أم هانيئahna ina Abuu Dhaalib\ أبوطالبiyo Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبwalaashiis ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin) ayna le’ekaayeen qafiiz\ قفيزguduudna ahaayeen aan saafi ahayn guduudku sida midabyada kala duwanna aadna moodid kuusha Thafaar\( ظفارahna magaalo Yaman\ يمنku taalla) ee caddaanka iyo madowga isugu qasan.” Waa intaas warkiisu. Amxaaro waa la halaagay inta hartayna way carartay Markaasey amxaaro carartay, ayagoo dariiq walba ku daadanaya oo ku dhimanaya. Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: “Abuu Nucaym\ أبونعيمwuxuu Cadhaa’ bin Yasaar\ عطاء بن يسارka wariyay inuu yiri: “waxaa ii warramay qof la hadlay ninka hoggaaminayay maroodiga iyo midka agaasimayayba inuu labadoodaas ku yiri: “cid aan labadiinna ahayni ma badbaaday?” Labadoodu waxay yiraahdeen: “haa, oo kulligood cathaabtu ma wada haleelin.” Caa’ishah\ عائشةwaxay tiri: "."لقد رأيت قائد الفيل وسائسهأعميين مقعدين يستطعمان الناس بمكة Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “waxaan arkay hoggaamiyaha (qaa’id\ )قائدmaroodiga iyo midka maroodiga agaasimayay ayagoo ay labadooduba indhaha beeleen oo ay indhoole yihiin oo dhulka fadhiya oo dadka ka baryaya inay cunno siiyaan Makkah\ مكةdhexdeeda”, waxaana wariyay ibnu Isxaaq\إبن إسحاق. Waxaana ka haray (asxaabu al fiili) haraa kuna sugnaa xaalad aan raalli laga noqon karin lagu xusuusinayo oo lagu waaninayo cidda aragtah, ogaysiinna u ah intaan arkin oo uu markaas 46 Baytku, waa Kacbadee, u kordhiyo waynayn, ayna u noqoto sabab lagu rumeeyo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, laguna ogaado makaankuu ku leeyahay Ilaahay agtiisa. Zaadu Al Masiir\ زاد المسيرwuxuu wariyay: “Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuxuu diray wiilkiisa Cabdu Allaahi\ عبد هللاoo fars fuushan si uu usoo fiiriyo waxa amxaarada ku dhacay, markaasuu isagoo farasku la degdegayo soo noqday isagoo leh: "."هلك القوم Oo macnihiisu yahay: “qawmku way halaagmeen.” Markaasay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo asxaabtiisu bexeen oo ay maalkooda soo ghaniimaysteen.” Waa intaas warkiisu. Bakhtiga amxaarada Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxu yiri: “Al Rawdu\ الروضwuxuu tafsiirka Al Naqaash\ النقاشka wariyay: “daadad ayaa maydkooda qaaday oo badda (Cas) ku tuuray.” Waa intaas warkiisu. Cadaabta Abraha\ أبرهةiyo diliddiisa Abraha\ أبرهةma dhiman maalintaas, jirka ayaase laga galay, kuwa askartiisa ahaa oo cararayey ayaana hore usii qaaday. Intuu sii socday jirkiisa ayaa hadba xubin ka go'daa oo ay ka dhacdaa, kaddibna ay meeshaas muddo dhiig iyo malaxi da dareertaa. Waxay Sanca\ صنعاءkeeneen isagoo sida cunugga shimbirta oo baalashii laga gooyey ah, oo aan addimmo lahayn, kaddibna ay laabtiisu dillacday oo uu wadnihii kasoo baxay oo uu dillaacay, isaguna uu dhintay. Sanadkaas ay xabashadu Makka\ مكةtimid ayaa ugu horreeyey arliga Carabta oo lagu arko labada cudur ee furuqa iyo jadeecada. Amxaaro waxay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةkeentay furuq iyo jadeeco Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: “Abraha\ أبرهةcudurka ku dhacay wuxuu ahaa furuq, waana marka ugu horreysey oo furuq lagu arko, siduu u yiri Cikrimah\ عكرمةarliga carabta.” Wuxuu yiri: “ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: “waxaa ii warramay Yacquub bin Cutbah\ يعقوب بن عتبةin loo sheegay in marka ugu horreysey oo jadeeco iyo furuq lagu arkay arliga carabta uu sanadkaas ahaa.” Waa intaas warkiisu. 47 Amxaaro waxay keentay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةgeedo aan waxtar lahayn Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: “Sidoo kale sanadkaas ayaa ugu horreeyey in arligaas lagu arko geedaha kharaar oo kala ah Al Xarmalu\ الحرملiyo Al Xanthalu\( الحنظلwaa tha korka dhibic ku leh oo dh ka dambeysa) iyo Al Cusharo\العشر. Quraanka asxaabu al fiili kasoo degay Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, cathaabtaas uu kusoo dejiyay Abraha\ أبرهةiyo askartiisa doonayay inay Gurigiisa Xurmada leh\ بيت هللا الحرامdumiyaan krishtana dul suraan, wuxuu noogu sheegay Suuratu Al Fiili\سورة الفيل, wuxuuna yiri: بسم اهلل الرحمن الرحيم ٍ ِضل ِ اب اْل ِف ِ َص َح )3( يل َ ِ) َوأ َْر َس َل َعلَ ْي ِه ْم طَ ْي ًار أ ََباب5( يل َ ف فَ َع َل َرب َ أَلَ ْم تََر َك ْي ْ َ) أَلَ ْم َي ْج َع ْل َك ْي َد ُه ْم ِفي ت1( يل ْ ُّك بِأ ٍ ) فَجعلَهم َكع4( يل ٍ ف م ْأ ُك ٍ ارة ِم ْن ِس ِّج ٍ تَْرِمي ِهم بِ ِح َج )2( ول ْ َ ُْ َ َ َ ْ َ ص "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alam tara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi al fiili(1)Alam yajcal kaydahum fii tadliilin(2)Wa arsala calayhim dhayran abaabiila(3)Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin(4)Fa jacalahum ka casfin ma'kuuli(5)". Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi بسم اهلل الرحمن الرحيم. Ma ogtahay siduu Rabbigaa ku falay ciidankii maroodiga watay(1)Miyuusan qorshohoodii dhagarta ahaa ka yeelin mid luntay(2) Uusanna korkooda ku soo dirin shimbiro kooxa ah(3)Kuna soo tuureysa dhagax dhoobo ah oo Jahannama lagu soo kululeeyay(4)Markaasey le'deen oo ay daateen uuna ka yeelay sida (beer) bal la daaqay oo kale(5)" Siday Carabi Quraysh\ قريشu wayneysay maroodiga kaddib Markuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, xabashadii Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةka celiyay, qorshihii Abrahana\ أبرهةwax kama jiraan ka dhigay, wixii ku dhacayna ay ku dheceen, ayay Carabi Quraysh\ قريشweyneysay, waxayna yiraahdeen: "Qurayshi\ قريشwaa ehelka Ilaahay\أهل هللا, Isagaana u dagaallamay oo difaacay, cadawgooda dhibaatadiisana uga filnaaday oo ka kaafiyay." Gabayo badanna arrinkaas waa laga tiriyay. 48 Waadii Muxassir\وادي محسر Waadigaani wuxuu ku yaalla inta u dhexeysa Mina\ منىiyo Al Muzdalifah\المزدلفة, wuxuuna ka tirsan yahay Xaramka Makkah\حرم مكة, waxaana sidaas loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, maroodigii xabashada krishtaanka ahayd iyo askartoodii doonayay inay Gurigiisa dumiyaan meeshaas ku celiayay oo ay dhaafi waayeen, oo xasara waxaa weeye waa xabbisay. Marka waadigaas la marayo, ayadoo Al Muzdalifah\ المزدلفةlaga soo gaddoomay subaxa Maalinta Tobanaad ee Ciidda si dhakhso leh ayaa lagu maraa oo loo gudbaa, sida uu Jaabir\جابر, Allaha raalli ka noqdee, xujaydu ay Mina\ منىu socdaan, waadigaas si dhakhso leh ayaan ku maraan oo ay ku gudbaan, sida uu Jaabir\جابر, Allaha raalli ka noqdee wariyay: "Markuu (Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) yimid bartamaha Muxassir\محسر, ayuu hashiisa dhaqaajiyay, ama uu dhakhsaday", waana xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban ee Saxiix Muslim\صحيح مسلم. Zamankii jaahiliyadana Carabtu markay maalintaas halkaas yimaadaan, intay waadiga dhex istaagaan ayay aabayaalkooda isugu faani jireen. Krishtaankuna markay halkaas marayaan way ku hakan jireen oo ku raagi jireen, ayagoo xusaya ciidankoodii halkaas lagu halligay. Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu sharci ka dhigay in krishtaanka la khilaafo oo waadigaas dhakhso loo maro. Al Nnawawii\النووي Al Nnawawii\ النوويwuxuu kitaabkiisa Al Majmuuc\ المجموعku yiri: “Waadii Muxassir\ وادي محسرwaxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo halkaas lagu xabbisay maroodiga asxaabu al fiili\ أصحاب الفيلoo sii socodka laga celiyay. Ilaahay Tacaalaa\هللا تعالى wuxuuba yiri: ِ ب إِلَ ْي َك اْلبصر َخ )4( اسًئا َو ُه َو َح ِس ٌير ْ َِي ْن َقل َُ َ “Yanqalib ilayka al basaru khaasi’an wa huwa xasiirun(4)” Waana Aayadda afaraad ee Suuradda Tabaarak\ سورة تباركoo macneheedu yahay: “araggaagu, waana indhahaagee, waxay kuu soo noqonayaan ayagoo hungoobay oo waxay doonayeen iyo meeshay rabeen inay gaaraan gaari waayay oo laga celiyay(4).” Waadii Muxassir\ وادي محسرwaa meel u dhexeysa oo kala qaybisa Mina\ منىiyo Al Muzdalifah \ المزدلفةoo middoodna kama tirsana oo ka mid ma aha. Al Azraqii\ األزرقيwuxuu yiri: “Waadii Muxassir\ وادي محسرwaa shan boqol shan iyo afartan diraac…waxaana habboon in marka la goynayo degdeg loo maro ayadoo lagu dayanayo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam…Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابmarkuu isagoo daabaddiisa fuushan Waadii Muxassir\ وادي محسرmarayo wuxuu oran jiray: إليك تعدوا قلقا ودينها \\ مخالفا دين النصارى دينها 49 Ilayka tacduu qaliqan wa diinuhaa/mukhaalifan diina Al Nnasaaraa Diinuhaa Tixda macneheedu waxaa weeye: Adigay kuu soo ordaysa hashu (waxaana laga wadaa ninbka saaran) ayadoo walwalsan oo daallaan, una soo degdegeysaa Adiga adeeciddaada/ayadoo diinteedu khilaafsan tahay diinta krishtaanka. …inta waadigaas dhexdiisa xoog loogu soconayana waa in le’eg meeshuu waadigu ka bilowdo ilaa meeshuu ku dhacayo dhagax bartaas laga tuuray, sida ku sugan Al Muwadh-dha’ الموطأee Maalik\ مالكoo Naafac\ نافعka wariyay inuu ibnu Cumar\ إبن عمرyiri: “wuxuu hashiisa xoog ugu dhaqaajin jiray bartamaha Waadi Muxassir\ وادي محسرin la mid ah meeshuu gaaro dhagax la tuuray.” Waa intaas warka Al Nnawawii\النووي. Al Haytamii\الهيتمي Al Haytamii\ الهيتمي, ahna Al Imaamu Axmad bin Muxammad bin Calii bin Xajar Al Haytamii Al Sacdii, Al Ansaarii\اإلمام أحمد بن محمد بن علي بن حجر الهيتمي السعدي األنصاري, kuna dhashay Abii Al Haytam\ أبي الهيتمee dalka Masar\ مصرsagaal boqol iyo sagaal Hijriga laguna oofsaday Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةsanadka sagaal boqol afar iyo toddobaatanka Hijriga loona yaqaanno Ibnu Xajar Al Haytamii\ إبن حجر الهيتميoo sharxay kitaabka Al Nnawawii\ النوويee Al Iidaaxu fii Manaasiki Al Xajji\ اإليضاح في مناسك الحجwuxuu sababta loo degdegayo ka dhigay oo uu yiri: “si looga badbaado inay ku dhacdo cathaabi markay marayaan Waadii Muxassir\وادي محسر waxaa suunno ah in la degdego oo xoog loo socdo cabsi laga qabo inay ku dhacaan wax la mid ah wixii ayaga (kuwa maroodiga watay) ku dhacay oo kale xattaa hadduusan markaas xaj ku jirin: waxaa sunno ah in cidda marta magaalada qawm la cathaabay, sida magaalada Thamuud \( ثمودoo la yiraahdo Al Xijru\الحجر, kuna taalla waqooyiga Al Madiinah Al Munawwarah المدينة \ )المنورةinuu socod dheereeyo cabsi laga qabo inuu haleelaan wax la mid ah wixii ayagaas haleelay oo kale oo cathaab ah.” Waa intaas warkiisu. Al Balaadii\البالدي Al Balaadii\ البالديwuxuu yiri: “Muxassar\ محسرwaa waadi yar kana yimaada jihada qorrax kasoo bax ee buurta wayn ee Thabiir\ ثبيرdarafta Thaqabah\ثقبة, kaddibna aada xagga Waadii Curanah\وادي عرنة, markaasuu markuu marayo inta u dhexeysa Mina\ منىiyo Al Muzdalifah\ المزدلفةisagaa xuduud u kala ah labadooda oo kala qaybiya. Kaddib wuxuu aadaa xagga koofureed, daadkiisuna wuxuu maraa Caynu Al Xusayniyah عين \ الحسينيةagteeda ka hor intuusan ku biyo darin Curanah\عرنة. Intaas ka horna waxay isku biyo darsadaan saddexda waadi ee Al Mafaajir \ المفاجرoo ay markaas hal waadi wada noqdaan. Maantana waa camiran tahay meeshay isugu yimaadaan waxayna noqotay xaafad ka mid ah xaafadaha Makkah\مكة. Waadiga Muxassir\ محسرbeero 50 kuma yaallaan iyo degmooyin toona, dadka caammadiisuna waxay yaqaannaan meeshuu maro xaajigu oo u dhexeysa Al Muzdalifah\ المزدلفةiyo Mina\منى, halkaasna wuxuu ku leeyahay calaamado suran oo tilmaamaya (maantana calaamadahaasu ma jiraan oo laa la fujiyay: waa hore oo ilaa toban sano laga joogo anigu calaamadaahaas waan arkay waxaana ku dhignayd “Waadi Muxassir\”وادي محسر. Hadana ma jiraan oo waa la fujiyay: xasanwali) . Dadka badankiisuna way socod dheereeyaan markay goynayaan, una socod dheereynayaan oo u rucleynayaan siday u rucleeyaan Al Saffaa iyo Al Marwah \ الصفا والمروةdhexdooda oo kale…Sunnadaas waxaa weli ku taagan dadka lugaynaya, baabuurtuse ma awooddo inay ruclayso oo wayba gurguuranayaan badida dadka iyo zaxmada daraadeed…”. Waa intaas warkiisu. Ari raacidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuu karaameyn jiray oo uu waynayn jiray Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisana hal weel ayay wax ka wada cuni jireen. Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis u sheegay inuu doonayo inuu ari raaco, awoowihiisna waa ka yeelay, wuxuuna ku yiri: "Wax ka raac ariga reer Banii Haashim\بني هاشم." Sidaas ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ariga reer Banii Haashim بني هاشم buuraha iyo miyiga Makkah\ مكةugu raaci jiray. . Buurta Jabalu Abii Qubays\جبل أبي قبيس Al Azraqii\األزرقي Sidaan u arki doonno, awoowihiis wuxuu la fuulay dusha buurtaan isagoo ku roob doonaya Sallaa Allaaha Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isagoo kuray ah. Al Azraqii\ األزرقي, oo dhintay laba boqol iyo konton Hijriga, sidaan uga soo qaatay kitaab aan internetka ka helay (www.waqfeya.com) wuxuu yiri: “iyo masjid la yiraahdo “Masjidu Ibraahiim\”مسجد إبراهيم..waana Ibraahiim Al Qubaysii إبراهين ( القبيسيmana ah Ibraahiim Al Khaliil\ )إبراهين الخليلoo ku yaalla buurta Abuu Qubays\أبوقبيس dhaladeeda. Buurtaanna waxaa Abuu Qubays looga bixiyay inuu nin la yiraahdo Abuu Qubays\ أبوقبيسoo u dhashay qabiilka Iyaad\( إيادahna walaalka la dhashay Mudar\ مضرoo ah awoowaha lix iyo tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, iyo Anmaar\ أنمارoo markay walaayada\ واليةBaytka ku xad gudbeen xoog Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةlooga saaray sida Iyaad\ إياlooga saaray oo kale markay Xaramka ku xad gudbeen oo ay fasaad la yimaadeen, iyo Rabiicah\ ربيعةoo uu ku abtirsado boqorka Ali Sucuud\ أل سعودoo hadda xukuma Boqortooyada Sucuudiga haya oo isaguna buurtaas dusheeda guri ka dhistay)..Buurta ugu horreysa ee arliga la dhigay markuu dhaqaaqay waa buurta Abuu Qubays\أبوفبيس.” Waa intaas warkiisu. 51 Ina Al Zzubayr\إبن الزبير Buurtaas dusheeda waxaa isaguna waagiisii guri ka dhistay Amiiru Al Mu’miniina Cabdu Allaahi bin Al Zzubayr bin Al Cawwaamu\ أمير المؤمنين، عبد هللا بن الزبير بن العوامmarkuu ummadda islaamka boqorkeeda ahaa, caasimaddiisuna ay Makkah\ مكةahayd. Al Balaadii\البالدي Al Balaadii\ البالديwuxuu yiri: “wuxuu ka mid yahay kuwa ugu caansan buuraha Makkah \ مكةin kastoo uusan ka mid ahayn kuwa ugu waawayn, waxaadna arkaysaa inuu uga soo fooraro Al Masjidu Al Xaraamu المسجد \ الحرامdhanka qorrax kasoo bax, wuxuuna ku biyo shubaa inta u dhexeysa Shicbu Calii\شعب علي iyo (buurta) Al Khandamah\الخندمة. Abuu Qubays\ أبوقبيسwuxuu ku yaalla inta u dhexeysa Shicbu Caliyyi \ شعب عليiyo Ajyaad\أجياد..dhaladiisana waxaa ku yaalla masjid la yiraahdo “Masjidu Bilaal\ ”مسجد باللaanna loo nisbeyn Bilaal bin Abii Rabaax\ بالل بن أبي رباحsiday dadka qaarkiis u moodayaan.” Waa intaas warkiisu. Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghnii\د\محمد إلياس عبد الغني Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghnii\ د\محمد إلياس عبد الغنيwuxuu yiri: “Jabalu Abii Qubays\ جبل أبي قبيسwaa buurta Al Saffaa\ الصفاdusheeda ah, kuna dheggan Al Masjidu Al Xaraamu\المسجد الحرام. Buurtaasi waxay badda ka korreysaa afar boqol iyo labaatan mitir. Salkeeda iyo fiideeduna waxay isku jiraan boqol iyo labaatan mitir, waxaana magacaas loogu bixiyay inuu markii ugu horreysey uu korkeeda degay nin la yiraahdo Abuu Qubays\أبوقبيس. Sababo kalena waa la sheegay. Waqtigii Jaahiliyada waxaa kaloo la oran jiray Al Amiinu\األمين, oo macneheedu yahay midka aaminka ah, maxaa yeelay waxaa la dhigay oo lagu amaaneystay Xajarul Aswadka\الحجر األسود, sida uu Al Bukhaari\( البخاريxadiithka 3231) Cabdullaahi bin Camr\ عبد هللا بن عمر, Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri: "Dhagaxa Madow\ الحجر األسودwuxuu kasoo degay Samada, markaasaa la dul dhigay Abuu Qubays\ أبوقبيسisagoo ah qaaruurad kristall ah oo cad, halkaasoo uu afartan sano ku sugnaa, markaas kaddib markuu Ibraahiim\ إبراهيمRukniga dhisay ayaa halkaas la dhigay." Jabalu abii Qubays\ جبل أبي قبيسwaa mid ka mid ah labada buurood ee Makkah\ مكةee la yiraahdo Al Akh-shabaani\ األخشبانoo macneheedu yahay buurta wayn, midka kalena waa buurta la yiraahdo Jabalu Qaciiqaan\ جبل قعيقانoo Masjidka xagga Waqooyi iyo Waqooyi Galbed ka xigtah, waana labad buurood oo uu Malagga Buuruhu\ ملك الجبالNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "Muxamadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad rabtid inaan ku awdo (Makkah\مكة iyo dadka deggan) labada Akh-shab\األخشبان, waan yeelayaa", uuna Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: 52 "."بل أرجو أن يخرج هللا عز وجل من أصالبهم من يعبد هللا عز وجل وحده "Bal arjuu an yukhrija Allaahu Cazza wa Jalla min aslaabihim man yacbudu Allaaha Cazza wa Jalla Waxdahu." Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye: "(Maya buuraha ha isugu dhufan oo yeeyan sidaas reer Makkah\ مكةku halaagmine) Bal waxaan rajo ka qabaa inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla هللا عز وجل, dhabarradooda kasoo saaro kuwo Ilaahay Cazza wa Jalla هللا عز وجلKeligiis caabuda." Waana xadiithka 3231 ee Al Bukhaari\البخاري.” Waa intaas warkiisu. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبoo wiil magangeliyay Imaam Al Tha-habii\ األمام الذهبيwuxuu Siyaru Aclaamu Al Nubalaa'i\ سير أعالم النبالءJuzka koowaad bogga saddex iyo soddon ninka la yiraahdo Jalhamah bin Curfudha\ جلهمة بن عرفطةka wariyay inuu yiri: "Anigoo ku sugan Al Qaac\ القاعee Namirata\ نمرةayaa waxaa (Makkah Al Mukarramah مكة \ )المكرمةsoo galay Safar ka yimid dusha Najd\نجد, markaasey markay la siman yihiin Kacbada ayaa wiil wuxuu iska soo tuuray rati xaggiisa dambe, oo intuu soo orday wuxuu ku dhegay marada Kacbada saaran, kaddibna wuxuu la qayliyay oo uu yiri: "Rabbiga Gurigaanow i magan geli." Markaasaa waxaa u yimid oday qurxoon wajigiisuna quruxsanyahay oo haybadda Boqorka leh iyo waynaanta xukamada wax xukuma, oo yiri: "Wiilow, anigu waxaan ka mid ahay ehelka Ilaahay\ أهل هللاoo waan magan geliyaa ciddii Isaga magangelyo waydiisata, ee arrinkaagu muxuu yahay?" Wiilkii wuxuu yiri: "Aabahay wuxuu dhintay anigoo yar, midkaan ayaana i addonsaday, waxaanna maqli jiray inuu Ilaahay guri leeyahay gardarrada iyo thulmiga reeba, marka markaan Gurigaas arkay ayaan magan galay." Markaasuu ninka Qurayshta\ قريشahaa wuxuu ku yiri: "Wiilow waan ku magan geliayay." Jalhamah\ جلهمةwuxuu yiri: "Ninkii reer Jundac\ جندعahaana (oo wiilkaas thulmiyayna) gacantiisii ayaa luquntiisa ku dhegtay." Jalhamah\ جلهمةwuxuu yiri: "xadiithkaan ayaan waxaan u sheegay Camr bin Khaarijah\عمرو بن خارجة, oo ahaa fulayga tolka, markaasuu wuxuu yiri: "Odagaasi wuxuu leeyahay wiil uu dhalay, uuna ka wado Abuu Dhaalib bin Cabdu Al Mudhdhalib\أبوطالب بن عبد المطلب." Jalhamah\ جلهمةwuxuu yiri: 53 "markaasaan ratigayga ku booday oo aan fuulay soona aaday xagga Tihaamata \( تهامةwaa gobolka ay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة ku yaalliin) oo aan xoog usoo eryay ilaa aan Al Masjidu Al Xaraamu\ المسجد الحرامka imid. Halkaas ayaan ku arkay Quraysh\ قريشoo kooxo kooxo ahoo nuunaasaya oo roob doon u Alle baryaysa. Markaasaa midkood wuxuu yiri: "Al Laata\ الالتiyo Al Cuzzaa\ العزىbarya oo ku tiirsada." Mid kalena wuxuu yiri: "Waxaa baridaan oo aad ku tiirsataan Manaata\ مناةmidda saddexaad oo kale." Markaasaa oday qurxoon oo wajigiisuna quruxsanyahay, taladiisuna ay aad u fiican tahay ayaa wuxuu yiri: "Maxaa runta iyo xaqqa la idiinka duwayaa ayadoo ay wali idinku dhex sugantahay haraaga Diintii Ibraahiim\ إبراهيمCalayissalaamu, ayna idinku dhex jiraan ubadkii Ismaaciil \"? إسماعيل Markaasey raggii waxay ku yiraahdeen: "Waxaad mooddaa inaad Abuu Dhaalib\ أبوطالبka wadid (oo ah isaga Cabdu Al Mudh-dhalib \ عبد المطلبwiilkiisa). Markaasuu wuxuu yiri: "Waa sidaas." Markaasey dhammaantood keceen, aniguna aan la kacay, oo aan markaas albaabka ku garaacnay. Markaasaa waxaa noo soo baxay nin waji qurxoon oo garkiisa midabka hurdiga mariyay, macawisna guntan. Markaasey ku keceen waxayna yiraahdeen: "Abuu Dhaalibow\أبوطالب, waadigii (waa Makkah) waa abaareystay, addoommadiina way oomeen, ee soo kac oo u roob doon." Markaasuu wuxuu yiri: "Aayarkiinna intay qorraxdu cirka beerkiisa ka iilanayso, dabayshuna ay ka degeyso". Markaasey markay qorraxdiina ay bartamah cirka ka wareegtay, ama ay ku sigatayba, ayuu Abuu Dhaalib أبوطالبsoo baxay ayadoo uu la socdo wiil aad moodid qorrax hoos kaa xigay oo markaas daruurtii qarinaysay laga fayday, hareerihiisana ay wiilal kale joogaan. Markaasuu Abuu Dhaalib أبوطالبwiilkaasuu soo qaaday oo uu dhabarkiisa Kacbada ku dhejiyay, isagoo fartiisana wiilka ku fiiqay oo ku dhejiyay, ayadoo ay wiilashii kalena hareerihiisa dhaqdhaqaaqayaan, cirkuna uusan caad yar oo daruur ah lahayn. Markaasey daruurihii dhinacaan iyo dhinacaanba oo ay dhinac walba ka yimaadeen oo uu roob xoog leh oo dhibco badan da'ay, oo uu waadigii biyo keenay, oo magaalo iyo miyiba ay cagaar noqdeen oo barwaaqoobeen. Markaasuu Abuu Dhaalib أبوطالبwuxuu yiri: وأبيض يستسقى الغمام بوجهه \\ ثمال اليتامى عصمة لألرامل.1 54 .تطيف به الهالك من آل هاشم \\ فهم عنده في نعمة وفواضل.2 "1. Wa abyada yustasqaa al ghamaamu bi wajhihi Thimaala al yataamaa cismatun lil araamili. (2) Tadhiifu bihi al hallaaka min aali Haashim Fahum cindahu fii nicmatin wa fawaadili." Gabayga macnihiisu waxaa weeye: 1. Waa cadyahay oo waa gob oo wajigiisa ayaa lagu roob doonayaa oo roob lagu helaa, waana midka u quma danaha agoommada ilaalinna u ah kuwa saboolka ah iyo haweenka garoobka ah. (2) Reer Haashim\ بني هاشمway u dhimanayaa daraadiis iyo difaaciisa, oo agtiisay waxay ku yihiin kuwo loo nicmeeyey oo deeq dheeri ah la siiyay." Carafaat\عرفة Awoowihiis isagoo kuray ah ayuu Carafo la tegey oo ku roob doonay, Sallaa Allaahy Calayhi Wa Sallam. Carafaat\ عرفةwaa ban wayn oo Makkah al Mukarramah\ مكة المكرمةxagga Koofur-Bari ka xigah, kana baxsan xuduudda Xaramka Makkah\حرم مكة. Bankaasi wuxuu Al Masjidu Al Xaraamu\ المسجد الحرامu jiraa labo iyo labaatan kiiloomitir. Bankaas waxaa Carafaat\ عرفةloogu bixiyay sababtaan soo socota. Nabi Aadan\آدم, Calayhissalaamu, iyo abooto Xaawo\ حواءmarkii Jannada laga soo saaray oo adduunkaan loo soo dejiyay, waxay kusoo degeen laba meelood oo kala duwan. Aadan آدمwuxuu kusoo degay buur la yiraahdo Bawth\( بوذwaa tha korka dhibic ku leh oo dha ku xigta)(lana yiri waa buurta adduunkaan ugu dheer oo ah Buurta Everest oo ku taalla dalka Tibet ee Asiya), Xaawana\ حواءDegmada Jiddah\ جدةee arliga Makkah\مكة. Markaasuu Aadan آدمsoo lugeeyey isagoo Xaawo\ حواءraadinaya, waxayna iska heleen bankaas, oo waxaaba la yiraahdaa in guriga afar geesoodka ah oo buurta u dhow oo bidixda ka qabanaya qafka mawqifkii Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taagaan, oo darafta Jabalu Al Rraxmah\ جبل الرحمةuu wajigiisu ku jeedo, oo uu sidaas isaga iyo Qiblada ugu dhexeeyo, gurigaas waxaaba la yiraahdaa Baytu Aadam \ بيت آدمoo ah guriga Aadanآدم, halkaasoo xujayda laga waraabin jiray. Xaawo\ حواءwaxaa la yiraahdaa inay ku duugan tahay Jiddah\جدة, oo magaladaasba ayada daraadeed ayaa magaca loogu bixiyay, ayadoo Jiddah\ جدةmacneheedu yahay ayeeyo. Marka magaca Carafaat\ عرفةwuxuu ka yimid erayga tacaarafuu\ تعرفواoo ah way isku aqoodeen. Inay Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءlabadaas meelood ku soo kala degeenna waxaa wariyay kutubbo badan, uuna ka mid yahay Taariikhu Al Dhabarii \ تاريخ الطبريMujalladka koowaad, boggiisa sagaal iyo toddobaatan. 55 Waxaa kaloo la yiri waxaa Carafaat\ عرفةloogu bixiyay in Malag Jibriil\ملك جبريل, Calayhissalaamu, markuu Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhissalaamu, manaasikta xajka, waa axkaamtiisee, baray uu waydiiyay: "Hal carafta\ "?هل عرفتoo ah "Ma aqootay?", Nabiguna uu yiri: "Haa\"نعم. Ibnu Cabbaas\إبن عباس, Allaha labadoodaba raalli ka noqde, wuxuu yiri taas ayaa u sabab ahayd in Carafaat\ عرفةloo bixiyay. Waxaa kaloo la yiri in Carafaat\ عرفةloogu bixiyay ayadoo uu meeshaas dadku dambiyadooda ku qirtaan oo ah "yactarifuuna\"يعترفون. Sababo kalena waa la sheegay. Masaaxadda ama dhulka ay ku fadhido Carafaat\ عرفةwaa toban kiiloomitir iyo afar boqol oo mitir oo wareegsan, xuduudeheeduna way calaamadeysan yihiin. Banka Carafaat\ عرفةwaxaa Maalinta Sagaalaad ee bish Thul Xajjah\ ذوالحجةisugu yimaada xujayda oo idil, ayagoo ay halkaas Salaadaha Thuhur iyo Casar oo la gaabiyay oo middiiba ay laba Rakco tahay jamac lasoo hormariyay waqtiga Thuhurka ku tukanayaan. Waxay ku tukanaya hal Athaan iyo laba Iqaamo. Kaddibna ayagoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dayanaya ayay halkaas ku ducaysanayaa. Qofkaan Sagaalaadka banka Carafaat\ عرفةku sugnayn, xaj ma laha, waxaana u daliil ah inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". و "كل عرفة موقف،""الحج عرفة "Al Xajju Carafah" iyo "Kullu Carafah Mawqif", oo macnohoodu yahay "Xajku waa Carafo" iyo "Carafoo kulligeed waa Maqif" oo meeshaad ka istaagtaba waa kaa rogeysaa, waana kuu jirtaa. Xadiithkaan waxaana lagu wariyay Majmacu Al Zawaaid ee Ibnu al Athiir\مجمع الزوائد ألبن األثير mujalladka saddexaad bogga laba boqol sagaal iyo konton. Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, Carafo\ عرفةQuraanka ayuu ku xusay, wuxuuna Aayadda boqol sideed iyo sagaashan ee Suuratu Al Baqarah\ سورة البقرةku yiri: ِ ِِ ِ ِ َّ ٍ ِ ْ َفَِإ َذا أَف ِ ِّ ين َ ضتُ ْم م ْن َع َرفَات فَا ْذ ُك ُروا اللهَ ع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرام َوا ْذ ُك ُروهُ َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال )195( "Fa ithaa afadtum min Carafaatin fa athkuruu Allaaha cinda al Mashcari al Xaraami wa athkuruuHu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi lamina al ghaafiliina." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Markaad ka soo gaddoontaan Carafo\عرفة, ku xusa Ilaahay Mashcarul Xaraamka\المشعر الحرام agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiisa kuwo dhunsan." 56 Amiiru al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن \الخطاب, Allaaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri: "Aayadda: (waana Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Maa'idah\)سورة المائدة ِ ِ ِ ِْ يت لَ ُكم اْل ْس ََل َم ِد ًينا ُ ت لَ ُك ْم ِد َين ُك ْم َوأَتْ َم ْم ُ اْل َي ْوَم أَ ْك َمْل ُ ُ ت َعلَ ْي ُك ْم ن ْع َمتي َوَرض Al Yawma akmaltu lakum Diinakum wa atmamtu calaykum nicmatii wa radiitu lakumu al Islaama Diinan" waxay kusoo degatay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Carafaat\ عرفةku sugan." Aayadda macneheeduna waxaa weeye: "Maantaan idiin kaamilay Diintiinna waxaanna idiin taam yeelay korkiinna nicmadayda, waxaanna idiinka raalli noqday Islaamka Diin ahaan." Xadiithkaan waxaa wariyay Al Bukhaarii\البخاري, waana xadiithkiisa afar kun afar boqol toddoba. Jabalu Al Rraxmah\جبل الرحمة Jabalu Al Raxmah\ جبل الرحمةwaa buur ku taalla banka Carafaat\عرفة, macnaha magaceeduna waa Buurta Naxariista. Waxaa kaloo la yiraahdaa Jabalu Ilaalu\جبل اإلالل, looguna bixiyay inay dadka usoo socda Carafo\ عرفةSagaalaadka ay marka isaga arkaan oo uu u muuqdo, socodka kusii dadaalaan si ay dhakhso mawqifka u yimaadaan, oo alluu \ ألواwaxaa weeye socodkay ku dadaaleen oo dheereeyeen. Buurtaas waxaa kaloo la yiraahdaa Al Naabitu\ النابتoo macneheedu yahay midka soo dhashay, oo meel ban ah ayuu ka taagan yahay sida geed soo dhashay oo kale. Waxaa kaloo la yiraahdaa Al Quraynu\القرين. Waxaa kaloo la yiraahdaa Jabalu Al Dducaa'i\جبل الدعاء. Buurtaasi waa buur gaaban oo dhagax waawayn oo sulub ah ka samaysan, waxayna ku taallaa dhanka qorrax kasoo bax ee banka Carafo\عرفة, waxayna Masjidu Namirata\ مسجد نمرةu jirtaa hal kiiloomitir iyo nus. Haddii xagga Koofur laga tafo buurtaas waxaa dusheeda lagu gaaraa boqol iyo sideed iyo lixdan jaranjaro oo ayada laga qoray. Buurta dusheedu waa dhul siman, uuna ku wareegsanyahay darbi gaaban oo toddoba iyo konton sentiimitir kor u qaadan. Buurta hoosteeda waxaa ku yaalla Masjidu Al Sakharati\ مسجد الصخراتiyo barkadda dhuuban ee biyaha keeni jirtay waagii hore lana yiraahdo Caynu Zubaydah\ عين زبيدة, haweentaanoo ah Haaruun Al Rashiid\ هارون الرشيدhooyadiis oo hawshaas qabatay, Allaha ka abaal mariyee. 57 Buurta salkeeda, xagga dhulka siman, waxaa kaloo ku yaalla dhuumo afar mitir kor u taagan oo dadka biyo qabow kusoo rusheeya marka jawigu kulul yahay Maalinta Carafo\عرفة. Buurtu waxay badda ka korreysaaa saddex boqol iyo labo iyo toddobaatan mitir, salkeeda iyo fiideeduna waxay isku jiraan oo ay kor u taagan tahay shan iyo lixdan mitir, wareegga salkeeduna waa lix boqol iyo afartan mitir. Carafaat\ عرفةiyo Mina\ منىiyo Al Muzdalifata\ المزدلفةma bannaana in dhulkooda qof inta loo gooyo uu yeesho oo uu dhisto, ayadoo uu taasi Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, reebay, ayadoo arligaas wada leedahay Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo idil ilaa Yawmul Qiyaamaha. Xadiithkaas ku saabsanna waxaa wariyay Al Xaakim\الحاكم, yirina waa Saxiix: "."منى مناخ من سبق "Minaa manaakhu man sabaqa", oo ah: "Mina\ منىwaxaa gadiidkiisa ku furanaya oo degaya hadba kan usoo horreeyey." Al Waaqidii\ الواقديwuxuu Caa’ishah\ عائشةka wariyay in Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la weydiiyay in guri looga dhiso Mina\ منىmarkaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: "."منى منزل من سبق “Minaa manzilu man sabaqa” oo macnihiisu yahay: “Mina\ منىwaa degmada habda kan usoo hormara.” Mawqifka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Jabalu Al Raxmah\ جبل الرحمةdhankiisa hoose waxaa ah dhagax waawayn oo uu agtooda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, istaagay Sagaalaadka Xajjatul Wadaaci\ حجة الوداع. Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."وقفت ههنا وعرفة كلها موقف "Waqaftu haahunaa wa Carafah kulluhaa Mawqif" oo macneheedu yahay: "Anigu halkaan ayaan istaagay Carafo\ عرفةkulligeedna waa mawqif la istaago." 58 Masjidu Al Sakharaati\مسجد الصحرات Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii\ د\محمد إلياس عبد الغنيwuxuu yiri: “Wuxuu ku yaalla Carafaat\ عرفةdhanka hoose ee buurta Jabalu Al Rraxmah\جبل الرحمة wuxuuna midigta ka qabanayaa qofka masjidkaas xaggiisa buurta u tafaya. Masjidku in yar ayuu dulka ka kacsan yahay oo ka korreeyaa waxaana lagu wareejiyay darbi gaaban, waxaana dhexdiisa yaalla dhagax waawayn oo uu agtooda istaagay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam galabta Carafo \ عرفةisagoo hashiisa Al Qaswaa’\ القصواءsaaran, sida ku sugan Xadiithka Jaabir\ جابرAllaha raalli ka noqdee oo wariyay innuu: “Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam duhurka iyo casarka uu ku tukaday (bartuu maanta ku yaallo Masjidu Namirah\ )مسجد نمرةkaddibna uu daabaddiisa fuulay socdayna ilaa uu ka yimaado mawqifka oo uu markaas caloosha hashiisa Al Qaswaa’\ القصواءku dhejiyay dhagaxdaas waawayn, hortiisana uu yeelay oo u jeedo dariiqa kuwa lgta ku socda , Qibladuuna u jeestay, sidaasna uu ku sugnaa ilaa ay qorraxdu ka dhacdo, cir guduudkuna uu tegey xoogaa muuqaalka qorraxduna uu qarsoomay…” (waana Xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban ee saxiix Muslim\ صحيح مسلمkitaabka Xajka\)كتاب الحج. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo mawqifkaas taagan ayay kusoo degatay Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Maa’idah\سورة المائدة: ِ ِ ِ ِ ِْ يت لَ ُكم ص ٍة ْ اْل ْس ََل َم ِد ًينا فَ َم ِن ُ ت لَ ُك ْم ِد َين ُك ْم َوأَتْ َم ْم ُ اْل َي ْوَم أَ ْك َمْل َ اضطَُّر في َم ْخ َم ُ ُ ت َعلَ ْي ُك ْم ن ْع َمتي َوَرض ِ َّ ٍ ِ ٍ ِ )3( يم ٌ َُغ ْي َر ُمتَ َجانف ِْلثْم فَِإ َّن اللهَ َغف ٌ ور َرح Masjidkaas darbigiisu dhankiisa Qiblada xiga dhererkiisu yahay saddex iyo toban mitir iyo saddex sentiimitir, darbiga kaas midigtiisa ahna dhererkiisu waa sideed mitir. Darbiga kasoo horjeeda midka Qiblada xigana sida qaanso ayuu u wareegsan yahay oo ma toosna. Al Shaykh Bakr bin Zayd\ الشيخ بكر بن زيدwuxuu yiri: “Qofka buurta dhanka Koofureed ka tafaya waxaa midigta ka qabaneysa meel yar oo firaashan oo uu darbi gaaban ku wareegsan yahay, oo taaggiisu nus mitir yahay, waxaana meeshaas la yiraahdaa Masjidu Al Sakharaati\مسجد الصخرات, oo ah Masjidka dhagaxda waawayn.” Waa intaas warka doktoorku. Sunnadu waxaa weeye in markuu imaamku hubsado inay qorraxda maalinta sagaalaad dhacday inuu Carafaat\ عرفةka gaddoomo, dadkuna ay la gaddoomaan, waxayna niyeysanayaan inay saladda maghrib dib u dhigtaan, ayna jamac iyo qasri ku wada tukadaan ayada iyo cishaha Al Muzdalifah\المزدلفة. 59 Masjidu Namirata\مسجد نمرة Namirata\ نمرةwaxaa la yiraahdaa buur Masjidka Namirata\ مسجد نمرةxagga galbeed ka xigta, oo Masjidka buurtaas ayaa loogu magac daray. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalinta Carafaat \ عرفةee Xajjatul Wadaac\ حجة الوداعwaxaa Qubbad\ قبةoo ah khaymad looga dhisay Namirata\ نمرةoo beeshaas magaceedana ah. Markay qorraxdu beerka samada ka iilatay ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu u guuray bartamaha waadiga la yiraahdo Waadii Curanata\وادي عرنة, halkaasoo uu dadka ugu khudhbeeyey, kaddibna uu tujiyay. Salaadda kaddib wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u guuray barta Al Sakharaati\ الصخراتee dhagaxda waaweyn ee buurta Jabalu Al Rraxmah\ جبل الرحمةhoostiisa ah ee banka Carafaat\عرفة. Sidaas waxay ka sugnaatay xadiithka ku saabsan Xajjatul Wadaac حجة \ الوداعee uu wariyay Jaabir\جابر, Allaha raalli ka noqdee, uuna ku yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ijaazo bixiyay oo uu banneeyey in la guuro, uuna dhaqaaqay ilaa uu ka yimaado Carafah \عرفة, wuxuuna yimid ayadoo Namirata\ نمرةQubbad\( قبةkhaymad) looga dhisay, markaasuu ku degay. Markay qorraxdu beerka cirka ka iilatay ayuu amray in loo keeno hashiisa Al Qaswaa'\القصواء. Markaasaa loo diyaariyay. Markaasuu wuxuu yimid bartamaha waadiga, halkaasoo uu dadka ugu khudhbeeyey...Kaddibna waa la Athaamay, kaddibna la Iqaamay. Markaasuu Thuhurka tukaday. Markaasaa hadana la iqaamay oo uu Casar tukaday...Kaddib wuxuu fuulay hashiisa wuxuuna tegey Mawqifka\الموقف, isagoo caloosha hashiisa Al Qaswaa'\ القصواءu jeediyay Sakharaadka\الصخرات, oo ah dhagaxda waawayn, wuxuuna u jeestay Qiblada. Halkaas ayuu ku sugnaa ilaa ay qorraxdu ka dhacdo." Waa xadiithka kun laba boqol sideed iyo toban ee Saxiix Muslim\صحيح مسلم. Bartii uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Namirata uga tukaday ayaa bilawga zamanka Khilaafada Cabbaasiyiinta\العباسيين, oo ku beegan bartamaha Qarniga Labaad ee Hijriga, ayaa waxaa laga dhisay Masjidka la yiraahdo Masjidu Namirata\مسجد نمرة, kaasoo ay intiisa hore xuduudda Carafaat\ عرفةka baxsantahay, oo ayan ka mid ahayn, intiisa dambena ay Carafaat\ عرفةka tirsantahay oo ay xuduuddeeda ku dhex jirto. Hadda Masjidkaas dhererkiisa u dhexeeya Bari ilaa Galbeed waa saddex boqol iyo afartan mitir, ballaciisuna Waqooyi ilaa Galbeed waa laba boqol iyo afartan mitir, masaaxadiisuna ama dhulka uu ku fadhiyana waa boqol iyo toban kun oo mitir oo wareegsan. Waxaa Masjidkaas dhexdiisa ku tukan karta ilaa sadeex boqol iyo konton kun oo qof. 60 Kitabka"Kitaabu al sh-shajarati Al Nabawiyyati fii Nasabi Khayri Al Bariyyati كتاب الشجرة \النبوية في نسب خير البرية Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo laga soo tarjumay kitaabka "Kitaabu al sh-shajarati Al Nabawiyyati fii Nasabi Khayri Al Bariyyati كتاب الشجرة النبوية في نسب \خير البرية, Sallaa Allaahu Calayhi wa calaa Aaalihi Wasallam, uuna fiiriyay oo uu dhammaystiray Al Imaamu Jamaalu Al Ddini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi - اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسي – إبن المبرد, al macruufu bin ibni Al Mubrad, oo noolaa inta u dhexeysay sideed boqo iyo afartan ilaa sagaal boqol iyo sagaal Hijriga. Magaca Kitaabka macnihiisu waxaa weeye "Kitaabka geedka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geedkaasoo ah geedka nasabka khayru al bariyyah oo ah int uu Ilaahay abuuray midka ugu khayr badan." Ibnu Al Mibrad\ إبن المبردqoyskiisa waxaa la yiraahdaa Banuu Qudaamah\ بنوقدامةnasabkooduna wuxuu galaa oo ku dhammaadaa Saalim bin Cumar bin Al Khdh-dhaab\سالم بن عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee. Kaddib waxaa dhawr sano ka hor kitaabkaan hadana hubiyay oo xaqiijiyay oo faallo ku daray shiikha la yiraahdo Muxyii Al Ddini Mistuu\ محيي الدين مستوoo dalka Suuriya u dhashay oo reer Dimashq ah, oo ku daabacay magaalada Dimishiq\ دمشقee dalka Suuriya\ سوريةkun afar boqol afar iyo tobanka Hijriga, una dhiganta kun sagaal boqol saddex iyo sagaashanka. Wuxuuna sheegay inuu kitaabkaan oo far guri ku dhigan ka helay maktabada Masjidka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, uusanna ku dhignayn magaca qof asaligiisa dhigay; iyo inuu laba nuskhadoo kale ka helay Maktabatu Al Asad Al Caamirah مكتبة األسد \ العامرةee magaalada Dimashq\ دمشقlagunma daabacay Madhbacada Buulaaq\ مطبعة بوالقee Al Qaahirah\القاهرة. Muxyii Al Ddiini Mistuu\ محيي الدين مستوwaa isla sheekha sharxay oo ka qayb qaatay sharaxa afartanka Xadiith ee Imaamu Al Nawawii\ األمام النوويsoona saaray kitaabka la yiraahdo Al Waafii fii sharxi al arbaciina Al Nawawiyyah الوافي في شرح األربعين النوويةoo ay wada dhigeen isaga iyo Doktoor Musdhafaa Al Bughaa\د\مصطفى البغا, ahna kitaab aad u qiimo badan oo guri walba oo muslin ah looga baahan yahay. Kitaabkana waxaan kasoo qaadannay inta soo socota: Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwalaalihiis Haashim bin Cabdi Manaaf\ هاشم بن عبد منافwuxuu dhalay afar nin iyo shan haween ah, oo kala ah: 1. Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\عبد المطلب بن هاشم. 2. Asad bin Haashim\أسد بن هاشم. 3. Abaa Sayfiyyi (waa saadka shiinka ku xigah) bin Haashim\أبا صيفي بن هاشم. 4. Nadlatu bin Haashim (waa daadka dhibicda kor ku leh saadka ku xigah)\نضلة بن هاشم. 5. Al Shifaa'u bintu Haashim\الشفاء بنت هاشم. 6. Khaalidatu bintu Haashim\خالدة بنت هاشم. 61 7. Daciifatu bintu Haashim\ضعيفة بنت هاشم. 8. Ruqayyatu bintu Haashim\رقيه بنت هاشم. 9. Xayyatu bintu Haashim\حية بنت هاشم. Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo Ruqayyatu رقيهwaa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa, sidaan usoo aragnay, Salmaa bintu Camr bin Zayd Al Najjaariyyata سلمى بنت عمروا \الجارية. Abuu Sayfiyyi أبو صيفيiyo Xayyatana حيةwaa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Hinda bintu Camr bin Thaclabah Al Khazrajiyyah\هند بنت عمرو بن ثعلبة الخزرجية. Nadlah نضلةiyo Al Shifaa'na الشفاءwaa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Jaxl bintu Xubayb bin Al Xaarith bin Maalik bin Xudhaydh Al Thaqafiyyah جحل بنت جبيب بن الحارث بن \مالك بن حطيط الثقفية, oo reer Thaqiif\ ثقيفu dhalatay. Khaalidah خالدةiyo Daciifana ضعيفةwaa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Waafidatu bintu Abii Cadiyyi Al Maaziniyyata\وافدة بنت أبي عدي المازنية. Asad أسدhooyadiis waxaa la yiraahdaa Qaylatu bintu Caamir bin Maalik Al Khazrajiyyi قيلة بنت \عامر بن مالك الخزرجي. Waxaa kaloo la yiri inay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo Asad أسدay isku hooyo wada dhashay. Ilmaha Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبwuxuu dhalay toban nin iyo lix gabdhood, oo kala ah: Kow. Al Cabbaas\العباس, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\ العباس بن عبد المطلب بن هاشمwaa farcamay, koofaartiisuna waa Abaa Al Fadl\( أبا الفضلwaa daadka dhibicda korka ku leh oo saadka ku xigah), oo Al Fadl الفضلwaa wiil uu dhalay. Al Cabbaas العباسwaxay isku hooyo yihiin Diraar\ضرار, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Nutaylatu bintu Janaab bin Kulaybi bin Maalik bin Camr bin Caamir ibnu Zayd Manaat bin Caamir bin Sacd bin Al Khazraj bin Taymu Allaahi bin Al Namr bin Qaasidh bin Hinb bin Afsaa bin Ducmiyyi bin Jadiilata bin Asad bin Rabiicata Al Farasi bin Nizaar bin Macaddi bin Cadnaan نتيلة بنت جناب بن كليب بن مالك بن عمرو بن عامر إبن زيد مناة بن عامر بن سعد بن الخزرج بن تيم هللا بن \النمر بن قاسط بن هنب بن أصفى بن دعمي بن جديلة بن أسد بن ربيعة الفرس بن نزار بن معد بن عدنان. Al Cabbaas العباسwuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka da' wayn yahay saddex sano. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Al Cabbaas العباسwuu jeclaa, wuuna laazimi jiray oo uu la joogi jiray. 62 Al Cabbaas العباسMakkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةayuu gaalada la joogi jiray isagoo ka mid ahaa kuwa iimaankooda qarinaya. Isagaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u qaaday Baycada\البيعة, ama Heshiiska kuwa Ansaarta\ األنصارka mid ahaa ee yimid Al Caqabah\ العقبةoo ah bar degmada Mina\ منىka mid ah, isaagana ballanka uga qaaday, isagoo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wakiil ka ahna uga qaaday shuruudaha ay ahaayeen inay oggolaadaan oo ay oofiyaan si uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةugu haajiro oo uu dalkooda u dego. Al Cabbaas العباسwuxuu ahaa deeqsi kariim ah. Maalinta Duullaanka Xunayn\حنين, markay dad badani carareen, Al Cabbaas العباسRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu la sugnaaday, isagoo gacanta ku haya hoggaanka baqasha uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fuushanaa, taasoo ah sugnaanta iyo geesinnimada ugu wayn. Al Cabbaas العباسwaxaa ku roob doonay, oo magaciisa Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa هللا \سبحانه وتعالى, roob iyo waraabin ku waydiistay Amiiru al Mu'miniin Abuuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab\أمير المؤمنين عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee. Markaasuu Ilaahay roob Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waraabiyay. Walaalkiis Abuu Dhaalib\ أبوطالبdabadiis, Al Cabbaas العباسisagaa la wareegay xilka Al Ssiqaayata\السقاية, oo ah waraabinta Xujayda. Wuxuu Al Cabbaas العباسislaannimadiisa muujiyay Maalinta Furashada Makkah\فتح مكة, wuxuuna Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, kala qayb galay duullaannada Xunayn \حنين iyo Dhaa'if\ الطائفiyo Tabuuk\تبوك. Al Cabbaas العباسwuxuu Jaahiliyada ku sugnaaday lix iyo konto sano, islaamka dhexdiisana laba iyo soddon sano. Al Cabbaas, Allaha raalli ka noqdee, waxaa lagu oofsaday Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةmaalin jimce ah oo ay bisha Rajab\ رجبtahay laba iyo toban. Waxaa kaloo la yiri bisha Ramadaan\ رمضانee laba iyo soddonka Hijrada. Waxaa ku tukaday Cuthmaan bin Caffaan\عثمان بن عفان, Allaha raalli ka noqdee, waxaana lagu duugay xabaalaha Al Baqiic\ البقيع, isagoo markaas jira sideed iyo sideetan sano. Allaha Al Cabbaas العباسiyo Qoyska iyo asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, dhammaantood raalli ka noqdo, una naxariisto. Al Cabbaas العباسoo yar ayaa lumay, markaasey hooyadiis, oo ka dhalatay qoyska Boqorradda ee qabiilka wayn ee Rabiicah\ربيعة, waxay nathartay in hadday wiilkeeda hesho ay Kacbada Kiswo xariir ah ugu arratiro doonto. Markay heshayna, natharkeeda ayay oofisay oo ay Kacbada Kiswo xariir ah u labbistay, kiswadaasoo ahayd kiswadii ugu horreysey oo xariir ah oo Kacbada loo labbiso. Al Cabbaas العباسhooyadiis Nutaylatu\نتيلة, hooyadeed waa Ummu Xujrin ama Ummu Kurz bintu Al Azabbu\ أم حجر أو أم كرز بنت األزبoo reer Bakiil\ بكيلee qabiilka Hamdaan\ همدانu dhalatay. 63 Ilmaha Al Cabbaasالعباس, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Al Fadlu (waa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku xigah) bin Al Cabbaas الفضل بن \العباس, waxaana ka hartay gabar Ummu Kulthuum\ أم كاثومla yiraahdo. 2. Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas\عبد هللا بن العباس, oo ah Rabbaaniga\الرباني, caalinka ummaddaan\عالم هذه األمة. Cabdu Allaahi عبد هللاwuxuu dhashay saddex sano Hijrada horteeda, wuxuuna ku dhashay shicibka Abuu Dhaalib\شعب أبي طالب, kasoo bixidda halkaas ee Banii Haashim\ بني هاشمhorteed, intay halkaas ku takoornaayeen, saxiifadda lagu takoorayna ay Kacbada dhexdeeda ku dhegganayd. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday Cabdu Allaahi عبد هللا oo afar iyo toban sano jirah. Allaha raalli ka noqdee Cabdu Allaahi عبد هللاwuxuu ku dhintay Dhaa'if\الطائف, sanadka lixdan iyo sideed Hijriga ayaamaha Cabdu Allaahi bin Al Zubayr \عبد هللا بن الزبير, ayadoo uu Ibnu Al Zubayr\ إبن الزبيرMakkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةka saaray. Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas عبد هللا بن العباسwuxuu dhintay isagoo toddobaatan iyo afar sano jirah, waxaana ku tukaday Muxammad Ibnu Al Xanafiyyah\محمد إبن الحنفية, ina Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, kaasoo afar Takbiiraad kula tukaday. Cabdu Allaahi bin Al Cabbaas عبد هللا بن العباسwuxuu arkay Malaku Jibriil\ملك جبريل, Calayhissalaamu, oo markaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u warramaya. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u duceeyey Cabdu Allaahi bin Al Cabbasعبد هللا بن العباس, oo wuxuu yiri: "."اللهم فقهه في الدين وعلمه التأويل "Allaahumma faqqih-hu fii al Diini wa callimhu al ta'wiila" oo macneheedu yahay "Ilaahayow Diinta si xeel dherr u bar, macnaha Quraanka iyo Sunnadana bar." Xadiith kalena wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu duceeyey: ". واجعله من عبادك الصالحين، وانشر منه،"اللهم بارك فيه "Allaahumama baarik fiihi, wa anshur minhu, wa ajcalhu min cibaadika al saalixiina" oo macneheedu yahay "Ilaahayow barako geli oo barako dhexdiisa yeel, kana faafi oo ka dhig mid cilmi kasoo baxo oo laga qaato, kana mid yeel addoommadaada suuban". 64 Cabdu Allaahi عبد هللاhooyadiis waa Ummul Fadli\أم الفضل, magaceeduna yahay Lubaabatu bintu Al Xaarith Al Hilaaliyah\لبابة بنت الحارث الهاللية,ahna walaasha la dhalatay Ummu Al Mu'miniin Maymuunata binti Al Xaarith\أم المؤمنين ميمونة بنت الحارث الهاللية, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Cabdu Allaahi عبد هللاhooyadiis Ummu al Fadli\ أم الفضلwaa habaryarta Khaalid bin Al WaliidAl Makhzuumiyyi\ خالد بن الوليد المخزومي, oo ay koofaartiisu tahay Sayfullaahi al Masluul \سيف هللا المسلول, Seefta Ilaahay Tacaalaa oo galka ka siiban. 3. Cubaydu Allaahi bin Al Cabbaas\عبيد هللا بن العباس, oo ay walaalkiis Cabdu Allaahiعبد هللا isku hooyo yihiin, Cabdu Allaahina عبد هللاhal sano ka yaraa. Wuu cirib go'ay oo ubad kama harin. 4. Qutham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Al Cabbaas\قثم بن العباس, Cabdu Allaahi عبد هللا, caalinka ummaddaan ayayna isku hooyo yihiin iyo Cubaydu Allaahiعبيد هللا. Qutham قثمwaxaa shahiidnimo loogu dilay magaalada Samarqand\سمرقند, ahna magaaladuu Al Bukhaarii\ البخاريku duugan yahay, )oo hadda dalka Uzbekistan ka tirsan(. 5. Cabdu al Rraxmaan bin Al Cabbaas\ عبد الرحمن بن العباسoo ay Cabdu Allaahi عبد هللاisku hooyo yihiin. Cirib kama harin, waxaana lagu dilay Shaam \الشام. Waxaa kaloo la yiri waxaa lagu dilay Ifriiqiyah\( إفريقيةdalkaas oo ay hadda ka dhasheen dalalka maanta Libiya\ ليبياiyo Tuunis\ تونسla yiraahdo). Dhulkaas Ifriiqiyah\ إفريقيةwaxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu ahaa Boqorka Yaman \يمن oo magaciisu ahaa Afriiqis bin Qays\ إفريقس بن قيسninka ugu horreeyey oo degah oo dhisah, isagoo arligaas dadka Berber\ البربرla yiraahdo inta arliga Kancaaniyiinta\كنعان, oo hadda Filisdhiin\ فلسطينla yiraahdo, inta ka raray halkaas dejiyay. Kaddibna magacaas ayaa Qaaradda oo idil loo bixiyay, oo halkaas ayay Afrika ka timid, oo Boqorkaas ayaa loogu magac daray. 6. Macbad bin Al Cabbaas\معبد بن العباس. Cabdu Allaahi عبد هللاayay isku hooyo yihiin, cirib ayaana ka hartay. Waxaa shahiidnimo loogu dilay Ifriiqiyah\إفريقية. 7. Ummu Xabiibah bintu Al Cabbaas\أم حبيبة بنت العباس, hooyadeedna waa Ummu Al Fadli bintu Al Xaarith\أم الفضل بنت الحارث. Ummu Xabiibah أم حبيبةwaa saxaabiyad. 8. Tammaamu binu Al Cabbaas\تمام بنت العباس, hooyadiisna waa Ummu waladin\أم ولد, oo waxaa dhashay haweeney uu Al Cabbaas العباسlahaa. Cirib kama ayan harin. 9. Kathiiru (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) binu Al Cabbaas\كثير بن العباس, oo faqiih wayn ahaa, ciribina kama ayan harin. 10. Al Xaarithu binu Al Cabbaas\الحارث بن العباس, oo ay hooyadiis u dhalatay qabiilka Huthayl\هذيل. Ciribina kama ayan harin. 65 11. Subayxu (waa saadka shiinka ku xigah) binu Al Cabbaas\صبيح بن العباس, hoyadiisna waa ummu waladin\أم ولد, oo haweeney uu Al Cabbaas العباسlahaa ayaa u dhashay. Ciribina kama ayan harin. 12. Misharu binu Al Cabbaas\مشر بن العباس, oo ay Subayxu صبيحisku hooyo yihiin. Ciribi kama ayan harin. 13. Amiinatu bintu Al Cabbaas\آمنة بنت العباس, ayna u dhashay haweeney uu Al Cabbaas لعباسlahaa. 14. Safiyyatu\( صفيةoo ah saadka shiinka ku xigah), ayna dhashay haweeney uu Al Cabbas لعباسlahaa. laba. Abuu Dhaalib\أبو طالب, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Waxaa Abuu Dhaalib أبو طالبla yiraahdaa Al Sayyidu Al Mumliqu\السيد المملق, waxaa kaloo la yiraahdaa Thaa Al Kiflayni\ذا الكفلين, maadaama uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kafaalo qaaday. Abuu Dhaalib أبو طالبwaa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطاب, hooyadiisna waa Faadhimatu bintu Camr bin Makhzuum Al Qurashiyyata\فاطمة بنت عمرو بن مخزوم الفرشية, ayadoo isla markaasna ah hooyada dhashay Cabdu Allaahi\عبد هللا, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, iyo hooyada dhashay Al Zubayru \ الزبيرiyo gabdhaha Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطابdhammaantood intaan Safiyyata\ صفيةahayn. Faadhimah\فاطمة, Abuu Dhaalib أبو طالبhooyadiis, hooyadeed waa Sakhratu bintu Cabd bin Cimraan bin Makhzuum\صخرة بنت عبد بن عمران بن نخزوم. Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu dhashay shan iyo labaatan sano maroodiga ka hor, wuxuuna dhintay toban sano Bicthada\ البعثةkaddib, isagoo shan iyo toddobaatan jir ah, waxaana lagu duugay Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة. Isaga hortiis waxaa dhintay walaalkiis Cabdu Allaahiعبد هللا, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, oo dhintay sanadka maroodiga, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laba bilood uurka hooyadiis ku jiro. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa kafaalo qaaday Abuu Dhaalib أبو طالب, kaddib markuu sidaas ugala dardaarmay aabihiis Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطاب, sababtuna ay ahayd inuu Abuu Dhaalib أبو طالبcaruurta Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطابugu kariim sanaa, ugu fiicnaa, ugu cod karsanaa, ugu hoggaamiyesanaa, ugu gobsanaa, uguna qurxoonaa. 66 Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu ku roob doonay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasuu Ilaahay Tacalaa\هللا تعالى, roob siiyay oo uu waraabiyay. Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu Makkah\ مكةiyo Boqorrada agtooda ahba ku lahaa aqoonsi iyo taageero. Hadalkiisa iyo gabayyadiisana waa la diiwaan geliyay. Abuu Dhaalib أبو طالبwuu dhutin jiray ayadoo dagaalladii Al Fijjaari\ حروب الفجارwax ku gaareen. Reerkiisa dhexdiisana wuxuu ku lahaa makaan sarreeya, wuxuuna ahaa hoggaamiyahooda. Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku ilaaliyay afkiisa iyo addinkiisaba, wuuna ammaanay. Abuu Dhaalib أبو طالبsidaan hore usoo sheegnay wuxuu dhintay saddex sano ka hor Hijrada. Ilmaha Abuu Dhaalibأبو طالب, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Imaam Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Amiiru Al Mu'miniina\أمير المؤمنين. 2. Dhaalib bin Abii Dhaalib\طالب بن أبي طالب, wuxuuna dhintay isagoo aan islaamin. Nabiguu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ammaanay. Walaalkiis Caqiil\ عقيلayuu laba iyo toban sano ka weyn yahay. 3. Caqiilu bin Abii Dhaalib\عقيل بن أبي طالب, oo Jacfar\ جعفرka fac weynaa, kaasoo Imaam Calii\ األمام عليtoban sano ka waynaa. Caqiil\ عقيلwuxuu dhintay khilaafada Mucaawiyah\معاوية. 4. Jacfar bin Abii Dhaalib\جعفر بن ألي طالب, waana Jacfar al Dhayyaaru\جعفر الطيار, oo ah midka Jannada dhexdeeda baalal leh oo ku duula. Cirib ayaa ka hartay Waxaa shahiidnimo loogu dilay Duullaankii Mu'tah\غزوة مؤتة, sanadka sideedaad ee Hijrada. Jacfar\ جعفرayaa dadka ugu ekaan badnaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Walaalkiis Caqiil \عقيل ayuu toban sano ka yaryahay, waana awoowaha ay ku abtirsadaan dadka la yiraahdo Al Jacaafiratu\الجعافرة. 5. Ummu Haani' bintu Abii Dhaalib\أم هانئ بنت أبي طالب. Magaceedu wuxuu ahaa Faakhitah \فاختة, waxaana kaloo la yiri Hind\هند, waxayna ka mid tahay haweenka Hijrooday. Maalintii Makkah\ مكةla furtay, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ka yeelay oo uu magan geliyay dad gaalo ahaa oo ay ayadu magan gelisay. Waxay guursatay Hubayrah bin Wahab Al Makhzuumii\هبيرة بن وهب المخزومي, waxayna u dhashay Camr\ عمروiyo Jacdah\جعدة. 6. Jumaanatu bintu Abii Dhaalib\جمانة بنت أبي طالب, oo ka mid ah haweenka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, baayacay. Waxay caruur u dhashay ina adeerkeed Abuu Sufyaan bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\أبو سفيان بن الحارث بن عبد المطلب. Ilmaha Abuu Dhaalib\ أبو طالبway wada islaameen intaan ka ahayn Dhaalib\طالب. 67 Saddex. Diraaru\ضرار, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Diraaru( ضرارwaa daad kor dhibic ku leh) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, waxayna isku hooyo yihiin Al Cabbaas\العباس, hooyadoodna waa Nutaylatu bintu Janaab نتيلة \بنت جناب. Afar. Abuu Lahab\أبواهب, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, adeerkiis Abuu Lahab أبواهبwaa ina Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلب, hooyadiisna waa Lubnaa bintu Haajira ibnu Cabdu Manaaf bin Daadhir (waa daad dhibic kor ku leh) bin Xubshiyyata bin Saluul ibnu Kacab bin Saluul bin Camr Al Khuzaacii لبنى بنت هاجر إبن عبد مناف بن ضاطر بن حبشية \بن سلول إبن كعب بن سلول بن عمرو الخزاعي. Abuu Lahab أبواهبcirib ayaa ka hartay, wuxuuna ku dhintay Al Xudaybiyyah\الحديبية. Waxaa Abuu Lahab أبواهبloogu bixiyay isagoo wajigiisu qurux la ololayay, koofaartiisuna waxay ahayd Abaa Cutaybata\أبا عتيبة. Magaciisuna wuxuu ahaa Cabdu Al Cuzzaa\عبد العزى. Ilmaha Abuu Lahabأبواهب, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1.Cutbatu bin Abii Lahab\عتبة بن أبي لهب. Waxaa u doonnayd, oo waa la siiyay lamase uusan aqal gelin, Ruqayyata\رقية, gabadha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Kaddibna wuu furay. Markaasaa waxay guursatay Amiiru al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan أمير المؤمنين \عثمان بن عفان. Cutbah\ عتبةwuu islaamay, wuxuuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kala qayb galay Dagaalka Xunayn\حنين,wuxuuna ku sugnaaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, agtiisa markay rag badani carareen. Cutbah\ عتبةwuxuu ku haray Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, Madiinana\ المدينةuma uusan haajirin. Wuxuu islaamay maalinta Makkah\ مكةla furtay. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cutbah\ عتبةwuu u duceeyey. Cutbah\ عتبةwuxuu kaloo ka qayb galay Duullaanka Al Dhaa'if\غزوة الطائف. 2. Cutaybatu bin Abii Lahab\عتيبة بن أبي لهب, libaax ayaana cunay, kaddib markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u Alle baryay inuu libaax cuno. Ciribna kama ayan harin. 3. Mucattibu bin Abii Lahab\معتب بن أبي لهب, wuxuuna islaamay Maalinta furashada Makkah\مكة, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u duceeyey. Maalinta Xunayn\ حنينRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu la sugnaaday, ayadoo maalintaas isga isha laga dhaawacay. Saddexdaas wiil oo kala ah Cutbatu\ عتبةiyo Cutaybatu\ عتيبةiyo Mucattib\معتب, hooyadood waa Ummu Jamiil bintu Xarb bin Umayyah bin Cabdu Shams Xammaalatal Xadhab\أم جميل بنت حرب بن أمية بن عبد شمس حمالة الحطب, ahna Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\ معاوية بن أبي سفيانeedadiis aabihiis Abuu Sufyaan\ أبوسفيانla dhalatay. Magaceeduna waa Hinda\هند. 68 4. Durratu bintu Abii Lahab\درة بنت أبي لهب, waxaana guursday Al Xaarith bin Caamir bin Nawfal bin Cabdi Manaaf\الحارث بن عامر بن نوفل بن عبد مناف, waxayna u dhashay Cuqbatu\عقبة iyo Al Waliid\ الوليدiyo kuwa kaleba. Durratu\ درةwaxay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay axaadiith, waxayna ka mid tahay asxaabta. Shan. Al Muqawwamu\المقوم, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Waa ina Cabdu Al Mudhalib\عبد المطلب, hooyadiisna waa Haalah bintu Uhayb\هالة بنت أهيب, oo Xamzah\ حمزةayay isku bah yihiin Ilmaha Al Muqawwamuالمقوم. Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Hindu bintu Al Muqawwamu\هند بنت المقوم. 2. Arwaa bintu Al Muqawwamu\أروى بنت المقوم. Lix. Cabdu Al Kacbati\عبد الكعبة, Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, hooyadiisna waa Faadhimatu bintu Camr bin Caa'ith\فاطمة بنت عمرو بن عائذ. Culummada qaarkoodna waxay yiraahdeen waa isla ninka la yiraahdo Al Muqawwam\المقوم. Toddoba. Xamzatu\حمزة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib\ حمزة بن عبد المطلبhooyadiis waa Haalatu bintu Uhayb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab\هالة بنت أهيب بن عبد مناف بن زهرة بن كالب, koofaartiisuna waa Abuu Yaclaa\أبويعال. Waxaa kaloo la yiri waa Abuu Cumaarah\أبوعمارة. Da' ahaan wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka waynaa afar sano. Xamzah\ حمزةwaa mid ka mid ah labada nin oo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىku xoojiyay Islaamka markay islaameen, oo ahaa isaga iyo Amiiru al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab\أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب. Markay labadoodu islaameen Diinta ayaa kusoo bannaan baxday, oo qarsoodigii ay ku jirtay kasoo baxday. Labadoodu waxay islaameen sanadka labaad ee Bicthada\البعثة. Waxaa kaloo la yiri: bal wuxuu islaamay sanadka lixaad. Ibnu Cabdu Al Barr\ إبن عبد البرwuxuu kitaabkiisa Al Istiicaabu\ اإليستعابku yiri: "Agteyda sax kama aha inuu Xamzah\ حمزةRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Xalayhi Wasallam, afar sano ka wayn yahay, maxaa yeelay isagu waaba walaalka xagga nuugmada ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayna wada nuujisay Thuwaybatu\ثويبة, 69 mawladii Abuu Lahab\أبولهب. Thuwaybatu\ ثويبةIslaamka sooma ayan gaarin, hadayan ahayn inay laba zaman oo kala duwan ay labadooda kala nuujisay." Waxaa kaloo la yiri: Xamzah\ حمزةwuxuu da' ahaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka waynaa laba sano. Xamzah\ حمزةwuxuu ka qayb galay Duullaanka Badar غزوة \بدر, halkaasoo uu gaalada ku dhigay wacatharo loo jeeday, oo wuxuu goobtaas ku dilay Cutbah bin Rabiicah\ عتبة بن ربيعةoo uu mubaarazu ay isku soo bexeen ku dilay. Waxaa kaloo la yiri: kaas mahayne bal wuxuu dilay midkaas walaalkiis Shaybah bin Rabiicah \ شيبة بن ربيعةoo ay mubaarazo isugu soo bexeen. Xamzah\ حمزةwuxuu kaloo goobtaas ku dilay Dhucaymah bin Cadiyyi\ طعيمة بن عديiyo Sibaaca bin Cabd Camr bin Thaclabah Al Khuzaaciyyi سباع بن عبد عمرو \بن ثعلبة الخزاعي. Waxaa kaloo la yiri: bal Sibaaca\ سباعwuxuu dilay Maalinta Uxud\أحد, intaan isaga laftiisa la dilin ka hor. Xamzah\ حمزةwaxaa shahiidnimo loo dilay Maalinta Uxud\يوم أحد, waxaana dilay Waxshiyyu bin Xarbin Al Xabashiyyi\وحشي بن حرب الحبشي, mawlihii Jubayr bin Mudhcim bin Cadiyyi جبير \بن مطعم بن عدي, kaasoo uu Xamzah\ حمزةadeerkiis Dhucaymah bin Cadiyyi\ طعيمة بن عديBadar \ بدرku dilay. Waxshiyyu\ وحشيintuu usoo dhuuntay oo uu gaaday ayuu Xamzah \ حمزةwaran geliyay oo uu ka dusiyay, ayadoo uu waranka afkiisu dhabarkiisa kasoo baxay oo uu dilay. Markuu dhintay kaddib, ayaa waxaa jirkiisa mathishay Hindu ibnatu Cutbah bin Rabiicahهند بنت عتبة بن ربيعة,oo ah Mucaawiyah\ معاويةhooyadiis, sababtuna ay tahay inuu aabeheed iyo adeerkeed Badar\ بدرku dilay. Tamthiilku\ التمثيلwaa in qof dhintay oo mayd ah la foolxumeeyo, ayadoo xubno jirkiisa ka mid ah laga goynayo. Markaasey uurkiisa dillaacisay, oo intay beerkiisa soo bixisay, ay beerkii oo ceeriin ilkeheeda kusoo qaniintay oo ay soo goosatay. Mase ayan liqin. Maalintaas waxaa Hijrada kasoo wareegatay laba iyo soddon bilood. Maalintaas la dilay, Xamzah\ حمزةwuxuu jiray sagaal iyo konto sano. Isaga iyo wiilka ay walaashiis dhashay oo ah Cabdu Allaahi bin Jaxash\ عبد هللا بن جحشayaa hal qabri la iskula duugay. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad ayuu uga tiiraanyooday markii Xamzah\ حمزةla dilay, ilaa heer uu ninkii dilay oo ahaa Waxshiyyi \وحشي, oo kaddibna islaamay, ku yiri: "."غيب عني وجهك "Ghayyib wajhaka cannii", oo macneheedu yahay "Iga qari wajigaaga oo yaanan mar dambu ku arkin." Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xamzah\ حمزةka yiri: ". "خير الشهداء:" و في رواية."حمزة سيد الشهداء 70 "Xamzatu Sayyidu al Shuhadaa'i" oo macneheedu yahay "Xamzah\ حمزةwaa Sayyidka shuhadada hoggaamiya". Riwaayad kalena waxay warisay: "Khayru al shuhadaa'i" oo macneheedu yahay "Waa midka shuhadada ugu khayr badan". Markii Xamzah\ حمزةsidaas loo fool xumeeyey ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku dhaartay inuu gaalada todobaatan nin ka dili doono, markaasuu Ilaahay Tacaalaa\هللا تعالى, wuxuu kasoo dejiyay Aayadaha boqol lix iyo labaatan ilaa boqol sideed iyo labataan ee Suuratu Al Naxli\سورة النحل. Markay Aayadahaasi soo degeen ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, go'aankiisaas ka haray oo uu iska daayay. Ilmaha Xamzah\حمزة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Yaclaa bin Xamxah\يعلى بن حمزة. 2. Cumaaratu bintu Xamxah\عمارة بن حمزة, waana cirib go'ay. 3. Faadhimatu bintu Xamxah\فاطمة بنت حمزة, waxaana guursaday Al Miqdaadu bin Al Aswad المقداد بن األسود. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, axaadiith ayay ka warisay. Sideed. Al Zzubayru\الزبير, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Al Zzubayru الزبيرwaa aabaha Al Dh-dhaahiru\ الطاهرdhalay, waxaana lagu koofaaraa Abaa Al Xaarith\أبا الحارث. Cirib kama ayan harin. Aabihiisna waa Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب. Ilmaha Al Zzubayruالزبير, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1.Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\عبد هللا بن الزبير, waana cirib go'ay. Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu la sugnaaday Maalinta Xunayn \حنين. Hooyadiis waa Caatikatu bintu Wahab Al Makhzuumiyyah\عاتكة بنت وهب المخزومية. Waxaa Cabdu Allaahi\ عبد هللاshahiidnimo la dilay maalinta Duullaanka Ajnaadiin\يوم أجنادين, khilaafada Abuu Bakar Al Siddiiqu أبوبكر \الصديق, Allaha raalli ka wada noqdee. 2. Al Dh-dhaahiru bin Al Zubayrالطاهر بن الزبيرد. Wuxuu ka mid ahaa wiilasha ugu wanaagsan Quraysh\ قريشiyo reer Banii Haashim\بني هاشم. Ciribi kama ayan harin. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isaga ayuu wiilkiisa Al Dh-dhaahiru\ الطاهرku sammiyay. 3. Ummu Al Xakam bintu Al Zubayr\أم الحكم بنت الزبير. Waxay guursatay Rabiicata bin Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib\ربيعة بن الحارث بن عبد المطلب, ayaduna waa saxaabiyad, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, axaadiith ka warisay. 71 4. Dubaacatu (waa daad kor dhibic ku leh) bintu Al Zubayr\ضباعة بنت الزبير, waxayna ahayd haweenta Al Miqdaad bin Al Aswad\المقداد بن األسود, waxayna u dhashay Cabdu Allaahi\عبد هللا iyo Kariimah\كريمة. Waxay ka warisay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, iyo ninkeeda Al Miqdaadالمقداد. Sagaal. Al Xaarithu\ الحارثNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Al Xaarithu\ الحارثayaa caruurta Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبugu da' weynaa, waana tarmayoo cirib ayaa ka hartay. Hooyadiis waa Safiyyatu (waa saadka shiinka ku xigah) ama Asmaa' bintu Xunaydib bin Xujayr bin Ri'aab bin Xabiib bin Suwaa'ah bin Caamir bin Sacsacah (waa saadka shiinka ku xigah) bin Qays صفية أو أسماء بنت حنيدب بن حجير بن رئاب بن حبيب \بن سواءة بن عامر بن صعصعة بن قيس. Ilmaha Al Xaarithu\ الحارث, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Cabdu Allaahi ibnu Al Xaarith\عبد هللا إبن الحارث, ciribna kama ayan harin. Magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Shams\عبد شمس, markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Allaahi\ عبد هللاu bixiyay. Wuxuu dhintay intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noolaa. 2. Abuu Sufyaan bin Al Xaarith\أبوسفيان بن الحارث. Magaciisuna wuxuu ahaa Al Mugiiratu \ المغيرةwuxuuna ahaa gabayaa. Wuxuu ka mid ahaa kuwa aan oggolaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddibna Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa هللا سبحانه \وتعالى, ayaa ku galladaystay inuu islaamo, wuxuuna ku xoojiyay Islaamka, wuxuuna ka mid ahaa kuwa sugnaaday maalinta ay dadku Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wsallam, ka kala carareen Maalinta Xunayn\حنين. Wuxuu dhintay sanadka lix iyo labaatan iyo Hijriga, waxaana ku tukaday Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka wada noqdee. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Abuu Sufyaan \أبوسفيان ku yiri: "."إني ألرجو أن تكون خلفا من حمزة "Innii la arjuu an takuuna khalafan min Xamzah", oo macneheedu yahay "Anigu waxaan rajeynayaa inaad noqotid mid Xamzah\ حمزةkhayrkiisa ku beddela", Allaha raalli ka noqdo isaga iyo asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhammaantood. Waxaa la wariyay inuu Abuu Sufyaan\ أبوسفيانgodkiisa lagu xabaali lahaa uu isaga laftiisu qotay saddex maalmood geeridiisa ka hor. 3. Umayyah bin Al Xaarith\أمية بن الحارث. Ciribi kama ayan harin, oo ma uusan tarmin. 4. Nawfal bin Al Xaarith\نوفل بن الحارث, lana yiraahdo Abuu Al Xaarith\أبوحارثة, cirib ayaana ka hartay. Nawfal\ نوفلwuu ka da' waynaa adeerradiis Xamzah\ حمزةiyo Al Cabbaas العباسiyo labadiisa walaalba, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi 72 Wasallam, la sugnaaday Maalinta Dagaalka Xunayn \حنين, wuxuuna dhintay markay laba sano ka gudbeen khilaafada Cumar\عمر, Allaha raalli ka noqdee, waxaana lagu duugay Al Baqiic\البقيع. 5. Rabiicatu Ibnu Al Xaarith\ربيعة بن الحارث. Cirib ayaa ka hartay, waxaana lagu koofaaraa Abaa Arwaa\أبا أروى. Wuu ka da' waynaa adeerkiis Al Cabbaas\العباس. Gaalada kalama uusan soo qayb gelin Dagaalkii Badar\بدر, wuxuuna ku maqnaa Shaam\الشام. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu siin jiray boqol Wasaq\ وسقoo miraha Khaybar\ خيبرah sanad walba. Hal Wasaqna\ وسقwaa boqol kiilo iyo xoogaa, ama inta uu rati qaado oo kale. Wuxuu dhintay khilaafada Cumar\عمر, labadiisa walaal ee Nawfal\ نوفلiyo Abuu Sufyaan \ أبوسفيانdabadooda. 6. Arwaa bintu Al Xaarith\أروى بنت الحارث, guursatayna oo u dhaxday Abii Wadaacata bin Dubayrata (waa daad dhibic kor ku leh) Sacdin Al Sahmiyyi \ أبي وداعة بن ضبيرة السهمي, waxayna u dhashay: (1) Al Mudh-dhalib\المطلب, oo ay koofaartiisu tahay Abaa Sufyaan\أبا سفيان, (2) Ummu Jamiil\أم جميل, (3) Ummu Xakiim\أم حكيم, (4) Al Rabcata\الربعة, oo dhammaantood uu dhalay Abii Wadaacah\أبي وداعة. Lixdaas ah Ilmo Al Xaarith\ الحارثhooyadood waa Cadiyyatu bintu Qaysi bin Dhariif Al Fihriyyata Al Xaarithiyyata\عدية بنت قيس بن طريف الفهرية الحارثية. Toban. Quthamu\قثم, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam adeerkiis Quthamu( قثمwaa tha saddec dhibcood kor ku leh) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, waxayna isku hooyo yihiin Al Xaarith\الحارث. Kow iyo toban. Xajlu\حجل, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Ninkaan magaciisu waa Al Mughiirah\المغيرة, oo Xajl حجلwaa koofaar, ciribna kama ayan harin. Aabihiis waa Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, waxayna isku hooyo yihiin Xamzah\حمزة. Ilmaha Xajluحجل, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo adeerradiis 1. Murratu bin Xajl\مرة بن حجل. Laba iyo toban. Al Ghaydaaqu\الغيداق, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis Aabihiis waa Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب. Culummada qaarkood ninkaan wayba ka tagaan oo waxay yiraahdaan waa isla ninka Xajlu\ حجلla yiraahdo, oo ma ah nin kale. Hooyadiisna waxaa weeye, ayuu Al Qutabiyyu\ الفتيبيةyiri, Mumannacatu bintu Camr Al Khuzaaciyyatu\ممنعة بنت عمرو الخزاعية. Luqad ahaan ghaydaaq\ غيداقwaxaa la yiraahdaa cunugga abeeso lugaaleyda, siduu Al Suhayli\ السهيليyiri. 73 Culummada qaarkood waxay yiraahdeen: Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerradiis waa toban oo waxay ka reebeen Cabdul Kacbati\عبد الكعبة, oo waxay yiraahdeen waa isla Al Muqawwamu\المقوم, Al Ghaydaaqu\ الغيداقiyo Xajluna\ حجلwaxay ka dhigeen isku nin. Qaar kalena waxay yiraahdeen waaba sagaal oo waxay kasii reebeen Qutham \قثم. Runtana Rabbi ayaa ogsoon. Eedooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxay culummadu isku waafaqsan yihiin inay eedooyinka Nabigu, SallaaAllaahu Calayhi Wasallam, lix ahaayeen, waxayna kala yihiin: Kow. Caatikatu bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\عاتكة بنت عبد المطلب, eedada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Macnaha Caatikatu\ عاتكةwaaa sifo qofku kasbado, kaddib markay haweentu zacfaraan\الزعفران is mariso oo ay wajigeeda iyo korkeeda hurdi isaga dhigto. Caatikatu bintu Cabdul Mudhalib عاتكة بنت عبد المطلبwaxay u dhaxday Abuu Umayyata bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthata (oo waa tha korka dhibic ku leh, kana dambeysa dha) bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr أبو أمية \بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر, ninkaan damboo ah ninka Quraysh\ قريشla yiraahdo. Markaasey waxay u dhashay Cabdu Allaahi\عبد هللا, oo saxaabi ah, iyo Zuhayr\ الزهيرiyo Qariibah Al Kubraa\قريبة الكبرى. Labadaan dambe saxaabinnimadooda waa la isku khilaafsan yahay. Caatikatu\ عاتكةwaa haweenta ku riyootay Qisada Badar\ بدرintayan Ghazwadu\ الغزوةdhicinba ka hor. Ilmaha Caatikatu\علتكة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmo eedadiis 1. Zuhayr bin Caatikata\زهير بن عاتكة, wuxuuna ka mid yahay Al Mu'allafati quluubuhum المؤلفة \قلوبهم, kuwa quluubtooda la soo dumayo, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, furashada Makkah\ مكةdabadeed uu ghaniimadii Xunayn\ حنينmaal badan ka siiyay. 2. Cabdu Allaahi bin Caatikata\عبد هللا بن عاتكة. 3. Qariiyatu bintu Caatikata\قريبة بنت عاتكة. Saddexdaasba aabohood waa Zaada Al Rakbi Abuu Umayyata bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Camr bin Makhzuum\زاد الركب أبو أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمرو المخزومي. Labo. Umaymatu\أميمة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis Umaymatu أميمةwaaa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, waxayna isku hooyo yihiin Cabdu Allaahi\ عبد هللاiyo Abuu Dhaalib\أبوطالب. Waxay guursatay Jaxsh bin Ri'aab bin Yacmar bin Sabirata (waa saadka shiinka ku xigah) ibnu Murrata bin Kabiir bin Ghanm bin 74 Duudaan bin Barrata bin Asad bin Khuzaymata جحش بن رئاب بن يعمر بن صبرة إبن مرة بن كبير بن غنم \بن دودان بن برة بن أسد بن خزيمة, waxayna u dhashay: (1) Cabdu Allaahi\عبد هللا, oo shahiiday Maalinta Uxud\أحد, (2) Al Mujaddac fii Allaahi\المجدع في هللا, (3) Abaa Axmad\أبا أحمد, gabayaaga indhoolaha ahaa magaciisuna uu Axmad\ أحمدyahay oo Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةusoo haajaray. (4) Cubaydu Allaahi\عبيد هللا, oo islaamay oo arliga Xabashada u haajaray, halkaasoo intuu krishtaan ku noqday ku dhintay. Waana midka asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku oran jiray markuu arliga Xabashada u haajaray: "Annagu waan aragnay (runta iyo diinta runta ah), adinkuna maydnaan arag oo haddaad goobeysaan." (5) Ummu Al Mu'miniina Zaynaba\أم المؤمنين زينب, haweenta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo hore u dhaxday Zayd bin Xaarithah\زيد بن حارثة. (6) Ummu Xabiibata\أم حبيبة, waana haweenta ay xadiithkeeda Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah \أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, warisay, waana xadiithka saddex boqol afar iyo soddon ee Saxiixu Muslim\صحيح مسلم. Ummu Xabiibata\ أم حبيبةwaxay ahayd haweeney mustaxaadah( مستحاضةwaa daadka kor dhibic ku leh) ah, oo dhiig badani ka bixi jiray. Waxay guursatay Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\عبد الرحمن بن عوف, oo ah tobanka Jannada loogu bishaareeyey midkood. (7) Xamnata bintu Jaxsh\حمنة بنت جحش, waxayna guursatay Muscab (waa saadka shiinka ku xigah) bin Cumayr\مصعب بن عمير, kaasoo shahiidnimo Maalinta Uxud\ أحدlagu dilay. Markaasaa waxaa guursaday Dhalxatu ibnu Cubaydu Allaahi\طلحة بن عبيد هللا, waxayna u dhashay Muxammad\ محمدiyo Cimraan\عمران. Saddex. Barratu\برة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis Waxaa dhalay Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\عبد المطلب بن هاشم, waxayna isku hooyo yihiin Cabdu Allaahi\عبد هللا, Abuu Dhaalib\ أبوطالبiyo Al Zzubayru\الزبير. Waxay guursatay Cabdu Al Asad Ibnu Hilaal bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum عبد \األسد إبن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم, waxayna u dhashay Abuu Salamah bin Cabdul Asad \أبوسلمة بن عبد األسد, ninka qabi jiray Ummu Al Mu'miniin Ummu Salamah\أم المؤمنين أم سلمة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haweentiisa, hortiis. Cabdu Al Asad\ عبد األسدdabadiis waxay guursatay Abuu Ruhm bin Cabdu Al Cuzzaa bin Abii Qays bin Cabdu Wudd bin Nasr (waa saadka shiinka ku xigah) bin Maalik bin Xisl Al Caamiriyyi\ أبورهم بن عبد العزى بن أبي قيس بن عبد ود بن نصر بن مالك بن حسل العامريoo u dhashay Qurayshta\ قريشreer Banii Caamir bin Lu'ayy\بني عامر بن لؤي, waxayna u dhashay Abaa Sabrata \أبا سبرة. Waxaa kaloo la yiri: waxay marka hore guursatay Abuu Ruhmأبورهم, dabadiisna Cabdu Al Asad\عبد األسد, oo intaas ayuu kusoo koobay ninka digay kitaabka Al Mawaahibu \المواهب, oo magaciisuna yahay Al Qasdhalaanii\القسطالني. 75 Ilmaha Barratu\برة, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilma eedadiis 1.Abuu Salamata bin Barrata\أبوسلمة بن برة. Aabihiis waa Cabdu Al Asad bin Hilaal bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم. Abuu Salamata\ أبوسلمةmagaciisuna waa Cabdu Allaahi\عبد هللا. Haweentiisa Ummu Salamata binti Abii Umayyata Al Makhzuumiyyi\أم سلمة بنت أبي أمية المخزومي, oo ah ina adeerkeed, ayuu ula haajaray arliga Xabashada. Kaddib markuu soo laabtay, isagoo sidaas labada Hijraba haajaray, wuxuu ka qayb galay Badar\بدر. Wuxuu ka qayb galay Duullaanka Uxud\أحد, maalintaasoo dhaawac halis ah la gaarsiiyay, uuna u dhinta markay saddex ka gudubtay bisha Jamaadul Aakhir\ جماد اآلخرee sanadka saddexaad ee Hijrada. Haweentiisii, Ummu Salamah أم \سلمة, waxaa guursaday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waana Ummu Al Mu'miniin Ummu Salamah\أم المؤمنين أم سلمة. 2. Abuu Sabrata\أبو سبرة. Ma uusan tarmin oo ciribi kama ayan harin. Aabihiis waa Abuu Ruhm bin Cabdu Al Cuzzaa bin Abii Qays bin Cabdu Wudd bin Xisl ibnu Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr\ أبورهم بن عبد العزى بن أبي قيس بن عبد ود بن نصر بن مالك بن حسل العامري, oo ah ninka Quraysh\ قريشla yiraahdo. Abuu Sabrata\ أبوسبرةlabad Hijraba wuu haajaray, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu walaaleeyey isaga iyo Salamata bin Salaamata bin Waqshin سلمة بن أبي سلمة \بن وقش. Abuu Sabrata\ أبوسبرةwuxuu ka qayb galay Badar\بدر, iyo Uxud\ أحدiyo Duullaannadii oo idil, waxaana la oofsaday khilaafada Cuthmaan bin Caffaan\عثمان بن عفان, dhammaantood Allaha raalli ka noqdee. Afar. Safiyyatu\صفية, Nabig, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis Safiyyatu( صفيةwaa saadka shiinka ku xigah) waa ina Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim بنت \عبد المطلب بن هاشم. Hooyadeedna waa Haalatu bintu Uhayb\هالة بنت أهيب, hooyada dhashay Xamzah\ حمزةiyo Al Muqawwam\ المقومiyo Xajl\حجل. Waxay guursatay Al Cawwaamu ibnu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa العوام بن خويلد \بن أسد بن عبد العزى, Ummu Al Mu'miniin Khadiijatu bintu Khuwaylid أم المؤنين خديجة بنت \ خويلدwalaalkeeda la dhashay. Waxay Al Cawwaamu\ العوامu dhashay (1) Al Zzubayru\الزبير, Xawaariga\ حواريRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna tobanka Jannada loogu bishaareeyey midkood. (2) Al Saa'iba\ السائبoo Maalinta Al Yamaamata\ يوم اليمامةshahiiday. (3) Ummu Xabiibah\\أم حبيبة, oo aan tarmin oo cirib go'day. Lama sheegin inay Safiyyah صفية caruur aan intaas ahayn Al Cawwaam\ العوامu dhashay. 76 Al Cawwaam bin Khuwaylid\ العوام بن خويلدhortiis, waxay Safiyyah صفيةu dhaxday Al Xaarith bin Xarb bin Umayyahالحارث بن حرب بن أمية, waxayna u dhashay Sayfiyyi \( صيفيwaa saadka shiinka ka dambeeya). Safiyyah صفيةwaxay dhimatay khilaafada Amiiru Al Mu'miniin Cumar bin Al Khadh-dhaab \أمير المؤمنين عمر بن الخطاب, Allah raalli ka wada noqdee, sanadka tobanaad ee Hijrada, ayadoo markaas saddex iyo toddobaatan sano jirta, waxaana lagu duugay Al Baqiic \البقيع. Waxaa la yiri inayan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedooyinkiisa ayan ka islaamin ayada mooyee. Waxaa kaloo la yiri: bal waxaa kaloo islaamay Arwaa \ أروىiyo Caatikah\عاتكة. Shan. Ummu Xakiim\أم حكيم, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis Magaceedu waa Al Baydaa'\( البيضاءwaa daadka dhibicda kor ku leh oo saadka ku xiga) bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\بنت عبد المطلب بن هاشم, waxayna isku hooyo yihiin, mataanana ay ahaayeen Cabdu Allaahi\عبد هللا, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis. Al Baydaa' البيضاءwaxay u dhaxday Kurayz bin Rabiicah bin Xabiib bin Cabdi Shams bin Cabdu Manaaf\كرز بن ربيعة بن حبيب بن عبد شمس بنعبد مناف, waxayna u dhashay: (1) Caamir\ عامرiyo (2) Ummu Dhalxata\ أم طلحةoo magaceedu yahay Arwaa\أروى, oo ah Amiiru Al Mu'miniin Cuthmaan bin Caffaan\أمير المؤنين عثمان بن عفان, Allaha ralli ka noqdee, oo ka mid ah tobanka Jannada loogu bishaareeyey, hooyadiisa dhashay, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Ilmaha Ummu Xakiim\أم حكيم, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilma eedadiis 1. Arwaa bintu Al Baydaa'a\أروى بنت البيضاء. 2. Caamir bin Al Baydaa'a\عامر بن البيضاء. 3. Ummu Dhalxata bintu Al Baydaa'a\أم طلحة بنت البيضاء. Lix. Arwaa\أروي, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, eedadiis Arwaa أرويwaa ina Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, waxayna isku hooyo yihiin Cabdu Allaahi\ عبد هللاiyo Abuu Dhaalib\أبوطالب, hooyadoodna waa Faadhimatu bintu Camr bin Caa'ith (waa thaalka korka dhibicda ku lel oo deelka ka dambeeya) bin Cimraan bin Makhzuum\فاطمة بنت عمرو بن عائذ بن عمران بن مخزوم. Sidaas ayayna ku xusan tahay kutubbada intooda badan. Kitaabka Al Mawaahib-na\ المواهبwaxay ku xusantahay inay hooyadeed tahay Safiyyah bintu Junaydab\صفية بنت جنيدب, oo ay sidaas isku hooyo yihiin Al Xaarith\ الحارثiyo Quthamقثم. Arwaa أرويwaxay guursatay Cumayr bin Wahab bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayyi bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr عمير بن وهب بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن 77 \ مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهرwaxayna u dhashay ninka la yiraahdo Dhulayb\ طليبoo ka mid ah Muhaajiriintii\ المهاجرينugu horreeyey, kana qayb galay Badar\بدر, oo sidaas Badriyyin\بدري ku ah. Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةka horna wuxuu u haajaray arliga Xabashada. Dhulayb\ طليبwuxuu ku shahiiday Duullaanka Ajnaadiin\أجنادين. Dhulayb ma uusa tarmin, oo ciribi kama ayan harin. Arwaa أرويwaxay kaddib guursatay Kaladata bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabdu Al Ddaar bin Qusayyi\كلدة بن هاشم بن عبد مناف بن عبد الدار بن قصي, waxayna u dhashay Faadhimah\فاطمة. Dhimashada Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبmarkuu ogaaday inuu mayd yahay oo uu dhimanayo, ayuu wuxuu u yeeray lixdii gabdhood oo uu dhalay, wuxuuna ku yiri: "."أبكين علي حتى أسمع ما تقلن قبل أن أموت Oo macnihiisu yahay: "ii ooya, si aan u maqlo waxaad leedihiin intaanan dhiman ka hor." Markaasey mid walba oo ka mid ahi gabay ay aabeheed ku xusayso oo dheer tirisay. Ibnu Haashim\ إبن هاشمwuxuu yiri: "Ma aanan arag qof ka mid ah dadka gabayada u cilmi leh oo gabayadaan yaqaanna." Gabayadana waxaa wariyay Muxammad bin Saciid bin Al Musayyib\محمد بن سعيد بن المسيب. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuxuu jiray, markuu dhimanayay boqol iyo afartan sano, markaasoo sideed sano maroodiga ka dambeysey. Isaga dabadiisna waxay Al Siqaayatu\ السقايةu wareegtay wiilkiisa Al Cabbaas\العباس, kaasoo uu Islaamkuna u qiray oo hayey. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبwuxuu dhintay isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sideed sano jiro, janaazadiisa ayuuna raacay oo daba galay isagoo ooyaya, ilaa looga duugay Xabaalaha Makkah\ مكةee Al Xajuun\الحجون, oo aan Masjid sidaas uga fogayn. Xabaalahaas, oo Masjidka xagga qorrax kasoo bax ka xiga, waxaa kaloo la yiraahdaa Maqbaratu Al Macallaat\مقبرة المعالة. Al Faakihi\ الفاكهيwuxuu yiri: "Makkah\ مكةoo idil kuma yaallo shicib\( شعبwaa dhul buur ku dul yaalla) dadka ku tukanaya uu wajigoodu Qiblada si toos ah u qaabilayo uusanna laab uga jirin, intaan ahayn xabaalah reer Makkah\مكة, qofkaasoo Kacbada ugu jeesanaya isagoo taagaan ayadoo dhan." Xabaalahaas waxaa ku duugan Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid أم المؤمنين \خديجة بنت خويلد, xaaska Nabi Muxammad Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. 78 Sidaas ayuu kitaabkii Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبku dhammaaday, wal xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidina wa Mawlaana wa Shafiicanaa Muxammadin Al Nabiyyi Al Ymmiyyi Wa Calaa Aalihi Wa Saxbihi wa man tabicahum bi ixsaanin ilaa yawmiddiini. Qubuuraha Abuu Dhaalib\أبوطالب, Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبiyo Cabdu Manaaf\ عبد منافee xabaalaha Al Xujuun\الحجون/Al Mucallaat\ المعالةee Makkah Al Mukarramah\مكة المرمة Waxaan masawirkaan kasoo qaadannay bogga laba iyo soddon ee kitaabka uu dhigay Generaal Ibraahiim Rifcat Baashaa\ إبراهيم رفعت باشاee cinwaankiisu yahay: Miraa’atu Al Xaramayni\مرآءة الحرمين Laguna daabacay Madhbacatu Daaru Al Kutubi Al Misriyah bi Al Qaahirah\مطبعة دار الكتب المصرية بالقاهرية مطبعة دار الكتب المصرية بالقاهرة sanadka 1344 H/1925 M 79 Qiyaas sideetanl sano ka hor sidaasay qubuurahaasu ahaayeen, kaddibna inta la dumiyay ayaa dhulka lala simay. 80 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Saddex) Nabi Muxammad Salla Allaahu Calayhi Wasallam awoowihiisa labaad Haashim هاشم بن عبد مناف Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 USA 81 Tusmada Kitaabka Mawduuca 1. Tusmada Kitaabka 2. Araarta dhigaha kitaabka 3. Camr bin Cabdi Manaaf 4. Labada Safar ee Quraysh 2. Haashim iyo Umayyah 6. Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus 7. Thuu Nawaas iyo Nasaarada Muslimiinta ah 8. Daws iyo Boqorka Roomaanka Justiiniyaanus 9. Koofil 10. Koofil Walaashiis 11. Atyaadh oo marka boqorka kaalib fuliyay 12. Afbakayle 13. Dardaaran 14. Maqashiiya uunka 15. Yaman oo gumaysiga Xabashada hoos gashay 16. Boqornimada Abraha ee Yaman 17. Qorshaha dhabta ah ee krishtaanka 18. Abuu Murrata Sayf iyo Kisraa Anuu Shirwaan 19. Sayf bin Thii Yazin iyo Qaysarka Roomaanka 20. Sayf bin Thii Yazin iyo Al Nucmaanu bin Al Munthir 21. Kisraaga uu Nabigu, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, warqadda u dhigay 22. Taajka Kisraa 23. Boqorrada Iiraan 24. Al Iskandar iyo Daaraa 25. Jebinta Sayf bin Thii Yazin ee Masruuq bin Abraha 26. Gumaysiga Iiraan ee Yaman 27. Gumaysiga Iiraan ee amxaarada 28. Amarka Kisraa in Nabi Muxammad, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , la dilo 29. Zamanka Haashim 30. Haashim iyo xilfiga Al Mudhayyabiina "udgoon" 31. Haashim walaalihiis 32. Haashim ilmihiisa 33. Dhimashada Haashim 34. Cabdi Manaaf 35. Cabdi Manaaf walaalihiis Bogga 81 82 84 86 90 91 92 94 96 97 97 98 100 102 103 104 106 106 106 107 108 112 113 114 115 117 118 118 119 122 125 126 127 135 137 82 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini. وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره.بإحسان إلى يوم الدين .الغافلون Kitaabkaan Haashim\ هاشمoo ka kooban saddex iyo soddon qaybood, waa kii saddexaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii تفسير \البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\ األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشورiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka\ ;السننKutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\السهيلي (oo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii\( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii القاضي اإلمام حسين بن \( محمد بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qadii Ciyaad\( القاضي عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, iyo Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati\ كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير البريةSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi اإلمام جمال الدين \ يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسيoo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\ أمير المؤمنين عمرah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar \دليل الحاج المصور uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\ صالح محمد جمال, intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii الحافظ أبي نعيم \ األسبهانيoo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga) iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii اإلمام \( الشافعيdhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee Hijriga) ee Al Ummu\ األمiyo Culuumu Al Quraani\علوم القرآن, iyo kutubbada Imaam Al Nawawii\( اإلمام النوويoo noolaa inta u dhexeysa lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc \المجموع, Manaasiku Al Xajji\ مناسك الحجuuna sharxay Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\( أبن حجر الهيتميoo Makkah\ مكةku dhintay sagaal boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\األذكار, Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi\ سبائك الذهب في معرفة قبائل العربee Shaykh Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al shahiir bi Al Suwaydii الشيخ أبي الفوز محمد \امين البغدادي الشهير بالسويدي, Lisaanu Al Carabi\ لسان العربee Al Imaamu ibnu Al Manthuur اإلمام \( إبن المنظورnolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban 83 Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\ مختار الصحاحee Al Raazii\الرازي, iyo Diiwaanka Gabayadii Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan, uuna uruuriyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ayna Muqdisho ku daabacday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya kun sagaal boqol afar iyo totoddobaatan miilaadiga, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Isniin, afar iyo labaatan Jamaadul Thaanii\ جماد الثانيkun afar boqol saddex iyo labaatan/una dhiganta labada September laba kun iyo laba. 84 Camr bin Cabdi Manaaf\عمروبن عبد مناف Awoowaha labaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Haashim bin Cabdi Manaaf bin Qusayyi هاشم بن عبد مناف بن قصي. Cabdi Manaaf\ عبد منافwuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Caatikatu bintu Murrata bin Hilaal bin Faalij bin Thakwaan\( عاتكة بنت مرة بن هالل بن ذكوانwaa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah), markaasey waxay u dhashay labo wiil oo mataano ah, oo la kala bixiyay Camr\( عمروoo ah Haashim\ )هاشمiyo Cabdu Shams\عبد شمس. Markay labadaas wiil dhalanayeen cagta Haashimهاشم, oo soo horreeyey, ayaa waxay ku dhegganayd wajiga Cabdu Shams\عبد شمس. Markaasaa takhtar loo keenay mindi ku kala fujiyay, halkaasoo uu labadooduba dhiig ka baxay. Markaasey waxay dadkii yiraahdeen, oo ay hoos ugu nuunaaseen: "Wiilashadooda ayaa dhiig dhex mari doonaa." Magaca Haashim هاشمwaa koofaar waa dambe loo bixin doono, magaciisuse waa Camr\عمرو. Magaca Camr\ عمرو. afar macne ayuu leeyahay oo lagu sheegay, oo kala ah: (Kow) Cumriga qofka, oo ah intuu adduunkaan ku noolyahay, ninkana loogu bixiyo yididiilo laga qabo inuu waaro oo uu wax badan noolaado. (Laba) Hilibka cirridka la xiriira oo labadii iligba dhexdooda ku yaalla, (Saddex) Darafta ama afka gacanta khamiiska ama shaatiga. (Afar) Dhegaha dahab ama wax kale ka samaysan oo dhegaha qurux raadin loo gashado. Macne shanaadna waa timirta sonkorta badan oo macaan. Camr bin Cabdi Manaaf\ عمروبن عبد منافwuxuu koray isagoo uu wajigiisa nuur ka kaahayo, oo qofkii arkaba soo jiidanaya. Markuu waynaaday, Camr عمروwuxuu guursaday haweeneyda la yiraahdo Qaylata bintu Caamir bin Maalik Al Khuzaacii\قيلة بنت عامر بن مالك الخزاعي, waxayna u dhashay wiil loo bixiyay Asad\أسد. Waxaa waqtigaas Quraysh\ قريشhaleeshay jiilaal adag iyo gaajo, markaasuu ninkii caruurtiisa wuxuu siiyo u waaya, gurigiisa ayuu hoosta ka soo xiran jiray, halkaas ayayna ku jiri jireen ilaa ay gaajo uga dhintaan, fogaansho ay ka fogaanayaa inay dad baryaan oo ay wax ha nala siiyo yiraahdaan. Ficilkaasna waxaa la oran jiray Al Ictiqaadu\اإلعتقاد. Asad bin Haashim\ أسد بن هاشمwuxuu lahaa wiil ay isku fac yihiin oo ay saaxiibna yihiin oo reer Banii Makhzuum\ بني مخزومu dhashay, uuna jeclaa, ayna wada cayaari jireen. Markaasuu Asad\ أسدmaalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay saaxiibkiis oo ooyaya. Markaasuu wuxuu ku yiri: "Maxaa kaa boohinaya?" Saaxiibkiis wuxuu ku yiri: "Waxaan dooneynnaa inaad ictiqaadno." 