tusmada wargeyska
Transcription
tusmada wargeyska
1 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 HALKU-DHIGEENA MAANTA “Canugaaga oo aad barto afkiisa hooyo ee Soomaaliga waa badbaadada dhaqankiisa, diintiisa iyo jiritaankiisa Soomaalinimo” Digital Newsletter “Intaad qurbaha joogto ku dadaal in ubadkaaga aad ku barbaariso afka Soomaaliga” A.Mohamud Hay’ada GGD ee dalka Netherlands, waxay fariin caafimaad oo muhiim ah u sidaa dhamaan dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan. Diyaar ma u tahay in lagu siiyo talo-bixin caafimaad.........ka eeg bogga 9aad TUSMADA WARGEYSKA Somali Star TV oo xafiis cusub ka furatay Netherlands A. Naaji oo ka soo qeybgalay xaflada furitaanka........(Warbixin) bogga 3aad Al-Fanaan A.Naaji oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida Netherlands Xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey.... Maalinta dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay Zwolle Z ahra Nale ye o o ka qe y b gashay shirka c aalami ah o o ka dhac ay Burk ino Faso Bogga 7aad Dowlada Germany oo diiday in qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo Netherlands. Maxay tahay sababta?..... (Warbixin Faahfaahsan) ..............................Ka eeg bogga 2aad Xuska 1da Luulyo iyo Soomaalida Netherlands Ka eeg Bogga 4aad Booqashada Wargeyska Warbixin ku saabsan dugsi caruurta Soomaalida lagu baro afka iyo dhaqanka Soomaaliga ee ka furan Haarlem......Bogga 3aad Guddiga FSAN iyo Safiirka Soomaaliya ee Benilux oo kulmay Maxay ka wada hadleen? Netherlands oo dhib ka heysta caruurta qaxootiga Soomaalida ee aan waxba soo baran....Bogga 2aad Maxaa Sababa Welwelka Iyo Walbahaarka? (Cilmi-baaris) bogga 10aad Laba aan is af-aqoon lamaane jaceyl ma noqon karaan? Qiso dhab ah......bogga 10aad 2 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 xaalada magangalyo-doonka G ermany “Ma jirto qaxooti dambe o o l a g u c e l i n a y o N e t h e r l a n d s .” M M.A Farah axkamad ku taalla dalka Germany ayaa horaantii bishii May, waxay go’aan ku gaartay in magangalyodoonka kaga yimaada dhinaca dalka Netherlands gaar ahaan Soomaalida aan dib loo celin doonin sababo ay ku sheegtay inaysan dalkaasi ku haysan wax daryeel bani’aadnimo ah. Warkan ayaa waxaa lagu daabacay jariirada dalka Netherlands ka soo baxda ee NRC Handelsblad. filneyn inuu qaabilo qulqulka qaxootiga, laakiin dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub waa lagu celin karaa qaxootiga. Q.M ayaa horaantii sanadkan ku baaqday in dadka magangalyo-doonka ah ee ka soo galay dhinaca dalka Bulgaria aan dib loo celin, waayo bay tiri wadankaasi waxaad aad ugu soo jabay Syrian badan mana awoodo inuu qaabilo tiro badan oo qaxooti ah. Sida laga soo xiganayo xaakin ku sugan maxkamadaasi, qaxootiga ku sugan dalka Netherlands ma haystaan in ku filan waxyaabaha nolosha daruuriga u ah sida; hoy iyo raashin. Waa waxyaaba naadir ah in qaadi maxkamadeed uu go’aamiyo in magangalyo-doonka aan lagu celin wadan kale oo ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo sanadkii 2011-kii maxkamada sare ee xaquuqda bani’aadamka ee Midowga Yurub ay soo saartay go’aan ah in qaxooti dambe aan lagu celin dalka Gariiga. Taasina waxay ku timid markii la ogaaday dalkaasi aanu daryeelin qaxootiga soo gala. Hadda maxkamada Germany waxay u aragtaa Netherland dal ku xadgudbay xaquuqda aadanaha, isla markaana aan ka soo bixin waajibaadkii ka saarnaa magangalyoonka. Go’aanka Haddaba sheekadan ayaa waxay timid ka dib markii maxkamad ku taalla magaalada Darmstadt ee dalka Germany ayaa Khamiistii hore qaaday kiiska dacwad magangalyo-doon Soomaali ah, oo dalka Netherlands isaga soo cararay markii halkaasi uu kasoo xirmay galkiisa qaxootinimo oo u soo u baxsaday dalka deriska ee Germany. Dowlada Germany ayaa markii hore doonaysay in qofkaasi Soomaaliga ah lagu celiyo dalka Netherlands sida uu dhigayo qodob ka mida heshiiska Dublin ee ka dhexeeya wadamada Midowga Yurub, kaasoo qeexaya in qaxootiga lagu celin karo Yurub dhexdeeda dalkii markii hore uu ka soo gaco-dhigtay oo uu xaq ku leeyahay inuu qaxootinimo weydiisto. Xeerka Yurub Keliya waxaa dadka magangalyo-doonka ah aanan lagu celin karin dalalka Yurub ka baxsan ee aan xamili karin aanan ku Teeven: “Burcadbadeedii codsata magangalyo lama siideenayo” W asiirka cadaalada iyo amaanka isla markaana qaabilsan arrimaha qaxootiga dalka Netherlands, Fred Teeven ayaa sheegay in burcad-badeeda Soomaalida ee lagu helay dembiyada ee lagu xukumay xabsiyada dalkan, aanan si fudud loo siideyn doonin haddii ay codsadaan magangalyo. Sharciga dalka Netherlands ayaa dhigaya in burcad badeeda la siideenayo haddii ay dhameystaan saddex dalool laba dalool muddada lagu xukumay waa haddii ay la yimaadaan dhaqan wanaagsan waqtiga ay Iskuulada Netherlands oo ku jahwareersan caruurta qaxootiga ee Soomaalida iyo Eritrean-ka DEN HAAG - Dalada ay ku mideysan yihiin iskuulada loogu talagalay dadka magangalyodoonka ah ee la yiraahdo Lowan ayaa sheegtay in iskuulada Netherlands aysan ku filneyn inay wax baraan caruurta qaxootiga sida Soomaalida iyo Eritrean-ka. Sida ay sheegtay Marieke Postma, oo la taliye ka ah Lowan, caruurtan waxay la yimaadaan iskuulada dib-u-dhac weyn. Maxkamada Germany waxay u aragtaa “arrin aan xaq aheyn in Soomaalida lagu celiyo dalka Netherlands” gaar ahaan waxa ay maxkamadu sheegaysaa in dalkaasi mamnuuc laga dhigay in magangalyo doonka shaqo la siiyo lagu adkeeyey dadka qaxootiga ah oo ay badan tahay shaqo la’aanta, taasina ay halis ku tahay muuqaalka jireed iyo midka maskaxeed ee qofka qaxootiga ah, sida ku xusan qoraal ka soo baxay maxkamada. "Waxay dalkan ku yimaadaan qaarkood da'da 11 jir, weligoodna dugsi waxbarasho ma aysan soo arkin. Ma qabsan karaan xitaa qalanqoriga weligoodna ma qoran. Waxaana ku qasbanahay inaan la dadaalno si xowli ah oo aan geyno fasalka 7aad." ayey tiri Postma mar lagu wareystay idaacada BNR. Waxay sidoo kale Postma sheegtay inay aad u adag tahay in canug aan weligiis iskuul tagin in wax la fahansiiyo. "Farqi weyn ayaa u dhexeeya kan aan iskuul weligiiba arkin iyo midka soo maray ee arkay.Waxaana tusaale noogu filan caruurta Soomaalida iyo kuwa Eritrean-ka ah." Dalad oo kulmisa ilaa 150 iskuul ayaa hadda raadinaysa xal ay u hesho mushkiladan, waxana iskuuladan ay wax baraan caruur badan oo isugu jirta Soomaali iyo Eritrean, kuwaasoo badankood dalkan la keenay da'da dugsiga lagu aado iyo wax ka weyn. FSAN iyo ururada xubnaha ka ah oo ka shiray arrimo muhiim ah Qareen la yiraahdo Pim Fischer ayaa ku macneeyey go’aanka maxkamada Germany mid sumcadxumo weyn ku ah dalka Netherlands. “Dal weyn oo deris nala ah ayaa u arkay inaan ku guuldareysanaya inaan ilaalino xaquuqda bani’aadamka. Fischer waxa uu ku taqasusay arrimaha xaquuqda dadka saboolka ah iyo sida loogu caawin karo inay helaan hoy iyo waxa ay ku noolaadaan. Dhamaadka bishii Oktoobar ee sanadkii hore, guddiga xaquuqda aadanaha ee Midowga Yurub ayaa xukmiyey in Netherlands ay daryeel u fidiso magalyo-doonka sharci darada ku jooga dalkeeda sida inay helaan hoy, cunto iyo waxay xirtaan inkastoo wasiirka masuulka ka ah qaxootiga ee cadaalada iyo amaanka Netherlands, kana tirsan xisbiga VVD ee Fred Teeven uu marar badan sheegay in wax laga qabanayo cabashada magangalyo-doonka, laakiin ilaa hadda aan wax muuqda aan la qaban. xiran yihiin. Si kastaba, Teeven ayaa qorsheenaya inuu wax ka badelo sharcigaasi, isagoo adeegsanaya sharuudan uu hadda la yimid mar uu Isniintii la hadlayey aqalka labaad ee baarlamaanka Netherlands. Tirada guud, ilaa 25 muwaadaniin Soomaali ah ayaa lagu helay dembiyo burcad-badeednimo, iyadoo Teeven uu sheegay inuu dowlada Soomaaliya kula heshiisay in Soomaalidaasi dib loogu celinayo dalkooda. Bishii April ee sanadkan,waxaa soo baxay war sheegayey in saddex ka mida koox burcad-badeed Soomaaliya oo sagaal ka kooban oo lagu xukumay afar sano iyo bar xabsi ah sanadkii 2011-kii, ay codsadeen magan-galyo ay ku joogaan Netherlands marka la siidaayo xabsiga. AMSTERDAM - Kulan guddiga cusub ee FSAN uu isugu yeeray dhamaan ururada xubnaha ka ah dalada, ayaa 8-da June 2014 waxay ku kulmeen magaalada Amsterdam ee caasimada dalka Netherlands, kaasoo ay kaga arrinsadeen arrimo la xiriira sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhexdooda ah. dhaqaale iyo xag sharciba looga caawin lahaa magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalkan Netherlands, kuwaasoo la diiday codsiyadooda qaxootinimo, isla markaana ay dowlada ay dibadda uga saartay guryahii ay ku jireen. Ururadan xubnaha ah oo isugu jiray kuwo si firfircoon uga howl gala gudaha dalka Somalia iyo qaar ka shaqeeya arrimaha qurbo-joogta Soomaalida Netherlands, ayaa waxay guddiga cusub ee FSAN siiyeen warbixno dhameystiran oo ku saabsan howlaha ay qabtaan iyo caqabadaha mararka qaar ka hor yimaada. Waxaa la isku afgartay in marka hore loo aruuriyo deeq-lacageed oo ay uga baxaan bisha Ramadaan ee fooda nagu soo haysa, maadaama meelahii ay ka sida KMG ah uga deganaayeen magaalada Amsterdam loo sheegay inuu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay oo ay soo food saari doonto xaalad kale oo adag oo dhinaca hoyga iyo cuntadaba ah. kulan waxaa ka qeyb galay ururada kala ah, AASIYA, BANAADIRI, LIBIN, KAALO, DEEX, AFRICA DARYEEL, EUROSOM, SOON, DALMAR