85 Markaasuu Asad\ أسدintuu naxay oo uu cabsaday, oo uu arkay saaxiibkiis oo gaajo u dhimanaya, ayuu soo orday oo uu hooyadiis u yimid, isagoo isaga laftiisu ooyaya. Markaasey weydiisay oo waxay tiri: "Maxaa kugu dhacay?" Wuxuu yiri: "Saaxiibkeyga reer Banii Makhzuum\ بني مخزومreerkiisa ayaa doonaya inay ictiqaadaan." Markaasey hooyadiis waxay u dhiibtay bur iyo subag, kuwaasoo ay ayaamo ku noolaayeen. Markaasuu Asad\أسد, hadana, maalin kale saaxiibkiis oo ooyaya arkay, wuxuuna ku yiri: "Maxaa kugu dhacay?" Saaxiibkiis wuxuu yiri: "Reerkeyga ayaa doonaya inay ictiqaadaan." Markaasuu Asad\ أسدaabihiis Camr\ عمروu yimid oo uu u sheegay dhibaatada iyo gaajada uu dadku qabo. Markaasuu Camr\ عمروsoo kacay oo uu Quraysh\ قريشinta shiriyay u khudbeeyey, wuxuuna yiri: ". وأنتم أهل حرم هللا وأشرف ولد آدم والناس لكم تبعا،"إنكم أجدبتم جدبا تقولون فيه وتذلون Oo macnihiisu yahay: "Quraysh\ قريشwaxaa idinku dhacday abaar xun oo idin laysay, idinna dullaysay, adinkoo ah ehelka Xaramka Ilaahay iyo kuwa u sharaf badan intuu Aadan \ آدمdhalay, dadkoo idilna adinkay idin raacsan yihiin oo ay idinka dambeeyaan." Waxay yiraahdeen: "Annaguna adigaan ku raacsannahay oo aan kaa dambeynnaa, taasoo ayan labana isku khilaafsanayn." Markaasuu wuxuu u qorsheeyey oo uu u jideeyey labada Rixlo\ رحلةama Safar: Rixlata Al Shitaa'i\( رحلة الشتاءSafarka Gu'ga ama qaboobaha) oo ay Yaman\ يمنiyo xagga Koofur (iyo arliga xabashada) ganacsiga ugu safraan, iyo Rixlata Al Sayfi \( رحلة الصيفwaa saad), oo ah Safarka Jilaalka oo ay xagga Waqooyi (Shaam\الشام, iyo Ciraaq\ عراقiyo Iiraan\ أيرانiyo Masar\ )مصرganacsi ugu safraan. Camr\ عمروfaa'iidada ganacsigaas laga helo wuxuu ugu wada qaybin jiray kuwa hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba si siman. Camr\ عمروwuxuu Heshiis Saaxiibtinnimo iyo Nabadgelyo iyo Ganacsi la galay Boqorka Shaam\ الشامoo la isku yiraahdo dalalka hadda la kala yiraahdo Siiriya \ سوريةiyo Falasdhiin\فلسطين, iyo Urdun\ أردنiyo Lubnaan\لبنان, oo ay Dimishiq\( دمشقmagacaasna loogu bixiyay ayadoo uu degay ninka la yiraahdo Dmishiqu bin Namruuth\دمشق بن نمروذ, oo ah wiilkuu dhalay boqorkii gaalka ahaa ee Baabil\ بابلoo Nabi Ibraahiim\ إبراهيمCalayhissalaamu dabka ku tuuray, oo intuu islaamay Nabiga soo raacay markuu arliga Ciraaq \ عراقkasoo baxay, oo markuu Nabigu magaaladaas Dimishiq\ دمشقfurtay oo ay islaantay, isagu halkaas degey, oo 86 magaaladiiba isaga loogu magac daray. Runtana Rabbi ayaa og) caasimadda u ahayd, inta kalena ay gobollo u ahaayeen. Camr\ عمروwalaalkiis Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf\ عبد شمس بن عبد منافwuxuu heshiis midkaas la mid ah la galay boqorka xabashada Al Najaashiyyi\النجاشي. Walaalkiis labaad oo ahaa Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\ المطلب بن عبد منافwuxuu heshiiskaas oo kale la galay Boqorka Ximyar\ حميرee Yaman\يمن. Walaakiisa saddexaad oo ahaa Nawfal bin Cabdi Manaaf\ نوفل بن عبد منافwuxuu isaguna heshiis midkaas la mid la galay Boqorka Ciraaq\عراق iyo Iiraan\أيران. Markaasaa waxaa afartaas nin oo walaalaha ah oo ilmo Cabdi Manaaf\عبد مناف ah loogu yeeray "Al Tujjaaru\ "التجارoo ah ganacsatada. Markaasey Qurayshi\ قريشafartaas nin oo ilmo Cabdi Manaaf\ عبد منافah ku lug darsatay, oo ay ganacsi iyo nolol cusub galeen oo heleen. Ilmo Cabdi Manaaf\ عبد منافaad ayaa Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةlooga jeclaaday, makaankooduna uu ku waynaaday. Waaba ayada uu gabayaagu yiri: يا أيها الرجل المحل رحله \\ هال نزلت بآل عبد مناف.1 اآلخذون العهد من آفاقها \\ والراحلون لرحلة اإليالف.2 والرائشون وليس يوجد رائش \\ والقائلون هلم لألضياف.3 .والخالطون غنيهم بفقيرهم \\ حتى يصير غنيهم كالكاف.4 "1. Yaa ayyuhaa al rajulu al muxillu raxlahu Halaa nazalta bi Aali Cabdi Manaafi. 2. Al Aakhithuuna al cahda min aafaaqihaa Wa al raaxiluuna li rixlati al iilaafi. 3. Wa al raa'ishuuna wa laysa yuujadu raa'ishu Wa al qaa'iluuna halumma lil adyaafi. 4. Wa al khaalidhuuna ghaniyyahum bi faqiirihim Xattaa yasiira ghaniyyuhum ka al kaafi." Gabayga macnihiisa waxaa weeye: "1. Ninyahow (musaafirka ah oo) alaabtiisa ratiga kasoo dejinayow Maad ku degtid reer Aali Cabdi Manaaf\آل عبد مناف. 2. Waana kuwa heshiisyada adduunka la soo galay Una safra Safarka heshiiska lagu galay oo la caadeystay. 3. Waana kuwa dadka biyaha waraabiya ayadoo uusan waraabiye jirin Waana kuwa yiraahda: kaalaya aan martida u tagnee. 4. Waana kuwa hodankooda iyo saboolka isku dheeha Ilaa uu hodankoodu uu sida midka in ku filan haysta oo kale noqdo. Labada Safar ee Quraysh\قريش Qurayshi\ قريشwaxay ahayd ganacsato, badeecadaha adduunka ka ganacsata, kuwa Bariga laga keeno sida Hindiya iyo Shiinaha iyo dalalka dhinacaas ka jira; kuwa Galbeedka laga keeno 87 sida Masar\ مصرiyo dalalka qorrax u dhaca ka xiga; kuwa Koofur laga keeno sida dalka Soomaaliya iyo arliga xabashada iyo Afrika iyo kuwa Waqooyiga laga keeno sida Shaam \ الشام, Ciraaq\عراق, Iiraan\ أيرانiyo Yurub. Qurayshi\ قريشwaxay xilliga kulaylaha ganacsi ugu safri jirtay Waqooyiga, oo uu arligaasu kulul yahay, oo waxay mar walba isku beegi jireen xilliga uu dalkaasi uusan qaboobayn, uuse jawigu diirran yahay. Xilliga qaboobahana waxay u safri jireen Koofur iyo dalka Yaman\يمن. Yaman\ يمن. waxay kasoo gadan jireen, gaar ahaan magaalada Cadan \عدن, badeecadaha laga keeno dalalka Bariga ee Hindiya, Shiinaha iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya iyo Afrika. Markaasey intii looga baahan yahayna waxay kusii gadi jireen Makkah Al Mukarramah مكة \المكرمة, inta kalena waxay ganacsi u gayn jireen dalalka Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga, sida Masar\مصر, Yurub, Shaam\الشام, Ciraaq\عراق, Iiraan\إيران, Roomaanka, Griigga, iwm. Cadan\ عدنwaxay weligeed ahaaan jirtay xarun badeecadaha Carabta, Afrika iyo Aasiya lagu kala gaddisto. Waagaas Yurub waxba ma ayan ahayn, oo xadaarad, iyo warshado iyo cilmi iyo badeecado la gato midna ma lahayn. Safarrada Quraysheed\ قريشwaxaa loo agaasimi jiray si heer sare ah, waxayna madaxdoodu u maareyn jireen sidatan: qofka reer Makkah\ مكةah, iyo Dhaa'ifba\الطائف, oo doonaya inuu safarkaas ka qayb galo oo ganacsado, wuxuu lacag ama badeecadda uu doonayo inuu ka ganacsado u dhiibi jiray hoggaamiyaha Safarkaas, oo ma ayan ahayn laga maarmaan inuu isaga laftiisu socdaalo oo uu Safarkaas raaco. Badeecadaha ay reer Makkah\ مكةdalalka kale u iib gayn jireen waxaa ka mid ahaa dahabka iyo qalinka oo arligooda ilaa maanta aad ugu badan, oo buuro dhan oo dahab ah ayaa ku yaalla. Waxay sidoo kale ka ganacsan jireen haragaha iyo saamaha iyo badeecado ay dalal kale ka keeneen. Mar walba waxaa safarkaas hoggaamin jirey nin madaxdooda ka mid ah. Badeecadahaas waxaa la saari jiray oo lagu rari jiray awr, ayadoo uu geelu ahaa gaadiidka waagaas. Waxaa garawaantaas lagu dari jiray, oo burcadda iyo tuugada dariiqyada u istaagta ka ilaalin jiray rag hubaysan oo qabaa'il kale laga soo ijaartay, shaqadooduna ayba ahayd ilaalinta garawaanta. Waxaa kaloo raaci jiray ragga reer Makkah\ مكةoo markaas safarkaas ka qayb gelaya. Safar walba wuxuu ka koobnaa boqollaalo ama kumannaan rati oo raran iyo boqollaalo rag ah oo hubaysan. Ilahayna, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, wuxuuba labadaas Safar kusoo dejiyay Suurad Quraanka Kariimka ah ka mid ah oo Suuratu Quraysh\ سورة قريشah, uuna Cazza wa Jalla\ عزوجلku yiri: ِ َّي ِ َالشت ِ يَل ِّ َيَل ِف ِهم ِر ْحلَة ِ ٍ ف قَُرْي َّ ) َفْل َي ْعُب ُدوا َر2( ف )3( ب َه َذا اْل َب ْي ِت َ ِِْل.بسم اهلل الرحمن الرحيم ْ اء َوالص ْ َ ) إ1( ش ٍ طعمهم ِمن جوٍع وآَم َنهم ِمن َخو َِّ )4( ف ْ ْ ْ ُ َ َ ُ ْ ْ ُ َ َ ْ َالذي أ 88 "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Li iilaafi Qurayshin(1)Iilaafihim rixlata al shshitaa'i wa al ssayfi(2)Fal yacbuduu Rabba haathaa Al Bayti(3) Allathii adhcamahum min juucin wa aamanahum min khawfin(4)" Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi بسم اهلل الرحمن الرحيم. (Nicmadeyda aan ugu nicmeeyey) Quraysh\ قريشoo ah caadeysigooda ay jideysteen(1)Ay ka caado yeesheen Safarka gu'ga iyo Jiilaaka darteed(2)Ee ha caabudaan Rabbiga Baytkaan (oo yeeyan caabudin asnaam aan u nicmayn)(3)Ahna Rabbiga ka quudiyay gaajo, kana aamin geliyay cabsi(4)". Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Iilaaf\ أيالفwuxuu ka yimid aliftual shay'a\ألفت الشيء oo ah waa bilaabay oo jideeyey, waxaana jira tafsiir taas uga haboon oo ah: safarku waa cad cathaab ah, markaaseyan naftu jeclayn, oo naftu waxay jeceshay inay safarka ka harto oo ay ehelkeeda la joogto ayna gurigeeda joogto. Marka: laa ta'lafuhu al nafsu\ال تألفه النفس, oo ah naftu ma jecla ama kama caado yeelato oo safarka uma barato. Al Harawii\ الهرويwuxuu yiri: "iilaaf\ إيالفmacnihiisu waa xarig, xargahaasoo ah heshiisyadii ka dhexeeyey Quraysh\ قريشiyo Boqorrada Cajamka ayadoo uu Haashim\ هاشمheshiis la lahaa Boqorka Shaam\الشام, Al Mudh-dhalibna\ المطلبyu'aalifu oo uu heshiis la lahaa Boqorka Faaris (Ciraaq\ عراقiyo Iiraan\)إيران, labada kalena uu midkood Boqorka Masar\مصر, kan kalena Boqorka al xabashah, kuwaan damboo kala ah Cabdi Shams\ عبد شمسiyo Nawfal\نوفل, oo yu'aalifu macneheedu waxaa weeye, ayuu yiri: yucaahidu wa yusaalixu\( يعاهدوا ويصالحواwaa saad)(oo ah waa la heshiiyay oo heshiisna waa la galay, nabadgelyana waa kula heshiiyay)". Waa intaas warkiisu. Markii la gaaray xilliga Xajka, ayuu Camr bin Cabdi Manaaf\ عمرو بن عبد منافQuraysh\قريش shiriyay, una khudbeeyey, wuxuuna ku yiri: أحسنها وجوها وأعظمها أحالما وأوسط العرب أنسابا وأقرب العرب،"يا معشر قريش إنكم سادة العرب يا معشر قريش إنكم جيران بيت هللا أكرمكم هللا بواليته وخصكم بجواره دون بني.إلى العرب أرحاما فأكرموا، وأحق من أكرم أضياف هللا أنتم، وإنكم يأتيكم زوار هللا يعظمون بيته فهم أضيافه،إسماعيل فورب، فأكرموا ضيفه وزوار بيته،ضيفه وزواره فإنهم يأتون شعثا غبرا من كل بلد على ضوامر كالقدح وأنا مخرج من طيب مالي وحاللي ما لم يقطع،هذه البنية (الكعبة) لوكان لي مال يحتمل ذلك لكفيتكتموه .فيه رحم ولم يؤخذ بظلم ولم يدخل فيه حرام وأسألكم بحرمة هذا البيت أن ال يخرج رجل منكم من ماله لكرامة.فمن شاء منكم أن يفعل مثل ذلك فعل ".زوار بيت هللا وتقويتهم إال طيبا لم يؤخذ ظلما ولم يقطع فيه رحم ولم يؤخذ غصبا Oo macnihiisu yahay: "Quraysheey, waxaad tihiin Carab madaxdeeda, kuwoodana ugu waji qurxoon, uguna yididiilo wayn, uguna laan dheereysan, rixim ahaanna Carab ugu dhow. Quraysheey waxaad tihiin dariska Ilaahay (oo Kacbadu waa Gurigii Ilaahay), wuxuuna idinku karaameeyey Agaasinka Gurigiisa, adinkuuna ubadka Ismaaciil\ أسماعيلidinka doortay inaad dariskiisa noqotaan. Waxaana idiin yimaada martida Ilaahay, oo Gurigiisa inay Wayneeyaan u yimaada, kuwaasoo 89 Martidiisa ah. Adinkaana dadka ugu mudan inaad Martida Ilaahay karaameysaan, marka Martidiisa iyo kuwa soo booqdah karaameeya. Dadkaasu waxay imaanayaan ayagoo boor leh oo timohoodu basaas kacsan yihiin, waxayna ka imaanayaan arli kasta ayagoo awr caatowday oo aad qoryo moodid saaran. Marka Martidiisa iyo kuwa Gurigiisa soo booqday karaameeya. Waxaan ku dhaartay Rabbiga Gurigaan, haddaan lahaan lahaa maal ku filan waan idiinkaga filnaan lahaa, hadase waxaan maalkeyga ka bixinayaa intiisa fiican oo xalaasha ii ah, oo aan riximna lagu goyn, thulmina oo xaqdarrana aan lagu soo qaadan, xaaraanna ayan soo dhex gelin. Marka midkiinna doonaya inuu isaguna sidaasoo kale suubiyo, ha yeelo. Waxaanna xurmada Baytkaan idinku waydiisanayaa inuusan midkiinna ka bixin maalkiisa, isagoo karaameynaya kuwa Guriga Ilaahay soo booqanaya iyo xoojintooda, waxaan ahayn intiisa fiican oo aan thulmi lagu soo qaadan, riximna aan lagu goyn, xoogna aan lagu soo qaadan." Markaasey raggii Quraysheed\ قريشmaalkoodii xalaasha ahaa wax ka keeneen oo ay Daaru Al Nadwah\ دار الندوةisugu keeneen. Maalkaas ayuu Camr\ عمروintuu xoolo iyo cunno ku soo gado ayuu xujayda siin jiray intay Mina\ منىjoogaan iyo ilaa ay markay Xajka gutaan Makkah\ مكةka ambabaxaan. Kaddib waxaa qawmkiisa haleeshay abaar kulul, markaasuu wuxuu kahday inuu kallifaad dheeri ah kusoo rogo. Markaasuu intuu maalkiisa oo idil qaatay wuxuu aaday Shaam\الشام, wuxuuna kusoo gaday Kackac\ كعكعoo ah muufo goobaabin wareegsan ah oo ka samaysan bur, sonkor iyo subag ama saliid. Markaasuu kackacaas awr soo saaray oo uu Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةkeenay. Markaasuu geel qalay oo uu hilbihiisa kariyay, oo uu muufadii googooyay oo uu hilbahaas maraqqooda ku daray oo uu markaas cunoo soorta oo kale ah noqotay oo la yiraahdo Al Thariidu\( الثريدwaa tha saddex dhibcood korka ku leh)(Hilibka laftiisana waa la yiraahdaa Al Thariidu)الثريد. Googooynta muufada (iyo hilbaha) waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa hashama\هشم. Markuu Camr عمروsidaas yeelay ayay dadkii waxay yiraahdeen !هاشم! هاشم Haashim, Haashim, oo ah midka muufada (iyo hilbaha) googooyay. Markaasuu magaciisa Camr عمروahaa wuxuu noqday Haashim هاشم, oo u kacay. Gabayaaga la yiraahdo Ibnu Al Zibacraa إبن الزبعرىwuxuuba ka tiriyay gabayga ah: .عمرو الذي هشم الثريد لقومه \\ ورجال مكة مسنتون عجاف "Camruu allathii hashama al thariida li qawmihi Wa rijaalu Makkata musnituuna cijaafu." Tixda macneheedu waxaa weeye: "Camrigii عمروqawmkiisa muufada u googooyay \\ Ayadoo ay ragga Makkata\ مكةabaarsadeen oo ay caatoobeen." 90 Haashim هاشمwuxuu ahaa nin deeqsi ah oo dadkoo idil caawina, kuwa musaafirka ah iyo kuwa soo Xajjiyaba, wuxuuna qoday ceel, oo markay biyuhu kasoo burqadeenna uu sheegay inuu biyahaas dadka oo idil u hibeeyey. Haashim هاشمwuxuu noqday nin ay Carab oo idili deeqsinnimadiisa iyo karaamadiisa iyo caqligiisa iyo geesinnimadiisa ay wada ammaaneen. Haashim هاشمwaxaa kaloo la oran jiray Abu Al Badhxaa'\ أبوالبطحاءoo ah Aabaha Al Badhaxaa'\البطحاء, taasoo Makkah\ مكةah, iyo Sayyidu Al Badhaxaa'\ سيد البطحاءoo ah hoggaamiyaha Makkah\مكة. Xilliyada jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa cunnada mar walba way fidsanaan jirtay, oo meesha ay soomaalidu ka tiraahdo "Dabkiisu ma dami jirin." Haashim\ هاشمiyo Umayyah\أمية Markaasaa waxaa xasdiyay wiil uu adeer u ahaa oo magaciisu ahaa Umayyatu bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf\أمية بنا عبد شمس بن عبد مناف, oo uu walaalkiisa Cabdi Shams\عبد شمس dhalay. Umayyatu\ أميةwuxuu lahaa maal badan, wuxuuna isku dayey inuu sameeyo wuxuu Haashim \ هاشمsameeyey oo kale, wuuse kari waayay. Markaasey rag Quraysh\ قريشahi ku farxeen oo ay ku qosleen inuu Haashim هاشمgaari waayey. Markaasuu ka carooday, oo uu markaas maalin maalmala ka mid ah uu adeerkiis Haashim هاشمu yimid wuxuuna usoo jeediyay inuu la faantamo. Haashim هاشمarrinkaas wuu kahday, markuu tixgeliyay nasabkiisa iyo makaankiisa, wuuna ka diiday. Quraysh\ قريشayaase waxay diiday waxaan ahayn inuu kaahinka (waa faaliyaha) qabiilka Khuzaacah\ خزاعةu dhashay labadooda kala xukumo, oo kooda uu kaahinkaasu sheego in laga adkaaday xukunkiisu uu yahay inuu bartamaha Makkah\ مكةkonton halaad oo geel ah ku gawraco, Makkana\ مكةlaga musaafiriyo toban sano oo uusan soo geli karin. Markaasuu Haashim هاشمoo rag asxaabtiisa ahi ay la socdaan xagga kaahinkaas u kacay, Umayyana\ أميةoo rag asxaabtiisa ahi ay la socdaan isaguna xagga isla kaahinkaas u kicitimay. Markay kaahinka u yimaadeen, iyo intuusan midkoodna hadlin, ayuu kaahinkii hadlay oo uu yiri: "Waxaan ku dhaartay dayaxa iftiinkiisu aragga qaado, iyo xiddigga nuuraya iyo daruurta roobka sidda iyo inta hawada shimbiro ku sugan iyo intuu ku hanuuno oo uu musaafirku calaamad ka dhigto, in sarreysa iyo in hooseysaba, Haashim هاشمayaa Umayyah\ أميةuga sare maray faantanka." 91 Markaasey intii Haashim هاشمla dhanka ahayd farxeen, isagoo wiilka walaalkiis dhalay ka adkaaday. Ummayah\ أميةwajigiisu wuu xumaaday, madaxa ayuuna foorariyay. Kaahinku intaas kuma ekeyne, intuu Umayyah\ أميةu jeestay ayuu wuxuu yiri: "Ma waxaad la faantamaysaa oo aad la tartameysaa nin kaa joog dheer, kaana himmad wayn, kaana qurxoon, kaana eed yar, kaana wiilal badan, kaana deeqsisan?" Markaasuu Umayyah\ أميةwuxuu yiri: "Is rogidda zamanka waxaa ka mid ah inaan adiga garsoore kaa dhigannay." Markii Makkah\ مكةlagu soo noqday, Haashim هاشمwuxuu soo kexeeyey kontonkii halaad oo Umayyah\ أميةlaga helay, markaasuu bartamaha Makkah\ مكةku bireeyey oo uu hilbohoodana dadka quudiyay. Umayyah\ أميةwuxuu u ambabaxay arliga Shaam\الشام, halkaasoo uu toban sano ku sugnaa, siduu xukunku ahaa. Taasi waxay ahayd bilowga iyo colaaddii ugu horreysey oo dhex marta reer Banii Haashim\ بني هاشمiyo reer Banii Umayyah\بني أمية. Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus Konton iyo labo sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor markuu sanadka miilaadigu ahaa shan boqol toddoba iyo labaatan, waxaa Boqortooyada Roomaanka ee Bari, caasimaddeeduna ahayd Istanbuul ee dalka Turkiga, Boqor u noqday ninka la yiraahdo Justiiniyaanus. Boqorkaas haweentiisana waxaa la oran jiray Theodora, taasoo intayan Boqorad noqon jilaa ahaan jirtay oo riwaayadaha dhigi jirtay oo ka shaqayn jirtay, waxayna ahayd haweeney caqli suuban leh, geesiyadna ah. Sidaas ayay ninkeeda gargaar iyo cududba ugu ahaan jirtay, ilaa ay isagiiba ka itaal iyo awood badatayba. Boqorku wuxuu ahaa krishtaan aaminsan ilaahnimada Ciise\عيسى, Calayhissalaamu, in kastoo uu basharnimadiisa iyo inuu dad yahay uu hadana aaminsanaa. Boqorku wuxuu damcay inuu diintiisaas u dhiso kaniisad wayn oo waarta oo ka sarreysa Haykalka Sulaymaan\سليمان, Calayhissalaamu, oo Quddus\ قدسku yaalla. Markaasuu wuxuu dhisay kaniisadda la yiraahdo Ayaa Suufiyaa\ أيآ صوفياKaniisadda Xikmada Muqaddaska ah, oo Istanbuul ku taalla, kaddibna Masjid laga dhigay. Dhismaha kaniisaddaas kaddib ayuu Boqorku wuxuu ogaaday inay haweentiisu caqiido middiisa Ciise عيسىka duwan leedahay, ayna aaminsantahay inuu Ciise عيسىbashar ahaa oo uusan Ilaah ahayn, siday aaminsanaayeen dariiqada la oran jiray Nasdhuuriyiinta \النسطوريين, oo isaga cadawgiisa ahaa. Wuxuu kaloo ogaaday inay haweentiisu caqiidadeedaas ay rumaynsantahay oo marka isaga caqiidadiisa loo fiiriyo gaalnimada ah, ay faafiso. Halkaas ayaa waxaa ka bilawday wada hadal dhex mara Boqorka iyo Boqoradda oo caqiidadooda ku saabsan, ayaduna ay isku dayeyso inay ku qanciso in hadduu caqiidadaas ku sii taagnaado ay Masar\ مصرiyo Suuriya\ سوريةoo markaas Boqortooyadiisa ka tirsan ay ka go' doonaan, isaguna uu ka baqayo in hadduu caqiidadeeda ku 92 raaco inay Dawladaha Galbeed ka caroonayaan oo ay u dhammeynayaan, oo ay xukunka kala wareegi doonaan. Sidaas ayuu wuxuu ku raadiyay si uu labadaas aragtiyood isku waafajiyo oo aragtida cusub ay uga soo baxdo oo sidaas ku dhalatah uuna ku xambaaro inay qaataan Dawladaha krishtaanka ah oo idil. Sidaas ayay isaga iyo haweentiisa Theodora waxay isku waafaqeen inay qof walba oo uu Paapaha Roma fadhiya ka mid yahay, ay waajib ku tahay inuu raaco caqiidada Boqorka oo oranaysa inuu Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, Ilaah ahaa. Sidaas ayuu Justiiniyaanus wuxuu ku bilaabay aragtida diktaatooriga ah oo keligiis tashiga ah oo ah inuu Boqorku diinta u madax yahay. Sidaas ayuu shirar ku qabtay, go'aannada uu doono ay kasoo baxaan, qofkii mucaarad ku noqdana, ayna madaxda kaniisaduhu ka mid yihiin, xabsiyada ayuu ku hubsadaa. Markaasaa waxaa Istanbuul (oo waagaas Qisdhandhiiniyyah\ قسطنطينيةla oran jiray, oo Boqorka Roomaanka ee Qhisdhandhiinus loogu magac daray) soo gaaray inuu Thuu Nuwaas\ذونواس, Boqorka Yaman\يمن, diinta yuhuuddana galay, Yuusuf-na\ يوسفuu la baxay, uu dariiqa ka gooyey ganacsatadii roomaanka krishtaanka ah ahayd, ayagiina uu laayay, xoolohoodiina uu dhacay, isagoo sidaas ugu aar goynaya walaalihiisa yuhuudda ah oo Boqortooyada Roomaanka lagu cathaabo, ayagoo ay krishtaanku aaminsanyihiin inay yuhuuddu dishay Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, oo ay ayagu Ilaah ahaan u caabudaan. Boqorku arrinkaas ma uusan danayn, isagoo mashquul ku ahaa xarbiyo waawayn oo Boqortooyadiisa ku foorarey, sida la dagaallanka boqortooyada Furus ee Iiraan. Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu ergooyin u kala diray boqorka xabashada oo krishtaan ahaa, magaciisuna Kaalib\ كالبahaa iyo hoggaamiyaha nasaarada Yaman\ يمنdegganayd, uuna uga codsanayo inay dagaal ku qaadaan Boqortooyada Iiraan, xiriirka ganacsi iyo dhaqaaalena ay u gooyaan, ayagoo ay saddexdoodu isku diin yihiin, oo ay sidaas waajib ku tahay inay u gurmadaan oo ay u hiilliyaan walaalohooda ay isku diinta yihiin oo Roomaanka ah. Gaar ahaan wuxuu ergayguu Justiiniyaanus Boqorka Ximyar\ حميرee Yaman\ يمنuu Boqorka Yamaneed ka codsaday inuu ninka la yiraahdo Qays\ قيسu magacaabo odayga hoggaamiyah qabiilka Macadd\معد, uuna diyaariyo ciidan wayn oo ka kooban qabiillada Macadd \ معدiyo Ximyar\حمير, kuna duula Boqortooyada Iiraan. Thuu Nawaas\ ذونواسiyo Muslimiinta Ciise\ عيسىraacsan Qays\ قيسwuxuu ahaa nin geesi ah waxtarna ah, ayna dhaleen madaxda qabiilkiisu. Boqorka Ximyar\ حميرwuxuu ergayga Boqorka Roomaanka ka ballan qaaday wax suuban inuu yeeli doono, ballankuu galayse ma uusan oofin. Boqorka Ximyar\ حميرee Thuu Nawaas\ ذونواسwuxuu u arkay inay Boqortooyadiisa ay Dawlado iyo dad krishtaan ahi hareereeyeen, doonayaanna inay xukunka kala wareegaan, oo xagga Koofureedna waxaa ka xigah boqortooyada xabashada ee Al Najaashiyyi, caasimadeeduna Aksuum tahay, xagga Waqooyina waaba ayada uu Boqorka Roomaanku ka codsaday inuu Qays\ قيسmadax uga dhigo qabiilka wayn ee Macadd\معد. 93 Wadnaha Boqortooyadiisana, ee Gobolka Najraan\نجران, waaba ayaday ku sugan tahay xarun ka mid ah kuwa ugu xoog badan ee muslimiinta. Markaasuu wuxuu is tusay in hadduu krishtaannimada dalkiisa ka tirtiro, uu ciidammada Boqorradaas krishtaanka ah ka ammaan helayo markay dhuullaankiisa usoo dhaqaaqaan, oo ay dalkiisa soo weeraraan. Markaasuu Thuu Nawaas\ ذونواسwuxuu muslimiinta gobolka Najraan\ نجرانee dalkiisa degganayd, kuna taagnayd Diinta islaamka ee Nabi Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay diintiisa yuhuudda soo galaan. Markaasey ka diideen. Markaasaa waxaa kacdoomay muslimiinta degganayd magaalada Thafaar\( ظفارwaa tha korka dhibic ku leh oo caynka ka horreysa), oo mar caasimadda Yaman\ يمنahaan jirtayba, oo axbaashta ahaa oo hub qaatay. Markaasuu Thuu Nawaas ذونواسfarriin u diray uu ku leeyahay: "Haddaad is dhiibtaan oo aad Thafaar\ ظفارgacanta ii soo gelisaan, wax dhibaato ah idiin geysan maynno, bal waxaan idinku celineynaa arliga al xabashah adinkoo nabad qabah." Markaasey hadalkiisaas rumaysteen, oo ay usoo bexeen, waxayna ahaayeen saddex boqol oo nin oo dagaalyahan ah. Markaasuu inta qabqabtay wuxuu u dhiibay yuhuudda oo wada dishay. Markaasey intay yuhuuddu Thafaar\ ظفارgashay ayay masjidyadooda gubtay oo ay dab qabadsiisay, ayada iyo intii dhexdeeda ku jirtayba. Markaas kaddib Thuu Nawaas ذونواسwuxuu warqad u dhigay ninka la yiraahdo Al Xaarith\ الحارثoo madaxda degmada Najraan\ نجرانka mid ahaa, uuna ku waydiisanayo inuu u yimaado isago wada inta raggooda hub qaadka ah. Al Xaarith\ الحارثwuxuu ahaa muslin. Markuu warqadda Boqorka Thuu Nawaas ذونواسhelay ayuu Al Xaarith\ الحارثraggiisa soo aruuriyay oo uu isku keenay, wuxuuna aaday Thafaar \ظفار oo ahayd caasimadda Dawladda. Intuu halkaas u sii socday ayuu wuxuu maqlay siduu Thuu Nawaas ذونواسmuslimiinta Thafaar \ ظفارu khayaanay, markaasuu gaddoomay oo uu Najraan\ نجرانdib ugu laabtay, halkaasoo uu isku ilaaliyay, isaga iyo walaalihiisa msulimiinta ahba. Markaasuu Thuu Nawaas ذونواسNajraan\ نجرانku duulay, markuu tegeyna uu hareereeyey oo uu muddo dul fadhiyay, ilaa ay gacantiisa kasoo gashay. Markaasuu dadkii muslimiinta ahaa wuxuu usoo jeediyay inay Diintooda ka baxaan oo ay diinta yuhuudda galaan, ayaguna way ka diideen. Markaasuu dhufaysyo dhulka ka qoday oo uu jeexay, uuna qoryo ku guray, dabna uu ku shiday. Markaasuu muslimiinta wuxuu ka dhigay qaar uu seef ku laayo iyo wuxuu dabkaas ku dhex rido. 94 Waxaa sidaas ku shahiiday Al Xaarith\الحارث, oo noqday mid kaniisadaha looga heeso, loogana duceeyo. Waxaa la dilay in ka badan labaatan kun oo muslin oo dabka lagu riday. Daws\ دوسiyo Boqorka Roomaanka Justiiniyaanus Waxaa dilkaas ka baxsaday ninka la yiraahdo Daws thaa Thaclabaan bin Xasaan bin Tubbaan Ascadu Abii Kariba\دوي بن ذا ثعلبان بن حسن بن تبان أسعد أبي كرب, oo uu dhalay Boqorkii Yamaneed oo uu dilay walaalkiis Camrعمرو, kaddib markay reer Yamani\ يمنsidaas kula talisay. Sababta ay reer Yamani\ يمنBoqorkaas dilkiisa ugu talisay, oo ay walaalkiis kula taliyeenna inuu dilo waxay ahayd isago Xasaan\ حسنahaa Boqor xarbiyo badan oo dalal badan oo Carab iyo cajam ahba ku duulay. Markaasuu mar uu duullaan qaaday, markuu joogo arliga Ciraaq \ عراقayay ragga Yamaneed\ يمنoo ciidankiisa ahaa isagii iyo dagaalkaba naceen, waxayna dooneen inay ehelkooda iyo dalkooda dib ugu noqdaan. Markaasey waxay la hadleen walaalkiis, oo isaguna ciidankiisa ka mid ahaa, waxayna ku yiraahdeen: "Walaalkaa Xasaan\ حسنdil, annaguna Boqor ahaan ayaan kuu caleemo saareynnaa, dalkeennana dib noogu celi." Markaasuu ka yeelay. Marka Xasaan\حسن, Boqorkaas la dilay wiilkiisii oo magaciisu ahaa Daws Thaa Thaclabaan دوس ذا ثعلبان, ayaa dilkaas Thuu Nawaas ذونواسkasoo baxsaday, oo saxrada kusoo cararay, socdayna ilaa uu Istanbuul ka tago, taasoo caasimadda Boqortooyada Roomaanka ahayd. Markaasuu Boqorka Roomaanka oo krishtaanka ah u tegey, wuxuuna uga warramay wixii dhacay iyo wixii muslimiinta lagu falay, wuxuuna tusay Kitaab Injiil\ اإلنجيلah oo uu watay oo qaarkiis gubtay, wuxuuna waydiistay inuu Thuu Nawaas ذونواسuga hiilliyo. Justiiniyaanus, Boqorka Roomaanku arrinkaas wuu ka fakaray, oo lama uusan laab kicin, wuxuuna is tusay inuusan khayr iyo dani ugu jirin u hiillinta muslimiinta Najraan\نجران, kuwaasoo aaminsanaa inuu Ciise\عيسى, Calayhissalaamu, bashar\ بشرahaa iyo Nabi iyo Rasuul Ilaahay soo diray, caqiidadaasoo ka duwan middiisa uu isagu rumaysan yahay oo oraneysa inuu Ciise عيسىIlaah ahaa. Wuxuu kaloo is tusay inay Najraani\ نجرانdalkiisa ka fogtahay: marka yaa og waxay Boqortooyada Iiraan\ إيرانsuubin doonto hadduu ciidankiisa Najraan\ نجرانu diro oo uu xarbigaas dhex galo. Markaasuu wuxuu Daws\ دوسku yiri: "Beledkaagu waa ka fog yahay beledkeenna, gacanteenuna ma gaarto, oo ma awoodno inaan ciidankeenna ku qabanno, waxaanse warqad u dhigayaa boqorka xabashada oo isaguna diintaan ku taagan, beledkiisuna uu beledkiinna midkeenna uga dhawyahay. Marka isagaa ku taageeraya oo kuu hiillinaya oo kuu gargaaraya, kuna daafacaya, kii ku gardarreystana kaaga aar goynaya, adiga iyo dadka diintaada ku jirana ka xalaaleystay wuxuu ka xalaaleystay." 95 Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu warqad u dhigay walaalkiisa xagga diinta Kaalib \كالب boqorka xabashada, uuna ugu sheegayo xaqqa uu ku leeyahay iyo waxa kasoo gaaray dadkay isku diinta yihiin, uuna ku amrayo inuu Daws\ دوسu hiilliyo, ugana aar gooyo midka isaga iyo dadkay isku diinta yihiin kusoo xadgudbay. Warqaddiina wuxuu ugu dhiibay Daws\ دوسlaftiisa, kaasoo Istanbuul kasoo baxay, soona aaday Aksuum, caasimadda dawladda al xabashah. Waxaa ayaguna boqorkaas xabashada u yimid dad reer Najraan \ نجرانah oo waydiistay inuu ku taageero la dagaallanka Thuu Nawaas\ذونواس. Markaasuu Al Najaashiyyu wuxuu raggaas ku yiri: "Anigu rag iyo ciidan dagaallama waan hayaa, mase hayo doonyo aan raggaas saaro (oo Badda Cas ka tillaabiya). Marka waxaan warqad u dhigayaa Justiiniyaanus, oo aan waydiisanayaa inuu maraakiib ii soo diro." Markaasuu boqorka xabashadu wuxuu warqad u dhigay walaalkiis Justiiniyaanus, uuna ku waydiisanayo doonyo uu kula dagaallamo Yaman\يمن, uguna hiilliyo diinta Al Masiixu\المسيح. Sidaas ayay labadaas Boqor ugu heshiiyeen la dagaallanka Yaman\يمن. Markay maraakiibtii soo gaareenna Al Najaashiyyu wuxuu saaray ciidan toddobaatan kun oo nin ka kooban, wuxuuna taliye uga dhigay ninka la yiraahdo Aryaadh\أرياط, kaasoo uu amrkaan siiyay: "Haddaad ka adkaatid dalool raggooda dil (waa marka saddex meelood loo qaybiyo meel), dalool arligoodana kharaabi oo burburi, dalool haweenkooda iyo caruurtooda addoonnimo u qaado." Ciidankaas uu Aryaadh\ أرياطtaliyaha u ahaa waxaa ka mid ahaa Abraha\أبرهة, oo isaguna qorshihiisa u gaarka ah watay. Ciidankii Badda Cas ayuu ka tillaabay, uuna xeebta Yaman\ يمنku degay. Thuu Nawaas ذونواسmarkuu maqlay khabarkooda, ayuu odayadii qabaa'ilka Yamaneed u ciddiray inay ku soo biiraan oo ay dalkooda wadajir u daafacaan. Wayse ka diideen oo waxay yiraahdeen: "Qabiil walba dhulkiisa ha daafacdo." Sidaas ayay talada iyo cududda Yamani\ يمنku kala dhanbalantay, oo ay u kala firdheen. Kaddib waxaa iska horyimid ciidankii xabashada oo uu Aryaadh\ أرياطhoggaaminayo iyo ciidanka qabiilka Ximyar\ حميرoo uu Thuu Nawaas ذونواسhoggaaminayo. Ciidanka Ximyar\ حميرwaa laga adkaaday, goobtaas ayaana Thuu Nawaas ذونواسisagoo dagaallamaya lagu dilay. Markaasaa nin la yiraahdo Calqamatu Thuu Jadan\علقمة ذوجدن, oo Thuu Nawaasذونواس geeridiisa u booyaya wuxuu tiriyay gabay ay tixdaani ka mid tahay 96 أوماسمعت بقتل حمير يوسفا \\ أكل الثعالب لحمه لم يقبر "Awa maa samicat bi qatli Ximyaru Yuusufan Akala al thacaalibu laxmahu lam yuqbar." Tixda macneheedu waxaa weeye: "Ximyar miyeeyan maqlin dilka Yuusuf Hilibkiisa dawacooyinka ayaa cunay, lamana duugin." Soo ma aha geeri la mid ah tii lagu dilay Koofil (waa Richard Corfield, oo gaal ingiriis u dhashay oo madaxda ciidammada ingiriiska dalka Soomalida u fadhiday ka mid ahaa, madaxna u ahaa Rukuubleyda - Camel Corps- laguna dilay dagaalkii Ruuga -Dulmadoobe- oo Daraawiishta iyo Ingiriiska dhex maray sagaalka bisha Oktoobar ee kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo toban) askarigii ingiriiska ahaa oo uu Sayyid Maxammad Cabdille Xasan dilay, kaddibna uu yiri: Koofil "Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jahato Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleye Jameecooyinkii iyo haddaad , jowhartii aragto Sida Eebahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh Jiraayadey ila dhaceen, jilic afkoodii dheh Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheegoo Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji Nafjeclaysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh Jeedaaladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh Jimic kagama helin tuugmadaan, jiriyey ruuxii dheh Markaan juuq iraahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh Dhaaxaan jalaacaye dheg baan , jalaq la ii siin dheh 97 Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaanqaaday Sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh Markay rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh Jirkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh Jurmidiyo baruurtii dhrwaa, jugux ka siiyaa dheh Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh Haddaan lays jikaareyn tolkey, laga jil roonaa dheh Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh. Kaddib ayaa waxaa Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan soo gaartay inay koofil walaashiis weer madow xiratay, ingiriisna ay waydiisatay inuu siiyo ciidan ay Daraawiish kula dagaallanto oo ay walaalkeed u aargoyso. Markaasuu wuxuu Sayyidku tiriyay gabay magaciisu yahay Koofil walaashiis, wuxuuna ku yiri: Koofil Walaashiis Casayrow adaa muudayoo, meel xilluu kiciye Adigaaa magaalooyinkii, mari ishaaleeye Warka lagama maarmee haddii, madal laguu yeesho Mid yar baan ku sii farahayaa minka ka higaadi Inkastey majaha kaa xiraan, muuji hadalkeyga Gabaygaa ha lagu maadsadee, uunka maqashiiya Waa mahad Ilaahay haddii, Koofil mowd yahaye Ingiriisba meeshii ka maray, maara waayuhuye Maantana midkii soo baxaa, mowtigiis galay dheh Midgaantii walaashiis ahayd, waa tan murugoone Intay calal madow qaadatay, oohin mirataa dheh Waa wax maanka laga dhoofiyee, ha iska mowleyso. Aryaadh\ أرياطoo amarka boqorkiisa Kaalib\ كالبfuliyay Aryaadh\ أرياطmarkuu Thuu Nawaas ذونواسka adkaaday, wuxuu meel mariyay amarkii Boqorkiisa, oo dalool raggii Yamanna\ يمنwuu laayey, dalool arligaasna wuu burburiyay, dalool haweenkii iyo caruurtiina wuxuu addoon ahaan ugu diray Al Najaashiyyi ee Boqorka arliga Xabashada, oo suuqa lagu kala gatay. 98 Markaasey Yamani\ يمنmaahmaah ka dhigatay wuxuu dhibaato Daws Thaa Thaclabaan دوس ذا ثعلبانusoo hoggaamiyay, oo xabashada ah, oo Yaman\ يمنwaxay ku fashay ku fashay. Maahmaahdaasna wa sidatan: "!"ال كدوس وال كأعالق رحله "Laa ka Dawsin wa laa ka aclaaqi raxlihi", oo ah "Maya oo ma dooneynno wuxuu Daws\ دوسfalay oo kale iyo wuxuu watay," oo amxaaraduu keenay ah. Gabayo badan oo dheerdheer ayay reer Yaman\ يمنka tiriyeen hoogga iyo ba'da ay amxaaradu dadkooda iyo dalkooda ku faleen, siday dalkii iyo daarihii u burburiyeen iyo waxay kuwa madow haweenkooda ku faleen. Gabayaagaas waxaa kuwa ugu af dheer ka mid ahaa Thuu Jadan Al Ximyariyyi\ذوجدن الحميري. Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan kuwa amxaarada iyo gaalada Soomilida Muslinka ah ssoo gelisay, oo Soomaalida waxay ku faleen ku falay, wuxuu ka yiri waxaa ka mid ahaa, gabayga Afbakayle la yiraahdo. Abbakayle waa meel degmada Laas Caanood afartan Mayl dhinaca Galbeed ka xigta, waana goobtii ugu horreysey oo ay Darawiishta iyo Ingiriis dagaal hubaysan isaga hor yimaadeen saddexdii bisha Maajo ee kun iyo sagaal boqol iyo kow. Xuseenow caqligu kaama baxo (Afbakayle) Xussenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye Alla igama qaadow adaan, kala ilaaweynee Eedaanka maqal waa Salaad, loo addimayaaye Ilaahii abuurayba kuwii diiday, amarkiisa Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aaneystay Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey Oo Aw Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey 99 Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey Oo Mililikh aabe u yehee, u arrin qaadaayo Oo Xabashi eedi u noqdee, u ololaynaayey Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay Ee Oodagooyoiyo na dhigay, aydii Daratoole Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystay Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay Ee Eeraago iyo Batalo, igu uquumeeyey Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyay Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba Anigoo islaamaba, ii arxami waayay Nimankaan Ilaahow lahaa, eyda iga doono Abaalkayga nimankii ba'shee, ii istixayn waayey Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay Nimankii arlada Eebahay, naga ugaareeyey Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay Nimankii abaartii Caleed, Bari na aadsiiyey Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey Nimankii ilmada iga qubee, oohin iiga keenay Nimankaan ku alaaladay markii, uunku wada jiifay Nimankii ajuurada cunee, iibka ii bixiyay Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin Waxba yey addoomada Ilaah, nooga aargudine 100 Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne. Wuxuu kaloo gabayga Dardaaran la yiraahdo ku yiri, kaddib markii uu Ingiriis kun sagaal boqol sagaal iyo toban markii ugu horreysey taarikhda Afrika uu dayuurado dagaal kusoo kiciyay Xarunta Darwaawiishta ee Taleex tiillay oo uu duqeeyey, dhulkana kasoo weeraray, Sayyid Mammad Cabdille Xasanna uu Koofur u guuray, ayuu gabaygaan tiriyay, wuxuuna yiri: Dardaaran Min daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay Dermo iyo firaash lagu gam'iyo, daalam iyo googgo' Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay Dhakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmay Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dhukhuulaayey Dabatoobka Iidoor wuxuu, darayey caarkiisa Lo' durdura wixii deebla geel, nala ka sii daayey Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyey Dirrowgii qabsaday reerkayga, dalankicii gaaray Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska Dan la'aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo Maruun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqqay Annagu diidi maynoo mar baa, Daayin noo wacaye Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e Kolna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa 101 Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa Inkastoo daleel nala dhigaan, docna nagu cayman Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaayee Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede Anaan labada daarood tan hore, derejo moodayne Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine Goortay dareereen anaan, diiradduu qabane Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine Anaan doora weynow kufriga, daacadnuu geline Ferenjiga dirayska leh anaan, diiradduu qabane Sida doxorka Iidoora anaan, duudxammaal noqone Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirane Anigaan dariiqada Alliyo, Diinta caasiyine Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye Waa wixii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye Waa wixii dayoy yiri intuu, soo dabbaaldegayee Dadow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado Daw lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go'aysaane Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsada e Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye 102 Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye. Qorallada ay reer galbeedku dhigeen waxay ku sheegeen inuu ingiriisku waagaas shacbiga soomaalida ka dilay dalool, oo ah marka saddex loo qaybiyay qayb. Gabaygaan soo socdana, oo la yiraahdo Maqashiiya Uunka, wuxuu u dhiibay labada nin oo la kala oran jiray Cabdalla Shixiri iyo Xirsi Afdiir, oo aqoon dheer u lahaa afafka qalaad ee reer galbeedka, ummadaha shisheeyaha dhex markooda iyo Diinta Islaamkaba, wuxuuna yiri: Maqashiiya uunka Cabdalla maan qaboobiyo, Xirsi maakib laawow Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar Habaryoonis madasheeda, mariya weedha aan iri Toljeclaha muraadkaygiyo, masaafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tiraahdaan, nimanka mooradii furay Mawaacidada Diinkii, ma wax leysku maagaa?! Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?! Mushaarada beenihii, ma wax lagu mannaagaa?! Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?! Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?! Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi Kutubtaa u maragee, ma wax lagu murmaa baa?! Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan Haddaydnaan mujrim ahayn, masala maad u haysaan?! Masala-gaabyadiinnaa, meel daran idiin dhigay Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaa munkirayoo Muqfiradii Ilaahay, idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsana, idinkaa muraystoo Muuminnimada laabtaa, idinkaa mantagayoo Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo Kufriga i mahoobbiyey, idinkow miciinoo Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusidda, idinkaa makalaayoo Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi Markaad Maxammadkiinnii, malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay Waxaan maqallay ferenjigu, inuu miiri idin qoray! Waxaan maqallay maalkii, inuu idinka meersaday! Waxaan maqallay ooryaha, mid san inaad ka weydeen! Waxaan maqallay madaxdiinna, in midiidin laga dhigay! Aan miis yar mooyee, Maydho geel la siinayn! 103 Waxaan maqallay maahyahow, magaciin inuu ba'ay Intaasoo masiibaa, waxa igala maad badan Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen! Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn! Dadka maanta amxaaro la yiraahdo waa dad Carab reer Yaman \ يمنah, una dhashay qabiilka la yiraahdo Ximyar\حمير, taariikhda ay tirsatana waa taariikhda Ximyarحمير, oo amxaaro waa Ximyar حميرoo la is daba mariyay. Yaman\ يمنoo gumaysiga xabashada hoos gashay Kaddib Aryaadh\ أرياطwuu socday isagoo magaalo kasta oo uu qabsado mid kale uga sii gudbaya, ilaa Yaman\ يمنoo idil ay isaga u xasishay oo uu gacanta ku dhigay. Sidaas ayay Yamani\ يمنwaxay ku noqotay mustacmarad xabashiyeed. Markay sidaas sanooyin ahayd ayuu ninka la yiraahdo Abraha\أبرهة, oo ciidanka Aryaadh\أرياط ka tirsanaa, wuxuu doonay inuu Boqornimada Aryaadh أرياطkala wareego. Markaasuu xukunka ku qabsaday. Markaasuu ciidankii xabashadu labo u kala jabay, oo uu jab Aryaadh أرياطla saftay, jabka kalena uu Abraha\ أبرهةla saf noqday. Markaasaa waxaa lagama maarmaan noqotay inuu dagaal dhaco si loo kala baxo. Markaasuu Abraha\ أبرهةinta ciidanka raacsanaa soo watay uu xagga Aryaadh أرياطsoo aaday, oo ay labadii ciidan isu soo dhowaadeen. Markaasuu Abraha\ أبرهةfarriin u diray Aryaadhأرياط, uu ke leeyahay: "lagaa yeeli mayo inaad labo ciidan oo xabasho ah iska hor keentid oo ay markaas is baa'bi'iyaan, ee adigu ii soo bax, anna waan kuu soo baxayaaye, oo labadeenna midkii la dilo ciidankiisu midka adkaaday ha raaco." Aryaadhأرياط, markuu farrintaas helay wuxuu u soo faray Abraha\ أبرهةfarriin uu ku leeyahay: "Gar ayaad soortay, ee soo bax." Markaasuu Abraha\ أبرهةusoo baxay, wuxuuna ahaa nin gaaban oo hilib badan. Aryaadhnaأرياط wuxuu ahaa nin wayn oo dheer oo qurxoon, gacantana wuxuu ku sitay waran markuu soo baxay. Abraha\ أبرهةwuxuu dhabarka iska mariyay taag uu ku qarsoon yahay nin addoon ah oo uu isagu lahaa, lana oran jiray Catwadatu\عتودة. Markaasey markay labadoodii isu soo dhowaadeen ayuu Aryaadh أرياطinta warankiisa kor u qaaday tuuray oo uu Abraha\ أبرهةmadaxa uga dhuftay, isagoo madaxa la doonayey. Warankiise wuxuu Abraha\ أبرهةuga dhacay wajiga, isagoo jeexay sunnada indhaha iyo ishiisa iyo sanka iyo dhabanka iyo bashimahaba. Taas ayaana u sabab ah in Abraha\ أبرهةloo bixiyay Al Ashramu\األشرم, oo sharima\ شرمwaxaa weeye waa jeexay, waa dillaaciyay. Marka Abraha 104 Al Ashramu\ أبرهة األشرمwaa Abraha dhaban ama canjeex. Markaasaa waxaa Aryaadh أرياطsoo weeraray addoonkii Abraha\ أبرهةee ahaa Catwadatu\عتودة, oo dhabarka Abraha\ أبرهةuga yimid, oo dilay. Sidaas ayuu ciidankii Aryaadh أرياطwuxuu raacay oo uu u hoggaansamay Abraha\أبرهة, ciidankiisana ku darasamay. Markaasey xabashadii Yaman\ يمنoo idil ay Abraha\ أبرهةisugu timid, oo ay u wada hoggaansantay. Boqornimada Abraha\ أبرهةee Yaman\يمن Markuu warka ku saabsan wuxuu Abraha\ أبرهةfalay uu boqorka xabshada Al Najaashiyyi gaaray si xun ayuu u carooday, wuxuuna yiri: "Amiirkeygii aan magacaabay oo wakiilka iga ahaa ayuu dilay amarkeyga la'aantiis", wuxuuna ku dhaartay inuu dalkiisa cagta mariyo (waa Yaman\ )يمنisagana uu guudka ka gooyo (oo dilo). Markuu khabarkaasu Abraha\ أبرهةgaaray, ayuu madaxa iska xiiray, jiraabna uu ciidda Yaman \ يمنka buuxiyay, labadoodiina uu Al Najaashiyyi u diray, warqadna uu u raaciyay, uu ku leeyahay: "Boqorow, Aryaadh\ أرياطwuxuu ahaa addoonkaaga, aniguna waxaan ahay addoonkaaga, amarkaaga ayaanna isku khilaafnay, annagoo labadeennuba aan adiga daacad kuu nahay, anigaase amarka xabashada uga xoog badnaa, amarkaasna uga adkaa, ugana siyaaseysnaa oo uga maareyn fiicnaa. Madaxayga oo dhan ayaan xiiray markay dhaarta Boqorku isoo gaartay, waxaanna usoo diray jiraab ciidda Yamaneed ah, si uu labadiisa cagood hoostooda dhigo oo uu cagihiisa mariyo, oo uu sidaas dhaartiisii u meel mariyo." Markay timihii iyo ciiddii Al Najaashiyyi gaareen, raalli ayuu ku noqday, wuxuuna Abraha أبرهةusoo diray dhambaal oranaya: "Hawshaada aad arliga Yaman\ يمنka haysid ku sugnow ilaa uu amarkeygu kaaga yimaado." Sidaas ayuu Abraha أبرهةwuxuu ku noqday Boqorka Yaman\ يمنoo ayan cidna ku haysan. Afka xabashada Abraha أبرهةmacnihiisu waxaa weeye "midka wajiga cad". Waxaa la yiri inay dadka xabashada la yiraahdo yihiin ubadka ninka la yiraahdo Xabashu bin Kuush bin Xaam bin Nuux\حبش بن كوش بن حام بن نوح, Calayhissalaamu. Waxaa kaloo la yiri waa ubadka ninka Carabta Yamaneed\ يمنah oo la yiraahdo Xabashu\حبش, uuna ku abtirsado qabiilka Yamaneed oo la yiraahdo Xabashah\حبشة. Waxaa kaloo la yiri waxay walaalo yihiin oo ay wada dhasheen ninka la yiraahdo Barbar\ بربرoo waa ubadka ku abtirsada ninkii magaciisu ahaa Jaaluut\( جالوتoo uu Al Mascuudi\ المسعوديyiri waa Jaaluut bin Baayuul bin Riyaal bin Xadhaan bin Faaris\ )جالوت بن بايول بن لاير بن حطان بن فارسoo u dhashay qabiilka Carbeed ee Al Camaaliqah\العمالقة, uuna dilay Nabi Daauud\داود, Calayhissalaamu, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, noogu sheegay Aayadda laba boqol kow iyo konton ee Suuratul Baqarah\سورة البقرة. Runtana Rabbi ayaa og. Abraha أبرهةmarkuu Yaman\ يمنgacanta ku dhigay, oo ay u sugnaatay, ayuu wuxuu u yeeray Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\أبومرة سيف بن ذي يزن, oo odayga Yaman\ يمنahaa, wuxuuna 105 ka qaatay haweentiisii magaceedu ahaa Rayxaanatu bintu Calqamah bin Maalik ريحانة بنت علقمة \بن مالك. Haweentaasi waxay Abuu Murrata\ أبومرةu dhashay Macdii Karib bin Sayf bin Thii Yazin\معدي كرب بن سيف بن ذي يزن. Markuu haweentaas ninkeeda ka qaatay, ayuu Boqorad ka dhigay, uuna guursaday, waxayna u dhashay wiilkiisa Masruuq bin Abraha\مسروق بن أبرهة. Wiilkaas waxaa Masruuq\ مسروقu bixisay Carabta Yaman\يمن, uguna bixiyeen in hooyadiis laga xaday ninkeedii qabay, oo Masruuq\ مسروقmacneheedu waa "Midka la xaday". Wilkaas waxaa kaloo la oran jiray Thii Shanaatir\ذي شناتر, oo aabihiis ayaa wuxuu madax uga dhigay oo uu siiyay dhulka la yiraahdo Shanaatir\شناتر. Al Shanaatiru\ الشناترafka Ximyar\ حميرwaxaa la yiraahdaa faraha gacanta oo middiina waa Shunturatu\شنترة. Markay Yamani\ يمنu xasishay, maalkiisuna uu batay, ayuu Abraha أبرهةwuxuu ku noolaaday nolol boqornimo iyo hodannimo, wuxuuna dhistay qusuur waaweyn, kaniisadana wuxuu ka dhisay gobollada Ma'rib\ مأربiyo Thafaar\ ظفارiyo Sanca\ صنعاءiyo Najraan\نجران, halkaasoo uu diinta krishtaanka ka fidin jiray, Carabtana uu ugu yeeray inay Kaniisaddiisa Sanca \ صنعاءusoo xajiyaan. Wiilkiisa kale oo magaciisu ahaa Aksuum\أكسوم, hooyadiisna ay xabashiyad ahayd, wuxuu u dhiibay talada gobolka Macaahir\معاهر, markaasaa loo bixiyay Thii Macaahir\ذي معاهر. Sidaas ayuusan Abraha أبرهةdhegna u raaricin jirin codsiga uga yimaada Boqorrada Roomaanka oo ahaa inuu Xijaaz\ الحجازku duulo, isagoo ka baqanayey kulaylkeeda iyo saxradeeda iyo oomaneheeda, oo ma uusan doonayn inuu Boqortooyadiisa ku khamaaro, oo uu halkaas harraad ugu dhinto siduu Paulus Gallus ugu dhintay oo kale, kaasoo uu Boqorka Roomaanku u soo diray inuu dalalka Carabta usoo gacan geliyo. Abraha أبرهةwuxuu doonay inuu qabiil walba oo carbeed goonidiisa u maamulo, oo uu ku dhaqo talada ah kala qaybi oo xukun. Markaasuu wuxuu nin Carab ah u magacaabay Xaakimka gobolka Tihaamata\ تهامةoo ka kooban qaar Yaman\ يمنka mid ah iyo Xijaaz\الحجاز, ayna ku yaalliin Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةiyo Al Madiinata Al Munawwarati\المدينة المنورة. Markuu u tegey ayay raggii gobolkaas degganaa dileen, ayadoo uusan hore ninna u talin. Wuxuu kaloo Abraha أبرهةcaleemo saaray ninka la yiraahdo Muxammad bin Khuzaacii محمد بن \خزاعي, wuxuuna madax uga dhigay qabiilka wayn ee Mudar\( مضرwaa daadka kor dhibicda ku leh), wuxuuna ku amray ninkaas inuu dadka ugu yeero inay kaniisaddiisa Sanca \ صنعاءku taalla usoo xajjiyaan, intay Makkah\ مكةu xajjin lahaayeen. Ninkaasi markuu arliga Mudar\ مضرtegey ayay waxay u direen nin Huthayl\ هذيلu dhashay oo fallaar ku dhejiyay oo dilay. Abraha أبرهةarrinkaan aad ayuu uga carooday, wuxuuna arkay in inkastoo ay Carabi qabaa'il kala duwan yihiin, hadana waxa ka dhexeeya oo ay heshiis ku wada yihiin Kacbada Makkah \ مكةku taalla inay tahay. Markaasuu goostay inuu Gurigaas dumiyo, si ay Carabi u kala firdhato, oo uu sidaas ku wada xukumo. Markaasaa waxaa dhacay, hadana, arrinka ninka reer Banii Kinaanah \ بني كنانةu dhashay oo kaniisaddiisa musqul ahaan u isticmaalay. 106 Markaasuu Abraha أبرهةwuxuu gurmad weydiistay Al Najaashiyyi, si uu Makkah\ مكةugu duulo, kaasna uu ciidan iyo maroodiba u soo diray. Markaasuu Wuxuu Abraha أبرهةisku diyaariyay weerar xoog leh oo ayan Carabi mid la mid ah hore u arag, si ay isku gaaraan gacnaha krishtaanka xabashada iyo Yaman \ يمنee Xijaaz\الحجاز Koofurta ka xigah, iyo krishtaanka Shaam\ الشامoo ay reer Ghassaan\ غسانBoqorrada u yihiin, iyo krishtaanka Boqorrada Roomaanka ee Caasimaddoodu Istanbuul tahay, oo Xijaaz\الحجاز Waqooyiga ka wada xigah. Qorshaha dhabta ah ee dawladaha krishtaanka ah Qorshahana waxaa ka mid ahaa inay dadka Makkana\مكة, markay Kacbada dumiyaan, krishtaan ka dhigaan, Kacbadana ay Krishto suraan. Sidoo kale, waxaa qorshohooda ka mid ahaa in intaas kaddib ay Boqortooyada Iiraan oo dabka caabudi jirtay, ay labada dhinac ee Koofur iyo Galbeed isla mar kasoo weeraraan, si ay halkaasna Caasimaddooda Al Madaa'in \ المدائنkrishto u suraan, dadkoodana ay krishtaan ka dhigaan, oo sidaas adduunkoo idil krishtaan ku noqdo, isla markaasna ay dhaqaalaha adduunka oo idil gacanta ku dhigaan iyo ganacsiga iyo waddooyinka ganacsiga loo maraba. Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\ أبومرة سيف بن ذي يزنiyo Kisraa Anuu Shirwaan كسرى أنو \شروان Markaasuu Abuu Murrata Sayf bin Thii Yazin\ أبومرة سيف بن ذي يزنwuxuu aaday oo uu u tegey Boqorka Iiraan\إيران, oo magaciisu ahaa Kisraa Anuu Shirwaan\ كسرى أنو شروان. Kisraa\كسرى waa magac uu qaato Boqor kasta oo Iiraan\إيران, sida uu Boqor kasta oo Masartii\ مصرhore Fircoon\ فرعونloo oran jiray, Boqor kasta ee arliga xabashada Al Najaashiyyi \ النجاشيloo oran jiray, Boqor kasta oo Roomaankana Qaysar\ قيصرloo oran jiray, maantana nin walba oo dal madax u ah Madaxweyne loo yiraahdo. Anuu Shirwaan أنو شروانmacneheedu waxaa weeye Midka Boqortooyada cusbooneysiiyay, kaddib markay burburtay oo ay googo'day. Abuu Murrata\ أبومرةmarkuu Kisraa\ كسرىu tegey wuxuu weydiistay taageero si uu xabshada dalkiisa uga saaro, Kisraana waa ka oggolaaday, ballankiisaas-se ma uusan oofin. Abuu Murrata\ أبومرةhalkaas ayuu ku sugnaa, isagoo dhawraya inuu Kisraa\ كسرىballankiisa oofiyo, wuxuuna sugayay toddoba sano, isagoo weli sugaya ayuuna halkaas ku dhintay. Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنiyo Qaysarka\ قيصرRoomaanka Kaddib wiilkiisa Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنayaa markuu gumeysiga Xabashada iyo dulligooda u adkeysan waayey, ayuu isaguna wuxuu aaday Qaysar \ قيصرBoqorka Roomaanka ee caasimaddiisu Istanbull ahayd, si uu taageero ku weydiisto, ayadoo ayanba qalbigiisa ku soo dhicin inuu Boqorkaasi krishtaan yahay, oo uu sidaas Abraha\ أبرهةwalaalkiis xagga diinta yahay, uuna la wado qorshaha ku duulidda Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo krishtaaneynta Carabta, si ay krishtaanka Koofureed iyo kuwa Waqooyi isu gaaraan oo uusan dhul diin kale ku taaganba uusan u dhexeyn. 107 Boqorka Roomaanku markuu Sayf\ سيفla hadlay oo uu taageero weydiistay, wuxuu ugu jawaabay inay Yamani\ يمنarligiisa ka fogtahay, gobolkaasna uusan dan iyo xaajo ka lahayn. Sayf\ سيفwuxuusanba ogayn inuu ahaa Boqorka Roomaanka midka soo abaabulayba duullaanka xabashada ee Yaman\ يمنiyo ujeedadiisa fog oo aan soo sheegnay. Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنiyo Al Nucmaanu bin Al Munthirالنعمان بن المنذر Sayf\ سيفwuxuu Istanbuul kasoo laabtay isagoo fara maran. Kaddib wuxuu aaday Al Nucmaanu bin Al Munthir( النعمان بن المنذرwaa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah), Boqorka Carbeed ee Al Xiirah\الحيرة, oo hadda arliga Ciraaq\ عراقka mid ah, wuxuuna ugu tegey qasrigiisii la oran jiray Al Khawrnaqu\الخورنق. Al Nucmaan bin Al Munthir النعمان بن المنذرwuxuu gobolkaas wakiil uga ahaa Kisraa Boqorka Iiraan, oo ay boqortooyadiisa ka tirsanayd. Al Nucmaan\ النعمانwaa eray macnihiisu yahay dhiig, oo wuxuu la mid yahay Al damu\الدم. Markaasuu dhibaatada ay xabashadu Yaman\ يمنku hayso uga eed sheegtay. Al Nucmaan \ النعمانwuxuu Sayf\ سيفku yiri: "Anigu sanadkiiba mar ayaan Kisraa\ كسرىwafdi ahaan ugu tagaa. Marka ila joog ilaa waqtigaas aan aadayo laga gaaro, markaasaan kuu geynayaa." Caasimadda Boqortooyada Iiraan waxay ahayd Al Madaa'in\ المدائنoo hadda Ciraaq\ عراقku taalla, Baghdaadna\ بغدادu jirta shan iyo labaatan Mayl, uuna furtay Amiirul Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab\أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, bisha Safar\ صفرee sanadka lix iyo tobnaad ee Hijrada. Ciidammada furtayna waxaa taliye u ahaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abtigiis Sacad bin Abii Waqqaas\سعد بن أبي وقاص, Allaha raalli ka noqdee. Markay Al Madaa'in\ المدئنtageen, Al Nucmaanu bin Munthir النعمان بن المنذرwuxuu Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنu geeyey Kisraa Anuu Shirwaan bin Qubaath\كسرى أنوشروان بن قباذ (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xiga). Sayf\ سيفwaxaa laga soo geliyay albaab caam ah oo dadku ka soo wada galo , markaasuu wuxuu soo galay oo uu xagga Kisraa\ كسرىusoo socday isagoo madaxa foorarinaya. Markaasuu Kisraa\ كسرىwuxuu yiri: "Midkaan doqonka ahi albaabkaas fog ayuu iiga soo gelayaa, markaasuu madaxiisa foorarinaya". Warkaas markii Sayf\ سيفloo sheegay ayuu wuxuu yiri: "Boqorow waxaan sidaas u yeelay ayadoo ay kurbada i haysa wax walboo kale ay ka wayntahay." Markaasuu Kisraa\ كسرىu oggolaaday Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنinuu hadlo, kaasoo yiri: "Boqorow, beledkeennii waxaa nooga adkaaday xabasho, waxaanna kuugu imid inaad ii hiillisid, kaddibna aad dalkeyga yeelatid (markaan xabashada ka saarno)". 108 Kisraa wuxuu ogaa in Boqortooyada Roomaanka iyo midda xabashadu ay isaga daraadiis isku gaashaanbuursadeen, wuuna maqlay sida ciidankii maroodiga Makkah\ مكةloogu jebiyay. Marka wuxuu doonayey inuu xooggiisa wada haysto, wuxuuna Sayf\ سيفugu jawaabay: "Beledkaagu waa fogyahay, khayrkiisuna waa yaryahay, mana doonayo inaan ciidanka Iiraan arliga Carabta geeyo, oo xaajo kama lihi." Kaddib wuxuu Kisraa\ كسرىSayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنsiiyay toban kun oo Dirham iyo arratir qurxoon. Markuu intaas gacanta ku dhigay oo uu qasriga kasoo baxay, Sayf\ سيفwuxuu lacagtii u firdhiyay oo uu siiyay dadkii qasriga agtiisa joogay. Khabarka waxaa uu sameeyey wuxuu gaaray Kisraa\كسرى, kaasoo yiri: "Ninkaan waxbuu u dan leeyahay", wuuna u ciddiray, markuu u yimidna wuxuu ku yiri: "Maxaa kugu xambaaray inaad hadiyadduu Boqorku ku siiyay aad dadka u firdhisid?" Sayf\ سيفwuxuu yiri: "Buuraha dalkeyga aan ka imid ma aha waxaan ahayn dahab iyo qalin", taasoo uu Kisraa hore ugu maqlay. Markaasuu Kisraa\ كسرىmadaxda Dawladdiisa shiriyay, uuna ku yiri: "Muxuu amarka ninkaani idinla yahay, maxaadna wuxuu doonayo aad ka leedihiin?" Waxay yiraahdeen: "Boqorow, xabsiyadaada waxaa ku jira rag aad dil ku xukuntay. Marka, haddaad raggaas ninkaan ku dartid oo ay ciidan u noqdaan, hadday le'daan oo la dilana waa sidaad la dooneysey, hadday adkaadaanna waxaa kugu soo korortay Boqortooyo kale". Markaasuu Kisraa Anuu Shirwaanbin Qubaath\ كسرى أنوشروان بن قباذwuxuu Sayf bin Thii yazin \ سيف بن ذي يزنsiiyay oo uu ku daray toddoba kun iyo shan boqol oo nin, siduu Ibnu Qutaybah \ إبن قتيبةyiri. Tirooyin kalena waa la sheegay. Kisraaga uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warqadda u dhigay Markay muslimiintu Al Madaa'in\ المدآئنfurteen, caasimadda Boqortooyada Iiraan, uuna furtay Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن \الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, Boqorka laga furtayna, oo la yiraahdo Kisraa Yazdajrid كسرى \يزدجرد, uu u cararay magaalada la yiraahdo Isdhakhra, wixii qasriga laga helayna oo ay muslimiintu ghaniimeysteen waxaa ka mid ahaa shan seefood oo ayaan ayagoo kale hore loo arag, oo kala ahaa: (Kow) Seefta Kisraa Abarwayza\كسرى أبرويز. (Laba) Seefta Kisraa Anuu Shirwaan\كسرى أنوشروان. (Saddex)) Seefta Al Nucmaanu bin Al Munthir\النعمان بن المنذر, Boqorka Carbeed ee Al Xiirah \الحيرة, oo uu Kisraa Anuu Shirwaan كسرى أنوشروانkala wareegay markuu dilay, kaddib markuu u carooday, oo uu markaas maroodi u tuuray, kaasoo ku tuntay oo dilay. Al Dhabarii \الطبري wuxuu arrinkaas ka yiri: "Bal Al Nucmaanu النعمانwuxuu u dhintay daacuun dilay isagoo ku jira xabsiga Kisraa Anuu Shirwaanكسرى أنوشروان. 109 (Afar) Seefta Boqorka Turkiga Khaaqaan\( خاقانoo Khaaqaan خاقانwaa Boqorka kasta oo Turkiga u taliya). (Shan) Seefta Boqorka Roomaanka ee magaciisu ahaa Hirqal \هرقل, seeftaasoo Kisraa\كسرى usoo wareegtay markuu ka adkaaday Boqorka Roomaanka, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, noogu sheegay Aayadda labaad ee Suuratu Ruum\سورة الروم, uuna ku yiri: )2( وم ُّ ُغلِ َب ِت ُ الر "Ghulibati Al Ruumu(2)." oo macneheedu yahay "Waxaa lagaga adkaaday Ruumm(2)." Sidaas ayay ahayd siday seefta Al Nucmaanu bin Al Munthir\ النعمان بن المنذرugu soo wareegtay Boqorka Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan\كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروان. Kisraa Abarwayz كسرى أبرويزwuxuu lahaa, sida la yiri, kun maroodi, konton kun oo faras, saddex kun oo haween ah, siduu Al Dhabarii\ الطبريugu xusay Taariikhdiisa mujalladka koowaad bogga boqol saddex iyo lixdan, Al Mascuudina\ المسعوديkitaabkiisa Muruuju Al Thahabi\ مروج الذهبmujalladka koowaad bogga laba boqol sagaal iyo toddobaatan. Abarwayz\ أبرويزmacneheedu waxaa weeye "Midka libta hela oo adkaada". Boqorka Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروانwaa midkuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warqadda u dhigay uu Islaamka ugu yeerayo, markuu warqaddaas helayna uu jeexjeexay. Al Dhabarii\ الطبريwuxuu wariyay naskii warqaddaas, wuxuuna yiri: "Waxyaalihii sanadka lixaad ee Hijrada dhacay waxaa ka mid ahaa inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kisraa\ كسرىwarqad u dhigay, uuna ugu dhiibay Cabdu Allaahi bin Xuthaafata Al Sahmiyyi\عبد هللا بن حذافة السهمي, waxaana ku dhignayd: وآمن باهلل، سالم على من اتبع الهدي. من محمد رسول هللا إلى عظيم فارس."بسم هللا الرحمن الرحيم فإن. أسلم تسلم، لينذر من كان حيا، إلى الناس كافة، وأني رسول هللا، وشهد أن ال إله إال هللا،ورسوله ".أبيت فعليك إثم المجوس "Bi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Min Muxammadin Rasuula Allaahi ilaa Kisraa Cathiimi Faaris. Salaamun calaa man ittabaca al hudaa, wa aamana bi Allaahi wa Rasuulihi, wa shahida an laa Ilaaha illaa Allaahu, wa annii Rasuulu Allaahi, ilaa al naasi kaafatan, li yunthira man kaana xayyan, aslim taslam. Fa in abayta fa calayka ithmu al Majuusi." Warqadda macneheedu waxaa weeye: "Bismillaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\بسم هللا الرحمن الرحيم. Waxay ka socotaa Muxammad Rasuulka Ilaahay, waxayna u socotaa Kisraa Cathiimka Faaris (oo Iiraan ah), nabadgelyo ha ahaato korka ruuxii hanuunka raaca, rumayana Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kana marag kaca 110 inuusan Ilaah aan Ilaahay ahay jirin, aniguna aan Rasuulka Ilaahay ahay (oo yiraahda weeye Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa anna Muxammadan Rasuulu Allaahi أشهد أن ال إله إال هللا \)وأن محمدا رسول هللا, oo dadkoo idil loo diray, si uu ugu digo kuwa nool. Islaan (oo waa Diinta Islaanka soo gal oo muslin noqo) waad nabad geleysaaye. Haddaad diidana waxaa korkaaga ah dambiga Majuusta\ ( المجوسoo ah Iiraaniyiinta uu Boqorka u yahay oo dabka caabuda)". Markaasuu warqadda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam jeexjeexay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."مزق ملكه "Muzziqa mulkuhu" oo ah "Ha la jeexjeexo boqortooyadiisa." Wuxuu kaloo Al Dhabarii\ الطبريyiri: "Waxaa noo warramay Ibnu Xumayd\إبن حميد, wuxuuna yiri: "waxaa noo warramay Salamah \ سلمةoo ka wariyay Muxammad bin Isxaaq\ محمد بن إسحاقoo ka wariyay Yaziid bin Xabiib يزيد \ بن حبيبoo yiri: "Wuxuuna (Waa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa sanadkaas lixaade) u diray Cabdu Allaahi bin Xuthaafah bin Qays bin Cadiyyi bin Sacd bin Sahm عبد هللا بن حذافة بن \ قيس بن عدي بن سعد بن سهمKisraa bin Hurmuz\ كسرى بن هرمزBoqorka Faaris\فارس, wuxuuna ugu dhibay warqaddaan: وآمن، سالم على من اتبع الهدي. من محمد رسول هللا إلى كسرى عظيم فارس."بسم هللا الرحمن الرحيم ، وادعوك بدعاء هللا، وأن محمدا عبده ورسوله، وشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له،باهلل ورسوله فإن أبيت، فاسلم تسلم،فإني أنا رسول هللا إلى الناس كافة ألنذر من كان حيا ويحق القول على الكافرين ".فإن إثم المجوس عليك "Bi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Min Muxammadin Rasuula Allaahi ilaa Kisraa Cathiimi Faaris. Salaamun calaa man ittabaca al hudaa, wa aamana bi Allaahi wa Rasuulihi, wa shahida an laa Ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika lahu, wa anna Muxammadan cabduHu wa RasuuluHu, wa adcuuka bi ducaa'i Allaahi, fa innii anaa Rasuulu Allaahi ilaa al naasi kaafatan li unthira man kaana xayyan wa yuxiqqa al qawlu calaa al kaafiriina, fa aslim taslam, fa in abayta fa inna ithma al Majuusi calayka." Warqadda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\بسم هللا الرحمن الرحيم. Waxay ka socotaa Muxammad Rasuulka Ilaahay, waxayna u socotaa Kisraa Cathiimka Faaris. Nabadgelyo ayaa ah korka cidda hanuunka raacda, ee rumeeya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, kana marag kaca inuusan jirin Ilaaha aan Ilaahay ahayn Keligiis shariikna uusan lahayn iyo inuu Muxammad yahay Addoonkiisa iyo Rasuulkiisa (oo yiraahda weeye: Laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika lahu wa anna Muxammadn Cabduhu wa Rasuuluhu أشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له وأن \)محمدا عبده ورسوله, waxaanna kuugu yeerayaa wuxuu Ilaahay kuugu yeeray, oo anigu waxaan ahay Rasuulka Ilaahay uu dadkoo idil usoo diray si aan inta nool ugu digo, cathaabtuna ay ku dhabowdo gaalada korkooda. Marka Islaan waad nabad geleysaaye. Haddaad diidana dambiga Majuusta\ المجوسayaa adiga korkaaga ah." 111 Markaasuu markuu Kisraa\ كسرىwarqaddaas akhristay ayuu jeexjeexay, wuxuuna yiri: "Ma warqaddaanuu ii soo dhigayaa isagoo addoonkeyga ah?" Labada warqadood iyo warka la xiriiraba waxaan kasoo guurinnay Taariikhu Al Dhabarii تاريخ \الطبري, Mujalladka labaad bogga boqol iyo laba iyo soddon. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka loo sheegay inuu warqaddiisii jeexjeexay, ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u Alle Baryey inuu qoladaas Ilaahay jeexjeexo, Ilaahayna waa ka yeelay wuuna jeexjeexay, oo kala googooyey. Boqorkaas sidaas warqadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u jeexjeexay, Nabiguna uu u Alle Baryay, waxaa dilay wiilashiisa uu isagu dhalay, waxayna dileen habeen talaado ah ee tobanka Jamaadul Uulaa\ جماد اآلولىee sanadka toddobaad ee Hijrada. Isla Boqorkaan Kisraa Abarwayz\ كسرى أبرويزwaa ninka Boqortooyada Roomaanka ka adkaaday, ayna Aayyadda labaad ee Suuratu Ruum\ سورة الرومnoo sheegtay, waxaana awoowe u ah Kisraa Anuu Shirwaan\أنوشروان. Wiilashiisu siday u dileen waxay ahayd sida soo socota. Wiilkiisa Farkhaan\ فرخانayaa wuxuu ku riyooday isagoo carshiga aabihiis ku fariisto ku fadhiya. Markuu khabarka riyadaasi aabihiis gaaray ayuu wiilkiisa kale oo magaciisu Shahriyaar\ شهريارahaa oo gobol xaakim uga ahaa, ayuu warqad u dhigay, uuna ku amrayo inuu walaalkiis Farkhaan\ فرخانdilo. Markaasuu Shahriyaar\ شهريارwarqaddaas walaalkiis ka qariyay oo uusan waxa ku dhigan u sheegin, walaalkiisna uusan dilin. Markaasuu aabihiis warqad labaad usoo dhigay uu ku amrayo inuu walaalkiis Farkhaan\فرخان dilo, Shahriyaar-na\ شهريارwaa ka diiday. Markaasuu aabihiis Shahriyaar\ شهريارxilka ka qaaday oo uu cazilay, xilkiina uu ku wareejiyay walaalkiis Farkhaan\فرخان, kaasoo uu amray inuu walaalkiis Shahriyaar\ شهريارdilo. Markaasuu Farkhaan\ فرخانu kacay inuu walaalkiis dilo. Markaasuu Shahriyaar\ شهريارwuxuu walaalkiis Farkhaan\ فرخانtusay warqadduu aabihiis isaga hore ugu soo dhigay inuu isaga laftiisa dilo. Markaasey labadii walaalaha ahaa isi soo raaceen inay aabohood dilaan, waxayna taageero weydiisteen Boqorka Roomaanka. Markaasey Iiraaniyiintu Kisraa Abarwayz \كسرى أبرويز sababo uu la yimid daraadeed u cazileen oo ay Boqornimada uga qaadeen, una xabbiseen, Boqornimana ay wiilkiisa kale ee Shiirawayh\ شهريارu caleemo saareen. Kaddibna waxay wiilkiisa ku yiraahdeen: "Boqortooyo kuu xasili mayso jeer aad aabahaa dishid". Markaasuu aabihiis cid disha u diray, oo sidaas lagu dilay. Aabihiisna wuxuu Shiirawayh\ شيرويهku oran jiray: "Midka cimriga gaabanow", wuxuuna aabihiis ka dambeeyey wax lix bilood ka yar. Runta Rabbi ayaa og. 112 Taajka Kisraa\كسرى Taajka Kisraa\ كسرىwuu ka culusaa inay qoortiisu qaaddo oo ay xajjiso, wuxuuna surnaa silsilad dahab ah oo carshigiisa korkiisa kasoo laadlaaday. Taajku wuxuu le'ekaa beegga la oran jiray Al Qanqalu\القنقل, oo qaadey saddex iyo soddon Man\من, halkii man-na\ منwaa laba rodol, oo sidaasuu wuxuu ku ahaa beeg lix iyo lixdan rodol qaada. Taajku wuxuu ka samaysnaa dahab lagu dheehay yaaquut iyo luul iyo zabarjad iyo qalin, waxaana ku daboolnaa maro. Markuu Kisraa\ كسرىcarshigiisa ku fariisto, ayaa marada laga qaadi jirey oo uu madaxiisa dhex gelin jiray. Marka marada laga faydo, qofkaan hore u arkin, wuu jilbo jabsan jiray oo sida awrta ayuu u arrunsan jiray (fariisan jiray) haybaddiisa daraadeed. Sidaas ayuuna Sayf bin Thii Yazin\سيف بن ذي يزن, markuu usoo galay, uu sida ratiga oo kale u jilbo jabsaday. Markay Al Madaa'in\ المدآئنMuslimiintu furteen bisha Safar\ صفرee sanadka lix iyo tobnaad ee Hijrada, waxaa taajkaas loo keenay Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab\أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, markii salab ahaan looga soo furtay Kisraa Yazdajird bin Shahriyaar\كسرى يزدجرد بن شهريار, oo ka dhaxlay awoowihiis Anuu Shirwaan\أنوشروان. Markaasuu Cumar\ عمرwuxuu u yeeray Suraaqata bin Maalik Al Mudlijiyyi سرافة بن مالك \المدلجي, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna gacnaha u suray dugaagadihii Kisraa \كسرى, taajkiina madaxa ayuu u saaray, wuxuuna ku yiri: "Waxaad tiraahdaa: Al xamdu li Allaahi\الحمد هلل, Ilaaha Kisraa, Boqorka Boqorrada, taajkiisa madaxiisa kasoo siibay, saarayna madaxa nin Carab ah oo reer miyyi ah oo reer Banii Mudlij\ بني مدلجu dhashay, taasna lagu helay cizziga iyo xoogga Islaamka, oo aan tabarteenna lagu helin." Cumar\ عمرwuxuu Suraaqah\ سراقةtaajka iyo dugaagadaha gooni ugu siiyay, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Suraaqah\ سراقةku yiri: ""يا سراقة كيف بك إذا وضع تاج كسرى على رأسك واسواره في يديك؟ "Yaa Suraaqu kayfa bika ithaa (waa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xiga) wudica (waa daadka dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) taaju Kisraa calaa ra'sika wa iswaaruhu fii yadayka", ama sida uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiriba. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Suraaqow\ سراقةbal ka warran marka taajka Kisraa\ كسرىmadaxa laguu saaro, dugaagadihiisana labada gacnood laguu geliyo?!". Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii\البيهقي, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwah\ دالئل النبوةmujalladka saddexaad bogga boqol kow iyo soddon. 113 Boqorrada Iiraan Abarwayz\ أبرويزkaddib wiilkiisa Saabuur bin Abarwayz\ سابور بن أبرويزayaa qiyaas in laba bilood ku siman ee waqtigii Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Boqornimada hayey. Isaga dabadiisna waxaa Kisraa noqday walaalkiis Shiirawayh\شيرويه, oo Boqornimada qiyaas laba bilood hayey. Isaga dabadiisana waxaa Boqorad noqotay walaashood Buuraan \بوران. Markuu khabarka caleemo saarkeedu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaray ayuu wuxuu yiri: "."ال يفلح قوم ملكتهم امراة "Laa yuflixo qawmun malakathum imra'atun", siduu ugu wariyay Al Bukhaarii\البخاري mujalladka lixaad bogga tobanaad. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma liibaanayo qawm ay haweeni Boqorad (Madaxweyne) u noqotay." S harcigaas ayaa u diidaya inay haweeni ummad Islaam ah ay Boqorad ama Madaxweyne u noqoto. Buuraan\ بورانwaxay Boqorad ahayd lix bilood kaddibna way dhimatay. Markaasey talada Boqortooyada Iiraan kala daadatay. Markaasey waxay Boqor ka dhigeen Yazdajrid bin Shahriyaar\يزدجرد بن شهريار, kaasoo uu Cumar bin Al Khadh-dhaab عمر بن \ الخطابjebiyay, oo ay Iiraan Dawladda Islaamka ka mid noqotay. Kisraa Yazdajrid\ كسرى يزدجردwuu cararay, waxaana laga helay isagoo ku dhuuntay tuulada la yiraahdo Marwa\ مروoo ku taalla dhul adag oo saxrada dhexdeeda ah ee arligaas Iiraan\ إيران, bilawga Khilaafadii Amiiru Al Mu'miniin Thaa Al Nuurayn Cuthmaan bin Caffaan أمير المؤمنين \ذا النورين عثمان بن عفان. Markaasaa la dilay, maydkiisana lagu dhex tuuray gacanka tuuladaas ku yiillay. Saabuur\ سابورmacneheedu waxaa weeye: Shaah\ شاهoo afka Iiraan ah Boqor, iyo Buur\ بورoo ah wiilka, marka waa Shahbuur\ شهبورoo ah wiilka Boqorka. Markaasey Carabtu ha'dii ka reebeen oo ay Saabuur\ سابورka dhigeen. Waxaaba la yiri in magaalada la yiraahdo Niisaabuur\نيسابور, oo Saabuur\ سابورasaasay oo uu dhisay, oo Nii\ نيmacneheedu waa magaalo, Saabuurna\ سابورwaa isaga, oo marka waa magalada Saabuur. Boqorro badan oo Saabuur\ سارورla yiraahdo ayaana dalkaas u taliyay. Runtana Rabbi ayaa og. 114 Al Iskandar\ اإلسكندرiyo Daaraa\دارا Qiyaas sideed boqol iyo todobaatan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor ayuu Boqorka Dawladda Griiggu Al Iskandar bin Filips wuxuu ku soo duulay Boqortooyada Iiraan, oo uu markaas Boqor ka yahay Kisraa Daaraa bin Daaraa دارا بن دارا, uuna jebiyay oo ka adkaaday. Markii dagaalka la gelayey ayuu Al Iskandar\ األسكندرwuxuu ciidankiisa amray inaan Daaraa\ داراla diline ee lasoo qabto oo isaga laftiisa loo keeno. Mase ayan noqonoo laba askari oo ka mid ahaa kuwii Daaraa\ داراilaalinayey ayaa dhabarka ka wareemay oo dilay, ayagoo Al Iskandar\ اإلسكندرabaalgud uga doonaya. Labadii nin waa lasoo qabtay, waxaana loo keenay Al Iskandar \اإلسكندر, kaasoo amray in madaxa laga gooyo kaddibna maydkooda la waro. Labadii nin waxay la yaabeen xukunkiisa, oo filan waa ku noqday, ayagoo abaalgudba sugayey. Markaasey waxay weydiiyeen sababta uu xukunka dilka iyo waridda ah ugu xukumay, ayagoo Boqorkii cadawgiisa ahaa dilay, wuxuuna ku yiri: "Taas weeye abaal marinta qofka dadka dalkiisa khayaana!" Sidii ayaana la yeelay, oo inta marka hore madaxa laga gooyey ayaa kaddibna maydkooda laba qori oo istillaaba lagu xiray oo la taagay, si loo arko oo loogu waano qaato. Daaraa\ داراoo wali nafi ku jirto ayaa waxaa dul yimid Al Iskandar\اإلسكندر, markaasuu intuu madaxiisa soo qaaday oo uu bawdadiisa saaray ayuu wuxuu ku yiri: "Dadka hoggaamiyohoodow, dilkaaga ma doonayn, raallina kama ihi, ee ma leedahay xaajo aan kuu oofiyo?" Wuxuu yiri: "Haa. Gabadhayda Rushnak\ رشنكguurso, kii i dilayna dil." Kaddibna wuu dhintay. Waxaa la yiri inay labadaas Boqor walaalo ahaayeen, ayna wada dhashay haweeney madow oo uu lahaa Daaraa\ داراaabihiis oo isagana Daaraa\ داراla oran jiray, oo ay markaas u dhashay Daaraa bin Daaraa\دارا بن دارا. Kaddibna waxay Boqorka Griigga Filips\ فلبسu dhashay Al Iskandar\اإلسكندر. Runtana Rabbi ayaa og. Al Iskandar\ اإلسكندرwuxuu qabsaday ilaa dalka Masar\مصر, isagaana aasaasay magaalada Al Iskandariyyah\ اإلسكندريةla yiraahdo oo isaga loogu magac daray. Culummada qaarkood ayaa waxay yiraahdeen Al Iskandar\ اإلسكندرwaa Thuu Al Qarnayn\ذوالقرنين, ninka uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ku xusay Suuratul Kahf\سورة الكهف, inta badanse waxay yiraahdeen isaga ma aha, oo Thuu Al Qarnayn ذوالقرنينwuxuu ahaa Boqor Muslin ah, Al Iskandarna\ اإلسكندرIslaannimo laguma sheegin. Runtana Rabbi ayaa og. 115 Al Iskandar\ اإلسكندرmarkuu Boqortooyada Iiraan\ إيرانjebiyay, si uu u wiiqo wuu kala qaybqaybiyay, oo intuu gobollo ka dhigay ayuu gobol walba nin madax uga dhigay, qabaa'il carbeedna intuu soo raray ayuu soo dhex dejiyay. Sidaas ayaa waxaa ku dhashay Boqorradii la oran jiray Muluuku Al Dhawaa'if \ملوك الطوائف, oo macneheedu yahay Boqoprrada Kooxaha ama Goobaha , looguna bixiyay ayadoo uu Boqor walba cad dhul ah xukumay. Sidaas ayayna ahaayeen ilaa ay Boqortooyada Iiraan \ أيرانka gashay gacanta Boqorrada reer Banuu Saasaan bin Bihman\بنو ساسان بن بهمان, ahna Boqorrada Sassaaniyiinta. Al Iskandar\ اإلسكندرwuxuu ku dhintay Baabil\بابل, ee arliga Ciraaq\عراق, isagoo saddex iyo soddon sano jira, magaaladaasoo uu caasimaddiisa ka dhigtay, taasoo bartamaha Boqortooyadiisa ku beegnayd. Jebinta Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنee Masruuq bin Abraha\مسروق بن أبرهة Kisraa\ كسرىwuxuu ciidanka uu soo siiyay Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنmadax uga soo dhigay nin la yiraahdo Wahriz bin Isbihbith\( وهرز بن إصبهبذoo kala ah saadka shiinka ku xigah iyo thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah), oo kuwooda ugu da' wayn ka mid ahaa, raggaasna ugu laan dheereysnaa, kana dhashay reerka ugu gobsan. Waxaa ciidankaas lagu soo qaaday sideed markab, waxaana dekadda Cadan\ عدنsoo gaartay lix ka mid ah, ayadoo labadii kale ay dhexda kusoo kharaabeen. Markaasaa markay dekadda Cadan\ عدنkasoo degeen ayuu Sayf\ سيفWahriz\ وهرزiyo raggiisa shirayay, wuxuuna ku yiri: "Lugteydu lugtaaday ku xiran tahay ilaa aan dhammaan wada dhimanno ama aan guuleysanno." Wahriz\ وهرزwuxuu ugu jawaabay oo uu ku yiri: "Xaqqa ayaad haleeshay". Boqorka Yaman\يمن, oo ahaa Masruuq bin Abraha\مسروق بن أبرهة, markuu helay warka ciidanka Sayf\ سيفoo Cadan\ عدنkasoo degay, wuu soo aaday isagoo ciidan xabasheed wata oo ka kooban boqol kun oo nin, ayna ku jiraan Ximyar\ حميرiyo Kahlaan\ كهالنiyo qabaa'il kale oo Yaman\ يمنdeggan. Al Mascuudii\ المسعوديwuxuu yiri: "Wahriz\ وهرزmarkuu dekedda (Yamaneed) Mathwab\ مثوبay yimaadeen oo ay maraakiibtii ka degeen, ayuu wuxuu amray in maraakiibta la gubo, si uu raggu u ogaado inuu yahay dagaal ilaa dhimasho ah iyo inayan meel loo cararo jirin." Markaasuu Wahriz\ وهرزwuxuu u diray ciidan uu wato wiil uu isagu dhalay oo magaciisu Nuuzaad bin Wahriz\ نزاد بن وهرزahaa, si uu ula dagaallamo, xooggoodana uu u tijaabiyo. Dagaalkaas ayaa Wahriz\ وهرزwiilkiisa lagu dilay, taasoo aabihiis xanaaq usii kordhisay. 116 Markay labadii ciidan iska horyimaadeen oo la is weeraray, ayuu Wahriz \وهرز, oo inuu wiilkiisa u aargooyo doonaya, wuxuu yiri: "Boqorkooda i tusa", waxayna ku yiraahdeen: "Ma u jeeddaa nin maroodi saaran oo fadhiya oo taaj madaxiisaa saaranyahay, labada indhood dhexdoodana uu yaaquut guduudan ka saaranyahay?" Wuxuu yiri: "Haa". Waxay yiraahdeen: "Kaas ayaa Boqorkooda ah", wuxuuna yiri: "Daaya". Muddo dheer ayay joogeen, kaddibna wuxuu Wahriz\ وهرزyiri: "Muxuu hadda saaranyahay?" Waxay yiraahdeen: "Wuxuu ku wareegay oo uu saaran yahay faras." Wuxuu yiri: "Daaya". Markaasey hadana muddo dheer joogeen, ayadoo intaas dagaalku socdo, kaddibna wuxuu yiri: "Muxuu hadda saaran yahay?" Waxay yiraahdeen: "Wuxuu ku wareegay oo uu saaran yahay baqal." Wahriz\ وهرزwuxuu yiri: "Waa dameerka gabadhiisa! oo isaguna wuu dulloobay, Boqortooyadiisana wuu dulleeyey. Hadda waan ganayaa, marka haddaad aragtaan inayan asxaabtiisu dhaqaaqayn, meeshiinna ku sugnaada ilaa aan idiinka idmo, maxaa yeelay ninka waan seegay. Haddadse aragtaan raggii oo dugaagad oo kale ku hareersamay oo kusii aruuraya, ninka waan la helay ee adinkuna weerara oo ku duula." Markaasuu qaansadiisa taagay, oo adayggeeda waxaa la yiri nin aan isaga ahayn ma taagi karin. Markaasaa labada indhood labadooda dhinac laba xijaab oo uu lahaa looga xiray kaddib markuu sidaas in la yeelo amray. Markaasuu ganay, wuxuuna ku dhuftay yaaquutka labada indhood dhexdooda saarnaa oo uu labo u kala jebiyay oo ay fallaarto maskaxda la gelisay, oo intay madaxiisa gashay ay tunkiisa ka baxday, baqashiina uu ka dhacay. Markaasey xabashadii kusoo aruureen oo ay kusoo hareersameen oo ay isgu yimaadeen, oo ay boqorkooda fardo saareen oo ku qaadeen, ayaguna ay jabeen oo dhabarka jediyeen. Markaasaa la laayey, ayaguna ay jiha walba u carareen. Masruuq \ مسروقinta madaxiisa la gooyay ayaa kor loo qaaday iyo madaxda madaxdii xabashada, waxaana goobtaas lagu dilay soddon kun oo xabasho ah. Shuruudaha uu Kisraa Anuu Shirwaan\ كسرى أني شروانSayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنla galay waxaa ka mid ahaa inay ragga Iiraan\ إيرانu dhashay ay Yaman\ يمنka guursan karaan, Yamaniyiintuse ayan gabdhaha Iiraan\ إيرانguursan karin, iyo inuu sanad walba intaasoo maal ah (kharaaj\ )خراجsiiyo. 117 Markii Masruuq\ مسروقla dilay, wuxuu Wahriz\ وهرزSayf bin Thii Yazin سيف بن ذي يزنu caleemo saaray Boqorka Yaman\يمن, wuxuuna madaxa u saaray Taaj u sitay iyo dirac qalin ka sameysan oo uu u labbisay. Wahriz\ وهرزwuxuu warqad u dhigay Kisraa\ كسرىuu ugu sheegayo inay guuleysteen. Markaasuu Wahrix\ وهرزusoo kacay innu Sanca\ صنعاءgalo. Markuu albaabka Sanca\صنعاء yimid, ayuu wuxuu yiri: "Calankeygu weligiis geli mayo isagoo foorara, ee albaabka dumiya." Markaasuu Sanca\ صنعاءgalay ayadoo uu calankiisu taagan yahay. Sidaas ayuu Wahriz \وهرز Sanca\ صنعاءku galay, isaga iyo intii ka hartay ciidankii Iiraan\إيران. Ragga maalintaas Sanca\ صنعاءgalay oo Iiraaniyiinta ahaa ayaa dhalay dadka Iiraaniyiinta ah oo dalka Yaman\ يمنdeggan. Wahriz\وهرز, intaas kaddib, Iiran ayuu ku noqday. Xabashadu waxay Yaman\ يمنgumaysaneysey labo iyo toddobaatan sano, oo ay afar Boqor oo ayaga ah xukunka kala dhaxleen, afartaasoo kala ah Aryaadh \ أرياطiyo Abraha\ أبرهةiyo Yaksuum bin Abraha\ يكسوم بن أبرهةiyo Masruuq bin Abraha\مسروق بن أبرهة. Sanadkaas ay Yamani\ يمنka xorowday isticmaarka xabashada wuxuu ahaa sanadka shan boqol iyo shan iyo toddobaatanka miilaadiga ah, sanadkaasoo uu Wahriz \ وهرزBoqorka Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنcaleeno saaray. Afar sano kaddibna waa ayada Sayf\ سيفla dilay, markaasoo ay bilaabatay inay Yaman\يمن xukumaan rag uu Kisraa\ كسرىsoo magacaabo, oo ay sidaas Yamani\ يمنmustacmarad Iiraan\ إيرانu noqotay. Waxay Yamani\ يمنmustacmarad Iiraan\ إيرانahayd sagaal iyo konton sano oo sanooyinka miilaadiga ah oo qorraxda lagu tirsado, ayadoo uu sanadkasi markuu ahaa lix boqol iyo sideed iyo soddon uu Xaakinkii Iiraaniga\ إيرانيahaa ee Yamani\ يمنuu Islaamay, oo ay ay Yamani\يمن sidaas ugu darsantahay dawladda islaamka oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaamiyaha u ahaa. Gumaysiga Iiraan\ أيرانee Yaman\يمن Afar sano kaddib caleemo saarkiisa, waxaa Sayf bin Thii Yazin سيف بن ذي يزنdilay askar amxaaro ah oo isaga ilaaladiisa ka mid ahaa, oo wareentay oo warammo gelisay. Markuu warkaasi Kisraa\ كسرىgaaray ayuu mar kale Wahriz\ وهرزsoo diray, uuna soo siiyay ciidan barriga soo mara oo afar kun oo nin ka kooban, uuna kusoo amray inuu dilo qof kasta oo madow oo amxaaro ah oo Yaman\ يمنjooga iyo qof kasta oo timo adag oo amxaaro nasab la wadaaga, sida cunuggay haweeney Carab ahi nin amxaaro ah u dhashay, ha yaraado ama ha weynaadee. 118 Kisraa Anuu Shirwaan\ كسرى أنوشروانwuxuu Wahriz\ وهرزu caleemo saaray Boqorka Yaman\يمن. Wahriz\ وهرزmarkuu Yaman\ يمنyimid amarkii Kisraa\ كسرىayuu fuliyay oo amxaaro iyo ciddii nasab la wadaagtaba wuu dilay. Gumaysiga Iiraan\ إيرانee amxaarada Kaddib ciidammada Iiraan\ إيرانintay Badda Cas ka tillaabeen ayayba waxay galeen arliga amxaarada oo ay burburiyeen, kaniisadohoodana gubeen oo ay dab qabadsiiyeen, oo sidaan Siirada ku arki doonno, Inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا, qalabka Kacbada ay Qurayshi\ قريشku dhisi doonto wuxuu saarnaa markab uu Boqorka Roomaanku u soo diray in kaniisadahaas dib loogu dhiso, intuusan arligaas gaarinbase ayuu markabkii wuxuu kusoo caariyay Jiddah \جدة agteeda, halkaasoo ay Qurayshi\ قريشqalabkaas kasoo gadatay. Markaasna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu jiraa shan iyo soddon sano. Runtana Rabbi ayaa og. Sidaas ayay amxaaradu waxay zaman ku ahayd mustacmarad iiraan \ إيرانoo ay gumaysigeeda ku hoos jirtay. Kaddibna iiraan إيرانway isaga baxaday. Markuu Wahriz\ وهرزdhintay, Kisraa\ كسرىwuxuu Yaman\ يمنmadax uga dhigay wiilkiisa ahaa Al Marzubaanu bin Wahriz\المرزبان بن وهرز, isagu markuu dhintayna wiilkiisa Al Taynujaanu bin Al Marzubaani\التينجان بن المرزبان. Markuu Al Taynujaanu التينجانdhintay, wuxuu Kisraa Yaman\ يمنmadax uga dhigay Al Taynujaanu التينجانwiilkiisa. Kaddibna wuu cazilay, wuxuuna madax ka dhigay nin la yiraahdo Baathaan \( باذانwaa thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga), kaasoo xilkaas hayey ilaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga soo diray. Amarka Kisraa\ كسرىin Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la dilo Kisraa Abarwayz bin Hurmuz bin Anuu Shirwaan\ كسرى أبرويز بن هرمز بن أنوشروانwuxuu wakiilkiisa Yaman\ يمنxukumay oo magaciisu Baathaan\ باذانahaa (waa thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah) usoo dhigay warqad uu ke leeyahay: "Waxaa isoo gaartay inuu nin Quraysh\ قريشu dhashay uu Makkah\ مكةkasoo baxay, sheeganayana inuu Nabi yahay. Marka ciidan u kexeyso, markaad u tagtidna waxaad ku amartaa inuu warkaas ka tawbad keeno. Hadduu tawbad keeno iska daa, hadduu diidase madaxiisa soo goo oo ii soo dir." Markaasuu Baathaan\ باذانwarqaddii Kisraa\ كسرىRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u diray. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu usoo dhigay warqaddaan: "."إن هللا قد وعدني أن يقتل كسرى في يوم كذا من شهر كذا "Inna Allaaha qad wacadanii an yuqtala Kisraa fii yawmi kithaa min shahri kithaa", 119 oo macneheedu yahay "Ilaahay wuxuu iga ballan qaaday in Kisraa\ كسرىla dili doono maalin hebla ee bisha hebla". Markii warqaddaas Baathaan\ باذانloo keenay wuu akhristay, kaddibna wuxuu yiri: "Hadduu Nabi yahay siduu yiri ayay ahaaneysaa". Kisraa waxaa la dilay maalintuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, magacaabay, waxaana dilay wiilkiisa Shiirawayh\شيرويه, taasoo ahayd sanadka toddobaad ee Hijrada. Markuu khabarkaasi Baathaan\ باذانsoo gaaray, ayuu islaamay, uuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ergo u diray u sheegta inay isaga iyo Iiraaniyiinta Yaman \ يمنla joogtaba ay islaameen. Markay ergadaasi, oo rag Iiraaniyiin\ إيرانah ka koobnayd, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen, ay dhambaalkiina u gudbiyeen, ayay waxay ku yiraahdeen: "Rasuulka Ilaahayo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, annagu yaan ka tirsannahay?", wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku yiri: "."أنتم منا وإلينا أهل البيت "Antum minnaa wa ilaynaa Ahla Al Bayti", oo macneheedu yahay "Adinkuna annagaad nagamid tihiin, Eheelu Baytka\ أهل البيتayaadna usoo noqotaan oo aad ka tirsan tihiin." Baathaan\ باذانwuxuu islaamay sanadka tobanaad ee Hijrada. Isla sanadkaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo ciddiray ubadka Iiraaniyiinta ah oo ay raggii Wahriz\ وهرزla socday oo Yaman\ يمنdegey, inay islaamaan, kuwaasoo sidaan usoo sheegnay yeelay oo islaamay. Dhashaas waxaa ka mid ahaa Wahbu bin Munabbih bin Sayj bin Thukbaar ( وهب بن منبه بن سيج بن ذكبارwaa tha dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga) iyo Dhaawuus\طاووس iyo Thawaawayh\( ذواويهoo ah thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xiga) iyo Fayruuz\فيروز. Zamanka Haashim\هاشم Haashim هاشمzamanka uu noolaa waxaa gobolka Bariga Dhexe ka dhacay is beddello waaweyn ee diinta ku saabsan iyo kuwo siyaasadeed oo gobolka oo idil saameeyey. Waxaa waagaas adduunka ku loollamay laba quwadood oo xoog leh, oo kala ahaa Boqortooyada Roomaanka oo Krishtaan ahayd iyo Boqortooyada Iiraan oo Majuus ahayd oo dabka caabudi jirtay. Waxay labadaas quwadood ku tartamayeen adduunka intiisa kale, ayadoo uu mid walba doonayo: Kow. Inay midda kale intay jebiso oo ka adkaato ay arligeeda qabsato, iyo khayraadka dalkeeda, ayna ku khasabto inay Diinteeda qaadato. 120 Labo. Inay dalalka kale oo awoodoodu gaarto gumaystaan, oo ay ayagana Diintooda ku khasbaan, Jizyana ka qaataan, ayna dhiig miirtaan. Saddex. Inay hanato oo ay gacanta ku dhigto mareennada ganacsiga, kuwa barriga ku yaalla iyo kuwa badaha ku yaalba, sida Badda Cas, Badda Cad, Badweynta Hindiya, Cadan\ عدنiyo Jaziiradda Carabta, halkaasoo ay soo mari jireen maalka iyo badeecadaha laga keeno Hindiya, Shiinaha, Aasiya iyo Bariga Fog, Soomaaliya iyo Afrika inteeda kale. Quwaddii marriinadaas qabsata, waxay ka hor istaagi jirtay oo inay maraan u diidi jirtay quwadaha ayaga cadawgooda ah, oo ay sidaas cuna qabateyn dhaqaale ku soo rogi jirtay. Soomaaliya waxay waagaasna ahayd dal muhim ah, oo waxaa quwadahaas oo idil, sida Makkata Al Mukarramati\مكة المكرمة, Boqortooyada Roomaanka, Boqortooyada Griigga, Boqortooyada Iiraan, Boqortooyada Masar\ مصرluubaanta iyo fooxa ay macbadyadooda ku shitaan ayadey ka keeni jireen, oo sidaas xagga Diimahooda ayay Soomaaliya qiimo wayn u lahayd. Luubaanta iyo fooxa waxay macbadyada ugu shidan jireen, ayadoo la yiri inuu qiiqoodu yahay midka keli ah oo samada gaara. Daawo ahaanna waa loo isticmaali jiray. Waxay kaloo Soomaaliya ka keensan jireen beeyada iyo malmalka iyo hadiga iyo xabagta iyo hargaha, iyo fool maroodiga iyo geeska wiyisha oo daabka mindiyaha ilaa maanta Yaman\ يمنlaga sameeyo, iyo alwaaxda iyo udubbada khaymadaha udub dhexaadka looga dhigo. Waagaas iyo ilaa dhowaan Soomaaliya waxay ahayd dal geedo iyo dhir badan oo hawd iyo ca'y ah, ilaa Waqooyi. Tusaale ahaan maroodigii ugu dambeeyey ee beesha Gaalkacyood wuxuu Gaalkacyo agteeda ku dhintay in konto sano ka yar ka hor, oo nin maydkiisa dul tegey ayaaba ii sheegay, kaasoo yiri waxay ahayd qiyaas kun sagaal boqol shan iyo lixdanka ama lix iyo lixdanka. Ninkaasna wuxuu ahaa walaalkay Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi ina “Aadan Dherre” Allaha u wada naxariistee. Runtana Rabbi ayaa og. Inay sidaas tahayna waxayba ku qoran tahay kutubbada inay Waqooyiga Soomaaliya ahayd hawd, ay ka buuxaan ugaar ay ka mid yihiin maroodiga, iyo goroyada, iyo wiyisha iyo geriga iyo shabeel iyo haramcad iyo ugaarta la yaqaanba oo idil. Waaba ayaduu Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan uu gabay Jiinleyda, oo uu ku xusayo safarkiisii uu kasoo baxay Wardheer iyo Walwaal, oo aan Gaalkacyo sidaasba uga fogayn, uuna u socda Eyl iyo xagga Bari sanadka kun sagaal boqol iyo saddex iyo afar, ku yiri: Jafka hawdka guuraha waxaan, jar iska xooraayey Wuxuu jeeni calaflow libaax, igu jibaadaayey Raadkaan ku jiilaa wuxuu, daba jadeemaayey Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey Jaajuuska geesaha wuxuu, jirayey ruxaayga Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey Wiyil joof leh iyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey Jinniqabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey Juq waxaan u soo iri dugaag, jalabutaynaaya 121 Dhirtaas iyo ugaarta ku noolaydba waxaa gooyey oo laayay oo lama degaan ka dhigay mashaariicda ay dawladaha krishtaanka ah ee galbeed u sameeyeen , ayna maal geliyeen bangiga adduunka (oo hawshiisa loo abuurayba ay tahay inyy dhaqaalaha dalalka aan galbeedka ahayn burburiyo, curyaamiyo oo sabool ka dhigo) iyo dawladaha galbeed oo u sameeyey mashaariic magac fiicfiican leh sida "mashruuca hormrinta daaqa" oo gobollo dhan oo Soomaaliya ka tirsan ku geed qaadeen oo geedihii ka gooyeen abaartii Dhaba Dheer dabadeed (1973-1974) ayagoo ku andacoonaya in markuu roob da'o uu meelahaas la geed qaaday caws xoolaha uga soo bixi doono! aniguna aan ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, oo ay Dawladda Soomaaliyana diidday laakiin lagu khasbay oo sanka laga geliyay, meel marintoodana lagu xiray maalgelinta mashaariic kale, oo ay Dawladdu doonaysa! Quwadda Krishtaanka ah ee Rooma waxay axdi iyo xilfi la lahayd walaalkood xagga Diinta ee boqorka krishtaanka ahaa ee arliga amxaarada ee Caasimaddiisu Aksuum ahayd. Qorshaha Boqorka Rooma wuxuu ahaa inuu Iiraan weeraro oo uu xagga Galbeed uga yimaado, walaalkiis Al Najaashiyyina, boqorka amxaarada, uu xagga Koofur iyo Bari uga yimaado, isagoo ay ciidammadiisu kasoo dhaqaaqayaan arliga amxaarada iyo Yaman\يمن, oo ay sidaas Kisraa\ كسرىugu khasbaan inuu dhawr aag oo dagaal uu furo, oo uu sidaas itaalkiisu ku wiiqmo oo looga adkaado. Ciidankaas amxaarada waxaa waajibaadkiisa ka mid ahaa inay Gobokka Xijaaz \ الحجازgacanta ku dhigaan, Kacbada ay dumiyaan, halkaasna ay krishto suraan, oo ay sidaas Carab krishtaan uga dhigaan, ayna Carab gacanta ugu dhigaan, ayadoo uu qofka Makkah \ مكةxukuma uu Carab oo idil u taliyo. Markaas kaddibna ay labada ciidan oo Krishtaanka ahi ay wadajir Iiraan u weeraraan, oo intay jebiyaan ay halkaasna krishto suraan, khayraadkeedana qaataan. Qorshahaas ayay dawladaha Krishtaanka ahi degsadeen. Tii Alle ayayse noqotay, oo waa ayadooba uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, Aayadda afar iyo kontonaad ee Suuratu Aali Cimraan سورة أل \ عمرانku yiri: ِ َّ َّ )84( ين َ َو َم َك ُروا َو َم َك َر اللهُ َواللهُ َخ ْي ُر اْل َماك ِر "Wa makaruu wa makara Allaahu wa Allaahu Khayru al Maakiriina(54)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Dhagar ayay qorsheeyeen, Ilaahayna dhagartoodaas wuu ka abaal mariyay, Ilaahay ayaana u wanaagsan wax abaal mariya(54)." Wuxuu kaloo, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji \ سورة الحجku yiri: ِ ف ِف ِ اس سواء اْلع ِ َِّ ِ ِ ِ َّ ِ َِّ يه َواْل َب ِاد َو َم ْن ُ اك َ ص ُّد َ إِ َّن الذ َ ً َ َ ِ ون َع ْن َسبِيل الله َواْل َم ْس ِجد اْل َح َرام الذي َج َعْل َناهُ ل َّلن ُ ين َكفَُروا َوَي ِ ي ِرْد ِف ٍ يه بِِإْل َح ٍاد بِظُْلٍم ُنِذ ْقهُ ِم ْن َع َذ )52( اب أَلِ ٍيم ُ 122 "Inna allathiina kafaruu wa yasudduuna can sabiili Allaahi wa Al Masjidi Al Xaraami allathii jacalnaahu li al nnaasi sawaa'an al caakifu fiihi wa al baadi wa man yurid fiihi bi ilxaadi bi thulmin nuthiqhu min cathaabin aliimin." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Kuwa gaaloobay oo (dadka) ka celiya Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xurmaysan المسجد الحرامoo dhexdiisa laga yeelay mid ay dadku siman yihiin, midka (Makkah\ )مكةdeggan iyo midka meel kale socdaal uga yimidba, cidda dhexdiisana xumaan la doonta iyo leexin gardarro ah, waxaan dhedhensiinaynaa cathaab daran." Xukunka Aayaddaasna ilaa yawmul qiyaamaha waa taagan yahay. Kuwii maroodiga watay oo doonayey inay Guriga Ilaahay dumiyaanna, waa tuuba Ilaahay wuxuu ku falay noogu sheegay Suuratu Al Fiil, oo oo Cazza wa Jalla\ هللا عزوجلku yiri: ٍ ِضل ِ اب اْل ِف ِ َص َح ) َوأ َْر َس َل5( يل َ ف فَ َع َل َرب َ أَلَ ْم تََر َك ْي.بسم اهلل الرحمن الرحيم ْ َ) أَلَ ْم َي ْج َع ْل َك ْي َد ُه ْم ِفي ت1( يل ْ ُّك بِأ ٍ ) فَجعلَهم َكع4( ِّيل ٍ ف م ْأ ُك ٍ ) تَرِمي ِهم بِ ِح َجارٍة ِم ْن ِسج3( يل )2( ول َ َعلَ ْي ِه ْم َ ِط ْي ًار أ ََباب ْ َ ُْ َ َ َ ْ ْ َ ص "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alam tara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi al fiili(1)Alam yajcal kaydahum fii tadliilin(2)Wa arsala calayhim dhayran abaabiila(3)Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin(4)Fa jacalahum ka casfin ma'kuuli(5)". Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Ma ogtahay siduu Rabbigaa ku falay ciidankii maroodiga watay(1)Miyuusan qorshohoodii dhagarta ahaa ka yeelin mid luntay(2) Uusanna korkooda ku soo dirin shimbiro kooxa ah(3)Kuna soo tuureysa dhagax dhoobo ah oo Jahannama lagu soo kululeeyay(4)Markaasey le'deen oo ay daateen uuna ka yeelay sida bal la daaqay oo kale(5)" Sidaas ayay dawladaha gobolkaas oo idili marna waxay u haayeen mustacmarad Boqortooyada Roomaanka, marna mustacmarad Boqortooyada Iiraan. Dalalka sidaas loo gumaystayna waxaa ka mid ahaa dalalka Carabta oo idil, intaan gobolka Xijaaz\ الحجازahayn, kaasoo ay ku yaallaan Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةiyo Al Madiinata Al Munawwarati\المدينة المنورة, oo aan weligood gacan gumaysi gelin. Haashim\ هاشمiyo Xilfiga Al Mudhayyabiina "kuwa udgoon" Haashim\ هاشمawoowihiis Qusayy bin Kilaab\ قصي بن كالبwuxuu dhalay afar nin oo kala ah Cabdi Manaaf\ عبد منافiyo Cabda Al Ddaari\ عبد الدارiyo Cabdul Cuzzaa\ عبد العزىiyo Cabdi\عبد. Qusayy\ قصيintuu noolaa ayuu wiilkiisa Cabdi Manaaf عبد منافwuxuu hantay sharaf iyo madaxtinnimo oo idil. Sidoo kale waxaa sharaf iyo magac ayaguna helay Cabdul Cuzzaa عبد \ العزىiyo Cabdi\عبد. Sharaftaas iyo magacaas iyo madaxtinnimadaas oo wuu seegay oo wax kama uusan helin wiilkii curadkiisa ahaa oo Cabda Al Ddaari\ عبد الدارahaa. 123 Markaasuu Qusayy\ قصيintuusan dhiman wuxuu Cabda Al Ddaari\ عبد الدارku yiri: "Wa Allaahi\ وهللاwiilkaygow, ragga waan kaa daba geynayaa in kastoo ay kaa sharaf iyo madaxtinnimo bateen, oo nin ayaga ka mid ihi Kacbada geli mayo jeer aad adigu u furtid, Qurayshna\ قريشcalan dagaal gunti ma doonto inuu adiga gacantaada ku jiro mooyee, qofna Makkah\ مكةbiyo ka waraabi mayo meel aan Siqaayadaada\ السقايةahayn. Muusinka Xajkana, axadna cunno cuni mayo aan cunnadaada ahayn. Qurayshna\ قريشtalo ku goyn mayso umuurteeda ka mid ah meel aan Daartaada ahayn." Markaasuu wuxuu siiyay daartiisii ahayd Daaru Al Nadwah\دار الندوة, oo xarunta iyo saldhigga Dawladda Quraysh\ قريشahayd, halkaasoo ay umuurteeda oo idil ku goosan jirtay, wuxuuna siiyay Al Xijaabata\( الحجابةoo ah adeegga Kacbada iyo Fureheeda), Al Lliwaa'a\( اللواءoo ah calanka ay Qurasyhi\ قريشhoostiisa isugu timaaddo markay dagaal geleyso), Al Ssiqaayata\( السقايةoo ah waraabinta Xujeyda) iyo Al Rrifaadata\( الرفادةoo ah cunno siinta Xujeyda). Kaddibna Qusayy\ قصيwuu dhintay, dabadiisana waxaa talada Quraysh\ قريشiyo dadka kaleba oo Makkah\ مكةdegah gacanta ku dhigay wiilashiisa, kuwaasoo dhulka Makkah\مكة goobogoobo u qaybiyay, kaddib markuu Qusayy\ قصيhore gacantiisa qawmkiisa ugu qaybiyay, una cabbiray oo ayaguna u gooyey qawmkooda iyo ghayrkoodba kuwa xulafadooda ah oo axdiga la leh, oo ay markaas dhulkaas ay googooyeen gadeen. Arrinkaas ay ku keceenna Qurayshi\ قريشway ku waafaqday, ayadoo uusan wax khilaaf ah iyo wax wax kala jiidasha ah ayan imaan. Intaas kaddib ayay wiilashii Cabdi Manaaf bin Qusayy \ عبد مناف بن قصيuu dhalay oo ahaa Haashim\ هاشمiyo Cabdu Shams\ عبد شمسiyo Al Mudhdhalib\ المطلبiyo Nawfal\ نوفلwaxay goosteen oo ay ku heshiiyeen inay ilmo Cabda Al Ddaari \(عبد الدارoo ah ilmo adeerradood laxmi ah) ka qaataan oo ay gacantooda kala baxaan wuxuu hore Qusayy\ قصيi siiyay Cabda Al Ddaari\عبد الدار, oo ahaa Al Xijaabatu\ الحجابةiyo Al Liwaa'u\ اللواءiyo Al Siqaayatu\ السقايةiyo Al Rifaadatu\الرفادة, ayagoo u arkay inay uga xaq leeyihiin, marka sharaftooda iyo madaxtinnimadooda iyo deeqda ay dadkooda ku leeyihiin la tix geliyo. Markaasey Qurayshi\ قريشkala qaybsantay, oo ay kooxi ilmo Cabdi Manaaf\ عبد منافku raacday aragtidooda ahayd inay ayagu xilkaas ilmo Cabda Al Ddaari \ عبد الدارuga xaq leeyihhin, marka la tixgeliyo makaanka ay qawmkooda dhexdiisa ku leeyihiin. Koox kalena waxay la safatay reer Cabda Al Ddaari\عبد الدار, taasoo u aragtay inaan laga qaadan oo aan gacantooda laga bixin wixii uu Qusayy\ قصيsiiyay. Reer Cabdi Manaaf عبد منافwaxaa taladooda hayey Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf عبد شمس \بن عبد مناف, oo ilmo Cabdi Manaaf ugu da' waynaa. Talada ilmo Cabda Al Ddaari-na\عبد الدار waxaa hayey Caamir bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabda Al Ddaari عامر بن هاشم بن عبد \مناف بن عبد الدار. Qabaa'ilkii kale ee Quraysh\ قريشwaxaa reer Cabdi Manaaf عبد منافla dhan noqday: 124 Banuu Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\ بني أسد بن عبد العزى بن قصيiyo Banuu Zuhrata bin Kilaabi\ بنوزهرة بن طالبiyo Banuu Taym bin Murrata bin Kacb\ بنوتيم بن مرة بن كعبiyo Banuu Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\( بنو الحارث بن فهر بن مالك بن النضرwaa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga). Reer Banii Cabda Al Ddaari-na\ بني عبد الدارwaxaa la saf noqday: Banuu Makhzuum bin Yaqthata (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigta) bin Murrata \ بنومخزوم بن يقظة لن مرةiyo Banuu Sahm bin Camr bin Husaysi (oo labaduba waa saadka shiinka ku xigah) bin Kacb\ بنوسهم بن عمرو ين هصيص بن كعبiyo Banuu Jumax bin Camr bin Husaysi bin Kacbi\ بنوجمح بن عمرو بن هصيص بن كعبiyo Banuu Cadiyyi bin Kacbi\بنو عدي بن كعب. Labada Qabiil ee kala ah Banuu Caamir bin Lu'ayy\ بنو عامر بن لؤيiyo Muxaarib bin Fihri محارب \ بن فهرlabada qolo midna lama ayan safan oo way ka dhex bexeen. Markaasey qabaa'ilka koox walba ku jirtay ay axdi adag dhigteen inayan is dhiibin, oo uusan qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin intay baddu xeebteeda qoyso (waa intay noolyihiin ayay ka wadaan). Markaasey reer Cabdi Manaaf\ عبد منافwaxay keeneen xeero uu cadar ka buuxo, ayna keentay Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب, mataanta Cabdu Allaahi\عبد هللا, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, waxayna xeeradaas ama baaquligaas cadarku ka buuxo kuway axdiga lahaayeen u dhigeen Masjidka dhexdiisa iyo Kacbada agteeda. Markaasey raggu gacnohooda xeeradaas dhex geliyeen, oo ay markaas ilmo Cabdi Manaaf عبد منافaxdi la dhigteen xulufadooda iyo cahdi. Kaddibna gacnohooday Kacbada mariyeen, adkayn ay heshiiskaan adkeynayaan. Markaasaa waxaa loo bixiyay, waa ilmo Cabdi Manaaf عبد منافiyo xulufadoodiiye, Al Mudhayyabiina\المطيبين, oo ah kuwa udgoon. Waxaa kaloo la oran jiray Al Daafata\الدافة. Sidaas ayaa xilfigaas loogu bixiyay "Kuwa udgoon\"المطيبين. Reer Banii Cabda Al Ddaari\ بني عبد الدارiyo xulafadooduna waxay axdi iyo ballan adag ku kala dhigteen Kacbada agteeda, kuna ay heshiiyeen inayan is dhiibin, uusan qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin. Markaasaa waxaa loo bixiyay kooxdaan "Al Axlaafu\"األحالف, oo ah "Gaashaanbuurta". Markaasey kuwaani waxay keeneen xeero dhiig ka buuxo oo ay gacnohooda wada geliyeen, kaddibna ay Kacbada gacnohooda mariyeen. Markaasaa waxaa loo bixiyay, oo kale, "Laciqatu Al ddami\"اعقة الدم, oo ah "Kuwa dhiigga leefay". Markaasaa qabaa'ilka ay labada kooxood ka koobnaayeen la isku beegay, oo qabiil kasta oo xilfi ka tirsan mid xilfiga kale ka tirsan inuu ke beegmo oo uu celiyo oo uu la dagaallamo lagu aadiyay, dagaalna la isu diyaariyay. Qabaa'ilka sida la isugu beegayna waxay ahayd sidatan: Banuu Cabdi Manaaf عبد منافwaxaa lagu beegay Banuu Sahm\بنوسهم, Banuu Asad\بنوأسد waxaa lagu beegay Banuu Cabda Al Ddaari\بنوعبد الدار, Banuu Zuhrata\ بنوزهرةwaxaa lagu beegay Banuu Jumax\بنوجمح, Banuu Taym\ بنوتيمwaxaa lagu beegay Banuu Makhzuum 125 \بنومخزوم, Banuu Al Xaarith bin Fihr\ بنوالحارث بن فهرwaxaa lagu beegay Banuu Cadiyyi bin Kacbi\بنوعدي بن كعب. Markaasey waxay yiraahdeen: qabiil walba qabiilka la aadiyay ha celiyo. Markay xaaladdu sidaas tahay, oo xarbi la goostay oo la isku diyaariyay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay sulxi \صلح iyo heshiis, laguna heshiiyay in reer Cabdi Manaaf\ عبد منافla siiyo Al Siqaayata\ السقايةiyo Al Rifaadata\الرفادة, reer Cabda Al Ddaarna\ عبد الدارla siiyo Al Xijaabatu\الحجابة, Al Liwaa'u\اللواء iyo Daaru Al Nadwati\دار الندوة, siday hore ugu lahaayeen. Sidaas ayay labada kooxoodba oggolaadeen, raallina ku noqdeen, xarbigiina looga noqday oo nabad la helay. Labadaas xilfi sidaas ayay u jireen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىIslaamka ka keeno, markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."ما كان من حلف في الجاهلية فإن اإلسالم لم يزده إال شدة "Maa kaana min xilfin fii al jaahiliyyati fa inna Al Islaama lam yazidhu illaa shiddatan." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wixii xilfi jaahiliyada jiray islaamku waxaan xoojin ahayn uma uusan kordhin." Markaasey, sida la yiri, wiilashii Cabdi Manaaf\ عبد منافqaybtey heshiiskaas ku heleen u qori tuurteen, waxaana helay Haashim bin Cabdi Manaaf\هاشم بن عبد مناف, oo yeeshay Al Siqaayata\ السقايةiyo Al Rifaadata\الرفادة. Isaga dabadiisna waxaa xilalkaas qabtay walaalkiis Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\المطلب بن عبد مناف. Markuu Al Mudh-dhalib المطلبdhintayna waxay xilalkaasi u wareegeen wiilkuu awoowaha u yahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa aabihiis Cabdu Allaahi\ عبد هللاdhalay, Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\عبد المطلب بن هاشم. Haashim\ هاشمwalaalihiis Cabdi Manaaf\ عبد منافwuxuu dhalay, Haashim\ هاشمka sokow, afar nin iyo gabdhada soo socda: 1. Cabdu Shams bin Candi Manaaf\عبد شمس بن عبد مناف, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo ganacsi iyo nabadgelyo la galay Al Najaashiyyi \النجاشي, boqorka xabashada, faraciisana ay ka mid yihiin reer Banii Umayyah\بني أمية, uuna ka dhashay Amiiru Al Mu'miniin Cuthmaan bin Caffaan Thuu Al Nuurayn\أمير المؤمنين عثمان بن عفان ذا النورين. 2. Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\المطلب بن عبد مناف, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo ganacsi iyo nabadgelyo la galay Boqorrada Ximyar\ حميرee Yaman\يمن, ayna ka farcameen Al Mudhalibiyyuuna\المطلبيون, uuna ka mid yahay Al Imaam Abii Cabdi Allaahi Muxammad bin Idriis Al Shaaficii\اإلمام أبي عبد هللا محمد بن إدريس الشافعي, Imaamka Math-habka\صاحب المذهب. 3. Nawfal bin Cabdi Manaaf\نوفل بن عبد مناف, oo heshiisyo saaxiibtinnimo iyo ganacsi iyo nabadgelyo la galay Kisraa Boqorka Iiraan\إيران, ayna ka farcameen Al Nawfaliyyuuna\النوفليون. 126 Haashimna, sidaan usoo sheegnay, wuxuu heshiisyo saaxiibtinnimo ganacsi iyo nabadgelyo la galay Boqorrada Roomaanka iyo Kuwa Shaam الشامee Ghassaaniyiinta\الغساسنة. Markaasaa afartoodaas walaalood waxaa loo bixiyay Al Mujabbiriina\المجبرين. 4. Cubaydun bin Cabdi Manaaf\عبيد بن عبد مناف, koofaartiisuna tahay Abuu Camr\أبوعمرو, waana cirib go'ay. Haashim\ هاشمiyo Cabdu Shams\ عبد شمسiyo Al Mudhalib\ المطلبwaa isku hooyo, hooyadoodna waxay ahayd Caatikatu bintu Murrata bin Hilaal bin Faalij bin Thakwaan bin Thaclabata bin Buhthata (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Sulaym bin Mansuur (waa saad) bin Cikrimata\عاتكة بنت مرة بن هالل بن فالج بن ذكوان بن ثعلبة بن بهثة بن سليم بن منصور بن عكرمة. Nawfal\ نوفلhooyadiisna waa Waaqidatu bintu Cumar Al Maaziniyyah bin Mnasuur bin Cikrimata\واقدة بنت عمر المازنية بن منصور بن عكرمة. Waxaa la yiri inay Haashim iyo Cabdu Shams ay mataano ahaayeen. 5. Tumaadar (waa daad dhibickor ku leh oo saadka ku xiga) bintu Cabdi Manaaf تماضر بنت عبد \مناف. 6. Qilaabatu bintu Cabdi Manaaf\قالبة بنت عبد مناف. 7. Xayyatu bintu Cabdi Manaaf\حية بنت عبد مناف. 8. Raydhatu bintu Cabdi Manaaf\ريطة بنت عبد مناف. 9. Ummu Al Akhtham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Haalatu bintu Cabdi Manaaf أم \األخثم هالة بنت عبد مناف. 10. Ummu Sufyaan bintu Cabdi Manaaf\أم سفيان بنت عبد مناف. Gabdhahaas oo idilna Haashim هاشمayay isku hooyo yihiin, oo Caatikatu bintu Murrata عاتكة بنت مرةayaa wada dhashay. Caatikatu\ عاتكةhooyadeedna waa Safiyyatu (waa saad) bintu Xawzatu bin Cumar Ibnu Saluul (oo magaciisu yahay Murratu) bin Sacsacah (oo labaduba waa saadka shiinka ku xigah) bin Mucaawiyah bin Bakr bin Hawaazin صفية بنت هوزة بن عمر إبن سلول (وإسمه مرة) بن صعصعة بن معاوية \بن بكر بن هوازن. Ayada hooyadeedna waa bintu Caa'ithy Allaahi\ بنت عائذ هللاoo u dhalatay qabiilka Sacd Al Cashiirah\ سعد العشيرةoo ka mid ah qabiilka wayn ee Janb min Mathxij جنب من \( مذحجwaa thaalka dhibicda kor ku leh oo deelka ku xigah). Haashim هاشمIlmihiisa Haashim bin Cabdi Manaaf\ هاشم بن عبد منافwuxuu dhalay afar nin iyo shan haween ah, oo kala ah: 1. Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\عبد المطلب بن هاشم. 2. Asad bin Haashim\أسد بن هاشم. 3. Abaa Sayfiyyi (waa saadka shiinka ku xigah) bin Haashim\أبا صيفي بن هاشم. 4. Nadlatu bin Haashim (waa daadka dhibicda kor ku leh saadka ku xigah)\نضلة بن هاشم. 5. Al Shifaa'u bintu Haashim\الشفاء بنت هاشم. 6. Khaalidatu bintu Haashim\خالدة بنت هاشم. 7. Daciifatu bintu Haashim\ضعيفة بنت هاشم. 127 8. Ruqayyatu bintu Haashim\رقية بنت هاشم. 9. Xayyatu bintu Haashim\حية بنت هاشم. Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبiyo Ruqayyatu رقيةwaa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa, sidaan usoo aragnay, Salmaa bintu Camr bin Zayd Al Najjaariyyata سلمى بنت عمرو بن \زيد النجارية. Abuu Sayfiyyi أبا صيفيiyo Xayyatana حيةwaa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Hinda bintu Camr bin Thaclabah Al Khazrajiyyah\هند بنت عمرو بن ثعلبة الخزرجية. Nadlah نضلةiyo Al Shifaa'na الشفاءwaa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Jaxl bintu Xubayb bin Al Xaarith bin Maalik bin Xudhaydh Al Thaqafiyyah جحل بنت حبيب بن الحارث بن \مالك بن حطيط الثقفية, oo reer Thaqiif\ ثقيفu dhalatay. Khaalidah خالدةiyo Daciifana ضعيفةwaa siku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Waafidatu bintu Abii Cadiyyi Al Maaziniyyata\وافدة بنت أبي عدي المازنية. Asad\ أسدhooyadiis waxaa la yiraahdaa Qaylatu bintu Caamir bin Maalik Al Khazrajiyyi قيلة بنت \عامر ين مالك الخزرجي. Waxaa kaloo la yiri inay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلبiyo Asad أسدay isku hooyo wada dhashay. Dhimashada Haashimهاشم Haashim هاشمisagoo Safarka Quraysh\ قريشhoggaaminaya ayuu Ghazzah\ غزةee arliga Falasdhiin\ فلسطينku dhintay oo lagu duugay, isagoo wali dhallinyaro ah . Qabrigiisuna halkas ayuu ku yallaa. صور ضريح السيد هاشم جد الرسول الكريم بغزة . 128 صورة رقم 1 129 صورة رقم 2 صورة رقم 3 130 صورة رقم 4 صورة رقم 5 131 صورة رقم 6 132 صورة رقم 7 133 صورة رقم 8 صورة رقم 9 . 134 صورة رقم 11 )(www.alwatanvoice.com/arabic/news/2006/03/01/38638.html ee arligaغزة\ ee Ghazzahهاشم بن عبد مناف\Qabriga Haashim bin Cabdu Manaaf , aan kasoo qaadannay bogga kor ku xusan.فلسطين\Falasdhiin Kaddib wahaabiyiin ayaa qabriga ka saaray masjidka, dumiyayna oo dhulka la simay, taasoo ka caraysiisay boqorka Urdun oo saddexda nin oo camalkaas ku kacay dil ku xukamay, isagoo sheegay inay qabriga awoowihiis sidaas yeeleen, boqortooyadiisana isaga lagu magacaabay, sida isla boggaan laga akhrisan karo: حمالت توعية ويقول أبو نجيلة :إن هذه المظاهر استمرت حتى بداية االنتفاضة األولى ،حيث أقدم عدد من الشبان المحسوبين على جماعة اإلخوان المسلمين بعزل الضريح عن المسجد وإزالة شواهد القبر ،من أجل منع الناس من القيام بهذه البدع والطقوس ،ومارسوا حمالت توعية للناس. ويضيف" :مع مرور الوقت تقبّل الناس األمر ،وأصبحوا أكثر وعيًا بحرمة تلك البدع والخرافات التي كانوا يمارسونها داخل الضريح". لكن "هذا العمل أثار غضب الملك حسين عاهل المملكة األردنية الهاشمية الراحل ،حيث حكم على الشبان الثالثة الذين فصلوا الضريح عن المسجد باإلعدام ،لكونه يعتبر أن السيد هاشم بن عبد مناف جده وأن مملكته تنسب إليه" بحسب الشيخ أبو نجيلة. 135 Cabdi Manaaf\عبد مناف Awoowaha saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cabdi Manaaf\ عبد مناف. Cabdi Manaaf\ عبد منافhooyadiis waa Xubbaa bintu Xulayl ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin Kacbi bin Cumar Al Khuzaacii\حبى بنت حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمر الخزاعي. Luqad ahaan al xubshiyyatu\ الحبشيةwaxaa la yiraahdaa quraanyo wayn oo madow. Xulayl\ حليلwuxuu ahaa hoggaamiyaha qabiilka wayn ee Khuzaacah\خزاعة, wuxuuna hayey xilka maamulka Kacbada iyo fureheedaba. Cabdi Manaaf\ عبد منافwaa koofaar, magaciisana waxaa la yiraahdaa Al Mughiiratu \المغيرة, oo macnihiisu yahay "Weerare, midka cadawgiisa weerara, Duullane". Waxaa Cabdi Manaaf\ عبد منافloogu koofaaraya ayadoo ay hooyadiis u hibeysey u adeegidda sanam wayn oo ay lahaan jireen, ayna caabudi jireen oo la oran jirey Manaata \مناة, oo uuba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku xusay Aayadda labaatanaad ee Suuratu Al Najmi سورة \النجم, uuna ku yiri: )21( ُخ َرى ْ َو َم َناةَ الثَّالِثَةَ ْاْل "Wa Manaata al thaalithata al ukhraa(20)." oo macneheedu yahay "Iyo Manatadii\ المناةsaddexaad ee kale(20)". Marka magaca macnihiisu waxaa weeye "Addoonkii Manaata". Markaasuu aabihiis wuxuu arkay inuu magacaas u egyahay oo sidaas wiilkiisa loogu qaldi karo wiilkii awoowihiisa kore ee Kinaanah\ كنانةoo magaciisu ahaa Cabdi Manaat bin Kinaanah\عبد مناة بن كنانة. Markaasuu magaca wiilkiisa wuxuu u beddelay Cabdi Manaaf عبد مناف, oo ta'dii ayuu fa' ku beddelay. Erayga Manaaf\ منافwuxuu ka yimid naafa\ نافoo macnihiisu yahay waa kormaray oo uu sare ahaaday. Al Mughiiratu\ المغيرةkoofaartaas ayaa u kacday oo magaciisii uga xoog badatay. Cabdi Manaaf عبد منافwuxuu ahaa nin qurux badan, taasoo dhalisay in loo bixiyo Qamaru Al Badhaxaa'\قمر البطحاء, oo macneheedu yahay "Dayaxa Makkah\"مكة. Cabdi Manaaf عبد منافmarkuu koray oo uu nin dhallinyaro ah noqday waxaa u sugnaatay sharaf oo dhan iyo magac iyo madaxtinnimo, wuxuuna gacanta ku dhigay oo uu hantay xilalka 136 Al Rifaadatu\الرفادة, Al Xijaabatu\الحجابة, Al Siqaayatu\السقاية, Al Liwaa'u\ اللواءiyo Daaru Al Nadwati\دار الندوة. Cabdi Manaaf عبد منافwuxuu guursaday Caatikatu bintu Murrata bin Hilaal bin Faalij bin Thakwaan (waa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigta) bin Thaclabah bin Buhthaata (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Sulaym bin Mansuur (waa saadka shiinka ku xiga) bin Cikrimata\ عاتكة بنت مرة بن هالل بن فالج بن ذكوان بن ثعلبة بن بهثة بن سليم بن منصور بن عكرمة. Ayada hooyadeedna waa Safiyyatu (waa saad) bintu Hawzatu bin Cumar Ibnu Saluul (oo magaciisu yahay Murratu) bin Sacsacah (labaduba waa saad) bin Mucaawiyah bin Bakr bin Hawaazin \ صفية بنت هوزة بن عمر إبن سلول (واسمه مرة) بن صعصعة بن معاوية بن بكر بن هوازن. Ayada hooyadeedna waa bintu Caa'ithu Allaahi\ بنت عائذ هللاoo u dhalatay qabiilka Sacd Al Cashiirah\ سعد العشيرةee gala qabiilka Janb\ جنبoo ka tirsan Mathxij\( مذحجwaa thaal kor dhibic ku leh oo deelka ku xiga). Caatikatu\ عاتكةwaxay Cabdi Manaaf\ عبد منافu dhashay: 1. Haashim bin Cabdi Manaaf\هاشم بن عبد مناف. 2. Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf\عبد شمس بن عبد مناف, dhashiisana ay ka mid yihiin Banii Umayyah, uuna ka dhashay Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan Thaa Al Nuurayn \أمير المؤمنين عثمان بن عفان ذا النورين, Allaha raalli ka noqdee 3. Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf\المطلب بن عبد مناف, ayna ka farcameen Al Mudhalibiyyuuna\المطلبيون, uuna ka mid yahay Al Imaam Al Shaaficii\اإلمام الشافعي, Allaha raalli ka noqdee. 4. Tumaadar (waa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) bintu Cabdi Manaaf تماضر بنت عبد \مناف. 5. Qilaabatu bintu Cabdi Manaaf\قالبة بنت عبد مناف. 6. Xayyatu bintu Cabdi Manaaf\حية بنت عبد مناف. 7. Raydhatu bintu Cabdi Manaaf\ريطة بنت عبد مناف. 8. Ummu Al Akhtham (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Haalatu bintu Cabdi Manaaf أم \األخثم هالة بنت عبد مناف. 9. Ummu Sufyaan bintu Cabdi Manaaf\أم سفيان بنت عبد مناف. Cabdi Manaaf\ عبد منافwuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Waaqidatu bintu Camr Al Maaziniyyah\واقدة بنت عمرو المازنية, waxayna u dhashay: 10. Nawfal bin Cabdi Manaaf\نوفل بنت عبد مناف, ayna ka farcameen Al Nawfaliyyuuna\النوفليون. Cabdi Manaaf\ عبد منافwuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Raydhatu Al Thaqafiyyah\ريطة الثقفية, waxayna u dhashay wiil: 11. Abuu Camr bin Cabdi Manaaf\أبوعمرو بن عبد مناف. 137 Cabdi Manaaf عبد منافWalaalihiis Cabdi Manaaf عبد منافwaxaa la dhashay ragga iyo haweenka soo socda: 1. Cabda Al Ddaari bin Qusayy\عبد الدار بن قصي, oo ah kuwa tan iyo zamankii aabohood Qusayy\ قصيhayey xilka Al Xijaabatu\الحجابة, oo ah u adeegidda Kacbada iyo Fureheedaba, waxaana xilkaas ilaa maantadaan haya reer Banii Shaybatu\ بني شيبةee dhashiisa ah. 2. Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\عبد العزى بنن قصي, dhashiisa ay ka mid tahay Ummu Al Mu'miniina haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijatu bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayyi أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد \العزى بن قصي, Allaha raalli ka noqdee. 3. Cabdi bin Qusayyi\عبد بن قصي. 4. Takhmuur bintu Qusayyi\تخمور بنت قصي. 5. Barrata bintu Qusayyi\برة بنت قصي. Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\ هاشمku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran. 138 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Afar) Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam awoowihiisa afaraad Qusayy قصي بن كالب Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 USA 139 Tusmada Kitaabka Mawduuca 1. Tusmada Kitaabka 2. Araarta dhigaha kitaabka 3. Dhasha Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu 4. Dhasha Nabi Ismaaciil, Calayhissalaamu 5. Ka guuridda Makkah ee Dhasha Nabi Ismaaciil, Calayhissalaamu 6. Cadnaan iyo Bukhtunassar 7. Ka saaridda Makkah ee Jurham 8. Daad Makkah soo galay 9. Quraanyo Makkah kusoo degatay 10. Jebinta Jurham 11. Riwaayadda Al Suhaylii ee Xajarul Aswadka 12. La wareegidda Khuzaacah ee Maamulka Baytka 13. Qariibnimada Al Xaarith bin Mudaad ee Makkah 14. Zayd 15. Qusayy 16. Kacdoonka Qusayy 17. Qusayy oo amarka Makkah ku adkaaday 18. Madaxtinnimada Qusayy 19. Daaru Al Nadwati 20. Amarka Al Rifaadatu 21. Qusayy oo Kacbada dhisay 22. Deeqday Makkah arliga intiisa kale dheertahay 23. Magacda Makkata Ak Mukarramati 24. Xaramka Makkata Al Mukarramati 25. Al Tanciimu 26. Nakhlata 27. Adaata laban 28. Al Jicraanatu 29. Al Xudaybiyyah 30. Jabalu Carafaat 31. Magacda Kacbada 32. Inta goor oo kacbada la dhisay 33. Cabbirrada Kacbada 34. Kacbada gudeheeda 35. Saqafka Kacbada 36. Al Shaatharwaanu 37. Harka Kacbada 38. Al Kiswatu 39. Cabbirrada Kiswada 40. Quraanka kiswada ku dhigan 41. Suunka Kacbada hoostiisa 42. Sataarada albaabka Kacbada 43. Al Baytu Al Macmuuru 44. Ciidan Kacbada ku duulaya Bogga 139 141 143 143 144 146 147 148 148 149 149 152 152 152 154 158 159 160 163 164 165 165 170 175 175 175 176 176 176 176 176 179 185 186 186 186 187 187 188 188 193 195 198 198 140 45. Duminta Kacbada 46. Labada nin oo dhimasho ugu dambeysa ummaddaan 47. Qusayy soo noolee 48. Al Muzdalifatu 49. Minaa iyo Masjidu Al Baucah\Masjidu Al Caqabah 50. Masjidu Al Kabshi 51. Masjidu Al Khayfi 52. Al Jamraat 53. Xikmooyinka Qusayy 54. Qusayy walaalihiis 55. Ilmaha Qusayy 56. Dhimashada Qusayy 199 199 200 201 208 210 214 215 220 220 220 221 141 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini. وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره.بإحسان إلى يوم الدين .الغافلون Kitaabkaan Qusayy\( قصيwaa saad) kana kooban lix iyo konton qaybood waa kii afaraad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\تفسير البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\ األلوسي, Dhaahir Caashuur طاهر \ عاشورiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka\ ;السننKutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii\( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\( القاضي اإلمام حسين بن محمد بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qadii Ciyaad\( القاضي عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, iyo Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير \ البريةSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi\ اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسيoo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\ أمير المؤمنين عمرah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\ دليل الحاج المصورuuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal \صالح محمد جمال, intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii\ الحافظ أبي نعيم األسبهانيoo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga) iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii\( اإلمام الشافعيdhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee Hijriga) ee Al Ummu\ األمiyo Culuumu Al Quraani\علوم القرآن, iyo kutubbada Imaam Al Nawawii\( اإلمام النوويoo noolaa inta u dhexeysa lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc\المجموع, Manaasiku Al Xajji\ مناسك الحجuuna sharxay Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\( أبن حجر الهيتميoo Makkah\ مكةku dhintay sagaal boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\األذكار, Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi \ سبائك الذهب في معرفة قبائل العربee Shaykh Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al shahiir bi Al Suwaydii\الشيخ أبي الفوز محمد امين البغدادي الشهير بالسويدي, Lisaanu Al Carabi لسان \ العربee Al Imaamu ibnu Al Manthuur\( اإلمام إبن المنظورnolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo 142 soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\ مختار الصحاحee Al Raazii\الرازي, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, uuna tarjumay Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Axad, kow iyo labaatanka Rajab\ رجبkun afar boqol saddex iyo labaatan Hijriga, una dhiganta sagaal iyo labaatanka September laba kun iuo laba miilaadiga. 143 Dhasha Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhissalaamu Nabi Ibraahiimإبراهيم, Calayhissalaamu, wuxuu lahaa ilmo kale oo aan Ismaaciil\ إسماعيلiyo Isxaaq\ إسحاقahayn, waxayna kala yihiin sideed caruur oo ay u dhashay haweeneyda la yiraahdo Qadhuuraa binti Yaqdhir\قنطوراء بنت يقطر, ayna ka mid yihiin: (1) Madyaanu\ميدان. (2) Zamraanu\زمران (3) Sirju\سرج. (4) Niqshaanu\نقشان, kanoo intuu guursaday haweeney la yiraahdo Righwatu\ رغوةu dhashay nin la yiraahdo Barbar\بربر, kanoo ah aabahay ku abtirsadaan dadka Barbariyiinta\ البرابرla yiraahdo, oo Waqooyiga iyo Waqooyi Bariga Afrika ku nool. Riwaayad ayaa waxay warisay inuu ninkaanu dhalay soomaalida, oo uu ahaa midka ugu horreeyey oo degmada Barbara dega. (5) Nashaq\نشق. (6) Madan\مدن. Nabi Ibraahiimإبراهيم, Calayhissalaamu, wuxuu kaloo guursaday haweeney la yiraahdo Xajjuun bintu Uhayn\حجون بنت أهين, wxayna u dhashay shan wiil oo kala ah: (1) Kiisaan\كيسان. (2) Suuraj\سورج. (3) Umaym\أميم. (4) Luudhaan\لوطان. (5) Naafis\نافس. Dasha Nabi Ismaaciilإسماعيل, Calayhissalaamu Nabi Ismaaciil wuxuu dhalay laba iyo toban wiil oo kala ah (1) Naabit\نابت, oo curadkiisa ah, (2) Qaydar\قيدر, (Qaydaar-na\ قيدارwaa la yiri), (3) Athbul\( أذبولwaa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah), (Adbiilna\ أدبيلwaa la yiri), (4) Manshaa\منشا, (5) Mismac\مسمع, (6) Maasaa ماسا, (7) Dimmaa\دما, (8) Athar\( أذرwaa thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah), (9) Dhiimaa\طيما, (10) Yadhuuraaيطورا, (11) Nabish\نبش, (12) Qaythumaa\( قيذماwaa thaalka dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah). Wiilashaas hooyadood magaceedu wuxuu ahaa Al Sayyidatu bintu Mudaad bin Camr Al Jurhamiyyi\السيدة بنت مضاض بن عمرو الجرهمي, waana midda uu Ibraahiim\ إيراهيمku oran doono, markuu Makkah\ مكةyimid ayadoo uu Ismaaciil\إسماعيل qabo, markaasna uu Ismaaciil\ إسماعيلMakkah\ مكةka maqan yahay: "Waxaad ninkaaga ku tiraahdaa markuu yimaado: "Raalli ayaan xakabadda gurigaaga kaaga ahay". Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Jurham\ جرهمwaa ina Qaxdhaan\قحطان, Qaxdhaanna قحطانwaa aabaha Yaman\ يمنwada dhalay, oo isaguu nasabkoodu isugu yimaadaa, Qaxdhaanna\ قحطانwaa Ibnu Caabir bin Shaalakh bin Arfakhshad bin Saam bin Nuux\إبن عابر بن شلخ بن أرفخشد بن سام بن نوح." Haweentaas waxay Ismaaciil إسماعيلu dhashay oo kale gabar la yiraahdo Nasmatu bintu Ismaaciil\نسمة بنت إسماعيل, uuna guursaday ina adeerkeed Caysuu (waa saadka shiinka ku xigah) bin Isxaaq bin Ibraahiim\ عيصو بن إسحاق بت إبراهيم, waxayna u dhashay wiil la yiraahdo 144 Al Ruum\الروم, oo Roomaanka aabohood ah, iyo wiil Faaris\ فارسla yiraahdo oo Iiraaniyiinta dhalay. Laba iyo tobankaas wiil oo uu Ismaaciil إسماعيلdhalay ayaa Carabta maanta jirta ka wada farcantay, haddii Qaxdhaan\ قحطانlaga dhigo siday culummada qaarkood yiraahdeen ina Cadnaan bin Udd\عدنان بن أد, oo ah awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ka guuridda Makkah\ مكةee dhasha Ismaaciilإسماعيل Dagaalka Jurham\ جرهمiyo Qadhuuraa'\ قنطوراءdhex maray kaddib, nabad iyo xasillooni ayaa Makkah\ مكةka dhacay, ayadoo ay Jurham\ جرهمmaamulka Kacbada hayso, ilmihii Nabi Ismaaciilnaإسماعيل, Calayhissalaamu, ay tarmeen, Makkana\ مكةay reer abtigood wada degganaayeen. Kaddib, markay tarmeen oo ay bateen Makkah\ مكةway ku yaraatay oo ay ciriiri noqotay, ayadoo aan beero, wabiyo iyo daaqsiin ku filan lahayn. Laba iyo tobankii wiil oo ahaa ilmo Ismaaciil waxaa ka farcamay laba iyo toban qabiil, qabiil walbana uu leyyahay oday u madax ah oo hoggaankooda haya. Markaasey waxay goosteen inay Makkah\ مكةka guuraan oo ay arliga Ilaahay oo kale degaan, meel biyo iyo beer iyo baad leh. Qabiil walba intuusan Makkah\ مكةka guurin, Kacbada ayuu ku dhawaafay, ayagoo Ilaahay ugu shukrinaya rizqiga iyo galladda uu ku manneystay, kana baryaya inuu meel khayr leh dejiyo. Ilmo Ismaaciil إسماعيلKacbada aad ayay u jeclaayeen, markaasey markay Makka\ مكةka baxayeen dhagaxda Kacbada agteeda yiillay wax kasii qaateen, si ay intay qurbaha joogaan kusoo xusuustaan. Markasuu qabiil walba wuxuu kaxeystay haweenkoodii iyo caruurtoodii iyo xoolohoodiiba. Qabiilka Naabit\ نابتwuxuu degey Badda Maydka ah ee arliga Falasdhiin\فلسطين. Markaasey dadkii beeshaas degganaa waxay u arkeen reer Naabit\ نابتinay dhulkii ka qaadeen iyo daaqsiintii xoolahaba. Markaasey dagaal kusoo qaadeen, Ilaahayna wuxuu guusha siiyay muslimiinta dhasha Naabit bin Ismaaciil bin Ibraahiim Khaliilu Al Rraxmaani\نابت بت إسماعيل بن إبراهيم خليل الرحمن ahayd. Sidaas ayay Naabit نابتbeeshaas ku degtay oo ay ku nagaaday. Kaddib waxaa ubadka Naabit نابتloo aqoon doonaa Al Nabdhiyyuuna\األنباط, oo Boqortooyo yeelan doona ay caasimaddedu tahay Al Badhraa'\البطراء, oo ah magaalo yaab leh, oo dhammaanteedba buuro ku wareegsan yihiin oo hal dariiq keli ah uu galo, le'egna inutuu hal qof oo socda mari karo, una jirta Cammaan\عمان, caasimadda dalka Urdun\ أردنlaba boqol iyo konton kiilomitir, kana xigta xagga Koofur iyo xagga Boqortooyada Sucuudiga. 145 Al Badhraa'\ البطراءwaxaa laga qoray oo ay ku dhex taalla buuraha meeshaas ku yaalla, oo waa magaalo idil oo buuraha ka qodan! Nasabka Quraysh\ قريشwuxuu galaa Nabdhiyyiintaas\األنباط, sida Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسlooga wariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee. Qabiilka Qaydarna\ قيدرsidaas oo kale ayay ayaguna Makkah\ مكةuga guureen, waxayna degeen dariiqa Safarrada iyo garawaantu maraan, halkaasoo ay ku xasileen oo ay ku nagaadeen. Qabiilka Duuma\ دومayagana Makkah\ مكةway ka baxeen, waxayna degeen dariiqa Safarrada ganacsigu maraan, meel aan reer Qaydar\ قيدرka fogayn, waana meesha kaddib Boqortooyada Duumatu Al Jandal\ دومة الجندلnoqon doonta, sidaan Inshaa'a Allaahu, siirada ugu arki doonno. Qabiilka Masaa\ مساmarkay Makkah\ مكةka guureen waxay degeen Bariga meesha la yiraahdo Mu'aab\ مؤآبoo Falasdhiin\ فلسطينagteeda ah, meel Waqooyi Galbeed degmada qabiilka Naabit نابتuga beegan. Qabiilka Taymaa'a\ تيماءwaxay ayagu degeen Al Calaa\العال. Qabiilka Ithbiil\ إذبيلwaxay degeen Ghazzah\ غزةagteeda ee arliga Falasdhiin\فلسطين, meel degmadaas Koofur Galbeed ka xigtah. Qabiilka Yadhuur\ يطورwaxay degeen Saynaa'\ سيناءee maanta Masar\ مصرka tirsan, waxayna ka degeen meesha ayaga lagu magacaabay oo ah Al Dhuur\الطور. Meel kastoo ay degaanba, ilmo Ismaaciil\ إسماعيلmar walba ayaga ayaa gacanta sare ka lahaa dadkey meeshaas ugu tageen oo la dagaallamay, maxaa yeelay aygu muslimiin ayay ahaayeen, oo Ilaahay ayaga ayuu la jiray. Ilamo Ismaaciil إسماعيلmarkay u hiloobaanba, Makkah\ مكةway kusoo noqonayeen, si ay Kacbada ugu dhawaafaan. Markay muddo dheer kasoo wareegatay, oo ay dhasheen facyo cusub oo aan Makkah\ مكةiyo Kacbada agteeda kusoo noolaan, ayay quluubtoodii adkaatay, oo ay odayadoodu ka baqeen inay hawada naftooda raacaan. Markaasey dhagaxdii Kacbada oo meel adag ugu kaydsanayd soo bixiyeen, si ay Kacbada u xusuustaan iyo Xaramka Makkah\حرم مكة. Markaasey dhagaxdaas ay aabayaalkood soo qaadeen ayay waxay odayadii dhigeen meel ay cibaadada ugu tala galeen oo ay u diyaariyeen oo aamin ah, sida Xaramka Makkah\ حرم مكةoo kale. Markaasey waxay calaamadeeyeen barta dhawaafka laga bilaabayo, kaddibna ay dhagaxdaas ku dhawaafeen sida Kacbada loogu dhawaafo oo kale. Odayadu markay sidaas yeeleenna way isla hagaagsanaayeen, ayadoo ujeedadoodu tahay inuu dhawaafkaasu ruuxooda iyo kuwa faca cusubba u siiyaan cunno ruuxi ah, taasoo laga helo ku dhawaafidda Kacbada. Sidaas ayay fitnada Diintu ku bilaabatay, oo kaddibna, waa dambe, intuu Ibliis nin isaga soo dhigay ayuu kula taliyay inay dhagaxdaas sanam ka sameeyaan oo ay caabudaan. 146 Nabdhiyyiintu\ األنباطwaxay Badda Maydka ah kala soo bixi jireen macaadin, waxayna ganacsi u tegi jireen dalka Masar\مصر, halkaasoo ay asnaam qurxoon kusoo arkeen. Masar\ مصرayay asnaamtaas kasoo qaateen, ayna bilaabeen inay caabudaan. Waxaa asnaamtaas ka mid ahaa Allaata\ الالتiyo Al Cuzzaa\العزى. Asnaamtaas kaddib waxay u gudubtay Duumatu Al Jandal\دومة الجندل, oo ayadana laga caabuday iyo degmooyinkii kale ee dhasha Ismaaciilإسماعيل. Labadaas sanam ee Allaata iyo Al Cuzzaa\ الالت زالعزىwuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ku xusay Aayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Al Najmi\سورة النجم: َّ أَفَ أرَْيتُم )11( ت َواْل ُع َّزى َ الَل ُ َ "Afara'ytumu Allaata wa Al Cuzzaa(19)", oo macneheedu yahay "Bal ka warramaya (sanamyada) Allaata\ الالتiyo Cuzzaa\(العزى19)." Cadnaan\ عدنانiyo Bukhtunassar\بختنصر Bukhtunassar\ بختنصرwuxuu ahaa Boqor cajam ah oo Baabil\ بابلu taliyay, caasimaddiisuna ay ahayd Niinawaa\نينوى, magaaladii Nabi Yuunus bin Mattaa\يونس بن متى, Calayhissalaamu, oo Waqooyiga Ciraaq\ عراقku taalla. Kaddibna wuxuu caasimad ka dhigtay, markuu Boqorkeedii ka adkaaday, Baabil\( بابلmacnaha Baabil\ بابلwaa Baabu\ بابoo ah albaabka iyo Iil\ إيلoo ah Ilaahay, sida Quddus\ قدسloo yiraahdo oo kale Baytu Iil\ بيت إيلoo ah Guriga Ilaahay), oo ayaduna dalka Ciraaq\ عراقku taalla. Bukhtunassar بختنصرwuxuu Boqor ahaa inta u dhexeysey kun iyo boqol iyo lix iyo konton sano ilaa kun iyo boqol iyo sideed iyo soddon sano ka hor dhalashada Nabi Muaxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Zamankiisaas waxaa Boqortooyada Nabdhiyyinta\ األنباطBoqor u ahaa Cadnaan bin Udd عدنان بن أد, oo ah faraca Nabi Ismaaciil\إسماعيل, iyo awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Salla Allaahu Calayhi Wasallam. Bukhtunassar بختنصرwuxuu kusoo duulay oo uu burburiyay, sidaan hore u soo sheegnay, Dawladdii Yuhuudda, kaddibna wuxuu usoo baxay la dagaallanka Carabta uu Cadnaan \عدنان madaxa u ahaa. Cadnaan\ عدنانiyo Bukhtunassar بختنصرwaxay isaga horyimaadeen meesha la yiraahdo Xasuuraa'\( حصوراءwaa saadka shiinka ku xiga). Intuusan xarbiga u bixin, Cadnaan\عدنان wuxuu labadiisii wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Macadd\معد, oo markaas laba iyo toban sano jira ahna awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi 147 Wasallam, iyo Cakk\عك, u diray arliga awoowayaalkiisu ka yimaadeen ee Makkata Al Mukarramati\مكة المكرمة. Dagaalkaas khasaarooyin ayaa laba dhinacba gaaray, wayna kala adkaan waayeen. Markaasuu Boqor walba dalkiisa dib ugu laabtay, isagoo aan guul iyo jebin midna wadin. Bukhtunassar بختنصرCarab wuu ka adkaan waayey siduu Yuhuudda uga adkaaday oo kale. Ka saaridda Makkah\ مكةee Jurham\جرهم Makkah\ مكةwaxaa mar walba ka socday ganacsi xoog leh, ganacsigaana wuxuu keenay dahab iyo qalin iyo maal, oo sidaas ayay reer Makkah \ مكةiyo Jurham\ جرهمwaxay noqdeen dad hodan ah. Markaasey Jurham\ جرهمwaxay doontay inay Rabbiga Baytka\ رب البيتhadiyad hodannimadoodaas u dhigantah u hibeeyaan. Markaasey laba deero oo dahab ka sameysan uurka Kacbada dhigeen. Jurham\ جرهمwaxay markaas Maamulka Kacbada haysaa in ka badan toddoba boqol oo sano. Markaas kaddib ayaa waxaa Jurham\ جرهمBoqor u noqday ninka la yiraahdo Al Xaarithu bin Mudaad bin Camr ibnu Al Xaarith Al Jurahmiyyi \الحارث بن مضاض بن عمرو إبن الحارث الجرهمي, kanoo Maamulka Kacbada iyo martida Ilaahayba dandarreeyey, waxaana Makkah\ مكةka dillacay thulmi\ ظلمiyo gardarro loo geysto dadka soo gala oo yimaada. Caddaaladdiina way xumaatay oo suuqyadii wax lagu kala gadanayey khayaano ayaa ka dillacday. Macadd bin Cadnaan\معد بن عدنان, markuu Makkah\ مكةyimid, kaddib markuu aabihiis Al Badhraa'\ البطراءkasoo diray, halkaas ayuuna ku koray, Makka\ مكةayuuna ku guursaday, caruurna ku dhalay. Markuu Macadd معدdhintay, isagoo Muslin ah oo Diinta Ibraahiim \إبراهيم, Calayhissalaamu, ku taagan, ayaa Cadnaaniyiinta waxaa oday u noqday wiilkiisa Nizaar bin Macadd bin Cadnaan\نزار بن معد بن عدنان. Nizaar نزارwuu ka xumaaday xadgudubkaas ay Jurham\ جرهمku kacday, markaasuu markuu dhimanayey wuxuu wiilashiisa kula dardaarmay inay Jurham \ جرهمMakkah\ مكةka saaraan, wuxuuna yiri: "Jurham\ جرهمBaytka\ البيتka saara, Maamulkiisana ha la wareego Iyaad\( إيادoo ah ina Nizaar\)نزار." Markaasu Nizaar نزارdhintay. Kaddib waxaa kulmay wiilashiisa Iyaad\ إيادiyo Mudar\مضر (waa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) iyo Rabiicah\ ربيعةiyo Anmaar\أنمار, kana tashaday sida dardaaranka aabohood loo fulin lahaa, oo kuwa Baytka Ilaahay\ بيت هللاku xad gudbay Makkah\ مكةlooga saari lahaa. Afartaas wiilba waxaa ka farcamay afar qabiil oo waynoo Carab ah, magacdoodana sita. 148 Daadad Makkah\ مكةsoo galay Intayanse dagaal bilaabin ayaa Samadu unkadday oo ay biriqday oo ay roob xoog leh soo deysey, ay guryihii Makkah\ مكةla gariireen, khaymadihiina udubbada u siibay, kuwa Xaramka Ilaahay ku xad gudbayna quluubtooda cabsi iyo argagax ku riday. Daadad ayaa buuraha Makkah\ مكةkasoo rogmaday oo Kacbada galay oo dumiyay. Markaasuu dadku ka baqay inuu Ilaahay u caroodo siduu reer Nabi Nuux\ نوحugu carooday oo kale, oo ay biyuhu harqiyaan. Ilahayse wuu u naxariistay oo dhulka Makkah\ مكةayaa biyihii leqay, roobkiina waa ka joogsaday Quraanyo Makkah\ مكةkusoo degatay Daadadkaas iyo dumidda Kacbada kaddib, ayay dhashii Ismaaciil\ إسماعيلJurham\ جرهمu tageen, ayna kala hadleen siday Xaramka ugu xad gudbeen. Markaasey Jurham\ جرهمtawbad keen muujisay, Kacbadiina ay dib u dhiseen, oo ay siduu Ibraahiim\ إبراهيمu dhisay oo kale u dhiseen, aasaaskiisana ku kor dhiseen. Muddo ayaa soo wareegtay, Jurhamna\ جرهمway hilmaantay digiddii Samada looga digay, oo ay xadgudubkiina soo celiyeen, ciddii Makkah\ مكةsoo gashana ay thulmiyeen, beecana ay miisaanka ku khayaaneen oo ay khafiifiyeen, dadka Xujayda ah oo Ilaahay martidiisa ahna ay cabsi geliyeen. Markaasey waxay xadeen dahabka iyo maalka uu dadku Kacbada u hibeeyo oo god dhexdeeda ku yiillay lagu kaydin jiray. Maalkaasna waxaa lagu bixin jiray Maamulka Kacbada, waxaana wax laga siin jiray fuqarada saboolka ah iyo masaakiinta, xujaydana waa laga waraabin jiray, cunnana looga gadi jiray. Waxaa la wariyay in nin Jurham ka mid ah uu godkaas galay, godkaasoo uu Nabi Ibraahiim إبراهيم, Calayhissalaamu , qoday, si hadiyadaha Kacbada loo hibeeyo loogu kaydiyo. Ninkaas Jurham\ جرهمu dhashay wuxuu godkaas u galay inuu maalka Kacbada xado. Markaasaa godka afkiisa dhagax kasoo fuqay oo ku kusso dhacay, kuna habsaday, halkaasna uu ku xabbisay. Markaasaa tuuggaas inta dhagaxii laga dul qaaday ayaa godkii laga soo saaray, maalkii uu soo xadayna gacantiisa laga bixiyay. Kaddib waxaa godkaas loo soo diray mas wayn oo madaxiisu waxar madaxeeda oo kale yahay, korkana ka madaw, calooshana ka cad, oo cabsiin jiray ciddii godkaas usoo dhowaata. Sida la sheegeyna, maskaasu wuxuu godkaas ku sugnaa ilaa shan boqol oo sano, sidaan qisadiisa ugu sheegi doonno, Inshaa'a Allaahu, markaan ka warbixineynno markay Qurayshi Kacbada dib u dhistay. Labadaas deerana waxaa heli doona, sidaan kutubteyda Cabdu Allaahi iyo Aaminah iyo Cabdu al Mudh-dhalib ugu soo sheegnay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa Cabdu Al Mudh-dhalib, marka la tusay ceelka Zamzam, inuu qodana lagu amray. Jurham kaddibna Kacbaday ku xadgudbeen oo waxayba ka dhigteen meel lagu caweeyo, sida naadi naadiyadooda ka mid ah oo kale, oo waynaanteeda ayaaba quluubtooda laga saaray. Markaasaa waxaa buuraha Makkah\ مكةkasoo degatay quraanyo, oo Makkah\ مكةkusoo degatay, ilaa ay dhulkii oo idil dabooshay oo uu madawgeedu wada daboolay. Markaasey 149 dhirtii wada gashay, iyo ariga iyo geelaba, oo inta sanka iyo afkaba ka gashay uurkooda buuxisay, oo waxaan lafo ahayn ayan reebin. Markaasey quraanyado markay intii kaloo idil soo dhammeysay, ay Kacbada timid, oo ay hareereysay, oo ay kuwii agteeda ku caweynayey oo ku qoslayey meel walba ka gashay. Markaasey dadkii Makkah\ مكةdegganaa u gudubtay, oo intay meel walba ka gashay ay dhulka ku daateen, kuna dhex daateen bado quraanyo ah. Sidaas ayay ku la'deen, oo ay quraanyo laysay. Markay in badan Jurhamkii\ جرهمKacbada ku xad gudbay ka dhinteen, ayay quraanyadii Makkah\ مكةka baxday, oo ay buureheeda ku noqotay. Jebinta Jurham\جرهم Markaas kaddib, ayay Iyaad iyo Mudar\ مضرiyo Rabiicah\ ربيعةiyo Anmaar\أنمار, wiilasha Nizaar\نزار, ayagoo meel marinaya dardaaranka aabohood, oo ahaa in Jurham\ جرهمMakkah \ مكةlaga saaro,, ayay ayagoo ay la saf yihiin intii kale ee dhasha Ismaaciil\إسماعيل, hub qaateen, oo ay reer abtigood Jurham\ جرهمla dagaallameen. Jurham\ جرهمwaa la jebiyay, oo laga adkaaday, Makkana\ مكةlaga saaray. Jurham\ جرهمBoqorkoodii Al Xaarith\ الحارثmarkuu arkay inuu dagaalku ku socdo jebintooda oo laga adkaan doono, ayuu wuxuu tegey Kacbada oo uu uurkeeda galay, wuxuuna kala soo baxay labadii deero oo dahabka ka sameysnaa, Xajarul Aswadkana\ الحجر األسودwuu la soo baxay oo Rukniguu kala soo baxay, wuxuuna goostay inuu labadaasba la cararo. Markaasuu wuxuu arkay in raggiisa la jebiyay oo ay Cadnaaniyiintu\ العدنانيونisaga xaggisa usoo socdaan, wuxuuna arkay inay soo gaarayaan oo wuxuu sito ay gacantiisa kala baxayaan. Markaasey ishiisu waxay ku dhacday ceelka Zamzam\زمزم. Markaasuu labadii deero iyo Xajarul Aswadkiiba\ الحجر األسودceelka Zamzam\ زمزمku duugay, oo uu ciid ka kor mariyay, kaddibna intuu daabbaddiisa fuulay ayuu Makkah \ مكةka baxay. Raggiisii markay arkeen Boqorkoodii oo sii cararaya ayay ayaguna baqdeen, oo ayaguna ka daba carareen. Sidaas ayay Jurham\ جرهمMakkah\ مكةuga baxday oo ay Yaman\ يمنugu guurtay. Riwaayadda Al Suhaylii\ السهيليee Xajarul Aswadka\الحجر األسود Al Suhayli\ السهيليwuxuu wariyay riwaayadaan kale, wuxuuna yiri: "Asalka soo wareegidda Maamulka Kacbada uu kasoo wareegay ubadka Mudar\ مضرuuna u soo wareegay Khuzaacah\ خزاعةwuxuu ahaa in Xaramku ciriiri ku noqday ubadka Nizaar\نزار (bin Macadd\)بن معد, Iyaadna\ إيادay ku xad gudubtay ayay ubadkii Banii Mudar bin Nizaar بني \مضر بن نزار, oo ilmo adeerradood ah ka saareen, Makkana\ مكةay ka eryeen. Markaasey habennimo u qasdeen Xajarul Aswadka\ الحجر األسود, kaasoo ay la bexeen, ratina ay saarteen. Markaasuu ratigii la arruntayoo uu la fariistay, oo uuba dhulka ku dhacay. Markaasey Xajarul Aswadkii\ الحجر األسودrati kale saareen, kaasoo isaguna arruntay oo dhulka kula dhacay. 150 Rati saddexaad ayay ku wareejiyeen, isaguna sidoo kale ayuu la fariistay. Markay intaas arkeen, ayay Xajarul Aswadkii\ الحجر األسودdhulka ku duugeen, iskagana tageen. Markaasey Makkah\ مكةmarkay waabariisatay oo ay Xajarul Aswadkii\ الحجر األسودarki waayeen, ayay kurbo wayni gashay. Haweeney Khuzaacah\ خزاعةu dhalatay ayaa u jeeday meesha lagu duugay, markaasey tolkeed u sheegtay. Markaasey Khuzaacah\ خزاعةwaxay ciddii Maamulka Baytka haysey u sheegtay inay tusayso meeshuu Xajarul Aswadku\ الحجر األسودyaallo, ayaguna ay Maamulka Baytka uga tanaazulaan oo ay kusoo wareejiyaan. Kuwaasna way yeeleen. Sidaas ayuu Maamulka Kacbadu ugu soo wareegay oo ay Khuzaacah\ خزاعةku yeelatay. Khuzaacah\ خزاعةwaxay xilkaas haysay ilaa uu Abuu Ghubshaan\ أبوغبشانku wareejiyay Cabdi Manaaf\عبد مناف. Taas weeyana macnaha hadalka Al Zubayru\الزبير. Intaas waa warkii Al Suhaylii\السهيلي. Ibnu Hishaam-na\ إبن هشامwuxuu yiri: "markay Jurham\ جرهمMakkah\ مكةku xad gudubtay, oo ay xurmadeedii xalaaleysteen, ayna ciddii soo gasha thulmiyeen, maalkii Kacbadana ay xadeen, ayuu amarkoodu wiiqmay. Markaasey qabaa'ilka la kala yiraahdo Banuu Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah بنو بكر بن عبد \ مناة بن كنانةiyo Ghubshaan\ غبشانoo Khuzaacah\ خزاعةu dhalatay, waxay goosteen oo ay ku heshiiyeen inay la dagaallamaan oo ay Makkah\ مكةka saaraan. Markaasey xarbi ugu dhawaaqeen, oo ay la dagaallameen, ayna ka adkaadeen, Makkana \ مكةay ka eryeen. Makkana\ مكةwaqtigii jaahiliyada ma ayan oggolaan jirin xadgudub iyo kibir xaqqa looga leexdo in dhexdeeda lagula yimaado, ciddii ula timaadana waa ayada saarta oo bixisa. Taas ayaana u sabab ah in loo bixiyay Al Naasatu\الناسة, mana jiro Boqor doonaya inuu xurmadeeda xalaaleysto ee waa illaa kan isla markaasba isla meeshiisa ku halaagsamah. Waxaaba la yiri in Bakkata\ بكةloogu bixiyay ayadoo jabbaariinta tabukku acnaaqahum تبك \ إعناقهمoo ah luqumaha ayay ka jebisaa markay xumaan ku dhex sameeyaan." Al Suhaylii\ السهيليriwaayad saddexaad ayuu ka wariyay sida Jurham\ جرهمMakkah\ مكةlooga saaray, wuxuuna yiri: "Markay Jurham\ جرهمMakkah\ مكةsiday ugu xad gudubtay ugu xad gudubtay, ayaa waqtigaasi wuxuu waafaqay oo uu ku beegmay markay (dadkii reer Yaman\ يمنee) Saba'\ سبأkala firdheen, kaddib markuu biyo xireenkii Al Carim\ العرمintuu burburay uu daad kusoo rogay. Wuxuu kaloo ku beegmay markuu Xaarithatu bin Thaclabah bin Camr bin Caamir حارثة بن ثعلبة \ بن عمرو بن عامرuu arliga Makkah\ مكةsoo degay, ayadoo ay sidaas ku amartay kaahinadda Camr bin Muzayqiyaa'a\ عمرو بن مزيقياءuna dhalatay qabiilka Ximyar\حمير. Wuxuu kaloo arligaas Makkah\ مكةku degay amarka Cimraan bin Caamir\ عمران بن عامرoo ah Camr\ عمروwalaalkiis, oo isaguna kaahin faaliya ahaa. Markaasuu Xaarithatu\ حارثةisagoo 151 qawmkiisa wada wuxuu soo degay arliga Makkah\ مكة, wuxuuna Jurham\ جرهمweydiistay inay u oggolaato inuu halkaas Makkah\ مكةagteeda ah degganaado maalmo, si biyo loogu soo dhaamiyo, sahanna uu dirsado usoo sahmiya meeshay arliga ka degi lahaayeen. Markaasey Jurham\ جرهمcodsigaas u diiday, oo ay ka careysiiyeen. Markaasuu Xaarithatu\حارثة wuxuu ku dhaartay inuusan Makkah\ مكةka bixin dagaal sokadiis mooyee iyo in laga adkaadee. Markaasey Jurham\ جرهمla dagaallantay, waxaana guushii helay reer Xaarithatu\حارثة, oo Jurham\ جرهمayaa la jebiyay. Dhasha Nabi Ismaaciil\إسماعيل, Calayhissalaamu, dagaalkaas kama ayan qayb gelin, oo laba kooxood midna lama ayan safan. Reer Xaarithatu\ حارثةwaxay u dhasheen qabiilka la yiraahdo Khuzaacah\خزاعة, oo sidaas ayay Khuzaacah\ خزاعةBoqornimada Makkah\ مكةula wareegtay, ayna ayaga ugu wareegtay oo ay u yeesheen Maamulidda Kacbada. Khuzaacah\ خزاعةwaxaa madax u ahaa ninka la yiraahdo Camr bin Luxayyi\عمرو بن لحي, kaasoo intii Jurham\ جرهمka hartay Makkah\ مكةka eryay, oo ay beledyada ku firdheen. Waxaana lagu salliday quraanyo iyo dhiig, intoodii u dambeyseyna waxay daadad ku halaageen meesha la yiraahdo Idam\( إضمwaa daad kor dhibic ku leh). Qofkooda ugu dambeeyey oo dhintah waxay ahayd haweeney la arkay ayadoo Kacbada ku dhawaafeysa, zaman kaddib markii Jurham\ جرهمMakkah\ مكةlaga saaray. Markaasey waxay la yaabeen dhererkeeda, ilaa uu mid dadkii ka mid ah ku yiri: "Ma haweeney jinniyad ah ayaad tahay mase insiyad?" Markaasey waxay tiri: "Bal waxaan ahay insiyad Jurham\ جرهمu dhalatay", oo ay isla meeshaasba gabay hadalkoodaas ka tirisay. Markaaasey laba nin oo qabiilka Juhaynah\ جهينةu dhashay rati ka ijaaratay, oo intay ku qaadeen ay ku geeyeen arliga Khaybar\خيبر. Markay ku dejiyeen meeshay u masawirtay, ayay waxay weydiiyeen meeshay ceel iyo biyo ku yaalliin. Markaasey u tilmaantay meeshay biyuhu ku sugnaayeen, ayaguna ay ka gaddoomeen oo ka tageen. Mase waxaaba ayadii ku dheggan quraanyo oo intay saaqday sanka iyo indhaha ka gashay, ayaduna ay hoogayeey leedahay. Markaasey quraanyadu dhuunteeda gashay, ay ayaduna foolkeeda iyo wajigeeda hore ugu soo dhacday, ayna dhimatay. Labadii nin oo Juhaynah\ جهينةu dhashay ceelkii ayay tageen, halkaas ayayna degeen. Sidaas ayay degmada Juhaynah\ جهينةee Xijaaz\ الحجازiyo Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة ku aasaasantay. Juhaynana\ جهينةwaxay ka tirsan tahay qabiilka Qudaacah\( قضاعةwaa daad kor dhibic ku leh, saadkana ku xigah), Qudaacana قضاعةwaxay degtaa miyiga Ciraaq\عراق." Juhaynah\ جهينةwaxaa ka mid ah qabiilka soomaaliyeed ee la yiraahdo “Duruqbo. 152 La wareegidda Khuzaacah\ خزاعةee Maamulka Baytka Jurham\ جرهمkaddib waxaa la wareegay Maamulka Kacbada qabiilka la yiraahdo Ghubshaan bin Sulaym\ غبشان بن سليمoo ah jilib ka tirsan qabiilka Khuzaacah\خزاعة. Ghubshaan\ غبشانwaxay hanteen Maamulka Kacbada xulafadooda reer Banii Bakr bin Cabdi Manaat\ بني بكر بن عبد مناةsokadooda, oo xilkaas ayagaa fara maroorsaday. Xilkaas waxaa u hayey ninka la yiraahdo Camr bin Caamir Al Ghubshaanii\عمرو بن عامر الغبشاني. Waxaa kaloo la yiri inuu Qusayy bin Kilaab\قصي بن كالب, awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghubshaan bin Sulaym\ غبشان بن سليمfuraha Kacbada sibraar khamro ah ka siistay, taasoo noqotay maammaah loogu maahmaaho doqonnimada, oo waxaa la yiraahdaa "akhsara min safqati Abii Ghubshaan\ "أخسر ين سفقة أبي غبشانsiduu Al Mascuudii\ المسعوديu xusay, macneheeduna yahay "ka khasaara badan ganacsiga Ghubshaan\"غبشان. Qariibnimada Al Xaarithu bin Mudaad\ الحارث بن مضاضee Makkah\مكة Markii Jurham\ جرهمMakkah laga saaray oo uu xukunkii gacanta Khuzaacah\ خزاعةgalay, uuna Boqor u ahaa Camr bin Luxayyi \عمرو بن لحي, ayuu Al Xaarith bin Mudaad bin Camr bin Sacd Al Raqiib bin Hayya bin Nabat bin Jurham Al Jurhamiyyi الحارث بن مضاض بن عمرو بن سعد الرقيب \ بن هي بن نبت بن جرهم الجرهميwuxuu degay meesha la yiraahdo Qanawnaa\ قنوناee arliga Xijaaz \ الحجازku taalla. Markaasaa geel uu laha ka lumay. Markaasuu soo raadraacay isagoo raadinaya, ilaa uu raadkii lasoo galay, isaguna uu soo galay Xaramka Makkah\حرم مكة. Markaasuu inuu Makkah\ مكةgalo doonay, si uu geeliisa usoo ceshado. Markaasuu Camr bin Luxayyi\ عمرو بن لحيwuxuu naadiyay oo uu yiri: "Qofkii qof Jurham\ جرهمu dhashay hela oo aan dilin, gacantiisaan goynayaa." Al Xaarithna naadadaas isaguna wuu maqlay. Markaasuu buur buuraha Makkah \ مكةka mid dusheeda fuulay, uuna arkay geelisii oo Makkah\ مكةlagu qalanayo, hilbihiisana dadka loo qaybinayo. Halkaas ayuuna ka gaddoomay, isagoo quustay, baqayna oo dulleysan, arligana uu ku libray. Waana qurbada Al Xaarith bin Mudaad\ الحارث بن مضاضoo maahmaahda noqotay. Z a y d\زيد Awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Zayd bin Kilaab\زيد بن كالب. Kilaab bin Murrah\ كالب بن مرةwuxuu guursaday haweeney la yiraahdo Faadhimatu bintu Sacd bin Sayal\فاطمة بنت سعد بن سيل, oo u dhalatay reerka Al Jadarata\الجدرة, kana sii ah Jucthumatu (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) Al Azd\ جعثمة األزدee reer Yaman\ يمنah, kuwaasoo axdi la lahaa reer Banii Al Diil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah بني الديل بن بكر بن عبد مناة بن \كنانة. 153 Waxaa reerkeeda Al Jadarata\ الجدرةloogu bixiyay sababtaan: ninka la yiraahdo Caamir bin Camr bin Jucthumatu\ عامر بن عمرو بن جعثمةayaa wuxuu guursaday gabadha uu dhalay Al Xaarithu bin Mudaad Al Jurhamii\الحارث بن مضاض الجرهمي, ayadoo uu markaas ama zamankaas qabiilka Jurham\ جرهمMaamulka Kacbada gacanta ku hayo. Markaasuu Kacbada darbi u dhisay. Markaasaa Caamir\ عامرdhisidda darbigaas loogu magac daray oo la yiri Al Jaadiru\ الجادرoo macneheedu yahay midka darbiga dhisay, ubadkiisiina loo bixiyay Al Jadarata\الجدرة, oo ah kuwii darbiga dhisay. Faadhimatu\ فاطمةwaxay Kilaab\ كالبu dhashay laba wiil oo kala ah Zayd bin Kilaab زيد بن \ كالبiyo Zuhratu bin Kilaab\زهرة بن كالب. Waxay kaloo u dhashay gabar la yiraahdo Nucam bintu Kilaab\نعم بنت كالب, taasoo ah hooyada dhashay Sacd\ سعدiyo Sucayd\ سعيدlabada wiil oo uu dhalay Sahm bin Camr bin Husays (labaduba waa saad) bin Kac bin Lu'ayy سهم بن عمرو بن \هصيص بن كعب بن لؤي. Zayd\ زيدwaxaa waa dambe loo bixin doonaa Qusayy\قصي. Zayd زيدisagaa ka yaraa walaalkiis Zuhratu\( زهرةoo ah awoowaha labaad ee Aaminah bintu Wahab bin Cabdi Manaaf bin Zuhrata\آمنة بنت وهب بن عبد مناف بن زهرة, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiisa dhashay). Kilaab\ كالبwuxuu dhintay isagoo Zayd زيدmarkaas naaska laga gooyey, Zuhratuna\ زهرةuu weyn yahay. Kaddib Zayd زيدhooyadiis, Faadhimatu\فاطمة, waxay guursatay ninka la yiraahdo Rabiicatu bin Xaraam\ربيعة بنت حرام, oo geerida Kilaab\ كالبkaddib Makkah\ مكةyimid, una dhashay qabiilka Carbeed ee Cuthratu (waa thaal dhibic kor ku leh oo deelka ku xigah) bin Sacd bin Zayd bin Qudaacah\( عذرة بن سعد بن زيد بن قضاعةwaa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah). Markuu guursaday ayuu Faadhimatu\ فاطمةiyo wiilkeeda Zayd زيدarligiisa u qaatay, kaasoo Shaam\ الشامahaa. Zayd زيدwalaalkiis Zuhratu bin Kilaab\ زهرة بن كالبwuxuu ku haray Makkah\مكة, oo ma uusan raacin, oo adeerradiis ayay uga tagtay. Faadhimatu\ فاطمةwaxay ninkaas u dhashay wiil loo bixiyay Rizaax bin Rabiicah \رزاح بن ربيعة. Halkaas ayuu Zayd زيدku koray, isagoo aan aabe kale oo aan Rabiicah\ ربيعةahayn aqoon. Sidoo kale Zayd زيدma uusa ogayn inuu walaal aan Rizaax\ رزاحahayn leeyahay. Markaasaa maalin isagoo wiil kuray ah, ayay waxay caytameen nin u dhashay qabiilka Qudaacah\قضاعة. Markaasuu ninkaas Qudaacah\ قضاعةu dhashay, isagoo ku caayaya ayuu wuxuu Zayd زيدku yiri: "Annaga nagama aadan dhalan oo mulsaq\ ملسقnalagu soo lammaaniyay ayaad tahay." 154 Markaasuu Zayd زيدka aamusay, oo uu isagoo caraysan hooyadiis u yimid, kuna yiri: "Ninka ree Qudaacah\ قضاعةwuxuu igu yiri inaanan ayaga ka dhalan oo aan sheegato ku ahay. Marka, runta inaan ogaado ayaan doonayaa." Hooyadiis waxay ku tiri: "Wiilkeygow! ninku run ayuu sheegay, oo ayaga kama aadan dhalan, laakin tolkaa ayaa kiisa ka khayr badan,oo adigu waxaad u dhalatay Quraysh\قريش, walaalkaa iyo adeerradaana waxay joogaan Makkah\مكة, waxayna yihiin dariska Guriga Xurmada leh ee Ilaahay\بيت هللا الحرام." Wuxuu yiri: "Yaa i dhalay hooyooy, oo aabehey waa kuma?" Waxay tiri: "Adigu waxaad tahay ina Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Kinaanah كالب بن مرة بن \كعب بن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن النضر بن كنانة." Wuxuu yiri: "Tolkey ayaan ku biirayaa". Hooyadiis waxay ku tiri: "Maandhow ha degdegin, oo ha bixin jeerey bilaha xurmada leh soo galaan, oo aad markaas dadka Carabta ah oo Xajka u socda raacdide, oo haddii kale waan kuu baqanayaaye." Sidaas ayuu Zayd\ زيدyeelay, oo markay bilaha xurmada lihi soo galeen, ayuu wuxuu soo raacay xujeyda reer Qudaacah\قضاعة. Qudaacah\ قضاعةwaxaa la yiraahdaa odayga qabiilkaasi ku abtirsado, magaciisuna waxaa weeye Camr\عمر. Luqad ahaanna Qudaaca\ قضاعةwaxaa la yiraahda eyga biyaha, waxaana kaloo la yiri waa dhagaxa gacan muuggiis ah, waxaa kaloo la yiri waxaa ninkaas Qudaacah\ قضاعةloogu bixiyay isagoo tolkiis ka go'ay, oo inqadaca\ انقضعoo ah waa ka go'ay. Sidaas ayuu Zayd زيدMakkah\ مكةku yimid, una yimid walaalkiis Zuhratu\ زهرةiyo adeerradiis. Q usayy\قصي Markuu Makkah\ مكةyimid ayaa Zayd زيدwaxaa loo bixiyay Qusayyقصي, eraygaanoo ka yimid qasiyyan( قصياwaa saad) oo ah midka beledkiisa ka fog, oo Shaam \ الشامoo hooyadiis geysey Makkah\ مكةway ka fog tahay. Markaasuu Qusayy قصيwuxuu arkay wuxuu la yaabo, oo ah inuusan Maamulka Kacbadu gacanta Quraysh\ قريشku jirin, balse uu xilkaas hayo qabiilka Khuzaacah\خزاعة. Khuzaacana\ خزاعةwaxaa dhalay Camr bin Caamir\عمرو بن عامر, oo ayagoo inta Yaman\يمن kasoo guuray Shaam\ الشامu socda, ayay walaalohood ka leexdeen, waxayna uga hareen meesha la yiraahdo Marra Al Thahraani\مر الظهران, halkaasoo ay degeen, Makkana\ مكةu jirta shan iyo labaatan kiiloomitir, xagga Waqooyina ka xigta, kuna taalla Dariiqa Hijrada uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Makkah \ مكةiyo Madiinah\ المدينةisku xirah. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu sanadka sideedaad ee Hijrada ku degey Marra Al Thahraani\مر الظهران, markuu furashada Makkah\ مكةu socday, isagoo ay toban 155 kun oo asxaabtiisa ah ay la socdaan. Abuu Sufyaan bin Xarb\ أبوسفيان بن حربayaa maalintaas bartaas ku islaamay, siduu Al Bukhaarii\ البخاريugu wariyay Xadiithkiisa afar kun iyo laba boqol iyo sideetan. Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku degey waxaa laga dhisay masjidka la yiraahdo Masjidu Al Fatxi\ مسجد الفتحmarkuu sanadku ahaa kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo sagaashan. Masjidkaas cabbirkiisuna waa labaatan mitir oo dhinac ah iyo shan iyo toban mitir oo dhanka kale ah, wadarta dhulka uu ku fadhiyana waa saaddex bqol oo mitir oo wareegsan. Oo khazaca\ خزعwaxaa weeye waa go'ay. Qusayy قصيwuxuu kaloo arkay inay ijaazaynta dadka xujayda ah loo ruqseeyo Maalinta Carafo inay Al Muzdalifah\ المزدلفةu gaddoomaan, ayan ayaduna gacanta Quraysh\ قريشku jirine, balse uu xilkaas hayey ninka la yiraahdo Al Ghawthu (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) bin Murri bin Uddi bin Dhaabikhah bin Ilyaas bin Mudar الغوث بن مر بن أد بن طابخة بن إلياس \( بن مضرwaa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah), kaasoo isaga iyo dhashiisaba la oran jiray Suufatu\( صوفيةwaa saad). Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay in Suufatu\ صوفةloogu bixiyay ayadoo Suufatu\ صوفةiyo Suufaanu\ صوفانla yiraahdo cid kasta oo Maamulka Guriga qabatah aanse ehelkiisa ahayn, oo Suufatu\ صوفةwaxaa la yiraahdaa qof kasta oo u adeegidda Guriga wax ka qabta, ama umuuraha Manaasikta Xajka, sababtuna waxay tahay ayagoo kuwaasi sida suufka oo kale yihiin, oo uu ku jiro mid gaaban iyo mid dheer, mid madow iyo mid guduudan, ayagoo aan qabiilo keligeed ka wada dhalan. Sababta uu Al Ghawthu\ الغوثxilkaas ku helay waxay ahayd sidatan: hooyadiis waxay u dhalatay Jurhum\ جرهمmana ayan dhali jirin. Markaasey waxay nathartay in hadday wiil dhasho ay Kacbada ku sadaqeysaneyso, oo uu addoonkeeda noqonayo, una adeegayo, suufna \ صوفay madaxa uga xiri doonto. Markaasey Al Ghawthu\ الغوثdhashay, kaasoo inta hore oo idil ragga reer abtigiis ah ee Jurham\ جرهمhawsha u adeegidda Kacbada la qaban jiray, kaddibna qabtay xilka ijaaza bixinta Maalinta Carafo\ عرفةoo ah in dadka loo fasaxo inay Carafo ka gaddoomaan oo ay Al Muzdalifatu\ المزدلفةu guuraan. Xilkaas wuxuu ku helay sarreynta makaankuu ku helay u adeegidda Kacbada. Xilkaasna isagaa hayey, isaga dabadiisna wiilashiisa ilaa ay ka cirib go'een. Hooyadiis markay dhashay, ayay maro suuf ah madaxa uga xirtay, waxayna u goysey u adeegidda Kacbada. Waxaa kaloo la yiri in Suufatu\ صوفةloogu bixiyay in markay wiilkaas dhashay ayadoo natharkeedii oofineysa ay Kacbada ku xirtay, oo ay ugaba tagtay. Markaasey kaddib soo martay, waxayna aragtay in intuu kulaylkii badnaa oo Makkah \ مكةku dhacay, uu suuxay oo uu dhulka ku dhacay, uuna kala daatay. Markaasey hooyadiis markay aragtay isagoo sidaas ah ayay waxay tiri: "Wiilkeygii waxaan suuf ahayn ma uusan noqon." Markaasaa Suufatu\ صوفةlagu magacaabay. Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحارwuxuu yiri: "Halkaas ayuu ka yimid erayga Suufinnimada, oo Suufi waxaa loogu bixiyay inuu u go'ay u adeegidda Kacbada, siday suufiyiintuna ugu go'aan cibaadada Ilaahay, Cazza wa Jalla هللا عز \وجل." 156 Al Ghawthu bin Murrah\ الغوث بن مرةmarkuu xujayda Carafo\ عرفةkasoo gaddinayo, wuxuu oran jiray: لهم إني تابع تباعه \\ إن كان إثم فعلى قضاعة "Laahumma innii taabicun tabaacahu In kaana ithmun fa calaa Qudaacah Tixda macneheedu waxaa weeye: Ilaahayow anigu waxaa ku taaganahay raadka kuwii iga horreyey Haduu dambi ku jiro waxaa leh Qudaacah\( قضاعةwaana qabiilkiisa) Suufatu\صوفة, sidoo kale, waxay ijaazada\ اإلجازةbixin jirtay marka Mina\ منىlaga baxayo oo Makkah\ مكةloo noqonayo. Markaasaa marka Yawmu Al Nafri\ يوم النفرla gaaro, ayay usoo bixi jireen inay dhagaxda tuuraan, oo ay saddexda Jamro tuuryeeyaan. Waxaase jiray nin Suufatu\ صوفةka mid ah ayaa dhagaxda marka hore isagu tuuri jirey, oo dadku jeer uu isagu tuuro, ma ayan tuuri jirin. Markaasey dadka xaajooyinka lehi oo degdegsan, intay u yimaadaan, ayay waxay ku yiraahdaan: "Kacoo tuur, aan annaguna markaas kula tuurannee." Markaasuu wuxuu yiraahdaa: "Wa Allaahi\\ وهللاmaya, jeer ay qorraxdu beerka samada ka iilato" (waana sida ay Shareecada Islaamku qabto)." Markaasey kuwa xaajooyinka leh oo degdegsan oo doonaya inay intay dhagaxda tuurtaan Mina\ منىka baxaan, isaga laftiisa dhagax ku tuuraan, oo ay kac oo tuur yiraahdaan, waxayna ku yiraahdaan: "Hoogee kac oo tuur". Markaasuu isaguna ka diidaa. Markaasuu markay qorraxdu qorrax u dhac u iilato, intuu kaco dhagaxda tuuraa, dadkuna intuu la kaco ay ayaguna tuurtaan. Marka dhagax tuurka la dhammeeyo, ayay raggi Suufada\ صوفةahaa labada dhinac ee Al Caqabah\( العقبةwaa jiirta Al Caqabah\ )العقبةoo ay dadka halkaas ku celiyaan, ayagoo dadku uu leeyahay: "Suufay oggolaansho lagu baxo bixi". Markaasuusan qofna bixi karin jeer ay Suufadu jiirta marto, oo markay ayagu maraan, ayaa dadka intiisa kalena jiirta maraa, oo ay Mina\ منىka baxaan. Sidaas ayay Suufatu\ صوفةku maamuli jirtay ilaa ay cirib go'een, waxaana dhaxlay kuwii ayaga qaraabo ahaan ugu dhowaa xagga awoowaha, falkaasoo Al Qucdadu\ القعددla yiraahdo, kuwaasoo ahaa Banuu Sacd bin Zayd Manaat bin Tamiim\بنو سعد بن زيد منات بن تميم, gaar ahaan qoyska Safwaan (waa saad) bin Janab bin Shijinata\ صفوان بن شجنة. Wuxuu ahaa markaas 157 Safwaan\ صفوانninka Maalinta Carafo\ عرفةijaazada bixin jiray, oo ah oggolaanshaha in Carafo\ عرفةlaga gaddoomo oo Al Muzdalifatu\ المزدلفةloo guuro. Safwaan\ صفوانdabadiis wuxuu xilkaasi u wareegay dhashiisa, kuwaasoo uu ugu dambeeyey ninka la yiraahdo Karibu bin Safwaan\كرب بن صفوان, oo uu Islaamku ugu soo galay. Gaddoonka Muzdalifah\ المزدلفةlaga guuro oo Mina\ منىloo guurana waxaa oggolaansheheeda lahaa qoyska Cadwaan\عدوان. Cadwaan\ عدوانmagaciisu waa Xurthaan bin Camr\ حرثان بن عمرو, koofaartiisuna ahayd Thaa Al Isbac\( ذا اصبعwaa saad), isagoo far ku tiillay iska gooyey, oo isbac\ اصبعwaa far. Xilkaas, isaga dabadiis, wiilashiisa ayaa kala dhaxli jiray, kooda ugu dambeeyey oo uu Islaamku ugu soo galayna wuxuu ahaa Abuu Sayyaaratu Cumaylatu bin Al Aczal\أبا سيارة عميلة بن األعزل, kaasoo dadka soo gaddoomin jiray isagoo saaran dameerad uu lahaa oo madow oo cawir foolxun ah, oo la yiri afartan sano ayuu isagoo saaran ijaazada bixiyay, hoogaankiisuna liif ahaa, ilaa ay halqabsi ka noqotay: "Xattaaa yujiiza Saaliman ximaarahu\ "حتى يجيز سالم حمارهoo macneheedu yahay "Jeer uu nabadqabid dameerkiisu ku gudbo". Qusayy\ قصيarrimahaas oo idilba uma uusan bogin, wuxuuna u arkay inay Qurayshi \ قريشcid kasta uga xaq leedahay Maamulidda Guriga Xurmada leh ee Ilaahay\بيت هللا الحرام, iyo hoggaaminta dadka Makkaba\مكة. Markaasuu wuxuu u tegey ninka madaxa u ahaa Maamulka Kacbada, fureheedana hayey, magaciisuna ahaa Xulaylu ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin Kacb bin Camr Al Khuzaacii\حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمرو الخزاعي, oo ahaa madax iyo hoggaamiyaha qabiilka Khuzaacah\خزاعة, wuxuuna ku yiri: "Anigu waxaan ahay Qusayy bin Kilaab bin Murrata bin Kacb bin Lu'ayy قصي بن كالب بن مرة \"بن كعب بن لؤي, Xulaylna\ حليلwuxuu ku yiri: "Ahlan, oo ah ehelkaaga ayaad u timid, wiilka ay kuwa kiraamta ahi dhaleenow, wa marxaban, oo ah meel waasac ah oo fidsan kusoo dhowow", agtiisuuna meel uu fariisto uga banneeyey. Qusayy markuu fariistay ayuu wuxuu Xulayl\ حليلku yiri: "."جئت أخطب ابنتك حبى "Waxaan kuugu imid inaan gabadhaada Xubbaa\ حبىkaa doono." Xulayl\ حليلwarkaas wuu u bogay, gabadhiisa Xubbaa-na\ حبىintuu siiyay ayuuna u guuriyay. Markaasey waxay u dhashay: (1) Cabdi Manaaf\عبد مناف, iyo (2) Cabda Al Ddaari\عبد الدار, iyo (3) Cabdu Al Cuzzaa\عبد العزى, iyo (4) Cabdi\عبد, iyo (5) Abuu Camr\أبوعمرو, iyo (6) Takhmur bintu Qusayy\تخمر بنت قصي, iyo (7) Barratu bintu Qusayy\برة بنت قصي, iyo (8) Tumaadar (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Qusayy\تماضر بنت قصي, iyo (9) Qilaabatu bintu Qusayy\قالبة بنت قصي, iyo 158 (10) Xayyatu bintu Qusayy\حية بنت قصي, iyo (11) Ummu Al Akhtham Haalatu bintu Qusayy\أم األخثم هالة بنت قصي, iyo (12) Ummu Sufyaan bintu Qusayy\أم سفيان بنت قصي. Qusayy\ قصيwuxuu kaloo guursaday haweeney Thaqiif\ ثقيفu dhalatay, waxayna u dhashay gabar la yiraahdo: (13) Raydhatu bintu Qusayy\ريطة بنت قصي. Sidaas ayaa waxaa ku batay Qusayy\ قصيcaruurtiisa iyo maalkiisaba iyo sharaftiisaba. Xulayl\ خليلisagaa furaha Kacbada hayey, markuu bukoodana, ama uu da' wayni la itaal darraado, wuxuu furaha u dhiibi jiray gabadhiisa Xubbaa\ حبىoo Kacbada furi jirtay. Hadday ayadu xanuunsatana waxay furaha u dhiibi jirtay ninkeeda Qusayy\ قصيama mid wiilasheeda ka mid ah. Xulayl\ حليلmarkuu arkay inay geeridii kusoo dhowaatay, uuna arkay Qusayy \قصيiyo waxa ubad ah oo ka farcamay, ayna gabadhiisa Xubbaa\ حبىu dhashay, ayuu wuxuu goostay inuu Maamulka Guriga u dhiibo oo uu uga tago wiilasha ay gabadhiisu dhashay oo uu awoowaha u yahay. Markaasuu Qusayy\ قصيu yeeray oo uu furaha Kacbada u dhiibay. Kaddibna Xulayl\ حليلwaa dhintay. Markuu Xulayl\ حليلdhintay, qabiilkiisii Khuzaacah\ خزاعةarrinkaas waa diiday, oo Qusayy قصيayay ka hor istaagtay inuu xilkaas qabto, furihii Kacbadana waxay ka qaateen Xubbaa\حبى, oo gacanteedaba ka bixiyeen. Kacdoonka Qusayyقصي Qusayy قصيwuxuu u arkay inuu isagu xilka Maamulka Kacbada iyo hoggaaminta Makkah \مكة Khuzaacah\ خزاعةuga xaq leeyahay iyo Banii Bakr-ba\بني بكر, ayadoo ay Qurayshi\ قريشtahay xulka iyo akhyaarta iyo dhuuxa ugu fiican ee dhasha Ismaaciil bin Ibraahiim إسماعيل بن إبراهيم, Calyhimussalaamu. Markaasuu rag Quraysh\ قريشah arrinkaas kala hadlay, iyo rag reer Banii Kinaanah \بني كنانة ahba, kuwaasoo ku waafaqay. Kaddib wuxuu labadaas qabiilba ugu yeeray in Khuzaacah \خزاعة iyo Banii Bakr\ بني بكرMakkah\ مكةlaga saaro, ayaguna way ka yeeleen. Markuu tolkiis oggolaanshaas ka helay, ayuu wuxuu warqad u dhigay walaalkiis ay isku hooyada yihiin Rizaax bin Rabiicah\رزاح بن ربيعة, uuna uga codsanayo inuu usoo gurmado oo uu u gargaaro, lana safto. Markaasuu Rizaax\ رزاحsoo baxay, isagoo ay la socdaan walaalihiis Xunna bin Rabiicah حن بن \ ربيعةiyo Maxmuud bin Rabiicah\ محمود بن ربيعةiyo Julhamatu bin Rabiicah\جلهمة بن ربيعة, kuwaanoo ayan Qusayy قصيhooyadiis Faadhimatu\ فاطمةdhaline, ay hooyo kale dhashay, ayna 159 la socdaan intii tolkooda Qudaacah\ قضاعةkasoo raacday oo xajka soo aaday, ayagoona soo go'aansaday oo kusoo tashaday inay Qusayy قصيu hiilliyaan. Khuzaacah\ خزاعةwaxay ku dooday inuu Xulayl bin Xubshiyyata\ حليل بن حبشيةuu xilkaas Qusayy قصيugala dardaarmay, uuna ku amray kaddib markay gabadhiisu ilmo badan u dhashay, oo uu markaas ku yiri: "Adigaa Khuzaacah\ خزاعةuga xaq leh xilka Maamulka Kacbada iyo hoggaaminta Makkah\"مكة. Markuu sidaas yiri ayuu Qusayy قصيdalbaday xilkaas oo uu doonay inuu qaato. Sidaas ayay Khuzaacah\ خزاعةtiri, warkaasoo aan cid aan ayaga ahayn laga maqal. Taasi waxaa weeye inuu Xulayl\ حليلxilkaas u siiyay xididnimo ahaane, uusan Qusayy قصيdhalasho ahaan ayaga uga xaq lahayn, oo uusan ka mudnayn. Runtana Rabbi ayaa ogsoon. Qusayy قصيoo amarka Makka\ مكةku adkaaday, Qurayshna\ قريشsoo ururiyay iyo taageerada ay Qudaacah\ قضاعةsiisay Marka xajkii sanadkaas la gaaray, ayay Suufatu\ صوفةwaxay yeeli jirtay yeeshay, taasoo ay Carabi u ogayd, diintoodana ka mid ahayd tan iyo intay Maamulka Kacbada iyo Xajka hayeen Jurham\ جرهمiyo Khuzaacah\خزاعة. Markaasaa Suufatu\ صوفةwaxaa u yimid Qusayy bin Kilaab\قصي بن كالب, oo ay la socdaan raggiisa tolkiisa Quraysh\ قريشiyo Kinaanah\ كنانةiyo Qudaacah\قضاعة, wuxuuna ugu yimid Al Caqabah\العقبة, oo Minaa\ منىah, wuxuuna ku yiri: "."لنحن أولى بهذا منكم Oo macnihiisu yahay: "Arrinkaan annagaa idiinka xaq leh", oo ay la dagaallameen. Markaasey labadii kooxood dagaal kharaar dagaallameen, kaddibna Suufatu\ صوفةayaa la jebiyay. Sidaas ayuu Qusayy\ قصيkula wareegay oo uu qabtay xilkay hayeen. Markaasey Khuzaacah\ خزاعةiyo Banii Bakr\ بني بكرwaxaa u caddaatay inuu Qusayyقصي ayagana ku qabsan doono Maamulka Kacbada iyo hoggaanka Makkaba\مكة, siduu Suufatu\ صوفةxilkay hayeen ugu qabsaday oo kale. Markaasey Qusayy قصيka dhinac noqdeen, kana soo horjeesteen. Markaasuu Qusayy قصيku bilaabay oo uu dagaal ku qaaday. Markaasey Khuzaacah \ خزاعةiyo Banuu Bakr\ بنوبكرusoo bexeen, oo ay labadii kooxood dagaallameen, uuna dagaal xun dhex maray, dilkuna uu labada dhinacba aad u batay. Markaasey sulux\ صلحiyo heshiis isugu baaqeen, iyo inuu nin Carab ihi u kala gar qaado. Waxay garsoore ka dhigteen ninka la yiraahdo Yacmar bin Cawf bin Kacb bin Caamir bin 160 Layth bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah يعمر بن عوف بن كعب بن عامر بن ليث بن بكر بن عبد مناة \بن كنانة. Garsoorahaasu wuxuu riday xukunka ah: "Qusayy قصيayaa uga xaq leh Khuzaacah\ خزاعةMaamulka Kacbada iyo hoggaanka Makkah \مكة, dhiig kasta oo uu Qusayy قصيKhuzaacah\ خزاعةiyo Banii Bakr\ بني بكرka daadiyayna waa la buriyay oo labadeyda cagood hoostooda ayaan geliyay oo waa wax kama jiraan. Wixii dhiig ah oo ay Khuzaacah\ خزاعةiyo Banii Bakr\ بني بكرQuraysh\ قريشiyo Kinaanah\ كنانةiyo Qudaacah\ قضاعةka gashayna diyo ayaa ku waajibtay in markiiba la bixiyo ah. Qusayyقصي iyo Kacbada iyo Makkana\ مكةwaa la isaga dhex baxayaa (oo isagaa leh weeye)". Khuzaacah\خزاعة, siduu Al Azraqii\ األزرقيbogga boqol iyo labo ee juzka koowaad ee kitaabkiisa Akhbaaru Makkah wa maa jaa'a fiihaa min al aathaari \أخبار مكة وما جاء فيها من اآلثار, ku wariyay waxay Khuzaacah\ خزاعةMaamulka Baytka saddex boqol oo sano ay haysey. Madaxtinnimada Qusayy\قصي Markaasuu Qusayy قصيwuxuu gacanta ku dhigay Maamulka Guriga iyo hoggaanka Makkah \مكة, oo sidaas ayuu Boqor ku noqday, ayaguna ay u caleemo saareen, isagoo isla markaasna Carab u qiray oo u daayey waxay ku joogeen, isagoo u arkay inay taasi Diin tahay, isaguna uusan xaq u lahayn inuu wax ka beddelo. Sidaas ayuu ugu qiray oo uu u daayey xilalkay hayeen Safwaan\ صفوانiyo Cadwaan\ عدوانiyo Al Nasa'ata\ النسأةiyo Murratu bin Cawf مرة بن \عوف, kuwaasoo xilalkaas hayey ilaa uu Islaamku ka yimaado, oo uu markaas Ilaahay waxaasoo idil buriyay oo dumiyay. Sidaas ayuu Qusayy wuxuu ku ahaa ninkii ugu horreeyey ee reer Bani Kacb bin Lu'ayy بني كعب \ بن لؤيoo hantay Boqornimo ay tolkiisu ku adheeceen. Qusayy قصيwuxuu bilaabay oo uu dhaliyay xilalka kala ah: (Kow) Al Xijaabatu\الحجابة, iyo (Laba) Al Siqaayatu\السقاية, iyo (Saddex) Al Rifaadatu\الرفادة, iyo (Afar) Al Nadwatu\الندوة, iyo (Shan) Al Liwaa'u\اللواء. Markaasuu markuu intaasba yeeshay ayuu madaxtinnimadii iyo sharaftii Makkaba \ مكةgacanta ku dhigay oo uu hantay. Markaasuu Quraysh\ قريشisku keenay oo uu dhulkii Makkah\ مكةu gooyey oo uu dejiyay. Tan iyo maalintaas uu sidaas yeelayna, Makkah\ مكةguri keli ahna kama dhisneyn, oo aan ahayn Kacbada\الكعبة, oo dadku maalintii markay Makkah\ مكةjoogaan, markay qorraxdu dhacdo makhribkii way ka bixi jireen,oo guryohoodu waxay ku yiilleen dibaddeeda. Dadka Makkah\ مكةdeggani waxay xattaa iska dhawreen oo ay ka fogaadeen oo ayan xalaaleysan inay Xaramka hareerihiisa ay janaabo ku galaan, oo ay haweenkooda kula gogol galaan. 161 Markaasuu Qusayyقصي, oo nin caqli badan ahaa, intuu Quraysh\ قريشshiriyey, ayuu wuxuu ku yiri: فوهللا ال يستحل العرب قتالكم و ال يستطيعون إخراجكم،"أرى أن تصبجوا بأجمعكم في الحرم حول البيت ".منه و تسكنونه فتسودون العرب أبدا Oo macnihiisu yahay: "Waxaan u arkaa inaad dhammaantiin Kacbada hareereheeda ku waabariisataan, oo wa Allaahi وهللاhaddaad sidaas yeeshaan (oo aad Makkah\ مكةdegtaan, Ilahayna aad dariskiisa noqotaan) Carabi dagaalkiinna xalaaleysan meyso, Xaramkana idinkama saari karto, markaasaad intaad dhexdeeda degtaan ayaad Carab madax u noqoneysaan ebedkiin." Qurayshi\ قريشwaxay ku tiri: "Adigaa hoggaamiyeheenna ah, waxaad tiraado ayaanna yeeleynnaa". Markaasuu inta uruuriyay ayay habeenkii Kacbada agteeda ku baryeen, oo uu waago ugu baryay. Markaasaa waxaa subixii u timid madaxda reer Banii Kinaanah\بني كنانة, oo tiri: "Waxaan aad fashay Carab agteeda waa wax weyn, haddaan annagu ku daynana, Carabi ku dayn meyso." Markaasuu wuxuu yiri: "."وهللا ال أخرج منه Oo macnihiisu yahay: "Wa Allaahi\ وهللاinaanan ka baxayn". Halkaas ayuuna ku nagaaday, ilaa uu xajku soo galay. Markaasuu wuxuu ka baqday inay Xujaydu ka hor yimaadaan oo diidaan wuxuu sameeyey. Markaasuu Quraysh \ قريشwuxuu ku yiri: و ال أعلم مكرمة عند العرب أعظم من،"قد حضر الحج و قد سمعت العرب بما صنعتم و هم لكم معظمون ".الطعام فليخرج كل إنسان منكم من ماله خرجا Oo mcnihiisu yahay: "Waxaa soo galay Xajka, Carabna way maqashay waxaad fasheen, adinkuna waa la weyntihiin oo ay idin weyneynayaan, mana ogi wax Carab agteeda karaameyn ugu weyn cunno siinta. Marka nin walba oo idinka mid ihi maalkiisa wax ha kasoo bixiyo." Markaasey Qurayshi\ قريشmaal bixisay, isaguna uu maalkaas geel iyo muufo iyo caano iyo zabiib kusoo gaday. Markaasuu markuu Xajku yimid uu geelii dariiqa Makkah\ مكةsoo gala ku qalay, Makkah\ مكةdhexdeedana uu daash ka sameeyey uu dhigay hilbihii iyo muufo maraq lagu googooyey (oo thariid\ ثريدla yiraahdo). 162 Markaasey xujeydii kii doonana cunnada dariiqa taalla ka cunaa, kii doonana midda daashka taalla. Qusayy قصيdadkiina wuxuu waraabiyay caano iyo biyo barkado harag ah ku jira. Xajku wuxuu dhammaaday isagoo uusan qofna eray diidmo ah iyo ka hor imaad oran. Sidaas ayay Quaryshi\ قريشdegmadeeda Kacbada hareereheeda ah ugu nagaaday. Markaasuu Quraysh\ قريشMakkah\ مكةdejiyay. Waxaa la yiri inay Quraysh\ قريشla weynaatay in dhulka Makkah\ مكةla googooyo oo la dhiso. Markaasuu Qusayyقصي, oo ay taageerayaan kaaliyayaashiisu, uu gacantiisa dhulkii ku googooyey oo uu qoys walba dhul siiyay. Markaasey Qurayshi\ قريشwaxay Qusayy قصيu bixisay Mujammac\مجمع, oo ah Kulmiye, isagoo Qurayshtii\ قريشarliga ku kala firirsanayd Makkah\ مكةku kulmiyay oo dejiyay. Markaasey markay guryohooda dhisanayeen، Qurayshi\ قريشwaxay ka baqday goynta geedaha Makkah\مكة. Markaaseyan geedka goyne, ayse guriga ku kor dhisaan, geedkuna uu guriga dhexdiisa, waa deydkiise, ku jiraa. Sidaas inay yeelaanna waxaa ku amray Qusayyقصي. Qofka ugu horreeyey oo geedka Makkah\ مكةgooya wuxuu ahaa Cabdu Allaahi bin Al Zzubayr ibnu Al Cawwaamu\عبد هللا بن الزبير إبن العوام, Allaha raalli ka noqdee, markuu buurta Jabalu Qucayqicaan\ جبل قعيقعانdaaro ka dhistay, isagoo geed walba oo uu gooyeyna diyo ka bixiyay, diyada geedkuna ay sac ahayd. Sidoo kale waxaa la wariyay inuu Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khadhdhaab\أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب, llaahay raalli ka noqdee, markuu gooyey geed wayn oo ku yiillay daarta Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\أسد بن عبد العزى, oo dadka Kacbada ku dhawaafaya maryaha ka qabsan jiray, waana intaan Masjidka la waasacin, uu bixiyay sac diyadiisa ah. Imaam Al Shaaficina\األمام الشافعي, Allaha raalli ka noqdee, sidaas ayuu yiri, in geedka wayn diyadiisu sac tahay. Waxaa kaloo la wariyay inuu Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al Khadh-dhaab عبد هللا بن عمر بن \الخطاب, isaga iyo aabihiisba Allaha raalli ka noqdee, ku aftooday inay diyada geedka \ مكةay xoraynta raqabad tahay, oo ah in addoon muslin ah la xoreeyo. Imaam Maalik\ اإلمام مالكwuxuu yiri: "Diyo ma laha",oo wuxuu yiri "Xukunkaas wax nas ah igama soo gaarin." Rizaax bin Rabiicah\ رزاح بن ربيعةiyo walaalihiis iyo raggi Qudaacah\قضاعة, markay Qusayy قصيu gargaareen kaddib, isagiina uu libta helay, dalkooda ayay dib ugu laabteen. Gabayo badan oo dheerdheerna Qusayy قصيiyo Rizaax\ رزاحiyo ragga Qudaacaba\قضاعة dhacdadaas ayay ka tiriyeen. 163 Markuu arligiisa ku xasilay, Ilaahay wuu tarmiyay Rizaax bin Rabiicah\رزاح بن ربيعة, waxaana ka farcamay laba qabiilo oo la isku yiraahdo Cuthrata. Rizaax bin Rabiicahعذرة بن رزاح بن ربيعة markuu arligiisa ku soo laabtay, waxay wax dhex mareen isaga iyo Nahdi bin Zayd \نهد بن زيد iyo Xawtakatu bin Aslamu\حوتكة بن أسلم, oo ah laba jilib oo Qudaacah\ قضاعةka tirsan. Markaasuu cabsiiyey, ayaguna ay guureen oo ay Yaman\ يمنdegeen, arliga Qudaacana\قضاعة laga eryay. Daaru Al Nadwati\دار الندوة Qusayy\ قصيwuxuu isaga laf ahaantiisa guri ahaan u dhistay Daaru Al Nadwati \دار الندوة, irridda daartaasna wuxuu ku jeediyay Masjidka Kacbada. Daartaas ayayna Qurayshi\ قريشumuureheeda oo idil ku goosan jirtay. Daartaas ayay Qurayshi \ قريشisku nikaaxsan jirtay, iskuna guursan jirtay, ugana tashan jirtay amarka lasoo gudboonaada. Calan dagaal meel aan ayada ahayn laguma gunti jirin. Gabdhuhu markay qaan gaaraan daartiisaas ayaa inta la geeyo, oo cambuurkeeda la jeexo, ayaa jeexaas lagu xijaabi jiray, oo wajiga loogu dabooli jiray, kaddibna reerkeeda loo celin jiray. Sidaas ayuu Qusayy قصيwuxuu Quraysh\ قريشdhexdeeda ku ahaa nin, intuu noolaa iyo dhimashadiisa kaddibba, sida Diinta oo kale loo hoggaansan yahay. Eragayga Al Nadwatu\ الندوةwuxuu ka yimid Al Nadiyyu\الندي, kaasoo ah majliska ragga oo yanduuna xawlahu\ يندون حولهoo ah yath-habuuna qariiban minhu thumma yarjicuuna ilayhi\يذهبون قريبا منه ثم يرجعون إليه, oo macneheedu yahay: waa majliska ay ka tegayaan oo ay aadayaan meel u dhow oo aan ka fogayn, kaddibna ay usoo noqonayaan. Erayga Naadi halkaas ayuu ka yimid. Daartaasi waxay mar dambe usoo wareegtay o yeeshay reer Banii Cabda Al Ddaari bin Qusayy\بني عبد الدار بن قصي. Waa dambena waxay usoo wareegtay saxaabiga la yiraahdo Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy حكيم بن حزام بن خويلد بن عبد العزى بن \ قصيoo ay Ummu Al Mu'miniin haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijatu bintu Khuwaylid\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلدeedadiis aabihiis la dhalatay tahay. Markaasuu Xakiim\ حكيمIslaamka dhexdiisa wuxuu daartaas isaga sii iibiyay boqol kun oo Dirham, zamankii Mucaawiyah\معاوية. Markaasuu Mucaawiyah\ معاويةiibinta daartaas ku eedeeyey oo uu ku yiri: "Ma waxaad iibisay aabayaalkaa wixii lagu karaameeyey iyo sharaftoodii iyo madaxtinnimadooda?" Markaasuu Xakiim wuxuu yiri: "Karaamooyinkii way tageen oo bureen intaan taqwada Ilaahay ahayn. Wa Allaahi\وهللا waxaan daartaas kusoo gatay oo ay igu soo gashay sibraar khamro ah, hadana waxaan ku sii iibiyay boqol kun oo Dirham, waxaanna marag idiinka dhiganayaa inaan lacagtaas jidka Ilaahay u sadaqeeyey. Marka keebaa la dagay?" Waxaa kaloo Xadiithkaan wariyay Al Daarqudhniyyu \الدارقطني. 164 Daartaani waa daarta ay Qurayshi\ قريشku shirtay, kuna go'aansatay inay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, disho, siduu Cazza wa Jalla\عزوجل, noogu sheegay Aayadda soddonaad ee Suuratul Anfaal\سورة األنفال: ِ َِّ َّ َّ )31( ين َ وك أ َْو ُي ْخ ِرُجو َ ُوك أ َْو َي ْقتُل َ ُين َكفَُروا لُِيثْبِت َ ون َوَي ْم ُك ُر اللهُ َواللهُ َخ ْي ُر اْل َماك ِر َ ك َوَي ْم ُك ُر َ َوِا ْذ َي ْم ُك ُر بِ َك الذ "Wa ith yamkuru bika allathiina kafaruu li yuthbituuka aw yaqtuluuka aw yukhrijuuka wa yamkuruuna wa yamkuru Allaahu wa Allaahu Khayru Al Maakiriina(30)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen kuwii gaaloobay inay ku xabbisaan, ama ay ku dilaan ama ay ku bixiyaan (Makkaah\ مكةkaa musaafiriyaan), way ku dhakrayeen, Ilaahayse ayaa ka abaal marinaya, Isagaana inta abaal marisa ugu khayr roon(30)." Markay gaaladu qorshahaas samaysatay ayaa Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku amray inuu Makkah\ مكةka baxo oo uu Al Madiinata Al Munawwarati\ المدينة المنورةu haajaro. Qisadaan oo tifaftiranna waxay nagu soo mari doontaa, Inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا, Siirada, marka meesheeda la gaaro. Daarataan waxaa mar kusoo degay waqtigii Khilaafadiisa, Amiiru Al Mu'miniin Abuu Xafs Cumar bin Al Khafh-dhaab\أمير المؤمنين أبوحفص عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee. Waxaana daartaas ku soo degi jiray bilawga Islaamka Khulafada iyo Amiirrada. Al Muctadid Al Cabbaasii\ المعتضد العباسيintuu hoggaanka hayey ayuu inta daartaas dumiyay wuxuu dhulkeedii ku daray oo uu ku ballaariyay Al Masjidu Al Xaraamu \المسجد الحرام, markuu sanadku ahaa laba boqol iyo afar iyo sideetan Hijrada, una dhigantay sideed boqol iyo toddoba iyo sagaashan Miilaadiga. Dhulka uu daartaasi ku fadhiyay wuxuu ahaa lix iyo soddon mitir oo dhinac ah iyo toddoba iyo soddon mitir oo dhanka kale ah oo wadartoodu tahay kun iyo saddex boqol iyo labo iyo soddon mitir oo wareegsan. Daartaasi waxay hadda ka mid tahay Madhaafka\ المطافlagu socdo marka Kacbada lagu dhawaafayo, waxayna Kacbada ka xigtaa xaqqa Waqooyi/Galbeed, meel ku beegan Albaabka ayada lagu sammiyay oo ah Baabu Al Nadwati\باب الندوة. Qusayy\ قصيwuxuu daartaas dhisay qiyaas boqol iyo toddoba iyo afartan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, horteed. Amarka Al Rifaadatu\الرفادة Al Ridaadatu\ الرفادةwuxuu ahaa maal ay Quraysh\ قريشiska soo aruurin jirtay muusinka Xaj walba, ayna u dhiibi jirtay Qusayy bin Kilaab\قصي بن كالب. Markaasuu Qusayy قصيmaalkaas cunno xujayda dan yarta ah oo aan saadka wadan ugu sameyn jiray. 165 Amarka Al Rifaadatu\ الرفادةwuxuu ahaa amar uu Qusayy قصيQuraysh\ قريشkusoo rogay, uuna yiri: وهم أحق، وإن الحاج ضيف هللا وزوار بيته، وأهل الحرم، وأهل بيته، إنكم جيران هللا،"يا معشر قريش ". حتى يصدروا عنكم، فاجعلوا لهم طعاما وشرابا أيام الحج،الضيف بالكرامة Oo macnihiisu yahay: "Quraysh\قريش, adinku waxaad tihiin dariska Ilaahay iyo ehelka Baytkiisa وأهل بيتهiyo ehelka Xaramka وأهل الحرم, xaajiguna waa martida Ilaahay Gurigiisa\ بيت هللاsoo booqday, ayagaana ugu xaq badan marti la karaameeyo. Marka cunno u sameeya iyo cabid maalmaha Xajka, ilaa ay idinka gaddoomaan." Markaasey yeeleen, oo ay sanad walba maalkooda wax ka bixin jireen, Qusayyna \ قصيay u dhiibi jireen. Markaasuu maalmaha Mina\ منىcunno ugu samayn jiray. Sidaas ayayna zamankii jaahiliyada ahayd, ilaa uu Islaamku ka yimaado. Islaamkuna wuu sii waday, waana cunnada iyo cabidda la isi siiyo ilaa uu Xajku ka dhammaado. Waana cunnada iyo cabidda gaadiidka saaraan oo laga bilaabo marka Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةdariiqeeda lagu soo dhoco, ama Jeddah\ جدةlaga soo bilaabo, Mina, Carafaat\عرفة, Muzdalifah\ المزدلفةiyo dariiq walba xujayda lagu siiyo. Qusayy قصيoo Kacbada dhisay Qusayy قصيwuxuu u arkay in dib loo cusbooneysiiyo dhismaha Kacbada, dadkuse arrinkaas wuu ka baqday, isagusa cabsi la'aan ayuu hawshaas ugu dhaqaaqay. Marka hore dhismihii ayuu dumiyay, kaddibna qawaaciddii ama aasaaskii Ibraahiim \ إبراهيمayuu kor u qaaday oo uu ku dul dhisay. Isagoo dhismihii wada ayaa waqtigii Xajku soo galay. Markaasey Qurayshi\ قريشka baqday in dadku caroodo. Qusayy قصيarrinkaas shaki kama gelin, ee Kacbaduu wuxuu ku wareejiyay daar alwaax ah oo xargo iskula xirxiray, oo xujayduna ay daartaas alwaaxda ah oo Kacbada ku wareegsan ku dhawaafeen. Cid wax diidmo ama mucaaradnimo la timidna ma jirin. Markay xujaydu dalalkooda dib ugu laabteen, xajkiina uu dhammaaday, ayuu Qusayy قصي dhismaha Kacbada meesheedii kasii waday, ilaa uu ka dhammaystiro. Wuxuu kaloo Kacbada u yeelay saqaf ka sameysan laamaha geedka timirta oo caleentii laga qaaday iyo qoriga geedka Dawm\ الدومla yiraahdo. Deeqday Makkata Al Mukarramati \ مكة المكرمةarliga intiisa kale dheertahay Makkah\ مكةwaxay ku taalla gobolka jaziiradda Carabta ee la yiraahdo Xijaaz\الحجاز, waxayna uga taallaa bartamaha waadi ay dhinac walba buuro uga hareereysan yihiin, oo ay sida dugaagad ugu wareegsan yihiin. 166 Dhulkeeda inta siman waxaa la yiraahdaa Al Badhaxaa'u\البطحاء. Inta Al Masjidu Al Xaraami \ المسجد الحرامqorrax kasoo bax ka xigtana waxaa la yiraahdaa Al Mucallaatu\المعالة, halkaasoo uu guriga uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhashay ku yaallo. Xaafaddaas ayuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, degganaa ilaa uu ka haajaro. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\ مكةkusoo noqdayna, maalintuu Ilaahay u furay ee Fatxu Makkah\فتح مكة, ayaduu kasoo galay. Inta Masjidu Al Xaraami\ المسجد الحرام\ المسجد الحرامqorrax u dhac iyo Galbeed ka xigtana waxaa la yiraahdaa Al Misfilatu\المسفلة. Makkah\ مكةwaxay leedahay saddex darriq oo waaweyn oo laga soo galo, oo kala ah: Kow. Al Mucallaatu\المعالة, loona yaqaan oo kale Al Xajuun\الحجون, kaasoo ah buurta ay ku yaalliin xabaalaha la yiraahdo Maqbaratu Al Mucallaati\مقبرة المعالة, oo uga taalla buurtaas salkeeda Koofur-Galbeed. Bartaasna waxay magaca ka qaadatay buurtaas. Labo. Al Misfalatu\المسفلة. Saddex. Al Shabiikatu\الشبيكة. Makkah\ مكةwaxay badda ka korreysaa saddex boqol oo mitir, waana bartamaha iyo bar dhexaadka iyo xuddunta arliga oo idil. Adduunka intiisa kale waxay dheertahay waxaa ka mid ah: 1. Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ayaa ayada u doortay in Gurigiisa laga dhiso. 2. Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ayaa ayada u doortay inuu ku dhasho Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah midka Anbiyada iyo Rususha Ilaahay lagu guunaanaday. 3. Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ayaa ayada u doortay inuu kasoo saaro Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna Jinniga iyo Insigaba u diray, oo uu Rasuulkiisa noqdo. 4.Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ayaa wuxuu Makkah\ مكةka yeelay meel addoomadiisu ku gutaan Manaasikta Xajka\ الحجiyo Cumrada\العمرة. 5. Wuxuu Subxaanahu wa Tacaalaa\سبحانه وتعالى, addoommadiisa waajib uga dhigay inay yimaadaan, ugana yimaadaan meeshay ku nool yihiin, ha faagaato ama ha dhowaatee, ayna soo galaan ayagoo Isaga isku dulleynaya, u khushuucaya iskana soo siibay oo dhigay dharkey adduunkaan ku labbistaan. 6. Wuxuu Cazza wa Jalla هللا عزوجلMakkah\ مكةka dhigay Xaram aamin\ حرما آمناah oo aan dhiig lagu daadin, oo Xaram\ حرمmacnihiisu waxaa weeye xurmo ayuu leeyahay oo wax xun oo dhan gudihiisa waa ka xaaraan. 7. Wixii dhulkeeda laga helo, waxay doonaan ha ahaadaane, lama qaadan karo si loo yeesho oo loo milkiyo, jeer la naadiyo, sidaan u arki doonno, haddii Alle idmo. 8. Imaatinkeeda iyo usoo qasdiddeeda waxaa Ilaahay kafaaro gud uga dhigaa oo uu ku dhaafaa dambiyada imaatinkaas ka horreeyey. 9. Waa barta keli ah oo adduunkaan ku taalla oo qofkii kara ay waajib ku tahay inuu yimaado oo meel kale oo ayada ahayn tegiddeedu waajib ma aha. 10. Ilaahay wuxuu sharciyeeyey ku dhawaafidda Guriga dhexdeeda ku yaalla, oo ah Kacbada, oo guri lagu dhawaafo meel aan ayada ahayn kuma yaallo. 167 11. Arliga oo idil kuma yaallo meel aan ayada ahayn wax la sharciyeeyey dhunkashadiisa iyo taabashadiisa oo aan ahayn Xajarul Aswadka\ الحجر األسودiyo Al Ruknu Al Yamaanii الركن \اليماني. 12. Ilaahay wuxuu Quraanka dhexdiisa Makkah\ مكةku dhaartay laba goor. 13. Al Masjidu Al Xaraamu\ المسجد الحرامoo Makkah\ مكةdhexdeeda ku yaalla ajarka Salaadda boqol kun iyo ka badan ayaa la laablaabaa. Ibnu Xajar Al Haytamii\ إبن حجر الهيتميwuxuu sharaxiisa Manaasiku Al Xajji اإليضاح في مناسك \ الحجee Imaam Al Nawawii\اإلمام النووي, bogga afar boqol iyo labo iyo soddon ku yiri: "qaarkood waxay yiraahdeen in hal Salaad oo jamaaco Al Masjidu Al Xaraamu \المسجد الحرام lagu tukado ay thawaabteedu ka badantahay thawaabta Salaadda uu qofku beledkiisa keligiis ku tukado in le'eg cumriga Nabi Nuux\ نوحlaba jibaarkiisa, Nabigeenna iyo isaga iyo Anbiyada kaleba Calayhimussalaatu Wassalaamu." Nabi Nuuxna wuxuu Rasuul ahaa kun sano oo konton sano dhimman, cimrigiisuna intaas waaba ka badnaa. Marka waa cimrigiisa laba jibaarkeeda, oo ah qiyaas laba kun oo sano qof tukanayey ajarka uu leeyahay, oo ay hal Salaad oo jamaaco Xaramka Makkah\ حرم مكةloogu tukado leedahay. Al Naqaashna\ النقاشwuxuu yiri: "Waxaan xisaabay ajarka hal Salaad oo Al Masjidu Al Xaraamu\ المسجد الحرامlagu tukado waxayna gaartay Salaadaha uu tukaday qof cumrigiisu konton iyo shan sano iyo lix bilood iyo labaatan habeen yahay." Runtana Rabbi ayaa og. 14. Makkah\ مكةwaxaa ku yaalla Qiblada dadka arliga deggan oo dhan. 15. Waxaa reeban in xaggeeda loo soo jeesto marka xaajada loo fadhiyo, ama dabadaba loo jeediyo. Waana marka meel bannaan la fadhiyo. 16. Makkah\ مكةqofkii xumaan la doona oo inuu dhexdeeda ku sameeya doona, waa lagu ciqaabaa, yuusan camaalkaas ku kicinbe, oo doonidda ayaa ciqaabta lagu mutaystaa. 17. Xumaanta dhexdeeda lagu sameeyo ciqaabteeda waa la laablaabaa, ayadoo xumaanta Xaramka Ilaahay\ حرم هللاlagu sameeyo ay ka weyntahay xumaanta arliga intiisa kale lagu sameeyo. 18. Makkah\ مكةwaxay quluubta dadka usoo jiidataa si ka xoog badan sida uu maqnaadhiisku birta usoo jiito. 19. Booqashadeeda lagama dhergo, oo la iskama daayo, oo intay qofka booqashadiisu badataba, jeceylkuu u qabo iyo hilowga uu u hiloobayo way sii kordhaan. 20. Waxaa Makkah\ مكةdhexdeeda ku yaalla meelo ducada lagu ducaysto la aqbalo, oo ay ka mid yihiin: Al Multazamu\الملتزم, Al Miizaabu\ الميزابhoostiisa, Kacbada gudeheeda,, Ceelka Zamzam\ زمزمagtiisa,, Jabalu Al Saffaa\ جبل الصفاdushiisa, Jabalu Al Marwata\جبل المروة dusheeda, inta Sacyiga\ السعيlagu jiro, Maqaamu Ibraahiimu\ مقام إبراهيمgadaashiisa. 21. Makkah\ مكةdhexdeeda waxaa lagu faydaa oo lagu qaadaa kurbada. 22. Waxaa xaaraan ah in dhexdeeda hub lagu qaato. 