FOUNDATION, IFTIN, SONECA, GALAD, SOMVAO, SONPPCAN, HILMILO, kuwaasoo ka kala dhisan gobolada kala duwan ee dalkan Neherlands wada-shaqeyn fiicana la leh dowladaha hoose ee magaalooyinkooda. Soomaalidan magangalyo-doonka ah oo tiro ahaan kor u dhaafaya 70 qof, ayaa siyaabo kala duwan loogu diiday sharcigii deganaanshiyo ee dalkan, waxayna marar badan banaanbaxyo ka sameeyeen magaalada Amsterdam, kuwaasoo ay ku doonayeen inaanay ku laaban karin waqtiga Soomaaliya oo ay xaq u leeyihiin inay helaan sharci qaxootinimo. Guddiga cusub oo muddo lix bil ah hayey hogaanka FSAN ayaa isna waxa uu ka warbixiyey howshii ay qabteen mudadii yareyd ee ay xilka hayeen iyo waliba howsha culus ee hortaala ustaqbalka oo ay sheegeen inay tahay mid u baahan in si wada-jir ah loo wajaho. Guddiga cusub ee FSAN iyo ururada xubnaha ah ka ah daladaasi ayaa waxay hadda dadaal xoogan ugu jiraan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Soomaalidaasi. Xubnaha iyo guddiga waxay si weyn uga doodeen sida loo dardar-gelin karo howlaha isugu jira adeega iyo caawimaada ee ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalkii hooyo ee Soomaaliya iyo kuwa halkan Netherlands jooga, gaar ahaan qaxootiga ku cusub dalkan. Waxaa si gaar ah looga hadlay sidii xag Ugu dambeyntii gudoomiyaha guddiga FSAN Ali Abdi Ware ayaa sharfay inuu kulankan dhowr eray ka yiraahdo, soona xiro, Xuseen Qadiib oo ah gudoomiyahii hore ee FSAN, kaasoo ugu baaqay ururada inay muujiyaan wada-shaqeyn ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad, waxa uuna guddiga cusub dhinacooda ugu baaqay inay u dhabar-adeygaan howlaha culus ee horyaala, isla markaana dulqaad badan ay muujiyaan. 3 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Warbixinada ururada jaaliyadda Somali Star TV oo xafiis cusub ka furatay Netherlands AMSTERDAM- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayey xafiiska Somali Star TV ayaa 19-kii bishii April ee sanadkan ka dhacday hoolka shirarka ee Dalmar Foundation ee magaalada Den Haag ee dalka Netherlands, taasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida ee dalka Netherlands. Xafiiskan cusub oo ay wada shaqeyn leeyihiin Dalmar Media, ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qeyb galay safiirka Soomaaliya u fadhiya Belguim Ali Faqi, gudoomiye ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir Iimaan Iikar, Fanaanka caanka ah ee Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad iyo qaar ka mida madaxda ururada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Netherlands. Ugu horeyn waxaa hadlkaasi ka hadlay Ali Faqi iyo Axmed Naaji oo labaduba sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in xafiiska Star TV laga furo dalka Holland, uuna ku shaqeyn doono qaab ka duwan TV-yada kale, uuna la yimaado barnaamijyo wacyi gelin ah oo qeyb ka qaadan kara arrimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka. Intaasi ka dib waxaa isna madasha ka hadlay Axmed Cabdulwahab oo ah isku duwaha Dalmar Foundation, isagoo si kooban u sharaxay taariikhda ururka Dalmar iyo qaabkii ay howsha ku bilaabeen markii hore, waxa uuna sheegay in Agaasimaha TV-ga cusub ee Star TV uu yahay shaqsi ay horey isla soo shaqeeyeen, isla markaana uu ka rajeenayo in isbadal uu kusoo kordhiyo Warbaahinta Soomaalida ee dhinaca Araga. Waxaa sidoo kale isna khudbad goobta ka jeediyey Agaasimaha Star TV Maxamed Aadan oo ka mida haa dhalinyaradii wax ku soo baratay dalka Holland, waxa uuna ku dheeraaday siyaasada iyo ujeedooyinka Star TV iyo barnaamijyada uu xooga saarayo. Maxamed waxa uu sheegay in ay xooga saari doonaan Barnaamijyada Arrimaha Bulshada si loo helo Barnaamijyo lagu wacyi-gelinaayo bulshada, waxa uuna xusay in uu rajo weyn ka qabo in Star TV uu la yimaado is-badal muuqda. Madaxa mashruuca ilaalinta xaquuqda dumarka iyo ka hortaga gudniinka, ee Dal- Booqashada Wargeyska Dugsiga caruurta lagu baro afka Soomaaliga ee magaalada Haarlem lada FSAN Sahra Naaleeye, ayaa iyadana goobta ka jeedisay hadalo isugu jiray hambalyo iyo talo soo jeedin ku aadan xafiiska cusub ee Star TV, iyadoona Madaxda TVga ka codsatay in Barnaamijyada ka baxa TV-ga lagu soo kordhiyo kuwo ka hadlaya dhaqanka iyo Afka Soomaaliga, isla markaana lagu dhiira-gelinayo Haweenka. Magaalada Haarlem ee xarunta gobolka Noord-Holland ee dalka Netherlands, waxaa sanooyin ka hor laga furay dugsi caruurta Soomaalida lagu baro afka Soomaaliga, kaasoo aasaaskiisa ay iska kaashadeen jaaliyadda Soomaalida ee degan Haarlem. Sidoo kale waxaa isna halkaasi khubad gaaban ka jeediyey gudoomiyaha guud ee dallada FSAN Ali Abdi Aware, isagoo sheegay inuu soo dhoweenayo furitaanka xafiiska cusub ee Star TV ee magaalada Den Haag isla markaana ku tilmaamamay TV ay hormuud u yihiin dhalinyaro waxbaratay oo la imaan kara isbadel iyo barnaamijyo ka duwan TV-yada kale. Dugsigan oo furan maalmaha fasaxa ee Sabtida iyo Axada ayaa waxaa maamule ka ah Abdikarim Mohamud (Xoogasde), waxaana ka faa'iideysta caruur badan oo Soomaaliyeed oo da'doodu u dhaxeyso 3 jir ilaa 16 jir. C/qaadir Nuune iyo Sheekh Cumar oo iyagu ka mida ganacsatada Soomaalida Holland oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yahay in Star TV ay xafiis rasmi ah ka furato magaalada Den Haag, iyagoona sheegay in hadii ay yihiin ganacsatada ku dhaqan dalka Netherlands ay baahi u qabeen xafiis nuucaan oo kale ah. Waxaa sidoo kale madasaha xaflada lagu soo dhoweeyey oo hadalo kooban ka jeediyey gudmiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banadir ee Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Iimaan Nuur Iikar, oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, taasi oo uu kaga hadlay dhibaatada bahda warbaahinta ka hey sato gudashada waajibaadkooda, Amaanta ay mudan yihiin bahda warbaahinta iyo sida uu ugu faraxsan yahay kasoo qeyb galka Munaasabada daah furka xafiiska Star TV. Ugu danbeyn dadkii kasoo qeyb galay Xaflada ayaa halkaasi isku dhaaf-saday talo soo jeedin ku aadan qaabka ay u arkaan in ay talo usiin karaan TV-ga Star, iyadoona halkaasi su'aalo lau weydiiyay Madaxda Star TV. waxa ayna jawaabaha ay bixiyeen aheyd kuwo ay ku qanceen dadkii xafladaasi kasoo qeyb galay. Taariikhda 15 Luulyo 2014 Waxaan haddaba 25-kii bishii May ee sanadkan 2014 u suurtagashay wargeyskan inuu booqdo dugsigaasi, ka dibna aan wareysi la yeelanay macalinka maamula dugsigaasi Abdikarim Mohamud, isagoo nooga warbixiyey ujeedada loo furay dugsigan iyo waliba muhiimada uu afka Soomaaliga u leeyahay barbaarinta caruurta Soomaaliyeed ee Netherlands ku nool. "Dugsigan hadda waxa uu furan muddo ku lix sanno, ujeedada markii horena loo aasaasay waxay aheyd in caruurta Soomaalida ee ku dhalatay halkan fursad loo siiyo in ay baran karaan dhaqankii, diintii iyo afka Soomaaliga oo muhiim runtii u ah jiritaankooda dadnimo." ayuu yiri Abdikarim. Waxa uu sheegay in hadda dugsigan Haarlem ay dhigtaan 49 arday, iyadoo 11 canugna ay ku jiraan liiska sugayaasha maadaama buu yiri aanay noo saamaxayn meesha wax lagu dhiganayo, macalimiinta la haysto iyo waqtiga la haysto oo aad u kooban. "Bilowgii qaar ka mida waaladiinta Soomaalida ee magaaladan Haarlem degan ee fahamsanaa muhiimada afka Soomaaliga iyo barashada dhaqanka ayaa iska kaashaday inuu furmo dugsigan, iyadoo Soomaalida degan tuulooyinka ku hareereysan magaaladana ay ku taageereen, laakiin ma jirin wax intaa ka baxsan oo aanu gacan ka helnay." ayuu Abdikarim. Mar wax laga weydiiyey bal in dowlada hoose ee Haarlem ay taageero dhaqaale ka heleen bal si loo socodsii- yo howlaha dugsigan, ayaa Abdikarim waxa uu ku jawaabay. "Maadaama aysan jirin wax gaar ah oo dowlada hoose ay ugu talagashay barashada dhaqanka, diinta iyo afka Soomaaliga, ayaan waxaan sameenay markii hore in aan Soomaali ahaan is xilqaano oo aan anagu daboolka baahida jirta sida bixinta kirida dhismaha dugsiga uu ku yaallo iyo bixinta qarashka haddii ay jiraan xaflado cauurta loo sameenayo. Marka markii aanu sidaasi ku wadnay muddo saddex sanno ah ayaa waxaa soo baxday baahi kale oo ah in caruurta laga caawiyo maadooyinka waxbarasho ee ay iskuulada caadiga ah u aadaan. Marka arrintaasi awgeed ayaan la xiriirnay dowlada, runtiina way nagu gacansiiyeen inaan ciyaalka u qabano macalimiin ka caawiyo leylisyada guryaha loogu soo diro." ayuu hadalkiia raaciyey. Waxyaabaha ugu weyn ee ay caruurta halkaasi lagu baro ayaa Abdirakim ku sheegay inay tahay afka Soomaaliga oo u muhiim u ah jiritaankooda, waxaana ka mid ah buu yiri ."Sida Higaada, Aqrinta, sheeko xariireed iyo waliba sheekooyin kale oo ka hadlaya juquraafiga iyo taariikhda dalka Soomaaliya." Waxa uu sheegay in mustaqbalka uu ku tala jiro in la balaariyo mashruuca barashada Afka Soomaaliga oo ay gaarsiiyaan magaalooyin badan oo ku yaala dalkan Netherlands oo ay degan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed. 4 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 Warbixinada ururada jaaliyadda Xuska 1da Luulyo iyo Soomaalida Netherlands M By. M Abdi Farah xor tahay, ma tihid runtii xor, waayo aduunka waa laga tagay in wadan wadan kale ku duulo oo xoog ku qabsado, waxaana maanta jirta mid taasi ka duwan oo ah gumeysi casriya, Soomaaliya maskaxdeeda iyo maalkeeda waa laga adoonsanayaa. Bal qiyaas miisaaniyada sanadkii dowlada federaalka, Somaliland