23. Waxaa xaaraan ka ah inuu gaal soo galo. 24. Makkah\ مكةwaxaa ilaaliya Malaa'ig oo Al Dajjaalu\ الدجالsooma geli karo.. Waxaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu yiri, isagoo taagan meesha la oran jiray Al Xazwaratu\الحزورة, oo suuqa Makkah\ مكةahaan jirtay, kuna tiillay bannaanka guriga Ummu Haani' bintu Abii Dhaalib\أم هانئ بنت أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, hortiisa ahaa, ahaydna barta kuwa dharka tola, oo intaba waa hore inta la dumiyay lasoo dhex geliyay oo ay ka mid noqdeen Al Masjidu Al Xaraamu\المسجد الحرام: ". ولو ال أني أخرجت منك ما خرجت،"وهللا إنك لخير أرض هللا وأحب أرض هللا إلى هللا 168 "Wa Allaahi innaki la khayra ardi Allaahi wa axabba ardi Allaahi ilaa Allaahi, wa law laa annii ukhrijtu minki maa kharajtu". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi\ وهللاadigu (waa Makkah\ )مكةwaxaad tahay midda arliga Ilaahay ugu khayr badan iyo midda uu Ilaahay ugu jecelyahay arliga Ilaahay, oo haddaan la iga kaa saari lahayn, kaama baxeen." Waa Xadiithka saddex kun iyo sagaal boqol iyo shan iyo labaatan ee uu wariyay Al Tarmithiiالترمذي, Axmadna\ أحمدwaa wariyay. Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ولو ال أن قومي أخرجوني منك ما سكنت غيرك،"ما أطيبك من بلد وأحب إلي "Maa adhyabaki min baladin wa axabba ilayya, wa law laa anna qawmii akhrajuunii minki maa sakantu ghayriki." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma jiro beled kaa fiican aanna kaa jeclahay, haddayan qawmkeyguu iga kaa saari lahaynna, meel aan adiga ahayn ma degeen." Waana Xadiithka saddex kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo labaatan ee Al Tarmithii\الترمذي. Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ولو ال أن أهلك أخرجوني ما،"أما وهللا ألخرج منك وإني ألعلم أنك أحب بالد هللا إلي وأكرمه على هللا ".خرجت "Amaa wa Allaahi la akhruju minki wa innii la aclamu annaki axabbu bilaadi Allaahi ilayya wa akramuhu calaa Allaahi, wa law laa anna ahlaki akhrajuunii maa kharajtu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi\ وهللاwaxaan kaa baxayaa anigoo u cilmi leh inaad tahay beledka aan ugu jeclahay arliga Ilaahay, iyo midka Ilaahay korkiisa ugu karaamo badan. Hadduusan ehelkaagu i saarin ma bixi lahayn." Waxaa wariyay Majmacu Al Zawaa'idi\ مجمع الزوائدmujalladka saddexaad bogga laba boqol saddex iyo toddobaatan. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Makkah \ مكةfurtayna wuxuu yiri: ال يعضد،"إن هذا البلد حرمه هللا يوم خلق السماوات و األرض فهو حرام بحرمة هللا إلى يوم القيامة ".شوكه و ال ينفر صيده و ال يلتقط لقطته إال من عرفها و ال يختلى خاله "Inna haatha al balada xarramahu Allaahu yawma khalaqa Al Ssamaawaati wa al arda fa huwa xaraamun bi xurmati Allaahi ilaa yawmi al qiyaamati, laa yucdadu (waa daad 169 dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) shawkahu wa laa yunaffaro saydahu (waa saad) wa laa yultaqadhu luqadhatahu illaa man carrafahaa wa laa yukhtalaa khalaahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Beledkaan wuxuu Ilaahay xaaraantimeeyey maalintuu Samaawaadka iyo arliga abuuray, marka sidaas ayuu xaaraan ku yahay, siduu Ilaahay u xaaraantimeeyey ilaa yawmul qiyaamaha. Qodaxdiisa lama jebin karo, ugaartiisana lama didin karo (oo inta harkay joogeen laga kiciyo lama fariisan karo meeshoodii), baadidiisa dhulka laga helana ma uu qaadan karo qof naadiya mooye (oo waa inuu sanad naadiyo oo uu cod dheer ku naadiyo, markaas kaddib hal sano hadday cidnay sheegan weydo ayuu isagu milkinayaa oo yeelanayaa, sidaas ayuu Al Shaafici\ الشافعيu fasiray, Al Nawawina\ النوويuu Sharxu Muslim\ شرح صحيح مسلمXadiithka kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo konton oo Xadiithkaan ah u fasiray. Qofkaan naadinna ebedkiis ma yeelan karo), cawskiisa qoyanna lama goyn karo." Waxaa kaloo la wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ليس له من نقابها نقب إال عليه المالئكة صافين،"ليس من بلد إلى سيوطئه الدجال إال مكة والمدينة ".يحرسونها "Laysa min baladin illaa sa yudhaa'wiuhu al Dajjaalu illaa Makkata wa Al Madiinata, laysa lahu min niqaabihaa naqabun illaa calayhi al malaa'ikatu saaffiina yaxrisuunahaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma jiro beled ee waase kan uu illaa Al Dajjaalu\ الدجالcagta mariyo intaan Makkata\ مكةiyo Al Madiinata\ المدينةahayn, oo ma jiro dariiqa laba buurood dhex maraba (ee labadooda) ee waa kii ay malaaigu saffan tahay oo ay ilaalineyso." Waa Xadiithka kun iyo sideed boqol iyo kow iyo sideetan ee Al Bukhaarii\البخاري. Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ثم انتظر أهل مكة، ثم آتي أهل البقيع فيحشرون معي، ثم عمر، ثم أبوبكر،"أنا أول من تشق عنه األرض ".فأحشر بين الحرمين "Anaa awwalu man tashaqqu canhu al ardu, thumma Abuu Bakar, thumma Cumar, thumma aatii ahla Al Baqiici fa yuxsharuuna macii, thumma antathiru ahla Makkata fa uxsharo bayna Al Xaramayni." Xaddithka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan ahay midka ugu horreeya oo arligu ka dillaacayo (oo intuu qabrigiisu dillaaco maalinta qiyaame qabriga kasoo baxaya), kaddibna Abuu Bakar\أبوبكر, kaddibna Cumar\ عمر, markaasaan waxaan u imaanayaa dadka (xabaalaha Al Madiinah\ )المدينةAl Baqiic\البقيع, kuwaasoo aniga la ila soo xashirinayo (la keenayo meesha dadka lagu kulminayo ayagoo aniga ila socda), kaddibna waxaan sugayaa dadka Makkata\مكة, markaasaa waxaa la i istaajinayaa (la igu xashirinayaa) labada Xaram dhexdooda." Waa Xadiithka saddex kun iyo lix boqol iyo laba iyo sagaashan ee Al Tarmathii\الترمذي. 170 Magacda Makkata Al Mukarramati\مكة الكمرمة Makkah\ مكةwaxay leedahay magac fara badan, qaarkoodna uu Ilaahay Quraanka Kariimka ah ku dhex magacaabay. Magacdaasna waxaa ka mid ah: Kow. Makkata\مكة. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, Aayadda afar iyo labaatan ee Suuratul Fatxi ku yiri: َّ و ُهو الَِّذي َك ط ِن ْ ف أ َْيِد َيهُ ْم َع ْن ُك ْم َوأ َْيِد َي ُك ْم َع ْنهُ ْم بَِب َ َ "Wa huwa Allathii Kaffa Aydiyahum cankum (waa gaaladii Makkah, markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaladii Makkah\ مكةSulxigii Al Xudaybiyyah\ صلح الحديبيةla saxiixday) wa aydiyakum canhum bibadhni Makkata(24)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ilaahay waa kan ayaga gacnohooda idinka reebay, adinka gacnihiinana ayaga ka reebay markaad Makkata uurkeeda joogtdeen(24)." Makkata\ مكةmacneheedu waxaa weeye waa halaagay, uuna dhimay. Waxaa Makkah \ مكةloogu bixiyay ayadoo dambiyada dhinta, baa'bisana; ama inay halaagto qofkii dhexdeeda thulmi \ظلم ku fala; ama ayadoo Boqorrada xun iyo kuwa jabbaariinta ah halaagta, xooggoodana la tagta; ama ayadoo dadka soo jiidata, oo Carabtu waxay tiraahdaa imtaka al fasiilu (waa saad) darca (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) ummihi ithaa imtassahu إمتك الفصيل ضرع أمه إذا \( إمتصهwaa saad) oo macneheedu yahay: "cunuuggu wuu mariyaa naaska hooyadiis markuu nuugo." Labo. Bakkata\بكة. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, Aaydda lix iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\ آل عمرانku yiri: ِ ِ َِّ ِ ضع لِ َّلن ِ ٍ ِ )96( ين َ اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم َ إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو "Inna awwala Baytin wudica li al nnaasi lallathii biBakkata mubaarakan wa hudan li al caalamiina(96)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyay dadka waa kan Bakkata\ بكةku yaalla, oo barakaysan, caalamiintana hanuun u ah(96)". Bakkahu\ بكهmacneheedu waxaa weeye: wuu jeexjeexay, wuu kala firdhiyay, wuu buriyay, itaalkiisa ayuu tuuray, dhulkuu dhigay, luquntuu ku dhuftay oo jebiyay. Makkah\ مكةwaxaa Bakkata\ بكةloogu bixiyay siday dadku isugu ciriiryaan, ama ayadoo jabaabirada qoorta ka jebisah, oo jabbaarkii soo aadaba waa illaa kuu Ilaahay kala jebiyaa; ama ayadoo kuwa isla wayn itaalkooda dhigtah. Afar aragtiyood ayaa ka jirtah intay Bakkata\بكة tahay, oo kala ah (b) Waa intay Kacbadu ku fadhido, (t) Waa inta ku taalla hareeraha Kacbada, inta intaas ka dambeysana waxaa la yiraahdaa Makkata\مكة, (j) Waa Kacbada iyo Masjidka, Makkaana مكةwaa magaca Xaramka oo idil, (kh) Bakkata\ بكةwaa isla Makkata\ مكةoo idil. 171 Muslim\ مسلمwuxuu Abuu Tharr\أبوذر, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu yiri: "Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, Masjidkee ugu horreeyey oo dadka arliga loo dhigay? Wuxuu yiri: "."المسجد الحرام "Al Masjidu Al Xaraamu". Waxaan iri: "Kaddibna kee?" Wuxuu yiri: "."المسجد األقصى "Al Masjidu Al Aqsaa" Waxaan iri: "inteebaa labadooda u dhexeysey?" Wuxuu yiri: "."أربعون سنة وأينما أدركتك الصالة فصل فهو مسجد "Arbacuuna sanatan wa aynamaa adraktka al Ssalaatu fa salli fa huwa Masjidun". Qaybtaab dambe ee Xadiithka macneheedu waxaa weeye: "Afartan sano. Meeshey salaaddu kuugu soo gashana ku tuko, oo (meeshaasi) waa Masjid." Waa Xadiithka shan boqol iyo labaatan ee Saxiix Muslim\صحيح مسلم. Saddex. Ummu Al Quraa\أم القرى. Wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, Aayadda labo iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Ancaam\ سورة األنعامku yiri: ق الَِّذي َب ْي َن َي َد ْي ِه َولِتُْنِذ َر أ َُّم اْلقَُرى َو َم ْن َح ْولَهَا ٌ اب أ َْن َزْل َناهُ ُم َب َار ُ ص ِّد ٌ ََو َه َذا ِكت َ ك ُم "Wa haathaa kitaabun anzalnaahu mubaarakun musaddiqu allathii bayna yadayhi wa li tunthira Umma Al Quraa wa man xawlahaa(92)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Kanna wa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, oo rumaynaya wixii ka horreeyey iyo inaad ugu digtid Ummu Al Quraa\ أم القرىiyo kuwa hareereheeda deggan(92)." Ummu Al Quraa\ أم القرىmacneheedu waxaa weeye Magaalooyinka Hooyadood. Afar aragtiyood ayaa ka jirta sababta Makkah \ مكةUmmul Quraa\ أم القرىloogu bixiyay: (b) Ayada hoosteeda ayaa arliga laga fidiyay, oo ayadu waa xuddunta arliga iyo bartamaha arliga. Taas macneheedu waxaa weeye in arliga yaabiska ah oo dhan oo uu adduunkaani ka kooban yahay uu ayada ku wareegsan yahay, oo uu si nithaamsan Makkah \ مكةugu wareegsan yahay, ayaduna ay tahay xarunta arliga intiisa qallalan. Qofku magaalo kasta adduunkaan ha ka joogo, ee diillinta ugu gaaban oo magaladaas uu joogo iyo Makkah Al Mukarramah \ مكة المكرمةisku xirta waa diillinta isku xirta isaga iyo Makkah\ مكةmarkuu Salaadda isagoo tukanaya xaggeeda u jeesto isagoo Qiblada si sax ah u qaabilaya. Waxay culummada baarta cilmiga xiddigaha sheegtay inay Kacbadu tahay oo ay ku taallo bartamaha arliga, ayaduna ay ku dhisantahay 172 wadnaha Makkata Al Mukarramati\مكة المكرمة. (t) Waxaa Bakkata\ بكةloogu bixiyay inay ayadu ugu horreysey oo ay magaalooyinka arliga oo idil ugu fac weyntahay. (j) Waa Qiblada dadka oo idil oo ayada ayay u jeestaan. (kh) Waa magaalada arrinkeedu adduunka ugu weyn yahay. Afar. Al Baladu\البلد, oo macneheedu yahay Beledka. Wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه وتعالىAayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\ سورة إبراهيمku yiri: ِ اجع ْل ه َذا اْلبلَ َد آ ِ ِ َ َوِا ْذ ق ِّ يم َر َمًنا َ َ َْ ب ُ ال إ ْب َراه َ "Wa ith qaala Ibraahiimu Rabbi ijcal haathaa Al Balada Aaminan(35)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Xusuusta markuu Ibraahiim\ إبراهيمyiri: Rabbiyow, ka yeel beledkaan mid Aamin ah oo lagu nabadgalo(35)." Shan. Al Baladu Al Amiinu\البلد األمين, oo macneheedu yahay Beledka Aaminka ah, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ugu yiri Aayadda saddexaad ee Suuratu Al Tiini\سورة التين: ِ َو َه َذا اْلَبلَِد ْاْل َِم )3( ين "Wa haathaa Al Baladi Al Amiini(3)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Iyo Magaaladaan Aaminka ah(3)." Lix. Al Baldatu\البلدة, oo macneheedu yahay Beledkaan, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla عزوجل, ugu yiri Aayadda Kow iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Namli\سورة النمل: هللا ِ إَِّنما أ َّ َعُب َد َر ب َهِذ ِه اْلَبْل َد ِة الَِّذي َح َّرَمهَا ْ َن أ ُ ُم ْر ْت أ َ "Innamaa umirtu an acbuda Rabba haathihi Al Baldati allathii xarramahaa(91).". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxaa la i faray waxaa weeye inaan caabudo Rabbiga Beledkaan uu xarrimay". Toddoba. Xaraman Aaminan\حرما آمنا, oo macneheedu yahay Xaram\حرم, oo ah goob xurmo leh, ayna xaaraan ka yihiin xumaan oo dhan, sida in dhiig lagu daadiyo, axadna lagu dulmiyo, ugaarteeda la gaato, dhirteeda la gooyo, cawskeeda qoyan iyo dhir hoosaadkeeda la gooyo, siduu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ugu yiri Aayadda toddoba iyo lixdanaad ee Suuratul Cankabuut\سورة العنكبوت: ِ أَولَم يروا أََّنا جعْل َنا حرما آ اس ِم ْن َح ْولِ ِه ْم ُ ََّمًنا َوُيتَ َخط ُ َّف الن ً ََ َ َ ْ ََ ْ َ 173 "A wa lam yaraw Annaa jacalnaa Xaraman Aaminan wa yutakgadh-dhafu al nnaasu min xawlihim(67)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Oo miyeyan arkayn (waana gaaladii Quraysheed\قريش, intayan Islaamin) inaan dejinnay Xaram Aamin\ حرما آمناah, oo hareerihiisa dadka la dafayo(67)." Sideed. Waadin ghayri thii zarcin\واد غير ذي زرع, oo macneheedu yahay waadi ama dooxo aan beero lahayn, siduu Ilaahay Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ugu yiri Aayadda toddoba iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\سورة إبراهيم: ِِ ِ ِ الن َّ اج َع ْل أَ ْفئِ َدةً ِم َن اس َّ يموا َ ِت ِم ْن ُذِّريَّتِي بِ َو ٍاد َغ ْي ِر ِذي َزْرٍع ِع ْن َد َب ْيت ْ َالص ََلةَ ف ُ َس َك ْن ْ َرب ََّنا إِِّني أ ُ ك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق َّ ِ َّ ِ )37( ون َ تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر "Rabbanaa innii askantu min thurriyyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu Al Ssalaata fa ajcal af'idatan mina al nnaasi tahwii ilayhim wa arzuqhum mina al th-thamaraati lacallahum yashkuruuna(37)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Rabbigeeneow, anigu waxaan dejiyay qaar dhashayda ka mid ah tog aan beer lahayn oo Gurigaaga La Xurmeeyey agtiisa ah, Rabbigeenow inay oogaan Salaadda ee ka yeel quluubta dadka tii ayaga xaggooda u iilata, kuna arzuq miro, waxay mudan yihiin inay shukriyaane(37)." Sagaal. Macaadin\معاد, oo macneheedu yahay midda loo soo noqdo, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa Aayadda shan iyo sideetanaad ee Suuratul Qasas\ سورة القصصugu yiri: َِّ َن لَ َر ُّاد َك إِلَى َم َع ٍاد َ إِ َّن الذي فَ َر َ ض َعلَ ْي َك اْلقُ ْآر "Inna allathii farada calayka Al Quraana la raadduka ilaa Macaadin(85)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Midka kugu farad yeelay Quraanka wuxuu kuu soo celin Macaadin\( معادMidda loo soo noqdo)(85)". Toban. Qaryatin\قرية, oo macneheedu yahay magaalo, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa \هللا سبحانه وتعالى, ugu yiri Aayadda saddex iyo tobnaad ee Suuratu Muxammad\سورة محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: ِ َهلَ ْك َناهم فَ ََل َن )13( اص َر لَهُ ْم ْ ِّن ِم ْن قَ ْرَي ٍة ِه َي أَ َش ُّد قُ َّوةً ِم ْن قَ ْرَيتِ َك الَّتِي أ ْ َو َكأَي ْ ُ ْ َخ َر َجتْ َك أ "Wa ka'ayyin min qaryatin hiya ashaddu quwwatan min qaryatika allatii akhrajatka ahlaknaahum falaa naasira lahum(13)." 174 Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Imisaa magaalo jirtay ka xoog badan magaaladaan ku bixisay, aanna hallignay, gargaarana aan helin(13)." Kow iyo toban. Al Masjida Al Xaraama\المسجد الحرام, oo ah Masjidka Xurmada leh, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa هللا سبحانه وتعالى, ugu yiri Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratul Fatxi\سورة الفتح: ِِّ ِ ِ َّ ق لَتَ ْد ُخلُ َّن اْلمس ِج َد اْلحرام إِن َش ِّ الرْؤَيا بِاْل َح ين ََّل ِّ َوس ُك ْم َو ُمق ُّ ُق اللَّهُ َر ُسولَه َ ص َد َ ص ِر َ ين ُم َحلق َ اء اللهُ آَمن َْ َ ين ُرُء َ ْ َ ََ َ لَقَ ْد ون َ ُتَ َخاف "La qad sadaqa Allaahu Rasuulahu al rru'yaa bi al xaqqi la tadkhulunna Al Masjida Al Xaraama in Shaa'a Allaahu muxalliqiina ru'uusakum wa muqassiriina laa takhaafuuna(27)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ilaahay waa rumeeyey Rasuulka riyadiisii si dhab ah, ahaydna inay mu'miniintu gelayaan Masjid Xurmeysan\المسجد الحرام, Inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا, ayagoo aamin ah oo timaha iska xiiray ama gaabsaday, ayagoo aan cidna ka cabsanayn(27)." Labo iyo toban. Ummu Ruxm\أم رحم, oo macneheedu yahay hooyada naxariista, ayadoo dadku dhexdeeda isku naxariisto, iskuna nabad gelyeeyaan markay ka dhoofayaan. Saddex iyo toban. Salaaxi\صالح, oo macneheedu yahay midda toosan oo suuban, oo naxariisata, laguna amni helo. Afar iyo toban. Al Baassatu\الباسة, oo macneheedu yahay midda baabi'isa oo budo ka dhigtah, ayadoo cidda ku dhex jirta oo gaal ah jebisa oo budo ka dhigtah, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla \هللا عزوجل, Aayadda shanaad ee Suuratul Waaqicah\ سورة الواقعةugu yiri: ِ وبس )2( َّت اْل ِج َبا ُل َبسًّا َُ "Wa bussati al jibaalu bassan(5)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Buurahana la ridqo(5)" oo ay budo noqdaan. Shan iyo toban. Al Nassaasatu\النساسة, oo macneheedu yahay midda dibadda u saarta oo u tuurta kuwa dhexdeeda ku jira oo aan Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, rumaysnayn. Lix iyo toban. Al Naassatu\الناسة,oo macneheedu yahay midda biyaha yar. 175 Toddoba iyo toban. Al Xadhiimatu\الحطيمة, oo macneheedu yahay midda burburisa, ayadoo gaalada jebisa oo burburisa. Sideed iyo toban. Al Ra'su\الرأس, oo macneheedu yahay Madaxa, hoggaamiyaha. Sagaal iyo toban. Kubaa\كبى. Makkah\ مكةwaxay magacaan ka qaadatay meel ayada ku taalla oo Kubaa\ كبىla yiraahdo. Labaatan. Al Carshu\العرش, oo macneheedu yahay Carshiga, ama waa Al Curshu\ العرشoo macneheedu yahay Cariishyada. Kow iyo labaatan. Al Qaadisatu\القادسة, oo macneheedu yahay midda daahirka ah. Labo iyo labaatan. Al Muqaddasatu\المقدسة, oo macneheedu yahay midda la daahiriyay. Saddex iyo labaatan. Kuuthaa\( كوثىwaa tha saddex dhibcood kor ku leh). Waxaa kaloo Kuuthaa Rabbaa\ كوثى رباla yiraahdaa magaalada uu Al Dajjaalu\ الدجالkasoo bixi doono, ahna magaalada ay ku dhalatay Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhisaalaamu hooyadiis oo magaceedu ahaa Nuunan\نونان. Al Dhabarii\( الطبري1/533) wuxuu wariyay inuu aabeheed qoday wabiga la yiraahdo Kuuthaa\كوثي. Waxaa kaloo la yiri magaceedu wuxuu ahaa Layuuthii\ليوثي. Xaramka Makkata Al Mukarramati\حرم مكة المكرمة Dhulka uu Xaramka Makkah\ حرم مكةka kooban yahay wuu calaamadeysan yahay, wuxuuna ku calaamadeysan yahay sagaal boqol iyo saddex iyo afartan calan, oo ku suran xuduudkeeda, ha ahaado dhulka fidsan ama buuraha dushoodabee. Dhulka uu Xaramku ku fadhiyo waa shan boqol iyo konton kiiloomitir oo wareegsan. Al Tanciimu\التنعيم Meelaha caanka ah oo xuduuddaas ku yaalla waxa ka mid ah Al Tanciimu\التنعيم, oo ah meesha uu ku yaallo Masjidu Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah\مسجد أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, oo marka la cumreysanayo laga soo ixraamto, taasoo Kacbada toddoba kiiloomitir iyo nus u jirta. Qisadaanna waxaan ku arki doonnaa, in shaa’a Allaahu\إن شاء هللا, markaan ka hadleynno duullaanka Bicthatu Al Rrajiic\ بعثة الرجيعiyo dilidda Khubayb bin Cadiyyi خبيب بن \عدي, iyo Xajjatu Al Wadaaci\حجة الوداع. Nakhlata\نخلة Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\ مكةka mid ah Nakhlata\ نخلةoo Kacbada ilaa lixdan kiiloomitir u jirta, una dhexeysa Makkah\ مكةiyo Dhaa'if\الطائف, ahna barta uu degay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Dhaa'if\ الطائفkasoo noqday sanadka tobanaad ee Nabinnimada. Qisadaanna meeshaas ayaan ku arki doonnaa inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. 176 Adaatu Laban\أضات لبن Waxaa kaloo xuduudda Xaramka Makkah\ مكةku yaalla Adaatu Laban\( أضات لبنwaa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xiga), oo Kacbada lix iyo toban kiiloomitir u jirta. Adaat\ أضاتwaxaa la yiraahdaa biyaha iyo meeshay biyuhu fariistaan, sida dhasheeg ama gal ama balli, gaar ahaan kuwa buuro dhexdooda ah, iyo wixii la mid ah. Labanna\ لبنwaa magaca buur meeshaas ku taalla oo midabkeedu caddaan yahay sida caanaha oo kale, labanna \ لبنwaa caanaha. Maanta waxaa bartaas la yiraahdaa Al Caqiishiyyatu\العقيشية, ama caynku waa godan yahay. Waxayna ka mid tahay arliga ay Khuzaacah\ خزاعةdegi jirtay, taasoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, axdi la lahayd, islaamiddeeda ka hor. Al Jicraanatu\الجعرانة Waxaa kaloo xuduudda Xaramka Makkah\ مكةka mid ah Al Jicraanatu\الجعرانة, oo Kacbada labo iyo labaatan kiiloomitir u jirta. Waxaa tuuladaas lagu magacaabay haweeney degganaan jirtay oo Al Jicraanatu\ الجعرانةla oran jiray, magaceeduna ahaa Raydhatu bintu Camr bin Sacd bin Kacb bin Zayd Manaat bin Tamiim\ ريطة بنت عمرو بن سعد بن كعب بن زيد مناة بن تميمoo madaxa looga jiray oo doqon ahayd. Al Jicraanah\ الجعرانةwaxaan uga warrami doonnaa inshaa’a Allaahu إن شاء هللاmarkaan ka hadlaynno Duullaammada Xunayn\ حنينiyo Al Dhaa’if\الطائف. Al Xudaybiyyah\الحديبية Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\ مكةka mid ah Al Xudaybiyyah\ الحديبية, oo Kacbada labo iyo labaatan kiiloomitir u jirta, looguna magac daray ceel halkaas ku yiillay, waxayna ku taallaa dariiqa Makkah\ مكةiyo Jiddah\ جدةisku xirah. Hadda waxaa la yiraahdaa Al Shumaysii\الشميسي, oo ayadana loogu magac daray ceel halkaas ku yaalla oo al Shumays\ الشميسla yiraahdo. Al Xudeybiyyah\ الحديبيةwaa meesha uu ka dhacay Heshiiska Xudaybiyyah\ الحديبيةee Sanadka lixaad ee Hijrada iyo Beecatu Al Ridwaan\بيعة الرضوان, oo ku xusan Suuratu Al Fatxi\سورة الفتح. Markaan Duullaanka Al Xudaybiyah\ الحديبيةka warbixinaynno ayaan ka hadli doonnaa inshaa’a Allaahuإن شاء هللا. Jabalu Carafaat\جبل عرفة Waxaa kaloo xuduudka Xaramka Makkah\ مكةka mid ah Jabalu Carafaat\جبل عرفة, oo Kacbada labo iyo labaatan kiiloomitir xagga Koofureed uga jira, xadkana ka baxsan, sidaan usoo sheegnay. Magacda Kacbada Kacbadu waxay leedahay magac badan, waxaana magacdeeda ka mid ah: Kow. Al Kacbata\الكعبة, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\وتعالى Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Maa'idah\سورة المائدة: هللا سبحانه, ugu yiri 177 ت اْل َح َر َام َ َج َع َل اللَّهُ اْل َك ْع َبةَ اْل َب ْي "Jacala Allaahu Al Kacbata Al Bayta Al Xaraama(97)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Wuxuu ka yeelay Ilaahay Kacbada\ الكعبةGuri Xurmada leh(97)." Kacbada waxaa Kacbah\ كعبةloogu bixiyay siday u dhisan tahay daraadeed, oo ah Guri afar darbi leh, muuqaalkaasoo af Carabiga kacb\ كعبlagu yiraahdo. Carabtuna guri kasta oo afar darbi leh oo murabbac ah waxay tiraahdaa Kacbah\كعبة. Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay dheraanteeda ay kor u taagan tahay daraadeed, oo ay dhulka uga sarreyso. Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay inuu Gurigu dhismo keligiis ah yahay. Labo. Al Baytu\البيت, oo macneheedu yahay Guriga, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla\عزوجل ugu yiri Aayadda lix iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آلل عمران: هللا, ِ ِ َِّ ِ ضع لِ َّلن ِ ٍ ِ )96( ين َ اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم َ إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو "Inna awwala Baytin wudica lil nnaasi lallathii biBakkata mubaarakan wa hudan lilcaalamiina(96)." Aayadda macneheedu in yar ka hor ayuu nasoo maray. Imaam Al Nawawii\ اإلمام النوويwuxuu Manaasiku Al Xajji\مناسك الحج, uuna sharxay Ibnu Xajar Al Haytamii\ إبن حجر الهيتميbogga afar boqol iyo toddoba iyo lixdan ku wariyay Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, inuu yiri in macnaha Aayaddaas iyo Xadiithkaasba uu yahay: "Waa gurigii ugu horreeyey oo cibaadeysi iyo barako loo dhigay", hortiisna ay guryo badan jireen, siday Al Xasan\ الحسنiyo Qataadah\ قتادةu yiraahdeen. Saddex. Baytu Allaahi\بيت هللا, oo macneheedu yahay Guriga Ilaahay, isagoo Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, uu Gurigaas Naftiisa u nisbeeyey, siduu ugu yiri Aayadda boqol iyo shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورةالبقرة: ِ اهيم وِاسم ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ًّ اهيم م ِ ِ ت َمثَ َابةً لِ َّلن َن طَهِّ َار َ اع َ َوِا ْذ َج َعْل َنا اْل َب ْي ْ يل أ َ ُ َ اس َوأ َْمًنا َواتَّخ ُذوا م ْن َمقَام إِ ْب َر َ ْ َ َ صلى َو َعه ْد َنا إلَى إ ْب َر ِِ ِِ َّ ِ ِ ِ ُّج )128( ود ُّ ين َو ُ الرَّك ِع الس َ ين َواْل َعاكف َ َب ْيت َي للطائف "Wa ith jacalnaa Al Bayta mathaabatan lil nnaasi wa amnan wa ittakhathuu min maqaami Ibraahiima Musallan wa cahidnaa ilaa Ibraahiima wa Ismaaciila an dhahhiraa Baytii lil dh-dhaa'ifiina wa al caakifiina wa al rrukkaci al ssujuudi(125)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Xusuuso markaan ka yeelay Baytka\ البيتmeel dadku ku kulmo, iyo nabadgelyo, kana yeesha Maqaamka Ibraahiim\ مقام إبراهيمmeel lagu tukado, waxaanna u waxyoonnay Ibraahiim \إبراهيم 178 iyo Ismaaciil\ إسماعيلinay u daahiriyaan Baytkeyga kuwa dhawaafaya iyo kuwa ku nagaadaya iyo kuwa Rukuucaya oo sujuudsan(125)." Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu tafsiirkiisa ku yiri: "Nisbeynta uu Ilaahay Naftiisa Gurigaas u nisbeeyey waa nisbayn tashriif\ تشريفiyo karaamayn\تكريم, oo uu makhluuq\ مخلوقla abuuray Khaaliqqii\ الخالقabuuray loo nisbeeyey." Afar. Al Bayta Al Xaraama\البيت الحرام, oo ah Guriga Xurmada leh, siduu Ilaahay, Cazza wa Jallهللا عزوجلa, ugu yiri Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Maa'idah سورة \المائدة: ت اْل َح َر َام َ َج َع َل اللَّهُ اْل َك ْع َبةَ اْل َب ْي "Jacala Allaahu Al Kacbata Al Bayta Al Xaraama(97)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Wuxuu ka yeelay Kacbada Bayt Xurmada leh(97)." Shan. Al Baytu Al Catiiqu\البيت العتيق, oo macneheedu yahay Guriga faca wayn, siduu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, ugu yiri Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratul Xajji سورة \الحج: ِ ورُه ْم وْل َيطَّ َّوفُوا بِاْل َب ْي ِت اْل َعتِي )51( ق ُ ثَُّم ْل َي ْق َ َ ضوا تَفَثَهُ ْم َوْليُوفُوا ُن ُذ "Thumma layaqduu tafathahum walyuufuu nuthuurahum walyadhawwafuu bi Al Bayti Al Catiiqi(29)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Markaas ha dhammeeyaan basaastooda, hana oofiyeen nuthuurtooda, hana ku dhawaafaan Baytka Horreeyey(29)." Baytka waxaa Catiiq\ عتيقloogu bixiyay Sharaftiisa, ama fac weynidiisa Isagoo ah Gurigii ugu horreeyey oo arliga laga dhisay, oo catiiq macnihiisu waxaa weeye midka faca weyn; ama loogu bixiyay in laga xoreeyey oo laga badbaadiyay dhuufaantii Nabi Nuux \نوح, Calayhissalaamu, oo catiiq\ عتيقwaxaa kaloo la yiraahdaa qofka la xoreeyey; ama laga xoreeyey gacanta jabbaariinta, ama waa xor uusan axad aan Ilaahay ahayn uusan lahayn oo aan la oran Guriga hebel hebel lase yiraahdo Guriga Ilaahay\ ;بيت هللاama ma jiro qof xumaan la doonay ee waase illaa kii la halaago, ama waxaa sidaas loogu bixiyay ayadoo uu agtiisa Ilaahay luqumaha addoommadiisa mu'miniinta ah cathaabka uga xoreeyo. Intaasoo macnaba waxaa wariyay Kutubbada Tafaasiirta iyo Al Xaafith Nuurudddiin Cali bin Abii Bakar Al Haythamii\( الحافظ نور الدين علي بن أبي بكر الهيثميwaa tha saddex dhibcood kor ku leh( kuna wariyay Kitaabkiis qiimaha badan ee Axaadiithta ee Majmacu Al Zawaa'idi wa Manbacu Al Fawaa'idi\ مجمع الزوائد ومنبع الفوائدmujalladka saddexaad bogga laba boqol lix iyo sagaashan. 179 Lix. Qiblatun\قبلة, oo macneheedu yahay Qiblada xaggeeda Salaadda loola jeesto, siduu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, Aayadda boqol iyo afar iyo afartan ee Suuratul Baqarah\ سورة البقرةku yiri: ِ ِ قَ ْد َنرى تََقلُّب و ْج ِه َك ِفي الس ث َما ُك ْنتُ ْم فَ َولُّوا ْ اها فَ َو ِّل َو ْجهَ َك َش ُ ط َر اْل َم ْس ِجِد اْل َح َرِام َو َح ْي َ ض َ َّماء َفلَُن َولَِّيَّن َك قْبلَةً تَْر َ َ َ َ ْ وه ُك ْم َش َ ُو ُج ُط َره "Qad naraa taqalluba wajhika fii Al Ssamaa'i fa la nuwalliyannaka Qiblatan tardaahaa fa walli wajhaka shadhra Al Masjidi Al Xaraami wa xaythu maa kuntum fa walluu wujuuhakum shadhrahu(144)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Dhab ahaan ayaan ugu jeednay gadgaddoonka wajigaaga ee Samada, marka waxaan kuu jeedineynnaa Qiblad\ قبلةaad ka raalli noqon doontid ee u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan\المسجد الحرام, meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wajiyadiinna xaggiisa(144)." Inta goor oo Kacbada la dhisay Waxaa la yiri in Kacbada laba iyo toban goor la dhisay, ayadoo ay qaar riwaayadaha wariyay ay malo ku dhisanyihiin, oo aan Quraan ama Xadiith saxiix ah lagu warin, waxayna kala yihiin sida soo socota. Kow. Dhismaha Malaa'igta Marka ugu horreysey waxaa Kacbada dhistay Malaa'ig, waxayna dhistay intaan khalqiga la abuurin ka hor, oo waxaa Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\عبد هللا بن عمرو بن العاص, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, laga wariyay inuu yiri: "Guriga waxaa la dhigay arliga hortiis (oo ah intaan la abuurin) laba kun oo sano. Guriguna wuxuu ahaa quraarac cad, Carshiguna wuxuu ahaa biyaha korkooda, arliguna uu hoostiisa ahaa una ekaa Khasfatun\( خسفةuuna Lisaanul Carab\ لسان العربku fasiray waa jawzka la cuno, oo muuqaalka arligu sidaas ayuu u ekaa, goobaabin dhuubanna u eg). Markaasuu Guriga hoostiisa (arliga) ka fidiyay." Waxaana wariyay Majmacu Al Zawaa'id\ مجمع الزوائدmujalladka saddexaad, bogga laba boqol iyo sideed iyo sideetan. Cabdu Allaahi bin Camr bin Caas عبد هللا بن عمرو بن العاصwuxuu aabihiis ka yaraa kow iyo toban sano. Allow labadooda iyo asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u wada naxariiso, iyo muslimiinta oo idil. Labo. Dhismaha Aadan\آدم Marka labaad waxaa Kacbada dhisay Nabi Aadan\ ادم, Calayhissalaamu. Wuxuu Al Haythamii \ الهيثميMajmacu Al Zawaa'idi\ مجمع الزوائدmujalladka saddexaad bogga laba boqol sideed iyo sideetan ku wariyay inuu Cabdu Allaahi bin Cumar\عبد هللا بن عمر, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, yiri: 180 "Markuu Ilaahay Adan\ آدمJannada kasoo dejiyay ayuu wuxuu yiri: "Waxaan kula dejinayaa Guri aad ku dhawaaftid sida Carshigeyga loogu dhawaafo oo kale, agtiisana loogu tukado, sida Carshigeyga agtiisa loogu tukado oo kale." Markaasaa markay dhuufaantii Nabi Nuux\نوح, Calayhissalaamu, arliga oo idil dedday, ayaa Baytka\ البيتsamada kor loogu qaaday. Anbiyaduna way usoo xajjin jireen ayagoo aan bartiisa aqoon. Markaasuu Ilaahay Ibraahiim\ إبراهيمu muujiyay, kaasoo dhagaxda shan buurood ka dhisay, kuwaasoo kala ah (Kow) Jabalu Xiraa'\جبل حراء, iyo (Laba) Dhuuru Zaytaa\طور زيتى, iyo (Saddex) Jabalu Labanaani\( جبل لبنانoo labo buurood ka kooban), iyo (Afar) Jabalu Al Dhuur \جبل الطور, iyo (Shan) Jabalu Al Juudiyyi\جبل الجودي. Marka ku raaxeysta intaad kartaan." Muujintaas waaba tuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, noogu sheegay Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratul Xajji\سورة الجد: ِ ِِ ان اْل َب ْي ِت َ يم َم َك َ َوِا ْذ َب َّوأ َْنا ْل ْب َراه "Wa ith bawwa'anaa li Ibraahiima makaana Al Bayti(26)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "(Xusuuso) markaan u muujinnay Ibraahiim\ إبراهيمmakaanka Baytka\(البيت26)." Saddex. Dhismaha Shayth ina Nabi Aadan\شيث بن آدم Marka saddexaad waxaa dhisay Shayth (waa thaa saddex dhibcood kor ku leh) ina Aadan شيث \بن آدم. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقka wariyay inuu yiri: "Kacbadu intuusan Shayth (ina Aadan)\ شيث بن آدمdhisin, Calayhissalaamu, waxay ahayd khaymad ka sameysan xabbad Yaaquut\ ياقوتah oo guduudan, oo uu Aadan\ آدمku dhawaafi jiray, uuna weheshan jiray, ayadoo isaga Jannada looga soo dejiyay. Bartaas ay ku taallo ayuu (Aadan\ ) آدمHindiya oo uu degganaa uga soo xajjin jiray." Afar. Dhismaha Ibraahiim إبراهيمiyo Ismaaciil\إسماعيل Marka afaraad waxaa Kacabada dhisay Nabi Ibraahiim إبراهيمiyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil إسماعيل, Nabigeenna iyo ayaga iyo Anbiyadoo idilba Caleyhimussalaatu wa Al ssalaamu, waxayna ka dhiseen dhagaxda shan buurood oo kala ah: (Kow) Jabalu Xiraa'\جبل حراء, oo Makkah\ مكةku yaalla, iyo (Laba) Jabalu Al Juudiyyi \جبل الجودي, oo Ciraaq\ عراقku yaalla, iyo (Saddex) Jabalu Labanaani\جبل لبنان, oo ah laba buurood oo Makka\ مكةku yaalla, iyo (Afar) Jabalu Al Dhuur\ جبل الطورoo lama degaanka Saynaa'\ سيناءee arliga Masar\ مصرku yaalla, iyo (Shan) Jabalu Dhuuri Zaytaa\جبل طور زيتى, oo Shaam\ الشامku yaalla. Aasaaska Kacbadana waxay ka dhiseen dhagaxda Jabalu Xiraa'\جبل حراء. 181 Culummada leh inay Kacbadu jiri jirtay Ibraahiim إبراهيمhortiis, waxay u daliilsanayaan Xadiithka uu Al Bukhaarii\ البخاريibnu Cabbaas\ إبن عباسka wariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, oo uu yiri: "Markaasuu (Ibraahiim )إبراهيمgaddoomay, oo markuu jiirta gaaray, ayaguna (waa Haajar\هاجر iyo Ismaaciil )إسماعيلayan u jeedin, ayuu wajigiisa xagga Baytka\ البتusoo jeediyay, kaddibna uu ku Alle baryey, intuu gacnihiisa kor u qaaday ducooyinkaan: ِِ ِ ِ ِ ٍ ِ ِ ِ ُ رب ََّنا إِِّني أَس َك ْن ِ ِ الن َّ اج َع ْل أَ ْفئِ َدةً ِم َن اس َ يموا الص ْ َََّلةَ ف ْ َ ُ ت م ْن ُذِّريَّتي ب َواد َغ ْي ِر ذي َزْرٍع ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُم َح َّرم َرب ََّنا لُيق َّ ِ َّ ِ )33( ون َ تَ ْه ِوي إِلَ ْي ِه ْم َو ْارُزْقهُ ْم م َن الث َم َرات لَ َعلهُ ْم َي ْش ُك ُر "Rabbanaa innii askantu min thurriyyatii bi waadin ghayri thii zarcin cinda Baytika Al Muxarrami Rabbanaa li yuqiimuu Al Ssalaata fa ajcal af'idatan mina al nnaasi tahwii ilayhim wa arzuqhum mina al th-thamaraati lacallahum yashkuruuna(37)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Rabbigeeneow, anigu waxaan dejiyay qaar dhashayda ka mid ah tog aan beer lahayn oo Gurigaaga La Xurmeeyey agtiisa ah, Rabbigeenow inay oogaan Salaadda ee ka yeel quluubta dadka tii ayaga xaggooda u iilata, kuna arzuq miro, waxay mudan yihiin inay shukriyaane(37)." Waana Aayadda toddoba iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim\سورة إبراهيم. Tirada Xadiithka Bukhaarina\ البخاريwaa saddex kun saddex boqol iyo afar iyo lixda. Ibraahiim إبراهيمwuxuu ducooyinkaas ku Alle baryey kaddib markuu Ismaaciil\ إسماعيلiyo hooyadiis Haajar\هاجر, dooxada Makkah\ مكةuga soo tegey. ِ ِ Marka jeesashadaas uu wajigiisa aadiyay Baytka iyo dhihidda uu yiri ح َّرِم َ ع ْن َد َب ْيت َك اْل ُمcinda Baytika Al Muxarrami waxay daliil u tahay inuu Gurigu Ibraahiim إبراهيمhortiis jiray, uuse dumay, ayse qawaaciddii ama aasaaskii dhulka ku dugnaa uu haray, kaasoo uu Ibraahiimإبراهيم iyo Ismaaciil إسماعيلdarbiyo ku kor dhiseen, oo ay kor u taageen markaas kaddib, markay Kacbada dhisayeen. Aasaaska Kacbadu waa adag yahay oo markay Ibraahiim إبراهيمiyo Ismaaciil إسماعيلdhiseen waxaa laga joogaa shan kun iyo shan boqol oo sanooo sano. Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, wuxuu Aayadda boqol iyo toddoba iyo labaatanaad ee Suuratul Baqarah\ سورة البقرةku yiri: ِ ِ ِ اع َد ِمن اْلب ْي ِت وِاسم ِ اهيم اْلقَو ِ ِ )127( يم ْ اعي ُل َرب ََّنا تَقَب َ َّل ِمنَّا إَِّن َك أ َْن َْ َ َ َ ُ ت السَّميعُ اْل َعل َ ُ َوِا ْذ َي ْرفَعُ إ ْب َر "Wa ith yarfacu Ibraahimu al qawaacida mina Al Bayti wa Ismaaciilu Rabbanaa taqabbal minnaa Innaka Anta Al Ssamiicu Al Caliimu(127)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: 182 "Xusuuso markuu kor yeelay Ibraahiim إبراهيمAaasaaska Kacbada iyo Ismaaciilإسماعيل ayagoo oranaya Rabbigeenow naga aqbal (camalkaan aan qabaneynno oo ah dhismaha Kacbada), Adigu waxaad tahay Midka wax walba maqla, wax walbana u cilmi leh(127)." Ibraahiim إبراهيمiyo Ismaaciil إسماعيلdabadood, dhawr goor ayaa Kacbada dib loo dhisay, aasaaskuse waa isla midkaas hore. Siduu aasaaskaasu u egyahay waxaa ka warramay Yaziid bin Ruumaan\يزيد بن رومان, oo yiri: "Waxaan goobjoog ahaa markuu Ibnu Al Zubayr \( إبن الزبيرKacbada) dumiyay, uuna dib u dhisay, Xijirkana (waa Xijru Ismaaciil\ )حجر إسماعيلdhexgeliyay (oo uu Kacbada ku daray), waxaanna arkay aasaaskii Ibraahiim إبراهيمoo ah dhagax sida kuruska geela oo kale ah." Waana Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sideetan ee Al Bukhaarii\البخاري. Sidaas ayuu Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\ عبد هللا بن الزبيرwuxuu Kacbada ku taagay aasaaskeedii hore, Kacbada inteeda kalena dib ayuu u dhisay. Markuu sanadku ahaa kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo toban Hijriga, ayaa marka Kacbada dib loo dhisayey, hadana aasaaskii muuqday, kaddib markii Kacbada la dumiyay, waxaana aasaasku madhaafka lagu socdo marka la dhawaafayo uu ka hooseeyaa hal mitir iyo afartan sentiimitir. Markay muuqdeen waxaa la arkay inay dhagaxdaasi is dhexdhex galeen oo ay isku dhex jiraan, ayadoo ayan jirin wax kale oo isku haya ama isku xiraya, muuqaalkooduna wuxuu u egyahay luqumaha geela, xaaladooduna waa heer sare, una qalma inay Guriga Aasaas u noqdaan ayagoo aan u baahneyn dayactirid. Sidaas ayaana aasaaskaas Kacbada loogu kor dhisay. Aasaaskaas Ibraahiim إبراهيمwuxuu jiraa, maanta, qiyaas shan kun iyo shan boqol oo sano, waana jiri doonaa ilaa uu adduunkaani ka jiro iyo ilaa yawmul qiyaamaha. Marka aasaaska Kacbadu waa mucjizo wayn oo weligeed jiri doonta. Ibraahiim إبراهيمwuxuu Kacbada u yeelay laba irdood oo ay labaduba dhulka ku dheggan yihiin, albaabna ma saarneyn, oo way iska dalooleen. Markaasuu dadku intuu irridda qorrax ka soo bax xigta, oo ah dhanka uu maanta albaabku ku yaallo, ka galo, ayuu wuxuu ka bixi jiray irridda qorrax u dhaca ku tiillay, oo midda hore kasoo horjeeda oo ku beegnayd. Kacbada uu Ibraahiim إبراهيمdhisay waxay kor u taagnayd sagaal dhudhun, dhererkeeduna soddon dhudhun, ballaarkeeduna labo iyo labaatan dhudhun, siduu Al Nawawii \ النوويuga wariyay Abuu Waliid Al Azraqii\ أبوالوليد األزرقيkitaabkiisa Manaasiku Al Xajji\مناسك الحج bogga afar boqol iyo toddobaatan, saqafna uma yeelin, oo Samada ayay u furnayd. Boqorkii Yamaneed\ يمنee magaciisu ahaa Ascad Tubbac\ أسعد تبعkii saddexaad, ayaa Kacbada albaab hal qalbac ah saaray, oo la xiri karo lana furi karo, siduu Al Bukhaarii\ البخاريugu wariyay Xadiithka kun iyo shan boqol iyo afar iyo sedeetan. Shan. Dhismaha Al Camaaliqah\العمالقة Marka shanaad waxaa Kacbada dhisay qabiilka Carbeed ee la yiraahdo Al Camaaliqah\ العمالقة. 183 Lix. Dhismaha Jurham\جرهم Marka lixaad waxaa Kacbada dhisay qabiilka Carbeed ee la yiraahdo Jurham\جرهم. Toddoba. Dhismaha Qusayy\قصي Marka toddobaad waxaa Kacbada dhisay awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qusayy bin Kilaab\قصي بن كالب. Dhismahaas kor ayaan kusoo sheegnay. Sideed. Dhismaha Quraysh\قريش Marka sideedaad waxaa Kacbada dib u dhistay Quraysh\ قريشmarkuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, shan iyo soddon sano jiray, iyo shan sano ka hor Nabinnimada. Quraysh\ قريشwaxay ku heshiisay inayan dhismaha Kacbada gelin oo ayan ku dhisin maal aan xalaal ahayn, oo ayan gelin meherka haweenka jirkooda gata, iyo maal ganacsi oo ay ribo ku jirto, iyo maal si thulmi ah iyo xaqdarro axad loo geystey lagu kasbay. Markaasey lacagtii xalaasha ahayd oo ay iska soo aruuriyeen ku filaan weydey inay u goyso qalabkii dhismaha ee Kacbada oo idil siduu Ibraahiim\ إبراهيمu dhisay dib loogu dhisi lahaa. Markaasey waxay dhankeeda Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلxigah ka gooyeen qiyaas saddex mitir, oo ayan dhisin. Sidaas ayay saddex mitir oo xagga Xijiru Ismaaciil \ حجر إسماعيلxigtah qofkii ku tukada uu run ahaantii Kacbada dhexdeeda ugu tukaday. Arrinkaasi yuusan ku seegin. Al Tarmithii\ الترمذيwuxuu Xadiithkiisa sideed boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay qisadaas Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, wayna nasoo mari doontaa inshaa’a Allaahu Tacaalaaإن شاء هللا تعالى. Sagaal. Dhismaha Cabdu Allaahi ibnu Al Zzubayru\عبد هللا إبن الزبير Markii sagaalaad waxaa Kacbada dhisay Cabdu Allaahi ibnu Al Zzubayru bin Al Cawwaamu \عبد هللا إبن الزبير بن العوام, markuu sanadku ahaa shan iyo lixdan Hijrada, isagoo , Allaha isaga iyo qoyskiisaba raalli ka noqdee, markaas hayey hoggaanka Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Cabdu Allaahi\ عبد هللاwuxuu ahaa cunugga ugu horreeyey ee Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةku dhashah Hijrada kaddib, markaasoo ay Muslimiintu Allaahu Akbar\ هللا أكبرwada yiraahdeen, oo ay ku wada farxeen. Cabdu Allaahi\ عبد هللاwaxaa dhalay Al Zubayr bin Al Cawwaam\الزبير بن العوام, Allaha Raalli ka noqdee, Xawaariyigii\ حواريNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Zubayrna\ الزبيرwaxaa dhashay Safiyyatu bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdi Manaaf\صفية بنت عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo markaas ah ayeeyada Cabdu Allaahi\عبد هللا. 184 Al Zubayr\ الزبيرaabihiis waa Al Cawwaam ibnu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa \العوام إبن خويلد بن أسد بن عبد العزى, oo ah walaalka la dhashay Ummu Al Mu'miniin Khadiija bintu khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن بن أسد بن عبد \العزى, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Zubayr\ الزبيرwaa nin ka mid tobanka Jannada loogu bishaareeyey. Cabdu Allaahi\ عبد هللاhooyadiisa dhashay waa Asmaa'u bintu Abii Bakar Al Siddiiq أسماء بنت أبي \بكر الصديق, Caa'ishah\ عائشةwalaasheed, uuna dhalay Saaxiibka Nabi Muxammad, غSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ahaa midkii labaad ee labada siday noo sheegtay Aayadda Afartanaad ee Suuratu Baraa'\سورة براءة, oo sidaas ayuu Abuu Bakar\ أبوبكرawoowihiisa yahay. Aayaduna waxay tiri: ِ َخرجه الَِّذين َكفَروا ثَانِي اثَْن ْي ِن إِ ْذ هما ِفي اْل َغ ِار إِ ْذ يقُو ُل لِص َّ ِ ِ َّ َ صروهُ فَقَ ْد َن احبِ ِه ََّل تَ ْح َزْن إِ َّن َ َ ُ َ ُ َ َ ْ ص َرهُ اللهُ إ ْذ أ ُ ُ إَّل تَْن َُ َ اللَّهَ َم َع َنا "Illaa tansuruuhu fa qad nasarahu Allaahu ith akhrajahu allathiina kafaruu thaaniya ithnayni ith humaa fii al ghaari ith yaquulu li saaxibihi la taxzan inna Allaaha macanaa(40)", oo macneheedu yahay: "Haddaydaan u gargaarin (Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaa u gargaaray Ilaahay markay bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo midkood ah markay godka ku jireen, markuu ku lahaa saaxiibkiis: ha tiiraanyoonin Ilaahay ayaa nala jiree". Cabdu Allaahi Ibnu Al Zubayr\ عبد هللا إبن الزبيرintuu Kacbada dumiyay ayuu dib u dhisay. Markaasuu isagoo Xadiithka ay habaryartiis Caa'ishah\ عائشةu warisay daliil ka dhiganaya, ayuu sadeexdii mitir oo Al Xijru\ الحجرku jirtay Kacbada dhex geliyay oo uu ka mid dhigay, una yeelay albaab labaad ee galbeed, albaabka qorrax kasoo baxna dhulka ku dhejiyay, taagga Kacbadana uu ku daray sagaal dhudhun: Ibraahiim\ إبراهيمwuxuu taaggeeda ka dhigay sagaal dhudhun, Quraysh\ قريشwaxay ku kordhisay sagaal dhudhun, Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayrna \ عبد هللا إبن الزبيرwuxuu ku daray sagaal dhudhun oo kale, oo sidaas ayay waxay ku noqotay toddoba iyo labaatan dhudhun, siduu Abuu Al Waliid Al Azraqii\ أبوالوليد األزرقيugu wariyay kitaabkiisa aan soo sheegnay juzka koowaad bogga laba boqol iyo sideed. Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\عبد هللا إبن عباس, Allaha raalli isaga iyo aabihiisba ka noqdee, Makkah \ مكةuma soo dhowaan marka la dumiyay, oo ahayd maalin sabti ah ee nuska bisha Jamaaul Aakhirah جماد اآلخرةee sanadka afar iyo lixdan, kaddib marka dab la soo tuuray uu Kiswadeeda\ الكسوةku dhegay oo ay gubatay, kumana uusan soo laaban ilaa dib loo dhisay, siduu Al Azraqii \ األورقيu wariyay. Xadiithkaas ay Caa'ishah\عائشة, Allaha raalli ka noqdee, waa sidatan, oo waxay tiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu igu yiri: 185 وألزقته, فأدخلت فيه ما أخرج منه، لو ال أن قومك حديث عهد بجاهلية ألمرت بالبيت فهدم،"يا عائشة ". فبلغت به أساس إبراهيم، وبابا غربيا، بابا شرقيا، وجعلت له بابين،باألرض "Yaa Caa'ishatu, Law laa anna qawmaki xadiithu cahdin bi jaahiliyyatin la amartu bi Al Bayti fa hudima, fa adkhaltu fiihi maa ukhrija minhu, wa alzaqtuhu bi al ardi, wa jacaltu lahu baabayni, baaban sharqiyyan, wa baaban gharbiyyan, fa balaghtu bihi asaasa Ibraahiima." Waana Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sideetan ee Al Bukhaarii\ البخاريiyo Xadiithka kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo soddon ee Muslim\مسلم, macnihiisuna waxaa weeye: "Caa'ishoy، عائشة, haddayan qawmkaagu ahaan lahayn mid waqti dhow jaahiliyada kasoo baxay, waxaan amri lahaa Baytka, oo markaas la dumin lahaa. Markaasaan soo dhex gelin lahaa wixii laga saaray, waxaanna (albaabkiisa) ku dhejin lahaa dhulka, waxaanna u yeeli lahaa labo albaab: albaab qorrax kasoo bax ku yaalla iyo albaab qoraax u dhac ku yaalla, waxaanna gaarsiin lahaa aasaaska Ibraahiim إبراهيم." Toban. Dhismaha Al Xajjaaj bin Yuusuf\الحجاج بن يوسف Marka tobanaad waxaa Kacbada dhisay Al Xajjaaj bin Yuusuf\ الحجاج بن يوسفmarkuu sanadku ahaa afar iyo toddobaatan Hijrada. Al Xajjaaj\ الحجاجKacbada ma dumin, taaggeedana wax kuma uusan darin, ee intii uu Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr\ عبد هللا إبن الزبيرka beddelay ayuu isaguna baabi'iyay, oo saddexdii mitir ee Xijriga ayuu ka saaray, albaabkii galbeedna wuu awday, albaabka qorrax kasoo baxna dhulka ayuu kor uga qaaday, oo wuxuu kusoo celiyay siday ahayd oo uu ku arkay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna siday maanta tahay. Kow iyo toban. Dhismaha Suldhaan Muraad\السلطان مراد Marka kow iyo tobnaad waxaa Kacbada dhisay Suldaanka magaciisu yahay Muraad Al Cuthmaanii\ لسلطان مراد العثماني, markuu sanadku ahaa kun iyo afartan Hijriga. Labo iyo toban. Dhismaha Malik Fahd bin Cabdu Al Caziizi\ملك فهد بن عبد العزيز Marka laba iyo tobnaad oo ugu dambeysey waxaa dhisay Boqor Fahd bin Cabdu Al Caziizi ملك \فهد بن عبد العزيز, markuu sanadku ahaa kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo toban Hijriga. Cabbirrada Kacbada Kacbada taaggeeda ay xagga Samada u taagantahay waa afar iyo toban mitir. Wajigeeda albaabku ku yaallo dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan sentiimitir. Dhererka wajigeeda Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلxiga waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo labaatan sentiimitir. Dhererka dhabarkeeda oo ah dhinaca albaabka ku beegan oo ka soo horjeeda, una dhexeeya Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلiyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \الركن اليماني waa laba iyo toban mitir iyo kow iyo toban sentiimitir. Dhererka wajigeeda laba Rukni, oo kala ah Al Ruknu Al Aswadu\ الركن األسودoo uu Xajarul Aswadku\ الحجر األسودku jiro iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu\ الركن اليمانيwaa kow iyo toban mitir iyo labo iyo konton sentiimitir. 186 Kacbada gudeheeda Kacbada gudeheeda waxaa ku jira saddex udub oo qori ah oo saqafkeeda haya. Udub kasta jirmigiisu waa afar iyo afartan sentiimitir. Labadii udubba waxay isku jiraan laba mitir iyo shan iyo soddon sentiimitir. Albaabka waxaa ku beegan mixraab\محراب, ay u badan tahay in laga dhisay bartuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday Kacbada dhexdeeda, maalintuu Makkah\ مكةfurtay. Waxaa Ibnu Cumar\إبن عمر, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, laga wariyay in hadduu Kacbada galo uu foolkiisa u socon jiray, oo uu albaabka dhabarkiisa xijin jiray, oo markay isaga iyo darbiga albaabka kasoo horjeeda ay u dhexeyso qiyaas saddex dhudhun, halkaas ayuu ku tukan jiray, isagoo ku beegaya bartii loo sheegay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tukaday. Saqafka Kacbada Saqafka Kacbadu wuxuu ka sameysan yahay dhagaxa marmar cad, waxaana ku wareegsan darbi yar oo taaggiisu yahay sideetan sentiimitir. Saqafka korkiisa waxaa ah udubbo adadag oo Kiswada\ الكسوةKacabada lagu xiro. Dhalada Kacbada waxaa ku taalla Fatxah\ فتحةoo ah dalool cabbirkeedu yahay hal mitir iyo toddoba iyo labaatan sentiimitir hal dhinac, dhinaca kalena hal mitir iyo afar sentiimitir oo uu dabool macdan ah saaran yahay, lana furo marka Kacbada la dhaqayo iyo marka Kiswada\ الكسوةlaga beddelayo. Saqafka waxaa lagu fuulaa jaranjaro Kacbada gudeheeda kasoo baxda, lagana soo galo albaabka la yiraahdo Baabu Al Tawbah باب \ التوبةoo Kacbada gudeheeda ku yaalla. Al Shaatharwaanu\الشاذروان Al Shaatharwaan\ الشاذروانwaxaa la yiraahdaa darbiga gaaban oo buuran oo darbiyada Kacbada salkeeda ku yaalla, oo Madhaafka xigah, intaan ahayn Wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil\ حجر أسماعيلu jeeda, oo Wajigaas Shaatharwaan\ الشاذروانkuma yallo, waxaase ku yaalla Catab\ah عتبةama Xakabad ka mid ah asliga Kacbada. Al Shaatharwaaanu\ الشاذروانwuxuu dhulka ka kacsan yahay saddex iyo toban sentiimitir, ballaciisuna waa shan iyo afartan sentiimitir, waxaana korkiisa ku istaaga dadka Guriga soo booqday, oo intay wajiyadooda iyo dhudhummadooda iyo caloolohooda darbiga Kacbada ku dhejiyaan, oo ay is jejebiyaan oo ay booyaan, ayay Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa هللا \سبحانه وتعالى, baryaan. Al Shaatharwaanu\ الشاذروانwuxuu ka mid yahay asalka darbiga Kacbada Wayn markay ku taagnayd asaaska Ibraahiim\إبراهيم, Calayhissalaamu. Markaasey Quraysh\ قريشmarkay Kacbada dumisay, si ay dib ugu dhisto, oo uu aasaaskii muuqday, ayay markay dhisaysey intuu Shaatharwaanku\ الشاذروانyahay darbiga Kacbada ka naaqusisay oo ka tagtay. Waxaa kaloo la yiri inuu Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\عبد هللا إبن الزبير, Allaha isaga iyo qoyskiisaba raalli ka noqdee, uu Al Shaatharwaanu\ الشاذروانdhisay si uu uga ilaaliyo darbiga Kacbada Sharafta leh daadadku inay galaan, iyo in lagu xiro xargaha haya Kiswada Kacbada oo lagu xiro dugaagadaha ku yaalla Al Shaatharwaanu\ الشاذروان, iyo si jirarka kuwa 187 dhawaafaya ayan ku xoqan Kiswada\ الكسوةiyo darbiga Kacbada, oo markuu dadku badanyahay oo uu is ciriiryayo ayan jirkooda sidaas dhibaato ugu keenin, Kiswaduna ayan si dhakhso ah ugu duugoobin. Al Shaatharwaanu\ الشاذروانwaxaa ku suran saddex iyo afartan dugaagadood oo nuxaas ah, Xakabadda Xijru Ismaaciilna\ حجر إسماعيلlaba iyo toban dugaagadood, oo ayaguna nuxaas ka sameysan, oo dhammaantood xargaha Kiswada Kacbada lagu xiro. Shaatharwaanku\ الشاذروانwuxuu ka dhisan yahay dhagax sulub ah oo nooca marmarka ugu qaalisan ah, dhagaxaasoo ay Kacbaduna ka dhisan tahay. Al Shaatharwaanu\ الشاذروانwaxaa dib loo cusbooneysiiyay kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo toban Hijrada, markii Kacbada dib loo dhisay, oo marmarkii hore oo duugga ahaa laga beddelay. Dhererka Al Shaatharwaanu\ الشاذروانwaa sidatan: xagga darbiga Kacbada ee albaabku ku yaallo waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan sentiimitir; labada Rukni dhexdoodana waa kow iyo toban mitir iyo laba iyo konton sentiimitir; xagga darbiga Kacbada ee Al Ruknu Al Yamaaniyyu\ الركن اليمانيiyo Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلu dhexeeya, oo ah dhabarka Kacbada dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo kow iyo toban sentiimitir. Xakabadda Xijru Ismaaciilna\ عتبة حجر إسماعيلdhererkeedu waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo labaatan sentiimitir. Harka Kacbada\ظل الكعبة Harka ama hooska Kacbadu waa harka adduunkaan ugu khayr badan, oo waa harka Guriga Ilaahay, Cazza wa Jalla\بيت هللا عزوجل. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, harkaas wuu fariisan jiray. Al Bukhaarii\ البخاريwuxuu Khabaab bin Al Arat\خباب بن األرت, Allaahi raalli ka noqdee, ka wariyay inuu yiri: "Waxaan u ashtakoonnay (waana bilowga Islaamka, markay Muslimiintu tiro yar ahaayeen, Makkana\ مكةay gaaladu ku cathaabi jirtay) Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo go' uu leeyahay ku barkan Kacbada harkeeda." Waana Xadiithka lix kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo afartan ee Al Bukhaarii\البخاري. Al Faakihi\ الفاكهيwuxuu Akhbaaru Makkah\ أخبار مكةku wariyay inuu Muxammad bin Suuqah \ محمد بن سوقةyiri: "Waxaan la joognay Saciid bin bin Jubayr\ سعيد بن جبيرharka Kacbada, markaasuu wuxuu yiri: "Adinku waxaad hadda ku sugan tihiin harka ugu kariimsan oo arliga wajigiisa ku kor yaalla." Al Kiswatu\الكسوة Kiswah\ الكسوةwaxaa la yiraahdaa marada Kacbada loogu arratiro, oo loo labbiso, oo kasaa macneheedu waxaa weeye waa u arratiray. Kiswada Kacbadu waxay ka sameysan tahay xariir 188 saafi ah, oo rinji madow la geliyay. Kiswada oo idilna waxaa lagu falkiyay oo ku tolan, ayadoo lagu soo celceliyay, muuqaalka toddoba Carabi ahna leh, oo sabcah\ سبعةah: يا، يا حنان، يا هللا. سبحان هللا العظيم، سبحان هللا وبحمده، محمد رسول هللا،"ال إله إال هللا ".منان "Laa ilaaha illaa Allaahu, Muxammadun Rasuulu Allaahi. Subxaana Allaahi wa bi xamdihi, Subxaana Allaahi Al Cathiimi. Yaa Allaahu, Yaa Xannaanu, Yaa Mannaanu." Kiswadu waxay ka kooban tahay shan go', afar loo labbiso afarta darbi ee Kacbada iyo Al Sattaaratu\ الستارةoo albaabka Kacbada loo labbiso. Kiswada waxaa gudaha looga tolaa maro cad, oo ah toddoba iyo afartan daaqadood oo ay daaqaddiiba dhererkeedu yahay afar iyo toban mitir, ballaceeduna shan iyo sagaashan sentiimitir. Markii Kiswada saddex meelood loo qaybiyo daloolka kore hoostiisa waxaa ku yaalla Al Xizaamu\الحزام, oo macnihiisu yahay Suunka. Suunka waxaa ku dhigan Aayado Quraan ah. Suunka hoostiisa waxaa ku yaalla goobo kale oo ayagana Quraan lagu dhigo. Sanad walba Kacbada waxaa loo labbisaa Kiswo cusub, oo lagu sameeyo warshad loogu talo galay oo Makkah\ مكةku taalla, oo Kiswadii ugu horreysey soo saartay markuu sanadku ahaa kun iyo saddex boqol iyo lix iyo afartan. Markaas ka hor waxaa Kiswada inta badan laga keeni jiray dalalka Masar\ مصرiyo Yaman\يمن. Kacbada waxaa Kiswada cusub loo labbisaa Maalinta Sagaalaad ee bisha Thul Xajjah \ذوالحجة, oo ah Maalinta Carafo\ عرفةee Xajka, waxaana Kiswadaas daboolka laga feydaa maalinta Ciidul Adxaa\عيد األضحى, oo Kacbadu labbiskeeda cusub la arkaa. Cabbirrada Kiswada Taagga Kiswadu ay kor u taagan tahay waa afar iyo toban mitir. Culayska xariirta saafiga ah oo ay Kiswadu ka sameysan tahayna waa lix boqol iyo toddobaatan kiiloograam. Ballaceeda xagga wajiga albaabka Kacbadu ku yaallo waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo lixdan sentiimitir. Ballaca Kiswadu inta labada Rukni, oo kala ah Xajarul Aswadku \الحجر األسود Rukniguu ku jiro iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \ الركن اليمانيinta u dhexeysa waa toban mitir iyo sideed iyo toban sentiimitir. Ballaceedu xagga wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil ku jeedana waa sagaal mitir iyo sagaashan sentiimitir. Ballaceedu xagga dhabarka Kacbadana waa laba iyo toban mitir iyo afar sentiimitir. Kiswadu waxay ku fadhidaa lix boqol iyo sideed iyo konton mitir oo wareegsan. Suunka dhererkiisu, afarta waji oo Kacbadaba, waa shan iyo afartan mitir, ballaciisuna waa shan iyo sagaashan sentiimitir. Quraanka Kiswada ku dhigan Aayadaha Quraanka ah ee Kiswada ku dhiganna waxaa lagula dhigay dun dahab ah. Suunka Kacbadu\ حزام الكعبةwuxuu ka kooban yahay lix iyo toban gabal, ayadoo uu waji walba ee Kacbada ay afar gabal ku yaalliin. Lix iyo tobankaas gabal dhererkooda iyo waxa ku dhiganba waa sida soo socota. 189 Kow. Wajiga albaabka Kacbada. Afarta gabal oo wajigaan ku yaalla waxay kala yihiin: (Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo sagaal iyo sideetan sentiimitir, waxaana ku dhigan: ِ ِ ِ ِ ِ َّ ِ ِ ".صلًّى َ َوِا ْذ َج َعْل َنا اْل َب ْي."بسم هللا الرحمن الرحيم َ يم ُم َ ت َمثَ َابةً ل َّلناس َوأ َْمًنا َواتخ ُذوا م ْن َمقَام إ ْب َراه Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo qaybta hore ee Aayadda boqol iyo shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: "Wa ith jacalnaa Al Bayta mathaabatan lilnnaasi wa amnan wa ittakhathuu min Maqaami Ibraahima Musallan" oo macneheedu yahay: "Xusuuso markaan ka yeelay Baytka meel dadku ku kulmo iyo nabadgelyo, kana ِ ِ ِ yeesha Maqaamka Ibraahimيم َ َمقَام إ ْب َراهmeel lagu tukado". (Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo shan iyo labaatanaas ee Suuratu Al Baqarah: ِِ ِِ َّ ِ ِ ِ اهيم وِاسم ِ ِ ِ ِ ِ ُّج ود ُّ ين َو َ اع ْ يل أ ُ الرَّك ِع الس َ ين َواْل َعاكف َ َن طَهِّ َار َب ْيت َي للطائف َ ْ َ َ َو َعه ْد َنا إلَى إ ْب َر "Wa cahidnaa ilaa Ibraahima wa Ismaaciila an dhahhiraa Baytii lildh-dhaa'ifiina wa al caakifiina wa al rukkaci al ssujuudi" oo macneheedu yahay: "Waxaan u waxyoonnay Ibraahiim إبراهيمiyo Ismaaciil\ إسماعيلinay u daahiriyaan Gurigayga kuwa dhawaafaya, kuwa ku ictikaafaya iyo kuwa rukuuci ee sujuudi." (Saddex) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo afar iyo toban sentiimitir, waxaana ku dhigan Aayadda boqol iyo toddoba iyo labaatan ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ِ ِ ِ اع َد ِمن اْلب ْي ِت وِاسم ِ اهيم اْلقَو ِ ِ يم ْ اعي ُل َرب ََّنا تَقَب َ َّل ِمنَّا إَِّن َك أ َْن َْ َ َ َ ُ ت السَّميعُ اْل َعل َ ُ َوِا ْذ َي ْرفَعُ إ ْب َر "Wa ith yarfacu Ibraahimu al qawaacida mina Al Bayti wa Ismaaciilu Rabbanaa taqabbal minnaa Innaka Anta Al Ssamiicu Al Caliimu" oo macneheedu yahay: "Xusuuso markuu kor yeelay Ibraahim إبراهيمqawaacidda (aasaaska) Baytka iyo Ismaaciilإسماعيل, ayagoo leh: Rabbigeenow, naga aqbal adaa waxna maqla maxna oge." (Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo sideed iyo soddon sentiimitir, waxaana ku dhigan Aayadda boqol iyo sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ِ َّ ت التََّّواب ِ ُمةً مسلِمةً لَ َك وأ َِرَنا م َن ِ ِ ِ يم َ ب َعلَْي َنا إَِّن َك أ َْن ْ ُاس َك َنا َوت ْ َرب ََّنا َو ُ َ َ َ ْ ُ َّ اج َعْل َنا ُم ْسل َم ْي ِن لَ َك َوم ْن ُذِّريَّت َنا أ ُ الرح "Rabbanaa wa ajcalnaa muslimayni laka wa min thurriyatinaa ummatan muslimatan laKa wa arinaa manaasikanaa wa tub calaynaa Innaka Anta Al Tawwaabu Al Rraxiimu" oo macneheedu yahay: "Rabbigeenow, naga yeel kuwa kuu hoggaansama, ubadkeenana ka yeel ummad kuu hoggansanta, nana tusi manaasikteenna (xajka sida loo guto), nagana tawbad aqbal, Adigaa tawbadda aqbal badane, Wanaag badanena ahe." 190 Labo. Wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلku jeeda: (Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex iyo labaatan, waxaana ku dhigan: Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo qaybta hore ee Aayadda boqol iyo toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ال ِفي َ وق َوََّل ِج َد َ َض ِفي ِه َّن اْل َح َّج فَ ََل َرف ٌ وم َ ث َوََّل فُ ُس َ ات فَ َم ْن فَ َر َ ُ اْل َح ُّج أَ ْشهٌُر َم ْعل."بسم هللا الرحمن الرحيم ".اْل َح ِّج "Al Xajju ash-hurun macluumaatun fa man farada fiihinna al xajja fa laa rafatha wa laa fusuuqa wa laa jidaala fii al xajji" oo macneheedu yahay: "Xajku waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas xajka (oo xajka gudanaya) isla gogol gal (nin iyo haweentiisa), fisqi (oo ah daacadda Ilaahay oo laga baxo) iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa". (Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo sideed iyo soddon sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة: ِ ون َيا أُولِي ْاْلَْل َب َّ و َما تَ ْف َعلُوا ِم ْن َخ ْي ٍر َي ْعلَ ْمهُ اللَّهُ وتََزَّوُدوا فَِإ َّن َخ ْي َر ِ ُالزِاد التَّ ْق َوى َواتَّق اب َ َ "Wa maa tafcaluu min khayrin yaclamhu Allaahu wa tazawwaduu fa inna khayra al zzaadi al taqwaa wa attaquunii yaa uulii al albaabi" oo macneheedu yahay: "Waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Ilaahay ee sahay qaata, sahay tan ugu khayr badanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada, kuwa caqliga lahow." (Saddex) Gabalkaan dhererkeedu waa laba boqol iyo labo iyo konton, waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda boqol iyo sideed iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ٍ َضتُم ِمن عرف ِ ْ َاح أَن تَْبتَ ُغوا ف ِ ات فَا ْذ ُك ُروا اللَّهَ ِع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرِام ْ ٌ لَ ْي َس َعلَْي ُك ْم ُج َن َ َ ْ ْ ْ َض ًَل م ْن َرِّب ُك ْم فَإ َذا أَف "Laysa calaykum junaaxun an tabtaghuu fadlan min Rabbikum fa ithaa afadtum min Carafaatin fa uthkuruu Allaaha cinda Al Mashcari Al Xaraami" oo macneheedu yahay: "Korkiinna wax dhib ah ma aha haddaad fadliga Rabbigiin (waa xajka oo socda oo la ganacsado) ee markaad kasoo gaddoontaan Carafo, ku xusa Ilaahay Al Mashcaru Al Xaraam \ المشعر الحرامagtiisa". (Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa boqol iyo sagaal iyo sagaashan sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta dambe ee Aayadda boqol iyo sideed iyo sagaashan ee Suuratu Al Baqarah سورة \البقرة: ِ ِِ ِ ِّ ين َ َوا ْذ ُك ُروهُ َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال 191 "Wa uthkuruuhu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi la mina al ddaalliina" oo macneheedu yahay: "Una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiis kuwa lunsan." Waxaa kaloo ku dhigan Aayadda boqol iyo sagaal iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة: ِ ِ الناس و ِ َّ َّ يم ُ يضوا ِم ْن َح ْي َ َث أَف ُ ثَُّم أَف ْ َ ُ َّ اض ٌ ُاستَ ْغف ُروا اللهَ إِ َّن اللهَ َغف ٌ ور َرح "Thumma afiiduu min xaythu afaada al naasu wa istaghfiruu Allaaha inna Allaaha Ghafuurun Raxiimun" oo macneheedu yahay: "Markaas ka gaddooma meeshuu dadku ka gaddoomayo, dambidhaafna weydiista Ilaahay, oo Ilaahay waa Dambidhaafe Naxariistee." Saddex. Dhabarka Kacbada. (Kow) Gabalkaan dhererkeedu waa saddex boqol iyo sideed iyo labaatan sentiimitir, waxaana ku dhigan: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji\سورة الحج: ِِ ِِ َّ ِ ِ ِ ِ ِِ ين ْ ان اْل َب ْيت أ َ ين َواْلقَائم َ َن ََّل تُ ْش ِر ْك بِي َش ْيًئا َوطَهِّ ْر َب ْيت َي للطائف َ يم َم َك َ َوِا ْذ َب َّوأ َْنا ْل ْب َراه.بسم هللا الرحمن الرحيم ُّجوِد ُّ َو ُ الرَّك ِع الس "Wa ith bawwa'naa li Ibrahiima makaana Al Bayti an laa tushrik Bii shay'an wa dhahhir Baytii lildh-dhaa'ifiina wa al qaa'imiina wa al rrukkaci al ssujuudi" oo macneheedu yahay: "(Xusuus) markaan u muujinnay Ibraahiim\ إبراهيمbarta Baytka, Annagoo ku dhihi ha la wadaajin Ilaahay (cibaadada) shayna, u daahirina Gurigeyga kuwa dhawaafaya iyo kuwa taagan iyo kuwa ku rukuucsan ee sujuudsan." (Laba) Gabalkaan dhererkeedu waa laba boqol iyo saddex iyo afartan sentiimitir, waxaana ku dhigan Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji\سورة الحج: ِ ِ اَّل وعلَى ُك ِّل ٍ ين ِم ْن ُك ِّل فَ ٍّج َع ِمي ِ الن َّ َوأ َِّذ ْن ِفي ق َ اس بِاْل َح ِّج َيأْتُو َ َ َ ً ك ِر َج َ ضام ٍر َيأْت "Wa ath-thin fii al nnaasi bi al xajji ya'tuuka rijaalan wa calaa kulli daamirin ya'tiina min kulli fajjin camiiqin" oo macneheedu yahay: "Ogeysiina dadka xajka, ha kuu yimaadeen ayagoo lugaynaya iyo mid rati caatoobey saaran kulligood, oo ka imaanaya jiha kasta oo dheer." (Saddex) Gabalkaan dhererkeedu waa saddex boqol iyo toddoba iyo soddon sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji سورة \الحج: ٍ َُّام معل ِ ِ َّ ِ ٍ ِ ِ يم ِة ْاْل َْن َع ِام فَ ُكلُوا ِم ْنهَا ْ ِل َي ْشهَ ُدوا َم َناف َع لَهُ ْم َوَي ْذ ُك ُروا َ ومات َعلَى َما َرَزقَهُ ْم م ْن َبه َ ْ َ اس َم الله في أَي 192 "Li yash-haduu manaafica lahum wa yathkuruu Isma Allaahi fii ayaamin macluumaatin calaa maa razaqahum min bahiimati al ancaami fa kuluu minhaa" oo macneheedu yahay: "Inay joogaan (u yimaadaan) nafcigooda dartiis, oo ay xusaan Magaca Ilaahay\ اسم هللاmaalmo la yaqaanno waxa uu Ilaahay ku arzuqay oo ah xayawaanka nicmooleyda ah." (Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo afar sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta dambe ee Aayadda sideed iyo labaatanaad iyo Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajji\سورة الحج: ِ ِ ِ ْ َوأ ِ ورُه ْم وْل َيطَّ َّوفُوا بِاْل َب ْي ِت اْل َعتِي ق ُ ) ثَُّم ْل َي ْق25( طع ُموا اْل َبائ َس اْلفَق َير َ َ ضوا تَفَثَهُ ْم َوْل ُيوفُوا ُن ُذ َ "Wa adhcimuu al baa'isa al faqiira(28) Thumma layaqduu tafathahum wal yuufuu nuthuurahum wal yadh-dhawwafuu bi Al Bayti Al Catiiqi(29)" oo macneheedu yahay: "Ka cuna xaggeeda, quudiyana kan dhibaateysan ee faqiirka ah(28)Markaas ha dhammeeyeen basaastooda, hana oofiyeen nuthuurtooda, hana dhawaafeen Baytka Horreeyey(29)". Afar. Wajiga Kacbada ee u dhexeeya Xajarul Aswadka\ الحجر األسودiyo Al Ruknu Al Yamaaniyuu\الركن اليماني. (Kow) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo afar iyo konton sentiimitir waxaana ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آل عمران: ِ ِ اهيم حنِيفًا وما َك ِ َّ ِ َّ َ ُق ْل ص َد.بسم هللا الرحمن الرحيم ين َ ان م َن اْل ُم ْش ِرك َ َ َ َ َ ق اللهُ فَاتَّبِ ُعوا ملةَ إِ ْب َر َ "Qul saddaqa Allaahu fa attabicuu millata Ibraahiima xaniifan wa maa kaana mina al mushrikiina" oo macneheedu yahay: "Dheh run ayuu sheegay Ilaahay, ee raaca Diinta Ibraahiim\ إبراهيمisagoo xaniif ah (oo xumaanta ka iishay) kamana mid ahayn mushrikiinta." (Laba) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo toddoba iyo lixdan sentiimitir, waxaana ku dhigan Aayadda lix iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آل عمران: ِ ِ َِّ ِ ضع لِ َّلن ِ ٍ ِ ين َ اس لَلذي بَِب َّكةَ ُم َب َارًكا َو ُه ًدى لْل َعالَم َ إ َّن أ ََّو َل َب ْيت ُو "Inna awwala Baytin wudica lil naasi lallathii biBakkata Mubaarakan wa hudan lilcaalamiina" oo macneheedu yahay: "Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyay dadka waa kan Bakka\ بكةku yaalla, waana barakeysan yahay, hanuunna wuxuu u yahay caalamiinta." (Saddex) Gabalkaan dhererkiisu waa laba boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آل عمران: ِ اهيم ومن َد َخلَه َكان آ ِ ِ ِف َمًنا ٌ ات َبي َِّن ٌ يه آ ََي ْ َ َ َ ام إِ ْب َر َ ُ ُ َات َمق 193 "Fiihi Aayaatun bayyinaatun Maqaamu Ibraahiima wa man dakhalahu kaana aaminan" ِ مقَام إِ ْبر oo macneheedu yahay: "Waxaa ku sugan Aayado cadcad, Maqaamu Ibraahimunaََ اهيم َ ُ َ (waa ku yaallaan aayaadkaas), qofkii galana wuxuu ahaanayaa aamin." (Afar) Gabalkaan dhererkiisu waa saddex boqol iyo saddex sentiimitir, waxaana ku yaalla qaybta dambe ee Aayadda toddoba iyo sagaashanaad ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آل عمران: ِ ِ َّ ِ ِ ِ الن َّ َولِلَّ ِه َعلَى ين ً ِاع إِلَ ْي ِه َسب َ َاستَط َ يَل َو َم ْن َكفَ َر فَِإ َّن اللهَ َغن ٌّي َع ِن اْل َعالَم ْ اس ح ُّج اْل َب ْيت َم ِن "Wa li Allaahi calaa al naasi xijju Al Bayti mani istadhaaca ilayhi sabiilan wa man kafara fa Inna Allaahu Ghaniyyun cani al caalamiina" oo macneheedu yahay: "Ilaahayna wuxuu ku leeyahay dadka xajka Baytka\ البيتqofkii kara jidka, qofkii gaaloobana Ilaahay Ilaahay waa ka kaaftoonyahay caalamiinta." Suunka Kacbada hoostiisa Kiswada waxaa kaloo dhan walba ee afarta waji ee Kacbada uga yaalla labo gabal iyo saddex misbaax ama faynuus (waa muuqaal ahaan), intaan ahayn wajiga albaabku ku yaallo, oo wajigaas waxaa ku yaalla hal gabal oo weyn oo keli ah, lana yiraahdo Al Ihdaa'u\اإلهداء. Sidaas ayay gaballada afarta waji ku yaalla waxay wadartoodu noqoneysaa toddoba gabal iyo laba iyo toban faynuus. Rukni walba ee arkaanta Kiswadana waxaa ku yaalla cad afar geesood ah, lana yiraahdo Al Samadiyatu\( الصمديةwaa saadka shiinka ku xigah), ayna ku dhigan yihiin Suuradda Qul Huwa Allaahu\سورة قل هو هللا أحد: ِ َّ َّ )4( َح ٌد َ ) َولَ ْم َي ُك ْن لَهُ ُكفُ ًوا أ3( ) لَ ْم َيل ْد َولَ ْم ُيولَ ْد5( َّم ُد َ ُق ْل ُه َو اللهُ أ.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ ) اللهُ الص1( َح ٌد go' walbana wuxuu le'egyahay shan iyo sideetan sentiimitir oo dhinac ah iyo labo iyo sideetan sentiimitir oo dhanka kale ah. Intay faynuusaha saddexda ah ee afarta waji ku yaalla oo soo noqnoqonayana, ku fadhiyaan iyo waxa ku dhiganna waa sidatan: (Kow) Faynuusta koowaad waxay ku fadhidaa laba iyo toddobaatan sentiimitir oo dhinac ah iyo sideed iyo konton sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan: Al Xamdu Li Allaahi Rabbi Al Caalamiina\الحمد هلل رب العالمين. (Laba) Faynuusta labaad waxay ku fadhidaa lix iyo afartan sentiimitir oo dhinac ah iyo shan iyo lixdan sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan: Yaa Xayyu Yaa Qayyuumu\ يا حي يا قيوم. (Saddex) Faynuusta saddexaad waxay ku fadhidaa lix iyo afartan sentiimitir oo dhinac ah iyo shan iyo lixdan sentiimitir oo dhinaca kale ah, waxaana ku dhigan: Yaa Raxmaanu Yaa Raxiimu\يا رحمن يا رحيم. 194 Sidaas ayay yihiin laba iyo tobanka faynuusood oo afarta waji ku yaalla iyo waxa ku wada dhigan. Toddobada gabalna waxay kala yihiin sidatan: (Kow) Wajiga Kacbada ee albaabku ku yaallo, waxaana ku yaalla hal gabal oo la yiraahdo Al Ihdaa'u,\ اإلهداءcabbirkiisuna yahay afar boqol iyo sagaashan sentiimitir, waxaana ku dhigan "Kiswadaan waxaa lagu sameeyey Makkata Al Mukarramati\مكة المكرمة, waxaana Kacbada Sharfan u hadiyeeyey Khaadimu Al Xaramayni Al Shariifeyni Al Maliku Fahd bin Cabdu Al Caziizi aala Sacuud\خادم الحرمين الشريفين الملك فهد بن عبد العزيز آل سعود. Allaha ka aqbalo". Wajiga Kacbada ee Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلku jeeda, ahna jihada Waqooyi waxaa ku yaalla laba gabal, oo kala ah (Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo afartan sentiimitir, waxaana ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi, iyo Aayadda sagaal iyo afartanaad ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: ِ َّ َنبِّئ ِعب ِادي أَِّني أ ََنا اْل َغفُور.بسم هللا الرحمن الرحيم يم َ ْ ُ ُ الرح "Nabbi' cibaadii Annii Anaa Al Ghafuuru Al Rraxiimu" oo macneheedu yahay: "U sheeg addoomadeyda inaan Anigu Dambidhaafe Naxariista ahay." (Laba) Gabalka labaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo saddex iyo afartan sentiimitir, waxaana ku dhigan qaybta hore ee Aayadda boqol iyo lix iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ِ ٌ وِا َذا َسأَلَ َك ِع َب ِادي َعِّني فَِإِّني قَ ِر َّ َيب َد ْعوة ِ اع إِ َذا َد َع ان ِ الد َ ُ يب أُج َ "Wa ithaa sa'alaka cibaadii cannii fa Innii qariibun ujiibu dacwata al daacii ithaa dacaani" oo macneheedu yahay: "Hadday ku warsadaan addoomadeydu xagayga, Anigu waan dhowahay, waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan." Dhabarka Kacbada, oo albaabka kasoo horjeeda\ظهر الكعبة. Waxaa ku yaalla laba gabal oo kala ah: (Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisu waa laba boqol iyo afar iyo afartan sentiimitir, waxaana ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda toddoba iyo afartanaad ee Suuratu Al Axzaab: ِ َّ ين بِأ ير ض ًَل َكبِ ًا ْ ََن لَهُ ْم ِم َن اللَّ ِه ف َ َوَب ِّش ِر اْل ُم ْؤ ِمن.بسم هللا الرحمن الرحيم "Wa bash-shiri al mu'miniina bi anna lahum mina Allaahi fadlan kabiiran" oo macneheedu yahay: "Ee u bishaaree mu'miniinta inay xagga Ilaahay ku leeyihiin fadli (deeq dheeraad ah) weyn." 195 (Laba) Gabalka labaad, waxaana ku dhigan Aayadda boqol iyo toban ee Suuratu Al Nisaa'i سورة \النساء: ِ ظلِم َن ْفسه ثَُّم يستَ ْغ ِف ِر اللَّه ي ِجِد اللَّه َغفُ ا يما ََ ْ َ ُ َ ْ ْ وءا أ َْو َي ً َو َم ْن َي ْع َم ْل ُس ً َ ً ور َرح "Wa man yacmal suu'an aw yathlim nafsahu thumma yastaghfiri Allaaha yajidi Allaaha Ghafuuran Raxiiman" oo macneheedu yahay: "Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa (dambaaba), markaas dambidhaaf warsada Ilaahay, wuxuu ka heli (ogaanna) Isagoo Dambidhaafe ah, Naxariistana." Wajiga Kacbada ee Xajarul Aswada الحجر األسودiyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu\ الركن اليمانيu dhexeeya. Waxaa ku yaalla laba gabal oo kala ah: (Kow) Gabalka koowaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo labo iyo afartan sentiimitir, waxaana ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda laba iyo soddonaad ee Suuratu Al Xajji\سورة الحج: ِ ُ َذلِ َك وم ْن ُي َعظِّم َش َعائِر اللَّ ِه فَِإَّنها ِم ْن تَ ْقوى اْل ُقل.بسم هللا الرحمن الرحيم وب َ َ ْ ََ َ "Thaalika wa man yucath-thim shacaa'ira Allaahi fa innahaa min taqwaa al quluubi" oo macneheedu yahay: "Waa sidaas qofkii weyneeya amarrada Ilaahay (Sharcigiisa), taasi waa dhawrsashada quluubta." (Laba) Gabalka labaad, dhererkiisuna waa laba boqol iyo toddoba iyo soddon sentiimitir, waxaana ku dhigan Aayadda labo iyo sideetanaad ee Suuratu Dhaahaaسورة طه: ِ ِ اهتَ َدى ْ صالِ ًحا ثَُّم َ ََوِاِّني لَ َغفَّ ٌار ل َم ْن ت َ َم َن َو َعم َل َ اب َوآ "Wa Innii la Ghaffaarun liman taaba wa aamana wa camila saakixan thumma ihtadaa" oo macneheedu yahay: "Anigu waan u dhaafid badanahay qofkii tawbad keena, oo rumeeya oo fala wanaagga oo hanuuna." Sataarada albaabka Kacbada Sataarada albaabka Kacbada oo ayaduna Kiswada ka mid ah waxaa la yiraahdaa Al Burquc \البرقع. Daahaas taaggiisu waa lix mitir iyo laba iyo soddon sentiimitir, ballaciisuna waa saddex mitir iyo soddon sentiimitir. Sataarda hareereheeda waxaa ku dhigan, oo sideed dugaadadood ku dhex jira, "هللا ربيAllaahu Rabbii" oo macneheedu yahay "Ilaahay ayaa Rabbigayga ah". Sataarada dhexdeedana waxaa ku dhigan , ayagoo saddex dugaagadood ku dhex jirah, " حسبي هللاXasbiya Allaahu" oo macneheedu yahay "Ilaahay ayaa aniga igu filan" Darfeheedana waxaa ku dhigan \سورة الفاتحةSuuratu Al Faatixah oo toban dugaagadood ku dhex jirtah.: 196 ِ ِ الد ِّ ) َمالِ ِك َي ْوِم3( الرِح ِيم ِّ ) اْل َح ْم ُد لِلَّ ِه َر1( الرِح ِيم َّاك َن ْعُب ُد َّ الر ْح َم ِن َّ )5( ين َّ الر ْح َم ِن َّ بِ ْسِم اللَّ ِه َ ) إِي4( ين َ ب اْل َعالَم َِّ َ ص ار ِ ِ ِ ِ ض وب َعلَ ْي ِه ْم َوََّل ِّ اهِد َنا َ الص َار َ َوِاي ْ )2( ين َ ين أ َْن َع ْم ُ ت َعلَْي ِه ْم َغ ْي ِر اْل َم ْغ َ ط الذ ُ َّاك َن ْستَع َ )2( يم َ ط اْل ُم ْستَق ِّ )3( ين َ الضَّال Sataarada dhankeeda kore waxaa ku dhigan Aayadda boqol iyo afar iyo afartan ee Suuratu Al Baqarah\ سورة البقرةqaybteeda hore: ِ ِ قَ ْد َنرى تََقلُّب و ْج ِه َك ِفي الس اها َ ض َ َّماء َفلَُن َولَِّيَّن َك قْبلَةً تَْر َ َ َ َ "Qad naraa taqalluba wajhika fii al Ssamaa'i falanuwalliyannaka Qiblatan tardaahaa" oo macneheedu yahay: "Dhab ahaan ayaan ugu jeednay gadgaddoonka wajigaaga ee Samada, marka waxaan kuu jeedineynnaa Qiblo aad raalli ku noqon doonto." Aayaddaas waxay ku dhex jirtaa laba dugaagadood oo dhuudhuuban, hoosteedana waxaa ku dhigan Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo Aayadda boqol iyo saddex iyo soddon ee Suuratu Aali Cimraan\سورة آل عمران: ِ ِ ْ ُع َّد ِ ات و ْاْلَرض أ ٍ ِ ِ ين ُ ْ َ ُ َّم َو ُ َو َس ِارُعوا إِلَى َم ْغف َرٍة م ْن َرِّب ُك ْم َو َجنَّة َع ْر.بسم هللا الرحمن الرحيم َ ت لْل ُمتَّق َ ضهَا الس "Wa saaricuu ilaa maghfiratin min Rabbikum wa Jannatin carduhaa Al Ssamaawaatu wa al ardu uciddat lilmuttaqiina" oo macneheedu yahay: "Una degdega dambi dhaafka Rabbigiin iyo Janno ballaarkeedu yahay Samaawaadka iyo arliga oo loo diyaariyay kuwa dhawrsada." Waxaa ku xigah Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Nuur \ سورة النورoo afar faynuusood ku dhex jira: ِ اللَّه ُنور الس ِ ات و ْاْل َْر ض ُ ُ َ َ َّم َاو "Allaahu Nuuru Al Ssamaawaati wa al ardi" oo macneheedu yahay: "Ilaahay waa Nuurka Samooyinka iyo arligaba." Waxaa ku xigtah Aayatul Kursiga, َِّ َُم ْن َذا الذي َي ْشفَع ِ ِ ُاء َوس َع ُك ْرسيُّه َ َش ِ الس ِ ات و َما ِفي ْاْل َْر ض َ َ َّم َاو بِ َش ْي ٍء ِم ْن ِعْل ِم ِه إِ ََّّل بِ َما لَهُ َما ِفي ِ ون َ ُُيحيط ْخ ُذهُ ِس َنةٌ َوََّل َن ْوٌم ُّ اللَّهُ ََّل إِلَهَ إِ ََّّل ُه َو اْل َح ُ ُّوم ََّل تَأ ُ ي اْلقَي ِع ْن َدهُ إِ ََّّل بِِإ ْذنِ ِه َي ْعلَ ُم َما َب ْي َن أ َْيِدي ِه ْم َو َما َخْلفَهُ ْم َوََّل ِ ِ ِ ُ ات و ْاْلَرض وََّل يُئ ِ الس .يم َ َ َ ْ َ َّم َاو َ ُ ودهُ ح ْفظُهُ َما َو ُه َو اْل َعل ُّي اْل َعظ hoosteedana ay ku dhigantahay Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi iyo qaybta hore ee Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Fatxi\سورةة الفتح: 197 ِ ِ َّ ق لَتَ ْد ُخلُ َّن اْلمس ِج َد اْلحرام إِن َش ِّ الرْؤَيا بِاْل َح ين ُّ ُق اللَّهُ َر ُسولَه َ ص َد َ اء اللهُ آَمن َْ َ ْ َ ََ َ لَقَ ْد.بسم اهلل الرحمن الرحيم "La qad sadaqa Allaahu Rasuulahu al rru'yaa bi al xaqqi la tadkhulunna Al Masjida Al Xaraama in Shaa'a Allaahu aaminiina" oo macneheedu yahay: "Ilaahay waa u rumeeyey Rasuulkiisa riyadiisii si dhab ah, ahaydna inay Mu'miniintu gelayaan Al Masjida Al Xamaara (oo markaan ah Makkah\ مكةoo dhan) hadduu Ilaahay idmo, ayagoo aamin ah." Waxaa ku xigtah Suuradda Qul Huwa Allaahu Axad ِ َّ َّ )4( َح ٌد َ ) َولَ ْم َي ُك ْن لَهُ ُكفُ ًوا أ3( ) لَ ْم َيل ْد َولَ ْم ُيولَ ْد5( َّم ُد َ ُق ْل ُه َو اللهُ أ.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ ) اللهُ الص1( َح ٌد oo laba dugaagadood ku dhex jira, ay dhexdoodana بسم اهلل الرحمن الرحيمBisinku ku dhigan yahay. Labadaas dugaagadood waxaa u dhexeeya, oo dhexdooda ku dhigan Aayadda saddex iyo konto ee Suuratu Al Zumar\سورة الزمر: ِ َّ ِ ِ ِ َِّ ُق ْل يا ِعب ِاد ُّ ِ َّ ِ ً ب َج ِم ور َ َس َرفُوا َعلَى أ َْنفُس ِه ْم ََّل تَ ْق َنطُوا م ْن َر ْح َمة الله إِ َّن اللهَ َي ْغف ُر الذُنو َ ي الذ ْ ين أ َ َ َ ُ ُيعا إَّنهُ ُه َو اْل َغف ِ َّ يم ُ الرح "Qul yaa cibaadiya allathiina asrafuu calaa anfusihim laa taqnadhuu min raxmati Allaahi inna Allaaha yaghfiru al th-thunuuba jamiican Innahu Huwa Al Ghafuuru Al Rraxiimu" oo macneheedu yahay: "Waxaad tiraahdaa addoommadeyda ku xad gudbay naftoodow, ha ka quusannina naxariista Ilaahay, Ilaahay ayaa dhaafa dambiyada dhammaantoode, waana Dambidhaafbadane Naxariis badane." Waxaa ku xigah محمد رسول هللا صادق الوعد األمين،"ال إله إال هللا الملك الحق المبين Laa ilaaha illaa Allaahu Al Maliku Al Xaqqu Al Mubiinu, Muxammadun Rasuulu Allaahi Saadiqu Al Wacdi Al Amiinu Iyo Suuratu Quraysh: ِ َّي ِ َالشت ِ يَل ِّ َيَل ِف ِهم ِر ْحلَة ِ ٍ ف قَُرْي َّ ) َفْل َي ْعُب ُدوا َر5( ف )3( ب َه َذا اْل َب ْي ِت َ ِِْل.بسم اهلل الرحمن الرحيم ْ اء َوالص ْ َ ) إ1( ش ٍ طعمهم ِمن جوٍع وآَم َنهم ِمن َخو َِّ )4( ف ْ ْ ْ ُ َ َ ُ ْ ْ ُ َ َ ْ َالذي أ Ugu dambeyntii waxaa ku dhigan " Sataaraddaan waxaa lagu sameeyey Makkata Al Mukarramati\ مكة المكرمةwaxaana Kacbada Sharfan u hadiyeeyey Khaadimu Al Xaramayni Al Shariifayni Fahd bin Cabdul Caziiz aala Sacuud\خادم الحرمين الشريفين ملك فهد بن عبد العزيز أى سعود. Allaha ka aqbalo." 198 Al Baytu Al Macmuuru\البيت المعمور Samada toddobaad waxaa ku yaalla Guri Kacbada korkeeda ku beegan, lana yiraahdo Al Baytu Al Macmuuru\ البيت المعمور,oo ay maalin walba toddobaatan kun oo Malaa'ig ahi ku dhawaafto, ayan dib ugu soo noqon. Ciidan Kacbada ku duulaya Adduunkaan intuusan dhammaan ka hor, aakhiru zamanka, Kacbada waa la duminayaa. Intaan la dumin ka hor, ciidan hubaysan ayaa Makkah\ مكةku duulaya isagoo doonaya inuu Kacbada dumiyo. Markaasey dadka Makkah\ مكةdeggani Kacbada magan gelayaan. Markaasuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, dhulka la goynayaa. Waxay Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\ مسلمUmmu Al Mu'miniin Caa'ishah\أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inay tiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "يا رسول هللا كيف:" قلت. فإذا كانوا ببيداء من األرض يخسف بأولهم وآخرهم،"يغزوا جيش الكعبة "يخسف بأولهم وآخرهم ثم يبعثون على:يخسف بأولهم وآخرهم وفيهم أسواقهم ومن ليس منهم؟" قال ".نياتهم "Yaghzuu jayshun Al Kacbata, fa ithaa kaanuu bi baydaa'a mina al ardi yukhsafu bi awwalihim wa aakhirihim". Qultu: yaa Rasuula Allaahi kayfa yukhsafu bi awwalihim wa aakhirihim wa fiihim aswaaquhum wa man laysa minhum? Qaala: "Yukhsafu bi awwalihim wa aakhirihim thumma yubcathuuna calaa niyyaatihim." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "Ciidan ayaa Kacbada soo weeraraya, markaasey markay Baydaa'a\( بيداءluqad ahaan waa meel cidla ah oo bannaan oo lama degaan ah, meel Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة agteeda ah magacaas ayay leedahay, kay tahayna Ilaahay ayaa og) marayaan ayaa dhuku la go'ayaa kooda u horreeya iyo kooda u dambeeya (iyo inta udhexeysaba, waa dhammaantood)". Waxay tiri waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayow, sideebuu dhulku ula go'ayaa kooda ugu horreeya iyo kooda ugu dambeeya ayagoo ay ku jiraan oo ay la socdaan raaciyadoodii iyo kuwii ganacsatada ahaa (oo aan askar ahayn) iyo kuwo aan ka mid ahaynba (oo iskala socda aanse ujeedadooda ku waafaqsanayn)?" Wuxuu yiri: "Dhulka ayaa lala goynayaa kooda ugu horreeya iyo kooda ugu dambeeyaba, kaddibna (Maalinta Qiyaame) waxaa lagu soo saarayaa niyooyinkooda (ay u socdeen)". 199 Fatxu Al Baarii\ فتح الباريwuxuu xusay inay riwaayad Xadiithkaan ee Muslim\ مسلمuu (Abuu) Jacfar Al Baaqir\ أبو جعفر الباقرka wariyay ina Baydaa'\ بيداءtahay meel u dhexeysa Makkah\مكة iyo Madiinah\ المدينةoo la yaqaan oo macruuf ah. Xadiithka waa midka laba kun iyo boqol iyo sideed iyo toban ee Al Bukhaarii \ البخاريiyo Xadiithka laba kun iyo sideed boqol iyo labo iyo sideetan ee Muslim\مسلم. Duminta Kacbada Markaas kaddib ayaa Kacbada la duminayaa, siduu ibnu Cabbaas\ إبن عباسwariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."كأني به أسود أفحج يقلعها حجرا حجرا "Ka annii bihi aswada afxaja yaqlacuhaa xajaran xajaran." Waa Xadiithka kun iyo shan boqol iyo shan iyo sagaashan ee Al Bukhaarii\ البخاريoo macnihiisu yahay: "Waaba sida anigoo u jeedaba, isagoo madow, oo hogfoh leh (lugihiisu ay kala fogyihiin) oo fujfijinaya isagoo dhagax dgagax u qaadaya." Abuu Hurayrana\أبو هريرة, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."يخرب الكعبة ذو السويقتين من الحبشة "Yukharribu Al Kacbata thuu al suwayqatayni mina al xabashahti." Waa Xadiithka kun iyo shan boqol iyo lix iyo sagaashan ee Al Bukhaarii \البخاري, oo macnihiisu yahay: "Kacbada waxaa duminaya midka labada lugood oo aad dhuudhuubaan (lafo yar, hilibna aan lahayn) leh oo amxaaro u dhashay." Markaasna adduunkaan ma joogo nin muslim ah, oo way wada dhinteen, ayadoo uusan addunkaan marka la rogayo uusan joogin qof muslin ah oo Ilaahay yaqaanna. Markaasna Kacbadu waa un qol ka dhisan dhagax la is dul saaray, oo looma soo xajjiyo, weynaanteeda iyo sharafteedana Samadaa kor loogu qaaday. Labada nin oo dhimasho Ummaddaan ugu dambeysa Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay in Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la weydiiyay cidda ugu dambeysa oo Ummaddaan ka dhimaneysa, markaasu wuxuu yiri: "."رجالن من مزينة ينزالن جبال من جبال العرب يقال له ورقان "Rajulaani min Muzaynata yanzilaani jabalan min jibaali al Carab yuqaalu lahu Wariqaanu". 200 Xadiithka waxaa wariyay Al Xaakim \الحاكمkuna wariyay mujalladka afaraad bogga shan boqol shan iyo sagaashan, macnihiisuna waxaa weeye: "Labo nin oo u dhashay Muzaynah\ مزينةoo deggan buur ka mid ah buuraha Carabta oo la yiraahdo Wariqaan\ورقان." Buurtaas wariqaan\ ورقانwaxay ku xusan tahay oo kale Xadiithka uu Axmad\ أحمدku wariyay mujalladka labaad bogga saddex boqol sideed iyo labaatan, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وفخذه مثل ورقان،"ضرس الكافر في النار مثل أحد "Dirsu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xiga) al kaafiri fii al Nnaari mithlu Uxudin, wa fakhithahu mithlu Wariqaan", oo macnihiisu yahay: "Iligga gaalku markuu naarta ku jiro wuxuu le'eg yahay buurta Uxud\( أحدsi uu intuu ka xanuunsanayo ay u badato, oo sidaas ayaa loo weyneynayaa), bawdadiisuna waxay le'egtahay Wariqaan\ورقان." Qusayy\ قصيsoo noolee Saadex sano Nabinnimada kaddib, ayay madaxdii Quraysh \ قريشwaxay u ciddiratay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu u yimidna way la hadleen. Wada hadal kaddib, ayay waxay yiraahdeen: "Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad waxaan kuu soo jeedinnay naga oggolaan weydey, adigu waxaad ogsoontahay inuusan jirin axad naga dhul ciriirisan, nagana biyo yar, naga nolol adag, marka Rabbigaaga waxa uu kugu soo diray kugu soo diray waxaad noo weydiisaa inuu buurahaan na ciriiryay naga qaado, beledkeenana noo fidiyo, noogana soo burqiyo wabiyo la mid ah wabiyada Shaam\ الشامiyo Ciraaq\عراق, hana noo soo nooleeyo aabayaalkeenni tegey, kuwa uu soo nooleynayana ha ka mid ahaado Qusayy bin Kilaab قصي \بن كالب, kaasoo oday run low ah ahaa. Markaasaan waxaad adigu leedahay ka wareysaneynnaa: ma run baa mase waa been. Marka, hadday ayagu ku rumeeyaan, waxaan ku weydiisannayna aad sameysid, markaasaan ku rumeyneynnaa, aanna ku ogaaneynnaa makaanka aad Ilaahay agtiisa ku leedahay iyo inuu Rasuul ahaan kuu soo diray, sidaad adigu leedahay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri: فهو، فإن تقبلوه، وقد بلغتكم ما أرسلت به إليكم، إنما جئتكم من هللا ما بعثني به،"ما بهذا بعثت إليكم ". حتى يحكم هللا بيني وبينكم، أصبر ألمر ربي، وإن تردوه علي،حظكم في الدنيا واآلخرة "Maa bi haathaa bucithtu ilaykum, innamaa j'itukum min Allaahi bi maa bacathanii bihi, wa qad ballaghtukum maa ursiltu bihi ilaykum, fa in taqbaluuhu, fa huwa xath- 201 thukum fii al dunyaa wa al aakhirati, wa in tarudduuhu calayya, asbiru li amri Rabbii, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynikum." Xadiithka, oo ibnu Hishaam\ إبن هشامwariyay oo isagoo dheerna aan Siirada ku arki doonno, haddii Alle idmo, macnihiisu waxaa weeye: "Midkaas la iiguma kiin soo dirin, waxaanse xagga Ilaahay idiinka keenay wixii uu igu soo diray. Wixii la iigu kiin soo dirayna waan idin soo gaarsiiyay. Marka haddaad oggolaataan waa sadkiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan, oo aad igu soo celisaan, amarka Ilaahay ayaan u sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo." Codsigoodaas wuxuu Ilaahay, Cazza wa Jalla\عزوجل soddonaad ee Suuratu Al Rracdi\سورة الرعد: هللا, kasoo dejiyay, Aayadda kow iyo ِ ِ َِّ ِ ِّ ِ ْ ت بِ ِه اْل ِجبا ُل أَو قُطِّع َّ َوَل ْو أ )31(يعا ْ سي َِّر ُ ت بِه ْاْل َْر ً ض أ َْو ُكل َم بِه اْل َم ْوتَى َب ْل لله ْاْلَ ْم ُر َجم َ ُ َن قُ ْآرًَنا ْ َ "Wa law anna Qur'aanan suyyirat bihi al jibaalu aw qudhi-dhicat bihi al ardu aw kullima bihi al mawtaa bal li Allaahi al amru jamiican(31)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli dadkii dhintay (wuxuu noqon lahaa Quraankaan), amarkase Ilaahay ayaa dhammaantiis iska leh(31)." Al Muzdalifatu\المزدلفة Muzdalifah\ المزدلفةwaxaa la yiraahdaa ban lama degaan ah oo u dhexeeya Mina \ منىiyo Carafaat\عرفة, xuduudeeduna waxaa weeye labada buurood oo la yiraahdo Al Ma'zamayni\المأزمين, oo ah laba buurood oo iska soo horjeeda, uuna u dhexeeyo dariiq la yiraahdo Al Ma'zam\المأزم. Buurahaasu waa xadkeeda dhanka Carafaat. Dhanka Mina\ منىxadkeedu waa waadiga Waadi Al Muxassir\وادي محسر. Muzdalifa\ المزدلفةdhererkeedu waa afar kiiloomitir iyo dhowr boqol oo mitir. Waxaa la sheegay sababo kala duwan oo Al Muzdalifatu\ المزدلفةmagacaas loogu bixiyey, waxaana ka mid ah: (Kow) Ayadoo ay xujeydu soo degaan markuu habeenku soo gelayo, oo zulfatun \زلفة macneheedu waa soo dhowaanshaha ama imaatinkaba, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, Aayadda boqol iyo afar iyo toban ee Suuratu Huud\ سورة هودugu yiri: َّ ََّلةَ طَ َرفَ ِي النهَ ِار َوُزلَفًا ِم َن اللَّْي ِل َ َوأ َِقِم الص "Wa aqimi Al Salaata dharafiya al nahaari wa zulufan mina al layli(114)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Oog Salaadda maalinta darfeheeda iyo qayb habeenka ka mid ah (saacad)(114)". 202 (Laba) Ayadoo uu dadku wadajir u imaanayo, oo zulfatun\ زلفةmacneheedu waa jamiican\جميعا ama wadajir. (Saddex)) U dhowaanshaha xujaydu ay Mina\ منىu dhowaanayaan, markay Carafaat\ عرفةkasoo gaddoomaan. (Afar) Aadan\ آدمayaa halkaas Xaawo\ حواءkula kulmay, markaasuu markuu arkay usoo dhowaaday, oo izdalafa\ ازدلفwaxaa weeye danaa, oo macneheedu yahay waa soo dhowaaday. Al Muzdalifah\ المزدلفةmagac kalena waa leedahay, oo ah Jamcan\جمعا, oo macneheedu yahay kulmiso, ayadoo ay halkaas ku kulmeen Aadan آدمiyo Xaawo\ ;حواءama ayadoo ay xujaydu halkaas ku kulmaan. Al Muzdalifatu\ المزدلفةwaxay ku xusantahay Quraanka Kariimka ah, oo wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, xujeyda ku amray Aayadda boqol iyo sideed iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ِ َّ ٍ ِ ْ َض ًَل ِمن رِّب ُكم فَِإ َذا أَف ِ ٌ لَ ْي َس َعلَْي ُك ْم ُج َن ْ ََن تَْبتَ ُغوا ف ْ اح أ ُضتُ ْم م ْن َع َرفَات فَا ْذ ُك ُروا اللهَ ع ْن َد اْل َم ْش َع ِر اْل َح َرام َوا ْذ ُك ُروه ْ َ ْ ِ ِِ ِ ِّ )118( ين َ َك َما َه َدا ُك ْم َوِا ْن ُك ْنتُ ْم م ْن قَْبله لَم َن الضَّال "Fa ithaa afadtum min Carafaatin fa athkuruu Allaaha cinda Al Mashcari Al Xaraami wa athkuruuhu kamaa hadaakum wa in kuntum min qablihi la mina al daalliina(198)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Ee markaad kasoo gaddoontaan Carafaat\ عرفةku xusa Ilaahay Al Mashcaru Al Xaraami المشعر \ الحرامagtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyay, waxaadna ahaydeen Xaqqa hortiisa, kuwa dhunsan(198)." Maalinta Sagaalaad ee bisha Thul Xajjah\ذوالحجة, waa Maalinta Carafee\ عرفةama Sagaalaadkee, markay qorraxdu dhacdo ayagoo wali Carafaat \ عرفةtaagan, ayay xujeydu soo gaddoomayaan, oo ay xagga Muzdalifah\ المزدلفةusoo kacayaan. Intay Muzdalifah\ المزدلفةusoo socdaanna waxay wadayaan ku dhawaaqidda Talbiyada oo ah ". ال شريك لك، إن الحمد والنعمة لك والملك، لبيك ال شريك لك لبيك،"لبيك اللهم لبيك "Labbayka Allaahumma labbayka, labbayka laa shariika laka labbayka, inna al xamda wa al nicmata laka wa al mulka, laa shariika laka" oo macneheedu yahay "Waa ikanaa Ilaahayow, anigoo ugu yeeriddaada xajka yeelay oo imid, wa i kanaa. Adiguna shariik ma lihid Ilaahnimada kula wadaaga. Xamdi iyo nicmo oo dhan, iyo Boqortooyo iyo lahaansho oo dhan Adigaa leh, shariik ma lihid." 203 Markay Muzdalifah\ المزدلفةyimaadaan ayay Salaadda Maghrib iyo Cishe oo dib loo dhigay waqtiga Cishaha, lana gaabiyay oo Cishuhu labo Rakco yahay, iyo hal Aathaan iyo labo Iqaamo ku tukanayaan, siduu Al Bukhaarii\ البخاريugu wariyay Xadiithkiisa kun iyo lix boqol iyo afar iyo toddobaatan. Habeenkaas Sagaalaadku baxayo, Tobanaadkuna soo gelayo, ahna habeenka Ciidul Adxaa عيد \األضحى, waxaa la baryayaa Muzdalifah\المزدلفة, oo cirkaa la hoos seexanayaa, ayadoo ayanna halkaas khaymadna ku oollin, musqulo ragga iyo haweenka u kala gaar ahse ay ku yaallaan. Habeenkaas inta laga soo jeedi karo ayaa habboon in cibaadeysi loo soo jeedo, oo aan la seexan. Wuxuu ibnu Xajar Al Haytamii\ إبن حجر الهيتميsharaxa Manaasiku Al Xajji\ مناسك الحجee Imaam Al Nawawii\ اإلمام النوويbogga saddex boqol iyo afartan ku wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."