iyo Puntland haddii la isku daro inta ay iyagu qirteen oo ay soo daabaceen oo ah inay dalka ku kabaan, waxaa ka badan inta saddex bilood ay qaataan diyaaradaha Ethiopia iyo Kenya, bal qiyaas, dal burbursan oo saddex laab miisaaniyadooda sanadkii ugu diraya wadamada deriska oo waliba ay dhaxlaan caafimaad xumo, burbur, hooyo ooynaysa, gablan, hooyo asaay qaada, furiin iyo caruur aabe la'aan ku kora,"ayuu yiri Abukar Cawale. agaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Netherlands, waxaa Jimcahii aynu soo dhaafnay oo taariikhdu ay ku beegneyd 27-ka June 2014, lagu qabtay xaflad balaaran oo la soo horimariyey oo lagu xusayey 1-da Luulyo , maalintii madaxbanaanida dalka Soomaaliya oo hadda ay ka soo wareegatay 54 sano, waxaana sidoo kale xafladaasi looga faa’iideystay in looga hadlo dhibaatooyinka koriimada ubada iyo arrimaha xoriyad la’aanta ee haysta dhalinta ku barbaartay dalkan iyo waliba guulahii laga gaaray in Qaadka laga joojiyo dalalka Holland iyo UK. Munaasibadan waxaa soo qaban qaabiyey ururada IFTIN, SONPPCAN, IFTIIN, SAMAWADA, SOMVAO, Warbaahinta Qaranka SNTV iyo Somali Channel TV, waxaana ka soo qeyb galay mujtamaca Soomaalida ee ku kala dhaqan qeybo ka mida magaalooyinka iyo gobolada dalka Netherlands, waxaana sidoo kale lagu casuumay oo xafladan yimid gudoomiyaha ururka Qaad-diid, Abukar Cawale oo hormuud u ahaa ololahii balaaranaa ee sababay in dalka UK laga mamnuuco cunista iyo ka ganacsiga jaadka. Ugu horeyn waxaa madasha xaflada lagu sharfay inuu ka hadlo Mohamed Aden oo mar xildhibaan ka soo noqday dowladahii dalka Soomaaliya soo maray, waxa uuna mahad celin ka dib uu si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhdii calanka baluuga ee dhexda ku leh xidigta shanta gees iyo halgankii loo soo galay madaxbanaanadii dalka iyo walabiba ragii u soo halgamay xoriyadaasi. "Waagaasi inkastoo aan nin yar ahaa, haddana yididiilada ku jirtay dadka iyo anigaba u maleemaysaan inteey la'ekeyd; Soomaali madaxbanaan oo xoriyad heshay oo haddana iyada is xukunta oo aan kala qoqobneyn ayey aheyd. Maxabada dadka ay u qabeen maalintaasi iyo farxadeeda aad bay u sareysay." ayuu yiri Mohamed Aden oo intaa ku daray. "Haddee Ilaahey isagaa qaadiree nooma waayin inuu niyadee sameyd, jaceylkii iyo midnimadii inoo soo celiyo. Ilaaheyna waan ka baryeenaa inuu inagoo nool aan aragno mar kale sharaftii aanu laheyn." "Mudadaasi aanu nooleyn oo calanku dhashay, waxaa laga joogaa 54 sano, waa nus qarni wax ka badan, waxay haddana nala tahay shalay oo kale, sababtoo xasuusteey nagu reebtay baa weligeed naga go'ayn. Wixii ka dambeeyey ee dhacay, waxay nala aheyd kufid ay ka dambeyn doonto in laga kaco. Marka niyada weli nagama jabin, maanaa quusan, waxaana idinkula dardaarmayaa intiinan dhalinyaradiina naga dambeysana ha quusanina, la iskana iloobo xumaatadii ka dambeysay waqtigii calanka la suray, lana nooleeyo midnimada iyo Soomaalinimada." ayuu yiri Abdullahi Aden. Waxaa intii ay socotay munaasibadaasi dhextaal u ahaa heeso wadani iyo kuwa dabacsan oo ay halkaasi ku soo bandhigeen kooxda Tayo Band ee ka dhisan dalkan Netherlands. Shukri Sheekh Xasan, gudoomiyaha ururka IFTIN, baratayna cilmiga horumarinta, daryeelka iyo koriimada ciyaalka. (pedagoog), ayaa iyaduna hambalyada 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya ka dib, waxay halkaasi ka jeedisay hadal qiimo badan oo ku saabsanaa dhibaatooyinka ay dumarka Soomaaliyeed ee jooga Yurub ay kala kulmaan koriimada caruurtooda fahamka sida caruurta loogu barbaarin karo labada dhaqan ee kala duwan. "Labada dhaqanka ee ilmaha lagu korinayo waa wax aad iyo aad u dhib badan, waayo waalida dhaqankii iyo bey'adii uu ku soo koray ayaa ka duwan mida uu ugu yimid qurbaha. Waaladiinta ilmaha ku korsada wadamadan reer galbeedka ha noqoro Yurub, America, Canada iyo Australia, waxaa looga baahan in ay badbaadiyaan caruurtooda, waxayna ku badbaadin karaan iyagoo barta dhaqanka iyo luqada wadanka ay soo galeen, sababtoo ah waxay helayaan furahii, waxayna ogaanayaan nolosha mujtamacaasi."ayey tiri Shukri. Shukri waxay tusaale u soo qaadatay dalkan Netherlands oo sheegatay inuu leeyahay sharciyo ku saabsan dhowrista iyo barbaarinta caruurta oo haddii waalidka uu ku xadgudubo ay dhibaayo kaga imaan karto. "Laakiin hadduu waaladku marka horeba uu og yahay sharciyadaasi, waa uu iska ilaalin karaa. Mida kale, waxaa jirta cabi ay waaladiintu ka qabaan hay'adaha ku shaqada leh la socoda ilmaha, laakiin haddii aad baratid qaabka iyo ujeedooyinka ay ku shaqeeyaan, waxaad ogaanaysaa siyaasadaha ay ku shaqeeyaan. "ayey hadalkeeda raacisay Shukri. Waxay kaloo sheegtay Shukri in ay muhiim tahay in waaladiinta ay ka faa'iideystaan hay'adaha caruurta oo ka korarsadaan wixii wanaagsan sida aqoonta la xiriirta sida ubadka loo xanaaneeyo, uuna iska ilaaliyo wixii ka hor imaanaya sharciyada wadanka ee dhibaya caruurta, si aysan masuuliyad daro halkaasi uma imaan oo deetana laga qaato caruurta ama ay ka dayacmaan, isla markaana bay tiri waxaa waalidka mar kasta looga baahan yahay inuu caligiisa iyo cilmigiisa kordhiyo oo hadba uu la socdo wax soo kordha. Waxay ugu dambeyn u soo jeedisay qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan inay si wanagsan ula dhaqmaan caruurtooda oo ay saaxiib dhow ay la noqdaan, ayna mar kasta la sheekeystaan, si canagii uu ugu dhiirado inuu hooyadii ama aabahii uu u sheegan karo wixii dhib ah ee haysta. Intaasi ka dib, waxaa goobta ka istaagtay Garyaqaan Shamso Sh. Xasan oo gudoomiye ka ah ururka u dooda xaquuqda caruurta Soomaaliyeed ee SONPPCAN, waxayna Shamso ka hadashay ujeedada iyo hadafka mashruuca (We can make change) oo macnaheedu yahay is-badel-doon oo ay wadaan koox dhalinyaro Soomaaliyeed oo Netherlands ku barbaaray. Abukar Cawale waxa uu sheegay in muddo 9 sano ah ku qaadatay ololahiisa Qaad-Diid, uuna ugu dambeyntii ku guuleystay in dalka UK laga mamnuuco laga bilaabo 26 June 2014, isagoo intaa daray inuu in baaritaan dheer ka dib la ogaaday in Qaadka laga helay laba maado oo daroogo nooca mamnuuca ka ah dalka Ingiriiska, taasina ay qeyb weyn ku laheyd in dowlada ay soo saarto sharci lagu mamnuucayo Qaadka. Waxa uu xusay in Qaadka uu dhibaato badan ku hayey mujtamaca Soomaalida ee dalka UK, uuna sabab u yahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay nolosha ka dhacaan, isla markaana ay ka mid noqdaan mujtmacyada ajaanibka ee ugu liita ee ku nool dalkan. Abukar Cawale waxa kale oo uu sheegay in ololahiisa QaadDiid uu sii soconayo, uuna hadda diirada saarayo gudaha dalka Soomaaliya. "Waxaan hadda wadnaa mashruuc aan ugu magacdarnay (Qub Qaadka oo Qaado Qudaarta), kaasoo ah mashruuc aan rabno inaan shaqooyin ugu abuurno haweenkii iibin jiray Qaadka ee Soomaaliya," Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cali Cabdi Waare, gudoomiyaha dalada FSAN ee kulmiya ururada Soomaalida ee ka dhisan dalka Netherlands, isagoo u mahad celiyey dhamaan. "Aad baan ugu faraxsanahay in Soomaaliya ay xor tahay laga soo bilaabo 1961-kii, laakiin waxaa nasiib daro ah in weli aan qabiilkii uu na haysto oo aanu ka xoroobin, waxaana ku talinayaa in taasi laga gudbo oo aanu iska deyno qabyaalada iyo wax kasta oo sababi kara in dhib hada aan ku sii jirno."ayuu yiri Cali Waare. Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay umadda Soomaaliya inay dadaal dheer u galaan sidii ay uga hortagi lahaayeen qabyaalada, ayna xoojiyaan midnimada iyo wax wada qabsiga. "Waxaan rabaa inaan halkan idin kaga sheego inuu jiro mashruuc ay wadaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku soo koray ama qaarkoodba ku dhashay Netherlands oo dhamaantood halkan wax ku bartay. Barnaamijkan runtii waxay ujeedadiisay ay tahay sidii loola dagaalami lahaa dhaqanka iyo caadooyinka xun xun ee dhibaatada ku ah dhalinyarada sida guurka qasabka," ayey tiri Shamso. "Waxaa yoolku uu yahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed iyo wiilal ay u dareemi lahaayeen xoriyad buuxda iyo inay iyagu go'aan ka gaari karaan mustaqbalkooda oo looga hortago in gabadh waxbaranaysa inta la qoor qabto si qasab ah loogu guuriyo nin ka weyn." ayey hadalkeeda sii raacisay Shamso. Haddaba ruwaayad qiimo badan oo ku saabsan guurka qasabka ee lagu sameeyo gabadha Soomaaliyeed, ayaa halkaasi lagu soo bandhigay, waxaana ruwaayadaasi sameysay oo garwadeen ka aheyd Sahro Muuse oo madax ka ah ururka Sama-Wade. Ruwaayadan waxaa matalayey qaar mida dhalinyarada Soomaalida Netherlands, waxaana ka hadlaysay gabadh da' yar oo weli ku jirta waqtigii waxbarashadeeda oo si qasab ah la doonayey in loogu daro nin ka weyn, loona diiday inay mustaqbalka ku guursato wiil ay wax soo wada barteen. Xaflada xuska 1-ka Luulyo, ayaa waxaa sidoo kale looga faa'iideystay in looga hadlo guusha laga gaaray dadaalkii sanooyinka badan qaatay ee aakhirkii lagu mamnuucay in dalka UK laga cuno ama laga ganacsado Jaadka ama Qaadka, waxaana arrintaasi faahfaafin buuxda ka bixiyey Abukar Cawale, madaxa ururka Qaad-Diid oo runtii ku guuleystay in UK laga joojiyo Qaadka. "Waxaan laga yaabaa inaad maanta u timaadeen damaashaad iyo inaad xooga maskax caburka iska soo bi'isaan laakiin aniga taasi ma arko. Haddaad u maleeyseen in maanta Soomaaliya ay Waxaa sidoo kale isna musaabidan xuska 1da Luulyo ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ee dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Faarax oo howlo shaqo u yimid dalka Netherlands. Agaasimaha waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan inuu Soomaalida Holland kala soo qeyb galo xuska maalinta qaaliga ee 1da Luulyo, isagoo si kooban uga sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii loo soo galay gobonimada Soomaaliya. Geba gebadii munaasibada ayaa waxaa abaalmarin qaaliya la gudoonsiiyey qaar ka mida ururada howlaha muhiimka u qabtay bulshada Soomaaliyeed, sida Dalmar Foundation oo ku guuleysatay ololaheeda dalka Holland looga mamnuucay Qaadka sanadkii hore ee 2013-ka iyo ololahii Qaad-Diid ee Abukar Cawale ee dalka UK looga joojiyey cunista iyo ka ganacsiga Qaadka sanadkan 2014-ka. 5 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 Warbixinada ururada jaaliyadda S a f i i r k a S o o m a a l i y a U F a d h i y a Wa d a m a d a B e n i l u x I y o Guddiga Fsan Oo Ka Shiray Dhibaatada Qaxootiga By Salah Hassan AMSTERDAM - Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ahna Safiirka Soomaaliya ee Wadamada Benelux (Beljium, Nederland iyo Luxemburg) Dr. Cali Saciid Faqi, ayaa 18-kii bishii May ee sanadkan 2014 waxa uu Magaalada Amsterdam ee wadanka Holland kulan kula qaatay qaar ka tirsan dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland ee iyagu Dowlada Nederland kasoo eryisay xerooyinka Qaxootiga iyo Madaxda Dallada Midowga Ururada Danjire Faqi oo guddiga FSAN kala shiraya arrimaha qaxootiga Soomaalida Soomaalida Holland ee uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay waxa uuna sheegay in muddo badan FSAN. ku sugan yihiin dhibanayaasha, isla ay qaxootigaan ahaayeen kuwo Kulankii ugu horeeyay ayaa waxa uu xarunta SOMVAO ku dhex maray Danjire Faqi iyo Madaxda Dallada FSAN, kaasi oo ahaa mid is barasho, isla markaana loogu hadlayay sidii uu wada shaqeyn buuxda u dhex mari lahaa Safaarada Soomaalida iyo Dallada FSAN, waxaana kulankaasi la iskula qaadaa dhigay in Dallada FSAN iyo Safaarada Soomaalida iskala shaqeeyaan Arrimaha Soomaalida Holland. Kulan-kale oo kaa xigay oo ka dhacay isla xarunta Jaaliyada Soomaalida Magaalada Amsterdam ee SOMVAO, ayna soo qaban qaabiyeen Dallada FSAN, ayaa waxa uu dhex maray Danjire Cali Faqi iyo Dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, iyadoona ujeedka kulankaasi uu ahaa sidii Danjiraha markaana uu ula qeyb-san lahaa dhibaatada heysata. Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Dallada FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare, oo Safiirka Soomaaliya ee wadamada Benelux iyo Midowga Yurub ugu warbixiyay Marxalada ay ku sugan yihiin dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, waxa uuna Dr. Waare Amaan iyo Mahadcelin ujeediyay Danjire Faqi oo isagu muujiyay Dareen Soomaali-nimo iyo mid Mas'uuliyadeed "Safiirka waxa uu Beljium ugu soo safray sidii uu ula kulmi lahaa dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, uuna ula qeyb sanlahaa dareenkooda". Dhinaca kale Wakiil u hadlay dhibanayaasha Qaxootiga Soomaalida Holland, ayaa ku dheeraaday dhibaatada xooga badan ee heysata Soomaalida iyagu laga soo eryay xerooyinka Qaxootiga dalka Holland, dibada jiifan jirey, inkastoo markii danbe goobo kaniisado iyo meelo horey u ahaa xabsiyo la dajiyay, balse waqtigii loo qabtay in goobahaasi ay daganaadaan ay muddo yar ka hartay, isla markaana aan la ogeyn sida ay ku sugnaan doonto xaalada Qaxootiga. "Dadkaan badankood waxa ay dowlada Holland ku heysataa ama ay shaki gelisay Soomaalinimadooda, Danjiraha waxaan ugu mahadcelineynaa dadaalkiisa ku aadan sidii uu dadkaan ugu caawin lahaa warqadaha cadeemaha ee Soomaali ahaan-shiyaha, balse weli waxaa jira caqabad naga heysata dhinaca Dowlada Holland, taasi oo ku aadan in warqado kale nalagu xujeeyo, ama aan la tex-gelin warqadaha ay safaarada inoo sameyso, Mararka qaar waxaa nalagu xujeeyaa in aan A l - Us t a a d A x m e d Na aj i S a c a d o o s i w e y n l o o g u s o o d h a w e e y a y N e t h e r l a n d s (Casho sharaf loo sameeyey) By Salah Hassan AMSTERDAM - Munaasabad Casho sharaf aheyd oo lagu soo dhaweenayay Fanaanka weyn ee Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, ayaa habeenkii 18-kii April ee sanadkan lagu qabtay Magaalada Amsterdam ee wadanka Nederlands, iyadoona xafladaan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Hey'adda HIRDA iyo Jaaliyada Soomaalida Magaalada Amsterdam iyo Nawaaxigeeda ee SOMVAO. Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benulex iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, xubnaha kala gedisan ee Hor-muudyada Ururada iyo Jaaliyadaha dalka Nederlands oo ay ugu horeeyeen Madaxda Dallada FSAN, Aqoonyahano, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Baadil iyo Laki Xaaji Waceys. Khudbado soo dhaweyn iyo Baraarujin isugu jirtay ayaa waxaa halkaasi ka jeediyay, Guddoomiyaha Dallada FSAN ahna Maamulaha SOMVAO, Dr. Cali Cabdi Waare, Danjire Cali Saciid Faqi, Yaasmiin Calas, Ganacsade C/qaadir Nuune, Agaasimaha Hey'adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, Shukri Saciid iyo Xubno kale, kuwaasi oo intooda badan khudbadahooda ku xusay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan Fanaanka Qaran Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad. Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, oo kasoo qeyb galayaasha Munaasabada dib u xasiisiyay waayihii fanka iyo taariikhdii Soomaaliya, isagoona halkaasi kusoo bandhigay suugaan aad u qiimo badan oo soo jiidatay dareenka dadkii kasoo qeyb galay Xaflada. Sidoo kale waxaa iyagana intii ay Munaasabada socotay halkaasi sugaan aad u macaanaa kusoo bandhigay Fanaanka Cabdi Baadil iyo Fanaanada Laki Xaaji Waceys, iyadoona dareenka guud ee Munaasabada ay aheyd mid farxad iyo soo dhaweyn ay ka muuqatay. Ugu danbeyn Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA Drs. Faadumo Faarax ayaa halkaasi waxa ay Abaal cadeymo u keenno, ka imaashiyaha deegaanada aan kasoo jeedno" Ayuu yiri Wakiilka u hadlay dhibanayaasha Qaxootiga Soomaaliyeed. "Qaar ka tirsanaa dadkii dhibkaan nala qabay si qasab ah ayaa dalkii loogu celiyay, mid ka mid ah wiilashii la celiyay waxa uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho, dalkeena weynu jecelnahay, waxaana diyaar u nahay in aan ku laabano hadii xaalka uu haatan dalka ku jiro wax iska badalo, balse marxlada uu haatan dalka ku jiro waa mid muuqata in aan dib loogu laaban karin, sidaasi daraadeed waxaan Dowlada Federalka Soomaaliya ka codsaneynaa in si toos ah Dowlada Holland ula soo xariirto, kuna wargeliso in aan xilligaan dalka oo marxaladiisa sidaan ah aanu dad si qasab ah loogu celin karin" Ayuu yiri. Shukri Xasan Saciid oo u olaleysa sidii wax loogu qaban lahaa dadkaan qaxootiga ku dhiban dalka Holland, ayaa dhankeeda ka hadashay marxalada adag oo ay qaxootigaan ku jiraan, iyadoona dareen qiiro leh ku muujisay dhibaatooyinka dumarka ay kala kulmaan marxaladaan ay ku sugan yihiin, caafimaad darrada iyo daryeel xumada dadkaan heysta, waxa ayna Dowlada Soomaaliya ugu baaqday in ay fara-gelin cad ku sameyso marxaladaan. Ugu danbeyn waxaa kulankaasi ka hadlay, isla markaana khudbad si weyn loo wada dhowrayay ka jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta midowga Yurub, ahna Safiirka Wadamada Benelux Dr. Cali Saciid Faqi "Runtii imaashiyaheega maanta iyo kulankaan, marin ku guddoonsiiyay Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyadoona Munaasabada lagu soo dhaweenayay Axmed Naaji Sacad ay aheyd tii ugu horeesay oo nuucaan oo kale ah oo ka dhacda Magaalada Amsterdam ee dalka Nederlands. waxa uu la xariiraa sidii aan idin la qeyb-san lahaa dhibta aad ku jirtaan, waan dareemi karaa qof qaxootiga ah oo wadan qabooban jooga hadii dibada la dhigo dhibaatooyinka uu la kulmi karo, balse waxaan idin cadeynayaa in Safaarada Soomaalida ee wadamada Benelux ay si weyn ugu damqaneyso xaalada aad ku jirtaan", "Maanta waxaan jeclahay in aan idin cadeeyo Safaarada Soomaaliya ee wadamada Benelux waxa ay diyaar u tahay in ay cadeyso Qof kasta oo qaxooti Soomaali ah, ayna u fududeyso warqada sugnaanta Soomaali-nimo iyo tan dhalashada, balse waxaan codsanayaa in aad ila shaqeysaan si iyaduna aan u fududeyno waxii warqado ah oo intaasi dheer" Ayuu yiri Danjire Faqi. "Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Dowlada Nederland magan-gelyada ay siisay kumanaanka Soomaalida ah, balse waxaan usheegayaa in Dowlada Soomaaliya aysan xilligaan awoodin in Qaxooti ay dalkeeda ku ceshato, raalina kama nihi in qaxooti Soomaaliyeed in si qasab ah dalka loogu celiyo, waxaan leeyahay dib noogu dhiga arrintaasi, waan kala hadli doonaa madaxda wadanka Nederland" Ayuu yiri Dr. Faqi. Waxaa uu gaba-gabadii kulankaasi Dajire Dr. Cali Saciid Faqi u mahadceliyay Madaxda Dallada FSAN ee kulanka soo qaban-qaabisay, isagoona qaxootiga ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dallada FSAN, maadaama xilligaan uu si toos ah u bilawday wada shaqeyn buuxda oo dhex maraya Dallada FSAN iyo Safaarada Soomaalida ee wadamada Benelux. 