من أحيى ليلتي العيد أحيى هللا قلبه يوم تموت القلوب "Man axyaa laylatay al ciida axyaa Allaahu qalbahu yawma tamuutu al quluubu" oo macnihiisu yahay "Qofka cibaadeysi kusoo jeeda labada habeen oo ciidaha, Ilaahay qalbigiisa ayuu nooleeyaa maalin ay quluubtu dhimaneyso." Wuxuu kaloo wariyay, oo ibnu Al Jawziyyi\ إبن الجوزيka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وليلة الفطر، وليلة النحر، ليلة التروية وليلة عرفة:"من أحيى الليال األربع وجبت له الجنة "Man axyaa al layaalii al arbaca wajabat lahu al Jannatu: laylatu al tarwiyah wa laylatu Carafah, wa laylatu al Naxri, wa laylatu al Fidhri" oo macnihiisu yahay: "Afarta habeen qofkii cibaadeysi kusoo jeeda, Jannada ayaa waajib u noqoneysa: habeenka Al Tarwiyah\( الترويةwaana habeenka Sideedaad ee bisha Thul Xajjah\)ذوالحجة, iyo habeenka Carafaat\( عرفةoo ah habeenka Sagaalaadka), iyo habeenka Al Naxri\( النحرoo ah habeenka Ciidu Al Adxaa\ عيد األضحىoo ah Tobanka bisha Thul Xajjah\ )ذوالحجةiyo habeenka Al Fidhri \( الفطرoo ah habeenka koowaad ee bisha Shawwaal\شوال, ahna habeenka Ciidul Fidhri عيد \)الفطر." Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenka Muzdalifah\ المزدلفةwuxuu ku degay, siduu Imaam Calii bin Abii Dhaalib\اإلمام علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, wariyay, buurta la yiraahdo Jabalu Quzax\جبل قزح, oo dhammaadka Muzdalifah\ المزدلفةku taalla, wuxuuna ka degay Qiblada masjidka halkaas laga dhisay, wuxuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."هذا قزح وهو الموقف وجمع كلها موقف 204 "Haathaa Quzax wa huwa Al Mawqifu wa Jamcun kulluhaa Mawqif" oo macnihiisu yahay: "Kani wa Quzax\قزح, waana Mawqifka, Jamcan\ جمعاoo idilna waa wada Mawqif (oo meeshaad ka istaagtid oo aad ku barididba waa kaa rogeysaa)." Buurta Quzax\ جبل فزحwaa buur yar, ayadaana ah Al Mashcari Al Xaraami\المشعر الحرام, oo ay Aayaddu sheegtay, siduu Imaam Al Nawawii\ النوويugu wariyay kitaabkiisa Manaasiku Al Xajji\مناسك الحج, bogga saddex boqol iyo shan iyo afartan. Buurta Quzax\ جبل فزحdhusheeda waxaa hadda ka dhisan Masjidka la yiraahdo Masjidu Al Mashcari Al Xaraami\مسجد المشعر الحرام, oo cabbirkiisu yahay sidatan: dhererkiisa Bari ilaa Galbeed waa sagaashan mitir, ballaciisuna waa lix iyo konton mitir, dhulkuu ku fadhiyaana waa shan kun iyo afartan mitir oo wareegsan, waxaana dhexdiisa ku tukan karta in ka badan laba iyo toban kun oo qof. Masjidkaan iyo Masjidu Al Khayfi\ مسجد الخيفwaxaa u dhexeysa shan kiiloomitir. Masjidkaan iyo Masjidu Namirata\ مسجد نمرةwaxaa u dhexeeya toddoba kiiloomitir. Xaajigu wuxuu Muzdalifah\ المزدلفةka gurubsanayaa toddobaatan dhagax oo uu dhagaxtuurka u qaadanayo, wuxuuna u kala tuurayaa sidatan: maalinta tobanaad wuxuu toddoba dhagax ku tuurayaa Jamratu Al Caqabah\جمرة العقبة, maalinta kow iyo tobnaad wuxuu saddexda Jamro middiiba ku tuurayaa toddoba dhagax, oo sidaas ayuu maalintaas kow iyo labaatan dhagax u tuurayaa; maalinta laba iyo tobnaadna sidoo kale ayuu sadeexda Jamro middiiba toddoba dhagax ku tuuraya, oo uu sidaas kow iyo labaatan dhagax u tuurayaa; Maalinta saddex iyo tobnaadna sidoo kale ayuu saddexda Jamro middiiba toddoba dhagax ugu tuurayaa, uuna wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax u tuurayaa. Salaadda Subax ee Maalinta Tobnaad, oo ah Maalinta Ciidda, waxaa lagu tukanayaa Muzdalifah\المزدلفة, halkaas ayaana la joogayaa ilaa uu waago u dhowaado inuu dillaaco, oo uu cirku hurdi noqdo, waxna loo jeedo, siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelay oo kale. Al Muzdalifah\ المزدلفةwaxay ka tirsan tahay Xaramka Makkah\حرم مكة, oo ay xuduuddeeda ku dhex jirtaa, sidaas ayay marka Carafo\ عرفةlaga soo gaddoomo oo ayada la yimaado ay tahay in la qubeysto. Subaxa tobanaadna, intaan laga bixin, Ciidda ayaa loo qubeysanayaa iyo ganidda Jamratul Caqabah\جمرة العقبة. Sunnada Xajka waxaa ka mid ah in toban goor la qubeysto, oo kala ah: (Kow) Marka la ixraamanayo, iyo (Laba) Marka Makkah\ مكةla gelayo, ama mar kasta oo Xaramka Makkah حرم \ مكةla gelayaba, iyo (Saddex)) Wuquufka Carafo\ عرفةmarka la aadayo, (Afar) Muzdalifah \المزدلفة, Salaadda Fajarka kaddib, (Shan) Dawaafu Al Ifaadah\ طواف اإلفاضةmarka la aadayo, iyo (Lix) Xalqiqa\الحلق, oo ah marka timaha madax la xiiranayo, (Toddoba) Yawmu Al Qarri يوم \ القرoo ah Maalinta koowaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\أيام التشريق, ahna Maalinta Kow iyo Tobnaad ee bisha Thul Xajjah\ذوالحجة, iyo (Sideed) Yawmu Al Nafri\يوم النفر, oo ah maalinta labaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\أيام التشريق, ahna Maaalinta Labo iyo Tobnaad ee bish Thul 205 Xajjah\ذوالحجة, iyo (Sagaal) Yawmu Al Nafri Al Thaanii\يوم النفر الثاني, ahna Maalinta saddexaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\أيام التشريق, ahna Maalinta Saddex iyo tobnaad ee bisha Thul Xajjahذوالحجة, iyo (Toban) Dhawaafu Al Wadaaci\ طواف الوداعmarka la aadayo. Meel kasta oo Muslin isugu imaanayo intaan la tegin waa la qubeystaa, si uusan dadku dhididkaaga u dhibsan. Kitaabka Taariikhu Al Khamiisi\ تاريخ الخميسiyo ghayrkiisba waxay wariyeen inuu Cabbaas bin Mirdaas\ عباس بن مرداسyiri: "Wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, galabta Maalinta Carafo\عرفة ummaddiisa ugu duceeyey inuu Ilaahay dambigooda dhaafo. Markaasaa waxaa loogu jawaabay: ". فإني آخذ للمظلوم من الظالم،"أني قد غفرت لهم ما خال المظالم "Annii qad ghafartu lahum maa khalaa al mathaalima, fa Innii aakhithun lil mathluumi mina al th-thaalimi", oo macnihiisu yahay: "Dambiyadooda waa dhaafay intaan ka ahayn dulmiyaday ayagu isku geysteen oo isku leeyihiin, oo Anigu midka wax dulmiyay ayaan ka qaadayaa, waana xasanaadkiisa maalinta qiyaame, oo aan kan la dulmiyay siinayaa." Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: "."أي رب إن شئت أعطيت المظلوم من الجنة وغفرت للظالم "Ay Rabbi in shi'ta acdhayta al mathluuma mina al jannati wa ghafarta lilth-thaalimi", oo macnihiisu yahay: "Rabbiyow, haa, haddaad doontid kan la dulmiyay waxaad xaqqiisa ka siinaysaa jannada, kan wax dulmiyayna waad u dhambi dhaafaysaa." Markaasaan galabtaas Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam loo jawaabin. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markuu Al Muzdalifah\ المزدلفةku waabariistay uu ducadiisii shalay mar kale ku celiyay. Markaasaa laga yeelay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qoslay, ama ilko caddeeyey. Markaasey Abuu Bakar Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقiyo Cumar\ عمرwaxay ku yiraahdeen: "aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, tani ma aha saacad aad qosli jirtya ee maxaa kaa qosliyay Ilaahay iliggaaga ha ka qosliyee?" Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: 206 "إن عدو هللا إبليس لما علم أن هللا عزوجل قد استجاب دعائي وغفر ألمتي أخذ التراب فجعل يحث على ".رأسه ويدعو بالويل والثبور "inna caduwwa Allaahi ibliisa lammaa calima anna Allaaha Cazza wa Jalla qad istajaaba ducaa'ii wa ghafara li ummatii akhatha al tturaaba fa jacala yaxuth-thu calaa ra'sihi wa yadcuu bi al wayli wa al th-thabuuri." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Cadawga Ilaahay ibliis markuu ogaaday inuu Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عوزجلducadayda yeelay uuna ummaddayda u dambi dhaafay ayuu wuxuu qaatay ciid oo uu madaxa isaga shubay isagoona leh "waan halaagmay, waan halaagmay." Waxaana wariyay ibnu Maajah\ إبن ماجهiyo Al Bayhaqii\البيهقي. Salaadda Subax ee Maalinta Tobnaad, oo ah Maalinta Ciidda, waxaa lagu tukanayaa Muzdalifah\المزدلفة, halkaas ayaana la joogayaa ilaa uu waago u dhowaado inuu dillaaco, oo uu cirku hurdi noqdo, waxna loo jeedo, siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelay oo kale. Subaxa tobanaadna, intaan laga bixin, Ciidda ayaa loo qubeysanayaa iyo ganidda Jamratu Al Caqabah\جمرة العقبة. Masjidu Al Mashcari Al Xaraami ee Al Muzdalifah\مسجد المشعر الحرام بمزدلفة. Xasanwali. Amarka Caamir bin Al Tharabi\عامر بن الظربي 207 Waxaa jiray ninka la yiraahdo Caamir bin Al Tharibi (waa tha kor dhibic ku leh oo dha ku xigta) bin Camr bin Ciyaath (waa thaal kor dhibic ku leh oo deelka ku xigtah) bin Yashkur bin Cadwaan Al Cadwaanii, \عامر بن الظربي بن عمرو بن عياذ بن يشكر بن عدوان العدواني, oo uu Al Isbacu Al Cadwaanii\اإلصبع العدوانيoo magaciisuna ahaa Xurthaanu bin Camr\ حرثان بن عمروgabay uu munaasabaddaas Ifaadada Muzdalifah| إفاضة المزدلفةka tiriyey, uu ku xusay, uuna ku magacaabay Xakamun Yaqdii\( حكم يقضيwaa dad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) macneheeduna yahay Qaalli garsoora ayaa naga dhashay. Amarka qaalligaanna wuxuu ahaa sidatan. Carabi markay wax dhex maraan oo ay isku qabtaan, ha weynaadaan waxaasi ama ha yaraadaane, waxay iskula tegi jireen ninkaan la yiraahdo Caamir bin Al Tharibi \ عامر بن الظربي, oo kala xukumi jiray, xukunkuu ridana ay raalli ku wada noqon jireen. Arrimaha ay isku qabteen oo ay ula yimaadeenna waxaa ka mid ahaa dhaxalka khunthaa\( الخنثىwaa tha saddex dhibcood kor ku le), oo ah qof farjigii ragga iyo kii haweenkaba wada leh oo sidaas ku dhashay: "Ma sida ragga ayuu wax u dhaxlayaa oo sadkuu ninku leeyahay ayuu isaguna leeyahay, mase sida haweenta oo sadkay haweentu leedahay ayuu isaguna leeyahay?" Amar midkaas ka culusna hore ulama ayan imaanin. Markaasuu wuxuu ku yiri: "I daaya aan amarkiinnaan ka fiirsadee, oo wa Allaahi\ وهللاCarabay, kanoo kale hore iguma soo degin". Markaasey ka tageen oo ay sugeen. Markaasuu habeenkaas gam'i waayey, isagoo amarkaas rog rogaya, oo u fiirsanayaa, arrinkuna fool ayuu la bixi waayey. Caamir\ عامرwuxuu lahaa gabar u shaqeysa oo la yiraahdo Sukhaylatu\ سخيلةoo ariga u raaci jirtay, taasoo uu mar walba eedeyn jiray oo uu canaan jiray subixii markay ariga foofineyso, oo uu ku oran jiray: "Wa Allaahi\ وهللاSukhayley\ سخيلةwaad waabariisatay (waad daahday)", markay soo celisana ku yiraahda: "Wa Allaahi وهللاSukhayley سخيلةwaad habeensatay (waad soo daahday)", oo wuxuu sidaas u oran jiray ayadoo subixiina daahda oo uu dadku daaqsiinta uga hormaro, soo noqodkana ay soo daahi jirtay, oo uu dadku kasoo hormaro. Markaasey markay Sukhaylah سخيلةaragtay soo jeedkiisa habeenkaas iyo kurbada haysa, iyo siduu dhiniciisu gogosha u qaban waayey, ayay waxay ku tiri: "Aabbe waaye, maxaad leedahay? Maxaa caawa kusoo jeediyay?" Wuxuu yiri: "Maxaad leedahay? Iska key daa! Waa amar aadan adigu shaqo ku lahayne." Markaasey mar labaad hadalkeedii hore oo kale kusoo celisay. Markaasuu wuxuu naftiisa isku yiri: "Waxaaba dhici karta inay keento wax faraj xaaladdaan ku suganahay u ah, oo ayba iiga neefisaa". Markaasuu wuxuu yiri: 208 "Waxaa la iskula key soo dacwooday dhaxalka khunthaa\الخنثى, ee ma ninbaan ka dhigaa mase haweeney? Oo wa Allaahi\ وهللاwaxaan sameeyo ma aqaan oo amarku fool waa iila bixi waayey." Waxay tiri: "Subxaana Allaahi\ !سبحان هللاAabbe waa! Xukunka waxaad raacisaa meesha laga kaadiyo, oo fariisi oo hadduu ka kaadsho meeshuu raggu ka kaadsho waa nin, hadday ka kaadisana meeshay haweenku ka kaadshaan waa haweeney." Wuxuu yiri: "Wixii taas ka dambeeya galabtiina soo daah ama subixii waabariiso, oo wa Allaahi \ وهللاwaad ka neefisay oo aad faraj u furtay." Markaasuu markuu waabariistay dadkii usoo baxay, uuna xukunka u riday siday Sukhaylah\ سخيلةu tilmaantay. Islaamkuna xukunkaas wuu qiray, oo sidaas ayay Shareecadu qabtaa. Haddii intaas kaddib amarka qofkaasi weli caddaan waayo, shareecadu waxay siineysaa saamiga haweeney iyo nus. Diyaduna waa sidoo kale. Axkaamtaan intooda badanna ijtihaadkeed ayay ku dhisan yihiin. Minaa\منى Minaa\ منىwaa dhulka u dhexeeya Makkah\ مكةiyo Muzdalifah\المزدلفة, oo waxay u dhexeysaa Jamratul Caqabah\جمرة العقبة, oo ah xadkeeda xagga Makkah\مكة, iyo Waadii Muzassir وادي \محسر, oo ah xadkeeda xagga Muzdalifah\ المزدلفةxigah. Mina\ منىwaxay Kacbada u jirtaa toddoba kiiloomitir, waxayna ka xigtaa xagga qorrax kasoo bax. Haddii dariiqa nafaqa, oo buuraha hoos mara la marana waxay Makkah\ مكةu jirtaa afar kiiloomitir. Minaa\ منىwaxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu halkaas ku shubmo oo uu ku daato dhiigga xoolaha la qalo, oo minaa\ منىwaxaa la yiraahdaa wixii dureera oo xoog kusoo baxa, sida marka neefka la gawraco uu dhiiggu isagoo diirran xoog uga soo boodo. Sidoo kale biyaha ragga sababtaas ayaa mina loo yiraahdaa, ayagoo xoog usoo booda, diirranna. Wuxuuba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\سبحانه وتعالى, Aayadda sideed iyo kontonaad ee Suuratul Waaqicah\ سورة الواقعةku yiri: )85( ون َ أَفَ َأرَْيتُ ْم َما تُ ْمُن "A fa ra'aytum maa tumnuuna?(58)" oo macneheedu yahay "Ka warrama dhibicda aad tuureysaan "Manida"?(58)" 209 Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay inuu Al Barqiyyu \ البرقيyiri: "godadka Minaa\ منىku yaalla oo dhiigga geela iyo hadyiga iyo xoolaha kaleba oo la qalo uu ku aruuro waxaa la yiraahdaa Al Jabaajibu\الجباجب, Carabtuna meeshaas way weyneysaa oo ay ku faantaa. Waxaa kaloo la yiri waxaa magacaas loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay xujayda maalintaas Mina\ منىjoogta dambi dhaafid ku manneysto, oo waxay ka timid manneysi ama galladeysi. Waxaa kaloo la yiri in loogu bixiyay ayadoo ay Carabtu meeshuu dad isugu yimaado Minaa \ منىku magacawdo. Minaa\ منىdarafteeda Makkah\ مكةxigtah waxaa ku taalla Jamratu Al Caqabah\جمرة العقبة, oo uu agteeda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sanadka labo iyo tobnaad ee Nabinnimada, kuna beegan bisha Luulyo lix boqol iyo kow iyo labaatan Miilaadiga Ansaartii \ األنصارMadiinah Baycadii\ البيعةKoowaad uga qaaday oo ah Baycatul Caqabati Al Uulaa بيعة \العقبة األولى. Raggaas Ansaarta\ األنصارah waxay ahaayeen laba iyo toban nin oo labada qabiil ee Aws\ األوسiyo Khazraj\ الخزرجu kala dhashay. Bartaas Baycadu ka dhacday waxaa laga dhisay oo ku yaalla masjid la yiraahdo Masjidu Al Bayc\مسجد البيعة Masjidu Al Baycah\مسجد البيعة. Xasanwali 1432H/2011M 210 Baycadii labaadna, oo ah Baycatu Al Caqabah Al Thaaniyati\ بيعة العقبة الثانيةisla bartaas ayay ka dhacday, muusinkii Xajka ee sanadka saddex iyo tobnaad ee Nabinnimada, kuna beegan lix boqol iyo laba iyo labaatan Miilaadiga, ayna kasoo qayb galeen saddex iyo toddobaatan nin iyo laba haween ah ee reer Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Masjidkaas wuxuu Jamratul Caqabah\ جمرة العقبةu jiraa saddex boqol oo mitir, oo uu xagga midigta ka qabanayaa qofka Makkah\ مكةu socda. Masjidkaas waxaa dhisay Abuu Jacfar Al Mansuur\ أبوجعفر المنصورsanadka boqol iyo afar iyo afartan, una dhigantah toddoba boqol iyo kow iyo lixdan Miilaadiga, waana masjid gaaban midabkiisuna hurdi yahay, qiyaasteydana kasii yar nuska masjidkii Muqdisho ee Arbaca Rukun. Siduu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelay oo kale, Minaa \ منىwaxaa loo hoydaa oo lagu baryaa afar habeen, oo kala ah: (Kow) Habeenka Sagaalaadka, oo inta Maalinta Sideedaad Makkah\ مكةlaga soo baxo ayaa Minaa منىla baryaa, si Maalinta Sagaalaad Carafaat\ عرفةloogu guuro, oo waaba Sagaalaadkiiye. (Laba) Habeenka Kow iyo Tobnaad, marka subaxaas la ciiday, oo Minaa منىSalaadda Ciidda laguma tukado. (Saddex) Habeenka Labo iyo Tobnaad. (Afar) Habeenka Saddex iyo Tobnaad, qofkaan maalinta laba iyo tobnaad Minaa منىka dhoofin, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ugu yiri Aayadda laba boqol iyo saddex ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ٍ ود ٍ وا ْذ ُكروا اللَّه ِفي أَي َّ َّل ِفي َي ْو َم ْي ِن فَ ََل إِثْم َعلَ ْي ِه و َم ْن تَأ َخ َر فَ ََل إِثْ َم َعلَ ْي ِه َ ات فَ َم ْن تَ َعج َ َّام َم ْع ُد َ ُ َ َ َ "Wa athkuruu Allaaha fii ayyaamin macduudaatin fa man tacajjala fii yawmayni falaa ithma calayhi wa man ta'akh-khara fa laa ithma calayhi(203)" oo macneheedu yahay "Xusa Ilaahay maalmo tirsan, ciddiise degdegta laba maalmood dhexdooda dambi korkiisa ma aha, ciddii dib martana dambi korkiisa ma aha(203)." Minaa\ منىwaxay ka tirsantahay Xaramka Makkah\ حرم مكةoo ay xadkiisa ku dhex jirtaa. In Minaa منىla baryo Xajka ayay ka mid tahay. Masjid Al Kabash\مسجد الكبش Buurta Jabalu Thabiir\ جبل ثبيرla yiraahdo oo Minaa\ منىku taalla ayuu Nabi Ibraahiim إبراهيم, Calayhissalaamu, ku fuliyay amarkii Ilaahay oo ahaa inuu wiilkiisa Ismaaciil إسماعيلbireeyo, kaddibna uu Ilaahay, Cazza wa Jallaهللا عزوجل, wan weyn ku furtay. Buurtaasi waxay bidixda ka qabaneysaa qofka Carafaat \ عرفةu socda, beeshaasna waxaa loo yaqaannaa Majarral Kabash\مجر الكبش, waana marka inta Makkah\ مكةlaga soo raaco Shaaricu Al Xajji\ شارع الحجnafaqa waa godkee Mina\ منىlaga soo baxo ayaa waxaa halkaas ku yaalla dariiq Mina\ منىkor mara oo aad jamraadkaba halkaas uga jeedid. Waxaana ku oolli jiray 211 masjid la oran jiray Masjidu Al Kabash\مسجد الكبش, ayna dhistay gabadha uu dhalay wiilka uu dhalay wiilka Cabdu Allaahi bin Cabbaas\ عبد هللا بت عباسoo magaceedu yahay Lubaabah bintu Calii bin Cabdu Allaahi bin Cabbaas\لبابة بنت علي بن عبد هللا بن عباس. Wankaas waxaa la sheegay inuu yahay wankuu Haabiil\ هابيلina Nabi Aada\ آدمqurbaan ahaan u bixiyay, oo intuu dab loo jeedo Samada kasoo degay uu wanka hareereeyey Samadana kor ugu qaatay oo la galay, oo uu Ilaahay meel uu ogyahay ku hayey. Ibraahiim\ إبراهيمiyo Aadanna\ آدمwaxaa u dhexeysey qiyaas laba kun oo sano. Masjidkaan hadda ma jiro oo buurtuu dusheeda ku yiillay waa la gooyey oo dariiqyo la maro iyo wax kaleba laga dhisay, waxaan halkaan ugu xusayaa oo keli ah in la ogaado bartuu Nabi Ibraahiim إبراهيمCalayhissalaamu ku gawracay fidyada wiilkiisa Nabi Ismaaciil إسماعيلCalayhissalaamu oo ku tiillay Mina\منى. Al Balaadii\البالدي Al Balaadii البالديwuxuu yiri: “Masjidu Al Kabash\ مسجد الكبشwaa meel la yaqaanno oo dhanka bidix ka qabanaysa qofka Mina منىka baxa oo Carafah\ عرفةxaggeeda u socda. Al Azraqii\ األزرقيwuxuu yiri: “dhagaxa wayn oo Mina منىku yaalla salka buurta Thabiir\ ثبيرwaa dhagaxuu korkiisa Ibraahiim إبراهيمCalayhissalaamu ku gawracay fidyada wiilkiisa Isxaaq\( إسحاقdad Isxaaq إسحاقyiraahda ayaa jira intay Ismaaciil إسماعيلoran lahaayeen siduu Al Balaadii\ البالديmeel dambe ku sheegi doono: xasanwali): waxaa buurta Thabiir\ ثبيرuga soo degay wan indho waawayn oo aan geeso lahayn oo ciyaya, markaasuu gawracay.” Bartaasu waa meeshaan taaganahay oo waxaa ku oolli jirtay looxad ay ku qoran tahay “Majaarul Kabash\ ”مسجد الكبشhaddana laga fujiyay. 212 Majarru Al Kabash\مسجد الكبش: bartuu Ibraahiimإبراهيم Ismaaciil إسماعيلkuna taalla Mina\منى. Xasanwali. ku gawracay fidyada Al Ssaxxaar\السحار: Sababta keentay gawricidda Ismaaciilإسماعيل Cabdu Al Xamiid Juudah Al Ssaxxaar\ عبد الحميد جودة السحارwuxuu kitaabkiisa “Muxammadun Rasuulu\ محمد رسول هللاAllaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam” ahna midka musalsalka bisha ramadaan la is tusa laga sameeyey ku yiri: “markii dabka lagu riday oo uu Ilaahay ka badbaadiyay kaddib Ilaahay Tacaalaa \هللا تعالى wuxuu Ibraahiim إبراهيمku amray inuu arliga Ciraaq\ عراقka haajiro oo uu diinta islaamka arliyada kale geeyo. Markaasuu Inbraahiim إبراهيمu hoggaansamay amarka Ilaahay. Intuu socday wuxuu Nabi Ibraahiim إبراهيمCalayhissalaamu tegay magaaldo la yiraahdo Safraawaym\ صفرويمoo uu dibaddeeda degay, suuqyada magaaladana uu yimaada oo uu dadka caabudidda Ilaahay Keli ah ugu yeeraa. Waxaana soo raacay oo la socda aabihiis Aazar\ آزرoo afka ka islaamay wiilkiisana u sheegay inuu gaalnimada ka tawbad keeni doono. Markaasay asxaabta Ibraahiim إبراهيمwaxay arkeen Aazar\ آزرoo gelaya macbad asnaamta lagu caabudo oo warkaasna uu gaaray Ibraahiim إبراهيمoo suuqyada maraya. Markaasuu Ibraahiim إبراهيمaabihiis macbadka dhexdiisa ugu yimid si uu uga soo saaro oo uu u waaniyo. Markuu macbadka soo galay ayuu la kulmay xaaladda ah nin curadkiisa macbadka 213 keenay si sanamkay caabudi jireen hoostiisa loogu gawraco. Markuu xaaladdaas goob joog ka noqday ayuu aabihiis wuxuu Ibraahiim إبراهيمku yiri: “Ibraahiimow إبراهيمfiiri.” Marka wiilkii la gawracayna wuxuu ku yiri: “Ibraahiimow إبراهيمma aragtay immaanka dadkeennu ay u hayaan ilaahyadooda? Iimaankoodu wuxuu gaaray ilaa heer uu ninku curadkiisa u gawraco si dambiyaduu galay looga dhaafo oo uu kafaaro gud u noqdo? Hadday Saarrah\ سارةwiil kuu dhali lahayd, wiilkaas qurbaan ahaan ilaahaaga ma ugu gawrici lahayd? Rabbigaaga Waaxidka ah oo aad dadka ugu yeertid inay keligiis caabudaan?” Markaasuu Ibraahiim إبراهيمwuxuu ugu jawaabay oo Waxyi u keenay: ِ ُّ قَ ْد َخ ِسر الَِّذين قَتَلُوا أَوََّل َد ُهم سفَها بِ َغ ْي ِر ِعْلٍم وح َّرموا ما رَزقَهم اللَّه ا ْفتِراء علَى اللَّ ِه َق ْد ين َ َ ً َ ُ ُُ َ َ ُ َ َ َ ضلوا َو َما َك ُانوا ُم ْهتَد َ ً َ ْ ْ َ )141( Aayadda oo ah midda boqol iyo afartanaad ee Suuratu Al Ancaami\ سورة األنعامmacneheedu waxaa weeye: “Waxaa khasaaray kuwa caruurtooda dilay jaahilnimo daraadeed iyo cilmi darro, xaaraantimeyana wuxuu Ilaahay ku rizqiyay ayagoo Ilaahay ku been abuuranaya: way baadiyoobeen mana ahayn kuwa hanuunsan(140).” Ibraahiim إبراهيمwuxuu aabihiis ku yiri: “Rabbigay waa Ghafuurun Raxiim ah\غفور رحيم. Adigana waa ku kanoo igu ceebeynaya naxdintayda iyo xanuunkayga aad i aragtay ayagoo i qabtay anigoo diidan inuu ninku wiilkiisa gawraco. Aniga qalbigaygana waxaa si hubaal ku sugnaaday in wax kastoo aan ka baqo oo ka mid ah belada iyo imtixaanka adduunkaan ee wa illaa tuu Rabbigay waxaas aniga igu imtixaano . Aniguna inshaa’a Allaahu waan u sabrayaa oo u adkaysanayaa imtixaankiisa, kuna shukrinayaa nicmooyinkiisa ilaa aan kan dhammaystirto wuxuu nolosha adduunkaan iigu qoray. Lixdan sano markuu hadalkiisa aabihiis ku yiri isagoo Safraawaym \ صفرويمjooga ayaa lagu amray inuu wiilkiisa Ismaaciil\ إسماعيلgawraco, isaguna uu u sabray una adkaystay. Markaasuu Ilaahay wan wayn Ismaaciil إسماعيلku furtay.” Waa intaas warkiisu. Xikmada ku jirta fidyada waxaa weeye inuu Ilaahay burinayo caadadoodaas xun oo ah inuu ninku markuu dambi dhaaf doonayo uu curadkiisa gawrici jiray, kuna burinayo inaan neef gawracno oo dhibicda ugu horreysa oo neefkaas qofka dambigiisa lagu dhaafayo. Neefkaasuna waa midkaan Ciidu Al Adxaa\ عيد األضحيgawracno oo udxiyada ah. Isagoo Minaa منىjooga waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degatay Suuratu Ithaa Jaa' Nasru Allaahi\إذا جاء نصر هللا, intuu Xajjatu Al Wadaac\ حجة الوداعku dhex jiray. 214 Minaa منىwaxaa ku yaalla godka la yiraahdo Ghaaru Al Mursalaati\غار المرسالة, oo isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhex jiro, siduu Al Bukhaarina \البخاري Xadiithkiisa kun iyo sideed boqol iyo soddon ugu wariyay, waxaa kusoo degatay Suratu Al Mursalaati\سورة المرسالة. Godkaas wuxuu ku beegan yahay dhabarka Masjidu Al Khayfi مسجد \الخيف, xagga buurta oo midigta xigah. Masjidu Al Khayfiمسجد الخيف Waxaa kaloo Minaa ku yaalla Masjidu Al Khayfi\مسجد الخيف, oo Khayf\ خيفwaxaa la yiraahdaa dhulka buur la xiriira, dhulka biyuhu maraanna ka korreeya. Masjidku wuxuu ku yaalla salka buurta Minaa\ منىee Koofur xigtah, una dhow Al Jamratu Al Sughraa\الجمرة الصغرى. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa masjidkaan ku tukaday, hortiisna Anbiyo kale ayaa ku tukatay. Wuxuu Al Nasaa'ii\ النسائيIbnu Cumar\ إبن عمرka wariyay, Allaha raalli ka wada noqdee, inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: سرحة سر،"إذا كنت بين األخشبين من منى" ونفخ بيده نحو المشرق "فإن هناك واديا يقال وادي السرر ".تحتها سبعون نبيا "Ithaa kunta bayna al Akhshabayni min Minaa, wa nafakha bi yadihi naxwa Al Mashriqi, fa inna hunaaka Waadiyan yuqaalu Wadii Al Surari, sarxatan surra taxtahaa sabcuuna Nabiyyan." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markaad ahaato labada buurood oo waaweyn oo Mina منىku yaalla, markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa xagga qorrax kasoo bax u jeediyay oo uu afuufay, oo halkaas waxaa ku yaalla dooxo la yiraahdo "Waadii Al Surari\ "وادي السررoo ah "Waadiga Xuddumaha", ayna hoostiisa toddobaatan Nabi ku sugan yihiin, oo ah inay toddobaatan Nabi ku dhasheeen oo xuddunta looga gooyey." Ibnu Xajar Al Haytamii\ إبن حجر الهيتميwuxuu ku wariyay boogga afar boqol iyo labo ito toban ee sharixiisa Manaasiku Al Xajji\مناسك الحج. Waxaa kaloo isaguna Al Nihaayah\ النهايةku wariyay Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرmujalladka labaad, bogga saddex boqol iyo sagaal iyo konton. Masjidu Al Khayfi\ مسجد الخيفwaa Masjid aad u weyn. 215 Masjidu Al Khayfi ee Mina\مسجد الخيف بمنى Al Jamraat\الجمرات Waxaa kaloo Minaa\ منىku yaalla saddexda Jamraat. Jamro macneheedu waxaa weeye dhagax la is korkor saaray oo taagan, siduu Imaam Al Shaaficii\ اإلمام الشافعيu macneeyey. Saddexdaas Jamro waxay kala yihiin: (Kow) Jamratul Uulaa\الجمرة اآلولى, lana yiraahdo oo kale Jamratul Sughraa\الجمرة الصغرى, ahna Jamarada koowaad, oo ah midda ugu horreysa marka xagga Carafaat \ عرفةlaga yimaado, Masjidu Al Khayfina\ مسجد الخيفagtiisa ah. (Laba) Jamratul Wusdhaa\الجمرة الوسطى, oo ah Jamrada dhexe. (Saddex) Jamratu Al Caqabah\جمرة العقبة, oo caqabah\ عقبةwaxaa la yiraahdaa jiirta laba buurood u dhexeysa. 216 217 Masjidu Al Khayfi iyo saddexda Jamraat\مسجد الخيف والجمرات Afartaas maalmood oo Minaa\ منىla joogo hawlaha xajka oo la kala qabanayo waxay yihiin: Kow. Maalinta Koowaad waxaa la yiraahdaaa Yawmu Al Naxri\يوم النحر, oo ah maalinta gawraca, waana maalinta Ciidu Al Adxaa\عيد األضحى, bishuna ay tahay toban. Waxaa la qalayaa hadyigii, udxiyadii iyo xoolihii dhiig waajib noqday kafaaro gud u ah. Maalintaas waa maalinta xajka oo idil ugu hawlo badan, waxaana la qabanayaa: (Kow) Jamratu Al Caqabah\ جمرة العقبةayaa toddoba dhagax lagu tuurayaa, iyo (Laba) Hadyiga\ الهديayaa la bireynayaa, iyo (Saddex)) Timaha madaxa ayaa la xiirayaa, iyo (Afar) Makkah\ مكةayaa la tegayaa oo Dhawaafu Al Ifaadah\ طواف اإلفاضةla gudanayaa. Yawmu Al Naxri\ يوم النحرwaa maalinta la yiraahdo Al Xajju Al Akbaru\الحج األكبر, oo waa maalinta ugu hawl badan xajka oo idil. Saddexda maalmood oo ku xiga waxaa la isku yiraahdaa Ayyaamu Al Tashriiqi\أيام التشريق, oo macneheedu yahay maalmaha hilbaha la warwarto, oo la cuno oo la cabbo. Saddexdaas maalmood waa saddexda uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ku magacaabay Al Ayyaamu Al Macduudaatu\األيام المعدودات, kuna xusay Aayadda laba boqol iyo saddex ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ٍ ود ٍ وا ْذ ُكروا اللَّه ِفي أَي َّ َّل ِفي َي ْو َم ْي ِن فَ ََل إِثْم َعلَ ْي ِه و َم ْن تَأ َخ َر فَ ََل إِثْ َم َعلَ ْي ِه َ ات فَ َم ْن تَ َعج َ َّام َم ْع ُد َ ُ َ َ َ "Wa athkuruu Allaaha fii ayyaamin macduudaatin fa man tacajjala fii yawmayni falaa ithma calayhi wa man ta'akh-khara fa laa ithma calayhi(203)" oo macneheedu yahay "Xusa Ilaahay maalmo tirsan, ciddiise degdegta laba maalmood dhexdooda dambi korkiisa ma aha, ciddii dib martana dambi korkiisa ma aha(203)." Al Ayyaamu Al Macluumaatu-na\األيام المعلومات, oo macneheedu yahay Maalmaha la Yaqaanno, waa tobanka maalmood oo ugu horreeysa bisha Thul Xajjah\ذوالحجة. Laba. Maalinta Koowaad ee Ayyaamu Al Tashriiqi\أيام التشريق, oo ay bishu tahay kow iyo toban, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Qarri\يوم القر, oo macneheedu yahay maalinta degidda iyo ku xasilidda, oo istiqraar\ استقررhalkaas ayuu ka yimid. Wuxuu xaajigu maalintaas Jamro walba kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo sidaasuu wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax usoo tuurayaa. Saddex. Maalinta Labaad ee Ayyaamu Al Tashriiqiأيام التشريق, oo ay bisha Thul Xajjah\ذوالحجة tahay laba iyo toban, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Nafri Al Uulaa\يوم النفر اآلولى, oo macneheedu yahay maalinta koowaad ee ka bixidda Minaa\منى, oo uu ka bixi karo qofkii buka, ama sabab fiyow oo uu ku baxo leh, oo degdegsan. Qofkaasi waa inuu Minaa\ منىka baxaa intaya Salaadda Maghrib soo gelin, oo ay weli maalin tahay. Maalintaanna wuxuu Jamro walba kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo uu wadar ahaan kow iyo labaatan dhagax usoo tuurayaa. 218 Afar. Maalinta Saddexaad ee Ayyaamu Al Tashriiqiأيام التشريق, bishuna ay tahay saddex iyo tobanka Thul Xajjah\ذوالحجةة, waxaa la yiraahdaa Yawmu Al Nafri Al Thaanii\يوم انفر الثاني, oo macneheedu yahay maalinta labaad ee bixidda, Minaa\ منىlaga baxo. Maalintaannna xaajigu Jamro walba wuxuu kusoo tuurayaa toddoba dhagax, oo wadar ahaan wuxuu soo tuurayaa kow iyo labaatan dhagax. Mar walba Jamraadka waxaa loo tuurayaa siday isugu xigaan: marka hore Jamratul Uulaa \الجمرة اآلولى, kaddib Jamratul Wusdhaa\الجمرة الوسطى, ugu dambeyntiina Jamratu Al Caqabah\جمرة العقبة. 219 220 Mina: masjidu Al Khayfi\ مسجد الخيفiyo degmooyinka qaarkood. Xikmooyinka Qusayy\قصي Qusayy\ قصيwuxuu ahaa nin caqli ballaaran, aragti fogna leh, xikmana lahaa. Hadalladiisa ka haray oo xikmadiisa muujinaya waxaa ka mid ah: "Qofkii munaafaq karaameeya munaafaqnimadiisu la wadaaga, oo isagana soo gaarta". "Qofkii xumida wax san ka dhigtah, isaguna waa xumaadaa". "Qofkaan karaamadu toosinnin, oo aan u qalmin, dullinnimada ayuu u qalmaa". "Qofkii sadkiisa ka badan doona, wax walba ayuu waayaa." "Xaasidnimadu waa cadawga qarsoon oo qofku leeyahay." Waxaan hadalladiisaas ka garaneynna inuu Qusayy\ قصيahaa nin munaafaqnimada aad u neceb iyo akhlaaqda xunba, wuxuuna ahaa geesi neceb isla weynida iyo xaasidnimadaba. Qusayy\ قصيwalaalihiis Qusayy bin Kilaab\ قصي بن كالبwaxaa la dhashay, xagga aabihiis, Zuhratu bin Kilaab زهرة بن \كالب, hooyadooda dhashayna waa Faadhimatu bintu Sacd bin Sayl \فاطمة بنت سعد بن سيل, una dhalatay qabiilka Al Jadarata\الجدرة, kana sii ah Jucthumatu\( جعثمةwaa tha saddex dhibcood leh) Al Azdi\األزدي, oo reer Yaman\ يمنah, axdina la lahaa oo xaliif u ahaa Banii Addiil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah\بني الديل بن بكر بن كنانة. Xagga hooyadana waxay Qusayy \ قصيwalaalo ka yihiin Rizaax bin Rabiicah\رزاح بن ربيعة. Ilmaha Qusayy\قصي Qusayy\ قصيilmihiisu waxay ahaayeen: (Kow) Cabdi Manaaf\عبد مناف, iyo (Laba) Cabda Al Ddaari\عبد الدار, iyo (Saddex) Cabdu Al Cuzzaa\عبد العزى, iyo (Afar) Cabdi\عبد, iyo (Shan) Abuu Camr\أبوعمر, iyo (Lix) Takhmur bintu Qusayy\تخمر بنت قصي, iyo (Toddoba) Barratu bintu Qusayy\برة بنت قصي, iyo (Sideed) Tumaadar (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Qusayy\تماضر بنت قصي, iyo (Sagaal) Qilaabatu bintu Qusayy\قالبة بنت قصي, iyo (Toban) Xayyatu bintu Qusayy\حية بنت قصي, iyo (Kow iyo toban) Ummu Al Akhtham Haalatu bintu Qusayy\أم األخثم هالة بنت قصي, iyo (Laba iyo toban) Ummu Sufyaan bintu Qusayy\أم سفيان بنت قصي. Intaasoo caruur ah hooyadood waa Xubbaa bintu Xulaylu ibnu Xubshiyyata ibnu Saluul bin Kacb bin Camr Al Khuzaacii حبة بنت \حليل إبن حبشية إبن سلول بن كعب بن عمرو الخزاعي. Qusayy\ قصيwuxuu kaloo guursaday haweeney Thaqiif\ ثقيفu dhalatay, waxayna u dhashay gabar la yiraahdo (Saddex iyo toban) Raydhatu bintu Qusayy\ريطة بنت قصي. 221 Dhimashada Qusayy\قصي Qusayy\ قصيwuxuu dhashay qiyaas boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taariikhdaasoo ku beegnayd sanadka afar boqol ee Miilaadiga, wuxuuna dhintay isagoo sideetan sano jira, qiyaas sagaashan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor, markuu sanadka Miilaadiga ahi ahaa afar boqol iyo sideetan. Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\ قصيku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran. 222 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Shan) Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Awoowayaalkiisa ilaa Aadan Quraysh قريش Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 USA 223 Tusmada Kitaabka Mawduuca 1. Tusmada Kitaabka 2. Araarta dhigaha kitaabka 3. Kilaab 4. Bilaha Carabta zamanka jaahiliyada 5. Bilaha Carabta 6. Bilaha krishtaanka 7. Magacda maalmaha toddobaadka Carabta 8. Magacda maalmaha toddobaadka krishtaanka 9. Kilaab ilmihiisa 10. Kilaab walaalihiis 11. Murratu 12. Murratu ilmihiisa 13. Murratu walaalihiisa 14. Kacb 15. Ayaamaha Carabta ee zamanka jaahiliyada 16. Kacb ilmihiisa 17. Kacb walaalihiisa 18. Amarka Cawf bin Lu'ayy 19. Lu'ayy 20. Lu’ay ilmihiisa 21. Lu’ayy walaalihiisa 22. Lu'ayy iyo Badr 23. Xasaan, Boqorka Yaman oo Kacbada kusoo duulay 24. Ghaalib 25. Ghaalib ilmihiisa 26. Ghaalib walaalihiisa 27. Fihr 28. Fihr ilmihiisa 29. Maalik 30. Maalik iyo Saaburr Thaa Al Aktaaf 31. Maalik ilmihiisa 32. Maalik walaalihiisa 33. Al Nadr 34. Al Nadru ilmihiisa 35. Al Nadru walaalihiisa 36. Kinaanatu 37. Kinaanah ilmihiisa 38. Kinaanah walaalihiisa 39. Khuzaymatu 40. Khuzaymah ilmihiisa 41. Khuzaymah walaalihiisa 42. Mudrikatu 43. Mudrikah ilmihiisa 44. Mudrikah walaalihiisa Bogga 523 555 227 227 228 228 228 229 229 229 230 230 230 231 231 232 232 234 234 234 234 234 235 235 235 236 236 237 237 237 239 239 240 240 240 240 242 242 242 243 244 244 245 245 224 45. Ilyaas 46. Ilyaas ilmihiisa 47. Ilyaas walaalihiisa 48. Mudar 49. Mudar ilmihiisa 50. Mudar walaalihiisa 51. Nizaar 52. Dardaaranka Nizaar ee wiilashiisa 53. Ilmo Nizaar iyo Al Jurhumii 54. Nizaar ilmihiisa 55. Nizaar walaalihiisa 56. Macadd 57. Macadd ilmihiisa 58. Macadd walaalihiisa 59. Cadnaan 60. Cadnaan ilmihiisa 61. Cadnaan walaalihiisa 62. Udd ilaa Nabi Aadan, Calayhissalaamu 245 246 246 247 248 248 249 250 252 254 254 254 255 255 255 255 255 256 225 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini. وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره.بإحسان إلى يوم الدين .الغافلون Kitaabkaan Qusayy\( قريشwaa saad) kana kooban laba iyo lixdan qaybood waa kii afaraad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda المراجعdib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\تفسير البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\ األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشورiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka\ ;السننKutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii\( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan sanadka Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\( القاضي اإلمام حسين بن محمد بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\( اإلمام علي بن برها ن الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qadii Ciyaad\( القاضي عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, iyo Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati كتاب تاشجرة النبوية في نسب خير \ البريةSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdi Al Haadii Al Maqdisiyyi\ اإلمام جمال الدين يوسف بن حسن بن عبد الهادي المقدسيoo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\ أمير المؤمنين عمرah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\ دليل الحاج المصورuuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal \صالح محمد جمال, intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii\ الحافظ أبي نعيم األسبهانيoo dhintay (afar boqol iyo soddon hijriga) iyo Kutubbada Imaam Al Shaaficii\( اإلمام الشافعيdhintayna sanadka laba boqol iyo afar ee Hijriga) ee Al Ummu\ األمiyo Culuumu Al Quraani\علوم القرآن, iyo kutubbada Imaam Al Nawawii\( اإلمام النوويoo noolaa inta u dhexeysa lix boqol kow iyo soddon ilaa lix boqol lix iyo toddobaatan Hijriga) ee Al Majmuuc\المجموع, Manaasiku Al Xajji\ مناسك الحجuuna sharxay Imaam Ibnu Xajar Al Haytamii\( أبن حجر الهيتميoo Makkah\ مكةku dhintay sagaal boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Athkaar\األذكار, Sabaa'iku Al Thahabi fii Macrifati qabaa'ili Al Carabi \ سبائك الذهب في معرفة قبائل العربee Shaykh Abii Al Fawz Muxammad Amiin Al Baghdaadii al shahiir bi Al Suwaydii\الشيخ أبي الفوز محمد امين البغدادي الشهير بالسويدي, Lisaanu Al Carabi لسان \ العربee Al Imaamu ibnu Al Manthuur\( اإلمام إبن المنظورnolaana inta u dhexeysa lix boqol iyo 226 soddon ilaa toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaax\ مختار الصحاحee Al Raazii\الرازي, iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, uuna tarjumay Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah: Dr. Xasanweai Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Arbaco, saddex iyo labaatan Shacbaan\ شعبانkun afar boqol saddex iyo labaatan, una dhiganta soddonka oktoobar laba kun iyo laba. 227 Kilaab\كالب Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shanaad waa Kilaab bin Murrata\ كالب بن مرة. Kilaab\ كالبmacnihiisa waxaa lagu sheegay inuu ka yimid Al Mukaalabatu\المكالبة, oo ah eeyaha oo lagu ugaarsado, oo kalb\ كلبwaa eyga; ama waaba jamaca eyga oo ah eeyo badan, ayagoo badnaan doonaya, oo ah inay wiilal badan dhalaan, oo uu reerku sidaas ku bato. Waxaa Abuu Ruqayshi\ أبورقيشla waydiiyay: "Maxaad wiilashiinna magacda ugu xun ugu bixisaan, sida Kalb \( كلبoo ah eyga) iyo Thi'b\ذئب (oo dhurwaaga ah) addoommadiinana aad magacda ugu fiican ugu bixisaan, sida Marzuuq \( مرزوقmidka la rizqiyo) iyo Rabaax\( رباحoo ah ribix iyo faaiido)?" Markaasuu wuxuu yiri: "Wiilasheenna waxaan magacdaas ugu bixinnaa cadawgeenna (oo ay markay maqlaan ka baqdaan), addoomadeenana nafteenna daraadeed ayaan magacdaas ugu bixinnaa (oo ay markay maqlaan ku farxaan)" Wuxuu ka wadaa inay wiilashu cudud cadawga loogu talo galay yihiin iyo fallaaro dhuuntooda ku taagan, oo ay markaas magacdaan ugu bixiyeen. Waxaa la yiri inuu Kilaab\ كالبkoofaar yahay, magaciisuna uu Xakiim\ حكيمyahay. Waxaa kaleetoo la yiri inuu magaciisu ahaa Curwah\عروة, oo Kilaab\ كالبloogu bixiyay isagoo eeyaha aad ugu ugaarsan jiray. Kilaab bin Murrata كالب بن مرةhooyadiis waa Hind bintu Surayri bin Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah\هند بنت سرير بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة. Bilaha Carabta zamanka jaahiliyada Tan iyo inta Kilaab كالبlaga soo gaaro magacda bilaha ay Carabtu tirsato waxay ahaayeen sidatan: (1) Mu'tamar\مؤتمر, looguna bixiyay inuu qofku fartoomayo wuxuu sanadkaas la yimaado oo uu gooyo. (2) Naajir\ناجر, kana yimid Al Najr\النجر, oo ah kulaylka badan. (3) Khawaan\خوان, kana yimid khayaano ayadoo ay bishaan ahayd bisha dhiigagga la isku leeyahay la isaga aar goosto, ka hor intaan Bilaha Xurmada Leh soo gelin. (4) Sawaan\صوان (waana saad), kana yimid Al Sayaanah\صيانة,oo ah dayactirka. (5) Al Zabaa\الزبا, oo loogu bixiyay badnida dagaallada dhexdeeda ka dhaca. (6) Al Asammu\( األصمwaa saad), oo ah dhegoolaha, ayagoo bishaas dagaalka ka hari jiray, oo aan markaas dhawaaqa hubka iyo sharqantiisa la maqlayn. (7) Al Waghlu\الوغل, oo ah midka wax cabbah, ayagoo bishaas khamrada aad u cabbi jiray, intayan bisha ku xigtah, oo bilaha Xajka ah, soo gelin. (8) Naadhil\ناطل, oo ah beegga khamrada, looguna bixiyay siday cabidda ugu talax tegi jireen, beegaasna ay ku cabbi jireen. (9) Al Caadil\العادل, oo cadaalad ku tilmaaman, ayadoo ay bilaha Xajka ka mid tahay, ayna xumaanta ka fogaan jireen. (10) Naatiq\ ناتقoo ah Al Caathil. (11) Hawaac\هواع. (12) Barak\برك, looguna bixiyay inuu geelo arrunto markuu manxarka lagu gawracayo yimaado. Waxaa kaloo bishaan la oran jiray Al Maymuun\الميمون. 228 Bilaha Carabta Markaasuu Kilaab bin Murrata كالب بن مرةwuxuu u arkay inuu magacda bilahaas beddelo, una bixiyo wax tusaya dhacdo dhexdeeda ka dhacda, wuxuuna u kala bixiyay: (Kow) Muxarram\محرم, ayadoo bishaan dhexdeeda uu dagaal xaaraan yahay. (Laba) Safar\( صفرwaa saad), oo macneheedu yahay maran, ayadoo ay goryohoodu raggii ka maran yihiin, ayagoo dagaallo u baxay, kaddib markay bilihii xurmada lahaa idlaadeen. (Saddex) Rabiicu Al Awwal\ ربيع األولiyo (Afar) Rabiicu Al Aakhar\ربيع اآلخر, ayagoo ay labadaan biloodba intuu roob da'oh, uu arligu cagaaran yahay, oo rabiic waa doogga. (Shan) Jamaadu Al Uulaa جماد \ اآلولىiyo (Lix) Jamaadu Al Aakhar\جماد اآلخر, ayadoo ay labadaan bilood biyuhu fariistaan. (Toddoba) Rajab, oo macneheedu yahay weyneyn, oo tilaameysa siday ula weyneyd oo ay u weyneyn jireen, oo Al Tarjiibu wa Al Tacthiimu\ التجريب والتعظيمoo ah weyneynta. (Sideed) Shacbaan\شعبان, oo loogu bixiyay sida u kala tageen oo ay qaaradaha kala duwan u aadeen oo degeen, oo waxay ka timid tashaccabuu oo shicib waa dariiqa buuraha dhex mara. (Sagaal) Ramadaan\رمضان, oo loogu bixiyay kulaylkeeda, sida ayadoo Ramdaa'\ رمضاءah, oo ah dhagaxda iyo quruuruxa kulul. (Toban) Shawwaal\شوال,oo loogu bixiyay ayadoo uu geelu qooqo, ama ay saynta kor u qaadaan. (Kow iyo toban) Thu Al Qacdah\ذوالقعدة, oo ka tirsan bilaha xurmada leh, oo markaas dagaalka ka fariistaan, oo qacada waxaa weeye waa fariistay. (Laba iyo toban) Thu Al Xajjah\ذوالحجة, oo ah bisha la xajjiyo, oo uu xajku dhexdeeda ku jiro. Bilaha krishtaanka Bilaha ay dadaka Krishtaanka ahi tirsadaan iyo macnohoodu waxaa weeye: (1) January, oo loogu magac daray Janus oo ahaa sanam ay caabudi jireen oo laba waji lahaa, ahaana ilaahooda albaabbada laga galo. (2) February, oo ay ugu bixiyeen iidda is daahirinta oo la oran jiray Februa, oo shan iyo tobanka bishaas ay u iidi jireen. (3) March, ayna ku sammiyeen ilaahooda Mars magaciisu ahaa, ahaana ilaaha dagaalka iyo beeraha. (4) April, oo ay ku magacaabeen ilaahadda ay caabudi jireen oo magaceedo ahaa Aphrodite, ahaydna ilaahadda jeceylka ee Griigga. (5) May, ayna ugu magac dareen ilaahadda ay Roomaanku caabudi jireen oo magaceedu ahaa Maia, ilaaha Vulcan la yiraahdana saaxiib la ahayd. (6) June, ayna ugu magac dareen ilaahad talyaaniga la caabudi jiray oo magaceedu Juno ahaa. (7) July, oo lagu sammiyey Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Julius Caesar, oo bishaas dhashay. (8) August, oo loogu magac daray Boqorkii Rooma ee magaciisu ahaa Augustus Caesar. (9) September, oo ka timid Septem oo ah toddoba. (10) October, oo ka timid octo oo ah sideed. (11) November, oo ka timid novem, oo ah sagaal. (12) December, oo ka timid decem, oo ah toban. Magacda maalmaha toddobaadka ee Carabta Maalmaha toddobaadka oo ay Muslimiintu tirsadaan waa sidatan: (Axas) Axad\األحد, oo ah koowaad, oo waa maalinta koowaad ee toddobaadka. (Laba) Isniin\اإلثنين, oo ah midda labaad, oo waa maalinta labaad ee toddobaadka. (Saddex) Talaado\\الثالث, oo ah saddexaad, oo waa maalinta saddexaad ee asbuuca. (Afar) Arbaco\األربعاء, oo ah afaraad, oo waa maalinta afaraad ee toddobaadka. (Shan) Khamiis\الخميس, oo ah shanaad, oo waa maalinta shanaad ee asbuuca. (Lix) Jimce\الجمعة, oo ah maalinta la kulmo. (Toddoba) Sabti\السبت, oo macneheedu yahay ka joogsi, waana maalinta toddobaad ee asbuuca. 229 Magacda maalmaha toddobaadka ee krishtaanka Maalmaha ay Krishtaanku tirsadaanna waa sidatan: (1) Sunday, oo ah maalinta qorraxda, oo sun waa qorraxda. (2) Monday, oo ah maalinta dayaxa, oo moon waa dayaxa. (3) Tuseday, oo ah maalinta Tiw, oo ah sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen ayna yiraahdeen waa ilaaha dagaalka. (4) Wednesday, ahna maalinta Madaxa ilaahyaday caabudi jireen oo magaciisu ahaa Woden, oo arliga Jarmanka laga caabudi jiray. (5) Thursday, oo ah maalinta Thor, oo uu Jarmanku u caabudi jiray inuu yahay ilaaha cirka. (6) Friday, oo ah maalinta Fria, oo ahayd ilaahadda ay Jarmanku u caabudi jireen inay tahay ilaahadda jeceylka. (7) Saturday, oo ah maalinta sanamka ay ilaah ahaan u caabudi jireen oo magaciisu Saturn ahaa. Kilaab bin Murrata كالب بن مرةwuxuu Quraysh\ قريشMakkah\ مكةdibaddeeda uga qoday ceelal, ayna ka mid yihiin ceelka la yiraahdo Khum\ خمiyo ceelka la yiraahdo Al Xufru\الحفر. Kilaab كالبilmihiisa Kilaab bin Murrata كالب بن مرةwuxuu dhalay ilmaha soo socda: (1) Qusayy bin Kilaab قصي \بن كالب, oo ay isaga iyo walaalkiis Zuhratu\ زهرةiyo walaashiis Nucam\ نعمay isku hooyo yihiin, ayna dhashay Faadhimatu bintu Sacd bin Sayali \فاطمة بن سعد بن سيل, oo u dhalatay Al Jadarata\ الجدرة, kana sii ah Jucthamatu Al Azd\ جعثمة األزدoo reer Yaman\ يمنah, xulafana la ahaa reer Banuu Al Diil bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah بنو الديل بن بكر بن عبد مناة بن \كنانة. Awooweheed Sayali\سيل, oo sayal\ سيلwaxaa la yiraahdaa sabuulka, magaciisuna uu Khayru bin Xamaalata خير الحمالةyahay, wuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo seefaha dahab iyo qalin ku dheeha, oo ku qurxiya, waana madaxa iyo galka seefaha. (2) Zuhratu bin Kilaab زهرة \بن كالب. (3) Nucam bintu Kilaab\نعم بن كالب, oo ah hooyada dhashay Sacd iyo Sucayd سعد بن \سعيد, una dhashay Sahm bin Camr bin Husays (waa laba saad) bin Kacb bin Lu'ayy سهم بن \عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي. Kilaab كالبwalaalihiisa Kilaab كالبaabihiis Murrata مرةwuxuu dhalay caruurta soo socota: (1) Kilaab bin Murrata كالب بن مرة, oo aan ka warbixinnay. (2) Taym bin Murrata\تيم بن مرة, oo ah awoowaha lixaad ee Cabu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir ibnu Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrataعبد هللا بن عثمان بن عامر إبن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة, oo ah Abuu Bakar Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee, oo Abuu Bakar أبوبكرwaa koofaar. (3) Yaqthatu (waa tha kor dhibic ku leh oo cayn ka horreysa) bin Murrata\يقظة بن مرة, oo ah aabaha dhalay ninka la yiraahdo Makhzuum bin Yaqthata\ مخزوم بم يقظةoo ay Qurayshta\ قريشreer Banii Makhzuum\ بني مخزومku abtirsato, uuna ka dhashay Khaalid bin Al Waliid\خالد بن الوليد, Allaha raalli ka noqdee. Yaqthatu\ يقظةhooyadiis waxaa la yiraahdaa Al Baariqiyyata\البارقية, oo ah haweeney u dhalatay qabiilka la yiraahdo Baariq\بارق, looguna bixiyey ayago biriq raacay, oo daba galay; waxaa kaloo la yiri in magacaas loogu bixiyey ayagoo buur la yiraahdo Baariq \ بارقagteeda degay. Baariq\ بارقwaxay u dhasheen qabiilka la yiraahdo Banii Cadiyyi bin Xaarith bin Camr bin Caamir bin Xaarithah bin Imri'i Al Qays bin Thaclabah bin Maazin bin Al Asad bin Al Ghawth (waa tha saddex dibcood kor ku leh) بني عدي بن حارث بن عمرو بن عامر بن \حارثة بن امرأ القيس بن ثعلبة بن مازن بن األسد بت الغوث, waxayna ka tirsanyihiin Shanuu'ahشنوءة. 230 Waxaa kaloo la yiri Al Baariqatu\ البارقةwaa hooyada Taym bin Murrata\ تيم بن مرةdhashay. Waxaa kaloo la yiri: Taym Hind bintu Surayr\ تيم هند بنت سريرwaa Kilaab كالبhooyadiis. Murratuمرة Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lixaad waa Murratu bin Kacb\مرة بن كعب. Erayga Murratu\ مرةwaa tilmaan ama magac ka mid ah magacda haruurka la cuno oo magaciisu yahay Al Xanthalatu\( الحنظلةwaa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah) iyo Al Calqamatu\العلقمة, oo ay mirihiisu miraha bariiska ka yaryaryihiin, oo, markaas, magacu ninka loo bixiyo uu kharaar ku tilmaamayo, oo murr waa kharaarka. Al Murrah\ المرةwaxaa weeye oo kale, siduu Abuu Xaniifah\ أبو حنيفةu xusay, dhir sida bagalka oo kale ah oo dhulka laga soo qodo, oo khal iyo saliid lagu cuno. Murrah bin Kacb مرة بن كعبkoofaartiisu waa Abuu Yaqthata\( أبويقظةwaa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah). Murrah hooyadiis waa Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر. Murratu مرةilmihiisa Murratu مرةwuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Kilaaba bin Murrata\ كالب بن مرة, oo hooyadiisna ay tahay Hind bintu Suraaji bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Kinaanah bin Khuzaymah\ هند بنت سراج بن ثعلبة بن الحارث بن فهر بن مالك بن كنانة بن خزيمة. (2) Yaqthatu (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigtah, caynkana ka horreysa) bin Murrata يقظة \بن مرة, hooyadiisna waa Al Baariqiyyah\البارقية, oo ah haweeney u dhalatay qabiilka la yiraahdo Baariq\ بارقoo ka tirsan Al Asad\ األسدee reer Yamaneed\ يمنah. Waxaa kaloo la yiri: hooyadiis waa Taym\تيم. Yaqthah\ يقظةwiilkiisa Makhzuum bin Yaqthata\ مخزوم بن يقظةwaa awoowaha ay Qurayshta\ قريشreer Banii Makhzuum\ بني مخزومku abtirsadaan, uuna ka dhashay Seefta Ilaahay ee Galka ka siiban Khaalid bin Al Waliid\خالد بن الوليد, Allaha isaga iyo Asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhammaantood raalli ka noqdee. (3) Taym bin Murrata\تيم بن مرة. Murratu bin Kacb\ مرة بن كعبwaxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo nasabaka Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir عبد هللا بن عثمان بن \ عامرoo ah Abuu Bakar Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee, oo Abuu Bakar Al Siddiiq أبوبكر الصديقwaa koofaar. Muuratu مرةwalaalihiis Murrah bin Kacb\ مرة بن كعبwaxaa la dhashay laba nin oo kala ah: (1) Cadiyyu bin Kacb عدي \ بن كعبiyo (2) Husays (labaduba waa saad) bin Kacb\هصيص بن كعب. Labadaas nin hooyada dhashay waa isla hooyada Murrah مرةdhashay oo waa isku wada hooyo. 231 Kacbكعب Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddobaad waa Kacb bin Lu'ayy\كعب بن لؤي. Kacb كعبhooyadiis waa Maawiyyatu bintu Kacb bin Al Qayn bin Jasrin \ماوية بنت كعب بن القين بن جسر, oo qabiilka Qudaacah\ قضاعةu dhalatay. Kacb كعبkoofaartiisu waa Abuu Husays\أبوهصيص. Kacb كعبhooyadiis Maawiyyatu\ماوية macnaha magaceedu waxaa weeye muraayad, oo Maawiyyatu \ ماويةwaxaa la yiraahdaa muraayadda la isku fiiriyo, looguna bixiyay saafinnimadeeda. Kacb bin Lu'ayy\ كعب بن لؤيwuxuu ka mid ahaa ragga Makkah\ مكةku nool oo aan asnaamta caabudi jirin, wuxuuna ahaa Muslin ku taagan Diintii Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhissalaamu, lana oran jiray Al Xunafaa'u\الحنفاء. Kacb wuxuu ahaa Sayyidka iyo hoggaamiyaha Quraysh\قريش, wuxuuna Quraysh قريشkulmin jiray toddobaadkiiba maalin, maalintaasoo la oran jiray Yawmu Al Curuubah\يوم العروبة, wuxuuna ku waanin jiray falidda wanaagga, riximka in la xiriiriyo, xididka xiriirintiisa, maalka in lagu shaqeeyo oo laga miro dhaliyo. Wuxuu kaloo ku guubaabin jiray inay arkaan Aayaadka Ilaahay ee ah Samada iyo xiddigaha, iyo habeenka iyo maalinta, iyo buuraha iyo inuuu qofkii dhintah uusan adduunkaan kusoo noqoneyn, si ay ugu waantoobaan oo ay ugu cibro qaataan. Ayaamaha toddobaadka ee Carabta zamanka jaahiliyada Zamankiisaas ayaamaha ay Carabtu tirsato ee toddobaadku ma ayan lahayn magacda aan maanta u naqaanno, oo ah Sabti iyo Axad iyo Isniin iyo Talaado iyo Arbaco iyo Khamiis iyo Jimce iyo Sabti, waxaase la oran jiray Awwal\أول, oo ay Axadda oran jireen, Ahwan\أهون, oo ay Isniinta oran jireen, iyo Jabaar\جبار, oo ay Talaadada oran jireen, iyo Dabaar\ دبارoo ay Arbacada oran jireen, iyo Mu'nis\ مؤنسoo ay Khamiista oran jireen, iyo Curuubah\ عروبةoo ah Jimcaha oran jireen, iyo Shayaar\ شيارoo ay Sabtida oran jireen. Waxaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga wariyay inuu maalinta Jimcaha ka yiri: "."إن هذا يوم جعله هللا للمسلمين عيدا "Inna haathaa yawmun jacalahu Allaahu li al Muslimiina Ciidan" oo macneheedu yahay: "Kani waa maalin uu Ilaahay Muslimiinta iid uga dhigay." Kacb bin Lu'ayy\ كعب بن لؤيwuxuu dadkiisa ugu yeeri jiray inay isku jilicsanaadaan oo ay isku naxariistaan, wuxuuna uga warrami jiray soo diridda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna sheegi jiray inuu dhashiisa ka mid yahay, kuna boorrin jiray inay rumeeyaan oo ay raacaan. 232 Kacb bin Lu'ayy\ كعب بن لؤيtolkiis aad ayay u jeclaayeen, ilaa heer ay markuu dhintay taariikhdooda ka tirsan jireen, oo uu sidaas calaamad calaamadaha Makkah\ مكةka mid ah uu noqday. Erayga Kacb\ كعبwuxuu ka yimid erayga Al Kacbu\ الكعبla yiraahdo, oo macnihiisu yahay cad subag ama baruur ah. Ama wuxuu ka yimid ciribta cagta, oo kacb \ كعبwaxaa kaloo la yiraahdaa ciribta. Kacb كعبilmihiisa Kacb bin Lu'ayy كعب بن لؤيwuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Murratu bin Kacb مرة بن \كعب, (2) Cadiyyu bin Kacb\عدي بن كعب, iyo (3) Husays bin Kacb\( هصيص بن كعبlabaduba waa saad). Husays\ هصيصwaxaa la yiraahdaa qabadka faraha gacanta oo wax lagu qabto. Saddexdoodaas walaalaha ahna waxaa dhashay Waxshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\ وحشية بن شيبان بن محارب بن فهر بن مالك بن النضر. Kacb كعبwalaalihiisa Kacb bin Lu'ayy كعب بن لؤيwaxaa la dhashay dadka soo socota: (1) Caamir bin Lu'ayy عامر \بن لؤي, (2) Saamatu bin Lu'ayy\سامة بن لؤي, (3) Cawf bin Lu'ayy\عوف بن لؤي, (4) Al Xaarithu bin Lu'ayy\الحارث بن لؤي, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Jusham bin Al Xaarith جشم بن \الحارث, (5) Sacd bin Lu'ayy\سعد بن لؤي, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Bunaanatu\بنانة oo Shaybaan\ شيبانka tirsanaa, looguna bixiyay haweeney magaceeda Bunaanatu \ بنانةla oran jiray oo xannaaneyn jirtay. Waxaa zamankii Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, Cumar\ عمرu yimid rag ah faricii Sacd bin Lu'ayy\سعد بن لؤي, uuna hoggaaminayo ninka la yiraahdo Abuu Al Dahmaa'\أبو الدهماء, kaasoo Cumar\ عمرla hadlay oo weydiistay inuu qabiilkooda Quraysh\ قريشahaan u aqoonsado, Qurayshna\ قريشuu ku daro oo ka daba geeyo. Codsigaas Cumar\ عمرwaa ka diiday. Markaasuu Cuthmaan bin Caffaan Thaa Al Nurayn \عثمان بن عفان ذا النورين, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu Cumar\ عمرu sheegay inuu aabihiis Caffaan\ عفانisaga u sheegay runnimada nasabkoodu inuu Quraysh\ قريشyahay iyo sababta ay Qurayshtii\ قريشMakkah\ مكةdegganaeyd uga tegeen. Markaasuu Cumar\ عمرwuxuu raggaas ballamiyay inay sanadka midkaas ku xigah u yimaadaan, markaasoo uu Quraysh\ قريشku darayo. Markaasaa markay ka gaddoomeen waxaa la dilay Abuu Al Dahmaa'\أبوالدهماء, markaasey amarkiisa ku mashquuleen ilaa uu Cumar\عمر ka dhintay, Allaha raalli ka noqdee. Markaasuu Cuthmaan\ عثمانQuraysh\ قريشku daray, markuu hoggaanka Dawladda Islaamka qabtay. 233 Markuu Calii\علي, Allaha raalli ka noqdee, hoggaanka qabtay, ayuu Quraysh \ قريشka saaray, nasabkoodana uu u celiyay Shaybaan\شيبان, oo ah jilibka ay qabiilka wayn ee Rabiicah \ ربيعةla yiraahdo kala degeen. (6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\خزيمة بن لؤي, uuna ka farcamay qabiilka la yiraahdo Caa'ithatu\عائذة. Raggaas oo idil waxaa dhashay isku hooyo, ahna hooyada dhashay Kacb bin Lu'ayy كعب بن لؤي, intaan ka ahayn Caamir bin Lu'ayy\ عامر بن لؤيoo hooyadiis la yiraahdo Makhshiyyatu bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\مخشية بنت شيبان بن محارب بن فهر. Waxaa kaloo la yiri: hooyadiis waa Laylaa bintu Shaybaan bin Muxaarib bin Fihr\ليلى بنت شيبان بن محارب بن غهر. Saamatu bin Lu'ayy\ سامة بن لؤيMakkah\ مكةwuu ka guuray, wuxuuna degey Cummaan\عمان, waxaana la yiri waxaa Makkah\ مكةka saaray walaalkiis Caamir\عامر, sababtuna ay ahayd inay wax dhex mareen, oo uu markaas Saamatu\ سامةwalaalkiis Caamir\ عامرil kasoo saaray oo uu ishii tiray. Markaasuu Caamir\ عامرcabsiiyey, Saamatuna\ سامةuu Cummaan\ عمانu guuray. Waxaa la yiri in Saamatu\ سامةisagoo hashiisa saaran ayay hashii madaxeeda intay dhulka saartay ayay daaqday. Markaasuu mas faruuryaha ka qaniinay, oo uu bashimihii goostay. Markaasey hashii dhinac u dhacday, isagiina uu la dhacay. Markaasuu maskii Saamatana qaniinay oo uu dilay. Saamatu\ سامةmarkuu arkay inuu dhimanayo, ayuu gabay tiriyay uu ku abtirsaday, oo uu walaalihiis Caamir\ عامرiyo Kacb\ كعبsalaan u diray, uuna ogeysiinayo inuu u hiloobay araggooda, iyo in inkastoo uu Cummaan\ عمانdeggan yahay uu ina Ghaalib\ غالبyahay (oo ah awoowihiisa aabihiis Lu'ayy\ لؤيdhalay), uuna reer Makkah\ مكةyahay, halkaasna uu kasoo baxay. Qaar Saamatu\ سامةfaraciisa ka mid ah ayaa waxay u yimaadeen Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay markaas Saamatu bin Lu'ayy\ سامة بن لؤيku abtirsadeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ""آلشاعر؟ "Aa Al Shaaciri?", oo macneheedu yahay: "Gabayaagiibaa?" Markaasuu nin asxaabtii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, intuu tix gabaygii Saamatu\ سامةtiriyay wuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaad mooddaa inaad u dan leedahay hadalkiisii uu yiri (oo uu tixda ka wado)?" Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أجل "Ajal" oo ah: "Haa". 234 Amarka Cawf bin Lu'ayy\عوف بن مؤي Cawf bin Lu'ayy\ عوف بن مؤيMakkah\ مكةayuu ka baxay isagoo Safar Quraysh\ قريشla socda, sida la yiri, markaasuu markay arliga qabiilka Ghadhafaan bin Sacd bin Qays bin Caylaan \ غطفان بن سعد بن قيس بن عيالنmarayaan, ayuu gaabiyay oo ay raggii kale oo Safarku meeshaas uga tageen. Markaasaa waxaa u yimid ninka la yiraahdo Thaclabah bin Sacdثعلبة بن سعد, markaasuu arligooda ku reebay, uuna u naxariistay, uuna u guuriyay, walaalna ka yeeshay. Markaasuu Cawf\ عوفwuxuu ku abtirsaday qabiilka Ghadhafaan\غطفان, dhashiisiina ay madaxda iyo hoggaamiyayaalka Ghadhafaan\ غطفانnoqdeen. Kacb bin Lu'ayy\ كعب بن لؤيwaxaa ku kulma nasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo nasabka Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab \أمير المؤنين أبوحفص عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee. Lu'ayy\لؤي Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideedaad waa Lu'ayy bin Ghaalib\ لؤي بن غالب. Waxaa la yiri erayga Lu'ayy\ لؤيmacnihiisu waxaa weeye dibi duureedka. Waxaa kaloo la yiri eraygu wuxuu ka yimid Al La'yu \ الأليoo macneheedu yahay aayar, ha degdegin. Waxaa kaloo la yiri waa saca. Lu'ayy\ لؤيkoofaartiisu waa Abuu Kacb\أبوكعب. Lu'ayy\ لؤيilmihiisa Lu'ayy\ لؤيwuxuu dhalay toddoba nin oo kala ah: 1. Kacb bin Lu'ayy\كعب بن لؤي. (2) Caamir bin Lu'ayy\عامر بن لؤي. (3) Saamatu bin Lu'ayy\سامة بن لؤي. (4) Cawf bin Lu'ayy\عوف بن لؤي. (5) Sacd bin Lu'ayy\سعد بن لؤي. (6) Khuzaymatu bin Lu'ayy\خزيمة بن لؤي. (7) Al Xaarithu bin Lu'ayy\الحارث بن لؤي. Raggaas waxaan kasoo warbixinnay markaan kasoo hadalnay Kacb bin Lu'ayyكعب بن لؤي. Lu'ayy لؤيwalaalihiis Lu'ayy bin Ghaalibb\ لؤي بن غالبwaxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Taym bin Ghaalib\تيم بن غالب. Taym\ تيمiyo Lu'ayy\ لؤيwaa isku hooyo, waxaana dhashay Salmaa bintu Camr Al Khuzaaciyyi\سلمى بنت عمرو الخزاعية. Taym bin Ghaalib\ تيم بن غالبwaxaa ka farcamay qabiil la yiraahdo Banuu Al Adram\بنو األدرم. Eraygaan adram\ أدرمwuxuu ka yimid Al Darmaanu\ الدرمانoo macnihiisu yahay tillaabooyin isku dhowdhow. Sidoo kale Al Darmu\الدرم waxaa la yiraahdaa cagta buuxda oo aan rays ma gadhaado lahayn. (2) Qays bin Ghaalib قيس بن \غالب, oo ay hooyadiisna tahay hooyada labadiisa walaal ee kore dhashay. Lu'ayy\ لؤيiyo Badr\بدر Makkah\ مكةayaa waxaa ka baxay Safarka Makkah\مكة, ayadoo uu hoggaaminayo ninka la yiraahdo Badr bin Yakhlud bin Al Xaarith bin Yakhlud bin Al Nadr (waa daad dhibic kor ku leh)\بدر بن يخلد بن الحارث بن يخلد بن النضر, ayna ragga la socda ay ka mid yihiin Lu'ayy bin Ghaalib 235 \ لؤي بن غالبiyo Taym bin Ghaalib\ تيم بن غالبiyo Qays bin Ghaalib\قيس بن غالب. Safarku wuxuu qaaday xeebta Badda Cas. Xeebtaas maalintu aad ayay u kulushahay, marka kulaylkaas daraadiis ayuu Safarku habeenkii socon jiray, maalintiina uu degi jiray oo ay qorraxda iyo kulaylka ka harsan jireen. Kulaylkaas badan daraadiis ayaa waxaa badatay biyihii la cabbayey, ha ahaato xagga ragga ama geelaba. Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةusoo dhowaaday ayay bihiyii ku sigteen inay dhammaadaan. Markaasuu hoggaamiyihii Safarku, Badr\بدر, wuxuu u arkay inay lagama maarmaan tahay inuu ceel qodo ay ka cabbaan, dabadiisna ay Safarradu ka waraabaan intay ku jiraan Makkah \ مكةiyo Madiinah\ المدينةdhexdooda. Bartaas waxay u jirtaa Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةdhowr maalmood oo socod ah. Markaasey raggi ceel qodeen. Markay biyihii gaareen oo ay soo burqadeen, ayay farxeen, ayna yiraahdeen: "Biyihii (ceelkii ) Badr\"ماء بدر. Ceelkaas ayuu Safarkii ka cabbay, waana barta kaddib magacaas u kici doono oo la yiraahdo Badr\بدر, ahna meeshuu ka dhacay dagaalkii Badr\بدر. Markuu Safarku Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةtegey, ayay ganacsigooda ay u yimaadeen u keceen, oo waxay siteenna iibiyeen, waxay u baahnaayeenna gateen, sida badar iyo hub. Markay Makkah\ مكةkusoo laabteen ayay waxay yimaadeen ayadoo ay reer Makkah\ مكةheegan ku jiraan oo ay hub qaateen oo ay dagaal isku diyaariyeen, waana: Xasaan, Boqorka Yaman oo Kacbada kusoo duulay Qodobkaanna waxaan uga hadli doonnaa inshaa’a Allaahu\هللا warbixinaynno Nakhlah\ نخلةoo ah bartuu dagaalku ka dhacay. إن شاء markaan ka Ghaalib\غالب Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaalaad waa Ghaalib bin Fihr\ غالب بن فهر, oo ay koofaartiisu Abuu Taym\ أبوتيمtahay. Ghaalib\ غالبhooyadiisa dhashay waxaa weeye Laylaa bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة. Ghaalib\ غالبilmihiisa Ghaalib bin Fihr غالب بن فهرwuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (Kow) Lu'ayy bin Ghaalib \لؤي بن غالب, oo aan kasoo warbixinnay. (Labo) Taym bin Ghaalib\تيمم بن عالب, oo uu ka farcamay qabiilka la yiraahdo Banuu Al Adrami \بنو األدرم. Al Adramu\ األدرمwaxaa la yiraahdaa qofkaan rays ma gaadho lahayn. Waxaa kaloo la yiraahdaa qofka garkiisu yar yahay oo uu naaqus yahay, sidaasoo uu Taym bin Ghaalib\ تيم بن غالبahaa. Banuu Al Adrami\ بنو األدرمwaa Qurayshta\ قريشmiyiga Makkah مكةdegtah, aanse Makkah\ مكةdegin, lana yiraahdo Qurayshu Al Thawaahiri (waa tha dhibic kor ku leh oo caynka ka horreysa)\قريش الظواهر. Qurayshtaas 236 \ قريشmiyiga degtah waxay ka kooban tahay: (Kow) Banuu Al Adram \بنو األدرم, (Laba) Banuu Muxaarib\بنو محارب, (Saddex) Banuu Caamir bin Lu'ayy\بنو عامر بن لؤي. intaan helay. Qurayshta\ قريشMakkah\ مكةdegtansa waxaa la yiraahdaa Qurayshu Al Bidhaax\قريش البطحاء, kana kooban: (Kow) Banuu Haashim\بنو هاشم, (Laba) Banuu Taym\بنوتيم, (Saddex) Banuu Cabdu Shams\بنو عبد شمس, (Afar) Banuu Nawfal\بنونوفل, (Shan) Banuu Cabda Al Ddaar بنوعبد \الدار, (Lix) Banuu Asad\بنوأسد, (Toddoba) Banuu Makhzuum\بنومخزوم, (Sideed) Banuu Cadiyyi\بنوعدي, (Sagaal) Banuu Sahmبنوسهم, (Toban) Banuu Jumax\بنوجمح. (Kow iyo toban) Banuu Zuhrah\( بنوزهرةSaddex) Qays bin Ghaalib\قيس بن غالب. Saddexdaas nin waa isku hooyo, waxaana dhashay Salmaa bintu Kacb bin Camr Al Khuzaaciyyi\سلمى بنت كعب بن عمرو الخزاعي. Ghaalib\غالبwalaalihiisa Ghaalib غالبaabihiis Fihr bin Maalik فهر بن مالكwuxuu dhalay: (1) Ghaalib bin Fihr غالب بن \فهر. (2) Al Xaarithu bin Fihr\الحارث بن فهر. (3) Asad bin Fihr. (4) Jandalatu bintu Fihr جندلة بن \فهر. Ilmo Fihr فهرdhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة. Fihrفهر Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowahiisa tobanaad waa Fihr bin Maalikفهر بن مالك. Fihr فهرwaa koofaar, oo magaca ay hooyadiis u bixisay waa Quraysh\قريش. Fihr hooyadiis waa Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi\جندلة بنت الحارث بن مضاض الجرهمي, kanoo aan ahayn Mudaad Al Akbar\مضاض األكبر, oo horreeyey. Dhasha Fihr فهرayaa Quraysh قريشla yiraahdaa, oo ciddaan isaga ku abtirsan Quraysh \قريش ma aha. Erayga Quraysh قريشmacnihiisu waxaa weeye: "Baare", oo Fihr فهرiyo wiilashiisuba waxay baari jireen danaha iyo xaajooyinka uu dadku leeyahay iyo waxay u baahan yihiin, markaasey helidda danahaas u qumi jireen, oo uu isaguna maalkiisa ka bixin jiray. Muusinka xajkana wuxuu xujeyda siin jiray saad iyo waxay u baahan yihiin. Fihr فهرwuxuu ahaa nin deeqsi kariim ah. Erayga Quraysh\ قريشwaxaa kaloo la yiraahdaa isku imaadka iyo kulanka, oo way is jeclaayeen, kulankooduna badnaa. Quraysh\ قريشwaxaa kaloo la yiraahdaa ganacsiga. Waxaa kaloo erayga Quraysh\ قريشka yimid kalluunka la yiraahdo Al Qurshu\القرش, oo ah kalluun badda ku jira oo kalluunka kale cuna, kaasoo aabaha qabiilka Quraysh \ قريشdhalay lagu sammiyay. 237 Fihr فهرwaxaa la yiraahdaa dhagaxa sulubka ah oo sacab muggiis ah. Fihr فهرmadi ayuu ahaa, oo walaalo lama dhalan. Fihr فهرilmihiisa Fihr bin Maalik\ فهر بن مالكwuxuu dhalay afar nin iyo gabar, kala ah: (1) Ghaalib bin Fihr غالب \بن فهر. (2) Al Xaarithu bin Fihr\الحارث بن فهر. (3) Asad bin Fihr\أسد بن فهر. (4) Jandalatu bintu Fihr\جندلة بنت فهر. Ilmo Fihr فهرdhammaantood waxaa dhashay isku hooyo la yiraahdo Laylaa bintu Sacd bin Huthayl bin Mudrikata\ليلى بنت سعد بن هذيل بن مدركة. Maalikمالك Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo tobnaad waa Maalik bin Al Nadr\( مالك بن النضرwaa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah). Maalikمالك hooyadiis waa Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan عاتكة بنت عدوان بن عمرو \بن قيس بن عيالن. Maalik مالكwuxuu ahaa madaxa iyo hoggaamiyaha Makkah\مكة, isaagana mararka qaarkood Safarradooda ganacsiga hoggaamin jiray. Markay taasi dhacdana waxaa la heli jiray ribix iyo faaiido badan, isagoo uu Maalik مالكganacsiga ku xeel dheeraa. Sidaas ayuu hodan ku noqday, oo uu maal badan u yeeshay, ilaa heer uu geeliisii dooxooyinka iyo daaqsiinta Makkah \ مكةoo idil daboolay. Maalik مالكiyo Saabuur Thaa Al Aktaaf\سابور ذا األكتاف Zamanka Maalik مالكwaxaa dalka Iraan\ إيرانboqor u ahaa ninka la yiraahdo Saabuur Thaa Al Aktaaf\ سابور ذا األكتاف. Thaa Al Aktaaf\ سابور ذا األكتافmacneheedu waxaa weeyey midka garbaha u saaxiibka ah, oo Al Katafu\ األكتافwaa garabka, waxaana koofaartaas loogu bixiyay isagoo Carab oo idil cathaabi jiray, oo garbaha ayuu ka dhilqin jiray, quluubtoodana uu cabsi iyo argagax ku riday. Cid taqiinnay sababtu uu Carabta u colaadinayana ma ayan jirin. Markaasuu Maalik bin Al Nadr\ مالك بن النضرu qasday inuu u tago oo uu arrinka Carabta kala hadlo. Sidaas ayuu Maalik مالكwuxuu u hoggaamiyay Safarkii Makkah\مكة. Safarku wuxuu sii maray Al Xiirata\ الحيرةdegmada la yiraahdo, oo Ciraaq\ عراقku taalla, uuna Boqor Carbeed u taliyay, kase tirsanayd Boqortooyada Iiraan. Halkaas ayuu Safarku badeecadahuu sitay, una badnaa dahab iyo qalin ay buuraha Makkah\مكة kasoo qoteen, iyo cathar, suuqa ku iibiyay, ayna halkaas ka gateen qamadi iyo badar. Carabta degmadaas deggan waxay ahaayeen Nasaaraa haysata math-habka Al Yacquubiyyah\ اليعقوبيةla yiraahdo, oo aaminsanayd inuu Ciise\عيسى, Calayhissalaamu, nin bashar ah ahaa. Markaasuu Maalik مالكwuxuu qasrigiisa ugu tegey Boqorkooda oo magaciisu ahaa Camr bin Imri'u Al Qays\عمرو بن امرأ القيس, kaasoo Maalik مالكsi fiican usoo dhoweeyey, oo dhiniciisa fariisiyay. 238 Camr\ عمروwuxuu Maalik مالكkala hadlay diinta masiixiga. Majliskaas waxaa ayaguna fadhiyay rag kale oo doodaas ka qayb qaatay. Kaddib raggii kale majliska way ka keceen, oo ay kala tageen, waxaana isku soo haray Maalik مالكiyo Camr bin Imri'u Al Qays عمرو بن امرأ \القيس, Boqorka Al Xiirata\الحيرة. Markay isku kaliyeeysteen, ayuu Maalik مالكwuxuu Camr\ عمروu sheegay ujeedada Safarkiisa oo ahayd inuu la kulmo Boqorka Iiraan\ إيرانee Saabuur\سابور, uuna kala hadlo inuu Carabta cathaabta ka daayo. Camr\ عمروhadalkaas Maalik مالكwaa u bogay, wuuna geesinnimo geliyay, lana taliyay. Kaddib Safarkii Al Xiirata\ الحيرةwaa ka ambabaxay, wuxuuna aaday magaalada la yiraahdo Dhiisafuun\طيسفون, oo uu Saabuur\ سابورku sugnaa. Magaaladaani waxay ku tiillay jinka Bari ee wabiga Dijlah\نهر دجلة, waxaana ku wareegsanaa darbi wayn oo xoog leh, irrid magaalada looga galana leh. Safar kasta oo ganacsi, intuusan albaabkaas ka gelin waxaa halkaas looga qaadi jiray canshuur, kaddibna albaabka ayaa loo furi jiray inay ka galaan. Markuu Safarkii Maalik مالكmagaladaas galay, waxay tageen suuqa, halkaasoo ay ganacsigooda guda galeen oo ay ku dhaqaaqeen. Markuu hawshii ganacsiga ka soo jeestay, Maalik مالكwuxuu aaday qasriga Saabuur\سابور, wuxuuna u galay Boqorkaas. Maalik مالكmarkuu Boqorkaas soo hor istaagay wuxuu weydiistay inuu siiyo amni iyo nabad gelyo iyo inuusan wax u dhimin markuu ku hadlo wuxuu Boqorka ugu yimid. Saabuur\سابور markuu hadalkaas hoggaamiyaha Makkah\ مكةmaqlay wuu ku farxay, wuxuuna u sheegay inuu codsigiisa yeelay oo uu amni iyo nabadgelyo siiyay, wuxuu doonana uu ku hadlo, dhiniciisa ayuuna fariisiyay. Markaasuu Maalik مالكwuxuu Saabuur ku yiri: "Boqorow ma ii oggolaaneysaa inaan ku hadlo su'aal laabteyda ku laablaabaneysa oo culeysiisay?" Saabuur\ سابورwuxuu ku yiri: "Ku hadal waxaad doontid, aniguna waan ku dhegeysanayaa". Maalik مالكwuxuu yiri: "Boqorow, maxaad Carabta u dhibtaa?" Saabuur wuxuu yiri: "Al Munajjimuuna\المنجمون, (oo ah kuwa xiddigaha ku faaliya) waxay ii sheegeen inuu Carabta kasoo bixi doono nin ay gacantiisa Boqortooyada Iiraan\ إيرانay ku baaba'ayso, diintoodana duminaya". Maalik مالكwuxuu yiri: "Boqorow, ma dhici kartaa inay faaliyayaalku been sheegeen?" Markaasuu Saabuur\ سابورoo ay cabsi ka muuqato, intuu si fiican u fariistay, wuxuu yiri: "Odorosidda Saasaan-na\"?ساسان Saasaan\ ساسانwaa awoowaha Saabuur\ سابورoo Boqorka Iiraan\ إيرانahaan jiray. Maalik مالكwuxuu yiri: 239 "Oo muxuu odorosay?" Saabuur\ سابورwuxuu yiri: "Saasaan\ ساسانwuxuu odorosay inay Iiraan\ إيرانmarkay falal xun sameyso uu Carabta kasoo bixi doono nin qaadanaya oo la tegaya carshiga boqortooyada Iiraan \إيران, oo gacantiisa ku dhigaya, oo ay markaas madaxdii Iiraan\ إيرانraaciye loo taliyo noqonayaan, macbadda ilaahyadeenana iyo meeshaan asnaamta dhiganno iyo meeshaan dabka muqaddaska ah ku shidanno (oo waxay ahaayeen Majuus\ مجوسdabka caabudda) uu ka dhigi doono Guri camiran oo laga buuxo, ayanna ku oollin masawirro iyo asnaam toona. Carabtu waxay qaadan doontaa Macbadyada Majuuska, waxayna gacanta ku dhigi doonaan Tuus\ توسiyo Balkh\ بلخiyo inta kale ee arligeenna wayn. Kuwa xiddigaha ku faaliyana been ma sheegaan." Maalik wuxuu yiri: "Hadday run sheegayaan, ha sheegaan qabiilkuu ninkaasi ka dhalan doono." Saabuur\ سابورwuxuu yiri: "Hadday taas ogaan lahaayeen, qabiilkaas oo idil ayaan baabi'in lahaa, Carabta inteeda kalena dhiiggooda ma daadiyeen." Maalik مالكwuxuu yiri: "Boqorow, hadday faaliyayaalku run sheegeen, oo ay taasi ahaan doonto dhacdo ahaaneysa, daadinta dhiigga Carabtu dhiciddeeda ma hor istaagi karaa?" Saabuur\ سابورintuu baraarugay, oo uu hadalka Maalik مالكdhuuxay, oo uu cabbaar aamusnaa, ayuu wuxuu yiri: "Run ayaad sheegtay, oo wax ahaan doona anigu awood kuma lihi." Markaasuu Maalik مالكwuxuu yiri: "Boqorow, Carabta u tur oo u naxariiso, si uu idiinku turo oo uu idiinku naxariisto ninkaas Carab kasoo bixi doona, Ilaahayna uu isaga libta idinka siin doono oo idinka adkaanaya." Saabuur\ سابورwuxuu yiri: "Carab waan ka daayay cathaabid iyo dilba." Sidaas ayuu Saabuur\ سابورyeelay, Maalikna مالكuu Makkah\ مكةdib ugu soo laabtay, isagoo ergeyntiisii kusoo liibaanay oo guuleystay. Maalik مالكilmihiisa Maalik مالكwuxuu dhalay ninka la yiraahdo Fihr bin Maalik\ فهر بن مالكoo Quraysh\ قريشah, hooyadiisna ay tahay Jandalatu bintu Al Xaarith bin Mudaad Al Jurhamiyyi جندلة بنت الحارث بن \مضاض الجرهمي. Maalik مالكwalaalihiis Maalik مالكaabihiis Al Nadr bin Kinaanata\ النضر بن كنانةwuxuu dhalay: (1) Maalik bin Al Nadr\مالك بن النضر. (2) Yakhlud bin Al Nadr\يخلد بن النضر. (3) Al Saltu (waa saad) bin Al Nadr\الصلت لن النضر. Saddexdaas nin hooyadood waa Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan\ عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن. 240 Al Nadru\النضر Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Awoowihiisa labo iyo tobnaad waa Al Nadru (waa daad dhibic kor ku leh) bin Kinaanata\ النضر بن كنانة. Al Nadr\ النضرhooyadiis waa Barratu bintu Murr bin Udd bin Dhaabikhata bin Ilyaas bin Mudar (waa daad dhibic kor ku leh)\برة بنت مر بن أد بن طابخة بن إلياس بن مضر. Al Nadr\ النضرwaa koofaar, looguna bixiyay quruxdiisa oo Al Nadratu \ النضرwaa quruxda, magaciisuna waa Qays\قيس, isagaana ahaa hoggaamiyaha tolkiisa reer Kinaaniyiinta\الكنانيين, kuna abtirsada isaga aabihiis Kinaanatu\كنانة. Al Anadr\ النضرwaxaa kaloo la yiraahdaa dahabka guduudan. Al Nadru\ النضرilmihiisa Al Nadr\ النضرwuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Maalik bin Al Nadr\مالك بن النضر, oo aan kasoo warbixinnay. (2) Yakhluda bin Al Nadr\يخلد بن النضر, iyo (3) Al Saltu (waa saad) bin Al Nadr\الصلت بن النضر. Saddexdaas nin waa isku hooyo, waxaana dhashay Caatikatu bintu Cadwaan bin Camr bin Qays bin Caylaan\ عاتكة بنت عدوان بن عمرو بن قيس بن عيالن. Al Nadru النضرwalaalihiisa Al Nadr النضرaabihiis Kinaanatu bin Khuzaymata\ كنانة بن خزيمةwuxuu dhalay caruurta soo socota: )1(Al Nadr bin Kinaanata\النضر بن كنانة. (2) Maalik bin Kinaanata\مالك بن كنانة. (3) Cabda Manaat bin Kinaanata\عبد مناة بن كنانة. (4) Milkaan bin Kinaanata\ملكان بن كنانة. Al Nadr النضرiyo Maalik\ مالكiyo Milkaan ملكانwaa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin Murr\برة بنت مر. Cabda Manaat\ عبد مناةhooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al Ghadhriif\هالة بنت سويد بن الغطريف, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\أزد شنوءة, Shanuu'ah شنوءةmagaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن \مالك بن نصر بن األسد بن الغوث, waxaana Shanuu'ah شنوءةloogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu shana'aan\ شنآنdhex maray, kaasoo nacayb ah. (5) Caamir bin Kinaanata\عامر بن كنانة. (6) Al Xaarithu bin Kinaanata\الحارث بن كنانة. (7) Al Nadiir (waa daad dhibic kor ku leh) bin Kinaanata\النضير بن كنانة. (8) Ghanm bin Kinaanata\غنم بن كنانة. (9) Sacd bin Kinaanata سعد بن \كنانة. (10) Cawf bin Kinaanata\عوف بن كنانة. (11) Jarwala bin Kinaanata\جرول بن كنانة. (12) Al Xudaala bin Kinaanata\الحدال بن كنانة. (13) Ghazwaan bin Kinaanata\غزوان بن كنانة. Kinaanatuكنانة Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo tobnaad waa Kinaanatu bin Khuzaymata\كنانة بن خزيمة, hooyadiisna waa Cawaanatu bintu Sacd bin Qays bin Caylaan bin Mudar\عوانة بنت سعد بن قيس بن عيالن بن مضر. Kinaanah كنانةiyo walaalihiis Asad bin Khuzaymata\ أسد بن خزيمةiyo Asadatu bin Khuzaymata \ أسدة بن خزيمةiyo Al Hawnu bin Khuzaymata\ الهون بن خزيمةwaxay ahaayeen madaxda iyo 241 hoggaamiyayaalka Qabiilka Mudar\( مضرwaa daad dhibic kor ku leh), kuwaanoo uu maalkooduna batay, xoolohoodiina dooxada Makkah\ مكةay buuxiyeen oo wada dabooleen. Markuu aabihiis Khuzaymatu خزيمةdhintay, Kinaanah كنانةwuxuu noqday hoggaamiyaha Safarrada Mudar\مضر, oo ganacsi u tegi jiray Ciraaq\عراق, Dimishiq\دمشق, Iiraan\إيران, Masar \مصر. Kinaanah كنانةwalaalkiis Asad bin Khuzaymata\ أسد بن خزيمةayaa wuxuu ku tashaday inuu Maamulka Guriga gacanta ku dhigo, isagoo arkay inay qabiilka Iyaad \ إيادoo xilkaas hayey ay thulmi ku kaceen Makkah\ مكةdhexdeeda, itaalkoodiina uu sidaas ku wiiqmay. Sidaas ayuu u ishafalateynayey xaaladda Makkah\ مكةiyo waxa dhacaba. Markaasaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa ugaarsi isu raacay labo nin oo uu midkoodna Iyaad \ إيادu dhashay, kan kalena Mudar\مضر, oo ay odayada ay ku abtirsadaan, oo kala ah Iyaad\ إيادiyo Mudar\مضر ayba laba nin oo walaalo ah ahaayeen, uuna wada dhalay Nizaar bin Macadd \نزار بن معد, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad. Markay labadaas nini miyiga Makkah\ مكةugaarsi u tageen ayay waxay arkoodeen bakayle. Markaas ayay fallaaro ku ganeen. Markaas ayaa fallaar uu ganay ninka reer Iyaad\ إيادwaxay wadnaha uga dhacday kii reer Mudar\ مضرoo ay dishay. Markaasey reer Mudar\ مضرkeceen oo ay dhiigga ninkooda laga dilay doonteen. Markaasey reer Iyaad\ إيادwaxay yiraahdeen: "Gaf ayuu u dilay". Hadalkaas reer Mudar\ مضرma ayan garawsan, waxayna ku hammiyeen oo ay dooneen inay ninkii ninkooda dilay dilaan. Markaasey reer Iyaad\ إيادninkoodii daafaceen, oo ay labadii qabiil dagaal isaga horyimaadeen. Dagaalkaas waxaa libta ku helay reer Mudar \مضر, oo ilmo adeerradooda reer Iyaad\ إيادjebiyay. Markay adkaadeen ayay Mudar\ مضرwaxay reer Iyaad\ إيادku amreen inay Xaramka Makkah حرم \ مكةka baxaan oo ay ka guuraan. Reer Iyaad\ إيادwaxay yiraahdeen: "Saddex maalmood na siiya, dhulkiinana idinka xoogi meynno", taasoo loo oggolaaday. Saddex maalmood kaddib, reer Iyaad\ إيادoo haweenkooda iyo caruurtooda iyo xoolohoodaba wata Makkah\ مكةway ka bexeen, waxayna tageen oo la degeen kuwii ayaga ka horreeyey oo dhasha Ismaaciil\ إسماعيلahaa oo Shaam\ الشامiyo Ciraaq\ عراقdegay. Markaasuu Asad bin Khuzaymata\ أسد بن خزيمةMaamulka Guriga la wareegay oo uu gacanta ku dhigay. Walaalkiis Kinaanatu bin Khuzaymata-na\ كنانة بن خزيمةwuxuu noqday hoggaamiyaha iyo midka haya maamulka Safarrada Mudar\مضر, oo arliga Barigiisa iyo gobolladiisaba ganacsi ugu safrah. 242 Kinaanah\ كنانةwuxuu Carab dhexdeeda ku caan noqday wanaagga iyo dulqaadka iyo turidda uu dadka u galo iyo xikmadiisa. Markaasey ragga Carabta ahi si ay ula kulmaan usoo safri jireen, si ay ugala tashadaan umuurta diintooda, xukunkiisana ay u bogi jireen oo yeeli jireen. Wuxuu kaloo yeeli jiray inuu u asturi jiray oo uu u naxariis iyo wanaag huwin jiray dadka, sida uu gabooyuhu, oo ah weelka dhuuban oo fallaaraha inta lagu rido la aaburo oo garabka la surto, u asturo fallaaraha ku jira. Markaasuu ku caan baxay Kinaanahكنانة, oo macneheedu yahay gabooye fallaaraha lagu rito oo astura. Magacaas ayaana u kacay oo uu caan ku noqday, ayna dhici karto inuu aabihiis magac kale u bixiyay oo uu aabihiis Mudrikatu\ مدركةku sammiyay. Kinaanatu كنانةilmihiisa Kinaanatu wuxuu dhalay caruurta soo socota: )1(Al Nadr bin Kinaanata\النضر بن كنانة. (2) Maalik bin Kinaanata\مالك بن كنانة. (3) Cabda Manaat bin Kinaanata\عبد مناة بن كنانة. (4) Milkaan bin Kinaanata\ملكان بن كنانة. Al Nadr النضرiyo Maalik\ مالكiyo Milkaan ملكانwaa isku hooyo, hooyadoodna waa Barratu bin Murr\برة بنت مر. Cabda Manaat\ عبد مناةhooyadiisna waa Haalatu bintu Suwayd bin Al Ghadhriif\هالة بنت سويد بن الغطريف, una dhalatay qabiilka Azd Shanuu'ah\أزد شنوءة, Shanuu'ah شنوءةmagaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Kacb bin Cabdu Allaahi bin Maalik bin Nasr (waa saad) bin Al Asad bin Al Gawth (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) عبد هللا بن كعب بن عبد هللا بن \مالك بن نصر بن األسد بن الغوث, waxaana Shanuu'ah شنوءةloogu bixiyay qabiilkaas ayadoo uu shana'aan\ شنآنdhex maray, kaasoo nacayb ah. (5) Caamir bin Kinaanata \عامر بن كنانة. (6) Al Xaarithu bin Kinaanata\الحارث بن كنانة. (7) Al Nadiir (waa daad dhibic kor ku leh) bin Kinaanata\النضير بن كنانة. (8) Ghanm bin Kinaanata\غنم بن كنانة. (9) Sacd bin Kinaanata سعد بن \كنانة. (10) Cawf bin Kinaanata\عوف بن كنانة. (11) Jarwala bin Kinaanata\جرول بن كنانة. (12) Al Xudaala bin Kinaanata\الحدال بن كنانة. (13) Ghazwaan bin Kinaanata\غزوان بن كنانة. Kinaanah ubadkiisu arliga Carabta ayay ku faafeen, ayna markay bateen kala degeen. Kinaanah كنانةwalaalihiisa Kinaanah كنانةaabihiis Khuzaymatu\ خزيمةwuxuu dhalay: (1) Kinaanatu bin Khuzaymata كنانة \بن خزيمة. (2) Asad bin Khuzaymata\أسد بن خزيمة. (3) Asadatu bin Khuzaymata\أسدة بن خزيمة. (4) Al Hawnu bin Khuzaymata\الهون بن خزيمة. Khuzaymatu\خزيمة Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo tobanaad waa Khuzaymatu bin Mudrikata\\ خزيمة بن مدركة, hooyadiisna waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah bin Nizaar\سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار, koofaartiisuna waa Abaa Asad\أبا أسد. Magaciisu wuxuu ka yimid Al Khazmu\ الخزمoo ah daloolinta (dhegta ama wax la mid ah). Waxaa kaloo la yiri wuxuu ka yimid Al Khazmu\ الخزمoo ah adkeynta iyo suubinta shayga. Abuu Xaniifana\ أبوحنيفةwuxuu yiri: "Al Khazamu\ الخزمwaa geed sida geedka Al Dawmu\الدوم 243 oo kale ah, oo qoloftiisa xargaha laga sameeyo, intiisa hoosana laga sameeyo godadka shinnida, mirihiisana uusan dadku cunin, uuse cuniddiisa tukuhu jecelyahay." Khuzaymah\ خزيمةwuxuu ahaa hoggaamiyaha qabiilka Mudar\مضر, wuxuuna ahaa nin uu tolkiis jecelyahay, caqli ballaaranna leh, wuxuuna ahaa nin ka mid ah addoommada Ilaahay ka dhawrsada, suubanaanna lagu yaqiin. Markaas waxaa Maamulka Baytka hayey ninka la yiraahdo Wakiic bin Salamah bin Zuhayr bin Iyaad\وكيع بن سلمة بن زهير بن إياد. Markaasuu Wakiic\ وكيعwuxuu ka baqay inuu Khuzamah \ خزيمةxilkaas kula tartamo, wuxuuna u arkay inay sida ugu khayr badan oo uu isaga celin karo tartankaas ay tahay inuu tolkiis dhexdiisa salaax iyo suubanaan loo aqoonsado oo ay u shaacdo. Markaasuu Makkah\ مكةdhankeeda hoose wuxuu ka dhistay daar dheer oo uu jaranjarana u yeelay. Markaasuu intuu jaranjarada tafo ayuu wuxuu oran jiray inuu Ilaahay la faqayo. Dadka dhex galkiisana wuuba yareeyey, cibaadeysiga ayuuna u batay. Markaasey dadkii waxay yiraahdeen: "Waa nin run low ah." Isaguna wuxuu oran jiray: "Kuwa arliga ku sugani waxay addoommo u yihiin Midka Samada ku sugan. Jurham \ جرهمwaa la halaagay, Iyaadna\ إيادway zuushay (tagtay). Sidaasoo kalena waxaa ah suubanaanta iyo fasaadka." Wuxuu Wakiic\ وكيعsidaas ku odorosayey inuu tolkiis Iyaad\ إيادMaamulka Guriga ka guuri doono siduu Jurham\ جرهمuga guuray oo kale, Iyaadna\ إيادMaamulka Gurigu uga guuri doono hadday suubanaantu tagto fasaadna yimaado. Wakiic\ وكيعwuxuu kaloo oran jiray: "Rabbi khayrka la falo waa ka abaalmariyaa, sharta la falana waa ku ciqaabaa." Markaasuu intuu tolkiis Iyaad\ إيادkulmiyay wuxuu ku yiri: "Dardaarankeyga maqla. Hadalkuba waa laba eray, amarkuna waa caddayn kaddib: qofka hanuunsan raaca, kan leexdana diiday, ri walbana labadeeda addin ayay kasoo laadlaaddaa." Kaddibna Wakiic\ وكيعwaa dhintay. Khuzaymatu bin Mudrikatana\ خزيمة بن مدركةwaa dhintay, hoggaaminta tolkiisna waxay u wareegtay curadkiisa Kinaanatu bin Khuzaymata كنانة \بن خزيمة. Khuzaymatu\ خزيمةilmihiisa Kinaanah كنانةaabihiis Khuzaymatu\ خزيمةwuxuu dhalay: (1) Kinaanatu bin Khuzaymata كنانة \بن خزيمة. (2) Asad bin Khuzaymata\أسد بن خزيمة. (3) Asadatu bin Khuzaymata\أسدة بن خزيمة. (4) Al Hawnu bin Khuzaymataالهون بن خزيمة 244 Khuzaymatu خزيمةwalaalihiisa Khuzaymatu bin Mudrikata خزيمة بن مدركةwaxaa la dhashay nin la yiraahdo Huthayl (waa tha dhibic kor ku leh oo deel ku xigah) bin Mudrikata\ هذيل بن مدركة, hooyadoodna waa haweeney qabiilka Qudaaca\ قضاعةu dhalatay oo la yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah bin Nizaar\ سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار. Mudrikatu\مدركة Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo tobnaad waa Mudrikatu bin Ilyaas\ مدركة بن إلياس, hooyadiisna waa Khindif bintu Cimraan bin Al Xaaf bin Qudaacah\خندف بنت عمران بن الحاف بن قضاعة, haweeney reer Yaman\ يمنah, koofaartiisuna waa Abuu Huthayl\ أبوهذيلama Abuu Khuzaymah\أبوخزيمة. Mudrikah\ مدركةwaa koofaar, magaciisuna waa Caamir\عامر. Sida Mudrikah\ مدركةloogu bixiyay waxay ahayd sidatan: isaga iyo walaalkiis Dhaabikhata\ طابخةoo geel la jira ayay ugaar soo qabsadeen, markaasey karsadeen. Intay hilbaha karsamayeen oo ay dul fadhiyeen ayaa col geelooda soo weerary oo la tegey. Markaasuu walaalkiis oo magaciisu ahaa Camr\ عمروwuxuu Caamir\ عامرku yiri: "ma geela ayaad gaareysaa oo aad ka daba tegeysaa, mase ugaartaan ayaad noo karineysaa?" Markaasuu Caamir عامرwuxuu yiri: "Geela ayaan ka daba tegayaa oo aan gaarayaa". Markaasuu inta ka daba tegey oo uu gaaray geelii soo dhiciyay. Markaasaa markay aabohood uga warrameen siday wax u dheceen, wuxuu u bixiyay Mudrikatu مدركةoo macneheedu yahay kii inta ka daba tegey gaaray, walaalkiis Camr-na\عمرو oo ugaarta kariskeeda ku haray wuxuu u bixiyay Dhaabikhatu\ طابخةoo ah midkii kariyay. Mudrika مدركةgeerida aabihiis kaddib, isagaa hoggaamiyaha tolkiis reer Mudar\ مضرnoqday. Reer Mudar\ مضرwaxay jeclaayeen inay Maamulka Guriga ilmo adeerradood Iyaad \ إيادkala wareegaan, markaasey Mudrikah مدركةku boorriyeen inuu gacantooda ka bixiyo oo uu ayaga u wareejiyo. Laakiin Mudrikah مدركةwuxuu ahaa nin suuban oo saalix ah, necebna xadgudubka iyo coolaadda, markaasuusan hadalka tolkiis dheg u raaricin, ayadoo uu Maamulku ku jiro gacanta ilma adeerradood reer Iyaad\إياد, oo ah dad fiican, Xaramkana xaqqiisa u oofiya. Mudrikah مدركةwuxuu necbaa inuu diinta u adeegsado oo uu ka dhigto hub uu tolkiis masaalix adduun ugu soo jiido. Markaasuu kacdoonka tolkiis damiyay, xaaladdoodoo sidaas ah ayuuna Mudrikah مدركةdhintay. 245 Mudrikatu مدركةilmihiisa Mudrikah bin Ilyaas\ مدركة بن إلياسwuxuu dhalay labada nin kala ah: (1) Khuzaymatu bin Mudrikata\خزيمة بن مدركة. (2) Huthayl bin Mudrikata\هذيل بن مدركة, labadoodana waxaa dhashay haweeney Qudaacah\ قضاعةu dhalatay, oo la yiri waa Salmaa bintu Asad bin Rabiicah bin Nizaar\ سلمى بنت أسد بن ربيعة بن نزار. Mudrikatu مدركةwalaalihiisa Mudrikah مدركةaabihiis Ilyaas wuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Mudrikatu bin Ilyaas\مدركة بن إلياس. (2) Dhaabikhata bin Ilyaas\طابخة بن إلياس. (3) Qamacatu bin Ilyaas قمعة بن \إلياس. Saddexdoodaba waxaa dhashay haweeney reer Yaman\ يمنah oo la yiraahdo Khindif\خندف, magaceeduna ahaa Laylaa\ليلى, ayada hooyadeedna Dariyyatu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bintu Rabiicah bin Nizaar\ضرية بنت ربيعة بن نزار. Khindif\ خندفwaxaa loogu bixiyay ayadoo socod boobi jirtay, oo Al Khandafatu \ الخندفةwaa boobidda socodka. Ayadoo socod dheereeneysa ayay caruurteeda aabohood Ilyaas \ إلياسu timid, markaasuu ku yiri: "Maxaad la socod boobeysaa?" Markaasaa Khindif\ خندفloo bixiyay. Khindif\ خندفmarkuu ninkeeda Ilyaas إلياسdhintay, way tiiraanyootay, oo ay boyday oo ay barooratay, oo ay markaas arliga cageheeda ku martay, ayadoo u ooyeysa, ilaa ay tiiraanyo iyo calool xumo uga dhimatay. Ilyaas إلياسwuxuu dhintay maalin khamiis ah. Markaasey Khindif\ خندفmarkay maalinta khamiistu soo gasho booyi jirtay maalintaas bilowgeeda ilaa dhammaadkeeda. Tiiraanyadeedaas waxay noqotay wax lagu hadal qabsado marka tiiraanyo wayn la tilmaamayo. Markuu Ilyaas إلياسdhintay, Khindif\ خندفway iska tagtay oo ay arliga cagteeda ku martay, wiilasheediina ay ka tagtay. Markaasaa markuu dadku arko caruurtaas, ayay u naxariistaan oo waxay yiraahdaan: "Waa wiilashii Khindif\ خندفay ka tagtay ayagoo yaryar oo agoon ah." Markaasaa wiilashii waxaa loo bixiyay Banii Khindif\بني حندف, oo ah dasha Khindif\خندف. Ilyaasإلياس Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo tobnaad waa Ilyaas bin Mudar\( إلياس بن مضرwaa daad dhibic kor ku leh), hooyadiisna waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin Cadnaan\الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان. 246 Waxaa la yiri inuu magacaasi ka yimid Al Alsu\ األلسoo ah dhakridda. Waxaa kaloo la yiri bal wuxuu ka yimid Alyasu\ اليسoo ah geesiga aan cararin. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ka yimid Al Ya'su\ اليأسoo ah quusashada iyo rajo beelka, isagoo dashay kaddib markuu aabihiis gaboobay oo uu caruur ka quustay, kana rajo dhigay. Waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فإنه كان مؤمنا،"ال تسبوا إلياس "Laa tasubbuu Ilyaasa, fa innahu kaana Mu'minan", oo macnihiisu yahay: "Ha caayina Ilyaas إلياس, oo isagu wuxuu ahaa mu'min". Waxaa wariyay ibnu Sacad\إبن سعد, kuna wariyay Al Dhabaqaatu\ الطبقات1/1/30. Ilyaas bin Mudar\ إلياس بن مضرwuxuu ahaa ninka ugu horreeyey oo Kacbada geel Hadyi\هدي ah u hibeeyey, geelaas kuruskiisana dhinac ka dillaaciyay, oo uu sidaas dhiiggu uga dureerayo, si uu calaamad ugu noqdo in Kacbada loo hibeeyey. Ilyaas إلياسwuxuu ahaa nin adduunkaan ka kaaftoomay, doonayna waxa Ilaahay agtiisa yaalla. Ilyaas bin Mudar\ إلياس بن مضرwuxuu ahaa nin mu'min ah oo toosan, wuxuuna lahaa xikmooyin ballaaran, wuxuuna tolkiisa dhexdiisa ku ahaa siduu Luqmaan Al Xakiim\لقمان الحكيم dadkiisa dhexdiisa ku ahaa oo kale. Ilyaas إلياسxikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa: "Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa, qofka sharr abuurtana shallayti ayuu goostaa." Ilyaas إلياسwuxuu reer Makkah\ مكةkala dagaallami jiray inay dariiqa toosan ka leexdaan. Markuu Ilyaas إلياسdhintayna, haweentiisa Khindif\ خندفdabadiis ayay calool xumo iyo tiiraanyo u dhimatay. Ilyaas إلياسilmihiisa Ilyaas bin Mudar إلياس بن مضرwuxuu dhalay saddex nin oo kala ah: (1) Mudrikatu bin Ilyaas \ مدركة بن إلياسoo magaciisu Caamir\ عامرyahay. (2) Dhaabikhatu bin Ilyaas\طابخة بن إلياس, oo magaciisu Camr\ عمروyahay. (3) Qamcata bin Ilyaas\قمعة بن إلياس. Saddexdaas nin hooyadood waxay ahayd Khindif bintu Cimraan bin Ilxaaf bin Qudaacah\ خندف بنت عمران بن الحاف بن قضاعة. Ilyaas إلياسwalaalihiisa Ilyaas إلياسaabihiis Mudar bin Nizaar\ مضر بن نزارwuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1) Ilyaas bin Mudar إلياس بن مضر. (2) Caylaan bin Mudar\عيالن بن مضر. Caylaan\ عيالنwaxaa la yiri wuxuu ahaa faras uu Mudar\ مضرlahaa oo loogu magac daray. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ahaa ey uu lahaa. Waxaa la yiri in Caylaan Al Naasu\ عيالن الناسoo ah dadka la oran jiray, 247 walaalkiisna Ilyaas إلياس. Labadaas nin hooyadooda dhashay waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin Cadnaan\ الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان. Mudarمضر Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo tobnaad waa Mudar (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Nizaar\مضر بن نزار, hooyadiisna waa Sawdata bintu Cakk bin Cadnaan\سودة بنت عك بن عدنان. Mudar مضرwaa naaneys, magaciisuna waa Camr\عمرو. Mudar مضرmacnihiisu waxaa weeye saafi, cad, oo caddaantiisa loogu bixiyay. Eraygu wuxuu ka yimid Mudaar\مضار, oo ah caanaha garoorka ama karuurka ah. Mudar مضرwaxaa kaloo la yiraahdaa Mudaru Al Xamraa'u\ مضر الحمراءoo Carabtu qofka cad waxay tiraahdaa axmar\أحمر, oo guduudane ah. Waxaa kaloo la yiri in Mudaru Al Axmaru \ مضر األحمرloogu bixiyay ayadoo uu aabihiis Nizaar\ نزارuga dardaarmay oo la siiyay khaymad guduudan oo uu lahaa saanna ka sameysneyd, walaalkiis Rabiicahna \ ربيعةuu faras uga dardaarmay, markaasaa loo kala bixiyay Mudar Al Xamraa'u مضر الحمراءiyo Rabiicatu Al Faras\ربيعة الفرس. Mudar مضرisagoo hashiisa saaran ayuu ka dhacay, markaasu gacan wax ka noqday. Markaasuu hashii markay sii socotay ayuu daba socday isagoo xanuunka gacanta ka haya ka cataabaya, wuxuuna ahaa nin aad u cod qurxoon, wuxuuna catawgiisu ahaa isagoo leh Waa yadayyaah waa yadayyaah!وايداه!وايداه, oo ah gacanteydey gacanteydey, uuna hadalkaas kusoo celcelinayo, sida hees oo kalena ugu luqeynayo. Markaasuu geelii istaagay, oo uu xaggiisa usoo jeestay. Taas ayaa waxay ahayd asalka iyo markii ugu horreysey oo geela loo heeso, oo marka loo heesana uu socod dheereeyo, oo geelu heesta waa jecelyahay, waana ku firfircoonaadaa. Al Daylamii\ الديلميwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فإنهما كانا مؤمنين،"ال تسبوا مضر وال ربيعة "Laa tasubbuu Mudara wa laa Rabiicata, fa innahumaa kaanaa mu'minayni", oo macneheedu yahay: "Ha caayina Mudar مضرiyo Rabiicata\ربيعة, oo waxay ahaayeen laba mu'min." Mudarمضر, sidaan Kitaabkeyga Qusayy ugu soo warbixinnay, wuxuu ka qayb galay xarbiga Jurham\ جرهمMakkah\ مكةlooga saaray markay xurmadii Xaramka ku xadgudbeen. 