6 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 barbaarinta toosan ee ubadka Muhiimadda Af Soomaaliga Qaybta 1aad ee barbaarinta ubadka W.Q: Abdikarim Mohamud Qoraa iyo Barre Barbaarinta ubadka Da’doodu 12 sano ka hoosayso M HORDHAC ahad oo dhan ILAAH weyne baa iska leh. Nabad iyo naxariisna nabigeenna (scw) korkiisa ha ahaato. Intaa ka dib waxaan jeclahay inaan qoraalkan ku soo gudbiyo warbixin ku saabsan barbaarinta ubadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ubadka bulsho aan diin,dhaqan iyo Af la wadaagin ku dhex barbaaraya. Qoraalkan oo noqon doonaa taxane, waxaan ku lafa guri doonaa barbaarinta ubadkeenna oo ah waxa ugu muhiimsan uguna dhibka badan howlaha qofka bani aadamka ahi uu qabto. Sababta keentay inaan qoraalkan diyaariyo waxay la xiriirtaa, markii aan arkay in qaabka dadka Soomaalidu ay ubadkooda u barbaariyaan intiisa badan uu yahay mid ilmaha dhibaatooyin u gaysta. Iyadoo waalid kasta ay u jeedadiisu tahay wax wanaaji ayaa nasiibdaro waxaa jiro dhaqan barbaarineed adag oo bulshadeennu wax ku tarbiyeeyso. Waxaa suurtagal ah in marxaladda mugdiga ah ee bulshadeenna dhan walba kaga habsatay ay lug ku leedahay barbaarinta ilmaha Soomaaliga ah uu qaato. Sidaa darteed suurtagal ayay noqon kartaa in dhibaatada maanta bulshadeenna haysata xiriir la leedahay qaabka aan u korinno ilmeheenna, kaasoo ah mid ay ku yartahay naxariista iyo ixtiraamka ilmaha. Muddo 10 sano ku dhow oo aan ku howlanaa arrimaha caruurta Soomaaliyeed iyo xallinta dhibaatooyinka waalidka ka haysta ubadka, ayaan waxaan helay xog farabadan oo ku saabsan barbaarinta ilmaha Soomaaliyeed. Waxaan arkay in saddexda meelood oo ka mid ah meelaha uu ilmaha soomaaliaga ah tarbiyada ka qaato, kuwaasoo kala ah Guriga, dugsi quraanka iyo iskuulka, qaabka tarbiyada ee ilmuhu meelahaas aan sheegay ku qaataa waa mid runtii naxariista iyo ixtiraamku ku yaryahay. Waxaa dhacdo in haddii ilme yar uu qalad galo, qaabka inta badan lagu saxaa uu yahay mid ay ku jirto canaan yasid ah iyo dil uu huruuf ku dhafan yahay. Guriga: Waxaa in badan dhacda in iyadoo la fiirin ilmuhu qaladka uu galay sababta keenaty, in horay looga billaabo canaan, aflagaaddo iyo gacan qaad. Arrintaas oo ugu horrayntii ka hor imaanaysa diinta islaamka. Waayo waxay diinteenu ina faraysaa haddii qof qalad uu ka dhoco in marka hore la is barbardhigo qaladka uu galay iyo Wanaagii qofkaasi hore u lahaa. Haddii wanaag badan lagu yaqaannayna waa in loogu naxariistaa wanaagiisii. kana soo aflaxay hadduu madax, sheekh, Bare, siyaasi, aqoonyahan iyo bulshada heerarkeeda kala duwan inoo noqdo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATIGA YAR KAN WEYN SAANQAADKIISA AYUU LEEYAHAY. Arrintan way inaga maqantahay inteenna badan. Tusaale arrintaan ku saabsan baa wuxuu Waxaan shaki ku jirin inay lamahuraan tahay yahay mid ku tusaya meesha ay barbaarinteenu inaan dib u eegno hab ubad barbaarinteenna, iskuna dayno inaan ilaha barbaarinta wax ka salka ku hayso. beddelno, si jiilalka soo socda u helaan barHaddii ilmahaaga yar aad tiraahdo biyo ii keen, baarin tayo leh. ee intuu jikada aado koob biya ah kuu soo shubo, marka uu kuu soo dhowyahay koobkii ka baxsado biyihii daataan, koobkiina jabo, waalidka soomaaliga ah waxay u badantahay inuu ilmahaa yar ku qayliyo ama caayo amaba dharbaaxo ugu daro. Ilmahaa yar wanaag badan oo uu waalidkii u sameeyay oo ay ka midyihiin inuu dhagaystay, u soo adeegay waxaa ka xoog batay qaladkaa yar ee ka dhacay oo laga yaabo inay keentay sabab kale. Maxaa waalidka Soomaaliga ah xaaladdan oo kale la gudboon inuu sameeyo: • Inuu ilmihiisa yar dejiyo intuu madaxa u salaaxo u mahadceliyo una duceeyo. Ubadku waa hantida ugu qaalisan ee ay umadi leedahay. Waa indho doogsiga maanta iyo rajada berrito. Haddaba hadii ay sidaa tahay waxaa nalooga baahanyahay inaanu ka fekerno sidii aan ku soo saari lahayn fac aynu ku faanno, xaaladda mugdiga ahna ka saara bulshadeenna. Ujeedadaydu marna ma aha inaan dhaqankeena iyo hab ubad baraarinteenna ceebeynayo. Ujeedkaygu waa inaan bulshadeyda la wadaago fikirkayga, kuna dhaliyo in waxyaabaha qaar sixid u baahanyihiin, kana wada fekerno habkii aan ku sixi lahayn. QODOBKA koowaad: Afka Soomaaliga. Qoraalkan taxanaha ah qaybtiisa koowaad waxaan kaga hadli doonaa muhiimadda Afka • U sheego inuu ku faraxsanyahay inuu ilmuhu Soomaaliga u leeyahay barbaarinta ubadka dhagaystay una soo adeegay. Soomaaliga ah. • Koobka jabay aruuriyo biyahana tirtiro. • Ilmihiisana ka dalbado inuu koob kale oo biyo ah u keeno. Waxaan rumaysnahay haddii waalidka Soomaaliga ah intan iyo in ka sii wanaagsan sameeyo, in xiriirka isaga iyo ilmihiisa sii wanaagsanaanayo, ilmaha yarna ay cashar lama iloobaan ah u tahay, kuna barbaarayo inuu dadka kale sidaa ula dhaqmo. Dugsiga iyo iskuulkaba ardayda gacan ka hadal iyo canaan ayaa lagu saxaa hadday si wanaagsan wax u baran waayaan, amaba qalad ka dhoco. Ilmaha yar habdhaqankan wuu ku dayanayaa inta uu yaryahay, markuu weeynaadana wuu dhaqangelinayaa, haduusan helin dhaqan kale oo ka bedela wixii uu yaraantii ku barbaaray. Macallimmiintu inta badan ma eegaan xaaladda gaar ahaaneed ee ardayga. Awoodda waxbarasho ee ardaydu isku mid ma ahan, sidoo kale xaaladda guriga iyo deegaanka ardayda ku xeeranna way kala duwantahay. Waxaa habboon in macallimmiintu ogyihiin xaaladda gaar ahaaneed ee arday walba, si ay u miisaamaan awoodda waxbarasho ee arday walba, una fahmi karaan sababaha keenaya haddii arday khalad ka dhoco. Su’aasha is weeydiinta mudani waxay tahay maxaan ka filaynaa ilmihii yaraa ee guriga, dugsiga iyo iskuulka kor ku xusan ku soo barbaaray Luuqada waa furaha isfahmka. Waaliddiinta Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah intooda badan, inkastoo uusan jirin tirokoob rasmi ah 90% afkooda hooyo waa Af Soomaaliga. Taa waxaa liddi ku ah caruurtooda. Ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhasha ama ku barbaaraya 100% afkooda hooyo waa luqadda waddanka ay ku barbaaraan. Arrintan waxay caqabad ku tahay isfahamka waalidka iyo caruurtooda. Haddiiba ubadkaaga aydaan is fahmayn way adag tahay inaad tarbiyayso. Haddaan rabno inaan ubadkeenna diinteenna iyo dhaqankeenna suuban dhaxalsiinno, waa in isfaham buuxa oo xagga luuqadda ah la helaa. Siyaabaha isfaham waalidka iyo ubadkooda lagu heli karo waxaa ka mid ah: • In waalidka si fiican u bartaan Afka ay ubadkoodu ku hadlaan, waana kan waddanka ay ku barbaarayaan. • In ubadka Af Soomaaliga si wanaagsan loo baro. Haddii midda hore inoo fududahay dhibaataba ma jirteen. Sidaa daraaddeed waxaan laga fursanayn in ubadka Af Soomaaliga si fiican loo baro. .......La soco Qeybta kale iyo daabacaada dambe 7 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 qurbaha iyo doorka haweenka Soomaalida Z ahra Nale ye o o ka qe y b gashay shirka c aalami ah o oka d hac ay Burk ino Faso haweenka” Z ahra Siyaad Naaleeye oo dalada FSAN ee mideysa ururada Soomaalida ee dalka Netherlands u qaabilsan arrimaha difaaca xaquuqda iyo horumarinta haweenka Soomaaliyeed ayaa wareysi ay siisay wargeyska FSAN waxay faahfaahin ka bixisay shir caalami ah ay kaga qeyb gashay dalka Burkino Faso ee galbeedka Afrika, kaasoo looga hadlayey dhibaatooyinka dhinaca xaquuqda ee dumarka Afrika. tay baaris ay ka sameysay Somalia, taasoo ciwaan looga dhigay 'Somalia oo ah meesha ugu xun ee hooyo lagu noqdo'. "Runtii waa wax aad looga xumaado,loogana murugoodo, ciwaanka warbixintaasi, laakiin waa wax jira, waxayna warbixintu taabanaysaa heerka dhibaatada haysata hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Somalia. Sababta warbixintan waxay ku saleeyeen dhinaca caafimaad-darada, sida in Somalia ay tahay dalka ugu umul-raacashada badan, macnaha hooyooyinka ku geeriyooda foosha." ayey tiri Zahra oo intaa ku dartay inuusan Soomaaliya ka jirin daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah, dadkuna aysan awoodin inay tagaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo qaali ah." Zahra waxay sheegtay in shirkaasi oo qabsoomay 24 ilaa 26 April ay uga qeyb galeen, iyada iyo Shamso Xasan, magaca Soomaalida Netherlands, aadna loogu soo Zahra waxay sheegtay in warbixintan Zahra oo ka qeyb galaysa shirka xaquuqda haweenka ee ka dhacay Burkino Faso dhoweeyey halkaasi. ay ka tarjumayso xaqiiqda dhibaShirkaasi waxaa sanadkan si weyn looga dooday sidii atooyinka haysta dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dagaal wada-jir ah loogaga hortagi lahaa gudniinka Waxay sheegtay in shirkaasi uu soo abaabulay ururka gudaha dalka. hablaha oo si looga isticmaalo qaarada Afrika, gaar Inter African Committee oo u ololeeya la dagaalanka ahaan Soomaaliya oo warbixino baaritaan ah oo sancaadooyinka xun xun, sida gudniinka, guurka qasabka "Dhibaatada ugu badan ee dalka ka dhacday soo gaaradkan la sameeyey oo xaga sare ka galay dhibaatada IWM. “Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin tay haweenka sida gudniinka, kufsiga, wiilkeeda ama gudniinka uu ku hayo dumarka. firfircoon ay ka aheyd ururkaasi burburkii dalka ka hor, ninkeeda oo laga dilay, gaajo iyo rafaad iyo agoon koris gaar ahaan ururkii haweenka Soomaaliyeed, waxaana oo aany jirin cid ka caawinaysa sidii ay ay uga kabsan "Xaaska madaxweynaha Burkino Faso iyo hay'ado ururkaasi 1984-tii lagu aasaasay magaalada Dakar ee laheyd dhibaatadaasi." ayey tiri Zahra. caalami ah oo shirkan ka soo qeyb galay ayaa sameyeen caasimadda dalka Senegal, laakiin waxa ay xaruntibalanqaadyo ku saabsan sidii dagaal loogu qaadi lahaa isa ugu weyn ay ku taala magaalada Addis Ababa ee Qaxootiga cusub gudniinka, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan Mar wax laga weydiiyey dhibaatooyinka la soo dersa qaxootiga Soomaalida ku cusub yihiin nolosha dalka Netherlands iyo xalkeeda, ayey waxay Zahra sheegtay in qofka uu maanka ku hayo inuu yimid dal dhaqan, diin iyo midab ahaan ka duwan. caasimadda Ethiopia, waxaa kaloo in la xuso mudan in 1988-tii shir-weynaha ururkaasi lagu qabtay magaalada Muqdishu, kaasoo ay waqtigaasi ka soo qeyb galeen 29 wadan oo African ah oo ururkaasi xubno ka ah,” ayey tiri Zahra oo ka sheekeenaysay taariikhda Soomaaliya ay laheyd ururkan Inter African Committee. Shirkan oo ah mid la qabto saddexdii sanaba mar, ayaa waxaa ka qeyb gala golaha guud ee ururka Inter African Committee, waxaana looga doodaa dhibaatooyinkii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo xalkooda, iyo waliba qorshayaasha saddex sano ee soo socota. "Shirkaasi waxaan uga qeyb galay anigoo matalayey dalada ururada Soomaalida ee FSAN, waxaana aad uga xumahay inuu banaanaa kursigii loogu tala galay Soomaaliya, inkastoo markii dambe aan aniga iyo Shamso iskala qeybinay oo markaa Shamso ay ku fariistay kursigii Soomaaliya, aniguna aan mataleyey Soomaalida Netherlands." ayey tiri Zahra. Mar la weydiiyey sababta ay dowlada Soomaaliya uga maqneyd shirkaasi caalamiga, ayaa waxay Zahra sheegtay. "Runtii waxay qoladii shirka qaban qaabisay ee InterAfrican Committee ay ii sheegeen inay dowlada Soomaaliya ay shirkan ku casuumeen, laakiin nasiib daro aysan jirin wax jawaab ah oo ay heleen, markaa waa wax laga xumaado arrintaasi," Shirkan waxaa kaloo ka soo qeyb galay wafuud ka kala socotay Jabuuti, Ethiopia iyo Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale. qeybaha bulshada Afrika, si loo yareeyo dhibaatada gudniinka uu ku hayo aduunka," ayey tiri Zahra. Maadaama gudniinka uu dhibaatada ugu badan ku hayo hablaha Soomaalida, ayaa Zahra waxay ku celcelisay in ololaha ka hortaga caadadan xun ay ka qeyb qaataan culimada iyo dhamaan aqoonyahanada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsamayo bay tiri warbaahinta. Waxay kaloo Zahra sheegtay in dowlada federaalka ee hada jirta iyo dhamaan maamulada ka dhisan gobolada looga baahan yahay inay qeyb weyn ka qaataan ololaha ciribtirka gudniinka oo lagu daro dhamaan howlaha mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka. "Waxaan og nahay in meelo badan oo Somalia ka mida ay ka socdaan howlo la xiriira arrimaha bulshada sida waxbarashada dugsiyada, gargaarka iyo mashruucyada horumarinta deegaanka, marka waxaa haboon in howl kasta oo la qabanayo qeyb ka mida laga dhigo joojinta gudniinka, dadkana miyi iyo magaalo lagu wacyi geliyo dhibaatada gudniinka uu u leeyahay nolosha bani'aadamka," ayey tiri Zahra. "Waxaan ku dhaliiyaya dowlada federaalka inay arrintaasi si weyn uga gaabisay oo ay ku mashquushay khilaaf iyo waxyabo aan loo baahneen," Dhibaatada Hooyada Zahra waxay kaloo aad ugama xumaatay warbixin ay bilo ka hor hay'ada Save The Children ka soo saar- "Horta waxaa xusuus mudan inaan isku sheegno inaan imaanay dal aan nagu af, diin, dhaqan iyo midab toona aheyn, isla markaana aad uga cimilo duwan Afrika, maalin qorax, maalin roob, maalina baraf, oo qaraabana aysan kuu joogin laakiin aad haysato nabadgalyo, waxbarasho iyo waxaad ku noolaato. Waxaa marka looga baahan yahay qofka dalkan ku cusub oo maskaxda ka shaqeysiiyo oo uu isku dayo inuu is dhexgal la sameeyo bulshada Dutch-ka oo uu noqdo qof furfuran oo wax badan ka ogaada sharciga, nolosha iyo dhaqanka dalkan iyo waliba sida ugu haboon ee uu uga faaíideyan karo fursadaha jira." ayey tiri Zahra. "Horta qofka marka uu da' yar ku soo galo dalkan, waxaa ka masuul ah dowlada oo gacanta ku haynaysa ilaa uu ka gaarayo da'da qaangaarka ah ee 18 jirka, markaa ka dib ayuu qofa xor u yahay noloshiisa iyo inuu isaga go'aan ka gaaro mustabalkiisa oo ku dadaalo inuu waxbarto, waliba dadka dhalinyarada waxay haystaan fursad weyn oo ah inuu sameeyo (Opleiding) tababar waxbarasho oo uu barto maadada uu doonayo oo markaasi uu mustabalka ku shaqeysan karo uuna ku anfici karo noloshiisa iyo tan reerkaba." ayey intaasi raacisay Zahra. Waxay sheegtay in dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jira raga iyo dumarba ay la qabsan waayeen nolosha cidlada ah maadaama ay u barteen nolol bulsho wada-nool, taasina ay ku sababtay isla hadal iyo buuq xaga maskaxda ah oo aakhirkii ku keenay inuuba isaga laabto Soomaaliya oo markii uu kaga soo cararay nabadgalyo xumo. Si arrintan looga gudbo, waxay baaq u jeedisay ururada Soomaalida ee ka dhisan magaalooyinka dalkan Netherlands inay la socdaan xaalada Soomaalida cusub ee lagu dejiyey tuulooyinka fog fog oo ay u sameeyaan barnaamijyo dadkaasi looga caawin karo xaga barashada luqada iyo isdhexgalka bulshada Dutch-ka. 8 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 la dhaqanka bulshada dutch-ka Maa l i nta Dhaqan k a S o om a a li d a O o L a g u Q abt ay D a l k a Hol l an d -Warbixin Faa hf aa hs an- By Abdishakur Elmi Xaflad ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga ururka Jaaliyadda Soomaalida ee ka dhisan magaalada Zwolle ee waddanka Holland ayaa bishii April ee sanadkan lagu qabtay isla magaaladaasi, waxaana xafladan oo aheyd mid ka mid ah xafladaha ugu ballaaran ee Soomaalida Holland ku dhaqan ay isugu timaado ka soo qeybgalay marti sharaf Soomaali & Dutch isugu jira. Xafladaasi waxaa loogu magac-daray (Maalinta dhaqanka Soomaalida), waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddi ka socday dowladda hoose (Gemeente huis) Zwolle, waxaana heeso waddani & talantaali ah ku maaweelinayey ka soo qeybgalayaasha fanaaniin uu horkacayey fanaanka Cabdi Baadil Ibraahim, oo dad badan oo xaflada ka soo qeybgalay soo xusuusiyey waayo waayo & maalmihii wacnaa. C/qaadir Maxéd Abuukar oo ka mid ah aasaasayaasha ururka Soomaalida, wuxuu daah rogay, si mug lehna ugu iftiimiyey dadkii madasha ku sugnaa taariikhda Soomaaliya, isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey guud ahaan taariikhda & xadaaradda Soomaaliya, taas waxaa si weyn uga faaķdeystay da’yarta Soomaaliyeed ee ku dhashay, ama u hana-qaaday waddanka Holland, waxaana C/ qaadir isaga oo isticmaalayey (Khariirad) uu si cilmiyeeysan u hoga-tusaaleeyey halka ay Soomaaliya juqraafi ahaan Afrika kaga taal,waxyaabaha ay caankaku tahay & marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay. “Soomaaliya 10 jeer ayeey ka weyn tahay Holland, wadan kasta wuxuu leeyahay dhaqan u gaar ah, dhaqanka waa aqoonsiga (identity) qofka” ayuu yiri C/qaadir Maxéd Abuukar. AVV. Muuse Xersi oo ah rug cadaa muddo dheer ka soo shaqeeyey ururada Soomaalida, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee seeska u dhigay Jaaliyadihii ugu horreeyey ee Soomaalidu sameysato, wuxuu ku ammaanay Jaaliyadda Zwolle in si weyn ay u soo jiidatay dareenkiisa markii uu arkay habka quruxda badan ee ay u soo bandhigeen Hidaha & dhaqanka Soomaalida. “Waxaan ka socdaa ururka SOMVOA ee Jaaliyada Amsterdam oo aad wada garaneysaan, xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeya Jaaliyadda Zwolle, waxyaabo badan inaan iska kaashano ayaanu ku balanay, in badan ayaanna caawa idinka faaķdeystay, dhaqanka sida aad u weyneyseen aad ayaan uga farxay” ayuu yiri Garyaqaan Muuse, wuxuuna ku booriyey Jaaliyadda in ay halkeeda ka sii wado dedaalkooda. Col. Shariif Cabdiwaaxid oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kana gaaray ciidanka darajada korneyl, ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Zwolle & nawaaxigeeda wuxuu u mahadceliyey dhammaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maanta ay ku beegneyd markii la aasaasay. “Maanta waa maalin farxad weyn leh 12-kii Aprill ayaa la aasaasay xoogga dalka, markii hore waxaa lagu aasaasay 2 kun oo la dhihi jiray Cali boobaaye markii dambe wuxuu noqday Afrika dowladda 3-aad ee ugu xoog roon, aad & aad ayaan ugu hambalyeynayaa dadka Soomaalida meesha jooga” ayuu yiri Col. Shariif Cabdiwaaxid. Fanaanka Cabdi Baadil Ibraahim oo heeso waddani ah & kuwa talan-taali ah ku madadaalinayey dadkii ka soo qeybgalay ayaa intii ay khudbaduhu socdeen wuxuu dhex-taal kaga dhigayey heeso waddani ah, waxaana dadkii munaasabada ka soo qeybgalay ay kulligood isla qireen Cabdi Baadil inuu fannaaniinta kale kaga duwan yahay inuu yahay shaqsi laga dhadhansan karo jaceylka dalkiisa & dadkiisa, waxaana heesaha waddaniga ah ee uu ku luuqeeyey Cabdi Baadil ka mid ahaa ALLAA WEYN, Jecliyaaye Jamaad dhulka hooyo, xornimo aan ku joogee & heeso kaleoo fara badan. “Dad badan ayaa u dhintay magaca SOOMAALI, magacaas sharaftaas inoo soo jiiday wuxuu naga mudan yahay inaan ubadkeena fahamsiino qiimahiisa, fanaaniinta waa guubaabin jireen ciidamada, waxaa ka mid ahaa fanaaniinta ciidamada guubaabin jiray AUN Maxéd Saleemaan (Tubeec)” ayuu yiri Cabdi Baadil Ibraahim. Dr. Cali Cali Waare oo madax ka ah Dallada FSAN oo ah dallad ay ku mideysan yihiin guud ahaan ururada Soomaalida ee Holland ka dhisan ayaa ka mid ahaa martidii madasha ka hadashay, wuxuuna Cali Waare u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey munaasabada. ``Waddankan Soomaalida ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 35 kun ilaa 40 kun, dadkaasi