248 Mudar مضرwuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arka oo aan jecleysan. Xikmooyinkiisa waxaa ka mid ahaa: "Khayr kan ugu khayr badan waa kan degdeg loo sameeyo. Sidaas daraadeed, naftiinna ku xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkeeda fasaadinaya. Suubanaanta iyo fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa (waqti ahaan la mid ah) laba jeer oo xoolaha la maalo." Mudar\ مضرilmihiisa Mudar bin Nazaar\ مضر بن نزارwuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1) Ilyaas bin Mudar إلياس \بن مضر. (2) Caylaan bin Mudar\عيالن, hooyadoodna waa Al Ribaabu bintu Xaydata bin Macadd bin Cadnaan الرباب بنت حيدة بن معد بن عدنان. Mudar مضرwalaalihiisa Mudar مضرaabihiis Nizaar bin Macadd\ نزار بن معدwuxuu dhalay afar nin oo kala ah: (1) Mudar bin Nizaar\مضر بن نزار. (2) Rabiicatu bin Nizaar\ربيعة بن نزار. (3) Anmaar bin Nizaar \أنمار بن نزار. (4) Iyaad bin Nizaar\إياد بن نزار. Mudar مضرiyo Iyaad\ إيادhooyadood waa Sawdatu bintu Cakk bin Cadnaan. Rabiicatu iyo Anmaar hooyadoodna waa Shuqayqatu bintu Cakk bin Cadnaan\ سودة بنت عك بن عدنان, waxaana kaloo la yiri waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan\جمعة بنت عك بن عدنان. Anmaar bin Nizaar\ أنمار بن نزارwaxaa ka farcamay qabaa'iilka la kala yiraahdo Khathcam\خثعم (waa tha saddex dhibcood kor ku leh) iyo Bajiilata\بجيلة. Anmaar\ أنمارwuxuu ka yimid nimiriga badda, haweenta caruurtaas u dhashayna waxaa la yiraahdaa Bajiilatu bintu Sacb (waa saad) bin Sacd Al Cashiirataبجيلة بنت صعب بن سعد العشيرة. Haweeney kalena waxay u dhashay wiil la yiraahdo Iftalu bin Anmaar\إفتل بن أنمار, kanoo ah Kathcam\خثعم. Haweeney la yiraahdo Cabqara عبقرةwaxay u dhashay shan iyo toban nin oo ay ka farcameen qabaa'ilka kala ah, oo raggaas ku abtirsada: Wadaacah\وداعة, Khuzaymah\خزيمة, Suhaybah\( صهيبةwaa saad), Al Xaarithu\الحارث, Maalik\مالك, Shaybatu\شيبة, Dhariifatu\طريفة, Fahmun\فهم, Al Ghawthu\( الغوثwaa tha saddex dhibcood kor ku leh), Sahal\سهل, Cabqar\عبقر, Ash-hal\أشهل, oo dhammaantood ilmo Anmaar\ أنمارah. Waxaa la yiri Bajiilah\ بجيلةwaxay ahayd haweeney Xabashiyad ah oo ilmaha Anmaar \ أنمارoo aan soo magacawnay xannaaneyn jirtay, taasoo aan soo xannaaneyn wiilkiisa Aftalu\ أفتلoo aan sidaas ayada loo nisbeyn, midkaanoo uu qabiilka Khatcam\ خثعمka farcamay. Al Tarmithii\ الترمذيwuxuu Farwatu bin Musayk\ فروة بن مسيكka wariyay in markuu Ilaahay Saba'\ سبأwixii uu kusoo dejiyay uu Quraan kasoo dejiyay (oo ahaa burburka biyo xireenkii Carim\ عرمiyo dalkoodiiba), ayuu nin wuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Saba'\ سبأwaa maxay: ma haweeneybaa mase arli?" 249 Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: فأما الذين. وتشأم أربعة، فتيمن منهم ستة، ولكنه رجل ولد عشرة من العرب،"ليس بامرأة وال أرض , وكندة/ ومذحج، وحمير، واألشعرون، وأما الذين تيمنوا فاألزد. وغسان، وعميلة، وجذام، فلخم:تشأموا ".وأنمار "Laysa bi imra'atin wa laa ardin, wa laakinnahu rajulun walada cashratan mina Al Carabi, fa tayammana minhum sitatun, wa tashaa'ama arbacatun. Fa ammaa allathiina tashaa'amuu: fa lakhmun, wa Juthaam, wa Caamilatu, wa Ghassaan. Wa ammaa allathiina tayaamanuu fa Al Azdu, wa Al Ashcaruuna, wa Ximyar, wa Mathxij, wa Kindatu, wa Anmaar". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "(Saba'\ )سبأHaweeney iyo arli midna ma aha, waase nin dhalay toban nin oo Carab ah, kuwaasoo ay lix ka mid ihi Yaman\ يمنaadeen oo ay degeen, afarna ay Shaam \ الشامaadeen oo ay degeen. Kuwa Shaam\ الشامaaday oo degey waxay yihiin: Lakhm\ لخمiyo Juthaam\( جذامwaa thaal dhibic kor ku leh oo deel ku xigah)(Waana qabiilka uu Nabi Ciise \عيسى, Calayhissalaamu ka guursan doono markuu Samada kasoo dego) iyo Caamilatu\ عميلةiyo Ghassaan\غسان. Kuwa Yaman\ يمنaaday oo degeyna waa Al Azdu\ األزدiyo Al Ashcaruuna األشعرونiyo Ximyar\ حميرiyo Mathxij\ مذحجiyo Kindatu\ كندةiyo Anmaar\"أنمار. Markaasuu ninkii wuxuu yiri: "Anmaarna\ أنمارmuxuu yahay?" Wuxxu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."الذين منهم خثعم وبجيلة "Allathiina minhum Khathcam wa Bajiilah", oo ah: "Waa kuwa ay ka tirsan yihiin Khathcam\ خثعمiyo Bajiilah\بجيلة." Raggaas oo idil qabaa'il magacdooda sita ayaa ka wada farcamay. Waana Xadiithka saddex kun iyo laba boqol iyo labaatan ee Al Tarmithii\الترمذي. Nizaar\نزار Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo tobnaad waa Nizaar bin Macadd\نزار بن معد, koofaartiisuna waa Abuu Iyaad\أبوإياد, waxaana kaloo la yiri waa Abuu Rabiicah\أبوربيعة. Nizaar\ نزارhooyadiis waa Mucaanatu bintu Jawshaan Al Jurhamii\معانة بنت جوشان الجرهمي. Magaca Nizaar\ نزارwuxuu ka yimid Al Nazri\ النزرoo ah: wax yar ama naadir ah, sababta loogu bixiyayna ay ahayd sidatan. Nizaar\ نزارaabihiis Macadd bin Cadnaan\معد بن عدنان markuu wiilku u dhashay ayuu dhugtay oo uu wajiga wiilka iyo labadiisa indhooda dhexdooda nuur ku arkay, kaasoo ah nuurka Nabinnimada, oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi 250 Wasallam, aabayaalkiis isaga gudbi jiray, oo uu aabe walba wiilkiisa u gudbin jiray ilaa uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu soo wareegay. Nizaar aabihiis markuu nuurkaas arkay aad ayuu u farxay, markaasuu xoolo qalay oo uu dadkana cunno siiyay, kaddibna uu yiri: "Waxaan oo dhan waa wax yar (nazrun\ )نزرmarka loo fiiriyo xaqqa wiilkaan dhashay." Sidaas ayaa Nizaar\ نزارloogu bixiyay. Macadd معدwuxuu wiilkiisa Nizaar نزارbaray Fiqiga Islaamka iyo Diinta, wuxuuna u diyaariyay inuu qabto Maamulka Kacbada. Dardaaranka Nizaar نزارee wiilashiisa Markay geeridu u timid, Nizzar bin Macadd نزار بن معدwuxuu isugu yeeray wiilashiisa Mudar \ مضرiyo Rabiicah\ ربيعةiyo Iyaad\ إيادiyo Anmaar\أنمار, wuxuuna ku yiri: "Maamulka Kacbada waxaa iska leh Iyaad\إياد, Jurhamna\ جرهمMakkah\ مكةka saara ayadoo uu dulligoodu batay. Khaymaddaan guduudanna oo saanta ka sameysan iyo inta la midka ah ee maalka waxaa iska leh Mudar\مضر. Tobankaan kun oo Dirham (haathihi al badrati\)هذا البدرة iyo majliskaan-na waxaa iska leh Anmaar\أنمار. Faraskaan madow iyo khaymadda madawna iyo inta la midka ahba ee maalka waxaa iska leh Rabiicah \ربيعة. Khaadimaddaan (haweeney u adeegi jirtay) midabkeedu boorka u egyahay iyo inta la midka ah ee maalkeygana waxaa iska leh Iyaad\إياد. Hadduu idiin caddaan waayo oo uu shaki idinka galo sidaad maalka u qaybsan lahaydeenna waxaad u tagtaan faaliyaha Al Jurhamii\ الجرهميoo Najraan\ نجرانdeggan. Markuu Nizaar نزارdhintay ayay wiilashiisii dhaxalka sida loo qaybsan lahaa ku heshiin waayeen. Markaasey waxay aadeen faaliyaha aabohood u tilmaamay oo Yaman \ يمنdegganaa, ahaana xaakinka iyo qaalliga Carabta. Intay dariiqa ku sii jireen ayuu Mudar مضرwuxuu arkay rati raadkiisa halkaas daaqay, markaasuu wuxuu yiri: "Halkaan waxaa daaqay rati cawar ah, oo il kaliya leh". Markaasuu Rabiicah\ ربيعةwuxuu yiri: "Waa Rati dhutiya". Markaasuu Iyaad\ إيادwuxuu yiri: "Waa rati sayn go'an." Markaasuu Anmaar\ أنمارwuxuu yiri: "Waa rati baadi ah." Markay cabbaar socdeen, ayaa waxaa ka hor yimid nin oo weydiiyay: "Miyaad aragteen rati iga soo baadiyoobay?" Markaasuu Mudar مضرwuxuu yiri: "Ma cawar baa?" Ninkii wuxuu yiri: "Haa". 251 Rabiicahna\ ربيعةwuxuu yiri: "Ma rati dhutinayaa?" Wuxuu yiri: "Haa". Iyaadna\ إيادwuxuu yiri: "Ma rati sayn go'an baa?" Wuxuu yiri: "Haa". Anmaarna\ أنمارwuxuu yiri: "Ma rati baadi ah baa?" Wuxuu yiri: "Haa". Markaasuu ninkii intuu farxay ayuu wuxuu yiri: "Tilmaamahaasi waa tilmaamaha ratigeyga ee mee?" Markaasey kulligood waxay yiraahdeen: "Ma aanan arag". Ninkii ragga wuu ka shakiyay, wuxuuna yiri: "Sideebeydnaan u arag adinkoo tilmaamihiisa iigu tilmaamay?" Waxay yiraahdeen: "Waxaan ku niri ma aanan arag". Markaasey xagga faaliyihii Al Jurhamii\ الجرهميsii aadeen, isagoo ninkiina uu raadkooda ku joogo. Markay Najraan\ نجرانgaleen oo ay guriga Al Jurhamii\ الجرهميgaleen, ayuu ninkiina guriga ka daba galay, oo uu qaalligaas uga dacwooday raggaas ratigiisa u tilmaamay, kaddibna indhohoodu waxay arkeen oo ay tilmaameen beeniyay, wuxuuna yiri: "Raggaan waxay qaateen ratigeyga, oo intay tilmaamihiisa iigu tilmaameen ayay hadana yiraahdeen ma aanan arag." Markaasuu qaaligu xagga Mudar مضرu jeestay oo uu indhihiisa indhaha u saaray oo uu yiri: "Sidee baad u ogaatay inuu cawar yahay?" Mudar مضرwuxuu yiri: "Wuxuu daaqay dhinac, dhinaca kalena wuu ka tegey, markaasaan ogaaday inuu cawar yahay." Markaasuu Rabiicah\ ربيعةu jeestay oo uu ku yiri: "Sidee baad ku ogaatay inuu dhutinayo?" Rabiicah\ ربيعةwuxuu yiri: "Waxaan arkay in raadka labada jeeni uu midna dhulka ku sugan yahay, kan kalena uusan raadkiisu si fiican u muuqan, markaasaan ogaaday inay sababta uu la muuqan waayey ay tahay xoogga uu dhulka ugu dhuftay." Markaasuu wuxuu Iyaad\ إيادku yiri: "Sidee baad ku ogaatay inuu ratigu sayn go'an yahay?" Iyaad\ إيادwuxuu yiri: "Waxaan ka ogaaday siday saaladiisu isu haysato, oo hadduu sayn lahaan lahaa wuu dhaqdhaqaajin lahaa oo uu saalada kala firdhin lahaa." Markaasuu Anmaar\ أنمارwuxuu ku yiri: "Sidee baad ku ogaatay inuu baadi yahay?" 252 Wuxuu yiri: "Wuxuu daaqay meesha baadka iyo dhirta yar, umana uusan gudbin meesha ka daaq badan." Markaasuu qaalligii wuxuu ujeestay ninkii ratiga lahaa, wuxuuna ku yiri: "Raggaani ma ayan qaadan ratigaaga, ee raadso", ninkiina waa iska tegey isagoo la yaaban inayan ratigiisa arkin, ayna isla markaas siduu ahaa u tilmaameen. Ilmo Nizaar\ نزارiyo Al Jurhamii\الجرهمي Markaas kaddib ayuu faaliyihii intuu ragga u jeestay ayuu wuxuu yiri: "Yaad tihiin?" Waxay yiraahdeen: "Waxaan nahay wiilasha Nizaar bin Macadd bin Cadnaan\نزار بن معد بن عدنان." Markaasuu faaliyihii soo dhoweeyey oo uu yiri: "Soo dhowaada oo ehelkiin ayaad u timaaddeen, maxaana noo kiin keenay oo aad dooneysaan?" Waxay yiraahdeen: "Aabeheen ayaa markuu dhimanayey wuxuu na yiri: "hadduu shaki idinka galo sidaad maalkeyga u qaybsan lahaydeen, oo aad isku khilaaftaan, u taga faaliyaha Al Jurhamii\الجرهمي." Marka waan isku khilaafnay dhaxalkii, markaasaan kuugu nimid inaad noo kala xukuntid." Markaasuu isagoo yaaban wuxuu yiri: "Ma anigaabad ii baahan tihiin, anigoo waxaan idinka arkayba idinka arkay?" Markaasuu faaliyihii kacay oo uu ri u qalay, cunnana u sameeyey, khamro ay cabbaanna u keenay. Kaddibna wuxuu fariistay meel aan ayaga ka fogayn oo uu hadalkooda ka maqli karo, ayaguse ayan isaga u jeedin. Markaasey cunnadiina cuneen, khamradiina cabbeen. Markaasuu Rabiicah\ ربيعةwuxuu yiri: "Hilibka maanta mid ka fiican hore uma arag, haddayan ahaan lahayn in rida caano ey lagu koriyay". Kaddibna Mudar\ مضرayaa wuxuu yiri: "Khamradaan oo kale hore uma arag, hadayan ahaan lahayn in geedka canabka oo laga soo miiray uusan qabri ka kor bixi lahayn." Markaasuu faaliyihii isla hadlay oo uu yiri: "Kuwaani waxaan shayaadhiin ahayn ma aha." Markaasuu wuxuu u tegey haweeneydii khamrada sameysay, wuxuuna ku yiri: "Khabarka khamradaan ii sheeg". Waxay tiri: "Geedkeedu wuxuu ka baxay qabriga aabahaa dushiisa". 253 Kaddib faaliyihii wuxuu u tegey ari jirkii uu rida kasoo gatay, markuu arrinka ridaas weydiiyayna wuxuu ku yiri: "Waxay ahayd waxar aan caano ey ku koriyay, ayadoo ayan waxaro kale ariga ku jirin (oo ay hooyadeeda la nuugto), ayada hooyadeedna ay dhimatay." Faaliyihii wuxuu usoo noqday ilmo Nizaar\ نزار, wuxuuna Rabiicah\ ربيعةku yiri: "Sideebaad hilibka ku ogaatay?" Rabiicah\ ربيعةwuxuu yiri: "Hilibka eygu baruurtiisa waa ka korreeyaa, taasoo ka duwan hilibka ri'da oo ay baruurteedu hilibkeeda ka korreyso." Faaliyihii wuxuu Mudar\ مضرku yiri: "Sideebaad khamrada ku ogaatay?" Mudarna\ نزارwuxuu yiri: "Geedka canabku hadduu qabri dushiisa ka baxo khamradiisu waa ka khafiifsan tahay kuwa kale, oo siday khamrada kale qofka u saameyso tani uma saameyso." Markaasuu faaliyihii, intuu si fiican u fariistay, ayuu wuxuu ku yiri: "Dantaad iigu timaaaddeen ii sheega." Markaasey dardaaranka aabohood Nizaar bin Macadd\ نزار بن معدuga warrameen. Markuu maqlay arrinkooda ayuu faaliyihii wuxuu yiri: "Maalka intiisa khaymadda guduudan la midka ah waxaa leh Mudar \مضر. Ninka khaymadda madow la siiyay wuxuu leeyahay inta madow oo maalka ka mid ah. Lacagta iyo dhulkana waxaa iska leh Anmaar\أنمار." Markaasey ilmo Nizaar\ نزارka gaddoomeen oo ay Makkah\ مكةusoo noqdeen, maalkiina ay u qaybsadeen sidatan: Mudar مضرwuxuu qaatay lacagtii Diinaarka ahayd oo dahabka guduudan ka samaysnayd iyo geela, markaasaa qabiilka Mudar مضرka farcamay waxaa loo bixiyay Mudar Al Xamraa'\مضر الحمراء, oo ah Mudar مضرtii guduudnayd. Rabiicah\ ربيعةwuxuu qaatay faraskii iyo inta la midka ahayd, markaasaa qabiilka ka farcamay loo bixiyay Rabiicah Al Faras\ربيعة الفرس. Anmaar\ أنمارwuxuu qaatay arigii, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Anmaar Al Shaata\أنمار الشاة, oo ah Anmaar\ أنمارriyoole. Iyaad\ إيادwuxuu qaatay ariga midabkiisu cad yahay baro madowna leh iyo fardaha midabkoodu caddaanka iyo madawga isku jira yahay, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Iyaad Al Barqaa'a\ إياد البرقاءoo ah Iyaad\ إيادcaddaan iyo madow isku jira. 254 Nizaar\ نزارilmihiisa Nizaar bin Macadd\ نزار بن معدwuxuu dhalay afar nin oo kala ah: (1) Mudar bin Nizaar مضر بن \نزار. (2) Rabiicatu bin Nizaar\ربيعة بن نزار. (3) Anmaar bin Nizaar\أنمار بن نزار. (4) Iyaad bin Nizaar\إياد بن نزار. Mudar مضرiyo Iyaad\ إيادwaa isku hooyo, hooyadoodna waxaa la yiraahdaa Sawdatu bintu Cakk bin Cadnaan\سودة بنت عك بن عدنان. Rabiicah\ ربيعةiyo Anmaarna\ أنمارwaa isku hooyo, waxaana dhashay Shuqayqatu bintu Cakk bin Cadnaan\شقيقة بنت عك بن عدنان, lana yiri oo kale waa Jumcatu bintu Cakk bin Cadnaan جمعة \بن عك بن عدنان. Nizaar\ نزارwalaalihiisa Nizaar\ نزارaabihiis Macadd bin Cadnaan\ معد بن عدنانwuxuu dhalay: (1) Nizaar bin Macadd \نزار بن معد. (2) Jushamu bin Macadd\جشم بن معد. (3) Silhimu bin Macadd\سلهم بن معد. (4) Junaadatu bin Macadd\جنادة بن معد. (5) Qunaasatu (waa saad) bin Macadd\قناصة بن معد. (6) Qanasu (waa saad) bin Macadd\قنص بن معد. (7) Sanaamu bin Macadd\سنام بم معد. (8) Cawf bin Macadd\ عوف بن معدoo cirib go'ay. (9) Xaydaanu bin Macadd\ حيدان بن معدoo qabiilka Qudaacah \ قضاعةka mid ah. (10) Awdu bin Macadd\أود بن معد. (11) Qudaacatu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Macadd\قضاعة بن معد, oo Yaman\ يمنdegay. (12) Qunusa (waa saad) bin Macadd\قنص بن معد, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al Nucmaanu bin Al Munthir\النعمان بن مامنذر, Boqorkii Al Xiirata\الحيرة. (13) Iyaada bin Macadd\إياد بن معد. Macaddمعد Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo tobnaad waa Macadd bin Cadnaan\معد بن عدنان, koofaartiisuna waa Abuu Qudaacah\ أبوقضاعةama Abuu Nizaar\أبونزار, hooyadiisna waa Mahdadu bintu Al Lahmi bin Xajab bin Jadiis مهدد بنت اللهم بن \حجب بن جديس. Macadd معدsaddex macno ayaa lagu sheegay, oo kala ah: (1) Al caddi\ العدoo ah tirinta; (2) Macada fii al ardi\ معد في األرضoo ah dhulka ayuu fasaadiyay iyo (3) Al Macaddayni\ المعدينoo ah barta ay cagaha ninka faraska fuushani ay faraska ka taabanayaan, kana yimid Al Macdu\ المعدoo ah xoogga, oo halkaas ayayba al maciddatu\ المعدةka timid oo caloosha ah. Macadd معدwuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uuna kula dagaallamayo ubadka Ismaaciil\إسماعيل, Calayhissalaamu, lamana arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadan. Macadd معدwuxuu Al Multazam\ الملتزمoo albaabka Kacbada iyo Xajarul Aswadka\الحجر األسود inta u dhexeysa ah caruurta ku bari jiray sida wax loo dhigo, isagaana dhigidda farta Carabiga dhammaystiray. 255 Macadd معدilmihiisa Macadd bin Cadnaan\ معد بن عدنانwuxuu dhalay: (1) Nizaar bin Macadd\ نزار بن معد. (2) Jushamu bin Macadd\جشم بن معد. (3) Silhimu bin Macadd\سلهم بن معد. (4) Junaadatu bin Macadd\جنادة بن معد. (5) Qunaasatu (waa saad) bin Macadd\قناصة بن معد. (6) Qanasu (waa saad) bin Macadd\قنص بن معد. (7) Sanaamu bin Macadd\سنام بم معد. (8) Cawf bin Macadd\عوف بن معد oo cirib go'ay. (9) Xaydaanu bin Macadd\ حيدان بن معدoo qabiilka Qudaacah\ قضاعةka mid ah. (10) Awdu bin Macadd\أود بن معد. (11) Qudaacatu (waa daad dhibic kor ku leh oo saad ku xigah) bin Macadd\قضاعة بن معد, oo Yaman\ يمنdegay. (12) Qunusa (waa saad) bin Macadd قنص \بن معد, waana cirib go'een, waxaana ka dhashay Al Nucmaanu bin Al Munthir\النعمان بن مامنذر, Boqorkii Al Xiirata\الحيرة. (13) Iyaada bin Macaddإياد بن معد Macadd\ معدwalaalihiisa Macadd\ معدaabihiis Cadnaan\ عدنانwuxuu dhalay laba nin oo kala ah: (1) Macadd bin Cadnaanمعد بن عدنان, oo aan kasoo warbixinnay, Makkahna\ مكةdegay, iyo (2) Cakk bin Cadnaan\ عك بن عدنانoo Yaman\ يمنdegay, kana guursaday qabiilka Ashcariyyiinta\األشعريين. Cadnaanعدنان Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labaatanaad waa Cadnaan عدنان. Erayga Cadnaan عدنانwuxuu ka yimid Cadana\ عدنoo ah waa degay oo ku nagaaday oo ku waaray. Sidaas daraadeed ayaa magaalada Cadan\ عدنoo Yaman\ يمنku taalla Cadan\عدن loogu bixiyay ayadoo ay halkaas ilmihii Nabi Adan\آدم, Calayhissalaamu, degeen. Cadnaan عدنانkoofaartiisu waa Abuu Macadd\أبومعد, hooyadiisna waa Balhaa'u bintu Yacrib bin Qaxdhaan\بلهاء بنت يعرب بن قحطان. Qaxdhaan\ قحطانmagaciisuna waa Mihzam\مهزم. Cadnaan عدنانwaa awoowaha ay Carabi kasii farcantay. Cadnaan عدنانdagaalkuu Bukhtanassar\ بختنصرla galay ayaan Siiradaan uga warbixinnay. Tawfiiqdana Allaha na waafajiyo. Cadnaan عدنانilmihiisa Cadnaan عدنانwuxuu dhalay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Macadd bin Cadnaan معد بن عدنانiyo (2) Cakk bin Cadnaan\عك بن عدنان. Cadnaan عدنانwalaalihiisa Cadnaan عدنانwaxaa la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo: (1) Nabtu\ نبتiyo (2) Camr\عمرو. 256 Udd\ أدilaa Nabi Aadan\ آدمCalayhissalaamu (21) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo labaatnaad waa Udd\أد, lana yiri waa Udada\أدد, oo Cadnaan\ عدنانwaa ina Udd\أد, hooyadiisna waa Al Nacjaa'u bintu Camr bin Tubbac\النعجة بنت عمرو بن تبع. (22) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labo iyo labaatanaad waa Muqawwim\مقوم, oo Udd\ أدwaa ina Muqawwim\مقوم. (23) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo labaatanaad waa Naaxuur\ناحور, oo Muqawwin\ مقومwaa ina Naxuur\ناحور. (24) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo labaatanaad waa Tayrax\تيرح, oo Naaxuur\ ناحورwaa ina Tayrax\تيرح. (25) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo labaatanaad waa Yacrub\يعرب, oo Tayrax\ تيرحwaa ina Yacrub\يعرب. (26) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo labaatanaad waa Yashjub\يشجب, oo Yacrub\ يعربwaa ina Yashjub\يشجب. (27) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo labaatanaad waa Naabit\نابت, oo Yashjub\ يشجبwaa ina Naabit\نابت. (28) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo labaatanaad waa Nabi Ismaaciil\إسماعيل, Calayhissalaamu, oo Naabit \ نابتoo waa ina Ismaaciilإسماعيل, hooyadiisna waa Haajar\هاجر, Allaha raalli ka noqdee. Nabi Ismaaciil إسماعيلwuxuu noolaa saddex kun iyo saddex boqol iyo sideetan sano Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalashadiisa ka hor. (29) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, awoowihiisa sagaal iyo labaatanaad waa Nabi Ibraahiim \إبراهيم, Calayhissalaamu, oo Ismaaciil إسماعيلwaa ina Ibraahiim إبراهيم. Nabi Ibraahiim إبراهيمiyo Nabi Nuux\ نوحwaxaa u dhexeeyey kun sano, wuxuuna noolaa saddex kun iyo afar boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ibraahiim إبراهيمwuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdo Uur\ أورee Ciraaq\ عراقku taalla, wuxuuna ku dhintay oo lagu duugay magaalada arliga Falasdhiin \ فلسطينku taalla oo la yiraahdo Al Khaliil\ الخليلama Xabruun\حبرون. Ibraahiim إبراهيمwaxaa kaloo la yiraahdaa Aabaha Anbiyada, oo inta Nabi oo isaga ka dambeysey isagaa dhalay oo ay ku abtirsadaan, uuna dhammaantodd ugu wayn yahay uguna sharaf badan yahay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan aabahay iyo hooyadey ku furanayo. (30) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa soddonaad waa Aazar\ آزرoo Ibraahiim إبراهيمwaa ina Aazar\آزر. (31) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo soddonaad waa Naaxuur\ ناحورoo Aazar\آزر waa ina Naaxuur\ناحور, magacaanoo ka yimid al naxru oo ah gawricidda. (32) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa laba iyo soddonaad waa Saaruugh\ ساروغoo Naaxuur\ ناحورwaa ina Saaruugh\ساروغ. (33) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo soddonaad waa Raacuu\ راعوoo Saaruugh \ ساروغwaa ina Raacuu\راعو. (34) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo soddonaad waa Faalikh\فالخ, oo Raacuu\ راعوwaa ina Faalikh\فالخ. (35) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo soddonaad waa Caybar\عيبر, oo Faalikh\ فالخwaa ina Caybar\عيبر. (36) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu 257 Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo soddonaad waa Shaalakh\شالخ, oo Caybar\ عيبرwaa ina Shaalakh\شالخ. Shaalakh\ شالخmacnihiisu waa Rasuulka ama Wakiilka. (37) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo soddonaad waa Arfakhshath \( أرفخشذwaa thaal dhibic kor ku leh), oo Shaalakh\ شالخwaa ina Arfakhshath\أرفخشذ. (38) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo soddonaad waa Saam \سام, oo Arfakhshath\ أرفخشذwaa ina Saam\سام. (39) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sagaal iyo soddonaad waa Nabi Nuux\نوح, Calayhissalaamu, oo Saam \ سامwaa ina Nuuxنوح. Waxaa la yiri inuu Nuux نوحmagaciisu ahaa Cabdu Al Ghaffaar\عبد الغفار, Nuux-na نوحloogu bixiyay badnida oohintiisa kaddib markuu dambiga galay oo uu dambigaas ka ooyayo. Nuux نوحiyo Aadan\ آدمwaxaa u dhexeysay kun sano, wuxuuna noolaa afar kun iyo shan boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Nuux نوحwuxuu ku dhashay magaalada la yiraahdoo Shuurbaak\ شورباكoo dalka Ciraaq\عراق ku taalla. Doontuu dhisayna waxay ka kobnayd saddex dabaq, oo dabaqa ugu hooseeya waxaa saarnaa xoolaha nafleyda ah, oo noociiba ay laba ka saarnaayeen mid labood ah iyo mid dhaddig ah. Dabaqa labaad waxaa saarnaa dadkii rumeeyey oo ahaa sideetan nin iyo caruurtooda, oo uu midkood Jurham ahaa. Ubadkii dadkaas oo idil ma ayan tarmin oo waa cirib go'een, banii Aadanka adduunka maanta ku noolna wuxuu ka kooban yahay ubadka saddexdiisii wiil oo kala ahaa Saam \ سامiyo Xaam \ حامiyo Yaafith\( يافثwaa tha saddex dhibcood kor ku leh). Dadka uu ka dhashay oo loo dirayna waxaa la oran jiray Banuu Raasib\بنوراسب, sida annaga Soomaali naloo yiraahdo oo kale. Dhuufaantu waxay socotay, oo uu cirkana roob ka soo degayey, dhulkana ay biyo kasoo burqanayeen toddoba habeen iyo toddoba maalmood. Waxaa sidaas ku halaagmay oo ku dhintay wixii nafley ahaa oo adduunkaan oo idil iyo qaaradihiisa ku noolaa, intaan ahayn intii doontaas saarneyd, siduu ayadana noo sheegay sharaxa Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiix Al Bukhaarii\فتح الباري بشرح صحيح البخاري, Xadiithka saddex boqol iyo shan iyo soddon sharaxiisa. Waxay ku qaadatay lix bilood iyo toban maalmood inuu dhulku biyahaas ka leqo, oo uu qallalo. Meeshay doontu ku degatay waxaa loo bixiyay magaalada Thamaaniina\قرية ثمانين, oo ah sideetan, ahna tirada dadkii doonta saarnaa, oo ayaduna dalka Ciraaq\ عراقku taalla. Ummadda Nabi Nuux\ نوحayaa ugu horreysey cid gaalowda, oo intii ka horreysey Muslin ayay wada ahaayeen. Dadka Nabi Nuux\ نوحwaxay caabudeen shan sanam, oo siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla هللا \عزوجل, Suuratu Nuux\ سورة نوحnoogu sheegay kala ahaa Waddan\ وداiyo Suwaacan\ سواعاiyo Yaghuutha\( يغوثاwaa tha saddex dhibcood kor ku leh) iyo Yacuuqa\ يعوقاiyo Nasran\ نسرا. Makkata Al Mukarramata مكة المكرمةdadka deggani waxay ahaayeen weligood Muslin waxayna gaalnimadu soo gashay markuu ninka la oran jiray Camr bin Luxayyin bin Qamacata 258 bin Ilyaas Al Kuzaaciyyi \ عمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس الخزاعيoo ahaa madaxa qabiilka Khuzaacah\خزاعة, waqtigay Khuzaacah\ خزاعة, haysay Maamulka Baytka, kaasoo asnaam inta keenay dadka ku amray inay caabudaan, taasoo ku beegnayd saddex boqol oo sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Asnaamtasna waxaa burburiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Ilaahay Makkah\ مكةu furay ee sanadka sideedaad ee Hijrada. Sidaas ay gaalnimadu waxay Makkah\ مكةka jirtay saddex boqol oo sano oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka horreysey. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenkii la dheelmiyay, wuxuu Camr bin Luxayyin\ عمرو بن لحيkusoo arkay Naarta, isagoo foorara oo madixiisuna hooseeyo lugihiisuna korreeyaan oo sankiisa naarta loogu jiidayo, oo wajigiisa ku socda, siduuna Al Bukhaarii\ البخاريugu wariyay Xadiithkiisa mujalladka afaraad bogga laba boqol afar iyo labaatan, Muslim-na\ مسلمkow iyo konton.(40) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afartanaad waa Lamku\لمك, oo Nuux\ نوحwaa ina Lamku\لمك, oo ah ninkii ugu horreeyey cuudka muusikada la tumo tumah. (41) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa kow iyo afartanaad waa Mattuushalakh\متوشلخ, oo Lamku\لمك waa ina Mattuushalakh\متوشلخ, magaca macnihiisuna waxaa weeyey Rasuulkii waa dhintay, isagoo uu aabihiis Akhnuush\ أخنوشRasuul ahaa, Ibnu Isxaaqna\ إبن إسحاقuu yiri waa Nabi Idriis\إدريس, culummada badankooduna ay yiraahdeen inuusan Idriis إدريسnasabka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ku jirin, sidaan ugu arki doonno, haddii Alle idmo, markaan ka warbixineynno Al Israa' wa Al Micraaj \اإلسراء والمعراج, oo markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Idriis إدريسSamada Afaraad kula kulmay wuxuu ku yiri: "Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo walaalka suubanow", oo kuma uusan oran siday Ibraahiim\ إبراهيمiyo Aadan\ آدمku yiraahdeen oo ahayd: "Soo dhowoow Nabiga suubanow iyo wiilkayga suubanow". Idriis إدريسwuxuu kaloo ahaa Nabiga ugu horreeyey oo Aadan آدمka dambeeyey, iyo ninkii ugu horreeyey oo qalin wax ku dhigah. (42) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa labo iyo afartanaad waa Akhnuukh\أخنوخ, oo Mattuushalakh\متوشلخ waa ina Akhnuukh\أخنوخ. (43) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa saddex iyo afartanaad waa Yard\ يردama Yaarid\يارد, oo Akhnuukh\ أخنوخwaa ina Yard\يرد. (44) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa afar iyo afartanaad waa Mahlayil\مهليل, oo Yard\ يردwaa ina Mahlayil\مهليل. (45) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa shan iyo afartanaad waa Qaynan\قينن, oo Mahlayil\ مهليلwaa ina Qaynan\قينن. (46) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa lix iyo afartanaad waa Yaanish\يانش, oo Qaynan\ قيننwaa ina Yaanish\يانش. Yaanish\ يانشmacnihiisu waxaa weeye runlowga, isagaana ahaa ninka ugu horreeya oo geed timireed tallaalah (47) Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa toddoba iyo afartanaad waa Shayth\( شيثwaa tha saddex dhibcood kor ke leh), oo Yaanish \يانش waa ina Shayth\شيث. Shayth\ شيثmacnihiisu waa Alle ku sii, banii Aadanka oo idilna isagay ka farcameen, ayagoo ilmihii kale oo Aadan\ آدمay cirib go'een. (48) Nabi Muxammad, Sallaa 259 Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa sideed iyo afartanaad waa Nabi Aadanآدم, Calayhissalaamu, oo Shayth\ شيثwaa ina Aadan\ آدم. Aadan\ آدمwuxuu noolaa shan kun iyo shan boqol iyo toddobaatan sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markuu Jannada kasoo degay, Aadan\ آدمwuxuu kusoo degay buur la yiraahdo Buuthaa\ بوذاoo Hindiya ku taalla, wuxuuna gacanta ku sitay ul uu geed Jannada ku yaalla kasoo goostay, madaxana waxaa u saarnaa caleemo dhirta Jannada. Taas ayaa u sabab ah, ayaa la yiri, inuu arliga Hindiya u cagaaran yahay oo ay barwaaqo tahay, ayna uga baxaan dhir badan oo udgoon, isagoo Nabi Aadan\ آدمlaftiisu uu udgoonaa. Sidaas ayuu kitaabkii Quraysh ku dhammaaday, wal xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidina wa Mawlaana wa Shafiicanaa Muxammadin Al Nabiyyi Al Ymmiyyi Wa Calaa Aalihi Wa Saxbihi wa man tabicahum bi ixsaanin ilaa yawmiddiini. 260 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Siduu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sharfay Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P. 0. Box 200984 Boston, MA 02120 USA 261 Tusmada Kitaabka Mawduuca 1. Tusmada Kitaabka 2. Araarta dhigaha kitaabka 3. Siduu Ilaahay, Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u sharfay 4. Xadiithka Cabdullaahi bin Camr Al Caasii ee Muslim 5. Asalka biyaha 6. Carshiga 7. Al Llawxu Al Maxfuuthu 8. Xadiithka Al Cirbaadu bin Saariyya 9. Xadiithka Maysaratu Al Fajr ee Axmad 10. Xadiithka Abuu Hurayrah ee Al Tarmathii 11. Xadiithka Sahal bin Saalix Al Hamdaanii 12. Macnaynta Xadiithka Al Subkii 13. Xadiithka Calii ee Ibnu Jariir 14. Xadiithka dhobada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 15. Xadiithka Ibnu Cabbaas ee dhoobadiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 16. Xadiithka Ibnu Dughrubak ee koofaarta Aadan 17. Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii 18. Qalinka 19. Al Llawxu Al Maxfuuthu 20. Al Carshu 21. Xamalatu Al Carshi 22. Al Kursiyyu 23. Malaa'igta 24. Toddobada Samo 25. Toddobada Arli 26. Jannada iyo Naarta 27. Nuurka Basiirada iyo Quluubta iyo Unsiga Mu'miniinta 28. Nuurka Quluubta Mu’miniinta 29. Nuurka Unsiga iyo wehesha 30.Xadiithka Calii bin Abii Dhaalib, Calayhissalaamu 31.Xadiithka Ibnu Cabbaas ee Quraysh 32. Xadiithka Al Tarmathii ee Aadan 33. Ruuxa iyo ku sugnaantiisa jirka Aadan 34. Sida Aadan magacda loo baray 35. Malaa'igta sujuudda lagu amray 36. Sujuudda 37. Malaku Al Mawti 38. Qaybta kale ee Xadiithka sujuudda 39. Abuuridda Xaawo 40. Meesha Xaawo lagu abuuray 41. Meherka Xaawo 42. Geedka Aadan iyo Xaawo laga reebay 43. Xaasidnimada Ibliis 44. Balcamu bin Baacuuraa'a Bogga 261 263 265 265 266 267 268 271 272 272 273 276 279 282 283 285 289 291 291 291 291 291 291 292 292 292 292 292 292 292 295 295 297 298 299 300 302 302 303 305 306 308 310 311 262 45. Intuu Ibliis Ilaahay Caabudayey 46. Ibliis oo albaabka Jannada yimid 47. Ibliis iyo shimbirka jannada 48. Ibliis iyo abeesada 49. Baroorta beenta ah oo ugu horreysey 50. Dhaarta beenta ah oo ugu horreysay 51. Wada hadalka Ilaahay Tacaalaa iyo Aadan iyo soo degiddisa 52 Tawassulka Aadan ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 53. Soo degidda Aadan 54. Aadan iyo Jibriil 55. Dhiigga caadada ee haweenka 56. Boohinta Aadan 57. Ka cunidda geedku ma dambi wayn baa mase mid yar? 58. Xikmada iyo naxarista kasoo degidda Aadan ee Jannada 59. Ilaahay Tacaalaa oo Aadan qalbiga. u qaboojiyay 60. Eryidda Ibliis 61. Deeqaha Aadan la siiyay 62. Sawirnimada Ibliis 63. Suufiyada 64. Ilaahay siduu Adan galladdiisa ugu kaamilay 65. Jannada uu Adan degganaa 66. Jannada lagu waaro 67. Janno adduunkaan ku tiillay 68. Janno kale oo Samada Toddobaad korkeeda ku tiillay 69. Janno ibtilo iyo imtixaan 70. Tawassulka Aadan ee Nabigeenna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 71. Ilmaha Aadan iyo Xaawo 72. Dhimashada Aadan 73. Shiith, ina Aadan 74. Yaanish 75. Xilalka Jibriil, Miikaa’iil, Israafiil iyo Malaku Al Mawti 76. Afarta Waziir ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 77. Taariikh nololeedka dhigaha kitaabka 314 315 315 316 316 316 319 320 320 321 322 324 326 328 329 332 335 336 338 339 340 340 341 342 342 344 349 350 351 352 353 355 357 263 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa ath-thanaa'u li Allaahi, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin, Al Nabiyyi Al Ummiyyi wa Calaa Aalihi wa Saxbihi wa man tabicahum bi iscxsaanin ilaa yawmi al ddiini. وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره.بإحسان إلى يوم الدين .الغافلون Kitaabkaan “Siduu Ilaahay u sharfay Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam” oo toddoba iyo todobaatan qaybood ka kooban, waa kii labaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiirta Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشورiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo tobanka sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf \الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan Hijriga), Al Dhabarii\( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatan Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijrig), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii القاضي اإلمام حسين بن \( محمد بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol iyo lixdan Hijriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii\( اإلمام علي بن برهان الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan Hijriga), Al Qadii Ciyaad\( القاضي عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, oo dhowaan dhintay, iyo Muxammad Ridaa \ محمد رضاiyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam \سيرة إبن هشام, Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفiyo Muxammadun Rasuulullaahi\محمد رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\عبد الحميد جودة السحار, oo midkaan dambe uu yahay kitaabka laga sameeyey taxanaha televisionka laga sii daayo oo isla magacaas leh. Waxaan u arkay inaan taxane ka dhigo, intuu noqon lahaa hal kitaab oo wayn, ayna noqdaan kutubbo yaryar oo si sahal ah loo akhrisan karo. Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Kitaabkaani aan hadda gacanta ku haynno oo cinwaankiisu yahay Cabdu Al Mudh-dhalib عبد \ المطلبwaa kii labaad ee taxanahaas. Marjica asaasiga ah oo ugu waynna ee qaybtaanna waa kitaabka Sharxu al callaamah Al Zarqaanii (oo dhintay sanadka. kun iyo boqol iyo labo, iyo labaatan Hijrada) Calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah شرح العالمة الزرقاني على المواهب \ اللدنية بمنح المحمديةuuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\( القسطالنيoo dhintay sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada). 264 Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba noogu kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah: Intaan kutubbo kale kasoo qaatayna, waan sheegaya kitaabkaan kasoo qaatay iyo ninka dhigay iyo boogga uu warkaasi uga yaallo. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan inta badan ka qaatay Kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga", uuna tarjumay Sheekh Maxmuud Maxamed Cabdi" Allaha ka abaalmariyee, dambigiisana dhaafee. Waxa suuban oo ku dhiganna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiilal toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Arbaco, shan iyo tobaka Bisha Thuu Al Qacdah\ ذوالعقدةkun afar boqol afar iyo labaatan, una dhiganta toddobada Janaayo laba kun iyo afar. 265 Siduu Ilaahay, Subxaanabu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, u sharfay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo horreynta Nabinnimadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه وتعالى, wuu sharfay Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoona abuuray ka hor intuusan wax kaleba abuurin, oo uu sidaas ugu horreeyey waxa uu Ilaahay abuuray, wuxuuna Nabi ka dhigay isagoo uu Aadan\آدم weli dhoobo aan naf la gelin yahay, uu ay sidaas Nabinnimadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sugnaatay abuuridda Aadan\آدم ka hor. Waxaanna hoos ku warineynnaa Axaadiithta labadaas arrimood u daliilka ah. In badan oo dalaa’ilkaas ka mid ah waxaan ku xusi doonnaa ibshaa’a Allaahu kutubbada soo socda. Xadiithka Muslim ee Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii Wuxuu Imaam Muslim\ اإلمام مسلمCabdullaahi bin Camr bin Al Caasii\عبد هللا بن عمرو بن العاصي ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri: "إن هللا عزوجل كتب مقادير الخلق قبل أن يخلق السموات واألرض بخمسين ألف سنة وكان عرشه على ". ومن جملة ما كتب في الذكر أن محمدا خاتم النبيين.الماء "Inna Allaaha Cazza wa Jalla kataba maqaadiira al khalqi qabla an yakhluqa al Ssamaawaata wa al arda bi khamsiina alfa sanatin wa kaana CarshuHu calaa al maa'i. Wa min jumlati maa kataba fii Al Thikri anna Muxammadan khaatimu Al Nabiyyiina." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: " إن هللا عزوجل كتب مقادير الخلقIlaahay Cazza wa jalla wuxuu dhigay maqaadiirta khalqiga". Al Baydaawii\ البيهقيahna caalinka dhigay Tafsiirka la yiraahdo Tafsiiru Al Baydaawii تقسير \البيضاوي, wuxuu kitaabkiisa Sharxu Al Masaabiixi\ شرح المسابيحku yiri: "Macneheedu waxaa weeye wuxuu ku socodsiiyay Qalinka Al Lawxu Al Maxfuuthi اللوح \المحفوظ, uuna ku dhigay maqaadiirta klalaa'iqda oo ah wixii ahaaday iyo waxa ahaanaya iyo waxa ahaan doona ilaa ebedkeed, ayagoo waxaasi waafaqsanyihiin doonidda iyo rabidda Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عزوجل, oo siduu u doono ayay u ahaadeen, una yihiin una ahaan doonaan". Al Ubayyu\ األبيwuxuu yiri: "Maqaadiirta macneheedu waxaa weeye Qadarka oo ka turjumaya cilmiga iyo rabidda Ilaahay ee azaliga ah, kuna saabsan waxa jira oo ah ka hor intayan jirin oo ayan ahaanin". Azalina\ األزليmacneheedu waxaa weeye: wax aan zaman iyo waqti iyo abuurid iyo dhacdo midna ku xirnayn, oo Ilaahay Ahaanshihiisa iyo Sifooyinkiisuba waa azali, oo waligiis ayuu ahaa, hadana yahay, weligiisna ahaan doonaa. " قبل أن يخلق السموات واألرض بخمسين ألف سنةKonton kun oo sano ka hor intuusan abuurin Samaawaadka iyo arliga." Qaalli Ciyaad\ القاضي عياضwuxuu yiri: 266 "Waqtigaas kontonka kun oo sano ah waa xadka marka Maqaadiirta Al Llawxu Al Maxfuuthu \ اللوح المحفوظlagu dhigay, ee ma aha zaman xadidaya Maqaadiirta, taasoo azali ah, bilwona aan lahayn, waana sarbeeb tiro badan tilmaamaysa." Waxay culummadu is weydiiyeen: "sideebey konton kun oo sano u ahaaneysaa ayadooba uu waqtigaasi ka horreeyey abuuritaanka zamankaba, ayadoo uu zamanku la xiriiro abuuritaanka Samaawaatka, uuna waqtiga iyo sanadu ay la xiriiraan oo ay ka tarjumayaan dhaqdhaqaaqa xiddigaha iyo socodka qorraxda?" Waxaana la yiri: "kontonkaas kun oo sano waa muddo la mid ah xagga cilmiga Ilaahay konton kun oo sano hadday jiri lahaayeen Samaawaatku: waa muddo la mid ah konton kun oo sano oo aad adinku tirsatiin." Waxaa kaloo la yiri: "dhaqdhaqaaqa falagga ugu weyni waa jiray oo ah Carshiga\العرش, waxaana u daliil ah Aayadda toddobaad ee Suuratu Huud\سورة هود, uuna Cazza wa Jalla\ عزوجلku yiri: ِ و َكان عر ُشه علَى اْلم اء َ ُ َْ َ َ َ "Wa kaana Carshuhu calaa al maa’i' oo macneheedu yahay: "Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood". Taas macneheedu waxaa weeye: Carshiga hortiis ma, ayan ahayn waxaan biyo ahayn, abuuritaanka Samaawaatka iyo arliga ka hor, biyuhu waxay dul saarnaayeen riix oo ah dabayl, sida ibnu Cabbas\ إبن عباسlaga, wariyay. Taas ayaa waxay daliil u tahay inay Carshiga iyo biyuhu ahaayeen ka hor abuuritaanka Samaawaatka iyo arliga. Asalka biyaha Xadiithka soo socda ee Ibnu Raziin-na\ إبن رزينwuxuu wariyay inay biyuhu ahaayeen abuuritaanka Carshiga\ العرشhortiis, waxaana Xadiithka wariyay Imaam Axmad\ اإلمام أحمدiyo Al Tarmathii\ الترمذيoo Xadiith xasan ah ka dhigay, iyo Ibnu Maajah\ إبن ماجةoo ay ka wariyyen Abuu Raziin Al Cuqaylii\أبورزين العقيلي, inuu yiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Rabbigeen xaggeebuu ahaa ka hor intuusan abuurin Samaawaatka iyo arliga? Wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ثم خلق عرشه على الماء. وما فوقه هواء،"في مائن تحته هواء "(Kaana) Fii maa'in wa taxtahu hawaa'un, wa maa fawqahu hawaa'un. Thumma khalaqa Carshahu calaa al maa'i. ". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu ahaa biyo (korkood), biyahaas waxaa ka hooseeyana ay hawo yihiin, waa dabayle, waxa ka sarreyana ay hawo yihiin. Kaddibna wuxuu Carshigiisa ku abuuray biyo korkood". 267 Wuxuuna kitaabka Al Mufhimi\ المفهمku wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فوضع عرشه على الماء،"أن أول ما خلق هللا ياقوتة حمراء ونظر إليها بالهيبة فصارت ماء " Anna awwala maa khalaqa Allaahu yaaquutatan xamraa'a wa nathara ilayhaa bi al haybati fa saarat maa'an, fa wadaca Carshuhu calaa al maa'i ". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxa ugu horreeya ee uu Ilaahay abuuray waxaa weeye xabbad yaaquut ah oo guduudan (Yaaquutku waa jawharad qaali ah sida fasaska faragashiga la suro oo midabyo kala kuwan leh oo kale oo luulkaba ka qaalisan. Dhagaxdaas qaaliga ahna waxaa ugu qiimo badan yaaquutka). Markaasuu si haybad leh u dhugtay oo ay markaas biyo noqotay. Fiiro haybad leh macneheedu waxaa weeye fiiro ay waynaan iyo cabsiini ku dheehan tahay, oo qofka lagu fiiriyo uu cabsanayo. Markaasuu Carshigiisa biyaha dul saaray." Carshiga\العرش Ibnu abii Xaatim\ إبن أبي حاتمiyo abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwaxay Sacad Al Dhaa'ii\ سعد الطائيka wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."العرش ياقوتة حمراء "Al Carshu Yaaquutatun xamraa'a". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Carshigu waa xabbad yaaquut ah oo guduudan." Abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwuxuu Xaamid\ حامدka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: وخلق له ألف لسان وخلق،"خلق هللا العرش من زمرد خضراء وخلق له أربع قوائم من ياقوتة حمراء ". كل أمة تسبح بلسان من السن العرش،في األرض ألف أمة "Khalaqa Allaahu Al Carsha min zumrudatin khadraa'a wa khalaqa lahu arbaca qawaa'imin min yaaquutatin xamraa'in, wa khalaqa lahu alfa lisaanin wa khalaqa fii al ardi alfa ummatin, kullu ummatin tusabbixu bi lisaanin min alsuni Al Carshi". Xadiithka maciiihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu Carshiga ka abuuray xabbad zumurud cagaaran ah (waa jawharad ama. dhagax qaali ah), wuxuuna u abuuray afar lugood oo ka samaysan yaaquut guduudan, wuxuuna u abuuray kun carrab, arligana, wuxuu ku abuuray kun ummadood, ayadoo ay ummad walba ku tasbiixsaneyso carrab ka mid ah carrabyada Carshiga." Al Xaafith Muxammad bin abii Shaybah\ الحافظ محمد بن أبي شيبةwuxuu uga wariyay kitaabkiisa "Sifatu Al Carshi\ "صفة العرشkuwa salafka ka mid ah oo horreeyey inuu Carshigu ka samaysan yahay xabbad yaaquut guduudan ah oo ay dhinacyadiisu konton kun oo sano oo safar ah isku 268 jiraan, ballaciisuna konton ku oo sano, Carshiga iyo Samada toddobaadna ay konton kun oo sano isku jiraan, Carshiga iyo arliga toddobaadna ay safar konto kun oo sano isku jiraan. Ibnu Jariir\ إبن جريرiyo ibnu Marduwayh\ إبن مردويهiyo abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwaxay abuu Tharr\ أبوذرka wariyeen inuu yiri: "Wuxuu (Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) yiri: وفضل العرش على الكرسي،"يا أبا ذر! ما السموات السبع في الكرسي إال كحلقة معلقة في أرض فالة ".كفضل الفالة على تلك الحلقة "Yaa abaa Tharr! Maa Al Samaawaatu Al Ssabcu fii Al Kursiyyi illaa ka xalqatin mulqaatin fii arli falaatin, wa fadlu Al Carshi calaa Al Kursiyyi ka fadli al falaati calaa tilka al xalqati. " Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Abaa Tharrow\ !أبا ذرToddobada Samo marka la isku daro, waxay weynaantoodu le'egyiliiin marka la barbardhigo Kursiga sida dugaagad (waa midda ay haweenku dhudhunka surtaan oo kale) arli saxra lama degaan ah lagu tuuray oo kale. Carshiguna wuxuu Kursiga ka weyn yahay intuu arligaas saxrada ahi dugaagaddaas ka weyn yahay." Midabyada kala duwan ee Carshiga lagu tilmaamayna waxaa la isu waafajiyay inuu midabkiisu is beddelo, midabkiisa asliga ahna uu caddaan yabay. Jumlada wuxuu Ilaahay Al Thikri \ الذكرku dhigay, ahna Ummu Al Kitaabi\ أم الكتابoo ah Al Llawxu Al Maxfuuthu\اللوح المحفوظ, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ugu yiri Aayadda toddobaad ee Suuratu Aali Cimraana\ سورة آل عمرانiyo Aayadda sagaal iyo soddonaad ee Suuratu Al Rracdi\سورة الرعد: ِ َأ ُُّم اْل ِكت اب "Ummu Al Kitaabi" oo macneheedu yahay: "Hooyada Kitaabka", ayadoo kutubbada la soo dejiyay oo idil Al Llawxu Al Maxfuuthu\ اللوح المحفوظlaga soo guuriyay, waxaa weeye inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay midka Nabiyyada lagu gunaanaday." Al Llawxu Al Maxfuuthu\اللوح المحفوظ Al Llawxu Al Maxfuuthu\ اللوح المحفوظin xaqiiqo ahaan iyo run ahaan wax loogu dhigay, ku dhigiddaasna aan Cilmiga Ilaahay loola dan lahayn, waxaa caddeynaya Axaadiith ay ka mid yihiin Xadiithka uu Al Dhabraanii\ الطبرانيwariyay iyo Al Xaakim\ الحاكمiyo Al Xakiimu\الحكيم Al Tarmathii\الترمذي, ayna ka wariyeen Ibnu Cabbaas\إبن عباس, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka ahaadee, oo wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". قلمه نور وكتابه نور، صفحتها من ياقوتة حمراء،"إن هللا خلق لوحا محفوظا من درة بيضاء "Inna Allaaha khalaqa Lawxan Maxfuuthan min durratin baydaa'a, safaxatuhaa min yaaquutatin xamraa'a, qalamuhu nuurun wa kitaabuhu nuurun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 269 "Ilaahay wuxuu abuuray Loox ilaalsan oo ka samaysan xabbad luul ah oo cad, baalashiisuna ay xabbad yaaquut guduudan ka sameysan yihiin, qalinkiisuna uu nuur yahay, khadduu wax ku dhigayana waa nuur." Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu kaloo wariyay inuu looxaas ballaciisu la mid yahay inta Samada iyo arliga u dhexeysa. Kitaabka Kanzu al Asraari\ كنز األسرارwuxuu wariyay inuu dhererka Looxu intaasoo kale yahay. Ibnu Abii Xaatim\ إبن أبي حاتمiyo abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwaxay sanad adag uga wariyeen ibnu Cabbaas\ إبن عباسinuu yiri: "Ilaahay wuxuu abuuray Al Llawxu Al Maxfuuthu اللوح المحفوظayadoo darfihiisa loo kala safrayo oo loo kala soconayo boqol sano." Abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwuxuu Anas\ أنسka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". والوجه الثاني من زمردة خضراء،"أن هلل لوحا أحد وجهيه من ياقوتة "Anna li Allaahi Lawxan axadu wajhayhi min yaaquutatin, wa al wajhu al thaanii min zumurudatin khadraaa. " Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu leeyahay Loox uu labadiisa waji midkood ka sameysan yahay xabba yaaquutat ah, wajiga labaadna uu ka samaysan yahay xabbad zumurud cagaaran ah." Abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwuxuu kaloo Ibnu Cabbaas\ إبن عباسka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: يلخظ إليه في كل يوم ثالث مئأة، كتابه نور،"خلق هللا لوحا من درة بيضاء وقفاه من زبرجد خضراء ". يحيي ويميت ويخلق ويرزق ويفعل ما يشاء،وستين لحظة "Khalaqa Allaahu Lawxan min durratin baydaa'a wa qafaahu min zabarjadatin khadraaa, kitaabuhu nuurun, yalxathu ilayhi fii kulli yawmin thalaatha mi'atin wa sittiina laxthatin, yuxyii wa yumiitu wa yakhluqu wa yarzuqu wa yafcalu maa yashaa'u". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu leeyahay Loox ka samaysan xabbad luul cad ah, dhabarkiisuna (qafaahu macneheedu waxaa weeye tunkiisa, waana xaggiisa dambe) uu ka samaysan yahay xabbad zabarjad\ زبرجدcagaaran ah, dhigiddiisuna ay nuur tahay, uuna maalin walba. fiiriyo saddex boqol iyo lixdan fiiro, uu wax nooleeyo, waxna dilo, wax abuuro, uu rizqiyo, wuxuu doonana uu falo." Ibnu abii Al Dunyaa\ إبن أبي الدنياwuxuu ku wariyay kitaabkiisa Makaarimu Al Akhlaaqi مكارم \األخالق, Abuu Al Shaykhna\ أبوالشيخuu ku wariyay kitaabkiisa Al Cathamah\العظمة, Al Bayhaqiina\ البيهقيuu ku wariyay kitaabkiisa "Shicabu Al limaani\"شعب اإليمان, ayna ka wada wariyeen Anas\ أنس, oo yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: 270 جعلت، أرحم وأترحم، إني أنا هللا ال إله إال أنا: يكتب فيه،"إن هلل لوحا من زبرجد خضراء تحت العرش ". من جاء بخلق منها مع شهادة أن ال إله إال هللا دخل الجنة.بضعة عشر وثالث مئأة خلق Inna li Allaahi Lawxan min zabarjadatin khadraa'a taxta Al Carshi, yaktubu fiihi: Innii Anaa Allaahu laa ilaaha illaa Anaa, arxamu wa ataraxxamu, jacaltu bidcata cashra wa thalaatha mi'atin khuluqin. Man jaa'a bi khuluqin minhaa maca shahaadata an laa ilaaha illaa Allaahu dakhala Al Jannata. " Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu leeyaliay Loox xabbad zabarjad cagaaran ka samaysan oo Carshiga hóostiisa ah, uuna ku dhigo "Anigu waxaan ahay Allaahu, mana uu jiro ilaah aan Aniga ahayn, waan naxariistaa, naxariis haddii la iga baryana waan yeelaa. Waxaan yeelay saddex boqol iyo dhawr iyo toban khuluq (waana dabeecad iyo dhaqan). Qofkii la yimaada mid khuluqdaas ka mid ah, kana markhaati kaca inuusan jirin ilaah aan Aniga ahayn, Jannaduu gelayaa." Midabyada kala duwan ee Carshiga lagu tilmaamayna waxaa la isu waafajiyay inuu midabkiisu is beddelo, midabkiisa asliga ahna uu caddaan yahay. Haddaan tarjumidda iyo macnaynta Xadiithka dib ugu noqonno, wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "Jumlada, waa dhammaane, wuxuu ku dhigay Al Thikru waxaa ka mid ahaa inuu Muxammadمحمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khaatama Al Nabiyyiina yahay, ahna midka Anbiyada ugu dambeeya oo lagu gunaanaday, oo uusan dabadiis Nabi kale jirin." Xadiithku wuxuu faaiideynayaa oo noo sheegayaa. inuu Carshigu Taqdiirta ka horreeyey iyo dhigidda Muxammadun Khaatima Al Anbiyaa'i\محمد خاتم األنبياء. Waxaa marka loo malayn karaa oo isku darsami karta in nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la buuray Carshiga ka hor iyo ghayrkiisba. Waxaana arrinkaas ka jawaabay sheekheenna -waxaana hadlaya Al Zarqaanii\الزرقاني- oo "caddeeyey inay suurtowdo oo ay bannaan tahay in nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Carshiga hortiis la buuray iyo dhigiddiisaba, lana soo muujiyay waqtiga wax la qaddarayey, oo ka dambeysey abuuritaanka Carshiga iyo abuuritaanka Samaawaatka." Wuxuu kaloo Xadiithkaani tilmaamayaa inay biyaha iyo Carshigu ay ahaayeen waxa laga bilaabay caalanka, ayadoo abuuritaanka labadoodu ka horreeyey abuuritaanka shay kaleba. Waxay Axmad\ أحمدiyo Ibnu Xibaan\ إبن حبانiyo Al Xaakim\ الحاكمoo ay saxiix weeye yiraahdeen Abuu Hurayrah\ أبوهريرةka wariyeen inuu yiri: "Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigu markaan ku arkaba nafteydu waa suubanaataa oo aan farxaa oo ay isheydu qabawsataa, waxaad ii sheegtaa shay kulligiis asalkiisa ay kasoo askumeen. Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."كل شيئ خلق من الماء "Kullu shay'in khuliqa mina al maa'i”. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 271 "Shay kulligiis, waana wax walbee, waxaa laga abuuray biyo". Taasi waxay daliil u tahay inay biyuhu asalka makhluuqaatka oo idil yihiin iyo waxa laga sameeyey, iyo in wax walba ayaga laga abuuray. Ilaahayna, Tabaaraka wa Tacaalaa\هللا تبارك وتعالى, wuxuuba Aayadda shan iyo afartanaad ee Suuratu Al Nuur\ سورة النورku yiri: ٍ َّة ِمن م ٍ َّ َ َواللَّه َخل اء ُ َ َ ْ ق ُكل َداب "Wallaahu khalaqa kulla daabatin min maa'in", oo macneheedu yahay: "llaahayna wuxuu ka abuuray wax kasta oo nool oo socda biyo." Taasi waxaa weeye in wax walba oo naf leh biyo laga abuuray, ayna ku jiraan Malaa'igta iyo Jinnigaba, ayadoo nuurka iyo dabkaba biyo laga abuuray, oo soo ma aadan arag inuu Ilaahay geedka cagaaran oo qoyan uu ku kulmiyay oo laga wada helo biyihii iyo dabkiiba. Saxaabiga Xadiithkaan wariyay waa Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi عبد هللا \ بن عمرو بن العاصي السهميoo u dhashay Qurayshta\ قريشreer Banii Sahm\بني سهم, ahaana zaahidka, caabidka iyo faqiiha, kana mid ah asxaabta. Axaadiithta badan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay, waana mid ka mid ah afarta Cabaadilada \العبادلة, waana afarta Cabdu Allaahi\ عبد هللاoo kala ah Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas bin Cabdu Al Mudhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf Al Haashimiyyi عبد هللا إبن عباس بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد \مناف الهاشمي, iyo Cabdu Allaahi bin Al Zuybayr bin Al Cawwaam hin Khuwaylid bin Asad Al Asadii\ عبد هللا بن الزبير بن العوام بن خويلد بن أسد األسديiyo Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Riyaax bin Cabdu Allaahi bin Qurdh bin Razaax ibnu Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy Al Cadawii عبد هللا بن عمر بن الخطاب بن نفيل بن عبد العزى \ بن رياح بن عبد هللا بن قرط بن رزاح إبن عدي بن كعب بن لؤي العدويiyo Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii bin Waa'il bin Haashim bin Saciid bin Sahm Al Sahmiyyi عبد هللا بن عمرو بن العاصي بن وائل \بن هاشم بن سعيد بن سهم السهمي. . Cabdullaahi bin Camr bin Al Caasiiعبد هللا بن عمرو بن العاصي wuxuu da'ahaan aabihiis Camr ka yaryahay laba iyo toban sano, isagaana aabihiis ka hor islaamay. Xadiithka Al Cirbaadu (waa daad saadka ku xigah) bin Saariyya\العرباض بن سارية Al Cirbaadu hin Saariyyah\ العرباض بن ساريةwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri: " وإن آدم لمنجدل في طينه،"إني عند هللا لخاتم النبيين "Innii cinda Allaahi la Khaatimu Al Nabiyyina wa inna Aadamu la munjadilun fli dhiinihi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 272 "Anigu waxaan Ilaahay agtiisa midka Anbiyada lagu gunaanaday ka ahaa ayadoo uu Aadam \ آدمweli uu arli adag ku xooran yahay isagoo weli dhobadiisa ku weeleysan (oo aan ruuxii lagu afuufin, oo aan weli nolol la gelin)". Waxaana Xadiithka wariyay Imaam Axmad\ اإلمام أحمدiyo Al Bayhaqii\ البيهقيiyo Al Xaakim \الحاكم, midkaan damboo yiri: "Sanadkiisu waa saxiix”. Xadiithka Maysaratu Al Fajri Al Dibbiyyi\ ميسرة الفجر الضبيee Imaam Axmad\اإلمام أحمد Maysaratu Al Dibbiyyi\ ميسرة الضبيwuxuu wariyay inuu yiri: "Waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormaad Nabi noqotay? Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."وآدم بين الروح والجسد " Wa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi", oo macnihiisu yahay: "Ayadoo uu Aadan آدمu dhexeeyo ruuxa iyo jirka" oo macneheedu yahay ayadoo ayan abuuristiisu dhammaystirmin, nololse u dhow." Waxaa kaloo wariyay Bukhaarii\ البخاريoo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda, iyo Abuu Nucaym\ أبونعيمoo ku wariyay kitaabkiisa Xuliyyatu Al Awliyaa'i wa Dhabaqaatu Al Asfiyaa'i\حلية األولياء وطبقات األصفياء, kitaabkaanoo markuu dhigayba isagoo weli nool afar boqol oo Diinaar lagu kala gatay. Waxaa kaloo wariyay Al Xaakim\ الحاكمoo saxiix weeye yiri, iyo Al Bayhaqiii\ البيهقيiyo kuwo kaleba. Xadiithka Abuu Hurayrah\ أبوهريرةee Al Tarmathii\الترمذي Waxaa Abuu Hurayrah\ أبوهريرةlaga wariyay inuu yiri: "Waxay yiraahdeen: Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormay Nabinnimadu waajib kuu noqotay? Wuxuu yiri Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: "."وآدم بين الروح والجسد "Wa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ayadoo uu Aadam آدمu dhexeeyo ruuxa iyo jirka" oo macneheedu yahay ayadoo ayan abuuristiisu dhammaystirmin, nololse u dhow. Waxaa wariyay Al Tarmathii\الترمذي, yirina waa Xadiith xasan ah\حديث حسن. 273 Xadiithka Sahal bin Saalix Al Hamdaanii\سهل بن صالح الهمداني Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu kasoo guuriyay kutubbada Abii Sahal Al Qadh dhaan أبي سهل \ القطانinuu Sahal bin Saalix Al Hamdaanii\ سهل بن صالح الهمدانيyiri: "Waxaa Abaa Jacfar Muxammad bin Calii\( أبوجعفر محمد بن عليbin Al Xusayn bin Calii bin Abii Dhaalib\بن الحسين بن علي بن أبي طالب, loona yaqaanno Abuu Jacfar Muxammad Al Baaqir\ أبو جعفر محمد الباقرoo cilmi badnidiisa loogu bixiyay) la waydiiyay: "sideebuu Muxammad, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, Anbiyada ugu hormaray (oo uu hoggaamiye iyo Imaam salaadda ugu noqday) isagoo hadana kooda ugu dambeeyey oo la soo diray ah?" Wuxuu yiri: "ألست بربكم؟" كان:"إن هللا تعالى لما أخ ذ الميثاق من بني آدم من ظهورهم وأشهدهم على أنفسهم ولذلك صار محمد –صلى هللا عليه وسلم – يتقدم،" "بلى:محمد – صلى هللا عليه وسلم – أول من قال ". وهو آخر من بعث،األنبياء Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay Tacaalaa markuu miithaaqqa, oo ah xarigga iyo ballanka ka qaaday ubadka Aadan آدم, waana markay ku sugnaayeen caalanka tharta thurriyaddooda oo dhabarradooda ku jira, oo uu aabe walba ubadkiisa dhabarkiisa kasoo saaray laga bilaabo Aadan آدم, wuxuuna tusay daliillo Rabbinnimadiisa tusaya, wuxuuna u yeelay caqli ay wax ku gartaan uuna ku yiri: "Soo Rabbigiin ma ihi?" siday noo sheegtay Aayadda boqol iyo labo iyo toddobaatan ee Suuratu Al Acraaf\ سورة األعراف. "Markuu Ilaahy sidaas u wareystay Muxammad\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa midka ugu horreeyey oo yiri: "Bal haa Adigu Rabbigeen ayaad tahay" Taas ayuu hoggaamiye ugu noqday, isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ahaa kan ugu dambeeyey oo la soo saaro". Waa intaas warkiisu. Hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee macnihiisu yahay inuu ahaa Nabi "Ayadoo uu Aadam\ آدمu dhexeeyo ruuxa iyo jirka" waxaa laga yiri sidatan: "Hadduu qof yiraahdo Nabinnimadu waa sifo ama tayo lagama maarmaan ka dhigeysa in qofka lagu sifeeyo uu jiro oo uu joogo, Nabinnimadana la isi siiyo kaddib markuu ninku afartan sano jirsado, ayadoo ay da'daas afartanka sano ahi tahay da'da uu ninku kaamil ku noqdo, oo taas ayaaba u sabab ah in Rususha la soo diro ayagoo afartan jirsaday, haba ahaado Nabi Ciisee\عيسى, Calayhissalaamu. Arrinka Nabi Ciisanaعيسى, arrinka uu kitaabka Zaadu Al Macaadi\ زاد المعادxusay in Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, samada kor loogu qaaday isagoo saddex iyo soddon sano jira ma jiro Xadiith Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la xiriira oo arrinkaas loo raaco. Al Shaamii\ الشاميwuxuu yiri: 274 "Sidaas uu yiri waxaa laga wariyay Nasaarada krishtaanka ah, waxaase ku sugan Axaadiithta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhiu Wasallam, waxay sheegayaan in Ciiseعيسى Samada kor loogu qaaday isagoo boqol iyo labaatan sano jira". Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu kitaabkiisa Al Kabiiru\ الكبيرku wariyay Xadiith sanadkiisu rag lagu kalsoon yahay ka kooban yihiin, ayna ka wariyeen inay Caaisha \عائشة, Allaha ayada iyo aabeheedba raalli ka noqdee, tiri inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri Faadhimah markuu hayey xanuunka lagu oofsaday: وأنه عارضني بالقرآن العام مرتين وأخبرني أنه لم،"أن جبريل كان يعارضني بالقرآن في كل عام مرة وال أراني إال، وأخبرني أن عيسى بن مريم عاش عشرين ومئأة سنة،يكن نبي إال عاش نصف الذي قبله ".ذاهبا على رأس الستين "Inna Jibriila kaana yucaaridanii bi Al Quraana fii kulli caamin marratan, wa annahu caaridanii bi Al Quraani al caama marratayni wa akhbaranii annahu lam yakun Nabiyyun illaa caasha nisfa allathii qablahu, wa akhbaranfi anna Ciisaa bin Maryama caasha cishriina wa mi'atan sanah, wa laa araanii illaa thaahiban calaa ra'si al sittiina. " Kaasoo ah Xadiithkii oo kooban macnihiisu waxaa weeye: "Jibriil wuxuu ii soo bandhigi jiray Quraanka sanadkiiba mar, sanadkaanna laba goor ayuu ii soo bandhigay (waxaa weeye laba goor ayaan hortiisa isagoo ii dhegeysanaya korka ka akhriyay), wuxuuna ii sheegay inuusan ahaarn Nabi ee waa illaa kan noolaaday, oo uu cimrigiisu ahaa nuska Nabigii isaga ka horreeyey, wuxuuna ii sheegay inuu Ciise ina Maryama عيسى بن مريمnoolaa boqol iyo labaatan sano, umana aanse jeedo waxaan ahayn inaan anigu ku tegi doono madaxa lixdanka (oo waa aan adduunkaan ka. tegi doono markaan daa ahaan ku jiro bilowga sanadkeyga lixdanaad, wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tegey isagoo saddex iyo lixdan sano jira oo ay u buuxsantay maalintaas uu tegayo)". Abuu Yaclaa\ أبويعلىwuxuu Faadhimah\فاطمة, Sallaa Allaahu Calayhaa wa Sallam, ka wariyay, inay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay inuu Ciise ina Maryam عيسى بن مريمa ku sugnaaday oo uu ku dhex noolaa reer Banii Israa'iil \ بني إسرائيلafartan sano. Xadiithkaanna midka hore ayuu ayyidayaa oo uu xoojinayaa. Markay hadday Nabinnimadu sifo tahay, sidee baa Nabinnimo loogu sifeynayaa ka hor intuusan jirinba, aanna weli la soo dirin? Waxaa su'aashaas ka jawaabay Al Callaamah Abuu Xaamid Muxammad bin Muxammad, Xujjatu al Islaami Al Ghazaalii\العالمة أبو حامد محمد بن محم\ حجة اإلسالم الغزالي, Allaha u naxaristee, kanoo ku dhintay magaalada Dhuus\ طوسsanadka shan boqol iyo shan Hijriga, kuna dhigay kitaabkiisa "Al Nafkhu wa al Taswiyah\"النغخ والتسوية, oo macneeyey Xadiithka Abii Camr Ismaaciil bin Nujayd ibnu Axmad bin Yuusuf Al Niisaabuurii Al Salamii أبي عمر إسماعيل بن نجيد \إبن أحمد بن يوسف النيسابوري السلميoo A'immada ka mid ahaa, midka hadalkiisu faseexa cad ahaa, Ilaahay ka dhawrsada, suufiga shaaficiga ah ahaa, dhintayna sanadka saddex, boqol iyo lix iyo lixdanka Hijrada, uuna ka wariyay Maysarah Al Fajr\ ميسرة بن الفجرoo yiri: "Waxaan iri: 275 "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goormaad Nabi ahayd?' Wuxuu SallaA Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."كتبت رسوال وآدم بين الروح والجسد "Kutibtu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa (Nabinnimo la ii dhigay oo ay ii waajibtay oo la iga dhigay) Nabinnimo la ii dhigay ayadoo uu Aadan آدمu dhexeeyo ruuxa iyo jirka", oo macneheedu yahay ayadoo la suuradeeyey aanse weli ruuxa noolol siin lahaa lagu afuufin, oo uusan weli nooleyn." Sidoo kale wuxuu Al Ghazaalii\ الغزاليka jawaabay Xadiithka kale oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."كنت أول األنبياء خلقا وآخرهم بعثا "Kuntu awwala Al Anbiyaa'i khalqan waa aakhiruhum bacthan", ayna wariyeen Ibnu Abii Xaatim\ إبن أبي حاتمoo tafsiirkiisa ku wariyay, iyo Abuu Isxaaq Al Juthaqaanii\ أبوإسحاق الجوذقانيoo kitaabkiisa taariikhda ku wariyay, ayna Abuu Hurayrah\أبوهريرة, Allaha raalli ka noqdce, ka wariyeen. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan ahaa midka ugu horreeya Anbiyada oo la buuro iyo kooda ugu dambeeya oo la soo diro." Al Ghazaalii\ الغزاليwuxuu yiri: "Erayga abuuridda ee Xadiithkaani wariyay macnihiisu waxaa weeye Al Taqdiiru duuna al iijaadi\التقدير دون اإليجاد, oo ah: "waa qadaridda ahaanshihiisa la qadaray, aanse ahaanshihiisa jiriddisa aha ahayn." Haddii la yiraahdo: jeer ay hooyadiis ka dhasho ma uusan jirin oo ma uusan abuurnayn, jawaabtu waxaa weeye: ujeedooyinka (la leeyahay oo ah waxa la doonayo in la gaaro) iyo kamaalaadka oo ah wixiiyo dhammaystiran waxay ku horreeyaan taqdiirka. Markaas kaddib ayayna ahaadaan oo ay jiraan oo la arkaa. Taas ayuu macneheedu yahay oraahday kuwii hore oran jireen oo ah: "Awwalu al fikrati aakhiru al camali awwalu al fikrati أول،أول الفكرة آخر العمل \"الفكرة, oo macneheedu yahay: "Fikradda horreysa camalku waa dambeeyaa, fikraddaa ugu horreysey". Taasi waxay la mid tahay sida muhandaska ama injineerka ama fuundigaba daarta dhisaya inuu marka hore naftiisa ku dhiso oo uu is tusiyo oo uu arko daarta uu doonayo inuu dhiso oo kaamil ah oo dhammaystiran. Sidaas ayay daarta oo kaamil ah waxay run ahaantii tahay waxa ugu horreeya oo uu qadariyo. Isla markaasna daartaas oo kaamil ah oo dhammaystiran waa waxa ugu dambeeya oo ahaanaya oo jiraya, ayadoo jiritaankeedaas kaamilka ah waxa ka horreeyaba, sida dhagaxda oo la is kor saaro ama blookeetigaba, iyo dhisidda darbiyada iyo dhisidda tiirarka daarta iyo waxa la midka ahba waa wasiilo ama dariiq lagu gaaro ujedadii la lahaa iyo kamaalkii la doonayey oo ah daar kaamil ah. 276 Marka, gaaridda daartaas kaamilka ah ayaa qalabka loo keensadaa oo loo adeegsadaa, looguna hawl galaa". Intaas kaddibna wuxuu Al Ghazaalii\ الغزاليyiri: "Hadalkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ah "."كنت نبيا وآدم بين الروح والجسد "kuntu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi" (oo macneheedu yahay waxaan Nabi ahaa ayadoo uu Aadam آدمu dhexeeyo ruuxa iyo firka", oo macneheedu yahay ayadoo la suuradeeyey aanse weli ruuxa noolol siin lahaa lagu afuufin, oo uusan weli nooleyn) waxay tilmaan u tahay waxaan soo sheegnay,oo ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi ku ahaa taqdiirta ka hor intaan abuurista Aaadamآدم, Calayhissalaamu, la dhammaystirin, maxaa yeelay xaaladduba waxaa weeye Aadam آدمinaan loo abuurin in ubadkiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga soo bixiyo mooyee, siduuba Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\هللا تبارك وتعالى, Aadan آدمugu yiri: "."لواله ما خلقتك "Law laahu maa khalaqtuka" oo macneheedu yahay: "Hadduusan isaga ahaan lahayn kumaba aanan abuureen" oo macneheedu yahay "waxaanba kuu abuuray isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, daraadiis". Kaddib Ilaahay wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saafi iyo daahir ayuu ka dhigay, sida marka inta laabtiisa la dhanbalay la daahiriyay oo saafi laga dhigay xinjirtana laga soo bixiyay, oo sidaas ayaa aayar aayar loo daahirinayey ilaa uu ka gaaro oo uu yeesho sifooyin kaamil ah oo ah kuwa ugu sarreeya." Al Ghazaalii\ الغزاليwuxuu kaloo yiri: "Xaqiiqadaas iyo runtaas ma aad garan gartid jeer la ogaado inay daartu labo tayo oo ahaansho ay leedahay, oo kala ah: (kow) jiritaanka ay ku jirto garadka. iyo maskaxda injineerka ama fuundiga oo jiritaanka runta ah ee daarta ka horreeya, iyo (labo) jiritaanka daartii oo la dhisay, oo indhaha lagu arko. Marka ogow in sidaas oo kale oo ay daartaasu laba jiritaan u leedahay, uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىashyaa'da u qadariyaa abuuristooda ka hor, markaas kaddibna uu waxaas uu qadariyay ahaysiiyaa oo wax jira oo loo jecdo ka dhigaa, si qadarintiisa horreysey waafaqsan." Intaas ayuu hadalka Al Ghazaalii\ الغزاليku egyahay. Macnaynta Xadiithka Al Subkii\السبكي Hadalkaas Al Ghazaalii\ الغزاليwaxaa diiday oo ka horyimid hadalka uu yiri Al Shaykhu Al Imaamu al callaamah abii Al Xasan Cali bin Cabdu Al Kaafii الشيخ اإلمام العالمة أبي حسن علي بن عبد \ الكافيoo lagu koofaaro Taqiyyu Al Diini Al Subkii\تقي الدين السبكي, faqiiha xaafithka ah, 277 Quraanka fasiray ee usuuliga ah, cilmiga hadalkana iyo naxwahaba ke xeeldheer, siduu ugu xeel dheeryahay luqada Carabiga, kuna dhashay tuulada Subk\ سبكoo ka tirsan degmada Al Manuufiyyah\ المنوفيةee dalka Masar\مصر, bisha Safar\ صفرee sanadka lix boqol iyo saddex iyo sideetanka Hijriga, kaddibna hantay guddoomiyannimada cilmiga Diinta ee Dalka Masar \مصر, kutubbo badanna dhigay, kuna dhintay jaziiradda Al Fiil\ الفيلee jinka wabiga Niil\ النيلku taalla maalin isniin ah ee afarta. bisha Jamaadul Aakhirah\ جماد اآلخرee sanadka toddoba boqol iyo lix iyo konton Hijriga. Aabihiisna wuxuu ahaa, sidiisoo kale, caalin wayn, isaguuna cilmiga ka qaatay, magaciisuna, wuxuu ahaa Kamaalu Al Diini Al Subkii\كمال الدين السبكي. Allaha u wada naxariisto ayaga iyo culummada Islaankaba. Al Subkii\ السبكيwuxuu yiri: "Waxaa sugnaatay inuu Ilaahay arwaaxda abuuray jirarka hortood. Marka, hadday sidaas tahay, hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah "Kuntu Nabiyyan\ "كنت نبياoo ah waxaan ahaa Nabi, wuxuu tilmaamayaa ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee sharrifka ah, ama xaqiiqo ka mid ah xaqaa'iqa, oo ay markaas Nabinnimadu run ahaantii ku sugnaatay, oo ay u dhammaystirantay ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sharafta leh, oo Nabinnimadiisu uma ayan baahan jir jira ama ooga jirta oo loo jeedo oo ay Nabinnimo ku sugnaato. Waxaa Ilaahay uu Nabi ka dhigay bilowgaba waa ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Jir ahaanna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi noqon doonaa marka ruuxiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Nabi ah uu jirkiisa shariifka ah ku xirmo. Xaqiiqadaas aan soo sheegnay maxay tahay? Xaqiiqadaas (xaqiiqo macneheeduna waxaa weeye wax run oo jira) caqligeennu wuu ka gaabiyaa inuu gaaro, waxaase yaqaanna Kii abuuray iyo qofkuu Ilaahay u fidiyo oo siiyo nuur Ilaahi ah oo uu ku garto waxa ka qarsoon qofkaan nuurkaas loo fidin oo aan la siin. Kaddib xaqaa'iqaas mid kastoo ka mid ah wuxuu Ilaahay siiyaa wuxuu doono iyo goortuu doono. Sidaas ayay xaqiiqada Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahayd tan iyo bilowga waqtiga Aadam\ آدمabuuristiisa iyo intaan abuuristiisaba la dhammaystirin. Sidaas ayuu Ilaahay xaqiiqada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u siiyay sifadaas ah inay abuuristeedu tahay mid u diyaar ah oo u sameysan qaadashada Nabinnimada iyo inay Nabi noqoto, Ilaahayna wuxuu siiyay oo uu waqtigaasba korkiisa yeelay sifadaas. Sidaas ayay xaqiiqada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Nabinnimadiisu ugu horreysey abuuridda Nabi Aadamآدم, kanoo markii la abuuray kaddib Nabi laga dhigay." Taas macneheedu waxaa weeye inay Nabinnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddex martabadood soo martay oo kala ah: (kow) Inuu marka koowaad Nabi ku ahaaday Cilmiga Ilaahay, kaddibna: (labo) Inuu Ruuxiisa Sharrifka ahay Nabinnimadu ku sugnaatay oo ay kaamil ku noqotay oo ay ku dhammaystirantay, iyo: 278 (saddex) In marka jirkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la abuuray, uu ruuxiina oo Nabi ah ku xirmay oo markaas ay dadka indhohooda isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi ah ku arkeen. Waxaana sidaas wariyay kitaabka Al Ladhaa'ifu wa Al Subulu\اللطائف والسبل. Al Zarqaanina \ الزرقانيwuxuu wariyay inuu shiikhiisu yiri: "Hadalkaas Al Subkii\ السبكيwuxuu faa'iideeyey inay Nabinnimadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku qadarnayd marka hore cilmiga Ilaahay, kaddibna ay ku dhabawday ayadoo laga dhigay oo ay waajib noqotay, kaddibna in la ahaysiiyey oo loo muujiyay oo la tusay Malaa’igta oo ay indhohooda ku arkeen. Qadiyada aan soo marnay oo ku saabsan muujinta xaqiiqadiisana ka hor intaan inta kaloo jirta la muujin, waxay ka dhigeysaa martabadaha afar oo kala ah: (kow) Tan koowaad oo la xiriirta cilmiga Ilaahay inuu Nabi noqon doono, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. (labo) Kaddib wuxuu abuuray isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuur ah. (saddex) Kaddib wuxuu Nabinnimadiisa ku dhigay Al Lawxu Al Maxfuuthu\اللوح المحفوظ. (afar) Kaddibna wuxuu Ilaahay u muujiyay oo uu tusay Malaa'igta . Al Subkii\ السبكيoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri: "Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu noqday Nabi -waana ruuxiisa ama xaqiiqadiisa, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam-wuxuuna magaciisa ku dhigay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, Carshiga, wuxuuna Ilaahay Malaa'igtiisa iyo ghayrkoodba u sheegay inuu Rasuul yahay laga bilaabo caalanka markaasba jiray, ama caalanka ka koobnaan doona ubadka Aadan آدمmarka la abuuro. Wuxuu kaloo Ilaahy u sheegay karaamada uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, agtiisa ku leeyahay. Marka xaqiiqadiisu waxay jirtaa oo ay sugnaatay waqtigaasba iyo inta ka dambeyseyba, in kastoo abuuritaanka jirkiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Nabinnimada ku sifeysan oo lagu sheegi doono uu waqtigaas ka dambeeyey. Marka inay xaqiiqadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yeelatay tilmaamahaas shariifka ah oo laga siiyay oo looga soo shubay si toos ah xagga Ilaahay waxay sugnaadeen laga bilaabo waqtigaas. Waxaase dib ka sugnaaday Bicthada\ البعثةdadka loo soo diray iyo gaarsiintiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Risaalada nasoo gaarsiiyay. Dhammaanna wuxuu xagga Ilaahay ka helay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo xagga u habaynta laftiisa shariifka ah iyo xaqiiqadiisaba way hormareen oo hore ayay u ahaadeen oo dib u dhac kuma ahaan. Sidoo kale dib u dhac iyo ahaansho dambeeyey kuma ayan sugnaan ka dhigiddisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi iyo siintiisa Kitaab iyo Xikmada iyo Nabinnimada way ka wada horreeyeen ahaansha jirkiisa. Waxaase waqti dambe ahaaday, oo intaasoo idilba ka dambeeyey, ahaanshihiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ku gadgaddoonkiisa dhabarrada awoowayaalkiisa daahiriinta ah ilaa uu kasoo if baxo oo uu ka dhasho. 279 Marka, waxaa Xadiithkaan in arwaaxda la abuuray ka hor intaan jirarka la abuurin laga baranayaa in qofka u fasiray hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu Nabi ahaa ayadoo uu Aadan آدمu dhexceyo ruuxa iyo jirka oo aan weli abuuritaankiisa la dhammaystirin, (siduu Al Ghazaalii\ الغزاليu fasiray oo kale) inay taas macneheedu yahay inay Nabinnimadaasi ku koobnayd cilmiga Ilaahay inuu Nabi noqon doono, inuusan gaarin macnahaan aan soo sheegnay oo ah inay Nabinnimadu ruuxiisa ama xaqiiqadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugnaatay oo ay kuba dhammaystirantay. Sababtuna waxay tahay inuu cilmiga Ilaahay wax walba koobay. In Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabinnimo lagu sifeeyo waqtigaas waxaa lagama maarmaan ah in loo garto inuu kaasu yahay amar iyo arrin sugan isla waqtigaasba. Haddise la yiraabdo inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi ahaa waqtigaas uu Aadan آدمruuxa iyo jirka u dhexeeyey macneheedu inuu yahay oo keli ah inuu Ilaahay u cilmi lahaa inuu mustaqbalka Nabi noqon doono, taasina ma noqon karto wax Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u gaar ah oo isaga khaas looga dhigay, ayadoo uu Ilaahay cilmi u lahaa isla waqtigaas, horreeyey iyo ka horba inay Nabiyadoo idil Nabi noqon doonaan. Marka waxa isaga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khaaska iyo sida goonida ah loo siiyay wa inay ahaataa in waqtigaas Aadan آدمuu ruuxa iyo jirka dhexdooda yahay ay Nabinnimadu u sugnaatay oo laga dhigay oo loo dhammaystiray, taasoo aan Nabi kale la siin. Taas ayaana u sabab ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xadiithkaan u yiri isagoo ummaddiisa ogeysiinaya, si ay u ogaadaan qadarkiisa uu Ilaahay Tacaalaa \ هللا تعالىagtiisa ku leeyahay." Intaas ayuu hadalka Al Subkii\ السبكيku ehyahay, wuxuuna, warkaas ku dhigay kitaab magaciisa la yiraahdo oo uu u bixiyay "Al Tacthiimu wa Al Munnatu fii: "la tu'minunna bihi ِ wa la tansurannahu" ُص ُرَّنه ُ " لَتُ ْؤ ِمُن َّن بِه َولَتَْن: "التعظيم والمنة فيoo ah Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana\سورة آل عمران. Xadiithka Calii\علي, Calayhissalaamu, ee ibnu Jariir\إبن جرير Waxay ibnu Jariir\ إبن جريرiyo ibnu Kathiir\ إبن كثيرCalii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyeen inuu yiri markuu fasirayey Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana سورة آل عمرانoo oranaysa: ٍ ِ ٍ َِمن ِكت ق لِ َما َم َع ُك ْم لَتُ ْؤ ِمُن َّن بِ ِه ٌ ص ِّد ْ َ اء ُك ْم َر ُسو ٌل ُم َ اب َوح ْك َمة ثَُّم َج ِ ِ َّ ال فَا ْشه ُدوا وأ ََنا مع ُكم ِمن )81( ين َ َص ِري قَالُوا أَ ْق َرْرَنا ق َ الشاهد َ ْ ََ َ َ ْ ِإ َّ اق ِّين لَ َما آَتَْيتُ ُك ْم َ ََخ َذ اللَّهُ ِميث َ َوِا ْذ أ َ النبِي َخ ْذتُ ْم َعلَى َذلِ ُك ْم َ َص ُرَّنهُ ق َ ال أَأَ ْق َرْرتُ ْم َوأ ُ َولَتَْن "Wa ith akhatha Allaahu miithaaqa al Nabiyyiina lamaa aataytukum min kitaabin wa xikmatin thumma jaa'akum Rasuulun musaddiqun limaa macakum la tu'minunna bihi wa la tansurannahu qaala a'aqrartum wa akhathtum calaa thaalikum isrii qaaluu aqramaa qaala fa ash-haduu wa anaa macakum mina al sh-shaahidiina", 280 oo macneheedu yahay: "Xusuuso markuu ka qaaday Ilaahay ballan adag Nabiyada waxaan idin siiyo oo kitaab iyo xikmo ah markaas uu idiin yimaado Rasuul rumaynaya una gargaartaan, kuna yiri: "Ma qirteen oo ma qaadeen arrintaas ballankayga ah oo ay yiraabdeen waan qirnay (oggolaannay) markaas ku yiri marag ka noqda, Anna la jirkiinna ayaan. ka mid noqonayaa kuwa marag kici", inuu عليyiri: وأخذ، "لم يبعث اهلل نبيا آدم ومن بعده إال أخذ عليه العهد في أمر محمد: وقال علي بن أبي طالب ".العهد على قومه ليؤ ِم ُن َّن به ولئن ُبعث وهم أحياء لينصرنه "Ilaahay Nabi ma dirin, laga bilaabo Aadan\ آدمiyo inta ka dambeysayba ee waa illaa kan ka qaaday cahdi iyo ballan adag oo ku saabsan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, in haddii la soo diro ayagoo nool uu midka nolol kusoo gaara oo ayaga ka mid ihi uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeynayo oo uu u gargaarayo, ayna tahay inuu cahdigaasoo kale dadkiisa loo dirayna uga qaado." Xadiithkaas oo kalena waxaa kaloo laga wariyay ibnu Cabbaas \ إبن عباس, siduu tafsiirkiisa ugu xusay Al Cimaadu Al Xaafithu Ismaaciil bin Cumar ibnu Kathiir Al Qaysii Al Muftii Al Muxaddith\العماد الحافظ إسماعيل بن عمر إين كثير القيسي المفتي المحدث, oo dhintay sanadka toddoba boqol iyo afar iyo toddobaatanka Hijriga. Sidoo kale waxaa wariyay ibnu Casaakir\ إبن عساكرiyo Al Baghawii\البغوي. Al Shaykhu Taqiyyu Al Diini Al Subkii\ الشيخ تقي الدين السبكيwuxuu yiri: "Aayaddaan shariifka ah ee kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana( سورة آل عمرانoo aan kor kusoo xusnay) waxaa ku sugan dareen la is dareensiinayo oo la is tusayo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo waynayn qadarkiisa sarreeya oo aan la qarin karin la waynaynayo. Waxaa kaloona ku sugan in la qadaray inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yimaado oo la soo diro zamankooda isagoo ayaga loo soo diray, oo ay Risaaladiisa iyo Nabinnimadiisu ku ahaato mid caam ah oo guud oo saameysa khalqiga oo idil min Aadam \آدم ilaa Maalinta Qiyaame, ayna Anbiyada iyo ummadahoodu ay Ummaddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ahaadaan. Sidaas ayuuna hadalkiisa uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri oo ahaa "."وبعثت إلى الناس كافة "Wa bucithtu ilaaal naasi kaafatan" oo macnihiisu yahay "Waxaan la ii diray dadka dhammaantood (Carab, cajam, madow, guduud, iwm)", ayna wariyeen Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\مسلم, wuxuu noqonayaa mid aan ku koobnayn oo keli ah dadka jiray laga bilaabo isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, zamankiisa ilaa Yawmul Qiyaamaha, ee balse wuxuu koobaya kuwa ayagana ka horeeyey. 281 Muslim\ مسلمriwaayad uu wariyay wuxuuba Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."إلى الخلق كافة "llaa al kha1qi kaafatan", oo macneheedu yahay: "Waxaa la ii diray khalqiga dhammaantiis", oo ah inta Ilaahay, Cazza wa Jalla \هللا عز وجل, kasoo haratah, oo uu Isagu abuuray. Eraygaasna wuxuu koobayaa Insiga, Jinniga iyo Malaa'igtaba. Intaas aan soo sheegnay, oo ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nabi yahay oo ay waagaas, horreysey Nabinnimo u sugnaatay, oo Anbiyada kalena cahdi iyo ballan looga qaaday inay rumeeyaan oo ay raacaan, iyo in arwaaxda la buuray ka hor intaan jirarka la abuurin, ayaa waxay macneyneysaa hadalkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu yiri oo ah: "."كنت نبيا وآدم بين الروح والجسد "kuntu Nabiyyan waa Aadamu bayna al ruuxi wa al jasadi", oo macneheedu yahay: "Waxaan ahaa Nabi ayadoo uu Aadan آدمku sugan yahay xaalad u dhexeysa ruuxa iyo jirka. Taas macneheedu waxaa weeye inay xaqiiqadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay Nabinnimo u sugnaatay oo ay la muuqatay ka hor intaan Aadan آدمla abuurin, oo uusan ruuxiisu jirkiisa dhex gelin. Marka haddaad taas ogaatay oo aad garatay, waxaad ogaatay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay Nabiga Anbiyada , oo ayagoo idilna loo diray, ayagoo ayaguna Nabinnimadooda ku sugan. Taas ayaana u sabab ah inay Maalinta Qiyaame Anbiyadoo idili calankiisa hoostiisa ku sugan yihiin, siduuba isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yiri Xadiithka uu Axmad \ أحمدka wariyay Anas\أنس: "."وبيدي لواء الحمد آدم فمن دونه تحت لوائي "Wa bi yadii liwaa'u Al Xamdi Aadama fa man duunahu taxta liwaa'ii". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Gacantaydana waxaa ku jira Calanka Xamdiga, Aadan آدمiyo inta ka sokeysana waxay yiliiin calankayga hoostiisa." Adduunkaanna waa sidaasoo kale, oo habeenka la dheelmiyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tujiyay oo uu imaam u noqday Anbiyada. Hadduu imaatinkiisa adduunkaanna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waafiqi lahaa oo uu ku beegnaan lahaa zamanka Aadam آدمiyo Nuux\ نوحiyo Ibraahiim\ إبراهيمiyo Muuse\ موسىiyo Ciise\عيسى, 282 Calayhimussalaamu, waxaa dhammaantood waajib ku ahaan lahaa inay isaga rumeeyaan oo ay u garggaraan. Sidaas ayaana cahdiga iyo ballanka iyo xarigga adag looga qaaday. Xadiithka dhobada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Al caarifu al Rabbaanii, midka cilmi iyo Diin badnida lagu tilmaamay Cabdu Allaahi bin abii Jamrah\العارف الرباني عبد هللا بن أبي جمرة, caalinka xaafithka ah ee maalikiga ah, Ilaahayna ka dhawrsada oo caabuda, uuna ibnu Kathiir\ إبن كثيرka yiri: "Xaqqa ayuu ku hadli jiray, samaantana fari jiray", kuna dhintay Masar\ مصرbisha Thuu Al Qacdah\ ذوالقعدةee sanadka lix boqol iyo shan. iyo sagaashan Hijriga, una dhashay qoys wayn oo Maghrib\ المغربama Morocco degah, kaddibna Masar\ مصرdegay, dhigayna kitaab uu ku sharxay Saxiixu Al Bukhaarii\شرح صحيح البخاري, wuxuu kitaabkiisa kale ee Bahjatu Al Nufuusi,\ بهجة النفوسoo macnihiisu yahay "Faraxa nafafyaalka" ku wariyay, siduu hortiis ugu wariyay kitaabkiisa "Shifaa'u al Suduuri\ "شفاء الصدورoo macnihiisu yahay "Bogsiinta laabaha" uuna dhigay Al Imaamu abuu al Rabiic bin Sabc\اإلمام أبوالربيع السبع, ayna ka wada wariyeen Kacb al Axbaar كعب \األحبار, oo magaciisu yahay Kacb bin Maanic Abuu Isxaaq Al Ximyarii Al Taabicii كعب بن منيع \ أبوإسحاق الحميري التابعيkaasoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo gaaray, aanse indhiliiisa ku arag, kanoo cilmigiisa badnidiisa la isku waafaqay, cilmigaasna ka qaatay Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابiyo koox asxaabta ka mid ah, isagana ay ka wariyeen afartii Cabdu Allaahi\ عبد هللاee "Al Cabaadilah\ "العبادلةiyo Abuu Hurayrah\ أبوهريرةiyo Anas\ أنسiyo Mucaawiyah\معاوية. Kacab\ كعبwuxuu ahaan jiray yuhuudi Yaman\ يمنdeggan, wuxuuna, islaamay zamanka Abuu Bakar Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, Allaha isaga iyo qoyskiisaba raalli ka noqdee. Waxaana kaloo la yiri zamanka Cumarعمر, tanoo faaftay. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ku islaamay gacanta Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, zamanka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam siduu Al Qasdhalaanii\ القسطالنيu wariyay. Kacb\ كعبkaddib wuxuu degay arliga Shaam\الشام, ayaduuna ku dhintay, sida la wariyay sanadka labo iyo soddonaad ee Hijrada zamanka Cuthmaan bin Caffaan \عثمان بن عفان, Allaha raalli ka noqdee, isagoo boqol sano kor u dhaafay. Axaadiithta Kacb\ كعبwaxaa wariyay lixda Imaam intaan Bukhaarii\ البخاريahayn, kanoo wariyay war uu Mucaawiyah\ معاويةka tabiyay Kacb\كعب. Kacb\ كعبwuxuu yiri: "Markuu Ilaahay doonay inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuuro, wuxuu Jibriil\ جبريلamray inuu u keeno dhoobada ah qalbiga arliga iyo quruxdiisa iyo nuurkiisaba." Wuxuu yiri: "markaasuu Jibrill\ جبريلsoo degay isagoo ay la socdaan Malaa'igta Jannada Al Firdaws \الفردوس iyo Malaa'igta Samada ugu sarreysa ee toddobaad. Markaasuu cantoobada dhoobada ah ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga abuurayo wuxuu kasoo qaaday barta uu ku yaallo qabrigiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo cad oo iftiimeysa. Markaasaa dhoobadaas waxaa lagu raqday oo lagu cajiinay biyaha la yiraahdo Al Tasniimi\التسنيم, oo ah waxa Jannada laga cabo waxa ugu sarreeya. Waxaana la yiraahdaa Al Tasniimu\ التسنيمwaa il guryaha Jannada kor marta oo dadka Jannada ku jira guryohoodaas hoos 283 ugu soo degatah, oo macnaha Al Tasniimu\ التسنيمwaxaa weeye "midda kor kasoo hoobata oo korkooda kusoo degatah". Al Tasniimu\ التسنيمwaana isha ay wabiyada Jannadu kasoo burqadaan, sidduba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ugu sheegay Aayadaha toddoba iyo sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Al Mudhaffifiina\سورة المطففين: ِ و ِم َز ٍِ )58( ون ُ ) َع ْيًنا َي ْش َر53( اجهُ م ْن تَ ْسنيم ُ َ َ ب بِهَا اْل ُمقََّرُب "Wa mizaajuhu min tasniimin(27)Caynan yashrabu bihaa al muqarrabuuna(28)" oo macnohoodu yahay: "Waxaana lagu dheehi cabitaan sare(27)Waa il ay ka cabbaan kuwa Ilaahay u dhaw(28)." Kacb\ كعبoo, hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Markaasaa waxaa cantoobadaas lagu raqday, oo lagu cajiinay biyaha Al Tasniimu \التسنيم, oo ah isha ay kasoo burqadaan wabiyada Jannada, oo lagu raqdayey ilaa ay ka noqotay sida xabbad luul ah oo wayn oo cad oo shucaac iyo kaah cathiim ah oo wayn uu ka kaahayo, Kaddib Malaa'igta ayaa intay qaaday waxaa lagula soo dawaafay Carshiga \( العرشsida Kacbada Makkah\ مكةloogu dawaafo oo kale ayadoo lala soo wareegsado) iyo Kursiga \ الكرسيiyo Samaawaatka dhexdooda iyo arligaba iyo buuraha iyo badaha (kuwa arliga ku yaalla iyo ghayrkoodba). Markaasey Malaa'igtu baratay oo ay ogaatay, uuna sidoo kale u bartay oo uu u ogaaday khalqiga oo idil Sayyidkeenna Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo fadligiisa uu khalqiga intiisa kale dheer yahay, ka horba intayan baran oo ayan aqoonsan Aadan\ آدمCalayhissalaarnu." Waxaa intaas ku eg hadalka Kacb\كعب. Hadalkaas oo kalena qofna ra'yigiisa kama oran karo, oo ama kutubadii hore ayuu kasoo guuriyay, ama qof uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay. Xadiithka Ibnu Cabbaas\ إبن عباسee dhoobada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxaa la yiri: Markuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىSamaawaatka iyo arliga la hadlay, siday Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Fussilat\ سورة فصلتnoo sheegtay, uuna ku yiri waxaan doonayo sameeya: ِِ ِ ثَُّم استَوى إِلَى السَّم ِ ال لَهَا ولِ ْْل َْر )11( ين َ ض ِا ْئتَِيا َ َان فَق ٌ اء َوِه َي ُد َخ َ ط ْو ًعا أ َْو َك ْرًها قَالَتَا أَتَْي َنا طَائع َ َ َْ "Thumma istawaa ilaa Al Ssamaa'i wa hiya dukhaanun fa qaala lahaa wa li al arli a'atiyaa dhawcan aw karhan qaalataa ataynaa dhaa'iciina", oo macneheedu yahay: "Markaasuu Ilaahay u qasday Samada ayadoo qiiq ah, kuna yiri ayada iyo arligaba: "kaalaya adinkoo hoggaansan ama adinkoo khasban", waxayna yiraahdeen: 284 "waxaan nimid annagoo hoggaansan", waxay yiraahdeen annaga iyo waxa dhexdeenna ku suganba waxaan nimid annagoo adeecsan. Midka arliga warkaan u yiri, oo Ilaahay Tacaalaa هللا \ تعالىu jawaabay waxay ahayd barta ay Kacbada Shariifka ahi ku taallo, Samadana waxaa uga jawaabay inta Kacbada ku beegan oo la siman. Markaas kaddib ayay arliga intiisa kale iyo Samaawaatka intooda kale ayaguna hadalkoodaas ku waafaqeen inay hoggaansamayaan." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Arliga ugama uusan jawaabin intaan Xaramka ahayn, kano fadhiga Kacbada Shariifka ah ka ballaaran", isagoo hadalkiisaas ku saleeyey Xadiithka Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد هللا إبن \ عباسuu ku yiri: "Asalka dhoobada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa weeye xudunta arliga ee Makkah\ مكةku taalla". Markaasuu caalinka Al Suhruwardii\ السهرورديee iska leh kitaabka Al Cawaarif\ العوارفwuxuu yiri: "Hadalkaas uu ibnu Cabbaas\ إبن عباسyiri iyo kuwii ka horreyeyba wuxuu na dareensiinayaa inuusan arliga ka jawaabin intaan ahayn Durrada, oo ah xabbad luul ah oo wayn oo qaali ah oo qiimo badan, ee laga abuuray Al Musdhafaa Muxammad\المصطفى محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, (oo sida nasoo martay ay dhoobadiisu noqotay sida xabbad luul ah oo cad, waana arki doonnaa, Inshaa'Allaahu\إن شاء هللا, ayadoo jawharad-na lagu tilmaamay). Barta Kacbada ayaana arliga laga fidiyay. Sidaas, ayuuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku noqday asalka uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, ashyaa'da\ األشياءka ahaysiiyey, inta sidaas loo abuurayna ay isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, raacsiisanyihiin. Waxaana la yiri in taas daraadeed Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ummi\ أميloogu bixiyay, ayadoo ay Makkah\ مكةtahay Ummu Al Quraa'\ أم القرىoo ah hooyada magalooyinka, isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Durradiisuna ay tahay hooyada khaliiqada. Marka haddaad tiraahdid in qof walba ciidda laga abuuray barta laga soo qaaday lagu duugayo, sida soo aroortay, waxay ahayd in Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\ مكةlagu duugo, taasoo dhoobadiisa laga soo qaaday. Maxay hadaba sidaas u ahaan weyday? Waxaa si sahlan uga jawaabay Al Callaamah Cumar Shihaabu Al Diini bin Muxammad bin Cumar Al Suhruwardii\العالمة عمر شهاب الجين بن محمد بن عمر السهروردي, faqiiha shaaficiga ah, zaahidka, Imaamka waraca ah oo Ilaahay ka dhawrsada, suufiga zaman khilaawooda, soomidda iyo thikriga u go'ay, oo markay da'diisu weynaatay bilaabay inuu dadka la hadlo oo wacdiyo, kaddibna ka haray oo ka fariistay, Xajkana laazimay ilaa uu boqolkii sano ugu dhowaaday cumri ahaan. Khalqi badan ayaa raacay iyo suldaanno iyo madax badan. Wuxuu yiri: "Biyaha uu Carshigu korkooda ahaa markay hirar yeeshaan oo ay ruxdaan waxa dul heehaabaya ayay dhinacyada u tuuri jireen. Markaasey jawharadda, waa dhoobada Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku dhacday meel ku beegan dhobadiisa Al Madiinah\المدينة, ayadoo ay Makkana\ مكةuga soo hartay intuu Jibriil\ جبريلka qaaday markuu Ilaahay doonay soo muujinta Al Musdhafaa\المصطفى. Sidaas ayuu wuxuu Nabigu, Sallaa 285 Allaahu Calayhi Wasallam, ku ahaa Makkii\مكي, ayadoo dhobadiisa ayada laga soo qaaday, iyo Madanii\مدني, isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayada lagu duugay, taasoo u sabab ahayd inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Makkana hilow u qabay, dhobadiisuna ay Al Madiinah\ المدينةahayd." Jawharad\ جوهرةwaxaa la yiraahdaa dhagax kasta oo lagala soo baxo shay lagu intifaaco oo waxtar leh, siduu yiri Al Qaamuusu\القاموس. Xadiithka ibnu Dhughrubak\ إبن طغرباكkoofaaridda Aadam\ آدمAbaa Muxammad\أبا محمد Ibnu Dhughrubak\ إبن طغرباك, oo ah caalinka Xadiithka ku xeel dheer, magaciisuna yahay Sayfu Al Diini Abii Jacfar Cumar bin Ayyuub bin Cumar Al Ximyarii Al Turkumaanii Al Dimishqiyyi Al Xanafii\سيف الدين أبي جعفر عمر بن أيوب بن عمر الحميري التركماني الدمشقي الحنفي, wuxuu kitaabkiisa Al Durru al Nathiimi fii Mawlidi Al Nabiyyi Al Kariimi الدر النظيم في مولد النبي \ الكريمku yiri: "Waxaa la wariyay in markuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىAadan آدمabuuray uu ku ilhaamiyay, kana hor intaan axad Malaa'igta ka mid ahi uusan koofaartaas ugu yeerin, inuu yiraahdo: "Rabbigayow, maxaad iigu koofaartay Abaa Muxammad\( ? أبا محمدoo ah Muxammadمحمد aabihiis)?" Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىwuxuu yiri: "!"يا آدم ارفع رأسك "Yaa Aadamu irfac ra'saka!", oo ah: "Aadanowآدم, madaxaaga kor usoo qaad!" Markaasuu Aadan آدمmadaxiisa kor usoo qaaday. Markaasuu wuxuu ku arkay nuurka Muxammad\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo suuraddiisa leh Carshiga. Markaasuu Aadan آدمwuxuu yiri: "Rabbiyow, muxuu yahay nuurkaani?" Wuxuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىyiri: وال خلقت سماء، لواله ما خلقتك، ريتك اسمه في السماء أحمد وفي األرض محمد1 "هذا نور نبي من ".