ma ahan dad meel wada degan, dadka magaalooyinka degan way is uruurin karaan, Soomaalidu waxey wax ku gaari kartaa isku duubnida & iskaashi” ayuu yiri Dr. Cali Waare. Dr. Cali Waare wuxuu kaloo sheegay inuu si shaqsi ah xanuunka & dhibaatada ula qeybsanayo Soomaalida xabsiyada Kenya ku xiran, wuxuuna dowladda Kenya u soo jeediyey in ay xaq dhowrto heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha oo Kenya ay ka mid tahay dalalkii wax ka saxiixay. “Anigoo aan dooneyn inaan ka hadlo mowduuc siyaasadeed, haddana waxa Kenya ka dhacaya & dhibaatada dadkeena loo geysanayo ma ahan wax la si daawan karo, waxaan ka xumahay dhibaatada loo geystay, ilaa haddana lagu hayo dadka Soomaaliyeed. Dowladda Kenya waa dowlad madax-bannaan oo ciddii ay doontana diidi karta ciddeey doontana soo dhoweysan karta, sidaas oo ay tahayna waxey Kenya xubin ka tahay dowladaha caalamka ee heshiisyada caalamiga ah wax ka saxiixay, in dad shicib ah la soo xirxiro oo sidii xoolihii inta meel la isugu geeyo la yiraa waa argagixiso wax dareenkeenu fiirsan karo ma ahan” ayuu yiri Cali Waare. Canab C/llaahi oo loo yaqaan (Istaahil) oo ka tirsaneyd gabdhihii ciyaaraha kubadda koleyga Soomaaliya, una soo ciyaartay Kooxdii Jenyo, ayaa dadkii ka maqsuuday sida loo soo bandhigay Hidaha & dhaqanka Soomaalida aad u soo dhoweysay, waxeyna sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Soomaalida ay kala soo qeybgasho iyaga oo maamuusaya dhaqankooda. ``Anigu waxaan ka mid aha gabdhihii kubadda koleyga Jenyo, 22 sano ka hor ayaa igu dambeeyey Soomaaliya Qarankii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ayaan u soo ciyaaray`` ayey tiri Istaahil. Axmed Cabdi Maxśud (Axmed Hayaan) oo ah aqoonyahankii ugu horreeyey ee hurdada ka kiciyey Jaaliyadda Zwolle & nawaaxigeeda, kuna baraarujiyey Soomaalidu in ay wax la qabsadaan dadyowga kale ee kheyrkooda ah, ahaana Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Jaaliyadda ayaa looga mahadceliyey halkii uu soo gaarsiiyey howsha ururka, waxaana Axmed Hayaan oo hadalo kooban madasha ka jeediyey uu sheegay in tillaabooyin dhowr ah horay loo qaaday, balse aan la gaarin hadafkii & baahidii ururka loo aasaasay aan weli la gaarin. C/qaadir Cali (Nuune) oo Madax ka ah xilligan ururka Jaaliyadda Soomaalida, ahna aqoonyahan magac weyn ku dhex leh Soomaalida Holland, isaga oo ka warbixinayey hadafka ururkooda wuxuu sheegay in ururkoodu ka shaqeeyo isku xirka Soomaalida & is-taakuleynta dhexdooda ah. “Waxaan dooranay inaan qaadno dariiq ka duwan dariiqa ururada kale ee Soomaalida, waxaan diyaarineynaa inaan isku xirno dhammaan da’yarta Soomaaliyeed ee waxarashadoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed ee degan Magaalooyinka Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow, si dhexdooda ay isu caawiyaan, u kala fikrad qaataan, waxaa jira dhalinyaro waxbarashada meel wanaagsan ka gaaray jecelna in ay u faa’iideeyaan dadkooda, iyaga ayaa isku xirkaas naga codsaday” ayuu yiri C/qaadir Nuune wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu tahay mushtamac dhinac marka laga eegana uu ILLAAHEY ku maneystay qalbi furnaan, isku naxariista, haddana dhibaatada haysataa ay tahay dantii gaarka aheyd ayaa waxaa nagala weynaatay tii shaqsiga, qabiilkii ayaan ka door-bidnay Qaranimada, waxaan saqiir iyo kabiir noqotay dad calanka u qaatay in ay iyagu is feyla gooyaan. “Kuwa fursada u helay in ay qurbaha yimaadaan ee soo gaaray Yurub, gaar ahaan dhalinyarada waxaan u soo jeedinayaa in ay maskaxda ku hayaan dalkooda, gacanna ka geystaan nabadeyntiisa, waxaa jira dad hal qabsi ka dhigtay waxaan dalka ku laabanayaa marka uu nabad noqdo, qof kasta oo Soomaali waxgarad ah waxaa ku waajib ah inuu (conterpution) ka geysto nabadeynta dalkiisa, 23 sanno oo ay Soomaali dhexdeeda xabbada isla dhaceysay maanta horumarka yar ee la gaaray wuxuu yahay qabiilkii inuu sii dhammaanayo inkastoo weli uu ku harsan yahay dadka qaar, haddana dhainyarada aan anigu ka midka ahay waxaan leeyahay walaalayaalow gurigeena (DALKEENA) cid kale inay inoo hagaajiso dhici meysee, aan si wadajir ah uga qeybqaadano inaan dadkeena walaaleyno, kana qeybaadano dib u dhiskiisa & horumarkiisa” ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuu intaa ku daray in dalkii uu ka soo tegay isaga oo aad u da’ yar, riyadiisuna ay tahay inuu dib ugu laabto, wixii uu qurbaha ka soo kororsadayna uu geeyo halkaasi. Nuune wuxuu sheegay in Soomaalida, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool in qaarkood dhibaatooyin ay kala kulmaan qurbaha, gaar ahaan fahamka dhaqanka, barashada luqada, la qabsiga bulshadda, dhibaatooyinkaas oo jira haddana in ay soo badanayaan Soomaali kale ee meherada ka dhigtay in ay Soomaalidii walaalahood ahaa ceebo u yeelaan. “Soomaaliya maadaama ay ku raagtay fowdo & xasilooni darri, haddii aad aragto mar dhow dad ku leh Soomaaliya halkeey qariirada adduunka kaga taal ha la yaabin, waayo sidii adduunku inoo ciyaarsiinayey annagana aan rasaasta ugu ciyaareynay ayaan ku dhownahay in qariirada adduunka na laga tirtiro” ayuu yiri Nuune, wuxuu talo ugu soo jeediyey Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa magacii & sharaftii Soomaali ay lahaan jirtay. C/qaadir Nuune wuxuu kale oo uu ka hadlaya wadashaqeynta ka dhexeysay Jaaliyadaha ku mideysan ururkooda. “Jaaliyadaha ku mideysana ururkan, waa ummad walaala ah isku xiran, isku dan ah heel meel na u wada jeeda” ayuu yiri Nuune. Gabagabadii waxaa jiray shaqsiyaad isugu jira rag & dumar oo lagu abaalmariyey abaabulkii ay ka geysteen qabsoomida munaasabada, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Aqoonyahan Cabdirisaaq Zeylac oo kaalintii uu ka qaatay qabanqaabada ka sokow, haddana door weyn ku lahaa soo bandhigista qalabka hidaha & dhaqanka Soomaalida. Zeynab Saalax. Agabka dhaqanka iyo hidaha Soomaalida 9 Daabacaada 2aad Cadadka 2aad Taariikhda 15 Luulyo 2014 fariin-caafimaad H ayáda dalka Netherlands u qaabilsan dhinaca caafimaadka bulshada ee GGD iyo Dalada ururadda Soomaaliyeed ee FSAN waxay ogeysiinaysaa Haweenka Soomaaliyeed ee dalkan in loo sameeyey xarumo ay u tagi karaan la tashiyo dhinaca caafimadkooda ah, gaar ahaan cudurada haweenka. Haddii aad tahay gabadh/haween, aadna dareemayso in ay dhibaato caafimaad kaa haysato gudniinkii lagugu sameeyey, waxaad tagi kartaa xarunta kuugu dhow ee la talinta caafimaadka oo ay diyaar kuugu tahay kalkaaliye caafimaad oo kula eegaysa waxaad u baahantahay. Waxaa talooyin lagaa siinayaa sidii dhibkaan aad uga bixi laheyd ama laguugu sii gudbin lahaa dhakhtar takhasus u leh xanuunka ku haya daaweyntiisa. Haddaba waxaa xarumahan lagaaga furay magaalooyinka hoos ku qoran adigoo kala xiriiraya telefoonadda hoos ku qoran: Den Haag Nijmegen Eindhoven Groningen, Drenthe iyo Friesland GGDNoord-en Oost-Gelderland, Apeldooran Rotterdam Waxay haweenku tagayaan isbitaalka Hagazienkenhuis, maalinta Isniin saacada 9.00 ilaa 12.30 durhurnimo. Kala xiriir mobiil lambar. 06-47 00 87 93 Waxaad tagi karaan isbitaalka Catherina ziekenhuis maalmaha subaxa Arbacada iyo subaxa Jimacaha saacada 9.00 ilaa 13.00 duhurnimo, kala xiriir mobiil lambar 06-54 34 80 03. Waxay dumarku la xiriir karaan maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada, saacada 10.00 ilaa 12.00 duhurnimo Teleefoon lambar 088 443 33 44 Waxay haweenku tagi kartaa xarunta caafimaad ee Toine LagroJanssen oo ku dhex taala jaamacada caafimaadka ee UGC, kala xiriir Teleefoon lambar 024-322 43 40 Waxay haweenku balan ka samaysan karaan mid ka ah shanta dhakhtar ee Noord Nederland: Teleefoon lambar (0900-736 73 66) ama emailkani : vgv@sensenoord.nl) Haweenka waxay balan ka sameysan karaan mobile lambar 06-52 74 99 24. Regio Hart voor Barabant (Tilbug & Denbosche) Waxay haweenku wici karaan kalkaaliye caafimaadka ee barnaamijka sense Telefoon lambar (0900-369 69 69) Ogow i n a a d h e s h o ta l o - b i x i n c a a f i m a a d w a a u m u h i i m n o l o s h a a d a ! 10 Daabacaada 2aad aragtida aqoonyahanka jaaliyadda Cadadka 2aad Arrimaha Welwelka Iyo Walbahaarka Ku Keena Qofka Qaxootiga Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto. M.Farah Aden (Ghandi) Qoraa-sare axa iyo Qoxootigu waa wax ILLaahay laga hoos galo oo laga ducaysto ,sababtoo ah qofna ma jecla in gurigiisa uu ka qaxo,hadii ayna ku kalifin duruufo gaara ,marka dhibaato ay dhacdo ee dadku qaxaan waxa ay aadaan deegaan xasiloon oo ay ku badbaadaan, dabadeedna waxay raadiyaan sidii ay u samato bixi lahaayeen ee ay u heli laaheeyen kaalmooyin bani'adanimo iwm.sidaas awgeed dadku marka ay qaxaan wax ay isugu jiraan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka koobantahay , iyadoo marka ugu horaysa loo kala saaraa qoxootiga labo qaybood oo kala ah sidan:- Q A). Qoxootiga wadanka gudihiisa ku ah Qoxooti oo u sii kala baxaya Qoxootiga reer Baadiyaha ah (Rural Refugees) iyo Qoxootiga loogu yeedho baro kacaayaal ( Displaced refugees). B). Qoxootiga Reer Magaalka ah ( Urban Refugees) Qoxooti Wadammada dibeda u hayaama ee loogu yeedho magangalyo doonka ( Asylum Seeker ) Welwelka ugu horeeya ee Qoxootiga saameeya Dadka qoxootiga ahi marka yimaadaaan deegaan cusub waxa ay ka simayihiin saddex welwel oo ah sidan. 1.Xaaladaha khusaysa noloshiisa (Qoyskiisa, in isbadel uu sameeyo, iyo In Nabadgleyo uu ku noolaado) 2.Marxalladaha Bulshada dhexdeeda (Is dhexgalka bulshada, Qaraabada iyo Asxaabta) 3.Xaaladiisa Caafimaad aan lahayn xanuun Maskaxiyana iyo xubno jidhka ah oo deeqaha Eebe ay ka dhimanyiiin. Saddexda walbahaar xusuusta ku reeba maskaxda qofka qoxootiga ah 1. Murugada Xusuusta Xaaladihiisii hore ee tagay (Deegamadii uu ku korey, iyo dhibaatadii soo martey) 2. Welbahaarka Xaalada degaanka uu ku suganyahay (Diinta, dhaqanka, luqada iyo Cimilada) 3. Walaaca Mustaqbalkiisa ( Qoyska oo aan baahnayn, sharci, waxbarasho, Shaqo, Raysamaal , Cimriga iyo Caafimaadka ) Maxaa keena welwelka qoxootigu in ay murugoodaan ? Welwelka waxaa keena saddex arimood oo ah kuwa muuqda ee la isku raacey ee la soo gudboonaada qofka qoxootiga. 1. Welwel kedis ah ama ku soo boodo ah ( Acute Stress) Geerida qof aad jeceshahay, Masuubooyinka Dabiiciga ah iyo Shil culus 2. Welwel dabo-dheeraada: (Chronic stress) Xanuun dabo-dheeraada,Xerooyinka Qoxootiga ee lagu ku raago, sharciga oo ka raaga, Shaqo mashquula, shaqo ka fadhiisiin Imtixaanka la dhaco, iyo kala taga qoyska) 3. Welwelka maalinkasta Jooga: (Daily hassles stress) Gadiidka dawaynaha oo daaha, shaqada laga daaho, Jidka oo xidhma, Baabuurka ama buskulaytiga oo jaba iyo Is-bedelka hawada. Afarta qaybood ee Welwelka iyo Walbahaarku ay ka abaaraan qofka Sidoo kale welwelka iyo walaaca ugu wayn ee Qoxootiga ku nool dalalka shisheeye waa ka loo yaqano (HOMESICK ) ee ay qaloodaan qoxootigu oo ay tabaan in waxbadan ay ka maqanyihiin oo ku hilowda sidii ay ugu noqon lahayeen dhulkoodii hooyo , sida Soomaalida oo kale oo inta badan guryaha ay u yaaliin uguna xidh-xidhanyihiin boorsooyinku ama shandadaha, wakhtiga la noqonaya aan la garanayn. Xilliyadda ugu badan ee ay gacanta ka hadlaan dadka welwelsan 1.Calamadaha uu dareemo Jidhka qofka welwelsan ( Body Stress symptoms) Madax wareer, jidh cuncun, qoor xanuun, garbo xanuun, calool xanuun, dhagaha oo foodhya, yalaalugo, dedeg wax cunid,cunto yaraan, hurdo yaraan, fadhi badan, tamar la'aan, socod jiho lahayn, caajis,dib dambe u qoslin, kali socod, wax aan macno lahayn isku mashquuliya. 2.Calaamadaha Saameeya Niyadda qofka welwelsan (Emotional stresssymptoms ) ( Deganaansho la'aan, dib u gocasho,inla xumaynayo aamina, jecel sida uu jecelyahay loo jawaabo ama wax loola arko). 3.Calamadaha Saameeyaa Dabeecada qofka welwelsan (Behavioural stress -symptoms) Muran , dhakhso u ooya, indhaha ilmo ku joogsato, hurdada ilkuhu is lisaan, cidiyo qaniin, xanjo calalis badan, gujin, canaan badan,inkiraad. badan ,wanjalaad badan ,cabida Shaah iyo kaafee badan, iyo balwad xad-dhaafa sida Sigaarjka, Tubaakada, khamrada iyo jaaadka , xaga xun wax ka eega, sharciga eedeeya, markasta gafa hadana raali gelin badan, khaa-khaayiraad(indho ka hadal), jecel in dadku ay siiyaan taxadir isaga u gaara, ururiya sheekooyinka bulshada ka baxsan ee anshax xumada ah, ku wiirsada Adoonka ay ka dhimanyiihiin nicmooyinka Eebe ( laxaadka iyo nolosha) iyo -Diinta iyo dhaqamada oo uu ku jeesjeeso 4. Calaamadaha Saameeya Fikirka qofka welwelsan( Mental stress -symptoms) Go'aan la'aan,iloowshiyo badan iyo xusuus la'aan, maan guur, aan deganayn, Currin yar, qorshe xumo, waxba xalin karin. Welwelku qofka iimankiisa ayaa nuqsaama oo damiirkiisa ayaa hoos u dhaca kaas oo ku dambeeyo niyad Jab keena qalbi jab (depression) ku abuuraa murugo iyo walbahaar joogto ah isagoo wax walba ka soo maga (apathy) dabadeedna waxa uu noqdaa qof aan waxba xeerin oo akhlaaq xun oo ku nafisa marka uu gacan ka hadal sameeyo ama afkiisa ay ka soo baxaan hadalo xun oo karaahiyo ah oo dhibaateeya naftiisa ama bulshada, ismana ogo inta uu samaynayo uu ficilada noocaas oo kale ah . Haddii uu welwelku iyo walbahaarku ay ka xoog bataan qofkaasu Waswaas ayuu ku dambeeyaa wax kasta ka shakiya iyo cabsi saa'ida oo haatuf iyo jin ayaa ka adeegta qalbbigiisa oo haasaawiya ,dabadeena naftiisa ayuu waydiiyaa su'aalaha aan jawaabta lahayn. Welwelka ugu wayn ee Qaxootiyaddu ay la kulmaan Wadammadda horuumaray inta badan waxa ay isku raaceen in fowdada iyo dilalka dhagaraysan ay dhacaan xilliyadda qaboobuhu uu jiro, gaar ahaan inta u dhaxeysa( billaha September ilaa Maarso), xilliyadaas waxa uu qofku noqdaa madluun (somber) marka ay yaraadaan is dhex socodkii bulshadii u weheshanayey waxaana la soo darsa jaahwareer ku keena jidh xanuun iyo madax wareer saa'ida, taas oo kalifta in marka ugu horaysa uu abaaro qoyskiisa ama asxaabtiisa. Sidee looga hortagi karaa Waswaaska , Walbaharka iyo walaaca Wadamadda Qaxootiyadu joogan waxa ayay leeyihiin dhakhaatiir ku takhasustay iyo Macalimiin u tababaran dadka dhibaatadan ay la soo daristo, iyagoo inta badan ay ku dhiiri geliyaan cunto dheelitiran inuu quuto, nasasho , iyo in firfircooni jidhka laga shaqaysiiyo iwm. Laakiin marka laga hadlayo qalbiga saalimka ee Iimaanku ku jiro qofka Muslimka ahi waxa uu aaminsanyahay in wax kastaba ay Illaahay ku xidhanyihiin Qofku waxa uu nolosha ku leeyahay inta cimrigiisu uu ku simo,sidaa darteed qofka islaamka ee Eebe ka cabsadey, ee Adeecay Nabigeenii subanaa NNKH ee Waalidiintisana u ixsaan fala uma baahna daawooyin iyo dhakhtaro wakhti uu ku lumiyo, waxaana ku filan tawxiid adag iyo iimanka oo weel laga buuxsado, xidhiidhka qoyska, qaraabo salaanka, xidhiidhka saaxiibada wanaagsan, iyo sadaqada oo la bixiyo Warbixintan qeybo ka mida waxa aan ka soo feegaray hay'ada qaxootiga Holland qaybta Caafimaadka ee GGZ. Laba Aan Is Af-Aqoon Lamaane Jaceyl Ma Noqon Karaan? W.Q: Ali K. Kabadhe Suxufi Noloshu way qeybo badan tahaye bal qisan daya!! W aa gabadh Soomaaliyeed da’deedu waa 35 ilaa 40 haddaanay ka yarayn ba, waa hooyo gabadh 3 jir ah haysata qaar kalena Somalia kaga timi balse aan odaygii Caruurta dhalay la socon, miyay isfureen mise way is qabaan ninkii caruurta hore dhalay Alle ayaa og. Dalka wax badan may joogine mudo aan ka badnayn 6 billood bay joogtay. Afka dalkan ay timi lagaga hadlo ma taqaan, af aan kii hooyo (Somali) ahayna kuma hadasho. Taariikhda 15 Luulyo 2014 School luuqada laga barto ayaa loo diray, waa qof aan berigii hore school soo dhigan oo aan gundhig ‘’Base’’ fiican lahayne waxan loo dhigayo meel ay ula kacdo iyo meel ay ka bilowdo midna ma taqaan mudo laba toddobaad ah markii ay class-ka fadhiday waxay is barteen nin u dhashay Dalka west Africa ku yaal ee Guinee-Bissau. Ninku iyada kuma dhaamo luuqadan loo dhigayo oo wax badan ba kama soo horrayn, laakiin wuxuu ku hadlaa luuqadaha Portuguese-ka iyo French, balse iyadu labadan luuqadood ee wiilkan ay is barteen ku hadlo midna ugama duwana tan loo dhigayo ee aanay fahmayn. Ninkan odayga ahi marka uu fahmi waayo waxa macalimiintu u sheegayso waxaa loogu sharaxaa luuqada Frenchga, balse gabadhu luuqada macalinku ku hadlayo iyo tan wiilka ay is barteen ku hadlayo waxay moodaysaa isku mid. Gabadhii iyo Wiilkii mindhaa midabka madow ayay isku raaceen inkasta oo gabadhu tahay hablaha Somalida kuwa ugu quruxda badan oo aan midabkeeda laga soocayn hablaha carbeed. Si ay isu fahmeenba labadii qof muddo kooban gudaheed waxay noqdeen nolol wadaag. Maalin ba maalinta ka danbeysa way isku soo daddoobayeen ilaa markii danbe ninkii odayga ahaa gurigii gabadha usoo wareegay oo halkaa la wada degay. Habeen ba tilmaan leh hooyo iyo naxariista ka dhaxaysa ilmo ay dhashayna waad garanaysaan macaanka iyo muxubada ay innagu soo koriyeena waad ogtihiin Ilahay ha dhowro hooyooyinkeene. Inantii yarayd ee ay dhashay gabadhu ayaa habeenkii danbe xumadi ku soo booday aad iyo aad bay u xanuunsatay way darbadootay siddii hooyo ilmaheeda ula baxaadegi jirtay ayay jiif iyo joogba u diiday, ninkii odayga ahaa wuu joogaa waanu arkaa in Inantii yarayd wax ka si’yihiin balse ma ogga waxa ku dhacay iyana uma sheegi karto oo ma odhan karto Inantii way xanuunsanahaysaa. Markii ay dhowr saacadood ka soo rayn waydey waxay Gabadhii telefoon u diraysaa Gabadh kale oo Somaliyeed oo agteeda deggan waxay odhanaysaa ‘’ Inantii yarayd ayaa aad iiga xanuunsanaysaa walaal waxaan kaa codsanayaa in aad ii gurmato oo aad ii wacdo meel aan dhakhtar ka heli karo,’’ gabadhii kale oo naxsan baa tidhi, ‘’ Miyaan kuu imaadaa mise Ambulance baan kuu wacaa”? Intaa markii ay weydiisay waxay Hooyadii ilmaheedu xanuunsanayey ka fekeraysaa Xanuunka ilamaheeda haya iyo xishoodkii Hablaha Somalida u gaarka ahaa, waxaa niyadeeda ku soo dhacaya ninkan meesha u fadhiya iyo xaalada gurmadka u baahan ee aan indhaha laga qarsan karin! Haddii ay odhan lahayd ninkan iga bax oo dadbaa ii imanayee orod meelahaa soo wareeg luuqadii ay intaa ku odhan lahayd ma garanayso, xitaa haddii ay odhan lahayd yara dhuumo oo meelahaas isku yara qari ma odhan karto, haddii ay odhan lahayd gabadha kale ee caawinaysa Ambulance uun ii wac hadhow cid dhakhtarka uga turjunta ma haysto daqiiqad badhkeed waxay go’aan ku gaadhay si inanta yar loola badbaadiyo. Haddii fooli timaado guda qarsi hadhane gabadha ii kaalay dheh oo Inanta yar dhakhtar iigu wac isoo orod bay ku tidhi gabadhii ay jaarka ahaayeen....la socota Q2aad
Similar documents
Caruurta codsanaysa magangalyo caalami ah
Haddii aad halkan magangalyo ka radinayso iyadoo ay sababtu tahay inaad ka cabsnayso wadankaagii asalka, waxaan tan ugu yeernaa ‘magangalyo doon’. Magangalin waa meesha lagugu siinayo magangalyada ...
More information