وال أرضا "Haathaa nuuru Nabiyyin min thurriyyatika ismuhu fii Al Ssamaa'i Axmadu wa fii al ardi Muxammadun, lawlaahu maa khalaqtuka, wa laa khalaqtu Samaa'an wa laa ardan", oo macnihiisu yahay: "Kani waa nuurka Nabi dhashaada ka mid ah, magaca Malaa’igta Samadu u taaqannana uu Axmadu\ أحمدyahay, dadka arliga degganna ay Muxammadun\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi 286 Wasallam, u yaqaannaan. Hadduusan isga ahaan lahaynna, kumaba aanan abuureen, mana aanan abuureen Samo iyo arli midna." Waxaana inay sida uu Xadiithkaan lagu wariyay ay tahay u marag Xadiithka uu Al Xaakim \ الحاكمkitaabkiisa Saxiixa ah ee Al Mustadrik\ المستدركAbuu Xafs Amiirul Mu'rniniina Cumar bin Al Khadh-dhaab\أبوحفص أمير المؤمنين عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, uga wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "لوال محمد ما: وأن هللا تعالى قال آلدم،"أن آدم عليه السالم رأى اسم محمد مكتوب على العرش ".خلقتك "Anna Aaadama Calayhissalaamu ra'aa isma Muxammadun maktuuban calaa Al Carshi, wa anna Allaaha Tacaalaa qaala li Aadama: "law laa Muxammadun maa khalaqtuka"." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Inuu Aadan آدم, Calayhissalaamu, arkay Magaca Muxammadun محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,oo Carshiga ku dhigan iyo inuu markaas Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىAadan آدمku yiri: "Haddayan Muxammad محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahaan lahayn kumaba aanan abuureen. " Abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwuxuu kitaabka Dhabaqaatu Al Asfahaaniyyina\ طبقات اإلسفهانيينku wariyay, Al Xaakimna\ الحاكمinuu Ibnu Cabbaas\ إبن عباسyiri: ، فلوال محمد ما خلقت آدم وال الجنة والالنار،"أوحى هللا إلى عيسى آمن بمحمد ومر أمتك أن يؤمنوا به ". فسكن، فكتبت عليه ال أله إال هللا محمد رسول هلل،ولقد خلقت العرش على الماء فاضطرب "Awxaa Allaahu ilaa Ciisaa Aamin bi Muxammadin, wa mur ummattaka an yu'minuu bihi, fa law laa Muxammadan maa khalaqtu Aadama wa laa Al jannata wa laa Al Naara, wa la qad khalaqtu Al Carsha Calaa Al Maa'i, fa idraba, fa katabtu calayhi Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi, fa sakana", oo macnihiisu yahay: "Ilaahay wuxuu Ciise عيسىu waxyooday oo uu ku yiri: "Aamin Muxammad\محمد, ummaddaadana waxaad amartaa inay ayaguna rumeeyaan, oo haddayan Muxammad\محمد ahaan lahayn Aadanba آدمma aanan abuureen iyo Jannada iyo Naarta midna. Markaan Carshiga biyo korkooda ku abuuray ayuu nuuxnuuxsaday, markaasaan waxaan korkiisa ku dhigay ال أله إال هللا محمد رسول هللLaa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi, markaasuu xasilay oo degay." Xadiithkaan waxaa saxiix ka dhigay Al Xaakim\الحاكم, waxaan hubiyay oo sugay Al Subkii \السبكي, kuna sugay kitaabkiisa "Shifaa'u Al Siqaami\ "شفاء السقامoo macnihiisu yahay "Bogsiinta kuwa buka", Al Balqiinina\ البلقينيwuxuu. ku sugay oo uu saxiixnimadiisa isaguna ku qiray fatwooyinkiisa. 287 Xadiithkaas oo kalena ninna ra'yigiisa kama yiraahdo ee xukunkiisu waa al rafco \الرفع, oo ah in Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor loogu qaado oo lala xiriiriyo, oo la yiraahdo waa Xadiithka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Daylamii\ الديلميwuxuu Ibnu Cabbaas\إبن عباس, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, ka wariyay inuu yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". "لوالك ما خلقت الجنة ولوالك ما خلقت النار: "إن هللا يقول:"أتاني جبريل فقال " Ataanii Jibriilu fa qaala: "Inna Allaaha yaquulu: "Law laaka maa khalaqtu Al Jannata wa law laaka maa khalaqtu Al Naara". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa ii yimid Jibriil\جبريل, wuxuuna yiri: "Ilaahay wuxuu leeyahay: "Haddayan adiga ahaan lahayn ma abuureen Jannada, haddayan adiga ahaan lahaynna ma abuureen Naarta". Ibnu Sabc\ إبن سبعiyo Al Cazafii\ العزفيwaxay Calii bin Anii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri :"Ilaahay wuxuu Nabigiisa ku yiri:: ". "من أجلك أسطح البطحاء وأموج الموج وأرفع السماء وأجعل الثواب والعقاب:"أن هللا قال لنبيه "Min ajlika asdhaxu al Badhaxaa'a, wa amuuju al mawja, wa arfaco Al Ssamaa'a, wa ajcalu al thawaaba wa al ciqaaba." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Adiga daraaddaa ayaan waadiyada u fidiyay (ama waaba waadiga Makkah Al Mukarramah مكة \ المكرمةoo ay magacddeeda ka mid tahay Al Badhaxaa'a\)البطحاء, oo aan hirarka. baddana u kiciyaa, aan Samadana kor uga yeelay, aanna abaalmarin iyo ciqaabna u yeelay." Waxaa la yiri: taasna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ghayrkiis uma sugnaan, ha ahaado Nabi ama Malag hadduu doonee. Wa Lillaahi darru\( وهلل الدرoo la yiraabdo marka qof la weyneynayo, oo uu macneheedu weyneyn yahay, macneheeduna yahay: caanaha markuu dhashay lagu rabbeeyey Axad aan Ilaahay ahayn loo nisbeyn mayo, ayadoo uu qofkaasi kaamilnimadiisa lagu ammaanay ay caadada ka saaratay oo ka kor marisay) midka isagoo Xadiithkaan aasaas ka dhiganaya iyo tawasulka\ التوسلAadan\ آدمuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Ilaahay ugu tawasulay, oo sidaas tawbadiisa lagu aqbalay, waana gabayaaga, Saalix bin Xusayn\ صالح بن حسين الشاعرoo yiri: وكان لدي الفردوس في زمن الصبا \\ وأثواب شمل األنس محكمة السدى.1 \\ يزيد على األنوار في الضوء والهدى يشاهد في عدن ضياء مشعشعا.2 \\ جنود السماء تعشو إليه ترددا فقال إلهي ما الضياء الذي أرى.3 \\ وأفضل من في الخير راح أو اغتدى فقال نبي خير من وطئ الثرى.4 \\ وألبسته قبل النبيين سؤددا تخيرته من قبل خلقك سيدا.5 \\ مطاعا إذا ما الغير حاد وحيدا واعددته يو القيامة شافعا.6 \\ ويدخله جنات عدن مخلدا فيشفع في إنقاذ كل موحد.7 288 \\ ولكنني أحببت منها محمدا وإن له أسماء سميته بها.8 \\ تكون على غسل الخطيئة مسعدا فقال إلهي امنن علي بتوبة.9 بحرمة هذا االسم والزلفة التي\\ خصصت بها دون الخليقة أحمدا.11 أقلني عثاري يا إلهي فإن لي \\ عدوا لعينا جار في القصد واعتدي.11 فتاب عليه ربه وحماه من \\ جناية ما أخطاه ال متعمدا.12 1. Wa kaana laday Al Firdaws fii zamani al sabaa Wa athwaabu shamli al unsi muxkamatu al sadaa 2. Yushaahidu fii Cadan diyaa'an mushacshacaa Yaziidu calaa al anwaari fii al daw'i wa al hudaa 3. Fa qaala Ilaahii ma al diyaau allathii araa Junuudu Al Samaa'i tacshuu ilayhi taradudaa. 4. Fa qaala Nabiyyun khayra man wadhi'a al tharaa Wa afdalu man fii al khayri raaxa aw ightadaa 5. Takhayyartuhu min qabli khalqika Sayyidan Wa albastuhu qabla al Nabiyyiina su'dudaa 6. Wa acdadtuhu Yawma Al Qiyaamati Shafiican Mudhaacan ithaa maa al ghayru xaada waxiidaa 7. Fa yashfacu fii inqaathi kulli muwaxxidin Wa yudkhiluhu Jannati Cadnin mukhalladaa 8. Wa inna lahu asmaa'un sammaytahu bihaa Wa laakinnanii axbabtu minhaa Muxammadaa 9. Fa qaala Ilaahii amnun calayya bi tawbatin Takuunu calaa ghasli al khadhii'ati musaccadaa 10. Bi xurmati haathaa al isma wa al zulfata allatii Khasasta bihaa duuna al khaliiqata Axmadaa 11. Aqilnii cathaarii yaa Ilaahii fa inna lii Caduwwan laciinan jaara fii al qasdi wa ictadaa 12. Fa taaba calayhi Rabbuhu wa xamaahu min janaayata maa akhdhaahu laa mutacammidaa. Gabaygaas macnihiisu waxaa weeye: 1. Bilowga amarkiisa, marka jirkiisa ruuxa la geliyay, iyo intaan arligaan loo soo dejin ka hor, Aadan wuxuu ahaa Jannada Firdaws agteeda,/ iyo dhar kulmiyey wehel oo idil oo duntooduna si isku dhowdhow oo adag loo tolay: waana sarbeeb uuna ka wada oo uu ku tilmaamayo siduu Aadan Ilaahay ugu dhowaa. 2. Wuxuuna Jannada Cadan\( عدنwaa midda lagu waaro) dhexdeeda ku arkay nuur faafsan oo kaahaya/Kana nuur badan nuurarka la yaqaanno xagga iftiinka iyo hanuunkaba. 3. Markaasuu Aadan\ آدمyiri: Ilaahayow, muxuu yahay nuurkaan aan u jeedo oo nuurarka kale ka xoog badadan/Oo ay ciidanka Samadu soo aadeyso oo ay usoo qasdeyso si ay ugu iftiinsato, ayna kusoo noqnoqonayaan inay wax ugu nuursadaan. 4. Markaasuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه تعالى, wuxuu yiri: "Waa nuurka Nabi ah kan ugu khayr badan qof arliga ku kor socday oo dul maray (oo al tharaa waxaa la yiraahdaa, ciidda qoyan)/Waana midka ugu fadli badan oo ugu deeqtoon mid dariiqa khayrka qaada, habeen iyo maalinba. 289 5. Waxaanna doortay intaanan adiga ku abuurin ka hor Aadanow آدمiyo inuu noqdo Sayyid hoggaamiye ah/Waxaanna u labbisay Sayyidnimo Nabiyada hortood. 6. Waxaanna u diyaariyay Maalinta Qiyaame inuu shafeeco qaado/ isagoo ah mid la adeeco (oo shafeecadiisa uu Ilaahay yeelo)/Isagoo ay ghayrkiis marayaan ayagoo keligood ah. 7. Markaasuu u shafeeco qaadayaa badbaadinta kulli mid muwaxxid ah oo kelinnimada Ilaahay qiray/Oo markaasuu gelinayaa, Jannooyinka dhexdooda lagu waaro isagoo hadana dhexdeeda ku waaraya. 8. Isagu wuxuu leeyahay magac aan u bixiyay oo aan ugu yeeray/Laakiin waxaan magacdaas ka jeclaaday Muxammad\محمد. 9. Markaasuu Aadan آدمwuxuu yiri: Ilaahayow, igu manneyso tawbad aqbal/Oo noqota, mid dhaqidda dambigaan galay ka qayb qaadata oo saacidda. 10. Sidaas iiga yeel xurmada magacaan iyo deeqda iyo siduu kuugu dhowyahay/Oo aad isaga ku gooni yeeshay khalqiga sokadiisa Axmad\أحمد. 11. Ilaahayow, iga rid dambiyadeyda maxaa yeelay waxaan leeyahay/Cadaw laciin ah oo naxadista Ilaahay laga fogeeyey (waana Ibliis) ujeedadiisu ay dulmi tahay oo ay xuntahay, colaadna geystey. 12. Markaasuu Rabbigiisu tawbadiisa aqbalay, kana ilaaliyay oo ka reebay/Dambiga uu gaf ahaan u galay uusanna ula kac u gelin. Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii\جابر بن عبد هللا األنصاري Wuxuu Cabdu Al Razzaaq bin Humaam bin Naafic Al Ximyarii \عبد الرزاق بن همام بن نافع الحميري, caalinka ka wariyay Macmar\ معمرiyo Ibnu Jariij إبن جريجiyo Maalik\ مالكiyo labada Sufyaan \ سفيانiyo Al Awzaacii\ األوزاعيiyo khalqi kaloo badan, isagana ay ka wariyeen Axmad \ أحمدiyo Isxaaq\ إسحاقiyo ghayrkoodba, kuna dhintay sanadka laba boqol iyo kow toban Hijriga Baghdaad بغدادisagoo shan iyo sideetan jir ah, kitaabkiisa iyo sanad uu isagu leeyahay uga wariyay Jaabir bin Cabdu Allaahi bin Camr bin Xaraam Al Ansaarii Al Khazrajii جابر بن عبد هللا \بن عمرو بن حرام األنصاري الحورجي, saxaabiga uu dhalay saxaabi kale, kana qayb galay sagaal iyo toban duullaan (waana ghazwah: duullaanka hadduu hoggaaminayo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la yirahdaa Ghazwah\غزوة, hadday saxaabiyyin keli ah yihiin Sariyyah), kuna dhintay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةkaddib sanadka Hijrada ee toddobaatanaad isagoo kow iyo sagaashan jir ah, wuxuuna yiri: "Waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan kugu furanayaa aabahay iyo hooyadey, ii sheeg waxa ugu horreeyey oo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىabuuray ka hor ashayaa'da (waa waxa jira ) oo idil." Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: فجعل ذلك النور يدور بالقدرة حيث شاء،إن هللا تعالى قد خلق قبل األشياء نور نبيك من نوره،"يا جابر و ال أرض و ال شمس، و ال ملك و ال سماء، و ال جنة و ال نار، ولم يكن في ذلك الوقت لوح و ال قلم،هللا فخلق من، فلما أراد هللا تعالى أن يخلق الخلق قسم ذلك النور أربعة أجزاء، و ال جني و ال إنسي،و ال قمر فخلق من، ثم قسم الجزء الرابع أربعة أجزاء. ومن الثالث العرش، و من الثاني اللوح،الجزء األول القلم فخلق، ثم قسم الرابع أربعة أجزاء، و من الثالث باقي المالئكة، و من الثاني الكرسي،األول حملة العرش فخلق، ثم قسم الرابع أربعة أجزاء، و من الثالث الجنة والنار، و من الثاني األرضين،من األول السموات 290 ، ومن الثاني نور قلوبهم – وهي المعرفة باهلل – و من الثالث نور أنسهم،من األول نور أبصار المؤمنين ". ال إله إال هللا محمد رسول هللا،و هو التوحيد "Yaa Jaabiru, inna Allaaha Tacaalaa, qad khalaqa qabla al ashyaa'a nuura Nabiyyika min NuuriHi, fa jacala min thaalika al nuuri yaduuru bi al Qudrati xaythu shaa'a Allaahu. Wa lam yakun fii thaalika al waqti Lawxun wa laa Qalamun wa laa jannatun wa laa Naarun wa laa Malakun wa laa Samaa'a, wa laa arda, wa laa shamsun, wa laa qamarun, wa laa Jinniyyun wa laa Insiyyun. Fa lammaa araada Allaahu an yakhluqa qassama thaalika al nuura arbacata ajzaa'in: 1. Fa khalaqa mina al juz'i al awwali Al Qalama, 2. Wa mina al th-thaanii Al Lawxa 3. Wa min al th-thaalithi Al Carsha. Thumma qassama al juz'a al raabica arbacata ajzaa'in: (1) Fa khalaqa mina al awwali Xamala Al Carshi (2) Wa mina al thaanii Al Kursiyya (3) Wa mina al thaalithi baaqiya Al Malaa'ikati. Thumma qassama al rraabica arbacata ajzaa'in: (1) Fa khalaqa mina al awwali Al Samaawaati Al Sabca, (2) Wa mina al th-thaanii Al Ardiina, (3) Wa mina al th-thaalithi Al Jannah wa Al Nnaara. Thumma qassama al rraabica arbacata ajzaa'in: (1) Fa khalaqa mina al awwali Nuura Absaara Al Mu'miniina (2) Wa mina al th-thaanii Nuura Quluubihim wa hiya al macrifatu bi Allaahi (3) Wa mina al th-thaalithi Nuura unisihim wa huwa Al Tawxiidu Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi. " Xadiithkaan oo uu Al Bayhaqiina\ البيهقيwariyay isagoo erayadiisu qaar ka duwanyihiin, macnihiisu waxaa eeye: "Jaabirow\جابر, Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالى, wuxuu abuuray intuusan shay kale abuurin ka hor, Nuurka Nabigaaga, uuna ka abuuray Isaga Nuurkiisa oo uu Ilaahay Tacaalaa \هللا تعالى nuurkaas Isaga Laftiisa u nisbeeyey sharfid uu Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sharfayo iyo inuu Nabigu yahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khalqi cajiib ah, siduu Aayadda sagaalaad ee Suuratu Al Sajdah\ سورة السجدةuu ruuxa uu Aadam\ آدمgeliyay uu Isaga laftiisa ugu nisbeeyey oo kale, uuna yiri: ِ يه ِمن ر ِ ثَُّم س َّواه وَنفَ َخ ِف وح ِه ُ ْ َُ َ "Thumma sawwaahu wa nafakha fiihi min ruuxihi" oo macneheedu yahay "Markaasuu ekeeyey oo uu ruuxiisa ku afuufay". Markaasuu Ilaahay nuurkaas ka yeelay mid ku wareegsada Qudradda Ilaahay meeshuu doono. Waqtigaasna ma jirin Lawxul Maxfuuthka\اللوح المحفوظ, Qalinkuna ma jirin, Jannana ma jirin, Naarna ma ayan jirin, kuwaasoo markaas kaddib la abuuray, ayadoo hadana Jannada la abuuray intaan Naarta la abuurin ka hor, siduu Abuu Al Shaykhi \ أبو الشيخIbnu Cabbaas إبن \ عباسuga wariyay; Malaa’igna ma jirin, Samana ma jirin, arlina ma jirin, qorraxna ma jirin, dayaxna ma jirin, Jinnina ma jirin, Insina ma jirin. Markaasaa markuu Ilaahay doonay inuu khalqiga abuuro, ayuu nuurkaas wuxuu ku ziyaadiyay oo uu ku daray afar qaybood: 291 Q a l i n k a\القلم (Kow) Qaybta koowaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Qalinka. Qalinka waxaa si tifaftiran uga warbixinaynnaa kitaabka afaraada markaan ka hadlaynno qaybaha iimaanka inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Al Llawxu Al Maxfuuthu\اللوح المحفوظ (Labo) Qaybta labaad ee nuurkaasna (waxaan dib ugu noqonnay tarjumidda iyo macneynta Xadiithka Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii) wuxuu ka abuuray Lawxul Maxfuudka, , korna aan uga soo hadalnay aanna uga hadlaynno kutubbada soo socda, inshaa’a Allaahu إن \شاء هللا. Al Carshu\العرش (Saddex) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Carshiga, oo aan kutubbada soo socda uga hadli doonno inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. (Afar) Markaasuu Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\هللا تبارك وتعالى, qaybta afaraad ee nuurkaas wuxuu u qaybiyay afar qaybood oo kale, oo kala ah: Xamalatu Al Carshi\حملة العرش (1) Markaasuu wuxuu qaybta koowaad ka abuuray Malaa'igta ah Xamalatu Al Carshi حملة \ العرش, oo ah kuwa Carshiga xambaarsan, ahna sideed Malag oo suuradda ama ekaanshaha Al Awcaalu\ األوعالleh oo ah orgiyada buuraha dushooda ku nool ah. Malaa’igtaanna waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. Al Kursiyyu\الكرسي (2) Qaybta labaadna wuxuu Ilaahay Tacaalaa ka abuuray Al Kursiyyu, taasoo xujjo u ah inuu Kursigu ka duwanyahay Carshiga, waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. Malaa'igta (3) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray Malaa'igta inteeda kale, waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. (4) Kaddibna qaybtii afaraad ayuu afar u qaybiyay, uuna ka kala abuuray: 292 Toddobada Samo Kowaad. Wuxuu qaybta koowaad ka abuuray toddobada Samo, waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. Toddobada arli Labaad. Qaybta labaadna. ee nuurkaas wuxuu Ilaahay Tacaalaa ka abuuray toddobada arli, waxaan uga hadlaynnaa qaybta ”qaybaha iimaanka” ee kitaabka afaraad inshaa’a Allaahu إن شاء هللا. . Jannada iyo Naarta Saddexaad. Qaybta saddexaadna ee nuurkaas wuxuu ka abuuray Jannada iyo Naarta. Afaraad. Qaybta afaraad ee nuurkaasna wuxuu u qaybiyay, kaddib, afar qaybood oo uu ka kala abuuray: Nuurka Basiirada Mu'miniinta (1) Qaybta koowaad ee nuurkaas wuxuu ka. abuuray nuurka basiirada mulminiinta iyo araggooda guud oo ay wax ku arkaan, ayadoo ay gaaladu waxtarka iyo nafaca aragga basiirada seegeen, ayna u noqotay dhibaato ee nafac iyo waxtar midna uma noqon. Nuurka Quluubta Mu’miniinta (2) Qaybta labaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray nuurka quluubta Mu'miniinta, oo ah macrifada iyo aqoonsiga Ilaahay. Nuurka Unsiga ee wehesha (3) Qaybta saddexaad ee nuurkaasna wuxuu ka abuuray nuurka weheshooda, oo ah Tawxiidka oo ah Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Qasdhalaanii, oo aan kasoo guurinnay, ma uusan xusin qaybta afraad oo Xadiithkoo idil, qofkii doonayana ha ka raadsado Musnadu Cabdu Al Rrazzaaq. Xadiithka Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, wajigiisa Allaha karaameeyee Al Xaafith abii Al Xasan Cali bin Muxammad bin Cabdu Al Malik al Ximyarii, al Kanaanii, al Faasii\الحافظ أبي الحسن بن محمد بن عبد الملك الحميري الكناني الفاسي, loona yaqaanno oo ku caan baxay Ibnu Al Qadh-dhaan\ إبن القطانkuna xeel dheeraa cilmiga Xadiithka iyo magacda ragga wariyaba, aadna u danayn jiray ragga wariya, laguna yaqiinnay xifthiga, dhigayna kitaabka Al Wahmu wa al lihaamu\ الوهم و اإللهامuuna ku sharxayo kitaabka Al Axkaamu Al Kubraa األحكام \ الكبريee uu dhigay Cabdu Al Xaqq\عبد الحق, dhintayna sanadka Hijriga ee lix boqol iyo sideed iyo toban, wuxuu kitaabkaas ku dhigay, siduu uga wariyay Al Callaamah Muxammad bin 293 Axmad bin Muxammad bin Muxammad bin abii Bakr bin Marzuuq Al Tilamsaanii العالمة محمد \بن أحمد بن محمد بن أبي بكر بن مرزوق التلمساني, loona yiqiinnay Al Khadhiib\الخطيب, dhashayna sanadka Hijriga ah ee toddoba boqol iyo toban, maahirna cilmiga iyo cabsida Ilaahayba ku noqday, sharxayna kutubbada Al Cumdah iyo Al Shifaa' Burdah العمدة في الشفاءiyo Al \ البردةiyo Al Axkaamu Al Sughraa\ األحكام الصغرىee uu dhigay Cabdu Al Xaqq\عبد الحق, iyo Al Mukhtasar \ المختصرee Ibnu Al Xaajib\ إبن ماجةoo furuucda ku saabsan, iyo qaar kitaabka Al Mukhtasar\ المختصرee Al Shaykhu Khaliil\الشيخ خليل, ku dhintayna Masar\ مصرbisha Rabiicul Awwal\ ربيع األولee sanadka Hijriga ee toddoba boqol iyo kow iyo sideetan, ka wariyay Cali bin Al Xusayn bin Cali bin Abii Dhaalib\علي بن الحسين بن علي بن أبي طالب, oo koofaartiisuna tahay Zaynu Al Caabidiina\ زين العابدينoo Taabici\ تابعahaa, gobta ahaa caadilka ah, uuna Al Zuhriyyu\ الزهريka yiri: "Ma aanan arag nin Quraysh ah oo ka fadli badan kana faqiihsan"; Ibnu Al Musayyibna\ إبن المسيبwuxuu ka yiri: "Ma aanan arag nin ka warac iyo cabsi Ilaahay badan". Ibnu Sacadna\ إبن سعدwuxuu ka yiri: "Wuxuu ahaa thiqqah\ ثقةhadalkiisa lagu kalsoon yahay runnimadiisa oo la aaminay, Xadiithkiisuna badnaa, caalin caabid ah ahaa, uusanna Ehelu Baytka\ أهل البيتmid isaga la mid uusan ku jirin (isaga waqtigiisa), wuxuuna ahaa midka markuu weyseysto uu midabkiisu hurdi (sida liinta dhanaan markay bislaato midabkeeda oo kale) noqon jiray, markaasuu markuu Salaadda u istaago cabsi ayuu la jarayn jiray. Markaasaa la weydiiyay sababta uu cabsi ula gariiro marku Salaadda u istaago, wuxuuna yiri: "Ma ogsoontihiin Axadka aan hortiisa istaagayo oo aan la faqayo?" Maalin iyo habeen walbana wuxuu tukan jiray kun Rakcadood. Wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo sadaqo badan, gaar ahaan habeenkii. Markuu gurigiisa ka baxana wuxuu oran jiray: "llaahayow, waxaan maanta cirdigeyga\( عرضCirdiعرض, oo daadka saadka ku xigah lagu dhigo waxaa la yiraahdaa sharafta qofka iyo meesha ka danqata marka isaga ama qofka reerkiisa wax u dhimaya lagu tilmaamo) ku sadaqaystay oo aan u hibeeyey qof kasta oo i xanta". Zaynu Al Caabidiina\ زين العابدينwuxuu dhashay sanadka saddex iyo soddon ee Hijrada, waxaana la oofsaday sanadka afar iyo sagaashan, taariikho kalena waa la sheegay,waxaana lagu duugay qabriga adeerkiis ee Al Baqiic\ البقيعee Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة, siduu Ibnu Casaakir\ إبن عساكرu wariyay. Masjidkiisa magaalada Dimishiqna\ دمشقwaa la yaqaannaa, waana midka la yiraahdo Mash-hadu Caliyyi Zaynu Al Caabidiina\ مشهد علي زين العابدينwuxuu Xadiithka ka wariyay aabihiis Al Xusaynu bin Calii bin Abii Dhaalib الحسين بن علي بن أبي طالب, Calayhissalaatu wa Al ssalaamu. Al Xusaynu الحسينwaa Sibdhiga\ السبطNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagaana dadka oo idil awoowihiis Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu ekaan badnaa, siduu u yiri Anas bin Maalik\أنس بن مالك, Allaha raalli ka noqdee, uuna u wariyay Bukhaarii\البخاري. 294 Al Xusaynu الحسين, Calayhissalaatu wa Al Ssalaamu, dulmi iyo gardarro iyo cadawtinnimo ayaa lagu dilay maalinta Caashuuraa'\عاشوراء, oo ah maalinta tobanaad ee bisha Muxarram\ محرمee sanadka Islaamka ugu horreysa ee sanadka kow iyo lixdan Hijriga, laguna dilay meesha la yiraahdo Karbalaa'\ كربالءee ku taalla dalka Ciraaq\عراق. Jirkiisa waxaa lagu duugay barta, lagu dilay, madixiisana, siduu u wariyay Al Zubayr ibnu Al Bakkaar الزبير إبن \ البكارcaalinka nasabtirinta ku xeel dheer, lehna kitaabka la yiraahdo Jamharatu Nasabu Qurayshinwa akhbaarahaa\ جمهرة نسب قريش وأخبارها, waxaa loo soo qaaday Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةoo lagu duugay. Ibnu Daxyah\ إبن دحيةwuxuu yiri: “Warkaas mid ka saxsan ma jiro". Al Zarqaanii\الزرقاني, oo Masri\ مصريahaa, wuxuu ku leeyahay kitaabkiisaan aan warkaan kasoo qaadannay: "Misriyiinta qaarkood waxay yiraahdeen Al Xusayn الحسينmadixiisu wuxuu ku duugan yahay Al Mash-hadu Al Xusaynii\ المشهد الحسينيee ku yaalla Qaahirah\القاهرة. Qaarkoodna warkaas way beeniyeen, siduu u yiri Al Xaafith (Ibnu Xajar)) الحافظ )(إبن حجرsiduu uga soo guuriyay Al Sakhaawii\"السخاوي. Ibnu Taymiyyah-na\ إبن تيميةwuxuu yiri: "Culummada dhammaantood waxay isku waafaqeen inuu Al Mash-hadu-ga\المشهد Qaahirah\ القاهرةku yaalla lana yiraahdo Mash-hadu Al Xusayn\ المشهد الحسينيuu baadhil yahay, aanna wax ka jirin, uusanna madixiisu ku jirin iyo wax isaga ka mid ah toona, ee la sameeyey markay Masar\ مصرka jirtay Dawladda Banii Cubayd al Qadaax\بني عبيد القداح, Boqorrada Masar\ مصرee sheegan jiray inay yihiin dhasha Faadhimah\فاطمة, (Calayhassalaatu Wassalaamu). Culummaduna waxay leedahay: kuwaasi Faadhimah فاطمةnasab lama ay laha, oo kuma abtirsadaan. Mashhadkaasna\ المشهدwaxaa dhisay qarniga shan boqolaad ee Hijrada Dhalaa'icu Ibnu Ruzayyik\ طالئع إبن الرزيكoo raafidii\ رافضيshiico ah ahaa, kaasoo magaalada Casqalaan\ عسقالنee arliga Falasdhiin\ فلسطينku taalla kasoo raray madaxaas, kuna andacooday inuu ku jiray Mash-had\( مشهدoo ah qabri daar laga kor dhisay) magaaladaas ku yaalla, taasoo aan waxba ka iirin, ayadoo reer Banii Umayyah\بني أمية, ayagoo muujiyay dil iyo layn ay laynayaan iyo cadawtinnimo (ay reer Banii Haashim\ بني هاشمu qabaan), waa lama filaan inay madaxaas u dhisaan dhismo lagu soo booqdo". Intaas waxaa ku eg hadalka Ibnu Taymiyyah\إبن تيمية. Al Xusaynu الحسينwuxuu ka wariyay aabihiis, oo ah Zaynu Al Caabidiina زين العابدينoo ka wariyay awoowihiis Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالب, Ilaahay wajigiisa ha karaameeyee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."كنت نورا بين يدي ربي قبل خلق آدم بأربعة عشر ألف عام "Kuntu nuuran bayna Yadayya Rabbii qabla khalqi Aadama bi arbacata cashra alfi caamin." 295 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan ahaa nuur ah labada Gacnood oo Rabbigay dhexdooda, oo macneheedu yahay aad ayaan ugu dhowaa oo hortiisa ayaan ahaa, ka hor intaan Aadan دمla abuurin afar iyo toban kun oo sano." Xadiithkaan burin mayo oo diidi mayo midka kale oo nasoo maray oo oranaya inuu nuurkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuurnaa. shay'kasta hortood, uuna Ilaahay khalqiga maqaadiirtiisa qadaray ka hor intaan la abuurin Samaawaadka iyo arliga konton kun oo sano, maxaa yeelay nuurkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la abuuray ash'yaa'da oo idil hortood, markaasuu ku wareegayey qudradda Ilaahay oo uu marayey meeshuu doono; kaddibna waxaa lagu dhigay Al Lawxu Al Maxfuuthu\ ;اللوح المحفوظkaddibna suuraddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa loo yeelay jirmi gaar u ah oo nuurkaas, ka samaysan. Marka, ayadoo ay tacbiirta, oo ah ku tilmaamidda inuu ahaa labad Gacnood ee Rabbi dhexdooda, taasoo tilmaameysa u dhowaansho zaa'id ah, kan mudadaas la qadaray waa martabad u ahaatay, oo uusan intii ka horreysey lahayn." Xadiithka Ibnu Cabbaas\ إبن عباسee Quraysh\قريش Wuxuu Muxammad. bin Cumar Al Cadanii\محمد بن عمر العدني, oo ah Sheekha Imaam Muslim \اإلمام مسلم, Musnadkiisa\ المسندCabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسuga wariyay: يسبح ذلك النور وتسبح المالئطة،"أن قريشا كانت نورا بين يدي هللا قبل أن يخلق آدم بألفي عام ".بتسبيحه Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Inay Quraysh\قريش, oo ah midda lagu liibaaniyay Islaamka ay ahayd nuur ku sugan labada Gacnood ee Ilaahay dhexdooda ka hor intaan la abuurin Aadan\ آدمlaba kun oo sano, ayadoo uu nuurkaasi Subxaanalleysanayo\سبحان هللا, Malaa'igtuna ay tasbiixdiisa ayaguna markaas ku tasbiixsaneyso (oo ah inay markay Qurayshi\ قريشtiraahdo Subxaana Allaahi سبحان هللاayay Malaa'igtuna Subxaana Allaahi سبحان هللاka daba leedahay)". Ibnu Al Qadh-dhaan\ إبن قطانwuxuu yiri: "Xadiithkaan iyo Xadiithka Calii\علي, oo, hadda nasoo maray, waxaa loo mideynayaa ayadoo uu nuurka Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jirmi loo yeelay laba iyo toban kun oo sano abuuritaanka Aadan آدمka hor, kaddibna Quraysh\ قريشinteeda kale lagu daray, tasbiixdana lagu dhawaajiyay, oo ay tasbiixsadeen." Xadiithka Al Tarmathii\ الترمذيee Aadanآدم Al Tarmathii\ الترمذيwuxuu wariyay Xadiithkaan Aadan آدمku saabsan, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 296 ثم رفعه، فيغلب على سائر نوره،"لما خلق هللا تعالى آدم جعل ذلك النور في ظهره فكان يلمع في جبينه هللا تعالى على سرير مملكته وحمله على أكتاف مالئكته وأمرهم فطافوا به في السموات ليرى عجائب ".ملكوته "Lammaa khalaqa Allaahu Aadama jacala thaalika al nnuura fii thahrihi fa kaana yalmacu fii jabiinihi fa yaghlibu calaa saa'ira nuurihi, thumma rafacahu Allaahu Tacaalaa calaa sariiri mamlikatihi wa xamalahu calaa aknaafi malaa'ikatihi wa amarahum fa dhaafuu bihi fii Al Ssamaawaati li yaraa cajaa'iba Malakuutihi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىmarkuu Aadan\ أدمabuuray wuxuu nuurkaas ku kaydiyay -waana nuurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-dhabarkiisa. Markaasuu wuxuu nuurkaasi ahaa, xooggiisa daraadiis, midka ka hillaaca oo ka kaaha wajigiisa. Markaasuu nuurkaasu ka xoog batay oo ka iftiin batay nuurka kale ee jirka Aadan, ama nuurarka kaleba oo uu Ilaahay ku abuuray Aadan\ أدمghayrkiis, sida nuurka Anbiyada kale oo idil. Kaddibna Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىkor ayuu ugu qaaday sariirta Boqortooyadiisa, wuxuuna ku qaaday garbaha Malaa'igtiisa, uuna amray, markaasey kula soo dawaafeen Samaawaatka, si uu u arko cajaaibka Boqortooyadiisa." Al Tarmathii\ الترمذيwuxuu kaloo wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "لما أكمل هللا خلق آدم رفعه على أكناف جبريل وميكائيل وإسرافيل وعزرائيل على سرير من ذهب أو " ثم أمرهم أن يحولوا. "طوفوا به في السموات ليرى عجائبها: فقال،ياقوت أحمر له تسع مئأة قائمة ". ولذلك يحمل جنازة أوالده أربعة، ففعلوا.وجوههم إلى العرش ليسجدوا قبالته "Lammaa akmala Allaahu khalqa Aadama rafacahu calaa aknaafi Jibriila wa Miikaa'iila wa Israafiila wa Cazraa'iila calaa sariirin min thahabin aw yaaquutin axmara lahu tisca mi'atin qaa'imatin, fa qaala: "Dhuufuu bihi fii Samaawaatii li yaraa cajaa'ibahaa. Thumma amarahum an yuxawwiluu wujuuhahum ilaa Al Carshi li yasjuduu qibaalatahu. Fa facaluu, wa li thaalika yaxmilu janaazata awlaadihi arbacatun. " Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markuu Ilaahay kaamilay abuuridda Aadan آدمayuu ku kaydiyay nuurkaas, oo ah nuurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhabarkiisa, oo ah dhabarka Aadan آدم. Markaasuu nuurkaasu xoogga iftiinkiisa ka hillaacayey wajigiisa, oo uu markaas ka xoog batay inta kale oo nuurarkiisa ah, ha ahaado nuurka Aadan آدمoo jirkiisa ku sugnaa, ama nuurarka kale oo idil oo Aadan آدمghayrkiis lagu abuuray, sida nuurarka Anbiyadoo kale. Markaasuu markuu kaamilay abuuridda Aadan wuxuu ku qaaday Jibriil جبريلiyo Miikaa'iil ميكائيلiyo lsraafiil إسرافيلiyo Cazraa'iilعزرائيل, isagoo saaran sariir dahab laga sameeyey ama yaaquut guduudan oo sagaal boqol oo lugood leh. Markaasuu wuxuu yiri: "Kusoo dawaafiya, oo soo mariya, Samaawaatkeyga, si uu cajaa'ibteeda iyo la yaabkeeda ku dhex suganba usoo arko." 297 Kaddibna wuxuu amray inay wajiyadooda u jeediyaan xagga Carshiga, oo ay xaggiisa u sujuudaan. Markaasey yeeleen. Taas ayaana u sabab ah in janaazada dhashiisa ay afar qof qaadaan." Sariirtaas uu Aadan\ آدمsaarnaa waxay ayagu (waa Malaa’igtee) dhexdooda ku magaaci jireen "Sariirta Boqortooyada". Caalinka Xadiithka sharxayna wuxuu yiri: "Kor u qaadiddu waa sarbeeb uu macnihiisu yahay oo tilmaameysa sarreynta makaanka sare loogu qaaday iyo waynaantiisaba, oo markaasuu wuxuu xaaladdiisa uu ahaa ka dhigay sida xaaladda qof sariir korkeeda ahaaday, oo markaas lagula soo dawaafay jihooyin aan la caddayn. Marka asalku waa xaqiiqada". Kaddibna wuxuu ku qaaday garbaha Malaa'igtiisa, Malaa'igtiisa ayuuna amray markaasey kula soo dawaafeen Samaawaatkiisa, si uu Adan آدمu arko la yaabka iyo waynaanta Boqortooyadiisa." Kacb Al Axbaar\ كعب األحبارayaa la weydiiyay: "Intee goor ayay Malaa'igtu Aadan آدمSamaawaatka kula soo dhawaaftay?" Wuxuu yiri: "Saddex goor, oo marka ugu horreysana wuxuu saarnaa sariirta ah "Sariiru Al Karami سرير \( "الكرامoo ah sariirta karaamada ama karaameynta), marka labaadna isagoo saaran baalasha Malaa'igta, marka saddexaadna isagoo saaran faraska la yiraahdo Al Farasu Al Maymuunu\الفرس الميمون, oo ka sameysan miskiga noociisu yahay Al Misku Al Athfaru المسك \األذفر, lehna labo baal oo ka sameysan luul iyo murjaan, ayadoo uu Jibriil\ جبريلhoggaankeeda hayo, Miikaa'iilna\ ميكائيلuu xagga midigta ka yahay, Israafiilna\ إسرافيلxagga bidixda. Markaasey kula soo dhawaafeen Samaawaadka oo idil, isagoo isaguna salaamaya Malaa'igta ka ahaata xagga midigta iyo kuwa ka ahaada xagga bidixdiisa, uuna leeyahay: "Al Ssalaamu Calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuhu\"السالم عليكم ورحمة هللا وبركاته, ay ayaguna intaasoo kale ugu jawaabayaan. Markaasaa waxaa Aadan آدمlagu yiri: "."هذه تحيتك وتحيت ذريتك إلى يوم القيامة "Haathihi taxiyyatuka wa taxiyyatu thurriyataka ilaa Yawmu Al Qiyaamati", oo macneheedu yahay: "Tani waa salaantaada iyo salaanta dhashaada ilaa Yawmul Qiyaamaha". Ruuxa iyo ku sugnaantiisa jirka Aadanآدم Jacfar bin Muxammad\ جعفر بن محمدwuxuu yiri: ثم علمه هللا تعالى، وفي صدره مائة عام وفي ساقيه مائة عام،"مكث الروح في رأس آدم مأئة عام . فطرده هللا تعالى وأبعده وخزاه، ثم أمر المالئكة بالسجود له فسجدوا إلى إبليس،أسماء جميع المخلوقات 298 ، فالمسجود له في الحقيقة هو هللا تعالى، كسجود أخوة يوسف له، ال سجود عبادة،وكان السجود ألدم سجود تعظيم وتحية ".وآدم كالقبلة "Ruuxu wuxuu ku sugnaa madaxa Aadan آدمboqol sano, oo ah inta laabta ka korreysa, laabtiisana wuxuu ku sugnaa boqol sano, oo ah inta lugaha ka korreysa; labadiisa lugoodna wuxuu ku sugnaa boqol sano, oo ah inta laabta ka hooseysa oo ay calooshu ka mid tahay". Muraadka laga leeyahay tirooyinkaas waa badin zamankaas iyo mudadiisa la badinayo, tanoo aan diideyn in mudada u dhexeysa bilowga abuuriddiisa ilaa usoo degiddiisa arligaan ay tahay saddex boqol iyo sideetan sano." Sidaasoo kale waxaa isaguna yiri ibnu Jariir\إبن جرير, oo mudadaas afar bilood ka dhimay. Ibnu Jariir إبن جريرghayrkiisna waxay yiraahdeen: "Mudadu intaas wax badan ayay ka badantahay." Shiikhuna wuxuu isku kallifay inuu helo wax is waafajiya tirada uu sheegay iyo midda uu Jacfar جعفرsheegay, wuxuuna yiri: "Tiradaasi waxay ku saleysan tahay in mudada uu Adan آدمdhoobo ahaa ay ahayd intuusan Jannada gelin ka hor, ama in laga soo saaray Jannada maalinta ku xigta marka abuuriddiisa dhexdeeda lagu bilaabay, abuuriddiisuna ayan kaamilimin muddo dheer kaddib mooyee. Waxaana jirta inuusan Jacfar جعفرqabin aragtida Ibnu Jariir\إبن جرير, uusanna taas raalli ku ahayn, ayadoo uu Ibnu Cabbaas\ إبن عباسyiri: "."مكث في الجنة خمسمائة عام "Wuxuu Adan آدمJannada dhexdeeda ku sugnaaday shan boqol oo sano." Waxaa kaloo, la yiri: "Intaasoo kale, waa shan boqol oo sanee, ayay Malaa’igtu sujuuddooda ku sugnaayeen, ka badanna waa la yiri." Sidaas ayay u jiraan aragtiyo kala duwan, waxaana habboon in midkood la raajixiyo, mase ay habboona in lagu madax adkaado in aragtiyadaas la mideeyo oo xagga caqliga laga banneeyo." Sida Aadan آدمmagacda loo baray Jacfar bin Muxammad جعفر بن محمدwuxuu yiri: "Kaddib Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىwuxuu baray magacda dhammaan waxa makhluuqaadka ah oo la abuuray." Sideebuu Ilaahay u baray? Waxaa la yiri: wuu ku ilhaamiyay, ama Aadan آدمdhexdiisuu cilmiga lagama maarmaanka ah ku abuuray, ama caqligiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ganay, ama Malaa’ig loo xilsaaray ayaa bartay. Imaam Al Qurdhubii\ اإلمام القرطبيwuxuu yiri: "waxaa baray Jibriil." 299 Wakiic\ وكيعwuxuu Tafsiirkiisa uga wariyay ibnu Cabbaas\ إبن عباسinuu hadalka Ilaahay oo ku xusan Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\ سورة البقرةoo ah: اء ُكلَّهَا َ َو َعلَّ َم آ ْ َد َم ْاْل َ َس َم "Wa callama Aadama al asmaa'a kullahaa(31)" oo macneheedu yahay "Wuxuuna baray Aadan آدمmagacyada dhammaan(31)" ka yiri: " Wuxuu baray shay walba kulligiis xattaa xeerada ama baaquliga iyo dhuusada." Malaa'igta sujuudda lagu amray Kaddib Ilaahay wuxuu amray Malaa'igta inay u sujuudaan. Malaa'igtaasi, sida uu eraygu mid guud u yahay, waa dhammaantood, ayadoo aan midkoodna lagu gooni yeelin. Ama waa Malaa'igta arliga, ama waa Ibliis iyo inta Malaa'igta ah oo isaga kala qayb gashay la dagaallanka Jinniga, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىmarkii hore ayaga arligaan dejiyay, markaasey dhexdiisa fasaad ka rideen. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu u diray ciidan Malaa'ig ah oo uu Ibliis hoggaaminayo. Markaasey laayeen oo ay Jasiiradaha iyo buuraha dushooda ku takooreen intoodii ka hartay. Malaa'igtana waxaa la amray inay u sujuudaan Aadan آدمkaddib markuu Ilaahay cilmiga siiyay. Markaasuu Malaa'igta weydiiyay, markay aqoon weydeyna uu isagu magacda shay walba sheegay, oo Ilaahay sidaas kusoo saaray deeqda uu Malaa’igta dheer yahay, ayna ayaga waajib ku noqotay korkooda inay isaga u adeegaan, taasoo uu ku mutaystay cilmiga uu dheer yahay. Sidaas ayayna Aayadaha Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة. u kala hormarinayaa dhacdooyinkaas. Waxaa kaloo la yiri: waxayba u sujuudeen horeba marka Aadan آدمruuxa lagu afuufay, siday u muuqato Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri \سورة الحجر. Imaamka dhigay kitaabka Siirada ah ee la yiraahdo Taariikhu Al Khamiisi\ تاريخ الخميسiyo ibnu Caqiil\عقيل waxay yiraahdeen fa'da ku jirta Aayadda ee faqacuu\ فقعواwaaba daba marin iyo dib u dhigid muddo kaddib, kaddib marka ruuxa lagu afuufay. " Markaasey sujuudeen intaan Ibliis ka ahayn oo diiday. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالى Naxariistiisa ka eryay, kana fogeeyey Jannadiisa, taasoo ah dullayn adduun iyo Aakhiraba, kaddib markuu ka mid ahaa koox Malaa’ig ah oo la yiraahdo Al Jinnu\الجن, sida laga wariyay Ibnu Cabbaas\ إبن عباسiyo Ibnu Mascuud\ إبن مسعودiyo ghayrkoodba. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu sheegay inuu Jamhuurku\( الجمهورwaana culummada intooda badane) ay sidaas qabaan, 300 Al Nawawina\ النوويuu saxiix ka dhigay inaan la warin in ayaga ghayrkooda la amray inay sujuudaan, oo soociddaas laga reebay Ibliis inay sujuudeen isaga mooyee, waa Malaa'igtaas sujuudda la amray. Qaalli Cayaadna\ القاضي عياضwuxuu yiri: "Culummada intooda badani waxay leeyihiin inuusan Ibliis il biriqsina Malaa'igta uga mid noqon, uuna isagu yahay asalka ay Jinnigu ka farcameen, sida uu insigu Aadan \ آدمuga farcamay oo kale, uuse ka mid ahaa jinniga ay Malaa’igtu ka adkaatay oo ay laysay, oo uu markaas Malag isaga soo qafaalay isagoo yar, oo uu Samada la aaday." Sidaas ayuuna Al Sayyuudhii\ السيوطيraajixay, in Malaa'igta oo idil la amray, oo ay wada sujuudeen, sida ay Axaadiithtu kusoo aroortay." Hadalka Al Nawawii\ النوويoo ah inaan la warin in ghayrkood sujuudda la amrayna waxaa diiday warinta ibnu Caqiil\ إبن عقيلoo, Tafsiirkiisa ku diiday iyo Taariikhu Al Khamiisi تاريخ \ الخميسoo wariyay in Malaa’igta iyo caalanka oo idil markaas la amray, laakiinse hadalka amarka ah ayaga Malaa'igta ah loo jeediyay, oo lagu gooni yeelay, ayagoo waqtigaas khalqiga ugu sharaf badnaa, inta kalena ay ayaga raacsan yihiin." Sujuudda Waxaa la isku khilaafay sida ay Malaa'igtu u sujuudeen, intooda badanna waxay yiraahdeen: waa amar Malaa'igta lagu amray inay wajiyadooda dhulka dhigaan, sida sujuuddeenna markaan tukaneynno Salaadda, oo af ahaan iyo sharci ahaanba taas ayaa sujuud la yiraahdaa, sidayna u tilmaameyso Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: ِ ِ " فَقَعوا لَه س )51( ين َ اجد َ ُ ُ "Fa qacuu lahu saajidiina(29)" oo macneheedu yahay: "Ugu dhaca sujuud(29)". Waxaa kaloo Ubayya\ أبيiyo ibnu Cabbaas\ إبن عباسlaga wariyay inay sujuuddaasu ahayd Al Inxinaa’u\ اإلنحناءoo ah dhabarka oo hore loo soo laabo, ayanse ahayn ayadoo dhulka lagu sujuudo, sida la yeelo marka madaxda waaweyn lala kulmo oo dhabarka hore loo soo laabo. Qolana waxay tiri inay sujuuddaasi tahay is dullayn iyo hoggaansan, ayadoo uu Ilaahay Malaa'igta Aadan\ آدمiyo dhashiisa ugu sakharay soo dejinta iyo soo di'inta roobka iyo ilaalinta raadkooda iyo dhigidda acmaashooda iyo la koriddeeda ayagoo sida Samada. Sujuudda ay Aadan آدمu sujuudeenna waxay ahayd sujuud waynayn iyo salaamid iyo muujin deeqdiisa iyo u hoggaansanaan iyo adeecid amarka Ilaahay, mana ayan ahayn sujuudid cibaado iyo addoonsi, ayadoo, ayan cibaado u sugnaan Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىmooyee, lana mid ah sujuudday ay Yuusuf\ يوسفwalaalihiis isaga laftiisa u sujuudeen. Kan loo sujuudayaana run ahaantana waa Ilaahay Tacaalaa هللا تعالى, Aadanna آدمwaa Qiblada oo kale, sida markaan tukaneynno aan Kacbada Qibladeenna ah ugu jeesanno, laakiinse aan Ilaahay u sujuudeynno. 301 Qataadana\ قتادةwuxuu yiri: "Sujuuddaasi waxay ahayd khidmo ama adeegid Ilaahay iyo xurmayn Aadan آدمla xurmeynayo, sida Salaadda Janaazada oo kale ay cibaado Ilaahay u tahay, isla markaasna duco maytka loo ducaynayo." Al Xasan\ الحسنwuxuu yiri: "Sax waxaa ah inay sujuuddaasi salaan Aadan آدمgooni ahaan loo salaamayay, oo hadday cibaado Ilaahay ahaan lahayd, Aadanna آدمuu Qiblo ahaan lahaa, Ibliis iskalama kibreen oo iskalama weynaadeen." Aragtidaasna waa fiiro loogu noqdaa, oo Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu sheegay in la isku waafaqsanyahay inayan sujuudid cibaadeysi ahayn, taasoo mamnuuc ah (in Aadan آدم cibaadeysi loogu sujuudo), oo isla weynaantiisa uu Ibliis sujuudidda ka kibray oo uu iskala weynaaday waxaa weeye inuusan isagu Qiblo ahayn, malayn uu u malaynayo inuu Aadan آدم iyo ghayrkiisba uu wax dheer yahay oo ka sarreeyo." Al Shacbiyyuna\ الشعبيwuxuu yiri: "Hadalka Ilaahay oo ku. xusan Aayadda afar iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة oo ah: اس ُج ُدوا ِِلَ َد َم ْ "Usjuduu li Aadama(34)" oo macneheedu yahay: "U sujuuda Aadan(34)" macneheedu waxaa weeye sida loo yiraahdo "wuxuu u tukaday Qiblada" waxaa diidaya in la yiraahdo "Qiblada xaggeeda ayuu u tukaday", ee ayada lafteeda uma tukan, oo waa Sallaa ilaa al Qiblati ee ma aha Sallaa lahaa." Waxaa laga wariyay Jacfar Al Saadiqu\ جعفر الصادقahna ibnu Muxammad Al Baaqir bin Cali bin Al Xusayn bin Calii bin Abii Dhaalib إبن محمد الباقر بن علي بن الحسين بن علي بن أبي \طالب, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee, koofaartaasna loogu bixiyay runlownimadiisa, kana mid ahaa madaxda Ahlu Al Baytka\ أهل البيتee waqtigiisa, dhashayna sanadka Hijriga ee sideetan ama saddex iyo sideetan, la oofsadayna sanadka boqol iyo sideed iyo afartan, una dhigay Ehelu Baytka أهل البيتkitaab harag lagu dhigay oo ay ku dhigan yihiin waxay cilmigiisa, uga baahnaayeen, iyo waxa ahaan doona ilaa Yawmul Qiyaamaha, inuu yiri: ". ثم المالئكة المقربون،"كان أول من سجد آلدم جبريل ثم ميكائيل ثم إسرافيل ثم عزرائيل Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu ahaa kan ugu horreeya oo Aadan آدمu sujuuday Jibriil جبريل, kaddibna Mikaa'iil\ميكائيل, kaddibna Israafiil\إسرافيل, waxaana ku xigay Cazraa'iil\( عزرائيلoo ah Malakul Mawtka\ملك الموت 302 qabta arwaaxda oo idil kuwa Jinniga iyo Insiga iyo bahaa'inta xoolaha ah iyo makhluuqaatka oo idil) kaddibna malaa’igta la yiraahdo Al Muqarrabuuna\"المقربون. Malaku Al Mawti\ملك الموت Malakul Mawtku\ ملك الموتwaa Malagga qabta, arwaaxda oo idil kuwa Jinniga iyo Insiga iyo bahaa'inta xoolaha ah iyo makhluuqaatka oo idil. Nin baa wuxuu Imaam Maalik\ األمام مالكweydiiyay: "Xasharaadtka ruuxooda ma waxaa qabtah Malakul Mawtka\"? ملك الموت Markaasuu Imaam Maalik\ األمام مالكcabbaar aamusnaa oo uu fakarayey, kaddibna wuxuu yiri: "Naf ma leeyihiin?" Wuxuu ninkii yiri: "Haa" Imaam Maalik\ األمام مالكwuxuu markaas yiri: Hadaba Malaku al Mawti\ ملك الموتayaa ruuxooda qabanaya, oo nafta ka qaadaya. Ilaahay ayaana oofsada nafta markay dhimaneyso". Imaam Maalik\ األمام مالكwuxuu daliil ka dhigtay Aayadda labo iyo afartanaad ee Suuratu Al Zumar\ سورة الزمرoo oraneysa: ِ َّ ين َم ْوتِهَا َ اللهُ َيتََوفَّى ْاْل َْنفُ َس ح "Allaahu yatawaffaa al anfusa xiina mawtihaa(42)", oo, macneheedu yahay: "Ilaahay ayaa oofsada nafta markay dhimaneyso(42)". Waxaa wariyay Al Khadhiibu\الخطيب, waxaana ayyida Xadiithka kale oo ay wariyeen Al Dhabraanii\ الطبرانiyo Ibnu Mandah\ إبن مندهiyo abuu Nucaym\أبونعيم, oo oranaya inuu Malag Cazraa'iil\ عزرائيلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: ”Wa Allaahi\ وهللاhaddaan doonayo inaan qabto ruuxa kaneeco, ma karo jeer uu Ilaahay ithmo qabashadeeda." Qaybta kale ee Xadiithka Sujuudda "Afartaas Malag kaddibna waxaa sujuuday Al Malaa'ikatu Al Muqarrabuuna\المالئكة المقربون, oo ah Malaa'igta Ilaahay soo dhoweeyey". Sidoo kale Wahab bin Munabbih\ وهب بن منبهwuxuu yiri: "Kan ugu horreeyey oo Aadan\ آدمu sujuuda wuxuu ahaa Jibriil\جبريل, markaasuu Ilaahay ku karaameeyey inuu Anbiyada Waxyiga usoo dejiyo, gaar ahaan Sayyidka Mursaliinta سيد \ المرسلينNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaa ku xigay oo Aadan آدمu sujuuday Miikkaa'iil\ميكائيل, kaddibna Israafiil\إسرافيل, kaddibna Cazraa'iil\عزرائيل, kaddibna Malaa'igta intooda kale." Waxaa laga wariyay Abii Al Xasan Al Naqqaash\ إبي الحسن النقاشinuu kan ugu horreeyey oo sujuuda uu ahaa Israafiil\إسرافيل. Waxaa isaguna sidaas oo kale wariyay ibnu abii Xaatim إبن أبي 303 \حاتم, oo ka wariyay Damrah\ ضمرةiyo Al Salafii\ السلفيoo ay wariyeen inuu Cumar bin Cabu Al Caziiz\عمر بن عبد العزيز, Allaha raalli ka. noqdee, yiri: "Taas daraadeed -oo ah inuu Israafiil\ إسرافيلahaa midka ugu horreeya oo Aadan\ آدمu sujuudawuxuu Ilaahay abaal marin uga dhigay inuu ka adeego xagga Al Llawxu Al Maxfuuthu اللوح \"المحفوظ, oo ah inuu akhristo oo uu daalacdo waxa ku dhigan, uuna ku tasarrufo adeeggiisa, isagoo tusaale ahaan waxa ku dhigan kasoo guuriya oo Malaa'igta u gudbiya." Waxaa kaloo la yiri: "Markuu wajigiisa sujuudda kasoo qaaday, ayaa waxaa u muuqday Quraanka oo idil oo wajigiisa ku dhigan, karaameyn lagu karaameynayo hormaridda uu fulinta amarka Ilaahay u hormaray. Al Azraqii\ األزرقيwuxuu yiri: "Riwaayaddaan inuu Israafiil\ إسرافيلahaa midka ugu horreeyey oo sujuuday waxay khilaafsan tahay midda laga wariyay Jacfar\ جعفرoo ah inuu Jibriil\ جبريلahaa midka ugu hor sujuuday. Sheekheenna ayaana is waafajiyoo yiri: ficil ahaan kan ugu horreeyey oo sujuuday wuxuu ahaa Israafiil\ إسرافيل, kanse ugu horreeyey fulinta amarka Ilaahay wuxuu ahaa Jibriil\"جبريل, wuxuuna yiri: "Waxaa dhici karta in sababta ay mar u wada sujuudi waayeen inay tahay in kooda ugu hor sujuuda uu ishaarada u garatay in isaga marka hore toos loola hadlayo". Labadaas riwaayadoodna in la is waafajiyo hakad iyo fiiro ayaa ku jira. Waxaa Ibnu Cabbaas\ إبن عباسlaga wariyay inuu yiri: "."كان السجود يوم الجمعة من وقت الزوال إلى العصر Oo macnihiisu yahay: "Inta Aadan loo sujuudsanaa waxay ahayd maalinta jimce laga bilaabo markay qorraxdu beerka Samada ka iilatay ilaa casarka", waana inta mudadaas u dhigantah haddii maalmaha adduunka loo fiiriyo, oo waxaan shaki ku jirin in Aadan\ آدمla abuuray saacadda ugu dambeysa ee maalinta jimcaha ah, oo la mid ah kun sano ee adduunkaan." Abuuridda Xaawo\حواء Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسoo Xadiithkiisa sii wada wuxuu yiri: ". وهو نائم،"ثم خلق هللا تعالى له حواء زوجته من ضلع من أضالعه اليسرى Oo macneheedu yahay: "Aadan kaddib wuxuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىAadan\ آدمu abuuray haweentiisa Xawwaa' \حواء, uuna ka abuuray feer ka mid ah feerihiisa saabkiisa bidix, isagoo hurda." Taas macneheedu waxaa weeye: waxaa feertaas Xaawo\ حواءlooga soo dhex saaray sida ay lafta timirta marka la abuuro geed timireed uu uga soo baxo oo kale. Meesha ay feertaasi Aadan آدمuga tiilayna waxaa la geliyay hilib. 304 Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Waxaa loo qaadan karaa inay taas macneheedu tahay in feer laga abuuray, oo feertuna way qalloocan tahay, sidaas ayay ayaduna u qalloocan tahay." Waxaa feertaas laga abuuray isagoo uu Adan آدمhurdo, si uusan xanuun u dareemin; xanuunkuna wuxuu ninka u dumaa oo uu jeceyl u geliyaa haweenta, siduu Al Qurdhubii\القرطبي iyo ghayrkiisba ay yiraahdeen. Xaawo\ حواءwaxaa Xawwaa'\ حواءloogu bixiyay ayadoo qof nool laga abuuray, oo Xawwaa' \ حواءmacneheedu waa tii nooleyd. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu sheegay inuu ahaa Aadan آدمmidka magacaas u bixiyay, oo markuu hurdada kasoo kacay oo uu arkay ayadoo madixiisa fadhida ayuu wuxuu weydiiyay: ”Yaad tahay?" Waxay tiri: "Haweentaada." Wuxuu yiri: ”Oo maxaa laguu abuuray?" Waxay tiri: "Inaad igu xasishid, aniguna aan kugu xasilo". Markaasey Malaa'igtu waxay dooneen inay Aadan آدمcilmigiisa ku imtixaanaan, waxayna yiraahdeen: "Middaanna waa tuma?" Wuxuu yiri: "Waa imra'ah\امرأة, oo ah waa haweeney". Waxay yiraahdeen: "Magaceeduna waa maxay?" Wuxuu yiri: "Xawwa '\حواء." Waxay yiraahdeen: "Oo maxaad imra’ah امرأةu tiri?" Wuxuu yiri: "Maxaa yeelay waxaa laga soo qaatay oo abuuray imri'un\أمرأ, oo ah nin". Waxay yiraahdeen: "Maxaad Xawwaa' حواءugu bixisay?" Wuxuu yiri: "Maxaa yeelay waxaa laga abuuray qof nool. " Kitaabka Fatxu Al Baarii bi sharxi Saxiixi Al Bukhaarii-na\ فتح الباري بشرح صحيح البخاريwuxuu sheegay in Xawwaa'a حواء, oo uu mad saaranyahay, loogu bixiyay ayadoo hooyada shay' kulligiis ah. "Markaasuu markuu hurdada kasoo kacay oo uu arkay ayuu xasilay, uuna degay, ayada xaggeeduuna u iishay, ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىku ilhaamiyay." 305 Meesha Xaawo حواءlagu abuuray Waxaa la isku khilaafay in Xaawo حواءJannada dhexdeeda lagu abuuray iyo in kale. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la abuuray ka hor intuusan Aadan\ آدمJannada gelin, waxaana u daliil ah Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة, oo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa هللا \ سبحانه وتعالىku yiri: َت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة َ َوُقْل َنا َيا آ َ اس ُك ْن أ َْن ْ َد ُم "Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al Jannata(35)", oo macneheedu yahay: "Waxaanna niri: Aadanow\ آدمdeg adiga iyo haweentaaduba Jannada(35)." Sidaas ayaana Ibnu Cabbaas\ إبن عباسlooga wariyay, sidaas ayuuna Al Sayyuudhii \ السيوطيku sugay kitaabkiisa Al Tawshiix\التوشيح. Waxaa kaloo la yiri: bal waxaa lagu abuuray Jannada dhexdeeda, kaddib markuu Aadan \آدم Jannada galay, ayadoo marka Jannada la dejiyay uu dhexdeeda ku socday isagoo cidlooday oo wehel doon ah. Markaasuu markuu seexday ayada feertiisa gaaban laga abuuray ee saabkiisa bidixeed, si uu ugu xasilo, uuna u weheshado. Markaasuu markuu hurdada kasoo baraarugay arkay, uuna ku yiri: "Yaad tahay?" Waxay tiri: "Haweeney laga abuuray feertaada, si aad iigu xasishid, aniguna aan kugu xasilo." Sidaas waxaa yiri ibnu Cabbaas إبن عباسiyo Ibnu Mascuud\ إبن مسعودiyo ghayrkoodba. oo saxaabada ka mid ah, intaas ayayna kusoo koobeen Al Qurdhubii\ القرطبيiyo Al Khaazin\الخازن. Ibnu Cuqayl\ إبن عقيلwuxuu yiri: "taas ayaa loo nisbeeyey mufassiriinta intooda badan, sidaas ayaana loo yiri: Ilaahay ku yiri Aadan: َت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة َ َوُقْل َنا َيا آ َ اس ُك ْن أ َْن ْ َد ُم "Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al jannata", oo macneheedu yahay: "Waxaanna niri: "Aadanow آدمdeg adiga iyo haweentaaduba Jannada", kaddib markuu ayada abuuray, ayagoo ay labadooduba Jannada ku dhex jiraan." Waxaa kaloo la yiri: wuxuu Ilaahay sidaas yiri ka hor intuusan Xaawo \ حواءabuurin, hadalkuna wuxuu u socdaa ayada oo aan jirin, laakiin Cilmiga Ilaahay ku sugan. 306 Meherka Xaawoحواء: Salliga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam "Markaasuu xaggeeda gacanta u taagay -isagoo doonaya inuu la gogol galo, amaba uu ku macaansado la gogolgelid la'aanba-, markaasey Malaa'igtu waxay tiri: "Mah yaa Aadamu".""مه يا آدم, oo ah "ka joogso Aadanow\"آدم. Wuxuu yiri: "Maxaan uga joogsanayaa ayadooba uu ayada Ilaahay aniga ii abuuray?" taasoo uu Ilaahay u ilhaamiyay, ama cilmiga lagama maarmaanka ah ah, ama uu ayadaba ka ogaaday markay u sheegtay in isaga loo abuuray. Markaasey waxay yiraahdeen: "Ka joogso, oo ha taaban jeer aad meherkeeda bixisid." Wuxuu yiri: "Meherkeeduna waa maxay?" Waxay yiraahdeen: "Waa inaad Muxammad\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sallidaa saddex goor". Waxaana halkaas ka cad inay Malaa'igtu arrinkaas ku ogaadeen ayadoo loo waxyooday. Al Callaamah abuu Al Faraj Cabdu Al Raxmaan bin Cali, al xaafith, al Bakrii Al Siddiiqii العالمة \ البكري الصديقي، الحافظ، أبو الفرج عبد الرحمن بن عليoo ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saaxiibkiisa ghaarka Abuu Bakar Al Siddii\ أبوبكر الصديقAllaha raalli ka noqde, al Baghdaadii\البغدادي, al Xanbalii\الحنبلي, loona yaqaanno Ibnu Al Jawzii\إبن الجوزي, al waacith\الواعظ, oo dhigay kutubbo, funuunta oo idil ku saabsan, waa qaybaha kala duwan ee cilmiga Diintee,, oo uu al xaafith (ibnu Xajar Al Casqalaanii)) الحافظ (إبن حجر العسقالنيkitaabkiisa taariikhda uga yiri: "ma ogi qof allafay oo dhigay wuxuu allafay oo kale, kana gaaray wacthinta waa waanintee makaankuu ka gaaray, waxaana la yiri: majaalistiisa qaarkood waxaa kasoo qayb galay oo yimid boqol kun oo qof, waxaana gole joog ka ahaa boqorro iyo waiziirro iyo Khulafaa', wuxuuna isagoo minbarka saaran yiri: "Waxaan farteyda ku dhigay kun mujallad", waxaana gacanteyda ku tawbad keenay boqol kun oo nin, waxaana gacanteyda ku islaamay labaatan kun oo qof, wuxuuna dhintay maalin jimce ah ee bisha Ramadaan\ رمضانay saddex tahay ee sanadka shan boqol iyo toddoba iyo sagaashan. " Waxaa Ibnu Al Jawziyyi\ إبن الجوزيloogu bixiyay oo loogu koofaaray ayadoo uu gurigooda dhexdiisa geedka jawzku\ الجوزku yiillay. Intaasuu warka Al Xaafith ibnu Xajar\الحافظ إبن حجر ku egyahay. Ibnu Al Jawziyyi-gaani\ إبن الجوزيma aha midka boqol sano ka dambeeyey oo ahaa Shamsu Al Diin abuu Cabdu Allaahi Muxammad bin Abii Bakar bin Ayyuub ibnu Sacad bin Xurayz Al Zarciyyu\ شمس الدين أبو عبد هللا محمد بن أبي بكر بن أيوب إبن سعد بن كريز الزرعيoo loogu bixiyay isagoo tuulada Zarc\ زرعee Xawraan\ حورانka tirsan ee dalka Suuriya\سورية, looguna bixiyay Ibnu Al Jawziyyah\ إبن الجوزيةisagoo loo nisbeeyey Dugsiga Dimishiq\ دمشقku yiillay oo uu aasaasay Muxii Al Diin abuu Al Maxaasin Yuusuf bin Cabdu Al Raxmaan bin Cali Al Jawzii محي الدين \أبومحسن يوسف بن عبد الرحمن بن علي الجوزي, loona yiqiinna Al Madarisatu Al Jawziyyah المدرسة \الجوزية, taasoo uu Ibnu Al Qayyim\ إبن القيمaabihiis madax ama agaasime ka ahaa, eraygaasoo afka Carabiga Qayyim\ قيمlagu yiraahdo: marka ibnu Al Qayyim\ إبن القيمmacneheedu waxaa weeye wiilka uu agaasimuhu dhalay. 307 Ibnu Al Jawzii abuu al Faraj\ إبن الجوزي أبو الفرجwuxuu kitaabkiisa Sulwatu al Axzaani سلوة \ األحزان-oo macneheedu yahay "Daawada xuzniga ama calool xumida, murugta iyo tiiraanyada qaadda", takhaatiirtuna waxay daawadaas u yaqaannaan -siduu Al Raazii\ الرازيMukhtaaru Al Sixaax\ مختار الصحاحku yiri: "المفرحAl Mufarrixu oo ah kan faraxa geliya- ku yiri: "Markuu Aadan\ آدمXaawo\ حواءdoonay oo uu dalbay, ayay ayaduna meher weydiisatay oo ay ka dalbatay, ayadoo hadalka Malaa'igta maqashay, ama lagu ilhaamiyay, ama cilmi aqoontiisu ay lagama maarmaan tahay u lahayd. Markaasuu Aadan\ آدمwuxuu yiri: "Maxaan siiyaa?" Markaasuu Ilaahay wuxuu ku yiri, isagoo u waxyooday ama toosba ugu yiri: "."يا آدم صل على حبيبي محمد بن عبد هللا عشرين مرة "Yaa Aadamu salli calaa Xabiibii Muxammad bin Cabdi Allaahi cishriina marratin" oo macneheedu yahay: "Meher ahaan u sii oo ku salli midkaan jeclahay Muxammad bin Cabdu Allaahi محمد بن عبد هللاlabaatan goor." Waxaad mooddaa inuu Aadan آدمIlaahay Tacaalaa\ هللا تعالىweydiistay caddayn dheeri ah, kaddib markay Malaa'igtu ku tiri inuu saddex goor Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku salliyo, taasoo meherka Xaawo\ حواءah. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىweydiiyay wuxuu siiyo, tanoo aan diidayn waxay Malaa’igtu ku tiri inuu siiyo. Ama isagaaba u gartay inay taasi Malaa'igtu ijtihaadkooda ku gaareen oo uu markaas amarka. Ilaahay doonay. Tiro yar oo la sheegayna ma diideyso tiro ka badan inay ahayd. Waxaaba kaloo dhici karta inuu hadalka Malaa'igtu ayaga ka yimid, ujeedadiisuna ay tahay inuu Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءsidaas jacayl ku dhexmaro isku xira, amarka llaahayna, oo ahaa labaatan salli uu ahaa markuu damcay inuu Xaawo \ حواءu dhowaado sida warkaba ka muuqata. Sidaas ayuu meherka Xaawo\ حواءwuxuu ahaa saddex iyo labaatan salli ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaa saxiix ah inuu salligu meher noqon karo, ayadoo markuu Aadan( آدمama. nin kastaba) salliga ku dhawaaqay isagoo meherkeeda ula dan leh, ajarka salligaas waxaa iska leh Xaawo\حواء. Isla markaasna faaiidada salligaas isagana way u sugnaaneysaa, ujeedada meherkuna ayaduu u noqonayaa oo u sugnaanayaa. Markaassuu Aadan آدمamarka la faray yeelay oo uu fuliyay, isagoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddex iyo labaatan goor ku salliyay. Riwaayad kalena waxay leedahay: 308 "Markuu Aadan آدمXaawo\ حواءgacanta u taagay isagoo doonaya, ayay Malaa’igtu waxay tiri: "\مه يا آدمMah yaa Aadamu", oo ah "dib u joogso Aadanow آدم, jeer aad nikaaxsatid". Markaasuu Ilaahay ku nikaaxay, khudbana uu jeediyay oo uu yiri: أشهدوا يا مالئكتي وحمة عرشي وسكن. والخلق كلهم عبيدي وإمائي، والكبرياء ردائي، والعظمة إزاري،"الحمد هلل يا آدم أسكن. وصنيع يدي على صداق تقديسي وتسبيحي وتهليلي، بديع قدرتي،سمواتي أني زوجت حواء أمتي عبدي آدم ".أنت وزوجك الجنة وكال منها رغدا حيث شئتما وال تقربا هذه الشجرة فتكونا من الظالمين "Al Xamdu Lillaahi, wa Al Cathamatu izaarii, wa al Kibriyaa'u ridaa'ii, wa al khalqu kulluhum cabiidii wa imaa'ii. Ash-haduu yaa Malaaikatii wa Xamalata Carshii wa sukaanu Samaawaatii Annii zawwajtu Xawaa'a amatii cabdii Aadama, badiicu qudhratii, wa saniicu yadii calaa sadaaqin Taqdiisii wa Tasbixii wa Tahliilii. Yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al jannata wa kulaa minhaa raghadan xaythu shi'tumaa wa laa taqrabaa haathihi al sh-shajarata fa takuunaa mina al th-thaalimiina", oo macneheedu yahay: "Al Xamdu Lillaahi الحمد هلل, waynaantuna waa go'ayga, kibirkuna waa garba saarteyda, khalqiguna kulligood waa addoommadeyda, rag iyo haweenba. Markhaati ka noqda Malaa'igteydey, iyo Malaa’igta ah kuwa Carshiga Xambaarsanow iyo kuwa Samaawaatkeyga degganow inaan addoonteyda Xaawo\ حواءu guuriyey addoonkeyga Aadan\آدم, meherkeeduna uu yahay Taqdiisii تقديسيoo ah weyneynteyda iyo dahiriddeyda, iyo Tasbiixdeydaتسبيحي iyo inuu yiraahdo Laa ilaaha illaa Allaahu\الإله إال هللا. Aadanow آدمdeg adiga iyo haweentaaduba Jannada, kana cuna xaggeeda cunno shifo iyo waasac ah meeshaad doontaan, hana u dhowaanina geedkaan, oo aad markaas ka mid noqotaan thaalimiinta." Riwaayaddaanna waxaa wariyay kitaabka Taariikhu Al Khamiisi\تاريخ الخميس. Runtana Rabbi ayaa og. Geedka laga reebay Kaddib Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىwuxuu Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءu banneeyey nicmooyinka Jannada, wuxuuna ku yiri: "Aadanow adiga iyo haweentaadu Jannada dega". Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Hadalkaas, Ilaahay wuxuu kaloo tilmaamayaa inay Jannada ka bixi doonaan, maxaa yeelay degiddu milkin ma aha, ee muddo ayay soconeysaa, kaddibna way go'aysaa, oo sidaas ayay geliddooda Jannadu waxay u ahayd gelid degideed ee ma ayan ahayn gelid thawaab \ ثوابiyo ajar siin oo aan go'ayn ee waareysa." Ibnu Cadhiyyah\ إبن عطيةwuxuu yiri: "digidda looga digayo inayan geedkaas u dhowaan oo lagu yiri: " ال تقربا هذه الشجرةLaa taqrabaa haathihi al shajarata" waxay daliil u tahay inayan degidda Jannada ku waareyn, ayadoo qofka ku waaraya aan waxba loo diidin, waxna lagu amrin, waxna laga reebin." 309 Markaasuu Ilaahay ka reebay geedka la yiraahdo Al Xindhatu\الحنطة, ahna geedka mirihiisa burka laga sameeyo, siday yiraahdeen Ibnu Cabbaas\ إبن عباسiyo Al Xasan\ الحسنiyo Cadhiyyah\ عطيةiyo Qataadah\ قتادةiyo Al Qurathii\ القرظيiyo Muxaarib\ محاربiyo Muqaatil \مقاتل. Wahab\ وهبwuxuu yiri: waana geedka uu Ilaahay adduunkaan ka yeelay rizqiga dhashiisa (Aadan\آدم, oo ay rootiga ka iyo cunnada ka dhigtaan). Xabbad kasta oo miraha geedkaasna waxay le'ekeyd kellida lo'da, malabkana way ka macaanayd, saliidana ka jilicsanayd." Waxaa kaloo la yiri: "waxaa laga reebay geedka canabka, siday u yiraahdeen ibnu Mascuud إبن \ مسعودiyo ibnu Jubayr\ إبن جبيرiyo Al Siddiyyu\ السديiyo Jacdah bin Hubayrah\جعدة بن هبيرة, waxayna yiraahdeen: taas ayaa u sabab ah in ubadkiisa khamrada xaaraan looga dhigay." Waxaa kaloo la yiri: "wuxuu ahaa geedka tiinka, siduu u yiri Qataadah\ قتادةiyo ibnu Jariij إبن \جريد, ayna saxaabada qaarkood ka wariyeen." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Taas ayaa u sabab ah in markuu qof ku riyoodo isagoo cunaya miraha geedka. tiinka lagu fasiro shallayti iyo qoomamo, siduu Aadan\ آدمuga shallaayey oo uu u qoomamooday kaddib markuu cunay". Waxaana Calii\ عليlaga wariyay inuu ahaa geedka kafuurka. Al Diinwarii\ الدينوريwuxuu yiri: "wuxuu ahaa geedka cilmiga, cilmiga khayrka iyo cilmiga sharka oo uu qofka cunaa uu wax walba. ogaado." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "wuxuu ahaa geedka al xanthal\الحنظل." Abuu Maalik\ أبومالكwuxuu yiri: "wuxuu ahaa geed timireedka." Waxaa kaloo la yiri: "wuxuu ahaa geed qofkii ka cuna uu wax ahaysiinayo." Intaasoo idil in kaloo ka badan oo ka duwanna waa la yiri. Ibnu Cadhiyyah\ إبن عطيةwuxu-u yiri: "ma jiro Xadiith intaas midkoodna xoojinaya oo uu salka ku hayo. Sida toosanna waxay tahay in la ictiqaado inuu Ilaahay Aadan\ آدمka reebay geed, markaasuu amarkaas khilaafay oo uu ka cunay." Abuu Nasr Al Qushayrii\ أبونصر القشيريwuxuu yiri: "Aabahay wuxuu oran jiray: "waxaan guud ahaan ognahay inuu ahaa geedka mixnada\المحنة, waa imtixaankee." Ibnu Jariir\ إبن جريرwuxuu yiri: 310 "waxaa habboon inaanba la tilmaamin geedkaas, ayadoo ogaantiisu ay tahay cilmi aan waxtar lahayn, in jaahil laga yahay oo aan la aqooninna waa jahli aan dhibaato geysanayn. " Al Ssuyuudhii\ السيوطيwuxuu yiri: "Waxaa la yiraahdaa in geedkaas waxtar ku sugan yahay haddaan niraahno, inuu ahaa geedka canabka, maxaa yeelay waxaa ku sugan tilmaan inay khamradu tahay hooyada inta xun oo idil (sidduu Cabdu Allaahi ibnu Cumar\ عبد هللا بن عمرu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."الخمر أم الخبائث "Al Khamru ummuu al khabaa'ithi" oo ah "Khamradu waa hooyada waxa xun"). Marka ka fogee (waa khamradee) si ayan adduunkaan oo lagu cabo u reebin oo ayan hor istaagin in Aakhirada lagu cabbo, haddaan dhimasho horteed laga tawbad keenin, sida Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, looga wariyay. Xaasidnimada Ibiiis Markay intaasoo nicmo ah ay Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءisugu darsantay, oo la siiyay, ayuu Ibliis xasday. Al Thaclabii\ الثعلبيwuxuu yiri: "Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu Ibliis magaciisu afka Saryaaniga \ السرياننةku ahaa Cazaaziil\عزازيل, afka Carabigana Al Xaarithu\ الحارثama al Xarthu\الحرث, waxaana Ibliis loogu bixiyay quusashada uu Raxmada Ilaahay ka quustay, oo erayga Ibliis wuxuu ka yimid al ya'su\ اليأسoo macnihiisu yahay quusasho. Xaasidnimo waxaa la yiraahdo inuu qofi doono in nicmooyinka uu Ilaahay qof kale siiyay uu waayo oo ay ka zuulaan, waana isugu mid midka wax xasdayaa inay nicmooyinkaas isaga u soo wareegaan iyo in kale, oo qasadkiisu waxaa weeye inuu kaas la siiyay uu waayaa. Marka xaasidku wuxuu rabaa inuu isagu Ilaahay u taliyo oo uu maamulo, isagoo doonaya inuu isagana nicmooyinkaas siiyo inta kalena uu qadiyo. Waxay Abuu Daauud\ أبوداودiyo ibnu Maajah\ إبن ماجةka kala wariyeen Abuu Hurayrah\أبوهريرة iyo Anas\ أنسinuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."الحسد يأكل الحسنات كما تأكل النار الحطب "Al xasadu ya'kulu al xasanaata kamaa ta'kulu al naaru al xadhaba" oo macnihiisu yahay: 311 "Xaasidnimadu waxay qofka xaasidka ah xasanaadkiisa (waa ajarka salaaddiisa iyo zakadiisa iyo soonkiisa iyo xajkiisa iyo acmaashiisa kaloo idil) u cuntaa si la mid ah siduu dabku qoryaha u cuno oo kale." Sidaas ayuu Ibliis wuxuu ku ahaa midka khalqiga. ugu horreeyey oo wax xasda, kibrana oo xaqqa iskala weynaada. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "sababta kibirkiisu waxay ahayd isagoo madax u ahaa Malaa'igta Samaa'u al dunyaa السماء \الدنيا, oo ah Samada noogu soo xigta oo toddobada Samo ugu hooseysa iyo suldaankeeda iyo suldaanka arligaba, wuxuuna ahaa Malaa’igta kooda ugu ijtihaad badan, uguna cilmi badan, wuxuuna maamuli jiray inta Samada iyo arliga u dhexeysa. Markaasuu wuxuu isku arkay inuu madax yahay, uuna cathiim\ عظيمwayn yahay. Taas ayaana u geysey inuu kibro. Markaasuu Ilaahy caasiyay oo uu amarkiisa diiday. Markaasuu Ilaahay masakhay oo uu dhalan rogay oo uu shaydaan ka dhigay la fogeeyey. Sidaas daraadeed ayuu hadduu gafka iyo dambiga ninka ka dhaca uu kibir ka yimid, ninkaas ka rajo beel, haddayse caasinnimo iyo amar diido ka timidna ka rajo qab." Waxaa kaloo la yiri: Ibliis wuxuu Ilaahay caabuday sideetan kun oo sano, waxaana la siiyay madaxtinnimada iyo al khazaanatu\ الخزانةoo ah ilaalinta Jannada, ayadoo loogu xarig dheereynayo, si la mid ah sida munaafiqiinta adduunkaanba Ashahaadada loo siiyey oo ay u ashahaataan sida muslimiinta oo kale, iyo si la mid ah sida loo siiyay Balcamu bin Baacuuraa'a\بلعم بن باعوراء, oo magaca wayn oo Ilaahay oo wixii lagu waydiisto uu bixiyo darafka carrabkiisa loo saaray oo kale, kaddibna uu gaaloobay oo uu shaydhaan u raacay. Balcamu bin Baacuuraa'aبلعم بن باعوراء Wuxuu Imaam Al Baghawii\ اإلمام البغويTafsiirkiisa Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ku wariyay, sida tafaasiirta kaleba, qisada Balcamu bin Baacuuraa'a بلعم بن باعوراء. Qisadiisuna waxay ahayd sidatan, sida looga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد \هللا بن عباس, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee: wuxuu u dhashay reer Banii Israa'iil \بني إسرائيل. Calii bin Dhalxah\علي بن طلحة, Allaaha raalli ka noqdee, wuxuu yiri: "wuxuu u dhashay qabiilka carbeed ee la yiraahdo Kancaaniyyiinta\ الكنعانيينdegina jiray magaalada Jabbaariinta\الجبارين, oo ah Qudus\ القدسee arliga Falasdhiin\فلسطين. Qisada ninkaas, siday u wariycen ibnu Cabbaas\ إبن عباسiyo ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقiyo Al Suddiyyi\( السديoo isaguna ah saaxibu Tafsiir) iyo ghayrkoodba waxay ahayd sidatan: "Nabi Muuse\موسى, Calayhissalaamu, markuu u kacay la dagaallanka jabbaariinta wuxuu ku degey arliga Banii Kancaan\ بني كنعانee ka tirsan arliga Shaam\الشام. Markaasaa waxaa Balcam\ بلعمu yimid tolkiis. Balcam\ بلعمwuxuu yiqiinnay oo uu Ilaahay hore u baray Ismu Allaahi Al Acthamu\اسم هللا األعظم, Magaca Ilaahay oo Wayn, oo haddii lagu baryo waxaas laga baryay uu siiyo qofkii ka baryay. Tolkiis waxay Balcam\ بلعمku yiraahdeen: 312 "Muuse موسىwaa nin xoog badan, wuxuuna wataa ciidan fara badan, wuxuuna u yimid inuu beledkeenna naga saaro, uuna na dilo, uuna reer Banii Israa'iil\ بني إسرائيلsiiyo. Adiguna waxaad tahay nin ducadiisa la aqbalo. Marka intaad baxdid Ilaahay ka bari inuu naga celiyo". Markaasuu wuxuu yiri: "Hoogee, maxaad leedihiin! Muuse موسىwaa Nabi Ilaahay, waxaana la socda Malaa'ig iyo Mu'miniin. Sidee baan marka u habaaraa, anigoo Ilaahay ka ogsoon waxaan ka ogsoonahay, oo haddaan habaaro uu adduunkeyga iyo Aakhiradeyduba i seegayaan oo aan waayayo". Markaasey ku noqnoqdeen oo ay baryada inuu habaaro ku celceliyeen oo ku badiyeen. Markaasuu wuxuu yiri: "ii kaadiya waxaan ka amar qaadanayaa Rabbigeeye", oo caadadiisa ayaaa waxay ahayd inuusan Ilaahay baryin jeer uu ka amar qaato, amarkaasoo markuu seexdo isagoo hurda riyo ahaan lagu siin jiray. Markaasuu Ilaahy amar weydiistay inuu Muuse موسىiyo Banii Israa'iil\ بني إسرائيلhabaaro. Markaasaa isagoo hurda waxaa lagu amray inuusan habaarin. Markaasuu wuxuu tolkiis ku yiri: "Rabbigay ayaan amar weydiistay waxaana la iga reebay inaan habaaro." Markaasey hadiyad siiyeen, isaguna uu aqbalay oo qaatay. Markaasey hadana dib u weydiisteen inuu Muuse موسىiyo dadkiisa habaaro, wuxuuna ku yiri: "ii kaadiya aan Rabbigay ka amar qaatee". Markaasuu Rabbigiis amar waydiistay. Markaasaan waxba loo waxyoon. Markaasey waxay tolkiis ku yiraahdeen: "Rabbigaa hadduu kahan lahaa inaad habaarto wuu kaa reebi lahaa, siduu markii horeba kaaga reebay". Markaasey ku celceliyeen oo ay isu jejebiyeen ilaa ay ka fitneeyaan, oo isaguna fitnoobay. Markaasuu dameerad fuulay, uuna u kacay xagga buur magaceeda la yiraahdo Xasaan \ حسانoo uu dusheeda ka arko degmada reer Banii Israa'iil بني إسرائيلoo hoostiisa ah. Dameeraddii markay in aan badnaynba la socotay ayay istaagtay, oo inay hore u socoto diiday. Markaasuu intuu kasoo degay garaacay ilaa uu dhiig ka keenay. Markaasay dameeraddu kacday, isaguna uu fuulay. Intayan wax badan la soconba hadana way istaagtay. Markaasuu sidii hore oo kale uu hadana ku falay. Markaasey kacday, isaguna uu fuulay. Intayan wax badanba la socon ayay hadana. istaagtay. Markaasuu garaacay ilaa uu ka xanuujiyo. Markaasuu Ilaahay dameeradda u ithmay inay hadasho, oo intay la hadasho ay xujjadana ku rogto, waxayna ku tiri: "Isjir oo is ilaali Balcamow\ !بلعمXaggeebaad u socotaa? Soo ma aad aragtid Malaa'igta horteyda ah oo dhinaca aad ii wadid iga soo celineysa? Ma waxaad iila socotaa Nabiga Ilaahay iyo Mu'miniinta oo aad dooneysaa inaad habaartid?" Hadalkeedaasu ujeedadiisa uu lahaa dib ugama celin, wuu sii socday, Ilaahayna uu dameeradda u idmay inay sii wado. Marka dusha Buurta Xasaan\ حسانla timid ayuu Balcam\ بلعمNabi Muuse موسىiyo Banii Israa'iil بني إسرائيلhabaaray. 313 Eray kasta oo habaar ah oo carrabkiisa kasoo baxana wuxuu Ilaahay u duway isaga tolkiis, eray kasta oo khayr ah oo uu carrabkiisa isaga tolkiis ugu Alle baryana wuxuu Ilaahay u duway reer Bani Israa'iil بني إسرائيل. Markaasey waxay tolkfis ku yiraahdeen: "Balcamow, ma ogsoon tahay waxaad sameyneysid, oo ayagana khayr ayaad ugu duceyneysaa annagana waa na habaareysaaye?" Markaasuu wuxuu yiri: "Taasi waa mid aanan waxba ka qaban karin, waana shay uu Ilaahay wato". Markaasuu carrabkiisu soo dhacay oo uu laabtiisa kusoo dhacay, wuxuuna ku yiri: "Hadda adduunkayga iyo Aakhiradeyduba waan waayey, mana uusan harin waxaan ahayn makri falid iyo xiilad waxaan ahayn. Marka waan idiin makri falayaa oo qorshe xun ayaan idiin dejinayaa, xiiladna waan idiin abaabulayaa, ee haweenkiinna qurxiya, dhar qurxoon iyo waxay haweenku isku qurxiyaan u labbisa, waxaadna u dhiibtaan badeecadaha la gado, kaddibna waxaad u dirtaan degmada reer Banii Israaiil بني إسرائيلsi ay usoo gadaan. Waxaadna haweenka amartaan inayan midkoodna nafteeda u diidin nin doonaya, maxaa yeelay haduu nin ayaga ka mid ihi zinaysto, ayagoo idil waa la idiinka filnaanayaa". Markaasey sidaas yeeleen. Markay haweenkii xerada ciidanka Banii Israa'iil بني إسرائيلgaleen, haweeney kancaaniyiinta ka. mid ah, oo magacecdana la yiraahdo Kastaa bintu Suur كستى بنت \سور, ayaa waxay ag martay nin madaxda. reer Banii Israa'iil بني إسرائيلka mid ah oo la yiraahdo, Zumraa bin Shaluum\زمرى بن شلوم, madaxna u ah qabiilka Shamcuun bin Yacquub \شمعون بن يعقوب. Markaasuu usoo kacay oo uu gacanta ku dhegay, oo intuu fiiriyay quruxdeedu ay cajabisay. Markaasuu inta soo waday wuxuu dul keenay Nabi Muuseموسى, Calayhisalaamu, wuxuuna yiri: “Waxaan ku wadaa inaad oran doontid inay tani xaaraan iga tahay?" Wuxuu Muuse موسىku yiri: "Haa, xaaraan ayay kaa tahay ee ha u dhowaan". Zumraa\ زمرىwuxuu yiri: "Wa Allaahi\ وهللاinaanan amarkaas kugu adheeceyn", oo intuu haweentii khaymaddiisa la galay ayuu la gogol galay. Markaasuu Ilaahay isla markiiba wuxuu reer Banii Israa'iil بني إسرائيلkusoo diray daacuun. Ninka la yiraahdo Finxaas bin al Cayzaar (ama Ilayaacaazir) bin Haaruun فنحاس بن العيزر (أو \ إلياعازر) بن هارونwuxuu ahaa midka u xilsaaran amarka Muuseموسى, wuxuuna. ahaa nin la siiyay jir wayn iyo xoog, mana uusan joogin oo wuu maqnaa markuu Zumraa bin Shaluum زمرى بن شلومfalay wuxuu falay, wuxuuna soo laabtay isagoo uu dhaacuunku reer Banii Israa'iil بني إسرائيلfaro xun ku hayo. Markaasaa wixii dhacay loo sheegay. Markaasuu inta warankiisa qaatay, kaasoo kulligiis bir ahaa, wuxuu ugu galay khaymadday ku jireen, dul tegeyna ayagoo isla hurda. Markaasuu warankiisa labadoodaba ka dusiyay oo uu wada suray, uuna khaymadda kasoo baxay ayagoo waranka ku suran. Markaasuu Samada kor ugu qaaday, isagoo waranka garabka ku qabtay, suxulkiisana sinta ku tiiriyay, warankana garkiisa ku tiiriyay. Finxaas\ فنحاسwuxuu ahaa curadka Al Cayzar\العيزر. Isagoo xaaladdaas ku sigan ayuuna wuxuu yiri: "llaahayow, taas oo kale ayaan ku falnaa kan Adiga ku caasiya". 314 Markaasaa daacuunkii laga qaaday reer Banii Israa'iil بني إسرائيل. Daacuunku wuxuu reer Banii Israaiil بني إسرائيلka dilay inta u dhexeysa marka uu Zumraa \ زمرىhaweenta Kancaaniyadda\ الكنعانيةah la gogol galay ilaa uu labadoodaba uu Finxaas\ فنحاسka dilo toddobaatan kun oo qof, oo saacad maalin ah gudeheeda ku dhintay. Taas ayaa u sabab ah in dhasha Finxaas\ فنحاسay reer Banii Israa'iil بني إسرائيلneef kasta oo ay qashaan ka siiyaan haraggiisa iyo garabkiisa iyo qalkiisaba, tiirinta uu warankiisa ugu tiiriyay sintiisa iyo inuu garabkiisa ku qabtay iyo inuu garkiisa ku tiiriyay. Waxay kaloo siiyaan waxa ugu horreeya oo maalkooda ah oo ay kasbaan iyo naftoodaba, isagoo uu Finxaas \ فنحاسahaa curadka ama wiilka ugu horreeya ee Al Cayzar\العيزر. Balcam\ بلعمayay kusoo degatay Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Acraaf\سورة األعراف. Intaas ayuu warka Imaam Al Baghawii\ اإلمام البغويku egyahay. Aayadda boqol iyo shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Acraaf\ سورة األعرافwaxay leedahay: َّ ُو ْات ُل َعلَ ْي ِهم َن َبأَ الَِّذي آَتَْي َناهُ آ ََياتَِنا فَ ْان َسلَ َخ ِم ْنها فَأَتَْب َعه )132( ان ِم َن اْل َغ ِاوي َن َ ان فَ َك ُ َالش ْيط َ ْ َ "Wa atlu calayhim naba'a allathii aataynaahu Aayaatinaa fa ansalakha minhaa fa atbacahu al shaydhaanu fa kaana mina al ghaawiina(175)", oo macneheedu yahay: "Ku akhri korkooda warka kii aan siinnay Aayaatkeenna, oo markaas ka dhex siibtay, shaydaanna uu raacay isaga, noqdayna kuwa baadida ah oo lumay(175)". Intuu ibliis Ilaahay caabudayey Sidaas ayay Ibliis madaxtinnimada iyo kibirku naftiisa u galeen oo ay ugu sugnaadeen, kuna xasileen. Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwuxuu yiri: "Ibliis wuxuu u arkay inuu isagu ka sarreeyey oo uu ka deeqtoonaa Malaa'igta, oo sidaasuu u yiri: "Anigaa isaga (waa Aadane\ )آدمka khayr badan". Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu sheegay inuu Ibliis Ilaahay sideetan kun oo sano caabudayey. Kitaabka Muntahaa al Nuquuli\ منتهى النقولwuxuu wariyay inuu Ibliis sagaal kun oo sano Ilaahay caabudayey. Kitaabka Taariikhu Al Khamiisina\ تاريخ الخميسinuu Ibliis Ilaahay lababoqo1 iyo afartan kun oo sano caabudayey, Samaawaatka toddobada ah iyo arliyada toddobada ahna ayan ku harin taako la cabbiro ee waa illaa kii ku sujuuday. 315 Ibliis oo albaabka Jannada yimid Markaasuu Ibliis wuxuu yimid albaabka Jannada, isagoo isu soo yeelay muuqaalka oday saddex boqol oo sano, oo sanooyinka adduunkaan ah, wax caabudayey. Halkaas ayuu wuxuu ku dhawray qof Jannada kasoo baxa oo uu Aadan\ آدمka wareysto. Ibliis iyo shimbirka jannada Markaasaa waxaa soo baxay shinbirka la yiraahdo Al Dhaawuusu\الطاووس, oo ah shinbir dhulka ku nool oo aan duulin diiqa dooradana ka wayn, qurux badan oo ay baalashiisu midabyo kala duwan oo qurux badan leeyihiin, lehna sayn baalal ka samaysan oo dheer oo uu markuu cayaarayo ama uu faanayo uu sida babbiska oo kale u fidiyo oo uu sare u qaado. Markaasuu Ibliis wuxuu ku yiri: "Xaggee baad ka timid?" Wuxuu shinbirkii yiri: “Waxaan ka imid beerta iyo Jannada Aadan"آدم. Ibliis wuxuu yiri: “Warkiisa i sii". Wuxuu yiri: "Wuxuu ku sugan yahay xaaladda ugu fiican iyo nolosha ugu fiican. Jannada dhexdceda ayuu daal la'aan iyo farax ku nool yahay, annaguna waxaan ka mid nahay kuwa u adeega". Ibliis wuxuu yiri: "Intaad Jannada i gelisid ma ii geyn kartaa?" Shinbirkii wuxuu yiri: "Oo adigu kumaad tahay?" Wuxuu yiri: "Waxaan ka mid ahay Malaa’igta la yiraahdo Al Karuubiyyiina\الكروبيين, waxaanna u sidaa naseexo iyo waano". Shinbirkii wuxuu yiri: "Hadaba waxaad u tagtaa Malagga Ridwaan\ رضوانoo Jannada maamula, kaasoo aan qofna waano iyo naseexo ka reebeyn." Ibliis wuxuu yiri: "Waxaan doonayaa inaan ayaga ka qariyo." Shinbirkii wuxuu yiri: "Qarintu ma noqoto naseexo iyo waano." Ibliis wuxuu yiri: "Annagu haddaan madaxda Al Karuubiyyiina الكروبيينnahay sirta ma sheegno. Marka haddaad Jannada i gelisid sidaan ku leeyahay waxaan ku barayaa duco aadan dabadeed duqoobeyn oo aadan cirroole noqonayn waligaana." Shinbirkii wuxuu yiri: "Ma karo inaan Jannada ku geliyo, waxaanse kuu tilmaamayaa abeesada". 316 Ibliis iyo abeesada Markaasey abeesadu Jannada uga soo baxday, waxayna Ibliis ku tiri markuu waydiistay inay Jannada geliso: "Sidee baan kuu geliyaa ayadoo uusan Ridwaan\ رضوانii oggolaanaynin?" Wuxuu ku yiri: "Anigu waxaan isu rogayaa oo aan noqonayaa riix\ ريحoo ah dabayl, marka waxaad i gelisaa miciyahaaga dhexdooda". Markaasey abeesadii sidaas yeeshay, kaddibna ay afkeeda isku aaburtay oo xirtay. Markaasuu Ibliis wuxuu ku yiri, kaddib markay Jannada sidaas ku gelisay: “Waxaad u tagtaa " Shajaratu al Birri\ " شجرة البرgeedka baarrinnimada. Markaasey yeeshay oo ay geedkaas agtiisa tagtay. Xeeladdaas ayuu Ibliis albaabka Jannada uga galay. Baroorta beenta ah ee ugu horreyse Markaassu Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءu yimid, wuxuuna ag istaagay geedka Baarrinnimada, wuxuuna ku heesay cuudka la fuufo isagoo abeesada afkeeda ku dhex jira. Markaasey Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءabeesada u yimaadeen oo ay heesta cuudka\ العودdhegeysteen (cuudku\العود waa al mizmaaru\)المزمار, ayagoo u maleynaya inay abeesadu heeseyso. Markaasuu Ibliis wuxuu labadooda ku yiri: "Soo dhowaada", ayaguna waxay yiraahdeen: "Waa nalaga reebay u dhowaanshaha geedkaan". Markaasuu Ibliis booyay, uuna baroortay baroorasho labadoodaba calool xumeysey. Sidaas ayuu Ibliis wuxuu ku ahaa kan ugu horrecya oo baroorta (waa baroortayna waxaa afka carabiga lagu yiraa naaxa\)ناح. Markaasey labadooduba waxay ku yiraabdeen, amaba uu Aadan آدم keligiis ku yiri: "Maxaa kaa boohinaya?" Ibliis wuxuu yiri: “Waxaan la booyayaa anigoo labadiinna daraadeed u barooranaya, sababtuna waxay tahay inaad dhimaneysaan, oo aad nicmooyinkaan seegeysaan, aadna waayeysaan." Markaasey waxay labadoodu ku yiraahdeen: "Oo dhimasho maxay tahay?" Wuxuu yiri: "Waxaa idinka tegeya ruuxa iyo itaalka, xubnuhuna dhaqdhaqaaq ma yeelanayaan, ishana arag u hari mayo, dhegtana wax maqal ahi u hari mayo." Dhaarta beenta ah iyo khayaanada ugu horreysey Markaasuu hadalkaas naftooda wax geliyay, oo ay markaas kurboodeen. Markaasuu Ibliis, lacnadda Ilaahay korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri, siday noo sheegtay Aayadda boqol iyo labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\سورة طه: 317 )151( َد ُم َه ْل أ َُدلُّ َك َعلَى َش َج َرِة اْل ُخْلِد َو ُمْل ٍك ََّل َيْبلَى َ َيا آ "Yaa Aadamu hal adulluka calaa shajarati al khuldi wa mulkin laa yablaa?(120)" oo macneheedu yahay: "Aadanow, ma ku tusiyaa geedka waaridda iyo xukun aan gaboobeyn?(120)" Haddaad taas dooneysid, ayuu yiri, "geedkaan ka cun". Markaasey waxay labadoodu yiraahdeen: "Cunidda, geedkaan waa nalaga reebay". Markaasuu Ibliis wuxuu yiri, siday noo sheegtay Aayadda labaatanaad ee Suuratu Al Acraaf \سورة األعراف. ِِ ِ َ ونا ملَ َك ْي ِن أَو تَ ُك َّ ما َنها ُكما رُّب ُكما َع ْن َهِذ ِه )51( ين ْ الش َج َ ِرة إِ ََّّل أ َ ونا م َن اْل َخالد ْ َ َ َن تَ ُك َ َ َ َ َ "Maa nahaakumaa Rabbukumaa can haathihi al shajarati illaa an takuunaa malakayni aw takuunaa mina al khaalidiina(20)", oo macneheedu yahay: "Idiinkama reebin Rabbigiin geedkaan waxaan ahayn inaydnaan noqon laba Malag ama aad ahaataan kuwa waara(20)." Ibliis wuxuuna labadoodaba ugu dhaartay inuu naseex u yahay waaninaya. Waxaa kaloo la yiri inay labadoodu Ilaahay ku dhaariyeen inuu yahay mid u naseexeynaya, markaasuu u dhaartay. Sidaas ayuu Ibliis wuxuu ku yahay kan ugu horreeya oo been ku dhaartay, iyo midka ugu horreeya oo wax khayaanay. Markuu Ilaahay ugu dhaartay ayuu wuxuu ku yiri: "Kiinneebaa cunidda geedka ku hormaraya oo kan kale gacanta sare ka yeelanaya?" Markaasey Xaawo\ حواءxabbad miraha geedka ka cuntay, kaddibna ay Aadan\ آدمu qurxisay oo ay u faanisay ilaa uu isaguna ka cuno, waxayna u keentay saddex xabbo,waxayna tiri: "Aniga xabbad ayaan ka cunay wayna dhadhan macaanayd, wax dhibaato ahna, igama ayan soo gaarin". Markaasuu Aadan\ آدمdib uga joogsaday cuniddeedda, uuna sugay boqol sano, oo uusan cunin. Markaas kaddib ayuu ayadu xabbadahay haysay ka qaatay oo uu xabbad afka gashaday. Intuusan xabbaddaas uu afka gashaday dhadhankeedu dhuuntiisaba gaarin, xabbadda jirmigeeduna uusan uurkiisaba gaarin ayaa waxaa madaxiisa ka duulay taajkiisa u saarnaa oo ay ku dheehnaayeen luul iyo yaaquut iyo jawharado, waxaana loogu dhawaaqay oo lagu yiri: "Aadanow, khasaaradaada iyo murugtaadu way dheeraanayaan". Isla markaasba waxaa hoostooda ka siibtay sariirtay saarnaayeen, oo sariirtu waxay labadooda ku tiri: “Waxaan ka xishoonayaa Ilaahay inaan kuwa amarkiisa diiday sariir u noqdo". 318 Waxaa kaloo, Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءisla markaasba ka siibmay dugaagada ama jijimaha dhudhummada u surnaa iyo kuwa lugaha u surnaaba, kuwaanoo afka carabiga khalkhaal \خلخال lagu yiraahdo, waxaana ka duulay suumankay xirnaayeen oo jawharaduhu ku dheehnaayeen. Waxaa kaloo labadoodaba laga siibay dharka ximaayeen. Aadan\ آدمwuxuu labbisnaa toddoba boqol oo go', amarkooduna wuxuu noqday sida la ogyahay. Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءwaxay geedka uga cuneen ayagoo malaynayey inuusan axadna ku dhiirranayn inuu Ilaahay been ugu dhaarto, siduu Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى quluubtooda ugu waynaa daraadeed. Waxaaba intaas dheer inaan beenba la aqoon waxay tahay. Waxaa intaas oo idil ka muuqata iyo siday noo sheegtay Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Acraaf\سورة األعراف, inuu Ibliis Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءafka iyo si toos ah ugala hadlay. Waxaa kaloo la yiri: "Bal wuu waswaasiyay, wuxuuna ku baadiyeeyey awoodda uu Ilaahay siiyay, siduu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri: "."إن الشيطان يجري من إبن آدم مجري الدم "Inna al shaydhaana yajrii min ibni Aadama majrii al ddammi", oo macneheedu yahay: "Shaydaanku wuxuu uga socdaa dhasha Aadan آدمmeeshuu dhiiggu uga socda, (waa xididdadee)". Waxaase la isku khilaafay siduu Ibliis Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءku gaaray, kaddib markii isaga Samada laga soo eryay, ayadoo siday noo sheegtay Aayadda afar iyo soddonaad ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: ِ ْ َف ِ )34( يم ٌ اخ ُرْج م ْنهَا فَِإَّن َك َرج "Qaala fa akhruj minhaa fa innaka rajiimun(34)", oo macneheedu yahay: "Wuxuu yiri: "Ka bax xaggeeda adigu waxaad tahay mid la rajmiyaye (34), (oo sida zaaniyiinta muxsinka\ الزاني المحصنah dhagax lagu rajmiyo oo loola dhaco ayaa Ibliis waxaa lagu rajmiyaa markuu Samada u dhowaado oo loola dhacaa shiilo dab ah oo ololaya, taasoo aan habeenkii Samada ku aragno). Waxaa la yiri: waxa laga reebay Ibliis waa gelidda Jannada ee waswaasidda lagama reebin, ayadoo ibtilo iyo imtixaan ah. Waxaa kaloo la wariyay inuu isku deyey inuu Jannada galo oo ay markaas Malaa'igta ilaalineysa ka reebtay, kaddibna uu galay isagoo abeesada afkeeda ku dhex jira. 319 Waxaa kaloo la yiri: Jannada ma uusan gelin kaddib inta laga soo saaray. Al Xasan\ الحسنwuxuu yiri: "Ibliis wuxuu arkay Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءoo Jannada albaabkeeda taagan oo kasoo baxaya". Waxaa kaloo la yiri: Ibliis isagoo adduunkaan jooga ayuu inta Samada u dhowaado ayuu labadooda la hadli jiray. Waxaa kaloo la yiri: wuxuu istaagay Jannada albaabkeeda markaasuu u yeeray. Waxaa kaloo la yiri: arliga isagoo jooga ayuu u dhawaaqay, markaasey maqleen ayagoo Jannada ku jira. Al Sayuudhii\ السيوطيwuxuu yiri: "Midda laga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\ عبد هللا إبن مسعودiyo Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسiyo Abii Al Caaliyah\ أبي العاليةiyo Wahab\ وهبiyo Munabbih\ منبهiyo Muxammad bin Qays\ محمد بن قيسwaxaa weeye inuu Jannada ku galay isagoo abeesada afkeeda ku dhex jira, uuna sidaas si toos ah labadooda kula hadlay, siduu raggaas uga wariyay Ibnu Jariir\إبن جرير, isagoo aan ragga wariyay midna ka xusin iyo silsiladda lagu wariyay midna, in kastoo silsiladda warisay la'aanteedu ayan inuu warku jiro diidayn." Wada hadalka Ilaahay Tacaala\تعالى هللاiyo Aadan\آدم Markuu Aadan\ آدمgeedkii laga reebay u dhowaanshihiisaba ka cunay, ayuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىla hadlay, wuxuuna ku yiri isagoo canaananaya, imtixaanayana: ""يا آدم ألم يكن في ما أبحت لك من الجنة مندوحة عن هذه الشجرة؟ "Yaa Aadamu alam yakun fii maa abaxtu laka mina Al Jannati manduuxatan can haathihi al sh-shajarati?" oo macneheedu yahay: "Aadanow آدم, soo ma ayan ahayn waxaan kaaga banneeyey Jannada dhexdeeda kuwo waasic ah oo kaa kaafiya geedkaan?" Aadan آدمwuxuu yiri: "Haa Rabbiyow, waxaanna ku dhaartay Cizzadaadee, laakiin waxaan u maleeyey inuusan axadna Adiga been ugu dhaaraneyn, oo taasaa igu xambaartay inaan ka cuno". Ilaahay wuxuu yiri: ". ال تنال العيش إال كدا،"وعزتي وجاللي ألهبطنك إلى األرض "Wa Cizzatii wa Jalaalii la ahbidhannaka ilaa al ardi, laa tanaalu al caysha illaa kaddan", oo macneheedu yahay: 320 "Waxaan ku dhaartay Cizzadeyda iyo Jaliilnimadeyda oo ah Waynaanteyda, waxaan kuu dejinayaa arliga, halkaasoo aadan cayshka ku kasbanayn si dhib badan oo daal miiran ah mooyee". Markaasuu Adan آدمis jejebiyay oo uu is dulleeyey oo uu cudurdaartay. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu yiri: ". أخرج."ال يجاورني من عصاني "Laa yujaawirunii man casaanii. Ukhruj ", oo macneheedu yahay: "Daris ila noqon mayo mid i caasiyay oo amarkeyga diiday ee ka bax." Tawassulka Aadan آدمee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Markaasuu Aadan آدمwuxuu xaqqa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay ku waydiistay inuu u dambi dhaafo. Markaasuu Ilaahy Tacaalaa هللا تعالىwuxuu yiri: ". ولكن ال يجاورني من عصاني،"قد غفرت لك بحقه "Qad ghafartu laka bi xaqqihi, wa laakin laa yujaawirunii man casaanii", oo macneheedu yahay: "Xaqqiisa ayaan kuugu dambi dhaafay, laakin ilama darsayo qof amarkayga diiday." Soo degashada Aadanآدم Markaasuu Aadan آدمbooyay, kaddibna u sagootiyay kulli inta Jannada ku jirta oo idil, ilaa heer ay geedeheedu la booyeen intaan geedka cuudka la shito ahayn. Markaasaa geedka cuudka waxaa la weydiiyay: "Adigu booyi meysid miyaa?" Wuxuu yiri: "Ma caasi ayaan u oyaa?" Markaasaa loo dhawaaqay geedkaas oo lagu yiri: "."كما عظمت أمرنا عظمناك ولكن هيأناك لإلحراق "Kamaa cathamta amranaa cathamnaaka, wa laakin hayya'naaka lil ixraaqi", oo macneheedu yahay: "Sidaad amarkeenna u weyneysey ayaan kuu weyneynnay, laakiin waxaan kuu habeynnay gubidda." 321 Geedka cuudku wuxuu yiri: "Tanna waa maxay?" Waxaa lagu yiri: ". فلذلك يحرقونك، لكن لم يحترق قلبك لمحبينا،"أنت عظمتنا فكذلك يعظمونك " Anta cath-thamtanaa fa kathaalika yucaththimuunaka, laakin lam yaxtariq qalbuka li muxibbiinaa, fa li thaalika yaxriquunaka", oo macneheedu yahay: "Adigu waad na weyneysay, sidaas oo kale ayay ayaguna kuu weyneynayaan. Laakiin qalbigaagu uma uusan guban midkaan jecleyn (Aadan\)آدم. Sidaas daraadeed ayay kuu gubayaan". Aadan\ آدمiyo Jibriil\جبريل Aadan آدمmarkuu albaabka Jannada yimid ayuu mid labadiisa lugood ka mid ah albaabka kasoo saaray oo uu dhigay, wuxuuna yiri: "Bismillaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\"بسم اللع الرحمن الرحيم. Markaasuu Jibriil\ جبريلwuxuu ku yiri: “Waxaad ku hadashay eray wayn, marka cabbaar taagnow, ayadoo ay dhici karto inuu Midkaan loo jeedini kuu turee". Markaasaa Jibriil\ جبريلloo dhawaaqay oo la yiri: "."دعه يخرج "Dachu yakhruju", oo ah "Iska daa ha bexee". Markaasuu Jibriil\ جبريلwuxuu yiri: "llaahayow, wuxuu kuugu yeeray Al Rraxmaanu الرحمن- oo ah Midka naxariista badan- ee marka u naxariiso". Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri: فخل عنه يذهب ثم يرجع في مئأة أولوف من أوالده. وإن يذهب ال يعاب عليه شيئ،"إن أرحمه ال ينقص من رحمتي شيئا ".عصاة حتى يشاهد فضلنا على أوالده ويعلم سعة رحمتنا "In arxamhu la yanqusu min raxmatii shay'an, wa in yath-hab laa yucaabo calayhi shay'un. Fa khalli canhu yath-hab thumma yarjic fii mi'ati uluufin min awlaadihi cusaatin xattaa yushaahida fadlanaa calaa awlaadihi wa yaclama sacata raxmatinaa", oo macneheedu yahay: 322 "Haddaan u naxariisto, taasi naxariisteyda waxba ka dhimi mayso, hadduu tagana waxba lagu ceebeyn mayo. Marka iska daa ha tagee, kaddibna soo laabtee isagoo ay la socdaan boqol kumanyaal ah oo dhashiisa ah oo caasiyiin ah, si uu u arko deeqdeenna aan ubadkiisa siinaynno, uuna u ogaado waasicnimada raxmadeenna". Taasi waa khulaaso lasoo koobay waxa ay wariyeen ragga qisaska wariya. Markaasuu Aadan\ آدمwuxuu ku soo degay buur la yiraahdo Buuth\ بوذoo dalka Hindiya ku taalla. Aadan آدمwuxuu la soo degay carafta Jannada, caraftaasoo ku dhegtay Hindiya geedeheeda, waadiyadeeda iyo banankeedaba, kuwaasoo intii ku tiillayba ay carafi ka buuxsantay. Xaawo\ حواءwaxay kusoo degatay Jiddah\جدة. Waxaa kaloo la yiri waxay kusoo degatay Carafo. Waxaa kaloo la yiri waxay kusoo degatay Al Muzdalifah\المزدلفة. Ibliis wuxuu kusoo degay beledka la yiraahdo Al Ubullah\األبلة, ahna beled u dhow magaalada Al Basrah\ البصرةee dalka Ciraaq\عراق. Waxaa kaloo la yiri waxaa lagu dejiyay Jiddah\جدة. Abeesadiina waxaa lagu soo dejiyay meesha la yiraahdo Baysaan \بيسان, waxaana kaloo la yiri degmada Sajistaan\سجستان. Waxaana kaloo la yiri degmada Isfahaan\ إسفهانoo labadaan danbeba ay Iiraan\ إيرانku yaalliin. Intaasoo idil meelo ka duwanna waa la sheegay. Dhiigga caadada ee haweenka Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu yiri: "Ilaahay Tacaalaa wuxuu yiri: ""يا آدم ما حملك على ما صنعت؟ "Yaa Aadamu maa xamalaka calaa maa sanacta?" oo ah: "Aadanow\ آدمmaxaa kugu xambaaray waxaad fashay?" Aadan\ آدمwuxuu yiri: "Waxaa ii qurxisay Xaawo\"حواء. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللاwuxuu yiri: ". وألدمينها في الشهر مرتين،"فإني اعقبها أن ال تحمل إال كرها "Fa Innii ucqibuhaa an laa taxmala illaa karhan, wa la admiyannahaa fii al shahri marratayni", oo, macnihiisu yahay: 323 "Marka Anigu waxaan uga abaalmarinayaa inayan uur yeelan oo ayan xaamilo noqon cunug siddah ayadoo ku dhibtoota mooyee, ayanna dhalin ayadoo ku dhibtoota mooyee, waxaanna dhiig ka keenayaa bishiiba laba goor". Imaamka Xadiithka sharxay wuxuu yiri: "waxaa dhici karta inuu macnuha labada goor ee dhiiggu yahay inuu dhiig ka keeno, taasna ay ku dhabowdo ayadoo uu mar keli ah ka yimaado, ama ayba sidaas ahaato oo ay istaahisho inay laba goor dhiigto, yuusanba ka imaane, si la mid ah siduu Ilaahay u cafiyo macaasida ciqaabo lagu mutaysto oo kale. Waxaa kaloo la yiri: waxaa dhiigga loogu riday ciqaab looga abaalmarinayo inay geedka dhiig ka keentay. Waxaa kaloo la yiri: waa ciqaab inay abeesada lugaha ka jebisay. Waxaana dhici karta inay intaasoo idilba sabab u yihiin." Al Xaakim\ الحاكمiyo Ibnu Al Munthir\ إبن المنذرwaxay isnaad saxiix ah uga wariyeen Ibnu Cabbaas\ إبن عباسinuu yiri: "Bilawga dhiigga caadada ihi wuxuu Xaawo\ حواءku dhacay kaddib markay Jannada kasoo degatay oo ay dhulka timid". Cabdu Al Razzaaq\ عبد الرزاقwuxuu sanad saxiix ah Ibnu Mascuud\ إبن مسعودuga wariyay inuu yiri: "Ragga iyo haweenka reer Banii Israa'iil\ بني إسرائيلway wada tukan jireen, markaasey haweenku ragga jirkooda u muujin jireen. Markaasuu Ilaahay dhigga xaydka korkooda yeelay, uuna masaajidyada ka mamnuucay oo ka reebay." Cadu Al Razzaaq\ عبد الرزاقwuxuu Xadiithkaas mid la mid ah ka wariyay Caa'ishah \عائشة, Allaha raalli ka noqdee. Xaadiithkaas muuqaalkiisa kore waxaad mooddaa inuu tilmaamayo inuu dhiigga caadada ihi marka ugu horreyseyba uu haweenka reer Banii Israa'iil \ بني إسرائيلku dhacay, Bukhaarina\ البخاريwuxuu yiri: "Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."إن هذا أمر كتبه هللا على بنات آدم "Inna haathaa amrun katabahu Allaabu calaa banaati Aadama", oo macnihiisu yahay: "Kani -waa dhiigga caadada ee haweenkee- waa amar uu Ilaahay u dhigay gabdhaha Aadan \ آدمkorkooda." Waxaa labadaas Xadiith kulmiyey Al Xaafith Ibnu Xajar\ الحافظ إبن حجرoo yiri: "Dhiigga lagu riday gabdhaha reer Banii Israaiil\ بني أسرائيلwuxuu hayey muddo dheer, taasoo abaalmarin ama ciqaab looga dhigay, ee ma aha inay ayagu ugu horreeyeen gabdho uu dhiig ku dhaco." Al Dhabraanii\ الطبرانيiyo ghayrkiisba waxay Ibnu Cabbaas\ إبن عباسiyo ghayrkiisba ka wariyeen inuu hadalka Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىee ku sugan qisada Ibraahiim\ إبراهيمoo ah: ِ ت ْ ض ِح َك َ َام َأرَتُهُ قَائ َمةٌ ف ْ َو 324 "Wa imra'atuhu qaa'imatun fa daxikat(71)", oo macneheedu yahay: "Haweentiisuna waa taagnayd markaasey qososhay(71)", ahna Aayadda kow iyo toddobaanaad ee Suuratu Huud\سورة هود, macneheedu waxaa weeye, ayay yiraahdeen, "waxaa ka yimid dhiigga caadada ah", oo al daxku\ الضحكwaa magac kale oo xaydka\الحيض ama dhiigga caadada haweenka. Qisaduna way ka horreysey reer Banii Israaiil \بني إسرائيل, oo waaba Nabi Ibraahiimإبراهيم, Calayssalaamu." Caddayn kalena waxaa weeye in marka la yiraahdo gabdhaha Aadan \آدم, ayan Xaawo\ حواءka baxsanayn, ayadoo ayada laga abuuray feertiisa, oo ay markaas la mid noqotay gabdhihiisa uu dhalay oo kale, in kastoo ayan run ahaantii gabadhiisa ahayn oo uusan dhalin. Boohinta Aadanآدم Wahab bin Munabbih\وهب بن مهبه, oo ah ibnu Kaamil al xaafith abuu Cabdu Allaahi al Sancaanii, al callaamah, al akhbaarii\ العالمة األخباري،إبن الكامل الحافظ أبو عبد هللا الصنعاني, runlowga kutubbada badan sannifay, kana wariyay Ibnu Cabbaas \ إبن عباسiyo Ibnu Cumar\إبن عمر, isagana ay qoyskiisu ka wariyeen iyo Samaak bin al Fadl \سماك بن الفضل, dhintayna sanadka Hijriga ee boqol iyo afar iyo toban, wuxuu yiri: "Aadan آدمmarka arliga loo soo dejiyay wuxuu ahaaday mid booyaya saddex boqol oo sano, ayadoo ayan ilmadu ka joogsanayn, ayanna ka qallaleyn waxa ku dhacay daraadeed." Al Mascuudii\المسعودي, oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi bin Cutbah bin Mascuud al Kuufii, al xaafith\ الحافز،عبد الرحمن بن عبد هللا بن عتبة بم مسعود الكوفي, dhintayna sanadka boqol iyo lixdan ama shan iyo lixdan Hijriga, uuna ibnu Numayr\ إبن نميرka yiri: "wuxuu ahaa nin thiqqah\ ثقةah oo lagu kalsoon yahay, markii dambena isku qasmay, ibnu Muscar\ إبن مسعرuu yiri: "Ma ogi qof isaga uga cilmi badan cilmiga Cabdullaahi ibnu Mascuud\"عبد هللا إبن مسعود, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna yiri: "Haddii ilmada dadka arliga deggan oo idil la isku keeno oo la barbar dhigo ilmaduu Aadanآدم ooyay oo uu daadiyay, waxaa badan ilmaduu Aadan آدمooyay markuu Ilaahay Jannada kasoo saaray", tiiraanyo uu ka calool xun yahay kasoo tegidda Jannada uu kasoo tegey, iyo inuu geedkii laga reebay ka cunay, in kastoo loo dembi dhaafay intuusanba kasoo bixin, siduu u gooyey Al Qurdhubiii\ القرطبيiyo ghayrkiisba. Sababtu waxay tahay cabsi uu cabsaday iyo xishood uu xishooday, iyo kaamilnimada ay qalbigiisa ku sugantahay waynaanta Ilaahay. Sheekheennu wuxuu yiri: "Waxaa dhici karta inuu muraadku yahay marka la leeyahay "Haa waqtiga tawbad keenidda" inaan laga aqbalin tawbaddiisa muddo kaddib markii uu Jannada kasoo baxay mooyee". Mujaahid bin Jabyar al Makhzuumii\ مجاهد بن جبير المخزوميmawlaahum al Makkii ،al thiqqah, al xaafith\ الخافظ، موالهم المكي الثقة, oo Tafsiirka Imaam ku ah iyo cilmigaba, imaamnimadiisana la isku waafaqay, in kastoo uu ibnu Xibbaan\ إبن حبانkitaabkiisa Al ducafaa'u\ الضعفاءku yiri: "waa marduud\"مردود, kuna dhintay Makkah\ مكةisagoo sujuudsan sanadka Hijriga. ee boqol iyo 325 saddex, sanad kalena waa la sheegay, axaadiithtu wariyayna ay soo wariyeen kutubbada lixda ah, wuxuuna yiri: "Aadan آدمwuxuu booyayey boqol sano isagoo aan madaxiisa marna Samada kor ugu qaadin" xishood uu Rabbigiis ka xishoonayo daraadeed. Boqolkaan sano waxay ka mid yihiin saddexda boqol oo uu Wahab\ وهبxusay. Ilaahayna wuxuu ilmadiisa ku dhaliyay cuudka la yiraahdo al cuudu al radbo\"العود الرضب, oo ay dhici karto inuu yahay midka la shito oo la bukhuursado, waxaana la wariyay, siduu sheekheennu u yiri, inuu Aadan آدمJannada kasoo degay isagoo cuudkaas sita oo uu Jannada dhexdeeda kasoo qaatay. Hadday sidaas tahayna, waxaa loo qaadanayaa inuu cuudkaasi kaddib ilmadiisa dhulka uga soo dhashay oo uu sidaas kusoo baxay. Waxaa kaloo ilmadiisa kusoo baxay zanjabiisha oo dednaanta madaxa faydda araggana xoojisa oo mugdiga ka qaadda; iyo geedka la yiraabdo al sandalu\ السندلoo loox qaali ah laga sameeyo, midabkiisuna guduud ama caddaan yahay, bararkana u daawo ah oo qaada, cudurrada wadnaha iyo madax xanuunka iyo qandhadaba u daawo ah. Waxaa kaloo ilmadiisa ku soo dhashay anwaacda kala duwan ee dhirta cadarka laga samecyo. Xaawana\ حواءwaxay ooyeysey ilaa uu Ilaahay ilmadeeda kusoo dhaliyay qurunfulka iyo dhirta cadarka laga sametyo oo la yiraahdo al aqaawii\األقاوي, iyo dhirta cuntada lagu darsadaba. Marka, ubadka Aadanowi آدمbal arka siduu aabihiin uu hal ficil ama fal oo keli ah oo uu falay isagoo halmaansan amarka Ilaahay ugu ooyayey saddex boqol oo sano. Marka maxaad faleysaan kuwiinna dambiyada waaweyn kas iyo ula kac u sameeyey? Marka, ku cibro qaata, oo ka qiyaas qaata in aabihiin Jannada looga soo saaray ciqaab lagu ciqaabayo hal dambi oo uu galay, kuwiinna, absaarta iyo aragga u saaxiibka ahow. Aadan آدمwuxuu ahaa mid markuu arkaba Malaa'igta Samada kor usii tafeysa iyo kuwa kasoo, deganayaba uu hilowga uu waddankiisii u qabo uu kordho, waddankaasoo ahaa beelaha kala duwan ee Jannada, kuwaasoo isaga loo banneeyey intuu dhexdeeda ku jiray, ayadoo aan barna laga reebin. Aadan آدمwuxuu indhihiisa ku arki jiray Malaa’igta, in kastoo ayan caddayn inuu suuraddooda asliga ah ku arki jiray iyo in kale. Waxaana la sheegay inay tahay arrin Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gooni loo siiyay oo isaga khaaska u ay tahay inuu Malag Jibriil\ جبريلsuuraddiisa asliga ah laba goor ku arkay. Wuxuu kaloo Aadan آدمxusuustay cahdiga iyo ammaanka uu ku sugnaa ka hor intuusan arliga usoo degan iyo ballankii Ilaahay oo uu isagu halmaamay, oo ahaa inuusan geedka u dhowaanin. Wuxuu kaloo xusuustay deriskiisii Jannada oo ahaa Malaa'igta iyo wixii xoolo ahaa oo Jannada dhexdeeda kula noolaa, oo sidaas deriskiisa ku noqday. Marka, kuwiinna dambiyada waawayn gala, iska ilaaliya simbiriiriqasho uu midka wax jeceli uu midkuu jecel yahay ku yiri: ك َ ِاق َب ْينِي َوَب ْين َ َق ُ ال َه َذا ِف َر 326 " Haathaa firaaqu baynfi wa baynika(78)", oo ah Aayadda sideed iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Kahfi \ سورة الكهفoo macneheedu yahay: "Kani waa kala tagga dhexdeenna(78)", ahna qisada Nabi Muuse\موسى, Calayhissalaamu, iyo Al Khidr\الخضر, Allaha raalli ka noqdee, ayadoo uu Aadan آدمmarkuu geedka, ka cunay ay ka fogaadeen kuwuu jeclaa, markuu arligaan usoo degayna ayan cidna hoy siin. Marka, wa sida ayagoo, sida uu Al Khidr الخضرMuuse موسىku yiri oo kale, ayaguna Aadan آدمku yiri: "Haathaa firaaqu baynii wa baynika". Marka midkaaga caqliga fiyow lahow, u fiirso siduu aabahaa Aadan آدمugu fariistay sariirta boqortooyada, oo sida nasoo martay ka sameysan dahab iyo yaaquut guduudan oo toddoba boqol oo lugood leh, oo Aadan آدمkaraameyn loogu fariisiyay, oo uu markaas gacanta u taagay luqmad laga reebay, oo markaas Jannada looga soo saaray. Marka, ubadkiisow, iska jira cirib xumida macaasida, maxaa yeelay qofkay haleesho hoos ayay u dhigtaa, martabada uu lahaana way ka dejisaa." Ka cunidda geedku ma dambi wayn baa mase mid yar? Mar ka hadduu qof yiraahdo: "Ka cunidda iyo soo dejinta ma dambi wayn baa ama mid yar? Ficilkaas Aadan Jannada looga soo dejiyay ma kabiirah\ كبيرةbaa oo waa dambi wayn, mase maya?" Hadday kabiirah tahay, dambiyada waaweyn Anbiyada kama dhacaan, intaan Nabi laga dhigin ka hor iyo kaddibba, oo way ka ilaalsan yihiin oo waa "macsuumiin\"معصومين. Hadday ficlad yar ahaydna, waxaa la yiri inay Anbiyada ka dhacaan, waana la dhaafaa dambiyada ka dhasha, waxaana looga. dhaafaa ka fogaanshah kuwa waaweyn laga fogaado, siduu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ku yiri Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Nisaa'\سورة النساء: ِ ِ ِ ِ ِّ ِ )31( يما ً إ ْن تَ ْجتَنُبوا َك َبائ َر َما تُْنهَ ْو َن َع ْنهُ ُن َكف ْر َع ْن ُك ْم َسي َِّئات ُك ْم َوُن ْدخْل ُك ْم ُم ْد َخ ًَل َك ِر "In tajtanibuu kabaa'ira maa tunhawna canhu nukaffir cankum sayyi'aatikum wa nudkhilkum mudkhalan kariiman(31)", oo macneheedu yahay: "Haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee waxa la idinka reebayo, waxaan ka asturi (dhaafi) xaggiinna dambiyadiinna (yaryar), waxaanna idin gelineynnaa meel la galo oo sharaf leh (Jannada)(31)". Marka haddii muslimiintii caadiga ahaa sidaas dambiyada yaryar looga dhaafayo, maxaad marka mooddaa Nabi Aadan\ آدمoo Anbiyadoo idil dhalay? Marka, hadduu qofkaasu yiraahdo: "Hadaba maxaa yeelay ee ficilkaas daraadiis Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءlabbiskay xirnaayeen 327 looga siibay, siday Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Acraafi \ سورة األعرافnoo sheegtay, oo tiri: ِ ِ ِ ِ َّ َدم ََّل َي ْفتَِنَّن ُكم اسهُ َما لُِي ِرَيهُ َما َس ْوآَتِ ِه َما ْ ان َك َما أ ُ َالش ْيط َ َخ َرَج أ ََب َوْي ُك ْم م َن اْل َجَّنة َي ْن ِزعُ َع ْنهُ َما ل َب ُ َ َ َيا َبني آ "Yaa banii Aadama laa yaftinannakumu al shaydhaanu kamaa akhraja abawaykum mina al Jannati yanzicu canhumaa libaasahumaa li yuriyahumaa saw’aatihimaa(27)", oo macneheedu yahay: "Dhasha Aadanow آدم, yuusan idin fitnayn shaydaan, siduu uga soo bixiyay oo kale labadii idin dhashay Jannada, isagoo ka siibay dharkoodii, si uu u tuso cawradooda(27)". Dharkana waxaa looga siibay doonidda uu doonay inuu xabbad geedkaas, mirihiisa ka mid ah uu cuno, oo uu afka gashaday, uusanse wali leqin, oo ay markaas ka duuleen taajka madaxa u saarnaa, dharkuu xirnaa iyo intaas ghayrkoodba, sida canaanta la canaantay oo kale, sida markuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, Aayadda labo iyo labaatanaad ee Suuratu Al Acraafi\ سورة األعرافku yiri oo kale: َّ اهما ربُّهما أَلَم أ َْنه ُكما َع ْن تِْل ُكما )55( الش َج َرِة َ َوَن َ َ َ ْ َ ُ َ َ ُ اد "Wa naadaahumaa Rabbuhumaa alam anhakumaa can tilkumaa al shajarati(22)", oo macneheedu yahay: "Markaasuu Ilaahay u yeeray oo uu ku yiri: "Miyaanan idinka reebin geedkaan?(22)". Su'aashaas waxaa ka jawaabay Abuu Al Qaasim Muxammad Al Zamakhsharii, al callaamah, Jaaru Allaahi, al muctazilii\ المعتزلي، جار هللا، العالمة،أبو القاسم محمد الزمخشري, inuu muctazilii\معتزلي yahayna sheegi jiray, siday u wariyeen ibnu Kullikaan \ إبن كلكانiyo ghayrkiisba: hadduu albaab garaaco uuna ithan qaadanayo inuu gurigaas galo wuxuu oran jiray: "Waxaa albaabka taagan oo ithan qaadanaya inuu soo galo Abuu Al Qaasim Al Muctazilii\"أبوالقاسم المعتزلي. Waxa ugu horreyey oo uu sannifayna waa kitaabkiisa tafsiirka Quraanka ah ee la yiraahdo Al Kash-shaaf \الخشاف. Al Zamakhsharii\ الزمخشريwuxuu dhintay habeenka Carafo\ عرفةee sanadka shan boqol iyo saddex iyo soddon Hijriga. Al Zamakhsharii\ الزمخشريwuxuu yiri: "Ma ayan ahayn waxaan "saghiirah\ "صغيرةahayn oo ah mid yar, waa dambi yaree, oo ku duugan kuna dhex qarsoon acmaasha qalbigiisa ee khaaliska Ilaahay u ahaa iyo athkaar saalix \ أذكار صاحةah oo wanwanaagsan, kuwaasoo ah u hoggaansanaanta Ilaahay iyo adeeciddiisa. kuwa ugu waaweyn iyo acmaasha ugu waaweyn -dambiyada yaryarna hadday ka bataan dhaacaadku oo ay daacaadku bataan, la isuma qabto oo waa la dhaafaa. Waxaana dambigaas yar uu ugu socday waxa ku socday waynayn dambigaas la wayneynayo iyo muujin foolxumadiisa la muujinayo oo lasoo bandhigayo, iyo cabsiin lagu cabsiinayo midka dambigaas galay, si ay taasi u turid iyo naxariis ugu noqoto isaga Aadan\ آدمah iyo dhashiisaba, si ay dambi falidda uga fogaadaan oo ay iska ilaafiyaan. Waxayna taasi sabab u 328 noqotay inuu Aadan آدمadduunkaan ku helay kaamilnimo u faaiideysey kana dhalatay badnida ajarka uu ku muteystay iyo waynaanta makaankiisa aakhiro. Jamhuurka culummada, oo ah intooda badan, ee raacsan Imaam Maalik\ اإلمام مالكiyo Imaam Abuu Xaniifah\ اإلمام أبوحنيفةiyo Imaam Al Shaaficii\ اإلمام الشافعيwaxay qabaan inay Anbiyadu macsuumiin\ معصومينka yihiin xattaa dambiyada yaryar dhammaantood, oo uu Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, ka ilaaliyay. Cusmadaasu\ العصمةwaxay ahaaneysaa intaan falidda dambiyadaas yaryar dhicin horteed, oo ay ka hortegeysaa inayba ahaadaan, hadduusan amar iyo sharci Ilaahay kusoo degin iyo wax la mid ah, oo sidaas ayay mid sidaas u yari Aadan آدمuga dhacday, taas dhiciddeedoo ay ka ratibmeen oo ay uga dhasheen manaafic iyo wax waxtar u leh Aadan آدمiyo ubadkiisaba. Haddayan sidaas oo kale ahaynna Anbiyada sina dambiyo yarna kama dhacaan si ula kac ah iyo si sahwi iyo halmaamid ahba." Xikamada iyo naxariista kasoo dejinta Aadan آدمee Jannada Marka, bal arag naraxariista iyo xikmada faraha badan ee ku sugan in Aadan آدمJannada laga soo dejiyay oo arligaan loo so dejiyay, ahna faaiidooyinka soo dejintiisa ka dhashay, oo hadduusan arligaan usoo degi lahayn lama arkeen Jihaadka kuwa mujtahidiinta ah oo cilmiga baara oo barta oo bara, iyo jihaadka caabidiinta Ilaahay si dhab ah u caabuda, ayadoo ay xikmadu ahayd hubinta iyo helidda cilmiga, kaddibna camalka lagu dabbaqo, oo uu sidaas ku noqdo camal sugan oo sidii ay ahayd inuu ahaado ah. Hadduusan Adan آدمsoo degi lahayn Samada kor uma tafeen codadka iyo neefdhawga kuwa tawbadkeenaya, hoosna uma ayan qubteen dhibcaha ilmada kuwa dambiyada galay. Imaam Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu tafsiirkiisa ku yiri: "Kasoo saaridda Ilaahay ee uu Aadan آدمJannada kasoo saaray ma ayan ahayn ciqaab isaga lagu ciqaabayo, maxaa yeelay waxaaba Jannada laga soo saaray oo dhulka loo soo dejiyay kaddib markuu isaguna ka tawbad keenay wuxuu sameeyey, Ilaahayna uu tawbaddiisa aqbalay. Waxaase loo soo dejiyay edbin la edbinayo iyo adkayn la adkaynayo mixnada iyo dhibaatada ku habsatay. Runtuna waxay tahay inay soo dejintiisa arliga loo soo dejiyay ay ka mid tahay xikmada Ilaahay oo azaliga\ أزليah oo waligeed jirtay ee arrinkaas ku saabsan, ahna inuu ubadkiisa arliga ku faafiyo, uuna takliif iyo waajibaad korka ka saaro, kuna imtixaano oo ay halkaas ka rattibmaan abaalmarin iyo ajar siin ama ciqaab markay Aakhiro tagaan, ayagoo ayan Jannada iyo Naartu ahayn laba daarood oo uu takliif jiro. Marka, cunidda xabbaddaas miraha geedka laga reebay uu ka cunay waxay sabab u noqotay in arliga loo soo dejiyo. Ilaahayna waa Midka wuxuu doono fala, wuxuuna hore uba yiri: ِ إِِّني ج ِ اع ٌل ِفي ْاْل َْر ًض َخلِيفَة َ "Innii jaacilun fii al ardi khaliifatan(30)", oo ah Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة, macneheeduna yahay: 329 "Anigu waxaa arliga dhexdiisa yeeli mid sharcigeyga ku oofiya oo ay facba fac isaga dambeeyaan(30)". Culummada tafsiirka Quraanka iyo macnihiisa ku xeel dheerna waxay ka yiraahdeen hadalka Ilaahay ee ku xusan Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah \ سورة البقرةiyo Aayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Al Acraaf\ سورة األعرافee ah: َّ وََّل تَ ْقرَبا َهِذ ِه َالش َج َرة َ َ "Wa laa taqrabaa haathi-hi al shajarata" oo macneheedu yahay: "Hana u dhowaanina geedkaan": "Waxaaba ku sugan dareen in dambigaas lagu dhici doono, Jannadana looga soo saari doono, oo degidda uu Aadan\ آدمJannadaas degay uusan ku waareyn, maxaa yeelay qofka Jannada ku waaraya wax dhexdeeda ku jira lagama reebo, waxna lama amro inuu la yimaado, waxna lagama reebo inuu ka haro, waxaana u daliil ah ِ إِِّني ج ِ اع ٌل ِفي ْاْل َْر ًض َخلِيفَة َ "Innii jaacilun fii al ardi khaliifatan(30)", oo ah Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة, macneheeduna yahay: "Anigu waxaa arliga dhexdiisa yeeli mid sharcigeyga ku oofiya oo ay facba fac isaga dambeeyaan(30)". Intaasuu ku egyahay hadalka Imaam Al Qurdhubii\القرطبي. Al Axwathii\ األحوذيwuxuu yiri: "Inuu Aadan\ آدمkasoo baxay Jannada waxay sabab u noqotay jiritaanka ubadkiisa iyo dhashaas badan, iyo jiritaanka Anbiyada iyo Rususha iyo saalixiinta, kamana uusan soo bixin Jannada isagoo laga soo eryay, bal wuxuu usoo baxay inuu arligaan joogo inta loo xukumay inuu joogo kaddibna uu ku noqdo. " Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\وتعالى هللا تبارك, oo Aadan\ آدمqalbiga u qaboojiyay Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaaهللا تبارك وتعالى, markuu towbadda Aadan آدمaqbalay, wuxuu u waxyooday oo uu u caddeeyey, kuna ilhaamiyay, wax ay naftiisu ku xasishay, cabsidii haysay iyo kurbadana ka qaaday, sida Isagoo Ilaahay ku yiri oo kale: فأنا، إن كان حصل لك من اإلخراج كسر. أجيب دعوت الداعي، مجيب، فإني قريب،"يا آدم إن كنت أهبطت من الدار القرب فأنين، فقد تعوضت في األرض أنين المذنبين، وإن كان فاتك في السماء زجل المسبحين.عند المنكسرة قلوبهم من أجلي ". وأنين المذنبين يزينه اإلنكسار، ربما يشوبه اإلفتخار:المذنبين أحب إلي من تسبيحهم "Yaa Aadamu in kunta ahbadhta min daari al qurbi, fa Innii qariibun, mujiibun, ujiibu dacwata al ddaacii. In kaana xasala laka mina al ikhraaji kasrun, fa Anaa cinda al 330 munkasirati quluubihim min Ajlii. Wa in kaana faataka fii Al Ssamaa’i zajalu al musabbixiina, fa qad tacawwadtu fii al ardi aniina al muthnibiina, fa aniinu al muthnibiina axabbu Ilaynaa min tasbiixihim: rubbamaa yashuubuhu al iftikhaaru, wa aniinu al muthnibiina yuzayyinuhu al inkisaaru. " Hadalkaas oo aan Xadiith ahayn, macnihiisu waxaa weeye: "Aadanow\آدم, haddaad kasoo degatay daarta dhowaanshaha -oo Ilaahay u dhow, waana Jannadee-ha tiiraanyoon, maxaa yeelay Anigu waan dhowahay, waxa la iga baryana qofka iga barya waan siiyaa, oo sidaas dhowaanshaha aan Jannada kuugu dhowaa wuxuu la mid yahay dhowaanshahayga aan arliga kuugu dhowahay. Waana maqlaa oon siiyaa kuwa i barya waxay iga baryaan. Hadday bixidda Jannada lagaa bixiyay uu qalbigaagu ku jabay -sida dhacdaybaAnigu waxaa ahaan agta iyo Midka u dhow oo aan kabaa kuwa ay quluubtoodu Aniga daraadey u jabeen." Oo waxaa qalbiga laga dhigay sida quraarad khafiif ah oo taag daran oo hadday jabto kala daadaneysa, oo sidaas oo kale ayuu qalbigu u taag daranyahay. Xadiithka uu Imaam Al Ghazaalii\ اإلمام الغزاليku wariyay kitaabkiisa Al Bidaayah\ البدايةwuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa هللا \ سبحانه وتعالىleeyahay: "."أنا عند المنكسرة قلوبهم من أجلي " Anaa cinda al munkasirati quluubuhum min ajlii", oo macnihiisu yahay: "Anigu waxaan ahay agta -oo aan kabaa- kuwa quluubtoodu u jaban tahay Aniga daraadey". Haddaan hadalkii Ilaahay inuu Aadan\ آدمku yiri loo nisbeeyey tarjumiddiisa dib ugu laabanno wuxuu yiri: "Hadduu Samada kugu seegay -marka arliga laguu soo dejiyay- codadka kuwa tasbiixsanaya, oo Subxaana Allaahi oranaya, waxaan cawil celin ahaan kuu siiyay arliga dhexdiisa iniinka -oo ah boohintaan lala qaylin oo uu ku taaho qofka xanuun hayaa ay iniinaan markay xanuunsadaan oo ay Ilaahay u booyaan inuu dambigooda. dhaafo oo uu xanuunkaas ka qaadokuwa dambaaba. Iniinka kuwa dambaaba ayaanna ka jeclahay tasbiixda kuwa tasbiixsada. Hadday sidaas tahayna, oo aan iniinka dambiilayaasha ka jecelnahay codadka kuwa tasbiixsanaya, markaas adiguna waxaad jeceshahay waxaan jecelnahay. Codka kuwa arliga dhexdiisa ku tasbiixsanaya, ayagoo aan ahayn kuwa Samada ku tasbiixsanaya oo kale, waxaaba dhici karta inuu dhex galo faan oo uu markaas fasaadiyo. Iniinka kuwa dambiga galayse waxaa qurxiya qalbi jabka, oo sidaasuu inta kale oo cod ahba uga sarreeyaa. Waaba ayada uu Muslim\ مسلمAbuu Hurayrah\أبوهريرة, Allaha raalli ka noqdee uga wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ثم يستغفرون،"والذي نفسي بيده لو لم تذنبوا لذهب هللا بكم ولجاء بقوم يذنبون 331 "Wa Allathii nafsii bi yadihi law lam tathnibuu la thahaba Allaahu bikum wa la jaa'a bi qawmin yathnibuuna, thumma yastaghfiruuna", oo macnihiisu yahay: "Waxaan ku dhaartay Midka ay nafteydu Gacantiisa ku jirto, haddaydnaan dambaabi lahayn, Ilaahay waa idin qaadi lahaa, markay ajashiinnu soo gasho, wuxuuna keeni lahaa qawm dambaaba kaddibna dambi dhaafid weydiista, oo uu markaas Ilaahay u dambi dhaafo, si ay u muujiyaan oo looga arko dambi dhaafidda, Isagoo Ilaahay Ghaffaar dhambi Dhaafe isku tilmaamay", siduu noogu sheegay Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Al Namli \ سورة النملoo kale: ِ )11( يم ٌ ُفَِإِّني َغف ٌ ور َرح "Fa Innii Ghafuurun Raxiimun(11)" oo macneheedu yahay: "Oo Anigu waxaan ahay dambi Dhaafe Raxmad miiran ah(11)". Marka si loo helo Al Ghaffaaru\ الغفارwaa in la helaa mid loo dambi dhaafo, si loo arko Al Rraxiimuna\ الرحيمoo ah Midka ugu naxariis badan waa in la arkaa kuwuu u naxariistay. Marka, yeeyan dambiyadiinnu idinka hor istaagin inaad tawbad keentaan, oo aad Ilaahay u noqotaan, quusasho aad naxariista Ilaahay ka quusateen. Marka, hadalka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma aha ruqso in la dambaabo la isu ruqseynayo, ama la iskuba boorrinayo, balse ujeedadu waa baraarujin la isku baraarujinayo weynaanta deeqda Ilaahay iyo waasicnimada dambi dhaafkiisa, iyo boorrin la isku boorrinayo in dambiyada laga tawbad keeno. Subxaana, oo waxaa ceeb iyo baahi iyo naaqusnimo oo idil ka fiyow oo ka fog oo ka hufan Midka markuu addoonkiisa uu balaayooyinka uu ku jiro uga naxariisto, balaayooyinkaas laftooda uga dhiga oo ugu beddela siin oo wax fiican siiya, ama beddelka balaayada wax fiican siiya, Ilaaha hadduu addoon dulleeyana ayan kaas dadaal badan oo uu la yimaado iyo ijtihaad badani ayan wax tarin, ijtihaadkaasna uuba ku noqdo korkiisa cirib xumo. Ilaahay wuu talqiiniyay oo uu baray Aadan\ آدمwax xujjo u noqday, oo waaba isaga. yiri: "Uma aanan malayneyn inuu. axadna been ku dhaaran karo". Ragna waxayba yiraahdeen: Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءkamaba ayan cunin geedka laga reebay, waxayse ka cuneen geed kale oo ay isku jinsi yihiin oo la mid ah, ayagoo amarka u fasirtay oo u gartay waxa laga reebay uu geedkaas farta loogu fiiqay oo loo tilmaamay yahay, loolana jeedo, aanse loola jeedin jinsiga geedkaas oo idil, sida ayadoo la yiraahdo geedkaas bardaha ah ha ka cunin, oo kii farata loogu fiiqay inta ka fogaaday geed kale oo isaguna barde ah ka cunay. Waxaana warkaan sheegay Al Qurdhubii\القرطبي. Ilaahayna wuxuu Aadan\ آدمbaray oo, uu ku riday wax hadduu yiraahdo tawbaddiisa laga aqbalayo, ahna, siday u yiraahdeen Ibnu Cabbaas \ إبن عباسiyo Al Xasan\ الحسنiyo Ibnu Jubayr\ إبن جبيرiyo al Daxxaak\ الضحاكiyo Mujaahid \مجاهد: "."ربنا ظلمنا أنفسنا وإن لم تغفر لنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين 332 "Rabbanaa thalamnaa anfusanaa wa in lam taghfir lanaa wa tarxamnaa la nakuunanna mina al khaasiriina", oo macneheedu yahay: "Rabbigeenow, waxaan gardarreysannay nafafkeenna, haddaadanna dambigeenna dhaafin, aadanna noo naxariisan waxaan ka mid noqoneynnaa kuwa khasaaray." Waxaa kaloo Mujaahid\ مجاهدlaga wariyay inay Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءyiraahdeen: ". فاغفر لي إنك أنت الغفور الرحيم، ظلمت نفسي،"اللهم ال إله إال أنت "Allaahumma laa ilaaha illaa Anta, thalamtu nafsii, fa ighfir lii Innaka Anta Al Ghafuuru Al Rraxiimu", oo macneheedu yahay: "llaahayow, ilaahaan Adiga ahayni ma jiro. Nafteyda ayaan dulmiyay ee marka ii dambi dhaaf, Adigoo ah Midka dambi Dhaafka badan oo naxariistah." Waxaa kaloo, la yiri: Aadan آدمwuxuu arkay inay ku dhigan tahay lugaha Carshiga محمد رسول هللا "Muxammadun Rasuulu Allaahi", markaasuu ku shafeeco weydiistay. Al Qurdhibii\ القرطبيwuxuu kaloo yiri: "muraadku waa boohinta iyo xishoodka iyo ducada iyo shalleytida iyo dambi dhaaf weydiisashada." Waxaa sidaas ku dhammaaday juzkii labaad ee Mawlidka Xabiibka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, waxaana ku xiga, Inshaa'a Allaahu, juzka saddexaad ee Mawlidka, ahna kitaabka sideedaad ee Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina, wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. Eryirida Ibliis Markaasaa Ibliisna Samada laga soo eryay, kaddib markuu muddo dheer adeegayey, oo siduu Al Qurdhubii\ القرطبيyiri wuxuu Ilaahay caabudayey sideetan kun oo sano. Kitaabka Muntahaa Al Nuquuli-na\ منتهى النقولwuxuu sheegay inuu Ibliis Ilaahay sagaal kun oo sano caabudayey. 333 Kitaabka Taariikhu Al Khamiisina\ تاريخ الخميسwuxuu wariyay laba boqol iyo afartan kun oo sano ayadoo ayan ku harin Samaawaadka iyo toddobada arliba in taako ah oo uusan ku sujuudin, wuxuuna, waa Ibliis, yiri "llaahayo, miyay hartay bar aanan ku sujuudin?" Markaasuu Cazza wa Jalla ku yiri: "."أسجد آلدم " Usjud li Aadama " oo ah: "U sujuud Aadan\"آدم. Markaasuu Ibliis wuxuu yiri: "Ma anigaad iga fadli yeeleysaa -iga kor marineysaa-?" Ilaahay wuxuu yiri: "."أفعل ما أشاء وال أسأل عما أفعل "Afcalu maa ashaa'u wa laa us'alo cammaa Afcalu" oo macneheedu yahay: "Waxaan doono ayaan falaa, la igamana waydiiyo waxaan falo, oo maxaad u fashay la ima yiraahdo". Markaasuu Ibliis diiday inuu sujuudo. Markaasaa la eryay oo la lacnaday. Kitaabka Al Mishkaatu\ المشكاةwuxuu sheegay oo yiri "Al Xasan\ الحسنwuxuu yiri: "Ibliis wuxuu Ilaahay Samada ku caabudayey toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo sano, wuxuu arligana Ilaahay ku cabuday isagoo aan ka tegin in le'eg inta cag la dhigo ee waa illaa kan ku sujuuday." Marka la eryay ayuu camalkiisii oo idil wuxuu noqday sida Habaa'an Manthuuran \هباء منثورا, oo ah waxa habaaska la firdhiyey oo kale ah oo qolka dhexdiisa lagu arko markuu shabaakada qorraxda iftiinkeedu kasoo galo oo duulduula, waxaasoo aan waxba tarin. Sidaas oo kale ayuu camalkiisii noqday, oo wax waxtar ah u yeelan mayo, sababtuna ay tahay inuusan la imaan shardigii loo baahnaa oo ah inuu Ilaahay waxtar uga dhigo. Markaasuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, wuxuu Ibliis ku yiri, waana Aayadaha afar iyo shan iyo soddon ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: ِ ْ َال ف ِ ِ الد ِّ ) َوِا َّن َعلَ ْي َك اللَّ ْع َنةَ إِلَى َي ْوِم34( يم )32( ين َ َق ٌ اخ ُرْج م ْنهَا فَِإَّن َك َرج "Qaala Fa akhruj minhaa fa innaka rajiimun(34)Wa inna calayka al llacnata ilaa Yawmi Al Ddiini(35)", oo macnohoodu yahay: 334 "Wuxuuna yiri: ka bax xaggeeda adigu waxaa tahay mid la fogeeyeye(34)Korkaagana waxaa ah lacnad tan iyo Maalinta Xisaabtankee (Qiyaame)(35)". Taas waxaa weeye: "Jaanada ka bax -oo Samada lagama soo saarin oo waxaa laga reebay Bicthada oo ah marka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray dabadeed-, adigoo lagaa fogeeyey oo lagaa eryay khayr iyo karaamoo idil, adigoo lagula dhacayo oo lagugu rajmayo shihaab, oo ah dab ololoya, waxaana korkaaga ah lacnad -oo ah eryid iyo fogayn naxariista Ilaahay laga fogeeyey- ilaa Maalinta Xisaabtanka, oo ah Maalinta Qiyaame." Ilaahay, hadduu addoonkiisa cadaaladdiisa dul dhigo oo uu ku xisaabiyo xasanadna u reebi mayo oo uma ay harayso, maxaa yeelay marna kama uusan marna afcaal keeneysa in lagu qabto oo dambi ah. waaba tuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaaهللا سبحانه وتعالى, Aayadda shan iyo afartanaad ee Suuratu Faadhir\ سورة فاطرku yiri: ٍ ظه ِرها ِمن َداب ِ ولَو يؤ َّ ُاخ ُذ اللَّه َّة ْ َ ْ َ اس بِ َما َك َسُبوا َما تََر َك َعلَى َ الن َُ ْ َ "Wa law yu'aakhithu Allaahu al nnaasa bimaa kasabuu maa taraka calaa thahrihaa min daabatin(45)", oo macneheedu yahay: "Hadduu Ilaahau u qaban lahaa dadka waxay kasbadeen oo xumaan ah, kagama tageen dhulka korkiisa wax socda(45)". Taas waxaa weeye: "ugama tageen arliga korkiisa mid korkeeda xumaanta macaasida kula socda (daabad). Waxaa kaloo la yiri: daabadda waxaa laga wadaa dadka." Hadduuse Ilaahay deeqdiisa u fidiyo addoonkiisa oo uu si naxariis leh iyo dambi dhaafid kula dhaqmo, addoonkaas sayyi'aadna oo ah dambi uma haro, oo laguma qabto. Muraadka labadaas qodobna waa sidatan: xasanaadkiisii iyo sayyi'aadkiisii oo idil ayaa laga tirtirayaa xaashiyaha Malaa'igta, markaasey kii xasanaadkiisa la wada tirtiray waxaa qalbigiisa gelaya caloolxumo iyo tiiraanyo xoog leh, inuu xad gudbay ilaa heer ay xasanaadkiisii oo idil tageen. Kii sayyi'aadkiisa la tirtirayna waxaa aad loogu fogaaday daboolidda xumaantiisa iyo dambiyadiisii uu galay, siduuba Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri: حتى يلقى هللا وليس، وأنسى ذلك جوارحه ومعالمه من األرض،"إذا تاب العبد أنسى هللا الحفظة ذنوبه ".عليه شاهد من هللا بذنب "lthaa taaba al cabdu ansaa Allaahu Al Xafathata thunuubahu, wa ansaa thaalika jawaarixahu wa macaalimahu mina al ardi, xattaa yalqaa Allaaha wa laysa calayhi shaahidun min Allaahi bi thanbin", oo macnihiisu yahay: 335 "Hadduu ama markuu addoonku tawbad keeno, Ilaahay wuxuu Malaa'igta afcaashiisa dhigta oo ilaalisa halmaansiiyaa dambiyadiisa. Wuxuu kaloo dambiyadiisa halmaansiiyaa xubnaha jirkiisa iyo baraha arliga ka midka ah oo uu dambiyadaas korkooda ku galay. Markaasuu addoonkaasu wuxuu Ilaahay la kulmaa isagoo uusan jirin cid Ilaahay hortiisa dambiyaduu galay ugu markhaati kacda". Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Asbahaanii\األسبهاني, kuna wariyay kitaabkiisa Al Targhiibu \الترغيب, iyo Al Xakiim\ الحكيمiyo Al Tarmathii\ الترمذيoo ku wariyay Al Nawaadir\النوادر, iyo Ibnu Casaakir\إبن عساكر. Labadaas addoon kooda horena waa la xisaabiyay -llaahow ha na xisaabin- oo acmaashiisana la miizaamay, kan labaadna waa la cafiyay, lana asturay: Ilaahayow na cafi, nana astur. Deeqaha Aadan\ آدمla siiyay Bal u fiirso, oo isha qalbigaaga ku arag oo ku fakar arrinkaan: markay deeqda uu Aadan آدم, Calayssalaamu, uu khalqiga intiisa kale, sida Malaa'igta iyo ghayrkoodba, dheer yahay, ahna aqoonta iyo cilmiga, kuna tilmaaman Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah سورة \البقرة: اء ُكلَّهَا َ َو َعلَّ َم آ ْ َد َم ْاْل َ َس َم "Wa callama Aadama al asmaa'a kullahaa(31)" oo macneheedu yahay: "Wuxuuna baray Aadan آ َد َمmagacda kulligood(31)", iyo ballaarnaanta caqliga uu Ilaahay siiyay, uuna Abuu Umaamah\ أبو أمامةka yiri: "Haddii turidda iyo dulqaadka Banii Aadanka oo idil tan iyo markuu Ilaahay khalqiga abuuray ilaa Maalinta Yawmul Qiyaamaha inta la isku daro gacan miisaanka la saaro, dulqaadka iyo turidda Aadanna آ َد َمgacanka kale la saaro, tan Aadan آ َد َمayaa culusaan lahayd," Al Qurdhubii \ القرطبيwuxuu yiri: "Taasi waxay ixtimaaleysaa in tiradaas guud laga saaro oo uusan ka mid ahayn Al Musdhafaa\المصطفى, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maxaa yeelay isagaa dadkoo idil ugu dul qaad badnaa iyo turidba. Waxaa kaloo uu warkaasi ixtimaalayaa in loola jeedo intaan Anbiyada ahayn." Intaasi waa warkii Al Qurdhubii\القرطبي. Cilmiguna kaamil ma noqdo jeer lagu dhaqmo, oo lagu camal falo waxa uu xambaarsanyahay. Jannaduna ma aha daar dhexdeeda lagu shaqeeyo oo lagu dadaalo, balse waa daar lagu nicmeysto, oo lagu raaxeysto iyo mushaahadah oo ah wax fiirsasho iyo arag. Sidaas daraadeed ayaa waxaa lagu yiri: "Aadanow, u dego arliga jihaadka oo ah jihaadka nafta, iyo shahawaatka nafta. Naftu waxay dooneysana, waxaad uga adkaataa shaqo badan oo adag oo dhab ah oo aad kula jihaadid. Waana ku kanoo noloshaadii nicmada badnayd ee aad ku haysatay Jannada aad kasoo baxday, ay kuu soo noqotay ayadoo ka kaamilsan siday hore u ahayd, oo aad Jannada uga caado yeelatay, taasoo ku ahaatay kaddib markaad intaad adduunkaan ku noolaatay aad hadana Jannada dib ugu noqotay". Waxaa hadalkaas ka cad 336 inayan adduunyadaani, intay doontaba ha dheeraatee, ayan waxba ka ahayn marka loo fiiriyo nicmooyinka Aakhiro, tanoo waareysa, ayadoo uu adduunku dhammaanayo. Wax dhammaanayana waxba ma aha marka loo fiiriyo waxa waaraya. Sawirnimada Ibliis Markuu Ibliis, korkiisa lacnad ha ahaatee, xaasidnimada uu Aadan آ َد َمu qabo muujiyay, wuxuu ku dadaalay inuu dhibaateeyo, ilaa uu sabab uga noqday kasoo saaridda Jannada ee Sayyidka Aadanآ َد َم. Caalinka magaciisu yahay Al Yaaficii\ اليافعيwuxuu kitaabkiisa Nafaxaatu Al Azhaari نفحة \ األزهارuga wariyay Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Calayhissalaatu Wassalaamu, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وسيد ولد آدم أنت، فسيد البشر آدم، "إن لكل شيئ سيد:"هبط علي جبريل فقال " Habadha calayya Jibriilu, fa qaala: " Inna li kulli shay'in sayyidan, fa sayyidu al Bashari Aadamu, wa sayyidu waladi Aadama anta", oo macnihiisu yahay: "Waxaa igu soo degay Jibriil wuxuuna yiri: "Shay walba wuxuu leeyahay sayyid, oo ah hoggaamiye ama madax, basharkana, waa dadkee, sayyidkoodu waa Aadanآ َد َم, dhasha Aadan, oo ah Bani Aadanka oo idilna, sayyidkoodu waa adiga." Marka, hadduu sax yahay, waxaanna taageeraya Xadiithka Fatxu Al Baari bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii\فتح الباري بشرح صجيج البخاري, oo wariyay inayan sayyidnimadu isla markaas keeneyn afdaliyo ama ka sarreyn wax la dheer yahay kuwa sayyidka loo yahay, ayadoo uu Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, yiri: "Abuu Bakar\ أبوبكرwaa sayyidkeenna, wuxuuna xoreeyey sayyidkeenna (oo ahaa Bilaal\بالل oo intuu isagoo addoonn ah gatay isagoo rabidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo doonayey in inta la gato la xoreeyo meel marinaya, hadana xoreeyey)". Cumar\ عمرwiilkiisa Cabdu Allaahi ibnu Curnar\عبد هللا إبن عمر, Allaha raalli ka noqdee, caalinka iyo caabidka ummaddaan, wuxuu isaguna isagoo ka faallonaya Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan\معاوية بن أبي سفيان, Allaha raalli ka wada noqdee, oo markaas Madaxweynaha Dawladda Islaamka noqday kaddib afarta Khulafaa'u al Raashidiina oo ah Abuu Bakarأبوبكر iyo Cumar عمرiyo Cuthmaan\ عثمانiyo Calii Dhaalib عليiyo Al Xasan bin Faadhimah bintu Rasuuli Allaahi\الحسن بن فاطمة بنت رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Ma aanan arag mid ka sayyidsan Mucaawiyah\"معاوية, in kastoo uu arkay sayyidnimada Al Cumarayni\ العمرينAbuu Bakar أبوبكرiyo Cumarعمر, Allaha raalli ka wada noqdee. 337 Sawirka Ibliis ahna ma uusan garan in Aadan آ َدمhaddii Jannada laga soo saaro ay deeqihiisu kaamil noqonayaan, kaddibna uu Jannada ku noqonayo isagoo siduu hore u ahaa ka kaamilsan. Imaamku wuxuu Ibliis ku magacaabay al ablahu\األبله, ablahna waxaa la yiraahdaa midka doqonka ah oo aan wax aqoon ah lahayn oo waxa xun iyo waxa fiican aan kala garanayn oo aan kala soocayn. Wuxuuna ablah\ أبلهku noqday ayadoo cilmiguu hore u lahaa laga siibay markuu gaaloobay. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "La iskuma khilaafsana inuu Ibliis caalin ahaa, oo uu yiqiinnay Ilaahay, intuusan gaaloobin ka hor. Midka yiri: jaahilnimuu la gaaloobay wuxuu ka yiri: cilmiga ayaa laga siibay markuu gaaloobay. Midka yirina cinaad iyo madax adayg ayuu la gaaloobayna wuxuu ka yiri: wuxuu gaaloobay isagoo cilmigiisii leh oo wata oo lagama siibin". Ibnu Cadhiyyah\ إبن عطيةwuxuu yiri: "Gaalnimo uu cilmigiina u haro waa wax la fogeysto, agteyda taasi waa suurtowdaa oo wax aan suurtoobin ma aha, ayadoo isla markaasna qofkuu doono Ilaahay dulleynayo." Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Waxaa la isku khilaafay waa markaas ka hor Ibliis gaal miyuu ahaa? Waxaana la yiri maya, isagaana ahaa axadka ugu horreeya oo gaal noqda." Waxaa kaloo la yiri: bal hortiis waxaa jiray qawm gaalo ah, ahna jinnigii arliga degganaa. Ibliis ma jaahilnimo ayuu la gaaloobay ama cinaadnimo? Ehelu Sunnadu laba aragti ayay ka leeyihiin. Ibliis hadduu ogaan lahaa inuu Aadan آ َدمJannada kusoo noqonayo isagoo ka fadli badan xaaladdiisii markii hore oo uu ku jiray intaan laga soo saarin, kuma uusan dadaaleen inuu kasoo saaro. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Ujeedada Ibliis ma ayan ahayn inuu Aadan آ َدمJannada kasoo saaro, wuxuuse doonayey inuu hoos uga soo rido martabada iyo darajada uu ku sugnaa, uuna u fogeeyo sida isaga loo fogeeyey oo kale, oo naxariista Ilaahay looga fogeeyey. Mase uusan gaarin muraadkiisii, oo ma uusan hanan, wuxuuse kororsaday naaqusnimo iyo caro uu naftiisa u caroodo iyo hungo, uu maladiisii uu u kacay ku hungoobo. Waaba ayada uu Ilaahay Tacaalaa \ هللا تعالىAayadda boqol iyo labo iyo labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\ سورة طهku yiri: )155( اب َعلَ ْي ِه َو َه َدى ْ ثَُّم َ َاجتََباهُ َربُّهُ فَت " Thumma ijtabaahu Rabbuhu(122) " oo macneheedu yahay: "Kaddibna waxaa doortay Rabbigiis(122)". 338 Kaddibna Ilaahay Aadan\ آدمtawbadiisa ayuu aqbalay, wuuna hanuuniyay, wuxuuna noqday Khaliifka Ilaahay ee arligiisa kaddib markuu dariskiisa ku ahaa daartiisa." Intaas weeye hadalka Al Qurdhubii\القرطبي. Suufiyada Suufiyadu waxay yiraahdeen: kasoo bixinta Aadan\ آدمee Jannada waxaa ku sugan tilmaan ama ishaaro tusaysa sida Isagoo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىoranayo: وآتي بألوف من العصاة ختى أغفر لهم، با أؤخر إلى الدنيا،"لوغفرت في الجنة لما تبين كرمي بأني أغفر لنفس واجدة ".وله ليتبين جودي وكرمي "Law ghafartu fii al Jannati lamaa tabayyana karamii bi Annii aghfiru li nafsin waaxidatin, bal u'akhiro ilaa al dunyaa, wa aatii bi uluufin mina al cusaati xattaa aghfira lahum wa lahu li yatabbayana juudii wa karamii", oo macneheedu yahay: "Haddaan u dambi dhaafo isagoo Jannada dhexdeeda ku jira kariimnimadeydu, oo ah deeqsinnimadeydu kuma ay muuqaneyso inaan qof keligiis u dami dhaafay, balse dib ayaan ugu dhigayaa adduunka, waxaanna keenayaa kumanyaal caasiyiin ah markaasaan u dambi dhaafayaa ayaga iyo isagaba Maalinta Qiyaame, si ay isaga iyo ghayrkiisba ugu caddaato deeqsinnimadeydu iyo kariimnimadeydu.” Ragga warkaas wariyayna ma ayan arag nas ku saabsan oo ka sugnaaday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Kitaabka Taariiikhu Al Khamiisina\تاريخ الخميس, sida nasoo martay, wuxuu wariyay inuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىMalag Jibriil\ جبريلku yiri: فخل عنه يذهب ثم يرجع في مئأة أولوف من أوالده. وإن يذهب ال يعاب عليه شيئ،"إن أرحمه ال ينقص من رحمتي شيئا ".عصاة حتى يشاهد فضلنا على أوالده ويعلم سعة رحمتنا "In raximtuhu laa yanqusu min raxmatil sha'un, wa in yath-hab laa yucaabu calayhi shay'un. Fa khalli canhu xattaa yath-haba, thumma yarjica ghadan fii mi'ati uluufin min awlaadihi cusaatin xattaa yushaahida fadlanaa calaa awlaadihi wa yaclama sacata raxmatinaa", oo macneheedu yahay: "Haddaan u naxariistana, taasi raxmadayda waxba ka naaqusin mayso, hadduu tagana, oo uu adduunka u degana, shayna lagu ceebeyn mayo. Marka iska daa ha tagee, hana soo laabto berrito isagoo wada boqollo kun oo ubadkiisa ah oo caasiyiin ah, si uu markhaati iyo gole joog uga noqdo deeqdeenna aan siinnay, uuna u ogaado ballaarnaanta naxariisteenna." 339 Ilaahay siduu Aadan\ آدمgalladdiisa ugu kaamilay Waxaa kaloo ayaduna jirta inuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىu cilmi lahaa inay dhabarkiisa ama duudkiisa ku jireen dhashiisa, Jannaduna ayan ahayn daar la isku dhalo oo uu ubadku ku tarmo. Arrinkaan dambena ma diidayo hadalka uu Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقka wariyay ehelu Kitaabka qaarkood, waa hadduu warkaas uu wariyay sax yahaye, inuu Aadan آدمXaawo\ حواءJannada dhexdeeda kula gogol gali jiray ka hor intayan geedka xaggiisa ka cunin, oo ay markaas qaaday uurka Qaabiil\ قابيلiyo mataantiisa (oo uu Al Dhabarii\ الطبريtaariikhdiisa ku sheegay inuu magaceedu ahaa Qaliimaa\)قليما, ayanna uurkaas wax xanuun ah ayan iskaga arag iyo wax biyo iyo dhiig ah toona markay dhashay. Waxaa uu intaas Ilaahay doonayey inuu arligaan dhabarkiisa uga soo saaro inta dhashiisa ah oo aan Jannada nasiib iyo sad ku lahayn, kuwaasoo ah gaalada, si waafaqsan cilmiguu hore ugu lahaa Subxaanahu wa Tacaalaa\سبحانه وتعالى, ahna fariiqun fii Al Jaannah wa fariiqun fii al Ssaciiri\فريق في الجنة وفريق في السعير, oo ah qaybna waxay geleysaa Jannada, qaybna Naarata. Al Imaamu Taaju Al Diini Al Subkii\ اإلمام تاج الدين السبكيwuxuu kitaabkiisa Al Tanwiiru\التنوير ku yiri: "Muraadka uu Ilaahay uu Aadan آدمka lahaa wuxuu ahaa inuu geedka ka cuno, si uu arliga ugu soo dejiyo, oo uu halkaas khaliifo uga dhigo oo camira. Marka muuqaal ahaan waxay ahayd hoos usoo dhigid, macna ahaanse waxay ahayd kor u kicid. Sidaas daraadeed ayuuna al shaykhu abuu Al Xasan al Shaathilii\ الشيخ أبو الحسن الشاذليwuxuu u yiri: "Wa Allaahi\ وهللاinuusan Ilaahay Aadan آدمarliga ugu soo dejin inuu naaqusiyo oo uu hoos u dhigo, wuxuuse usoo dejiyay inuu kaamil ka dhigo". Kaddibna wuxuu yiri: "Uma uusan dejin arliga waxaan ahayn inuu kaamil uga dhigo inuu Ilaahay aqoodo, uuna u qumo oo uu meel mariyo hawlaha takliifka looga dhigay oo lagu waajibiyay." Sidaas ayay addoonka Aadan آدمah kaamil ugu noqotay addoonnimadiisa uu Rabbigiis ku aqoonsado, iyo addoonnimada u qumidda takaaliifta waajibka ku ah inuu la yimaado. Sidaas ayaa waxaa ku waynaatay munnada iyo galladda Ilaahay oo korkiisa ahaatay, iyo badnaanta u ixsaan iyo samafalkiisa." Intaas waxaa ku eg warka Imaam Al Subkii\السبكي. Marka, miskiinow ogow, Ilaahay Jannada, Inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا, annaguu na siiyay oo noo gooyey, si aan ugu raaxeysanno oo aan ugu nicmeysanno. Inay sidaas tahayna, oo annaga naloo gooyey, waxaa warkeeda noo keenay Jibriil, Calayhissalaamu, oo Nabigeenna Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay, waxaana u daliil ah hadalka Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىee ku xusan Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ٍ َن لَهم جَّن ِ ِ ِ َِّ ات تَ ْج ِري ِم ْن تَ ْحتِهَا ْاْل َْنهَ ُار ُكلَّ َما ُرِزقُوا ِم ْنهَا ِم ْن ثَ َم َرٍة ِرْزقًا قَالُوا َ ْ ُ َّ َم ُنوا َو َعملُوا الصَّال َحات أ َ َوَب ِّش ِر الذ َ ين آ ِ ِ )52( ون َ اج ُم ٌ َه َذا الَِّذي ُرِزْق َنا ِم ْن قَْب ُل َوأُتُوا بِ ِه ُمتَ َشابِهًا َولَهُ ْم ِفيهَا أ َْزَو َ طهََّرةٌ َو ُه ْم فيهَا َخال ُد "Wa bash-shiri allathiina aamanuu wa camiluu al ssaalixaati anna lahum Jannaatin tajrii min taxtihaa al anhaaru, kullamaa ruziquu minhaa min thamaratin rizqan qaaluu 340 haathaa allathii ruziqnaa min qablu wa uutuu bihi mutashaabihan wa lahum fiihaa azwaajun mudhahharatun wa hum fiihaa khaaliduuna(25)", oo macneheedu yahay: "Ugu bishaaree kuwa rumeeyey, camal fiicanna falay inay leeyihiin jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyo, mar kastoo laga arzaaqo xaggeeda miro waxay yiraahdaan: kani waa kii hore naloogu arzuqay, waxaa la siiyay isagoo isu eg. Waxayna dhexdeeda ku leeyihiin haween daahir ab, dhexdeedana way ku waarayaan(25)." Camal fiicanna falay waxaa weeyey inay inta fardiga ah iyo sunnooyinkaba la yimaadaan. Jannaatinna waxaa weeye beero geedo badan iyo guryo leh. Waxaanse Jannooyinkaas loo goyn oo aan wax ku lahayn kuwa ka baxa daacadda Ilaahay. Allaha na waafajiyo. Jannada uu Aadan\ آدمdegganaa Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Janno waa beer, waxaana Janno loogu bixiyay "li annahaa tajunnu man fiihaa \ألنها تجن ما فيها," oo macneheedu yahay: "maxaa yeelay geedeheeda ayaa qofka dhexdeeda ku jira astura oo qariya, oo janna waxaa weeye waa qariyay." Waxaa la isku khilaafay Jannada uu Aadan آدمdegay midday ahayd, marka lagu yiri: َت َوَزْو ُج َك اْل َجَّنة َ َوُقْل َنا َيا آ َ اس ُك ْن أ َْن ْ َد ُم "Wa qulnaa yaa Aadamu askun anta wa zawjuka Al Jannata(35)", oo ah Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة, oo macneheedu yahay: "Waxaanna niri: Aadanow آدمdeg adiga iyo haweentaaduba Jannada(35)". Jannada lagu waaro Waxaana la yiri: waa Jannatu Al Khuldi\جنة الخلد, oo ah Jannada dhexdeeda lagu waaro. Sidaas waxaa qaba badan ashcariyyiinta\األشعريين. Ibnu Badhaalna\ إبن بطالwuxuu ka wariyay mashaayiikhda qaarkood inay ehelu sunnadu aragtidaas isku waafaqeen, waxayna yiraahdeen laamku\( الالمwaana laamka Jannah\ جنةka horreeya) waa lil cahdi\للعهد, mana uusan jiro machuud\ معهودkale; waxaana kaloo u daliil ah, ayay yiraahdeen hadalka Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىoo ku sugan Aayadaha boqol sideed iyo toban iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Dhaahaa\سورة طه: )111( ض َحى ْ ََوأََّن َك ََّل ت ْ َظ َمأُ ِفيهَا َوََّل ت "Innaka laa tajuucu fiihaa wa laa tacraa(118)Wa annaka laa tath-ma'u fiihaa wa laa tadxaa(119)" oo macnohoodu yahay: 341 "Waxaa kuu sugnaaday inaadan dhexdeeda ku gaajoon, aadanna ku arradin(118)Waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda, aadanna ku qorroxoon". Marka sifooyinkaas Aayadahaasu tilmaamayaanna waxay ka mid yihiin tilmaamaha Jannada dhexdeeda lagu waaro. Sidoo kale, ayay yiraahdeen, hadalka Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىee ku sugan Aayadda sideed iyo soddonaad ee Suuratu Al Baqarah\ سورة البقرةoo ah ِ ِ يعا ْ ً اهبِطُوا م ْنهَا َجم "Ahbidhuu minhaa(38)" oo macneheedu yahay: "Ka hoobta xaggeeda oo hoos u dega(38)", ayadoo ay degashaduna ku dhabowdo in meel kore laga soo dego oo meel hooseysa loo soo dego, taasoo aan ku dhaboobeyn beer arligaan dhexdiis lagu abuuray oo ku taalla. Waxaa kaloo u daliil ah inay sidaas tahay, ayay yiraahden, inuu Muuse\ موسىmarkuu Aadan\ آدمla kulmay, Calayhimussalaamu, waana Maalinta Qiyaamee, uu ku yiri: "Adigu waad daalisay dhashaada, Jannada ayaadna kasoo saartay". Aadan آدمtaas kuma inkirine, balse wuxuuba yiri: "Ma waxaad igu eedeyneysaa arrin uu Ilaahay korkeyga ku qaddaray ka hor intaanba la i abuurin?" Al Xadiith. Haddayan Jannada waaritaanka ahaan lahaynna, Aadan آدمwuu uga jawaabi lahaa Muuseموسى, oo uu u caddayn lahaa. Jaanno Adduunkaan ku tiillay Waxaa kaloo la yiri Jannadaasi Jannada waaritaanka ma ayan ahayne, waxay ahayd Janno kale, siday u wariyeen Munthir bin Saciid\ منذر بن سعيدoo sheegay inay daliillada taas xoojinayaa ay badan yihiin, iyo Al Imaamu Al Maawardii\ اإلمام الماورديiyo Al Imaamu Al Rraazii\اإلمام الرازي iyo Ibnu Cuqayl\ إبن عقيلiyo Al Imaamu Al Qurdhubii\ اإلمام القرطبيiyo Al Ruumaanii\الروماني iyo ghayrkoodba. Kuwa sidaas qabana waxay isku khilaafeen meeshey Jannadaasi ku tiillay. Abuu Al Qaasim Al Balkhii\ أبوالقاسم البلخيiyo abuu Muslim al Asbahaanii\ أبو مسلم األصبهانيiyo al Thaclabii\ الثعلبيoo ka wariyay Al Qadariyyah\القدرية, waxayna yiraahdeen waa beer arligaan ku tiillay, oo waliba arliga Cadan\( عدنee dalka Yaman\ )يمنku tiillay, siduu Al Qurdhubii\ القرطبيu xusay, ama arliga Falasdhiin\ فلسطينku taalla ama inta u dhexeysa Faaris\ فارسiyo Karmaan\كرمان, siduu Al Baghawii\ البغويu xusay. Al Raazii\ الرازيiyo ibnu Cuqaylna\ إبن عقيلwaxay yiraahdeen: kuwa sidaas qaba hubuudhka\ الهبوطoo ah kasoo degidda Jannada waxay yiraahdeen waa ka guurid bar oo beel 342 kale loo guuro, si la mid ah soo degidda ku xusan Aayadda kow iyo lixdanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة, kana mid qisada Nabi Musse\ موسىiyo reer Banii Israaiil\بني إسرائيل: " ِ ص ًار ْ ْ اهبِطُوا م Ahbidhuu Misran(61) " oo macneheedu yahay: "Dega Masar\"مصر, ayagoo beel kasoo guuray beel kalena dega la leeyahay. Janno kale oo Samada toddobaad ka korreysa Waxaa kaloo la yiri: Waxay ahayd Janno kale oo Samada toddobaad ka korreysa, siduu u yiri Abii Haashim\ أبي هاشمiyo riwaayad laga wariyay Al Jabaa'ii\الجبائي. Ibnu Cuqaylna\ إبن عقيلwuxuu yiri: "taasina waa oraahyo aan daliil lahayn, ayadoo ayan sugnaan inay Samada ku yaallaan beero aan Jaanatu Al Khuldi\ جنة الخلدahayn, midda lagu waaro". Janno ibtilo iyo imtixaan Waxaa kaloo la yiri waxay ahayd Janno aan ahayn Jannatu Al Khuldi\جنة الخلد, oo uu Ilaahay ka yeelay daar Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءlagu ibtileeyo oo lagu imtixaano, maxaa yeelay Jannatu Al Khuldi\جنة الخلد, Jannada dhexdeeda lagu waaro, waxaa la galaa Maalinta Qiyaame, ayadoo Jannada ay Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءdegeen ayba Qiyaame hortiis galeen. Jannatu Al Khuldi\ جنة الخلدwaa daar thawaab\ ثوابiyo abaalmarin kuwa arliga Ilaahay Tacaalaa \ هللا تعالىugu hoggaansamay oo camal suuban la yimid looga abaal gudo, ee ma aha daar takliif iyo waajibaad la isku saaro, oo waxna la is amro in lala yimaado, waxna la is faro in laga reebtoomo. Marka, hadday Jannatu Al Khuldi\ جنة الخلدahaan lahayd, geedna lagama reebeen. Jannatu Al Khuldi\ جنة الخلدwaxay kaloo tahay daar nabad gelyo, oo looga nabad helo cudurro iyo dhibaato iyo cabsi noocay tahayba, iyo murug iyo calool xumaba, mana ay aha daar ibtilo iyo imtixaan, sida Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءloogu ibtileeyey oo loogu imtixaanay. Jannatu Al Khuldi جنة الخلدwaxay kaloo tahay daar lagu nagaado, siduuba Ilaahay Tacaalaa تعالىugu yiri Aayadda sideed iyo afartanaad ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: هللا ِ ِ )48( ين ٌص َ ب َو َما ُه ْم م ْنهَا بِ ُم ْخ َرِج َ ََّل َي َمسُّهُ ْم فيهَا َن "Laa yamassuhum fiihaa nasabun wa maa hum minhaa bi mukhrajiina(48)", oo macneheedu yahay: 343 "Kumana taabto Jannada dhexdeeda dal iyo dhib, xaggeedana lagama bixiyo(38)", mana aha daar laga guuro, siday Aadan\ آدمiyo Xaawo\ حواءuga soo guureen midday degganaayeen. Marka, intaasoo idil waxay daliil u tahay inay jannaday Aadan آدمiyo Xaawo\حواء degganaayeen ayan Jannatu Al Khuldi\ جنة الخلدahayn. Kuwa oranaya inay jannaday ku jireen ay tahay Jannatu Al Khuldi جنة الخلدwaxay xujjo iyo daliil ka dhigteen ayagoo yiri: Jannadu waa mid magac badan leh. Qaar kalena waxay yiraahdeen: Jannooyinku waa toddoba Janno. Koox culummo ahna waxay rajaxeen inay Jannooyinku afar yihiin, sida ugu xusan Suuratu Al Rraxmaani\سورة الرحمن, afartaas hoostoodana ay jannooyin badan yihiin,sida ugu soo aroortay Xadiithka saxiixa ah oo uu Nabi Muxammada, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yiri: "."إنها جنان كثيرة "Innahaa jinaanun kathiiratun" oo macneheedu yahay: "Waa jannooyin tiro badan". Gelidda la galo Jannatu Al Khuldi جنة الخلدsi loo arko waa dhici kartaa Maalinta Qiyaame ka hor, waxaana u daliil ahba inuu Nabigeennuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, galay habeenka la dheelmiyay, kaddibna uu kasoo baxay, uuna sheegay waxa dhexdeeda ah iyo inay xaq ahaan tahay Jannatu Al Khuldiجنة الخلد. Kuwa oranayana janno aan ayada ahayn ayay ahayd. midday Aadan \ آدمiyo Xaawo\حواء degganaayeen, oo yiri: inaan Jannatu Al Khuldi جنة الخلدdhexdeeda laga dareemin wuxuu Aadan آدمiska dareemay oo xuzni\ حزنiyo calool xumo ah, iyo inuu labbiskuu xirnaa ka dhacay iyo daalka uu daalay kaddib markuu shaqeeyey oo uu soo gurtay caleemaha geedaha Jannada si uu cawradiisa u asturo, xaladahaasi ka fiyoobaantoodu wuxuu u sugnaadaa markay mu'miniintu galaan Maalinta Qiyaame, siday u muujinayaan Aayaadka kulligood, oo jiritaan la'aanta calool xumo, dharka iska siibiddiisa, shaqaynta iyo daalidduba waxayan jirayn markay mu'miniintu jannadaas galaan Maalinta Qiyaame. Ayadaas ayaana daar lagu waaro ah. Runtana Rabbi ayaa u cilmi leh. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Aadan\ أدمiyo Xaawo\ حواءwaxay degganaayeen Jannatu Al Khuldi\جنة الخلد, waanna ka jawaabay oo aan xujjooyin kusoo rogay inayan janno Cadan\ عدنku tiillay ahayn." Abuu Al Qaasim Al Ruumaanii\ أبو القاسم الرومانيwuxuu tafsiirkiisa ku rajaxay inay Jaanatu Al Khuldi جنة الخلدahayd, wuxuuna yiri: "Sidaasi waa qawlka Al Xasan\ الحسنiyo Cumar\"عمر, wuuna xiriiriyey. Ehelu Tafsiirkuna taas ayay qabaan oo ah inay Jannatu Ak Khuldi جنة الخلدahayd. 344 Tawassulka\ توصلAadan\ آدمee Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Markuu Aadan\ آدمu kacay inuu Jannada kasoo baxo, kaddib markuu Ilaahay Tacaalaa تعالىuu Aadan آدمku yiri, siduu u wariyay Kitaabka Al Khamiis\كتاب الخميس: هللا ". ال يجاورني من عصاني،"اخرج "Ukhruj, laa yujaawirunii man casaanii" oo macneheedu yahay "Bax, ila darsi mayo mid i caasiyaye", ayuu Aadan آدمindhihiisa kor Carshiga ugu qaaday, wuxuuna arkay inay ku dhigan tahay Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi\ال إله إال هللا محمد رسول هللا. Markaasuu wuxuu yiri: "Rabbigeeyow, xaqqa Muxammad\ محمدiigu dambi dhaaf". Markaasuu Ilaahay wuxuu yiri: ". ولكن ال يجاورني من عصاني،"قد غفرت لك بحقه "Qad ghafartu laka bi xaqqihi, wa laakin laa yujaawirunii man casaaniiaa", oo macneheedu yahay: "Xaqqiisa ayaan dambigaaga ku dhaafay, laakin daris ila noqon mayo mid i caasiyay." Aadan آدمwuxuu arkay inay dhudhunka Carshiga ku dhigan tahay, laguna dhigay laba kun oo sano ka hor intaan Samaawaatka iyo arliga la abuurin, sida Anas bin Maalik\ أنس بن مالكlaga wariyay, ayna ku dhigan tahay bar kasta oo Jannada dhexdeeda ka mid ah, ha ahaato qasri iyo qol kasta iyo luqumaha xuurul ciinta iyo caleemaha geedka Dhuubaa\ طوبىiyo caleemaha Sidratu Al Muntahaa\سدرة المنتهى, iyo darafyada xijaabka iyo indhaha Malaa'igta dhexdooda, siduu ibnu Casaakir\ إبن عساكرuga wariyay Kacb Al Axbaar\كعب األحبار, magaca Muxammadun محمدoo ku lammaansan magaca Ilaahay Tacaalaa هللا تعالى: oo ah Laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahiال إله إال هللا محمد رسول هللا. Markaasuu Aadan آدمwuxuu yiri: "Rabbiyow, midka magacaan Muxammad محمدla yiraahdo waa kuma?" Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu yiri: "."هذا ولدك الذي لوال ه ما خلقتك "Haathaa waladuka allathii law laahu maa khalaqtuka", oo macneheedu yahay: "Kani waa wiilkaaga, oo haddayan isaga ahaan lahayn kumaba aanan abuureen." Markaasuu Aadan آدمwuxuu yiri: 345 "Rabbiyow, xurmada wiilkaan daraadeed, aabahaan dhalay ugu naxariiso". Markaasaa loo dhawaaqay oo uu Ilaahay Malag amray oo u dhawaaqay: "Aadanow آدم, Alle barigaaga waan aqbalnay, haddaad Muxammad محمدnoogu shafeeco weydiisan lahayd, oo aad u shafeeci lahayd inta ku nool Samaawaatka iyo arliga, waan kaa shafeeco aqbali lahayn." Waxaa Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, Allaha raali ka noqdee, laga wariyay inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ، "يا آدم:" فقال هللا تعالى. أسألك بحق محمد إال ما غفرت لي، "يا رب:"لما اغترف آدم الخطيئة قال ونفخت في من روحك رفعت، ألنك لما خلقتني بيدك، "يا رب:وكيف عرفت محمدا ولم أخلقه؟" قال فعلمت أنك لم تضف إلى اسمك إال،رأسي فرأيت على قوائم العرش مكتوبا ال إله إال هللا محمد رسول هللا ولوال، قد غفرت لك، إنه ألحب الخلق إلي وإذا سألتني بحقه، "صدقت يا آدم:" فقال هللا.أحب الخلق إليك ".محمد ما خلقتك "Lammaa iqtarafa Aadamu al khadhii'ata qaala: "Yaa Rabbi, as'aluka bi xaqqi Muxammadin illaa maa ghafarta lii". Fa qaala Allaahu Tacaalaa: "Yaa Aadamu, wa kayfa carafta Muxammadan wa lam akhluqhu?" Qaala: "Yaa Rabbi, li Annaka Lammaa khalaqtanii bi yadika, wa nafakhta fiyya min Ruuxika rafactu ra'sii fa ra'aytu calaa qawaa'imi Al Carshi maktuuban laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi, fa calimtu Annaka lam tadaf (waa daadka korka dhibicda ku leh oo saadka ku xigah) ilaa Ismika illaa axabba al khalqi Ilayka". Fa qaala Allaahu: "Sadaqta yaa Aadamu, innahu la axabbu al khalqi Ilayya wa ithaa sa'altanii bi xaqqihi, qad ghafartu laka, wa law laa Muxammadun maa khalaqtuka". Imaam Al Bayhaqii\ اإلمام البيهقيayaa ku wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوة, kitaabkaasoo uu Al Thahabii\ الذهبka yiri: "Qaado kitaabkaas oo ka baro, isagoo dhammaantiis yahay hanuun iyo nuur." Xadiithkaani waa qayb Xadiithka uu wariyay Cabdu Al Rraxmaan bin Zayd bin Al Aslam Al Madanii\عبد الرحمن بن زيد بن أسلم المدني, oo ka wariyay aabihiis iyo Ibnu Al Munkadir\إبن المنكدر. Isagana waxaa ka wariyay Asbagh wa Qutaybah\ أسبغ و قتيبةiyo Hishaam\ هشامoo daciif weeye yiri, wuxuuna leeyahay Kitaab Tafsiir ah, wuxuuna dhintay sanadka boqol iyo labo iyo sideetanka Hijriga ah. Waxaa kaloo Xadithka wariyay Al Xaakim\ الحاكمoo yiri waa saxiix. Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraanii\الطبراني, o ah Al Imaamu Abuu Al Qaasim Sulaymaan bin Axmad bin Ayyuub Al Lakhmii Al Shaamii, Al Xaafith\ الحافظ،اإلمام أبو القاسم سليمان بن أحمد بن أيوب اللخمي الشامي, oo kutubbada badan dhigay, cilmigana ka qaatay in kun Shaykh ka badan, isagana ay ka qaateen Abuu Nucaym\ أبونعيمiyo ghayrkiisba. Al Thahabii\ الذهبيwuxuu Al Dhabraanii\ الطبرانيka yiri: "Waa thiqqah\ثقة, hadalkiisa lagu kalsoon yahay oo runlow ah, xifthi ballaaran leh, aragtina u leh oo ku xeel dheer Al Cilal\العلل, oo ah sababaha iyo ragga Xadiithka wariya iyo abwaabtaba, isagayna kusoo arooreen Xadiithka iyo culuumtiisuba. Wuxuu ku dhintay Masar \ مصرsanadka Hijriga ah ee saddex boqol iyo lixdan isagoo boqol sano iyo toban bilood jir ah". 346 Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu Xadiithkaas ku kordhiyay dhammaadkiisa inuu Ilaahay Tacaalaa \ هللا تعالىyiri: "."وهو آخر األنبياء من ذريتك "Wa huwa aakhiru Al Anbiyaa'i min thurriyatika". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markuu Adan\ آدمdambiga falay wuxuu yiri: "Rabbiyow, waxaan kugu weydiisanayaa xaqqa Muxammade\محمد,dambigayga dhaaf". Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu yiri: "Aadanow: sidee baad ku ogaatay Muxammadمحمد, Anigoo aan weliba abuurine?" Waxaan la abuurinna waa jirkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo nuurkiisa wax jiraba oo idil hortood la abuuray. Taasi waxay kaloo ku tusineysaa deeqda Aadan آدمla siiyay, isagoo dhaagay qiimaha sare ee qofka magacaas Muxammad محمدleh, kaddib markuu arkay isagoo dhigan iyo meeshuu ku dhigan yahay. Aadan آدمwuxuu yiri: "Rabbiyow, Adigu markaad gacantaada igu abuurtay si toos ah -oo aanan ka dhalan aabe iyo hooyo- oo aad igu afuuftay Ruuxaaga, oo aad sidaas nolol ii gelisay, madaxeyga ayaan kor u qaaday markaasaan waxaa lugaha Carshiga ku arkay inay ku dhigan tahay laa ilaaha illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi ال إله إال هللا محمد رسول هللا. Markaasaan waxaa ogaaday inaadan Adigu Magacaaga ku lammaanin midka aad khalqiga ugu jeceshahay mooyee", taasoo tilmaameysa ballaarnaanta caqliga Aadan آدمiyo siduu hadalkaas meesha ku dhigan xikmaddaas uu sheegay ugala soo dhex baxay. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالى wuxuu yiri: "Run ayaad sheegta Aadanowآدم, oo khalqigoo idil isagaan ugu jeclahay. Haddadna isaga xaqqiisa igu weydiisatay waan kuu dambi dhaafay. Haduusan Muxammad محمدahaan lahaynna kumaba aanan abuureen. Isagaana ah Nabiga ugu dambeeya ubadkaaga." Al Xaafith Abii Al Qaasim Calii bin Al Xusayn bin Hibbatu Allaahi الحافظ أبي القاسم ‘لي بن الحسين \بن هبة هللا, oo reer Dimishiq\ دمشقah, Shaaficina ah, allifayna kitaabka Taariikhu Dimishiq تاريخ \ دمشقiyo kutubbo kaleba, laguna kalsoon yahay, xujjada ah, cilmiga si daqiiq ah u yaqaanna, cilmiga badan, Diinta iyo khayrka badan iyo fadligaba, dhashayna sanadka Hijriga ah ee afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan, cilmina u doontay Baghdaad بغدادiyo meelo kaleba, kana qaatay qiyaas kun iyo saddex boqol oo Shaykh iyo sideetan culummo haween ah, dhintayna sanadka shan boqol iyo kow iyo toddobaatanka, wuxuuna Salmaan Al Faarisi\سلمان الفارسي, oo ka mid ah kuwa ay Jannadu u hilowsan tahay, ka wariyay inuu yiri: "Jibriil\ جبريلayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degay, wuxuuna ku yiri: "Rabbigaa wuxuu ku leeyahay: وقد خلقت الدنيا، وما خلقت خلقا أكرم علي منك. فقد اتخذتك حبيبا،"إن كنت اتخذت إبراهيم خليال ". ولوالك ما خلقت الدنيا.وأهلها ألعرفهم كرامتك ومنزلتك عندي 347 "In kuntu ittakhathtu lbraahiima Khaliilan, fa qad ittakhathtuka Xabiiban. Wa maa khalaqtu khalqan akrama Calayya minka, wa la qad khalaqtu al ddunyaa wa ahlahaa li acrifahum karaamaataka wa manzilataka Cindii. Wa law laaka maa khalaqtu al ddunyaa". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Rabbigaa wuxuu ku leeyahay: "haddaan hore Ibraahiim\ إبراهيمKhaliil\ خليلka dhigtay (oo ah saaxiib dhow), sidaad u ogsoon tahay, ogow inaan adiga kaa dhigtay Xabiib\حبيب, oo ah midkaan jeclahay, ee marka bishaareyso oo farax. Mana aanan abuurin khalqi adiga agteyda iiga karaamo badan. Waxaanna u abuuray adduunka iyo inta ku noolba inaan ogeysiiyo karaamadaada iyo makaankaaga aad agteyda ku leedahay. Haddayan adiga ahaan lahaynna, adduunkaba ma. aanan abuureen". Maxaana ka fiican hadalka Sayyidii Calii Wafaa\السيد علي وفى, uuna ku yiri qasiidadiisa Daaliyadda ah, oo bayt walba uu xarafka deelka ah ku dhammaado: سكن الفؤاد فعش هنيئا يا جسد \\ هذا النعيم هو المقيم إلى األبد.1 أصبحت في كنف الحبيب ومن يكن \\ جار الكريم فعيشه العيش الرغد.2 عش في أمان هللا تحت لوائه \\ ال خوف في هذا الجناب وال نكد.3 ال تختشى فقرا وعندك بيت من \\ كل المنى لك من أياديه مدد.4 رب الجمال ومرسل الجدوى ومن \\ هو في المحاسن كلها فرد أحد.5 قطب النهي غوث العالم كلها \\ أعلى على سار أحمد من حمد.6 روح الوجود حياة من هو واجد \\ لواله ما تم الوجود لمن وجد.7 عيسى وآدم والصدور جميعهم \\ هم أعين هو نورها لما ورد.8 لو أبصر الشيطان طلعة نوره \\ في وجه آدم كان أول من سجد.9 أولو رأى النمرود نور جماله \\ عبد الجليل مع الخليل وال عند.11 لكن جمال هللا جل فال يرى \\ إال بتخصيص من هللا الصمد.11 فابشر بمن سكن الجوانح منك يا \\ أنا قد مألت من المنى عينا ويد.12 عين الوفا معنى الصفا سر الندى \\ نور الهدى روح النهي جسد الرشد.13 هو للصالة من السالم المرتضى \\ الجامع المخصوص ما دام األبد.14 1. Sakana al fu'aado fa cish hanii'an yaa jasadu Haathaa al naciimu huwa al muqiimu ilaa al abadi. 2. Asbaxta fii kanafi al Xabiibi wa man yakun Jaara Al Kariimi fa yaciishuhu al cayshu al raghadi. 3. Cish fii amaani Allaahi taxta liwaa'ihi Laa khawfa fii haathaa al najaabi wa laa nakadi. 4. Laa takhtashaa faqran wa cindaka baytun min Kulli al munaa laka man ayaadiihi madadi. 5. Rabbu al jamaali wa Mursili al jadwaa wa man Huwa fii al maxaasini kullihaa fardun axadaa. 6. Qudhba al nuhaa ghawthu al caalami kullihaa Aclaa calaa saari Axmadin min Muxammadaa. 7. Ruuxu al wujuudi xayaatu man huwa waajidu Law laahu maa tamma al wujuudu liman wujidaa. 8. Ciisaa wa Aadama wa al suduuri jamiicahum 348 Hum acyuunin huwa nuurahaa lama wuridaa. 9. Law absara al shaydhaanu dhalcata nuurihi Fii wajhi Aadama kaana awwala man sajadaa. 10. Aw law ra'aa al Namruudu nuura jamaalihi Cabada Al Jaliila maca Al Khaliilaa wa laa canadaa. 11. Laakiin Jamaalu Allaahi Jalla fa laa yaraa Illaa bi takhsiisin min Allaahi Al Samadaa. 12. Fa abshir bi man sakana al jawaanixa minka yaa Anaa qad mala'ta "n al munaa caynan wa yadaa. 13. Caynu al wafaa macnaa sirra al nadaa Nuura al hudaa ruuxa al nuhaa jasada al rushdaa. 14. Huwa li al Salaati mina al Salaami al murtadaa Al jaamicu al makhsuusu maa daama al abadaa. Qasiidada macneheedu waxaa weeye: 1. Qalbigu wuu degay ee farxad ku noolow jirow Nicmathaan waa mid ebedkeed wareysa. 2. Waxaad ku waabariisatay ilaalada Xabiibka, qofkiina Ahaaday dariska Al Kariimu noloshiisu waa nolol fiican oo waasic ah. 3. Ku noolow ammaanka Ilaahay iyo calankiisa hoostiisa Dhankaan ma jiraan cabsi iyo nolol ciriiri ah oo adagee. 4. Ka baqi maysid saboolnimo adigoo agtaada uu yahay guri ay ku jiraan Kulli waxaad doontid Ilaahayna uu kordhinayo. 5. Rabbiga quruxda, ahna Midka siinta soo dira iyo Midka Inta fiicanba kulligood ku ah keligiis aan lala wadaagin. 6. Hoggaamiyaha cuquusha iyo badbaadiyaha caalanka kulligiis Inta xamdidana wuxuu u kor mariyay Axmad. 7. Nabi Muxammad,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa ruux jiritaanka waxa jira oo dhan oo isagaa jiritaankoodaba sabab u ah Oo haddayan isaga ahaan lahayn ma jireen inta jirtaa. 8. Ciise\ عيسى-oo ah Rasuulka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xigay oo ka horreeyey- iyo Aadan\ آدم-oo ah Rasuulka ugu horreeyey dhammaantood- iyo ragga waaweyn oo dhan/Waa indho uu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuurkooda yahay markuu yimid. 9. Hadduu shaydaan arki lahaa iftiinka nuurkisa ka iftiimayey/Oo ka nuurayey wajiga Aadan آدم wuxuu ahaan lahaa kan ugu horrecya oo sujuuda. 10. Ama hadduu Namruud\ نمرود-oo ahaa Boqorkii Baabil\ بابلoo Ibraahiim\ إبراهيمdabka ku tuuray arki lahaa quruxda nuurkiisa -oo ka iftiimayey wajiga Ibraahiim Wuxuu la caabudi lahaa Ilaahay Al Jaliilu\ هللا الجليلIbraahiim Al Khaliilu\إبراهيم الخليل, mana uusan khilaafeen xaqqa, isagoo xaqnimadiisa og oo caniid ma ahaadeen. 11. Laakiin Quruxda Ilaahay way weyn tahay oo ay kor ahaatay markaasaan indhaha lagu arkayn/Qofkuu Ilaahay Al Samadu siiyey mooyee. 12. Marka ku bishaareyso midka xaqqa baalasha ka degay yaa Anigoo siin iyo galladeysi ka buuxsaday isha iyo gacantaba. 13. Isha fulinta, macnaha saafinnimada, sirta cod dheerida iyo deeqsinnimada/Nuurka hanuunka iyo ruuxa caqliga, jirka toosan oo hanuunsan. 14. Isagu Salliga Ilaahay waa kan istaahila oo ehel u ah 349 Kan kulmiyay laguna gooni yeelay ilaa ebedkeed. Ilamaha Aadan\ آدمiyo Xaawo\حواء Markuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىXaawo\ حواءabuuray inay Aadan آدمku degto, Aadannaآدم uu ayada ku xasilo, boqol sano ama boqol iyo labaatan sano, siduu labadaas taariikhoodba uu u wariyay Taariikhu Al Khamiisi\تاريخ الخميس, kaddib markii arligaanloo soo dejiyay, barakooyinkii Aadan آدمayaa ku hooray Xaawo\حواء, waxayna sanooyinkaas fiican -oo isagu wuxuu noolaa kun sano: marka ka goo intuu Jannada dhexdeeda ku jiray iyo boqolkaan ama boqol iyo labaatankaan sano oo soo degiddisa ka dambeysey, markaasaa waxaa kuu soo baxaya sanooyinkaan fiican oo uu adduunkaan ku sugnaa-, waxayna u dhashay afartan cunug oo ay labaatan caloolood ku qaaday, ayagoo mataano ahaa. Al Bayhaqii\ البيهقيwuxuu yiri: "Waxaa ugu horreeyey caruurtiisa Qaabiil\ قابيلiyo mataantiisa oo magaceedu ahaa Iqliimiyyan\اقليميا. Ibnu lsxaaqna\ إبن إسحاقwuxuu ehelu kitaabka kasoo guuriyay inay Qaabiil\ قابيلiyo Iqliimiyyan \ اقليمياay Jannada dhexdeeda ku dhasheen iyo inay dhashooda ugu dambeeyeen Cabdu Al Mughiithu\ عبد المغيثiyo inataantiisa Aamatu Al Ghaythu\أمة الغيث." Intaas waxaa ku eg warka Al Bayhaqii\البيهقي. Kitaabka Al Nafsii\ النفسيwuxuu yiri: "Waxaa ugu horreeyey dhashooda Al Xaarithu\الحارث, wiilkooda Shayth-na\ شيثwuxuu dhashay keligiis mataan la'aan", oo uu Al Mughlaadhay\ المغالطيyiri waa Shaath\ شاثoo macneheedu yabay Hibada ama Siinta Ilaahay. Al Suhaylii-na\ السهيليwuxuu yiri: "afka saryaaniga waa Shaath\شاث, afka cibrigana Shayth\شيث." Ibnu Kathiir\ إبن كثيرiyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen waa Hibbatu Allaahi\هبة هللا, oo ah Hibada Ilaahay, ayagoo Aadan آدمiyo Xaawo\ حواءwiilkaas lagu rizqiyay oo la siiyay shan sano kaddib Haabiil\هابيل, waxayna dhashay isagoo u eg oo leh ekaanshaha Haabiil هابيلoo uusan meelna uga duwaneyn. Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhashay afartan sano Haabiil هابيلdhimashadiisa kaddib. Intaasoo idil wax ka duwanna waa la sheegay. Waxaa kaloo la yiri: keligiis ma dhalane balse wuxuu lahaa gabar mataantiisa ah, siduu Al Khamiis\ الخميسu wariyay. Kitaabka Al Baxru Al Nasfii\ البحر النسفيwuxuu dhigay inuu caruurtooda ugu horreeyey Al Xaarithu\ الحارثoo aan gabar mataan ah lahayn, waxaana ku xigay Qaabiil\ قابيلiyo mataantiisa, kaddibna Haabiil هابيلiyo mataantiisa, kaddibna Asawwatu\ أسوتiyo walaashiis, kaddibna Shiith\ شيثkeligiis, dabadiisna gabar keligeed calool ka dhalatay oo aan wiil mataan ah lahayn, taasoo uu Aadan آدمShiith\ شيثu guuriyay. Sidaas ayayna u dhalanayeen ilaa ay labaatan uur afartan cunug ku dhashay, siduu Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقu wariyay. Wahab bin Munabbih\ وهب بن منيهwuxuu yiri: 350 "waxay ahaayeen boqol iyo labaatan caloolood." Waxaa kaloo la yiri shan boqol oo caloolood oo ay kun cunug kaamil ku noqdeen. Intaasuu ku egyahay warka kitaabka Al Baxru al Nasfii\البحر النسفي. Shiith\ شيثwuxuu keligiis u dhashay karaamayn uu Ilaahay ku karaameynayo midku Nabinnimada u doortay, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Shiith \ شيثku abtirsada. Wajiga Shiith\ شيثwaxaa ka iftiiinayey nutirka Nabigeenna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasey Malaa'igtu Aadan\ آدمu timid oo ay ugu bishaareysey. Dhimashada Aadanآدم Markuu Aadan آدمdhintay, Calayhissalaamu, isagoo kun sano jirsaday, sida kusoo aroortay Xadiithka Abuu Hurayrah\ أبوهريرةiyo Ibnu Cabbaas\إبن عباس, oo ay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyeen. Waxaa kaloo la yiri kun sano oo toddobaatan dhimman. Waxaa kaloo la yiri kun sano oo lixdan dhimman. Waxa kaloo la yiri oo afartan dhimman. Wuxuuna ku dhintay, ayaa la yiri, Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةmaalin Jimce ah, waxaana ku tukaday Malag Jibriil\جبريل oo Imaam u ah Malaa'igta kale iyo dhasha Aadanbaآدم. Waxaa kaloo la yiri waxaa ku tukaday wiilkiisa Shiith\شيث, taasoo uu Jibriil\ جبريلku amray, waxaana lagu duugay qabri ku yaalla god ku yaalla buurta Jabalu Qubays\جبل أبو قبيس, oo ah buurta uu hadda ka dul dhisan yahay guriga Boqorka Sucuuudiga oo Kacbada agteeda ka dhisan. Sidaas waxaa sheegay Al Thaclabii \الثعلبي iyo ghayrkiisaba. Ibnu Cabbaasna\ إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu yiri: ". فمات،"لما فرغ آدم من الحج رجع إلى الهند Oo macnihiisu yahay: "Markuu Aadan آدمXajka dhammaystay oo uu ka firaaqoobay oo uu kasoo jeestay, wuxuu u laabtay Hindiya, halkasoo uu ku dhintay." Thaabit Al \ ثابت البنانيwaxaa laga wariyay inuu yiri: "Markuu Aadan آدمdhintay waxay u qaadeen god ku dhex yaalla sarandiib\ سرنديب-oo ah godku yaalla barta lagu soo dejiyay (waana buurta dalka Hindiya ku taalla oo la yiraahdo Jabalu Buuthaa\جبل بوذا, magac kalena waa lagu sheegay)". Warkaasna waxaa saxiix weeye yiri Al Xaafith Ibnu Kathiir\الحافظ إبن كثير. Waxaa kaloo la yiri; waxaa lagu duugay meel u dhexeysa Baytu Al Maqdis\ بيت المقدسiyo Masjidka Ibraahiim مسجد \( إبراهيمoo ku yaalla magaala Al Khaliil\ الخليلee daanta galbeed ee Wabiga Urdun\ نهر اردنee arliga Falasdhiin\)فلسطين, isagoo madixiisu xigo xagga dhagaxa Masjidu Al aqsaa\مسجد األقصى ku dhex yaalla, oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka safray habeenka Samaawaadtka kore loo dheelmiyay, uuna Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, intuu hor istaagay uu indhiliiisa madixiisa ku yaalla kusoo arkay (sidaan Axaadiithta warisay ugu arki doonno Inshaa'Allaahu\ أن شاء هللاmarkaan meesheeda gaarno), Ilaahayna uu turjubaan la'aan 351 si toos ah ula hadlay, uuna shanta Salaadood oo waajibka ah isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa iyo korka ummaddiisaba ku fardi yeelay. Aadan\ آدمlugihiisuna waxay xigaan xagga Masjidu Ibraahiim\مسجد إبراهيم. Waxaa kaloo la yiri: waxaa lagu duugay Masjidu Al Khayfi \ مسجد الخيفoo Mina\ منىku yaalla. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقiyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen: waxaa duugtay Malaa’igta iyo Shiith \ شيثiyo walaaliliiis, waxayna ku duugeen Mashaariqu Al Firdawsi \ مشارق الفردوسtuulada ahayd magaalada ugu horreysey oo adduunkaan lagu dhisay. Maalintaas waxaa madoobaaday qorraxda iyo dayaxaba oo labadooduba madoobaa. Xaawo\ حواءwaxay Aadan آدمdabadiis nooleyd hal sano. Waxaa kaloo la yiri waxay ka dambeysey saddex maalmood, waxaana lagu duugay dhiniciisa. S h i i t h\شيث Aadan آدمwuxuu dhashiisa kala dardaarmay Shiith\ شيث, Calayhisssalaamu, ayaguna way adeeceen oo ay walaalkood u hoggansameen. Waxaa Ibnu Cabbaas\ إبن عباسlaga wariyay inuu yiri: "."لم يمت آدم حتى بلغ أوالده وأحفاده أربعين ألفا الصلبية منهم أربعون Oo macnihiisu yahay: "Aadan آدمma uusan dhiman jeer ay caruurtiisa iyo kuwa awoowaha uu u yahay afartan kun gaareen, afartankaas kunna ay ka mid yihiin afartan uu isagu dhalay." Kitaabka Musnadu Al Firdawsa\ مسند الفردوسwuxuu Anas\ أنسka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "إن ربي عهد إلي: وقال،"أن آدم عله الصالة والسالم قام خطيبا في أربعين ألفا من ولده و و لد ولده ، وأحبهم إليه،" وكان شيث أجمل أوالده وأشبههم به. "يا آدم أقلل كالمك ترجع إلى جواري:فقال وزوجه هللا، وأنزل عليه خمسين صحيفة, وعلمه هللا الساعات والعبادت في كل ساعة منها،وأفضلهم وكان آدم وليها ورزقه، وخطب جبريل وشهدت المالئكة.أخته التي ولدت بعده وكانت جميلة كأمها حواء ". وعمر تسع مئاة وإثني عشرة سنة،هللا أوالدا في حياة أبيه "Inna Aadama Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu qaama khadhiiban fii arbaciina alfan min waladihi wa walada waladihi, wa qaala: "Inna Rabbii cahida ilayya fa qaala: "Yaa Aadamu aqlil kalaamaka tarjicu ilaa jawaarii". Wa kaana Shiithu ajmala awlaadihi wa ashbahahum bihi, wa axabbahum ilayhi, wa afdalahum, wa callamahu Allaahu Al Ssaacaata wa Al Cibaadata fii kulli saacatin minhaa, wa anzala calayhi khamsiina saxiifatin, wa zawwajahu Allaahu ukhtahu allatii waladat bacdahu wa kaanat jamiilatan ka ummahaa Xawaa'a. Wa khadhaba Jibriilu wa shahidat Al Malaa'ikatu, wa kaana 352 Aadamu waliyyahaa wa razaqahu Allaahu awlaadan fii xayaata abiihi, wa cammara tisca mi’atin wa ithnay casharata sanatin. " Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Aadan\آدم, Calayhi Assalaatu wa al Ssalaamu, ayaa wuxuu hor istaagay afartan kun oo ah caruurtiisa uu isagu dhalay iyo caruurtay caruurtiisu dhaleen, wuuna u khudhbeeyey, wuxuuna yiri: "Ilaahay waa ila dardaarmay wuxuuna yiri: "Aadanow آدمhadalkaaga yaree markaasaad darisnimadeyda usoo noqoneysaaye". Shiith-na\ شيثwuxuu ahaa kan dhashiisa ugu qurxoon, isagana ugu ekaansho badan, uuna ugu jecel yahay, uguna deeq badan. Ilaahay wuxuu Shiith baray saacadaha maalinta iyo habeenka iyo cibaadeysiga mid walba oo saacadahaas ka midka ah, wuxuuna kusoo dejiyay konton saxiifo, waa waraaqee. Ilaahay ayaa wuxuu u guuriyay walaashiisa isaga dabadiisa dhalatay, ahaydna gabar qurxoon, sida ay hooyadeed Xaawo\ حواءu qurxooneyd oo kale. Waxaa gabadha u doonay Jibriil\ جبريلoo khudbadna jeediyay, markhaatina waxaa ka ahayd Malaa'igta, waligeeduna wuxuu ahaa aabeheed Aadanآدم. Ilaahay wuxuu Shiith gabadhaas ka siiyay ubad intuu isaga aabihiis wali nolol ku sugnaa. Shiith\ شيثwuxuu noolaa oo uu cumrigiisu gaaray sagaal boqol iyo laba iyo toban sano". Waxaa kaloo la yiri Sagaal boqol iyo labaatan sano, wuxuuna dhintay markay soo degidda Aadan آدمkasoo wareegatay kun iyo labo iyo afartan sano. Shiith\ شيثWaxaa lagu duugay hogga ku yaalla buurta Abuu Qubays \( جبل أبوفبيسOo Kacbada agteeda ku taalla, haddase qaar la jebiyay oo guriga boqorka laga dhisay. Y a a n i s h\يانش/A n u u s h\أنوش Kaddib markuu Ilaahay u waxyooday inuu wiilkiisa Anuush\ أنوشdoorto oo uu u dardaarmo, wuxuu Shiith\ شيثogaaday in geeridiisa loo sheegay oo uu dhimanayo. Sidaas ayuu Shiith \شيث u dardaarmay wuxuuna khaliif ka dhigtay umuuraha maareeya isaga dabadiis, wiilkiisa Anuushأنوش. Waxaa kaloo la yiri wiilka magaciisu waa Yaanish\يانش. Waxaa kaloo la yiri waa Anash\أنش. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Anuush\ أنوشwaxaa weeye Al Saadiqu\ الصادقoo macnihiisu yahay kan runlowga ah, afka Carabigana waxaa lagu yiraahdaa Anash\أنش." Mughlaadhay مغالطيwuxuu yiri: "Waa Yaanish\ يانشoo macneheedu yahay Al Saadiqu\الصادق, kan runlowga ah, siduu u xusay kitaabka Al Nuuru\"النور. Yaanish\ يانشayay madaxtinnimada khalqigu usoo wareegtay aabihiis dabadiis, hawshaasoo uu sidii aabihiis oo kale ugu qumay. 353 Yaanish\ يانشwuxuu lahaa dhererka iyo caddaanta iyo quruxda aabihiis, wuxuuna noolaa sagaal boqol iyo konton sano. Waxaa kaloo la yiri sagaal boqol iyo labaatan sano. Waxaa ayadana la yiri sagaal boqol iyo shan iyo lixdan sano. Shiith\ شيثwuxuu wiilkiisa Yaanish\ يانشkala dardaarmay inuusan nuurkaan, oo wajiga Aadan \ آدمsida qorraxda uga nuurayey, ku wareejin waxaan ahayn haween daahirad ah mooyee. Sidaas ayuu dardaarankaasi u taagnaa, oo uu facba faca ku xiga ugala dardaarmayey. Sidaas ayuu markaasi rag suuban iyo haween daahiraad ah isugu gudbiyeen ilaa uu uga soo gudbo Cabdi Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبiyo wiilkiisa Cabdu Allaahi\عبد هللا. Markaasuu Ilaahay ugu nicmeeyey inuu nuurkaasu u wareego oo ay ku liibaanto Aaminah bintu Wahab\آمنة بنت وهب, Allaha raalli ka noqdee, hooyada dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Xilalka Jibriil\جبريل, Miikaa'iil\ميكائيل, Israafiil\ إسرافيلiyo Malaku Al Mawti\ملك الموت Al Dhabraanii\ الطبرانيiyo Al Bayhaqii\ البيهقيiyo Abuu Al Shaykh\ أبوالشيخwaxay Ibnu Cabbaas \ إبن عباسka wariyeen inuu yiri: "Ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meel joogo, uuna Jibriil\جبريل la jooga, ayaa waxaan dhanbalantay Samada. Markaasuu Jibriil\ جبريلis galay oo uu yaraaday, dhulkana usii dhowaaday. Markaasaa Malag wuxuu soo hor istaagay labada gacnood ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hortooda wuxuuna yiri: "Muxammadow, Rabbigaa waa ku salaamayaa, wuxuuna ku kala doorsiinayaa inaad ahaato Nabi Boqor ah ama Nabi addoon Ilaahay ah." Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: " فعرج ذلك الملك إلى. "نبيا عبدا: فقلت. فعرفت أنه لي ناصح. أن توضع:"فأشار جبريل إلي بيده فمن. فرأيت من حالك ما شغلني عن المسألة، قد كنت أردت أن أسألك عن هذا، "يا جبريل: فقلت.السماء بينه وبين الرب، لم يرفع طرفه، صافا قدميه، خلقه هللا يوم خلقه، "هذا إسرافيل:هذا يا جبريل؟" قال فإذا أذن هللا في شيئ من. بين يديه اللوح المحفوظ. ما منها نور يدنو منه إال إحترق،سبعون نورا وإن، فإن كان من عملي أمرني به: فينظر فيه. ارتفع ذلك اللوح فضرب جبهته،السماء أو في األرض وإن كان من عمل ملك الموت أمر به" قال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم،كان من عمل ميكائيل أمره به : "وعلى أي شيئ ميكائيل؟" قال:" قال. "على الرياح والجنود: "على أي شيئ أنت؟" قال:لجبريل وما ظننت أنه. "على قبض األرواح: "وعلى أي شيئ ملك الموت؟" قال:" قال.على النبات والمطر ". وما ذاك الذي رأيت مني إال خوفا من قيام الساعة.هبط إال بقيام الساعة "Fa ashaara Jibriilu ilayya bi yadihi: an tawaadac. Fa caraftu annahu lii naasixun. Fa qultu: "Nabiyyan cabdan". Fa caraja thaalika al Malaku ilaa Al Samaai. Fa qultu: "Yaa Jibriilu, qad kuntu aradtu an as'alaka can haathaa, fa ra'aytu min xaalika maa shaghalanii cani al mas'alati. Fa man haathaa yaa Jibriilu? "Qaala: "Haathaa Israafiilu, khalaqahu Allaahu yawma khalaqahu, saaffan qadamayhi, laa yarfacu dharfahu, baynahu wa bayna Al Rabbi sabcuuna Nuuran, maa minhaa nuurun yadnuu minhu illaa ixtaraqa. Bayna yadayhi Al Llawxu Al Maxfuuthu. Fa ithaa athina Allaahu fii shay'in 354 mina Al Ssamaa'i aw fii al ardi, irtafaca thaalika Al Llawxu fa daraba jibhatahu. Fa yanthuru fiihi: fa in kaana min camalii amaranii bihi, wa in kaana min camali Miikaa'iila amarahu bihi, wa in kaana min camali Malaki Al Mawti amara bihi". Qaala Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, li Jibriila: "Calaa ayyi shay'in anta?" Qaala: "Calaa al rriyaaxi wa al junuudi". Qaala: "Wa calaa ayyi shay'in Miikaa'iilu?" Qaala: "Calaa al nnabaati wa al madhari". Qaala: "Wa calaa ayyi shay'in Malaku Al Mawti?" Qaala: "Calaa qabdi al arwaaxi. Wa maa thanantu annahu habadha illaa bi qiyaami Al Ssaacati. Wa maa thaaka allathii ra'ayta minnii illaa khawfan min qiyaami Al Ssaacati." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markaasuu Jibriil\ جبريلgacantiisa iigu tilmaamay: tawaaduc\ توضعoo Ilaahay isu jejebi oo addoonnimo dooro. Markaasaan waxaa ogaaday inuu waano fiican i siiyey. Markaasaan waxaan iri: "Waxaan doortay inaan ahaado Nabi adoon ah". Markaasuu Malaggaasu Samada kor u tafay oo galay. Markaasaan waxaa iri: "Jibriilow\جبريل, waxaan doonayey inaan xagga Malaggaan kaa wareysto, markaasaan xaaladdaad ku sugan tahay waxaan ka arkay wax iga shuqliya wareysiga. Hadaba kani waa kuma?" Wuxuu yiri: "Kani waa Israafiil\إسرافيل. Ilaahay wuxuu abuuray maalintuu abuuray isagoo ay labadiisa lugood saffan yihiin, indhihiisana aan kor u qaadeyn. Isaga iyo Rabbina waxaa u dhexeeya toddobaatan nuur, oo mid kastoo ka mid ah oo uu u dhowaado ee illaa waa kii gubta. Waxaa labadiisa gacnood hortooda ah Lawxul Maxfuuthka\ اللوح المحفوظ. Markaas haddu Ilaahay ithmo wax Samada ku sugan ama arliga dhexdiisa ah, Looxaas kor ayuu usoo kacaa markaasuu wajigiisa ku dhacaa. Markaasuu Malaggu Looxa fiiriyaa: hadday waxaas la ithmay ka mid yihiin aniga hawshaydana, aniguu markaas Israafiil\ إسرافيلi amraa inaan fuliyo. Hadday waxaasi ka mid yihiin hawsha Mikaa'iilna\ ميكائيلisaguu amraa oo ku kaca. Hadduuse yahay wax ka mid ah hawsha Malakul Mawtkana\ ملك الموتisaguu amraa oo ku dhaqaaqa." Rasulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Jibriil\ جبريلku yiri: "Adigu maxaad u xilsaaran tahay?" Wuxuu yiri: "Dabaylaha iyo askarta". Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Miikaa'iilna\ ميكائيلmuxuu u xil saaran yahay?" Wuxuu yiri: "Dhirta iyo roobka." Taasi macneheedu waxaa weeye inuu Malag walba madax u yahay Malaa'igta hawshaas la qabata. Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Malaku Mawtku\ ملك الموتmuxuu u xil saaran yahay?" Wuxuu yiri: 355 "Qabashada arwaaxda". Lafdi kalena wuxuu ku yiri: "Qabashada nafafka", wuxuuna leeyahay gacan yarayaal. caawina, siduu Ilaahay Tacaalaa \ تعالىAayadda kow iyo lixdanaad ee Suuratu Al Ancaami\ سورة األنعامku yiri: هللا ت تََوفَّتْهُ ُر ُسلَُنا ُ َح َد ُك ُم اْل َم ْو َ اء أ َ ِإ َذا َج "Ithaa jaa'a axadakumu al mawtu tawaffathu rusulunaa(61)", oo macneheedu yahay: "Markuu u yimaado midkiin mawtku waxaa oofsada Malaa’igteenna(61)". Jibriil\ جبريلwuxuu yiri: "Umana aanan malayn inuu lasoo degay -waa Israafiile- waxaan ahayn inay Saacaddi dhacday mooyee. Waxaas aad xaaladdayda ka aragtayna ma ayan ahayn waxaan cabsi ahayn aan istaagidda Saacadda ka baqo." Al Tarmathii\ الترمذيiyo Xakiim\ الحكيمwaxay Xadiithkaan yiraahdeen waa saxiix, sanadkiisuna saxiix yahay. Afarta Waziir ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Al Tarmathii الترمذيiyo Al Xaakim\ الحكيمwaxay ka wariyeen Abuu Saciid Al Khudriyyi أبوسعيد \ الخدريinuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ، فوزيري من أهل السماء جبريل وميكائيل. ووزيرين من أهل األرض،"إن لي وزيرين من أهل السماء ".ووزيري من أهل األرض أبوبكر وعمر "Inna lii waziirayni min ahli Al Ssamaa'i, wa waziirayni min ahli al ardi. Fa waziirayya min ahli Al Ssamaa'i Jibriila wa Miikaa'iila, wa waziirayya min ahli al ardi Abuu Bakara wa Cumara." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan leeyahay labo wasiir oo ehelka Samada ka mid ah iyo labo wasiir oo ehelka arliga ka mid ah. Labadayda waziir ee ehelka Samadu waa Jibriil\ جبريلiyo Miikaa'iil\ميكائيل. Labadayda waziir ee ehelka arligana waa Abuu Bakar بوبكرiyo Cumarعمر." Al Bazaar\ البزارiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيiyo Abuu Nucaym\ أبونعيمwaxay ibnu Cabbaas إبن \ عباسka wariyeen inuu yiri inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: أبوبكر: وإثنين من أهل األرض، جبريل وميكائيل: إثنين من أهل السماء:"إن هللا أيدني بأربعة وزراء ".وعمر "Inna Allaaha ayyadanii bi arbacati wuzaraa'i: ith-nayni min ahli Al Ssamaa'i: Jibriila wa Miikaa'iila, wa ithnayni min ahli al ardi: Abuu Bakra wa Cumara", 356 oo macneheedu yahay: "Ilaahay wuxuu igu xoojiyay afar waziir: laba ehelu Samada ka mid ah: Jibriil جبريلiyo Miikaa'iil ميكائيل, iyo laba ehelu arliga ka mid ah: Abuu Bakar أبوبكرiyo Cumar"عمر. Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu yiri: "Waxaa Xadiithkaas ku sugan daliil inuu Al Musdhafaa\المصطفى, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil جبريلiyo Miikaa'iil ميكائيلka sarreeyo oo ka fadli badan yahay, oo waziir wuxuu ka yimid al wizru oo ah culayska, oo wazirku Boqorka ayuu ka xambaaraa culayskiisa, siduu Ilaahay Tacalaa\هللا تعالى, isagoo Muuse\ موسىka warramaya, ugu yiri Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Dhaahaa\سورة طه: )51( َهلِي اج َع ْل لِي َوِز ًا ْ ير ِم ْن أ ْ َو "Wa ajcal lii waziiran min ahlii(29)", oo macneheedu yahay: "Iina yeel waziir ehelkeyga ka mid ah(29)." Abuu Yaclaa\ أبويعلىiyo ibnu Casaakir\ إبن عساكرwaxay Abuu Tharr al Ghifaariyyi \أبوذر الغفاري ka wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ووزيري وصاحبي أبوبكر وعمر،"إن لكل نبي وزيرين "Inna li kulli Nabiyyin waziirayni, wa waziirayya wa saaxibaayya Abuu Bakr wa Cumar". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Nabi Walba wuxuu leeyahay laba waziir, aniga labadeyda waziir iyo labadeyda saaxiib waa Abuu Bakar أبوبكرiyo Cumarعمر.” Waxaa sidaas noogu dhammaaday kitaabkaan ”Siduu Ilaahay u sharfay Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Wa al xamdu li Allaahu Rabbi al caalamiina, wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidiinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa saxbihi wa Sallam tasliiman kathiiran. 357 Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu ku dashay Gaalkacyo degmadaasoo uu aabihiis qaalli ka ahaa, dayrtii la magac baxday Hoobaaq. Hoobaaq waa beel daaqsiin ah oo ka mid ah dooxada Golol, halkaasoo ay eedi ku kala gaartay labada qabiil ee Cumar Maxamuud iyo Sacad dayrtaas, eedaasoo bilaabatay 1943 socotayna ilaa 1944. Xasanweli wuxuu u dhashay Shiikhaal Looboge, oo ah Quraysh, ayagoo ah ubadka Abuu Bakar Al Ssddiiqu, Saaxiibka iyo ina adeerka iyo soddogga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Looboge aabihiis Fiqi Cumar wuxuu ku noolaa Boqortooyada Harar siday u warisay tirada lix boqol iyo sagaal iyo afartan ee wargeyska dalka Sucuudiga kasoo baxa ee la yiraahdo Al Muslimuuna, soona baxay maalinta Jimce ee toddobada bisha Rabiicu al Awwal ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo sideed iyo toban, una dhigantah kow iyo tobanka bisha Luulyo ee sanadka kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo sagaashanka, boggiisa tobanaad. Yuusuf Cabdu Al Raxmaan Shiikh oo maqaaladaas qoray wuxuu ku yiri: "Kaddib markay saliibiyiinta krishtaanka ahi ay gacanta ku dhigeen Bayti Al Maqdis, dhammaadka qarniga shan iyo tobnaad ee Miilaadiga ah iyo dhammaadka kan shanaad ee Hijriga, ayna ku sugnaadeen Shaam, ayna gacanta ku dhigeen Khaliiju Al Caqabah ee ku dara Badda Cas, ayay krishtaanku waxay raadiyeen cid ay is gaashaanbuursadaan, oo Badda Cas xagga koofureed uga goysa. Markaasey waxay heleen xabshada krishtaanka ah oo ay markaas gaashaanbuur la noqdeen, ayna kula heshiiyeen inay iska kaashadaan la dagaallanka islaamka iyo muslimiintaba, kuna gaaray taas inay xabashadu kusoo duusho oo ay qabsato Boqortooyada Islaamka ee Harar, taasoo gogol dhig u noqoneysa ku duulidda Xijaaz iyo duminta Kacbada la Sharfay. Sidaas ayayna ku heshiiyeen. Markaasey xabashadu waxay kusoo duushay Harar, waxaana usoo baxay oo ka hortegey Al Shiikh Abaadir oo soomaalidu u taqaanno Fiqi Cumar, ahna aabaha dhalay Aw Qudhub. Markaasuu Amiir Cumar bin Shamsu Al Ddiin (oo ah Fiqi Cumar) si xun u jebiyay oo ka adkaaday. Markaasey xabshadu waxay ka gargaar iyo gurmad dalbeen gaashaanbuurtooda krishtaanka ah. Qaylo dhaankoodaas waxaa kasoo jawaabay Richard the Lion-heart oo ahaa boqorka ingiriiska, ahaana maareeyaha hawlaha ka socday bariga dhexe "Bariga Carabta". Richard wuxuu soo diray ciidammadiisa ka kooban burtuqiis iyo talyaani, si ay xabashada ugu gargaaraan. Ciidammadaani waxay gacanta ku dhigeen oo qabsadeen dekadaha ay Harar lahayd oo ah Zaylac iyo Barbara iyo Bulaxaar, kuwaanoo hadda ku yaalla gobolka waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Ciidammadaasu waxay soo gaareen ilaa dusha magaalada Harar. Markaasey Imaarada Makkah Al Mukarramah iyo Yaman ayay waxay Harar usoo direen ciidammo gurmad ah. Sidaas ayay ciidammada Islaamku uga adkaadeen kuwa krishtaanka ah, uusanna krishtaamiinta Shaam uga laaban hal askariba ha ahaadee, ayadoo dhammaantood lagu laayey inta u dhexeysa Harar iyo Muqdisho iyo Barbara. Muqdisho waxay Harar usoo dirtay gurmad ahaan fardo iyo hub." Xasanweli wuxuu 1970 ka qalin jebiyay Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu ku bartay takhtarnimada xoolaha. Kaddib wuxuu noqday macallin Dugsiga Sare ee Xasan Barsane ee Muqdisho, Macallin Kulliyada Daawada Xoolaha ee Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaan Golaha Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee Dawlado Yurub ah, kaddibna wuxuu ku wareegay Jaamacadda Dawladaha Carabta, uuna noqday Danjireheeda Kenya, iyo Danjireheeda Qarammada Midoobay ee Vienna. Kaddib wuxuu soo degay USA, wuxuuna noqday Macallin Dugsiga Sare ee English High School ee Boston, Baare Shareecada Islaamka ee Islamic Legal Studies Program ee Harvard Law School ee Harvard University ee Cambridge. Siirada Ibnu Hishaam ayuu soomaali ku tarjumay 180 cajaloodna ku duubay. Kaddib wuxuu ilaa sideed sano ka ahaa imaam masjidyada xabsiyada ku yaalla gobolka Massachusetts oo ay Boston caasimadda u tahay ee dalka maraykanka, halkaasoo uu dadka 358 xabbisan ku salaadana tujin jiray, barina jiray diinta islaamka, hortiisana ay ku islaameen khalqi badan oo rag iyo dumarba leh, uuna shahaadada xaqqa ah u mariyay, mahaddana Ilaahay ayaa iska leh.
Similar documents
Qisooyinka Anbiyada
بسم هللا الرحمن الرحيم Aaraarta dhigaha kitaabka وصلى هللا على سيدنا وموالنا محم\ النبي األمي وعلى آله وصحبه و من تبعهم، والثناء هلل،الحمد هلل رب العالمين اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آ...
More informationNuurka Quluubta
Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaan dib ugu noqday kutubbada taariikhda Islaamka. Marjica aasaasiga ah ee Siiradaan waa saddexda kutub oo kala ah Siiratu Ibnu Hishaam\سيرة...
More informationSiduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa
46. Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan 47. Islaamidda Zayd bin Xaarithah
More informationbarashada fagaagga sare adduunka
adduunka. Haddii habeen mugdi ah, oon cirka aan caad saarnayn intaan meel dibada u baxno aan cirka eegno, waxaa hubaal ah in ay su’aalo badan inagu abuurmaan. Su’aalaha aynu is waydiin karno waxay ...
More informationCuqbah bin Caamir Al Juhanii عقبة بن عامر الجهني رضي هللا عنه
Al Ziriklii\ الزركليwuxuu Al Qaahirah\ القاهرةku dhintay 1396H/1976Miilaadiga. Al Ziriklii\ الزركليwuxuu kitaabkiisa Al Aclaamu األعالمmujalladka afaraad, bogga laba boqol iyo afartan ku yi...
More information